Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,424
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Abu Dabai (Caasimada Online)-Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka isutaga Imaaraadka carabta ayaa sheegtay in mustaqbalka dhow ay hanta doonto dhammaan dekadaha Somalia kuwa gacanteeda ku jira iyo kuwa aan gacanta ugu jirin. Shirkada ayaa tilmaantay inay muhiim u tahay in sharciyadeeda laga hirgaliyo dekadaha si ay u hantiso dhammaan dekadaha Africa, gaar ahaan kuwa Somalia. Agaasimaha Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay inuu wali jiro muran kala dhexeeya dowlada Somalia, hase yeeshee ay mar waliba ka go’an tahay inay hantiyaan Dekadaha ugu muhiimsan ee Somalia. Waxa uu Mr Suldaan Ahmed Bin Suleymaan carab ***** in qorshahooda uu ku xeran yahay keliya wadahadal dhexmara Somalia iyo Imaaraadka, waxa uuna meesha ka saaray in Heshiisyada lagu galay maalgashiga Dekadaha Somalia ay ka maran yihiin. Suldaan Ahmed Bin Suleymaan, waxa uu tilmaamay in Heshiisyada Somalia iyo Ethiopia ee arrimaha maalgashiga Dekadaha ay qeyb ka yihiin hase yeeshee ay muhiim tahay in loo aqoon sado dadaalada ay kawado Somalia. “Mustaqbalka dhow wey naga go’an tahay inaanu soo gacan galino maamulka Dekadaha Somalia, waayo waa dhif dal ama Shirkad xiligan Somalia ka caawin karta arrimaha Dekadaha” Suldaan Ahmed Bin Suleymaan, waxa uu tilmaamay in Somalia qudheeda ay garwaaqsan tahay in Shirkada DP World ay ku wanaagsan tahay arrimaha Dekadaha, balse uu jiro khilaafyo mugdi galiyay awooda shirkada ee dhanka Somalia. Waxa uu agaasimuhu carab ***** in xal waara ay u heli doonaan khilaafka iyo tabashooyinka Somalia, iyadoo laga duuli doono baahida taagan ee dhinacyada Dekadaha iyo maalgashigooda. Sidoo kale, Suldaan Ahmed Bin Suleymaan waxa uu shaki galiyay in Ethiopia ay si buuxda isku waafajin karto Heshiiskaiyo howlaha Dekadaha, isla markaana ay u muuqan doonto in DP World loo madaxbaneen doono fursada. Haddalka Agaasimaha DP World ayaa kusoo beegmaaya xili uu shirkada ka dhamaaday Heshiiska dib loogu dayactiraayay Dekadda Berbera. Caasimada Online Xafiiska Abu Dabai Caasimada@live.com
  2. Nairobi (Caasimada Online)-Iyadoo ay sii kordhayaan eedeymaha isdabajooga ah ee loo jeedinaayo dowlada Kenya, ayaa waxaa eedey taa lamid ah jeediyay Hoggaamiyihii hore Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya Faarax Macallin. Faarax Macallin, ayaa dowlada Kenya ku eedeeyay inaysan ka adkeyn ciidankeeda jooga Koofurta Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in ay qabtaan howlo ka duwan howshii loo diray ee nabad ilaalinta ah. Faarax Macallin, oo qoraal kooban kusoo daabacay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay gabood fallo ka geystaan Gobolak Gedo, balse aanu jirin cid kula xisaabtanta dhibaatooyinkaasi. Waxa uu sheegay Faarax Macallin in dhibaatooyinka ay geystaan ciidamada Kenya ay ka mid yihiin Kufsiga Haweenka,Dilka Dadka rayidka ah iyo leynta xoolaha. Faarax Macallin, waxa uu tilmaamay in dhacdooyinkaasi oo idil ay indhaha ka qabsato dowlada Kenya iyo Saraakiisha horboodeysa ciidamada geysta dhibaatooyinka foosha xun. Faarax Macallin, waxa uu Saraakiisha amaanka ee Kenya ka codsaday in baaritaan lagu sameeyo Ciidamada ka dambeeya dhibaatada joogtada ah ee loo geysto dadka rayidka ah. “Kenya waa inay ciqaabtaa saraakiisha lagu helo in ay ka dambeeyaan arrintaas, waayo waxaanu suuragal ahey in indhaha laga qabsado dhibaato lagu hayo Umad jirta”. Taliyaha Ciidanka Kenyan,Gen. Mwathethe, ayuu ku yiri “waa inaad si xawaaro leh u baartaa, tallaabana uga qaaddaa Ciidamada falkaas geystay”. Ciidamada Kenya ayaa Bishii la soo dhaafay kaliya la sheegayaa in lix Haween ah ay ku kufsadeen Gobolka Gedo. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu arrimahaani isbiirsaday ku sheegay mid ay Kenya ka indha qabsaneyso isagoo ku baaqay inay muhiim tahay in Kenya aysan dhaawicin derisnimada kala dhexeysa Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isal wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay ballanqaaday in dhismo degdeg ah lagu sameyn doono tiyaatarka iyo maktabada Qaranka. Ra’isal wasaaraha xukuumadda ayaa sheegay in dhismaha tiyaatarka iyo maktabada ay muhiim u tahay dalka, waxa uuna ku celcelshay in si dhaqsi ah lagu dhisi doono. Wax uu Kheyre tilmaamay in dowladiisu ay ka dhabeyn doonto furida iyo yagleelida xarumaha muhiimka u ah shacabka. “Mar waliba waxaa naga go’an inaan dib usoo celino xarumaha muhiimka ah waxaanu dooneynaa in shacabkeena aysan tabin xarun tiyaatar iyo maktabad Qaran” “Waad la soctaan waxyaabihii aan horay idinkugu ballanqaadnay waan sameynay intooda badan kuwa harsan ayaanu u gudbi doona sida ugu dhaqsiyaha badan ayaanu ku dhisi doona” Mr kheyre ayaa carabaabay dhismaha lagu sameyn doono tiyaatarka iyo maktabadda Qaranka ay iska kaashan doonaan xukuumadda Somalia iyo waliba maamulka gobalka Banaadir si loogu wacyigeliyo buu yiri dhalinyarada Soomaaliyeed. Xasan Cali Kheyre, Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku wareejin doonaan khibradahooda marka ay majaraha ay u qabtaan dowladnimada dalkeena Soomaliya arintaasina ay hadda ka fekerayaan qaabka ay u marayaan maadaama aynaan la joogin. Hadalkaan ayuu ka sheeegay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Cali kheyre munaasabad lagu soo xerayay carwada bandhiga buugaagta ee sanadkiiba mar lagu qabto gudaha magaaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. As Riyadh dawdles on reforms, money is stampeding to the exits. Source: Hiiraan Online
  5. The UN refugee agency, UNHCR said on Friday that it has voluntarily repatriated 81,451 Somali refugees from Kenya as at July 31 since the voluntary return exercise began in December 2014. Source: Hiiraan Online
  6. Eric Sevareid (1912-1992), the author and broadcaster, said he was a pessimist about tomorrow but an optimist about the day after tomorrow. Regarding America’s economy, prudent people should reverse that. Source: Hiiraan Online
  7. The crisis between the United States and Turkey, a NATO ally and traditional bulwark of American policy in the Middle East, is serious. While the relationship between them has often been fraught, the two countries have generally managed to keep difficulties within acceptable limits. No longer. Source: Hiiraan Online
  8. The parking lot behind a Halifax mosque erupted into activity when prayer let out Friday afternoon, with Saudi students selling off their cars and other belongings after being ordered to leave the country by their home government. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dadbadan waxaa ay qabaan in ay adagtahay in ciidamada Somalia ay ku guuleystaan sugida amniga, taas oo ka dhigan inaan sanadaha soo aadan laga maarmi karin ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom. Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo aya maanta isbadal xoogan ku sameeyay ciidamada xooga, booliska iyo sirdoonka waana markisii labaad iyo sadexaad ee uu sidaa sameeyo. Maxamed Cali oo ka tirsanaan jiray siroonka Somalia oo hada ku nool London ayaan weydiinay sida uu arko is babadalada ciidan ee uu sameeyay Farmaajo iyo hadii uu aaminsan yahay inuu isbadal ku imaan karo ciidamada Somalia. Wuxuu aad u dhaliilay sida deg degta ah ee xilalka looga qaado madaxda ciidanka Somalia iyo nooca dadka loo dooranaayo ciidanka isagoo sheegay iney taasi dhali doonto in ciidanka Soomaaliya aaney waligood hanan amniga dalka. “In miltariga 8dii biloodba masuul cusub loo dhiibo, si la mid ah Nabad Sugida iyo Booliska waxaa ay muujineysa hogaan xumo, waxey dileysa qorshooyinkii ciidanka , waxa mar walba ka dhalan doonta habacsani iyo dib u dhac ayuu yiri. “Waxyaabaha aan la yaabnay waxaa nooca dadka la rabo iney amni keenaan ee madaxda looga dhigaayo ciidamada,waa dad aan waligood fagaaro ciidan tagin oo aan barran shaqada ciidanka, Somalia umbaa ka jirta meel xilalka ciidanka dad caadi ah lagu tijaabiyo ayuu hadalkiisa ku daray. Wuxuu sheegay inuusan ciidanku guuleysan karin hadii aan shaqada loo dhiibin dad mudan oo aan sidoo kale la siinin waqti dheer oo ay ugu saldhigaan amniga dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Hargeysa (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay garaneyso waajibaadka ka saran difaacashada Gobolka Sool oo taabacsan Somaliland. Biixi waxa uu sheegay in Gobolka Sool uu leeyahay taariikh fog isla markaana adduunka uu la socdo cida xaqa u leh Gobolkaasi Somaliland iyo Puntland. Waxa uu tilmaamay in Somaliland ay garaneyso sida ay u xoreysan laheyd Gobolka Sool, balse aysan diyaar u aheyn in rasaas ay ridaan ciidamadooda ay waxyeelo u geysato dad shacab ah. Waxa uu tilmaamay in aamusnaanta Somaliland ay ka turjumeyso lahaanshiyaha Gobolka Sool, waxa uuna cod dheer ku sheegay in ciidamada maamulka ay xor u yihiin ku noolanshiyaha Gobolka iyo difaaciisa. “Waxa aan ka hadlaayo waa wax aan anagu leenahay Sool taariikhdeeda cidna kama qarsana anigu waxa aan leeyahay difaaca Gobolka waa mid ay qeyb ka yihiin shacabka” Waxa uu tilmaamay in ciidamada Somaliland ay kusii nagaan doonaan dhammaan difaacyada deegaanka Tukaraq, waxa uuna meesha ka saaray in deegaankaasi uu ka baxaayo gacanta maamulka. Sidoo kale, Muuse Biixi, ayaa dadka Gobolka ugu baaqay inay ilaashadan dhulkooda, isaga oo awood sheegashada Puntland ku si feeyay mid aan meel fog gaarsiisneyn. Haddalka Muuse Biixi ayaa u muuqanaaya mid lagu burburinaayo rajadii laga lahaa xalinta Khilaafka labada maamul ee sababay dagaalka ka taagan Gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tukaraq. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday in amniga magaalada Muqdisho ay la wareegi doonaan ciidamo cusub oo ka duwan kuwa hadda shaqeeya. Dowladu waxa ay tilmaantay in ciidamadan ay yihiin kuwo da’yar isla markaana ka dhisan dhan waliba si ay ula dhaqmaan dadka shacabka ah. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ammaanka caasimadda ay la wareegi doonaan ciidamada aan kor kusoo sheegnay. Waxa uu tilmaamay in afartii bil ee la soo dhafay uu ammaanka Caasimaddu ahaa mid ka wanaasan sidoo hore, haatanna ay qorsheynayaan in ay nabad gelyada gobolka Banaadir ka qayb qaataan wajiga Labaad 2,000 oo ciidamo Boolis ah. Waxa uu tilmaamay in dowladu ay qorsheysay in amniga loo gacan galsho ciidamo aan wax balwad ah lahayn aadna u tababaran si ay bulshadu u hesho nabadgelyo buuxda. Waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay tallaabooyinkaasi u mareyso ka gun gaaridda ammaanka caasimadda, waxa uuna cadeeyay inay dib u habayn ku sameeyen maamulka iyo maaliyadda gobolka, isagoo sheegay in ay daadejiyeen maamulka lana gaarsiiyo degmooyinka Caasimadda. Dhinaca kale, ciidamadan oo ku jira xiliga gabagabada tababarka ayaa waxaa ay howlgalintooda ka danbeysay kadib amar kasoobaxay Ra’isul wasaare Kheyre kaa oo lagu qoraayo ciidamo cusub. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyip Erdogan, ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisa ay cashar lama ilaaban ah u dhigeyso dalka Mareykanka. Erdogan, waxa uu sheegay inay sii fogaan doonto rajada sanadihii danbe laga qabay xiriir dib danbe u dhexmara dowladaha Turkiga iyo Mareykanka. Erdogan, oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa tilmaamay in Turkiga ay ka maarmi karto Mareykanka, hase yeeshee ay la socdaan in Mareykanka uusan ka maarmi Karin Turkiga. “Ka turki ahaan weynu ka maaranaa Mareykanka balse iyagu nagama maarman, weyna adkaan doontaa inaan dib xiriir ula sameyno” Waxa uu intaa raaciyay inaysan u nixi doonin Mareykanka isla markaana ay ku jawaabi doonaan mid u dhigma ficilka ay sameeyan. Erdogan, ayaa shacabka Turkiga u ballanqaaday inuusan u duleyn doonin Mareykanka, maadaama ay ku kala duwan yihiin dhaqan iyo diinba, sida uu hadalka u dhigay. Mar uu ka hadlaayay dhanka quwada ayuu sheegay inuu aaminsan yahay in dowlada Turkiga ay ka quwad badan tahay Mareykanka, balse aysan diyaar u aheyn inay banaanka soo dhigaan awoodooda. “Sida uu Trump moodo maaha arrinku waxaanu rumeysanahay in Turkiga ay ka quwad badan tahay Mareykanka” Sidoo kale, Erdogan waxa uu ku goodiyay in dowladiisa ay cashar lama ilaaban ah u dhigi doonto Trump iyo dowladiisa, waxa uuna ka digay inay kasoo gudbaan xadka loogu tallo galay, maadaama uusan jirin xiriir. Geesta kale, Erdogan ayaa shacabkiisa ku booriyay inay is baraan ka maarmida dhammaan waxyaabaha uu soo saaro Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. A doctor was stabbed to death in his own practice on Thursday in a seemingly unprovoked attack in the south-western German city of Offenburg. Source: Hiiraan Online
  14. Amal Mohamed grew up watching her father work to build the life he created for his family after immigrating to the United States from Somalia in 1990. Source: Hiiraan Online
  15. Washington (AFP) - Former CIA directors and another half dozen of America's most senior spies have issued an unprecedented condemnation of President Donald Trump, after his decision to blacklist their colleague John Brennan. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu -- The United States Agency for International Development (USAID) has sponsored the Mogadishu Book Fair (#MBF2018) for three years in a row in support of a Somali-driven campaign for literacy. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxaa goordhow oo caawa ah laga maqlay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay, ayaa waxa uu si gaara uga dhacay aaga wadada Taleex. Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal ruux, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex qof oo shacab ah, kuwaasi oo la dhigay isbitaalada ku dhow Taleex. Qaraxa kadib ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaao lagu xaqiijinaayo Qaraxa iyo cidii ka danbeysay. Si kastaba ha ahaatee, Qaraxan ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho ay maalmahaani ka caaganeyd Qaraxyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Afgooye (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in Qarax lala eegtay gaadiid dagaal oo uu la socday Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Gen. Cabdullaahi Cali Caanood oo shalay uu xilka ka qaaday Madaxweynaha. Caanood, ayaa Qaraxa lagula eegtay Jiiro Gaaljecel oo u dhaxeysa Lambar 60 iyo Shalambood, waxaana lasoo sheegayaa in Qaraxa uu la kacay ku dhawaad laba gaari oo kamid ahaa gaadiid dagaal oo uu galbinaayay Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Gen. Caanood. Gaadiidka uu galbinaayay Caanood ayaa la sheegay in guud ahaan ay ahaayen 46 Cabdi Bille kuwaa oo dib ugu soo laabanaayay magaalada Muqdisho oo markii horaba ay ka tageen. Qaar kamid ah Saraakiisha wehlineysay Abaanduulaha ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi uu burburiyay hal gaari, halka gaari kale uu soo gaaray burbur aan sidaa u buurneyn, islamarkaana waxyeelo uu ka soo gaaray ciidankii gaariga saarnaa. Waxa ay sheegen in Qaraxa uu ka badbaaday Gen. Caanood, hase yeeshee ay waxyeelada ugu badan aheyd mid soo gaartay ciidamada. Si kastaba ha ahaatee, waxaan Ilaa hadda la ogayn khasaaraha guud ee ciidamada kasoo gaaray Qaraxa waxaana arrintaasi ka gaabsaday Saraakiisha xaqiijisay burburka labada gaari oo dab ka dhashay Qaraxa qabsaday. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  19. NAIROBI, Kenya (Caasimada Online) -Head of African Union peacekeeping mission in Somalia, Francisco Madeira, has visited soldiers injured in attacks by Al Shabaab, who were hospitized in Kenya’s capital Nairobi. Madeira was welcomed by Brigadier George Ejalan after visiting to Kenya Defence Forces Memorial Hospital (DFMH) in Nairobi. He was later taken on a tour of various facilities in the hospital, including the laboratory, the renal unit, the Intensive Care Unit, the radiology department and the male casualty wards. Amb Madeira encouraged all servicemen who served in Somalia, while at the same time expressing his gratitude for their service and wished them quick recovery. He also awarded them gifts and presented cards with messages of quick recovery. Madeira termed his visit as part of his third quarter visit that he regularly makes to referral hospitals where African Union (AMISOM) soldiers are hospitalized after facing challenges on fighting against Al Shabaab. “I would like to commend the equipment upgrade at Kenyan Defence Forces Memorial Hospital (DFMH) in Nairobi”, he said He also urged Kenyan government to continue to invest and improve the capacity and quality of services. Meanwhile, he said African Union soldiers from Kenya are improving ways of how handling Al Shabaab fighters in the battlefields in Somalia. “We are not just exposing the peace enforcers to danger anymore, but we make sure that when they go to face the enemy, they have proper gear that makes them come out in one piece and that’s why there are not many here,” he noted. The head of African Union has, however, reiterated its support to weak-western backed government of Somalia in fighting against Al Shabaab. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. Somalia has been gripped by violence and lawlessness since the toppling of dictator Mohamed Siad Barre in the early 1990s. Caasimada Online Nairobi News Desk Caasimada@live.com
  20. Garoowe (Caasimada Online )-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ay ciidamada Puntland ku qaaden deegaanka Af-urur oo muddo bil ku dhow ay gacanta ku hayeen al-Shabaab. Ciidamada maamulka oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dib u qabsaday Af-urur waxaana halkaasi ka huleelay maleeshiyada Al-Shabaab oo muddo heystay. Taliye ku-xigeenka ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland General Cabdi Axmed Xaashi oo lahadlay idaacada VOA ayaa sheegay in ciidanka Maamulka Puntland ay dib ula wareegen deegaanka Af-Urur iyagoo aney la kulmin wax iska caabin ah, waxa ayna halkaa ciidamada ku arkeen alaabo ay uga tageen Shabaabka. General Cabdi Axmed Xaashi oo sii hadlaayey ayaa tilmaamay intii ay hawlgalka ku jireen in aysan la kulmin wax iska caabin ah, isla markaana ciidamada ay hada ku sugan yihiin jiidaha Af-Urur. Waxa uu sheegay in sinabad ah ay deegaankaas kula wareegeen ka dib howlgal ay sameeyeen sida uu sheegay. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhufeysyada ay ka baxeen Al-Shabaabka laga helay Kitaabo iyo darees ciidan oo laga cararay kuwaa oo ay goobta ka qaaden ciidamada. Waxa ay sidoo kale halkaa uga tageen bustooyin iyo joodariyaal ay isticmaali jireen Al-Shabaabka mudada ay halkaa heysteen. Waxa ay intaa ku dareen in bixitaankooda kadib la helay dhalinyaro iyaga u xirnaa kuwaa oo markii ay Shabaabka qabsadeen ku jiray dhismooyin ay xabsiyo kasii dhigteen. Si kastaba ha ahaatee, Ciidamadii La wareegay Degaanka ayaa Wada Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan Oo lagu baadi goobaya dagaalamayaashii ka tirsanaa Al-shabaab ee Maamulaye deegaanka Af-Urur ee Maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  21. Sawir hore – Miyiga Nugaal Xiisad sababtay gacan ka hadal ayaa ka taagan miyiga gobolka Nugaal, taas oo u dhexaysa ganacsato iyo dadka miyiga. Xiisadan ayaa hadda ka taagan deegaanka Shinbiraalay oo qiyaastii 45 killo mitir u jirta magaalada Garowe, waxayna ka dhalatay dhul xirmeysi ay sameeyeen ganacsato, taas oo sababtay in reer miyi isa soo abaabulay ay weeraraan meel laga qodayay ceel biyood loogu talagalay dhulkaas. Weerarka reer miyiga ayaa sababay khsaare hantiyeed, kadib markii waxyeello soo gaartay Riigii qodayay ceelka oo ay ku dhacday rasaas. Deegaankaas waxaa hadda isku hor-fadhiga reer miyi hubaysan oo meelo badan isaga yimi iyo maleeshiyo ay la yimaadeen ganacsatadii dhulka xirmeysatay, waxaana laga cabsi qabaa dagaal dhexmara labada dhinac, sida uu PUNTLAND POST u xaqiijiyay mid kamid waxgaradka deegaanka. Maamulka Puntland ayaa ilaa hadda wax talaabo ah ka qaadin arrintan, waxaana ku jira odayaal dhaqameed aan wali xal ka gaarin. Dhul daaqsimeedka gobalka Nugaal, gaar ahaan dooxada Nugaal waxaa sanadihii dambe fara ba’an ku hayay siyaasiyiin, ganacsato iyo qaar kamida dadka ugu jeebka roon magaalada Garowe, kuwaas oo xirtay dhul daaqsimeed aad u baaxad weyn oo la sheego in ay ka sameeyaan dhaqaale. Dadkan ayaa qaarkood sheegaan in dhulkan ka hirgelin doonaan mashaariic muhiim ah sida maxjaro iyo beero, balse dadka deegaanka ayaa u arka arin beena oo qiil looga dhigayo xalaalaysiga dhul daaqsimeeka xooluhu daaqaan oo larabo in dhaqaale laga sameeyo, sida ay sanadkii hore PUNTLAND POST u sheegeen odayaasha miyiga. Dhul xirmeysiga ayaa carqabad ku ah xoolaha oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn oo ay umadda Soomaaliyeed ku tiirsan tahay. PUNTLAND POST The post Xiisad ka taagan miyiga Nugaal appeared first on Puntland Post.
  22. Military forces of Somalia’s semi-autonomous Puntland region have retaken a strategic town from Islamic militant group al Shabaab, an officer said on Friday. Source: Hiiraan Online
  23. Turkey is not in competition with any other country in trying to resolve the conflicts in Somalia, according to the Turkish ambassador to Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  24. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online)—Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has departed from Djibouti to Turkey’s capital Ankara, after receiving an official invitation from his Turkish counterpart, Recep Tayyip Erdoğan. President Farmajo was invited by Turkish president Erdoğan to attend the AK party’s 6th Ordinary Congress that will be held on Saturday in Ankara capital. The two presidents will discuss bilateral relations, cooperation on economy, security and promote trade and investment. Somali president and other heads of states have been invited to attend congress of Turkey’s ruling Justice and Development (AK) Party in Ankara. The close ties between Erdogan and Somalia’s leadership were also on display straight after a failed coup attempt in Turkey last year, blamed by Ankara on Fethullah Gulen, an exiled religious leader and businessman based in the US. Turkey’s pivot towards Somalia was signalled in 2011 when President Recep Tayyip Erdogan, who was a prime minister at the time, visited the Horn of Africa country at a time when Somalis were experiencing one of the worst famines of the region. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  25. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online)—Islamist group Al-Shabaab fighters carried out an attack on hotel in Barawe town, about 180 km (110 miles) south of of Somalia’s capital Mogadishu. The group’s fighters armed with rocket-propelled grenades (RPGs) and machine-guns clashed with guards at the hotel after the ambush attack, a witness said. He says the security forces had repulsed the attack launched by Al-Shabaab, adding that heavy bursts of weaponries could be heard near the hotel, he said. The attack was immediately claimed by Al Qaeda linked Al Shabaab group. The group says it has killed several soldiers in the assault. “We have targeted Somali and African Union officials, who were at the hotel”, the group said. It is unclear the exact figure of casualty of the attack. Somali military officials were unavailable to reach on the phone for comments on the latest raid in Barawe town. The attack comes days after African Union peacekeeping forces’ army chief visited to army camps in the town, urging all troops to launch joint military offensive against Al Shabaab. The Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however, it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com