Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,416
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kofi Annan, the former UN secretary-general who won the Nobel Peace Prize for humanitarian work, has died aged 80, international diplomats say. He "passed away peacefully on Saturday after a short illness", the foundation named after him said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo kamid ah Siyaasiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha ku khasbay inuu taageero dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo. Salaad Cali Jeelle oo u waramaayay telefashinka Dalsan ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee uu u taageeray dowlada hadda jirta ay tahay inay ka fogaatay waxyaabihii lagu dhaliili jiray dowladii hore. Salaad Cali, waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ee hadda jirta ay inta badan xooga saarto baahiyaha Shacabka iyo qabashada howlaha loo igmado, taasina ay ku khasabtay in la taageero, sida uu hadalka u dhigay. Salaad Cali oo wax laga weydiiyay waxa ay ku kala duwan yihiin dowladii hore ee uu mucaaradka ku ahaa iyo dowladani, ayaa sheegay in Dowladii Xasan Sheekh uu ku ahaa mucaarad isaga oo sabab ka dhigay inay caqabad ku aheyd xisbigiisa iyo arrimo kale oo u gaar ahaa. Salaad Cali oo wax laga weydiiyay wararka sheegaya in dowlada Somalia ee hadda jirta uu ku taageeray lacago joogta ah oo bil waliba ay siiso ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid ay faafiyeen mucaaradka iyo kuwo uu ku tilmaamay Qaran dumis. Waxa uu sheegay inay jiraan dad Qaran dumis ah oo sida ay doonaan u dhiga hadalka, hase yeeshe waxa uu tilmaamay inaanu xaqiiq aheyn warkaasi, waxa uuna isku sifeeyay inuu yahay wadani. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Runtii dadka Soomaaliyed labo ayay u qeybsan yihiin, hadii adiga aad wadani noqoto dad qaran dumis ah ayaa dadka Soomaaliyeed waxay dhahayaan Wadani, qaar wanaagsana oo wadaniyiina oo dalkaan qaranimadiisa doonayana,waxaa dhici karta in qaladaad loo yeelo, aniga mar ayaan mucaarad ku ahaa dowladii Xasan oo waxay isbaaro u dhigatay xisbiyada Siyaasadeed” Sidoo kale, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay mudan tahay in lala shaqeeyo, isaga oo carab ***** in Somalia aysan xiligaan u baahneyn dhibaato. Geesta kale, Salaad Cali waxa uu sheegay inay u muuqato rajo wanaagsan oo ka dhalankarta dadaalka ay wado dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. RIYADH (Reuters) - Qatar has accused Saudi Arabia of barring its citizens from this year’s haj, something Riyadh denies, saying a diplomatic dispute is not stopping Qataris from making the pilgrimage to Mecca. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dhanka Xafiiska Ra’isul wasaraha Xukuumada Somalia ayaa sheegaya in Kheyre uu wado qorsho maxkamad lagu soo taagayo Saraakiil ka tirsan Hay’adda amaanka dalka. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la sheegay in si hordhac ah uu qorshahaani latashi kala sameeyay Taliyayaal ka kala tirsan Hay’adda amaanka kuwaa oo qudhooda aan la dhacsaneyn Saraakiisha qaar. Saraakiisha uu Ra’isul wasaare Kheyre la damacsan yahay maxkamadeynta ayaa loo heystaa tuhuno la xiriira ku lug lahaanshiyaha Qaraxyo dhowr ah oo dhacay. Qaar kamid ah Saraakiish ayaa loo heystaa amar diido ka dhan ah Taliyayaashood, halka qaarna ay ka macaashan Hubka ciidanka loogu tallo galay oo ay iibsadan. Ra’isul wasaare Kheyre oo iminka lagu wareejiyay liiska tiro Saraakiil ah ayaa doonaya in kiisaska musuqa ee loo xiraayo Wasiir ku-xigeenada iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha ay qeyb ka noqdan Saraakiisha, waxa uuna rumeysan yahay in amniga dalka uusan wanaagsanaan doonin iyadoo aan la arag Saraakiil iyo ciidamo uu xukun ku dhacaayo. Sidoo kale, Kheyre ayaa horay u sheegay in mudada ay hayaan xilka ay si weyn ula dagaalami doonaan waxa uu ugu yeeray musuqa ragaadiyay Somalia. Arrintan ayaa imaaneysa xili mas’uuliyiin dhowr ah ay u xiran yihiin falal ay kamid yihiin musuqa hanta Qaran iyo mid shacab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. ADDIS ABABA, (Xinhua) -- Ethiopia has established emergency healthcare centers to provide medical service to Ethiopian returnees from neighboring Djibouti, Ethiopia’s Ministry of Health revealed on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  6. The hopes of getting relief after escaping war and poverty in Somalia to settle as refugees in Kenya are getting dashed for many Somali women. Source: Hiiraan Online
  7. South Sudanese president Salva Kiir is expected to meet his Eritrean counterpart Isaias Afwerki in Asmara on Saturday, some Eritrean journalists have reported. Source: Hiiraan Online
  8. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Maamulka Hir Shabelle ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Hir Shabelle Maxamed Cabdi Waare in uu ku guul dareeystay Hogaaminta Maamulka Hir Shabelle. Xildhibaanadaan oo kulan ku yeeshay Magaalada Jowhar ayaa dhaliilay Madaxweyne Waare. Xildhibaadana ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweyne Waare aanu waxba ka qaban dhibaatooyin ka taagan Hir Shabelle. Maxamuud Siyaad Barqadle oo kamid ah Xildhibaanada Hir Shabelle ayaa sheegay in sanadka uu madaxweynaha yahay Mudane Waar aynan mooqan Waxqabad Muuqda. Xildhibaanadka ayaa sheegay in Golaha wasiirada Hir Shabelle tan iyo markii la magacaabay aanay waxba qaban isaga oo ku eedeeyay Madaxweyne Waare in uu joojiyay in ay kulmadaan Xildhibaanada. Ugu Dambeeyntii xildhibaanka ayaa ugu baaqay in Madaxweynaha uu is Casilo. Qilaaf ayaa ka taagnaa baryihii ugu dambeeysay Maamulka Hir Shabelle. Hoos ka Dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/08/Xildhibaan-Hir-Shabelle.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Xildhibaanada Hirshabelle” Ha is Casilo Madaxweyne Waare” appeared first on Puntland Post.
  9. War kasoo baxay Golaha Xuquuqda aadanaha ee hay’adda qaramada midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay ay Alshabaab sare u qaadeen dilalka ay ka geesanayaan magaalada muqdisho islamarkana in ka badan 44 qofood lagu dilay siyaabo kala duwan. Hay’adu ayaa waxaa ay sheegtay in dadka la dilay ay u badnaayeen ergooyinkii soo doortay qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo odayaal dhaqameedyo iyadoona bishii February ee sanadkii hore la bartilmaameedsaday 29 ruux oo qeyb ka ahaa doorashadii madaxtinimo ee dalka ka dhacday. Dhinaca kale hay’adu ayaa carabaawday in inka badan 14,000 oo kamid ahaa ergooyinkii soo dooranayay xildhibaanada ay la kulmeen handadaad oo sida la sheegay ay kala kulmayeen Xarakada Alshabaab. Tobankun oo ruux ayaa ku geeriyooday sanadihii ugu dambeeyay guud ahaan soomaaliya iyo dalka Kenya iyadoona tiro intaas kabadana ay isaga barakaceen. Tan iyo sanadii 2011-kii dalka Kenya ayaa wajahaya dagaalo xoogan kadib markii ciidamada difaaca Kenya ay usoo talaabeen soomaaliya kuwaa oo qeybka ah howlgalka midowga Africa Amisom ee dowlada kataageeraya ladagaalanka al-shabaab halkaa oo ay intii ay kusugnaayeen cidamadooda gudaha somaliya uu dalka Kenya kadhacay weeraro xoogan oo uu kamid ahaa weerarkii sanadii 2013kii lagu qaaday xarunta laga dukaameysto ee Westigate Mall iyadoona ay kugeeriyoodeen inka badan 67 qofood oo kusugnaa xaruntaasi. PUNTLAND POST The post Qaramad Midoobay oo War Kasoo Saartay Beegsiga Shabaab ay Ku Hayaan Dhaqanka iyo Ergada appeared first on Puntland Post.
  10. Ankara (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Turkiga Rajap Dayib Erdogan ayaa markii ugu horeysay dhigiisa Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku marti galiyay Shirka Golaha Guud ee xisbiga Taladda Haya ee dalka Turkiga. Madaxweyne Erdogan ayaa dhigiisa Somalia oo ku sugan dalka Turkiga usoo jeediyay inuu ka qeybgalo Shirka Golaha Guud ee xisbiga isagoo ka dalbaday inuu jeediyo Khudbad taariikhi ah. Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aqbalay ka qeybgalka Shirka Golaha Guud ee xisbiga Taladda Haya ayaa lagu wadaa inuu jeediyo khudbad. Kulanka uu Madaxweyne Farmaajo ka jeedin doono khudbada ayaa noqon doona kulanka Lixaad oo ay yeelanayaan golaha wakiilada ee Xisbiga haatan talada Dalka haya ee AK Part. Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doona Madaxda dalka Turkiga iyo Ganacsatadda dalkaasi. Geesta kale, Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xili ay xoogeysatay Xiisadda u dhaxeysa Turkiga iyo waliba Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Ankara Caasimada@live.com
  11. Eritrean president Isayas Afeworki is to visit Ethiopia again but his government has not disclosed exact timeline yet. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 12-qof oo dhinacyadii dagaalamay isugu jira ayaa ku dhintay iska-hori-maadyo dhawr ah oo gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray ciidamada millateriga Somalia iyo xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab. Dagaalladan oo ahaa kuwo is-xig-xigay ayaa waxay ka dhaceen inta u dhexeysa deegaannada Lambar 50 iyo Shalaanbood oo kawada tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ugu dambeyn ku itaal roonaaday ciidamadii millateriga Somalia. Millateriga Somalia ee dagaalka la galay Al-shabaab ayaa waxay ahaayeen kuwo uu watay abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka Somalia, Jen. C/llaahi Cali Caanood oo haatan gaaray deegaanka Shalaanbood, halkaas oo la sheegay inay fariisimo ciidan ka sameysteen. Sidoo kale, Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadan ay doonayaan in ay weerarro ku qaadaan xoogag ka tirsan Al-shabaab, inkastoo warar aanan xaqiijin karin ay sheegayaan inay yihiin ciidammo uu la gadooday Jen. Caanood oo xilka laga qaaday dhawaan. Dhanka kale, Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somalia oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada millateriga Somalia ay dagaalladan uga geeeriyoodeen illaa shan askari, ayna iyagu dhankooda dileen tobaneeyo Al-shabaab ah. Balse, Shacabka ku nool deegaanada ay dagaalladu ka dhaceen ayaa laga soo xigtay inay arkeen geerida 12-ruux oo isguu jira millateriga Somalia iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab ee ay dagaalladu dhexmareen. Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in kolonyo gaadiid ah oo ka tirsan kwua AMISOM oo iyaguna deegaannada ay dagaalladu ka dhaceen marayay lala beegsaday qarax miino oo waxyeello gaarsiiyay mid ka mid ah gadiidkii ay wateen, inkastoo aysan khasaare soo gaartay ciidamadii gaadiidkan la socday. Dadka rayidk ah ee deegaannadaas ku nool ayaa la sheegay inay soo gareen dhaawacyo kala duwan, inkastoo aysan jirin dhimasho, waxaana dagaalladan ay imaanayaan xilli isbedel lagu sameeyay taliska ciiadmada DF si loo xoojiyo baa la yiri sugidda amniga dalka. Ugu dambeyn, Ururka Al-shabaab ayaa sheegay dhankiisa inay weerarro is-daba-jooga ah ku qaadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowaldda Somalia ayna gubeen gaadiid dagaal askar badanna ku laayeen, inkastoo aysan sheegin tirada askarta ay dileen iyo khasaaraha dhankooda soo gaaray. PUNTLAND POST The post Dagaalo dhex-maray Milateriga Somalia iyo Xoogag daacad u ah Ururka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  13. Three people were on Friday injured after their vehicle was sprayed with bullets by unknown militants between Elwak and Wargadud. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray carwada bandhigga buugaagta Muqdisho oo lagu soo bandhigay buugaag ay leeyihiin qorayaal Soomaaliyeed oo dhallinyaro u badan kuwaas oo fikir, maskax, hanti iyo waqti geliyay sidii ay u qori lahaayeen buugaag waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khare ayaa ugu horayn u mahadceliyay qabanqaabiyayaasha bandhigga, dhallinyarada Soomaaliyeed ee qoraalka buugaagta isku hawlay, maskaxdoodana u shiilay si rajadaii dalka loosoo celiyo, waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyay dadka aan Soomaalida ahayn ee kasoo qayb galay carwada bandhigga buugagta Muqdisho si ay goob joog uga ahaadaan is-bedelka muuqda ee dalku ku tilaabsanayo. Ra’iisul Wasaare Khaye ayaa sheegay in carwada bandhigga Buugaata Muqdisho ay ka tarjumayso dawladnimada dhabta ah, dhismaha mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed iyo in Soomaalidu hurdada ka kacday, sidoo kale bandhiggu uu dhiiri gelinayo aqriska iyo qoraalka arinraas oo qayb muhiim ah ka qaadanaysa dhismaha dawladnimada iyo dagaalka loogu jiro yaranta Musuqa iyo qabyaaladda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa sheegay in uu muuqdo horumar wayn oo dalkeennu uu sameeyay iyo tilaabo muhiim u ah kobaca wax curinta, dib u yagleelidda mustaqbalka, waxa uuna ugu baaqay qorayaasha Soomaaliyeed in ay sii wadaan qoraallada ayna taageeraan dhallinayrada da’da yar si maskaxdooda ay u shiilaan ummadda Soomaaliyeedna ugu faa’iideeyaan korna loogu qaado is-dhexgalka bulshada iyo aqoonyahannada, si ugu dambayn dhallinyaradu ay ula wareegaan mustqablaka ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sameeyaan qoraallo dadka Soomaaliyeed oo dhan ay aqarin karaan ayna sidoo kale ka shaqeeyaan in qof waliba oo Soomaali ah uu wax qori karo si looga soo kabto soddonkii sano oo qoraalku hakadka galay, maadaama dal waliba uu ka fursad badanyahay dalalka kale ee dadkiisu uga wanaagsanyihiin aqriska iyo qoraalka. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa si uu uga qayb qaato dhiirri gelinta aqriska iyo qoraalka bulshada Soomaaliyeed waxa uu maktabadaha magaalooyinka Cadaado iyo Garbahaarey ugu deeqay min boqol buug oo uu ka iibiyay qorayaal Soomaaliyeed oo kusoo bandhigay carwada bandhigga buugaagta Muqdisho. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo xiray Carwada Bandhigga Buugaagta Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Turkiga wax tartan ah kulama jiro dalalka ka howlgala Soomaaliya ee doonaya iney xasiliyan, sidaasi waxaa wakaalada wararka Turkish-ka ee Anadolu u shegay safiirka Soomaaliya u fadhiya Dowladda Turkiga Olgan Bekar. “ Waligeen tartan lama gelin dalalka ka howlgala Soomaaliya, Turkiga wuxuu kasbaday jaceelka iyo kalsoonida shacabka Soomaalida tan iyo sanadii 2011-kii” ayuu yiri Safiirka, isagoo dafiray wararka sheegaya in tartan siyaasadeed uu kala dhaxeeyo wadamada qaar ee Soomaaliya u jooga taageerada Dowladda. “ Turkiga waxaa sharaf u ah booska uu Soomaaliya ka taagan tahay ” wuxuuna intaa ku daray in ujeedka Turkiga uu yahay sidii loo caawin lahaa shacabka Soomaaliyeed, si dalka uu ugu soo kabsado dagaaladii sokeeye ee ka qarxay 1991-kii. Oglan Bekar ayaa hoosta ka xariiqay in wax walba oo dib loogu dhisayo Soomaaliya iney door weyn ka qaadan doonaan, waxaana uu tilmaamay in wadamo kale ay jiraan oo dadaal ku bixinaya Soomaaliya si markale dib ugu soo laabato maqaamkii ay caalamka ka joogtay. Oglan Bekar ayaa ku nuux nuuxsaday “ Ma dooneyno in la farageliyo arimaha Siyaasadda dibadda Soomaaliya, waxaan rabnaa kaliya door wax tar leh. Mar uu ka hadlayay saldhigga tabarada Turkiga ee duleedka Muqdisho ka dhisan waxa uu sheegay in qorshaha yahay dhisidda ciidan gaar ah oo ka howlaga Soomaaliya. Safiirka ayaa sidoo kale ka hadlay kabixitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya waxaana uu yiri” Si amni loo helo AMISOM la’aan Soomaaliya dhibaato ayaa ka dhici karta” Ugu dambeyntii wareysiga lala yeeshay safiirka ayaa waxa uu ku soo hadal qaaday Hay’adda Horumarinta Turkiga ee TIKA oo mashaariic kala duwan ka fulisa Soomaaliya in ay gabo gabo u mareyso mashruuc lagu dhisayo Kanaal isku xera labada webi ee Shabelle iyo Jubba si qulqulka biyaha u noqdo mid nadiif ah. Falanqeyn: Hadalka safiirka waxa uu ku soo aadayaa iyadoo la hadal hayo in Imaaradka Carabta uu dib ugu howlgali doono Soomaaliya kadib markii isfahan uu dhexmaray Dowladda Federalka iyo Imaaradka, Turkigana waxa uu ka xun yahay siyaasadda Imaaradka Carabta ee dib uga bilaabaneysa Soomaaliya maadama labada Dowladood xeriirkoodu xun yahay. Waxaana sidoo kale xusid mudan in Turkiga xiligan uu wajahayo dagaal ba’an oo dhanka dhaqaalaha ah oo Mareykanka kaga imaanaya, Dowladda Soomaaliyana wali ma aysan u muujin Turkiga garab istaag, maadama DF ay la safatay dowladda Boqortooyada Sacuudiga oo khilaaf kala dhaxeeyo Canada. Waxaa iska cad in Turkiga uu waayay garab istaag uu mudnaa in loo muujiyo, maamada uu yahay dalka kaliya ee sida dhabta ah u taageera horumarka iyo dib u dhiska Dalka. Soomaaliya waxey dhexda kaga jirtaa siyaasado isdiidan balse aan dalka isku heysan oo sababi kara saameyn aan wanaagsaneyn, sidoo kale xiligan la joogo wey ku adagtahay Dowladda Federalka iney go’aan cad ka gaarto siyaasadeeda arimaha dibadda ee ku qotonta Xulufada Khaleejka ama reer Galbeed walow mararka qaar ay Soomaaliya qaadato go’aano siyaasadeed oo reeba saameyn wanaagsan iyo kuwo aan waxbo laga dheefin. W/Q: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Gmail: Abdiazizh99@gmail.com
  16. Shalambood (Caasimadda Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya halka ay ku sii jeeday Ciidamo uu wato Abaandulihii ciidamada xoogga dalka ee xilka laga qaaday Jen. C/llaahi Cali Caanood oo gaaray deegaanka Shalambood ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada ayaa ku hubeysan afartameeyo baabuurta dagaalka oo ay ku jiraan gawaarida loo yaqaano Beebayaasha, waxaana inta aanay gaarin Shalambood lagula eegtay Qarax miino agagaarka deegaanka Nambar 60. Wararka is khilaafsan ayaa ka soo baxaya ujeedka Ciidamada uu wato Jen. Caanood u gaareen Shalambood, waxaana warar hal dhinac ay sheegayaan inay duulaan ku yihiin deegaano ku dhow dhow magaalada Marka, halka warar kale oo aan la xaqiijin sheegayaan in Jeneraalka uu ka gadoodsan yahay xil ka qaadistii lagu sameeyay, kuna sii jeedo Gobolka Gedo. Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa ka gaabsaday wararka ku saabsan Jen. Caanood iyo ciidamada uu watay ee gaaray Shalambood, iyagoo xaqiijinaya inuu jiray howlgal lagu qaadi lahaa jidka Xeebta ee ka baxa deegaanka Jazeera ee aada Gandarshe illaa Jilib Marka, balse aan qorshaha ku jirin in dhanka Shalambood laga qaado howl galka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. At least 324 people have been killed in flooding in the southern Indian state of Kerala in what local officials say is the worst flooding in 100 years. Source: Hiiraan Online
  18. Abu Dabai (Caasimada Online)-Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka isutaga Imaaraadka carabta ayaa sheegtay in mustaqbalka dhow ay hanta doonto dhammaan dekadaha Somalia kuwa gacanteeda ku jira iyo kuwa aan gacanta ugu jirin. Shirkada ayaa tilmaantay inay muhiim u tahay in sharciyadeeda laga hirgaliyo dekadaha si ay u hantiso dhammaan dekadaha Africa, gaar ahaan kuwa Somalia. Agaasimaha Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay inuu wali jiro muran kala dhexeeya dowlada Somalia, hase yeeshee ay mar waliba ka go’an tahay inay hantiyaan Dekadaha ugu muhiimsan ee Somalia. Waxa uu Mr Suldaan Ahmed Bin Suleymaan carab ***** in qorshahooda uu ku xeran yahay keliya wadahadal dhexmara Somalia iyo Imaaraadka, waxa uuna meesha ka saaray in Heshiisyada lagu galay maalgashiga Dekadaha Somalia ay ka maran yihiin. Suldaan Ahmed Bin Suleymaan, waxa uu tilmaamay in Heshiisyada Somalia iyo Ethiopia ee arrimaha maalgashiga Dekadaha ay qeyb ka yihiin hase yeeshee ay muhiim tahay in loo aqoon sado dadaalada ay kawado Somalia. “Mustaqbalka dhow wey naga go’an tahay inaanu soo gacan galino maamulka Dekadaha Somalia, waayo waa dhif dal ama Shirkad xiligan Somalia ka caawin karta arrimaha Dekadaha” Suldaan Ahmed Bin Suleymaan, waxa uu tilmaamay in Somalia qudheeda ay garwaaqsan tahay in Shirkada DP World ay ku wanaagsan tahay arrimaha Dekadaha, balse uu jiro khilaafyo mugdi galiyay awooda shirkada ee dhanka Somalia. Waxa uu agaasimuhu carab ***** in xal waara ay u heli doonaan khilaafka iyo tabashooyinka Somalia, iyadoo laga duuli doono baahida taagan ee dhinacyada Dekadaha iyo maalgashigooda. Sidoo kale, Suldaan Ahmed Bin Suleymaan waxa uu shaki galiyay in Ethiopia ay si buuxda isku waafajin karto Heshiiskaiyo howlaha Dekadaha, isla markaana ay u muuqan doonto in DP World loo madaxbaneen doono fursada. Haddalka Agaasimaha DP World ayaa kusoo beegmaaya xili uu shirkada ka dhamaaday Heshiiska dib loogu dayactiraayay Dekadda Berbera. Caasimada Online Xafiiska Abu Dabai Caasimada@live.com
  19. Nairobi (Caasimada Online)-Iyadoo ay sii kordhayaan eedeymaha isdabajooga ah ee loo jeedinaayo dowlada Kenya, ayaa waxaa eedey taa lamid ah jeediyay Hoggaamiyihii hore Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya Faarax Macallin. Faarax Macallin, ayaa dowlada Kenya ku eedeeyay inaysan ka adkeyn ciidankeeda jooga Koofurta Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in ay qabtaan howlo ka duwan howshii loo diray ee nabad ilaalinta ah. Faarax Macallin, oo qoraal kooban kusoo daabacay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay gabood fallo ka geystaan Gobolak Gedo, balse aanu jirin cid kula xisaabtanta dhibaatooyinkaasi. Waxa uu sheegay Faarax Macallin in dhibaatooyinka ay geystaan ciidamada Kenya ay ka mid yihiin Kufsiga Haweenka,Dilka Dadka rayidka ah iyo leynta xoolaha. Faarax Macallin, waxa uu tilmaamay in dhacdooyinkaasi oo idil ay indhaha ka qabsato dowlada Kenya iyo Saraakiisha horboodeysa ciidamada geysta dhibaatooyinka foosha xun. Faarax Macallin, waxa uu Saraakiisha amaanka ee Kenya ka codsaday in baaritaan lagu sameeyo Ciidamada ka dambeeya dhibaatada joogtada ah ee loo geysto dadka rayidka ah. “Kenya waa inay ciqaabtaa saraakiisha lagu helo in ay ka dambeeyaan arrintaas, waayo waxaanu suuragal ahey in indhaha laga qabsado dhibaato lagu hayo Umad jirta”. Taliyaha Ciidanka Kenyan,Gen. Mwathethe, ayuu ku yiri “waa inaad si xawaaro leh u baartaa, tallaabana uga qaaddaa Ciidamada falkaas geystay”. Ciidamada Kenya ayaa Bishii la soo dhaafay kaliya la sheegayaa in lix Haween ah ay ku kufsadeen Gobolka Gedo. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu arrimahaani isbiirsaday ku sheegay mid ay Kenya ka indha qabsaneyso isagoo ku baaqay inay muhiim tahay in Kenya aysan dhaawicin derisnimada kala dhexeysa Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isal wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay ballanqaaday in dhismo degdeg ah lagu sameyn doono tiyaatarka iyo maktabada Qaranka. Ra’isal wasaaraha xukuumadda ayaa sheegay in dhismaha tiyaatarka iyo maktabada ay muhiim u tahay dalka, waxa uuna ku celcelshay in si dhaqsi ah lagu dhisi doono. Wax uu Kheyre tilmaamay in dowladiisu ay ka dhabeyn doonto furida iyo yagleelida xarumaha muhiimka u ah shacabka. “Mar waliba waxaa naga go’an inaan dib usoo celino xarumaha muhiimka ah waxaanu dooneynaa in shacabkeena aysan tabin xarun tiyaatar iyo maktabad Qaran” “Waad la soctaan waxyaabihii aan horay idinkugu ballanqaadnay waan sameynay intooda badan kuwa harsan ayaanu u gudbi doona sida ugu dhaqsiyaha badan ayaanu ku dhisi doona” Mr kheyre ayaa carabaabay dhismaha lagu sameyn doono tiyaatarka iyo maktabadda Qaranka ay iska kaashan doonaan xukuumadda Somalia iyo waliba maamulka gobalka Banaadir si loogu wacyigeliyo buu yiri dhalinyarada Soomaaliyeed. Xasan Cali Kheyre, Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku wareejin doonaan khibradahooda marka ay majaraha ay u qabtaan dowladnimada dalkeena Soomaliya arintaasina ay hadda ka fekerayaan qaabka ay u marayaan maadaama aynaan la joogin. Hadalkaan ayuu ka sheeegay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Cali kheyre munaasabad lagu soo xerayay carwada bandhiga buugaagta ee sanadkiiba mar lagu qabto gudaha magaaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. As Riyadh dawdles on reforms, money is stampeding to the exits. Source: Hiiraan Online
  22. The UN refugee agency, UNHCR said on Friday that it has voluntarily repatriated 81,451 Somali refugees from Kenya as at July 31 since the voluntary return exercise began in December 2014. Source: Hiiraan Online
  23. Eric Sevareid (1912-1992), the author and broadcaster, said he was a pessimist about tomorrow but an optimist about the day after tomorrow. Regarding America’s economy, prudent people should reverse that. Source: Hiiraan Online
  24. The crisis between the United States and Turkey, a NATO ally and traditional bulwark of American policy in the Middle East, is serious. While the relationship between them has often been fraught, the two countries have generally managed to keep difficulties within acceptable limits. No longer. Source: Hiiraan Online
  25. The parking lot behind a Halifax mosque erupted into activity when prayer let out Friday afternoon, with Saudi students selling off their cars and other belongings after being ordered to leave the country by their home government. Source: Hiiraan Online