Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,424
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Masuuliyiin katirsan Kastamka Canshuuraha Dekada Weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa xabsiga la dhigay kadib markii lagu eedeeyay Musuq maasuq. Ciidamada amaanka ayaa xabsiga u taxaabay ku dhowaad 6 Nin oo kamid ah masuuliyada Dekada Muqdisho. Masuuliyiinta la xeray waxaa ku jira Axmed C/llaahi Samow oo ah Gudoomiyaha Kastamka Canshuuraha Dekada Muqdisho iyo ku xigeenkiisii. Axmed Soomoow oo la hadlay Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in lugihiisa uu ku tagay Xarunta dambi baarista ee CID-da. Soomoow ayaa qiray in lagu heeysto Canshuuro la isdaba mariyay oo si qaldana loo isticmaalay. Baaritaano ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah la marsiiyo islamarkaasina wax laga weeydiiyo eedeeyamaha musuq maasuq ee loo soo xeray. Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wado dadaalo ay kaga hortageeyso Musuq maasuqa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Faah Faahin Masuuliyiintii Canshuuraha Dekada Muqdisho oo La Xeray appeared first on Puntland Post.
  2. Somali President Abdullahi ‘Farmajo’ Mohamed, has appointed Zakia Hussein to the position of general and deputy chief of the Somali Police Force. Source: Hiiraan Online
  3. A man accused of crashing his car into the security barriers surrounding Britain's Houses of Parliament was charged Saturday with attempted murder, police said. Source: Hiiraan Online
  4. Voters in Tuesday’s primary election put Minnesota’s first all-female U.S. Senate contest on the Nov. 6 ballot and increased the odds that the state will for the first time send a woman of color to the U.S. House, two signs of a national “pink wave” of women candidates running this year. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Fahad Yaasiin oo labo maalin ka hor loo magacaabay talige kuxigeenka hay’addda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa sabtidii (18-09-18) kulankii ugu horeeyay la qaatay taliyeyaasha sare ee NISA, saraakiil waaxeedyada iyo shaqaalaha sare ee NISA. Kulankaasi oo ahaa mid isbarasho iyo xog kala qaadasho ayaa saraakiishii kasoo qeybgashay kulankaasi waxaa ka mid ahaa taliyaha guud ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen, iyo taliyeyaasha laamaha kala duwan, wuxuuna Fahad Yaasiin mid mid u bartay saraakiisha iyo shaqaalaha xafiisyada kala duwan ee xarunta NISA. Sidoo kale, wuxuu kormeer ku sameeyay kontoroolada laga soo galo xarunta NISA ee Habar Khadiijo, isla markaana uu si gaar gaar ah ula hadlay taliyeyaasha ku shaqada leh kontoroolada laga ilaaliyo xarunta NISA. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa caasimada u sheegay in waxyaabihii uu kala hadlay taliyeyaasha NISA iyo howlwadeenada NISA in ay ka mid ahaayeen qorshaha uu damacsan yahay in uu kusoo kordhiyo NISA iyo codsi uu hordhigay howlwadeenada isagoo ka dalbaday in lala shaqeeyo. Kulamadaasi kadib,Taliyaha guud ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen iyo kuxigeenkiisa cusub Fahad Yaasiin ayaa kulan gaar ah wada qaatay, iyadoo aan la ogeyn waxyaabihii ay ka wada hadleen. Waxaa la ogsoon yahay in ay jirto fadeexad dhawaan ka dhex dhacday gudaha xarunta NISA, taasoo muujineysay in la jabsaday xafiiskii taliye kuxigeenkii xilka laga qaaday Cabdalla Cabdalla Maxamed, balse baaris la sameeyay kadib lagu ogaaday in uu ka danbeeyay talige kuxigeenkii xilkiisa waayay oo khilaaf uu kala dhaxeeyay taliyaha guud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Whether Mohamed Abdirahman Osman is a refugee who lied about terrorist links to get immigration benefits or if he's been wrongly targeted by a flawed government investigation that matches the Trump administration's rejection of certain refugees is being played out in a Tucson courtroom. Source: Hiiraan Online
  7. Hisham Mostafa briefly forgot the war in Syria and his financial worries as he looked upon Islam’s holiest sites for the first time, standing among hundreds of thousands of white-clad Muslims gathered in Mecca ahead of the haj pilgrimage. Source: Hiiraan Online
  8. The racist white man who was seen in a viral video assaulting a Ugandan worker at Grand Imperial Hotel in Kampala has reportedly been arrested. Source: Hiiraan Online
  9. Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta bilaabay la xisaabtanka wasiirrada ee sannadlaha ah si loo qiimeeyo hawlaha wasaaradaha uga hir-galay qorshayaashii u degsanaa ee ay ahayd in ay fuliyaan. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa shaqsi shaqsi ula fariistay wasiirrada Waxbarashada, Gargaarka, Biyaha iyo korontada, Haweenka iyo Xuquul Insaanka, Caafimaadka, Batroolka iyo Macdanta, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaana wasiir waliba oo kamid ah lasoo hor-dhigay qorshayaashii lagu ballamay in uu fuliyo, iyada oo wasiirrada ku cusub xukuummadda uu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay diyaarinta qorsha hawleedkooda. Wasiirrada soo gudbiyay qorshayaashii ay ku guulaysteen ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxa ay u gudbinayaan qorsha hawleedkooda oo qoran si isla xisaabtanka sannadka xiga loogu qiimeeyo wixii uga qabsooma. La xisaabtanka wasiirrada ee maanta bilaawday waxa uu socnayaa inta dhammaan wasiirrada xukuummadda uu Ra’iisul wasaaruhu ka hubinayo uuna ka qiimaynayo sida mas’uuliyaddii la saaray ay u guteen iyo in la ogaado caqabadaha jira si loo xalliyo. Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka warbixiyay isla xisaabtanka Ra’iisul Wasaaraha ee wasiirrada ayaa yiri, “Waxaa maanta dib noogu billaawday isla xisaabtankii sannadlaha ahaaa, waxa aan dib u eegnay wixii u qabsoomay iyo dadaalkii ay sameeyeen wasiirrada, waxaa kale oo maanta joogay wasiirra cusub oo loogu tala galay in la qabsadaan sifada uu Ra’iisul wasaaruhu ula fal galo si ay u samaystaan qorsha hawleedkooda ku salaysan argatida fog oo ku qotonta wasaaradaha loo dhiibay”. Ra’iisul wasaaraha ayaa sannadkii hore sidaan oo kale mid mid ula fariistay wasiirrada si ay isula ogaadaan qorsha hawleedka wasaarad waliba si loogu korjoogteeyo, waxa uuna isla-xisaabtankaani qayb ka howlaha kor-joogtaynta iyo dabagalka lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha si looga mira dhaliyo qorshaha xukuummadda ee ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Maanta Billaabay La xisaabtanka Sannadlaha Ah Ee Wasiirrada appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in la xiray Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho Axmed C/llaahi Samow kaddib markii maanta Ciidamada Booliska ay xireen kuxigeenkiisa iyo shaqaalaha xafiiskiisa. Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda, ayaa la sheegay inuu isku dhiibay ciidamada Xarunta dambi baarista ee CID, halkaasoo galabta lagu xiray xubnaha kale oo ka tirsan xafiiskiisa kuwaa oo loo xiray musuq ay geesteen. Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho ayaa Xafiiskiisa ka baxsaday ka hor inta aysan ciidamada xirin mas’uuliyiinta kale, waxa uuna markii danbe is geeyay xarunta baarista ee CID-da. Axmed Samow oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in uusan baxsad aheyn, isagoo xusay in xiliga ay Ciidamada Booliska tageen xafiiskiisa uu ku maqnaa arrimo caafimaad, sida uu hadalka u dhigay. Mas’uuliyiinta Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo isugu jira Madaxa Kastamka, kuxigeenkiisa iyo lix kale ayaa iminka lagu baarayaa Xarunta dambi baarista CID, waxaana ku socda baaritaano la xiriira kiiska lagu soo eedeeyay ee musuq maasuq ku saabsan. Si kastaba ha ahaatee, Dekedda Muqdisho ayaa ka mid ah ilaha dhaqaale ee dowladda, waxaana waayadii ugu danbeeysay musuqa ka dhex socday isha ku hayay xafiiska Hanti dhowraha oo howlahaasi qaabilsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa howlwadeeno ka tirsan Dekadda Xamar oo maanta lagu xiray xarunta dambi baarista ee CID-da kuwaa oo lagu eedeeyay inay geesteen musuq. Mas’uuliyiinta iyo Xubnaha la xiray ayaa caawa ku baryaaya xarunta dambi baarista ee CID-day waxaana halkaa caawa ka jira mashquul badan. Xubnahaani oo lix ah kana tirsan waaxda Canshuuraha ee dekadda Muqdisho ayaa su’aalo lagu weydiinayaa xarunta waxaana halkaa ku sugan Taliyayaal iyo Saraakiil ciidan oo qeyb ka ah baarista lagu hayo mas’uuliyiinta iyo xubnaha u xirsan musuqa. Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali kheyre ayaa sidoo kale caawa ku sugan xarunta dambi baarista ee CID-da oo halkaa kulamo kula qaadanaaya Taliyayaasha iyo Saraakiisha wada baarista. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale dhageysanaaya mas’uuliyiinta iyo xubnaha maanta loo xiray musuqa kuwaa oo lagu su’aalayo isla xarunta. Wadooyinka gala Xarunta dambi baarista ee CID-da ayaa waxaa Caawa la dhigay Ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Koofi casta ilaalada u ah Ra’isul wasaare Xasan Kheyre. Sidoo kale, Gawaari farabadan oo ay leeyihiin madax ka tirsan dowlada ayaa ku sii qul qulaya xarunta CIDA-da, iyada oo loo sababeynayo arrinta la xiriirta mas’uuliyiinta Gabaldhicii Caawa xaruntaas lagu xirey. Geesta kale, mas’uuliyiinta la xirey ay maalmahaani waxaa baaris ku hayey xafiiska hanti dhowrka qaranka, balse maanta loo xiray musuqa kadib markii uu soo idlaaday dabagalka lagu hayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Doha (Caasimada Online)-Xukuumada dalka Qatar ayaa markii ugu horeysay ku eedeysay dowlada sacuudiga in muwaadiniin badan oo ka soo jeeda dalkeeda ay si cad uga mamnuucday inay xajiyaan sanadan. Xukuumada Qadar, waxa ay tilmaantay in Sacuudiga uu weli siyaasadeynayo cibaadada, iyagoo sanadkan 2018 ogolaaday in 1,200 xujey ay gutaan waajibaadkooda xajka. Xukuumada Qatar waxa ay sheegtay in aysan suura gal aheyn in la koobo dadka ka qeyb galaya munasabadan diimeed. Dowlada Sacuudiga waxa ay sidoo kale Muwaadiniinta Qatar ee Xajka u taga dalkaas u diiday inay u kala gooshan magaalooyinka dalkaas, balse dowlada sacuudiga ayaa ku andacootay in arimahan aysan shaqo isku laheyn Xujeyda oo tahay wax iska caadi ah. Boqortooyada sacuudiga dowlada imaaratka Bahreyn iyo Masar ayaa xiriirkii ay la lahaayeen Qadar Jaray Bishii June,kadib markii uu fashilmay weerar la doonayay in lagu qaado Maamulka Dooxa. Bishii June ayaa wasaarada Xajka sacuudiga waxay ku dhawaaqday in ay Furtay website ay iska diiwaan galiyaan xujeyda dalkaas waxaana Arintaan mid aan suura gal aheyn ku tilmaamay mas,uuliyiinra Qatar. Dhinaca kale, Abdullah al-Kaabi oo u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa waxa uu sheegay in dowlada sacuudiga ay albaabada isugu dhufatay shirkadihii ka shaqeyn Jiray Xajka ee dalka Qatar. Caasimada Online Xafiiska Doha Caasimada@live.com
  13. Khartoum (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga oo fulinaysa amarka Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa ku wargeliyay sii hayaha safaaradda, dhammaan diblamaasiyiinta iyo u-qaybsanayaasha ka hawl gala safaaradda Soomaaliya inay iska soo xaadiriyan magaalada Muqdisho. Xirooro kala duwan oo aan la sameynay Soomaalida ku sugan dalka Sudan ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in ballanqaadka Ra’isul wasaaraha uu ahaa in laga hor leexin doono dhammaan howlwadeenada ka howlgala Safaarada. Waxa ay sheegen in Ra’isul wasaare Kheyre oo dhawaan ku booqday Sudan ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah maamulka Safaarad, sidaana ay ku timid u yeeridooda. Asbaabaha dhaliyay in loo yeero dhammaan howlwadeenada Safaarada Somalia ee Sudan ayaa waxaa kamid ah:- 1-Ku tagri fal awoodeed ka dhan ah ardayda Soomaalida. 2-iibsashada Minxooyinka Jaamacadaha oo markii hore loogu tallo galay in lasiiyo ardayda oo laga dhigay kuwo laga macaasho. 3-Howl gudasho la’aan joogta ah iyo la dhaqan la’aanta ardayda. 4-Ardayda oo la sheegay inay waayen mas’uuliyiin u sameysa matalaad. 5-Howlwadeeno xad dhaaf iyo howlyari u saaxiib noqotay macaash dhaqaale. Guddoomiyaha Ardayda Soomaalida ee dalka Sudan Cabdulkhaadir Faarax ayaa dhawaan Ra’isul wasaare Kheyre hordhigay in laga bedelo howlwadeenada Safaarada, waxa uuna cadeeyay in dhamaantooda ay yihiin kuwo aan daacad u aheyn howshooda Qaran. Waxa uu sheegay in Safaarada gabi ahaanteeda laga dhigay suuq lagu kala iibsado Minxooyinka, waxa uuna taasi ku micneeyay niyad jab usoo hoyatay Ardayda. Si kastaba ha ahaatee, u yeeridda biblamaasiyiinta iyo hawl-wadeennada safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Khartuum ayaa ka dambeeyay cabsasho ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan ay ka gudbiyeen mas’uuliyiinta safaaradda intii lagu guda jiray safarkii dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen Khartuum. Caasimada Online Xafiiska Khartoum Caasimada@live.com
  14. 20 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa maanta guddoonka baarlamaankaasi u gudbiyay mooshin ka dhan ah shirkadda DP world oo gacanta ku haysa dekedda Bossaso. Read More
  15. Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay agaasimaha arrimaha haweenka ee qaramada midoobay, Phumzile Mlambo-Ngcuka, oo markii ugu horaysay socdaal ku timid dalka Soomaaliya kadib casuumaad ay ka heshay wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka XFS. Ra’iisul Wasaara Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya ay heer wanaagsan kasoo gaarsiisay matalaadda haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda, waxa uuna ballan qaaday in ay sii wadayaan dadaallada lagu garab istaaagayo haweenka, isaga oo ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed dawrkii ay ku lahaayeen badbaadinta qaranka iyo bulshada xilligii burburka. Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf oo kulanka qayb ka ahayd ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Phumzile Mlambo-Ngcuka ay si qota dheer uga hadleen arrimha haweenka Soomaaliyeed, ka qayb galinta haweenka arrimmaha siyaasadda iyo horumarinta dalka, xooojinta taageerada dawrka haweenka iyo sidoo kale sidii ay u wada shaqayn buuxda u yeelan lahaayeen hay’adda haweenka u qaabishan Qaramada midoobay iyo wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya. Phumzile Mlambo-Ngcuka ayaa hoggaanka dawladda federaalka Soomaaliya ku ammaantay garab istaaga haweenka iyo ka qayb gelintooda siyaasadda iyo guud ahaan dadaallada horumarinta dalka, waxa ayna dhanka kale ballan qaaday in ay hay’addoodu si dhaw ula shaqaynayso wasaaradda haweenka si loo dar-dar geliyo horumarinta arrimaha haweenka. Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh gelisay sidii haweenka Soomaaliyeed ay si buuxda qayb qaadan lahaayeen siyaasadda dalka, horumarinta amniga, iyo dadaallada dib loogu dhisayo dalka si loo celiyo sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed ay ku lahayd dunida.
  16. Garoowe (Caasimadda ONline) – Waxaa maanta Garowe lagu qabtay xaflad lagu sheegay in lagu soo dhaweynayo wasiirka kalluumeysiga ee uu dhawaan magacaabay RW Xassan Cali Kheyre oo ay si weyn uga horyimaadeen beesha Sool clan oo uu ka soo jeedo. Magacaabistii Wasiir-ka oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Cabdullahi Bidhaan Warsame ayey beesha Sool clan u aragtay bahdilaad maadama laga soo magacaabay Garowe oo uu Cabdweli Cali Gaas ku amray Kheyre. Waxaa dhacay shirar hoose oo ay arintaas uga dhiidhiyeen waxgaradka beessha oo uu ku jiray madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay arintaas isku qabteen Cabdweli Cali Gaas. Hase ahaatee, xafladdii maanta ka dhacday Garowe oo uu soo qaban qaabiyey wasiirka kalluumeysiga iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa muuqata in uu ujeedka ahaa in lagu muujiyo in Dhubahante raali ka yahay wasiirka uu Cabdiweli Gaas magacaabay. Marka laga soo tago bahdilaadda uu RW Xassan Cali Kheyre ku sameeyey beesha Sool clan waxaa hadana su’aal ka dhalaneysa la dagaalankii lagula jiray musuq maasuqa, sidoo kale waxa ay digniin u direysa madaxweyne Farmaajo Waxaa lala wada socdaa in uu jiray khilaaf u dhexeeyey maamul gobolleedyada wasaaradahooda kalluumeysiga iyo midda dowladda dhexe oo ku saabsanaa qeybsiga kheyraadka badda. Wasiirkii hore ee kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu iska hortaagay Puntland shatiyo sharci darro ay iyo qandaraasyo ay siin jirtay shirkado shisheeye iyada oo ku xad gudbi jirtay awoodda dastuuriga ah ee dowladda dhexe. Taas waxaa ka dhalatay in wasiirku la wareego qandaraasyo ay si sharci darro ah ku bixisay Puntland, waxaana dhacday in loo ganaaxo maraakiib. Taas waa sababta soo dedejisay in Gaas ku qasbo RW Kheyre keenidda Wasiir iyaga u adeega. Hadaba, haddii ay dhab tahay in dowladdu ay dagaal kula jirto musuq maasuqa, Madaxweyne Farmaajo waa in uu il gaar ah ku hayaa sida ay wasaaradda Kalluumeysiga ula fal galeyso Puntland. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/08/39228610_638246283235421_6206697706631462912_n.mp4
  17. Muqdisho (Caasimadda ONline) – Dowladda Soomaaliya ayaa sare usii qaaday ololihii ay kula dagaalameysay musuq maasuqa ka jiro dowladda dhexdeeda. Wararka hadda soo gaarayo Caasimadda Online ayaa tilmaamayo inay ciidamo ka socday CID-da ay xireyn xubno ka tirsan Kastamka canshuurta ee Dekadda Soomaaliya. Ciidamada booliska dambi baarista ee CID-da ayaa xireyn lix xubnood oo ka mid ah Kastamka Canshuuraha dekada Weyn ee magaalada Muqdisho,kuwaas oo lagu eedeeyey in ay ku kaceyn fal la xiriira musuq maasuq. Dadka la xiray ayaa la xaqiijiyey inuu kamid yahay Maamule kuxigeenka Furdada Dekeda Muqdisho,sidoo kale Maamulaha Furdada Axmed C/llaahi Samow oo la sheegayo inuu ku jiro dadka loo jaray waaran xarig, Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan uu xoogeystay dagaalk dowladda ee ka dhanka ah musuq maasuqa dhulka dhigay hormarka Soomaaliya,. Madaxeyne Farmaajo iyo Ra’iuslwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa horey u ballan qaaday inay meesha ka saari doonaan musuq maasuqa hareeyey hey’adaha kala duwan ee dowladda. Maalmihii ugu dambeeyey dhawr xubno ayaa xabsiga la dhigay halka kuwa kalana xilkii laga qaaday markii lagu eedeeyey inay sameeyeen musuq maasuq.
  18. Baarlaamanka Puntland, ansixintii DP World Qaar kamid ah Xildhibaanada Puntland ayaa mooshin ka keenay shirkada DP World oo sanadkii hore lagu wareejiyay maamulka dekadda magaalada Boosaaso. Xildhibaanadan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta baarlamaanka Puntland ee Garowe ayaa sheegay in shirkadda DP World ay ka baxday heshiiskii ay la gashay Puntland, maadaama aysan wax shaqo ah ka qaban dekadda Boosaaso muddo labo sano ah, waxayna ugu baaqeen in ay si deg deg ah uga baxdo dekadda. Xildhibaanadan oo tiradooda ku sheegay 18 ayaa sheegay in mooshinka ay ka keeneen shirkada DP World u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka Puntland oo ay sheegeen in uu ka qabtay. Heshiiskii Puntland iyo DP World Puntland iyo shirkadda DP World ee Wadanka Isutaga Imaraadka Carabta ayaa 6 April 2017 magaaladda Abu-dubai ku kala saxiixday heshiis 30 sanno ah oo lagu ballaarinayo laguna casriyaynayo dekadda magaalada Boasaaso. Heshiiskaas waxaa dhinaca Puntland u saxiixay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka dekadaha Siciid Maxamed Raage, halka dhinaca DP World uu usaxiixay maamulaha shirkada DP World Sultaan Ahmed Bin Suleyman. Lacagta lagu maalgalinayo mashruucan ayaa lagu sheegay in ay dhan tahay $336 milyan oo dollar (Saddex boqol iyo sodon iyo lix milyan), iyadoo shirkadda DP World ay wajiga kowaad ee mashruucan ku bixinayso 200 milyan oo dollar, wajiga labaadna 136 milyan oo doolar. Heshiiska ayaa sidoo kale wuxuu dhigayay in dhismaha dekadda lagu dhamays tiri doono mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta heshiiska la saxiixay, wuxuuna socon lahaa muddo 30 sanadood ah oo ka bilaamaysay taariikhda heshiiska la saxiixay, sidoo kale DP World ayaa bixisay lacag dhan 15 milyan oo hormarin ah, taas oo Puntland qaar kamid ku bixisay laaluush ay siisay baarlamaanka hadda mooshinka keenay, kadib markii ay rideen Golihii wasiirada sanadkii hore. Ansixintii Baarlamaanka heshiiskii DP World Baarlamaanka Puntland ayaa 27 July 2017 kal-fadhigoodii 39-aad ku ansixiyey heshiiska shirgadda DP World iyo Puntland, iyagoo ka dooday heshiiskaas su’aalana ka weydiiyey Wasiirka dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage, 56 Mudane oo k aka tirsan Baarlamaan Puntland ayaa maalintaas cod gacantaaga ugu codeeyey heshiiska shirkadda DP World iyo Puntland ee ballaarinta iyo casriyeynta Dekada magaaalada Boosaaso. DP World iyo la wareegidii Dekadda Shirkadda P&O Ports oo qeyb ka ah DP World ayaa 12 October 2017 si rasmi ah loogu wareejiyay maamulka dekadda Boosaaso, waxaana munaasabadii wareejinta goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Puntland, maamulka goboka Bari, nabadoono iyo waxgaradka gobolka iyo wakiilo ka socday shirkadda. Intaas kadib ganacsatada wax kala soo dega dekadda Boosaaso ayaa muranka ka keenay kordhin lagu sameeyay khidmadaha laga qaado badeecooyinka ka soo dega dekadda, kaas oo hakad galiyay howlihii dekadda iyo guud ahaan ganacsiga Puntland, waxaana dhowr jeer Boosaaso ka dhacey mudararaadyo looga soo horjeedo arintaas. Muddo isqab-qabsi ah kadib waxaa murankaas soo dhexgalay qaar kamid ah issimadda Puntland oo ka soo saarey go’aamo lagu dhexdhexaadiyay labada dhinac, waxaana ilaa xiligaas dekadda ka shaqeynayay go’aamadii issimadda. DP World ilaa xiligii ay heshiiska la gashay Puntland wax shaqo ah kama aysan qaban dekadda, waxaana loo aanaynayaa isqab-qabnsiga dowladda iyo ganacsatada oo saameeyay heshiiska. Muxuu yahay qorshaha Baarlamaanka Puntland? Baaralamaanka Puntland ee hadda oo mudadii uu jiray lagu bartay la xisaabtan la’aan iyo laaluush qaadasho ayaa la aaminsan yahay in ay wadaan dano gurracan oo aan shacabka loogu danaynayn kuna raadinayaan dhaqaale. Waxaana sawirka laga bixin karo mooshinka ay baarlamanka Puntland hadda ka keeneen shirkadda DP World uu yahay “Baroortu orgiga ka wayn” uuna lamid yahay kii ay sanadkii hore ku direen Golihii xukuumadda. Baarlamaanka Puntland ee hadda jira oo muddo xiliyeedkiisii ay ka dhiman tahay wax ka yar labo bilood ayaa lagu xilmaamaa in uu yahay kii ugu xusuusta xumaa tan iyo asaaskii Puntland. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland:- “Baroortu orgiga ka wayn”! appeared first on Puntland Post.
  19. Mashruucii Biyo Balaadhinta Hargeysa Oo Kooxo Dhaqaale Raadis Ahi Ku Hirdamayaan, Madaxtooyada Oo Joojisay Tartankii Loo Galayay Iyo Su’aal Ka Taagan Cidda La Siinayo Mashruucaasi Kooxo Shirkaddo Ajaanib ah degta ku sita ayaa ku hirdamaya Hanashada Mashruucii biyo balaadhinta Hargeysa,kadib markii ay Madaxtooyaddu meesha ka saartay qorshihii markii hore loo dejiyay ee tartanka loogu galayay,waxaanay su’aali ka taagan tahay Cidda Mashruucaasi hanan doonta iyo qaabka mashruucan ay Madaxtooyaddu ku bixin doonto. Hore ayaa loo shaaciyay in Mashruucaasi tartan loo galayo waxaana codsaday shirkado door ah oo u badan kuwo ajaanib ah oo ay hoosta kaga jireen islamarkaana ay wateen dilaaliin xidhiidh la leh Madaxtooyadda,Balse waxa ay hawshii isbadeshay kadib markii uu Dhawaan Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysi Maxamed Cali Axmed (Daarood) uu soo saaray warqad qoraal ah oo lagaga noqday tartankaasi taasi oo uu ku socodsiiyay dhamaan shirkadihii soo codsaday Mashruucaasi waxaanu u sheegay in gabi ahaanba la joojiyay tartankaasi,isagoo shirkad kasta u celiyay Macluumaadkeedii ay kaga qayb galaysay tartanka. Illaa iyo hadda lama garannayo qaabka loo maamulayo Mashruucaasi,cidda la siin doono iyo sida loo bixinayo, waxaana ku dul gaaf wareegaya madaxtooyadda kooxihii ee hore dilaaliinta uga ahaa shirkadahaasi hore ee ajaanibka ahaa kuwaasi oo imika qaab waji garasho ah iyo ehelnimo ah ku baadi goobaya inay mashruucaasi ku helaan. Qaar ka ah dilaaliinta ayaa weel u sii samaystay mashruucan islamarkaana Xafiisyaddii kasii furtay magaalada Hargeysa,iyagoo shaqaale iyo maasuuliyiintii ka maamuli lahaydna sii dhistay balse waxaan la ogayn halka uu mashruucaasi ku dambayn doono iyo cidda ay Madaxtooyaddda oo gacanta ugu weyn ku lehi ugaran doonto inay mashruucaasi hawshiisa la wareegto. Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo dhawaan ka hadlay mashruucaasi iyo kooxan ku hirdamaya ayaa waxa uu yidhi: “Waxaan aad iyo aad ugu boorinayaa maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa, Waad ogtihiin lacagta la inoogu deeqay ee Hargeysa Biyaha loogu samaynayo,waxa jira dilaaliin yar yar oo hadda doonaysa in Mashruucii kastaba ay dilaalaan,oo aan dadka ka naxayn,Mashruucaasi lacagtiisa waxaa bixiyay Dalka Jarmalka, Dawladda Jarmalku waa Dawladda ugu deeqda badan dhinaca Somaliland, waxay inoosoo wadaa iskuulo lagu baranayo Farsamada Gacanta “Technical Schools””. Waxa kale oo uu yidhi: “Waxaan leeyahay halaga daayo maareeyaha Musuq Maasuqa iyo Dilaalista meeraysanaysa, waxaan leeyahay Madaxweynaha waa in bird-kaasi la samaynayo si cadaalad ah loo sameeyaa. Nin waliba waxa uu soo kaxaysanayaa Shirkad yaroo aanay aqoonteedu geedkan gaadhsiisayn, oo odhanaya lacag ayaan idin siinayaaye ii ololeeya. Dhalin yartan yar yar ee hadda Hunguriga lasoo baxday Waxaan leenahay adeerayaal Xishooda, Madaxtooyaddan aad soo dhego dhegaynaysaa joojiya ayaa idin leenahay”. Sikasta ha noqotee, shacabka ku dhaqanka Magaalada Hargeysi waxa ay naawilayaan inay maruun helaan Biyo ay ka haqab baxaan, iyadoo maalmiihi u dambeeyay uu qiimaha foostada biyaha ahi kor dhaafay 25000-Kun Oo Shilinka Somaliland ahi. Sidoo kale waxa gacantii Xukuumaddii hore ee Siilaanyo ku fashilmay mashruucii Biyo Balaadhinta Xumbo Weyn oo la doonayay in Biyo loogu soo saaro Magaaladda Hargeysa,kaasi oo lagu lunsaday Maalaayiin dollar oo Somaliland lagu Caawiyay. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si deg deg ah u amray inay dalka ugu soo laabtaan dhammaan Diblamaasiyiinta Soomaaliya u joogo wadanka Suudaan eek u yaal Qaaradda Africa. Ra’isulwasaaraha ayaa wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ku amray inay deg deg ugu yeerto dibloomaasiyiintaas oo Ra’isulwasaaraha loo soo gudbiyey musuq maasuq ay ka wadaan Safaaradda halkaas ku taal ee Soomaaliya. Dadka la amray inay dib ugu soo laabtaan dalka ayaa kala ah sii hayaha safaaradda, dhammaan diblamaasiyiinta iyo u-qaybsanayaasha ka hawl gala safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan . xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga Danjire Siciid Xaaji Maxamuud ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 18 August ka soo saaray waraaq lagu amrayo inay dalka ug usoo laabtaan dinlamaasiyiintaas isla markaasna ay ilaaliyaan waqtiga loo qabtay. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dhawan tagay Magaalada Khartuun ayaa waxaa dacwad ka dhan safaaradda Soomaaliya usoo gubdiyey iyadoo ka cabanayey dhibaato ay sadaaradda ku heyso ardayda Soomaaliya iyo muwaadiniinta kale ee safaaradda dano kasoo yeesho. Qaar kamid ah ardaydaas ayaa Ra’isulwasaare Kheyre u sheegay in haddii u ka tago isagoo aan wax qaban dhibaatada taagan ay ogaan doonaan inuusan dalka laheyn madax ka danqaneyso dhibataada heysato muwaadiniinta Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Garoowe (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ka aqbalay mooshin ka dhan ah Shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo dhisaysa Dekedda Boosaaso. Baarlamaanka Puntland ayaa gudbiyey Mooshin ka dhan ah shirkada P & O oo qeyb ka ah DP WORLD, horeyna loogu wareejiyey dekeda magaalada Boosaaso. Mudanayaasha oo mooshinkooda u gudbiyey guddoonka golaha ayaa ku sababeeyey in ay shirkadan ilaa hadda waxba ka qaban xaaladda Dekeda Boosaaso, una muuqato in ay u haysato sidda ay sheegeen Dano siyaasadeed. Xildhibaanada Puntland ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay raaceen go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka dalka uga mamnuuceen in ay ka Shaqeyso dalka Shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta,isla markaana dekada Boosaaso ay ku maamusho sisharcidarro ah. Tiradda Xildhibaanada Mooshinka gudbisay ayaa ah 21 xildhibaan. Qaar kamid ah Xildhibaanada oo la hadlay wariyayaasha ayaa sheegay in talaabada ay mooshinka ku keenen ay ka dambeysay markii ay mudo labo sanno ah ka war sugayeen DP WORLD iyo shirkadeeda yar ee P & O in ay meelmariyaan waxyaabihii lagu heshiiyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Jigjiga (Caasimadda Online) – Maxamed Rashiid Isaaq oo ahaa, Afhayeenkii Baarlamaanka ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa wuxuu iska casilay xilkii hayey, sida laga soo xigtay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Sidoo kale, wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Khadar Cabdi Ismaaciil oo ahaa Hogaamiyaha Gollaha Dhexe ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya uu isana ka tegay shaqadda. Ma cadda sababta ay Jagooyinkooda uga tageen, balse, waxay kusoo beegmaysaa xili siyaasadda degaanka Soomaalida Itoobiya ay ka jirto isbedalo waa wayn oo hogaanka maamulka ku dhacay. Labadaan masuul oo kamid ahaa Sharci-dejiyaasha ugu muhiimsan gobolka ayaa waxay ka tirsan yihiin Xisibiga taladda haya ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee loosoo gaabiyo magaciisa ESPDP. Arrimahaan ayaa waxay kusoo beegmaya xili kulamo looga arrinsayo mustaqbalka gobolka ay ka soconayaa Magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasoo xubno badan ay joogaan. Cabdi Cumar Maxamed oo ahaa Hogaamiyaha Xisbiga taladda haya ee DDSI, iyo Madaxwaynaha ayaa is-casilay, waxaana loo doortay madaxa Xisbiga Axmed Shide oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta ee dowlada Federaalka Itoobiya. Axmed Cabdi Maxamed [Ilka Case] ayaa loo xushay inuu noqdo Madaxwaynaha dowlad degaanka kadib is-casilaadda Cabdi Illey, waxaana uu horey usoo ahaa Ilka Case Wasiirka Maaliyada gobolka. Ilka Case iyo Axmed Shide ayaa waxaa la fahansan yahay inay xulufo dhow la yihiin Cabdi Ille. Waxaa la filayaa in doorasho ka dhaco maamulkaas dhowaan. Is-casilaada Afhayeenka Baarlamaanka ee dowlad degaanka iyo Hogaamiyaha Gollaha Dhexe ee gobolka ayaa waxay wali yihiin kuwa boosaskooda uu banaan yahay, inkasta oo dhowaan la filayo in la xusho dadkii lagu bedali lahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa war saxaafadeed kasoo saartay dhibaatada lagu shirkadda Isgaarsiinta Soomaaliyeed ee Hormuud. Ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanada Xuduudda ayaa dhibaato xoog leh ku hayey mudooyinkii dambe Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud waxayna gubeyn illaa lix xarun oo ay shirkadda ku laheyd Gobolka Gedo. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa falkaas ku tilmaamtay mid aan la qaadan karin isla markaasna loo baahan yahay in si deg deg looga hortaggo. Rugta ayaa sheegtay inay dowladda Soomaaliya dhawr jeer u gubdiyeen dacwad ka dhan ah Ciidamada Kenya ee dhibaatada ku hayo Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud balse aysan jirin ila hadda tallaabo laga qaaday falkaas guracan ee lagu hayo shirkaddaas. Ugu dambeyntii Rugta ganacsiga ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqday in si deg deg arrintaas wax looga qabto si aan loo curyaamin Ganacsiga dadka Soomaaliyeed iyo shirkdda Hormuud. Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka kasoo baxay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha
  24. GUUGUULAHA SIR-DOONKA: Sirdoonku ma fan baa mise waa cilmi-saynis? Maya, ee waa labadaas oo wada jira, bilowgii hore waxaa la falkiyey qaybta fanka ah ee “The art of intelligence”. Maanta oo la joogona, sir-doonku waa cilmi Saynis buuxa “Scientific and Technical Intelligence”. Dawladaha adduunku si joogta ah ayay isu basaasaan iyaga oo ilaashanaya danahooda amnni iyo kuwa dhaqaale. Farsamooyinkii hore waxaa ku soo biiray kuwo hor leh oo maanta ay tiknaloojiyaddu hormuud u tahay. Taariikhda cusub ee Soomaaliya waxay xasuusantahay, 12 sano oo nabad sugiddu aad u xoog badnayd, xilligaas oo uu madax ka ahaa S/Guuto #Axmed_Saleebaan_Dafle oo isagu aasaasay Nabad Sugiddii Soomaaliya NSS. Nabad sugiddaasi, shishe iyo duluc bay lahayd, wixii dumey bay lahayd. Maanta, Afarta waaxood ee sir-doonku ku hawlgalaan, midna cago fiican kuma taagnna, waxaa badan kuwa la iibsan karo ee dalkooda basaasa. Ma maqashay doodda odhanaysa, Qalbi Dhagax waxaa galaaftay xog khaldan oo madaxda qaranka la siiyey? Haddii aad maqashay! Ogow kolkaas laamaha ammaanka oo dhammi dib-u-eegid qoto dheer ayay u baahnaayeene! Fahad_Yaasiin, nabad sugidda uma uusan iman in uu ku “fara-macaysto” – Fara macaysigu waa maxay? Waa marka qof meel dan la’aan la fadhiya loo keeno shaqo fudud oo isaga oo fadhiya uu faraha ka qaban karo, sida xadhig la soohayo oo kale – Ee waxaa loogu magacaabay in uu shaqadaas ka soo dhalaalo. Sanadkii hore, waxaan jaanis u helay in aan muddo saddex bilood ah si iskaa-wax-u-qabso ah ula shaqeeyo qaybaha kala duwan ee ciidanka, durba waxaa ii muuqatay dhaliilo caad yaal ah oo laamaha ammaanka ku fidsan, waxanse ogaa dadaalka Madaxwaynuhu ugu jiro sidii uu dalku ku helilahaa ciidan xoog leh oo gaashaan u noqda ciidda iyo calanka Soomaaliya. Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya tan iyo maalintii uu ka tagay Axmed S. Dafle lama sheegin wiil kale oo isaga oo shaadh cad galay, misna shaadh cad kaga baxay! Waxaanse ku male waynahay ninkii labaad in uu yahay #Fahad_Yaasiin oo inta aan ka aqaanno u diyaarsan in uu hoggaamiyo sir-doonka dalkeenna. Magacaabistiisu, waxay qaydar qodaxdii kaga qadhaadhahay wadankeenna kii dhibaya, dhagartiisa kii galaya. W/ Qoray Abdirashid M. Hashi
  25. Amal Mohamed grew up watching her father work to build the life he created for his family after immigrating to the United States from Somalia in 1990. Source: Hiiraan Online