-
Content Count
206,424 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jiddah (Caasimada Online)-Waxaa soo idlaaday gudashada acmaasha Xajda oo Malaayiin Muslimiin ah ay sanadkan guteen, waxaana lasoo sheegaya in halkaa ay ku geeriyooden dad Soomaali ah. Dhimashada qaar ka mid ah xujeyda Soomaalida ee Sanadkaan iyo dhaawaca tiro kale ayaa timid kadib isbuurasho shalay ka dhacday Magalada Mina. Laba Xujeyda Soomaaliyeed ka mid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay Magalada Mina. Tiro kale ayaa ku dhaawacantay kadib markii ay shalay isbuurasho ka dhacday Mina, oo qiyaastii 5-KM u jirta magaalada barakaysan ee Makka. Xujeydan geeriyootay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Xaaji Axmed Maxamed Saalax oo ku geeriyooday Buurta Carafa iyo Xaaji Xasan Maxamed Jimcaale oo ku geeriyooday Mina. Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in Laba qof oo Soomaali ah geeriyootay, iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka, geeridooduna ay ka dhalatay isbuurasho ka dhacday Mina. Sanad kasta ayaa waxaa jirta in ay dad ku dhintaan isbuurasho ka dhacda Xajka,waxaana dadkaasi ka mid noqda Soomaali ka mid ah dadka xajinaya. Martida illaahay ee gudanaysa Xajka ayaa ku guda jira Jamraadka, maalmo ayaana uga harsan dhameystirka Acmaasha Xajka. Caasimada Online Xafiiska Jiddaha Caasimada@live.com
-
The Kenyan police said on Wednesday that they are interrogating four suspects who were arrested in separate incidents for carrying contraband sugar and cigarettes from two neighboring countries. Source: Hiiraan Online
-
Fadumo Dayib: What vying for president of Somalia taught me
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Fadumo Dayib's announcement of her candidacy for president of Somalia in 2016 drew as much admiration as it did ridicule. Source: Hiiraan Online -
Representative of the Djibouti Ports and Free Zones Authority Hassan Abdillahi Waberi said that Djibouti has sufficient capacity to handle Ethiopia’s import-export shipment and provide seamless service for the existing traffic. Source: Hiiraan Online
-
Detectives are investigating the shooting of former Garissa Finance executive Idris Mkutar in Keleleshwa, Nairobi. Source: Hiiraan Online
-
Russian journalists murdered in Africa may have been set up
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The international airport in Bangui, the capital of the Central African Republic, is a grim, dusty little installation in a country all but destroyed by generations of tyranny and war. Source: Hiiraan Online -
Russian Journalists Murdered in Africa May Have Been Set Up
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The international airport in Bangui, the capital of the Central African Republic, is a grim, dusty little installation in a country all but destroyed by generations of tyranny and war. Source: Hiiraan Online -
Saudi Arabian prosecutors were seeking the death penalty for a human rights activist who may be the first woman in the country's history to face execution over her cause, human rights campaigners said. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (HOL) - Local media in Ethiopia have announced that council members from the Ethiopian Somali People Democratic Party (ESPDP) have unanimously decided to appoint Mustafa Muhumed Omer as the acting president of the Somali Regional State (SRS) in Ethiopia. There will be regional state elections in 2020. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Five Al-Shabaab militants were killed in a fierce fighting with the Somali National Army (SNA) on Tuesday evening, Somali officials said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Al-Shabaab ayaa maleeshiyaad hor leh kusoo bandhigtay Fagaare ku yaal Degmada Jilib kuwaa oo ku hubeysnaa hubka noocyadooda kala duwan. Maleeshiyaadka lasoo bandhigay oo ku howlanaa ciida ayaa waxaa ka dhexmuuqday carruur yaryar oo la sheegay inay dhaleen Saraakiil iyo dadka deegaanka. Maleeshiyaadka lasoo bandhigay ayaa waxaa ka dhexmuuqday dagaalyahaano wata tuutihii ugu dambeeyay ee dhawaan loo qeybiyay ciidamada 14-October. Dareeska ay watan maleeshiyaadka ayaa waxaa qeybiyay taliska ciidamada Militeriga waxaana la siiyay ciidamada 14-October oo dhawaan lagu wareejiyay amniga magaalada Muqdisho. Dareeska ciidamada 14-October ee hadda ay heystaan Al-Shabaab ayaa waxaa 14-Bishii July lagu weeraray barkoontarool oo ku yaala afafka hore ee beertanabada weerarkaa oo ay fuliyeen rag hubaysnaa kana tirsanaa Al-Shabaab. Horjoogayaasha ku labisan dareeska ayaa waxaa kamid ah Wakiilka Al-Shabaab u qaabilsan Jubbooyinka Maxamed Abuu Cabdalla. Sidoo kale, Shabaab waxa ay soo bandhigeen gaadiid leh astaamaha milateriga dawladda Soomaaliya kuwaa oo iyaguna laga furtay ciidamada Dowlada. CIIDAMADA DOWLADA OO KU LABISAN DAREESKA CUSUB
-
Addis Ababa (PP) ─ Kulan Addis Ababa ay ku yeesheen xisbiga hoggaamiya DDSI iyo Odayaasha dhaqanka maamulkan, ayaa waxaa la iskula gartay in madaxweyne KMG ah loo sameeyo maamulka Soomaalida-Itoobiya, kaasoo xilka hayn doona tan iyo sannadka 2020-ka. Madaxweynaha KMG ah ee Maamulkan ayaa waxaa loo magacaabay Mustafa Muxumed Cumar oo loo yaqaan [Cagjar], isagoo maamulkan hoggaaminaya tan iyo inta doorasho laga qabanyo sannadka 2020-ka, doorashadaa oo lagu soo xuli doono mas’uulkii xilka ka beddeli lahaa. Sidoo kale, Madaxweynahan KMG ah ayaa xilka kala wareegi doona, Axmed Cabdi Maxamed oo xilka lo magacaabay markii ay rabshado ka dhaceen DDSI, kuwaasoo ka dhashay cadaadis la sheegay inuu deegaannadaas ka geystay madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar. Dhanka kale, Madaxweynahaan cusub oo la isku raacay in uu xilkaas qabto ayaa ka mid ahaa dadka sida weyn ugu kacsan madaxweynihii hore DDSI, isla markaana cambaareyn jiray xad-gudubyada ciidamadii maamulkaas ay kula kici jireen shacabka. Ugu dambeyn, Mustafa Cag-jar, ayaa bartay dhaqaalaha dhinaca beeraha, waana 45-jir ku dhashay Magaalada Dhagax-buur, isagoo lagu wado xilkan loo caleemo saaro, sida ay xubnaha xisbigu sheegeen. Gaba-gabadii, Deegaannada Maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa toddobaadyadii u dambeeyay ka socday rabshado sababay dhimasho, dhaawac, boob iyo burbur hantiyeed oo loo geystay Soomaalida iyo dadka aan Soomaalida ahayn ee deegaannadaas ku nool. PUNTLAND POST The post Madaxweyne MEEL-KU-GAAR AH oo Maanta loo Magacaabay Maamulka Soomaalida Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga fulinta ee shacabka Dimuqraadiyadda Dowlad deegaanka Somalida,ayaa Madaxweyne KMG ahna Madaxweyne Ku xigeenka u doortay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar). Ninkaan la doortay ayaa ka mid ahaa xubnihii Mucaaradka, waxaana Guddiga Fulinta ay u doorteen hoggaanka Dowlad deegaanka inta laga soo dooranaayo Madaxweyne. Golaha dhexe ee xisbiga dimoqradaadiga shacabka Soomaalida Itoobiya oo dhawaanahan kulan ku lahaa magaalada Addis ababa ayaa Mustafa Muxumed Cumar u doortay inuu noqdo madaxweynaha kumeel gaarka ah ee u yeelanayo maamulkaasi. Dhawaan ayay ahayd markii uu xilka iska casilay madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, isla markaasna xilkaas loo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed. Axmed Cabdi Maxamed ayaa isna bartiisa Facebook soo dhigay Fiidiyow uu ku sheegayo in ay iyagu ka dambeeyeen in Mustafe Cagjar oo aan xubin ka ahayn xisbiga mar qura loo doorto labada xil ee kala ah ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga iyo sii hayaha jagada madaxweynaha DDSI. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Somali MP Abdirizak Mohamed has strongly protested against country’s plan to pay a US lobbying firm $400,000 through the end of this year. Hon. Mohamed called paying Sonoran Policy Group (SPG) amounts to corruption. SPG based in Arizona signed a lobbying contract with the FGS to help Somalia to gain renewed funding for the country’s army and lifting ban on Somalis’ travel to America imposed by US president Donald Trump. “This is corruption at its ugliest form by our government. We can not afford to pay such egregious amount to US lobbying firm, while our government relies on foreign aid to sustain itself and feed its people. This is outrageous and unacceptable” he said. Hon. Mohamed added “ mismanaging aid and donor support constitutes corruption, and affects economic development as well as aid effectiveness”. He stressed there has been a growing consensus that these activities threatens development and may reverse hard gained progress. He called for increased efforts from International partners to help fight corruption, and other illicit activities that derail economic development and affect accountability and public transparancy. AGREEMENT The US lobbying firm agreement was signed jointly by Somalia’s UN envoy Abukar Osman and Christian Bourge, executive director of the SPG in earlier this month. The SPG firm commits to arrange talks with White House officials and lawmakers aimed at ending a partial of US suspension of funding for the Somali National Army forces. The firm will also facilitate a future visit to the US by Somalia President Mohamed Abdullahi Mohamed, the agreement stipulates. The payments to SPG of Sh 10 million ($100,000) per month for four months, entails other general work by the lobbying group to enhance Somalia’s image in the US, the agreement said. Last year, US suspened food and fuel aid to Somali government’s military forces over alleged rampant corruption scandal. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Cabdiwali Gaas, Madaxweynaha Puntland Madaxweynaha Puntland Cabdwali Maxamed Cali Gaas ayaa si qarsoodi ah u magacaabay Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Puntland (Puntland intelligence and security agency “PISA”), sida ay ogaatay PUNTLAND POST. Xog ay heshay PUNTLAND POST, ayaan ku ogaanay in Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland bilowgii bishan August, 2018 Agaasimaha hay’adda PISA u magacaabay nin lagu magacaabo Cabdiqafaar Yaasiin Yacquub oo ay heyb wadaagaan, kaas oo muddo dheer ka shaqeynayay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya dhanka amniga. Sidoo kale xogta ayaan ku ogaanay in Cabdiqafaar Yaasiin Yacquub oo muddo ka cudur daaranayay in loo magacaabo xilkan, uu markii dambe ogolaaday in la magacaabo, wuxuuna hadda musuulkani ku sugan yahay magaalada Muqdsho oo uu horey uga shaqeynayay. Ha’yadda PISA ayaa timid kadib markii 28, June 2018 Golaha Xukuumadda Puntland isku raaceen in la mideeyo hay’adihii sirdoonka iyo nabad sugidda Puntland (Puntland Intelligence Service “PIA”) and Puntland Security Service” PSS”), iyadoo loo bixiyay magacan cusub ee hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Puntland (Puntland intelligence and security agency “PISA”). Madaxweynaha Puntland Cabdwali Maxamed Cali Gaas ayaa Digreeto uu soo saaray 13 June 2018 xilalkii ka qaaday Agaasimayaashii hay’adaha PIA iyo PSS, Cabdirasaaq Ciise Xuseen(Khaatumo) iyo Cabdullaahi Aadan Maxammed (Ulle). Hay’adaha PIA iyo PSS ayaa sanadihii u dambeeyay ahaa kuwo howl-gab ah oo aan sidii loogu talagay u shaqeynayn, lamana ogo mideyntoodu waxa ay ku soo kordhin doonto amniga Puntland. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas oo muddo xilliyeedkiisu sii dhamaanayo ayaa in dhawaale waday isbedelo uu ku sameynayay saraakiisha hay’adaha Puntland, kuwaas oo uu in badan u magacaabay shakhsiyaad ay heyb wadaagaan. PUNTLAND POST The post Xog:- Yaa loo magacaabay Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Puntland (PISA)? appeared first on Puntland Post.
-
War-saxaafadeed ka maanta ka soo baxay madaxtooyada dowladda Puntland ayaa lagu shaaciyay magacyada arday ay Puntland sheegtay in ciidamada Somaliland ku dileen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Somaliland dil iyo bara-kicin joogta ah ku hayso shacabka gobolka Sool,gaar ahaanna degmada Laascaanood,waxaana ku xusan magacyada laba qof oo Puntland sheegtay in ciidamada Somaliland ku dileen halkaasi iyo kuwa ay sheegtay in la dhaawacay. Puntland waxay sheegtay in 20-kii bishaan August ciidamo ka amar qaata Somaliland ay magaalada Laascaanood ku dileen laba arday oo kala ah,Shaafici Cabdi Goox iyo Barwaaqo Cabdirashiid Warsame,islamarkaana dhaawacyo culus la gaarsiiyay arday kale. Puntland waxay sidoo kale war-saxaafadeedka ku wargelisay dowladda Soomaaliya,hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo beesha caalamka in Somaliland dhibaato dil, cabudhin iyo bara-kicin ku hayso shacabka dedgmada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool,sida hadalka loo dhigay PUNTLAND POST The post Puntland oo war ka soo saartay dad Laascaanood lagu laayay appeared first on Puntland Post.
-
MARKA, Somalia (Caasimada Online) – Heavy fighting broke out last night between Somali army forces and Al-Shabaab fighters in Marka town, some 91km southwest of the capital Mogadishu. The clash flared up in Jilib-Marka area after heavily armed fighters launched gun attack on police station and military base, a policeman Mohamed Hussein said. Hussein says the Al-Shabaab fighters raided bases manned by government soldiers, leaving 3 people dead. Up to 7 other people were reportedly sustained injuries from the latest fighting in the coastal town of Marka. The group’s fighters also fired several mortar rockets at military bases, according to a witness, who asked to be anonymous. He told Caasimada Online that the skirmish had lasted for an hour, saying both sides used heavy and slight weapons during the fighting. Neither Somali military nor Al-Shabaab has commented on the gun battle that took place in the coastal town in south of Somalia. The militant group has lost the coastal town of Marka to Somali army forces following joint military offensive earlier this week. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ee ka Dagaallanta Somalia ayaa lagu arkay sawirro ay baahiyeen iyagoo xiran dharka ciidamada ammaanka Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwii ugu dambeeyay, taasoo la yaab ku noqotay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Al-shabaab ayaa muuqaalladan baahiyay shalay oo ahayd maalintii koowaad ee ciidul-adxa, iyagoo dhoolla-turs ciidan kusoo bandhigay Degmada Jilib oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe oo ay gabi ahaantiis gacanta ku hayaan. Xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa waxay ku labisnaayeen dharka ciidamada dowladda Somalia, gaar ahaana dharka guutada 14-ka Oktoobar oo Qaraxii Zoppe kaddib la dhisay, si ay uga hortagaan falalka Al-shabaab ay Muqdisho ka geysanayso. Sidoo kale, Waxaa kaloo waxyaabaha ay soo bandhigeen ka mid ah gaadiid dagaal oo ay ciidamada Somalia iyo kuwo ay Kenya ee AMISOM ka tirsan ay leeyihiin, iyagoo ku xiran calanka lagu yaqaan Al-shabaab. Dharka guutada 14-ka Oktoobar, ayaa wuxuu shakigiisa ugu weyni soo if-baxay weerarkii la damacsanaa in lagu qaado madaxtooyada Somalia bishii lasoo dhaafay ee July, iyadoo kooxihii weerarkaas fulinayay ay xirnaayeen dharka ciidamadan u gaarka ah. Xilligaas ayaa waxaa shaki abuurmay dartiis xilalkooda ku waayay qaar ka mid ah saraakiisha hay’adaha ammaanka, inkastoo aysan jirin tallaabo ka badan intaas oo ay dowladdu qaadday. Dhanka kale, Khuburo Amni ayaa waxaa laga soo xigtay in Al-shabaab ay dharkaas ku heshay dagaallada ay ku qaadaan ciidamada iyo ilo kale oo ka mid ah Dowladda Somalia, inkastoo aan weli si dhab loo ogeyn halka uu ka soo galay. Ugu dambeyn, Waxaa jira shakiyo fara badan oo ku aaddan cidda dharkan Al-shabaab u gudbiya, iyadoo kooxdan ay u muuqato inay xubno ku dhex-leedahay Dowladda Somalia, taasoo wiiqi karta qorshaha dowladdu ay ku doonayso inay kula dagaalanto Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo lagu arkay direyska cusub ee Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (PP) ─ Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] ayaa sheegay in duqeyn dhacday gelinkii dambe ee shalay lala beegsaday xubno ka tirsanaa Ururka Al-shabaab, kuwaasoo ku sugnaa meel 46-km Waqooyi-bari kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Mareykanka ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay laba xubnood oo Ururka Al-shabaab ka tirsanaa, isla markaana aanay jirin khasaare dadka rayidka ah kasoo gaaray duqeyntan. “Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Dowladda Federaalka Somalia waxay weerar ku qaadeen xagjirinta Al-shabaab oo ku sugnaa meel 46-km Waqooyi-bari uga aadan Kismaayo, waxaan ku dilnay laba argagixiso ah,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska AFRICOM. Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaan sheegin magacyada labada ruux ee ay sheegeen inay ku dileen duqeynta ay la beegsadeen, inkastoo tani ay qayb ka tahay duqeymo xilliyadii dambe lala beegsanayay xubnaha ugu sarreeya Al-shabaab. Gobolka Shabeellada Hoose ayaa toddobaadyo ka hor sidan oo kale duqeyn ay geysteen ciidamada Mareykanka waxaa lagu dilay xubno dhawr ah oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo ay ku jireen saraakiil sare. Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa horay u sheegay inay ka go’an tahay inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha ka dagaalama Somalia sida Al-shabaab iyo Daacish, kuwaasoo dagaal kula jira ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM. PUNTLAND POST The post Taliska AFRICOM oo sheegay inay duqeyn cirka ah ku dileen xubno ka tirsanaa Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors