-
Content Count
206,424 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
How can a nation heal its myriad of wounded individuals? Somalia is a nation that suffered a lot, suffered in the times of colonialism, dictatorship, civil war, displacement, being refugees, and extremisms. Source: Hiiraan Online
-
Jigjiga-[Puntland Post]-Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar ayaa amray in magaca Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu badalo “Somali State” iyo in la soo celiyo calankii hore ee ay ku jirtay xidigta Somaliweyn. Madaxweyne Mustaf waxaa uu fasaxay sidoo kale arrimaha dacaayadda iyo in maamulkiisa la dhaliilo “Dadka dacaayadda waa u fasaxan yihiin”. Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar waxaa uu ka digay 2 arrin oo aan laga ogoleyn maamulkiisa iyo guud ahaan Itoobiya. 1. In qabaa’ilka la isku dhufto, oo ah reer hebel oo ka kac, waa la oran karaa reer hebel ayaa wax badsaday, reer heben ayaa yaa yaacaya, waxaa la oran karaa Mustafa ayaa meesha yimid oo reerkoodii ayaa yaacaya, waa la oran karaa waxaad dhib ma leh, laakin reer hebelow reer hebel ku duula, waa qalad. 2. Waxaa kale oo qalad ah, wixii diinta iyo akhlaaqda ay diideyso, sawiiro qaawan, aflagaaddo, cay noocaas ah, wixii intaas ka baxsan wax walbo waa laga hadli karaa”. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxwaynaha Cusub Ee DDSI oo sheegay In La Badalay Calanka Iyo Magaca Deegaanka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho[Puntland Post]-Taliyihii Hore Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/weli Jaamac Gorod ayaa waxa uu maanta xilka ku wareejiyey Taliyaha Cusub Ee dhawaan uu soo magacaabaya Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Gen. Gorod oo muddo Sanad ah Xilka heynin ayaa waxa uu soo bandhigaya waxayabahii u soo qabsoomaya iyo kuwa hada dhimana isgoona Taliyaha Cusub ugu hanbalyeye xilka loo magaacabay. Hoos ka daawo xalfada xilwareejinta Cabdiqani Boos Puntland Post The post General Indha Qarshe Oo Maanta xilkii la wareegay appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Two people have been killed and sveral others injured in bomb explosion in Somali capital Mogadishu. The explosion went off on Thursday near Ministry of Defense headquarters in the capital, leaving 2 people dead. The attack was reporedly aimed at targeting a vehicle carrying country’s deputy minister of defense, Abdullahi Olad Roble, according to a witness. He says Roble sustianed minor injuries from roadside bomb explosion. There no immediate claim of responsibility for the explosin, but such attacks are often carried out by Al Shabaab. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – A Somali police has fired shotgun pellets at dozens of mourners on board heading to graveyard in Somali capital Mogadishu. The mourners were carrying a man’s body to a graveyard, when a soldier sprayed bullets at mourners on board in the capital, a witness said. He says a man identified as Ahmed Nour Hassan was critically injured in the shooting and died in a hospital in Mogadishu. The victim was later taken into criminal investigation departiment for further investigation. “We are preparing for burial”, relatives said. The soldier, who carried out the dreadful killing, has escaped from the crime scene. Somali security soldiers arrived at the area and launched an operation to hunt down the soldier, who ran away. No arrest has been reported yet. Somalia has been gripped by violence and lawlessness since the toppling of dictator Mohamed Siad Barre in the early 1990s. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Hay,adda Somali Relief Network Of North America oo uu madax ka yahay Dr Aadan Maxamed Ciise (Gaadaale) ayaa 60 neef oo ciidul Adxa ah ku qashay Degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, waxayna u qaybisay 300 oo qoys oo ah qatooxiga reer Yemeneed ee ku nool magaalada Qardho. Gudoomiyaha Degmada Qardho ayaa uga mahadceliyay maamulka Hay,adda Somali Relief Network Of North America deeqda ay maanta u qeybisay qaxootiga muslimiinta ee ku nool magaalada Qardho, wuxuuna sheegay hay,addu inay deeqdan si xiriir ah gudaha dalka uga wadey laga soo bilaabo sanadkii 2015-ka, ilaa 2018. Sidoo kale Hay,adda ayaa 50 neef oo Ciidul Adxa ku qashay Degmada Dongoroyo ee Gobolka Nugaal, Iyadoona u qeybisay qoysaska danyarta ee ku nool halkaas. Daawo Sawiradda. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Hay,adda Somali Relief Network oo ka qeybisay Qardho iyo Dongoroyo deeq Ciidul Adxa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay agagaarka xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo jugtiisa laga wada maqlay inta badan Degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa ka dhashay miino lagu aasay dhinaca laamiga, taa oo wadada loo sii dhigay gaari uu la socday Wasiir ku-xigeen ka tirsan Xukuumada Kheyre. Qaraxan oo wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa dhacay waxyar kadib markii uu halkaasi maray C/laahi Colaad Rooble oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xiliga Qaraxa ka yimid xarunta Wasaaradda oo maanta lagu qabtay Munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen Taliyihii hore ee ciidanka xoogga Gen. Gorod iyo Taliyaha cusub Daahir Indha qarshe. Saraakiishu waxa ay sheegen in Qaraxaasi uu ka badbaaday Wasiir ku-xigeenka iyo istaafkii la socday. Waxa ay sheegen keliya inuu ku dhintay qof shacab ahaa oo xiliga Qaraxa wadada maraayay, iyagoo intaa raaciyay in Qaraxa uu ahaa mid goobta loo sii dhigay C/laahi Colaad Rooble iyo mas’uuliyiinta la soctay. Qaraxa kadib waxaa halkaa gaaray Ciidamo ka tirsan dowlda oo halkaa ka qaaday Meyda qofka shacabka ahaa, waxa ayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano ku aadan sidii looga daba tagi lahaa raggii falkan ka dambeeyay. Dhinaca kale, Qaraxa ayaa kusoo beegmaaya xili maalmahaani magaalada Muqdisho ay ka caaganeed Qaraxyo waxyeelo geysta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)- Somali military says its forces fought against Al Qaeda linked Al Shabaab fighters in Marka town, some 91km southwest of Mogadishu. The fighting erupted after Al Shabaab militants launched an ambush attack on army bases manned by government soldiers in the town. A Somali military officer, Hassan Mohamud Hussein says its forces repulsed the attack launched by Al Shabaab. He confirmed four militants had been killed during the fighting. Marka, a coastal town locates some 91km southwest of Somali capital Mogadishu is under control of country’s army forces, following joint military operation earlier this week. Somali military also claimed to have killed number of Al Shabaab fighters in fighting in wednesday in the town. The militant group has lost the coastal town of Marka to Somali army forces following joint military offensive earlier this week. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Somalia ayaa goordhow rasaas ooda uga qaaday gaadiid siday Meyd xili ay kusii jeeden goobta aaska. Askariga rasaasta ku furay gaariga ayaa ku sugnaa Bar-kontorool oo ku taalla agagaarka Warshaadda Taraqa iyo Sigaarka ee magaalada Muqdisho. Rasaasta uu furay askariga ayaa ku dhacday mid kamid ah Darawalada la socday gaadiidka Meydka gaar ahaan Ambalasta oo rasaasta ay ka haleeshay qeybaha sare. Rasaasta iyo dilka ayaa ka danbeysay kadib markii ay murmeen dadkii la socday meydka iyo ciidankii halkaasi joogay. Dad la socday gaadiidka lagu waday meydka ayaa waxa ay sheegeen rasaasta uu furay askariga inuu ku dhaawacmay Axmed-nuur Xasan Xuseen oo markii dambe mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho ugu geeriyooday dhaawicii soo gaaray. Kiiska lagu dilay Axmed-nuur ayaa waxaa lagu wargeliyay xarunta dambi baarista ee CID-da, wuxuuna ahaa nin xoogiisa ku shaqeysta, islamarkaana uu ahaa 30 sano jir, sida ay inoo sheegeen qaar ka tirsan eheladiisa. Sidoo kale waxaa la sheegayaa in askarigii ka dambeeyey dilkaas ay gacanta ku dhigeyn ciidamada,isaga oo doonayey in uu goobta ka baxsado. Inta badan ciidamada dowlada oo aan waxba ka aqoon xuquuqda shacabka ay ilaalinayaan ayaa rasaas ku dhufta marka uu dhexmaro muran.
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Two people have been shot and killed by unknown gunmen in Somalia’s capital Mogadishu. The victims, whose names have been released as Farah and Saney were gunned down by men armed with pistols in Dharkenlei area in the capital, according to a witness. He says the victims were brothers, adding that one of them was a government soldier. It is unclear who carried out the assassination. No group has claimed the responsibility for the killing in the capital. But, such killing are often carried out by Al Qaeda linked Al-Shabaab and Islamic State groups. Mogadishu has been witnessed orchestrated assassinations and suicide bombings, which left dozens of people dead, as some those attacks were claimed by Al-Shabaab group based in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Koonfur Galbeed waxey wajaheysa maalmo doorasho ah, musharaxiin badan ayaa la filaya iney isu soo tagaan hogaanka maamulka dhulkiisa ay inta badan xooga ku joogan Al Shabaab. Waxaa jira gadood iyo ganuunac qabiilada ah kuwaas oo aaminsan in Shariif uusan beel ahaan u mudneyn kursiga sidoo kale waxaa jira beelaha qaar oo aaminsan inuu yahay kaligii taliye waxaana ay qabaan in xukunkiisa lasoo afjaro. Fargeeti, Jawaari iyo Maxamed Mursal ayaa laga yaabaa iney markaan isku dhinac maraan si ay xukunka uga tuuran Shariif, sidoo kale Dowlada dhexe ayaa la filayaa iney iyaduna ku biirto dagaalka lagu saarayo Shariif Xasan Shiikh Aadan. Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle waa ku kala qeybsan yihiin in la badalo Shariifka. Hadaba doodu waxey tahay ma u baahan tahay Koonfur Galbeed in Shariif Xasan la saaro, jawaabtu waa haa marka laga tusaale qaato qaabka dhismaha ee maamulkiisa, dhaqaalaha, amiga iyo meesha mustaqbalka loo rabo Koonfur Galbeed. Shabakadda caasimadda waxay wareysatay ilaa 10 muwaadin oo waxbaratay oo reer Koonfur Galbeed ah waxaana ay sheegeen in Shariif Xasan uu si xoogan dib ugu dhigay deeganada maamulka. Siyaasiyisiintu waxa ay iyaguna ku andacoonayan in Koonfur Galbeed uu yahay maamul aanan shaqeynin oo hal nin uu jeebka ku wato. Waxaa kaloo lagu eedeeyay inuusan maamulkiisu isku taxluujin inuu deeganada maqan kasoo celiyo gacanta Al Shabaab. Sidoo kale waxaan shaqeynin inta badan xurumaha Dowlada. Waxaa loo arkaa Koonfur Galbeed maamul hal qof jeebka ugu jira oo uu gor gortan siyaasadeed ku galo mar walba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xujey Soomaaliyeed ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Xajka, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay, markii shalay isbuurasho ka dhacday Mina, oo qiyaastii 5-KM u jirta magaalada barakaysan ee Makka. Xujeydan geeriyootay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Xaaji Axmed Maxamed Saalax oo ku geeriyooday Buurta Carafa iyo Xaaji Xasan Maxamed Jimcaale oo ku geeriyooday Mina. Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in laba qof oo Soomaali ah geeriyootay, iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka, geeridooduna ay ka dhalatay isbuurasho ka dhacday Mina. Fahad Abuu Daalib Agaasimaha waaxda adeegga dadweynaha ee Xajka ayaa sheegay in meydadka Xujeyda dhintay ay ku jiri doonaan Talaagad ilaa uu ka dhamaado Xajka. Martida illaahay ee gudanaysa Xajka ayaa ku guda jira Jamraadka, maalmo ayaana uga harsan dhameystirka acmaasha Xajka. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Xujay Soomaali ah oo ku geeriyootay Xajka appeared first on Puntland Post.
-
Kooxda isku magacowday dowladda islaamiga ah ee Daacish ayaa shaacisay farriin cod ah oo ay sheegeen in laga soo duubay hogaamiyahooda Abu Bakar al-Baqdaadi. Farriintan oo ah tii ugu horreysay ee soo baxday tan iyo bishii Siteembar ee sannadkii hore ayuu kula hadlayay taageerayaasha iyo xubnaha kooxdiisa ISIS. In kastoo uusan codku waqtiyeysneyn, haddana wuxuu u muuqday mid la xiriira dhacdooyin dhawaan dhacay, oo ay ka mid tahay xariga baadari Mareykan ah oo ku sugan Turkiga. Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigatay codkiisa ayaa sheegtay in uu yiri “Mujaahidiintama guushooda ama guul darradooda kuma xirna magaalo la xaday kumana niyad jabayaan gantaallada cul culus iyo bambaanooyin casri ah oo loo adeegsado” . Kooxda Daacish ayaa lagala wareegay inta badan dhulalkii ballaarnaa ee ay ka maamuleysay waddamada Suuriya iyo Ciraaq. Sannadkii la soo dhaafay waxaa kooxdan lagu khasbay in ay ka baxaan magaalada Raqqa oo ahayd xaruntoodi ugu weyneyd ee dalka Suuriya iyo Magaalada Muusil oo ahayd halkii uu Baqdaadi uga dhawaaqay maamulka uu ku magacaabay khilaafada Islaamiga ah sannadkii 2014-kii. Baqdaadi oo madaxiisa la dul dhigay lacag dhan $25m (£19m) oo la siinayo ciddii ku sheegta nolol ama geeri ayaa dhowr jeer oo hore la soo tabiyay in la dilay ama uu dhaawacmay. Horraantii sannadkaan waxaa la sheegay in la dilay wiilkiisa oo ahaa “taliye dhinaca howl gallada kooxda ah” kaasoo sida ay warbaahinta Daacish sheegeen ku geeriyooday weerar ka dhacay gobolka Ximis ee dalka Suuriya. Dhinaca kale war bixin ay Qaramada Midoobay soo saartay billowgii bishaan ayaa lagu sheegay in tiro u dhaxeysa 20,000 ilaa 30,000 oo dagaalyahannada Daacish ah ay ku suganyihiin dalalka Suuriya iyo Ciraaq. Khaliifka Bishii Juunyo ee sannadkii 2014-kii ayey kooxda daacish markii ugu horreysay si buuxda u soo baxday awooddeeda ka dib markii ay la wareegtay magaalada Muusil waxaana isla markiiba uu af hayeen u hadlay kooxda ku dhawaaqay in dib loo soo celiyay “maamulkii khilaafada Islaamka”. Maalmo yar ka dibna, al-Baqdaadi ayaa khudbadda jimcada ka jeediyay masaajidka Muusil halkaasoo uu si rasmi ah uga dhawaaqay in uu yahay “khaliifka islaamka”. ISHA BBC
-
Ciidamada Soomaaliland ayaa gacanta ku dhigay wasiiro kamid ahaa xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar kuwaa oo laamaha amaanka ay sheegeen iney si dhuumaaleysi ahaa kusoo galeen Soomaaliland doonayayna iney kasii baxsadaan. Wasiirada xukuumadii Cabdi Maxamuud Cumar ee lagu qabtay hargeysa ayaa kala ah wasiirka caddaaladda Cabdi Jaamac iyo Wasiirka waxbarashada dawlad deegaanka Soomaalida Ibraahim Aadan Mahad oo dhanka xuduudka Wajaale kaga gudbay si qarsoodi ah, balse laamaha amaanka Soomaaliland ayaa sheegay in labada Masuul gacanta lagu dhigay iyaga oo doonayay iney gaaraan caasimada Soomaaliya. Laamaha amaanka Soomaaliland ayaa dhanka kale sheegay labada wasiir iney sheegteen iney yihiin ganacsato kasoo cararay kacdoonkii Magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali Galbeed. Dhawaan ayay ahayd markii uu xilka iska casilay madaxweynihii maamulka Soomaali Galbeed Cabdi Maxamuud Cumar oo sanado xukumayay Maamulkaas, Islamarkaasina Ciidamo badan oo ka socdo Itoobiya ay la wareegeen Jig Jiga. Shalay ayaa Mustafe Cagjar ayaa Loo magacaabay Madaxweynaha Cusub ee DDSI. Mustaf ayaa la soo shaqeeyay Hay’addaha QM, gaar ahaan Hay’adda OCHA,wuxuuna kamid ahaa mucaaradka madaxweynihii Hore. PUNTLAND POST The post Wasiiro katirsanaa Maamulka DDSI oo lagu xiray Hargeysa appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Xoog) oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland ayaa madaxweyne Muuse Biixi uga digay, in uu awood u isticmaalo soo af-jaridda jabhadda hubaysan ee ka as’aasantay gobolka Sanaag,taasoo uu hoggaamiyo Korneyl. Siciid Cawil Jaamac(Caarre) oo hore uga goostay militariga Somaliland. Xildhibaan xoog wuxuu xukuumadda Muuse Biixi ku eedeeyay, in ay shaqo ka dhigatay dig-dig iyo hanjabaad aan soconayn oo ay ku wajahayso,dadka mucaaradsan maamulka haatan ka jira Somaliland iyo sidoo kale dadka tabashooyinka qaba,halkii laga rabay in ay isu-soodhoweyn iyo xal-nabadeed wax ku raadiso,sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale xildhibaanka ayaa rajo xumo ka muujiyay xaaladda gobolka Sanaag ee ay ka as’aasantay jabhadda Caarre,isagoo sheegay in gobolku u muuqdo mid faraha ka sii baxaya, haddii aan xal laga raadin saraakiisha hoggoaaminaysa jabhadda,islamarkaana wax laga qaban tabashooyinka beelaha halkaas degaa ka qabaan maamulka Muuse Biixi. “Madaxweyne waxaan leeyahay wax walba oo ay dadku tabanayaan wax ka qabo, digdig iyo hanjabadi haddii ay wax ku soconayaan dawladdii Siyaad Barre ayaa ku socon lahayd, waxaad mooda in Gobolka Sanaag oo ah Gobolka ugu weyn dalka inuu faraha ka sii baxayo”,ayuu yiri xildhibaanku. Xildhibaan Xoog isagoo hadalkiisa sii wata ayuu raaciyay” waxaan ku talin lahaa inuu Madaxweynuhu dadka nabada ehelka u ah ee Dawladda, sida Golaha Wasiiradda, Golaha Barlamaanka ee Guurti iyo Wakiilo leh iyo Axsaabta Qaranka,inuu la kaashado arintan tabashada dhinaca Ciidanku wey taagan tahay,sidoo kale waxaan leeyahay Madaxweyne, umadda adiga ayaa Madaxweyne u wada ah ee isku soo dhawee, oo ka tali wanaagooda iyo wada jirkooda” Dhinaca kale xildhibaanka ayaa ka hadlay,qabyaalad iyo eex uu sheegay in ay ka dhex jirto xukuumadda Muuse Biixi,taasoo uu ku tilmaamay sababta ugu weyn ee kala qeybisay ciidamada Somaliland,islamarkaana ay ka abuurantay jabhadda Korneyl Caarre ka as’aasay gobolka Sanaag ee la baxday Xoraynta Somaliland. “Qabyaalada oo si khaldan loo isticmaala, waa wax aad u xun, qabyaaladuna inay dadka kala fogayso mooye dadka iskuma soo dhawenayso, in Ciidanka Qabyaaladu gashana, waa wax aad fool xun. Korneeladan baxaya waxbay tabanayaan, Ciidamada oo loo baahan yahay inay mar walba isku duubnadan ma wanaagsana inay qabyaalada iyo gobolaysigu soo dhex galaan”ayuu yiri xildhibaan xoog. Jabhadda uu gobolka Sanaag ka as’aasay Korneyl.Siciid Cawil Jaamac(Caarre) oo ka kooban saraakiil ka goostay militariga Somaliland iyo malayshiyo-beeleed ku biiray ayaa maalmahan dambe dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadday qeybo kamid ah gobolka Sanaag,waxaana ay saraakiisha hoggaaminaya maalmo ka hor sheegeen in Puntland ay saldhigyo ciidan siisay. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo looga digay in uu awood u isticmaalo jabhadda Caarre appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Sida aan xogta ku heleyno ciidamada amaanka maamulka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay Wasiiro xilal ka hayay maamulka DDSI oo baxsad ahaa. Wasiiradan oo ka tirsanaa Xukuumada Madaxweynihii is casilay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu qabtay Garoonka magaalada Hargeysa. Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay xili ay baxsad ka ahaayen maamulka DDSI, waxaana lasoo sheegayaa in si dhuumaaleysi ah ay kusoo galeen Somaliland. Wasiirada baxsadka ahaa ee gacanta lagu dhigay ayaa kala ahaa Wasiirka waxbarashada dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Ibraahim Aadan Mahad iyo Wasiirka Caddaaladda Cabdi Jaamac oo dhinaca xuduudka Wajaale kaga soo gudbay si dhuumasho ah. Wasiiradan ayaa la xaqiijiyay in magaalada Hargeysa aya ku dhuumaaleysanayeen muddo todobaad ah, hase yeeshee markii danbe lagu qabtay Garoonka xili ay sii dhuumanayeen. Wasiiradan ayaa baxsad u ahaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia sida ay xaqiijiyeen laamaha amaanka hase yeeshee waxaa Dukumiintiyadooda fashiliyay ciidamada. Laamaha amaanka ayaa Wasiirada weydiiyay su’aalo la xiriira sharciga iyo aqoonsiga ay sitaan, kadibna waxay sheegteen inay yihiin ganacsato xoolaha ka ganacsata. Muddooyinkii u dambeeyay waxa gudaha Somaliland soo gaadhayay dadka kasoo cararayay rabshadihii magaalada Jigjiga ka dhacay, kuwaasi oo qaarkood ay lasoo baxsadeen hanti oo Dawladda Somaliland gacanta ku dhigtay. Dhawaan ayay aheyd markii maamulka Somaliland uu ka digay in mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan maamulka Soomaalida Ethiopia sharci daro kusoo galaan Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Bosaso (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in maamulka uu Saldhig Militery siiyay Saraakiil iyo ciidamo kasoo goostay Somaliland. Puntland ayaa la sheegay in Saldhiga ay ugu tallo gashay in lagu xareeyo dhamaan ciidamada kasoo goosta Somaliland iyo Hubkooda. Saraakiisha iyo ciidamada kasoo goostay Somaliland ee Puntland ka helay Saldhiga ayaa waxaa horboodaya Korneyl Caarre, waxa uuna cadeeyay in Puntland ay siisay Saldhig. Korneyl Caarre oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ayaa sheegay in Puntland ay siisay Saldhig uu ku tababaro Ciidan uu sheegay in uu ku xoreynayo Somaliland. Korneyl Caarre, waxa uu maamulka Somaliland ku eedeeyay qabyaalad iyo in maamulka aan loo sineyn sidaas darteedna uu ka goostay Ciidamadii uu ka midka ahaa, sida uu haddalka u dhigay. Waxa uu Korneyl Caarre sheegay in uu ilaa hadda yahay qof Somaliland ah,hayeeshee uu diyaar u yahay in uu suuliyo waxa uu ugu yeeray caddaalad darrada ka jirta degaanada Somaliland. Sidoo kale, waxa uu sheegay Korneyl Caarre in waxyaabaha aadka ugu yaabiyay ay kamid tahay in Ciidanka Somaliland uu ku dhex arkay Carruur Agoon ah oo qaadanaya xuquuq iyo kuwo la mid ah oo aan qaadaneyn. Puntland ayaa dooneysa in ciidamadan ay u adeegsato Somaliland oo xiligan uu kala dhexeeyo dagaal ka dhashay lahaanshiyaha Gobolka Sool. Dhinaca kale,Puntland ayaa horay u sheegtay in Somaliland ay dhabarka u dhigan doonto wixii mas’uuliyad ah oo ka dhasha duuleenka ay kusoo qaaday Gobolka Sool. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka soomaalida ee Ethiopia. Golaha dhexe ee xisbiga dimoqradaadiga shacabka Soomaalida Ethiopia oo dhawaanahan kulan ku lahaa magaalada Addis ababa ayaa Mustafe Cagjar u aqoonsaday inuu buuxinkaro booska madaxweyninimo ee maamulka. Dhawaan ayay ahayd markii uu xilka iska casilay madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar, isla markaasna xilkaas loo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed. AKHRISO TAARIKH NOLOLEEDKA MADAXWEYNE MUSTAF CAGJAR: Mustaf Muxumed Cumar waxaa uu ku dhashay magaalada Dhagaxbuur 1973-dii, waa dhaqaale-yahan shahaadada Masterka ka heysta cilmiga Science, waxaa uu leeyahay khibrad ilaa 23 sano ah. Mustaf, waxaa uu la soo shaqeeyay hey’ado badan oo ay ka mid yihiin: Qaramada Midoobey, Save the Children iyo dowladda Itoobiya. Madaxweynaha cusub ee Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf waxaa kale oo khibrad u leeyahay arrimaha banii’aadnimada, cuntada iyo qorsheynta. Hey’adda Qaramada Midoobey waxaa uu kala shaqeeyey arrimaha banii’aadanimada, isaga oo ka shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin Zimbabwe, Kenya, Soomaaliya, Imaaraadka, hadda marka la magacaabayey waxaa uu ahaa la-taliyaha xafiiska isku-duwaha Qaramada Midoobey ee arrimaha banii’aadnimada ee Soomaaliya. Dad aqoon gaar ah u leh ayaa sheegay in Mustaf Muxumed uu yahay shakhsi karti leh, aqoon leh, fahamsan baahida gobolka isla markaana dagaal u galay inuu isbadal ka dhaco Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Cabdi Iley, oo ahaa nin ay Tigreega u adeegtaan ayaa muddo ka talinayey Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya isaga oo sameystay ciidamo u daacad ah, oo dhibaato isugu jirta dil, dhac, kufsi, barakicin xoog ah iyo bah-dilaad ku hayey bulshada Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxda Maamul Goboleedyada waxaa heysta Culeys Siyaasadeed oo ugu imaanaya Doorashada ka dhaceyso Deegaanada inta badan Maamul Goboleedyada. Doorashada ugu dhow ayaa ka dhaceysa deegaanada Koofur Galbeed bisha November ee sanadkaan, waxaana soconaya abaabul iyo xod-xodasho siyaasadeed oo ay kala wadaan xubnaha la tartamaya Madaxweyne Shariif Xasan iyo isla madaxweynaha Qudhiisa. Puntland ayaa la filayaa in Doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha ay ka dhacdo Desember 2018 illaa iyo Janayo 2019 oo lagu soo gaba-gabeynayo. Doorashada Xildhibaanada ayaa dhaceysa Desember 2018, Guddoonka Baarlamaanka ayay Dooran doonaan 4-ta Janaayo 2019, iyadoona Afar Cishe kadib la dooran doono Madaxweynaha Puntland hogaamin doono Afarta Sano ee soo socota. 2019-ka waxaa la filayaa in ay Doorasho ka dhacdo Jubbaland, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa wajahaya loolan ka duwan kii uu galay markii uu labo jeer uu ku guuleystay Xilka Madaxweynaha Jubbaland. Galmudug, Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo la doortay 3dii May, 2017-kii ayay Xildhibaanada qaar sheegayaan in xil heyntiisa ay ku siman tahay Waqtiga ugu haray Madaxweynihii Xilkaan kaga horeeyay ee Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la doortay 4tii July 2015-kii. Dhanka Hir-Shabeelle Madaxweyne Waare oo ku guuleystay Doorasho dhacday September 2017-kii waxa ay Mudanayaal Mooshin sheegay in ay ka wadaan ay tilmaameen in Xil heystiisa ay ku egtahay waqtigii Madaxweyne Cosoble uu dhici lahaa, kadibna la galayo Doorasho. Shanta Madaxweyne Maamul Goboleed ee kala ah: Koofur Galbeed, Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hir-Shabeelle ayaa ku ballansan 3-da bisha September ee soo socoto in ay shir isugu tagaan Magaalada Kismaayo si ay u qaataan Shirkoodii 3-aad, ahna Markoodii 2-aad oo ay Kismaayo ku kulmayaan. Siyaasiyiinta qaar ee ku sugan Xarumaha Maamul Goboleedyada ayaa sheegaya in Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ay shirkooda diiradda ku saari doonaan Arrimaha Doorashada iyo sida ay Suurto-gal ku noqon karto in ay dib ugu soo laabtaan Boosaskooda. Waxa ay sheegayaan dadka falanqeeya Siyaasadda in Madaxda Dowlad Goboleedyada wal-walkooda ugu weyn uu yahay in aysan dhici karin in ay soo wada laabtaan iyagoo Madaxweyne ah oo ay sii hayaan Xilalkooda. Sababta ugu weyn ee arrintaas ayaa ah in Xubno katirsan Maamul Goboleedyada qaarkood ee Doorashada Galaya ayaa ah in Ragga qaar ee la tartamaya qaarkood ay lasoo shaqeeyeen Dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh, halka qaar kalena ay ku xaglinayaan in ay garab ka helayaan Madaxda Dowladda Federaalka. Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Goboleedyada ee ka qayb galaya shirka la filayo in uu ka dhaco Magaalada Kismaayo ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in ay kaga hadlayaan Doorashooyinka Marar is xig-xiga ka dhacaya Deegaanada ay madaxda ka yihiin. Golaha iskaashiga ayaa Magaalada Kismaayo lagu dhisay 10-kii Oktoober 2017-kii, waxaana xiligaas jirtay Xiisad u dhaxeysay Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo ka dhalatay Khilaafka Dowladaha Khaliijka. Shirka ayaa socon doono Maalmo ka badan labadii shir ee ay yeesheen Madaxda Golaha Iskaashiga, waxaana Warqaddii Ballaminta Kulanka September lagu sheegay in Ajendaha uu soo diyaarin Doono Xog-hayaha Golaha Iskaashiga. Waxaana si hordhac isla warqadaas lagu sheegay in Madaxda ay kaga tashan doonaan Danaha Dowlad Goboleedyada iyo guud ahaan qaranka. Waxaa la isweydiinayaa haddii ay dhacdo Doorasho dhammaadka Sanadkaan 2018 iyo horaanta sanadka soo socda 2019, Culeys intee la eg ayay ku yeelan Doontaa Madaxda Dowlad Goboleedyada? W/Q: Bashiir Maxamuud Yuusuf Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Bosaso[Puntland Post] Gudoomiyaha Gobolka Bari Dr,Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa cadeeyey wakhtiga sida rasmiga ah loo dhisayo golaha deegaanka Degmada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari,. Gudoomiye Dhado ayaa sidoo kale sheegay in la guda geli doono dhismaha Golaha deegaanka Boosaaso 28 bishan August 2018. Yuusuf Maxamed Waceys Dhado waxa uu sheegay inay ka duwanaan doonaan kuwii hore ee soo maray gobolka Bari muddadii lasoo dhaafay,wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey in Xildhibaano aqoon leh la keenayo oo laga gudbayo Xildhibaano bilaa aqoon ah oo Oday Watto sida uu hadalka u dhigay. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/08/Dhageyso-Waqtiga-la-dhisayo-Golaha-Deegaanka-Magalada-Boosaaso-1.mp3 Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Gudoomiye Dhado oo ka hadlay wakhgtiga la dhisayo Golaha deegaanka Bosaso appeared first on Puntland Post.
-
Kooxda dawladda islaamiga ayaa “canshuur xad-dhaaf ah” ku soo rogtay ganacsatada iyo shirkadaha waqooyiga bari ee Soomaaliya, wax u muuqda isku day ay kula xafiiltamayaan farsamooyinka canshuur uruurinta ee Al Shabaab. Kooxdu waxay kaloo kordhisay weerarrada ka dhanka ah ciidanka dawladda ee koofurta Soomaaliya, talaabo loo arko inay wargelin u noqotay canshuurta ay ku soo rogeen maamul goboleedka waqooyiga bari ee Puntland. IS waxay farriimo hanjabaad ah u direen ganacsatada iyo meheradaha, ayagoo amar ku siiyey “inay si joogto ah u bixiyaan lacago canshuur ah” ama ay khatar u galaan dhimasho. “Ganacasatada iyo meheradaha Boosaaso weli waxay ku shaqeeyaan jawi cabsi leh, ka dib markii lacag aad u badan ay weydiisteen kooxda dawladda Islaamiga qaybteeda gobolka” Garowe Online ayaa sidaa ka soo xigatay qof ganacsade ah. Inta ay le’eg tahay lacagta ay tahay in qof walba ama shirkad walba ay dhiibto ayaan la cayimin. Beenin dhif ah oo Al Shabaab sameeyeen 7dii Agoosto, Cabdullaahi Cali Cumar, oo shirkad isgaarsiineed wakiil uga ahaa Boosaaso, ayaa lagu soo warramay in la khaarajiyey, ka dib markii uu canshuur siin waayey Al Shabaab. Si degdeg ah oo aan caado u ahayn ayey Al Shabaab durbaba u beeniyeen mas’uuliyadda falkaas, taasoo muujisay in kooxda IS ay dhici karto inay mas’uul ka ahayd. Dhaqan lagu yaqaano Al Shabaab ma ahayn,kuwaasoo bartilmaameedsada saraakiisha ciidanka iyo xukuumadda, inay beeniyaan dilka ay gaystaan dadka aan la aqoonsan. Wararku waxay sheegayaan in kooxda IS ay burburiyeen birta dheer ee siinka ah oo ay shirkadda Golis ku lahayd Qandala, ka hor inta aan Cabdullaahi la dilin. Mareegta wararka ee Dhacdo waxay sheegtay in dilka “lala xiriirinayo lacago ay IS uruuriyeen, lana arkay farriimo lagu cabsi galinayo dad kale”. Hanaanka canshuuraha ee IS (Daacish) IS waxaa la sheegayaa in boqollaal dagaallamayaal ay u joogaan Puntland, tiro aan la cayimin oo dilayaal ahna ay u joogaan koofurta Soomaaliya. Lacagaha ay iminka canshuur ahaanta uga qaadayaan ganacsatada inay ku kabaan lacagta ay ka helaan dibadaha ee aan la garanayn ayaa muujinaysa in kooxda ay dhibaato ka haysato sidii ay dhaqdhaqaaqyadeeda u joogtayn lahayd. Waxay kaloo astaan u noqon kartaa inay ku haminayaan in hawlahooda ay ku baahiyaan Soomaaliya. 2dii Agoosto, maxkamad ku taalla Muqdisho waxay xukun ku ridday laba shakhsi oo lagu helay inay IS la shaqaynayeen, ayna isku dayayeen inay ka furaan qaybta kooxdaas ee koofurta Soomaaliya. Mid ka mid ah dadka la eedeeyey, Maxamed Daa’uud daahir Warsame, wuxuu mas’uul ka ahaa uruurinta lacagta dibadda laga soo xawilo ee la soo mariyo shirkadaha xawaaladaha, sida lagu xusay caddaymaha maxkamadda. Bishii Febraayo, Maraykanku wuxuu liiska madow galiyey ku xigeenka hogaamiyaha IS ee Soomaaliya, Mahad Macallin. Qoraal ay soo saartay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Mahad uu fududeeyey in hub iyo dagaallamayaal laga keeno Yemen. Maraykanku wuxuu kaloo xayiraad ku soo rogay Maxamed Mire Cali Yuusuf iyo shirkadihiisa, Liibaan Trading iyo Al Mutafaq Commercial Company – ayagoo lagu eedeeyey inay dhaqaale ku siiyaan IS (Daacish) Soomaaliya. Maxamed waxaa markii dambe Muqdisho ku qabtay ciidanka sirdoonka ee Soomaaliya. Wuxuu beeniyey inuu xiriir la leeyahay IS. Hanaanka Canshuuraha ee Al Shabaab Al Shabaab waxay leeyihiin hanaan isku xiran oo ay canshuurta uga qaadaan badeecadaha iyo adeegyada qaybo badan oo ka tirsan Soomaaliya. Kooxdu waxay kaloo leedahay koox maaliyadeed oo qiimaysa qiimaha badeecadaha iyo adeegyada, ka hor inta aan canshuur lagu soo rogin. Waxay kaloo qaadaan canshuurta maridda waddada, waxayna lacago ka qadaan dadka hodanka ah ee u shaqeeya hay’adaha iyo shirkadaha. Sida uu sheegayo machadka Hiraal, Al Shabaab waxay sannad kasta ka qaadaan 8 Malyan oo Doollar sakawaatka xoolaha ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Waxay kaloo lacag aad u badan ka qaadaan dhuxusha laga dhoofiyo koofurta Soomaaliya. Tan iyo 2017, Al Shabaab waxay sare u qaadeen canshuuraha ay ka qaadaan ganacsatada Muqdisho, kuwaasoo badidood ka shaqaysta suuqyada Bakaaraha iyo Suuq Bacaad oo ah labada suuq ee dalka ugu waaweyn. Mararka qaarkood saraakiisha maaliyadda u qaabilsan Al Shabaab waxay u yeeraan milkiilayaasha ganacsiyada inay yimaadaan meelaha ay xoogga ku leeyihiin, oo ay zakawaatka si kaash ah u bixiyaan. Xukuumadda Federaalka iyo maamulayaasha gobollada waa ay ka warqabaan nidaamka canshuuraha ee Al Shabaab. Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Max’ed Cali Gaas wuxuu sheegay in ganacsatada Boosaaso ay canshuur siiyaan Al Shabaab ayagoo ka baqaya in la ciqaabo, halkii ay maamulkiisa siin lahaayeen. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa isna ku eedeeyey ganacsatada inay lacag badan oo canshuur ah siiyaan Al Shabaab halkii ay ka siin lahaayeen xukuumadda Federaalka. Kooxda waxaa lagu qiyaasaa in ay uruuriyaan ilaa 27 Malyan oo Doollar oo canbshuur ah sannadkiiba. Laakinse lacagtaas badankeed – 25 malyan oo ka mid ah waa la kharash gareeyaa. Waxaa la sheegay in aysan ku guuldarraysan inay dagaallamayaashooda mushaar siiyaan. Xafiiltanka u dhaxeeya Al Shabaab iyo IS (Daacish) Fiditaanka Daacish ay ku fidayso koofurta Soomaaliya ayaa ka dhigay iska hor imaad dhex mara ayaga iyo Al Shabaab mid aan laga fursan karin. Inkastoo IS ay juhdi badan galiyeen sidii ay dhul u qabsan lahaayeen, waxay haddana sare u qaadeen weerarrada ay ka sameeyaan Soomaaliya bilihii u dambeeyey, gaar ahaan meelaha ay Al Shabaab ku xooggan yihiin ee koofurta. Talaabada ay canshuuraha ugu soo rogeen Puntland waxay iftiiminaysaa isku dayga aan gambashada lahayn ee Daacish ay ku doonayso inay ku kala dhantaasho nidaamka maaliyadda ee Al Shabaab. Mareegta wararka Garowe Online ee u janjeerta dhanka dawladda waxay sheegtay in dagaallamayaasha IS ay si baad ah bil walba ganacsatada iyo dadka ladan ee ku nool Garowe uga qaadaan lacag lagu qiyaasay 72,000 oo Doollar. Waxay u muuqataa in aysan noqon doonin wakhti dheer goorta Al Shabaab ay cusboonaysiin doonto weerar ay ku qaaddo IS, oo si isa sii taraysa uga qaraabanaysa meelaha Al Shabaab ay ku xooggan yihiin ee koofurta, billaabayna inay canshuuro ku soo rogaan ganacsiyada. Markii IS ay joogitaanka ku yeelatay Puntland sannadkii 2015, Al Shabaab waxay dhegta dhiigga u dareen dhowr dagaallame oo kooxdaas ka tirsan, dhowr kalena way xireen. Waxay kaloo darajada ka xayuubiyeen rag lagu tuhmay inay taageersan yihiin IS. Olole kaas la mid ah ayaa dhici kara in mar kale la arko. ISHA BBC Somali
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Doorashooyinka Puntland waxaa la filayaa iney dhacaan bisha Janayo ee sanadka soo aadan. Waxey Puntland isku tilmaantaa iney tahay hooyada Federaalka Somalia balse taas kasow waxaa ay Puntland cashir kale u dhigeysa maamulada kale ee Somalia. Wax ka yar 7 bilood ayaa ka dhiman doorashada Puntland hada ayeyna musharaxiintu bilaabeen ololahooda doorashada. Qaar ayaa bisha dambe bilaabi doona halka madaxweyne Gaas uusan wali ku dhawaaqin inuu musharax yahay balse waxaa la filaayo inuu ku dhawaaqi doono. Siyaasada Somalia waxaa ka maqan in qofka loo ogolado inuu waqtigiisa dhameysto isagoo aan la colaadin, mooshin laga keenin, oo aan xukunka lagu qabsan. Sida caadiga ah mucaaradku waxey ololahooda doorashada bilaaban sanadka u dambeeya balse Dowlda hada jirta ee uu Farmaajo hogaamiyo waxa ay dagaal iyo mucaaarad la kulantay sanadkeedii koowaad. Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegaya iney taasi tahay dhaqankii siyaasada oo la gadiyay. Siyaasiyiinta reer Puntland waxey u muuqdaan kuwo la jaan qaadaya hanaanka doorashooyinka iyo dhaqmada siyaasadeed ee caalamiga ah. Aqoonyahan Nuur Cali oo lahadlay saxaafadda wuxuu sheegay in ay wacan tahay in Puntland iyo siyaasiyiinteeda lagu amaano inaan la hungriyeyn hogaamiyaha xiligaas jooga oo laga barto in qofku waqtigiisa dhameysto, ayna musharaxiinta mucaaradku yimadaan oo ay ololahooda bilaaban sanadka ugu dambeeya. Waa adagtahay inaad aragto siyaasi reer Puntland ah oo ka hadlaya inuu kursiga ka xoogo madaxweynaha xiligaas jooga, arrintaan waxaa xitaa u baahan iney bartaan madxda dowlada dhexe ayuu yiri Nuur Cali. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors