Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,434
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The United Nations said Friday that a Saudi-led airstrike had killed at least 22 children and four women in Yemen as they fled a fighting zone — the second mass killing of Yemeni civilians by Saudi Arabia and its military partners in two weeks. Source: Hiiraan Online
  2. On Friday, Australia got a new prime minister — again. Scott Morrison is the country’s sixth prime minister in the last eight years, and the fourth prime minister to be ousted in the last decade. Source: Hiiraan Online
  3. This Saturday will mark a year since Minnesota experienced its most severe measles outbreak in recent history, and public health officials are still trying to get the word out about measles vaccinations. Source: Hiiraan Online
  4. Kenya Police have impounded a consignment of illegal sugar in Wajir County. Source: Hiiraan Online
  5. Shiburu Kutuyu, a 45-year-old Ethiopian maize and coffee farmer, was jolted awake by gunshots one night in June. He told his wife and seven children to flee. Source: Hiiraan Online
  6. A miraa exporter has sued the state for declaring him a prohibited immigrant. Source: Hiiraan Online
  7. Garbahaarey (Caasimada Online) – Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay booqasho halkaasi ay ku tageen wafdi wasiirroa ah oo ka socda maamulka Jubbaland. Dibaxbax rabshado watay ayaa ka dhacay magaalada Shalay oo Jimco ahayd, kaasoo dhaawac lagu gaarsiiyay wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga Jubbaland, Aadan Ibraahim Aw Xirsi. Wasiirka ayaa soo gaarey dhawac fudud, oo Dakhar madaxa ah kadib markii dad caraysan ay dhagax ku weerareen isaga iyo xubno la socda oo howlo shaqo iyo kormeer u jooga magaalada Garbahaarey. Aw Xirsi ayaa ku tilmaamay kacdoonka Garbahaarey ee looga soo jorjeeda Jubbaland uu yahay mid lasoo abaabulay, isagoo ka gaabsaday inuu carabka ku dhuftay cidda gadaal ka riixaysa dibaxbaxyada. Balse, waxay tani kusoo beegmaysaa xilli cilaaqaadka iyo xiriirka wadashaqeyneyd ee Villa Somalia iyo Jubbaland uusan wanaagsaneyn, islamarkaana dhowr jeer Axmed Madoobe eedeymo kul-kulul u jeediyay dowladda Federaalka. Jubbaland ayaa dhawaan kasoo celisay Garoonka Kismaayo diyaarad siday Taliye-yaal ciidan, oo uu ku jiro Taliyaha cusub ee dhawaan dowladda Federaalka u magacawday qeybta 43aad ee ciidanka xoogga. Mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland ayaa dowladda Somalia iyo Fahad Yaasiin, Agaasiimihii hore ee Aqalka Madaxtooyadda, oo hadda loo magacaabay Ku xigeenka Taliyaha NISA ku eedeeyey inay si qaraoodi ah uga shaqeynayaan sidii Madaxweyne Axmad Madoobe loo badali lahaa isagoo mucaaradad xoogan kaga kiciyey gobolka Gedo oo ka tirsan maamulka Jubaland. Dhowaan ayaa la filayaa in Kismayo lagu qabto kulan ay isugu imaanyaan golaha maamulada Soomaalida kasoo ajendaha ugu koreeya uu yahay faragalinta dowlada Federaalka ku hayso maamulka Jubaland. Isha: Garoowe Online
  8. Abu Dabai (Caasimada Online) – Qoraal ay baahisay dowlada Imaaraadka carabta ayaa waxaa lagu soo bandhigay wadamada ugu badan oo ay maalgashteen sanadkii tagay ee 2017. Dowlada Imaaraadka ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay maalgashi weyn ay ku sameysteen wadamada Sacuuduga, Canada iyo dalka India oo lagu kharaj gareeyay dhaqaalaha ugu badan oo ay bixiso Imaaraadka. Qoraalka oo si gaara uga soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay in wadanka koowaad ee la maalgashtay uu yahay Sacuudiga, halka wadamada Canada iyo India ay galeen kaalmaha labaad iyo Sadaxaad. Kaalinta afaraad ee maalgashiga ayaa lagu sheegay inay gashay Somaliland oo laga maalgaliyay dhinacyada Dekadda iyo Ganacsiga furan oo ay la leeyihiin Imaaraadka sida dhoofinta Xoolaha nool. Kaalinta Shanaad ayaa la sheegay inay gashay Masar oo laga maalgaliyay dhanka Ganacsiga, sida lagu xusay qoraalka kasoo baxay Wasaarada. Waxaa lagu sheegay qoraalka in maalgashi xaddigiisu gaadhayo $ 0.86 Bilyan ay geliyeen maamulka Somaliland, halka $ 0.36 Bilyan ay geliyeen dalka Masar, inkasta la saadaalinayo in sannadaha soo socda uu kordho maalgashiga Imaaraadka Carabtu gelinayaan Somaliland iyo Masar. Warbixinta wasaarada arrimaha dibadda Imaaraadka laguma sheegin meelaha hantida maalgashigooda Somaliland ku baxday balse waxaa la og soonyahay in maalgashiga ugu badan lagu sameeyay horumarinta dekedaha, dhismahaasha, macdanta, tamarta la cusboonaysiiyey, arrimaha ganacsiga iyo dhinacyo kale. Geesta kale, dowlada Imaaraadka ayaa xustay in sanadka lagu guda jiro ee 2018 ay kordhin dhanka maalgashiga ah ku sameyn doonaan goobo kale oo kamid ah Somalia oo ay ku bixin doonaan hantida ugu badan. Caasimada Online Xafiiska Abu Dabai Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog uu helay wargeyska MEP ayaa sheegeysa in lagaa yaabo inuu isbadal ka dhaco Wasaaradda Arrimaa Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye (Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya) wuxuu wajahayaa cadaadis ka imaanaya Dhuusamareeb. Ilo muhiim ah ayaa u sheegay wargeyska MEP in Ra’isulwasaare Kheyre uu damacsan yahay inuu xilka ka qaado Wasiirka Arrimaha Gudaha iyadoo booskaas loo wado Cabdisamad Macalin Maxamuud oo uu dhalay hogaamiyaha Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee gobolada Dhexe. Waxaa jira heshiis hoose oo u dhaxeeya Ahlu-Sunna iyo Villa Somalia kaas oo ah in Ahlu-Sunna la siiyo wasiirka Arrimaha Gudaha iyaguna ay Villa Somalia ka caawiyaan in xildhibaanada ay rabaan ay kusoo baxaan doorashada 2020-ka. Sidoo kale sababaha Sabriye loo badalayo waxaa ka mid ah gaabis ka muuqda shaqada wasaaradda arrimaha gudaha, ilaa haatan waxaa socda wada-tashiyo ku aadan isbadalka la filaayo inuu ka dhaco Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Waxaa jira dadaalo lagu baajinayo arrintaan oo ay wadaan xildhibaano iyo ganacsato dooneysa in Sabriye uu sii joogo wasaaradda. Xaaf iyo Ahlu-Sunna waxey isku afgarteen in lala shaqeysto Farmaajo iyo Kheyre oo aan laga hor imaan, waxyaabaha go’aankaas fududeeyay waxaa ka mid ah ballan qaadka Ahlu-Sunna loo sameeyay ee ah in la siin doono Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Wasiirka hadda xilka haya iyo midka loo saadaalinaayo, labaduba waxey kasoo jeedaan beesha Ceyr ee Habargidir, sidaas darteed Farmaajo kama cabsanaayo iney dood badan ka dhalato arrintaan, Sabriye wuxuu xilka hayaa muddo kooban isagoo xafiiska kala wareegay Cabdi Faarax Siciid (Juxa). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Raysal wasaaraha Itoobiya Abiya Axmed ayaa tan iyo intii uu yimid hogaanka Itoobiya ugaystay deegaanka Soomaalida dhibaato xoog leh oo aan ka dhicin deegaanada Itoobiya. Abiy Axmed wuxuu magaalada Addis Ababa ugu yeedhay 1,000 ruux oo Soomaali ah. Dadkan ayaa isugu jira odayaasha dhaqanka, aqoonyahan, masuuliyiintii dagmooyinka deegaanka Soomaalida, dad shaqaale iyo xubihii xisbiga oo muddo labaatan bari ah tababar iyo dib u habayn uga socotay Addis Ababa. Shirkan waxaa kale oo ka qayb galaya ganacsato, ururo siyaasadeed oo qurbo joog ah iyo dad Soomaaliyeed oo dagan Addis Ababa. Marka laga reebo dadka maamulka ka tirsanaa, dadka kale ee shirka loogu yeedhay si nidaam ah laguma soo xulin, sidaas daraadeed ma matalayaan bulshada deegaanka Soomaalida. Khaladaad badan iyo waayo aragnimo la,aan ayaa ka muuqata shirkan Raysal Wasaaruhu u qabanayo Soomaalida, waxaa kale oo ay dad badni aaminsan yihiin in uu ula kac u samaynayo arintan isaga oo ku baadhay bal heerka uu taagan yahay fahamka iyo tashiga deegaanka Soomaalidu. Khaladaadka uu ku samaynayo Soomaalida R/wasaaraha Itoobiya. Abiy Axmed wuxuu kula dhaqmay deegaanka Soomaalida nidaam ka kuwan kan lagula dhaqmo deegaanada Itoobiya, ee ah dastuurka u yaal dalka; a) waxaa xoog kula wareegay maamulkii deegaanka Soomaalida ciidamada milatariga, taas oo deegaanka u horseeday barakac, bubur dhaqaale iyo dib u dhac xoog leh, b) waxaa laga jaray deegaanka Soomaalida dhamaan adeegyadii halbawlaha u ahaa nolosha bulshada sida Korontada, Biyaha iyo isgaadhsiinta. Waxaa si sharci daro ah Addis Ababa loogu yeedhay dhamaan xubihii xisbiga dimoqraatiga shacabka Soomaalida, taas oo aan suurto gal ka ahayn deegaanada kale ee Itoobiya; a) xubnaha xisbiga waa la handaday oo la bah-dilay, qaar badan ayaa xisbiga laga caydhiyey, gudoomiye cusub ayaa loo sameeyey, b) waxaa kale oo si sharci daro ah Addis Ababa loogu yeedhay dhamaan xubihii maamul ee gabalada iyo dagmooyinka, kuwaas oo la filayo in qaar ka mid ah la caydhin doono, c) qaar ka mid ah xubihii xisbiga laga caydhiyey oo damcay in ay safraan waxaa lagu xidhay Hargaysa, amar uu bixiyey Abiy Axmed, d) waxaa si sharci daro ah oo aan wali uga dhicin deegaanka Soomaalida iyo kuwa kale ee Itoobiya madaxwayne looga dhigo qof aan ahayn xubin xisbi iyo xubin baarlamaan midna. Waxaa sumcad xumo iyo ixtiraam daro ugu filan dadwaynaha deegaanka Soomaalida, oo ah deegaanka labaad ee ugu balaadhan Itoobiya in sidii dad aan deegaan lahayn, iyaga oo aan wada tashan, xili fiican la siin oo ay ku tashadaan in sidii ciidan amar lagu siiyo in ay Addis Ababa iska soo xaadiriyaan. Abiy Axmed uma jeedo in uu wax wanaajiyo laakiin wuxuu hubsanayaa bal in Soomaalidu is-difaaci karto iyo in ay ogoshahay wixii loogu taliyo, wuuna helay jawaabtii. Aniga iyo hankayga Soomaaliga ah, ee aan ahayn hanka kuwa Soomaalida ah ee Addis Ababa looga yeedhay; wuxuu ahaa in Abiy Axmed yimaado magaalada Jijiga, kana tacsiyeeyo, wixii ka dhacay dhib deegaanka Soomaalida ee ay masuulka ka ahaayeen isaga Abiy Axmed iyo Cabdi Maxamuud Cumar. In uu sheego in ay u diyaar garoobaan kulan wada tashi ah xili dambe, si ay ugu diyaar garoobaan degmo degmo iyo gabal gabal iyo deegaan Soomaaliyeed ahaan. Meles Zenawi R/wasaarihii hore ee Itoobiya oo ahaa nin dhibaato badan u gaystay dadwaynaha Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana deegaanka. Waligii ma samayn ixtiraam daro tan oo kale ah, xiliyadiisii oo ay nabada deegaanku ka xumayd, dhaqaalaha iyo isgaadhsiintu ka liidatay wuxuu tagi jiray magaalooyinka fog fog ee deegaanka si uu wada tashi ula sameeyo deegaanka Soomaalida, arintaasi waxay ahayd ixtiraam uu u muujinayo shacabka. Maxaa laga filan karaa waxa uu u sheegi doono Abiy Axmed dadkan uu ku amar ku taaglaynayo; a) in uu ka xunyahay wixii ka dhacay deegaanka Soomaalida b) in uu masuul ka ahaa Cabdi Maxamud Cumar wixii ka dhacay deeganka Soomaalida c) iyo in uu saxayo maamulka deegaanka Soomaalida uuna rabo in ay gacan siiyaan maamulka cusub ee dimoqraatiga ah. In kasta oo madaxwaynaha cusub ee deegaanka Soomaalida Musfate Cagjar shalay bixiyey talooyin fiican oo sida aan filayo fariin u ahaa dadka kulanka ka qayb galaya. Maxaa afkaar, talo iyo su,aalo ah oo laga filan karaa in ay kula xaajoodaan Abiy Axmed Raysal wasaaraha Itoobiya dadka Soomaaliyeed ee uu maanta Addis Ababa Shirka ugu qabanayo; a) waxaan filiyaa in wax wanaag u ah dadka Soomaaliyeed oo Itoobiya ka nixin kara in aan goobta laga odhan doonin. b) Dimoqraatiyada ka hirgashay Itoobiya waanu ku faraxsanahay, waanan la shaqayn doonaa Abiy Axmed iyo dawladiisa, hadalo noocaas ah. c) kala dacwood beelaha Soomaaliyeed dhaxdood ah oo ah mida uu u jecel yahay Abiy Axmed iyo Itoobiyaba. d) waxaa dhici karta in qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaan ahaan deegaanada Oromada dhib wayna loo gaystay in ay su,aal waydiiyaan uuna jeclaysan Abiya Axmed. Waynu arki doonaa wax ka soo baxa galabta kulanka kaligii tashade Abiye Axmed, ugu yeedhay dadwayaha Deegaanka Soomaaliyeed. Kaas oo aan aad u falan qayn doono. W/Q: Raas Ahmed
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas baahiyay waxaa lagu wadaa in agaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland 3-da bisha September 2018, uu ka furmo shir khaasa oo u dhexeyn doona Hogaamiyayaasha maamulada iyo xubno muhiima oo laga soo kala xuli doona maamulada. Shirka oo la sheegay inuu leeyahay ahmiyad gaara ayaa waxa uu kusoo aadayaa iyadoo inta badan maamulada ay wajahayaan doorashooyin is xigxiga, waxaana soo baxaaya warar kala duwan oo ku saabsan shirka ka furmi doona magaalada Kismaayo. Illo ku dhow dhow xoghayaha guud ee Golaha iskaashiga maamul Goboleedyada Cabdi Cali Raage oo diyaarin doona ajandaha shirka ayaa laga soo xigtay in shirka uu xoogiisa khuseyn doono arrimaha doorashooyinka. Waxaa laga soo xigtay inuu jiro shaki muujinaaya in dowlada Somalia ay dhaqaale xoogan ku bixineyso tirro musharaxiin ah oo u kala tartamaaya maamulada Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed ee Somalia oo dhamaantooda uu khilaaf hoosaad kala dhexeeyo Dowlada Somalia. Waxa uu Illo wareedka sheegay in xoghayaha guud ee Golaha iskaashiga uu kasoo xigtay in shirka ka dhacaaya magaalada Kismaayo diirada lagu saari doono sida looga badbaadi lahaa faragalin kaga imaada dhanka dowlada, Heshiiska shirka Brussels, Go’aan ka gaarista heshiisyo ay dowlada Somalia uga baxday maamulada iyo in si wada jira loo soo saaro mowqif mideysan. Shirkan ayaa waxaa si gaara u wata Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo shaqaaqada ugu badan xiligan ay kala dhexeyso dowlada Somalia waxa uuna doonayaa in khudbadiisa uu kusoo qaato dhaliilo uu ka muujinaayo khilaaf shirka Brussels ku dhexmaray dowlada iyo Jubbaland iyo go’aanka ay ku celsheen laba taliye oo dhawaan la sheegay in dowlada Somalia ay u magacawday deegaanada Jubbooyinka kuwaa oo mid kamid ah magacaabidiisa uu been noqday. Waxyaabaha laga filankaro shirka ayaa waxaa kamid ah:- 1-Dib u dhac lagu sameeyo doorashooyinka ay gali doonaan maamulada Jubbaland, Koonfur galbeed iyo Puntland, oo khilaaf uu kala dhexeeyo dowlada. 2-Haddii la qabanaayo doorashooyinka Seddexda maamul in si wada jira looga mamnuuco korjoogtada dowlada ee dhanka doorashooyinka. 3-Ku dhawaaqida inaysan wada shaqeyn danbe la sameyn doonin Madaxtooyada Somalia. 4-Waxaa suuragal ah in si toosa ay ugu dhawaaqan inay xiriirka u jareen dowlada Somalia, maadaama ay jirto baqdin dhanka faragalinta doorashada. Dowlada Somalia ayaa waxa ay ku khasban tahay inay raadiso xalka maamul Goboleedyada maadaama aysan ku filneyn maamulida keliya magaalada Muqdisho, waxaana jira dacwado ka imaanaya maamulada kaa oo ku qotoma in dowlada Somalia ay hakisay qoondadii ay siin jirtay qaar kamid ah maamulada. Sidoo kale, Hogaamiyayaasha maamulada ayaa waxaa ka go’an inay difaacdan kuraastooda iyaga oo taa u maraaya inay tashwiish ku furan xiriirkii kala dhexeeyay dowlada si ay u dhameystaan wakhtiga u harsan. Dhinaca kale, maamulada hadii ay dowlada Somalia u jaraan xiriirka waxa ay taasi ka dhigan tahay in dowladu aysan kormeerayaal u diri Karin doorashooyinka maamulada, kuwaa oo suuragal ah in loo diido ka degista Garoomada maamulada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Qofna uma baahna in loo sharaxo waxa ka dhaxeeya Somalia iyo Jabuuti, laakiin dowlada hada ka jirta Somalia waxa ay bilaawday iney lumiso gacanta koowaad ee Soomaalidda ama si kale markii la yiraahdo walaalihi iyo saaxiibadii ugu dhowaa ee Somalia. Waxaa aad loola yaabay safarkii uu wasiirka arrimaha dibada Eritrea ku yimmid Muqdisho iyadoo la xasuusto caradii ka dhalatay hadalkii madaxweyne Farmaajo ku dalbaday in cunaqabateynta hubka laga qaado Eritrea. Labada wadan ee Jabuuti iyo Eritrea wax xiriir ah kama dhaxeyaan waxaana ay Asmara xoog ku heysata dhul ay leedahay Jabuuti. Safarkii uu wasiirka arrimaha dibada Eritrea ku yimid Xamar waxaa lo fasiray in lagu xoojinayay xiriirka labada dal iyo heshiisyadii labada madaxweyne. Safarkaan wuxuu imaaday iyadoo aaney Dowlada Somalia weli waxba ka dhihin carada iyo tabashada kasoo yeertay Jabuuti. Dadka aadka u darsaya arrintaan waxey lee yihiin Somalia waxa ay iska indho tireysa qiimaha iyo waxa kala dhaxeeya Jabuuti iyadoo isku sii maqiiqeysa meel aaney aqoonin waxa gudaheeda ku jira. Jabuuti ciidamo ka socda ayaa ku sugan Somalia. Qar iska tuurnimo siyaasadeed ayaa lagu micneyn kara fikirka ay Somalia ku xoojineyso xiriirka Asmara iyadoo aan xitaa u jawaabin Jabuuti oo tabasho muujisay. Eritrea waxaa lagu eedeya iney tageerto xoogaga ka dagaalama Somalia. Xiisada ayaa kor aadi karta hadii sida la filaayo uu dhowaan Muqdisho yimado madaxweynaha Eritrea. Waxaa muuqata in Jabuuti iyo Somalia ay sii kala tagayaan inkastoo shacabka Soomaalida iyo madaxda mucaaradku ay kasoo horjeesteen in Jabuuti la lumiyo iyadoo la raadinaayo xiriirka wadan aan la aqoonin waxa laga keeni doono. Siyaasiyiinta qaar waxa ay qabaan in arrintaan ay reer Galbeedku wax ka ogyihiin madaama ay Jabuuti u weecatay dhanka China. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida la filayo ama ay Puntlad iclaamisay waxaa maalmaha soo socda dhiillo colaadeed ay ka curan doontaa gobolka Sool oo ay in muddo ah isku horfadhiyeen maalisheed ka kala amar qaata lamada maamul ee Puntand iyo Somaliland. Dagaalkan oo bilowday bishii Janaayo ee sanadkan waxa ay Somaliland ku qabsatay kastamka Tukaraq oo dakhli badan uga soo xoraan jiray Puntland alse ujeedkiisu ahaa carqaladeyn safarkii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku tagay Puntland. Hase ahaatee, waxa uu Puntland, gaar ahaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, u dhaliyey fursad iyo mashruuc ku soo aaday waqtigii ugu haboonnaa. Hadaba, dhawr mar oo ay foodda isku galiyeen jiiddahaas, ma jirin cid guulo la keentay oo aan ka ahayn barakicinta dadka deegaanka iyo dhimasho iyo dhaawac wax dhaafsiisan. Beesha caalamka ayaa isku dayday in ay dhex dhexaadiso balse kuma guuleysan. Maxaa hadda dib u soo celiyey oo aynu ka baran karnaa? Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu hadda u arkaa fursad dahabi ah maadama dhawr bilood ay ka harsan tahay doorashada maamulkiisa, isaga oo taas ka duulaya waxa uu doonayaa in uu ka faa’iideysto oo uu dagaal galiyo maamulka si ay meesha uga baxdo qaban qaabada doorashada sidaasna xilka ku sii dheereysto. Sidoo kale, waxaa soo dedejisay ku dhawaaqisya dagaalka, go’aankii baarlamanka Puntland ee ay ku caddeeyeen in doorashada ay ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Cumat ayaa weli ku jira gacanta dowlada Ethiopia, kadib markii dhawaan lagala baxay halka uu ka degnaa magaalada Jigjiga. Xildhibaan Khadar Cabdi Ismaaciil oo kamid ah Xildhibaanada maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo u waramaayay Idaacada VOA ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee maamulka uu yahay mid wali ku jira gacanta Ethiopia. Xildhibaan Khadar Cabdi Ismaaciil waxa uu sheegay in xaalada Cabdi Cumar ay tahay mid wanaagsan, isla markaana aan qabin wax dhibaato ah, sida uu hadalka u dhigay. Mar wax laga weydiiyay waxa uu noqon doono mustaqbalka Madaxweynihii hore Cabdi Cumar ayuu sheegay in mustaqbalkiisa uu yahay mid xiligaan ku jira gacanta maamulka cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo Waxgaradka. “Cabdi Cumar wax dhiba maqabo waxa uu ku jiraa gacanta dowlada xaaladiisuna aad ayey u wanaagsan tahay” “Mustaqbalka Cabdi Cumar hade waa mid iska muuqda waxa uu ku jiraa gacanta maamulka iyo waxgaradka oo iskaashada mana filaayo inuu la kulmi doono wax dhibaato ah” Xildhibaan Khadar Cabdi Ismaaciil, waxa uu sheegay inuu isku soo beegmay xarigiisa iyo isbedelada ka dhacay deegaanka maamulka, hase yeeshee waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay dib u helida xoriyadiisa. Dhinaca kale, waxa uu sheegay in dhankooda ay ka muujin doonaan dadaal lagu dalban doono sii deynta Cabdi Cumar oo loo heysto tacadiyo uu geystay maamulkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa waxaa lagu dhaliilay inay ku degdegto xil ka qaadista iyo magacaabida Taliyayaasha ciidamada Xoogga. Dowlada ayaa inta badan tan iyo markii la doortay si isdabajooga xilalka uga xayuubisay Taliyayaal khibrad fog u xilka, halka qaar cusubna ay siisay ahmiyada. Taliyayaasha qaar ee xilka laga qaaday ayaa waxaa ku jiray kuwo lasoo shaqeynaayay dowladii Dhexe ee Somalia kuwaa oo loo aqoonsaday inay leeyihiin khibrado ciidan, hase yeeshee kuma aysan waarin xilka. Taliyayaasha ku wanaagsan xaga ciidanka ayaa waxaa laga hoos magacaaba kuwo aan ehel u aheyn howlaha ciidan, taa oo lagu sheegay sababta koowaad ee fashilka Militery ee heysta dowlada. Muddo laga joogo Sanad iyo bar ayey dowlada hadda jirta ku magacawday Taliyayaal dhowr ah kuwaa oo ay ka dhexmuuqden Taliyayaal lagu taxay darajo ciidan balse aan laheyn khibrad ciidan oo hubaal ah. Taliyayaasha qaar ayaa waxaa saaciday nidaamka ay Somalia qaadatay ee 4.5, taa oo la rumeysan yahay in Somalia ay kusii hogaamineyso boholo mugdi ah. Inta badan Taliyayaasha soo mara Taliska Militeriga Somalia ayaan xilka hayin waxkabadan Sanad, waxa ayna xilkooda kuwaayan arrimo la xiriira musuq. Xilka Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa asbuucii tagay loo magacaabay Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) oo xilkaasi muddo badan soo qabtay isagoo horay ula soo shaqeeyay dowladihii hore ee dalka soo maray, wallow lagu eedeeyo in dhibaatooyin hore uu u geestay Saraakiil ka tirsanaa Taliska. Haddaba waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Magacyada iyo taariikhihii ay xilka taliyaha Ciidanka hayeen taliyayaasha soo maray Taliska ciidanka Xoogga dalka waxaana ugu horreeya. 1-Daa’uud Cabdulle Xiris 1960-1965tii 2-Maxamed Siyaad Barre 1995-1969kii 3-Maxamed Cali Samatar 1969kii -1986dii 4-Cumar Xaaji Masaale 1981 -1982dii 5-Aadan Cabudllahi N.Gabyow 1987 -1988 6-Maslax Maxamed Siyaad 1988 -1990kii 7-Maxamed Xirsi Moorgan 1990 -1991dii 8-Ismaciil Qaasin Naaji 2000 -2002dii 9-Cabdi Axmed Guuleed 2002 – 2003dii 10-Cabdullahi Cali Cumar 2003 -2004tii 11-Saalax Xasan Jaamac 2004 – 2005tii 12-Siciid Dheere Maxamed 2007-2008ddii 13-Yuusuf Xuseen Dhuumaal 2008- 2009 14-Maxamed Geelle Kaahiye 2009-2010 15-Axmed Jimcaale Cirfiid 2010-2011 16-C/Qaadir Sh.Cali Diini 2012-2013 17-Daahir Aadan Cilmi 2013 -2015 18-Maxamed Aadan Axmed 2015 19-Axmed Jimcaale Cirfiid 2017 20-C/Wali Jaamac Gorod 2017-2018 Geesta kale,Dowlada Somalia ee hadda jirta ayaa wali xil ka qaadis iyo magacaabis ka dhexwada Taliska ciidamada Xooga xili ay Gobolada dalka kusii xoogeysanayaan Al-Shabaab, halka dowladuna ay ku mashquulsan tahay xilal magacaabis iyo ka qaadis Taliyayaasha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Abiy oo ay hareer fadhiyaan Madaxweynaha iyo Guddoomiya xisbiga Soomaalida Itoobiya Ra’iusul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta magaalada Addis Ababa kulan ku la qaatay in ka badan 700 oo qof oo ka soo jeeda deegaanada Soomaalida Itoobiya. Qaar kamid ah dadka Soomaalida ee kulankaas ka qeyb galay ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin dhibaatooyinka ka dhaca deegaanadaas oo ay kamid yihiin xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, waxayna Ra’iisul wasaare Abiy ka codsadeen in ay xor u noqdaan masiirkood. Ra’iusul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ay hareer fadhiyeen Madaxweynaha cusub ee deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar iyo Guddoomiyaha xisbiga Soomaalida Itoobiya Axmed Shide ayaa balan qaaday in maanta laga bilaabo faragalinta laga joojinayo gobolkaas, isagoo amaanay Madaxweynaha cusub oo uu sheegay in uu ku kalsoon yahay in dalkiisa uu u horseedi doono horumar. Sidoo kale Ra’iusul wasaare Abiy ayaa ka hadlay shidaalka laga soo saaray deegaankaas, wuxuuna sheegay in hadalkiisii hore ee saamiga Soomaalida 5%, ee muranka badan dhaliyay si khaldan loo fasiray, isagoo sheegay in saamigaas ay leeyihiin oo kaliya dadka deegaanka ceelku ku yaallo. Mustafe Maxamed Cumar Madaxweynaha cusub ee Soomaalida Itoobiya oo maalin ka hor la doortay ayaa shalay sheegay inuu soo celinayo calankii hore ee deegaankaas calankii iyo heesta astaanta calanka oo uu horey u beddelay Cabdi Maxamuud Cumar oo hadda xabsi guri ku jira. PUNTLAND POST The post Itoobiya:- Abiy oo markale ka hadlay saamiga shidaalka ee deegaanka Soomaalida appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho(Caasimada Online)- Isbadalka hoggaanka taliyeyaasha ciidamada gaar ahaan Nabadsugida oo dhawaan loo magacaabay taliye kuxigeenka NISA Fahad Yaasiin ayaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Muqdisho. Magacaabista Fahad Yaasiin ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid wax badan ka badali doonta nidaamka iyo maamulka hay’adda nabadsugida iyo tan amaan ee magaalada Muqdisho. Arrinta koowaad ee dadku rajada ka muujiyeen ayaa ah in amaanka magaalada noqon doona mid hagaagsan oo xasili doonta, si walba ha u maareeyee. tan labaad dhinaca maamulka ayaa sidoo kale isbadal laga filan karaa, iyadoo tusaale looga soo qaadan karo isbadalka uu ka sameeyay madaxtooyada Villa Somalia oo wax badan uu ka qabtay intii uu agaasimaha ka ahaa. Dadka siyaasadda ka falceliya ayaa qaba in Fahad Yaasiin u adeegsan doono xasilinta amniga qibrada lagu yaqaan maadaama uu yahay nin siyaasadda dalka saameyn ku leh iyo in uu yahay nin galgal badan. Sababaha isbadalka Muqdisho ee dhinaca amniga ugu dhalin karo Fahad Yaasiin ayaa suuragal in uu adeegsado awood dhaqaale iyo in uu soo xero geliyo, nabaddana qaataan kuwa falalka amni xumo iyo qaraxyada ka geysta magaalada Muqdisho. Waxaa kaloo, suuragal ah in xiriirka caalamiga ah ee hay’adda NISA ka iibiyo sirdoonka dalalka qaarkood, oo xiligaan heerkii laga filaayay xiriirka caalamiga hoos u dhac weyn ka jiro. Ugu danbeyntii, amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan ahaa mid soo hagaagayay, inkastoo dilalka qorsheysan degmooyinka qaarkood ay ka dhacaan, laakiin wax qaraxyo ah aysan ka dhicin. W/Qoray: Cali Muhiyaddiin Muxiyaddiin@hotmail.com Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho(Caasimada Online)- Jabhadda ONLF ee ka dagaalanta dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa jimcihii maanta ku dhawaaqday inay si buuxda u taageerayaan madaxweynaha cusub ee DDSI Mustafa Maxamed Cumar oo xisbiga talada haaya iyo odayaasha deegaanka u doorteen madaxweynaha xukumi doona ilaa 2020-ka. Qoraal Jabhada soo dhigtay barteeda Twitterka ayaa lagu sheegay inay taageerayaan isla markaana waxay u direen fariin ay kaga dalbanayeen isbadal cusub oo ka duwan midkii madaxweynihii hore Cabdi Illey ka duwan. Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Illey ayaa lagu eedeeyn jiray inuu geystay xad-gudubyo ka dhan ah bini’aadanimada, sida xarig sharci daro ah, hanti la wareegid, boob iyo dilal siyaasadeysan. Jabhadda ONLF ayaa ugu baaqday xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Axmed inaysan wax faragelin ah ku sameynin arrimaha DDSI, islamarkaana ay kaalin wax dhiseysa ka qaadato arrimaha gaarka iyo mida guud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Hiiraan (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaaro geystay oo lala eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM qeybta Jabuuti kaa oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan. Qaraxaan oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ay la socdeen Saraakiil iyo Ciidamo Jabuuti ah,waxaana la sheegay in uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh. Qaraxa ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Jabuuti, halka laba kale ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay Saraakiisha ciidamada maamulka Hiiran. Qaraxa kadib sida caadaduba aheyd waxaa halkaa gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Hiiraan kuwaa oo gurmad u fidiyay kuwa Jabuuti. Sidoo kale, Wadada ciidamada qaraxa lagula eegtay ayaa dhawr mar oo hore sidan oo kale waxaa uga dhacay qaraxyo, kuwaasi oo khasaare geystay, islamarkaana ay masuuliyadooda sheegteen Shabaab. Dowlada Jabuuti iyo Taliska ciidamada Jabuuti ee Somalia ayaan wali ka hadal Qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana suuragal ah in khasaaraha uu intaa kasii badan yahay. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
  20. A few eyebrows were raised when French football club Toulouse announced that the Brazilian midfielder, Somalia, has joined the Saudi football team, al-Shabab. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau oo la hadlaayay warbaahinta dalkiisa ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay qorshooyin ay xukuumada Sacuudiga la damacsan tahay shaqsiyaadka u xiran ee u ololeeya xuquuqda aadanaha. Ra’isul wasaare Justin Trudeau, waxa uu tilmaamay in maalmahaani uu helaayay fariimo aan lagu farxin kuwaa oo muujinaaya in Xukuumada Sacuudiga ay xukuno dil toogasho ah ku fulineyso xubnaha u dooda xuquuqul insaanka ee ku jira gacanta Sacuudiga. Justin Trudeau, waxa uu sheegay in arintaan ay dowladiisa cabsi ka muujineyso, balse ayna difaaci doonaan shaqsiyaadka u ololeeya xuquuqda aadanaha iyaga oo la qeyb sanaya wax walba oo suura gal ah sida uu sheegay Trudeau. “Cidna kama yeeli doono in sifo sharci daro ah lagu dilo dad aan waxba galabsan oo hadana u ololeeya xuquuqda aadanaha Sacuudiga kama yeeli doono waana ku celcelin doona in talaabadaasi tahay mid khaldan”. Justin Trudeau, waxa uu cod dheer ku sheegay in Sacuudiga ay ku xisaabtami doonaan talaabo waliba oo khaldan, waxa uuna ka digay in la waxyeeleeyo xubnaha u dooda xuquuqul insaanka. Dowladaha Sacuudiga iyo Canada ayaa tan iyo bilowga bisha aan ku jirno dhaliilo isu marinaayay hawada ilaa iyo markii danbe uu xumaaday xiriirkoodii diblumaasiyadeed kadib markii safiirkii canada u fadhiyay magaalada Riyaad uu dhaleeceyay howlgalada dowlada sacuudiga ee ka dhanka ah kooxaha u ololeeya arimaha bulshada ee u dhashay dalkeeda. Hadalkaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo war ka soo baxay hey’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights lagu sheegay in dowlada sacuudiga ay dalbatay in dil toogasho lagu xakumo shan ruux oo u xiran oo u ololeeya xuquuqda aadanaha. Dhinaca kale, dadkaan ayaa dowlada ku eedeysay in ay wadeen banaanbaxyo ka dhan ah maamulka boqortooyada sacuudiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. A study of drinking around the world warns that even an occasional glass of wine can increase your chances of disease and an early death. Scientists say there's no such thing as a "safe level" of alcohol consumption. Source: Hiiraan Online
  23. Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cumar, waxaa la sheegayaa iney jiraan caqabado uu la kulmi karo. Dhowr dhinac ayaa la sheegayaa in ay caqabadahaas kaga imaan karaan. Qormadan ayaan mid mid ugu eegi doonnaa caqabadahaas, waxa ay yihiin, iyo dhinacyada ay uga imaan karaan. Liyuu Boolis Caqabadda ugu horreysa ee uu la kulmi karo madaxweynaha ayaa waxaa lagu tilmaamay iney noqon karto mid uu kala kulmo ciidamada Liyuu Booliska deegaanka oo uu aasaasay, daacadna u ahaa madaxweynihi hore ee deegaanka ee xilka iska casilay, Cabdi Maxamuud Cumar. dadka wax indha indheeya waxay u aanaynayaan dhowr arrimood middood. – Ciidanka oo aan loo diyaarinin nidaam qumman oo lagu hagi karo, laguna beddeli karo dhaqanki hore ee lagu eedeeyo inay lahaayeen ee ku saleysnaa dilka, dhaca, boobka iyo ku tumashada xuquuqda aadanaha. – Ciidanka qaar ka mid ah, gaar ahaan saraakiisha ugu sarreeysa oo ah kuwo lagu tilmaamo inay dambiyo badan shacabka ka galeen oo lama huraan ay noqonayso in lala xisaabtamo, ciddi dambi lagu helana sharciga la horkeeno. Qodobkan wuxuu imaan karaa haddii aysan dhicin is cafin iyo dib u heshiin. – Qaar ciidanka ka mid ah oo weli daacad u ah madaxweynihi xilka ka tagay ee Cabdi Maxamuud Cumar oo diiddan isbeddelka deegaanka ka socda. Qaab dhismeedka deegaannada Caqabadda kale ee uu la kulmi karo waa degmooyinka iyo ismaamul loo sameeyey magaalooyinka cusub, kuwaasoo uu Cabdi Maxamuud Cumar ku dhawaaqay maalmihi ugu dambeeyey ee uu xilka ka sii tagayey. Haddii uu isku dayo madaxweynaha inuu qaab dhismeedka deegaanka lagu soo kordhiyey wax ka beddelo waxay dadka wax indha indheeya sheegayaan inay keeni karto in bulsho badan oo degmooyinka iyo ismaamul magaalooyinka la sameeyey ku faraxsanaa ay ka hor yimaaddaan maamulka Mustafe Cagjar. Haddaba isbeddelka dhinaca maamulka guud ahaan ee heer deegaan, gobol, degmo iyo tuulo ee uu madaxweynaha ku dhawaaqay inuu isbeddel ku samaynayo maxay noqon kartaa mushkiladda kala dhalan karta? Isbeddellada guud ee dhinaca maamullada ee uu madaxweynaha cusub samayn doono haddii ay noqoto in dhammaan dadkii xilalka u soo hayey maamulki hore la dareeriyo iyada oo aan loo kala saarin cidda khaldan, aqoon iyo khibrad ku filan aan lahayn iwm, waxay keeni kartaa in xog badan oo dowladeed oo ay maamulladii hore gacanta ku hayeen la waayo, ama ay sababto boob hanti iyo arrimo la mid ah, taasina ay caqabad ku noqon karto isbeddelka uu doonayo inuu madaxweynaha cusub sameeyo. Xiriirka Dawladda Federaalka Dhinaca siyaasadda la xidhiidha, xiriirka uu maamulka madaxweyne Mustafe a yeelanayo Dowladda dhexe waxyaabaha madmadowga soo gelin karo oo u baahan in aad looga taxaddaro sida go’aannada ay ka midka yihiin magaca deegaanka ee la beddelay DDSI loo beddelay DDS, heesta astaanta deegaanka u ahayd oo lagu beddelay tii hore ee ahayd Soomaaliyeey Toossoo Toossoo iskku tiirsada…, Calanka degaanka ee la beddelay iwm. Dhammaan qodobbadaa iyo kuwa la midka ah dadka arrimaha gobolka aadka ugu dhuun daloola waxay ku talinayaan in madaweynuhu uu aad uga fiirsado, sababtoo ah tillaabbooyinka qaar waxay keeni karaan inuu xumaado xiriirka uu la leeyahay dowladda dhexe, “maadaamaa arrimahaasi oo dhan inuu sameeyo Cabdi Maxamuud Cumar ay dowladda dhexe lafteeda kaalin ku lahayd”. Waxaa kaloo caqabad culayskeeda leh noqon karta arrimaha dhulka iyo hantida ma guurtada, ayadoo dad badan ay sheeganayaan in dhul ay milkiyad u haystaan xoog looga qaaday. Soo celinta hantida la aaminsan yahay in deegaanka iyo qasnadda dowladda ay leeyihiin oo la soo celiyo, oo ah waxyaabaha uu ku dhawaaqay madaxweynaha cusub inuu sameeynayo ayaa iyagana waxaa ka dhalan kara mucaaradad iyo kooxo isaga diiddan inay degdeg u sameeysmaan, sidaa darteedna uu isbeddel xowli ah samayn waayo, taasina waa waxyaabaha caqabadda ay ka dhalan karto oo u baahan si taxaddar leh inuu u fuliyo. Dadka sida aadka ah ugu kuurgala siyaasadda deegaanka Soomaalidana waxay sheegayaan iney Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ay horyaallaan howlo aad u badan oo 11kii sano ee ugu dambeeyey qarribmay in la saxo, kuwaasoo noqon kara kuwo aan sahlanayn oo mixnad uu kala kulmi karo. ONLF iyo Kooxaha mucaaradka Jabhadda ONLF oo ah jabhadda keli ee hubeysneyd ee muddo dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya si ay gobolka ay Soomaalidu degto oo hoos taga Itoobiya ay “uga xoreyn lahayd”, iyo ururrada mucaaradka ee ka abuurmay cadaadiska maamulka Cabdi Maxamuud Cumar sida Dulmidiid iyo SRAJ waxay doonayeen iney maamulka Cabdi markay ka takhalusaan ay xilka iyagu la wareegaan. Waxaana isbahaysi ku heshiiyey ururrada Dulmidiid iyo SRAJ oo madaxweyne Mustafe uu ka tirsan yahay iyaga oo haddana aad ugu kala aragti duwanaa xagga aragtida mucaaradnimada, misna ONLF waxay kaga duwan tahay ayadoo dooneysa iney gobolka gabi ahaantiisba uu madax bannaani ka qaato Itoobiya. Xisbiga talada deegaanka haya ee X D SH S I oo isaguna siyaasadda deegaanka miisaan ku leh ayaa ka mid ah dhinacyada loollanka siyaasadeed ee adag uu ka dhaxeeyo. Haddaba, dhinacyadan siyaasadeed haddii uusan madaxweynaha sida ku habboon ula dhaqmin, qaab dhismeedka dowliga ee la dhisi doonana aan si buuxda looga qayb gelinin, waxaa adkaaneysa iney xaaladda siyaasadeed ee deegaanka degto, waxay taana ka mid ah caqabadda uu madaxweynaha la kulmi karo haddii uusan sida ugu munaasabsan u maareynin. Isku dhacyada soo noqnoqda Oromada iyo Soomaalida Arrin kale oo laga sugayo, ishana lagu hayo sida uu u wajaho ayaa ah xiisadda u dhaxaysa Soomaalida iyo Orommada, taasoo gaartay meel aad u xun, saamaynna ku yeelatay magaalooyin ay labada qowmiyadood wada degaan ama xuduud ka leeyihiin. Dhowrki sano ee u dambeeyey qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo derisnimo qarniyo badan ku soo wada noolaa ayaa waxaa ka billaabatay colaad daba dheeraatay oo ka duwan khilaafki horay labadaasi qowmiyadood u dhex mari jiray. Haddaba dhibaatooyinka qowmiyadahaasi oo sanadihii ugu dambeeyey ahaa kuwa siyaasadeysan, sidii loo joojin lahaa, labada shacab ee xadka dheer wadaagana dib looga walaaleyn lahaa, ayaa waxay ka mid tahay caqabadda uu wajihi karo madaxweynaha cusub maxaa yeelay Soomaalida waxay tirsanayaan in dad badan laga laayey, dhulna laga qabsaday, Oromaduna waxay aaminsan tahay inuu dhul ka maqan yahay, Boqollaal kun oo qowmiyaddaasi ka tirsanna deegaanka laga soo barakiciyey oo hantidooda laga dhacay. Labadaasi aragti ee kala fog isku keenidooda oo ah mid aad u adag ayaa waxay ka mid noqon kartaa caqabadaha uu wajihi doono madaxweynaha Cusub. ISHA BBC Somali
  24. Zimbabwe's top court on Friday dismissed an opposition bid to have presidential election results annulled over alleged rigging in favour of Robert Mugabe's successor, Emmerson Mnangagwa. Source: Hiiraan Online
  25. Sida ay warbaahinta PUNTLAND POST u xaqiijiyeen illo lagu kalsoonaan karo tiro maxaabiisa ayaa ka baxsaday maalin kahor xabsiga dhexe ee magaalada Garowe oo ah xabsi weyn oo loo dhisay si casri ah. Xabsigan oo ku yaal duleedka waqooyi ee magaalada Garowe waxaa ku xiran maxaabiis fara badan oo isugu jira Burcad badeed, gacan ku dhiiglayaal iyo dambiilayaal kale oo isugu jira kuwo maxkamadi xukuntay iyo kuwo weli xukun suge ah. Maxaabiista ka baxsaday xabsiga dhexe ee magaalada Garowe waxaa ku jirey rag gacan ku-dhiiglayaal ah oo horay degaanada Puntland uga geystay falal dil ah, lamana oga sida ay uga baxsadeen xabsigan sida casriga ah u dhisan kuna yaala meel aad uga fog magaalada. Mid kamida saraakiisha ciidanka Asluubta Puntland ayaa u sheegay PUNTLAND POST in wax yaabaha ugu waaweyn ee sababay baxsashada maxabiistan ay kamid tahay musuq-maasuq ka jira xabsiga ayna sabab u tahay xaquuqihii iyo mushaaraadkii ciidanka oo si aada dib u dhacay waayadan danbe. Waa markii labaad oo sanadkan gudihiisa ay maxaabiisi ka baxsato xabsigan mana jirto talaabooyin dadweynaha lala wadaagey oo ay Dawladu qaaday si loo ilaaliyo tayada iyo kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan xabsiyada Puntland oo u muuqata mid hoos u dhacday. PUNTLAND POST The post Baxsashada maxaabiista oo kusoo badanaysa xabsiga Garowe appeared first on Puntland Post.