Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,424
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online)-Afhayeenkii hore ee Maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar ayaa shaaca ka qaaday in Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu wado qorshooyin lagu caburinaayo siyaasiyiinta iyo dadka deeganka ku ah Jubbaland. Seeraar waxa uu sheegay in caburinta uu Axmed Madoobe ku hayo dadka deegaanka ay gaartay xadkii ugu danbeeyay waxa uuna ka digay in dadka deegaanka lagu sii haayo caburinta. C/naasir Seeraar oo ka hadlaayay dhibaatooyinka ka jira deegaanada Jubbaland ayaa sheegay inuu mugdi galay hamigii ay hiigsanayeen dadka reer Jubbaland, isagoo xusay in sharciyadii uu ku dhisnaa Jubbaland la hareer maray, sida uu hadalka u dhigay. Seeraar waxa uu carabka ku adkeeyay inay shaki weyn ka qabaan in Axmed Madoobe uu ku dhaqaaqo wakhti kororsi dhanka xilka ah, hase yeeshee dadka deegaanka laga doonaayo inay ka hortagaan. C/naasir Seeraar waxa uu caddeeyay in aanay weli kala caddeyn xilliga la qabanayo doorashooyinka iyo sharciyadii guddiyada qaban lahaa maadaama wakhtiga la sameyn lahaa lagu jiro. Sidoo kale, C/naasir Seeraar ayaa ku baaqay in Hogaamiyaha maamulka Axmed Madoobe uu wax ka bedelo habdhaqankiisa maadaama lagu jiro xiliga doorashada. Si kastaba ha ahaatee, C/naasir Seeraar oo ka mid ahaa xubnihii la soo jabhadeeyay Axmed Madoobe, ayaa niyad jab weyn ka muujiyay dhaqan siyaasadeedka Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa dib u bilowday dhismaha Xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo 7 Bishii July 2018 lagu qaaday weerar toosa oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha Qarxa. Xarunta Otto Otto oo tan iyo markii la weeraray aheyd mid albaabada u xirnaa ayaa waxaa si xooli ah hadda uga socda dhismo lagu dayactiraayo xafiisyada ku burburay Qaraxa. Waxaa xarunta ka muuqday maalmihii lasoo dhaafay burbur xooggan waxaana dhulka galay qaar kamid ah xafiisyada oo maleeshiyaadkii galay ay ka dhex fuliyeen ismiidaamin. Dhismaha xarunta ayaa bilowday 49 Cisho kadib oo laga joogo xiliga uu dhacay weerarka kadib markii uu hakat ku imaaday shaqooyinka ay dowlada u hayeen Wasaaradaha degnaa xarunta. Geesta kale, shaqaalaha Wasaaradda arrimaha gudaha qaarkood, ayaa waxa ay sheegen inaysan shaqeyn wixii ka danbeeyay xiliga weerarka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Toronto ee caasimada dalka Canada ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed. Allaha u naxariistee muwaadinkaanayaa lagu dilay xaafada ay Soomaalida ku badantahay ee layiraahdo Weston and Lawrence. Muwaadinkaan Soomaaliyeed ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Kaafi Bashiir Bahweyn oo da’diisa lagu sheegay 30-jir Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in dilka Allaha u naxariistee Kaafi Bashiir ay ka dambeeyeen isla muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed. Kooxda dishay muwaadinka ayaa dilkiisa u adeegsaday Tooreey ay dhowr jeer ku dhufteen Marxuumka dhintay. Ciidamada Booliska Canada ayaa goobtaasi soo gaaray oo baaritaano ka sameeyay iyo sidii ay u soo qaban lahaayeen dadka ka dambeeyay dilka muwaadinkaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Canada appeared first on Puntland Post.
  4. President Uhuru Kenyatta has turned a blind eye to the political problems facing US and UK leaders in their backyards as he prepares to meet them next week in part to cement trade and diplomatic ties between Kenya and the two nations. Source: Hiiraan Online
  5. UNITED NATIONS, Aug 25 2018 (IPS) - The United Nation’s Department of Public Information (DPI) last week withdrew UN press credentials from Matthew Lee, a longstanding journalist who reported for his blog, Inner City Press (ICP). Source: Hiiraan Online
  6. A former GSU officer has denied the charge of attempting to sneak into Somalia through an illegal point while in Mandera Town for an unknown mission. Source: Hiiraan Online
  7. Inta aanan u gelin nuxurka qormadeyda, Aan marka hore ka hadlo dhowr arimood oo muhiim ah. Kuwaasi oo calaaqa la leh qormadeydan timid waqtigeeda oo aaan ku soo gudbin doono talooyin badan oo muhiim ah oo aan siinayo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Soomaali Galbeed, Gaar ahaan jabahdda xoreynta Ogaadeeniya ee loo yaqaanno ONLF. Talooyinkan, Ayaa taaban doono meelo badan oo loo baahan yahay in la ifiyo. Waxaana rajeynayaa [insha alaah] in talooyinkaasi ay horseedi doonaan guul iyo gobonimo. Maadaama aaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo ka soo jeeda dhulka Jamhuuriyadda. Hadabo, Waxaa igu qasab ah inaan wax ka iraahdo marxaladdan ay marayaan walaalaheenna Soomaaliyeed ee uu dhulkoodu bixiyey gumeystihii Ingiriska ee sirta badnaa. QODOBKA KOOWAAD: Waxaan kula talinayaa dadka Soomaaliyeed iyo waxgaradkooda ku dhaqan dhulkaasi ay taariikhdu u taqaanno Ogaadeeniya Anagana aan mararka qaar ugu yeerno Soomaali Galbeed, Inay ka faa’iideystaan isbadelada ka socda waxan loogu yeero Itoobiya. Kuwaasi oo xanbaarsan fursado badan oo in muddo ah la baadigoobayey. Waxaana ku talinayaa in meel la iska dhigo waxyaabaha yar yar ee lagu kala duwan yahay, Si loo guuleysto. Waxaan kaloo ku talinayaa in lagu dabafeylo jabhadda mucaaradka ee ONLF oo ah midda qura ee maanta ka jirta deegaaanka Soomaalida, Taasi oo muddo dheer halgan kula jirtay taliskii ay Tigreedu horboodeysay ee dhibaatada badan geystay. ONLF, Ayaa qeyb ka ahayd isbahasi ballaaran oo ay ku jiraan taageerayaasha jabhadaha mucaaradka Oromada iyo Amxaarada, Kuwaasi oo ugu danbeyn jilbaha u dhgay taliskii Tigreeda. Maadaama maanta Itoobiya la dhegeysanayo dadka mucaaradka. Hadabo, Waxaa haboon in ONLF loo daayo matalaadda deegaanka iyo wixii wadahadal ah oo lala galayo maamulka cusub ee ay horboodeyso qowmiyadda Oromada ee aannu wax badan wadaagno. ONLF, Ayaa leh qab-dhismeed urur iyo waliba ajandayaal cad cad oo dhamaantood u khidmeynayo qadiyadda dhulka Soomaalida ee xoogga lagu haysto. Jabhaddani, Ayaa haysata fursado badan oo aysan haysan dhinacyada kale ee Soomaalida ee deegaanka ka jira sida maamulkii Cabdi Cumar oo kale, Kaasi oo Isaga iyo taageryaashiisuba lagu xaglinayo inay daacad u ahaayeen maamulkii hore ee Tigreeda. Itoobiya, Ayaa caado u ah in marka uu isbedel dhaco in xabsiyada loo diro taageerayaasha maamulkii hore ama ay dibadaha u cararaan sidan marar badanba aragnay. Waxan kaloo ku talinaya inaan dhib loo arag magaca ay jabhaddu wadato ee Ogaadeeniya. Maxaa yeelay, Magacani waxa uu qeyb ka yahay taariikhda dhulkaasi iyo magacyada loo yaqaanoba. Maadaama qaddiyadani ay taallo meel badan oo caalamka ka mid ah. Hadabo, Waa muhiim in la sameeyo wax alaale iyo wixii qadiyadda u khimdeynayo. Laakiin waxaa important ah in la ballaariyo golayaasha Jabhadda, Si loogu soo dara Soomaalida ka maqan. Dhinaca kale, Waxaan ka digayaa in mar kale ay xukuumadda Adis Ababa isticmaasho Soomaali kale, Kuwaasi oo lagu duleynayo dadkooda. Ugu danbeyna xabsiyada loo dirayo. ka dib marka dusha loo saaro gaboodfaladii dhacay sidan marar badanba aragnay. Taana waxaa u daliil ah waxa maanta ku dhacay Cabdi Maxamed Cumar oo aad isu jecleysiiyey taliskii hore. Sow arintu uma eka: Ninkii abeeso koriyoow adigaa u aayi doono ? QODOBKA LABAAD: Waxaan kaloo ku talinayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay cayaarto dowrkeeda ku aaddan qadiyaddan muhiimka ah maadaama dadka aannu ka warameyno ay yihiin Soomaali dulman. Sidee loo daawanyaa dad Soomaaliyeed oo u dhiban taariikh dhacday iyo waliba go’aan gumeysi. Mase jirtaa Itoobiya maanta laga baqo oo darteeda loo aamuso ? Sow ma ogidiin in Itoobiya maanta ay la mid tahay sida meyd socda oo kale ? Waxaan kaloo soo jeedinayaa in qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Soomaalidu ay Iyaduna qaadato dowkeeda oo ay qeyb ka noqoto tawjiihinta iyo talo-siinta dadkaasi, Iyadoo waliba laga fogaanayo isticmaalka ereyada xun xun sida ereyga “Soomaalida Itoobiya” oo kale. Sow ma ogidiin in dhulkaasi uu qeyb ka ahaa dhulalkii maqnaa ee soo celintooda loo daadiyey dhiigga badan. Mise waxaa idin han-jibiyey taageerayaasha SNM iyo SSDF oo hadda sita magacyo kale ? Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan kaga waramayo waxa la gudboon Jabhadda xoreynta Ogaadeeniya oo ay horyaallaan fursado ka dhashay isbedeladii ka dhacay Itoobiya oo xoog ku haysato dhulka ay Jabhaddani u dagaalameyso. Isbedaladaasi oo abuuray rajo cusub oo horseedi karta in si nabadgalyo ah lagu dhameeyo khilaafkii u dhaxeeyey Soomaalida iyo dadyowga kale ee ku mideysan waxan loogu yeero Itoobiya. Ra’isulwasaraha cusub ee Itoobiya, Ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo jabhadda xoreynta Ogaadeeniya sida uu ula hadleyba jabhadaha kale ee mucaardka ee ka jiray Itoobiya iyo waliba dowladda Ereteriya oo ay calaad xuni kala dhexeysey. Abey Axmed, Ayaan la aqoonin sida ay uga go’an tahay dhameynta qadiyaddan isaga ka weyn. Waxaa kaloon la aqoon inay daacad ka tahay furfurnaanta ka muuqata iyo inay ka tahay iibsasho waqti. We will see. Maadaama ONLF tahay jabhadda kaliya ee mucaarad ee maanta ka jirta dhulka Soomaali Galbeed, Taasi oo leh structure maamuleed iyo waliba ahdaaf cad cad oo horseedi karta inay xuroobaan dadkaasi oo dhulkooda si sir ah loo hoos geeyey gumeysiga Itoobiya muddo haatan laga joogo ku dhawaad 70 sano. Kuwaasi oo hadana loo geystay dhibaatooyin badan oo aan laga sheekeyn karin waqti xaadirkan la joogo. Sidan soo sheegeyba, Maadaama ay jiraan furfurnaan ka muuqata taliska cusub ee ay horboodeyso qowmiyadda Oromada ee aannu wax badan wadaagnno. Kaasi oo sheegay inuu diyaar u yahay wadahadallo dhab ah oo lala galo Jabhdda ONLF oo ah midda kaliya ee maaanta ka jirta deegaanka Soomaalida, Taasi oo golayaal maamuleed iyo waliba barnaamijo siyaasadeed oo cad cad. Hadabo, Waxaa muhiim ah in lala taliyo Jabhadda si ay u guuleyssato. WAXA KALA GUDBOON SOOMAALIDA: Waxaa la gudboon Jabhadda inay la fadhiisato dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida, Gaar ahaan dadka waxgaradka sida odoyaasha dhaqanka oo kale, Iyadoo waliba u sharxeyso qorshayaasheeda siyaasadeed iyo waliba dariiqooyinka ay dooneyso in loo maro wadahadalada lala galayo maamulka cusub ee ay horboodayaan qowmiyadaha Oramada iyo Amxaarada oo uu aad u caburiyey taliskii Tigreeda ee arxan-laawaha ahaa. Waxaa kaloo Jabhadda la gudboon inay la fadhiisato dhinacyada siyaasadeed ee deegaanka ka jira, Iyadoo waliba ku qancineysa inay ka tanaasulaan daba-orodka talis kasta oo yimaadaba, Si loo xaqiijiyo himilooyinka dadka Soomaalida oo runtii aad loo dhibay. Kuwaasi oo la hoos geeyey dad aysan waxba wadaagin. Waxaa kaloo Jabhadda laga rabaa inay hormuud u noqoto qabashada shirar looga tashanayo aayaha gobolkaasi dulman. Maadaama Jabhaddu leedahay taageerayaal badan oo ku kala daadsan dunida dacaladeeda, Iyagana waxaa la gudboon inay qabtaan shirar badan oo lagu soo bandhigayo halgankii ay soo martay Jabhadda iyo waliba ahdaafta ay u dagaalameyso oo uu ku jiro qodob aad u muhiim ah, Kaasi oo dhigayo in afti dadweyne laga qaado dadka Soomaaliyeed, Si loo weydiiyo waxa ay doonayaan iyo halka ay u socdaanba. Qodobkan, Ayaa mixwar u ah halganka jabhadda. Waana halka ay uga duwan tahay dhinacyada kale ee Soomaalida ee deegaanka ka jira. Isla qodobkan, Ayaa ah midka mar walba keenayo inay fashilmaan wadahadalo badan oo dhexmaray Jabhadda iyo Taliskii dumay ee Tigreeda. ONLF, Ayaa dooneysa in afti dadweyne laga qaado dadka Soomaaliyeed sida Ereteriyaanka oo kale. Kuwaasi oo ugu danbeyn go’aamiyey masiirkooda. Hadabo, Si looga faa’iideysto fursadaha maanta jira, Waxaa muhiim ah in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaankaasi ay ku dabofeylaan ONLF maadaama ay tahay jabhadda kaliya ee mucaarad ee maanta jirta dhulkaasi muhiimka ah, Taasi oo waliba la daneynayo in lala furo wadahadallo ka duwan kuwii hore ee waqti-dhumiska ahaa, Si xal waara loogu helo qaddiyadan hortaagan nabad ka dhalata Geeska Afrika. Waxaa kaloo muhiim ah in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada kale ee ka jira dhulka Jamhuuriyadda inay soo dhaweeyaan ONLF, Islamarkaana u ogolaadaan inay xafiisyo waa weyn ka furato dhulka Jamhuuriyadda sida Muqdisho iyo Hargeysa oo kale, Maadaama Itoobiya ay u aqoonsatay jabhaddaasi jabhad xornimo-doon ah oo waliba la daneynayo in lala furo wadahadallo dhab ah oo ka duwan kuwii hore. WAXA AY MIISKA LA TAGEYSO: Waxaa la gudboon Jabhadda Iyadoo ka faa’iideysaneyso khibraddeeda iyo waliba waxyaabihii la soo maray inay markan miiska wadahadalada la tagto qodobo badan oo aan kala dhicin, Kuwaasi oo dhamaantood u khidmeynayo himilooyinka dadka Soomaaalida ee ku dhaqan dhulka Ogaadeeniya ee ay ka dhaceen dhibaatooyinka badan sida ay sheegeen hay’daha u dooda xuquuqda bini’aadamka sida Human Rights oo kale. Sidan soo sheegeyba, Waxaa jabhadda looga baahan yahay inay miiska wadahadalada a tagto qodobo badan oo muhiim ah, Kuwaasi oo ka turjumayo halgankii dheeraa ee ay soo gashay, Islamarkaana ka gadmayo dadka Soomaaliyeed ee ay u dagaalameyso, Kuwaasi oo runtii ay soo gaareen dhibaatooyin badan. Waxaana ka mid ah qodobada ay miiska la tageyso kuwa soo socda: 1- In la saxiixo xabad joojin rasmi ah oo dhowr sano soconeyso. 2- In maxkamad caalami ah la soo taago shaqsiyaadkii dunuubta ka geystay Ogaadeeniya. 3 In magdhow la siiyo dhammaan dadkii waxyeelada loo geystay. 4- Iyo ugu danbeyn in afti dadweyne laga qaado dadka Soomaaliyeed si loo weydiiyo waxa ay doonayaan. Haddii la isla fahmo afartaasi qodob in markaasi loo sameeyo deegaanka maamul KMG oo ay hogaaminayaan dad aqoonyahano ah oo ka madaxbanaan dhinacyada siyaasadeed ee deegaanka ka jira. Maamulkan, Ayaa ka shaqeynayo adeegyada caadiga ah ee uu qaban jiray maamulkii hore marka laga reebo dhexboodka siyaasadda. Waxaa kaloo laga raabaa maamulkaasi inuu fuliyo waxyaabaha ay ku heshiiyaan ONLF iyo Itoobiya. Haddii la isla garto qaadista afti dadweyne, In markaas la mudeeyo maalinta la qaadayo aftidaasi xorta ah, Iyadoo waliba lagu casuumayo dowlado waaweyn iyo waliba hay’ado caalami ah, Si looga baaqsado caga-jugleyn iyo waliba wax isdabamarin. Haddii jawaabta ka soo baxda aftidaasi ay noqoto waan madaxbanaanaaneynaa in markaasi la kala baxo, Iyadoo la calaamadeynayo xuduudda u dhaxeyso labada dal (Ogaadeeniya iyo Itoobiya) Laakiin, Haddii jawaabta ay noqoto waan ka sii mid ahaaneynaa Itoobiya inteeda kale, In markaasi laga wadahadlo qeybsiga awoodaha iyo kheyraadka. Anigu, Markii aan la sheekeystay dad badan oo Soomaaliyeed oo deegaankaasi ka soo jeeda, Waxay ii sheegeen inay doonayaan inay ka madaxbaanaadaan gumeysi iyo inay cid kale hoostagaan. Waxay kaloo ii sheegeen inaysan dhib u arag aragtida Soomaaliweyn ee qiimaha badan. Si ONLF u guuleysato, Waxay u baahan tahay inay daraaseyso qaabkii ay Ereteriya uga go’day Itoobiya inteeda kale. Waxay kaloo u baahan tahay inay wax ka ogaato qaabkii Koonfurta Suudaan looga jaray Suudaanta kale. Waxay kaloo u baahan tahay inay kireysato khubaro caalami ah oo ka caawisa qaabka ugu haboon oo lagu heli karo Ogaadeeniya oo ka madaxbanaan Itoobiya inteeda kale oo aan rajeynayo inay dheereyn insha alaah. Haddii maamulka cusub ee ka dhashay Itoobiya uu diido in afti laga qaado dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaankaasi oo uu la soo baxo waxyaabihii lagu yaqiinay ee lugooyada ahaa, In markaasi ONLF ay dib ugu noqoto halgankii dheeraa oo aan aaminsanahay in ugu dabeyn uu guuleysan doono. Maadaama uu yahay halgan caadil ah oo aan cidina lagu dulmeyn sida halgankii dadka reer Ereteriya oo kale, Kaasi oo ugu danbeyn guuleystay. Ugu danbeyn, Waxaan kula talinayaa ONLF iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Ogaadeeniya inay ka faa’ideystaan isbedelada ka socda Itoobiya oo laga yaabo inay keenaan in dulmiga laga daayo dadka Soomaaliyeed oo loo yeelo waxa ay doonayaan sida Ereteriyaanka oo kale. Waxaan kaloo kula talinayaa siyaasiyiinta deegaankaasi inaysan noqon aalado lagu baabi’iyo himilooyinka dadkooda sida marar badanba dhacday. Ogaadana in guushu aysan fogeyn. W/Q: Maxamed Ibrahim Iidka1@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  8. Hundreds of young people have taken part in first of a kind job fairs in Somalia as part of a week of International Youth Day celebrations in the country. The fairs were held in Galmadug, Hirshabelle, South West State, Jubaland and Puntland from 12th to the 16th August, and gave young people the opportunity to showcase their trades and products, with businesses and government officials providing information on internships, job placement, and career guidance in some states. Source: Hiiraan Online
  9. Addis Ababa (HOL) - Residents in Ethiopia’s Somali regional state have said that internet connection has been restored in the area of the federal government cut out mobile and broadband connection for nearly three weeks. Source: Hiiraan Online
  10. OTTAWA — The number of people seeking asylum in Canada is rising “far beyond” what the existing system can handle, according to a recent letter from Immigration Minister Ahmed Hussen obtained by the National Post. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya inuu socdo qorsho xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow. Wararku waxa ay sheegayaan in Guddoomiyaha Gobolka oo hadda safar shaqo ugu maqan dalka Imaaraadka carabta uu dhawaan weyn doono xilka, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in lagu cadaadinaayo inuu iska casilo xilka. Qorshaha ka socda madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in xilkaasi loo wado Wasiirka Amniga Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow Ducaalle. Wasiir Ducaale oo ay aad isugu dhow yihiin Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa isna weyn doona kursiga Xukuumada, inkastoo ay jiraan shaqsiyaad kala oo u tartamaaya kursiga Yariisow. Shaqsiga labaad ee la hadal hayo inuu u tartamaayo xilka Guddoomiyaha Gobolka ayaa la sheegay inuu yahay Maareeyaha Hay’adda Duullista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle oo isagu dhawaan laga fadhiisiyay shaqada. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa markiisii hore waxaa xilka loogu magacaabay si kedis ah kadib markii ay dowlada Somalia u maara weysay Guddoomiyihii hore Taabit Cabdi oo doorasho iskiisa ah isku magacaabi lahaa. Sidoo kale, qorshahan xil ka qaadista oo hadal heyntiisa uu sii xoogeysanaayo ayaa imaanaya xili dowlada Somalia ay weli ku guda jirto isbedelo lagu sameynaayo madaxda xilalka heysa. Ma cadda dhaqan galka qorshahaani hase yeeshee waxaa si xooli ah magaalada Muqdisho uga socda hadal heynta xil ka qaadista Yariisow iyo mas’uulka bedeli lahaa oo miiska saran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. ADDIS ABABA, - Internet has been restored to Ethiopia's Somali regional state in the eastern part of the country after a three-week blackout, residents said on Friday. Source: Hiiraan Online
  13. Hargeysa (Caasimada Online)- Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka maamulka Somaliland ay magaalada Hargeysa ku xireen Xoghayaha Xafiiska Ra’isul wasaare ku-xigeenka Somalia Khadar. Ciidamada amaanka ayaa xili habbeen ah xabsi dhigay Xoghayaha Xafiiska Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Cabdiqani Yaasiin Maxamed. Cabdiqani Yaasiin Maxamed, ayaa maalmihii ciida ka tegay magaalada Muqdisho waxa uuna Haregeyso u adaaya booqashada qoyskiisa, sida aan xogta ku heleyno. Maamulka Somaliland iyo Ciidamada amaanka maamulka ayaan weli ka hadal sababta rasmiga ah ee loo xiray Xoghayaha Xafiiska Ra’iisul wasaare ku-xigeenka. Somaliland ayaa inta badan deegaanadeeda ku xirta mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowlada oo ay ku eedeeyan in idan la’aan ay soo galaan magaalada. Sidoo kale, maamulka ayaa horay u xiray dad isugu jira mas’uuliyiin,Siyaasiyiin Wariyeyaal iyo Fanaaniin kuwaas oo qaarkood xukun lagu riday qaarna lasiidaayeymudo markii ay xirnaayeen. Ma cada waxa Somaliland ku kalifaaya inay xirto dadka ka socdaala magaalada Muqdisho, halka dadka kasoo jeeda deegaanada Somaliland lagu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho, xiliyada ay usoo socdaalan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa wada qorsho looga hortagayo gaadiidka ismiidaaminta iyo kuwa falalka amni daro ka geysta waddooyinka laamiyada Muqdisho. Qorshahaani oo xooga lagu saarayo la socodka gaadiidka ka hor inta aysan ismiidaamin ama aysan geysan falalka amni daro ayaa waxaa loo adeegsan doonaa Kaamirado nooca meelaha fog wax ka duuba oo lagu xiraayo isgoosyada magaalada Muqdisho, halka kuwii hore dib loo bedelaayo. Kaamiradaha la qorsheynaayo in lagu xiro isgoosyada magaalada ayaa aad uga dheereeya kuwii hore, waxaana lasoo warinayaa inay tayo badan yihiin kuwa iminka la isticmaalayo. Gaadiidka ismiidaaminta geysta, kuwa la dhigo hareeraha waddooyinka iyo kuwa falalka amni daro geysta ayaa intuba is ticmaala laamiyada, waxa ayna kaamiradu fududeyneysaa in la helo macluumaadka gaadiidkaasi. Sidoo kale, dowlada ayaa Kaamiradahani ka dalbatay dalka dibadiisa waxaana lagu wadaa inay soo gaaran maalmaha fooda nagu soo heysa sida aan xogta ku heleyno. Geesta kale, dowladii hore ee uu Hoggaaminaayay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadii ugu danbeysay kaamirado kooban ku xirtay isgoosyada, hase yeeshee waxa ay u muuqaneysaa in laga maarmi doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Serena Williams caused a sensation with the black catsuit she wore at this year's French Open tournament. But French tennis officials aren't as fashion-forward. Source: Hiiraan Online
  16. The United Nations said Friday that a Saudi-led airstrike had killed at least 22 children and four women in Yemen as they fled a fighting zone — the second mass killing of Yemeni civilians by Saudi Arabia and its military partners in two weeks. Source: Hiiraan Online
  17. On Friday, Australia got a new prime minister — again. Scott Morrison is the country’s sixth prime minister in the last eight years, and the fourth prime minister to be ousted in the last decade. Source: Hiiraan Online
  18. This Saturday will mark a year since Minnesota experienced its most severe measles outbreak in recent history, and public health officials are still trying to get the word out about measles vaccinations. Source: Hiiraan Online
  19. Kenya Police have impounded a consignment of illegal sugar in Wajir County. Source: Hiiraan Online
  20. Shiburu Kutuyu, a 45-year-old Ethiopian maize and coffee farmer, was jolted awake by gunshots one night in June. He told his wife and seven children to flee. Source: Hiiraan Online
  21. A miraa exporter has sued the state for declaring him a prohibited immigrant. Source: Hiiraan Online
  22. Garbahaarey (Caasimada Online) – Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay booqasho halkaasi ay ku tageen wafdi wasiirroa ah oo ka socda maamulka Jubbaland. Dibaxbax rabshado watay ayaa ka dhacay magaalada Shalay oo Jimco ahayd, kaasoo dhaawac lagu gaarsiiyay wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga Jubbaland, Aadan Ibraahim Aw Xirsi. Wasiirka ayaa soo gaarey dhawac fudud, oo Dakhar madaxa ah kadib markii dad caraysan ay dhagax ku weerareen isaga iyo xubno la socda oo howlo shaqo iyo kormeer u jooga magaalada Garbahaarey. Aw Xirsi ayaa ku tilmaamay kacdoonka Garbahaarey ee looga soo jorjeeda Jubbaland uu yahay mid lasoo abaabulay, isagoo ka gaabsaday inuu carabka ku dhuftay cidda gadaal ka riixaysa dibaxbaxyada. Balse, waxay tani kusoo beegmaysaa xilli cilaaqaadka iyo xiriirka wadashaqeyneyd ee Villa Somalia iyo Jubbaland uusan wanaagsaneyn, islamarkaana dhowr jeer Axmed Madoobe eedeymo kul-kulul u jeediyay dowladda Federaalka. Jubbaland ayaa dhawaan kasoo celisay Garoonka Kismaayo diyaarad siday Taliye-yaal ciidan, oo uu ku jiro Taliyaha cusub ee dhawaan dowladda Federaalka u magacawday qeybta 43aad ee ciidanka xoogga. Mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland ayaa dowladda Somalia iyo Fahad Yaasiin, Agaasiimihii hore ee Aqalka Madaxtooyadda, oo hadda loo magacaabay Ku xigeenka Taliyaha NISA ku eedeeyey inay si qaraoodi ah uga shaqeynayaan sidii Madaxweyne Axmad Madoobe loo badali lahaa isagoo mucaaradad xoogan kaga kiciyey gobolka Gedo oo ka tirsan maamulka Jubaland. Dhowaan ayaa la filayaa in Kismayo lagu qabto kulan ay isugu imaanyaan golaha maamulada Soomaalida kasoo ajendaha ugu koreeya uu yahay faragalinta dowlada Federaalka ku hayso maamulka Jubaland. Isha: Garoowe Online
  23. Abu Dabai (Caasimada Online) – Qoraal ay baahisay dowlada Imaaraadka carabta ayaa waxaa lagu soo bandhigay wadamada ugu badan oo ay maalgashteen sanadkii tagay ee 2017. Dowlada Imaaraadka ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay maalgashi weyn ay ku sameysteen wadamada Sacuuduga, Canada iyo dalka India oo lagu kharaj gareeyay dhaqaalaha ugu badan oo ay bixiso Imaaraadka. Qoraalka oo si gaara uga soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay in wadanka koowaad ee la maalgashtay uu yahay Sacuudiga, halka wadamada Canada iyo India ay galeen kaalmaha labaad iyo Sadaxaad. Kaalinta afaraad ee maalgashiga ayaa lagu sheegay inay gashay Somaliland oo laga maalgaliyay dhinacyada Dekadda iyo Ganacsiga furan oo ay la leeyihiin Imaaraadka sida dhoofinta Xoolaha nool. Kaalinta Shanaad ayaa la sheegay inay gashay Masar oo laga maalgaliyay dhanka Ganacsiga, sida lagu xusay qoraalka kasoo baxay Wasaarada. Waxaa lagu sheegay qoraalka in maalgashi xaddigiisu gaadhayo $ 0.86 Bilyan ay geliyeen maamulka Somaliland, halka $ 0.36 Bilyan ay geliyeen dalka Masar, inkasta la saadaalinayo in sannadaha soo socda uu kordho maalgashiga Imaaraadka Carabtu gelinayaan Somaliland iyo Masar. Warbixinta wasaarada arrimaha dibadda Imaaraadka laguma sheegin meelaha hantida maalgashigooda Somaliland ku baxday balse waxaa la og soonyahay in maalgashiga ugu badan lagu sameeyay horumarinta dekedaha, dhismahaasha, macdanta, tamarta la cusboonaysiiyey, arrimaha ganacsiga iyo dhinacyo kale. Geesta kale, dowlada Imaaraadka ayaa xustay in sanadka lagu guda jiro ee 2018 ay kordhin dhanka maalgashiga ah ku sameyn doonaan goobo kale oo kamid ah Somalia oo ay ku bixin doonaan hantida ugu badan. Caasimada Online Xafiiska Abu Dabai Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog uu helay wargeyska MEP ayaa sheegeysa in lagaa yaabo inuu isbadal ka dhaco Wasaaradda Arrimaa Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye (Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya) wuxuu wajahayaa cadaadis ka imaanaya Dhuusamareeb. Ilo muhiim ah ayaa u sheegay wargeyska MEP in Ra’isulwasaare Kheyre uu damacsan yahay inuu xilka ka qaado Wasiirka Arrimaha Gudaha iyadoo booskaas loo wado Cabdisamad Macalin Maxamuud oo uu dhalay hogaamiyaha Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee gobolada Dhexe. Waxaa jira heshiis hoose oo u dhaxeeya Ahlu-Sunna iyo Villa Somalia kaas oo ah in Ahlu-Sunna la siiyo wasiirka Arrimaha Gudaha iyaguna ay Villa Somalia ka caawiyaan in xildhibaanada ay rabaan ay kusoo baxaan doorashada 2020-ka. Sidoo kale sababaha Sabriye loo badalayo waxaa ka mid ah gaabis ka muuqda shaqada wasaaradda arrimaha gudaha, ilaa haatan waxaa socda wada-tashiyo ku aadan isbadalka la filaayo inuu ka dhaco Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Waxaa jira dadaalo lagu baajinayo arrintaan oo ay wadaan xildhibaano iyo ganacsato dooneysa in Sabriye uu sii joogo wasaaradda. Xaaf iyo Ahlu-Sunna waxey isku afgarteen in lala shaqeysto Farmaajo iyo Kheyre oo aan laga hor imaan, waxyaabaha go’aankaas fududeeyay waxaa ka mid ah ballan qaadka Ahlu-Sunna loo sameeyay ee ah in la siin doono Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Wasiirka hadda xilka haya iyo midka loo saadaalinaayo, labaduba waxey kasoo jeedaan beesha Ceyr ee Habargidir, sidaas darteed Farmaajo kama cabsanaayo iney dood badan ka dhalato arrintaan, Sabriye wuxuu xilka hayaa muddo kooban isagoo xafiiska kala wareegay Cabdi Faarax Siciid (Juxa). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Raysal wasaaraha Itoobiya Abiya Axmed ayaa tan iyo intii uu yimid hogaanka Itoobiya ugaystay deegaanka Soomaalida dhibaato xoog leh oo aan ka dhicin deegaanada Itoobiya. Abiy Axmed wuxuu magaalada Addis Ababa ugu yeedhay 1,000 ruux oo Soomaali ah. Dadkan ayaa isugu jira odayaasha dhaqanka, aqoonyahan, masuuliyiintii dagmooyinka deegaanka Soomaalida, dad shaqaale iyo xubihii xisbiga oo muddo labaatan bari ah tababar iyo dib u habayn uga socotay Addis Ababa. Shirkan waxaa kale oo ka qayb galaya ganacsato, ururo siyaasadeed oo qurbo joog ah iyo dad Soomaaliyeed oo dagan Addis Ababa. Marka laga reebo dadka maamulka ka tirsanaa, dadka kale ee shirka loogu yeedhay si nidaam ah laguma soo xulin, sidaas daraadeed ma matalayaan bulshada deegaanka Soomaalida. Khaladaad badan iyo waayo aragnimo la,aan ayaa ka muuqata shirkan Raysal Wasaaruhu u qabanayo Soomaalida, waxaa kale oo ay dad badni aaminsan yihiin in uu ula kac u samaynayo arintan isaga oo ku baadhay bal heerka uu taagan yahay fahamka iyo tashiga deegaanka Soomaalidu. Khaladaadka uu ku samaynayo Soomaalida R/wasaaraha Itoobiya. Abiy Axmed wuxuu kula dhaqmay deegaanka Soomaalida nidaam ka kuwan kan lagula dhaqmo deegaanada Itoobiya, ee ah dastuurka u yaal dalka; a) waxaa xoog kula wareegay maamulkii deegaanka Soomaalida ciidamada milatariga, taas oo deegaanka u horseeday barakac, bubur dhaqaale iyo dib u dhac xoog leh, b) waxaa laga jaray deegaanka Soomaalida dhamaan adeegyadii halbawlaha u ahaa nolosha bulshada sida Korontada, Biyaha iyo isgaadhsiinta. Waxaa si sharci daro ah Addis Ababa loogu yeedhay dhamaan xubihii xisbiga dimoqraatiga shacabka Soomaalida, taas oo aan suurto gal ka ahayn deegaanada kale ee Itoobiya; a) xubnaha xisbiga waa la handaday oo la bah-dilay, qaar badan ayaa xisbiga laga caydhiyey, gudoomiye cusub ayaa loo sameeyey, b) waxaa kale oo si sharci daro ah Addis Ababa loogu yeedhay dhamaan xubihii maamul ee gabalada iyo dagmooyinka, kuwaas oo la filayo in qaar ka mid ah la caydhin doono, c) qaar ka mid ah xubihii xisbiga laga caydhiyey oo damcay in ay safraan waxaa lagu xidhay Hargaysa, amar uu bixiyey Abiy Axmed, d) waxaa si sharci daro ah oo aan wali uga dhicin deegaanka Soomaalida iyo kuwa kale ee Itoobiya madaxwayne looga dhigo qof aan ahayn xubin xisbi iyo xubin baarlamaan midna. Waxaa sumcad xumo iyo ixtiraam daro ugu filan dadwaynaha deegaanka Soomaalida, oo ah deegaanka labaad ee ugu balaadhan Itoobiya in sidii dad aan deegaan lahayn, iyaga oo aan wada tashan, xili fiican la siin oo ay ku tashadaan in sidii ciidan amar lagu siiyo in ay Addis Ababa iska soo xaadiriyaan. Abiy Axmed uma jeedo in uu wax wanaajiyo laakiin wuxuu hubsanayaa bal in Soomaalidu is-difaaci karto iyo in ay ogoshahay wixii loogu taliyo, wuuna helay jawaabtii. Aniga iyo hankayga Soomaaliga ah, ee aan ahayn hanka kuwa Soomaalida ah ee Addis Ababa looga yeedhay; wuxuu ahaa in Abiy Axmed yimaado magaalada Jijiga, kana tacsiyeeyo, wixii ka dhacay dhib deegaanka Soomaalida ee ay masuulka ka ahaayeen isaga Abiy Axmed iyo Cabdi Maxamuud Cumar. In uu sheego in ay u diyaar garoobaan kulan wada tashi ah xili dambe, si ay ugu diyaar garoobaan degmo degmo iyo gabal gabal iyo deegaan Soomaaliyeed ahaan. Meles Zenawi R/wasaarihii hore ee Itoobiya oo ahaa nin dhibaato badan u gaystay dadwaynaha Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana deegaanka. Waligii ma samayn ixtiraam daro tan oo kale ah, xiliyadiisii oo ay nabada deegaanku ka xumayd, dhaqaalaha iyo isgaadhsiintu ka liidatay wuxuu tagi jiray magaalooyinka fog fog ee deegaanka si uu wada tashi ula sameeyo deegaanka Soomaalida, arintaasi waxay ahayd ixtiraam uu u muujinayo shacabka. Maxaa laga filan karaa waxa uu u sheegi doono Abiy Axmed dadkan uu ku amar ku taaglaynayo; a) in uu ka xunyahay wixii ka dhacay deegaanka Soomaalida b) in uu masuul ka ahaa Cabdi Maxamud Cumar wixii ka dhacay deeganka Soomaalida c) iyo in uu saxayo maamulka deegaanka Soomaalida uuna rabo in ay gacan siiyaan maamulka cusub ee dimoqraatiga ah. In kasta oo madaxwaynaha cusub ee deegaanka Soomaalida Musfate Cagjar shalay bixiyey talooyin fiican oo sida aan filayo fariin u ahaa dadka kulanka ka qayb galaya. Maxaa afkaar, talo iyo su,aalo ah oo laga filan karaa in ay kula xaajoodaan Abiy Axmed Raysal wasaaraha Itoobiya dadka Soomaaliyeed ee uu maanta Addis Ababa Shirka ugu qabanayo; a) waxaan filiyaa in wax wanaag u ah dadka Soomaaliyeed oo Itoobiya ka nixin kara in aan goobta laga odhan doonin. b) Dimoqraatiyada ka hirgashay Itoobiya waanu ku faraxsanahay, waanan la shaqayn doonaa Abiy Axmed iyo dawladiisa, hadalo noocaas ah. c) kala dacwood beelaha Soomaaliyeed dhaxdood ah oo ah mida uu u jecel yahay Abiy Axmed iyo Itoobiyaba. d) waxaa dhici karta in qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaan ahaan deegaanada Oromada dhib wayna loo gaystay in ay su,aal waydiiyaan uuna jeclaysan Abiya Axmed. Waynu arki doonaa wax ka soo baxa galabta kulanka kaligii tashade Abiye Axmed, ugu yeedhay dadwayaha Deegaanka Soomaaliyeed. Kaas oo aan aad u falan qayn doono. W/Q: Raas Ahmed