Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,434
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Cadaado (PP) ─ Wasaaradda Dastuuurka Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasaaradda Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug, ayaa magaalada Cadaado ka furay maanta Tababarka tababarayaasha waxbarahda madaniga ah iyo wacyi gelinta dadwaynaha ee ariimaha dastuurka. Tababrkaan oo socon doona muddo afar maalin ah ayaa labada maalin ee ugu horraysa waxaa ka faa’iidaysan doona bulshada rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada Galmudug halka labada maalin ee ku xigtana la tababari doono qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradaha dowlad goboleedka Galmudug. Ugu horrayn, agaasimaha Guud ee wasaaradda dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Zubayr oo kulanka ka hadlay ayaa sharraxaad guud ka bixiyay ujeedada laga leeyahay tababrkaan iyo waxa laga doonayo dadka ka faaidayta tababarkaan. “Tababbarka Tababarayaasha Waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadwaynaha ujeeddadiisu waxay tahay in dadka la tababro ay sii tababaraan dadka kale ee ku nool deeganda hoos yimaada dowlad goboleedka Galmudug si loo daadejiyo arriamaha dastuurka islamarkaana qof kasta oo Soomaali ah uu wax uga ogaado arrimaha dastuurka iyo halka ay marayso dib-u-eegistiisa,” ayuu yiri agaasime Zubayr. “Maadaama dastuurku yahay heshiis bulsho, waxaa lagama maarmaan ah in qof kasta oo Soomaali ah uu aragti ku yeesho dib-u-eegista dastuurka, si qof kasta oo muwaadin ah uu u dareemo lahaansho” ayuu hadalkiisa ku daray agaasimaha. Agaasimaha ayaa kula dardaarmay ka qayb galayaasha tababrkan in ay si wanaagsan uga qayb qaataan islamarkaana ay soo bandhigaan su’aalaha ka dhex guuxaya ee ku saabsan dastuurka si ay u helaan jawaabo wanaagsan uguna sii gudbiyaan dadka kale ee ku nool deegaanda hoos yimaada Dowladda Gamudug. Ugu dambeyn, waxaa kulanka si rasmi ah u furay wasiirka dastuurka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug mudane Mohamed Olaad waxa uuna sheegay in wasaaraddiisu ay ka go’antahay daadejinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadwaynaga si qof kasta oo ku nool deeganda galmudug uu fahmo muhiimadda dastuurku uleeyahay bulshada. PUNTLAND POST The post Tababar la xiriira Waxbarashada Madaniga ee Dib-u-eegista Dastuurka oo ka Furmay… appeared first on Puntland Post.
  2. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) — Somali police says it has sent up to 28 police officers into behind bars for alleged fraud and corruption, following days of operations in Somali capital Mogadishu. Country’s criminal investigation department said it would launch immediate investigation over the alleged corruption after police officers were arrested for allegedly soliciting a bribe. “We will continue to confront any form of corruption”, it said.. Bishar Abshir Gedhi, a deputy police chief for criminal investigation department says Somalia’s anti-corruption unit had also initiated an investigation over the alleged corruption scandal. The current government was beset by widespread nepotism, favoritism, bribery, the public fund and aid embezzlement which became a commonplace across all sectors. However, Somali leaders pledged that the weak-western-backed government of Somalia will tackle corruption and vowed to make the fight against misconduct a non-negotiable principle in his administration. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  3. BIAODA (Caasimada Online)—At least 13 people have been killed in heavy fighting broke out between Somali army forces and Al Qaeda linked Al Shabaab fighters southwest of Mogadishu. The fighting erupted near Baidoa town, some 250km southwest of Somali capital Mogadishu, after Al Shabaab launched an ambush attack on military base. Somali colonel Mohamed Mohamud says its army forces had repulsed surprise attack orchestrated by Al Shabaab. Mohamud said four soldiers and nine Al Shabaab militants had been killed during the latest fighting in Daynunay area, some 18km Baidoa town. “We came under ambush attack, but our soldiers warded of the attack and killed at least 9 armed militants while we lost 4 soldiers in the fight”, he said. He says Somali military forces carried out joint operations against Al Shabaab. There was no comment from Al Shabaab over the claims. The Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government in fighting against the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however, it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimda Online)-Dowlada Somalia ayaa weli ku guda jirta xirxirista shaqsiyaad lagu eedeeyay inay ku kaceen falal musuq-maasuq ah kuwaa oo muddo bilo ah lagu hayay baaritaano qarsoodi ah. War kasoo baxay Taliska Booliska Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in la xiray Saraakiil iyo ciidamo hor leh kana tirsan Booliska loo xiray musuq-maasuq ay ku kaceen. Saraakiisha iyo ciidamada loo xiray musuqa ayaa waxaa kiiska musuqa kusoo oogay taliska, iyadoo markii danbe kiiskooda ay la wareegtay Waaxda dambi-baarista qeybta Booliska. Musuqa ayaa waxaa loo xiray Saraakiil iyo Ciidamo dhan 28 kuwaa oo dabagal lagu hayay muddo asbuucyo ah. Taliye ku-xigeenka Hay’adda Dambi Baarista ee CID-da Bishaar Abshir Geedi, ayaa xaqiijiyay in Saraakiisha iyo ciidamada ay hadda yihiin kuwo u xiran CID-da, isla markaana lagu hayo baaritaano kala duwan. Bishaar Abshir Geedi, waxa uu sheegay in weli uu socdo ololaha looga hortagayo falalka la xiriira musuq maasuqa, isla markaana 28 isugu jira Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed iminka loo gudbiyay Xabsiga dhexe baaritaana uu ku socdo. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Waxaa xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran askar iyo Saraakiil gaareysa 28 kuwaasi oo ku eedeysan eedeymo ku saabsan dhanka musuq maasuqa iyo amar diido, caqabad ku aheyd shaqada Ciidamada Booliska Somaliyed.” Saraakiisha iyo ciidamada u xiran musuqa ayaa lagu eedeeyay in dad shacab ah ay ka qaaten lacago laaluush ah. Dhinaca kale taliye ku xigeenka Hay’adda Dambi Baarista ee CID-da Bishaar Abshir Geedi ayaa ugu digay Shacabka Soomaaliyeed in Saraakiisha iyo ciidamada u horseedan qaadashada lacagaha laaluushka. Caasimda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. MOGADISHU (Caasimada Online) – Somali military forces carried out an operation against Al Qaeda linked Al-Shabaab in Burdhubo town The forces killed at least 7 militants during the operation, a military officer, Jama’ Mohamed said. He says the operation was conducted in the town, following a tip off. Mohamed said two senior Al Shabaab commanders were among those, who were killed in the military operation. He added the military forces would rump up its offensive against Al Qaeda inspired group of Al-Shabaab. “We continue such operations untill we eradicate Al-Shabaab militants”, he said. There waa no immediate comment from the group over the claims. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government in fighting against the al-Qaeda-linked militants. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  6. Bosaso (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo ku hubeysnaa Gaadiid dagaal ay la wareegen Bankiga Magaalada Gaalkacyo oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada. Ciidamada ayaa lasoo warinayaa inay isku hareereeyen Bankiga, isla markaana ay kala eryeen howlwadeenadii Bankiga oo xiligaa ku guda jiray shaqooyinkooda. Ciidamada la wareegay Bankiga ayaa la sheegay inay ahaayen kuwo ka gadoodsanaa mushaar la’aan soo wajahday . Ciidamada ayaa sidoo kale meelo fog ka xirtay waddooyinka waxa ayna rasaas ku eryinayaan dadka deegaanka oo usoo daawasho tagay. Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in maanta Barqadii Ciidamaddaasi ay gudaha u galeen Bankiga, islamarkaana ay joojiyeen dhammaan shaqooyinkii socday. Inta badan ciidamada Puntland kuwa aan xuquuqda lasiin ayaa awood kula wareega Bankiyada maamulka si halkaasi ay ugu soo bandhigaan baahidooda mana jirto wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowlada Somalia ay heshiis dhanka tayeynta Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Somalia la gashay dowlada Qadar. Heshiiskan oo muhiim loo arko ayaa waxaa muddo laga joogo Seddex bil galay dowlada Somalia ee hadda jirta oo xiriir fog la leh dowlada Qadar ee uu hoggaamiyo Sheikh Tamim Bin Xamad Al Thaani. Dowlada Qadar oo horay ballanqaadyo dhowr ah ugu sameysay Somalia, ayaa lasoo warinayaa in iminka ay fulinta balamahaasi ka bilaabi doonto tayeynta Sirdoonka Somalia, sida aan xogta ku heleyno. Heshiiska ayaa dhigaaya in dowlada Qadar ay la wareegeyso bixinta mushaaraadka iyo tayeynta Hay’adda NISA oo loo arko inay ka ahmiyad badan tahay hay’adaha kale ee ka jira dalka. Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah in dowlada Qadar ay dib usoo nooleyneyso Hay’adda Nabadsugida Somalia, iyadoo lala meel-dhigaayo nidaamyada ay ku shaqeeyan Hay’adaha kale ee Sirdoonka adduunka. Amiirka Qatar, Sheikh Tamim Bin Xamad Al Thaani oo siyaabo kala duwan uga hadlay ballamaha ay wada galeen Somalia, ayaa sheegay inay ku xeeran yihiin jihooyin kala duwan, waxa uuna ballanqaaday in Somalia ay ka garab istaagi doonaan dhinacyada amniga iyo Sirdoonka. Tamim Bin Xamad, waxa uu sheegay in Somalia ay baahi u qabto in laga garab istaago amniga oo uu cadeeyay inuu yahay indhaha dal dhisan. Dowlada Qadar ayaa Somalia xooga saartay wixii ka danbeeyay taageerada ay u muujisay xiliga ay u midooben dowladaha leysku dhaho xulafada Sacuudiga. Sidoo kale, Dowlada Somalia oo u muuqata mid ilaashaneysa heshiiska iyo ballanqaadyada Qadar ay ka meermeereysa eedaha Khaliijka eek u aadan in Somalia aysan dhexdhexaad ka aheyn Khilaafka xulafada iyo Qadar. Si kastaba ha ahaatee xiriirka dowlada Somalia iyo Qadar ayaa iminka ah mid wanaagsan waxaana suuragal ah in Qadar ay waxbadan ka bedesho Siyaasada ay la cayaareyso Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Bosaso[Puntland Pos]-Labo wareegto oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas taariikdu markay ahada 31-1-2018 ayaa mid lagu kala diray Golahii deegaanka Degmada Boosaaso, halka mida kalana lagu magacaabay Gudoomiye iyo ku xigeenka ku meel gaar ah . Kala dirada Golahii deegaanka Degmada Boosaaso ayaa loo cuskaday markii la sheegay inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday kana bixi waayeen is-qabqabsi. Boosaaso ayaa muddo dhowr bilood ah aan la hayn gole deegaan, kadib markii Madaxweynaah Puntland kala diray, waxaana la dhaafay xiligii la dhisi lahaa golaha deegana oo markii hore lagu sateyeye mudo 45 cisho ah . Bosaso ayaa waxa xiligan ka socda soo xilista Xildhibanada golaha deegaanka waxan jira gudi dhawan ay wasaradda Arimha Gudaha Puntland ay ku dhawaaqday ku waas oo ka qeyb qadan doona diyaarinta golaha deeganka Bosaso iyo gudoomiyohooda. Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Waceys dhado oo ka mid aha gudiga loo xilsaaraya diyaarinta doorshada golaha deegaanka ayaa munasabdii cidul Adxa khudbadiisa uga hadlay arimo la xiriira doorashada golaha deegana waxa uu si cad u sheegaya in xildhibaan hore uu san ka mid noqon doonini ku wa cusub . ka sakaw hadalka gudoomiyaha gobalka Bari shacabka Bosaso waxa ay sheegen in ay Bosaso u baahan tahaya xildhibaano u nugul shacbkood kan shaqeeya bilcida magaalada . Bosaso ayaa magaalo ganacsiga Puntland waxa ay leedahaya dekada iyo ilo dhaqaale oo mihim ah waxana si weyn uga liidataa bilicda hormada wadooyin oo uu bur bur ka muuqdo. ku dhawad tiro shan jeer ah ayaa laka diraya xildhibaano kala duwan oo soomaray Bosaso. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Dhismaha Golaha deegaanka Degmad Boosaso oo uu abaabulkiisa socdo appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab ay gubeen Shirkad Koronto oo ku taala Xadka kala qaybiya Gobolada Lamu iyo Tana Riva ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Maleeshiyada ayaa sheegtay in dagaalyahaano ka tirsan ay weerareen Xarunta Shirkadan Korontada isla markaana ay dab qabadsiiyen gabi ahaan hantidii tiilay shirkada. Shirkada la gubay ayaa inta badan koronto siin jirtay inta badan Magaalooyinka ka tirsan lamu iyo Tana Riva ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaana iminka koronto la’aan ah deegaanadaasi. Maleeshiyada waxa ay sheegtay inay dib uga soo baxeen shirkada iyo goobaha ay weerarka ku qaaden, sida ay sheegen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo u waramaayay Warbaahinta Andalus. Maleeshiyadu waxa ay intaa raacisay in mudadii ay halkaa ku sugnaayen aysan la kulmin wax iska caabin ah. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada tooska ah oo ay ku qaadayaan Xarumaha iyo Gaadiidka dowlada Kenya, waxaana lasoo sheegayaa in gubista Shirkadaasi ay tahay mid loogu aar gudaayay Hormuud oo dhawaan ay Kenya ka burburisay xarun shirkadeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegtooyin uu maanta soo saaray ku sameeyay isku bedel iyo magacaabis masuuliyiin ka tirsan hay’adaha Puntland. Madaxweyne Gaas ayaa wareegtada kowaad isku bedelay Agaasimihii guud Wasaaradda Warfaafinta, Isgaariinta, Boostada, Hiddaha iyo dhaqanka iyo Guddoomiyihii ee Hay’adda Qandaraasyada Puntland. Ibraahim Cumar Aadan oo horey u ahaa Guddoomiyihii hay’adda Qandaraasyada Puntland ayaa loo bedelay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaariinta, Boostada, Hiddaha iyo dhaqanka Puntland, halka Mowliid Abokor Abkey oo horey u ahaa Agaasimihii Wasaaradaas loo bedelay Guddoomiayaha ee hay’adda Qandaraasyada Puntland. Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa wareegtada labaad ku magacaabay Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland. Maxamed Siciid Maxamed (Black) ayaa loo magacaabay Agaasimahad Waaxda Qorsheynta iyo siyaasadda ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, halka Maxamed Cali Muuse loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga iyo Horumarinta ee Wasaaradaas, sidoo kale Daahir Faarax Xuseen ayaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda tababarada iyo Cilmi Baarista. Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa wareegtada saddexaad ku magacaabay La-taliyaha Hay’adda Jidadka Puntland (PHA) Cabdirisaaq Maxamed Xasan. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay wadey isku shaan-dheyn, magacaabis iyo xilka qaadis uu sameynayay masuulliyiin ka tirsan hay’adaha Puntland. Hoos ka akhriso wareegtooyinka Madaxweyne Gaas Wareegtada kowaad Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray 20 August 2018 isku bedelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Isgaariinta Boostada, Hiddaha Iyo Dhaqanka iyo Guddoomiayaha ee Hay’adda Qandaraasyada Dowladda Puntland. Xeer Madaxweyne Lr. 109 August 20, 2018, kuna saabsan isku bedel Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Isgaariinta Boostada, Hiddaha Iyo Dhaqanka iyo Guddoomiayaha ee Hay’adda Qandaraasyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markay tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo Waxuu Xeeriyey: 1. Waxaa Ibraahim Cumar Aadan loo bedelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaariinta Boostada, Hiddaha Iyo Dhaqanka Dowladda Puntland. 2. Waxaa Mowliid Abokor Abkey loo Bedelay Guddoomiyaha Hay’adda Qandaraasyada Dowladda Puntland 3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu. Wareegtada labaad Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray 23 August 2018 ku magacaabay Agaasime Waaxeedyo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland. Xeer Madaxweyne Lr. 110 August 23, 2018, kuna saabsan magacaabid Agaasime Waaxeedyo Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markay tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo Waxuu Xeeriyey: 1. Waxaa Maxamed Siciid Maxamed (Black) loo magacaabay Agaasimahad Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadda ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland. 2. Waxaa Maxamed Cali Muuse loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga iyo Horumarinta ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland. 3. Waxaa Daahir Faarax Xuseen loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Cilmi Baarista ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland. 4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu. Wareegtada saddexaad Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray 23 August 2018 ku magacaabay La-taliyaha Hay’adda Jidadka Dowladda Puntland ee (PHA). Xeer Madaxweyne Lr. 112 August 23, 2018, kuna saabsan magacaabid La-taliye Hay’adda Jidadka Dowladda Puntland ee (PHA). Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markay tixgeliyey: Aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo Waxuu Xeeriyey: 1. Waxaa Cabdirisaaq Maxamed Xasan loo magacaabay la-taliyaha Hay’adda jidadka Dowadda Puntland ee (PHA). 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabis iyo isku bedel masuuliyiin sameeyay appeared first on Puntland Post.
  11. Nairobi (Caasimada Online)-Afhayeenkii hore ee Maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar ayaa shaaca ka qaaday in Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu wado qorshooyin lagu caburinaayo siyaasiyiinta iyo dadka deeganka ku ah Jubbaland. Seeraar waxa uu sheegay in caburinta uu Axmed Madoobe ku hayo dadka deegaanka ay gaartay xadkii ugu danbeeyay waxa uuna ka digay in dadka deegaanka lagu sii haayo caburinta. C/naasir Seeraar oo ka hadlaayay dhibaatooyinka ka jira deegaanada Jubbaland ayaa sheegay inuu mugdi galay hamigii ay hiigsanayeen dadka reer Jubbaland, isagoo xusay in sharciyadii uu ku dhisnaa Jubbaland la hareer maray, sida uu hadalka u dhigay. Seeraar waxa uu carabka ku adkeeyay inay shaki weyn ka qabaan in Axmed Madoobe uu ku dhaqaaqo wakhti kororsi dhanka xilka ah, hase yeeshee dadka deegaanka laga doonaayo inay ka hortagaan. C/naasir Seeraar waxa uu caddeeyay in aanay weli kala caddeyn xilliga la qabanayo doorashooyinka iyo sharciyadii guddiyada qaban lahaa maadaama wakhtiga la sameyn lahaa lagu jiro. Sidoo kale, C/naasir Seeraar ayaa ku baaqay in Hogaamiyaha maamulka Axmed Madoobe uu wax ka bedelo habdhaqankiisa maadaama lagu jiro xiliga doorashada. Si kastaba ha ahaatee, C/naasir Seeraar oo ka mid ahaa xubnihii la soo jabhadeeyay Axmed Madoobe, ayaa niyad jab weyn ka muujiyay dhaqan siyaasadeedka Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa dib u bilowday dhismaha Xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo 7 Bishii July 2018 lagu qaaday weerar toosa oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha Qarxa. Xarunta Otto Otto oo tan iyo markii la weeraray aheyd mid albaabada u xirnaa ayaa waxaa si xooli ah hadda uga socda dhismo lagu dayactiraayo xafiisyada ku burburay Qaraxa. Waxaa xarunta ka muuqday maalmihii lasoo dhaafay burbur xooggan waxaana dhulka galay qaar kamid ah xafiisyada oo maleeshiyaadkii galay ay ka dhex fuliyeen ismiidaamin. Dhismaha xarunta ayaa bilowday 49 Cisho kadib oo laga joogo xiliga uu dhacay weerarka kadib markii uu hakat ku imaaday shaqooyinka ay dowlada u hayeen Wasaaradaha degnaa xarunta. Geesta kale, shaqaalaha Wasaaradda arrimaha gudaha qaarkood, ayaa waxa ay sheegen inaysan shaqeyn wixii ka danbeeyay xiliga weerarka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Toronto ee caasimada dalka Canada ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed. Allaha u naxariistee muwaadinkaanayaa lagu dilay xaafada ay Soomaalida ku badantahay ee layiraahdo Weston and Lawrence. Muwaadinkaan Soomaaliyeed ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Kaafi Bashiir Bahweyn oo da’diisa lagu sheegay 30-jir Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in dilka Allaha u naxariistee Kaafi Bashiir ay ka dambeeyeen isla muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed. Kooxda dishay muwaadinka ayaa dilkiisa u adeegsaday Tooreey ay dhowr jeer ku dhufteen Marxuumka dhintay. Ciidamada Booliska Canada ayaa goobtaasi soo gaaray oo baaritaano ka sameeyay iyo sidii ay u soo qaban lahaayeen dadka ka dambeeyay dilka muwaadinkaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Canada appeared first on Puntland Post.
  14. President Uhuru Kenyatta has turned a blind eye to the political problems facing US and UK leaders in their backyards as he prepares to meet them next week in part to cement trade and diplomatic ties between Kenya and the two nations. Source: Hiiraan Online
  15. UNITED NATIONS, Aug 25 2018 (IPS) - The United Nation’s Department of Public Information (DPI) last week withdrew UN press credentials from Matthew Lee, a longstanding journalist who reported for his blog, Inner City Press (ICP). Source: Hiiraan Online
  16. A former GSU officer has denied the charge of attempting to sneak into Somalia through an illegal point while in Mandera Town for an unknown mission. Source: Hiiraan Online
  17. Inta aanan u gelin nuxurka qormadeyda, Aan marka hore ka hadlo dhowr arimood oo muhiim ah. Kuwaasi oo calaaqa la leh qormadeydan timid waqtigeeda oo aaan ku soo gudbin doono talooyin badan oo muhiim ah oo aan siinayo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Soomaali Galbeed, Gaar ahaan jabahdda xoreynta Ogaadeeniya ee loo yaqaanno ONLF. Talooyinkan, Ayaa taaban doono meelo badan oo loo baahan yahay in la ifiyo. Waxaana rajeynayaa [insha alaah] in talooyinkaasi ay horseedi doonaan guul iyo gobonimo. Maadaama aaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo ka soo jeeda dhulka Jamhuuriyadda. Hadabo, Waxaa igu qasab ah inaan wax ka iraahdo marxaladdan ay marayaan walaalaheenna Soomaaliyeed ee uu dhulkoodu bixiyey gumeystihii Ingiriska ee sirta badnaa. QODOBKA KOOWAAD: Waxaan kula talinayaa dadka Soomaaliyeed iyo waxgaradkooda ku dhaqan dhulkaasi ay taariikhdu u taqaanno Ogaadeeniya Anagana aan mararka qaar ugu yeerno Soomaali Galbeed, Inay ka faa’iideystaan isbadelada ka socda waxan loogu yeero Itoobiya. Kuwaasi oo xanbaarsan fursado badan oo in muddo ah la baadigoobayey. Waxaana ku talinayaa in meel la iska dhigo waxyaabaha yar yar ee lagu kala duwan yahay, Si loo guuleysto. Waxaan kaloo ku talinayaa in lagu dabafeylo jabhadda mucaaradka ee ONLF oo ah midda qura ee maanta ka jirta deegaaanka Soomaalida, Taasi oo muddo dheer halgan kula jirtay taliskii ay Tigreedu horboodeysay ee dhibaatada badan geystay. ONLF, Ayaa qeyb ka ahayd isbahasi ballaaran oo ay ku jiraan taageerayaasha jabhadaha mucaaradka Oromada iyo Amxaarada, Kuwaasi oo ugu danbeyn jilbaha u dhgay taliskii Tigreeda. Maadaama maanta Itoobiya la dhegeysanayo dadka mucaaradka. Hadabo, Waxaa haboon in ONLF loo daayo matalaadda deegaanka iyo wixii wadahadal ah oo lala galayo maamulka cusub ee ay horboodeyso qowmiyadda Oromada ee aannu wax badan wadaagno. ONLF, Ayaa leh qab-dhismeed urur iyo waliba ajandayaal cad cad oo dhamaantood u khidmeynayo qadiyadda dhulka Soomaalida ee xoogga lagu haysto. Jabhaddani, Ayaa haysata fursado badan oo aysan haysan dhinacyada kale ee Soomaalida ee deegaanka ka jira sida maamulkii Cabdi Cumar oo kale, Kaasi oo Isaga iyo taageryaashiisuba lagu xaglinayo inay daacad u ahaayeen maamulkii hore ee Tigreeda. Itoobiya, Ayaa caado u ah in marka uu isbedel dhaco in xabsiyada loo diro taageerayaasha maamulkii hore ama ay dibadaha u cararaan sidan marar badanba aragnay. Waxan kaloo ku talinaya inaan dhib loo arag magaca ay jabhaddu wadato ee Ogaadeeniya. Maxaa yeelay, Magacani waxa uu qeyb ka yahay taariikhda dhulkaasi iyo magacyada loo yaqaanoba. Maadaama qaddiyadani ay taallo meel badan oo caalamka ka mid ah. Hadabo, Waa muhiim in la sameeyo wax alaale iyo wixii qadiyadda u khimdeynayo. Laakiin waxaa important ah in la ballaariyo golayaasha Jabhadda, Si loogu soo dara Soomaalida ka maqan. Dhinaca kale, Waxaan ka digayaa in mar kale ay xukuumadda Adis Ababa isticmaasho Soomaali kale, Kuwaasi oo lagu duleynayo dadkooda. Ugu danbeyna xabsiyada loo dirayo. ka dib marka dusha loo saaro gaboodfaladii dhacay sidan marar badanba aragnay. Taana waxaa u daliil ah waxa maanta ku dhacay Cabdi Maxamed Cumar oo aad isu jecleysiiyey taliskii hore. Sow arintu uma eka: Ninkii abeeso koriyoow adigaa u aayi doono ? QODOBKA LABAAD: Waxaan kaloo ku talinayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay cayaarto dowrkeeda ku aaddan qadiyaddan muhiimka ah maadaama dadka aannu ka warameyno ay yihiin Soomaali dulman. Sidee loo daawanyaa dad Soomaaliyeed oo u dhiban taariikh dhacday iyo waliba go’aan gumeysi. Mase jirtaa Itoobiya maanta laga baqo oo darteeda loo aamuso ? Sow ma ogidiin in Itoobiya maanta ay la mid tahay sida meyd socda oo kale ? Waxaan kaloo soo jeedinayaa in qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Soomaalidu ay Iyaduna qaadato dowkeeda oo ay qeyb ka noqoto tawjiihinta iyo talo-siinta dadkaasi, Iyadoo waliba laga fogaanayo isticmaalka ereyada xun xun sida ereyga “Soomaalida Itoobiya” oo kale. Sow ma ogidiin in dhulkaasi uu qeyb ka ahaa dhulalkii maqnaa ee soo celintooda loo daadiyey dhiigga badan. Mise waxaa idin han-jibiyey taageerayaasha SNM iyo SSDF oo hadda sita magacyo kale ? Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan kaga waramayo waxa la gudboon Jabhadda xoreynta Ogaadeeniya oo ay horyaallaan fursado ka dhashay isbedeladii ka dhacay Itoobiya oo xoog ku haysato dhulka ay Jabhaddani u dagaalameyso. Isbedaladaasi oo abuuray rajo cusub oo horseedi karta in si nabadgalyo ah lagu dhameeyo khilaafkii u dhaxeeyey Soomaalida iyo dadyowga kale ee ku mideysan waxan loogu yeero Itoobiya. Ra’isulwasaraha cusub ee Itoobiya, Ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo jabhadda xoreynta Ogaadeeniya sida uu ula hadleyba jabhadaha kale ee mucaardka ee ka jiray Itoobiya iyo waliba dowladda Ereteriya oo ay calaad xuni kala dhexeysey. Abey Axmed, Ayaan la aqoonin sida ay uga go’an tahay dhameynta qadiyaddan isaga ka weyn. Waxaa kaloon la aqoon inay daacad ka tahay furfurnaanta ka muuqata iyo inay ka tahay iibsasho waqti. We will see. Maadaama ONLF tahay jabhadda kaliya ee mucaarad ee maanta ka jirta dhulka Soomaali Galbeed, Taasi oo leh structure maamuleed iyo waliba ahdaaf cad cad oo horseedi karta inay xuroobaan dadkaasi oo dhulkooda si sir ah loo hoos geeyey gumeysiga Itoobiya muddo haatan laga joogo ku dhawaad 70 sano. Kuwaasi oo hadana loo geystay dhibaatooyin badan oo aan laga sheekeyn karin waqti xaadirkan la joogo. Sidan soo sheegeyba, Maadaama ay jiraan furfurnaan ka muuqata taliska cusub ee ay horboodeyso qowmiyadda Oromada ee aannu wax badan wadaagnno. Kaasi oo sheegay inuu diyaar u yahay wadahadallo dhab ah oo lala galo Jabhdda ONLF oo ah midda kaliya ee maaanta ka jirta deegaanka Soomaalida, Taasi oo golayaal maamuleed iyo waliba barnaamijo siyaasadeed oo cad cad. Hadabo, Waxaa muhiim ah in lala taliyo Jabhadda si ay u guuleyssato. WAXA KALA GUDBOON SOOMAALIDA: Waxaa la gudboon Jabhadda inay la fadhiisato dhammaan qeybaha kala duwan ee Soomaalida, Gaar ahaan dadka waxgaradka sida odoyaasha dhaqanka oo kale, Iyadoo waliba u sharxeyso qorshayaasheeda siyaasadeed iyo waliba dariiqooyinka ay dooneyso in loo maro wadahadalada lala galayo maamulka cusub ee ay horboodayaan qowmiyadaha Oramada iyo Amxaarada oo uu aad u caburiyey taliskii Tigreeda ee arxan-laawaha ahaa. Waxaa kaloo Jabhadda la gudboon inay la fadhiisato dhinacyada siyaasadeed ee deegaanka ka jira, Iyadoo waliba ku qancineysa inay ka tanaasulaan daba-orodka talis kasta oo yimaadaba, Si loo xaqiijiyo himilooyinka dadka Soomaalida oo runtii aad loo dhibay. Kuwaasi oo la hoos geeyey dad aysan waxba wadaagin. Waxaa kaloo Jabhadda laga rabaa inay hormuud u noqoto qabashada shirar looga tashanayo aayaha gobolkaasi dulman. Maadaama Jabhaddu leedahay taageerayaal badan oo ku kala daadsan dunida dacaladeeda, Iyagana waxaa la gudboon inay qabtaan shirar badan oo lagu soo bandhigayo halgankii ay soo martay Jabhadda iyo waliba ahdaafta ay u dagaalameyso oo uu ku jiro qodob aad u muhiim ah, Kaasi oo dhigayo in afti dadweyne laga qaado dadka Soomaaliyeed, Si loo weydiiyo waxa ay doonayaan iyo halka ay u socdaanba. Qodobkan, Ayaa mixwar u ah halganka jabhadda. Waana halka ay uga duwan tahay dhinacyada kale ee Soomaalida ee deegaanka ka jira. Isla qodobkan, Ayaa ah midka mar walba keenayo inay fashilmaan wadahadalo badan oo dhexmaray Jabhadda iyo Taliskii dumay ee Tigreeda. ONLF, Ayaa dooneysa in afti dadweyne laga qaado dadka Soomaaliyeed sida Ereteriyaanka oo kale. Kuwaasi oo ugu danbeyn go’aamiyey masiirkooda. Hadabo, Si looga faa’iideysto fursadaha maanta jira, Waxaa muhiim ah in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaankaasi ay ku dabofeylaan ONLF maadaama ay tahay jabhadda kaliya ee mucaarad ee maanta jirta dhulkaasi muhiimka ah, Taasi oo waliba la daneynayo in lala furo wadahadallo ka duwan kuwii hore ee waqti-dhumiska ahaa, Si xal waara loogu helo qaddiyadan hortaagan nabad ka dhalata Geeska Afrika. Waxaa kaloo muhiim ah in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada kale ee ka jira dhulka Jamhuuriyadda inay soo dhaweeyaan ONLF, Islamarkaana u ogolaadaan inay xafiisyo waa weyn ka furato dhulka Jamhuuriyadda sida Muqdisho iyo Hargeysa oo kale, Maadaama Itoobiya ay u aqoonsatay jabhaddaasi jabhad xornimo-doon ah oo waliba la daneynayo in lala furo wadahadallo dhab ah oo ka duwan kuwii hore. WAXA AY MIISKA LA TAGEYSO: Waxaa la gudboon Jabhadda Iyadoo ka faa’iideysaneyso khibraddeeda iyo waliba waxyaabihii la soo maray inay markan miiska wadahadalada la tagto qodobo badan oo aan kala dhicin, Kuwaasi oo dhamaantood u khidmeynayo himilooyinka dadka Soomaaalida ee ku dhaqan dhulka Ogaadeeniya ee ay ka dhaceen dhibaatooyinka badan sida ay sheegeen hay’daha u dooda xuquuqda bini’aadamka sida Human Rights oo kale. Sidan soo sheegeyba, Waxaa jabhadda looga baahan yahay inay miiska wadahadalada a tagto qodobo badan oo muhiim ah, Kuwaasi oo ka turjumayo halgankii dheeraa ee ay soo gashay, Islamarkaana ka gadmayo dadka Soomaaliyeed ee ay u dagaalameyso, Kuwaasi oo runtii ay soo gaareen dhibaatooyin badan. Waxaana ka mid ah qodobada ay miiska la tageyso kuwa soo socda: 1- In la saxiixo xabad joojin rasmi ah oo dhowr sano soconeyso. 2- In maxkamad caalami ah la soo taago shaqsiyaadkii dunuubta ka geystay Ogaadeeniya. 3 In magdhow la siiyo dhammaan dadkii waxyeelada loo geystay. 4- Iyo ugu danbeyn in afti dadweyne laga qaado dadka Soomaaliyeed si loo weydiiyo waxa ay doonayaan. Haddii la isla fahmo afartaasi qodob in markaasi loo sameeyo deegaanka maamul KMG oo ay hogaaminayaan dad aqoonyahano ah oo ka madaxbanaan dhinacyada siyaasadeed ee deegaanka ka jira. Maamulkan, Ayaa ka shaqeynayo adeegyada caadiga ah ee uu qaban jiray maamulkii hore marka laga reebo dhexboodka siyaasadda. Waxaa kaloo laga raabaa maamulkaasi inuu fuliyo waxyaabaha ay ku heshiiyaan ONLF iyo Itoobiya. Haddii la isla garto qaadista afti dadweyne, In markaas la mudeeyo maalinta la qaadayo aftidaasi xorta ah, Iyadoo waliba lagu casuumayo dowlado waaweyn iyo waliba hay’ado caalami ah, Si looga baaqsado caga-jugleyn iyo waliba wax isdabamarin. Haddii jawaabta ka soo baxda aftidaasi ay noqoto waan madaxbanaanaaneynaa in markaasi la kala baxo, Iyadoo la calaamadeynayo xuduudda u dhaxeyso labada dal (Ogaadeeniya iyo Itoobiya) Laakiin, Haddii jawaabta ay noqoto waan ka sii mid ahaaneynaa Itoobiya inteeda kale, In markaasi laga wadahadlo qeybsiga awoodaha iyo kheyraadka. Anigu, Markii aan la sheekeystay dad badan oo Soomaaliyeed oo deegaankaasi ka soo jeeda, Waxay ii sheegeen inay doonayaan inay ka madaxbaanaadaan gumeysi iyo inay cid kale hoostagaan. Waxay kaloo ii sheegeen inaysan dhib u arag aragtida Soomaaliweyn ee qiimaha badan. Si ONLF u guuleysato, Waxay u baahan tahay inay daraaseyso qaabkii ay Ereteriya uga go’day Itoobiya inteeda kale. Waxay kaloo u baahan tahay inay wax ka ogaato qaabkii Koonfurta Suudaan looga jaray Suudaanta kale. Waxay kaloo u baahan tahay inay kireysato khubaro caalami ah oo ka caawisa qaabka ugu haboon oo lagu heli karo Ogaadeeniya oo ka madaxbanaan Itoobiya inteeda kale oo aan rajeynayo inay dheereyn insha alaah. Haddii maamulka cusub ee ka dhashay Itoobiya uu diido in afti laga qaado dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaankaasi oo uu la soo baxo waxyaabihii lagu yaqiinay ee lugooyada ahaa, In markaasi ONLF ay dib ugu noqoto halgankii dheeraa oo aan aaminsanahay in ugu dabeyn uu guuleysan doono. Maadaama uu yahay halgan caadil ah oo aan cidina lagu dulmeyn sida halgankii dadka reer Ereteriya oo kale, Kaasi oo ugu danbeyn guuleystay. Ugu danbeyn, Waxaan kula talinayaa ONLF iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Ogaadeeniya inay ka faa’ideystaan isbedelada ka socda Itoobiya oo laga yaabo inay keenaan in dulmiga laga daayo dadka Soomaaliyeed oo loo yeelo waxa ay doonayaan sida Ereteriyaanka oo kale. Waxaan kaloo kula talinayaa siyaasiyiinta deegaankaasi inaysan noqon aalado lagu baabi’iyo himilooyinka dadkooda sida marar badanba dhacday. Ogaadana in guushu aysan fogeyn. W/Q: Maxamed Ibrahim Iidka1@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. Hundreds of young people have taken part in first of a kind job fairs in Somalia as part of a week of International Youth Day celebrations in the country. The fairs were held in Galmadug, Hirshabelle, South West State, Jubaland and Puntland from 12th to the 16th August, and gave young people the opportunity to showcase their trades and products, with businesses and government officials providing information on internships, job placement, and career guidance in some states. Source: Hiiraan Online
  19. Addis Ababa (HOL) - Residents in Ethiopia’s Somali regional state have said that internet connection has been restored in the area of the federal government cut out mobile and broadband connection for nearly three weeks. Source: Hiiraan Online
  20. OTTAWA — The number of people seeking asylum in Canada is rising “far beyond” what the existing system can handle, according to a recent letter from Immigration Minister Ahmed Hussen obtained by the National Post. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya inuu socdo qorsho xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow. Wararku waxa ay sheegayaan in Guddoomiyaha Gobolka oo hadda safar shaqo ugu maqan dalka Imaaraadka carabta uu dhawaan weyn doono xilka, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in lagu cadaadinaayo inuu iska casilo xilka. Qorshaha ka socda madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in xilkaasi loo wado Wasiirka Amniga Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow Ducaalle. Wasiir Ducaale oo ay aad isugu dhow yihiin Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa isna weyn doona kursiga Xukuumada, inkastoo ay jiraan shaqsiyaad kala oo u tartamaaya kursiga Yariisow. Shaqsiga labaad ee la hadal hayo inuu u tartamaayo xilka Guddoomiyaha Gobolka ayaa la sheegay inuu yahay Maareeyaha Hay’adda Duullista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle oo isagu dhawaan laga fadhiisiyay shaqada. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa markiisii hore waxaa xilka loogu magacaabay si kedis ah kadib markii ay dowlada Somalia u maara weysay Guddoomiyihii hore Taabit Cabdi oo doorasho iskiisa ah isku magacaabi lahaa. Sidoo kale, qorshahan xil ka qaadista oo hadal heyntiisa uu sii xoogeysanaayo ayaa imaanaya xili dowlada Somalia ay weli ku guda jirto isbedelo lagu sameynaayo madaxda xilalka heysa. Ma cadda dhaqan galka qorshahaani hase yeeshee waxaa si xooli ah magaalada Muqdisho uga socda hadal heynta xil ka qaadista Yariisow iyo mas’uulka bedeli lahaa oo miiska saran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. ADDIS ABABA, - Internet has been restored to Ethiopia's Somali regional state in the eastern part of the country after a three-week blackout, residents said on Friday. Source: Hiiraan Online
  23. Hargeysa (Caasimada Online)- Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka maamulka Somaliland ay magaalada Hargeysa ku xireen Xoghayaha Xafiiska Ra’isul wasaare ku-xigeenka Somalia Khadar. Ciidamada amaanka ayaa xili habbeen ah xabsi dhigay Xoghayaha Xafiiska Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Cabdiqani Yaasiin Maxamed. Cabdiqani Yaasiin Maxamed, ayaa maalmihii ciida ka tegay magaalada Muqdisho waxa uuna Haregeyso u adaaya booqashada qoyskiisa, sida aan xogta ku heleyno. Maamulka Somaliland iyo Ciidamada amaanka maamulka ayaan weli ka hadal sababta rasmiga ah ee loo xiray Xoghayaha Xafiiska Ra’iisul wasaare ku-xigeenka. Somaliland ayaa inta badan deegaanadeeda ku xirta mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowlada oo ay ku eedeeyan in idan la’aan ay soo galaan magaalada. Sidoo kale, maamulka ayaa horay u xiray dad isugu jira mas’uuliyiin,Siyaasiyiin Wariyeyaal iyo Fanaaniin kuwaas oo qaarkood xukun lagu riday qaarna lasiidaayeymudo markii ay xirnaayeen. Ma cada waxa Somaliland ku kalifaaya inay xirto dadka ka socdaala magaalada Muqdisho, halka dadka kasoo jeeda deegaanada Somaliland lagu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho, xiliyada ay usoo socdaalan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa wada qorsho looga hortagayo gaadiidka ismiidaaminta iyo kuwa falalka amni daro ka geysta waddooyinka laamiyada Muqdisho. Qorshahaani oo xooga lagu saarayo la socodka gaadiidka ka hor inta aysan ismiidaamin ama aysan geysan falalka amni daro ayaa waxaa loo adeegsan doonaa Kaamirado nooca meelaha fog wax ka duuba oo lagu xiraayo isgoosyada magaalada Muqdisho, halka kuwii hore dib loo bedelaayo. Kaamiradaha la qorsheynaayo in lagu xiro isgoosyada magaalada ayaa aad uga dheereeya kuwii hore, waxaana lasoo warinayaa inay tayo badan yihiin kuwa iminka la isticmaalayo. Gaadiidka ismiidaaminta geysta, kuwa la dhigo hareeraha waddooyinka iyo kuwa falalka amni daro geysta ayaa intuba is ticmaala laamiyada, waxa ayna kaamiradu fududeyneysaa in la helo macluumaadka gaadiidkaasi. Sidoo kale, dowlada ayaa Kaamiradahani ka dalbatay dalka dibadiisa waxaana lagu wadaa inay soo gaaran maalmaha fooda nagu soo heysa sida aan xogta ku heleyno. Geesta kale, dowladii hore ee uu Hoggaaminaayay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadii ugu danbeysay kaamirado kooban ku xirtay isgoosyada, hase yeeshee waxa ay u muuqaneysaa in laga maarmi doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Serena Williams caused a sensation with the black catsuit she wore at this year's French Open tournament. But French tennis officials aren't as fashion-forward. Source: Hiiraan Online