-
Content Count
206,434 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudne Xasan Cali khayre oo wakiil ka ah madaxweynaha jamhuuriyadda, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa darajada Sarreeye Guuto u xiray Zakiya Xuseen Axmed oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee darajadaas ka gaarta ciidanka Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan dib u dhiska dalka, isaga oo sheegay in waqti dheer ay dadaal ugu jireen horumarinta qarannimada dalka, muhiimna ay tahay in loo qiro, si guusha qarannimada loo xaqiijiyo. “Qaran quulaysanaya ma jiro haddii aan qayb waliba oo bulshada kamid ah xuquuqdeeda la siinin. Haddii gabdhaha Soomaaliyeed ay bulshada ka yihiin boqolkiiba konton oo aan duudsiinno xuquuqdooda, ma dhisi karayno Soomaaliya la tartami karta waddamada deriska ah”, ayuu yiri ra’iisul wasare Xasan Cali Khayre. “Gabar walba oo Soomaaliyeed waxa aan leeyahay haku fekerina in aad noqotaan gabdho garaadda qaata, ee noqda madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaarayaasha soo socda”, ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa raaciyay. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale darajooyin u xiray saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliyeed oo tababarro ku qaatay gudaha iyo dibadda dalka si ay qayb uga qaataan dardar gelinta dadaallada adkaynta amniga dalka. Agoosto 16, 2018 ayaa Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu darajada Sarreeeye Guuto u dallacsiiyay Zakiya Xuseen Axmed una magacaabay taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed, iyada oo noqotay gabadhii ee ugu horreysay ee derejadaas ka gaarta ciidamada ammaanka dalka. PUNTLAND POST The post Darajada S.Guuto Oo Loo Xiray Gabadhii Ugu Horreysay Ee Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaan wali go’aan muuqda ka gaarin khilaafka ka dhextaagan dowladaha Eriterea iyo Jabuuti oo heerkii ugu xumaa gaarsiisan. Dowlada Ethiopia ayaa hamineysa inay dhex dhexaad ka noqoto khilaafka labada dal, isla markaana xal ka dhex abuurta si loogu wada noolado deganaanshi. Ethiopia oo dhawaan sheegtay inay qaadeyso talaabo lagu dhex dhexaadinayo labada dal, ayaa waxaa hadana soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in go’aanka ay ku dhex dhexaadin laheyd ay caqabad ku tahay dowlada Sacuudiga. Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed Bin Salman, ayaa Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ka hortaagan xalinta khilaafka labada dal, waxa uuna ku cadaadinayaa inuu faraha kala baxo Khilaafka Eriterea iyo Jabuuti. Mohammed Bin Salman,ayaa la sheegay in khadka teleefanka uu kula hadlay Ra’isul wasaare Abiy Axmed oo ay ka go’an tahay dhex dhexaadinta labada dal waxa ayna kawada hadleen qaab waliba oo lagu joojin karo dhex dhexaadinta, wallow Abiy Axmed uusan wali qaadan wax go’aan ah. Mohammed Bin Salman, ayaa Siyaasad ahaan la safan dowlada Eriterea oo dhul baaxad weyn iyo maxaabiis ka heysata Jabouti, waxa uuna aad uga soo horjeeda in wadahadalka labadaasi dal ay Jabuuti ku hesho dhulka iyo maxaabiista ay ka heysato Eriterea. Sidoo kale, Dowlada Sacuudiga ayaa arrinta lagu cadaadinaayo Jabuuti kula gol leh is garabtaag ay u muujineyso dowlada Imaaraadka iyo Eriterea oo ka mideysan inaan lala heshiin Jabuuti. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Ethiopia oo culeys weyn kala kulmeysa dowlada Sacuudiga ayan la ogeyn waxa kala gudboon dhex dhexaadinta dowladaha Eriterea iyo Jabuuti, wallow ay muuqaneyso in arrinta dhex dhexaadinta loo soo weeciyay Somalia oo la filaayo inay u kala dabqaado labada Madaxweyne ee Afwerki iyo Geele. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dadaal ay Dowlada Somalia ku bixineyso sida ay ula kulmi laheyd Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump. Dowlada ayaa la kulanka Trump u mareysa shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo (Sonoran Policy Group SPG). Dowlada Somalia ayaa shirkadaasi siin doonta lacag dhan (400,000 Afar boqol oo kun oo dollar) taa oo socon doonta muddo afar bilood ah, sida uu qoraayo heshiiska ay DFS la gashay shirkada. Shirkadan ayaa la xaqiijiyay in bil waliba ay dowlada Somalia ka qaadan doonto Boqol kun oo dollar, sida heshiiska ku cad. Qoraal ay shirkadan u gudbisay dowlada Mareykanka ayaa waxa ay ku sheegtay in dowlada Somali ay ka caawin doonto dhowr qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin sidii loo abaabuli lahaa safar uu Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku tago dalka Mareykanka si uu ula kulmo Donald Trump. Shirkadan waxa ay sidoo kale dowlada Somalia ka caawin doontaa sida Somalia looga qaadi lahaa xayiraada Socdaalka ee Mareykanku saaray muwaadiniinta Soomaalida. Dadaalka ugu xoogan ayaa waxa uu ka socdaa dhanka Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo aan isagu wali la kulmin dhigiisa Mareykanka Trump. Farmaajo oo dhowr jeer isku dayay inuu la kulmo Trump ayaan u suuragalin la kulankiisa, waana sababta ugu weyn ee xiligan Somalia ku khasbeysa in dhaqaale xadigaa la’eg ay ku bixiso la kulanka Trump. Sidoo kale, Dowlada Somalia oo qudheeda u baahan caawinaad ayaa waxaa lagu dhaliilay in dhaqaale intaa la’eg ay ku bixiso aragtida Trump si ay ugala hadasho arrimaha Somalia uga xiran Mareykanka, taa oo loo maraayo shirkada laga leeyahay dalkaasi. Waxaa suuragal ah in dowlada Somalia oo loo qabtay muddo 4 bil inay ku guul dareysato qorshooyinka ay u bixisay dhaqaalaha iyo rajadii laga lahaa la kulanka Trump. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa culeys lixaad leh saareysa inay ka salgaarto heshiiska Shirkada ee ku aadan hirgalinta qodobada Heshiiska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho-[Puntland Post]-Dowladda Soomaaliya ayaa fariin digniin ah u dirtay ciidamada Booliiska ee dawladda Soomaliya ee caadeystay sida ay hadalka u dhigtay in ay dad-weynaha ka qaadaan lacago sharci darro ah. Taliye ku-xigeen-ka hay’adda danbi-baarista Soomaliya Bashiir Nuur Geedi ayaa sheegay in ay jiraan askar caadeystay in hubka iyo muuqaalka ciidamada ay ku hantadaan bulshada iyaga oo ka qaadanaya lacago aan sharci aheyn. Maalintii shalay ayeey aheyd markii ay dowladdu sheegtay in xirtay 28 ruux oo isugu jira saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed oo lagu edyeye musuqmaasuq. Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliiska Soomaaliyeed ayaa muddo dheer-ba loo jeedinayay eedeymo la xiriira in ay qaataan lacago aan sharci ku dhisneyn, kuwaa oo qaarkood qaadashada lacagaha noocaa ah u dilay qaar ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysata gaadiidka dad-weynaha marka ay isku dayaan in ay ka biyo diidaan bixinta lacagaha baaddda ah. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Taliska Danbi Baarista Soomaliya oo u digay Ciidamada Booliiska appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed oo la hadlaayay saxaafada dalkiisa ayaa ka hadlay arrimo dhowra oo ku aadan xariga Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Cumar. Abiy Axmed oo arrinta Cabdi Cumar ka hadlaayay ayaa sheegay in dowladiisa ay wado qorsho adag oo talaabo looga qaadi doono Madaxweynihii hore oo ku eedeysan inuu geystay tacadiyo kala duwan. Ra’isul wasaare Abiy Axmed waxa uu tilmaamay in Madaxweynihii hore ee DDSI iyo mamulkiisii hore ay geesteen dhibaatooyin badan, islamarkaana ay dowladda qorsheysay in Cabdi Maxamuud Cumar iyo Kooxdiisa laga qaado tilaabo waxgal ah oo looga samri karo dhibkii dhacay. “Dowladu waxa ay kula xisaabtami doonta waxa danbiyo ah ee uu geestay, wadankaan waxa uu leeyahay sharci isaga ayaana lamarin doonaa” Abiy Axmed, waxa uu tilmaamay in dalka ay ka jirto dowlad isla markaana ay muhiim tahay in cid waliba lagula xisaabtamo waxa uu geysto, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, mar wax laga weyddiyay Abiy Axmed, waxaa laga yeelayo mustaqbalka madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar marka laga soo tago la xisaabtanka ayaa waxa uu sheegay in arrintiisa ay u taallo sharciga iyo caddaalada dalka Ethiopia, balse waxa uu ku goodiyay in Cabdi cumar uu dhadhamin doono ciqaabta waxa uu geystay. Nuqul kamid ahaa hadalkiisa ayaa ahaa “Waxaan ka war sugaynaa wixii caddaaladda ay ka tiraahdo iyo waxa uu mudan doono Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiinti dhibaatada gaystay” Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili Dowladda Ethiopia ay horraantii Bishaan xoog xilka uga qaaday Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana la sheegay in uu xabsi guri ku yahay Magaalada Addis Ababa. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta dalka Itoobiya ka howlgasha ayaa ka hadlay arimo dhowr ah. Abiy ayaa ka hadlay arimo ay kamid tahay ururadii ay Itoobiyo la heshiisay iyo hub ka dhigistooda, afka sharciga ah ee looga hadli doono Itoobiya waxa laga yeelayo Madaxweynihii hore ee DDSI iyo caafimaad daro la sheegay in ay la soo daristay. Ugu horeyn Abiy oo ka hadlay waxa laga yeelayo ururada ay Dowlada Itoobiya heshiiska la gashay oo ay ONLF kamid tahay ayaa sheegay in hubka laga dhigo doono hay’ad qaas ahna loo sameeyn doono. Dhinaca kale waxa uu ka hadlay luuqada dalka looga hadli doono isaga oo sheegay in luuqadaha maxaliga ah muhiimad la siin doono si loo dhiiragaliyo jiilalka cusub. Arinta ugu xasaasisan ee wariyaashu ay wax ka weeydiiyeen Ra’iisul wasaare Abiy ayaa aheyd waxa laga yeelayo Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo ku xiran xabsi ku yaala Addis Ababa ayaa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar tilaabo laga qaadi doono isaga iyo maamulkii la shaqeeynayay. ” Waxaan ka war sugaynaa wixii caddaaladda ay ka tiraahdo iyo waxa uu mudan doono Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiinti dhibaatada gaystay” Isaga oo sii hadlayo ayuu ku hanjabay in Cabdi Maxamuud Cumar iyo maamulkiisa ay tilaabo laga qaadi doono inkastoo aanu sheegin nooca ay noqoneyso tilabadaasi “Tallaabo ayaa laga qaadayaa Cabdi Maxamuud Cumar iyo asxaabtiisa” ayuu yiri Ra’iisu lwasaare Abiy. Ugu dambeyntii Abiy ayaa wax laga weydiiyay wararka sheegaya in caabuq dhanka wadnaha ah uu soo wajahay Ra’iisul wasaaraha waxaana uu arintaasi ka yiri “Aniga maba ihi dadka isticmaala daawooyinka mana soo gato dawo, waxaan aaminsanahay jimicsi iyo isboorti” Itoobiya ayaa gashay marxalad cusub tan iyo markii Dr Abiy Ahmed uu noqday Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Abiy Ahmed “Tallaabo ayaa laga qaadayaa Cabdi Maxamuud Cumar iyo asxaabtiisa” appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee Cadaaladda iyo Dastuurka Somalia Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir oo ku sugan magaalada London ayaa ka hadlay suuragalnimada in Somalia 2020 ay ka dhacdo doorasho nin iyo codkii. Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir, oo ka qeybqaadanayay barnaamijka Martida iyo Makarafoonka ee Idaacada VOA, ayaa sheegay inay muhiim tahay in Somalia ay hesho doorasho xor ah oo ka duwan kuwii hore. Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir, waxa uu tilmaamay in arrinku uusan aheyn suuragal iyo suuragal la’aan waxa uuna sheegay in qabsoomid la’aanta doorashada 2020 ee nin iyo codkii wax laga weydiin doono dowlada Somalia oo ballanqaday inay qaban doonto. Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir, oo wax laga weydiiyay in doorashadaasi ay dhici karto xiligaan ayaa waxa uu yiri “Anigu mala gaari karaa iyo mala gaari karo maaha waxa ay u taala dadka mas’uuliyiinta ah ee uu waajibka saran yahay, waxaa waajibka ah in la gaaro waana la balanqaaday” “Haddii la gaari wayo doorasho nin iyo codkii iyo cidii ka gaabisaa waxaa lagala xisaabtami doonaa cida mas’uuliyadaasi leh” Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir, waxa uu sheegay in dib u dhac ku imaadaa doorashada nin iyo codkiisa ay kula xisaabtami doonaan dowlada Somalia oo uu sheegay inay ballanqaday qabashada doorashada noocaasi ah. Sidoo kale, Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir, ayaa sheegay in Somalia ay u baahan tahay isbedelo dhanka doorashada ah, waxa uuna aad usoo dhaweeyay xisbiyada loo mari lahaa hanaanka doorasho ee nin iyo codkii oo la diiwaan galiyay. Docda kale, Xildhibaanka waxa uu arrin laga wanaagsan yahay ku sheegay in dowlada Somalia ee hadda jirta ay ka dhabeyn weyso qabashada nooca doorasho oo ay ballanqaaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in xalay uu dab ka kacay xarun lagu keydiyo shidaalka. Dabkaan ayaa ka kacay xarunta shidaalka ee Puntland Petrolium oo ku dhow xarunta ciidamada Badda Puntland ee magacooda loo soo gaabiyo PSF. Dabka oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu ka dhashay ayaa haddana goob-joogayaashu waxa ay sheegeen in dabka uu sameynayay qarax foostooyinka shidaalka ah. Durba waxaa goobtaasi gaaray gaadiidka dabdamiska kuwaasi oo xalay saqdii dhexe damiyay dabkaasi kacay. Inta dabka uu socday dadka ku dhaqan xaafadaha u dhow halka dabka uu ka kacay ayaa cabsi ka muujinayay in dabka uu fido. Ilaa iyo iminka si rasmi ah looma shaacin inta uu la egyahay khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay dabkaasi xalay kacay walina ganacsatadii laheyd xarunta gubatay kama warbixin khasaaraha halkaasi ka dhashay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Dab xoogan oo ka kacay kaalin shidaal Bosaso appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u ambabaxay safar uu ku tagayo magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka kaas oo la filayo in uu kulan laqaato Madaxweynaha dalkaasi Mr Trump sida uu daabacay wargeyska the Star ee kasoo baxa Kenya. Kulankan oo lafilayo in uu dhaxmaro labada masuul ayaa ka dhici doono aqalka cad ee looga taliyo dalkaasi 27 bishan August. Madaxweyne Uhura Kenyata waxaa garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta kusa gootiyay Madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi William Ruto iyo hogaamiyaha ciidamadda difaaaca Kenya Mr Samson Mwathethe. Dhanka kale kulankaan dhaxmari doono Uhura Kenyatta iyo Donald Trump ayaa lafilayaa in ay kawada hadlaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidii dhamaan gobolka looga ciribtiri lahaa iyo howlgalka ciidamada midowga Africa AMISOM ee nabad ilaalina u jooga Soomaaliya. Xariirka soo jireenka ah ee udhaxeya labadaasi dal ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay aad uwanagsanaa iyadoona xariirka dhanka ganacsiga iyo xaalada nabad galyo ee dalalka dariska ah lafilayo in ay kawada hadlaan gaar ahan dalalka South Sudan,iyo Somalia. Mrs Monica Juma xogyaha wasaarada arimaha dibada Kenya iyo Mike Pomeo xoghayaha arimaha dibada Mareykanka ayaa waxaa ay khamiistii aynu kasoo gudubnay ay ku kulmeen Mareykanka kuwaa oo gogol xaar unoqonaya kulankan lafilayo in ay wada yeeshaan labadaasi hogaamiye. PUNTLAND POST The post Trump iyo Uhuru oo ka wada hadlaya arimaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Jamhadda ONLF ayaa sheegtay in ay heshiis la gaareen Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Maxamed, kadib wada-hadal ku dhexmaray magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethopia. Afhayeenka Jamahadda ONLF C/qaadir Hirmooge Cadaani oo la hadlay Warbaahinta magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in qodobo muhiim ah ay labadda dhinac kuwada heshiiyeen, islamarkaana dhawaan la dhameystiri doono waxyaalaha kale ee haray. Dhanka kale Madaxweynaha cusub ee DDSI, ayaa sheegay in heshiiska ay la gaareen ONLF uu ka dhigan mid soo gaba-gabeeyay colaadii ka taagneyd mudooyinkii dambe dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya . Qodobada ay ku heshiiyeen labada dhinac ayaa kala ah In si deg deg ah loo qaado tallaabooyin lagu daryeelayo halgamayaashii ku naafoobay dagaaladii guumaysi-diidka ahaa ee ay ku la jireen TPLF; In jabhadu ay si xor ah dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed uga biloowdo deegaanka Soomaalida; In laga fogaado wixii keeni kara isku dhacyo ama keeni kara qalalaase amaan; In wadahalo mug wayn oo u dhaxeeya dawladda Itoobiya iyo ONLF dhawaan si rasmi ah u bilaabmaan; In laga fogaado wixii kala geeynaya shacabka deegaanka ama keenaya kala shaki iyo naceyb; In maamulka cusub ee deegaanku kaalin fiican ka ciyaaro in loo fududeeyo ONLF inay si sharci ah barnaamijyadeeda siyaasadeed uga hirgaliso deegaanka; In maamulka cusub ee deeganku ballan qaado doorashooyin xor iyo xalaal ah kadib marka uu dhamaado xiliga kala guurka ah; Waxaan geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doonaa in aan isku soo dhawayno shacabka deegaanka soomaalida si si wadajir ah loo soo dhacsado xuquuqaha inaga maqan. PUNTLAND POST The post Akhriso: ONLF iyo Madaxweynaha cusub ee DDSI oo heshiis wada gaaray appeared first on Puntland Post.
-
The unveiling of the National Economic Council (NEC) of Somalia on August 12, 2018 in Mogadishu has sparked intense debate among Somalis because of serious misgivings about the role, membership, and ability of the NEC to foster the revival, Source: Hiiraan Online
-
Sidaa aad magacaba ka garan kartaan, waa mid ay ankumiddiisu lahaayeen dhalinaro Soomaali qurbo joog u badan . Dhabcan ma fahmi karo qof walboo Soomaali ah waxa loola jeedo, illeen luuqadda English-ka dadka ma wada garanayaane. Sida lagu qoray boggooda baraha bulshada, waa madal loogu tala galay in lagu soo bandhigo buugaagta la qoray, la iskuga keeno qoraayaasha, abwaanada, sido kale dadka lagu dhiiro geliyo inay wax aqriyaan waxna qoraan. Sanadkii 4-aad ayey qabatay madasha Mogadisho Book Fair bandhig buugaagta 15-ka bishan Agoosto 2018. Waxaana lagu qabtay Hoteel ku yaal magaalada Muqdisho. Waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala gedisan ee bulshada iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somaaliya. Sida ku xusneyd boorarkii madasha lagu xardhay waxaa howshaas maalgelineysay hay’adda USA-Aid oo ah hay’ad mareeykanka laga leeyahay, meelo badan caalamkana barnaamijyo ka fangareysa. Dhab ahaantii, waa wax lagu farxo in bulshada Soomaaliyeed lagu dhiiro geliyo wax aqriska iyo qoraalka si ay ula jaan qaadaaan dadyoowga kele ee caalamka, si la mid ah in la dhiira geliyo qoraayaasha da’da yar. Su’aashuse waxey tahay ma sida wax loo waday mise sida wax looga baahnaa? Waa tan koowaade, magaca Mogadisho Book Fair maloo waayay magac Af-Soomaali ah oo u dhigma!, mar haddii howshu tahay mid Soomaalida loogu talagalay, si qof weliba u fahmo u jeedka. Dad badan ayaa i weydiiyay maxaa laga wadaa “Mogadisho Book Fair”. Wan tan labaade, mar haddii dadka lagu dhiira gelinayo inay aqriska iyo qorista badiyaan, sow ma aheen sido kale in laga shaqeeyo horumarinta luuqadda Soomaaliga. Aan seddaxeeyee, waxaa madasha lagu dhigay Hoteello qaali ah iyadoo ay mudneed in lagu diyaariyo xarunta akadeemiyada dhaqanka, afka iyo suugaanta, haddiiba howsha looga tala galay in lagu hormariyo aqriska iyo qoraalka Soomaaliga. Sida aan horay u sheegay waxaa maal geliyay hay’adda UAS-Aid. Sida Soomalida ka wada dheregsantahay ma jiro mashruuc ay maal geliyaan reer-Galbeedka oo aan u jeedo qoto-dheer ka danbeyn. Sow ma aheyn qarashkaas in lagu maal geliyo akadeemiyada dhaqanka afka iyo suugaanta soomaaliyeed sido kale lagu horumariyo Luuqadda Soomaaliga. Dhanka kale, inta badan dadka qoraayaasha halkaas joogay ma jirin mid aqoonsi qoraanimo ka heystay ama buugiisa lagu soo qiimeeyay xarun hay’ad ama wasaarad dowladeeda sida akadeemiyada dhaqanka afka iyo suugaanta. Inkastoo aysan jirin akadeemiya ama wasaarad qiimeyn ku sameysa qormooyinka qoraayaasha hadda jira, haddana taasi waxa ay keeneysaa in qof kasta oo iska soo xariiqda 20(Labaatan bog) ama meel kale kasoo guuriya in uu yiraahdo waxaan qoray buug ama waxaa ahay Qoraa.Taasoo iyadana sababeysa hoos u dhac ku yimaada qiimaha qoraayaasha Soomaaliyeed iyo qormooyinkooda. Isku soo wada duuboo, howshan ayaa aheyd mid looga baahnaa inay qabato dowladda Soomaaliya ama ugu yaraan ay iyada maamusha. Maadaam aysan dhicin, haddana waxaa la gudboon dowladda inay ka codsato hay’adaha maalgelinaya barnaamijkan inay u weeciyaan horumarinta akadeemiyada dhaqanka afka iyo suugaanta soomaaliya si loo helo hay’ad qiimeyn mug weyn ku sameysa buugaagta qoraayaasha misana hubisa qoraalka luuqadda iyo micnaha uu xambaarsanyahay buugga. W/Q: Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cumar, ayaa markii ugu horeysay u digay Siyaasiyiinta deegaanka ka dhex wada abaabulka amni darro. Mustafe Muxumad Cumar, waxa uu sheegay inay soo gaarayaan warar aan lagu farxin oo muujinaaya in Siyaasiyiin ku dhex sugan deegaanka Soomaalida ay horseedayaan dhibaatooyin amni darro oo ka dhaca deegaanka. Waxa uu Mustafe Muxumad Cumar sheegay in ka maamul ahaan aysan u dulqadan doonin in laga dhex shaqeeyo muwaadiniinta ama amni darro laga abuuro deegaanka Soomaalida. Waxa uu tilmaamay inay jiran shaqsiyaad horay kaalin weyn uga qaatay rabshadihii ka dhacay deegaanka Soomaalida, iminkana wada abaabul lagu carqaladeynaayo amniga, waxa uuna ku goodiyay cidii howshaasi loo qabto inay marin doonaan waddo sharci ah. “Wax waliba waa suuragal inaan ka muujinaa tanaasul balse tanaasulka kama muujin doono arrimaha amniga iyo xasiloonida deegaanka” “Cidii ka talaabtaa nidaamka jira waxa aynu ku qaban doonaa gacan bira, hadalkeygu waxa uu ku socdaa shaqsiyaadka wada dhibaatooyinka” Mustafe Muxumad Cumar, waxa uu tilmaamay in maamulkiisa uu culeyska saari doono amniga iyo cadaalada, iyadoo qofkii ku xadgudbaa labadaasi qodob lagu qaban doono gacan bira, sida uu hadalka u dhigay. Haddalka Mustafe Muxumad Cumar, ayaa imaanaya kadib markii waxgaradka deegaanka ay ka dalbadeen inuu ka shaqeeyo cadaalada, isla markaana gacanta ku dhigo kuwa rabshada qeyb ka ahaa abaabulkeeda. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, oo wareysi gaara siinaayay HCTV ayaa ka hadlay cadaaladaha laga filaayo inuu ka hirgaliyo dalka. Guddoomiyaha Maxkamada ayaa sheegay in Maxkamadu ay hoostagan Maxkamado badan, sidaana ay ku noqotay mid loo xushay qaadista dacwada iyo dhaqan galinta cadaalad hufan. Waxa uu sheegay in dacwadaha ugu badan ay noqon karaan Dacwad Madani oo u dhexeysa muwaadiniin kala duwan iyo Dacwad Ciqaabeed oo lagu qaado muwaadin loo heysto fal danbiyeed. Mar wax laga weydiiyay talaabooyinka ugu haboon ee uu qaadi doono maadaama uu xilka ku cusub yahay ayuu sheegay in marka hore uu xal u raadin doono cabashooyin badan oo ka taagan dhanka cadaalada. Waxa uu sheegay in dalka la doonayo ka dhaqan galinta cadaalada uu yahay dal burbursanaa ku dhawaad 30sano, waxa uuna tilmaamay inay u qorsheysan tahay in dib u habeyn lagu sameyo dhamaan Hay’adaha garsoorka iyo in la sameeyo Golaha adeega Garsoorka. Waxa uu sheegay inay ku guda jiraan sida lagu fududeyn lahaa fulinta xukunada kasoo baxa Maxkamada oo uu tilmaamay inay daahan inta badan. Waxa uu tilmaamay inay wadaan qorsho lagu kordhinaayo miisaaniyada Garsoorka iyo daryeelka Garsoorayaasha, waxa uuna intaa raaciyay in la sameyn doono tababaro lasiinaayo Garsoorayaasha. HOOS KA DAAWO WAREYSIGA GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa weli gacanta laamaha amaanka maamulka Somaliland ku jira laba Wasiir oo kasoo goostay maamulka DDSI kuwaa oo lagu qabtay magaalada Hargeysa. Wasiiradan oo laba ah ayaa xiliga gacanta lagu dhigaayay safar u ahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana lasoo sheegayaa inay lasoo baxsadeen dhaqaale xoogan. Wasiiradan oo ka tirsanaa Xukuumada Madaxweynihii is casilay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu qabtay Garoonka magaalada Hargeysa xili ay wateen lacag xoogan oo ay kala soo baxsadeen magaalada Jigjiga. Wasiirada baxsadka ahaa ee gacanta lagu dhigay ayaa kala ahaa Wasiirka waxbarashada dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Ibraahim Aadan Mahad iyo Wasiirka Caddaaladda Cabdi Jaamac oo dhinaca xuduudka Wajaale kaga soo gudbay si dhuumasho ah. Mid kamid ah Saraakiisha gacanta ku heysa Wasiirada oo aan xiriir dhanka Teleefanka ah la sameynay ayaa inoo xaqiijiyay in maamulka uusan wali go’aan cad ka gaarin labada Wasiir oo wali ku jira gacantooda. Waxa uu sheegay in lagu hayo baaritaan maadaama lagu qabtay dhaqaale ay kala soo baxsadeen maamulka DDSI. Wasaarada Arrimaha Gudaha maamulka Somaliland oo sidoo kale ka hadashay labada Wasiir ee ku jira gacantooda ayaa sheegtay in wali ay ku hayaan baaritaan ku aadan sababaha ku kalifay in sifo sharci darro ah kusoo galaan deegaanada maamulka. Wasaaradu waxa ay tilmaantay in khaladka ugu weyn ee loo heysto ay tahay inaysan wada dal ku gal, sidaa aawgeed ay gacanta kusii heyn doonaan. Sidoo kale, waxa ay Somaliland sheegtay inaanu cadeyn go’aanka laga qaadan doono Wasiirada, hase yeeshee ay marin doonaan wixii sharci ah. Dhinaca kale, maamulka DDSI ayaan weli ka hadal Wasiirada baxsadka ah ee lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaana suuragal ah in lagu wareejiyo. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Dekadda magaaladaasi uu taagan yahay Markab la doonaayo inuu qaado rar dhuxul ah. Wararku waxa ay sheegayaan in Markabkaasi uu Dekadda taagan yahay muddo ku dhow Seddex cisho kaa oo la doonaayo in lagu qaado dhuxul sharci daro ah. Illo wareedyo ku sugan Dekadda ayaa inoo xaqiijiyay in sababta uu Markabka ugu xayiran yahay Dekadda ay tahay is qabqabsi lacageed, iyadoona la sheegay in markabku uu yahay mid aad u weyn oo qaadi kara 550-kun kiish oo dhuxul ah. Muranka ayaa si gaar uga dhexeeya maamulka Dekadda,Madaxda Jubbaland iyo Ganacsatada leh dhuxusha la dhoofinayo. Ganacsatada dhuxusha ayaa ka biya diidan inay bixiso lacago dheeri ah oo lagu soo rogay, halka maamulka Dekadda iyo kan Jubbaland ay ka diidan yihiin in dhuxusha la raro. Sidoo kale, Markabka ayaa mudada uu heysto ayaa waxaa ka harsan Seddex cisho, waxaana lasoo sheegayaa in rarka kadib uu kusii jeedo dalka Imaaraadka carabta. Si kastaba ha ahaatee, muranka ka taagan rarista dhuxusha ayaa laga cabsi qabaa inuu saameyn ku yeesho ganacsiga dhuxusha oo gabi ahaan sharci daro ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
President Trump has been warring with Jeff Sessions ever since the attorney general recused himself from the FBI investigation into Russian election meddling, which has led to the mounting legal problems for Trump and his associates as special counsel Robert S. Mueller III investigates potential collusion. Source: Hiiraan Online
-
Earlier this month, Mustafa Omer lived in exile. Now, he’s the acting president of Ethiopia’s Somali region and one of the country’s most powerful people. Source: Hiiraan Online
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida Mustaf ayaa markii ugu horeysay kulan khaasa la qatay Saraakiil ka tirsan maamulka Sare ee Ururka ONLF. Kulanka Madaxweynaha iyo Saraakiisha ONLF oo qaatay saacado ayaa waxaa leysu weydaarsaday dhibaatooyin ka jira deegaanka iyo khilaafka Ururka kala dhexeeyay maamulkii hore ee uu hogaaminaayay Cabdi Cumar. Inta uu kulanka socday waxa ay Madaxweynaha iyo Saraakiisha mataleysay Ururka isla fahmeen inay muhiim tahay in heshiis laga gaaro mugdiga ka dhex jira maamulka iyo Ururka isla markaana la wada dhisto dalka. Madaxweynaha iyo Saraakiisha ka soctay ONLF ayaa wadahadal dheer kala saxiixday heshiisyo ka kooban ilaa 7 qodob oo kala ah:- 1-In si deg deg ah loo qaado tallaabooyin lagu daryeelayo halgamayaashii ku naafoobay dagaaladii guumaysi-diidka ahaa ee ay ku la jireen TPLF. 2-In Ururka ay si xor ah dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed uga dhex bilaabi karto deegaanka Soomaalida. 3-In laga fogaado wixii keeni kara isku dhacyo ama keeni kara qalalaase amaan. 4-In wadahalo mug wayn oo u dhaxeeya dawladda Ethiopia iyo ONLF dhawaan si rasmi ah u bilaabmaan. 5-In laga fogaado wixii kala geeynaya shacabka deegaanka ama keenaya kala shaki iyo naceyb. 6-In maamulka cusub ee deegaanku kaalin fiican ka ciyaaro in loo fududeeyo ONLF inay si sharci ah barnaamijyadeeda siyaasadeed uga hirgaliso deegaanka. 7-In maamulka cusub ee deeganku ballan qaado doorashooyin xor iyo xalaal ah kadib marka uu dhamaado xiliga kala guurka ah. Geesta kale, Ururka ONLF oo dagaal ku jirtay Muddo tobanaan sano ah ayaa dhawaan ku dhawaaqay Xabad joojin, ka dib Codsi uga yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Maxamed Cabdi Yuusuf oo mar lasoo shaqeeyay dowladii Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa si adag uga hadlay inta ay la eg tahay rajada laga qabi karo doorasho nin iyo codkii oo ka dhacdaa Somalia. Maxamed Cabdi Yuusuf, oo Ra’isul wasaare kasoo noqday dowladii Cabdi Qaasim ayaa shaki galiyay in Somalia ay ka dhacdo doorasho nin iyo codkii waxa uuna sabab ka dhigay inaanu wali muuqan dadaalkii lagu qaban lahaa doorasho heerkaasi gaarsiisan. Maxamed Cabdi Yuusuf, waxa uu tilmaamay inay aad u yartahay suuragalnimada in labada sano ee u harsan dowlada lagu gaaro guulo muujin kara doorasho xor ah, waxa uuna aad u dhaliilay Siyaasada Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare kheyre. Maxamed Cabdi Yuusuf, waxa uu sheegay in hadda dalka loo diiwangeliyey in ku dhow 30 xisbi siyaasadeed taasina ay tahay mid qalad ah,isla markaana loo baahan yahay in dalka loo diiwaangeliyo kaliya Saddex Xisbi oo loolami kar. “Anigu iima muuqato rajo muujineysa in Somalia ay wareegani marti galinkarto doorasho nin iyo codkii, inaanu dhaceynin waxaa tusaale ah diiwaan galinta ku dhawaad 30Xisbi” Waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa “Waa in Dastuurka dalka laga bedelo lagana dhigo Saddex Xisbi kaliya balse hadii la yiraahdo waa free,bilaash in qof walba uu xisbi diiwaangashanayo ayna noqonayaan kuwo isku-baheysta jufo hoosaadyo qabiil ah oo aan waxba qabaneyn”. Waxa uu intaa kusii daray in dalka haatan u muuqan mid aan suurtagal aheyn in ay ka dacdo doorasho qof iyo cod ah isagana uu cadeynayo in dalka ay ka jirin dowlad dadka mideyn karta, sida uu hadalka u dhigay. Maxamed Cabdi Yuusuf, waxa uu cod dheer ku sheegay in dowlada Somalia laga doonaayo in wakhti hore ay dadka u sheegto inaanu qabankarin doorasho nin iyo codkii ka hor inta aanu laga kalsooni bixin, sida uu hadalka u dhigay. Haddalka Maxamed Cabdi Yuusuf, ayaa kusoo beegmaaya xili madaxda DFS ay wali ku adkeysanayaan in doorashad ay noqoneyso nin iyo codkii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xariga Xoghayihii ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Xoghayihii ra’iisul wasaare ku xigeenka Cabdiqani Yaasiin Maxamed, ayaa weli ku jira gacanta maamulka Somaliland kadib markii lagu dhex qabtay magaalada Hargeysa. Cabdiqani Yaasiin Maxamed, ayaa laamaha amaanka u xiran maalintii labaad, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in lasoo taagayo Maxkamad. Saraakiisha amaanka ayaa Cabdiqani Yaasiin Maxamed ka wareysanaaya ujeedka uu u gaaray Hargeysa, waxaana lagu eedeeyay inuu macluumaadka Somaliland uu u gudbinaayay dowlada Somalia iyo in amar la’aan uu galay magaalada. Hay’adaha ammaanka ee Somaliland wax war ah kama aysan soo saarin xadhiga mas’uulkan, hase yeeshee warar xog ogaal ah ayaa sheegay in Cabdiqani Yaasiin Maxamed ay ciidanka boliiska ee Hargeysa ka soo qabteen gurigiisa magaalada Hargeysa oo ay xidheen. Hore ayaa dad xilal ka soo qabtay Soomaaliya waxaa loogu xiray Hargaysa, ayadoo Somaliland ay meel adag ka taagan tahay dadka xilalka ka soo qabtay Soomaaliya, ama ka qayb gala shirar aysan raalli ka ahayn ee yimaada magaalooyinkeeda. Dhawaan ayey ahayd markii Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) loo xiray kulan dhaqameed uu uga qayb galay Puntland. Waxaa ka sii horraysay Naciima Abwaan Qorane oo iyadana muddo ku xirnayd xabsi ku yaalla Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors