Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,424
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xukuumada Somalia ayaa markii ugu horeysay digniin kasoo saartay lambero dibadda ka imaanaya kuwaa oo qalqal galinaaya shacabka. Qoraal ay wasaarada soo dhigtay barteeda Facebooka ayaa waxa ay ku sheegtay inay soo gaartay cabashada dadweynaha oo ku saabsan lambaro ka imaanaya dalka dibaddiisa oo wata furaha +43 oo ujeedadooda ay tahay in lagu dhaco shacabka. Wasaarada waxa ay shacabka Somaliyed uga digtay in aysan ku degdegin lambarada dibadda ka imaanaya, kuwaasi oo ujeedadooda ay tahay in ay dhacan shacabka. Waxa ay sheegtay Wasaaradda Boostada in ay xiriir la sameyneyso dalka laga leeyahay lambaradan, iyada oo kala shaqeyneysa sidii arrintan wax looga qaban lahaa. Halkan hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Boostada Soomaaliya. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada waxaa soo gaaray cabashada dadweynaha oo ku saabsan taleefoonno ka imanaya dalka dibeddiisa oo wata furaha +43 kuwaas oo loogu talo galay in lagu dhaco shacabka Soomaaliyeed. Wasaaraddu waxay la xiriireysaa dalka laga leeyahay lambarradan, iyadoo kala shaqeyneysa sidii arrintaan wax looga qaban lahaa. Hase yeeshee, waxaan dadweynaha uga digeynaa inay ku kadsoomin lambarrada noocaan oo kale ah oo aysan dib u wicin maadaama ay lacag badan goosanayaan.
  2. Addis Ababa (Caasimada Online)-Waxaa maanta gelinkii danbe gaaray magaalada Jigjiga Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustaf Muxumed Cumar oo dhawaan loo doortay xilka. Madaxweyne Mustaf Muxumad Cumar ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeybqaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo boqolaal ruux oo ka mid ah shacabka magaalada Jigjiga. Saraakiil ka tirsan Jabhada mucaaradka ONLF ayaa sidoo kale ka qeybqaatay soo dhaweynta hogaamiyahan cusub iyagoo sheegay inay isku mowqif yihiin. Madaxweynaha DDSI Mustaf Muxumad ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Addis Ababa oo xarun u ah dalka Ethiopia tan iyo markii loo doortay xilka madaxweyninimo. Madaxweynaha ayaa waxaa gaaristiisa magaalada Jigjiga kadib la dejiyay Madaxtooyada Jigjiga oo ay dhowaan ammaankeeda la wareegeen ciidamo Milatari ah. Sidoo kale, Madaxweyne Mustafa ayaa lagu wadaa in uu shir guddoomiye kulan loogaga hadlayo mustaqbalka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya kaasoo la filayo in uu dhowaan ka furmo magaalada Jigjiga.
  3. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa warbixin ka siiyey Waxqabadka maamulka Gobolka ee lixdii bilood ee la soo dhaafay. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay dar-dar gelinayeen dadaallada horumarinta adeegyada muhiimka u ah dawlad wanaagga, iyadoo la isku soo dhaweeyey maamulka iyo bulshada. “Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaan warbixin ka siinay waxyaabaha maamulka Gobolka Banaadir u qabsoomay Lixdii bilood ee ugu danbeeyey, gaar ahaan, ammaanka, arrimaha bulshada, dhismaha Golleyaasha deegaanka, maamul wanaagga, koboca dhaqaalaha iyo siyaasadda, Arrimaha Barakacayaasha oo mudnaan siinay iyo shaqo abuurka dhalinyarada”. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dhankiisa boggaadiyey waxqabadka muuqda ee maamulka Gobolka Banaadir la yimid mudadii koobneyd ee uu jiray, waxuna tilmaamay muhiimadda ay bulshada u leedahay in maamulka loo dhaweeyo. Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho C/raxmaan Yarisow ayaa qaabilay Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Amb. Qin Jian, waxana ay ka wada hadleen sidii ay door uga qaadan lahaayeen dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda. PUNTLAND POST The post Wasiir Sabriye iyo Eng. Yariisow oo ka Wada-hadlay Dardar-gelinta Adeegyada Bulshada appeared first on Puntland Post.
  4. British Somali teenagers are being taken back to their parents’ homeland under the pretence of a holiday and then kept in detention centres before being forced into marriages. Source: Hiiraan Online
  5. Madaxda Hay’adda Faya-dhawrka ee Badeecadaha iyo raashinka ee dawladda Puntland ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay xaafiiskan la asaasay, waxayna ka hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhibaatooyin ay ka badbaadiyeen Shacabka Soomaaliyeed. Tayadhawrka Puntland ah ayaa mid loogu talo-galay Hubinta badeecadaha soo galaya gudaha dalka iyo kuwa ay sameeyaan warshadaha yar yar ee kuyaala gudaha mandiqada, iyadoo ay marar badan qabtaan Agabyo waqtigooda dhaafay ama ugu yaraan tayo ahaan liitay. Agaasimaha Waaxda Faya-dhawrka ee Badeecadaha iyo raashinka ee dawladda Puntland Salaad Aadan Maxamuud ayaa sheegay in ay sii wadayaan dadaalka ay ku badbaadinayaan shacabka, wuxuuna ugu baaqay ganacsatadu in ay qeyb ka noqdaan dadaalada horumarineed. Xoghayaha guud ee Hay’adda Tayadhawrka Badeecadaha Puntland Abdirahmaan Aadan Ibraahim oo ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay ayaa sheegay in ay shaqo badan qabteen, isagoo sheegay in ay dadaalkooda kusii bixinayaan sidii ummadda looga badbaadin lahaa aafooyinka ku hareerysan cuntada dhacday iyo agabyada aan saxda aheyn. Sawirro. Puntlandpost.net The post DAAWO:Wax qabadka Waaxda Taya Dhowrka Badeecadaha & Raashinka soo gala Puntland appeared first on Puntland Post.
  6. MOGADISHU (Caasimada Online) – Hundreds of protesters have descended on Bardere town in a huge show of opposition to Somalia’s Jubaland State president Ahmed Mohamed Islam. Islam’s administration based in the coastal town Kismayo town, some 500km south of Somali capital Mogadishu, has been rocked by allegations for the past months. The protestors took streets of the town as the demonstration was taken part by angered crowd of students, men, women and young families. “Not my president,” chanted some of the protesters, while others waved signs with the same message. President Islam was accused of incompetence, according to Faisa Hussein, who is among hundreds of people took streets of Bardere town. Hussein has also blamed the president Islam of not contributing to political stability in the town. “We decided to hold peacefully demonstration against Islam’s administration, we call on the president to step down”, she said. She says hundreds of people, including students, elderly men and women gathered into main streets of Barder town to protest against Jhubaland administration. Bardere is an important agricultural town in Gedo region of Somalia. It is also the second most populous town in the Juba Valley. Last week, hundreds took to the streets to protest against the arrival of a ministerial delegation led by Jubaland’s Minister of Planning, Aden Ibrahim Aw Hersi. The delegation was attacked with stones thrown by angry demonstrators while the security guards fired bullets to disperse the mob. The rally comes amid strained relations between Somali government and Jubaland leaders over newly appointed army commanders for country’s forces to Juba and Gedo regions to join in fighting against Al Shabaab. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali magaalooyinka Kismaayo Iyo Garbahaareey oo ka tirsan maamul Jubaland ka socda shirar iska soo horjeeda oo midi lagu diidan yahay maamulka Axmed Madoobe. Shirka ka socda Garbahaareey ayaa u dhexeeya Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka oo iyagu aad uga soo horjeeda jiritaanka maamulka Axmed Madoobe, waxa ayna ku dhaleeceynayan inuu kala geeyay qabaa’ilada ku hoos nool maamulka. Shirka oo siyaabo kala duwan ay khudbado dhaliil xanbaarsan uga jeediyeen dhinacyada kulmay ayaa waxa inta uu socday leystusay in ay muhiiimtahay in meel looga soo wada jeesto nidaamka Jubaland. Siyaasiyiinta iyo waxgaradka magaalada Garbahaareey ayaa isku raacay in deegaanka aysan soo gaarin mas’uuliyiin ka socda Jubbaland, isla markaana la qaadaco go’aan waliba oo kasoo baxa Xafiiska Axmed Madoobe. Sidoo kale, Nabadoonada iyo siyaasiyiinta reer Jubaland gaar ahaan magaalada Kismaayo ayaa iyaguna isku dayayo in xal loo helo tabashada reer Garbahaareey ay ka tirsanayaan Jubaland, waxa ayna taageero u muujinayan Axmed Madoobe. Dhowr maalmood kahor ayey aheyd markii Garbahaareey dhowr Wasiir oo Jubaland ka socday lagu dibadbaxay oo qaarkood dhaawac fudud loo geystay. Dhinaca kale,magaalada Garbahaareey waxaa maanta ka dhacay banaanbax kale oo looga soo horjeedo Hogaamiyaha Jubbaland, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in Axmed Madoobe uu ku sugan yahay xaalad adag oo uu ku weyn karo kalsoonida dadka ku nool magaalada Garbahaareey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Hargeysa ( Sh. M. Network )-Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta shaaciyay in ay dib xuriyadooda u heleen laba wasiir oo ka tirsanaa Xukuumadii Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar. Ibraahim Aadan Mahad Ibraahim Sacad Wasiirkii Waxbarashada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Cabdi Jamaal Axmed Qaloombi oo ahaa Wasiirkii Cadaaladda ee Ismaamulkaasi ayaa 21-kii bishan lagu xiray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland. S/land ayaa mas’uuliyiintaasi ku eedeysay in ay si sharci daro ah ku soo galeen, ugana dhoofayeen Garoonka diyaardaha Cigaal ee magaalada Hargeysa. Balse Soomaaliland ma cadeyn sababaha rasmiga ee ka dambeeyay sii deynta Wasiiradaasi. The post S/land Oo sii deysay wasiiro ka tirsanaa maamulkii DDSI appeared first on Shabelle. View the full article
  9. MOGADISHU (Caasimada Online) – Somali police soldiers have foiled a suicide bomb attempt at National University campus in the capital of Mogadishu. Police captain, Hussein Mohamed said car with filled with explosives parked outside the national university campus in the capital. He says bomb disposal experts had defused the bomb explosives. “Our police soldiers discovered a car laden with explosives parked near National University campus”, he said. Somali security forces launched security operation to hunt down suspected Al Shabaab members in the capital of Mogadishu. No arrests have been reported. Mogadishu has been witnessed deadly suicide explosion claimed by Al Shabaab for the past months. The group also carried out similar attacks on neighboring countries. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  10. Hargeysa (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xariga Wasiiro ka tirsanaa maamulkii hore ee DDSI kuwaa oo muddo asbuuca u xirnaa maamulka Somaliland. Wararka soo baxaaya ayaa sheegaya in maamulka Somaliland uu sii daayey laba wasiir oo ka tirsanaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ee DDSI. Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen uu yahay in lasii daayo labada Wasiir. Waxa uu Mr Maxamed Kaahin Axmed, tilmaamay in go’aankaasi ay qaaten saacadihii ugu danbeyay waxaana sidaa dib xoriyadooda loogu siiyay Ibraahim Aadan Mahad (Ibraahim-Sacad), wasiirkii hore ee waxbarashada, iyo Cabdijamaal Axmed Qaloombi, wasiirkii hore ee cadaaladda oo maanta la sii daayey. Labada wasiir waxaa laga qabtay garoonka dayaaradaha ee Hargaysa, 21kii bishan Agoosto, ayagoo doonayey inay halkaa ka dhoofaan. Sidoo kale, Golaha Wasiirada maamulkii dhacay ee Cabdi Maxamuud Cumar ayaa badankood hadda waxay yihiin kuwo aan shaqayn, ama shaqooyinkii ay hayeen isaga tegey, waxaana lagu eedeynayaa inay xadgudubyo gaysteen, inkastoo aysan jirin cid weli eedahaas maxkamad loo soo taagay. Dhinaca kale, maamulka Somaliland ayaa isla maanta dowlada Ethiopia ku wareejisay gaadiid lagala soo baxsaday maamulka DDSI kuwaa oo tiradoodu dhan tahay 12 baabuur oo kala duwan, Waxaana lagu soo kala qabtay Gobolada Togdheer, Awdal, Gabilay iyo Maroodi-jeex. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa kulan saacado qaatay magaalada Muqdisho ku yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow). Kulanka ayaa ka dhacay xafiiska Guddoomiyaha waxaana looga wadahadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan wada shaqeynta, iyadoo Yariisow uu waxqabadkiisa uga warbixiyay Wasiirka. Yariisow waxa uu si gaara uga warbixiyay Waxqabadka maamulka Gobolka ee lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxaana sidoo kale laga wadahadlay arrimo kale oo ku saleysan xilal uu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay dar-dar gelinayeen dadaallada horumarinta adeegyada muhiimka u ah dawlad wanaagga, iyadoo la isku soo dhaweeyey maamulka iyo bulshada. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaan warbixin ka siinay waxyaabaha maamulka Gobolka Banaadir u qabsoomay Lixdii bilood ee ugu danbeeyey, gaar ahaan, ammaanka, arrimaha bulshada, dhismaha Golleyaasha deegaanka, maamul wanaagga, koboca dhaqaalaha iyo siyaasadda, Arrimaha Barakacayaasha oo mudnaan siinay iyo shaqo abuurka dhalinyarada”. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dhankiisa boggaadiyey waxqabadka muuqda ee maamulka Gobolka Banaadir la yimid mudadii koobneyd ee uu jiray, waxuna tilmaamay muhiimadda ay bulshada u leedahay in maamulka loo dhaweeyo. Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha uu Eng. Yariisow kala hadlay arrimo la xiriira isbedel kusoo fool leh maamulka, waxa uuna sidoo kale kala hadlay isbedelkaasi iyo saameynta uu ku yeelan karo Gobolka. Sidoo kale, warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka uu wajahaayo xil ka qaadis lagu sameyn doono, halka warar kaa ka duwan ay sheegayaan in lagu cadaadinaayo is casilaad, maadaama ay kororta xil ka qaadista ay sameyneyso dowlada. Lama oga waxyaaha hoose oo ay kawada hadleen labada mas’uul oo markii danbe yeeshay kulan gaar ah oo albaabada uu u xirnaa, waxaana jira warar muujinaaya in Wasiirka Arimaha Gudaha la faray in Guddoomiyaha uu ku qanciyo is casilaada maadaama ay isku dhowyihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. The government has issued a security alert after al Shabaab militants were allegedly dispatched to an undisclosed premise in Meru, Kenya. Source: Hiiraan Online
  13. Across the country, and now at home, urban school districts are drawing on door-to-door ground games not unlike those of political campaigns to recruit kids and improve the bottom line. Source: Hiiraan Online
  14. Bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay in tartan loo gali doono, xilka agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya. Agaasinka wasaaradda waa shaqsigga fuliya howlaha iyo siyaasadda wasaaradda oo ay dajiyaan wasiirka, ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha isaga oo kaashanaya shaqaalaha wasaaradda. 14 October ee sanadkii tagay ayaa ra’iisul wasaare Kheyre wuxuu magacaabay guddi ka koban 11 xubnood oo la soconayo tartan loo galayo xilalka 26 agaasime guud ee wasaaradaha xukuumadda. Waxaa guddigaasi Madax looga dhigay Mahdi Maxamed Guuleed Qatar, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, waxayna ka koobnaayeen shan wasiir iyo shan xubnood oo ka socday ururada bulshada Rayidka iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka. In xiligaasi lagu dhawaaqo tartan u gelidda xilalka agaasimayaasha ayaa timid kadib heshiis dhex maray Bank adduunka iyo dowladda Somalia, sida xogta aan ku helnay, waxaana la doonayay inay agaasimayaasha ku yimaadaan tartan daah furan. Guddiga oo magacaaban muddo ku dhow 10 bilood ayaanan ilaa iyo hadda qaban wax shaqo ah, lamana hayo hal agaasime oo tartan u galay wasaaraddaha xukuumadda kuna guuleystay. Maxaa isbadalay ? Sida ilo xog ah inoo xaqiijiyeen Asad Yuusuf Afrax, oo ahaa la taliyaha wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, ayaa loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta, Magacaabistan waxaa soo jeedinteeda lahaa wasiirka qorsheynta, waxaana lagu wargeliyay xafiiska Ra’iisul wasaaraha, inkastoo aan si cad loo shaacin, haddana xubno ka tirsan xafiiska wasaaradda qorsheynta ayaa inoo xaqiijiyay. Taasi wey ka duwan tahay tartankii Ra’iisul wasaare Kheyre uu u magacaabay guddi ka kooban 11 xubnood. Magacaabista shaqsiyaadka ee xilalka dowladda, ayaa ku saleysan nidaamka awood qeybsiga Beelaha, laakiin xulashada shaqsiga xilka loo magacaabayo ayaa ku imaan kara aqoon gaar ahaaneed oo loo leeyahay, haddii aan loo tartamin. Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in la qorsheynay in si farsameysan loo magacaabo agaasimayaasha wasaaradaha, waxaana hadda la filayaa in todobaadyada soo socdo la magacaabo afar agaasimayaal haddii aysan wax is badalin. Magacaabidda xilalka agaasimayaasha ayaa gabi ahaanba meesha ka saari doonto hamigii laga lahaa in tartan loo galo xilalka agaasimayaasha wasaaraddaha. Arrinta kale ee meesha ka saareyso tartanka wasaaradaha ayaa ah in shaqsi Si KMG ah loogu magacaabo xilka agaasimaha wasaaradda, kadibna isaga uu kusii shaqeeyo muddo sanado ah xilka loogu dhiibay Sida KMG ah, kadibna isaga la magacaabo. W/D Mohamed Isse Mohamud mcmaxamuud1@gmail.com
  15. Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudne Xasan Cali khayre oo wakiil ka ah madaxweynaha jamhuuriyadda, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa darajada Sarreeye Guuto u xiray Zakiya Xuseen Axmed oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee darajadaas ka gaarta ciidanka Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan dib u dhiska dalka, isaga oo sheegay in waqti dheer ay dadaal ugu jireen horumarinta qarannimada dalka, muhiimna ay tahay in loo qiro, si guusha qarannimada loo xaqiijiyo. “Qaran quulaysanaya ma jiro haddii aan qayb waliba oo bulshada kamid ah xuquuqdeeda la siinin. Haddii gabdhaha Soomaaliyeed ay bulshada ka yihiin boqolkiiba konton oo aan duudsiinno xuquuqdooda, ma dhisi karayno Soomaaliya la tartami karta waddamada deriska ah”, ayuu yiri ra’iisul wasare Xasan Cali Khayre. “Gabar walba oo Soomaaliyeed waxa aan leeyahay haku fekerina in aad noqotaan gabdho garaadda qaata, ee noqda madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaarayaasha soo socda”, ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa raaciyay. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale darajooyin u xiray saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliyeed oo tababarro ku qaatay gudaha iyo dibadda dalka si ay qayb uga qaataan dardar gelinta dadaallada adkaynta amniga dalka. Agoosto 16, 2018 ayaa Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu darajada Sarreeeye Guuto u dallacsiiyay Zakiya Xuseen Axmed una magacaabay taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed, iyada oo noqotay gabadhii ee ugu horreysay ee derejadaas ka gaarta ciidamada ammaanka dalka. PUNTLAND POST The post Darajada S.Guuto Oo Loo Xiray Gabadhii Ugu Horreysay Ee Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  16. Addis Ababa (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaan wali go’aan muuqda ka gaarin khilaafka ka dhextaagan dowladaha Eriterea iyo Jabuuti oo heerkii ugu xumaa gaarsiisan. Dowlada Ethiopia ayaa hamineysa inay dhex dhexaad ka noqoto khilaafka labada dal, isla markaana xal ka dhex abuurta si loogu wada noolado deganaanshi. Ethiopia oo dhawaan sheegtay inay qaadeyso talaabo lagu dhex dhexaadinayo labada dal, ayaa waxaa hadana soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in go’aanka ay ku dhex dhexaadin laheyd ay caqabad ku tahay dowlada Sacuudiga. Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed Bin Salman, ayaa Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ka hortaagan xalinta khilaafka labada dal, waxa uuna ku cadaadinayaa inuu faraha kala baxo Khilaafka Eriterea iyo Jabuuti. Mohammed Bin Salman,ayaa la sheegay in khadka teleefanka uu kula hadlay Ra’isul wasaare Abiy Axmed oo ay ka go’an tahay dhex dhexaadinta labada dal waxa ayna kawada hadleen qaab waliba oo lagu joojin karo dhex dhexaadinta, wallow Abiy Axmed uusan wali qaadan wax go’aan ah. Mohammed Bin Salman, ayaa Siyaasad ahaan la safan dowlada Eriterea oo dhul baaxad weyn iyo maxaabiis ka heysata Jabouti, waxa uuna aad uga soo horjeeda in wadahadalka labadaasi dal ay Jabuuti ku hesho dhulka iyo maxaabiista ay ka heysato Eriterea. Sidoo kale, Dowlada Sacuudiga ayaa arrinta lagu cadaadinaayo Jabuuti kula gol leh is garabtaag ay u muujineyso dowlada Imaaraadka iyo Eriterea oo ka mideysan inaan lala heshiin Jabuuti. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Ethiopia oo culeys weyn kala kulmeysa dowlada Sacuudiga ayan la ogeyn waxa kala gudboon dhex dhexaadinta dowladaha Eriterea iyo Jabuuti, wallow ay muuqaneyso in arrinta dhex dhexaadinta loo soo weeciyay Somalia oo la filaayo inay u kala dabqaado labada Madaxweyne ee Afwerki iyo Geele. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  17. Ethiopia’s prime minister said on Saturday an election due for 2020 would be free and should not be delayed by his sweeping reforms to the African nation’s politics, economy and diplomacy. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dadaal ay Dowlada Somalia ku bixineyso sida ay ula kulmi laheyd Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump. Dowlada ayaa la kulanka Trump u mareysa shirkad laga leeyahay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo (Sonoran Policy Group SPG). Dowlada Somalia ayaa shirkadaasi siin doonta lacag dhan (400,000 Afar boqol oo kun oo dollar) taa oo socon doonta muddo afar bilood ah, sida uu qoraayo heshiiska ay DFS la gashay shirkada. Shirkadan ayaa la xaqiijiyay in bil waliba ay dowlada Somalia ka qaadan doonto Boqol kun oo dollar, sida heshiiska ku cad. Qoraal ay shirkadan u gudbisay dowlada Mareykanka ayaa waxa ay ku sheegtay in dowlada Somali ay ka caawin doonto dhowr qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin sidii loo abaabuli lahaa safar uu Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku tago dalka Mareykanka si uu ula kulmo Donald Trump. Shirkadan waxa ay sidoo kale dowlada Somalia ka caawin doontaa sida Somalia looga qaadi lahaa xayiraada Socdaalka ee Mareykanku saaray muwaadiniinta Soomaalida. Dadaalka ugu xoogan ayaa waxa uu ka socdaa dhanka Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo aan isagu wali la kulmin dhigiisa Mareykanka Trump. Farmaajo oo dhowr jeer isku dayay inuu la kulmo Trump ayaan u suuragalin la kulankiisa, waana sababta ugu weyn ee xiligan Somalia ku khasbeysa in dhaqaale xadigaa la’eg ay ku bixiso la kulanka Trump. Sidoo kale, Dowlada Somalia oo qudheeda u baahan caawinaad ayaa waxaa lagu dhaliilay in dhaqaale intaa la’eg ay ku bixiso aragtida Trump si ay ugala hadasho arrimaha Somalia uga xiran Mareykanka, taa oo loo maraayo shirkada laga leeyahay dalkaasi. Waxaa suuragal ah in dowlada Somalia oo loo qabtay muddo 4 bil inay ku guul dareysato qorshooyinka ay u bixisay dhaqaalaha iyo rajadii laga lahaa la kulanka Trump. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa culeys lixaad leh saareysa inay ka salgaarto heshiiska Shirkada ee ku aadan hirgalinta qodobada Heshiiska. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho-[Puntland Post]-Dowladda Soomaaliya ayaa fariin digniin ah u dirtay ciidamada Booliiska ee dawladda Soomaliya ee caadeystay sida ay hadalka u dhigtay in ay dad-weynaha ka qaadaan lacago sharci darro ah. Taliye ku-xigeen-ka hay’adda danbi-baarista Soomaliya Bashiir Nuur Geedi ayaa sheegay in ay jiraan askar caadeystay in hubka iyo muuqaalka ciidamada ay ku hantadaan bulshada iyaga oo ka qaadanaya lacago aan sharci aheyn. Maalintii shalay ayeey aheyd markii ay dowladdu sheegtay in xirtay 28 ruux oo isugu jira saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed oo lagu edyeye musuqmaasuq. Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliiska Soomaaliyeed ayaa muddo dheer-ba loo jeedinayay eedeymo la xiriira in ay qaataan lacago aan sharci ku dhisneyn, kuwaa oo qaarkood qaadashada lacagaha noocaa ah u dilay qaar ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysata gaadiidka dad-weynaha marka ay isku dayaan in ay ka biyo diidaan bixinta lacagaha baaddda ah. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Taliska Danbi Baarista Soomaliya oo u digay Ciidamada Booliiska appeared first on Puntland Post.
  20. Jigjiga (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed oo la hadlaayay saxaafada dalkiisa ayaa ka hadlay arrimo dhowra oo ku aadan xariga Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Cumar. Abiy Axmed oo arrinta Cabdi Cumar ka hadlaayay ayaa sheegay in dowladiisa ay wado qorsho adag oo talaabo looga qaadi doono Madaxweynihii hore oo ku eedeysan inuu geystay tacadiyo kala duwan. Ra’isul wasaare Abiy Axmed waxa uu tilmaamay in Madaxweynihii hore ee DDSI iyo mamulkiisii hore ay geesteen dhibaatooyin badan, islamarkaana ay dowladda qorsheysay in Cabdi Maxamuud Cumar iyo Kooxdiisa laga qaado tilaabo waxgal ah oo looga samri karo dhibkii dhacay. “Dowladu waxa ay kula xisaabtami doonta waxa danbiyo ah ee uu geestay, wadankaan waxa uu leeyahay sharci isaga ayaana lamarin doonaa” Abiy Axmed, waxa uu tilmaamay in dalka ay ka jirto dowlad isla markaana ay muhiim tahay in cid waliba lagula xisaabtamo waxa uu geysto, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, mar wax laga weyddiyay Abiy Axmed, waxaa laga yeelayo mustaqbalka madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar marka laga soo tago la xisaabtanka ayaa waxa uu sheegay in arrintiisa ay u taallo sharciga iyo caddaalada dalka Ethiopia, balse waxa uu ku goodiyay in Cabdi cumar uu dhadhamin doono ciqaabta waxa uu geystay. Nuqul kamid ahaa hadalkiisa ayaa ahaa “Waxaan ka war sugaynaa wixii caddaaladda ay ka tiraahdo iyo waxa uu mudan doono Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiinti dhibaatada gaystay” Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili Dowladda Ethiopia ay horraantii Bishaan xoog xilka uga qaaday Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana la sheegay in uu xabsi guri ku yahay Magaalada Addis Ababa. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  21. Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta dalka Itoobiya ka howlgasha ayaa ka hadlay arimo dhowr ah. Abiy ayaa ka hadlay arimo ay kamid tahay ururadii ay Itoobiyo la heshiisay iyo hub ka dhigistooda, afka sharciga ah ee looga hadli doono Itoobiya waxa laga yeelayo Madaxweynihii hore ee DDSI iyo caafimaad daro la sheegay in ay la soo daristay. Ugu horeyn Abiy oo ka hadlay waxa laga yeelayo ururada ay Dowlada Itoobiya heshiiska la gashay oo ay ONLF kamid tahay ayaa sheegay in hubka laga dhigo doono hay’ad qaas ahna loo sameeyn doono. Dhinaca kale waxa uu ka hadlay luuqada dalka looga hadli doono isaga oo sheegay in luuqadaha maxaliga ah muhiimad la siin doono si loo dhiiragaliyo jiilalka cusub. Arinta ugu xasaasisan ee wariyaashu ay wax ka weeydiiyeen Ra’iisul wasaare Abiy ayaa aheyd waxa laga yeelayo Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo ku xiran xabsi ku yaala Addis Ababa ayaa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar tilaabo laga qaadi doono isaga iyo maamulkii la shaqeeynayay. ” Waxaan ka war sugaynaa wixii caddaaladda ay ka tiraahdo iyo waxa uu mudan doono Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiinti dhibaatada gaystay” Isaga oo sii hadlayo ayuu ku hanjabay in Cabdi Maxamuud Cumar iyo maamulkiisa ay tilaabo laga qaadi doono inkastoo aanu sheegin nooca ay noqoneyso tilabadaasi “Tallaabo ayaa laga qaadayaa Cabdi Maxamuud Cumar iyo asxaabtiisa” ayuu yiri Ra’iisu lwasaare Abiy. Ugu dambeyntii Abiy ayaa wax laga weydiiyay wararka sheegaya in caabuq dhanka wadnaha ah uu soo wajahay Ra’iisul wasaaraha waxaana uu arintaasi ka yiri “Aniga maba ihi dadka isticmaala daawooyinka mana soo gato dawo, waxaan aaminsanahay jimicsi iyo isboorti” Itoobiya ayaa gashay marxalad cusub tan iyo markii Dr Abiy Ahmed uu noqday Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Abiy Ahmed “Tallaabo ayaa laga qaadayaa Cabdi Maxamuud Cumar iyo asxaabtiisa” appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee Cadaaladda iyo Dastuurka Somalia Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir oo ku sugan magaalada London ayaa ka hadlay suuragalnimada in Somalia 2020 ay ka dhacdo doorasho nin iyo codkii. Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir, oo ka qeybqaadanayay barnaamijka Martida iyo Makarafoonka ee Idaacada VOA, ayaa sheegay inay muhiim tahay in Somalia ay hesho doorasho xor ah oo ka duwan kuwii hore. Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir, waxa uu tilmaamay in arrinku uusan aheyn suuragal iyo suuragal la’aan waxa uuna sheegay in qabsoomid la’aanta doorashada 2020 ee nin iyo codkii wax laga weydiin doono dowlada Somalia oo ballanqaday inay qaban doonto. Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir, oo wax laga weydiiyay in doorashadaasi ay dhici karto xiligaan ayaa waxa uu yiri “Anigu mala gaari karaa iyo mala gaari karo maaha waxa ay u taala dadka mas’uuliyiinta ah ee uu waajibka saran yahay, waxaa waajibka ah in la gaaro waana la balanqaaday” “Haddii la gaari wayo doorasho nin iyo codkii iyo cidii ka gaabisaa waxaa lagala xisaabtami doonaa cida mas’uuliyadaasi leh” Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir, waxa uu sheegay in dib u dhac ku imaadaa doorashada nin iyo codkiisa ay kula xisaabtami doonaan dowlada Somalia oo uu sheegay inay ballanqaday qabashada doorashada noocaasi ah. Sidoo kale, Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir, ayaa sheegay in Somalia ay u baahan tahay isbedelo dhanka doorashada ah, waxa uuna aad usoo dhaweeyay xisbiyada loo mari lahaa hanaanka doorasho ee nin iyo codkii oo la diiwaan galiyay. Docda kale, Xildhibaanka waxa uu arrin laga wanaagsan yahay ku sheegay in dowlada Somalia ee hadda jirta ay ka dhabeyn weyso qabashada nooca doorasho oo ay ballanqaaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in xalay uu dab ka kacay xarun lagu keydiyo shidaalka. Dabkaan ayaa ka kacay xarunta shidaalka ee Puntland Petrolium oo ku dhow xarunta ciidamada Badda Puntland ee magacooda loo soo gaabiyo PSF. Dabka oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu ka dhashay ayaa haddana goob-joogayaashu waxa ay sheegeen in dabka uu sameynayay qarax foostooyinka shidaalka ah. Durba waxaa goobtaasi gaaray gaadiidka dabdamiska kuwaasi oo xalay saqdii dhexe damiyay dabkaasi kacay. Inta dabka uu socday dadka ku dhaqan xaafadaha u dhow halka dabka uu ka kacay ayaa cabsi ka muujinayay in dabka uu fido. Ilaa iyo iminka si rasmi ah looma shaacin inta uu la egyahay khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay dabkaasi xalay kacay walina ganacsatadii laheyd xarunta gubatay kama warbixin khasaaraha halkaasi ka dhashay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Dab xoogan oo ka kacay kaalin shidaal Bosaso appeared first on Puntland Post.
  24. Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa u ambabaxay safar uu ku tagayo magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka kaas oo la filayo in uu kulan laqaato Madaxweynaha dalkaasi Mr Trump sida uu daabacay wargeyska the Star ee kasoo baxa Kenya. Kulankan oo lafilayo in uu dhaxmaro labada masuul ayaa ka dhici doono aqalka cad ee looga taliyo dalkaasi 27 bishan August. Madaxweyne Uhura Kenyata waxaa garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta kusa gootiyay Madaxweyne ku-xigeenka dalkaasi William Ruto iyo hogaamiyaha ciidamadda difaaaca Kenya Mr Samson Mwathethe. Dhanka kale kulankaan dhaxmari doono Uhura Kenyatta iyo Donald Trump ayaa lafilayaa in ay kawada hadlaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidii dhamaan gobolka looga ciribtiri lahaa iyo howlgalka ciidamada midowga Africa AMISOM ee nabad ilaalina u jooga Soomaaliya. Xariirka soo jireenka ah ee udhaxeya labadaasi dal ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay aad uwanagsanaa iyadoona xariirka dhanka ganacsiga iyo xaalada nabad galyo ee dalalka dariska ah lafilayo in ay kawada hadlaan gaar ahan dalalka South Sudan,iyo Somalia. Mrs Monica Juma xogyaha wasaarada arimaha dibada Kenya iyo Mike Pomeo xoghayaha arimaha dibada Mareykanka ayaa waxaa ay khamiistii aynu kasoo gudubnay ay ku kulmeen Mareykanka kuwaa oo gogol xaar unoqonaya kulankan lafilayo in ay wada yeeshaan labadaasi hogaamiye. PUNTLAND POST The post Trump iyo Uhuru oo ka wada hadlaya arimaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.