-
Content Count
206,434 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Deputy Chief Justice Philomena Mwilu abused office for personal gain and received a bribe, Director of Public Prosecutions Noordin Haji has said. Source: Hiiraan Online
-
Many things happened to Somalia and to Somalis over the years and there is not room enough in this article to cover even only the most interesting of them. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa Baraha Bulshada aad looga hadal hayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta oo loo Magacabay nin ku magac ah Cabdikariin Qalbi Dhagax oo ka tirsan ONLF. Shaqsiga uu Madaxweynaha DDSI u magacaabay Taliyaha ciidamada Asluubta ayaa magacyada ugu horeeya ka shabaha Qalbi Dhagax, waxa ayna taasi abuurtay hadal heyn ku baahday baraha bulshada. Afhayeenka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan ka qayb aheyn Maamulka Mustafa Cagjar. Hirmooge, waxa uu sheegay in Taliyaha Ciidamada Asluubta ay magaca wadaagaan Qalbi Dhagax balse aanu aheyn. Waxa uu tilmaamay in maamulka hadda jira ay wada galeen heshiis, balse aanu aheyn mid ay wax ku raadinayeen. Waxa uu intaa ku daray in ONLF aysan ka qeybgali doonin maamulka KMG ah ee lagu dhisay marxalada adag, hase yeeshee ay ciladu tahay magaca oo isku eg. Taliyaha Ciidamada Asluubta ee uu magacaabay Madaxweynaha DDSI ayaa waxaa lagu magacaabaa Korneel CabdiKariin Sheekh Muuse. Haddalka ONLF ayaa imaanaya xili baraha bulshada uu qabsaday magaca Qalbi Dhagax iyo hambalyo wada socda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafa Cumar Muxumed ayaa soo magacaabay qaar kamid ah taliyeyaasha laamaha ammaanka iyo xukummadda. Mustafa cumar ayaa sheegay in sababta uu soo magaacaabay jagooyinkan ay tahay baahida badan ee loo qabo adeegyada dhanka ammniga iyo xafiiska maamulka Dowlad deegaanka. Taliyeyaasha Liyu booliska. Maxamed Cabdi Mawsar waxaa loo magacaabay taliyaha guud ee ciidammada Liyu booliska. Cabdi Xasan Muuse- Ku-xigeenka taliyaha Liyu booliska. Bashiir Aw Xasan-Madaxa howlgalka Liyu booliska. Mukhtaar Sheikh Xusen Amiin-Madaxa adeega Liyu booliska. Jarmali Muxumed- Madaxa sirddoonka Liyu booliska. Taliyeyaasha booliska caadiga. Janaraal Maxamed Xasan Cali(Maxamed Yare)- Taliyaha booliska. Maxamed Cabdi Gurey- Ku-xigeenka booliska. Cabdiakariim Sheikh Muuse oo ahaan jiray sarkaal ka tirsaan Liyu booliska-waxaa loo magacaabay madaxa ciidammada asluubta. Jagooyinka dhanka maamulka Madax xafiiskeeda xafiiska maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa loo magacaabay KhadarJigree Aadaan, oo ah ganacsade ka yimid dalka Mareykanka. Duqa magaalada Jigjiga waxaa loo magacaabay Garaad Cumar Dool Xirsi. Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafa Cumar Muxumed ayaa maalinkii xilka loo dhaarinyay qabsaday in muddo toddobo maalmood gudahooda uu kusoo dhisi doono xukumadda maamulka. ISHA BBC
-
Somalis in Ethiopia's eastern region have welcomed the arrest Monday of their former leader, Abdi Mohammed Omar. The former strongman is accused of stoking deadly ethnic clashes in the Somali region, Ethiopia's second largest. Somalis hope his removal will usher in a new era of accountability and a new relationship with Addis Ababa. Source: Hiiraan Online
-
Taking a bank card to a cash machine in Beirut, Syrian widow Manar Al Sayer taps in a PIN and withdraws a few Lebanese pounds. Source: Hiiraan Online
-
Somalia has joined the China-proposed Belt and Road Initiative, aiming at boosting cooperation and communication with participating nations. Source: Hiiraan Online
-
Afgooye (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidamada Xoogga qeybta 14 octobar ee DFS ayaa sheegay inay Toogasho ku dileen Horjooge Ajnabadi ahaa oo ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiisha ayaa sheegay in Horjoogahan ay ku dileen howlgal ka dhacay Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaah hoose. Horjoogaha la dilay ayaa la tilmaamay in qeyb muhiima uu ka ahaa maleeshiyada Al-Shabaab qeybta Gobolka. Horjoogaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Sheekh Abdinaasir Asarbajaan oo u dhashay wadanka Ruushka. Horjoogahan ayaa la sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab uu kaga soo biiray dhanka kooxda xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yaman kuwaa oo aad uga soo horjeeda maamulka Yemen. Jeneral Cumar dheere, Taliyaha qeybta 12April ee ciidanka xoogga dalka oo u waramaayay Idaacada CXD ayaa sheegay in Horjoogahaasi ay ku dileen howlgal saacado qaatay oo ka dhacay Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaah hoose. Taliyaha qeybta 12April ee ciidanka xoogga dalka waxa uu sidoo kale, sheegay in isla weerarka ay ku dileen maleeshiyaad kale oo ka garab dagaalamaayay Horjoogaha. Si kastaba ha ahaatee, Ciidamada xooga oo howlgalo joogta ah kawada Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa siyaabo kala duwan u dilay Horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale oo ka tirsanaa Shabaab isla markaana u dhashay dalka. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
-
Shaqaalaha waaxda kormeerka iyo qiimaynta ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland oo safar shaqo oo aqoon kororsi ah u jooga Dalka Kenya ayaa maanta ka qayb galay shir heer sare ah siyaasadda Qiimaynta iyo kormeerka dalka Kenya. Shirkaan oo qayb ka ah shirar kala duwan oo aqoon isweydaarsi ah isla markaana socon doona muddo labo wiig ah ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay siyaasadda Qorshaynta iyo Kormeerka dalka Kenya oo qabyo qoraal ah iyadoona ay kasoo qayb galeen xubno ka socdey dawladda, Ganacsatada, Bulshada rayidka ahiyo masuuliyiin ka kala socdey waddamada Soomaaliya iyo Ghana. Masuuliyiintii iyo Shaqaalihii ka socdey Wasaaradda Qorshaynta Puntland gaar ahaan Waaxdeeda Qorshaynta iyo Kormeerka ayaa oo iyagana kasoo qayb galay shirka ayaa qorshohoodu ahaa sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen dhiggooda dalkaasi Kenya. Dawladda Puntland ayaa xoogga saaraysa sidii loo tayayn lahaa dhammaan xarumaha dawladda iyo sidoo kale in kor loogu qaado tayada shaqaalaha ka shaqeeya xarumaha dawladda si ay bulshada u hesho adeegyo wanaagsan. The post Wasaaradda Qorshaynta Puntland kulamo muhim ah la qaadatay dhiggeeda Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Somalis in Ethiopia's eastern region have welcomed the arrest Monday of their former leader, Abdi Mohammed Omar. Source: Hiiraan Online
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Xasuuq ay Oromada u geysteen dad Soomaali ah oo ay ku jiraan Haween da’ ah. Soomaalidan oo gaareysa Toban ayaa waxaa lagu xasuuqay degaanka Tuli-Guuleed oo ay weerar ku soo qaadeen ciidamada Oromada la keenay Jigjiga. Meydadka dadkaani oo qaarkood aan la muuq aqoonsan Karin ayaa waxaa maanta la geeyay Isbitaalka weyn ee Jigjiga, si dadkoodii ay halkaa uga raadsadan meydadkooda. Magacyada Meydadka dadka la dilay qaarkood ayaa ahaa: 1-Ismaaciil Maxamed Cali 2-Cabdi Salaan Maxamed Maxamuud 3-Xasan Cabdi Ducaale 4-Cabdullaahi Yuusuf 5-Cabdi Nuur Muuse 6-Axmed Maxamed Nuur 7-Cabduqaadir Maxamed Xaaji Meydadka oo u badan haween ayaa walli yaala Isbitaalka waxa ayna eheladoodii ay diideen in aas loo sameeyo, iyadoo aan meel lagu hubsan kiiska xasuuqooda. Dowlada Ethiopia ayaa ku guul dareysatay xakameynta colaadaha u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada oo gaartay heer uu sii kordho dhiiga. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Heavy fighting broke out between police soldiers and armed militias in Baladweyne town, some 335km north of Somali capital Mogadishu. The clash flared up late on Tuesday after armed militias launched an ambush attack on police station in the town, triggering fierce battle, a witness said. He told Caasimada Online that the mob of angered militias attempted to revenge a rickshaw driver, who was killed by police soldier in the town. He says the heavy bursts of gun shots was still heard through the town as the attackers wanted the killer (soldier) to be handed over to avenge him There were no bussineses and public transportions in the town due to the ongoing fighting. It is too early to say the exact figure of the casualty as the gun battle is still continuing in Baladweyne town. Baladweyne, an agricultral town some 335km north of Somali capital Mogadishu is under control of country’s army forces and Djibouti troops with African Union peacekeeping force in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta isaga guuray garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho oo muddo toddoba sano ah u ahaa saldhig, waxaana maanta booqday garoonkaan dadweyne aad u fara badan. Dadweynihii maanta booqday garoonka ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo ay ku muujinayaan inay ku faraxsan yihiin ka bixitaanka garoonka ee ciidanka AMISOM, iyagoo rajo ka muujiyay in garoonkaas dib loogu billaabo cayaaraha kubadda cagta iyo cayaaraha kale ee fudud. Madaxweynaha Somalia Farmaajo ayaa shalay booqday, isagoo sheegay inay dowladda Somalia dadaal u geli doonto sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa garoonka, si uu mar kale u shaqeeyo. Ciidamadii ugu dambeeyay ee AMISOM ayaa saakay ka baxay garoonkaas, markaasoo ay gudaha u galeen dadweyne fara badan, waxaana halkaas kula hadlya mas’uuliyiin kala duwan oo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin inay ciidamadii AMISOM ka baxen garoonkaas. Sidoo kale, Wasiiradda dhalilnyarada iyo cayaaraha Somalia, Khadiijo Maxamed Diiriye oo garoonka ka hadashay ayaa waxay sheegtay inay aad ugu faraxsan yihiin in garoonka uu kusoo wareego gacanta Dowladda Somalia, isla markaana dib u dhis lagu sameynayo. “Xukuumadda Somalia waxay diyaar u tahay dayactirka garoonka, bilicdiisa iyo dhismahiisa, goor-dhow waa la hawl billaabayaa, kulligeen aad ayaanu ugu faraxsannahay, icidanka booliska Somalia ayaa la wareegaya si loo sugo amniga garoonka,” ayay yiri Khadiijo Diiriye. Dhanka kale, Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa waxaa la dhisay sannadkii 1978-kii, waxaana dhistay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, iyadoo garoonkan uu ahaa xilligaas midka ugu weyn Qaaradda Afrika oo dhan. Balse, intii burburka lagu jiray ayaa waxaa waddamo ka mid ah Qaaradda waxay dhisteen garoomo ka waaweyn midka Somalia ee maanta ay sida rasmiga ah u banneeyeen ciidamada AMISOM. Iyadoo Garoonka uu haatan yahay midka shanaad ee ugu weyn Qaaradda Afrika oo dhan. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay qayb ka noqonaysaa qorshayaan ay dowladda Somalia ku doonayso in ciidamada AMISOM ay uga baxaan gabi ahaan goobaha muhiimka ah ee Muqdisho, si ay u bixiyaan adeegyadii loogu qaban jiray shacabka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Ciidamada AMISOM oo ka Guuray Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa markii ugu horeysay muddo 7 sanno ah shacabka magaalada Muqdisho loo fasaxay in ay gudaha u galaan garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho iyo xaafadda ciyaaraha Muqdisho. Garoonka ayaa waxaa saakay amnigiisa la wareegay ciidamada booliiska Soomaaliyeed, kadib markii ay ugu dambeyn ka guureen ciidamada nabad illaalinta Afrika ee AMISOM. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalin ka hor si rasmi ah AMISOM ugala wareegay garoonka, iyada oo saakay la arkayay gaadiidka xamuulka ciidanka oo raraya agabkii askarta AMISOM. Kooxaha muusikada ee booliiska ayaa tumayay baambayda, iyada oo shacab tiro badan ay isku soo uruuriyeen garoonka oo ay dhir badan iyo caws ka baxeen, waxayna shacabka markiiba bilaabeen hawl iskaa wax u qabso ah oo ay ku nadiifinayaan garoonka. Wasiirka dhalinyarada Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa warbaahinta dowladda u sheegtay “Dowlada waxay diyaar u tahay dayactirkiisa, bilicdiisa iyo dhismahiisa, goordhow waa la howl bilaabayaa, kuligeen waan bishaareysaneynaa, Ciidanka Booliska Jamhuuriyada ayaa la wareegaya si loo sugo amnigiisa iyo Nadaafadiisa”. Taariikhda Garoonka Garoonka oo dad badan ku tilmaamaan in uu yahay ‘jowharta astaanta u ah nabadda” ayaa waxaa la dhisay sanadkii 1878-dii, waxaana dhisay injineero shiinees ah, iyada oo maalgalinta ay lahayd dowladda Shiinaha oo markaas bah wadaag la ahayd dowladdii hanti wadaagga ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Garoonka waxa uu ka tirsanyahay waxa loo yaqaano xaafadda ciyaaraha oo ka kooban garoomo dhawr ah oo is dhinac yaala, kuwaas oo loogu talogalay in lagu qabto ciyaaraha kala duwan. Waxaa ka dhisan garoonka dabaasha, kan kubbadda kolayga, kan miiska, iyo xitaa qeybo loogu talogalay ujeedooyin kale. Garoonka kubbadda cagta waxa uu markiiba qaadi kara wax ka badan 40 kun oo qof markiiba. Waxa uu lahaa dhammaan tasiilaadkii garoon loogu talogalay sida leerarka waaweyn ee suurtogalin kara in habeenkii lagu ciyaaro, qeybta gaar ah ee ay madaxda fariistaan, qolalkii labista ee ciyaartooyda, albaabadii waaweynaa ee ay dadka kasoo galayeen, xafiisyadii shatiyada ciyaaraha laga jaranayay. Sidaas oo ay tahay ayaa waxa uu leeyahay xeebdaab kore oo aad uga fog, islamarkaasna leh ganjeelooyin laga soo garo iyo darbi ku wareegsan. Hase yeeshee hadda waxyaabihii oo dhan waa burbureen intooda badan, xitaa birtii goolka ayaad sawirka ka arki kartaan sida ay u bolashay. Waxaanan sidoo kale oolin tusihii weynaa ee tirsiga ciyaaraha lagu soo bandhigi jiray. Hadda hawsha ugu horeysa waa in laga jaraa geedaha iyo cawska ka baxay, balse waxaa hubanti ah in garoonka u baahanyahay dayactir balaaran, iyada oo xitaa lagama maarmaan ay noqon doonto in ay injineero hubiyaan in dhismaha meelaha qaar garoonka uu ku habboonyahay in bini’aadam ay isticmaalaan iyo in kale. Muqdisho iyo Magool Inkasta oo ciyaaraha gobolada iyo kuwa caalamiga ah, gaar ahaan kuwa qaramada ee saaxiibtinimada lagu qaban jirey garoonka Istadium Muqdisho, haddane waxa uu garoonka caan ku ahaa in lagu qabto isu soo baxyada siyaasadeed, iyada oo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre uu khudbadaha ka jeedin jiray. Waxaase aad loo xusuustaa sanadkii 1987-dii bandhig faneedkii weynaa ee Muqdisho iyo Magool oo ay kasoo qeybgaleen 45 kun oo qof dad lagu qiyaasay. Fanaanadii Xaliimo Khaliif Magool ayaa garoonka ka heestay, waxayna ka mid tahay waxyaabaha aan weli dadka xusuustooda ka harin. Khudbaddii xigtay ee madaxweyne waxa ay ahayd sanadkii 2000, xilligaas oo madaxweynihii markaas Jabuuti lagu soo doortay Cabdiqaasim Salaad Xassan uu kumanaan qof ah kula hadlay garoonka, wuxuuna ka mid ahaa isu imaatanadii taariikhda galay ee ugu badnaa ee shacab ku muujiyeen dareenkooda farxadeed. Afar sano kadib, sanadkii 2004-tii, Ra’isulwasaarihii markaas cusbaa Cali Maxamed Geeddi ayaa garoonka ku qabtay isu soo bax balaaran oo lagu taageerayay, balse duqeymo lala eegtay ayay dadna ku dhinteen, kuwa kalena ku dhaawacmeen. Saldhig Ciidan Inta badan garoonka waxa uu saldhig u ahaa ciidamo kale duwan oo dalka siyaabo kala duwan u yimid, markii koowaad sanadihii sagaashamaadkii waxa uu garoonka saldhig u noqday ciidamadii nabad illaalinta Qaramada Midoobay, gaar ahaan kuwii ka socday dalka Pakistan. Ciidamada Itoobiya markii ay Muqdisho galeen ayay halkan ayay saldhig ka dhigteen, waxaa kale oo meesha xarun tabobar ciidanka ah ka dhigtay ururka Alshabaab. Sanadii 2011-kii ayay ciidamadda AMISOM fariisin ka dhigteen garoonka oo leh gidaaro waaweyn oo gabbaad u noqon kara cid kasta oo gudaha u gasha. Dib usoo kabashada Ciyaaraha Sanadihii dhawaa waxaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka ka hano qaaday ciyaaraha kubbadda cagta iyo kuwa kale, waxaana xitaa la qabtay ciyaaraha gobolada dalka oo sanadkiiba mar la qabto. Waxaa in badan cabasho laga qabay goobihii ciyaaraha oo qaarkood burburay, qaarkoodna ciidanka ay dageen. Garoonka kaliya ee ciyaaraha lagu qabanayay ayaa ahaa kan Koonis ama Banadir Stadium, kaas oo aad uga yar kan Muqdisho ee maanta dib loo furey. Cabdinaasir Saxansoxo BBC Somali, Nairobi
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir-guddomiyay kulan Muqdisho lagu qabtay oo looga hadlay dhaqaalaha dalka kaas oo ka qayb galeen xubna ka socda hay’ado caalami iyo dawladaha ay Soomaaliya bah-wadaagta yihiin. kulanka ayaa ajandayaashiisa ugu waawayn waxaa kamid ahaa dardar-galinta qorshaha samaynta lacagta cusub ee shilin Soomaaliga ah, waxaana dhammaan dhinacyadii kasoo qayb galay kulanka ay isla garteen in dawladihii iyo hay’adihii ballan qaaday in ay dawladda ka taageerayaan dhaqaalaha lagu daabacayo lacagta oo dhan $41 milyan ay si dhaqsa ah u bixiyaan, maadaama ay Soomaaliya soo buuxisay shuruudihii laga doonayay si lacag loogu daabaco. “Waxaa nalaku xiray shuruudo badan si lacagta cusub ee Soomaaliya loo soo daabaco, waana soo buuxinnay. Waxaa haray uun in dalkeenna lacagtiisii soo noqoto, waxa ayna u baahantahay lacag lagu daabaco laguna maamulo oo dhan $41 Milyan. Lacagtaas dawladdu ma bixin karto oo dawlado iyo hay’ado ayaa ballan qaaday in ay ku taageerayaan maadaama shuruudihii aan soo buuxinnay,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliyan, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka war bixiyay kulanka. Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa caddeeyay in la qaban doono kulan kale oo ballaaran kaas oo looga hadlayo gebagabaynta qorshaha daabacaadda lacagta cusub, kadibna la hawl gelinayo shirkaddii lacagta daabici lahayd. Ugu dambeyn, Qorshaha daabacaadda lacagta cusub ee Soomaaliya ah oo socday waqti dheer, shuruuda bandanna lagu xirnay ayaa qayb ka ah hannaanka dib u habaynta dhaqaalaha dalka iyo dardar-gelinta Barnaamijka xukuummadda. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo Shir-guddoomiyay kulan looga hadlay Shilin Soomaaliga cusub appeared first on Puntland Post.
-
Cadaado (PP) ─ Tababarkan oo socday muddo afar maalin ah oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka XFS iyo wasaaradda dastuurka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug oo lagu baranayay waxbarashada madaniga ah ee dastuurka ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Cadaaado ee ee dowlad goboleedka Galmudug. Ujeeddada tabarkan ayaa ahayd in dadka loo tababaro waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadweynaha ay sii gaarsiiyaan dadka ku nool deeganada Galmudug iyaga oo kaashanaya wasaradda arrimaha dastuurka iyo dib-u-heshiisiinta Galmudug. Tababarkan waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 70 qof oo ka kala yimid bulshada rayidka ah iyo shaqaalaha wasaaradaha dowlad goboleedka Galmudug waxaa lagu baranayay casharro ka hadlaya waxbarsahada madaniga ah iyo wacyigalinta dadweyanaha ee arrimaha dastuurka, waxaana dadka ka soo qayb galay ay ka doodeen mowduucyo ay ka mid yihiin tallaabooyinka ugu haboon ee loo mari karo fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadweynaha ee deegaanada hoos yimaada Galmudug iyo sida loo wajihi karo caqabadaha lala kulmi karo inta lagu guda jiro fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadwaynaha. Waxaa kulanka xiritaanka ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka Galmudug mudane Zakarie Mohamed Ahmed waxa uuna ku booriyay dadka ka faa’iidaystay tababrkan in ay sii gaarsiiyaan waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta bulshada ee arrimaha dastuurka dadka kunool deegaanada iyo tuulooyinka hoos yimaada Galmudug si loo helo bulsho aqoon u leh dastuurkooda. Dhanka kale, agaasimaha wacyigalinta ee wasaaradda arrimaha dastuurka XFS mudane Abdikani Ali Adan oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaarmay dadka qaatay tababarka in ay u sii gudbiyaan risaalada loo dhiibay dadka kale ee aan fursadda u helin in ay tababrkaan qaataan. Sidoo kake, agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda Dastuurka XFS Mohamed Bashiir Omar oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu qorshayaasheeda ay ka mid tahay in la gaaro dhammaan dadka Soomaaliyeed si loogu wacyi galiyo arrimaha dastuurka. Waxaa kulanka si rasmi ah u soo xiray wasiirka dastuurka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug Mudane, Maxamed Colaad isagoo ku dhiiragaliyay ka soo qaybgalayaasha in ay doorkooda ka qaataan sidii loogu wacyigalin lahaa bulshada Galmudug ka qaybgalka Dib-u-Eegista Dastuurka. Ugu dambeyn, Dadkii kasoo Qayb-galay tababarka ayaa la gudoonsiiyay shahaadooyin ka tarjumaya in ay qaaateen tababarka waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadwaynaha. PUNTLAND POST The post Degmada Cadaado oo lagu soo gaba-gabeeyay kulan looga hadlay dib u eegista Dastuurka appeared first on Puntland Post.
-
South Sudan rebel chief Riek Machar on Tuesday refused to sign a final peace deal with the government that aims to end a brutal civil war, a Sudanese mediator said. Source: Hiiraan Online
-
Sawirro: Meydadka Soomaali badan oo lageeyay Jigjiga & Banaanbax weyn oo socda Waxaa goordhow magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka DDS ka bilowday Banaanbaxyo waa weyn oo ay dhigayaan dadka deegaanka. Banaanbaxa oo aad u xoogan ayaa waxa uu ka socda waddooyinka magaalada iyadoo uu banaanbaxa yimid ka dib markii lasoo bandhigay meydka in ka badan 15 qof oo Soomaali hor leh. Meydadka oo cusub ayaa isugu jira Haween, Caruur iyo Dad waayeel Soomaaliyeed ah oo lagu laayay degaanka Tuli-Guuleed oo ay weerar kusoo qaaden ciidamada Oromada la keenay jigjiga. Dadka Meydadkooda lasoo bandhigay ayaa waxaa intooda badan xabad looga dhuftay Madaxa iyo wadnaha, halka qaar la aqoonsan la’ yahay wajigooda. Banaanbaxyada xoogooda ayaa ka socda gudaha magaalada Jigjiga iyo Barxada Isbitaalka weyn waxa ayna dadkaasi yihiin kuwo ku qeylinaayo sharciga. Sidoo kale, waxaa banaanbaxyada socda ka hortagooda ku guul dareystay ciidamada Booliska iyo kuwa Milateriga Ethiopia waxa ayna dadku ahaayen kuwo xitaa eryanaayay ciidamada. Qaran News
-
MOGADISHU (Caasimada Online)- Somalia’s especial forces known as Danab (Lightning) Advanced Infantry Battalion in the country have compeleted training course offered by US Soldiers with the 10th Mountain Division, based out of Ft. Drum, New York. Lt. Chris Smith says it was the second year U.S. soldiers provided logistics training and equipment to Somali army forces in the capital of Mogadishu. This training was aimed to assist building the logistics network of the country’s army forces. He says “the training was a multi-faceted logistics course focused on beginner level logistics, we also talked about things like waste management all the way to pulling security”. Smith added its forces tailored future exercises and in-depth training to what Somali Especial Forces “Danab” wanted to work on. He also attributed how close his team and the Somali soldiers worked together to speed up war on Al Qaeda linked Al Shabaab. The U.S. provides training to the Danab battalion and provides logistical equipment, such as forklifts, tractors and fuel trucks, totaling roughly $6.5 million of heavy equipment. The U.S.-lead training builds off of the ground work laid back in May 2017, when the 101st Airborne Division conducted the inaugural iteration of the course. During the 2017 training, the course graduated 60 Danab soldiers as logistics specialists. This year, the course had 31 soldiers, but the length has more than tripled from four to 14 weeks, with a more intimate class size to dive deeper into the specific skill sets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo dagaal qaraaran oo u dhexeeya ciidamada Booliska iyo Rag ku hubeysan hubka fudud. Dagaalka oo aad u xoogan ayaa waxa uu si gaara uga socdaa Saldhiga Baladweyne waxaana lasoo sheegayaa in halkaa ay weerar ku qaaden Rag hubeysan oo ku heeb ah darawal Mooto Bajaaj oo shalay la toogtay. Ragga weerarka ku qaaday Saldhiga ayaa doonaya in loo gacan galsho Askarigii dilay wiilkooda Marxuumka bajaajka waday, kaa oo kamid ahaa ciidamada Saldhiga. Ragga weerarka ku qaaday Saldhiga oo la socday gaadiid kala duwan ayaa qaarkood gudaha u galay Saldhiga sida aan xogta ku heleyno, halka qaarna ay ka dagaalamayaan banaanka Saldhiga. Goobjoogayaal ku sugan agagaarka Saldhiga ayaa soo warinaaya in rasaas xooggan ay ka dhaceyso Saldhiga taa oo kusii faaftay qeybo kamid ah Magalada Baladweyne. Sidoo kale, Dagaalka socda aawgii waxaa xiran inta badan goobaha Ganacsi waxaana wali socda rasaas xoogan oo laga maqlaayo jihooyin kala duwan. Ma cadda sida uu xaalka noqon doono waxaana magaalda ka socda dadaalo lagu doonaayo in lagu hakiyo dagaalka socda. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka DDS ka bilowday Banaanbaxyo waa weyn oo ay dhigayaan dadka deegaanka. Banaanbaxa oo aad u xoogan ayaa waxa uu ka socda waddooyinka magaalada iyadoo uu banaanbaxa yimid ka dib markii lasoo bandhigay meydka in ka badan 15 qof oo Soomaali hor leh. Meydadka oo cusub ayaa isugu jira Haween, Caruur iyo Dad waayeel Soomaaliyeed ah oo lagu laayay degaanka Tuli-Guuleed oo ay weerar kusoo qaaden ciidamada Oromada la keenay jigjiga. Dadka Meydadkooda lasoo bandhigay ayaa waxaa intooda badan xabad looga dhuftay Madaxa iyo wadnaha, halka qaar la aqoonsan la’ yahay wajigooda. Banaanbaxyada xoogooda ayaa ka socda gudaha magaalada Jigjiga iyo Barxada Isbitaalka weyn waxa ayna dadkaasi yihiin kuwo ku qeylinaayo sharciga. Sidoo kale, waxaa banaanbaxyada socda ka hortagooda ku guul dareystay ciidamada Booliska iyo kuwa Milateriga Ethiopia waxa ayna dadku ahaayen kuwo xitaa eryanaayay ciidamada.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta garoonka Stadio Muqdisho ee Degmada Warta Nabadda ka guuray ciidamada AMISOM qeybtii ugu danbeysay. Bixitaanka ciidamada kadib ayaa waxaa Garoonka Stadio Muqdisho gudaha u galay kumanaan shacab ah kuwaa oo ku damaashadaya garoonka. Dadka gudaha u galay Garoonka ayaa waxa ay isugu jiraan rag, dumar, carruur iyo dad waaweyn oo halkaa ku soo dhaweynaya tallaabada Ciidamada AMISOM ay kaga guureen. Banaanbax nabadeed oo soo dhaweyn ah ayaa halkaasi ka socda,waxaana halkaasi ku qulqulaaya gaadiid farabadan oo ay wataan dad shacab ah. Sidoo kale, Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliska Somalia ayaa ku sugan Garoonka Stadio Muqdisho, halkaa oo ay sugayaan amaankeeda. Ciidamada AMISOM ayaa garoonka ka baxay 9-sano kadib waxa ayna ka dhigan tahay tallaabo wanaagsan oo ay ku dadaashay dowladda Federalka Somaliya. Sawiro laga soo qaaday dadka isugu tagay garoonka ayaa muujinaya iyaga oo ku dabaaldegaya qeybaha kala duwan ee garoonka, maadaama baaxadiisa ay weyn tahay.