-
Content Count
206,444 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Masuuliyiinta Falastiin ayaa si adag u cambaareeyey go’aanka uu Maraykanku ku joojiyey caawimaadii uu siin jirey Hay’adda qaramada Midoobey ee caawisa qaxootiga reer Falastiin ee Bariga dhexe, waxayna ku tilmaameen cadaawad aad u xun oo loo muujiyey shacabka baahan ee Faslastiiniyiinta. Hadalka masuuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa yimi kadib markii Dawlada Maraykanku maalinkii shalay ee jimcaha ahayd si rasmiya u shaacisay inay joojinayso dhaqaalihii ay ku bixin jirtey hay’adda Qaramada midoobey ee caawisa qaxootiga Falastiin taas oo magaceeda loo soo gaabiyo-UNRWA- Maamulka Trump oo ah saaxiib weyn oo ay Israiil leedahay ayaa si aada uga carooday sida ay masuuliyiinta reer Falastiin uga falceliyeen go’aankoodii ahaa in safaarada Maraykanka ee Israiil loo raro magaalada barakaysan ee ay Yuhuudu ka haysato Falastiin ee lagu magacaabo Qudus. Arintan ayaa sidoo kale kusoo aadaysa asbuuc kadib markii isla Maraykanku shaaciyey inay jaraayaan 200 oo milyan oo Doolar oo ahaa gar-gaar dhaqaale oo ay ku taageeri lahaayeen Falastiiniyiinta. Hay’adda caawisa Qaxootiga reer Falastiin waxay Qaramada midoobey asaastay 1949, kadib markii 700,000 oo falastiiniyiina si qasaba ay uga barakaceen guryahoodii xiligaas oo u socdey dhismaha Maamulka Israaiil, Waxayna hada caawisaa illaa shan malyan oo Falastiniyiin ah oo ku nool daanta galbeed, marinka Qasa iyo sidoo kale Jordan, Lubnaan iyo Suuriya. Dabayaaqadii Bishii June ayey Qaramada midoobey weydisatay Dawladaha xubnaha ka ah inay buuxiyaan caawimaadii muhiimka ahayd ee uu jaray Maraykanku. PUNTLAND POST The post Markaykan oo joojiyey caawimaadii Hay’adda Qaramada Midoobey ee qaxootiga Falastiin appeared first on Puntland Post.
-
Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujiyey fanaanka noqday siyaasiga saamaynta badan Bobi wine oo ka baxaaya garoonka diyaaradaha ee lagu magacaaboo Entebe Dalka Uganda kadib markii ay shalay Dawladu ka hor istaagtey inuu wadanka ka baxo si uu caafimaad uga raadsado Dalka dibadiisa. Muuqaalkan oo soconaayey 23-ilbiriqsi ayaa muujinaaya Bobi wine oo ku soconaaya gawaarida curyaamada oo u socda halka ay ka ka baxaan dadka garoonka ka dhoofaaya. Ururka udooda xaquuqda aadamaha Uganda ayaa sidoo kale xaqiijey in Bobi wine uu ka baxay Dalka dibadiisa si loogu soo daaweeyo meel ka baxsan Wadanka. Fiidnimadii khamiista ayaa loo diidey Bobi wine inuu ka dhoofo garoonka Entebi iyadoo loo cuskaday inay hor istaageyso damiinka lagu siidaayey. Siyaasigan ayaa si adag loo jirdiley kahor inta aan xabsiga loo taxaabin dhamaadkii bishii hore, Xaaskiisa ayaa sheegtay in shalay mar kale la jirdiley markii laga celiyey garoonka diyaaradaha. Mudaharaadyo waaweyn ayaa mar kale ka bilowday magaalada Kampala, markii la joojiyey socdaalka Bobi wine waxaana arinta xildhibaankan si adag uga hadlay hogaamiyaha mucaaradka Uganda Kizza Besigye. Bobi Wine waa fanaan hore, wuxuu kamid noqday Baarlamaanka Uganda, wuxuuna noqday siyaasi mucaarada oo laf dhuun gashay ku noqday Madaxweynaha mudada dheer Yuweri Museveni. PUNTLAND POST The post Fanaanka siyaasiga ee reer Uganda Bobi wine oo caafimaad u aadey Dalka dibadiisa appeared first on Puntland Post.
-
Nabaddoon Maxamed Xassan Ismaaciil oo kamid ah nabadoonnada gobolka Nugaal ayaa si adag u dhaliilay,wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland oo uu ku eedeeyay in ay curyaamisay maamulkii degmada Buurtinle. Nabadoonka oo ka hadlayay,munaasabad jimcii shalay lagu qabtay Buurtinle, ayaa sheegay in wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ay burburisay maamulkii Buurtinle,sidoo kalena ay hor taagantahay qabsoomidda kal-fadhiga Golaha Degaanka degmadaasi. “Degmadu maamul maleh,waa in maamul loo sameeyaa,waa in koonsalka loo furaa,talada annagaa leh,wasaaraddu nama af-duubi karo.Waxaan idin leenahay maamul haloo sameeyo degmada. Run aan isu sheegno niman good-gooddinayan maqlayey”,ayuu yiri nabaddoonku. Dhinaca kale nabaddoonku wuxuu sheegay in curyaaminta ay wasaaraddu ku hayso degmada Buurtinle uu wax ka ogyahay maamulka gobolka Nugaal,maadaama sida uu hadalka u dhigay ay wasaaradda iyo gobolku ka midaysan yihiin in aysan maamul shaqeynaya yeelan degmada Buurtinle. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Nabaddoon si kulul u eedeeyay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa ku dhawaaqay in isbedel degdeg ah lagu sameyn doono Garsoorka iminka ka shaqeeya dalka. Gudoomiye Baashe, waxa uu sheegay in Garsoorka hadda ka jira dalka uu yahay mid ku shaqeeya nidaamyo ka duwan kan saxda ah. Baashe oo ka hadlaayay isbedelka la doonaayo in lagu sameynaayo Garsoorka ayaa sheegay inay muhiim tahay in lagu sameeyo sixitaan si loogu adeego shacabka. Waxa uu tilmaamay in dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira mid walba uu ku shaqeeyo Garsoor isaga uu sameysatay taasina ay halis ku tahay dalka. Dowladda Somalia ayuu sheegay inay rajo weyn ka qabto in ay la timaado isbedel dhinaca Garsoorka dalka ah, isagoo sheegay in mudada uu heyn doono xilka uu sameyn doono isbedel dhab ah. Sidoo kale, Baashe waxa uu ku dhawaaqay in isbedelka Garsoorka uu noqon doono mid farxad galiya shacabka loogu adeegi doono Garsoorka. Si kastaba ha ahaatee, Baashe ayaa carab ***** in haatan la wado qorsho ah mideynta Garsoorka dalka, iyadoo hal Garsoor uu ka dhaqan gali doono dalka oo idil. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Khilaafka Galmudug oo la sheegay in si buuxda loo xallinayo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweyne ku xigeenka maamulk goboleedka Galmudug,Maxamed Xaashi Cabdi(Carrabeey) ayaa sheegay in si kama dambays ah loo xallinayo khilaafka ragaadiyay maamulka ee u dhexeeya madaxda sare Galmudug. Mudane. Carrabeey wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal iyo wakhti badan gelisay,xallinta khilaafka madaxda Galmudug,islamarkaana dhowaan si buuxda loo dhamayn doono khilaafkaasi. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho horeyna loogu eedeeyay in ay dabada ka riixayso xukuumadda Soomaaliya,waxa uu hadda xaqiijiyay in khilaafka madaxda Galmudug heshiis rasmi ah looga gudbayo,inkastoo uusan wakhti cayiman sheegin. Khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee Galmudug ayaa sida la sheegay ka dhashay,hannaanka loo maray midaynta Ahlu-sunna iyo Galmudug,taasi oo ay aad ugu kala fogaadeen,madaxweyne Xaaf oo dhinac ah iyo madaxweyn ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamanka oo dhinac ah. PUNTLAND POST The post Khilaafka Galmudug oo la sheegay in si buuxda loo xallinayo appeared first on Puntland Post. -
Baydhabo (Caasimada Online)-Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa markii ugu horeysay soo saaray digniin ka dhan ah Musharaxiinta la tartameysa Hoggaamiyaha maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan. Digniinta oo kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Booliska maamulka Koonfur Galbeed Jeneral Mahad C/raxmaan Aadan ayaa waxaa lagu mamnuucay in Musharaxiinta ay sameystan ciidamo u gaar ah. Taliyaha waxa uu sheegay inay mamnuuc tahay in Musharaxiinta tartameysa ay sameystaan ciidan u gaar ah, iyaga oo aan ku soo wargelin Taliska Booliska. Wuxuu sheegay ciidamada Booliska Koonfur Galbeed in ay wadan dadaal ku aadan sidii loo xoojin lahaa amniga, sidaasi darteedna looga baahanyahay musharaxiinta inay ka shaqeeyaan nabadda, islamarkaana aanan loo baahneyn in qof walba uu uruursado ciidan u abaabulan hab beeleed. Sidoo kale, Taliyaha Booliska General Mahad ayaa qoraalka kasoo baxay Xafiiskiisa ku sheegay inay diyaar yihiin inay ilaaliyaan musharaxiinta, islamarkaana siiyaan ciidan Boolis ah oo u gaar ah. Wuxuu tilmaamay marba hadii ay dhisan yihiin ciidan dowladeed inaanan loo baahneyn ciidan beeleed, si isku dhac uusan u imaan. Haddalka iyo qoraalka Taliyaha Booliska ayaa imaanaya xili maamulka Koonfur Galbeed la filaayo in 17-ka bisha November ee sanadkan ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay saaka hawlgallo culus ka samaynayaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Hawlgalladan ayaa daba socda dagaallo halkaasi xalay ku dhexmaray malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya,sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada. Sidoo kale dadka degaanka ayaa soo sheegay in saaka ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya ay hawlgallo baaritaan ah ka wadaan xaafadaha kala duwan ee degmadaasi,islamarkaana ay guryaha ka baarayan dad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab. Dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar saddex jiho ah ku qaaday degmadaasi,waxaana la sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay,inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in weerarka ay uga dhinteen laba askari oo keliyah,halka saddex kalena kaga dhaawacantay,balse ay Al-shabaab khasaare xooggan gaarsiiyeen,sida ay hadalka u dhigeen. Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhankiisa sheegay in magaalada Afgooye laga sifayn doono malayshiyaadka ka tirsan Al-shabaab ee shacabka ku milmay,si aanay mar dambe u dhicin weerarro kale oo ay degmada ku soo qaadan. PUNTLAND POST The post Hawlgallo culus oo Afgooye ka socda appeared first on Puntland Post.
-
PARIS/BAGHDAD (Reuters) - Iran has given ballistic missiles to Shi’ite proxies in Iraq and is developing the capacity to build more there to deter attacks on its interests in the Middle East and to give it the means to hit regional foes, Iranian, Iraqi and Western sources said. Source: Hiiraan Online
-
The state-run Yunus Emre Institute is hosting East African-American Muslim students who are mostly Somali-Americans and NGO representatives from Minnesota, in Turkey in a bid to promote Muslim and Turkish culture and cultural diversity in the country Source: Hiiraan Online
-
Security has been fully restored in Mandera, the county commissioner Olaka Kutswa has said. Source: Hiiraan Online
-
Britain has called on the international community to do more to help the African Union mission in Somalia (AMISOM) lead the fight against al-Shabab as Mogadishu takes on greater responsibility for its own security. Source: Hiiraan Online
-
Senior Communist Party of China (CPC) official Zhao Leji Friday met with Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed who will attend the 2018 Beijing Summit of the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC). Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Abuukar Islow Ducaale hadda waa Wasiirka Amniga ee Dowladda Soomaaliya, shaqsiyan maahan nin amni, waana ganacsade ku fiicnaan lahaa in loo xilsaaro arrimaha ganacsiga iyo hormarinta, sidoo kalana waa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Guuxa siyaasadda wuxuu sheegayaa in Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu doonayo in Maxamed Abuukar Islow laga dhigo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, balse Isloow ayaa la rumeysan yahay inuu ka caga jiidayo xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir. baaritaaan ayaa lagu aaday bababta Wasiir Isloow uu kaga caga-jiidayo booskaas duqa magaalada oo ka muhiimsan midka uu hadda joogo, Islow waa xildhibaan hadii uu doorto xilka duqa magaalada wuxuu weyn doonaa kursigiisa xildhibaanimo mana hubo inuu waqti dheer ku nagaan doono jagada Gudoomiyaha gobolka Banaadir taasoo isha lagu wada hayo, waana sababta loo badinaayo inuu uga caga jiidayo qabashada xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir. Waxaa maalmahii lasoo dhaafay isi soo tarayay wararka sheegaya inuu isbadal ka dhici doono maamulka Gobolka Banaadir oo uu meesha ka bixi doono Eng. Yariisow, Isloow wuxuu ka mid yahay dadka aadka loogu saadaalinaayo iney badali doonaan Yariisow, lamana hubo inuu aqbali doono inuu halmar lumiyo wasiirnimadiisa iyo xildhibanimadiisa si uu u noqdo duqa magaalada. Dadka shaqsiyadiisa yaqaanna waxey sheegaan inuu yahay siyaasi nabadoon ah oo Farmaajo iyo Kheyre ka xigsan kara culeyska beesha Mudullood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook, weerar culus ku qaaday wasiirka dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, oo uu sidoo kale ugu yeeray naaneys aan horey loo maqal ama loo aqoon oo ah Il-duubte. Hoos ka aqis qoraalka Fiqi. Mid ka mid ah wasiirada shaqo la’aantu heyso ee mid ka mid ah wasaaradaha dalka ugu muhiimsan xilkooda hadda haaya waa Xoosh Jibriil (il-duubte) ayaa si xun u soo xigtey asagoo soo jarjarey hadal ku saabsanaa musuqmaasuqa oo aan horey u iri! Musuqmaasuq waqti uu xalaal yahey marnaba ma jirto, welina ololihii musuqmaasuq la dirirka ee aan ku jirey halkiisii ayaan ka sii wadayaa, musuqmaasuqii aan waagaas ka hadlayey mid ka xun oo ka badan ayaa hadda xukuumadda uu wasiirka ka yahey Xoosh ka dhex socda, balse Xoosh wuxuu ka duubtey indhihii oo umaba jeedo, wuxuu ka doorbidey in uu khubdooyinkeygii jarjaro asaga iyo kooxaha naflacaariga ah ee dacaayaddu hubkooda siyaasadeed uu yahayn ay ku faafiyaan boggiisa iyo bogag kale oo baraha bulshada ah. Xoosh sanadkii 2012-kii dastuurka dalka wareeriyey oo mijaha iyo madaxa dawladnimadii iyo hey’adaheedii isaga xirey waa ninkii ka mas’uulka ahaa ee u gacan geliyey dad ajnabi ah iyo Mahiga oo markaas xafiiska qaramada midoobey joogay, mana jiro musuqmaasuq ka weyn midkaas oo dalkaan ka dhici lahaa, waxaa ayaandarro ah in ninkaasi uu weli mas’uul ka yahay dastuurkii dalka oo lagu abaalmariyey dhibaatadii uu dalka u geystay, asagoo ay wada shaqeyn la’yihiin guddiyadii madaxa banaanaa ee dastuurka iyo dawlad goboleedyadii.. Waxaa xusid mudan in Xoosh oo aqoon sharci loogu xuley wasaaradda dastuurka ay noo sheegeen dadkii yaqaaney in shatigii qareenimada dalka Kanada lagala noqdey, mas’uuliyad-daro xirafadda qareenimada ku saabsan oo uu ku kacey awgeed, welina anshax xumadii ayuu asagoo wasiir sheeganaya ka muuqata, waxaana kula talin lahaa in uu ka waantoobo dacaayadaha raqiiska ah iyo ciyaal iska dhigidda, ilaaliyana mas’uuliyadda iyo xilka uu umadda u haayo.
-
Janaayo 2012, waxaa carcar Suuriya uga socda kacaankii sannadkii ka horeeyay ka dillaacay magaalada Darca, oo ku baahay gobollo badan. Madaxweyne Bashar Al Assad, oo ay xaaladda ku adag tahay, waxay saxaafadda adduunka sheegaysaa in xaaskiisa iyo qoyskiisa ay London u qaxeen, asagana carar yahay. Warbaahinta adduunka waxay xiriiro la sammeynayaan inta ay is leeyihiin waa indheer garad Suuriyaan ah. Haytham Maalix, waagaas waa 81 jir, ahaa abukaate, garsoore sarre maxkamad soo maray, muddo ka soo horjeeday reer Assad, dagaal uu u galay dhowridda xuquuqul insaanka, ku dhaqanka sharciga, joojinta cabburinta mucaaradka, iyo caddaaladda. Illaa yaraantiisa xabsi buu u galay halgankiisa, asagoo da’ ah xitaa laga ma harin, xabsi ayaa loo taxaabay 2009, asagoo sannado xirnaa. Khabiirkaas dunnida oo dhan ay abaal marino siisay, waxaa waraystay Wargeyska Daily Telegraph ee UK, wuxuu sheegay wax adduunka ka yaabiyay: “ Assad iyo qoyskiisa waa in loo dilaa sidii Qadaafi, qof nabad istaahila ma aha”. Prof. Barbara F Walter, oo madax ka ah kulliyadda daraasaadka sarre ee Jaamacadda California, ahna khabiir ku takhasustay Bariga Dhexe, ayaa ayadoo soo xiganaysa wuxuu Haitham sheegay talo ku siiyay dowladda Maraykanka, “Carab fikirka iska- daba wareega (Cyclical Thinking) ma joojinanayaan waa dhaqankooda, hadduu shaydaan Assad baxo, shaydaan Haitham ayaa imaanaya, aqoon walba ha heeshee xuquuq ku tumasho, diktarooriyad, halkeeda ayay ka socon doontaa, ee shaydaanka aan hadda fahamnay, ayaa dhaamma shaydaan cusub, dhaqanka bulshadeedkaa qof ruxa, bulshada ka weeciya, geesinimo ayay rabtaa si lagu helo ma sahalana”. Sida ay Walter sheegtay si la mid ah, qof ruxa hab dhaqanka Soomaalida guud ahaan waxay ahayd muhiim. Jannaayo 2014, marka la doortay Prof Cabdiweli Gaas, PhD dhaqaale, wax ka bartay jaamacadaha adduunka ugu sarreeya, cilmi ay u dheerey RW-nimo, siyaasadda Xamar ka soo billaabay oo og baahiyaha dalka, dad badan baa ka filayay in uu jebiyo “cyclical thinking” ka dhex jira hoggaanka siyaasadda bulshada Puntland ee mararka qaarkood caqliga, damiirka waddaniyad iyo cilmigaba khilaafsan. Puntland-tidii Faroole, waxay sammeystay dastuur u muuqda in dal Jamhuuriyaddaba ka weyn ay tahay, wararka xanafta ee Faroole ka bixi jiray, ee lagu duri jiray dowladda dhexe, wuxuu sumeyn jiray kummanaan shacab ah, oo afkaaro kale u baahnaa. Joogsi ma lahayn inta jeer ee uu Itoobiya garabsan jiray, kala fogeyn jiray Soomaaliya, inta jeer ee uu xiriirka dowladda dhexe u jari jiray, inte jeer ee na lama tashan uu dhihi jiray. Puntland-tii Faroole ma ahayn maamul ay Soomaaliya ka maqan tahay, oo dhisme uga baahan, waxay ahayd maamul ay Soomaaliya wax uga maqan yihiin, oo soo dhacsasho ay muhiim u tahay ka hor inta aysan dad kale iska dhisan. Prof Gaas, laba waddo ayaa u furneyd: 1) In uu ku hoggaamiyo Puntland siyaasad geesinimo, rogta dhaqan siyaasadeedka ka jiray, sare-na u qaado, gaarsiisana heerkiisa aqoonneed, iyo ilbaxnimo, si dalka intiisa kalena ay Puntland hormuud ugu noqoto, Puntland-na ay qeyb uga noqoto baadi-goobka Soomaaliyada maqan. 2)- In uu raaco aragtida caamada guud ee ah wax soo dhacsasho iyo raaciddii siyaasaddiisa “na lama tashan”. Labadaan waddo wuu ku wareeray muddo. Heer waxay gaartay in aqoonyahankii murtida badnaa, uu markuu hadlayo u ekaado “qof doqon ah, dhoohanae aan waxba garan” sababtu waxay tahay, kuma raaxaysannayo waxa ay duruufta ku kalifeyso inuu ku hadlo iyo u ololeynta gobol ka mid ah Soomaaliya, iyo sammeynta wax dannaha dalka ka soo horjeeda. Wuxuu galay “fikriyeed asaga u gaar ah”, sida Faroole ugu ma raaxaysan karayn waxa hor yaalla ka hadalkooda. Ugu dambeyn wuxuu go’aansaday waddada dambe. Wuxuu keennay afkaar cilmiga iyo caqligaba ka fog, wuxuu ku kacay falal derajadiisa ka hooseya: 1- In degmo maamul (ma aha degmo doorasho) lagu xulo baaralamaankii Farmaajo doortay. 2- In halkii Faroole uu ka ambaqaado xiriirkii dowladaha 3- Qeyb ka noqday dagaal dhiig ku daatay, oo ka dhacay Tukaraq, Gaalkacyo 4- In uu ku diidannaa maamulka Galmudug in uu yahay mid gobol iyo bar ah oo aan dartuuri ahayn, balse aqoonsaday maamulka Bakool Sare. 5- In uu xiriir toos ah la yeesho dowladdo shisheeye sida Imaaraatka ayadoo ay dowladdii dhexe ay go’aan dhexdhexaadnimo qaadatay, “Soomaaliya Muqdisho ma aha”. 6- Unkidda Gole maamul goboleed, oo dowladda dhexe culeys saara asagoo Kismaayo ka sheegay in “dowladda Muqdisho ay ka taliso 10% dalka”. Afkaarta Soomaalida ragaadisay, ama miyi ayay ka timid, ama colaadahaa keennay, ama keli-taliskii. Sidoo kale waxaa keena warbaahin wacyi qaldan dhista, ama abwaan asagoo marqaarsan heeso alifa. Afkaarahaas cilmiga ka soo horjeeda, ee ruxidda iyo suulinta u baahan waxay ka jiraan gobol walba, balse Puntland waa gobolka keliya ee helay qof heerkaas cilmiyeed gaarsiisan. Waa culeys in feker bulshadeed kaa fac weyn lala dagaalo. Dadka afkaaraha bulshada “cyclical thinking” ruxa, ee waddo cusub oo aysan ka fekerin u jeexa, waxay helaan maqaam gaar ah. December 5, 2013 markii uu Nelson Mandela geeriyooday, warbaahinta Africa iyo Carabtaba, waxay aad uga hadlayeen xurriyadda uu u keennay dadkiisa, hase ahaatee warbaahinta reer Galbeedka waxay aad ugu amaanneen geesinimadiisa ku aaddaneyd in uu ka hor tagay in bulshadii la gumeystay ay ka aarsadaan kuwii gumeystay, dalka dagaal sokeeye ka badbaadiyay. Bulshada dembi ma laha oo qaarkood afkaarahaas ayagoo aan ogeyn ayay maxbuus u yihiin. Henry Ford, aasaasihii shirkadda baabuurta ee Ford, ayaa mar la weydiiyay in uu shacabka weydiiyay waxa ay rabaan ka hor inta uusan baabuurkii ugu horeeyay soo saarin, wuxuu ku jawaabay, “haddaad waagaas dadka weydiin lahaa gaadiid noocee rabtaan, waxay I dhihi lahaayeen faras orod badan”. Prof. Gaas, inta ka fileysay in uu ergo qaran ka noqdo Puntland “cyclical thinking”ka jirayna jebiyo, waa ku hungoobeen, inta ka filaysay in uu xaq jir Puntland noqdana, wuu ka soo daahay, in ku filan kama helin. Ma ogi inuu wax beddeli lahaa haddii mar labaad la doorto! W/Q: Hassan Adam Hosow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Isaga oo dhinaca taagan warshad sameysa atoomika oo qarsoodi ah, ayaa ra’iisul wasaaraha Isreal Benjamin Netanyahu waxa uu ku hanjabay inuu dunida ka masaxi doono dalal uu ku sheegay inay yihiin cadowga Israel. Khudbadda Netnayahu oo dad badan ay u arkeen inay jebisay aamusnaantii Israel ee hubkeeda Nuclear-ka, ayaa hoggaamiyaha Likud waxa uu ku sheegay in dalkiisu haysto awood uu ku burburiyo cadowgiisa. “Kuwa ku hanjabay inay dunida naga masaxi doonaan waxay ayagana wajahayaan khatartaas oo kale, marnaba kuma guuleysan donaan hadafooda” ayuu yiri Netanyahu oo ku sugnaa magaalada saxaraha ah ee Dimona. Magaaladan ayaa waxaa mudd la tuhunsanaa inay tahay halka lagu dhisay hubka nuclear-ka Israel. Iran ayaa ka jawaabatay hanjabadda Netanyahu oo ay ugu yeereen nin dagaalka quuta, waxaana hadalkiisa ay u arkeen hanjabaad ayaga ku socota ay ugu yeereen ceeb. “Iran oo ah dal aan haysan hub nuclear ayaa waxaa inuu hub nuclear ku masaxayo ugu hanjabayt nin dagaal ooge ah, isaga oo ag taagan warshad nuclear” waxaa sidaas twitter soo dhigay wasiirka arrimaha dibedda Iran Javad Zarif. Iran, a country without nuclear weapons, is threatened with atomic annihilation by a warmonger standing next to an actual nuclear weapons factory. Beyond shameless in the gall. pic.twitter.com/MBoFac8Bvv — Javad Zarif (@JZarif) August 29, 2018 Israel ayaa la rumeysan yahay inay tahay dalka kaliya ee ku yaalla Bariga Dhexe ee haysta hub nuclear.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia ayaa wada qorsho la sheegay in looga hortagaayo dib u dhac ku imaada doorashada Somalia ee 2021. Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo dhawaan sheegay in madaxda dowlada Somalia ay wadaan dadaal lagu doonayo wakhti kororsi, ayaa wada baadi-goobka Xildhibaano kala shaqeeya in dowlada Somalia ay wakhtigeeda qabato doorashada. Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble, ayaa Xildhibaanada ku guubaabinaaya inay u dhaga taagan qorshooyinka ay dowlada Somalia ku dooneyso muddo kororsi waxa uuna ku baaqayaa in xili hore laga gaashanto. Illo ku dhow dhow Xildhibaanka ayaa sheegay in Cosoble uu wado sameynta Koox Xildhibaano ah oo ka hortaga in laga dib dhaco xiliga doorashada, waxa uuna ololahoodu yahay in doorashada la qabto xiligeeda. Xildhibaano hordhac ah oo arrintaasi uu kala hadlay ayaa soo dhaweeyay kuwaa oo iyaguna dhankooda ka sheegay inay xaaran tahay in madaxda dowlada ay ka baxaan balanta xiliga doorashada. Sidoo kale, Xildhibaanada mucaaradka ayaa iyaguna qaba tuhunka ku aadan in dowlada Somalia aysan u diyaarsaneyn qabashada doorasho nin iyo codkii. Si kastaba ha ahaatee, madaxda dowlada ayaa dhowr jeer ku celcelshay in doorashada Somalia ay qabsoomi doonto xiliga loogu tallo galay isla markaana ay noqon doonto nin iyo codkii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha DDSI Mustafe Muxumad Cumar (Mustaf Cagjar), ayaa sheegay in maamulkiisa uusan gacan ka geysan doonin arrimaha la xiriira xariga mas’uuliyiinta maamulkii hore. Mustaf Cagjar, waxa uu sheegay in go’aanka xariga iyo deysmada Cabdi Cumar iyo xubnaha kale uu yahay mid khuseysa dowlada Ethiopia. Mustaf Cagjar, waxa uu tilmaamay in maamulkiisa uusan ogeyn halka lagu xiray Cabdi Cumar iyo xubnahaasi sidoo kale uusan waxba ka khuseyn arrinta mas’uuliyiintaasi. “Arrinta madaxweynihii hore iyo xubnaha la xiran waa mid khuseysa dowlada Ethiopia anagu waxba nagama khuseeya waayo halkii lagu xiray Cabdi Cumar anagu ma aanan ogeyn” “Dowlada Ethiopia ayaa leh go’aan ka gaarista xariga iyo deysmada mas’uuliyiintaasi waxaanu shaqo ku leenahay inaanu u hagar baxno shacabka aan madaxda u nahay wax kale nama khuseeyo” Sidoo kale, Mustaf Cagjar, ayaa sheegay in kiiska maxbuusiinta uu yahay mid aysan daba kicin, waxa uuna sabab ka dhigay ineysan hayn xaqiiq muujin karta inaanu waxba ka jirin danbiyada lagu hayo shaqsiyaadkas” Haddalka Mustaf Cagjar, ayaa u muuqda mid uu maamulka uga bari yeelayo kiiska xariga Cabdi Cumar iyo xubnaha kale ee u xiran dowlada Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa walaac gaara ka muujiyay faragalin uu sheegay inay ku heyso dowlada Somalia. Shariif Xasan oo kulan la qaatay qaar kamid ah waxgaradka maamulka ayaa sheegay in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay faragalin toosa ku heyso doorashada maamulka waxa uuna carab ***** inay garab boodeyso musharaxiin dhowr ah. Shariif Xasan waxa uu waxgaradka u sheegay in mowqifka maamulkiisa uu yahay in laga hortago faragalinta dowlada, waxa uuna cadeeyay in ka maamul ahaan aysan ka raali noqon doonin in doorashada maamulka ay farabadato. Dowlada Somalia oo ka duuleysa cabashada musharaxiinta qaar ayaa Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uga digtay in ololaha iyo dhaqdhaqaaqa doorasho uu isku koobo. Dowladu waxa ay Shariif Xasan uga digtay hal arrin oo ku aadan inuu cuuryaamiyo ololaha musharaxiinta kula tartameysa doorashada. Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa koobay ololaha musharaxiinta la tartameysa waxa uuna si ku talo gala u mamnuucay in munaasabado ololo doorasho lagu dhigto gudaha magaalada. Dhinaca kale, musharaxiinta qaarkood ayaa iminka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho sababo la xiriira amni darro kaga imaada dhanka maamulka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
HORDHAC/GOGOL-DHIG Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi aqristoow, danjireyaasha/safiirada Soomaaliya dunida ukala fadhiya, waxeey matalaan dalkeena iyo dadkeena Soomaaliyeed. Waxaa waajibkoodu yahay, ineey danaha dalkeena Soomaaliyeed waxkasta kahormariyaan. Waxaa muhiim ah in lawada ogaado, in Safiirkastee Soomaaliyeed, uu dalkeena Soomaaliya ku matalikaro dalkale mudo 4-sano ah oo kaliya. Hadiise looga maarmiwaayo, waxaa loogu kordhinkaraa mudo 4-sanoo dheeri ah, taasoo ugu badnaan mudada uu Safiir Soomaaliyeed, hal dal kumatalikaro Soomaaliya kadhigeeysa 8-sano. Sidaa waa sida sharciga dalka uyaalla ah.Waana dhaqan caalamka oo dhami kuwada dhaqmo. SAFIIRADEE AYAA 8-SANO KABADAN HAL DAL WALI ISKASII FADHIYA? Waa xaqiiq in Soomaaliya marka qof safiir loomagacaabayo iyo inuu siijoogaba, loofiiriyo waxyaabo badan. Ha ahaato saaxiibtinimo, isku kooxnimo, qaraabonimo, xigto & xigaalonimo, iyo “Mararka qaarna” isku dheelitirka nidaamka qabyaaladeed ee lamagacbaxay: Afar iyo bar (4.5). Waxaan garanayaa nin safiirnimo lagu abaalmariyey, maadaama uu darawal khaas ah u ahaa, mid kamid ah Janannadii ugu awooda badnaa ee dalkeena soomara! Waxaa sidoo kale jira safiiro mudo aad udheeroo 8-sano kabadan, hal dal iska fadhiya. Qaarbaa hal dal Soomaliya uga ah danjire, lagasoo bilaabo xiligii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, oo xukunka dalka lawareeyagy 21-kii bishii Oktoobar 1969-kii illaa iyo maantadan lataagan yahay! Waa mudo laga joogo 49-sano! Hadii xitaa eey xilkaa qabteen 1991-dii, waxeey noqoneeysaa mudo laga joogo 27-sano! Waloow eey aad ubadan yihiin, hadana tusaale ahaan waxaa ka mid ah: Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kuweeyt: Danjire Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kuweeyt Danjire C/qaadir Amiin Sheekh C/qaadir Amiin Sheekh, iyo danjiraha Soomaaliya ufadhiya dalka Suuriya/Syria: Danjire Maxamuud Muuse taareey.Waxaa usiidheer in Safaarada Suuriya tahay, Safaarada kaliya ee labo wadadhalatay “Kala dumaashay!”, iyadoo labadali kariwaayey, dagaalada Suuriya inta eeysan bilaaban kahor. Waxaa sidoo kale jira qaar safiiro hal dal inooga ah, lagasoo billaabo xilligii madaxweyne C/llahi Yuusuf Axmed, oo madaxweynaha dalka noqday 14-kii bishii Oktoobar 2004-tii, oo ah mudo laga joogo 14-sano. Waloow eey iyagana badanyihiin, hadana tusaale ahaan waxaa ka mid ah: Safiirada Soomaaliya ee dalka India: Marwo Ebyan Maxamed Saalax (Ladane), iyo qaarkaloo badanoo safiiro hal dal inooga ah lagasoo billaabo xilligii madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo madaxweynaha dalka noqday 31-kii bishii Janaayo 2009-kii, oo ah mudo laga joofo 9-sano. Dabcan liiska danjirayaashaa oo dhameystiran, waxaa laga helayaa wasaarada arimaha dibada Soomaaliya.Wax kaqabasho degdeg ah, ayey arintani uga baahan tahay xukuumada maanta jirta. Danjiraha Soomaaliya ee dalka Syria Maxamuud Muuse taareey Dhanka kale; sababaha danjireyaashaa ujoogaan dalalkaa shisheeye mudadaa dheer, weey kala duwan tahay. Qaar iyagaa markastoo madax cusub ladoorto, iskala hadla, iyagoo cidkastoo eey arintaa ula kaashankaraana usiikaxeeysta, kadibna waxeey kudadaalaan, ineeysan warbaahinta kasoo dhexmuuqan, si eeysan unoqon kuwo indhuhu qabtaanoo lasoo xasuusto.Tusaale ahaan waxeey kafogaadaan qabashadaha dabaaldagyada heerka qaran, sida: Koowda Luulyo. Waxeey ka cararaan ka qeybgalka xafladaha Soomalida, gaar ahaan kuwa ardeyda ee lagu sawiri karo…. IWM. Safiirka Soomaaliya ee dalka India Ebyan Maxamed Saalax Ladane Waxaan garanayaa safiir mudo dheer dal shisheeye danjire inooga ahaa, oo dhowr jeer safiiro cusuboo lagu badali lahaa, markeey utageen hoteellada eey dageen usoo dhaafiwaayeen, oo dowladii dalkii uu inoomatalayey inta kudiray, iyagoo baxsad ah, isagasoo cararay. Ugu dambeyn si aan mardambaba cid lagubadaloba loogusoo dirin, ayaa wuxuu go’aansaday inuu wasaarada arimaha dibada Soomaaliya kanoqdo, xog-hayaha joogtada ah, si uu xilkiisa safiirnimo halkaa uga waardiyeeysto, xilkoo rasmi ahoo mushaar rasmi ah uu dowlada uga qaatana kudarsado kiisii safiirnimo, kadib markii uu ugasoo tagay siikala hagida safaarada kuxigeenkiisii. Safaaradii uu safiirka inooga ahaana, wuxuu tagijiray ookaliya, xiliyada uu fasaxa qaato. Bal isweeydii sida arintaa kudhicikarto? Waxaase jira kuwo la isku dayey in labadalo, balse dowladihii kumeel-gaarka ahaa, iyo xitaa qaar ka mid ah dowladihii ina soomaray markii kumeel-gaarnimada lagabaxay, badali kariwaayeen. Danjire Maxamed Axmed Nuur (Tarsan), oo hore u ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahaana duqa magaalada Muqdisho, dhawaanahanna ahaa lataliye saree xafiiska Madaxweynaha ee dhinaca arrimaha siyaasadda, ayaa mar uu jaaliyada Puntland ee Minnesota lakulmayey, wuxuu afka kudhuftey, danjireyaasha Soomaaliya ukalafadhiya dalalka Kuweyd iyo Sucuudiga, inkastoo kan Sucuudiga goor dambe lagu badalay danjire: Daahir Maxamuud Geelle, oo hada ah wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya. Danjire Tarzan wuxuu khudbadaa kusheegay, in dalalkaa carbeed ee safiiradaa Soomaliya umatalayeen, eey diideenba in labadalo! Iyagoo ku andacoonaya, ineey iyaga bixiyaan waxkastoo kharashaad ah, oo kubaxa safaaradahaa iyo shaqaalaheedaba, sidaa daraadeedna aan labadali karin, hadii labadalayana, looga baahan yahay dowlada Soomaalida ineey labaxdo, waxkastoo kharashaad ah, oo kubaxaya Safaarada iyo shaqaalaheeda intaba.Wuxuu danjire Tarzan siiraaciyey in safiiradaa, iyo kuwa la midka ahba, eeysan Soomaaliya meesha ujoogine, dalalkaa qarashaadkooda labaxa uyihiin jawaasiis mushaar qaata, dadka eey matalaana kaganacsada, dukumiintiyada dowladana suuqa-madoow kuqata. Wuxuu sidoo kale afka ku dhuftay, in la iskaga magacaabijiray danjirayaal wadamo aan safaarad, guri-safaaradeed, ama gaari toona laheyn, sida dalka Senegal ookale, oo sida uu sheegay, la isaga magacaabay “Nin saaxiibkiis ah”. Safiirkaa ma aheyn mid hal maalinna dalkaa loomagacaabay ee Senagal kashaqeeyey inkastoo ciwaankaa (title-kaa) uu qaatay kufaano meelkasta. Safiirkaa Soomaaliya umagacoowdey dalka Senegal, xiligii MD Sh.Shariif wuxuu ahaa: Maxamed Xuseen Awliyo. Fadlan Video-ga khudbadiisa halkan kadaawo, laga bilaabo daqiiqada 22:58 illaa daqiiqada 24:03. Daqiiqadahaa ayuu arimahaa oo dhan uga wada hadlayaa. Mahadsanidiin. Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor). Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University. abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.
-
Waddanka Singapore waa dal ku tilmaaman maamul wanaag iyo musuqmaasuq yari. Waa waddan loo soo qaato tusaale xag waxbarasho fiican iyo caafimaadka oo heersare ah. Waa dal ku jira dalalka ugu haboon in ganacsi laga bilaabo ama lagu asaaso. Waa dal si fiican u dhisan ha ahaado dhanka wadooyinka, dhanka ciidamadda, dhanka garoomadda dayuuradaha, dhanka dekedaha. Waa wadamada ugu horeeya xagga isgaarsiinta internet ka. Waa dal xiriir fiican la leh dhamaan deriskiisa aduunkana ku leh magac weyn iyo maamuus. Lee Kuan Yew waxa uu raysulwasaare (Prime Minister) ka ahaa Singapore mudo afartan (40) sano ah oo aan kalo go ku jirin. Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay Aabihii dalka Singapore. Mar waraysi lala yeeshay hogaamiyahaas ayaa la weydiiyey: Ma noo sheegi kartaa arinta kuu sahahashay in aad gaarto horumarkaas la taaban karo mudadaas yar adiga oo dalkaagu uusan lahayn wax khayraad ah? Waxaa uu ku jaawabay: Ciribtir musuqmaasuqa dalkaaga waad gaari doontaa miraha Singapore oo kale! Haddaba sidee ayuu Lee Kuan Yew ku ciribtiray musuqmaasuq? Dhexdhexaadkii 1950’s waxa uu gemeysigii Ingiriiska kaga tagay dalka Singapore sharci dejin daciif ah, shacab aan waxbarasho lahayn, shaqaale mushaarkoodu yaryahay, dhaqaale burbursan, musuqmaasuq baahsan iyo weliba mustaqbal aan fiicneyn. Waxaa la yiri maalintii Singapore loo dhiibay Lee Kuan Yew murugo ayuu la ooyay, waa markii uu si fiican u arkay meesha dalkiisa ku suganyahay dhan walba wuxuu ahaa wadan aan rajo fiican lahayn oo quus ku dhow. Lee Kuan Yew iyo xisbigiisii la oran jiray “People’s Action” ayaa doorashidii ku guuleystey ayaga oo halhayskooda doorashadu ahayd “Ma dooneysaa in aad la dagaalanto musuqmaasuq? Hadaba u diyaar garoow in aad xabsiga dhigto saaxiibadaa iyo qaraabadaada” “You want to fight corruption? Then, be ready to send to jail your friends and relatives”. Hadaba waxaa xusid mudan in afar qodob oo muhiim ah ay u sahashay in Dawladii Singapore ay ciribtir waara ku sameyso musuqmaasuqa oo ka suuliso dhamaan dalkaas waxa loo yaqaan musuqmaasuqa. Qodobadaan sahlay ciribtirka musuqa waxaa ay ahaayeen afar (4) qodob: Qodobka 1aad: Aas aaska hay’ad madax-bannaan oo la dagaallanta musuqmaasuqa. Waxaa xusid mudan in dawladii isticmaarka ee Ingiriisku kaga tagtay dalka Singapore xafiis la oran jiray “Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa” ama afka ingiriiska “Bureau of Corruption Investigation (BCI)” laakiin awooddiisa waxay ahayd mid aad u jahwareersan. Shaqaalah xafiiskuna waxaa ay mashquul ku ahaayeen kiisaska yaryar ee qaybaha hoose iyo dhexe ee bilayska, wax kormeer ahna ma aysan lahayn. Lee Kuan Yew ayaa si weyn u xoojiyay xafiiskaas BCI waxaana lagu sameeyey isbedelo waaweyn oo u yeelay miciyo uu wax ku qaban karo iyo madax banaani xalaal ah oo gaarsiisay in xafiiskaas uu baaritaan markii danbe ku sameeyey Lee Kuan Yew laftiisa. 2. Qodobka 2aad: Xasaanadda oo difaaci karin mas’uuliyiinta lagu helo musuqmaasuqa: Dhamaan masuuliyiinta dawlada, saraakiisha iyo qoysaskoodu waxaa loo diiday in ay isku difaacaan xasaanad, waa haddii lagu tuhmo ama lagu helo musuqmaasuq in ay faraha la galeen. Wakiilada Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa (Bureau of Corruption Investigation (BCI) ) waxay xaq u leeyihiin inay baaraan oo koontaroolaan xisaabaadka bangiga ee saraakiisha dawlada iyo weliba hantida kale ee carruurtooda, xaasaskooda, qaraabadooda iyo xitaa saaxiibadooda. Haddii la ogaado in nin dawladda u shaqeeya naftiisa, ama xaaskiisa, ama caruurtiisa, ama qaraabadiisa, ama saaxiibadiisa dhow dhow ay helaan ama haystaan hanti aysan horey u haysan jirin intuusan xilka qaban waxaa si deg deg ah Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa u bilaabi karaa baaritaan toos ah iyada oo aan wax amar hore ah laga soo qaadin maxkamad ama xafiis kale. Waxaa awood aad u badan la saaray in sharciga lala tiigsado dadka meelaha waaweyn ee dawlada fadhiya sida wasiirada, garsooreyaasha maxkamadaha, balayska, iyo dhamaan ilaha dawlada ay dhaqaalaha culus ka soo galo.Waxay kaloo dawladu ka deysey hawlaha yaryar ee shacabka loo qabto in ay noqdaan lacag la’aan si aan laaluushba meesha u imaanin. Waxaa kale oo awood loo siiyay in maxkamadu ay dhamaan xoolaha lagu helay musuqmaasuqa ay gacanta ku dhigi karto dhamaan. Wax haba yaraatee lagu qaatay musuqmaasuq ma dhici karto inuu ku raaxeysto nin dawlada u shaqeyn jiray, xataa haddii muddo dheer ka soo wareegto. Sanadkii 1989 waxaa ganaaxa musuqmaasuqa loo sii kordhiyay boqol kun ee doolaar ka Singapore meeshii uu awal ka ahaan jiray toban kun. Waxaa laga dhigay dembiga ugu weyn ee qof geli karo dalka Singapore inuu been u sheego dembi baarayaasha Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa. Waxaa xusid mudan intii uu xafiiskaan jiray inuu dhowr jeer baaray Ra’iisul wasaaraha dalka qudhiisa iyo reerkiisa ayna baaritaankaas ka soo baxday inuusan Prime Minister ka iyo qoyskiisa midkoodna lunsan hanti dawladeed. Waxaa kaloo xusid mudan in Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa ee dalka Singapore uu xabsiga dhigay dhowr wasiir oo ka tirsan dawladda federaalka, hoggaamiyayaasha ururada shaqaalaha, hogaamiyayaasha bulshada iyo madaxda sare ee shirkadaha dawladda, kuwaas oo Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa ku helay musuqmaasuq ay sameeyeen. Tanaasulkii iyo garab siintii madaxda oo la joojiyay Waxaa tusaale kuugu filan sida loo adkeeyey la dagaalanka musuqmaaqusa dalka Singapore. Wasiirkii cimilada ee la oran jiray Wee Toon Boon ee sanadkii1975, wuxuu safar ku aaday dalka Indonesia asaga iyo qoyskiisa. Waxaa bixiyay safarkaas qarashkiisa shirkad dhisaysay guryo ay u dhiseysey shaqaalaha wasaaradiisa. Waxaa kaloo ay shirkadaasi siisay wasiirkaas guri joogay shan boqon oo kun ee lacagta Singapore. Waxaa kale oo aabihii bangiga ka qaatay laba deymood oo middiiba tahay sadex boqol oo kun oo shirkadaas ay damiin ka noqotay. Markii Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa uu soo ogaaday, wasiirkaas waxaa lagu xumkumay afar sano iyo lix bilood. Waxaa kale oo dawladu ka dhacday dhamaan hantidii lagu siiyay sida xaaraanta ah ee musuqa ku dhisneyd. Dakhliga iyo Nolosha oo la is garab dhigay Waxaa aad loo ilaalshay in shaqsiga shaqaalaha dawladda noloshiisa iyo mushaarkiisa ay is qaban karaan. Taas macneheedu waxaa weeye in nin karaani ka ah xafiis ka mid ah xafiisyada dawladda oo mushaarkiisu yaryahay laakiin ku nool nolol qaali ah oo mushaarkaas uu qaato uusan u saamixi karin, in baaritaan lagu sameeyo. Waxaa kale oo arintaan sii caawiyay in laga badalay in dawladu cadeyso in aad wax xaday oo loo wareejiyay in qofkii tuhun musuqmaasuq galay asagu uu yahay mid laga rabo cadeyn. Haddii nin masuul ka ah qayb ka mid ah dekedda lagu helo asagoo guryo dhaadheer dhisanaya, ninkaas waa dambiile ilaa uu cadeyn sax ah ka keeno inuusan lacagtaas si xaaraan musuqmaasuq ah ku soo gelin. Ma ahan in dawladu soo cadeyso in aad xaday iyo in kale maadaamo aysan dhici karin in mushaarka aad dawlada ka qaadato aad ku dhisto dhulkaas ama guryahaas. Tusaale kale, waxaad tahay nin wasiir ah, oo markii jagada laguu dhiibay wax haba yaraatee lacag ah ama hanti ah oo aad sheegatay ama lagaa tiriyay ma jirin. Markii aad xukunka haysay lix bilood ayaad guri weyn dhisatay ama dalka dibadiisa ka gadatay guryo. Wasiirkaas dawladda Singapore agteeda wuxuu ka yahay nin sameeyey musuqmaasuq oo danbiile ah intii uu ka keenayo cadeynaya in uusan lacagtaas ku helin musuqmaasuq. Kolkii hore, dawlada ayaa laga rabay in ay soo cadeyso in aad lacagtaas xaday iyo in kale. Hadda laakiin waxaa loo bedelay sida kale taas oo shaqadii u dhib yaraysay Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa. Haddii markaas ay dhacdo in uu masuulkaas soo cadeyn waayo sida uu ku keenay hantidaas, waxaa lagu soo rogayaa xoolihii oo dawladu la wareegto, asaga oo ganaax adag oo lacag ah la dul dhigo, iyo weliba asaga oo xabsi dheer lagu xukumo laguna soo bandhigo bogga hore ee joornaaladda madax banaan waxa uu sameeyey oo halkaa ceeb weyn ay ka raacdo. 3. Qodobka 3aad: Mushaarkii oo la badiyay si daacadnimo loo helo: Markii uu qodobada koowaad iyo labaad ee ciribtirka musuqmaasuqa sameeyey, Lee Kuan Yew wuxuu soo saary oo ku dhawaaqay in shaqaalaha dawladda la siiyo mushaaraadka ugu badan sababtoo ah waa ay u qalmaan, waa haddii la rabo in la helo shaqaale matalaya xukuumad hufan oo daacad. Lee Kuan Yew wuxuu ku dooday, haddii mushaar aan ku filneyn la siiyo shaqaalaha dawladda, waxaa ay ku dhacayaan ama ay sameynayaan musuqmaasuq. Kordhinta mushaarka shaqaalaha dawladda waxaa kale oo ka dhashay in dawladdu ay soo jiidato ardada ugu buundada badan jaamacadaha iyo weliba dadka khubaradda ah ee takhasuska gaarka ah leh, isla markaana kala wadi kara hawlaha shaqada dawladda. Dalka Singapore waxaa isla markiiba bilowday inuu dhaqaalihiisu si xawli ah u kobco isla markaana Lee Kuan wuxuu bilaabay inuu sii kordhiyo mushaharkii shaqaalaha asagoo barbardhigaya ama ku jimeynaya lacagta ay qaataan shaqaalaha ganacsiga gaarka loo leeyahay. Waxaa uu gaarsiiyay mushaarka shaqaalaha rayidka ah iyo garsoorayaasha maxkamaddah, iyo booliiska mushahar u dhigma kuwa ay qaataan madaxda shirkadaha madaxa banaan ee ganacsiga.Laakiin Lee Kuan Yew intaa ugama harine, waa uu sii balaariyey mushaarka wasiirada, garsooreyaasha iyo shaqaalaha rayyidka ah oo wuxuu si toos ah ugu xiray dakhliga ka soo xarooda canshuuraha. Ilaa maantadan aan joogno dalka Singapore shaqaalaha dawladda waxaa lagu qiyaasaa 2/3 dhaqaalaha soo gala dadka u shaqeeya shirkadaha waaweyn ee gaarka loo leeyahay. Taas oo macneheedu yahay ninka u shaqeeya dawladda Singapore iyo ninka u shaqeeya shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay ee dalkaas waa isku mushaar, haddiiba uusan kan dawladdu mushaar badenyn. 4. Qodobka 4aad: Warbaahinta: Waxaa la sameeyey warbaahin madax banaan oo si hufan war sugan oo xalaal ah soo gudbineysa. Waxaa laga doonayaa warbaahintaas in ay dhammaan kiisaska la helay ee musuqmaasuqa ay si hufan oo eex iyo xishood toona ku jirin ay u soo gudbiyaan. Shaqsigii lagu helo musuqmaasuq wuxuu noqonayaa mid laga helo bogga koowaad ee joornaaladda ka soo baxa dalka. Afartaas qodob ee aan kor ku soo xusay ayaa u sahashay in dalkaas yar ee Singapore oo ahaa dal faqiir ah, waxbarasho lahayn, aan lahayn wax khayraad ah isla markaana jiritaankiisa iyo mustaqbalkiisu mid mugdi ku jiray in muddo ka yar afartan sano uu noqday dal uu aduunku ka dhigto tusaale xagga maamulka wanaagsan, waxbarashada, caafimaadka, dhismaha iyo weliba nabadda. Cali Cusmaan Cilmi ccusmaan@gmail.com