-
Content Count
206,444 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa si farxadeed kusoo dhamaaday mideeyntii iyo iscafintii guud ee walaaha dega tuulooyinka hoostaga Degmada Cadalle. Dowladda Hirshabelle State waxay waqti aad u dheer kadib ay ku guulaysatay in si nabdoon ay u mideeyso beel walaala ah oo dega tuulooyinka hoos yimaada Degmada Cadalle. Walaalaha dhibaatadu kala gaartay ayaa kuhishiiyay in iscafin guud ahaan,in si midnimo iyo walaalimo loogu noolaado sidii loogu noolaan jiray,in walaalaha ay wada wadaagaan wax waliba ay wada leeyihiin iyo in bisha soo socota kulan guud oo laga wada marqaati yahay leeyskugu yimaado ,si tusaale ugu noqoto dhamaan ehelka kasoo jeeda gobalka shabeellaha dhexe iyo guud ahaan deegaannada Hirshabelle. Ehelka walaalaha ah waxeey mahad ballaaran ujeediyeen dhamaan Madaxda Hirshabelle,Gudoomiyaha Gobalka Shabellaha dhexe. Waxeey sidoo kale amaan mahad naq ah iyo duco isugu dareen Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Ali Guudlawe Hussein oo ah higaamiyihii lahaa billowga gogosha nabadeed iyo midnimada lagu guuleeystay. Xafiiska Warqabadka ee Lataliyaha sare ee Dhanka Saxaafada ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle State. Mahadsanidiin ! Hassan Abdikadir Mudey
-
Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa muujisay inay wali ku xoogan tahay dalka Mar ka la eego Weerarada ay ka geystaan Gobalada Koofurta Soomaaliya. Afar Sano Ka dib dilkii Hogaamiyihii guud ee Kooxda Al-shabaab Axmed Godane ayaa la Sheegay inay Xoojiyeen Weerarada ay ku qaadayaan Saldhigyada Ciidamada iyo goobaha Shacabku ay ku badan yihiin sida maqaayadaha iyo Hotleeda Magaalada Muqdisho. War-bixin ay soo saartay Kooxda Al-shabaab ayaa lagu sheegay inay Xoojiyeen dhismaha Maleeshiyaadka Hubeysan ee Weerarada ku qaada goobaha Dowladda Soomaaliya ay Maamusho oo ay ka mid yihiin Gobalada Shabeelooyinka iyo Magaalada Muqdisho, sidoo kale Warxintaan ayaa lagu xusay Weeraro dhiig uu ku daatay,kuwaasi muujinaya inay wali Xoogan tahay Awooda Kooxda. 1-Weerarkii Leego oo dhacay bishii June 2015 waxaa lagu dilay in kabadan 70 Askari oo katirsan ciidanka Burundi. 2-Weerarkii deegaanka Jameeco oo dhacay bishii June 2015 waxaa lagu dilay 60 Askari Itoobiyaan ah. 3-Weerarkii Ceel Cadde oo dhacay bishii Janaayo 2016 waxaa lagu dilay 200 Askari Kenyaan ah 4-Weerarkii Janaale oo dhacay Bishii September 2015 waxaa lagu dilay 55 Askari Yugaandheys ah. 5- weerarkii Kulbiyoow oo ciidanka Kenya looga dilay 57 askari. 6-weerarkii Golweyn oo 51 askari looga dilay ciidanka Uganda 7-weerarkii Halgan oo ciidanka Itoobiya looga dilay ugu yaraan 60 askari. Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Ciidanka gaarka ah eeDowladda Maraykanka ayaa Koofurta Soomaaliya ka joogteeyey Weerarada Cirka ah ee lagu beegsanayo Hogaamiyaasha Ururka Al-shabaab, balse wali laguma guulaysan in la soo afjaro qatartooda. Xasan Mohamed Samatar Cowke Puntlandpost Muqdisho The post Afar Sano ka Dib Dilkii Godane Maxaa Iska Badalay Awooda Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre oo maanta gaaray xarunta bankiga dhexe ee Somalia ayaa halkaa kula kulmay mas’uuliyiinta Bankiga. Ra’isul wasaare Kheyre oo booqashadiisa aan kusii wargalin mas’uuliyiinta Bankiga ayaa ku amray hubinta kharashaadka ay bixiyaan. Waxa uu sheegay in amarkiisa uu yahay mid dabagal leh, isla markaana lagu muujinaayo taxadarka Bankiga Dhexe, si looga hortago in xoolaha dadka ay si khaldan u baxaan. Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu maamulka Bankiga faray in mar waliba ay u diyaar garooban isla xisaabtan joogta ah, isla markaana aan laheyn wargalin. Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Kheyre ayaa maamulka Bankiga ku adkeyay ilaalinta ammaanadda ay u hayaan ummadda isaga oo kula taliyay in nidaamka xisaabaadka bangiyada lacagaha lagu bixiyo lana yareeyo in lacag kaash ah la bixiyo si haddii loo baahdo looga daba tagi karo. Waxa uu sidoo kale amar ku bixiyay in la sahlo bixinta mushaaraadka ciidamada dowlada si buu yiri loo dhiiri galiyo ciidamada oo xili waliba usoo jeeda howlaha amniga.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dagaal xoog leh oo u dhexeeya Wasiirka Dastuurka dowladda Federal-ka ah Cadi Xoosh iyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka dhex qarxay barta Facebook kaddib markii uu wasiirka soo dhigay muuqaal 2016kii laga duubay xildhibaanka. Muuqaalka uu Xoosh ka soo qaatay Fiqi waxa uu ahaa mid la duubay dabayaaqadii 2016 waxaana joogay qaar ka mid ah saxaafadda iyo waliba siyaasiyiin badan oo diidanaa nidaamkii xilligaas sida Tarsan. Muxuu ka yiri Xoosh? “Xilhibaan Ahmed Fiqi oo ka hadlaya Musuqmaasuqii baahsanaa sannadadii 2015/2016, markuusan wali naqan xildhibaan, iyo hadda xulufadiisa eega. Bal adba!! Waan xasuus yaraannay kulligeen ma istiraahdeen??” Jawaabtii Axmed Macallin Fiqi “Mid ka mid ah wasiirada shaqo la’aantu heyso ee mid ka mid ah wasaaradaha dalka ugu muhiimsan xilkooda hadda haaya waa Xoosh Jibriil (il-duubte) ayaa si xun u soo xigtey asagoo soo jarjarey hadal ku saabsanaa musuqmaasuqa oo aan horey u iri! Musuqmaasuq waqti uu xalaal yahey marnaba ma jirto, welina ololihii musuqmaasuq la dirirka ee aan ku jirey halkiisii ayaan ka sii wadayaa, musuqmaasuqii aan waagaas ka hadlayey mid ka xun oo ka badan ayaa hadda xukuumadda uu wasiirka ka yahey Xoosh ka dhex socda, balse Xoosh wuxuu ka duubtey indhihii oo umaba jeedo, wuxuu ka doorbidey in uu khubdooyinkeygii jarjaro asaga iyo kooxaha naflacaariga ah ee dacaayaddu hubkooda siyaasadeed uu yahayn ay ku faafiyaan boggiisa iyo bogag kale oo baraha bulshada ah. Xoosh sanadkii 2012-kii dastuurka dalka wareeriyey oo mijaha iyo madaxa dawladnimadii iyo hey’adaheedii isaga xirey waa ninkii ka mas’uulka ahaa ee u gacan geliyey dad ajnabi ah iyo Mahiga oo markaas xafiiska qaramada midoobey joogay, mana jiro musuqmaasuq ka weyn midkaas oo dalkaan ka dhici lahaa, waxaa ayaandarro ah in ninkaasi uu weli mas’uul ka yahay dastuurkii dalka oo lagu abaalmariyey dhibaatadii uu dalka u geystay, asagoo ay wada shaqeyn la’yihiin guddiyadii madaxa banaanaa ee dastuurka iyo dawlad goboleedyadii.. Waxaa xusid mudan in Xoosh oo aqoon sharci loogu xuley wasaaradda dastuurka ay noo sheegeen dadkii yaqaaney in shatigii qareenimada dalka Kanada lagala noqdey, mas’uuliyad-daro xirafadda qareenimada ku saabsan oo uu ku kacey awgeed, welina anshax xumadii ayuu asagoo wasiir sheeganaya ka muuqata, waxaana kula talin lahaa in uu ka waantoobo dacaayadaha raqiiska ah iyo ciyaal iska dhigidda, ilaaliyana mas’uuliyadda iyo xilka uu umadda u haayo.” Hadaba weerar iyo weerar celiskaas maxaan ka baran karnaa? In muddo ah waxaa caado noqotay in siyaasiyiinta isku haya xukunka Soomaaliya ay is dadban iyo bareerba isu weeraraan iyada oo waliba aad u xoogeysatay wixii ka dambeeyey 2017. Hase ahaatee, waxaa muuqata in siyaasiyiinta Soomaaliyeed uu biseyl badan ka muuqdo maadama ay inta saxaafadda haddii ay ahaan lahayd warbaahinta ama baraha bulshada isku dhaliilaan ama si bareer ah isugu wareeraan hadana aad arkeyso iyagii oo Hotel-lada waa weyn ee magaalada ku wada cabaya Kafeega! Waa biseyl iyo ugu yaqaan qaan gaadhinimo muujineysa halka ay siyaasadda Soomaaliya gaadhay sanadan dambe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo booqday dugsiga tababarka ciidanka ee Janaraal Dhega-badan oo ay ka socoto diiwaan gelinta nidaamka casriga ah ee ciidanka xoogga dalka ayaa saraakiisha shaqada loo xil-saaray ku amray in ay dardar-geliyaan si loogu guulaysto tira koobka ciidanka. Saraakiisha loo xil saaray diiwaan gelinta nidaamka casriga ah ee ciidanka ayaa ra’iisul wasaare Khayre uga war-bixiyay hannaanka ay u wadaan hawsha, waxa ayna u ballan qaadeen in ay dar-dar geliyaan fulinta qorshaha si waqtiga ugu habboon ay ugu soo gebagebeeyaan tirakoobka ciidanka. Saraakiisha ku sugan dugsiga tababarka ciidanka ee Janaraal Dhegabadan ee duleedka galbeed magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ra’iisul wasaaraha u sheegay in ururka Kumaandoosta Danab lagu bilaabay diiwaan gelinta lana wadayo inta guud ahaan xogta ciidanka loogu kaydinayo habka casriga ah. Nidaamka casriga ah ee kaydinta xogta oo sahlaya in qof kasta ee lagu diiwaan geliyo xogtiisa lagu kaydiyo sida ugu habboon, ayaa dawladda ka caawinayaa tirada rasmiga ah ee ciidanka mileteriga iyo fududaynta xuquuqda ciidanka iyada oo loo marsiinayo akoonnada ay ciidanku ku leeyihiin bangiyada dalka. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale booqday bangiga dhexe ee dalka isaga oo guddoonka bangiga kula dardaarmay ay sare u qaadaan hannaanka hubinta lacagaha bankiga ka baxaya iyo in lagu dadaalo in lacagaha baxaya la marsiiyo Akoonno si loo yareeyo lacagaha kaashka ah. Halkan ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Ciidamada Soomaaliya oo loo diiwaan-gelinayo nidaam casri ah appeared first on Puntland Post.
-
War Deg Deg:-Qarax Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Inta la xaqiijiyay labo askari oo ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa dhaawacantay, kadib qarax gaari lagu dhajiyay oo goordhow ka dhacay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Nuur aduunyo. Jugta qaraxaan ayaa maqlay guud ahaan xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir. Saraakiil Ciidan ayaa sheegay in qaraxa lagu soo xiray gaari yar oo ah SURF, ayna ka shakiyeen laamaha amniga markii ay udhowaadeenna uu qarxay. Dhanka kale goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa goordhaweyd gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya,waxaana socda baaritaano. Xasan Mohamed Samatar Cowke Puntlandpost Muqdisho The post War Deg Deg:-Qarax Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post. -
MOGADISHU (Caasimada Online) – Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA) has reportedly started a new plan to make its Intelligence Agency’s name changes. Reliable sources told Caasimada Online that country’s security leadership was planning to change the name of National Intelligence and Security Agency (NISA) into its previous name which was National Security Service (NSS). The Agency was used to be called as National Security Service (NSS) between 1970 and 1990 by the military government, but NISA’s name was given when the agency was re-established in January 2013, according to sources, who asked to be anonymous, because of reprisal attack. The on-going plan is reportedly organized by Deputy Chief of Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA), Fahad Yasin and Zakariye Osma’il Hersi, who defected from Al Shabaab and other senior officials, whose name has not been released. Fahad Yasin is set to be appointed as country’s Intelligence chief after the new plan is done, the reliable sources said The new plane of Agency’s name changes emerged as the agency has recently descended into disruption and conflict over security reshuffle in a degree announced by country’s President Mohamed Abdullahi Mohamed last month. This comes after former deputy of NISA chief, Abdullah Abdullah was stripped his membership of Somalia’s National Intelligence Agency. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Somalia and Ethiopia formed, for the first time, a Joint Committee in cooperation to establish a long-term cooperative relationship based on mutual respect and good-neighborliness, as well as the preservation and respect of the sovereignty and unity of both countries. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shikeh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho isaga oo 18 bilood kaddib markii talada dalka looga adkaaday ku soo laabtay. Imaanshaha Xassan Shiekh waxa ay ahayd mid la wada sugayey maadama dhawr jeer oo hore uu baaqday. Sidoo kale, boggiisa siyaasi Cabdiraxmaan Cabdirshakuur ayaa boggiisa Facebook ku shaaciyey in uu dalka ku soo laaban doono muddo uusan cayyim balse aan dheereyn. Bulshada inta badan waxa ay fahansan tahay in labada siyaasi ay dalka u imanayaan dar dar galinta ol’olihii ay awalba ku jireen ee doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo muddo laba sano iyo bar kaddib, walow in ay arintaas ku mideysan yihiin iyo in kale aysan caddeyn. Xassan Shiekh? Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shiekh Maxamuud waxa uu sheegay markii uu ka soo degay gegida Aadan Cadde in uu dalka u yimi in uu xog-ogaal u noqdo xaaladda dalka iyo dadka oo uu safarkiisa ku koobnaan doonin Muqdisho balse gobollada oo dhan tegi doono. “safarkeyga waxaa uu u badanyahay xog ogaalnimmo, wareysi, dadka inaan kala war qaadannno, markaan intaas sameyno kadib ayaa wixii talo ah iyo ra’yi ah siyaasadeed aan ka hadli-doonnaa, laakin muhiimadda ugu weyn waxaa ay tahay inaan ogaado xaaladda uu dalka ku suganyahay, maadaama aan muddo ka maqnaa, dhinac walbo leh, dhinac siyaasadeed, dhinac dhaqaale leh, dhinac amni leh, kadibna wixii talo ah oo sida mustaqbalka loo quruxin karo ra’yigeyga iyo taladeyda siyaasadeed ayaan la iman-doonnaa, beyahan soo socdana kulammo badan iyo wada sheekeysi badan ayaan yeelan-doonnaa haddii alle yiraahdo’ marka kale waxaan u mahadcelinaa intii I soo dhoweysay inta dalka joogta iyo dibaddaba.” Cabdiraxmaan Cabdishakuur? “Waxaan qorshaynayaa in aan dalka dib ugu noqdo si aan hawsha horay ugu sii wado. Waxaan booqan doonaa Gobolada dalka hadba sidii ay duruuftu iigu saamaxdo. Waxaan ka filayaa shacabka Soomaaliyeed ee gudaha ku dhaqan soo dhoweeyn la mid ah tii aan kala kulmay jaaliyadaha debeda.” Maxaa u dheer ol’olaha ay ugu jiraan doorashada mudadda labada sano ka badan ina xigto? Labada siyaasi walow ay kala afkaar duwan yihiin hadana waxaa muuqata in ay ka wada siman yihiin dareenka ah in ay masiibo ku tahay himiladooda siyaasadeed dowladda hadda jirta oo guuleysata. Taas, waxaa laga dheehan karaa hadaladda kicinta ah ee uu siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur kula hadlo dadka qurbaha iyo waliba qoraaladda uu soo dhigo Facebook. Haddii aan kicinta sharraaxaad ka bixiyo, Cabdiraxmaan Cabishakuur inta badan waxa uu buun buuniyaa khilaaf uu sheego in uu u dhexeeyo dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah, haddii aad u fiirsato hadaladda uu jeediyo, kama waayeysid ka hadalka arintaas. Taas, waxa ay caddeyn u tahay in siyaasiga uu wal walk a qabo in dowladda dhexe ay saameyn ku yeelato maamul gobolleedyada si kastaba haku timaadee isaga oo ka cabsi qaba in ay u fududeyso nidaamka hadda jira in ay caga dhigtaan oo ay doorashada dambe si fudud ku soo laabtaan. Dhinaca madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waa laga yaabaa in uu kaga aragti duwan yahay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iska horkeenidda dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada, hadana waxa uu kala siman yahay in aysan dowladda sameyn ku yeelan ama aysan noqon kuwo ku siyaasad ah Muqdisho. W/Q: Cabdalla Calasow Muse Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa inay socdaan qorshooyin isbeddelo loogu samaynayo Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (HSNQ) ama National Intelligence and Security Agency (NISA). Sida ilo-wareedyo ay u sheegeen Caasimada Online, isbeddelada ayaa waxaa ka mid ah in hay’adda laga beddelo magaca NISA, dibna loo soo celiyo magaceedii hore ee Hay’ada Nabadsugida Qaranka (HNQ) ama National Security Service (NSS). Magaca National Security Service (NSS) ayaa hay’adda loogu yeeri jiray xilligii dowladdii milatariga intii u dhaxeysay 1970-kii illaa 1990-kii, hase yeeshee magac NISA ayaa loo bixiyey markii hay’adda dib loo aas-aasay bishii Janaayo ee sanaddii 2013. Isbeddeladan ayaa waxaa wada xubno uu ka mid yahay agaasime ku xigeenka cusub ee hay’adda Fahad Yaasiin, oo qorshaha socda uu ka mid yahay in dhowr bilood kadib uu isaga un la wareego hoggaanka hay’adda. Waxaa sidoo kale qorshahan wax ka wada Zakariye Ismaaciil Xirsi, oo horey uga tirsanaa Al-Shabaab, iminkana la shaqeeya hay’adda, kaasi oo isna laga yaabo in agaasime ku xigeen loo magacaabo marka lasoo dhamaystiro isbeddelada cusub. Isbeddladan ayaa imanaya ayada oo dhowaanahan ay hay’adda hareeyeen carqalado iyo khilaaf dhexdeeda ah, oo xubno sare xilka looga qaaday, ayada oo maantana ay haya’dda xubinnimadii ka saartay taliye ku xigeenkii hore Jeneral Cabdalla cabdalla. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Four years after Somalia’s Al Shabaab leader, Ahmed Abdi Godane, known as Abu Zubeyr was killed in airstrike carried out by US in southwest of Somalia’s capital Mogadishu. The group’s leader, Abu Zubeyr, and his driver died on 1st December, 2014, when a vehicle they were travelling in hit by drone strike in Barawe town, some 220km (120 miles) South of Somali capital Mogadishu. Zubeyr’s death was confirmed by Al Shabaab. Godane, who received training and fought in Afghanistan, was designated as terrorist by the United States. The death of Godane, who only succeeded in consolidating his control of the group by killing or driving out his major critics and potential rivals, have led Al Shabab to split into different factions. Al-Shabab announced Godane’s immediate successor, Ahmad Diriye, known as Abu Ubeida within a week of his death after meeting in Jilib town in south of Somalia. Abu Ubeida reportedly played an instrumental leadership role in the purge of dissidents from the group in 2013. Since his death, the group’s fighters rumpped up its deadly attacks on Somali army forces with African Union troops’ camps in south and central Somalia. Last year, Abu Mansoor Mukhtar Robow, an elusive, charismatic militant who was once a senior commander of Al Shabaab in Somalia, surrendered to government forces in a surprise move that could weaken the country’s Islamist militants. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Ma badna in Wasiirrada arrimaha dibaddu ay dhawrsanaanta diblomaasiyadda ka tagaan, xitaa marka ay ku jiraan fadhiyo albaabadu u xiran yihiin, laakiin Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ayaa si buuxda meel isagaga dhigay qoraalkiisii ka koobnaa 6-da bog ee uu u diray safiirradiisa bishii la soo dhaafay kaas oo ku saabsanaa isu soo dhowanshihii lama filaanka ahaa ee dhex maray labada dal ee colka ahaa dariskana ay yihiin ee Itoobiya iyo Erateriya. Billawgiiba waxaa soo if baxay in Dowladda yar ee Jabuuti – iyada oo ay jirto sabab la fahmi karo – ay ka dareentay walwal aan horay loo arag isu soo dhowaanshahaa lama filaanka ahaa, sidaa darteed ayuu u doortay wasiirkeeda arrimaha dibadda in uu werwerkaa ku cabbiro erayo aan leexleexad lahayn, isaga oo aan innaba ilaalin diblomaasiyaddii dhaqanka ahayd, waxa uuna ku sifeeyay Raysulwasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed in uu yahay “nin dagdagaya oo fudud”, waxa uuna u adeegsanayaa xubinnimada aan joogtada ahayn ee dowladdiisa ee Golaha Ammaanka in cunaqabataynta lagaga qaado Erateriya, isaga oo aan ka fikirin saamaynta ay arrintaasi ku yeelan karto Jabuuti oo ah saaxiibka ugu muhiimsanaa ee Itoobiya 20-kii sano ee lasoo dhaafay. Sawirrada: Wasiir dibadeedka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf (Midig) iyo RW Itoobiya, Abiy Axmed (bidix) Erateriya waxaa looga yaqaanay diblomaasiyiinta dhexdooda in ay tahay Kuuriyada Woqooyidii Afrika, ilaa mar dhowna waxaa lagu tilmaami karay cadawga cid walba, waayo marka laga soo tago dagaalkii dheeraa ee ay la gashay intii aysan xornimada ka qaadanin ka hor iyo kadibba, taas oo ka dhigtay Itoobiya dowlad aan bad lahayn, sidoo kale Erateriya, waxa ay dagaal la gashay Jabuuti bilawgii 2010-kii, muran xagga xuduudda ah dartii. Kaddib markii ay Erateriya ciidammo ku soo daadisay saddex geesoodka Dumeera ilaa gudaha Jabuuti, arrintaas oo keentay in ay labada dal dhex maraan dagaallo kooban oo dhibaatadoodii qayb ahaan lagu xalliyay dhexdhexaadintii Qadar oo kadibna geeysay ciidammo kuweeda ah xuduudda labada dal, laga soo billaabo xilligaa Erateriya waxa ay noqotay meel ay gabbaad iyo taageero ka helaan mucaaradka Jabuuti, kuwaas oo ay ugu cadcad yihiin koox mucaarad hubaysan ah oo loo yaqaanno “Ciidanka Cabsida”. AANNU DIB KUU CELINO! Cadaawadda ka dhexaysa Itoobiya iyo Eriteriya, mushkiladaha soo jireenka ah ee aan la xallinin iyo culayskii uu keenay go’itaankii Eriteriya ayaa ku khasbay Itoobiya in ay miciin biddo Jabuuti lana sixiixato heshiis ah wax wada qabsi millatari sanadkii 1999-kii, ilaa iyo xilligaa Jabuuti waxa ay u ahayd Itoobiya badda kali ah ee u furan, 95% baahideeda ahna waxa ay kala soo dagi jirtay dekedda Jabuuti, sidoo kale Jabuutina Itoobiya waxa ay ka keensan jirtay biyaha iyo korontada. 20-kii sano ee ugu dambeeyay xiriirkoda isku tiirsanaan wuu xooganaa, iyada oo ay xoojinayaan xaqiiqda juquraafi iyo dhacdooyinka siyaasadeed oo uu udub dhexaad u ahaa xiriirka aan wanaagsaneen ee Itoobiya ay la lahayd Eratariya iyo Soomaaliya kaas oo xoojiyay makaanadda Jabuuti ee ah in ay tahay meesha kaliya ah ee Itoobiya bad uga furan tahay. Yeelkeede, Isbadallada uu Abiyi Axmed kula heshiinayo Eriteriya iyo Soomaaliya ayay Jabuuti u aragtaa in Abiyi Axmed uusan kaligii wadin, laakiin ay jirto dowlad gobolka ka tirsan oo gadaal ka riixaysa, taas oo doonaysa in ay isbahaysiyo ay ku jiraan kuwa Geeska Afrika ay dib ugu dhisto si waafaqsan danaheeda, dowladdaas oo ah tan Imaaraadka Carabta. Sidaa darteed, ayay Imaaraad qaybteeda ka soo gaadhay risaalada carada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ayaa sidaa ku jabiyay xeerarka diblomaasiyadda rasiinka ah, isaga oo uu wasiirku si cad u sheegay walwalka uu ka qabo faragelinta Imaaraadka ee dib u dhiska mandiqadda, kuna tilmaamay dowladdan Khaliijku in ay tahay gacantii ciidan iyo maal ee istiraatiijiyadda cusub ee Maraykanka, isaga oo fartana ku fiiqay ballanqaadkii dhaxal sugaha Abu Dabay Maxamed Bin Saayid ee ahaa in uu siiyo Itoobiya balaayiin doollar oo kaalmo ah si ay xiriir ula samaysato Erateriya. Gorgortankaa ayay Jabuuti ka aragtay in ay Imaaraadku hooyo iyo aabe u tahay sheekada, iyada oo waliba aan arrintaa u samaynin in danaheeda kaliya ay ku ilaashato, balse ay rabto in ay muujiso sida ay awood ugu ledahay in ay dhibaatayso Jabuuti khilaafka daran ee ka dhexeeya labada dal awgii kaasoo taagnaa ilaa iyo 2015kii ku saabsan dhawr arrimood oo ay ugu muhiimsan kaalinta Imaaraadka ee maamulidda Dekedda Jabuuti. Soo bixiddii iyo dhicidda Jabuuti Iyada oo ay Jabuuti tahay dowlad aan lahayn wabiyo ay wax ku beerato, sidoo kalana aysan lahayn macaadin ay la soo bixi karto, sidoo kalena aan lahayni wax soo saar sidaa u buuran oo ay ka soo muujin karo khariidadda caalamiga ah ee dhaqaalaha iyo ganacsiga, haddana mawqiceeda isriraatiijiga ayaa mar walba ahaa waxa ugu qiimo badan ee ay haysato iyada oona gacanta ku haysa furaha albaabka koonfureed ee Badda Cas iyo Kanaalka Suways, taas oo ah mid kamid ah marinnada ugu muhiimsan adduunka. Sidoo kale, juquraafiga ayaa siiyay Jabuuti booskaa muhiimka ah ee kulaalaya marinka Baabul Mandab oo ah albaabka uu maro qiyaastii 8-10% ganacsiga shidaalka caalamiga ah, iyada oo ay in ka badan 20,000 oo ka mid ah maraakiibtaasi ay sanad walba maraan dekedda Jabuuti, iyada oo waliba ay ku yaalaan gobolka dakado la tartamaya, sida: Suudaan, Soomaaliya, Eratariya, haddana maal gashiga Jabuuti ee dhisidda kaabayaal hormarsan iyo daganaanta siyaasadeed ee ay haysto ayaa ka dhigay meel ka soo jiidasho badan meelihii kale ee la tartami lahaa. Waxaa intaa sii dheer, in Dowladda Jabuuti ee uu madaxa ka yahay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, mudo 20 sano ku siman, waxa ay fahmeen waqti hore faa’iidooyinka ay ka heli karaan bugcadooda istiraatiijiga ah, faa’iidooyinkaa oo aan ku koobnayn dhaqaalaha waddanka oo kaliya ee wax ka taraya deganaanta nidaamka siyaasadeed ee uu gacanta adag ku hayo, sidaas darteed, ayuu go’aansday Geelle in uu albaabada waddankiisa u furo saldhigyo milatari oo ajnabi ah si uu uga helo maal iyo ilaalo, isaga oo waddankiisii ka dhigay meel ay ku kulmaan ciidamada reer Bari iyo reer Galbeed oo doonaya in ay maal bixiyaan si ay u helaan saldhig ciidan oo istaraatiji ah. Laga soo bilaabo gumaystihii hore ee Faransiiska oo ku leh saldhig la dhoho “Fors Fransis DJbouti” waana mid kamid saldhigyada ugu muhiimsan ee Faransiisku ku leeyahay Qaaradda Afrika, taas oo Jabuutina ay ka hesho dhaqaala muuqda ha ahaado kirooyinka, kaalmooyinka iyo masaariifta hawl gelinno kala duwan. Waxaa muuqata in xoogga iyo xoola doonka Geelle uu ku ekaan waayay ciidanka Faransiiska oo kaliya, waxa uuna ka faa’iidaystay baahida uu Maraykanku u qabo in uu ciidan ahaan ku joogo Afrika xilligii dagaalkii Ciraaq, waana ta keentay in uu soo bandhigo martigalinta ciidamada ee saldhigga Limoneh ee u dhow garoonka caalamiga ah ee Jabuuti oo Maraykuna uu geeyay 900 oo askari sanadkii 2002-dii kuwaas kadibna si tartiib tartiib ah u gaaray 4500 oo askari, iyada oo ugu dambaynna saldhiggaasi uu xarun u noqday xarunta ciidanka maraykanka ee Afrika ee loo yaqaanno AFRICOM oo ay hawlaheeda kamid yihiin ilaalinta hawada iyo badda dhawr dal oo Afrika ah oo ay kamid yihiin Soomaaliya, Suudaan, Kiinya, Yaman, Eratariya iyo Jabuuti lafteeda. La soco qaybta 2-aad…Insha Allah Waxaa Tarjumay: Dr Maxamed Xasan Nuur
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa aad loo adkeeyey Amaanka Magalada Kismaayo halkaas oo la filayo in dhawaan uu ka furmo shir ay yeelan doonaan golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ka jira. Diyaar garowga shirkaas ayaa laga dareemayaa Magalada Kismaayo,waxaana Xarunta Madaxtooyada Jubbaland iyo Wadooyinka ku dhow dhow lagu arkayaa Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya oo amaanka xaqiijinaya. Gaadiidka qaarkood ee isticmaalaya Wadooyinka ugu muhiimsan ee Magalada Kismaayo ayaa Maanta baaritaano lagu sameynayaa waxaana inta badan ka qeyb qaadanaya Ciidamada Daraawiishta ee dowlad Goboleedka Jubbaland. Hogaamiyaha maamulka jubaland Axmed Madoobe oo leh qaban qaabada kulankaan ayaa la filayaa in shirka ka dhacaya magaalada Kismaayo uu ka sheego dhibaatooyinka iyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya. Madaxda Puntland iy Koofur Galbeed ayaa dhankooda dareemaya culeesaadka kaga imaanaya dhanka doorashada, waxaana horey madaxweyne Gaas, uu kaga digay in fara gelin lagu sameeyo doorashada Puntland. Sidoo kale Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa dareensan culees siyaasadeed, iyaga oo ku eedeynaya madaxda dowladda inay ka dambeeyaan abaabulka Culeeska siyaasadeed ee heysta labada maamul. kulankan ayaa noqonaya kii seddexaad oo ay madaxda maamul goboleedyada yeeshaan tan iyo muddadii la sameeyay golaha iskaashiga maamul goboleedyada oo dhisan ku dhawaad hal sano. Caasaimada Online Xafiiska Muqdisho Caasiamada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA) has stripped its ex-deputy chief’s membership from NISA over alleged baseless accusations. In a statement, NISA said Abdalla Abdalla’s membership of its agency had been removed his membership from NISA, after special investigative committee collected all mistakes that were done by Abdalla Abdalla. The group admitted that he could no longer be a member of the National Intelligence organization, the statement reads. Last month, Abdalla lost his position to former chief of staff at presidential Palace, Fahad Yasin in a degree announced by country’s president Mohamed Abdullahi Farmajo. There was no comment from Abdalla over the removal claims Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Kismaayo, ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxda maamulkaas iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in aragtida madaxda Jubbaland uu yahay qaran Soomaaliyeed oo guuleysta iyo in la xoojiyo hay’adaha dowladda oo ay ugu horreeyaan Dowlad Goboleedyada balse nasiibdarro ay jirto isfaham la’aan. Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyey in hadii khilaafka dowladda iyo dowlad goboleedyada aysan micnaheedu aheyn inay la-dagaalamayaan madaxweynaha Soomaaliya. Waxa uu soo hadal qaaday soo celintii Garoonka Kismaayo Saraakiishii ay Jubbaland ka soo celisay, waxa uuna sheegay in ka hor magacaabistaas ay cabasho u gudbiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shirkiisa Jaraa’id Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo aad u dheeraa ayaa waxa u sidoo kale kaga hadlay banaanbaxyadii dhawaan ka dhacay deegaano ka tirsan Jubbaland. Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli maalinta Isniinta ah ee soo socota lagu wado in Magalada Kismaayo ay shir ku yeeshaan Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada dalka ka jira. Hoos ka dhageyso codka Maxamuud Sayid Aadan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Maxamuud-sayid-Aadan.mp3 Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afar sano ayaa ka soo wareegatay markii Diyaaradaha aan cidna wadin ee Mareykanka duqeyn ay ku dileen Hoggaamiyihii Shabaab Axmed Cabdi Godane oo Shabaab ay u garanayeen Abuu Zubeyr. Dilkiisa wuxuu dhacay maanta oo kale 1-dii Bishii September, sanadkii 2014-kii xilligaasi oo gaadiid uu saarnaa Abuu Zubeyr duqeyn xoogan lagula eegtay duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabelllaha hoose. Duqeyntaasi waxaa fuliyay Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo gantaal culus ku dhuftay gaarigii uu saarnaa Abuu Zubeyr iyo illaalo la socotay iyo darawalkiisa oo halkaasi ku dhintay. Shabaab duqeyntaasi markii lagu dilay Abuu Zubeyr horay kama aysan shaacin geeridiisa, balse maalmo kadib waxa ay qirteen inuu duqeyn ku dhintay Abuu Zubeyr oo ahaa Hoggaamiyihii Shabaab ee mudada dheer gacanta birta ah ku soo hagaayay Shabaab. Lix maalmood kadib Golaha Shuurada Shabaab waxa ay u fariisteen Shir ay isugu yimaadeen Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo lagu go’aamiyay in Amiirka Shabaab loo magacaabo Axmed Diiriye, balse Shabaab u garanayaan Sheekh Abuu Cubeyda. Hogaamiyaha Shabaab illaa hadda waa Abuu Cubeyda oo ka hor inta aan la magacaabin xilal kala duwan ka soo qabtay Shabaab dhexdooda. Saraakiishii la soo shaqeysay Axmed Godane waxa ay ku tilmaameen nin mabda’ adag oo xittaa saaxiibadiisa qaar dilay, kadib markii ay isaga hor yimaadeen mabaadiida dagaalka Shabaab, waxaana ka mid ahaa xubnahaasi Ibraahin Afghan oo saaxiibo dhaw ay ahaayeen Axmed Godane. Kadib geerida Godane Shabaab waxa ay sii wadeen dagaalka ka dhanka Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom oo ay kordhiyeen, walina waxa ay wadaan dagaalka. Shabaab ayaa sameeyay Jabhad gaar ah oo lagu magacaabo Sheekh Abuu Zubeyr, taasi oo ka dagaalanta Gobolada dalka Somaliya, islamarkaana weeraro kala duwan ku qaada fariisimiada Ciidamada. Awooda Shabaab iyo dagaalka ay wadaan afar sano kadib geeridii Abuu Zubeyr wali waxba iskama badalin, inkastoo ay jiraan Saraakiil Sar sare oo Shabaab ka tirsan oo ka soo baxay Shabaab, waxaana ka mid ahaa Muqtaar Roobow oo horayba isku hayeen Abuu Zubeyr. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa Deeganada Soomaalida Itoobiya maalmahaan Shirar uga socdeen Waxgarad, Nabadoono, Salaadiin, Culimaudiin, Siyaasiyiin, Haween iyo Dhalinyaro ka tirsan Beesha Dir waxaana Shirarkaas loooga arrinsanayey Xaaladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya maadaaama ay Beeshu tahay Beelaha ugu balaaran ee Degta Deegaanadaas Gabagabadii shirarkaan ayaa Beesha Dir waxay ku sheegeen in ay aysan marnaba la shaqeyn doonin Axmed Shido ka dib markii uu ka soo bixi waayey Arrimihii loo igmadey oo ku aadan Xaquuqda Beesha ay ku lahaayeen Deegaanada Beesha ka degto Dhulka Soomaaliada Itoobiya. “Waxaan nahay Beesha ugu balaaran ee degto Dhulka Sooomaalida Itoobiya hase yeeshee markii ay Beesha Xisaabtantey waxaa u soo baxay in aysan marnaba la shaqeyn doonin Axmed Shido ka dib markii uu si cad uga soo horjeestey Dalabyadii Beesha ee ku aadan in ay Xaquuq balaaran ku yeelato Deegaanada Soomaalida Itoobiya “ ayey yiraahdeen qaar ka mid ah Waxgaradka Beesha oo intaa raaciyey. “Markaan aragney qaabkii loo magacaabey Taliyayaasha ciidamada dhawaan oo aysan Beesha ka muuqan islamarkaana hal beel ay wada qaateen Xilalkaas markaana aragney Hogaan xumida Axmed Shido, Markaan Aragney Cadaaladdarada ay ku dhaqmeen Axmed Shiddo iyo Madaxweynaha Maamulka waxay Beesha Go’aansatey in aysan Beesha Dir ku aaaminin Masiirkooda labadaas Xubnood, maadaama ay weli ku shaqeynayaan Nidaamkii hore ee Cadaaladarada ku dhisnaa ” ayey yiraahdeen waxgaradkaas . Waxgaradka Beesha Dir waxay sheegeen in aysan Dib dambe u aamini doonin Axmed Shiddo oo ay sheegeen in uu ka baxay Balamo hore oo Beesha la gaartey sidaa Darteed Beesha Dir waxay soo jeedisey in si deg deg deg Xilka Gudoomiyaha Xisbiga looga qaado maadaama uu waayey KalsoonidII Beesha isla markaana ay meesha ka baxdey Wada shaqeyntii. “Waxaan ugu baaqeynaa Xubnaha Beesha ee Baarlamaanka ku jira in ay Gacan ka geystaan sidii meesha looga saari lahaa Axmed Shido, haddii ay taasi yeeli waayaan in ay ogaadaan in aan dib dambe loo soo dooran doonin sidoo kale Beesha waxay Dhawaan qaban doonaan Banaanbaxyo looga soo horjeedo Axmed Shido kaasoo ka dhici doono Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa “ ayey yiraahdeen Waxgaradkaas oo sheegey in Axmed uu weli ku socdo Habkii Hore ee aan ku dhisneyn Dimoqraadiyada. Axmed Shido ayaa loo Dhawaan loo magacaabey Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya waxaa uu hore u ahaa Wasiirka Isgaarsiinta Dowlada Federaalka itoobiya hase yeeshee Beesha Dir waxgaradkooda waxay sheegeen in Axmed Shiddo ay Koox Meesha keensatey sidaa darteed Beesha Dir aysan la shaqeyn doonin.
-
Muqdisho-[Puntland Post]Warka soo baxay Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay in Gen,Cabdalla Cabdalla Maxamed oo mar soo noqday Taliye ku xigeenka Hay’addaas laga saaray xubinimadii NISA. Waxaa lagu eedeeyey in Wareysi uu bixiyey uu ku xadgudbay Shaqada NISA,isla markaana uu sheegay Warar ka hor imaanaya hanaanka Shaqo iyo Danaha Qaran,isla markaana guddi baaritaano oo loo sameeyey kadib la isla gartay in uusan kasii mid ahaan NISA. Dhawaan ayaa Wareysi uu siiyey Idaacadda Voa-da waxa uu eedeyn ugu jeediyey Madaxda NISA,isla markaana uu dhaliilay sida ay Hayadda NISA u Shaqeyso. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Gen Cabdalla Cabadalla Oo Ciidamadda NISA Laga Saaray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho-[Puntland Post]-Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gacanta waxa ay ku dhigeen laba nin oo afduubtay ilmo yar oo Afar jir ah, sida uu Saxaafadda u sheegay Maanta oo Sabti ah afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble. Afhayeenka ayaa Magacyadda Raggaas ku sheegay Xasan Yaasiin Cabdi Iyo Mahdi Tahliil Maxamuud,waxaa uuna Intaas ku daray in labada nin lagu xiray Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee CID-da si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo. Dhacdadaan afduubka Carruurta ayaa ka mid ah dhacdooyinka Cusub ee ka dhaca Magaalda Muqdisho,welina lama oga waxa raggaas ku qasbay Afduubashada Carruurta. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Ciidamada Booliska Soomaaliya Oo Soo Bandhigay Rag Carruur Afduubtay appeared first on Puntland Post.
-
Beijing (Caasimada Online) – Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa magaalada Beijing kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka hor shirka iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee magaalada madaxda dalkaas ka bilaabi doona saddexda bishan September. Waxayna labada dowladood ay isku fahmeen qodobo dhowr ah. Wasiirka ganacsiga Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo heshiisyadaa midkood u saxeexay dhinaca Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in waxyaabihii ay dowladda shiinaha ay ku heshiyeen ay kamid tahay xoojinta ganacsiga ,horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka labada dal. Isfahamka waxaa sidoo kale ka qayb ah in Shiinaha uu dowladda Soomaaliya ka caawin doono arrimmaha ammaanka. Maxamada Cabdi Mareeye ayaa sidoo kale sheegay inay ka wada hadleen qorshaha uu Shiinuhu Afrika kaga dhisaya waddo wayn taaso uu isku xiri doonto dalalka sii loo xoojiyo dhaqaalaha. ” Waddadan waxaa la dhahaa hinddisaha isku xirka dhaqaalaha ee Afrika iyo Shiinaha , marka Iridda uu kasoo galayo geeska Afrika waa Soomaaliya,aad iyo aad ayaan uga wadahadalnay” ayuu yiri wasiirka ganacsiga Soomaaliya. Wasiirka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay Shiinaha sidii ganacsatada Soomaaliyeed suuqyada Shiinaha loogu ogolaan lahaa islamarkaasna magaalada Muqdishu ay ka hergeliyaan xarun fiisaha Shiinaha ay ganacsatada ka qaataaan. Waxaa sidoo kale ka wadahadleen in shirkadaha maalgashatada shiinaha ay maalgashi ka samayn karaan gudaha soomaaliya. “Madaxweynaha wuxuu kala hadlay fiisaha oo hadda ganacsatada Somaaliyeed ay Shiinaha u doontaan in magaalada Muqdishu lagu bixiyo, way naga ogolaadeen iyo sidoo kale shirkadaha Shiinaha ee maalgashada adduunka ay Soomaaliya maalgashi ka sameeyaan, way naga ogolaadeen” Dalka Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ka qayb galaya shirka iskaashiga Shiinaha iyo Afrika kaaso maalmaha soo socda ka furmaya magaalada Beijing. Isha: BBC Somali
-
Muqdisho-(Caasimadda Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gacanta waxa ay ku dhigeen laba nin oo afduubtay ilmo yar oo Afar jir ah, sida uu Saxaafadda u sheegay Maanta oo Sabti ah afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble. Afhayeenka ayaa Magacyadda Ragga lagu ee deeyay afduubka ku sheegay Xasan Yaasiin Cabdi Iyo Mahdi Tahliil Maxamuud,waxaa uuna Intaas ku daray in labaduba lagu xiray Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee CID-da si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo. Labadaasi Nin ayaa Carruurta waxa ay ka soo afduubteen xaafada ka tirsan degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir,balse Ciidaamdu ay durba gacanta ku soo dhigeen. Dhacdadaan afduubka Carruurta ayaa ka mid ah dhacdooyinka Cusub ee ka dhaca Magaalda Muqdisho,welina lama oga waxa raggaas ku qasbay Afduubashada Carruurta. Sidoo kale afhayeenka ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay boolisku soo qabteen nin fal dhac ka geysanayay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho. Ninkan oo dhalinyaro ah ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Sadiiq Cabdi Cali waxaana la soo bandhigey bastoolad uu moobaylo ugaga dhicayay dadka rayidka ah ee ku nool degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho. Sawirada ilaa hada ay soo bandhigeen ciidamadda booliska ayaa ahaa kuwa dhaca gaysanayay. a Caasaimada Online Xafiiska Muqdisho Caasiamada@live.com
-
The Trump administration has cut funding to the U.N. agency that helps Palestinian refugees, calling the organization “irredeemably flawed.” Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa weli ku howlan qorshaha lagula dagaalamayo musuq-maasuqa ka jira Xafiisyada qaar. Dowlada Somalia ayaa tilmaantay in banaan cidla ah ay soo dhigi doonto cid waliba oo ku taameysa inay dhac hantiyadeed u geysato hantida shacabka. Dadaalada ay dowlada Somalia ku ciribtireysa musuq-maasuqa ayaa durba isbedel ku keenay dhaqaalaha dalka, maadaama ay meesha ka baxday gacan bidixeyntii lagu hayay hantida Qaranka. C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, ayaa sheegay in dadaalka lagula dagaalamayo musuqa uu sabab u noqday isbedel heer sare ah oo ku imaaday dhaqaalaha dowlada. Waxa uu Beyle sheegay in dhaqaalihii ku dhici jiray akoonada shaqsiyaad gaara ay iminka usoo wareegayaan qasnada dowlada, waxa uuna taasi ku sheegay isbedel bilow ah oo ka dhashay la dagaalanka musuqa. Wuxuu tilmaamay in musuq-maasuqa laga dhexlay 2 arrin oo kala ah: 1-Koror ku imaaday dhaqaalaha dowlada Somalia, kadib lacagihii la musuqi jiray ay usoo wareegen Qasnada dowlada. 2-Taxadar ka jira dhamaan xarumaha dowlada, gaar ahaan goobaha ilaha dhaqaale, maadaama ay xiray shaqsiyaadkii la tuhunsanaa, sidoo kalane uu socdo baaritaano dheeri ah. Wasiir Beyle, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in mar waliba loo hogaansamo nidaamka dowladnimo, iyadoo laga fogaanayo musuqa lgu hayo hantida Qaranka. Sidoo kale, madaxda ugu sareysa ee ku dhawaaqay barnaamijka la dagaalanka musuqa ayuu ku amaanay iny ka miro dhalinayaan hadafkooda. Haddalkan ayaa imaanaya xili mas’uuliyiin iyo saraakiil badan ay u xiran yihiin musuq-maasuq iyo qaadashada laaluush. Caasaimada Online Xafiiska Muqdisho Caasiamada@live.com
-
Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa war ay ku daabaceen Barta Twitter-ka waxay kaga hadleen wareysi dhawaan uu bixiyay agaasime ku xigeenkii NISA Cabdalla Cabdalla, oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay. Waxaa lagu eedeeyey in Wareysi uu bixiyey uu ku eedeeyey Madaxda NISA,isla markaana uu sheegay Warar ka hor imaanaya hanaanka Shaqo iyo Danaha Qaran,isla markaana guddi baaritaano oo loo sameeyey kadib la isla gartay in uusan kasii mid ahaan NISA. Cabdalla Cabdalla ayaa la qoonsaday wareysi uu dhawaan siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da oo uu kaga hadlay arrimo badan oo markii hore afka laga duwan jiray ama aanan laga hadli jirin.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa bishii August ee 2018 marti galisay dilal farabadan oo loo geystay dadka shacab iyo kuwa la shaqeeya dowlada. Dilalka bishii August ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si siman u geystay ciidamada dowlada, Daacish iyo maleeshiyada al-Shabaab. Dilalka bishii August ka dhacay Muqdisho ayaa tirro ahaan dhan 22 Dil, inkastoo ay jiraan dilal kale oo aan xaqiiq loo helin qaabka ay u dhaceen. Dilalka ugu badan ayaa waxaa loo geystay Askar iyo Shacab, waxa ayna dilalka ugu badan ka dhaceen Degmooyinka Hodan, Kaaraan, Howlwadaag,Wada jir iyo Wada jir . HOOS KA AKHRISO DILALKA MUQDISHO KA DHACAY BISHII AUGUST 1-Aug 1, 2018, Waxaa Xaafada Faanoole oo ku taal degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho isku dilay wiil dhalin yaro ah oo lagu magacaabo Ismaaciilay waxaana la sheegay inuu qabay xanuun ku soo kaca oo dhimirka. 2- Aug 2, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa meel ku dhow Isgooska Banaadir ku dilay Maxamed Maxamuud Sheekh Cali oo ahaa Madixii Shirkadda Startup Grind. 3- Aug 4, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa Degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir gaar ahaan Xaafadda Siisii ku dilay ganacsade ku hawlanaa dhismaha guryo uu leeyahay oo laba ah. 4- Aug 4, 2018, Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu dilay degmada Xamar Jajab gaar ahaan gudaha masaajid ku yaalla Agagaarka Biyaaso Liibaro. 5- Aug 4, 2018, Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir ku diley nin Oday ah oo Caanka ahaa degmadaasi Yaaqshiid, Ninka Odayga ah ayaa xilliga la dilayey waxa uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn Hotelkii hore ee Lafweyn ee ku yaalla xaafada Fagax,waxaana la sheegay in ay goobta ka baxsadeen dadkii ka dambeeyey dilka ninkaasi. 6- Aug 4, 2018, Rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa qeybo kamid ah Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda, Rag hubneysan ayaa la sheegay in askariga ay ku dhex dileen masaajid uu ku dukanayay. 7- Aug 5, 2018, Ciidamada dowlada ayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Isgoyska Banaadir ku dilay laba ruux oo la sheegay inay ka tirsanaayen Al-Shabaab xili ay la socdeen Gaari raaxo. 8- Aug 6, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa magaalada Muqdisho ku dilay Maxamed Gaaruf oo la sheegay inuu kamid ahaa dhalinyarada firfircoon. 9-Aug 7, 2018, Kooxo hubaysan ayaa Degmada Waaberi, gaar ahaan xaafadda Buundooyinka ku dilay askari ka tirsan ciidamada Booliska gaar ahaan qeybta xarunta Dambi Baarista ee C.I.D. 10- Aug 8, 2018, Kooxo ku hubaysnaa bastoolado ayaa Degmada Kaaraan, gaar ahaan Suuqweynaha ku dilay askari ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya oo xiliga dilkiisa kasoo baxay hooygiisa. 11- Aug 9, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa isgoyska Suuqa Bakaaraha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ku dilay mid kamid ah dhalinyarada rarta gaadiidka BL-ka. 12- Aug 12, 2018, Koox ku hubeysneed bastoolado ayaa Xaafada Afarta Darjiin ee degmada Yaaqshid ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho ku dilay askari katirsan Ciidanka Dowladda, iyagoo horay usii qaatay hubkiisa. 13- Aug 16, 2018, Rag hubeysan ayaa degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ku toogtay Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska oo lagu magacaabi jiray Liibaan. 14-August 20, 2018, Koox ku hubeysnayd bastoolado ayaa xaafada Baar Ha’idhafin qeybta degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ku dileen wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdi Barre (Kuusow). 15-August 20, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Xaafada Xaawa Taako ee degmada Wadajir ku dileen Cabdi Xooshoow oo kamid ahaa ilaalada guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir Axmed Daaci. 16- Aug 22, 2018, Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa bartamaha Isgoyska Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ku dilay ruux ka mid ahaa dhalinyarada ka shaqeysan jiray bosteejada Suuqa. 17-Aug 22, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ku dilay Askari lagu magacaabi jiray Faarax xili uu kusii jeeday hooyga wiil ay wada dhasheen oo ku yaala meel ku dhow Xaafada Xoosh. 18-Aug 22, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa DEgmada Dharkeynley ku toogtay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Saneey xili uu ku sugnaa meel ku dhow Ex-Control Afgooye. 19-Aug 23, 2018, Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugnaa Bar-kontorool oo ku taalla agagaarka Warshaadda Taraqa iyo Sigaarka ee magaalada Muqdisho ayaa rasaas ku furay mid ka mid ah kolonyo gaadiid ah oo siday Meyd, waxaana rasaasta ku dhintay darawalkii waday gaariga ambalaasta oo ay wada murmeen waxaana marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Axmed-nuur Xasan Xuseen. 20- Aug, 25, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa xaafada Seebiyano qeybta laamiga ku toogtay ruux bajaajle ahaa kaa oo lagu dhuftay Seddex xabadood. 21- Aug 27, 2018, Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgoyska Siinaay ee magaladada Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ah oo aan la ogeyn sababta ka danbeysay dilkiisa. 22-Aug 30, 2018, Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada ayaa si barer ah meel ku dhaw isgoyska Sanca ugu dilay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada loo yaqaano Bajaajta. Dilalka ka dhacay magaalada Muqdisho oo u muuqda kuwo caado noqday ayaa waxaan jirin cid gaara oo iska xil saarta xal u helidooda, waxa ayna shacabku yihiin kuwo dhexda u galay Ciidamada dowlada, Al-Shabaab iyo Daacish. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com