-
Content Count
206,444 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Eight-time Olympic gold medalist Usain Bolt has kicked off a new career - playing football with Australia's Central Coast Mariners. The 32-year-old Jamaican sprinter was greeted by a crowd of nearly 10,000 people in Gosford, north of Sydney. Source: Hiiraan Online
-
Saturday September 1, 2018 By KARANJA KABAGE Sometimes the unthinkable can become reality if we applied our minds to possibilities and fortunes beyond our ordinary imaginations. When in 2011 Kenya invaded Somalia in pursuit of Al-Shabaab militants, it was consistent with the UN Charter, which allows for self defence in preservation of territorial integrity. It is almost seven years since the Kenya Defence Forces crossed into Somalia to not only stabilise the country but also stop Al Shabaab cross-border attacks. Supreme sacrifice by Kenya has seen lives of our men and women lost. Fortunately, Somalia is slowly becoming stable and hopefully peace shall prevail within its borders. GEO-POLITICAL STRATEGY In the scheme of geo-political strategy, Somalia will need a lot of support from the international community, especially Kenya. But reflecting much more deeply, one reality of Somalia is unique. It is one of the most homogenous societies in the world with a common language, culture and religion. But it has been in difficulties since 1990 when the dictator Siad Barre was deposed, without a viable alternative capable of holding Somalia together, especially because of clan rivalry. The Somali people tend to identify themselves along these clans, and as the saying goes, to a Somali the family and the clan come first versus the rest. VERY ENTERPRISING Kenya too has challenges of ethnic configurations of about 44 different groups but the country has largely remained a united multiparty democratic state. It has strong and well defined institutional frameworks under the doctrine of separation of powers where the Executive, Judiciary and Legislature coexist harmoniously and Constitutionally. Geographically, Kenya covers 582,000 and Somalia 637,000 square kilometres with respective coastal lines of 490 and 3,333km. Kenya has a population of close to 49 million while Somalia has roughly 20 million. However, Somalia is unique in the sense that it is highly globalised. A lot of its citizens live in the Horn of Africa, Yemen, the Gulf States, Western Europe and US and Canada — but Kenya and Yemen have most of the Somali refugees. By their nature Somali people are very enterprising, hardworking and those that have been exposed are highly educated. Kenya has a large population of ethnic Somalis, who mostly live in the north eastern region. They occupy key positions in the national and county governments and are integrated like any other ethnic community of Kenya. TERRITORIAL INTEGRITY Why then wouldn’t there be a Kenya Somalia Federation despite Somalis usually associating with the Middle East while their natural ally should be Kenya? If the two Nations were to federate on matters defence, law and order, foreign affairs, agriculture, education, health, territorial integrity and coast guards they will constitute a formidable force and their combined resources both human and natural would make this Eastern Africa Federation an attractive investment destination. This would enable us to exploit maritime resource along the combined 3,800km long coastline with incredible exclusive economic zone and territorial waters. We shall have a combined population of close to 70 million plus and this will create a formidable market opening up a new frontier. VAST OPPORTUNITIES As for the constitutional construct, we can come up with governance structures where Somalia will be producing a Deputy President while Kenya produces a President within a transition period after which any national of Kenya and Somalia can contest for the presidency. However, the issue of a new constitutional dispensation can be debated and agreed upon while overreaching beneficial value of the federation should focus on synergy and creation of a climate where peoples of these two countries can freely take advantage of vast opportunities. This will ultimately have value in harnessing greater peace and tranquillity. COMMON LANGUAGES The model being proposed here can have application across Africa in creating several federations because if we have to trade and negotiate with other nations outside of the continent the current geographical dispensations of small population-wise states cannot give us leverage. Above all, these federations will help us chart forward with development of common languages. This advocacy is intended to address the future of Africa in the context of globalised world with less perpetual dependency by changing the paradigm to greater production of economies of scale with larger populations/market and hence capabilities for greater research and development. The writer is an Advocate of the High Court of Kenya; kabage@pacific-group.co.ke
-
In the post-cold war era and the rise of a unipolar global hierarchical system led by the United States, the world had seen the fall of many authoritarian regimes (Kaldor, 2006). This caused many civil wars to break out in those countries ( Example: Somalia, Sierra Leone, Liberia, Cambodia, Yugoslavia, etc.) between those who were marginalized for a long period of time and armed militias of the regime (Kaldor, 2006). However, those civil wars caused havoc through large human causalities and the displacement of millions of people both internally and externally as refugees as well as destabilizing global security by becoming a refuge for human trafficking, drug smugglers and terrorist (Ramsbotham, Woodhouse and Miall, 2011). Source: Hiiraan Online
-
Sometimes the unthinkable can become reality if we applied our minds to possibilities and fortunes beyond our ordinary imaginations. Source: Hiiraan Online
-
Wargeyska Washington Examiner ee kasoo baxa magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka ayaa qoray warbixin uu cinwaan uga dhigay “Mareykanka waa in uu kala hormaraa Russia aqoonsiga Somaliland.” Qoraaga warbixintan Michael Rubin ayaa leh: Waxaa in muddo ah aad loo hadal hayey sadaal laga bixinayo siyaasado si diidan oo sameyn ku yeelan doona Geeska Africa in uu mandiqadda ku dhexmaro Mareykanka iyo Russia. Saan saanta waa mid hadda muuqata oo ay tusaale u yihiin; dadaalka ay ku dooneyso dowladda Imaaradka Carabta oo ka wakiil ah Mareykanka in ay kula wareegto dekedaha ku yaal Geeska Africa, sida Soomaaliya iyo Eritrea halka ay hore u maamuli jirtay kuwa Jibuuti ka hor inta aysan is qaban. Russia Iyo Iran oo wada socda, ayaa iyagana waxa ay saameyn ku leeyihiin Eritrea, waxaanba sidoo kale kuwa dambe koox la ah China oo awood ballaaran ku leh Geeska Africa sida saldhig ciidan oo ugu yaal Jabuuti. Dhammaan callaamadahaas waxa ay dhabbaha u xaari doonaan is diidooyin siyaasadeed (Geopolitics) ka qarxa Geeska Africa. Hase ahaatee, sida uu ku sheegay warbixin uu Michaeal Rubin ku daabacay mareegaha Washington Examiner, Mareykanka waxa ay isu soo jiidi doontaa HALIS siyaasadeed haddii aysan Russia uga hormarin aqoonsiga Somaliland. Aqri Michael Rubin oo qoraya ahmiyadda ay Mareykanka u leedahay tallaabadaas “Intii uu madaxweynaha Russia ka ahaa Vladimir Putin, Russia dib u curashadeeda kuma koobneyn oo qura noqoshada awoodda gobolka, laakiin waxa ay ku rejo weyn tahay in ay sidoo kale noqoto cududda aduunka oo dhan. Iyadaoo ay diblomaasiyadda Mareykanka ku saleysneyd helidda xal u helidda dhibaatada aduunka qaacido ay qolo walba ku guuleysato. Aragtida Putin waxa ay ahayd in Russia guuleysato oo uu Mareykanka guuldareysto. Taageeraddii Russia siisay madaxweyne Bashar Assad ee Suuriya ma ahayn in ay jeclaayeen hubka kiimikada ee Assad u isticmaalay ku xad gudubka xuquuqul insaanka ee waxaa gundhig u ahaa in Mareykanku guulo ka gaarin, halkaas waxaa taas dheer, dabcan, magaalada dekedda a ee Tartous, Suuriya waxa ay Russia siisay kaliya saldhigga ciidan ee ay ku leedahay meel ka baxsan dalalkii la’isku oran jiray Soviet Union. “Hadda waxa ay ciyaar ka billaabeysaa Somaliland: Iyada oo ay Somaliland qajilaad/xishood jileyso, hadana warbaahinta maxaliga ah waxa ay baahinayeen in xagaagii hore ay Russia raadineysay saldhig ciidamada badda ah oo ay ka dhisato magaalo xeebeedka Zaylac ee Somaliland, ugana bedelato Somaliland inay siiso aqoonsi. Somaliland waa heshiis u wanaagsan, laakiin Mareykanka waxa ay ku noqoneysaa nabar istaraatijiyadeed ee ay iyadu isu geysatay. “Waxaa jira caddeymo badan oo ay Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga aqoonsan yihiin oo ah in Russia ay tahay cabsi soo koreysa. Waxaa xaqiiqo ah in taasi tahay qodob ay wada aqoonsan yihiin ciidamada badda iyo cirka ee Mareykanka maadama ay ku qasbanaadeen ka hortagga dhaq dhaqaaqyada Russia. Helitaanka Russia ee xeeb istaraatijiyadeed oo Africa ah waxa ay sii fogeyn doontaa soo qabashada Russia. “Waxaa dhab ah, ma jiro qof doonaya dagaal qabow. Waxaase sidaas oo kale run ah, ma jiro qof doonaya kii hore. Laakiin dhabta ayaa ah sida ay tahay, oo mararka qaar khatarta cadawga la iskama indha tiri karo. Waxa la yeeli karo waa in la xakameeyo inta aysan xilli dambe noqon.” Halkan ka aqriso qoraalka Washington Examiner Waxaa Turjumay Mohamed Muse Aden (Mohamed Kaafi) Email: Muhamedkaafi@gmail.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan Ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda hadda jirta ay soo waddo xisbi weyn oo siyaasi ah uuna musharax u yahay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Arrintaas waxey dhalisay shaki badan iyo su’aalo badan oo ku saabsan halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka siyaasadeed ee ra’isul wasaare Kheyre, oo dad badan ay u arkaan inuu leeyahay han madaxweyne, ilo-wareedyo ku dhowna sidaas laga soo xigtay. Kheyre waxaa loo arkaa inuu ku jiro olole siyaasadeed, waxaana dad badan u muuqata inuu haminayo tartanka doorashooyinka madaxtinimada ee 2021, maadaama guuxa ugu badan uu yahay in nidaam xisbiyo ah lagu gali doono doorashadaas, Farmaajana uu u muuqdo mid u baahan inuu dib usoo laabto waxaa la is weydiinayaa sidey isku qaban karto iney hal xisbi ku midoobaan. 48-saac ee lasoo dhaafay waxaa xoogeysatay xanta sheegeysa in Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu sameysanayo xisbi isaga u gaar ah, waxaa jira kulammo uu la qaatay xildhibaano iyo waxgarad oo arrintan la xiriira. Kheyre iyo Farmaajo aad ayay isugu dhow yihiin, marka la eego sida ay illaa iyo hadda u wada shaqeeyaanna, waxaa muuqata inay ku socdaan wadda ka duwan madaxdii ayaga ka horreeyey oo ah inaysan iskhilaafin. Sidaas oo ay tahay ayaa haddana in labadooda ay wada tartamaan 2021, waxaa dadka qaar u arkaan inaysan ahayn kala fogaansho, balse ay tahay inay laba af wax ku raadiyaan, si siyaasadahooda usii socdaa wixii dhaafsan 2021. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Istanbul (Caasimada Online) – Bishan markii uu Trump isku dayayey in uu madax jebiyo Turkiga oo uu ogolaysiiyo in ay sii daayaan baadariga Maraykanka ah, waxa uu isku hallaynayey in tallaabooyinkii ciqaabeed ee uu dhinaca dhaqaalaha ka qaaday iyo ereyadii canaanta iyo liidista ahaa ee uu warbaahinta xidhiidhka bulshada marinayey, ay maaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ku qasbi doonaan in uu si dhaqso ah ugu hoggaansamo doonistiisa. Waxaa sidaas lagu yidhi warbixin uu wargeyska Washington Post qoray, waxa aanay intaas ku sii daray in inkasta oo uu khilaafka xooggani u dhexeeyey Maraykanka iyo Turkiga muddo saddex toddobaad iyo ka badan ah, in aan weli la sii deynin baadarigii Andrew Brunson. Waxa kale oo uu wargeysku sheegay maalmihii ay lacagta Lira ee dalka Turkigu aad hoos ugu dhacday, in uu madaxweynaha Turkigu ku guulaystay inuu cadhada dadkiisa ku jeediyo Maraykanka. isaga oo ka dhigay in waxa socdaa uu yahay burburin caalamiya oo dalkiisa ka dhan ah. Waxa uu dareenka dadka ka fogeeyey dhibaatada dhaqaale ee taagnayd oo ay dadka arrimahaas gorfeeya qaarkood sehegeen in xukuumaddiisu sannadihii hore oo dhan ku fashilantay in ay si lagu qanci karo uga hadasho. Taageero dibadeed Wargeyska Washington Post waxa uu warbixintiisan ku sheegay in dalka Turkigu uu cunaqabataynta Maraykanka kaddib ku guulaystay in uu taageero fiican oo waqtigeedii soo gaadhay ka helo saaxiibadiisa dibadda, arrintaas oo burburisay dadaalkii uu Donald Trump ku doonayey in uu dalka Turkiga ka dhigo dal go’doon ku jira. Waxaa ka mid ah booqashadii uu wasiirka arrimaha dibadda Ruushku ku tegey Ankara, wadahadalkii uu madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron taleefanka kula soo xidhiidhay madaxweyne Erdogaan, iyo lacagtii 15 ka bilyan ee doolar ahayd ee uu dalka Qatar ku maalgashaday dhaqaalaha Turkiga. Washington Post waxa ay ka soo xigatay Leslie Hintz oo ah baresare oo xidhiidhka caalamiga ah ka dhiga jaamacadda John Hopkins, in madaxweyne Rajab Dayib Erdogaan uu awood u leeyahay in uu dhanka isaga u fiican uga ka faa’iidaysto masiibooyinka soo waajaha. laakiin sida muuqata uu Trump dhayalsaday hoggaamiyaha Turkiga oo caan ku ah garaad badnaan dhinaca xeeladaha ah. Si aad u fogna ugu qanacsan in quwaadaha reer galbeedku ay ku dadaalayaan sidii ay u curyaamin lahaayeen Turkiga, maadaama oo uu yahay dawlad muslim oo awood leh. Trump waxa uu u daneeyey Erdogaan Hintz waxa kale oo ay Washington Post u sheegay in madaxweyne Donald Trump uu madaxweynaha Turkiga u daneeyey markii uu fuliyey cunaqabataynaha adag, bartiisa Twitter kana ku faafiyey hadallo degdeg iyo masuuliyad darro ka muuqato. Waayo waxa ay u muuqatay, in ujeedada Trump ka leeyahay tallaabooyinkani ay yihiin in uu burburiyo dadaalka ay xukuumadda Turkigu ku doonaysay in ay dejiso suuqa iyo dadkeeda. Hintz waxa ay intaas ku dartay in Trump uu u muuqday nin burburinaya dhaqaalaha Turkiga, waana sida uu madaxweynaha Turkigu doonayey in uu u sawiro dalka Maraykanka. Dhinaca kalana Soli Ozil oo ah baresare oo cilmiga xidhiidhka caalamiga ah ka dhiga jaamacadda Kadir Haas ee magaalada Istanbuul, dalka Turkiga ayaa sheegay in Erdogaan uu mucaaradnimada gudaha kaga furan uu ku jiheeyo dibadda. Laakiin waxa cusubi uu yahay, in markan uu jihayntiisaas u hayo marag xoog badan oo caddayn u ah dooddiisii hore ee ahayd in ay jiraan dhinacyo shisheeyo oo leh qorsheyaal cadaawadeed oo Turkiga ka dhan ah. “Tallaabooyinka adag ee Maraykanku keliya waxa ay noqdeen caddayn uu u helay sheegashadii ahayd in la doonayo in Turkiga dhabarka laga jebiyo” ayaa uu yidhi baresare Ozil. Isaga oo intaas ku daray in cunaqabataynta uu Maraykanku saaray Turkigu ay dadka Turkiga badankooda ku beertay dareen ah in waxa socdaa aanu ahayn dhibaato dhaqaale, balse uu yahay dagaal dhaqaale oo Maraykanku uu dalkooda ku soo qaaday. Wargeysku Washington Post waxa uu sheegay in taas maraggeedu uu yahay sida dheganugaylka ah ee ay dadka Turkigu u qaateen codsigii Erdogaan ee ahaa in aan la iibsan qalabka Elektarooniga ah ee lagu sameeyey dalka Maraykanka, iyo sida ay dadku u burburiyeen talefannadoodii gacanta ee iPhone ka ahaa iyaga oo la dhacayey madaraqyo iyo usha lagu ciyaaro kubadda Baseball. maadaama oo ay samayso shirkadda Apple ee dalka Maraykanka ahi. Wargeysku waxa uu warbixintiisa ku soo gabagabeeyey, “Siyaasadda jar iska xoornimada ah ee Trump uu raacay, khatar kuma ay keenin Erdogaan siyaasad ahaan marka la eego dalka gudihiisa” Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
JOHANNESBURG - Foreign store owners say they’ll return, despite being chased out of parts of Soweto. Source: Hiiraan Online
-
Haddii siyaasadda loo yeeli lahaa hal jumlo oo la’isku raacsan yahay in lagu qeexo mal aha waxaa loo doori lahaa “Siyaasadda dhaqan suuban ma leh!” oo afka Ingiriisiga ku noqoneysa ‘Politics has no morality!” Waxaan ugu araartay jumladaas ayaa ah in aan idinku hago dulucda qormadan kooban ee aan doonayo in aan ku cabiro hanyarida siyaasadeed ee siyaasiga qeylada badan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Hadaba inta aan u galin taabashada qodobada aan u cuskan doono hanyaridiisa siyaasadeed, aan wax idinka taabto dhaq dhaqaaqyadii siyaasadeed ee ugu dambeeyey dhawrkii maalmood. 1 – Waxa dhawr maalmood kahor soo gaadhay oo si weyn Muqdisho loogu soo dhaweeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. 2 – Waxaa lagu arkay madaarka caalamiga ah ee Aadan Cadde xubo waa weyn oo tiro badan oo xisbiga Daljir ka tirsan sida gudoomiye ku xigeenka aqalka sare Abshir Bukhaari, dhammaatoodna waxaa ka muuqday hilow ay u qabaan Xasan Sheekh oo afartii sano ee uu joogay ka hadhsan waayey, sababna u ahaa iun laga adkaado, markii ay aas-aasee ololihii “Abgaal dambe maya”, walow aysan siyaasaddu lahayn dhaqan wanaagsan ‘Politics has no morality!’. 3 – Waxaa socda dhaq dhaqaaqii ugu dambeeyey ee lagu unki lahaa isbahaysi mucaarad ah oo xoog badan oo uu hoggaamin doono Xasan Sheekh Maxamuud. 4 – Waxaa ku boohoobay isbahaysigaas, Daljir, Damujadiid, Wadajir, Horusocd iyo dhammaan kooxaha mucaaradka ah. Qodobka afraad waxaad ka fahmi kartaa in dhammaan xisbiyadaas iyo kooxaha kale ee siyaasadeed uu hoggaamin doono madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. oo 2021 la loolami doona kooxda Nabad iyo Nolol. Caasimadda Online oo la xiriirtay ilo aad ugu dhaw dhaw qaar ka mid siyaasiyiinta isku bahaysan raba dalladan ayaa u sheegay in isbahaysigu u xuub siiban doono xisbi la loolama Nabad iyo Nolol oo dhawaan ku dhawaaqi doonta xisbigeeda. Waxaa intaa dheer, in la’isku raacay murashaxa u tartami doona isbahaysigan la dhisayo kaas oo ah Xasan Sheekh Maxamuud. HANYARIDDA CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR! Walow ay hore sida link-ga hoose aad ka aqrisan kartaan Caasimadda Online u heshay xog hoose oo sheegeysay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur dowladda hadda jirta ku mucaaraday wasiirka arrimaha gudaha oo uu waayey, hadana xogtan waxa ay xaqiijienysaa in siyaasiga hankiisa ka sarreyn wasiirnimo. Tusaale, iyada oo ay dadka dhageysta hadallada uu ka jeediyo dadka uu qurbaha kula hadlo, waxa ay ku tilmaamaan codkar, afmiinshaar ah, dadka soo jita, islamarkaana u muuqda nin raadinaya xilka madaxweyne ee dalka. Hase ahaatee, haddii uu ku qancay in uu xubin ka noqdo isbahaysi uu majaraha u qabto Xassan Shiekh ama shaqsi kale, waxaa cad inuusan wasiir ka badan heleyn, sababta oo ah awood qeybsiga dalka ayaa u diidaya inuu noqdo ra’iisul wasaare haddii Xasan guuleysto. Waxcaa yaab leh, isaga oo intan dagaal maraya, qarash badan bixinaya, socdaallo badan galaya, taageeroyaal badan oo dowladda hadda jirta neceb kasbanaya, side ku ogolaaday inuu hoos-tago Xasan Sheekh. Ma hankiisa ayaa yar, mise kalsooni xumo ayaa haysa? Waxa kaliya ee cad ayaa ah dagaalka uu ku jira Cabdiraxmaan iyo hankiisa siyaasadeed waa kala laba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka ee qeybata ka ah Xisbiga Waddani ayaa sheegay in Taliska Ciidamada Militeriga Somaliland uu u gacan galay beelo gaara. Buubaa oo u waramaayay warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland ayaa tilmaamay in hanaanka dhismaha ciidanka Militeriga uu yahay mid loo maray qaab khaldan waxa uuna cod dheer ku sheegay in hal beel ay hayaan qeybaha uu ka kooban yahay Taliska. “Anigu waxaan dhaliilsanahay hanaanka dhismaha ciidanka Militeriga, waxaanu qirayaa in qeybaha uu ka kooban yahay taliska ay wada hayaan shaqsiyaad hal dhinac ah” “Ka beel ahaan anigu waxaan kasoo jeeda West Burco Clan cidna kama dhexmuuqato taliska, beelaha kale qaarkood sidaa ayaa loo dulmiyay oo waxa ay ka cabanayaan cadaalad daro” Buubaa waxa uu sheegay inuusan garankarin sababta hal dhinac loogu badiyay Hay’adda Militeriga waxa uuna carab ***** in maamulka Biixi laga doonaayo inuu u cadaalad falo qabaa’ilada. Buubaa waxa uu sidoo kale, sheegay in maamulka jira uu isku khaldaayo xilalka guud iyo kuwa gaarka ah, waxa uuna tilmaamay in Somaliland ay mudan tahay in laga dhaafo waxa uu ku sheegay qabiil uruursi. Haddalka Buubaa ayaa u muuqda mid lagu duraayo maamulka Hogaamiye Muuse biixi oo inta badan loo muujiyo dhaliilo ku saleysan dhanka uroonaanshaha beeshiisa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Saraakiil iyo khubaro kasoo jeeda dalka Mareyanka ay gaaren degaanka Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Saraakiisha iyo Khubarada oo heer Militery ah ayaa la socday diyaarad dagaal oo dhamaadkii asbuucii tagay gaartay Bali-doogle, gaar ahaan Saldhiga uu Mareykanka ku leeyahay deegaanka. Guud ahaan Saraakiisha iyo Khubarada ayaa kor u dhaafaya lix kuwaa oo la socday diyaarad 29 August 2018 xili habeena Hub ka dajisay Garoonka Aadan Cadde isla markaana usii kictantay deegaanka Bali-doogle. Saraakiisha oo galbinaayay Hubka ayaa lasoo sheegayaa in wali ay ku sugan yihiin deegaanka Bali-doogle, waxaana xusid mudan inaan la ogeyn cida Hubka loogu geeyay degaankaasi. Dowlada Mareykanka oo Saraakiil iyo ciidamo ay ka joogan Somalia ayaa lagu tuhmaa inay maalgalin iyo hub siinba ku sameyso Al-Shabaab. Ma cadda halka uu ku danbeyn doono Hubka iyo Saraakiisha la socday ee xiligan ku sugan degaanka Bali-doogle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in dowlada Kenya ay gaadiid dagaal nooca gaashaman soo tubtay xadka ay la wadaagto Somalia. Gaadiidkan oo aad u badan ayaa lasoo warinayaa in xiliyada qaar ay gudaha usoo galaan deegaanada Soomaalida halkaa oo ay ka sameeyan howlgalo. C/llahi Maxamed oo kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in Kenya ay hubkii ugu cuslaa soo dhigtay xadka kuwaa oo xiliyada qaar ay ku dul ridaan ciidamada. C/llahi, waxa uu tilmaamay in gaadiidka dagaal ee lasoo duldhigay ay yihiin kuwo ku cusub oo horay aysan u arag, waxa uuna carab ***** inay lasoo daristay walaac hor leh. “Ma garankarno waxa ay Kenya ula gol leedahay gaadiidka dagaal oo ay soo tubtay xadka, xiliyada qaar waxa ay nagu dul ridaan hub culus, balse waxaa nagu maqaal ah inay jirto cabsi ku aadan weeraro ku fool leh” “Waxaa dhacda in xiliyada qaar ay gudaha magaalada soo galaan gaadiid iyo ciidamo ka tirsan Kenya oo dhibaato noo geysta cid aan uga dacwoono ma jirto” Sidoo kale, dowlada Somalia ayaa ugu baaqay inay dhagaha u raariciso waxa kasoo yeeri doona xadka Somalia iyo Kenya oo lasoo dhigay ciidamo iyo gaadiid hor leh. Si kastaba ha ahaatee, arimahaani ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowlada Kenya ay todobaadkii hore ka digtay weeraro kaga imaada Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Markii madaxweynaha cusub ee Somalida Ethopia lamagacabay, Somali badan ayaa rajo kamuujiyay in degaanku helay fursad weyn, kadib 1991, walow uu wali mugdi kujiro qaabka ay usaldhigan doonto siyaasada Ethopiayada cusubi. Hadaba aan qodobeeyo inta aan isleeyahay waa caqabad ama fursad ee horyaal hogaanka cusub. Taariikhda dhow ee degaanka Deganka Somalida ee Ethopia waaa mid dadka soomaliga kuhadla dareen khaas ah kuleh. Dad badan oo Somali ah baa kuwaayay dad, nool iyo mood. Dadkaas oo iskugu jira kuwa daagaan ah iyo kuwo Somaliweyn daganba. Sababihii dowladii dhexe ee Somalia ay kuburburtay qeyb weyn waxaa kulahaa guuldaradii dagaalkii cadiifiga lagugalay ee 1977. Markii dowladii Mengistu latuuray, isbadelkii kadhacay Ethopia 1991, degaanka Somalida Ethopia wuxuu helay fursad uu Ethopiyadii cusbeed dhismaheedii iyo maamulkeedaba qeyb weyn kacayaari karay. Jabhadii ONLF oo markaa xaga siyasada ku mataleysan degaanka fadhiyadii siyaasadeed ee Ethopiyada cusub lagu yagleelayay ayaa la imaan talo waaqica ah oo degaanku ku helo maqaan weyn oo siyaasadeed. Taas badelkeedii waxaa dhashay kalaqeybsanaan Somalida kutimi, iyagoo dadkii isku maslaxada ahaa hoos isu eegay, kadibna hankii weynaa ee shucuubtu laheyd baa burburay. Waxaa taas dheeraa, hamigii xarakooyinkii diimaha ahaa oo burburkii dowladii dhexe ee Somaliya kadib yeeshay awood badan oo gaaray in dhulka Somaliweyn dagto oo dhan isku balaariyaan oo ay kujirto dhulkan Ogadenya. Waxayna taas fursad siisay qoloyiinkii markii horeba aan rabin in degaankani xasilo oo helayna qiil dadka lagu caburiyo. Xaladii degaanka ayaa meeshii ay taagneyd dowladii hore ee Mengistu kunoqotay. Walow imaanshihii Cabdi Illey uu dagaanka maqaamkiisa siyaasadeed kor usoo kacay; isagoo yeeshay ciidan, calan, luqada somaliga oo dugsiyada lagu barto iyo kabayaal dhaqaale oo dhismay. Balse dhinaca kale wuxuu maamulkan Illey abuuray caburin, xasuuq iyo xabsiyeen aanan xad leheyn, taas oo sii wiiqday walaalnimadii dadka iyo xasilinoodadii degaanka. Hadaba hadaad milicdo Ethopiyadii 1991 qowmiyadii marka talada wadanka qabatay waxa ay aheyd Tigray oo ah qowmiyad Somalidu abaal badan kulaheed, iyagoo wakhtigii ay jabhada ahaayeen Somaliweyn lagasiiyay degaan, waxbarasho iyo dhalasho oo Basaborka Somalida ayeey kusafri jireen. Sidaan oogu lisnay nooguma aysan hanbeyn, taliskaa Tigray ee Zinawi hogaminayay wuxuu awood galiyay inuu kala qob qobo somalida oo markii horeba kala irdhowsaneyd, wuxuu iskugu dhiibay hub wuxuuna xaqiijiyay ineysan waligood qaran awood kuleh Geeskan Afrika noqon. Hadaba wixii dhacay 1991, tan maanta xagee ayeey ooga egtahay. Kacadonkii sanadkan kadhacay Ethopia oo ay hormuud u ahaayeen Oromodu waxaa laga dhaxlay in Oromo hogaamiyaan Ethopia markii oogu horeysay taariikhda. Sanadihii ay caburinta kujireen, dadka Oromadu dhulka balaaran oo ay Somalidu dagto ayeey usoo qaxeen. Waligood cadownimo kalama aysan kulmin Somalida, waloow Somalida dhexdeedu aysan mararka qaarkood iyagu is amaangalin. Qeybo kamida qowmiyada Oromada baa aad udhexgalay oo ay isguursadeen Somalida. Balse qul quladihii bilihii dhowaan dhacay ayaa lagu xasuuqay Somali badan, dadkii xasuuqaa qeybta weyn kaqaatay waxa ay ahayeen Oromadii Somalida kudhex noolaa. Wali qof loo soo taagay danbiyadaa dhacay ha ahaadeen madaxdii askarta ama maamulka Oromoda majiro. Tani waxay mugdi galin kartaa sida Somalidu ku aaminto dowlada dhexe ee Ethopia. Fursadaha Jira ee Hogaan Cusubi Madaxweyn Cagjrar Heysto Walaow wakhtiga uuu hogaanka hayn doono Cagjar ay tahay 2 sano oo qura hadana aan dulmaro fursadaha jira. Dhaqaalaha Dagaanka waxaa lagu qiyaasaa iney dagan yihiin 8M oo somali kuhadasha, waana degaanka labaad xaga tirada iyo dhulkaba oogu baaxad weyn Ethopia, waxaa taas udheer juquraafi ahaan meesha uudhaco oo aad umuhiim ah. Degaanku wuxuu isku xiraa Ethopia iyo Somalia, Jabuuti, Kenya. Waana tan kadhigikarta in uu noqdo xaruun ganacsiga ee Geeska Africa, maadama Ethopia ay tahay wadanka Geeska Africa oogu dadka badan, halka Somalia ay leedahay xeebta oogu dheer Africa, Jabuutina ay kutaal dakada oogu casrisan Africa, Kenyana ay tahay suuqa sadexaad ee dhaqala oogu weyn Africa (South-Africa and Negeria kadib). Dhamaan arimahan aan soo sheegnay waxay kutusin muhiimada dhaqale ee degaanka Somalida Ethopia leeyahay. Hadaba qaabkee fursadani looga faaideysan karaa: Madaxweynuhu waa in uu layimaado han weyn iyo qorsho cilmiyeeysan si uu kuhananto shacuubta tirada badan ee Gees Africa awooda dhaqaale kuleh ee kuhadasha somaliga. Ganacsi badan ayeey dadka Somalida kuleeyihiin caalamka meelo badan, hadey helaan maamul kacaawiya xaga farsamada waxaan qabaa in xaarumo ganacsi ay kafuran lahayeen degaanka iyagoo maanka kuhaya suuqa weyn ee ganacsi ee kajirta Ethopia. Si aysan udhicin khaladka kajira Kenya oo maalgashiga soomalida aad oogu yaryahay degaanka Somalida, waa in degaanka Somalida Ethopia lagahelaa tasilaadyadii ganacsigu ubaahnaa. Degaanka wuxuu leeyahay koronto jaban, biyo iyo dhul beereed, wuxuu fursad uyahay shirkado badan oo ka ganacsata Somalia, Jabuuti iyo Kenya oo kadhisan kara warshado iyo xaruumo wax soosaar (Production Lines). Inuu udub dhexaad unoqdo xiriirada ganacsiga (bilateral business agreements) ee dhexmara Ethopia iyo darisykeeda, maadama degaanku meesha uu kuyaalo ay xudunta tahay. Matalan iskuxirka ganacsi ee Somaliya iyo Ethopia yeelaneyso ama Ethopia Jabuuti iyo Kenya yeelaneyso waa in Dageenku qeyb kayahay oo uu noqdo wadada lasoo marsiiyo alaabta kabaxeysa ama galeysa Ethopia. Inuu degaanka uu wax kahelo mashruucyada waa weyn ee Ethopia kasocda. Ilaa iyo iminka mashruuc weyn degaanka kama qabsoomin, walow ay Ethopia kadhismeen warshado badan oo wax soo saara, khad train iyo kaabyaal dhaqale oo badan. Xagga Siyasada Waa inuu dowladiisa iyo xisbigaba kusoo daraa dad aqoon durugsan iyo khibradba uleh xaalada degaanka kujiro. Waa ineysan noqon sidii hor udhacday dhalinyaro suit and tie soo xirtay oo khibrad maamuleed laheyn gacanta loogaliyo xafiisyo muhiim u ah dadka iyo degaanka, waa in ladoonaa ruug cadayadii iyo waayo aragii aan Madaxweyne Cagjar ka miisaan yareen. In Madaxweynuhu yeesho khuburo sharci yaqaan oo darsa nidaamka federalka Ethopia ee hada jira, sii loo lafaguro inta caqabadka ku ah Degaanka. Waayo sharciga federalka ee Ethopia siduu uqoran yahay waa si aad ooga sareysa sida wadanka iminka lagu maamulo. Marka Madaxweyne Cagjar wuxuu ubahanyahay in waxkastoo awooda degaanka iyo mansabka shacuuqta kor uqaadikara oo kuqoran sharciga federal kudhiiranado in sida ay uqoranyihiin loo fuliyo, sharciyada aanan degaanka u adeegeyna uu layimado farsamadii iyo wadaxajoodkii meesha looga saari lahaa. Gunaanad Madaxweynuhu waa inuusan ahaan madaxweynaha Jigjiga oo kaliya, waa in magaaloyinka degaanka kuwada hoydaa oo soo arkaa xaaladaha kajira. Waa inuu degaanku si mugleh oola shaqeeeya walaalaha dariska la ah Jabuuti iyo Somalia. Khusuusan waa inuu kuqanciyo maamulka iyo dijaarta Jabuuti in sida kaliya ee danahooda dhaqale ee Ethopia ay ku ilaalsan karaan ay tahay maamulka Somalida Ethopia oo awood leh mid dhaqaale iyo siyaasadeedba. Sidaa awgeed waa in ay qeyb weyn kaqaataan horumarka degaanka Somalida ee Ethiopia. W/Q: Axmed Xaaji Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Dubai (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa shirkad basaasnimada qaabilsan oo laga leeyahay Israel waydiisatay qalab lagu dabagalayo taleefoonka Ra’isulwasaaraha dalka Lubanon iyo qaar kale oo ka tirsan madaxda dowladaha Carabta sida la ogaaday Maalintii Jimcaha ahayd. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo waramayaa inay waydiisatay NSO Group sidoo loo dhageysan lahaa taleefoonada siyaasiyiin badan oo dalalka carabta ah Gaar ahaan Boqorka Sacuudiga, Hoggaamiyaha Qatar iyo Ra’isulwasaaraha Lebanon Saad Hariri. Ilaa hadda si cad looma ogo haddii dalabka Imaaraadka Carabta loo fuliyey isla markaasna la jabsaday Moobeelada Madaxda dowladaha kor lagu soo xusay. Sida ay sheegtay New York Times dowladda Imaaraadka Carabta ayaa muddo sanad ah adeegsaneysay Qalab ay sameeyeen basaasiin reer Israa’iil ah iyadoo la jabsanayey moobeelada Smartphones lana dhageysanayey wicitaanada Gudaha iyo kuwa Debadda ee taleefoonada madaxda qaar ka tirsan dowladaha Carabta. NSO Group ayaa horey u sheegi jirtay inay macaamiisha ka gadanayo qalabkaas kaliya loo ogol yahay in loo adeegsado shakhsiyaadka dambiyada galo iyo kuwa looga shakisan yahay argagixisada, waxaana macmiilka iibsanayo qalabkaas loo sheegi jiray inuu mas’uul ka yahay haddii uu u adeegsado xad-gudubyada xuquuqda madaniga ah. Laba Kiis oo lasoo bandhigay Maalinti Khamiista aheyd ayaa shirkadaan iyo shirkadaha kale ee xiriirka la leh lagu eedeeyey in barnaamijyadaas loo adeegsaday dhaqdhaaqyo aan sharci aheyn. Dowladaha Imaaradka iyo Sacuudiga ayaa muddo badan ahaa xulafo waxaana laga yaabaa inay arrintaan abuurto khilaaf ka dhex dhasho labadaan dowladood. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
Rasaas Culus ayaa goordhaweyd laga Maqlay agagaarka Saldhig Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir. Maleeshiyaad Hubeysan ayaa Goor-dhaweyd weerar ku qaaday Saldhigay Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Degmada Hiilwaa ee Gobalka Banaadir gaar ahaan Xaafada Suuqa Xoolaha. Goobjoogayaal ku sugan Xaafada Suuqa Xoolaha ayaa PuntlandPost uxaqiijiyey inay Maqleen Rasaas Culus oo ay isweydaarsanayaan Ciidamada amaanka iyo Maleeshiyaad Hubeysan oo soo weerar Ciidamada. Ilaa hada lama oga Qasaaraha ka dhashay Iska hor imaadka ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana la ogeyn halka ay aadeen Maleeshiyaadii weerarka ku sooqaaday Ciidamada Dowladda. Xasan Mohamed Samatar Cowke Puntlandpost Muqdisho The post DEG DEG:Rasaas Culus Oo Laga Maqlayo Degmada Huriwaa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa jug culus goordhow laga maqlay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Waabari ee Gobolka Banaadir. Jugta oo aad u xooganeyd ayaa lasoo sheegayaa inay ka dhalatay Bam gacmeed lagu weeraray Xarunta Degmada Waabari. Jugta kadib ayaa waxaa la maqlaayay rasaas ay ridayeen ciidamada ilaalada ka ahaa Degmada iyo kuwo ku sugnaa meelo aan sidaa uga sii fogeyn. Qaraxa loo adeegsaday Bam gacmeedka ayaa waxaa ku dhaawacmay hal Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, kaa oo markii danbe la dhigay goobaha caafimaadka. Qaraxa kadib Ciidamada ammaanka ayaa isla caawa bilaabay baaritaano amni xaqiijin ah, waxayna ku daba jiraan raggii ka dambeeyay weerarkan, sida ay sheegeen saraakiil qaabilsan ammaanka. Si kastaba ha ahaatee, Qaraxa lagu weeraray xarunta Degmada ayaa kusoo beegmaya xili garoon ku dhexyaala degmada ay habbeenkii ku cayaaran mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo kuwo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The new Ethiopian ambassador to Egypt, Azanaw Tadessea, arrived from the Ethiopian capital Addis Ababa on Saturday on the Ethiopian Airlines flight, where he completed his arrival at the airport’s VIP lounge. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax gaari ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, gaar ahaan xaafadda Nuur Aduunyo ee degmada Dharkeenley. Qaraxa oo ahaa mid intiisa badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka dhashay miino nooca dhajiska oo lagu xiray gaari raaxo. Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in nooca Gaariga lagu xiray Qaraxa uu ahaa Sruf, kaa oo uu lahaa Gudoomiye ku xigeenka G/Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle. Gaariga ayaa Qarxay xili uu horyaalay guri ku yaala Xaafadda Nuur Aduunyo, iyadoo milkiilihaa loogu xiray Qaraxa uu wargaliyay ciidamada Ammaanka ee degmada. Inta la xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay laba Askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada kuwaa oo xiliga Qaraxa ku howlanaa sida ay Gaariga uga furi lahaayen Qaraxa lagu dhajiyay. Sidoo kale dhaawacyada labada askari ayaa la dhigay isbitaalada magaalada Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa inay kamid ahaayen ciidamada Degmada. Si kastaba ha ahaatee, Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa xiligaan u badan nooca dhajiska ee gaadiidka raaxada loogu xiro shaqaalaha DFS. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com