-
Content Count
206,444 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa is barbar dhigay khataraha iyo faa’iidooyinka Somaliland ugu jira saldhiga milatari ee ay siisay dawladda Imaaraadka Carabta. Wasiir Sacad Cali Shire, oo qayb ka ahaa warbixin dheer oo ay jariirada The Telegraph ka diyaarisay khilaafka wadamada gacanka iyo awoodaha ku loolamaya Kanaalka Suweys iyo halka ay Somaliland kaga jirto, wuxuu sheegay in Somaliland dareensantahay khataraha uga iman kara haddii dalkeed laga weeraro wadamo kale, iyadoo laga aargoosan karo, laakiin haddana uu aaminsanyahay in faa’iidadu ka badantahay khataraha jira, “Heshiiskan waxaanu ku helaynaa waddo, maalgashi shisheeye iyo shaqooyin, dal 75% aanay dadksiisu si toos ah u shaqayn.” Ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire. Wasiirka oo ka hadlaya khataraha iyo faa’iidooyinka is barbar socda ee heshiiskaas wuxuu yidhi “Waanu ognahay in annaan bilaash wax ku helayn. Waxaa jira walaacyo laga qabo qarannimada. dhulkayaga waxaa loo isticmaali karaa in uu xarun weerarrarada laga qaado u noqdo dagaal dad kale leeyihiin, taas oo na geyeysiinaysa khatarta ah in lanaga aargoosto. Laakiin waxa aanu aaminsannahay in faa’iidooyinka ku jiraa ay ka culus yihiin khasaaraha ka dhalan kara.” Wargeyska waxa kale oo u waramay Siciid Xasan Cabdillaahi oo ah maareeyaha dekeda Berbera ee faraca badda, waxaanu sheegay in imaanshaha ay DP world timid Somaliland uu kalsooni ku abuurayo cid kasta oo kale oo doonaysa inay dalka maalgashato, “Imaanshiyaha DP world wuxuu keenay faa’iidooyin oo dhan.” Ayuu yidhi Siciid oo intaas raaciyay “Wuxuu kalsooni siinayaa maalgashadayaasha kale ee shisheeye.” Waxaanu intaas ku daray in Berbera albaab u noqon doonto ganacsiga Bariga Afrika iyo bariga dhexe. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Amb. Michael Keating, ayaa sheegay in Somalia ay xiligan u baahan tahay Xisbiyo Siyaasadeed oo xadidan. Amb. Michael Keating, waxa uu tilmaamay in Somalia ay kasoo kabaneyso dhibaatooyin sanado badan qaatay oo laga dhexlay dhicitaanka dowladii Dhexe, sidaa aawgeedna ay muhiim tahay in la sameeyo axsaab Siyaasadeed xadidan. Keating, waxa uu sheegay in Xisbiyada ay aad u wanaagsan yihiin hase yeeshee aan la joogin xili Somalia laga sameeyo Sodomeeyo Xisbi oo qaarkood aan laheyn miisaan. “Waa arrin wanaagsan in Somalia hanaanka qabiilka uga gudubto hanaan axsaabeed, waxaa muhiim ah in la xadido axsaabta Siyaasada si ay khiimo u yeeshan tirada jirta” “Somalia xiligaan uma baahna Sodomeeyo xisbi waayo waxaa adkaaneysa loolanka iyo ahmiyada loo aasaaso xisbiyada, waxaa muhiim ah in la helo xisbiyo xadidan oo tayo leh” Amb. Michael Keating, ayaa Xasan Sheekh ku dhiiri galiyay in laga shaqeeyo sida lagu xadidi lahaa xisbiyada badan ee mucaaradka iyo kuwa muxaafidka ah, waxa uuna ku taliyay in la sameeyo ilaa Seddex xisbi oo awood leh, si ay u sahlanaato in lagu tartamo xisbiyo. Haddalka Amb. Michael Keating, ayaa u muuqda mid lagu dhiiri galinaayo Hoggaamiyayaasha Xisbiyada Siyaasada dalka oo iyagu gaaraya ilaa Sodon Xisbi Siyasadeed, waxaana harsan tirro kale oo aan wali la diiwaan galin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha cusub ee gobolka Soomaalida Itoobiya, mudane Mustafa Maxamed Cumar ayaa ku dhawaaqay golaha wasiirrada cusub ee xukuumaddiisa. Xubnaha uu magacaabay madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Musfata Cumar ayaa gaaraya 27 xubin. Gollaha sharci dejinta ee DDSI ayaa kulan ugu qabsoomay xarunta maamulkaasi ee magaalada Jigjiga codka kalsoonida ah ku siiyay wasiirrada cusub, iyadoo goobjoog uu ahaa madaxweyne Mustafa. Sidoo kale Xildhibaannada DDSI ayaa meelmariyay Hanti-dhowraha cusub oo loo magacaabay Ismaaciil Axmed iyo masuul kale oo loo magacaabay arrimaha bartool iyo macdanta gobolka. Kulankii maanta baarlamaanku ku yeesheen Jigjiga ayaa la soo sheegayaa inuu ka duwanaa kulamadsii hore ay u yeelan jireen waxaana xubnaha baarlamaanka xalay loogu diray fariimo Taleefoonnadooda, oo lagu wargeliyay inay kasoo qeyb-galaan kulanka ansixinta wasiirrada cusub. Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa ka yara deggan sidii hore tan iyo markii la soo magacaabay madaxweynaha cusub oo beddalay Axmed Ilkacase oo si KMG ah xilka loogu magacaabay markii Cabdi Maxamuud Cumar laga xayuubiyay. Lama hubo in xukuumadda cusub ee Jigjiga ay kamid yihiin xubno ka tirsan ONLF, oo dhowaan shaaciyay inay taageersan tahay isbedelka dhacay, iyadoo ogolaatay inay wadahadal la gasho xukuumadda magaalada Addisababab ee uu hormuudka u yahay Raysal wasaare Abiy Axmed Cali. Magacyada xubnaha wasiirrada ee Soomaali Galbeed oo maanta la ansixiyey ayaa kala ah: 1 Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar 2 Madaxweyne Ku xigeen Aadan Faarax Ibrahim 3 Wasiirka Biyaha Bashiir Shaafi 4 Wasiirka Maaliyadda Bashiir Dubbad 5 Wasiirka Madaxtooyada Xasan Dhaadhi 6 Wasiirka Waxbarashada C/laahi Maxamed Muuse 7 Wasiirka Caafimaadka Dr Yusuf Maxamed 8 Wasiirka Beeraha C/qaadir iimaan 9 Wasiirka Howlaha Guud C/fataax Sheekh Biixi 10 Wasiirka Ganacsiga C/raxmaan Axmed Xasan 11 Wasiirka Ka hortagga Masiibooyinka Maxamed Cabdi 12 Wasiirka Qurbajoogta Xabiib Xaaji 13 Wasiirka Xeer-ilaalinta C/wali Jaamac Ibrahim 14 Wasiirka Xoolo Dhaqatada Eng Maxamed Shaale Isaaq 15 Wasiirka Cadaaladda Mubaarak Sheekh Cumar 16 Wasiirka Shaqada Iyo Shaqaalaha Xasan Aadan 17 Wasiirka Haweenka Ayaan Cabdi Shukri 18 Wasiirka Warfaafinta Guuled Aw Cali 19 Wasiirka Dhalinyarada Xasan Faarax Cali 20 Wasiirka Dooxooyinka Axmed Deeq Maxamed 21 Wasiirka Sayniska Axmed Naaji 22 Wasiirka Dhaqanka, Dalxiiska Ilyaas Abiib 23 Maareeyaha Xafiiska xirfadaha iyo tababarrada 24 Maareeyaha Macdanta, Tamarta Mudane Lade C/wali 25 Maareeyaha Wakaaladda Jidadka Sacaada Giire 26 Maareeyaha Wakaaladda Dakhliga Mudane C/laahi Cabdi Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa caawa ku sugan madaxda dowlad goboleedyada halkaasoo uu maalinka berri ah uga furmayo shirka gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada. Shirkani oo horay uu u iclaamiyay guddoomiyaha gollahani ahna madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu wadaa in looga hadlo arrimo kale duwan sida xaaladaha ku geedaaman maamullada shanta ah iyo sidoo kale arrimaha Soomaaliya. Kismaayo caawa waxaa ku hoyanaya madaxweynayaasha Galmudug, Puntland iyo Hirshabeelle Axmed Ducaalle Xaaf, Cabdiwali Cali Gaas iyo Maxamed Cabdi Waare marka laga soo tago madaxweynaha martida loo yahay ee Axmed Madoobe. Goobjoog News ayaa ogaatay in shirka lagu soo hadal qaadi doono wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ee Jubbland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa lagu wadaa in maalinta berri gallinka hore uu gaaro magaalada Kismaayo. Shirkani oo noqonaya kii seddexaad oo gollahani ay yeeshaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo cilaaqaadka ka dhaxeeya dowladda iyo Jubbaland muddooyinkii dambe uu gaaray meeshii u hooseysay, sidoo kale madaxweyne Xaaf ayaa kal hor magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulkiisa ka sheegay in dowladdu ay gacan bidixeyneyso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay xeerka xayiraadda lacagaha oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, kaas oo qayb ka qaadanaya barnaamijka xukuummadda ee hufnaanta iyo daah-furnaanta. Shirka maanta oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dood iyo falanqayn kadib waxa ay wasiirradu cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen xeerkan oo dawladda u oggolaanaya in xayirto lacagaha la xaqiijiyo in waddo qaldan ay ku socdeen ama hab sharci darro ah loo isticmaalayay. Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa sheegay in xeerkan, oo qayb wayn ka qaadanayaa sugidda amniga, qorshaha ilaalinta hantida dadwaynaha iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, loo gudbinayo baarlamaanka federaalka Soomaaliya si ay u meel mariyaan kadibna uu u noqdo sharci rasmi ah.
-
Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay xeerka xayiraadda lacagaha oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, kaas oo qayb ka qaadanaya barnaamijka xukuummadda ee hufnaanta iyo daah-furnaanta. Shirka maanta oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dood iyo falanqayn kadib waxa ay wasiirradu cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen xeerkan oo dawladda u oggolaanaya in xayirto lacagaha la xaqiijiyo in waddo qaldan ay ku socdeen ama hab sharci darro ah loo isticmaalayay. Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa sheegay in xeerkan, oo qayb wayn ka qaadanayaa sugidda amniga, qorshaha ilaalinta hantida dadwaynaha iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, loo gudbinayo baarlamaanka federaalka Soomaaliya si ay u meel mariyaan kadibna uu u noqdo sharci rasmi ah. PUNTLAND POST The post Golaha wasiirrada DFS oo ansixiyay Xeerka Xayiraadda Lacagaha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si wada jira magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ugu kulmay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating. Kulanka labada mas’uul oo ahaa mid saacado qaatay ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii Keating uu booqday hooyga uu magaalada Muqdisho ka degnaa Ex Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Michael Keating ayaa si guud uga wadahadlay xaalada Somalia, Isbedelada dhacay, Siyaasada, Amniga, dhaqaalaha iyo sida loola shaqeyn lahaa dowlada Somalia ee uu Hoggaaminayo Maxamed Cabdulahi Farmaajo inta uu ka dhameysanaayo wakhtiga. Kulanka labada mas’uul kadib madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh ayaa bartiisa Facebooka ku soo qoray nuqulo kamid ah kulanka waxaana kamid ahaa “Waxaan maanta kulan layeeshay wakiilka QM ee Soomaaliya Amb. Michael Keating kaas oo aan ka wada hadalnay xaaladaha dalka gaar ahaan dhinacayada siyaasada, amniga iyo dhaqaalaha, waxaan sidoo kale isla soo hadal qaadnay isbedelada mandiqada Geeska Africa”. Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu sheegay in kulankooda uu ahaa mid kusoo dhamaaday guul, waxa uuna arrin muhiima ku sheegay in la fuliyo dhamaan waxyaabaha ay kawada hadleen. Xasan Sheekh, ayaa horay u sheegay inay jiri doonaan kulamo uu la yeelan doono xubno kala duwan oo bulshada rayidka ay qeyb ka tahay, waxaana iminka socda kulamada uu sheegay Xasan. Sidoo kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu Muqdisho kula kulmi doono dhammaan madaxda Xisbiyada Mucaaradka ee ka dhanka ah DFS. Xasan Sheekh, ayaa doonaaya inuu sameeyo isbedelo dhanka Xisbiyada ah, waxa uuna wadaa qorshe ku aadan inay isbaheysi hoose sameystaan. Si kastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh ayaa ku taamaya in mar kale uu dib ugu soo laabto maamulka dalka, waxa uuna usii diyaar garoobayaa sida lagu dooran lahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada online) – Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in uu shir uga furmo magaalada Kismaayo maamul gobolleedyada Soomaaliya. Kismaayo oo ah xarunta Jubbaland oo ahayd halkii lagu unkay golaha ay ugu magic dareen iskaashaatada maamul gobolleedyada ayaa hadda ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo ay doorasho galayaan saddex ka mid ah xubnohooda. Fallanqeeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa odorosaya in qodobada ugu muhiimsan ee lagu gorfeyn doonaa shirkaas ay ugu muhiim sanaan dooto laba; doorashooyinka iyo xiriirka dowladda dhexe ay la leeyihiin. Doorashooyinka Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed waxaa hadda si xoog leh uga socda qaban qaabada doorashooyin ay maamulladaas galaan. Taas oo ay jirto, madaxda hadda uu waqtigooda dhamaanayo waxa ay walaac ka qabaan in dowladda dhexe ay kaalin ku yeelato habraaca doorashooyinka oo ay u arkaan in ay caqabad ku noqon doonto soo laabashadooda. Waxaa la filayaa in ay uga doodaan qaabka ugu wanaagsan ee ay isaga cabin karaan arintaas. Xiriirka oo la jaro dowladda dhexe Mid ka mid ah qodobada xasaasiga ah ee ay uga doodi karaan ayaa noqonaya in ay xiriirka u jaraan dowladda iyaga oo mideysan. Arrintan waxa ay uga gol leeyihiin in ay dowladda ku cadaadiyaan in aysan soo faro galin doorashooyinka ka dhacaya maamulada. Haddii ay taasi dhacdo, waxa ay noqoneysaa markii ugu horreeysay ee ay xiriirka u jaraan maamul gobolleedyada iyaga oo mideysan dowladda dhexe.
-
Jigjiga (PP) ─ Golaha Baarlamaanka Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Maanta Golaha Wasiirrada maamulkaas ee uu soo magacaabay madaxweynaha cusub Mustafe Cag-jar, iyadoo xildhibaannadu ay dood yeesheen ka hor ansixintooda. Wasiirrada maanta la ansixiyay ayaa waxay ka kooban yihiin in ka badan 25 xubood oo ay ku jiraan laba dumar ah oo keliya, waxaana la sheegay in xubnahan ay intooda badan yihiin aqoon-yahanno khibrad u leh jagooyinka loo magacaabay. Ansixinta golaha Wasiirrada DDSI ayaa waxaa goobjoogayaal ka ahaa; Madaxweyne Musafe Maxamed Cumar [Cag-jar] iyo guddoomiyaha xisbiga dimuqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya, Axmed Shidde, waxaana shirka lagu ansixiyay golahan guddoominayay afhayeenka baarlamaanka DDSI, Maxamed Rashiid. Sidoo kale, Xildhibaannada baarlamaanka DDSI, ayaa waxay isla maanta cod aqlabiyd ah ku ansixiyeen Hanti-dhawrka Guud ee Maamulkan oo loo magacaabay, Ismaaciil Axmed oo horay uga soo shaqeeyay maamulkan. Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa waxaa kaloo ay ansixiyeen isla maanta madaxa xafiiska macdanta iyo tamarta, kaasoo shaqadiisu ay noqon doonto sidii uu uga shaqeyn lahaa qoondada ay Dowlad-deegaanka Soomaalidu ku yeelan doonto shidaalka dhawaan laga helay deegaannada maamulkan oo lagu muransan yahay qoondada ay Soomaalidu ku yeelan doonaan. Mas’uulkan xafiiskan oo aan magaciisa la sheegin ayaa wuxuu shirarka la geli doonaa golaha wasiirrada, waxaana uu ka shaqeyn doonaan arrimaha xasaasiga ah ee ku aaddan shidaalka oo dhawaan laga helay deegaannada maamulka Soomaalida Itoobiya. Golaha Wasiirrada DDSI ee la Ansixiyay ayaa waxay kala yihiin; Madaxweynaha DDSI Mustafe Muxumed Cumar Madaxweyne Ku xigeen Aadan Faarax Ibrahim Wasiirka Biyaha Bashiir Shaafi Wasiirka Maaliyadda Bashiir Dubbad Wasiirka Madaxtooyada Xasan Dhaadhi Wasiirka Waxbarashada C/laahi Maxamed Muuse Wasiirka Caafimaadka Dr Yusuf Maxamed Wasiirka Beeraha C/qaadir Iimaan Wasiirka Howlaha Guud C/fataax Sheekh Biixi Wasiirka Ganacsiga C/raxmaan Axmed Xasan Wasiirka Ka hortagga Masiibooyinka Maxamed Cabdi Wasiirka Qurbajoogta Xabiib Xaaji Wasiirka Xeer-ilaalinta C/wali Jaamac Ibrahim Wasiirka Xoolo Dhaqatada Eng Maxamed Shaale Isaaq Wasiirka Cadaaladda Mubaarak Sheekh Cumar Wasiirka Shaqada Iyo Shaqaalaha Xasan Aadan Wasiirka Haweenka Ayaan Cabdi Shukri Wasiirka Warfaafinta Guuled Aw Cali Wasiirka Dhalinyarada Xasan Faarax Cali Wasiirka Dooxooyinka Axmed Deeq Maxamed Wasiirka Sayniska Axmed Naaji Wasiirka Dhaqanka, Dalxiiska Ilyaas Abiib Maareeyaha Xafiiska Xirfadaha iyo Tababarrada Maareeyaha Macdanta, Tamarta Mudane Lade C/wali Maareeyaha Wakaaladda Jidadka Sacaada Giirre Maareeyaha Wakaaladda Dakhliga Mudane C/laahi Cabdi Ugu dambeyn, Xukuumaddan ayaa waxay bedeli doontaa xukuumaddii ka horreysay ee uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee maamulka DDSI, Maxamed Cabdi Cumar oo dhawaan xabsiga la dhigay, iyadoo la sheegayo in xukuumaddan ay wax badan kaga duwan tahay middii ka horreysay. PUNTLAND POST
-
Nairobi (Caasimada Online) – KARANJA KABAGE oo ah Qareen ka tirsan maxkamadda sare ee Kenya ayaa maanta waxaa uu ku qoray jariidadda afka dheer Daily Nation inay haboontahay inay midoobaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo is-weydiiyey inkasta oo Soomaalida ku xirantahay bariga dhexe haddana maxaa ku jaban inay la midoobaan dalka Kenya? Dhul ahaan waxaa uu leeyahay Kenya waa 582,000 iyo Soomaaliya oo ah 637,000 square kilometers, halka xeebta Kenya ay tahay (490) iyo Soomaaliya (3,333km), tirada dadka Kenyaanka waxaa ay ku dhowyihiin 49 million halka Soomaalidana ay tahay ilaa 20 million. Waxyaabaha soo dedejin kara midowga waxaa uu ku sheegay in Kenya ay heysto qaxooti badan oo Soomaali ah, sidoo kalana ay jiraan Soomaali deggan gobolka waqooyi bari oo jagooyin muhiim ah ka haayo dowladda Kenya, isaga oo Soomaalida ku sifeeyay dad howl-kar ah oo shaqo badan. Qoraalka oo dheeraa waxaa ku jiray, haddii labada dal ay ka midoobaan xagga difaaca, maamulka iyo xeerarka, arrimaha dibadda, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, dhulka iyo xeebaha, waxaa ay noqon-doonaan awood weyn oo dadka iyo deegaanka ah, taasi oo midowga bariga Afrika ka dhigeysa meel loo soo raadsado maal-geshiga. Sidoo kale, haddii labada dal midoobaan waxaa ay dadka tiradoodu noqon-doonaan 70 milyan, waxaana la heli-doonnaa suuq fiican, waxaa sidoo kale aan ka faa’ideysneynaa ayuu leeyahay xeebta dherarkeedu yahay 3,800km. Dhanka maamulka, waxaa uu soo-jeediyey in Kenya ay madaxweynaha qaadato halka Soomaaliya ay lahaato ku-xigeenka, taasina ay jirto muddo KMG ah, kadibna uu muwaadin kasta oo Kenyaan ah ama Soomaali ah uu doorto qofka uu rabo. Waxaa kale oo haboon in laga wada hadlo sidii loo saari lahaa dastuur cusub, oo la isku waafaqsanyahay. Midowga waa in ujeedkiisa ahaa in muwaadiniinta labada dal ay badda ka wada faa’ideystaan. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Kismaayo (PP) ─ Waxaa magaalada Kismaayo maanta gaaray saddex ka mid ah madaxda maamul-goboleedyada dalka, iyadoo garoonka diyaaradaha Kismaayo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin kala duwan oo uu hor-kacayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]. Madaxweynayaasha Maaalada Kismaayo gaaray maanta ayaa waxay kala yihiin, Madaxweynaha Dowladda Puntland, C/weli Maxamed Cali [Gaas], Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf] iyo madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare. Shir jaraa’id oo ay qabtene madaxdan ayaa waxay ku sheegeen inay ku faraxsan yihiin imaanshahooda Kismaayo, isla markaana ay rajeynayaan in shirkooda ay kasoo bixi doonaan qodobbo dan u ah bulshada Soomaaliyeed oo dhan. Dhanka kale, Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa sheegay inuu berri imaan doono Kismaayo madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la filayay inuu maanta yimaado, balse ay sheegeen in arrimo kale uu u baaqday. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo isagana warbaahinta hadal kooban siiyay ayaa sheegay in madaxda maamullada dalka ka jira ay kaga qayb-geli doonaan magaalada Kismaayo shirka golaha iskaashiga maamul-goboleedyada, kaasoo saddexdii biloodba mar la qabto. Sidoo kale, Shirkaan ayaan la sheegin qodobbada looga hadli doono, balse shirarkii midkan ka horreeyay ayay madaxda golahan kaga hadleen xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo iskaashiga kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn, Golaha Iskaashiga maamul-goboleedyada dalka ayaa waxay inta badan ku dhaliilaan kulammadooda Dowladda Dhexe ee dalka, iyadoo la filayo in shirkan ay kasoo baxaan qodobbo xasaasi ah. PUNTLAND POST The post Madaxda Maamul-goboleedyada Qaarkood oo Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
NAIROBI, Kenya (Caasimada Online) – United Nations has condemned suicide attack at local government office in Somali capital Mogadishu, killing at least six people, including two children. UN envoy to Somalia, Micheal Keating condemned in the strongest terms Sunday’s attack claimed by Al Shabaab, calling it as ‘heinous and cowardly terrorist bombing’ in Somali capital. The blast detonated after suicide bomber blew himself up near Howlwadag district headquarters. The explosion also left 14 people, mostly civilians and school children injured, according to police. “I’m very alarmed by Sunday’s attack in Mogadishu. The children should never be victims of such violence”, he said. Keating expressed his deepest sympathy and condolences to the families of the victims and to Somalia. He wished a speedy and full recovery to those who were injured in the suicide attack in Somali capital. Keating has underlined the need to hold perpetrators, organizers, financiers and sponsors of these reprehensible acts of terrorism accountable and bring them to justice The United Nations remains committed to supporting the Somalia’s efforts to achieve peace, security, and democracy in its nation. Caasimada Online Nairobi, Kenya News Desk Caasimada@live.com
-
Lix nin oo shan kamid ah yihiin ajaanib u dhalatay dalka Pakistan isla markaana kamid ahaa shaqaalaha dhisaya saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka dhisanayo magaaalada Berbera ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii lagu soo eedeeyay ugaadhsi sharci darro ah gaar ahaan waxaa la sheegay in ay ugaadhsanayeen Xayawaanka Deerada. Anwar Xasan oo ah isku duwaha Wasaaradda deegaanka ayaa Goobjoog News uga warbixiyay xiritaanka ajaanibtan. “Dad aan xirnay waxaa ay ahaayeen shan qof oo ajaanib ah iyo hal Soomaali ah waxaa ayna ka shaqeynayeen Saldhigga Imaaraadka uu ka dhisanayo Magaalada Berbera arrintani waxaa noo soo sheegay shaqaalaha garoonka”. Shaqaalahan ayaa waxaa ay ka shaqeynayeen Saldhigga Imaaraadka ee Berber waxaa ayna gaarayaan lix qof oo mid ka mid ah uu Soomaali waxaana lagu eedeeyay in ay sameeyeen ugaarsi sharci darro ah sidaasna loo xiray. Goobjoog News https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Wareysi-Somaliland-Anwar-Xasan.mp3 Source: goobjoog.com
-
Baydhabo-(Caasimadda Online)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Ra’iisul Wasaare Khayre waxaa Garoonka diyaaraha ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed. Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare kheyre ee Magalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay inuu ka qeyb geli doono tacsida iyo aaska Hooyada Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo shalay geeriyootay. Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa la adkeeyay iyadoo aaska hooyada guddoomiyaha baarlamaanka ay ka qeybgaleen madax faro badan. Safarka ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ku soo beegantay xilli ay madaxda dowlad goboleedyada ay isu diyaarinayaan kulan ugaga furma magaalada Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
NAIROBI, Kenya (Caasimada Online) Somalia’s regional state leaders have on Sunday arrived in the coastal town of Kismayo to heal rifts with federal government. High level delegations led by the leaders were warmly welcomed at airport in Kismayo town. The leaders will hold meeting to discuss latest political criss between Jubaland State and Federal government, according to regional officail, who asked to be anonymous. He says the meeting is a good omen for the Somali nation. “This meeting is one that we shall bring together the leaders of Somalia and it is intended to eliminate the existing dispute,” he said. There has been political tension between Jubaland State leaders and Federal government of Somalia for the past months. Caasimada Online Nairobi, Kenya News Desk Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa Xabsi dhigay Lix nin oo shan kamid ah yihiin ajaanib u dhalatay dalka Pakistan. Ajaaniibtan ay Somaliland xirtay ayaa lasoo warinayaa inay kamid ahayeen shaqaalaha dhisaya Saldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka dhisanayo magaaalada Berbera. Ajaaniibtan ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii lagu soo eedeeyay ugaadhsi sharci darro ah gaar ahaan waxaa la sheegay in ay ugaadhsanayeen Xayawaanka Deerada, sida laga soo xigtay mid kamid ah Saraakiisha ciidamada ee ka howlgala magaalada Berbera. Sidoo kale, shaqaalaha ajaaniibta ee la xiray ayaa fasax u qabin inay ku dhaqaaqan ugaarsi iyo wax danbi ku ah sharciga maamulka, taasina ay keentay in la xiro. Shaqaalahan ayaa waxaa ay ka shaqeynayeen Saldhigga Imaaraadka ee Berber waxaa ayna gaarayaan lix qof oo mid ka mid ah uu Soomaali waxaana lagu eedeeyay in ay sameeyeen ugaarsi sharci darro ah sidaasna loo xiray. Si kastaba ha ahaatee, madaxda maamulka ayaan ka hadal xariga Ajaaniibta, waxaana lasoo sheegayaa in weli ay ku jiraan Xabsiga. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Qeybtii 1-aad halkan ka aqri: Marka waxaa muuqata in dheesha martigalinta ciidamada ay u macaanaatey Geelle oo billaabay sanadkii 2009-kii in Japan uu siiyo saldhig ciidan oo ay joogaan 400 oo askari, sidoo kale waxa uu saldhig siiyay Talyaaniga waana laba ciidan oo aan sida caadiga ah ilaa ay maantaadan ciidammo dibadda ka joogin, sidoo kale Dowladda Sucuudiga ayuu siiyay saldhig ciidan, oo lagu waday in ay noqoto dowladdii Khaliijka ahayd ee ugu horreysay oo saldhig ciidan dibadda ku yeelata. Geelle, si fiican ayuu u qorsheeyay dheesha ah in waddanka laga dhigo meel ciidamada caalamka lacago lagaga qaato si la isugu miisaamo kuwa ay u badan tahay in ay amniga adduunka masuul ka noqdaan, marka laga reebo isu miisaamidda qarsoon ee ka dambaysa saldhigyada kala duwan ee la kiraynayo, haddana faa’iidada lacageed ay ka helayso Dowladda Jabuuti saldhiyadaa la kiraynayo ma aha mid sahlan, waxaana lagu qiyaasaa boqollaal malyan oo doollar. Tusaale ahaan, dowladdu Faransiisku waxa ay bixisaa sanadkii $30,000,000 oo ah kirada saldhigeeda, Jabbaan na waxa ay dhiibtaa $33,000,000, Maraykankuna $63,000,000, intaa waxaa sii dheer faa’iidooyinka dhaqaale ee kale ee hawlgalinta saldhigga, martigelinta ciidamada, dhaqdhaqaaqa diyaaradaha iyo dakadaha oo intaas oo jeer ka badan tirada aan soo sheegnay. CALALINTA IN KA BADAN INTA LA CUNI KARO Sanadkii 2015-kii ayay dheesha Geelle ka caraysiisay reer Galbeedka oo uu Maraykanku ugu horeeyo, kadib markii uu sii watay dheeshiisa bixinta saldhigyada isaga oo aan eegaynin kuwan laga kireeyo waxa ay heshiis ku yihiin iyo waxa ay isku diidan yihiin, tallaabada ugu dhiiranna waxa ay ahayd markii uu Shiinaha siiyay saldhig dhawr mitir u jira kan Maraykanka, kaas oo la furay 15-kii Agoosto ee sanadkii la soo dhaafay. Tillaabadaa oo Maraykanku uu arkay in ay sii xoojinayso damacii isballaarinta millatari ee Shiinaha ee Aasiya iyo Afrika, iyo sidoo kale xiriirka isa soo taraya ee Bakiin iyo Jabuuti, iyada oo uu Shiinuhu maalgalinayo mashaariic hormarineed oo qiimahoodu gaarayo $14,000,000,000 (14 bilyan) oo uu Jabuuti ugu dhisayo jidad, garoomo iyo dakado oo uu ka jiro is ciriiri wayn oo uu sabab u yahay shaqaaqooyinka ka jira dowlada Saaxilka ee mandiqadda ku yaal, sida Yaman iyo Soomaaliya, halka Jabuuti ay ka dhistay 6 dakadood oo cusub oo aan ahayn kuwa hadda shaqeeya. Waqtiba waqtiga ka dambeeya, waxaa sii kordhayay walwalka ay Washington ka qabtay xowliga uu ku socdo awoodda dhaqaalaha Shiinaha ee Qaaradda Afrika, iyo xiriirka sii ballaaranaya ee uu Jabuuti la yagleelay, Maraykanku waxa uu walwal kale ka qabaa saldhigga Shiinaha oo 6 mayl oo kaliya u jiray kiisa in uu saameeyo danihiisa amni oo ay ka mid yihiin hawl-galladiisa qarsoon ee uu ka waday Soomaaliya iyo Yaman, si gaar ah waxa uu uga walwalsanaa Jabuuti oo ku dhacday dabinka daymaha ee Shiinaha iyo in uu gaadhay daynka guud ee Jabuuti 80% marka loo eego wax soo saarkeed guud ee gudaha (GDP), daynkaas oo inta badan uu Shiinuhu leeyahay taas oo u sahlaysa in ay saamaynku yeeshaan go’aanada dhaqaalaha iyo siyaasadda ee nidaamka Geelle. Dhab ahaantii, waxaa muuqatay in Jabuuti ay ku guulaysatay in ay xilli hore dareento cabsida ay qabto Washington, makii ay ka dalbatay Maraykanka bishii Agoosto 2015 in ay ka guurto dakadda iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee ay ka dagan tahay magaalada xeebta ah ee Ubukh, kaddib uu Shiinuhu magaaladaa ku maal gashaday ku dhowaad $14,000,000 si uu u hormariyo dakadda sanadkii 2009-kii, isagoo u saxiixay heshiis u ogolaanaya in ay adeegsadaan dakadda ilaa 2026-ka. Sida furan ee ay Jabuuti Shiinaha ula macaamishay iyadoo aan eegin isle’egta juqraafi siyaasadeed ee jirta, waxa ay u ekayd isbiimayn dhiifoon oo uu la yimid madaxweyne Geelle, laga soo billaabo tan iyo markii ay ka soo muuqatay in uu ka xoroobo in si kulli ah ugu tiirsanaado reer Galbeed iyo Maraykan, ama ugu yaraan in uu helo masaafo uu kula dhaqmi karo dowlad aan u aaba yeelin hadallada dhaqanka u ah reer Galbeedka ee ku saabsan xuquuqul insaanka siyaasadaysan, waxaase muuqatay in isbiimayntii Geelle ay dhaaftay intii loo ogolaa ilaa Washington ay isku dayday in ay u adeegsato awoodeeda diblomaasiyadeed si ay u hor istaagto in mar 4-aad dib loo doorto doorshooyinkii 2016-kii, iyada oo isku dayaysay in ay soo saarto hoggamiye kale oo ka maqcuulsan, marka dhankeeda wax laga eego, danaheedana ilaalin kara. La soco qaybta 3-aad… Waxaa Tarjumay: Dr Maxamed Xasan Nuur
-
NAIROBI, Kenya (Caasimada Online) –Deadly airstrike against Al- Qaeda linked Al-Shabaab group has reporyedly killed sveral foreign Jihadists in south of Somalia. The strike was carried out on Sunday in Bu’ale town, some 485km away from Somali capital Mogadishu, killing several foreign fighters. Somali military says the air-raid targeted a militants’ camp, where the group is believed to launch from suicide bombings and guerilla-style attacks. Mohamud Mohamed, a militray officer, said Sunday’s raid killed number of foreign fighters, who were at the targeted camp in the town. He says 8 other group’s fighters were also injured in the latest airstrike in south of Somalia. It remains unknown the country carried out the strike against Al Shabaab, but such strikes are often carried out by US military. There was no immediate comment from the rebel group over the claims. The President Trump administration approved expanded military operations against extremists in Somalia, including al-Shabaab, which is linked to al-Qaeda The U.S. has carried out 20 such strikes this year against the Somalia-based al-Shabab. The al-Qaida-linked group is the deadliest Islamic extremist organization in sub-Saharan Africa and it often targets Somalia’s capital, Mogadishu However, Al-Shabaab fights to topple Somalia’s western-backed central government and impose its a rule based on its own strict interpretation of Islam’s Sharia law. Caasimada Online Nairobi, Kenya News Desk Caasimada@live.com
-
Guddoomiyeyaasha Xaafadaha Garoowe ayaa ka dalbaday guddoomiyaha cusub ee magaaladaasi inuu wax ka qabto arrimaha la xiriira dib usoo celinta bilicda magaaladaasi. Muxubo Maxamuud, guddoomiyaha xaafadda Horseed ee Garoowe ayaa sheegtay in guddoomiyaha cusub ka dalabanayaan wax ka qabashada soo celinta leerarka iyo arrimo kale oo bilicda magaaladaasi ku saabsan. “ Xaafaddeenna labo laami ayaa mara, labada laami waa gud cur dhinicii ganacsiga waa uu socdaa xaafadda solar iyo lery toona lamahan waxaan u sheegayaa maamulka cusub iyo guddoomiyaha cusub waxaan leenahay waa in ay soo celiyaan biilcda Magaalada iyo xaafadaha”, sidaasi waxaa yiri Muxubo Maxamuud oo ah guddoomiyaha xaafadda Horseed. Axmed Barre Saciid ayaa todobaadkii hore loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha cusub ee Magaalada Garoowe kadib codeyn ka dhacday xarunta degmadaasi. 180902_006 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — At least six people were killed, including two children in suicide bomb explosion in Somali capital Mogadishu. The explosion went off after a suicide bomber detonated an explosives-laden vehicle outside Howlwadag district headquarters in Somalia’s capital, leaving six people dead. Hussein Mohamed, a policeman said six people were killed and 14 others injured in Sunday’s explosion He says 3 soldiers were among those who were killed in the blast The attack was immediately claimed by Al Shabaab group. The Somalia-based al-Shabab often targets the capital with bombings, including a truck bombing in October that left at least 512 people dead. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Ugu yaraan Lix qof ayaa ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen 16 kale qarax gaari loo adeegsaday oo maanta ka dhacay xarunta degmada Howlwadaag. Qaraxan ayaa ahaa mid xooggan oo laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, waxaana uu sidoo kale uu qaraxan burburiyey xarunta degmada, guryo ay deganaayeen dad shacab ah, masjid iyo Dugsi Qur’aan. Saalax Xasan Cumar Saalax dheere oo ah Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir ayaa Goobjoog News uga warramay sida uu qaraxa u dhacay “Gaari lagu sheegay inuu ahaa Baraado ayaa rabay in halkaan uu si xoog ah ku soo jiiro xaruntana uu gudaha u soo galo, Lkn nasiib wanaag ciidamadii ammaanka ee degmada kana shaqeynayay xaruntaan ayaa ka hortagay in ay gaarigaas istaagiyaan markaasna gaarigii waa uu is qarxiyay”. Lix qof ayaa ku dhimatay oo ay ku jiraan Askar, rayid , qofkii is qarxiyay waxaana sidoo kale waxyeello ay soo gaartay tobaneeyo kale sida uu sheegay Maxamed Xuseen oo ah Sargaal ka tirsan Ciidamada Booliska. Madaxa Amin ambulance ayaa sheegay in ugu yaraan 14 qof ay ku dhaawacmeen qaraxan, halka Lix ka mid ah dhaawacyadaan ay yihiin caruur sidoo kale dadka dhaawaca uu soo gaaray waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Holwadaag. Alshabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday xarunta degmada Howlwadaag sida uu sheegay Cabdi Casiis abuu Muscab oo ah afhayeenka dhanka howlgallada ee Alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday xarunta degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho. Weerarka ayaa geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana ku dhintay Seddex Askari oo ka tirsanaa ilaalada xarunta oo mid kamid ah ay aheyd Haweeney baari jirtay Haweenka howlaha uga baahda xarunta. Dadka dhaawacmay ayaa waxaa kamid ahaa Gudoomiye Ku xigeenka amniga Hawlwadaag oo la sheegay inay kasoo dhacday isha oo jug ay ka haleeshay waxa uuna xiligaasi ahaa mid ku sugan degmada. Xilliga qaraxa uu dhacaayay ayaa Xarunta Degmada Hawlwadaag waxaa ka socday shaqooyinka maalinlaha ah ee Degmada laga qabto. Xarunta Degmada ka soo horjeedkeeda waxaa ku yaallo Masaajid iyo Dugsi qur’aan isku dhagan, lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.
-
Diyaarado dagaal ayaa duqeyn ka geystay degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana warar dheeraad ah laga helayaa duqeyntaasi. Duqeyntan ayaa dhacday saqdii dhexe ee xalay, waxaana la sheegay in bartilmaameedka diyaaradahan uu ahaa saldhig Al-shabaab ku lahaayeen degmadaasi. Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Bu’aale oo la hadlay Goobjoog News islamarkaasna codsaday in codkooda iyo Magacyadooda aan laga baahin qalabka Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ilaa saddex gantaal ay diyaaradahaan ku soo tuureen degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada/dhexe. Mid ka mid ah gantaalladaas ayaa waxaa uu ku dhacay duleedka degmada Bu’aale lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay, halka midka saddexaadna la sheegay in uu ku dhacay banaanka hore Saldhig ay dagaalyahannada Alshabaab ku la haayeen halkaasi. Diyaarado badan ayaa sidaan oo kale waxaa ay howlgallo uga fuliyeen deegaanno ka mid ah gobolka Jubbada dhexe waxaana gobolkaasi gacanta ku haya dagaalyahannada Alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa aad u dhaliilay tallaabadii a hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA ay shalkay xubinnimadii bulshada sirdoonka uga xayuubisay taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda Jeneral Cabdalla Cabdalla. Qoraal uu soo dhigay barta facebook ayuu Cabdiraxmaan ku sheegay in Cabdalla uu xilkiisa ku waayey markii uu kashifay sirta xubnaha Shabaabka ee hay’adda ku dhex jira, islamarkaana in durba xilka laga qaaday ay muujineyso awoodda kooxdaas ay ku dhex leedahay NISA. Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Jeneraal Cabdalla Cabdalle Maxamed waraysi uu siiyey laanta afka Soomaaliga ee VOA wuxuu ku sheegay in hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliyeed ee (NISA) la burburiyey, xogtii iyo sirtii hay’adana gacantana loo geliyey Alshabaab. Jeneraal Cabdalla oo aan si wayn u aqaano wuxuu 6 sano ahaa taliye ku xigeenka NISA, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii duruufaha adag kusoo shaqeeyey. Horay xilkii ayaa looga qaaday, isagoon xilka lagala wareegin ayaa ninkii isaga lagu bedelay xafiiskiisii jabsaday, maanta fariin amar kiisa lagu qoray ayaa Twitter la soo dhigay laguna sheegay in Jeneraal Cabdalla ciidanka laga saaray, taasoo macnaheedu yahay in xuquuqdii ciidan laga xayuubiyo oo ay ilaaladiisa ka mid tahay si uu baylah ugu noqdo Alshabaab. Cabdalla waa jeneraal, xukun Maxkamad iyo go’aan Madaxweyne ayaa ciidan looga saari karaa. Tani waa marag ma doonto xadiga uu la egyahay saamaynta Alshabaab ku leeyihiin hay’adda NISA. Baarlamaanka Soomaaliya hadii ay damiir iyo dawladnimo jirto waa in ay hor istaagaan burburinta hay’adaha dawlada iyo u gacan gelinta Alshabaab, hadii kale iyaga ayaa beri wadooyinka lagu lay doonaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com