-
Content Count
206,444 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Halkan ka aqriso qeybihii hore – Laakiin Geelle ayaa haddana ugu dambayn guulaystay, sidiisii laysla yaqaannayna ku guulaystay, taas oo ka dhigtay xiriirkii Jabuuti iyo reer Galbeedka mid hubaal la’aan ah, waxaa cajiib ah in xiriirkaa aan deganayn ee u dhexeeya Washington iyo waddankaa ku yaalla irridda Baabul Mandab uu ku soo aadey faragalinta Sucuudiga iyo Imaaraadku ay ku sameeyeen Yaman bilowgii sanadkii 2015-kii, kaas oo dowladihii Khaliijka oo dhan ka dhigay halka loogaga tartamayo Geeska Afrika. Si gaar ah Dowladda Imaaraadka ayaa u bilowday tartanka lagu qabsanayo badda, kaddib markii ay sugtay joogitaankeeda millatari ee Cadan iyo dakadaha Yaman, ayaa waxa ay bilowday Abu Dabay askaraynta dhaqdhaqaaqyada dhaqaale ee shirkadda caalamiga ee Dakadaha Dubay (DP World) ee Geeska Afrika. Taas oo ay ugu muhiimsanayd xarunta kunteenararda ee Dooraale, Jabuuti, taas oo shirkadda Dakadaha ee Dubay ay ku lahayd 33% iyada oo ay usii dheertahay heshiis lagu sii socodsiinayo maamulka xarunta ilaa 50 sano oo la sixiixay 2006-dii. Markii uu bilowday duullaankii Sucuudiga iyo Imaaraadka ee Yaman ayay Imaaraadku codsi u gudbiyeen Jabuuti, ay ku doonayaan in ay dhistaan saldhig millatari si ay ula socdaan xaaladaha Cadan, Jabuuti way diidday dalabkaa waxa ayna ku kaaftoontay in ay u ogolaatay ciidamada Sucuudi iyo Imaaraad in ay isticmaalaan xarun millatari oo yar oo ku taalla aagga Haaraa-Muuse oo ku dhow Liimooneeh ee ay ka hawl galaan cidamada Maraykanku, intaasi kuma fillayn damaca Imaaraadka oo diyaaradaheedu ay marar badan jabiyeen ruqsaddii ku dagitaanka garoomada Jabuuti, taas oo keentay in uu muran diblomaasiyadeed ka dhex qarxo kaasoo xitaa gaaray in ay gacmaha isula tagaan Taliyaha Ciidanka Jabuuti iyo qunsul ku xigeenka Imaaraadka u fadhiya Jabuuti. Iyada oo taa ka jawaabaysa ayay Imaaraad bilowday in ay ku ciqaabto Jabuuti kiraysashada dakadaha la tartamaya Jabuuti iyada oo soo bandhigaysa in qiima yar lagu isticmaali karo, taas oo ay ku jiraan bandhigyo ay samaynayo Itoobiya in ay ku isticmaasho dakad ku taalla Berbera weliba qiimo jaban, taas oo keentay in uu sii waynaado khilaafka ku saabsan hufnaanta ka shaqaysiinta shirkadda Dakadaha Dubay ee xarunta kuteenarada Dooraale. Geelle ayaa si gaar ah ugu tuhmay Imaaraadka, in ay laaluush siisay mas’uul hore oo ka tirsanaa xukuumadda oo lagu magacaabo C/raxmaan Boorre oo hadda ah nin mucaarad ah oo daggan Imaaraadka, arrintaasuna waxa ay keentay in ay sii waynaato dhibaatadii u dhaxaysay labada dal, marka la eego sidii loo maamuli lahaa dakadda koteenarada, ilaa uu ka gaaro khilaafkii in Dowladda Jabuuti ay xaruntii dib ugala wareegto shirkadda caalamiga ah ee Dakadaha Dubay bishii Febaraayo ee la soo dhaafay. DHAQAN CELIN Markii ay soo if baxday in xiriirka Jabuuti iyo Imaaraadku uu xumaaday, Abu Dabay waxa ay raadisay meel kale oo ay lugta la hesho si ay u qabsato Geeska Afrika, qorshe aan ka marnayn wax yeellayn ayay Imaaraadku ku doorateen Eratariya oo Jabuuti col la ah, bilowguna waxa uu ahaa sanadkii 2015-kii markii shirkadda caalamiga ah ee Dakadaha Dubay ay sixiixday heshiis ay ku hormarinayso Dakadda Casab oo aan hormarsanayn Badda Cas na saaran. Kahor inta aysan billaabin in ay dhisato agagaarka dakadda Binya Caskariyyah iyada oo samaysatay saldhiggii millatari ee ugu horreeyay oo ciideeda ka baxsan, saldhiggaas oo leh garoon ciidan oo diyaarsan oo lagu dajin karo raxan dhan oo diyaaradaha “Miiraaj 2000” oo Faransiisku sameeyo, ama diyaaradaha “C-17” iyo “C-130” oo uu leeyahay ciidanka cirka ee Imaaraadku iyo qayb dhulka ah oo wayn oo le’eg urur gaashaaman oo ku qalabaysan dabaabadah “Liqueur ” ee faransiiska ah, iyo qaybo tababar oo ay ku diyaariso maleeshiyaadka uga hawl gala Yaman iyo meelo kale. Caasimadda Casmara ayay Imaaraadku ka bilaabeen in ay dayactiraan garoonka diyaaradaha oo burbursanaa si ay ugu degi kaaan helakobtarrada weerartama sida “Apache” oo uu leeyahay hoggaanka diyaaradaha wadaagga ah ee Imaaraadka, iyo sidoo kale helakobtarrada “Shiinuuk” iyo” Black Hawk” oo uu leeyahay ciidanka ilaalada madaxtooyada Imaaraadka. Diyaaradahaasuna weerar ayay qaadeen iyaga oo ka kacay “Casab”, duuliyayaasha cusub ee ciidanka cirka ee Yaman na waxaa lagu tababaray Casab inta aan la gaynin saldhigga cirka ee “Alcanad” oo ku taalla Cadan, oo sida oo kale ay Imaaraadku haystaan, sida oo kale Eratariya waxa ay dirtay 400 oo askari si ay u taageeraan ciidamada Imaaraadka ee Cadan jooga, halka Sucuudi iyo Imaaraad ay gacan ka gaysteen cusboonaysiinta shabakada korontada ee Eratariya. Waxaa kale oo ay siiyeen kaalmo shidaal iyo mid lacageed, laakiin aragtida Imaaraadku kuma koobnayn oo kaliya in ay u isticmaasho Eratariya saldhig hawl galladeeda ciidan ee Yaman, ee ujeedkeedu waxa uu ahaa in ay nafta kusoo celiso mid kamid nidaamyada ugu go’doonsan adduunka iyo laga dhigo qiblada cid kasta oo uu damac kaga jiro mandiqadda, furaha dhaqan celintaana waxa uu yaallay Itoobiyada dariska ah. Xilligii dagaalkii qaboobaa ee Sagaashamaadkii xiriirka Itoobiya iyo dalalka Khaliijka waxa uu ahaa mid aad u xun, iyada oo madaxda Itoobiya ay u arkeen in dowladahan ay si toos ah ugaga hiilliyeen Masar, Eratariya, Suudaan iyo Soomaaliya, taasna waxaa ka dhashay in xiriirka cusub ee Eratariya iyo Abu Dabey uu cabsi ku abuuro Adis Ababa oo ay masuuliyiinta Itoobiya tagaan caasimadda Imaaraadka si ay wada hadallo ula soo yeeshaan. Haddaba, inkasta oo wada hadallada labada dhinac ay markii u muuqdeen kuwa aan horumar samaynaynin, haddana waxa ay gaareen Abu Dabey iyo xukuumaddii dhacday ee Hailemariam Desalegn qaab ay ku wada shaqayn karaan kaddib markii ay Imaaraadku ballan qaaday in ayna dhiiri galinaynin dadaallada Eratariya iyo Masar ee lagu wiiqayo Itoobiya, taas oo ay kamid tahay in aysan si buuxda ugu hiillin Masar arrinta ku saabsan biyo xireenka wayn ee Itoobiya ee Al-Nahda iyo saamiga biyaha Wabiba Niil. Tartiib tartiib ayuu usoo xoogaysanayay iskaashiga labada dal ilaa uu ka noqdo mid istiraatiiji ah, iyaga oo ku shirkoobay hormarinta Dakadda Barbara ee woqooyiga Somalia, Itoobiyana waxa ay la gashay heshiis Somaliland bishii Febaraayo 2015-kii si loo hormariyo Dakadda Barbara, bil kahor inta aysan wada hadal la bilaabin shirkadda caalamiga ah ee Dakadaha Dubey nidaamka Hargaysa kaas oo ku dhamaaday heshiis ku kacay $442,000,000 oo lagu hormarinayo Dakadda Barbara 2016-kii, sidoo kale waxa ay ogolaatay shirkaddu $80,000,000 lagu bixinayo baahiyaha daruuriga ah ee ay dekeddaasi u baahan tahay. La soco qaybta 4-aad… Waxaa Tarjumay: Dr Maxamed Xasan Nuur
-
Siciid Cabdilaahi Maxamed (Dani) waxa uu ku dhashey magaalada Muqdisho sanadkii 1967 (51 sano jir), waxbarashadiisa hoose waxa uu ku qaatey magaalada Muqdisho, kadib waxa uu galay Jaamacadii Ummada, kuliyadda luuqadaha?, waxbarashadiisa sare ama heerka labaad ayuu ku qaatey jaamacad ku taala dalka Malaysia. Siciid Cabdulaahi Dani waxa uu kamid ahaan jirey ururkii Ikhwaanu Muslimiin ee ka hana qaadey dalka Masar, garabkiisa Soomaaliya ee al-Islaax, waxa uu kamid ahaa xubnaha ugu firfircoon ee gobolada Puntland (ex-Waqooyi Bari), Sidoo kale Siciid Dani waxa uu kamid aha asaasayaashii Hay’ada Tadaamun sanadkii 1992 hay’adaas oo markii danbe noqotey hay’ad kheyri ah oo ka qaybqaadata hormarinta arimaha bulshada. Siyaasi Siciid Cabdulaahi Dani ayaa qaybweyn ka soo qaatey arimaha bulshada gaar ahaan waxbarashada waxaana uu kamid ahaa kooxdii dhidibada u taagey iskoolka Hoose/Dhexe/Sare ee Imaam Nawawi ee magaalada Boosaaso, kaas oo la asaasey xili waxbarashada dalku aad u liidatey, waxaana uu mar noqdey maamulaha iskoolkaas oo ay ka qalin jebiyeen kumaankun ardey ah. Siciid Cabdulaahi waxa uu kamid ahaa asaasayaashii shirkadda ganacsiga guud ee Towfiiq oo kamid ah shirkadaha ugu waweyn Puntland. Soo gelitaankiisi siyaasada Siciid Dani marka laga yimaado in uu ahaa ganacsade iyo nin ka shaqeeya arrimaha bulshada gaar ahaan waxbarashada, waxa uu kamid ahaa kuwa ka agdhaw siyaasada, waxaana uu kamid ahaa kooxdii ganacsatada ahayd ee taageeri jirtey ama la taliyaasha u ahaa maamulkii Kornayl Jaamac Cali Jaamac ee mar Boosaaso ka taliyey mudo sagaal bilood ah 2001-2002, waxaana arintaas ku weheliyey Faarax Maxamed Siciid (Faarax Dheere) oo kamid ahaa asaasayaashii shirkada Towfiiq, waxaana askartii Cabdullaahi Yusuf ku dileen Garoowe sanadkii 2001, Faarax Dheere iyo kooxda kale ee Siciid Cabdulaahi waxaa golaha wasiiradii Jaamac Cali Jaamac u metelaayey Maxamuud Warsame Faarax oo loo yaqaan Maxamuud Shiddo oo ahaa Wasiirkii Maaliyada ee Jaamac Cali Jaamac, markii danbena kamid noqdey Jamhadii GBB ee Cadde Muuse hoggaamin jiray. 2009: Doorashadii Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee baarlamaankii 550 ay u doorteen Madaxweyne, kadib markii uu iscasiley Cabdullaahi Yusuf Axmed, ayaa isaga oo Jabuuti ku sugan waxaa damac siyaasadeed geliyey koox ganacsato reer Muqdisho ah oo u badnaa kuwo xubno ka ahaa ururkii al-Islaax al-Islaamiya, kuwaas oo sheegay in ay Sheekh Shariif ka soo dhameyn karaan in uu u magacaabo raysalwasaare, maadaama uu doonaayo in uu Wasiirka kowaad u magacaabo qof reer Puntland ah, taasina waxay ahayd damicii u horeeyey ee siyaasadeed ee ku dhasha Siciid Cabdulaahi Dani. Sanadkii 2012 ayuu si rasmi ah u soo galey siyaasada, kadib markii beeshiisu ay siisey mid kamid ah labadii kursi ee ay ku lahaayeen baarlamaanka, iyada oo aan cidna kula tartamin. Xildhibaan Dani ayaa markii uu doonaayey kursiga Xildhibaanimo u sheegay taageerayaashiisa in uu u tartami doono xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashadii 2012, ama uu keeni karo ugu yaraan Raysalwasaare, taasina ay tahay sababta uu Xildhibaanka u raadinaayo. Doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud kadib waxa uu kamid ahaa kuwii u ordaayey in Raysalwasaare laga dhigo. Xasan Sheekh Maxamuud waxaa awood badan ku lahaa xubno ka tirsanaa ururkii al-Islaax gaar ahaan garabkii Damuljadiid, iyo daladihii waxbarashada. Xasan Sheekh waxa uu raysalwasaare u magacaabey Cabdi Faarax Shirdoon, sidoo kale Siciid Dani kuma soo bixin golihii wasiirada ee u horeeyey ee Raysalwasaare Saacid. Fursadii labaad ee arrimaha siyaasada ayaa soo martey markii xilka laga qaadey raysalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid). Raysalwasaarihii la magacaabey Saacid kadib Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa u magacaabey Siciid Cabdulaahi Dani in uu noqdo Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowaladda Federaalka xilkaas oo uu hayey Janaayo 2014 – ilaa iyo markii uu wax ka ridey xukuumadaas 06.Diseembar 2014. Doorashadii 2016-2017 Siciid Cabdulaahi Dani waxa uu kamid noqdey musharixiintii doorashadii Madaxweynaha ee 2016-2017, waxaana uu wareegii kowaad galey kaalinta lixaad isaga oo helay 18 cod, sida ay sheegeen dad xogogaal ah Siciid Dani waxa uu ka tirsanaa gaashaanbuurtii Xasan Sheekh Maxamuud ee doorashada looga adkaadey. Laakiin Siciid Dani waxa uu mar kale ka mid noqdey siyaasiyiintii u orday in ay ka soo dhex muuqdaan golihii wasiirada ee Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre taas oo uu ku guuldaraystey, waxaana intaas kadib uu ka baxay magaalada Muqdisho isaga oo u badnaa dalalka Imaaraatka Carabta iyo Kiinya, dibna Puntland uguma noqon. Mudadii uu ahaa Xildhibaanka 2012-2016 Siciid Cabdullaahi Maxamed, kama mid noqon gudiyada Baarlamaanku lee yahay ee gaarayey 15 gudi, kuwaas oo muhim ahaa, mudadii afarta sano ahayd ee uu Xildhibaanka ahaa waxa uu kamid noqdey 10-ka xildhibaan ee ugu maqnaanshaha badan marka la eego ka qaybgalka fadhiyada baarlamaanka iyo hawlaha Baarlamaanku wado, waxaana uu afartaas sano helay 27%, sida aan xogta hoose ka helney xafiiska habdhawraha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Siciid Cabdulaahi Maxamed fadhiyadii ugu badnaa ee uu ka qaybgalo waxay ahaayeen kuwii lagu doortey Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka, qaybta labaad waxay ahayd kuwii ay ku ridayeen isla xukuumadii uu ka tirsanaa, iyo kuwii lagu ansixinaayey. Xiligii uu ahaa Wasiirka Qorsheynta 2014-2014. Sida aan horey u sheegney Siciid Cabdulaahi Dani waxaa Wasiirka Qorsheynta u magacaabey Raysalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, oo ahaa Raysalwasaarihii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh soo magacaabo. Waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu xusuusto Siciid Dani waxaa kamid ahaa buugii tirakoobka ee qiyaasta ahaa, kaas oo la diyaariyey sanadkii 2014, markaas oo uu xafiiska joogey Siciid Dani, tirakoobka qiyaasta ah ayaa tirada dadka Soomaaliya ka dhigay 12.3 milyan oo qof, waxaana guud ahaan gobolada Puntland qiyaastu sheegeysey in ay ku noolyihiin dad ka yar 1.7 milyan oo qof, xogtan ayaa la shaaciyey xiligii uu Wasiirka ahaa Cabdiraxmaan Caynte, laakiin waxa uu ku doodey in xogta la diyaariyey sanadkii 2014. Siciid Cabdulaahi Dani ayaa saxiixay warqad lagu sii deynayay natiijada qiyaas tirakoobka, laakiin Raysal Wasaarihii hore ee Cabdiwali Sh. Axmed, ayaa diiday inuu aqbalo natiijadaas, inyar kadibna Raysalwasaaraha xilkii ayaa laga qaadey. Arintan ayaa ahayd weji gabax iyo gef laga galay shacabka Puntland iyo Dowladda Puntland. Siyaasi Siciid Cabdullaahi ayaa markii uu wasiirka ahaa ka horyimid Xukuumadiisi iyo Raysalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana uu kamid noqdey qaar kamid ah golihii wasiirada ee u ololeeyey in ay ridaan isla xukuumadii ay ka tirsanaayeen. Xasan Sheekh oo ay haysatey fashil siyaasadeed iyo cadaadis caalami ah oo saarnaa ayaa isku dayey in uu fashilka u leexiyo xukuumaddii Saacid, si uu u soo celiyo sumcadii beesha caalamkana uga gado in uu doonaayo isbedel, waxa uu soo magacaabey Rasyalwasaare ku cusub siyaasada, 12 bilood, waxaa soo baxaydey qofka uu ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo waxa ay Raysalwasaarayaasha isku haystaan oo ah shaqadooda, waxaana uu abaabuley mooshin ka dhan ah Raysalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, mooshinkaas oo uu horboodaayey Wasiirkii awooda badnaa ee kamid ahaa xubnaha u sareeyey ururkii Damuljadiid Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Siciid Cabdilaahi Dani wasiirkii qorsheynta waxa uu kamid noqdey kooxdii Faarax Sheekh Cabdulqaadir, waxaana uu kamid ahaa kuwii ridey isla xukuumadii ay ka tirsanaayeen taas oo ahayd khaladkii siyaasadeed ee ugu weynaa ee Siciid Dani galay, Raysalawasaare Cabdiweli Sheekh Axmed waxa uu markaas taageero weyn ku dhex lahaa shacabka Puntland. Siciid Dani ayaa loo sheegay ama is tusay in loo magacaabayo raysalwasaare hadii uu rido xukuumada uu ka tirsanaa, nasiib daro Raysalewasaarihii sadexaad ee Dowaldii Xasan Sheekh kuma guuleysan in loo magacaabo. Musharaxnimadiisa Puntland 2019 Siciid Cabdulaahi Dani waxa uu kamid yahay maanta musharixiin badan oo doonaaya in ay qabtaan hogaanka Puntland 2019. Olalaha Musharax Siciid Dani ayaa Puntland ka bilowdey xili hore si ka duwan doorashooyinkii hore, waxaana taas ku weheliyey musharax kale oo aan weli dadka hor imaan laakiin dhaq-dhaqaaqiisu xoog u muuqdo. Kaamka ololaha doorashada ee Siciid Dani Siciid Dani waxaa ololihiisa doorashada horboodaya koox si weyn looga yaqaano gudaha Puntland oo fadhigoodu yahay Garoowe, kooxdan oo loogu yeero AARAN JAAN, waxaa jira taariikh isku xiraysa Siciid Dani iyo kuwa ugu awooda badan AARANJAAN. Aaranjaan waxaa calanka u sida Maxamuud Shiddo oo sida aan horey u sheegney ay Siciid Dani isku xirnaayeen ilaa asaaskii shirkada Towfiiq xiriirkaas oo uu sababteeda lahaa rabbi ha u naxariistee Faarax Maxamed Siciid (Faarax Dheere). Kooxda Aaranjaan ayaan lahayn hadaf iyo mabda siyaasadeed oo ay ilaaliyaan, waxaan tusaale ku filan in kooxdan ay la soo shaqeysteen Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole iyo Madaxweyne Gaas, kooxdan waxay gacanta ku dhigeen qandaraasyo badan oo Puntland ka jira, ujeedadooda ugu weyn ayaa ah LACAG,LACAG sidii ay u sameyn lahayeen, waxaana lagu tilmaama in ay yihiin kuwo markasta gaajo ba’an u qaba lacag iyo ladnaan (Greedy for money & wealth). Madaxweyne Faroole waa la ololeeyeen taas oo ay ku heleen in lagu qadariyo, Madaxweyne Cabdiweli wax olole ah uma gelin laakiin waxay ku guuleysteen in ay ku dhex milmaan Madaxtooyada si ay u badbaadiyaan qandaraasyadooda. Waxaana hada ka go’an in ay keenaan Madaxweyne ay iyagu wataan. Kooxda labaad ee bilowgii hore ololaha ka muuqdey hadase awoodoodi sii shiiqdey waxaa kamid ah kuwa lagu naaneyso “Fat boys” ee la soo shaqeeyey Cabdiweli Cali Gaas, kuwaan waxay isku dayeen in ay handadaan Cabdiweli Gaas una muujiyaan in cirku ku soo dumayo hadii uu isku dayo in uu doorashada galo, waxaana ay si aan qarsoodi ahayn uga codsadeen in uu taageero Siciid Dani, sida uu qof xog-ogaal sheegay, taas oo Cabdiweli ku kaliftey in uu dib ula noqdo hadalkii uu wax badan sheegi jirey ee ahaa in shan sano ku filantahay oo aanu galeyn doorasho labaad, waxaana uu isla todobaadkaas warbaahinta u sheegay in ay u badan tahay in uu tartamaayo. Kooxda “Fat boys” ayaa Aaranjaan kala mid ah boobitaanka Qandaraasyada iyo urursiga lacagta waxa ugu weyn ee ay ilaalinayaana waa danahooda gaarka ah. Dabeecadaha iyo Dhaqanka Siyaasadeed Waxaa lagu tilmaamaa Siciid Dani in uu yahay nin miisaaman oo ixitiraam badan, gaar ahaan qofka ay markaas wada shaqeynayaan, qofka ay iska horyimaadaan aan si muuqata u weerarin, sida ay sheegeen dad la soo shaqeeyey. Qaar kamid ah dadka la soo shaqeeyey mudada dheer ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in Siciid Dani kamid yahay siyaasiyiinta dhaqankoodu yahay in ay ka faa’ideystaan fursad kasta oo soo marta si uu u gaaro hadafkiisa isaga oo aan eegin waxa ka dhalan kara doonitaankiisa (consequences), iyo saameynta ay ku reebi karto bulshada. Fursadaha iyo Taageerada Siciid Cabdulaahi Maxamed waxa uu kamid yahay siyaasiyiinta tartanka doorashadu dhab ka yahay. Waxaa dad badan ku doodaan in uu weli ka soo kaban doorashadii 2017 oo dhaqaale badan uga baxay, waxaa la isweydiinayaa halka uu dhabarka saari karo doorashadiisi labaad marka laga yimaado in ay ololihiisa doorashada ay hogaanka u hayaan shakhsiyaadka ugu waaweyn Aaranjaan. Dowlada Federaalka: waxaa la aaminsan yahay in ay soo farogelineyso doorashada Puntland taas oo horey aan u dhici jirin. Siyaasiyiinta Villa Soomaaliya oo qarka u saaran in ay ku fashilmaan balanqaadkoodi hada waxay ka shaqeynaya sidii mar labad loo dooran lahaa, waxaana ay Dowalad goboleedyada u arkaan in ay faraha la galaan, si ay saameyn ugu yeeshaan 2020, way dhici kartaa in Saciid Dani, Dowlada federaalka ka raadsado in ay ku taageerto la wareegida hogaanka Puntland. Xisbiyada Mucaaradka: Muqdisho waxaa ka degay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo ay soo kiciyeen Xisbiyada midoobey si uu u hogaamiyo awooda lagu loolamayo, waxaana midowgaani u dhexeeya Damjadiid iyo haraadigii Aala Sheekh, qudhoodu waxay doonayaan in ay saameyn ku yeeshaan Soomaaliya 2020, waxana dhici karta in Siciid Dani uu dhabarkiisa ku tiiriyo. Dalal shisheeye: Siciid Cabdulaahi Dani doorashada ma ku taageeri karaan dalal shisheeye oo dano ka leh Soomaaliya gaar ahaan Puntland, sida ay sheegaan dadka falanqeeya siyaasada Puntland, way dhici kartaa laakiin fursadaasi waa mid aad u yar marka la eego xiriirada uu lee yahay Siciid Dani. Madaxtooyada Puntland: Dr Cabdiweli Cali Gaas iyo Siciid Dani isbahaysi ma dhex mari karaa? taas in ay dhacdo waa mid aad daciif u ah marka la eego isbedelka Madaxweynaha Puntland ku yimid ee uu dib uga gurtey go’aamadiisi hore, taas waxaa dheer Siciid Dani oo si dadban ugu eedeeyey Cabdiweli Cali Gaas dagaalkii Cagaare taas oo labada siyaasi sii kala fogeysey. Ganacsato: Fursadaha kale ee Siciid Dani u furan ayaa ah in uu qaato taageero kasta oo ay u fidiyaan ganacsatada iyo qandaraasleyda Puntland oo uu xiriir fiican la lee yahay. Hadaba inta ay le’eg tahay fursada Saciid Dani haysto in uu ku guuleysto xafiiska Madaxweynaha Puntland waxaa si fiican loo qiyaasi karaa dhamaadka sanadkan 2018, waxaase la isku raacsan yahay in doorasha adag uu geli doono. HM TEAM
-
I- Hordhac Soomaali iyo Oromo waxay ka wada tirsan yihiin Kuushiga Bari, oo ay isla sii yihiin Kuushiga Bari ee Dhul-hoosaadka (KBH) marka la barbardhigo Kuushiga Bari ee Dhul-koraadka (KBK) sida Hadiya iyo Sidamo, Darasa. Markaas dhalasho ahaan, Soomaali iyo Oromo (iyo Cafar-Saho) dadka ayaka ayaa isu xiga. Sidoo kale, dhaqanka labada dhinac waa isku asal. Laakin Oromadu markasta waxay dhaqan ka qaadanayeen Soomaalida. Tan ugu weyni waxay tahay Diinta Islaamka. Oromada bari waxay bilaabeen in ay muslim noqdaan bartamihii qarnigii 19aad, badankooduna waxay ku islaameen sabab Soomaalida leedahay. Sida ay dhaqanka guud ay uga qaadanayeen waxaa tusaale u ah ereyada: ayaan ama ayaana, xaal, magaalo, amley iyo abaanduule. Waxaa kale oo la xusay in Oromadu Soomaalida ka barteen farda-fuulka, gaashaanka, iyo waranka xilligii amiir Nuur, iyo markaas kadib geel-dhaqashada. Laakin xiriirka dhuleed ama juqraafi ee Soomaali iyo Oromo si weyn oo qaldan ayaa loo macneeyay taaso sabab u ah xiriirkooda siyaasadeed ee sii burburaya. II- Dhib laga Dhaxlay Khuraafo Taariikheed Muddadii 1854-1964 sahamiyayaasha iyo cilmi-baarayaasha reer Yurub waxay ababinayeen ra’yi ah in Soomaalidu dhulka hadda ay degen yihiin ay ka qabsaden dadka Gaalla kunkii sano ee la soo dhaafay. Gaalla waa magaca dhawaan ka hor loo yiqiin Oromada. Asal ahaan ra’yiga waxa laga maqlay Speke iyo Richard Burton oo Ingliish ahaa oo 1854-tii sahan ku kala maray Sanaag iyo Awdal. Waxay isku qaldeen magaca ‘gaal’ iyo kan ‘Gaalla’. Markasta oo ay Soomaalida ka maqlaan ereyga gaal waxay u macneysanayeen ‘Gaalla’. Hasayeeshe madraso ama akademi ahaan waxaa qarnigi tagay ra’yiga meel mariyey Enrico Cerulli oo Talyaani ahaa iyo I.M. Lewis-kii London. Qalad dheeraad ah ayay sii galeen oo waxay isku sii qaldeen ereyada gaal (geel), gaal (kaafir) iyo Gaalla (Oromo), daliil kale oo cilmi ahna ma ay keenin. Arinta la yaabka lihi waxay tahay ayakoo taariikhda Soomaalida ula macaamilay sida wax ku siman kun sano oo kali ah. Xogbaarihii ugu horreeyay oo ogaaday in ra’yigaasi qaldan yahay wuxuu ahaa Oscar Neumann kadib markuu kula kulmay 1902-dii qabiil Soomaali ah oo qadiim ah (Bayso) Harada Abaaya ee koonfurta Sidamo. Wuxuu soo jeediyay in taariikhda Soomaalidu ka fac weyn tahay sida loo qaatay. Laakin xogtiisa lama danayn ama dhab looma ogaan ka hor 1964-tii. Bartamaha 1960-aadkii ayaa la bilaabay in la saxo qaladkaas. Herbert lewis (1962 iyo 1966) Harold Fleming (1964) iyo E. Turton (1975) waxay sharxeen in waxa kaliya oo caddeyn loo hayaa ay tahay in Soomaalidu waqti dheer ku sugnaayeen dhulkooda, marka Oromadu ay ku sugnaayeen oo kaliya dhul koonfur ka xiga Harada Abaaya oo iyaduna KG ka sii xigta Baali ayakoo waqtigaas bilaabay inay ku soo fidaan dhulka Soomaalida. Ra’yigii hore waqtigaas ayaa la tuuray marka laga reebo I.M. Lewis oo isku sii dhajiyay sabab aan la garanayn owgeed, iyo hadaaqa jahliga ku dhisan ee kuwa bowsaday khuraafadii mar fakatay. Xog dheeraad ah oo uu Sasse keenay 1975-tii ayaa sii iftiimisay baaxadda dalkii iyo dadkii qadiimka ahaa ee Soomaaliyeed. Nuxur ahaan, shan qarni ka hor, degaanka Kuushiga Bari oo dhan ilaa 80% waxaa deganaa Soomaali, dad ahaanna kaligood ayaa ka badnaa inta kale oo dhan. Waagaas, degaanka Oromo wuxuu u dhigmay wax ka yar 5% dhulkii markaas Soomaalidu deganeyd. Tan kale, cilmibaaris dheeraad ahi waxay tustay in ugu yaraan afar marxalad-luqadeed oo Afsoomaaligu soo maray ay ka maqan yihiin Afka Oromada; sidaas owgeedna, ugu yaraan 2,000 oo sano oo farqi ah ayaa u dhexeeya tadawurka labada luqadood. III- Soohdintii Soomaali iyo Oromo ee Qarniga 16aad ka Hor Macluumaad ballaaran oo kala duwan ayaa si iswaafaqsan u tusay halka Oromo ku sugnaayeen qarnigii 16aad ka hor iyo soohdintii ay la lahaayeen Soomaali. Nuxurka macluumaadkaasi waa in dhulkoodu ahaa koonfurta Harada Abaaya (arag khariidadda). Ugu horreyn, inay halkaas ku ekaayeen waxaa tustay khariidadda Fra Mauro oo ‘Gaalla’ ku meeleeysay 1460-kii aagga Haradaas. La soco qaybta 2aad: Duulaankii Oromo ee Qarniga 16aad W/Q: Saciid Shidaad X. Xuseen Email: saidshidad@gmail.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo xirmay shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha oo ka socday caasimada dalka Shiinaha. Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha Africa iyo Shiinaha, waxaana kasoo baxay war-murtiyeed ku saabsan guulaha shirka iyo waxa lagu heshiiyay. Shirka ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay dhinacyada mucaaradka iyo muxaafidka dowlada Somalia waxa ayna qaarkood aad u amaaneen khudbadii uu shirka ka jeediyay Madaxweynaha Shiinaha. Siyaasiga Mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa kamid ahaa dhinacyada qoraalka ka sameeyay shirka iyo Khudbada uu jeediyay Madaxweynaha Shiinaha. Qoraal uu Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur kusoo bandhigay Bogga uu Facebook ku leeyahay ayuu ku difaacay Khudbada Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu kula hadlay madaxda Afrika. HOOS KA AKHRISO QORAALKA CC SHAKUUR Waxaan dhagaystay khudbadii uu Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu kula hadlay madaxda Afrika. Wuxuu balanqaaday in Shiinuhu uu $60 bilyan oo hor leh Africa gelin doono. Wuxuu kaloo sheegay in Shiinuhu uu shan “Maya/no” Afrika kula dhaqmayo. 1- Maya; faragelin Arrimaha Gudaha ee dalalkiina, 2- Maya; deeq shardi ku xiran yahay. 3- Maya; in aan ajande siyaasadeed ee Shiinuhu leeyahay la idinku soo rogno. 4-Maya; In aan idiin yeerino mudnaan siinta mashaariicda horumarineed. 5- Maya; cid ku dhacda carqaladaynta midnimada shacabka Shiinaha & shucuubta Afrika. Ka sokow Madasha Afrika iyo Shiinaha, waxaa iyana jira Madasha Maraykanka iyo Afrika, Yurub iyo Afrika, Japan iyo Afrika, India iyo Afrika, Turkiya iyo Afrika. Madaxda dalalkaas hadal macaan ayey madalada caynkaan ah ka jeediyaan. Kan Madaxweyne Xi Jinping kaas kama duwana. Waxaase jira laba falsafad oo kala duwan oo ay ka duulaan deeq bixinta iyo kaalmada horumarineed ee Shiinaha iyo Galbeedka. Galbeedku waxay ku doodayaan horumarka waxaa sal u ah xasilooni siyaaasadeed oo ku imaan karta hanaan dimoqoraadi ah oo dadku aqbalsan yahay xukunka, saa darteed waa in xooga la saaraa dawlad wanaag, dimoqoraadiyeyn, xuquuqul insaan iyo xoriyatul qawl. Hadii kale dadka iyaga duminaya wadooyinkii, cusbitaaladii iyo Iskuuladii loo dhisay. Halka Shiinuhu ay ku doodayaan nama qusayso hanaanka xukun ee dalka aan kaalmada siinayno, hadiise kaabayaasha dhaqaale ee dalka la dhiso, mashaariic horumarineedna laga hirgeliyo dadku waxay helayaan fursad ay saboolnimada uga baxaan kuna helaan madaxbanaani siyaasadeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa taageeray weerarka ay dowlad gobolleedyada ku hayaan dowladda Federal-ka Soomaaliya isaga oo sheegay in madaxda shanta maamul gobolleed isugu yimaadeen shirk u saabsan in ay ku cabiraan dareenka ay ka qabaan Villa Somalia oo faro-galin ku haysa, sida uu hadalka u dhigay. “Madaxweynayaasha shanta dawlad goboleed ayaa khudbo guud ku cabiray xaaladda maamuladooda, tan dalka iyo dareenka ay ka qabaan madaxda Villa Somalia ee DFS oo faragalin iyo si xun adeegsi awooddii dawladda ku haya maamulada dalka ka jira.” Ayuu yiri Fiqi. Dhinaca kale Xildhibaan Fiqi oo Kismaayo u tegay ka qeybgalka shirka magaaladaas uga furmay maamul gobolleedyada ayaa aad u amaanay degenaanshaha ka jira magaalada oo uu sheegay uu amni iyo kala dambeyn ka jiro. Waxa uu yiri “Si kastaba ha ahaatee mudadii koobneyd ee aan magaalada Kismaayo ku sugnaa waxaan dareemayaa Jawi amni, kala danbeyn iyo deegaan hormar weyn uu ka socdo iyo dad faraxsan oo jecel madaxweynahooda Sh. Axmed Maxamed Islaam” Hadalkiisa ayaa u muuqday mid duraya amni xummada magaalada Muqdisho iyo dowladda federaalka oo magaalada gacanta ku haysa. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Siyaasi Axmed Shire Falagle oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa Goobjoog News uga warramay shirka Kismaayo uga furmay madaxda maamul goboleedyada dalka. Shirka oo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya ee shanta ah Cabdiwali Cali Gaas, Maxamed Cabdi Waare, Axmed Ducaalle Xaaf, Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe ay ka jeediyeen khudbado ay dhinacyo kale duwan uga hadleen ayaa ku dheeraaday eedeynta dowladda federaalka. Siyaasigu wuxuu sheegay in wixii qaldan masuuliyaddeeda ay qaadanayso madaxda dowladda federaalka. Axmed Shire Falagle oo horay wasiir maamul soo noqday ayaa meesha ka saaray in maamullada ay yeelanayaan wax eed ah wuxuuna sheegay in dowladdu ay u soo jeedin la shaqeynta maamullada. Shirka maanta uga furmay dowlad goboleedyada dalka Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland magaalo xeebeedka Kismaayo ayaa si weyn loo hadal hayaa go’aamada ay ka soo saari karaan madaxda dabayaaqada shirkooda oo warmurtiyadeed nuxurka isku imaatinkooda ay soo bandhigi doonaan. Halka Hoose Ka Dhagayso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WAREYSI-SIYAASI-AXMED-SHIRE-04-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo khudbad ka jeediyey Shirka Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada ayaa aad u dahliilay madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Mudane Geelle Xaaf ayaa ka ashtikooday Madaxtooyada Soomaaliya, isagoo madaxda ugu sarreeysa ku eedeeyay in ay kursiga ka kacsanayaan. “Dowladda dhexe wax walba oo ay heshiis wada galnay iyo mashaariic wada saxiixannay, waxay dowladdu noqotay mid ka badin waydo Xaaf ha baxo, war hadde xaggee buu aadayaa odaygu” ayuu yiri madaxweynaha dowladda Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf. Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale rajo aan wanaagsanayn ka muujiyay qaabka ay u socoto howsha dhamaystirka dastuurka KMG ee dalka, isagoo ugu magac daray “Mashruuc aan dhammaan”. Wuxuu sidoo kale ka hadlay arrimaha amniga, waxaana hadalkiisa uu isugu soo aruurayaa eedo uu u jeedinayo madaxda dowladda federaalka. HALKA HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/XAAF”.mp3 Goobjoog News https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/XAAF”.mp3 Source: goobjoog.com
-
Guddoomiye xigeenka Golaha iskaashiga Maamul Goboleedyada ahna Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo isna khubad ka jeediyay shirkii maanta ayaa si cad u qiray in taariikhdii Soomaaliya iyo weliba horumarkii uu dalku ku talaabsaday, taasoo uu xusay in laf dhabar ay u ahayd midnimadii iyo dowladnimadii Soomaaliya, waxa uu sidoo kale ka sheekeeyay burburkii dowladdii Soomaaliya, iyo faragelintii shisheeye saameynta ay dalka ku reebtay. Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya uu ka jiro isbadal muuqda, laakiin taas bedalkeeda waxaa uu walaac ka muujiyay xaaladaha dhanka siyaasadda ee dalka, isagoo sheegay in ay maanta mareeyso meel halis badan oo dib dalka ugu celin karta marxaladihii adkaa ee uu soo maray. Hoggaamiyaha Hirshabeelle wuxuu sheegay in taladii dalkani ay isku koobeen dad yar oo uu tilmaamay in ay ismoodeen in dadka ay ugu caqli badan yihiin sida uu afkiisa ka sheegay Halkan Hoose Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/CODKA-MW-WAARE-04-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa khudbad kulul ka jeediyay furitaanka Shirka Gollaha Iskaashiga maamullada dalka kaasoo maanta ka furmay magaalo xeebeedka Kismaayo. Shirka gollahani lagu aas-aasay October 2017 ayaa waxaa ka qeyb-galaya Madaxweyniye-yaasha Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kuwaasoo khudbado jeediyay. Axmed Madoobe, ayaa khudbadiisa si kulul ugu dhaliilay hab-dhaqanka Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, oo uu sheegay inay ku fashilmeen inay fuliyaan heshiisyo ay hore ula gashay dowlad goboleedyada. Wuxuu khudbaddiisa, hoggaamiyaha Jubbaland ku soo hadal qaaday dhinacyo kale duwan sida amniga, dastuurka iyo sidoo kale garsoorka dalka. Mudane Axmed Madoobe ayaa sheegay in amniga uu yahay mid muhiim u ah dalka iyo dadka, haseyeeshee, aynaan xilligani suurta-gal noqon karin nolosha haddii aysan shacabka Soomaaliyeed helin xasillooni nabadgalyo. Wuxuu soo hadal qaaday in aynaan waxba ka fulin heshiisyadii dhinaca amniga oo dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ay ku gaareen shirarkii amniga qaranka looga arrinsaday kuwaasoo ka kala dhacay magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale sanadkii tegay 2017 iyo midkani aynu ku guda jirno ee 2018-ka. Madaxweyne Axmed Islaam Madoobe wuxuu xusay in dalku ay ka jiraan khilaaf iyo dhibaatooyin badan, oo looga bixi karo oo kaliya dhowrista iyo dhameystirka dastuurka, oo saldhig u ah soo celinta dowladnimadii Soomaaliya. Madoobe ayaa u sababeeyay khilaafyada siyaasadeed ee dowladda iyo maamullada ka dhex aloosan in ay sabab u yihiin iyadoo dastuurkii iyo wixii lagu heshiiyay lagu dhaqmi waayo. Ugu dambeyn, khudbadda uu maanta shirka gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya ka jeediyay madaxweynaha Jubbaland wuxuu ku soo hadal qaadya Nidaamka Garsoorka dalka oo uu tilmaamay madaxweyne Axmed Madoobe in qaabka ay dowladda Federaalka u maareynayso uu yahay mid keeni kara dhiibaato, culeyso iyo mushkilado badan oo dib u dhac u keeni karta wadanka. Halkani hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/AXMED-MADOOBE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland, ahna Guddoomiyaha Madasha Iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 04 Sep 2018 si rasmi ah Kismaayo uga furay shirka 3-aad ee iskaashiga Dowladdaha xubnaha ka ah dawladda Fadaraalka Soomaaliya. Shirka ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Shiikh Xasan, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Awaare, wakiilka qaramada midoobey ee Soomaaliya Ambassador Meachel Keating, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya, agoon yahano iyo siyaasiyiin kale. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa furitaanka kadib khudbad muhiima ka jeediyey shirka iyadoona Madaxweynuhu khudbaddiisa xoogga ku saaray muhiimadda uu leeyahay shirkani. Gaas ayaa hoosta ka xariiqay, in loo baahan yahay in masuuliyadda la wadaago. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Gaas.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta khudbad dheer ka jeediyey xiritaanka Shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha. Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa uga warbixiyay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay u leedahay Hindisaha Shiinaha ee Kaabayaasha Dhaqaalaha (Road and Belt Initiative). Waxa uu Madaxweynaha khudbadiisa ku sheegay in Afrika guud ahaan, gaar ahaan Somalia ay wax badan ka baran karto guulaha dhaqaale ee dalka Shiinaha. Waxa uu Madaxweynuhu xusay in guulahaas lagu gaari karo madallaha ay ka mid tahay Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha, taasi oo kor u qaadaysa isdhaafsiga aqoonta, khibradaha iyo iskaashiga guud. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Waxaannu bogaadinaynaa jawiga loo dhan yahay ee ay ku qabsoomaan wadahadallada, heshiisyada iyo dib u eegista qorshayaashii hore, taas oo keentay in qodobbo waxtar leh ay ka soo baxaan shirkan. Soomaaliya waxa ay si buuxda u taageeraysaa go’aanka wadajirka ah ee “Dhisidda bulsho wadaagta mustaqbal” iyo qorshe-hawleedkii Beijing.” Waxa uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo khudbadiisa ku xusay horumarka baaxadda weyn oo dowladiisa ay ku tallaabsatay, isagoo sheegay in danta ugu weyn ay tahay in dalka uu gaaro nabadgelyo, xasillooni iyo horumar. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in caqabadaha caalamiga ah ee Soomaaliya ay wajahayso sida argagaxisada iyo isbeddelka cimiladu ay carqalad weyn ku noqon karaan horumarka dalka. Waxa uu tilmaamay in lagaga hortagi karo u qaadista dowladnimada, horumarinta bulshada, dhaqaalaha iyo xoojinnta maalgashiga ilaha dhaqaalaha. Kooxaha argagixisada ayuu sheegay Farmaajo inay halis ku yihiin amniga Somalia, balse waxa uu tilmaamay in adduubka ay kala kaashan doonaan sida looga takhlusin lahaa. “Nabadiidka ayaa halis ku ah horumarka Somalia waxa ay caqabad ku yihiin nolosha shacabka waayo inta badan waxa ay cuuryaamiyan danaha shacabka” Sidoo kale, Farmaajo ayaa argagixisada ku sifeeyay kuwo aan diir nixin isla markaana xooga saaraya sida ay ku fashilin lahaayen dowlada iyo nabadda ka jirta dalka, balse ay dhabar jabinayaan. Geesta kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ee Shiinaha Mudane Xi Jinping, qorshayaasha dib u habayneyd iyo dadaallada dowladdiisa ee ku aaddan horumarinta shacabka Shiinaha iyo dhaqaalaha dalkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) -Somalia’s President says all investors could benefit great investment opportunities of his country’s untapped resources and human capital Mohamed Abdullahi Mohamed known as ‘Farmajo’ said tremendous progress made by his government so far in achieving peace, security, stability and development in Somalia. He called on heads of states to make investiments, adding that his country is committed to welcome all investors. Speaking at FOCAC in Beijing, he congratulated China’s President Xi Jinping on his exemplary reforms record and government’s policies in leading China towards a new greater progress. “Africa and Somalia can learn much from Chinese successes and this can be achieved “through platforms such as FOCAC which promotes knowledge and experience”, he said. President Farmajo reiterated the tremendous progress made by his government so far in achieving peace, security, stability and development in Somalia. He also welcomed the greater value to the Belt and Road Initiative “Somalia supports the adoption of the joint declaration on “Building a Closer Community with a shared future between China and Africa” and the Beijing Action Plan of FOCAC”, he noted. Somali President concluded his speech by reminding heads of states the importance of partnership and cooperation for achieving the common goals of progress and prosperity of both Africa and China. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Wararka soo gaaraya mareegta Goobjoog News ayaa sheegaya in maanta oo Talaado ahayd kaliya gudaha magaalada Muqdisho siyaabo kale duwan loogu dilay ugu yaraan lix qof oo isugu jira askar dowladda Soomaaliya ka tirsan iyo shacab. Dadka degaanka ayaa inoo xaqiijiyay in rag ku hubeysan bastoolado ay degmada Kaaraan gallinkii dambe ee maanta ku dileen afar askari, waxaana weerarka lagu khaarajiyay askartani uu ka dhacay waaxda Jamhuuriyo ee degmadaasi Kaaraan. Askarta oo la soo sheegayo in Mooto Bajaaj ay saarnaayeen ayaa waxaa laga soo toogtay baabuur yar oo ay saarnaayeen dableeyda falka geysatay, sida wararka horudhaca ah oo soo baxaya ay sheegayaan. Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya qaabka uu u dhacay falka askartani lagu dilay, haseyeeshee dadka degaanka ayaa Goobjoog News u sheegay in dilka askarta kaddib goobta ay gaareen saraakiil ka tirsan maamulka degmada Kaaraan. Dhanka kale, isla maanta ayaa degmada Warta-Nabadda gaar ahaan agagaarka Jaamacadda SIMAD waxaa lagu dilay laba qof oo lagu sheegay in ay shacab yihiin. Dilkani waxaa geystay koox hubeysan, oo dilka kaddib goobta isaga cararay, illaa iminkana ma jiro warar dheeraad ah oo dilkaasi ka soo baxaya. Laamaha amniga ee dowladda federaalka iyo kuwa gobolka Banaadir ee qaabilsan ammaanka ayaa wali wax war ah ka soo saarin falalkani dilka ah oo maanta siyaabo kale duwan uga dhacay degmooyinka Kaaraan iyo Warta-Nabadda. Waxaa la xaqiijiyay in ragga dilalka geystay ayaa isaga baxdeen khaarajinta lixdaasi ruux goobaha ay ku toogteen. Muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilalka qorsheysan iyo qaraxyo u badan kuwa lagu soo xiro baabuurta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee Gobolka Banadir ayaa sheegaya in Kooxo ku hubeysnaa qoryaha AK47 ay degmadaasi ku dileen 4 Askari oo ka tirsanaa dowlada. Dilka ayaa ka dhacay Waaxda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday maleeshiyada dilka geystay. Maleeshiyada dilka geystay ayaa la soctay gaari Kaarib ah waxaana lasoo warinayaa inay rasaas ku fureen 4-ta askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka, kuwaasi oo saarnaa Mooto Bajaaj. Maleeshiyada weerarka la beegsatay ciidankan oo ka tirsanaa qeybta Milatariga ayaa si deg deg ah goobta isaga baxsaday, kahor inta aysan halkaasi gaarin ciidamada ammaanka. Weerarka kadib ayey ciidanka ammaanka tageen goobta uu falka ka dhacay, waxayna meydadka askartan geeyeen xarunta dambi baarista ee CID-da, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo. Sidoo kale, ciidanka degmada ayaa bilaabay hawlgal amni xaqiijin ah, islamarkaana lagu raadinayo raggii falkaas ka dambeeyay. Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili labadii asbuuc ee ugu danbeysay ay magaalada Muqdisho marti galineysay Qaraxyo iyo dilal toosa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nine Ethiopian air traffic controllers alleged to be leading a weeklong work boycott have been arrested. Source: Hiiraan Online
-
Beijing (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey xiritaanka shirka Madasha iskaashiga Dalalka Afrika iyo Shiinaha ayaa ka warbixiyay fursadaha maal-gashi ee Somalia iyo muhiimadda ay u leedahay hindisaha Shiinaha ee kaabayaasha dhaqaalaha. Farmaayo, ayaa sheegay in Afrika guud ahaan, gaar ahaan Somalia ay wax badan ka baran karto guulaha Shiinaha, isaga oo xusay in guulahaas lagu gaari karo madallaha ay ka mid tahay Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha, taasi oo kor u qaadaysa isdhaafsiga aqoonta, khibradaha iyo iskaashiga guud. “Waxaannu bogaadinaynaa jawiga loo dhan yahay ee ay ku qabsoomaan wadahadallada, heshiisyada iyo dib u eegista qorshayaashii hore, taas oo keentay in qodobbo waxtar leh ay ka soo baxaan shirkan. Soomaaliya waxa ay si buuxda u taageeraysaa go’aanka wadajirka ah ee dhisidda bulsho wadaagta mustaqbal iyo qorshe-hawleedkii Beijing,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa xusay horumarka baaxadda weyn ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya, si dalku u gaaro nabadgelyo, xasillooni iyo horumar. Dhanka kale, Farmaajo ayaa Tilmaamay in Caqabadaha Caalamiga ah ee ay Somalia wajahayso sida argagaxisada iyo isbeddelka Cimiladu ay Carqalad weyn ku noqon karaan horumarka dalka, laakiinse lagaga hortagi karo kor u qaadista dowladnimada, horumarinta bulshada, dhaqaalaha iyo xoojinnta maalgashiga ilaha dhaqaalaha. Ugu dabeyn, Madaxweynaha Dowladda Somalia ayaa ugu Hambalyeeyay Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping – Qorshayaasha dib u habayneyd iyo dadaallada dowladdiisa ee ku aaddan horumarinta shacabka Shiinaha iyo dhaqaalaha dalkooda. PUNTLAND POST The post MADAXWEYNE FARMAAJO: Al-shabaab caqbaad weyn ayay ku tahay Horumarka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Afar askari oo ka tirsanaa Ciidamada millateriga Soomaaliya, ayaa maanta lagu dilay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana dilkooda uu yimid kaddib markii dabley hubeysan oo watay gaari yar ay ku fureen rasaas. Askarta la dilay ayaa la sheegay inay la socdeen mootada saddexda lugood leh ee loo yaqaan Bajaaj-ta, iyadoo dableydii dilka geystay ay markiiba ka baxsadeen goobta, waxaana dilkan uu qayb ka noqonayaa beegsaiga lagu hayo askarta dowladda Somalia. Mas’uuliyiin ka tirsan degmada Kaaraan ayaa warbaahinta u sheegay in dilka askartan uu ka dhacay xaafadda Jamhuuriya oo ka tirsan degmadaas, ayna goobta gaareen ciidammo goobta ka qaaday askartii la laayay. “Ciidamada la dilay waxay la socdeen Mooto Bajaaj, waxaaa si gaadmo ah rasaas ugu furay koox dabley ah oo watay gaari kuwa raaxada ah, kuwaas oo markiiba goobta ka baxsaday,” ayuu yiri mas’uul u hadlay maamulka degmada uu dilku ka dhacay. Weerarkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo waayadan dambe ka dhaca degmada xaafadda Jamhuuriya ee degmada Karaan, waxaana halka uu dilku ka dhacay gaaray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo baaritaan billaabay, inkastoo aysan jirin cid ay kusoo qabteen. Sidoo kale, Dilkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maalmo ka hor gudaha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho lagu dilay laba askari oo ka tirsan ciidamada minishiibiyada dowladda, kuwaasoo canshuuro ka qaadayay suuqaas, gaar ahaan qaybta qudaarta lagu iibiyo, inkastoo laba qof oo shacab ahna ay isla goobtaas ku dileen, kaddib rasaas ay fureen ciidammo soo gaaray halkaas. Dhanka kale, Hay’adaha ammaanka Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin weerarka lagu dilay askartan, iyadoo falalka noocan oo kale ah ay sheegato Al-shabaab oo dagaal kula jira dowladda Somalia iyo ciidamada AMISOM. Ugu dambeyn, Maalintii Shalay ayay ahayd markii sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Hoose ee Xamar uu ku dhaawacmay qarax loogu xiray gaarigiisa, qaraxaas oo dhacay xilli uu marayay isgoyska ex-koontarool Afgooye, mana jirto cid loo qabtay falkaas. PUNTLAND POST The post Kooxo hubeysan oo Askar ka Tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya ku Toogtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo khudbad ka jeediyay shirka Kismaayo, ayaa marka hore soo qaatay hadalo ah xasuusin oo ku saabsan Soomaaliya sida ay ahaan jirtay iyo sida ay hadda tahay. Waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya ay soo mareen qolo yar oo aaminsanaa in dadka ay ka caqli badan yihiin ka talo wanaagsan yihiin, laakin taasi ay sababtay dowlad la’aan nagu dhacday, sida uu hadalka u dhigay. ”In koox yar is moodo in ay dadka ka caqli badan tahay, ka wadaniyeysan tahay, kana talo wanaagsan tahay, waxaana ku wayn doonnaa dawladnimada, Qowmiyada Soomaali-nimada lawaayo, Khatarta na dul-taagan waa halis weyn, Waa in badbaado deg deg ah la helaa” ayuu yiri madaxweyne Waare. Madaxdii kale ee dowlad goboleedyada ee shirka ka hadashay ayaa iyana waxa ay dhaliil u jeediyeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay sheegeen inay faro-gelin toos ah ku hayso. Hoos ka dhageyso codka madaxweynaha maamulak Hir-Shabeelle. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Madaxweyne-Waare.mp3 Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland shirka golaha iskaashiga maamul goboleeyada dalka oo ay ka soo qeybgaleen Madaxweynayaasha Maamullada. Haddaba halkan Ka Akhriso nuxurka Khudbadaha Madaxweynayaasha Maamul goboleeyada dalka: Khudbadda C/weli Maxamed Cali Gaas “Sharaf bay nootahay in Marlabaad iskugu nimaadno shirka golaha iskaashiga maamul goboleedyada dalka oo looga tashanayo Mustaqbalka iyo aayaha Soomaaliya gaar ahaan arrimaha aan u aragno in ay muhiim yihiin ee dhanka Siyaasadda,Amniga,Dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo barashada is dhexgalka dowlad goboleedyada . Waxaa uu shirkan ku soo beegmay Wakhti xasaasi ah Soomaaliya gaar ahaan dhanka Siyaasadda iyo amniga labaduba,Soomaaliya waxaa ay mareysaa xaalad Khatar ah xaaladaha nucaasi ah eek ala guurka ah waxaa loobaahanyahay runtii sid adag in indhaha loogu hayo si dhowna looga warqabo taas ayaa keentay Shirkan . Shirka waxaa uu diiradda saari doonaa arrimo muhiim ah arrimahaasi waa labo qeybood qeyb waxaa weeye waxaa ka dhaxeeya dowlad goboleedyada Waxa ay wadaagaan danahooda khaaska ah, midna waxaa weeye midda dowlad goboleedka ay la wadaagto dowladda dhexe iyo ajandaha Soomaaliya labadubaDabcan waxaa jira dano gaar ah oo ka dhaxeeya dowlad goboleedyada taasina waxaa ay hoos imaaneysaa midda guud ee Soomaaliya . Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah xidid maahan xigaalo maahan Saaxiibo maahan qaraabo maahan waxaa ka dhaxeeyo waa shaqo umaddaa loo shaqeynayaa marka waxaan leenahay mas’uuliyaddaasi halgu wada shaqeeyo hana la isku ixtiraamo” . Khudbadda Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare “Afartan sano kadib anagoo intii ka tabar yar oo taladeennada ay weli kala baahsantahay oo dagaallo qabiil ay weli jiraan oo dib u heshiisiin dhab ah aan la sameynin ayaa mar labaad hadana gobolka waxaa ka kacay duufaan kale waxaan halis ugu jirnaa in aan ilduuf labaad galno oo la mid ah kii dhacday sagaashamaadkii oo aan ku wareerno duufaantaan marka labaad kacday oo awoodo Milatari iyo kuwo dhaqaale ay ku tartamayaan kheyraadka iyo Istiraatiijiyadda Soomaaliya halka ay ku taallo waxaa arrintaasi ku jira wadamo deris ah kuwo gobol ah iyo kuwo caalami ah sababtuna wax kale ma ahane meesha aan ku naal ayaa qasbeysa in cid walba danaheeda nagu waardiyeysato. Si aan duufaantaas mar labaad aanu ugu il duufin waxaa muhiim ah in aan taariikhda wax ka baranno oo aan tashanno waa arrin ka weyn koox yar in ay isbiddo in dadka ay ka caqli badantahay, kawa daniyadsantahay ka toosantahay kana cilmi badantahay . Waa arrin ka weyn Mucaarad iyo Muxaafad waa arrin ka weyn dowlad fedaraal iyo maamul goboleed waa arrin u baahan Soomaali oo dhan shacab iyo dowlad in laga tashado, sababtoo ah anagoo sidaan ah tabarteenna iyo taladeenna haddii aan galno khaladkii oo kale markaan waxaan halis ugu jirnaa in annagoo fiirineyna waddankeenna iyo Kheyraadkeenna ayadoo nala ka talo gelin la qaato. Waxaan halis ugu jirnaa dowladnimada iyo calanka aan ku hoos jirno inaan weyno waxaan halis ugu jirnaa qoomiyadda Soomaalinimada in la waayo sidaas daraateed Khatarta na hoos taal ma ahan khatar sahlan waa arrin u baahan in aan isweydiinno su’aalo Muhiim ah . Waa maxay danta Soomaalida annaga qaranka Soomaaliya haddaan nahay horta danteenna maxay tahay maxaan deriska ka leenahay maxaan gobolka ka leenahay maxaa caalamka ka leenahay oo aan qeexno danteenna aduunka Saaxiibtinnimo, qaraabo iyo xidid laguma joogo waxaa lagu joogaa dan Waa inaan isweydiinaa yaa saaxiib nala ah illeen kaligeen ma noolaan karno yaa saaxiib nala ah yaa xulufo nala ah yaa danwadaagnaa” . Khudbadda Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan “Waxaa la isku hagranayaa Shabaabka arrimihiisa sababtoo ah dowladda Federaalka mar aysan wax heyn waa ay jirtaa lkin hadda oo cid walba ay ogtahay rasaasta ay heso in ilmihii soo dhinta diyaar u ahaa oo Shabaab la dagaalamayay in rasaas ay siin weydo horoyana ay raashin u siin weyday daawo u siin weyday maxay na tuseysaa arrintaas. Waxaa ay na tuseysaa in aan isku aragti laga aheyn sida Alshabaab loola dagaalamayo, dowladda Federaalka oo ah isha annaga wax noo qabata shirar badan ayaa la yeelanay shirarkii iyaga ahaa wixii lagu hehsiiyay maxaa ka hirgalay maxaase ka hirgalin wixii hirgalay sidey u hirgaleen wixii gali waayay maxay ku maqanyihiin maamulladaa ma dowladda Fedaraalkaa ma beesha caalamkaa waa in la si warasado haddii intaasi oo dhan la isku keeno waxaan aaminsanahy in wax badan ay soo bixi doonaan”. Khudbadda Madaxweyne Axmed Ducaale Geele Xaaf “Dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo aan u qabtay wax badan oo aan Dhuusomareeb geeyay waxaa ay iigu xijiyeen Xaaf waa inuu baxaa hal heyska Madaxda dowladda Federaalka waa Xaaf inuu baxo intee aadaa odayga waa kii dad soo dhoweeyay . Wakhti dambe uu u tartamo uma harin intii la I dhihi lahaa wakhtiga yarka sii dhameyso aad iyo aad ayey nasiib darro u tahay, Soomaaliya waxaa ay u baahantahay dib u heshiisiin mana dhamaato dib u heshiisiinta labada qod oo la heshiisiinayo haddii uu qof samro waxbaa ka hagaago haddii uu midna samri waayo waxba kama hagaagaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa kanna saar kanna siib ayay maamul goboleedyada ku heysaa ma oga waxa dalka ka socda wasiirradii waa la mid taliyaashii ciidamada waa la mid haatanna intoodii kooxda ahaa ayaaba iskaga daray”.
-
Akhriso Nuxurka Khudbadaha Madaxda Dowlad Goboleeyada dalka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland shirka golaha iskaashiga maamul goboleeyada dalka oo ay ka soo qeybgaleen Madaxweynayaasha Maamullada. Haddaba halkan Ka Akhriso nuxurka Khudbadaha Madaxweynayaasha Maamul goboleeyada dalka: Khudbadda C/weli Maxamed Cali Gaas “Sharaf bay nootahay in Marlabaad iskugu nimaadno shirka golaha iskaashiga maamul goboleedyada dalka oo looga tashanayo Mustaqbalka iyo aayaha Soomaaliya gaar ahaan arrimaha aan u aragno in ay muhiim yihiin ee dhanka Siyaasadda,Amniga,Dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo barashada is dhexgalka dowlad goboleedyada . Waxaa uu shirkan ku soo beegmay Wakhti xasaasi ah Soomaaliya gaar ahaan dhanka Siyaasadda iyo amniga labaduba,Soomaaliya waxaa ay mareysaa xaalad Khatar ah xaaladaha nucaasi ah eek ala guurka ah waxaa loobaahanyahay runtii sid adag in indhaha loogu hayo si dhowna looga warqabo taas ayaa keentay Shirkan . Shirka waxaa uu diiradda saari doonaa arrimo muhiim ah arrimahaasi waa labo qeybood qeyb waxaa weeye waxaa ka dhaxeeya dowlad goboleedyada Waxa ay wadaagaan danahooda khaaska ah, midna waxaa weeye midda dowlad goboleedka ay la wadaagto dowladda dhexe iyo ajandaha Soomaaliya labadubaDabcan waxaa jira dano gaar ah oo ka dhaxeeya dowlad goboleedyada taasina waxaa ay hoos imaaneysaa midda guud ee Soomaaliya . Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah xidid maahan xigaalo maahan Saaxiibo maahan qaraabo maahan waxaa ka dhaxeeyo waa shaqo umaddaa loo shaqeynayaa marka waxaan leenahay mas’uuliyaddaasi halgu wada shaqeeyo hana la isku ixtiraamo” . Khudbadda Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare “Afartan sano kadib anagoo intii ka tabar yar oo taladeennada ay weli kala baahsantahay oo dagaallo qabiil ay weli jiraan oo dib u heshiisiin dhab ah aan la sameynin ayaa mar labaad hadana gobolka waxaa ka kacay duufaan kale waxaan halis ugu jirnaa in aan ilduuf labaad galno oo la mid ah kii dhacday sagaashamaadkii oo aan ku wareerno duufaantaan marka labaad kacday oo awoodo Milatari iyo kuwo dhaqaale ay ku tartamayaan kheyraadka iyo Istiraatiijiyadda Soomaaliya halka ay ku taallo waxaa arrintaasi ku jira wadamo deris ah kuwo gobol ah iyo kuwo caalami ah sababtuna wax kale ma ahane meesha aan ku naal ayaa qasbeysa in cid walba danaheeda nagu waardiyeysato. Si aan duufaantaas mar labaad aanu ugu il duufin waxaa muhiim ah in aan taariikhda wax ka baranno oo aan tashanno waa arrin ka weyn koox yar in ay isbiddo in dadka ay ka caqli badantahay, kawa daniyadsantahay ka toosantahay kana cilmi badantahay . Waa arrin ka weyn Mucaarad iyo Muxaafad waa arrin ka weyn dowlad fedaraal iyo maamul goboleed waa arrin u baahan Soomaali oo dhan shacab iyo dowlad in laga tashado, sababtoo ah anagoo sidaan ah tabarteenna iyo taladeenna haddii aan galno khaladkii oo kale markaan waxaan halis ugu jirnaa in annagoo fiirineyna waddankeenna iyo Kheyraadkeenna ayadoo nala ka talo gelin la qaato. Waxaan halis ugu jirnaa dowladnimada iyo calanka aan ku hoos jirno inaan weyno waxaan halis ugu jirnaa qoomiyadda Soomaalinimada in la waayo sidaas daraateed Khatarta na hoos taal ma ahan khatar sahlan waa arrin u baahan in aan isweydiinno su’aalo Muhiim ah . Waa maxay danta Soomaalida annaga qaranka Soomaaliya haddaan nahay horta danteenna maxay tahay maxaan deriska ka leenahay maxaan gobolka ka leenahay maxaa caalamka ka leenahay oo aan qeexno danteenna aduunka Saaxiibtinnimo, qaraabo iyo xidid laguma joogo waxaa lagu joogaa dan Waa inaan isweydiinaa yaa saaxiib nala ah illeen kaligeen ma noolaan karno yaa saaxiib nala ah yaa xulufo nala ah yaa danwadaagnaa” . Khudbadda Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan “Waxaa la isku hagranayaa Shabaabka arrimihiisa sababtoo ah dowladda Federaalka mar aysan wax heyn waa ay jirtaa lkin hadda oo cid walba ay ogtahay rasaasta ay heso in ilmihii soo dhinta diyaar u ahaa oo Shabaab la dagaalamayay in rasaas ay siin weydo horoyana ay raashin u siin weyday daawo u siin weyday maxay na tuseysaa arrintaas. Waxaa ay na tuseysaa in aan isku aragti laga aheyn sida Alshabaab loola dagaalamayo, dowladda Federaalka oo ah isha annaga wax noo qabata shirar badan ayaa la yeelanay shirarkii iyaga ahaa wixii lagu hehsiiyay maxaa ka hirgalay maxaase ka hirgalin wixii hirgalay sidey u hirgaleen wixii gali waayay maxay ku maqanyihiin maamulladaa ma dowladda Fedaraalkaa ma beesha caalamkaa waa in la si warasado haddii intaasi oo dhan la isku keeno waxaan aaminsanahy in wax badan ay soo bixi doonaan”. Khudbadda Madaxweyne Axmed Ducaale Geele Xaaf “Dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo aan u qabtay wax badan oo aan Dhuusomareeb geeyay waxaa ay iigu xijiyeen Xaaf waa inuu baxaa hal heyska Madaxda dowladda Federaalka waa Xaaf inuu baxo intee aadaa odayga waa kii dad soo dhoweeyay . Wakhti dambe uu u tartamo uma harin intii la I dhihi lahaa wakhtiga yarka sii dhameyso aad iyo aad ayey nasiib darro u tahay, Soomaaliya waxaa ay u baahantahay dib u heshiisiin mana dhamaato dib u heshiisiinta labada qod oo la heshiisiinayo haddii uu qof samro waxbaa ka hagaago haddii uu midna samri waayo waxba kama hagaagaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa kanna saar kanna siib ayay maamul goboleedyada ku heysaa ma oga waxa dalka ka socda wasiirradii waa la mid taliyaashii ciidamada waa la mid haatanna intoodii kooxda ahaa ayaaba iskaga daray”. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
MOGADISHU (Caasimada Online)- Somalia-based Al Qaeda-affiliated jihadist group, Al Shabab has released the identity bomber, who carried out suicide attack on local government office in Mogadishu The 22-year-old man, Abdulkadir Abdullahi Haji Layali from Leisan clan detonated car bomb near Howlwadag district headquarters in the capital, leaving seven people dead. Layali was member of Al Shabaab’s WI fighters in Mudug region before joing in the group’s fighters in charge of bombers, according to Radio Andulus, Al Shabaab mouthpeice. Sunday’s attack killed 7 people, including Koran school chilreen, while 14 others sustained injuries. Neighboring school and mosque buildings were also destroyed in the explosion claimed by Al Shabaab. The Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government in fighting against the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however, it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Muqdisho News Desk Caasimada@live.com
-
Sahacabka Magaalada jowhar ayaa soo dhaweeyay isbadal lagu sameeyay garsoorkii maamulkaas,oo cabashooyin badan kajirtay. Madaxweynaha maamulkaas Maxamed Cabdi Waare ayaa isabdal ku sameeyay garsoorka shabeellaha dhexe, kadib markii uu sheegay in dhaliilo badan ay ka timid Dadka qaarkood oo la hadlay goobjoog News ayaa sheegay in go,aankaas uu ahaa mid u baahnaa in waqti hore la shaaciyo,balse hadda ay raja badan ka qabaan in isbadal dhanka garsoorka ah ay helaan. Garsoorayaashii hore ee maamulkaasi ayaa iyagana waxaa ay sheegeen in laamaha garsoorka uu ahaa mid aad u wanaagsanaa balse wax taageero ah ay ka waayeen Maamulka Hirshabelle. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Cod-Jowhar.mp3 https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Cod-Jowhar-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com