-
Content Count
206,458 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Khabiirka xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa wrabixin dhinacyo badan kasoo saaray xaaladda xuquuqul aadanaha ee Somalia, gaar ahaan xuquuqda hadalka iyo tan fikirka. Warbixintan oo ka kooban 21-bog ayaa lagu sheegtay inkastoo horumar ay ku talaabsatay Somalia ay haddana jiraan caqabado ay ka mid yihiin inaan dadka loo ogoleyn inay six or ah fikirkooda u dhiibtaan. Waxaana wrabixinta lagu xusay in xad-gudubyada ugu badan loo geysto dadka gudaha dalka ku barakacay. Ciidamada Ammaanka Sommalia iyo Al-shabaab ayaa la sheegay inay si isku mid ah u geystaan dhibaatooyinka ugu badan geystaan, iyadoo la sheegay in dhibaatooyinka loo geysto dad ay ka mid yihin kuwa ugu nugul bulshada, sida dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo carruurta. “Inkastoo uu dalku ogolaaday soo jeedintii la sameeyey 2011-kii ee Qaybta ka ahayd in caalamku ay dib u eegis ku sameeyaan sidii loo qaadan lahaa sharci ciqaabta dilka ah mamnuucaya,” ayaa lagu yiri warbixinta. Warbixintu waxay kaloo sheegtay in caqabada kale ay ka mid yihiin Xad-gudubyada xagga jinsiga oo weli sii socda, inkastoo ay jiraan ololeyaal lagu dhaqan galinayo warmurtiyeedkii ay sida wadajirka ah u soo saareen xukuumadda Federaalka Somalia iyo Qaramada Midoobay ee mamnuucista xadgudubyada jinsiga oo loola jeedo xadgudubyada dumarka loo gaysto ee 07-dii May 2013-kii. “Al-shabaab weli waa khatar weyn, inkastoo ay sii socdaan Dagaalka ay wadaan ciidanka amniag Somalia iyo hawlgalka Ururka Midowga Afrika ee Somalia AMISOM,” ayaa lagu xusay warbixintan. Sidoo kale, Waxay warabixintu soo qaadday Weerarkii 14-kii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho, kaaso ay boqolaal ruux ku naf-waayeen, waxayna intaa ku dartay in Al-shabaab ay bar-tilmaameedsadaan saraakiisha Dowladda Soomaaliya, ayna lacag baad ah ka Qaadaan shacbka ku nool deegaannada ay ka taiyaan. “Somalia weli waxay ku jirtaa xilli kala guur iyo dhisme nabadeed ah. Waxaana soo maray dib u dhacyo siyaasadeed iyo kuwo dhaqan dhaqaale, kuwaasoo sraakiil sar-sare xilalka looga qaaday,” ayaa warbixintaan lagu xusay. Dhanka kale, Warbixinta ayaa lagu xusay in Somalia ay caqabado aad u weyn kala kulantay go’aankeedii dhex-dhexaadnimo ee ay ka qaadatay khlaafkii dalalka Khaliijka, kaasoo dalka Qatar uu kala kulmay dhibaato aad u weyn oo dhanka xiriirka caalamka iyo cunnada isugu jirta. Arrimaha Bani’aadamniada; Warbixinta ayaa waxaa kaloo lagu soo qaaday arrimaha bani’aadminimada ee Somalia ka taagan, wuxuuna khabiirka madaxa-banaan hoosta khad ka mariyay inay sii kordheen dadka gudaha ku barakacay, isagoo amaanay u soo jeediyay jawaabta bani’aadminimo ee laga bixiyay dhibaatooyinkan. “Iyadoo laga baaqsaday geeri, kaddib abaar dalka ka dhacday 2017-kii, taasoo ay kumanaan qof ku barakeceen gobollada Shabeellooyinka, Sababtayna in ay dad ugu dhintaan Muqdisho,” ayuu yiri Khabiirka. Isagoo warbixintiisa ku xusay Talaabooyinka ay ciidanka AMISOM Qaadday , sida shaqaalaynta saraakiil u qaabilsan dhowrista xuquuqda aadanaha, kuwaasoo sare u qaadi kara u hogaansanaanta xuquuqda aadanaha iyo shuruucda caalamiga ah ee xagga abi’aadminimada. Khabiirku wuxuu AMISOM ku Amaanay Talaabooyinka dheeraadka ah ee ay ka qaadday ciribtirka tacaddiyada xagga galmada iyo yareynta khasaaraha dadka rayidka soo gaara marka ay hawlgallo fulinayaan. Wuxuu Khabiirku ku baaqay in si dhaqso leh loosoo Gaba-gabeeyo hanaanka dib-u-eegista Dastuurka, wuxuuna ka codsaday Dowladda dhexe ee Somalia iyo maamul-goboleedyada inay sare u qaadaan iskaashigooda, si la isaga kaashado dhawrista xuquuqda aadanaha Somalia. Ugu aambeyn, khabiirku wuxuu warbixintiisa kusoo xiray talo soo jeedinno ku aaddan caqabadaha uu warbixinta ku sheegay, waxaana ka mid ah in beesha caalamku ay xaqiijiso in tirada AMISOM ee la yaraynayo lagu saleeyo jadwal iyo shuruud waaqici ah. PUNTLAND POST The post Warixin laga soo saaray Xaaladda Xuquqda Aadanaha Somalia & Talooyin lasoo jeediyay appeared first on Puntland Post.
-
Shir ay ku sheegeen wadatashi iyo iskaashi ayaa shalay magaalada Kismaayo uga furmay hoggaamiyeyaasha maamul gobolleedyada dalka. Shirkan oo ay marti-galisay maamulka Jubbaland oo Kismaayo un ka taliya ayaa si weyn loogu dhaliilay dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyada madaxda ay sheegeen in ay farogalin ku hayso siyaasadda dowlad gobolleedyada. Shirkaas oo uu ka qeyb galay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Somalia Michael Keating oo uu hadda xilkiisii dhammaaday, ayaa waxaa laga dheehan karaa wajiyada hoggaamiyeyaashii ku shirsanaa Kismaayo rajo xumo, niyad jab iyo quus oo ay sabab u yihiin saddexdan qodob ee hoos ku xusan. 1 – Inta badan hoggaamiyeyaashii madasha joogay oo uu waqtiga ka dhammaaday, islamarkaana wajahaya dib u doorasho, quusna ka jooga soo laabashadooda Hoggaamiyeyaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed dhammaan waxaa ka dhammaaday mudaddii ay xilka hayeen, waxaana si xawli ah uga socda deegaanadooda ol’ole. Ma jirto mid u muuqda in uu soo laabanayo, niyad jabkaas waxa uu keenay in ay hadhkooda ka cararaan oo ay dowladda dhexe ku eedeeyaan waji gabaxa ay kala kulmayaan gudaha deegaankooda. 2 – Michael Keating oo watigiisii dhammaaday Arrintan waxa ay warran laabta kaga taagan ku tahay hoggaamiyeyaasha dowlad obolleedyada oo u arkayey inuu u dabacsanaa cabashadooda dasturka baal marsan. Walaaca ugu weyn ee ay qabaan waa ninka lagu bedeli doono oo haddii ayba sii joogaan noqon doona mid aan aqoon gaar ah u lahayn ayna adkaan doonto in uu ula macaamilo sidii Keating oo shaqadan hayey ka hor inta aysan dowladda talada dalka ku imaan doorashadii 2017. 3 – Is-beddelka Itoobiya ka dhacay oo saameyn weyn ku yeeshay hagardaamadii ay ku hayeen dowladnimada Soomaaliya. Ka hor inta uusan is-beddel ka dhicin Itoobiya, waxaa dhaqan iyo caado u ahaa madaxda maamul gobolleedyada haba ugu darnaadeen Gaas iyo Madoobe, waxa ay bil walba u dusi jireen Addis Ababa, iyaga oo aan ka wargalin dowladda dhexe, taas oo meel ka dhac ku ahayd qarannimada dalka. Hase ahaatee, Axmed Madoobe oo dhawaan fool xumo kala soo kulmay dowladda Itoobiya kadib markii uu isku dayey in uu faraha la galo siyaasadda gudaha ee dalkaas, waxa ay u quus goysay hammigoodii ahaa in ay dowladda ku guul guulaan kulana xifaaltamaan awoodaha dowladaha deriska ah. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
How China's giant solar farms are transforming world energy
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Fly over “Datong County”, a region in northern China, and you’ll see two giant pandas. One is waving at you. They are made of thousands of solar panels. Source: Hiiraan Online -
Afar sanno ayaa laga joogaa geeridii horjoogihii Al-shabaab Axmed Cabdi Aw-godane, waxaa lagu dilay deegaan lagu magacaabo Haawaay oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose 1-dii September sannadkii 2014-kii kaddib markii diyaaradaha Mareykanka ay Gantaal la dhaceen deegaankaas. Shan maalin kaddib kooxda Al-shabaab ayaa qiratay dilka hoggaamiyahoodii, iyagoo shaaca ka qaaday in hoggaanka kooxda lagu magacabay Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda). Muddo kooban gudaheed waxaa soo ifbaxay habacsannaan baahsan oo dhinaca hoggaanka ah, taas oo ka dhex abuurtay Al-shabaab khilaaf adag, markii dambena seddex saf u kala qeybiyey kooxda. Khilaafka kooxdu waxaa dhinac socday dagaal ka imaanayey ciidammada dowladda, AMISOM iyo saaxiibbada Soomaaliya dhinaca Amniga ka caawisa, Gacanta Al-shabaab waxaa ka baxay Dhul ama deegaanno ay horey u joogeen, aad buu u kooban yahay hadda meelaha uu ka jiro xukunka kooxda, laakiin dhibaatada ay ummadda ku hayaan ayaa baahsan. Ma jiro Dhaqaale toos ah oo kooxda ay ku socodsiiso gabood-falladeeda, laakiin waxa ay baadaan dadyowga Soomaaliyeed oo nooc walba isugu jira, dhaca Al-shabaab ay geystaan waxa uu gaaray in ay baad ka qataan dadka ugu liida sida Qoysaska aan waxba heysan laakiin ku nool meelaha ay sidii kalluunkii gabbaadka ka dhigtaan. Arrimahani waxa ay ka dhasheen hoggaan xumimada Abuu Cubeyda oo la rumeysan yahay in uu aad ul il daran yahay Cudurka Kansarka, mar sii horreysayna looga shakiyey in kooxdu ay khaarajisay Horjoogaheedii. Burburka hoggaanka iyo habaca taagan waxaa muujiyey kaddib markii ay kooxda isaga baxeen rag badan oo saameyn ku lahaa, halka kuwa kalena ay dowladda Soomaaliya isku soo dhiibeen. Axmed Diiriye horjoogaha Al-shabaab waxa ay taariikhda madoow ku xuseysaa xasuuqii mar qura ay 500 oo qof oo Birimageyda ah ku dileen Al-shabaab weerar Qarax ah 14-kii October sannadkii 2017-kii xili galab ah Isgoyskii SOOBE, waa asalka nacaybka ay u qabaan shabiga Soomaaliyeed dhacdadaas oo xanuun weli ku heysa qof walba oo Soomaali ah marka iyaga laga reebo. Xasuuqii 14-kii October waa midkii ugu weynaa ee abid qaaradda Africa 500 oo qof lagu dilo hal daqiiqo. Laakiin waxaa ka sii daran sunnooyinkii uu Axmed Godane uga tegay kooxda oo ah in ay sii wadaan burburinta goobaha macbadyada ah, sida masaajidda iyo Malacamadaha Qur’aanka. Al-shabaab oo Godane dilkiisa xuseysa ayaa weerar ku qaaday Masaajid iyo Dusgi Qur’aankii 1-dii bishaan September oo ah markii la dilay Axmed Cabdi Aw Godane. Al-shabaab iyaga ayaa duulaan ku ah Shacbiga Soomaaliyeed, iyaga ayaa ka aargoosanaya dadka Soomaaliyeed iyaga ayaa diiddan Soomaalinimada, iyaga ayaana ku dambeyn doona dilka iyo Xasuuqa ay ku dabar jarayaan hadda ummadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed. Kuma filna oo keliyah in aan afka sii wadno sheegista dhibaatada Al-shabaab oo waxa ay ku soo maqan yihiin waa baadinnta dhiiggaaga haddii aad Soomaali tahay, laakiin waxa kuu furan in aad adiga dabar go’ooda ka qeyb-qaadato, sida dad badan ay haddaba yeeleen, taas oo ku badbaadisa. W/D Feysal Muuse
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – United Nations Secretary-General Antonio Gutters has appointed Nicholas Haysom as his new Special Representative for Somalia and Head of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM). Nicholas Haysom (born 1952), who is the United Nations Secretary-General’s Special Envoy for Sudan and South Sudan will replace the out-going envoy Mechiel Keating of the United Kingdom who completed his assignment in Somalia, according to sources. The UN cheif Guitters hailed Keating’s dedication, courage and excellent leadership of UNSOM over, a critical period for Somalia’s political. The out-going UN envoy Mechiel Keating of the United Kingdom who completed his assignment in Somalia. Mr. Haysom , a lawyer with a long international career, has focused on democratic governance, constitutional and electoral reforms, reconciliation and peace processes. He brings to this position extensive experience in supporting political and peacebuilding transitions, as well as leading complex humanitarian and recovery programmes, sources said. However, Nicholas Haysom is set to arrive in Somali capital Mogadishu to succeed Mechiel Keating of United Kingdom, to whom the Secretary-General is grateful for his dedication and commitment. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyihii degmada Xamar Weyne Cumar Shariif Maye (Cumar Jeeg) ayaa shaqo joojin lagu sameeyay, kaddib wareegto ka soo baxday ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka maaliyadda ee Gobolka Banaadir, Xuseen Maxamed Nuur. Wareegtada ayaa lagu sheegay in Cumar Shariif Jeeg uu si bareer ah uga been sheegay ciidanka Booliska Somalia, kuna tilmaamay in amniga dalka lagu aamini karin, ayna keenaan qaraxyada. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu ku tilmaamay Maamulka Gobolka Banaadir meel uu ka jiro Musuq-maasuq, sidoo kale Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ay tahay Xukuumadda ugu musuq maasuqa badan. Waxaa qoraalka lagu sheegay in si KMG uu xilka Guddoomiyaha degmada Xamar weyne u sii wadayo Guddoomiye kuxigeenka Axmed Maxamed Iidow. Ugu dambeyn, Ciidan ka tirsan Booliska Somalia ayaa xabsiga u Taxaabay Guddoomiyihii Xamar-weyne, kaddib markii ay soo baxday wareegtada shaqada looga joojiyay, waxaa wararku sheegayaan in lagu xiray Xarunta dambi baarista ee CID. Haddaba, AKHRISO Wareegtada Shaqada looga joojiyay Cumar Jeeg; PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii Degmada Xamar-weyne oo la isugu daray Shaqo ka joojin iyo Xabsi appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa hawlgal ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Marka ku soo qabtay dagaallamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab,sida ay soo werisay Wakaaladda Wararka SONNA. Hawlgalka ayaa lagu soo qabtay in ka badan 32 dagaallamayaal iyo saraakiil la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo ku hawllanaa falal amni-darro ah,sida lagu daabacay Wakaaladda. SONNA waxay sheegtay in dhammaan xubnaha lagu qabtay hawlgalkaasi ay qirteen in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab,islamarkaana qaarkood gacanta lagu dhigay iyagoo amniga khalkhal gelinaya. Sidoo kale Wakaaladdu waxay sheegtay in xubnaha la soo qabtay uu ku jiray sarkaal lagu magacaabo Cabdicasiis Jamaal oo Al-shabaab u qaabilsanaa dilka qorshaysan ee lagu laayo shacabka degmada Marka. Sarkaalkan ayaa qirtay in uu dad aan waxba galabsan ku laayay magaalada Marka ,sid ay daabacday SONNA. PUNTLAND POST The post In ka badan 32 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ayaa Marka lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Qoysas kasoo barakacay degaanka kaxnaane ee gobalka galgaduud ayaa sheegay in xoolihii ay lahaayeen ay ka dhaceen ciidanka Liyuu Booliska Itoobiya. Degaanka dhacdheer ee gobalkaas ayey shegeen in hadda ay ku sugan yihiin oo ay barakac ku yihiin,iyagoo kujira sida ay sheegayaan xaald adag oo dhanka nolasha ah. Madaxda cusub ee dowlad deegaanka Itoobiya ayay ka dalbadeen in lagu celiyo deegaannadoodii iyo guryihii ay ka soo barakiciyeen ciidamada Liyuu booliska. Dadka ayaa sidoo kale codsaday in maxkamad la soo taago hoggaamiyayaasha ciidamada Liyuu booliska kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay u gesyteen dhibaatooyin badan. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/warka-dadka-xooladhaqatada-dacdheer-alcadaala-cadaado.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Asmara (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hor-kacaya dadaallo lagu xoojinayo qodobbadii ka soo baxay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, isaga oo ka shaqaynaya heshiis u dhexeeya dalalka Geeska Afrika oo ku saabsan isdhexgalka dhaqaale. Madaxweyne Farmaajo, Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa la qorsheeyey in ay ku kulmaan magaalada Asmara, 6-da iyo 7-da bisha Sebteembar 2018, si ay uga wada xaajoodaan adkaynta xasilloonida amni iyo dhaqaale ee gobolka ee Geeska Afrika. Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale ka wada hadli doona, qaabkii lagu soo afjari lahaa dhammaan khilaafyada siyaasadeed iyo bulsho ee u dhexeeya dalalka Geeska si loo helo waddamo daris ah oo is-oggol, si nabad ahna u wada nool. Soomaaliya ayaa doonaysa inay kaalin weyn ka qaadato isdhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee Geeska Afrika, si loo dardargeliyo ganacsiga iyo maalgashiga, loona kobciyo isku xirnaanta bulshada iyo dhaqaalaha Geeska. Somalia waxay Beijing ku saxiixday Hindisaha Kaabayaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) oo fududeenaya isku xirnaanta iyo horumarka dhaqaale ee waddamada qaybta ka ah. Himilada Soomaaliya ee ah in ay hormuud u noqoto qorshaha lagu abuurayo isbahaysi ganacsi oo dhexmara waddamada Geeska ayaa horseedaya xasillooni iyo horumar dhaqaale oo ka dhaca waddamada Geeska Afrika. Ugu dambeyn, Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa 4tii Sebtembar lagu soo gabagabeeyay magaalada Beijing, waxaana dowladda Shiinaha ay ku bixineysaa 3da sano ee soo socoto 60 bilyan oo Doollar oo isugu jirta lacago lagu hormarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Qaaradda, deeqo iyo daymo, waxaana lagama maarmaan ah in dalalka Gobolka ay u diyaar garoobaan ka faa’iideysiga mashaariicda Shiinaha. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Somalia , Eritrea iyo RW Itoobiya oo ku kulmaya Magaalada Asmara appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Diyaaraddan oo uu la socday wafdi kasocday dowladda Soomaaliya uuna kamid ahaa wasiirka ammaanka Soomaaliya xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayna saarnaayeen rakaab badan oo Soomaaliyeed ayaa laga soo celiyey garoonka Jomo Kenyatta International Airport ee magaalada Nayrobi. Diyaaraddan sidday wasiir Islow iyo rakaabka la socday ayaa Xalay dib ugu soo noqotay garoonka caalamiga ah ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho 7:40pm, waxaa iska lahaa diyaaradda shirkadda diyaaradaha ee Ocean Airlines Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaarada uu ka dhacsanaa Aqoonsigii ay ku Shaqeyneysay taasna ay keentay in din loo soo celiyo. Sidoo kale waxaa jiro warar sheegayo inaysan diyaaradaan maamulka Garoonka Diyaaradaha Nairobo ku wargelin inay halkaas usoo safreyso. halka wararka qaar ay sheegayaan in aysan jirin wargelin ku aadaneyd in ay u safreyso Magalada Nairobi sidaasina lagu soo celiyey. Hay’adda duulimaadyada rayidka ah iyo maamulka garoonka Muqdisho ayaan weli kahadlin arrintan, waxaana la qiyaasayaa in ay tahay diyaaradda oo xilli habeen gashay hawada magaalada Nayrobi Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (HOL) - President Farmajo, Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed and Eritrea’s President Isaias Afwerki are scheduled to meet in Asmara on 6th and 7th September to hold discussions on strengthening the economic and security stability of the region. Source: Hiiraan Online
-
President Farmajo, Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed and Eritrea’s President Isaias Afwerki are scheduled to meet in Asmara on 6th and 7th September to hold discussions on strengthening the economic and security stability of the region. Source: Hiiraan Online
-
Howlgallo ballaaran oo lagula dagaallamayo dadka xaalufinta ku hayo dhirta ayaa ka bilowday deegaanno ka mid ah gobollada Sool iyo Sanaag. Ciidamada booliiska ayaa qabanaya cid walbo oo ku howlan jarista dhirta islamarkaasna laamaha ammaanka waxaa ay sheegeen in ay wadi doonaan howlgalkan ilaa iyo inta laga takhalusayo dhir jarista. Maamulka ayaa sheegay in dadka ay jarayaan dhirta qoyan kuwaasi oo jarista bilaabay wixii ka dambeeyay sanadkii 2016 kii markii ay deegaannadaasi ay ka dhaceen abaaro ba’an . Kooxahan ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo abaabulan isla markaasna beegsanaya jarista dhirta qoyan maamulka deegaannadaasi ayaa tilmaamay in wadaan howlgallo ay kula dagaalamayaan dadka caadeystay jarista dhirta qoyan. Howlgalkan ayaa waxaa uu socday bilihii ugu dambeeyay waxaana lagu soo qabtay dad ka badan Lixdan qof, howlgalkii ugu dambeeyay waxaa uu ka dhacay deegaannada hoosyimaada degmada Ceynabo . Guddoomiyaha gobolka Saraar ayaa sheegay in ay wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah dadka beegsanaya jarista dhirta qoyan waxaa uuna hoosta ka xariiqay in arrintaani ay deegaanka u keeni karto nabaad guur. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/farax-dubad.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hal sano iyo barkii ay jirtay Dowladda Dhexe ee Federaalka waxaa soo baxayay khilaafyo isdabajoog ah oo u dhaxeeya Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, Tusaale cad waxaa u ah khilaafkaasi shirka Kismaayo ka socda iyo hadallada laga sheegay. Wallow wax walba oo shirka Kismaayo laga sheegay aysan Dowladda Dhexe waxba ka dhihin. Khilaafka halkuu ka bilowday? Ismariwaaga ugu weyn waxuu bilowday markii lala kala saftay dowladdaha Imaaraadka iyo Qadar. Imaaraadka ayaa dad badan aaminsan yihiin inay xoojinayso Maamul Goboleedyada, halka madaxda Maamul Goboleedyadana ay Dowladda Dhexe ku eedaynayaan inaysan dhexdhexeed ka ahayn khilaafka wadammada Khaliijka. Shirka Kismaayo Maalmahan waxaa magaaladda Kismaayo ka socda shir ay leeyihiin gole ay samaysteen Maamul Goboleedyada oo lagu magacaabo Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada. Waa shirkii labaad oo noociisa ah oo ay qabsadaan. Balse shirkan wuu ka kulul yahay siyaasad ahaan shirkii hore, wuxuuna sii fogeeyey xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya. Ibraahim Bursaliid waa khabiir ka faallooda arrimaha gobolka ‘Waxa Kismaayo kasocda waa qas la rabo in lagu ragaadiyo xukuumada dhexe, qolayaha Muqdisho joogana malaa’ig ma ahan.waxyaabaha socdan waxay kasoo jeedaan isfaham la’aan waayahanba u dhaxaysa labada dhinac,” ayuu yiri Ibraahim Bursaliid oo ah khabiir ka faallooda arrimaha gobolka oo ka hadlay shirka Kismaayo. Doorashooyinka kusoo socda Dowlad Goboleedyadda Saddex Maamul Goboleed ayaa doorashooyin galaya 11ka bilood ee soo socda, waa Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland Qaar ka mid ah madaxda maamuladan ayaa u arka in Dowladda Dhexe aysan doonaynin inay kursiga ku soo laabtaan. Eedahan dowlada Dhexe kama aysan hadlin balse waxaa jirta in ugu yaraan ay xukuumada dhexe rabto in madaxda qaar la badalo. Dagaalka Alshabaab Khilaafaadka socda ayaa waxay keeneen in dagaalka Alshabaab lagu jiro laga guul gaari waayo, quburada arrimaha Soomaaliya faaqida ayaa aaminsan in wadasocosho la’aanta madaxda Soomalida ay sii xoojinayso jiritaanka Alshabaab. Ciidammada iskudhaf ah iyo waliba helista tasiilaadka ay u baahan yihiin ayaa iyana ah amuur muran weyn keentay. “Muhimada ugu weyn ka imanaysaa in maamul Goboleedyada latashi lagala sameeyo sida dastuurka ku qoran, laakiin waxaad moodaa inay la tashigaasi u fasiranayaan inay wax walba la walaaqdaan xukuumada , halka xukuumadana aysan xuduudaha oo dhan ka talinin waxay rabaana aysan samayn kari’, taasoo u muuqata in Maamul Goboleedyada ay ka faa’iidaysanayaan taagdarrida dowladda,” ayuu yiri Ibraahim Bursaliid oo la hadlay BBC. Dhamaystirka Dastuurka iyo doorasho qof iyo cod ah Arimaha walwalka laga qabo waxaa ka mid ah dhamaytirka dastuurka dalka iyo in afti dadweyne loo qaado, welina waxaa muuqata in aanan aragti isku mid ah laga lahayn dastuurka uu wadatashigiisu weli socdo. Doorasho qof iyo cod ah in la qaban karo ayaa iyana ah qodob qof walba oo Soomaali ah ku taagan. Welina ma muuqato saansaan muujinaysa in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah. Maxaa looga gudbi karaa isqabqabsiga? “Arrinta ugu muhiimsan waxaa weyaan in gogol qaran la dhigo oo xukuumada ay horsed ka tahay maamuladana ay ku qancaan Muqdishana la isugu tago lagana gorgortamo waxa u danta ah dalka, sidaasna lagu yimaado qorshe dib udhis iyo horumarin la wada leeyahay waxkastoo la isku hayana lagaga wadahadlo oo laga heshiiyo” ayuu yiri Ibraahim Bursaliid oo BBC su’aashaasi uga jawaabaya. Muranka Qodobada dastuurka ku qoran ee arrimaha Federaalka Dad badan ayaa murannada taagan u sababeeya inuu yahay qodobbada dastuurka ku qoran oo aanan la isku fahamsanayn. Tusaale ahaan wadashaqaynta Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada ayaa siyaabo kala duwan loo fasiraa. Dastuurka ayaa qodobadiisa 50-aad iyo 51-aad waxay qeexayaan Mabaadii’da Federaalka ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo xiriirka Iskaashiga heerarka Dowladaha jamhuuriyada Federaalka. BBC
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – A plane carrying Somali ministers and lawmakers from the capital of Mogadishu, were denied landing in Jomo Kenyatta airport in Kenya’s capital Mogadishu. Somalia’s security minister, Abukar Du’alle Islow was among those who were denied landing at the airport in Nairobi. The plane was granted with all needed legal passes, according to the plane crew. It remains unknown why it was denied landing The plane later returned to the airport in Somali capital Mogadishu, after it was denied landing. Somali officials were unavailable to reach on phone for comments on the denial claims There was no comment from the Transportation and Civil Aviation Authority over the incident. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warqad ka soo baxday Kusimaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa Shqadii looga joojiyey Guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cumar Shariif Maye. Wareegtada ka soo baxday Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xuseen ayaa lagu sheegay in Cumar Shariif Jeeg uu si bareer ah uga been sheegay Ciidamada Booliska, kuna tilmaamay in amniga dalka lagu aamini karin, ayna keenaan qaraxyada. Cumar Shariif Maye ayaa dhawaan sheegay in Xukuumadda Kheyre ay tahay tan ugu masuqmaasuqa badneyd abid taarikhda dalka iyo sidoo kale waxa uu eedeyn u jeediyey Booliska oo uu sheegay iney qaraxyada iyaga ka dambeeyaan sida lagu sheegay Warqada ka soo baxday Kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu ku tilmaamay Maamulka Gobolka Banaadir meel uu ka jiro musuq maasuq, sidoo kale Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ay tahay Xukuumadda ugu musuq maasuqa badan. Warqada ayaa waxaa la ogeeysiiyey Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada degmada Xamarweyne,taliska booliska degmada,iyada oo xilka degmada Xamarweyne si KMG loogu dhiibay ku xigeenkiisa Amniga iyo siyaasada. Halkaan hoose ka akhriso waraaqda:
-
Haweenka kunool magaalada Muqdisho ayaa bilaabay aragtiyo cusub oo dhanka ganacsiga ah kuwaa oo ay ku maareeyaan Nolasha qoyskooda. Xariira Cabdulle Siyaad oo sandii 2012 kii caasimada ka hirgalisay bakhaar Mooska lagu iibiyo,ayaa sheegay in shaqa abuur ay u sameeysay haween kale oo dan yar ah ,kana shaqeeya goobteeda ganacsi. Haween badan ayaa dabaro nolosha qoyskooda kuwaasi oo dhexda u xirtay daruuftana ay ku qasabtay kadib markii ragga ay soo wajahday shaqo la’aan. Haweenka ayaa waxaa ay qabtaan shaqooyin badan oo kala culeys badan balse waxaa ay sheegeen in aysan u arkin wax dhib ah maadaama ay ku maareynayaan nolosha qoysaskooda. Muqdisho markii la eego waxaa ku soo batay haweenka badan kuwaasi oo la yimid hal abuuro kala duwan waxaana ka mid ah Xariira Cabdulle oo iyada sameysay bakhaar lagu ilaaliyo Mooska ka soo baxa dalka. Xariira waxaa ay sheegtay in ay shaqaaleysiisay toban haween ah kuwaasi oo ka shaqeeya nadiifinta iyo dhaqista Mooska. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Muuska-afgooye-fm-ka.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gunmen from Somalia’s Al Shabaab group killed six people including at least four soldiers in the streets of the capital, a day after the Islamist movement kidnapped scores of elders in a central region, officials said. Source: Hiiraan Online
-
Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gabagabeeyo ciyaaraha tartanka koobka kubadda cagta degmooyinka Galmudug. Waxaa magaaladaasi ku sugan guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee aqalka sare Abshir Maxamed iyo xubno kale oo dowladda ah. Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa gaaray Mas’uuliyiin ka wada tirsan Maamulka Galmudug iyo dowladda dhexe kuwaasi oo doonaya in ay ka qeybgalaan soo xirista koobka ciyaaraha ee degmooyinka Galmudug. Waxaa aad loo adkeeyay amniga magaalada waxaana waddooyinka lagu daadiyay ciidamo iskugu jira Milatari, boolis iyo nabad sugid iyaga oo saraakiisha ammaanka ay sheegeen in amniga ay xaqiijin doonaan. Waxaa tartanka ka qeyb galay ilaa lix degmo oo kala ah Gaalkacyo, Balanbale, Dhuusmareeb Caabudwaaq, Cadaado iyo Hobyo, waxaana fiinaalka iskugu soo haray degmooyinka kala ah Gaalkacyo iyo Balanbale. Bishii hore, 26-keedii ayuu tartanka si rasmi uga furmay garoonka Cabdullahi Ciise ee Magaalada Gaalkacyo waxaana ciyaartii kowaad lagu daah furay degmooyinka final-ka taagan ee kala ah Gaalkacyo iyo Balanbale waxayna ciyaartaasi ay ku dhamaatay barbaro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Iyadoo maalintii shalay magaalada Dhuuso-Mareeb lagu doortay kursi ka banaanaa Golaha Shacabka uuna ku guuleystay C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa guddiga doorashooyinka Qaranka ee madaxa banana wuxuu sheegay in doorashada xigta ay ka dhacayso magaalada Baydhabo. Xaliimo Ismaaciil Xaliima Yarey guddoomiyaha Gudiigaasi ayaa sheegtay in 2 kusri oo deegaan doorashadoodi ay tahay Koonfur Galbeed lagu dooran doono magaalada Baydhabo,iyadoo ku baaqday in loo diyaar garoobo arrintaasi. Labada kusri ee bannaan ayaa kala ah Xuseen Cusmaan Xuseen Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Khaliif C/llaahi duurey oo dhawaan geeriyooday,kana tirsanaa Golaha Shacabka. Guddiga ayaa sheegay in lagu heshiiyey xubnihii dooran lahaa kursigii uu baneeyey Xuseen Cusmaan Xuseen Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda balse Caasimadda Online oo dabagal ku sameysay arrintaan ayaa soo ogaatay in guddiga uu qeyb ka yahay musuq maasuq la doonayo in lagu soo saaro musharax la dhashay Xuseen Cusmaan Xuseen oo lagu magacaabo Sayid Cali Xuseen. Taliyaha Nabadusgidda oo horey kursigaan u baneeyey ayaa u hanjabay Musharixiinta kursigaas isku soo taagay sidoo kalana wuxuu wadahadal la galay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyadoo ay jirto ballan qaad lacageed oo aad u xoog badan oo miiska loo soo saaray guddiga. Guddigga Doorashooyinka Madaxa banaan ayaa ansixiyey 50 Ergo oo uu keensaday Taliyaha Nabadsugidda, wuxuuna guddiga madaxa banaan ku been abuurtay musharixiinta kale oo uu sheegay inay raali ka yihiin. Caasimadda Online oo la hadashay qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee soo dooran lahaa Kursigaas ayaa sheegay in guddiga madaxa banaan lagu cadaadinayo inay diinwaageliyaan ergo hal dhinac ah waxaana musuq maasuqaan xoogiisa wado Taliyaha Nabadsugidda oo rabo inuu walaalkiis booskaas ku fadhiisto. Guddiga doorashada oo laga filayey inay dalka gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah ayaa bilaabay inay musuq maasuqaan kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya ka banaan oo ay ku qaadanayaan lacago aad u badan waxayna arrintaas shaki weyn gelineysaa sida loogu aamini karo doorasho qof iyo cod ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Khasaare dhaawac u badan ayaa ka dhashay weerar ay ciidamo horey uga tirsanaa Puntland ku qaadeen xarunta saldhigga dhexe ee magaalada Garoowe. Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland ayaa la xaqiijiyey inuu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi. Ciidamada ku qaaday weerarka Saldhigga dhexe ee Magaalada Garoowe ayaa la sheegay in ay gaarayeen ugu yaraan 10 askari kuwaasi oo horay shaqada looga eryay kadib markii lagu eedeeyay in ay gabeen shaqadoodii. Darbiyada Saldhigga Booliska ee Garoowe ayaa waxaa gaaray burbur xooggan oo ciidamadan weerarka qaaday ay geystee, taliyaha ciidamada Booliska Cumar Cabdullahi Faroweyne ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarka lagu soo qaaday Saldhigga booliska. “Taliska booliska waxaa soo weeraray koox abaabulan oo ah jiri markii horana waxaa ay ka mid ahaan jireen taliska ciidanka booliska gaar ahaan gaar ahaan qeybta booliska gobolka Nugaal markii hore ciidankaas waxaa ay ahaayeen ciidan aan shaqeynin oo shaqeysan waayay dhorw jeerna aan ka codsannay in ay shaqeeyaan,sidaas darteed maadaama wakhti xasaasi ah lagu jiro waxaa la rabaa in magaalada amnigeeda wax laga qabto”. Weerarka ay ciidamadan ku qaadeen Saldhigga booliska Garoowe ayaa waxaa uu socday muddo daqiiqado ah, waxaana la sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ay horay uga tirsanaan jireen ciidamada booliska gobolka Nugaal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Lo’ laga keenay dalka Holland ayaa waxaa lagu xanaaneeyaa duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana dalka keentay Shirkad lagu magacaabo Som Milk. Lo’dan maalintii labo jeer ayaa la lisaa waxaana lisiddeeda loo adeegsadaa Mashiin waxaana Maalintii laga lisaa 500 Liitar oo caano ah. C/laahi Cabdiraxiim oo ka mid ah maamulka Shirkaddan ayaa Goobjoog News waxaa uu uga warramay waxaa ay kaga duwantahay Lo’dan midda joogta dalka gudahiisa . “Kadib markii aan ogaanay baahida loo qabo Caanaha Lo’da ee ka jirta dalka, hadana dadkaasi waxaa ay kaga baqayaan Caanaha Lo’da in ay qabto cudurro, Lo’daan waxaa ay kaga duwantahay Lo’da dalka joogta Lo’daan waa mid caafimaadkeeda laga shaqeeyay waxaa ay leedahay dhaqaatiir xaaladaheeda si gooni ahna ula socda”. Lo’dan markii laga liso caanaha waxaa lagu shubaa baco waxaana markaasi kadib loo iib geeyaa Suuqyada Magaalada . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Israsaaseynta ayaa timid kadib markii saakay ay Saldhiga Booliska Magalada Garoowe weerareen maleeshiyaad hubeysan,kuwaas oo horay uga tirsanaan jiray Ciidamada Booliska Puntland. Taliyaha Booliska qeybta Gobolka Nugaal Faarax Galan-gooli oo Warbaahinta kula hadlay Magalada Garoowe ayaa waxa uu sheegay in Saldhigga ay soo weerareen Saraakiil iyo askar booliska ka tirsaneyd balse horay Shaqada looga ruqseeyey. Ciidamada weerarka ku qaaday xarunta ayaa la sheegay in ay wateen hub iyo Gaadiid dagaal, islamarkaana ay dhaawaceen ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Nugaal. Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Farawayne ayaa sheegay in weerarkan ay soo qaadeen in ka badan 30 sarkaal iyo ciidamo ay wateen oo ka Gadoodsanaa shaqo fariisn lagu sameyay. Faraweyne waxaa uu sheegay in Shaqo joojinta ay timid kadib markii ay ka soo bixi waayeen Waajibaadkii loo igmaday. Weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland oo kamid ahaa ciidamadii iska difaacay ragii soo weeraray . Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay in ragagan weerarka soo qaaday la soo taagi doono Maxkamada ciidamada qalabka sida ,waxaan uu Hay,adaha amniga uu ku amray in la soo qabto . Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Garowe[Puntland Post]Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa Faahfaahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay Ciidan Maanta Weeraray Saldhiga iyo Taliska Qaybta Booliska gobolka Nugaal. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Taliska Booliska Gobalka Nugaal oo faah-faahin ka bixiyey shaqaaqo ka dhacday qaybta booliska appeared first on Puntland Post.