Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,448
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Akhristayaasha qiimaha iyo qaddarinta leh waxaan jeclahay inaan marka hore is baro. Waxaa sharaf ii ah inaan ka mid ahaa saraakiishii dhallinyada ahay ee sida balaaran isbeddelka ugu sameysay hay’adda sirdoonka Soomaalia ee loo yiqiinay Nabad Sugidda Soomaaliyeed (National Security Service), kaddib markii ay ku soo biireen iyagoo run ahaantii ku dhaqaaqay inay hay’adda ugu faa’iideeyaan iyagoo kaashanaya waxbarashadooda sare iyo niyaddooda saafiga ahayd, kaddib markii ay soo guteen shaqadii qaranka (National Service) iyo tababarro kala duwan oo gaar u ah shaqooyinka loo igmaday. Waxaa mahadnaq aan la koobi karin halka ugu gudbinayaa saraakiishii xilligaa qayb weyn ka qaadatay tababarkeenna iyagoo aan waxba naga hagran intii awooddooda ahayd. Anigu waxaan ku biiray ciidanka kor ku xusan sannadkii 1973, kaddib markii aan soo dhamaystay waxbarashadii dugsiga sare, tabarak ciidan, shaqada qaranka iyo tababarro kala duwan oo la xiriiray xirfadaha kala duwan ee sirdoonka ee xilligaa aan ka mid ahaa dhallinyaradii laga so xushay dusgsiyada sare. Xulashadeenna ma ahayn mid ka dambaysay rabitaanka ama codsiga oday dhaqameed ama nin jeclaysi ee waxay ku salaysneyd mid aan loo eegin qabiil ama waxyaaho kala duwan oo laga xishoodo. Waxaan ciidanka sirdoonka ka mid ahaa ilaa burburkii 1991, waxaan dabayaaqadii 1988 ka gaaray darajada G/Sare. Waxaan ka soo shaqeeyey tababarro kala duwanna ku qaatay dalka gudihiisa iyo dibeddiisa. Waxaan qayb ka ahaa shirar xasaasi ahaa, sida soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Somalia iyo Liibiya oo burburay kaddib makii Liibiya ay taageero hiil iyo hooba u fidisay Jabhadihii mucaaradka ku ahaa dawladdii Allaha u naxariistee Maxamed Siyad Barre. Waxaan ka mid ahaa saraakiishi ka qaybgashay dagaalkii 1977 anigoo u xilsaarnaa xuuraanka iyo sahminta aagga koonfureed ee xuduudda la lahaa gobollada Gedo, Bakool iyo Hiiraan. Waxaan shaki ku jirin in maanta dad fara badan ay la tahay riyo warbixintayda iyo waxyaalaha aan ka hadlayo, gaar ahaan intii aan markaa dhalan ama da’ yareyd Run ahaantii, waxa maanta igu kallifay inaan isa soo bandhigo kana hadlo 28 sano kaddib, ma aha kuwo aan haalkan ku soo koobi karo, waxaase ugu daran midda la xiriirta ihaanada loo gaystay hay’addii aan ka soo shaqeeyay muddo 18 sanno ah iyo heerka ay maanta taagan tahay. Sida aad ka war qabtaan, hay’adaha Sirdoonka waxaa lagu sifeeyaa inay yihiin wadnaha dalka, waayo haddii qofka ka waxyeelloobo qaybaha kala geddisan ee jirkiisa waxaan suuragal ah in laga dhabiibi karo, laakin marka uu wadnuhu ka istaago waxaa hubaal ah inuu dhimanayo, hay’adduna waa lamid. Sidaa awgeed, waxaa damiirkeygu ii saamixi waayey inaan indhaha iska tiro, kaddib markii aan hoos ugu baaray sababta ay Soomaaliya u istaagi la’ dahay oo ay maalinba maalinta ka dambaysa god ugu sii dhacayso ilaa ay maanta marayso in qaranku ku dhaco qod aad u fog. Haddaba, hordhacayga kaddib, waxaan jeclahay inaan idiin soo bandhigo taariikhda hay’adda ihaanada loo gaystay iyo meesha ka qurunsan tahay iyo cidda mas’uuliyaddeeda leh, haddii aan fursad u helo. Waxaan kaloo jeclahay inaan inaan isu barbar dhigo dhacdo kasta iyo sida ugu habboon ee garaadku raali ka yahay. Ugu dambayn, waxaan soo dhaweynyaa cid kasta oo fikrad igu kordhin karta, iyadoo iigu soo gudbin karta e-mailka ama Facebook. Mahadsanidiin Ahmed Karate e-mail: amm.karate@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qatar, Soltan bin Saad Al-Muraikhi, ayaa sheegay in dowladiisu ay aad u daneyneyso Somalia. Al-Muraikhi, ayaa tilmaamay in Qatar ay u nugushahay is garabtaaga Somalia, waxa uuna sheegay inay kasoo dhaweystaan dowladaha kale ee carbeed. Waxa uu Al-Muraikhi, carab ***** in Somalia aysan khalad yar u geysan Qatar, sidaa aawgeed ay u aqoonsaden dal iyo dad lala dhaqmi karo, maadaama ay diin wadaagan, sida uu hadalka u dhigay. Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in dowlada Qatar ay diyaar u tahay in Somalia ay dhigto halka ay munaasibka ku tahay, maadaama uu aad u wanaagsan yahay xiriirka labada dal. Al-Muraikhi, oo la hadlaayay danjiraha cusub ee Somalia u fadhiisan doona dalka Qatar ayaa tilmaamay in goordhow ay Somalia ka garab istaagi doonaan dhinacyo badan oo ay ugu horeyso dhanka amaanka. “Qatar sid ay kasoo dhaweysan doonto Somali ma jirto waxaanu diyaar u nahay inaanu ka caawino dhan waliba haba ugu horeysee amniga” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha. Sidoo kale, Amiirka Qatar ayuu sheegay in mar waliba uu ka dardaarmo la dhaqanka Somalia, isagoo xooga saara wanaajinta dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed, ayuu yiri Al-Muraikhi. Si kastaba ha ahaatee, Qatar ayaa dhawaan qaadi doonta talaabo ay kula wareegi doonto Hay’adda Sirdoonka Somalia, oo dhawaan xil looga magacabay Agaasimihii hore ee Villa Somalia Fahad Yaasiiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Lo’ laga keenay dalka Holland ayaa waxaa lagu xanaaneeyaa duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana dalka keentay Shirkad lagu magacaabo Som Milk. Lo’dan maalintii labo jeer ayaa la lisaa waxaana lisiddeeda loo adeegsadaa Mashiin waxaana Maalintii laga lisaa 500 Liitar oo caano ah. C/laahi Cabdiraxiim oo ka mid ah maamulka Shirkaddan ayaa ka warramay waxaa ay kaga duwantahay Lo’dan midda joogta dalka gudahiisa . “Kadib markii aan ogaanay baahida loo qabo Caanaha Lo’da ee ka jirta dalka, hadana dadkaasi waxaa ay kaga baqayaan Caanaha Lo’da in ay qabto cudurro, Lo’daan waxaa ay kaga duwantahay Lo’da dalka joogta Lo’daan waa mid caafimaadkeeda laga shaqeeyay waxaa ay leedahay dhaqaatiir xaaladaheeda si gooni ahna ula socda”. Lo’dan markii laga liso caanaha waxaa lagu shubaa baco waxaana markaasi kadib loo iib geeyaa Suuqyada Magaalada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Gaalkacyo ee Galmudug waxaa lagu soo gunaanaday koobka degmooyinka Galmudug, kaasoo ay soo agaasintay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka Galmudug. Madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay soo xiritaanka Koobkaasi ay ku wada dheelayeen degmooyinka gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug. Guddoomiye xigeenka koowaad ee aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa galabta magaalada Gaalkacyo kaga qeyb galay soo xiritaanka koobka. Senator Abshir Axmed ayaa bogaadiyay ciyaaraha oo qeyb libaax leh ka qaadan kara isdhexgalka bulshada Galmudug. Wuxuu dhallinyarada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan isdhexgalka bulshada hormuudna u noqdaan horumarka degaanka, islamarkaana wax badan oo arrimaha dhallinta quseeya kaalin uu ka qaadanayo. Guddoomiye xigeenka koowaad ee aqalka sare senator Abshir Maxamed Axmed ayaa sheegay in tani ay tahay wax faraxgelinaya dhallinyarada, isagoo ku dhiiragaliyay in wasaaradda ciyaaraha Galmudug in koobabkani oo kale dhallinta loo qabto. Ciyaartii u dambeeysay waxaa galabta wada ciyaaray kulalka ka kala dhisan degmooyinka Gaalkacyo iyo Balanbal iyadoo guusha ay raacday Gaalkacyo. Dhanka kale, waxaa madasha ku sugnaa madaxweyne xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdirashiid Cartan, duqa Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre, wasiirro, xildhibaanno ka tirsan Galmudug. Wasiir xigeenka ciyaaraha Galmudug ahna ku simaha wasiirka ee wasaaraddaasi Abshir Cabdi Sheekhoow oo Goobjoog News ujeedka koobkaani loo qabtay ay ka wareysatay ayaa dhanka kale sheegay in dhowaan ay qaban doonaan horyaalka Galmudug. HALKA HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WAREYSI-WASIIR-XIGEENKA-CIYAARAHA-GALMUDUG-05-09-2018.mp3 HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRADA: GOOBJOOG NEWS Source: goobjoog.com
  5. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaw heshiis saddex geesood ah ku kala saxiixday magaalada Asmara. Heshiiskan ayaa waxa uu dhigayaa in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar. Dhinacyada ayaa la filayaa inay wada-hadallo kale oo dheeri ah yeeshaan, islamarkaana ay soo saaraan qodobada faah-faahsan ee heshiiska ay gaareen. Waxaa sidoo kale qabsoomaya shir saddex-geesood ah oo kulminaya Madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea, iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia. Shirkaasoo ka dhacaya magaalada Asmara ee Caasimadda Eritrea 6- 7 bishan September. Shirkan waxa uu gogol xaar u yahay sidii la isugu xiri lahaa xaaladda amni iyo kobaca dhaqaale ee wadamada gobolka, maadaama dunidu hadda u soo jeesatay fursadaha maalgashiga ee Geeska Afrika.
  6. Inta la xasuusto waa Markabkii ugu horeeyay oo markab ganacsi oo ay leedahay xukuumadda Itoobiya, ay ku soo xirtay Dekedda Massawa, oo ku taalla dalka Eritrea, markii ugu horeysay mudo 20 sano ah. Markabka ganacsiga ee dalka Itoobiya ayaa waxaa markii uu ku soo xiranayay dekaddaasi goobta ku sugnaa Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretariya Isaisa Afwerki waxaana wehlinayay masuuliyiin labada dal ka kala tirsan. Sawirro la baahiyay ayaa muujinaya Markabka xamuulka qaada ee “Mekelle”, oo ay ka dul-babanayaan calamada dalalka Itoobiya iyo Eritrea. Qorshaha ayaa lagu sheegay inuu shixnado ganacsi oo qayiriin ah ka soo Tab number 1 Tab number 2 Tab number 3 Tab number 4 Tab 1 content goes here. Tab 2 content goes here. Tab 3 content goes here. Tab 4 content goes here. Tab number 1 Tab number 2 Tab number 3 Tab number 4 Tab 1 content goes here. Tab 2 content goes here. Tab 3 content goes here. Tab 4 content goes here. qaadayo dekadda Massawa ee wadanka Eretariya oo uu geynayo dalka Shiinaha. Mareegta Goobjoog News ayaa ilo wareedyo muhiim ah oo u dhuun duleela arrimaha gobolka ay u xaqiijiyeen in Markabkani uu qaadayo Sisinta loogu yeero “White SESEMA”. Warar aynu ka helnay Diblumaasiyiin ayaa sidoo kale mareegta Goobjoog News ugu xog warramay in sababtani ay tahay qorshe dowladda Shiinaha ay ku doonayo lacagtii amaahda ahayd oo ay ku leedahay Itoobiya ay sidaan kaga magato. “Sisin iyo Kafeey ayuu Shiinaha kaga beddalanayaa lacag 3.3 Bilyan oo uu deynahaan horay ugu siiyay Itoobiya” ayay u sheegeen Goobjoog News diblumaasiyiinta la hadlay. Warbaahinta Eratariya ayaa faafisay in markabka oo ka yimid boqortooyada Sacuudiga uu kasoo qaadi doono dalka Eritrea 11,000 tan oo ZINC ah, oo uu u geyn doono dalka Shiinaha. Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu bogaadinayo dadaallada ay waddo xukuumadda Asmara kuwaasoo lagu ku doonayso inay ku hormariso adeegyada dekadaha iyo waddooyinka, kuwaasoo uu ku sheegay tallaabooyin loo qaadayo dhanka horumarka iyo kobaca dhaqaalaha. “Itoobiya iyo Eretariya waxay ka wada shaqeyn doonaan hirgalintya heshiis ka kooban 5 qodob oo bishii July ee sanadkani aan magaalada Asmara ku wada saxiixannay madaxweynaha Eretariya Asaisa Afwerki” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Wadanka Itoobiya oo dadkiisu lagu qaddaro in ay ka badan yihiin 100 milyan ayaa la hayn wax dekad ah, waxaana tan iyo markii uu Raysal wasaare Abiy Axmed Cali xafiiska yimid uu billaabay dadaallo uu hormuud yahay oo dalkiisu uu kaga saarayo dekad la’aanta. Dadka odrosa siyaasadda ayaa sheegaya in arrintani Itoobiya ay kaga maarmi karto dekadda Jabuuti oo horay u isticmaali jirtay, inkastoo Itoobiya ay muddo ku qaadanayso. Xukuumadda Addisababa ayaa leh 12 markab oo kuwa xamuulka qaada, waxaana ay dhowaan shaacisay inay sameysanayso ciidamada kuwa badda ah, taasoo dad badan oo caalamka ku nool ku noqotay amakaag. Ugu dambeyn, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa heshiis ay wada galeen bartamihii sanadkani waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay maalgashi ku sameysanayso afar dekadood oo ku yaalla dalkani. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. ASMARA (Caasimada Online)- The President of the Federal Republic of Somalia, Mohammed Abdullahi Mohammed has arrived on Wednesday evening in Asmara. Upon arrival at the Asmara International Airport, the delegation led by President Mohammed was welcomed by President Isaias Afwerki and Prime Minister Dr. Abiy Ahmed. The three leaders from Somalia, Ethiopia and Eritrea will conduct tripartite discussion on the development of relations and cooperation in the region. It is to be recalled that during the official visit President Mohammed Abdullahi Mohammed conducted to Eritrea the two countries signed four pillars joint declaration on brotherly relations and comprehensive cooperation.
  8. Addis Ababa (Caasimada Online)-Waxaa caawa dalka Eriterea gaaray wafdi uu hoggaaminayey Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Asmara kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Eriterea Afwerki iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo halkaasi kaga sii horeeyay. Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa ayaa ka baxay dalka Shiinaha waxa ayna seddexda Hogaamiye Asmara ku yeelan doonaan shir Seddex geesood ah oo ay uga wadahadli doonaan xiriirka Seddexda dal iyo xal u helida cabashooyinka kasoo yeeraya dowlada Jabuuti. Dowlada Somalia ayaa iyadu dhex dhexaadineysa Eriterea iyo Jabuuti oo uu ka dhexeeyo Khilaaf ka dhashay dhul iyo maxaabiis. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale caawa waxa uu kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaa Madaxda Eritaria iyo Madaxda kale ee ku sugan dalkaas.
  9. Maalintii Labaad waxaa magaalada Kismaayo ka socda shirka golaha Iskaashiga dowlad-goboleedyada dalka, Shirkan waxaa shir gudoominaya guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Ajandaha Shirka ayaa looga doodayaa Arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada, waxa ka dhaqan-galay heshiisyadii ay horay u wada galeen Villa Somalia, sidii looga wada shaqeyn lahaa Arrimaha guud ee Ammaanka dalka, doorashooyinka dowlad goboleedyada kale ah Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland ka dhacaya. Muhiimada Khubadaha Madaxda Dowlad Goboleedyada, marka si guud loo eego sidii aan horay idiin kugu soo baahinnayba waxa ay suntanaayeen eedo culus oo ay u soo jeedinayaan madaxtooyada Soomaaliya. Goobjoog News oo koobtay khudbadaha madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo kan Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa idiin soo gudbinaysa Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Dalka oo isla bidhaamiyey boogaha u baahan in la daweeyo. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Muhiimada-Khubadaha-Madaxda-Dowlad-Goboleedyada.-Golaha-Iskaashiga-Dowlad-Gob.mp3 Source: goobjoog.com
  10. Maxkamadda sare ee England & Wales ayaa soo saartay amar ay kaga joojinayso hay’adda marsooyinka ee Jabuuti inay ka baxdo heshiiskii kala dhexeeyey shirkadda DP World. Waxaa kale oo ay maxkamaddu ka hor istaagtay hay’adda marsooyinka ee Jabuuti in aysan eryin agaasimeyaasha terminalka kontaynarrada ee Dooraale. Maxkamaddu waxay ku amartay hay’adda marsooyinka Jabuuti ee marka la soo gaabiyo loo yaqaanno PDSA in aysan wax faragelin ah ku samayn maamulka terminalka kontaynarrada ee Dooraale ilaa iyo amar dheeraad ah uu maxkamadda ka soo baxo maxkamadda, ama maxkamadda dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay London ay xal ka gaaro khilaafka. Hay’adda marsooyinka Jabuuti waxaa inteeda badan leh xukuumadda Jabuuti, qofka madaxda ka ahna waa guddoomiyaha maamulka dekedaha iyo aagagga ganacsiga xorta ah ee Jabuuti. Saamiyada laga tirada badan yahay ee PDSA waxaa leh China Merchants oo fadhigoodu yahay Hong Kong. Amarka maxkamadda sare ayaa daba socda ka dib markii PDSA ay joojisay heshiiskii ay shuraakada kula ahayd DP World, iyo qabashada shirka aan caadiga ahayn ee ay isugu yeertay hay’adda marsooyinka Jabuuti (PDSA) 9ka bishan Siteembar, si loo beddelo agaasimeyaashii ay u soo magacawday shirkadda DP World Terminalka Kontaynarrada Dooraale oo ay labada dhinac shuraako ku ahaayeen. Guddoomiyaha dekedaha iyo goobaha canshuuraha ka caaggan ee Jabuuti, Abuubakar Cumar Xaddi, wuxuu goor sii horraysay ku gacan sayray go’aankaas maxkamadda ka soo baxay, isagoo sheegay inuusan wax saamayn ah ku yeelan doonin shaqada Terminalka Kontaynarrada ee Dooraale. Inkastoo uu Abuubakar Cumar Xaddi ku gacan sayray go’aanka Maxkamadda, misna maxkamaddu waxay hay’adda marsooyinka Jabuuti u qabatay ilaa iyo 14ka Siteembar in ay difaaceeda maxkamadda la hortagto, markaas oo dhegeysi kale loo fariisan doono. Waa markii seddexaad ee ay maxkamad amar ka soo saarto khilaafka u dhaxeeya Jabuuti iyo DP World. Marsada Dooraale waa isha dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo Jabuuti, waana halka ay shaqaalaha ugu badan ka helaan fursadaha shaqo. ISHA BBC Somali
  11. Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin laga bixiyay shir seddex geesood ah oo magaalada Asmara ka furmaya maalinka berri oo khamiis ah. Shirkan oo ay ku kulmayaan Madaxweynayaasha Soomaaliya, Eretariya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ku saabsan sida la soo sheegayo dhaqaalaha. Farmaajo iyo dhigiisa Eritrea Isaisa Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ah ka furmo Asmara, waxaana shirkoodu uu qaadan doona illaa laba cisho isagoo qorshuhu yahay inuu soo idlaado 7-da bishan September. HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA: Source: goobjoog.com
  12. Kigali – The Inter-Governmental Authority on Development (IGAD), the Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) and the World Meteorological Organization (WMO) Source: Hiiraan Online
  13. Duqa Muqdisho ayaa shaqa ka joojin ku sameeyay gudoomiyihii degmada Xamarweyne, Cumar Shariif Maye kadib markii uu eedeyn kulul u jeediyay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Khayre. Cumar Shariif ayaa ku eedeeyay Xukuumadda hadda jirta inay tahay midii ugu musuq-maasuqa badnayd ee soo marta dalka, isagoo intaasii ku daray in dalka aysan wax dowlad ah ka jirin. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay ciidamada Booliska Soomaaliya in aan lagu aamni karin amniga dalka, islamarkaana ay yihiin kuwa qaraxyada soo geliya magaalada Muqdisho. Eedeymahan ayaa soo dedejiyay shaqa-joojinta gudoomiye Cumar Shariif, waxaana si KMG ah shaqada maamulka degmada loo dhiibay xigeenkiisii dhanka amniga iyo siyaasadda, Axmed Maxamed Iidow. Tan iyo markii uu Farmaajo u magacaabey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha horaantii 2017, Xasan Cali Khayre ayaa fagaarooyinka ka sheegayay inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa ragaadiyay dalka 20 sano ee lasoo dhaafay. Masuuliyiin dhowr ah iyo Taliye-yaal ciidan ayaa xabsi ugu jira musuq-maasuq, iyadoo uu Khayre bishii lasoo dhaafay shaqada ka joojiyay Wasiir ku xigeenkii arrimaha dibadda, Mukhtaar Mahad Daa”uud, oo musuq-maasuqa lagu soo eedeeyay. HOOS KA AKHRISO: Source: goobjoog.com
  14. Ciidamo is-abaabulay oo maanta isku dayay inay qabsadaan xarumo Boolis oo ku yaalla magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Taliska booliska iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa ka warbixiyay dhacdo maanta ciidamo is-baabulay ay ku doonayeen in ay kula wareegaan xarunta taliska booliska ee gobolka Nugaal. Raggaan oo ka koobnaa ilaa 5 nin ayaa waxaa la sheegay inay horay uga mid ahaayeen ciidanka ammaanka Puntland ka hor inta aan shaqada looga cayrin gudanwaa shaqo awgeed sida laamaha ammaanku sheegeen. Ciidanka ammaanka ayey iska caabin kala kulmeen raggaasi waxaana muddo kooban kadib ay ka baxsadeen goobtaasi sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Faarax Galangooli. Taliye Galangooli ayaa tilmaamay in xaaladdu ay degan tahay isla markaana dhaawac fudud uu soo gaarey hal askari oo katirsanaa ciidamada ammaanka ee ku sugnaa xarunta xilliga weerarku dhacay. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/BOOLISKA-IYO-MAAMULKA-NUGAAL.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maalinta beri ah lagu wadaa in lasoo xiro shirka Golaha iskaashiga ee ka socda Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland. Shirka oo shalay furmay ayaa waxa uu qorshihiisu ahaa inuu socdo muddo Seddex ah, waxa uuna maanta galay maalintii labaad. Shirkan ayaa waxaa cadaadis lagu saarayaa dowlada Somali oo iyadu lagu eedeeyay inay ka gudubtay xeendaabka siyaasadeed, kadib markii caburin ay ku smaeysay maamulada, sida ay rumeysan yihiin. Hoggaamiyayaasha maamulada oo ku kala aragti duwan qodobada la filaayo in laga soo saari doono shirka ayaa waxa ay qaarkood is hortaag ku sameeyen qaar kamid ah qodobada. Hogaamiyayaasha Hir-Shabeelle iyo Galmudug oo aan wali u dhamaan xiligooda ayaa diiday ilaa 3 qodob oo la xaqiijiyay in lagu soo biirin lahaa War-murtiyeedka. Qodobada leysku khilaafsan yahay ayaa waxaa kamid ah in dowlada Somalia aysan qeyb ka noqon karin korjoogtada doorashada iyo in calaaqaadka wada shaqeyneed loo jarayo, waxa ayna labada Hogaamiye ka biya diideen in la isticmaalo qodobada ceynkaasi iyo kuwo u dhowba. War-murtiyeedka oo lagu balansan yahay in lasoo saaro maalinta beri oo Khamiis ku aadan ayaa waxaa ka taagan isfahan’waa ka dhashay qaabka loo wajahaayo khaladaadka laga tabanaayo dowlada Somalia oo iyadu mas’uul ka ah dalka oo dhan. Sidoo kale, Hoggaamiyayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland oo gali doona doorasho ayaa ad adeega ula gol leh iska dhicinta dowlada Somalia oo la tuhunsan yahay inay faragalin ku sameyneyso doorashooyinka. Si kastaba ha ahaatee, doorashooyinka ka dhacaaya maamulada ayaa waxaa ka taagan walaac ku aadan in dowlada Somalia ay la imaado Musharaxiin cusub oo bedeli doona kuwa hadda haya xilalka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (PP) ─ Khabiirka xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa wrabixin dhinacyo badan kasoo saaray xaaladda xuquuqul aadanaha ee Somalia, gaar ahaan xuquuqda hadalka iyo tan fikirka. Warbixintan oo ka kooban 21-bog ayaa lagu sheegtay inkastoo horumar ay ku talaabsatay Somalia ay haddana jiraan caqabado ay ka mid yihiin inaan dadka loo ogoleyn inay six or ah fikirkooda u dhiibtaan. Waxaana wrabixinta lagu xusay in xad-gudubyada ugu badan loo geysto dadka gudaha dalka ku barakacay. Ciidamada Ammaanka Sommalia iyo Al-shabaab ayaa la sheegay inay si isku mid ah u geystaan dhibaatooyinka ugu badan geystaan, iyadoo la sheegay in dhibaatooyinka loo geysto dad ay ka mid yihin kuwa ugu nugul bulshada, sida dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo carruurta. “Inkastoo uu dalku ogolaaday soo jeedintii la sameeyey 2011-kii ee Qaybta ka ahayd in caalamku ay dib u eegis ku sameeyaan sidii loo qaadan lahaa sharci ciqaabta dilka ah mamnuucaya,” ayaa lagu yiri warbixinta. Warbixintu waxay kaloo sheegtay in caqabada kale ay ka mid yihiin Xad-gudubyada xagga jinsiga oo weli sii socda, inkastoo ay jiraan ololeyaal lagu dhaqan galinayo warmurtiyeedkii ay sida wadajirka ah u soo saareen xukuumadda Federaalka Somalia iyo Qaramada Midoobay ee mamnuucista xadgudubyada jinsiga oo loola jeedo xadgudubyada dumarka loo gaysto ee 07-dii May 2013-kii. “Al-shabaab weli waa khatar weyn, inkastoo ay sii socdaan Dagaalka ay wadaan ciidanka amniag Somalia iyo hawlgalka Ururka Midowga Afrika ee Somalia AMISOM,” ayaa lagu xusay warbixintan. Sidoo kale, Waxay warabixintu soo qaadday Weerarkii 14-kii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho, kaaso ay boqolaal ruux ku naf-waayeen, waxayna intaa ku dartay in Al-shabaab ay bar-tilmaameedsadaan saraakiisha Dowladda Soomaaliya, ayna lacag baad ah ka Qaadaan shacbka ku nool deegaannada ay ka taiyaan. “Somalia weli waxay ku jirtaa xilli kala guur iyo dhisme nabadeed ah. Waxaana soo maray dib u dhacyo siyaasadeed iyo kuwo dhaqan dhaqaale, kuwaasoo sraakiil sar-sare xilalka looga qaaday,” ayaa warbixintaan lagu xusay. Dhanka kale, Warbixinta ayaa lagu xusay in Somalia ay caqabado aad u weyn kala kulantay go’aankeedii dhex-dhexaadnimo ee ay ka qaadatay khlaafkii dalalka Khaliijka, kaasoo dalka Qatar uu kala kulmay dhibaato aad u weyn oo dhanka xiriirka caalamka iyo cunnada isugu jirta. Arrimaha Bani’aadamniada; Warbixinta ayaa waxaa kaloo lagu soo qaaday arrimaha bani’aadminimada ee Somalia ka taagan, wuxuuna khabiirka madaxa-banaan hoosta khad ka mariyay inay sii kordheen dadka gudaha ku barakacay, isagoo amaanay u soo jeediyay jawaabta bani’aadminimo ee laga bixiyay dhibaatooyinkan. “Iyadoo laga baaqsaday geeri, kaddib abaar dalka ka dhacday 2017-kii, taasoo ay kumanaan qof ku barakeceen gobollada Shabeellooyinka, Sababtayna in ay dad ugu dhintaan Muqdisho,” ayuu yiri Khabiirka. Isagoo warbixintiisa ku xusay Talaabooyinka ay ciidanka AMISOM Qaadday , sida shaqaalaynta saraakiil u qaabilsan dhowrista xuquuqda aadanaha, kuwaasoo sare u qaadi kara u hogaansanaanta xuquuqda aadanaha iyo shuruucda caalamiga ah ee xagga abi’aadminimada. Khabiirku wuxuu AMISOM ku Amaanay Talaabooyinka dheeraadka ah ee ay ka qaadday ciribtirka tacaddiyada xagga galmada iyo yareynta khasaaraha dadka rayidka soo gaara marka ay hawlgallo fulinayaan. Wuxuu Khabiirku ku baaqay in si dhaqso leh loosoo Gaba-gabeeyo hanaanka dib-u-eegista Dastuurka, wuxuuna ka codsaday Dowladda dhexe ee Somalia iyo maamul-goboleedyada inay sare u qaadaan iskaashigooda, si la isaga kaashado dhawrista xuquuqda aadanaha Somalia. Ugu aambeyn, khabiirku wuxuu warbixintiisa kusoo xiray talo soo jeedinno ku aaddan caqabadaha uu warbixinta ku sheegay, waxaana ka mid ah in beesha caalamku ay xaqiijiso in tirada AMISOM ee la yaraynayo lagu saleeyo jadwal iyo shuruud waaqici ah. PUNTLAND POST The post Warixin laga soo saaray Xaaladda Xuquqda Aadanaha Somalia & Talooyin lasoo jeediyay appeared first on Puntland Post.
  17. Shir ay ku sheegeen wadatashi iyo iskaashi ayaa shalay magaalada Kismaayo uga furmay hoggaamiyeyaasha maamul gobolleedyada dalka. Shirkan oo ay marti-galisay maamulka Jubbaland oo Kismaayo un ka taliya ayaa si weyn loogu dhaliilay dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyada madaxda ay sheegeen in ay farogalin ku hayso siyaasadda dowlad gobolleedyada. Shirkaas oo uu ka qeyb galay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Somalia Michael Keating oo uu hadda xilkiisii dhammaaday, ayaa waxaa laga dheehan karaa wajiyada hoggaamiyeyaashii ku shirsanaa Kismaayo rajo xumo, niyad jab iyo quus oo ay sabab u yihiin saddexdan qodob ee hoos ku xusan. 1 – Inta badan hoggaamiyeyaashii madasha joogay oo uu waqtiga ka dhammaaday, islamarkaana wajahaya dib u doorasho, quusna ka jooga soo laabashadooda Hoggaamiyeyaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed dhammaan waxaa ka dhammaaday mudaddii ay xilka hayeen, waxaana si xawli ah uga socda deegaanadooda ol’ole. Ma jirto mid u muuqda in uu soo laabanayo, niyad jabkaas waxa uu keenay in ay hadhkooda ka cararaan oo ay dowladda dhexe ku eedeeyaan waji gabaxa ay kala kulmayaan gudaha deegaankooda. 2 – Michael Keating oo watigiisii dhammaaday Arrintan waxa ay warran laabta kaga taagan ku tahay hoggaamiyeyaasha dowlad obolleedyada oo u arkayey inuu u dabacsanaa cabashadooda dasturka baal marsan. Walaaca ugu weyn ee ay qabaan waa ninka lagu bedeli doono oo haddii ayba sii joogaan noqon doona mid aan aqoon gaar ah u lahayn ayna adkaan doonto in uu ula macaamilo sidii Keating oo shaqadan hayey ka hor inta aysan dowladda talada dalka ku imaan doorashadii 2017. 3 – Is-beddelka Itoobiya ka dhacay oo saameyn weyn ku yeeshay hagardaamadii ay ku hayeen dowladnimada Soomaaliya. Ka hor inta uusan is-beddel ka dhicin Itoobiya, waxaa dhaqan iyo caado u ahaa madaxda maamul gobolleedyada haba ugu darnaadeen Gaas iyo Madoobe, waxa ay bil walba u dusi jireen Addis Ababa, iyaga oo aan ka wargalin dowladda dhexe, taas oo meel ka dhac ku ahayd qarannimada dalka. Hase ahaatee, Axmed Madoobe oo dhawaan fool xumo kala soo kulmay dowladda Itoobiya kadib markii uu isku dayey in uu faraha la galo siyaasadda gudaha ee dalkaas, waxa ay u quus goysay hammigoodii ahaa in ay dowladda ku guul guulaan kulana xifaaltamaan awoodaha dowladaha deriska ah. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. NEW YORK (FOX5NY) - Emergency personnel responded to reports of sick passengers aboard an Emirates flight arriving at JFK Airport on Wednesday morning. Source: Hiiraan Online
  19. Fly over “Datong County”, a region in northern China, and you’ll see two giant pandas. One is waving at you. They are made of thousands of solar panels. Source: Hiiraan Online
  20. Afar sanno ayaa laga joogaa geeridii horjoogihii Al-shabaab Axmed Cabdi Aw-godane, waxaa lagu dilay deegaan lagu magacaabo Haawaay oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose 1-dii September sannadkii 2014-kii kaddib markii diyaaradaha Mareykanka ay Gantaal la dhaceen deegaankaas. Shan maalin kaddib kooxda Al-shabaab ayaa qiratay dilka hoggaamiyahoodii, iyagoo shaaca ka qaaday in hoggaanka kooxda lagu magacabay Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda). Muddo kooban gudaheed waxaa soo ifbaxay habacsannaan baahsan oo dhinaca hoggaanka ah, taas oo ka dhex abuurtay Al-shabaab khilaaf adag, markii dambena seddex saf u kala qeybiyey kooxda. Khilaafka kooxdu waxaa dhinac socday dagaal ka imaanayey ciidammada dowladda, AMISOM iyo saaxiibbada Soomaaliya dhinaca Amniga ka caawisa, Gacanta Al-shabaab waxaa ka baxay Dhul ama deegaanno ay horey u joogeen, aad buu u kooban yahay hadda meelaha uu ka jiro xukunka kooxda, laakiin dhibaatada ay ummadda ku hayaan ayaa baahsan. Ma jiro Dhaqaale toos ah oo kooxda ay ku socodsiiso gabood-falladeeda, laakiin waxa ay baadaan dadyowga Soomaaliyeed oo nooc walba isugu jira, dhaca Al-shabaab ay geystaan waxa uu gaaray in ay baad ka qataan dadka ugu liida sida Qoysaska aan waxba heysan laakiin ku nool meelaha ay sidii kalluunkii gabbaadka ka dhigtaan. Arrimahani waxa ay ka dhasheen hoggaan xumimada Abuu Cubeyda oo la rumeysan yahay in uu aad ul il daran yahay Cudurka Kansarka, mar sii horreysayna looga shakiyey in kooxdu ay khaarajisay Horjoogaheedii. Burburka hoggaanka iyo habaca taagan waxaa muujiyey kaddib markii ay kooxda isaga baxeen rag badan oo saameyn ku lahaa, halka kuwa kalena ay dowladda Soomaaliya isku soo dhiibeen. Axmed Diiriye horjoogaha Al-shabaab waxa ay taariikhda madoow ku xuseysaa xasuuqii mar qura ay 500 oo qof oo Birimageyda ah ku dileen Al-shabaab weerar Qarax ah 14-kii October sannadkii 2017-kii xili galab ah Isgoyskii SOOBE, waa asalka nacaybka ay u qabaan shabiga Soomaaliyeed dhacdadaas oo xanuun weli ku heysa qof walba oo Soomaali ah marka iyaga laga reebo. Xasuuqii 14-kii October waa midkii ugu weynaa ee abid qaaradda Africa 500 oo qof lagu dilo hal daqiiqo. Laakiin waxaa ka sii daran sunnooyinkii uu Axmed Godane uga tegay kooxda oo ah in ay sii wadaan burburinta goobaha macbadyada ah, sida masaajidda iyo Malacamadaha Qur’aanka. Al-shabaab oo Godane dilkiisa xuseysa ayaa weerar ku qaaday Masaajid iyo Dusgi Qur’aankii 1-dii bishaan September oo ah markii la dilay Axmed Cabdi Aw Godane. Al-shabaab iyaga ayaa duulaan ku ah Shacbiga Soomaaliyeed, iyaga ayaa ka aargoosanaya dadka Soomaaliyeed iyaga ayaa diiddan Soomaalinimada, iyaga ayaana ku dambeyn doona dilka iyo Xasuuqa ay ku dabar jarayaan hadda ummadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed. Kuma filna oo keliyah in aan afka sii wadno sheegista dhibaatada Al-shabaab oo waxa ay ku soo maqan yihiin waa baadinnta dhiiggaaga haddii aad Soomaali tahay, laakiin waxa kuu furan in aad adiga dabar go’ooda ka qeyb-qaadato, sida dad badan ay haddaba yeeleen, taas oo ku badbaadisa. W/D Feysal Muuse
  21. MOGADISHU (Caasimada Online) – United Nations Secretary-General Antonio Gutters has appointed Nicholas Haysom as his new Special Representative for Somalia and Head of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM). Nicholas Haysom (born 1952), who is the United Nations Secretary-General’s Special Envoy for Sudan and South Sudan will replace the out-going envoy Mechiel Keating of the United Kingdom who completed his assignment in Somalia, according to sources. The UN cheif Guitters hailed Keating’s dedication, courage and excellent leadership of UNSOM over, a critical period for Somalia’s political. The out-going UN envoy Mechiel Keating of the United Kingdom who completed his assignment in Somalia. Mr. Haysom , a lawyer with a long international career, has focused on democratic governance, constitutional and electoral reforms, reconciliation and peace processes. He brings to this position extensive experience in supporting political and peacebuilding transitions, as well as leading complex humanitarian and recovery programmes, sources said. However, Nicholas Haysom is set to arrive in Somali capital Mogadishu to succeed Mechiel Keating of United Kingdom, to whom the Secretary-General is grateful for his dedication and commitment. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyihii degmada Xamar Weyne Cumar Shariif Maye (Cumar Jeeg) ayaa shaqo joojin lagu sameeyay, kaddib wareegto ka soo baxday ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka maaliyadda ee Gobolka Banaadir, Xuseen Maxamed Nuur. Wareegtada ayaa lagu sheegay in Cumar Shariif Jeeg uu si bareer ah uga been sheegay ciidanka Booliska Somalia, kuna tilmaamay in amniga dalka lagu aamini karin, ayna keenaan qaraxyada. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu ku tilmaamay Maamulka Gobolka Banaadir meel uu ka jiro Musuq-maasuq, sidoo kale Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ay tahay Xukuumadda ugu musuq maasuqa badan. Waxaa qoraalka lagu sheegay in si KMG uu xilka Guddoomiyaha degmada Xamar weyne u sii wadayo Guddoomiye kuxigeenka Axmed Maxamed Iidow. Ugu dambeyn, Ciidan ka tirsan Booliska Somalia ayaa xabsiga u Taxaabay Guddoomiyihii Xamar-weyne, kaddib markii ay soo baxday wareegtada shaqada looga joojiyay, waxaa wararku sheegayaan in lagu xiray Xarunta dambi baarista ee CID. Haddaba, AKHRISO Wareegtada Shaqada looga joojiyay Cumar Jeeg; PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii Degmada Xamar-weyne oo la isugu daray Shaqo ka joojin iyo Xabsi appeared first on Puntland Post.
  23. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa hawlgal ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Marka ku soo qabtay dagaallamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab,sida ay soo werisay Wakaaladda Wararka SONNA. Hawlgalka ayaa lagu soo qabtay in ka badan 32 dagaallamayaal iyo saraakiil la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo ku hawllanaa falal amni-darro ah,sida lagu daabacay Wakaaladda. SONNA waxay sheegtay in dhammaan xubnaha lagu qabtay hawlgalkaasi ay qirteen in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab,islamarkaana qaarkood gacanta lagu dhigay iyagoo amniga khalkhal gelinaya. Sidoo kale Wakaaladdu waxay sheegtay in xubnaha la soo qabtay uu ku jiray sarkaal lagu magacaabo Cabdicasiis Jamaal oo Al-shabaab u qaabilsanaa dilka qorshaysan ee lagu laayo shacabka degmada Marka. Sarkaalkan ayaa qirtay in uu dad aan waxba galabsan ku laayay magaalada Marka ,sid ay daabacday SONNA. PUNTLAND POST The post In ka badan 32 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ayaa Marka lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  24. Qoysas kasoo barakacay degaanka kaxnaane ee gobalka galgaduud ayaa sheegay in xoolihii ay lahaayeen ay ka dhaceen ciidanka Liyuu Booliska Itoobiya. Degaanka dhacdheer ee gobalkaas ayey shegeen in hadda ay ku sugan yihiin oo ay barakac ku yihiin,iyagoo kujira sida ay sheegayaan xaald adag oo dhanka nolasha ah. Madaxda cusub ee dowlad deegaanka Itoobiya ayay ka dalbadeen in lagu celiyo deegaannadoodii iyo guryihii ay ka soo barakiciyeen ciidamada Liyuu booliska. Dadka ayaa sidoo kale codsaday in maxkamad la soo taago hoggaamiyayaasha ciidamada Liyuu booliska kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay u gesyteen dhibaatooyin badan. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/warka-dadka-xooladhaqatada-dacdheer-alcadaala-cadaado.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Asmara (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hor-kacaya dadaallo lagu xoojinayo qodobbadii ka soo baxay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, isaga oo ka shaqaynaya heshiis u dhexeeya dalalka Geeska Afrika oo ku saabsan isdhexgalka dhaqaale. Madaxweyne Farmaajo, Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa la qorsheeyey in ay ku kulmaan magaalada Asmara, 6-da iyo 7-da bisha Sebteembar 2018, si ay uga wada xaajoodaan adkaynta xasilloonida amni iyo dhaqaale ee gobolka ee Geeska Afrika. Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale ka wada hadli doona, qaabkii lagu soo afjari lahaa dhammaan khilaafyada siyaasadeed iyo bulsho ee u dhexeeya dalalka Geeska si loo helo waddamo daris ah oo is-oggol, si nabad ahna u wada nool. Soomaaliya ayaa doonaysa inay kaalin weyn ka qaadato isdhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee Geeska Afrika, si loo dardargeliyo ganacsiga iyo maalgashiga, loona kobciyo isku xirnaanta bulshada iyo dhaqaalaha Geeska. Somalia waxay Beijing ku saxiixday Hindisaha Kaabayaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) oo fududeenaya isku xirnaanta iyo horumarka dhaqaale ee waddamada qaybta ka ah. Himilada Soomaaliya ee ah in ay hormuud u noqoto qorshaha lagu abuurayo isbahaysi ganacsi oo dhexmara waddamada Geeska ayaa horseedaya xasillooni iyo horumar dhaqaale oo ka dhaca waddamada Geeska Afrika. Ugu dambeyn, Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa 4tii Sebtembar lagu soo gabagabeeyay magaalada Beijing, waxaana dowladda Shiinaha ay ku bixineysaa 3da sano ee soo socoto 60 bilyan oo Doollar oo isugu jirta lacago lagu hormarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Qaaradda, deeqo iyo daymo, waxaana lagama maarmaan ah in dalalka Gobolka ay u diyaar garoobaan ka faa’iideysiga mashaariicda Shiinaha. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Somalia , Eritrea iyo RW Itoobiya oo ku kulmaya Magaalada Asmara appeared first on Puntland Post.