-
Content Count
206,458 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Because the Battle of Adwa proved that the colonizer doesn’t always win. Source: Hiiraan Online
-
WASHINGTON — Bernie Sanders couldn't carry JFK's old congressional district in Massachusetts when he ran against Hillary Clinton in 2016, but Ayanna Pressley did — and her stunning primary upset this week adds to a string of victories for underdog progressive black Democrats this year. Source: Hiiraan Online
-
Iran’s rial fell to a record low on Wednesday, part of a staggering 140 percent drop in the currency’s value since the United States pulled out of the nuclear deal only four months ago. Source: Hiiraan Online
-
Sida lagu baahiyay barta ay madaxtooyada Soomaaliya ku leedahay Facebook-ga, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa xalay heshiis saddex geesood ah ku wada kala saxiixday magaalada Asmara ee caasimadda waddanka Eratariya oo madaxweyne Farmaajo uu gaaray saacadihii dambe ee shalay oo Arbaco ahayd. Ujeedka heshiiskani oo ah iskaashi dhaqaale oo dhexmara dowladahani ayaa sidoo kale lagu sheegay in dalalka Soomaaliya, Eratariya iyo Itoobiya dhaqangelinta heshiidkani uu u horseedayo xasilooni iyo horumar. Soomaaliya ayaa wali waxaa ka jira colaado, iyadoo dhul badan ay gacanta kaga heystaan dowladda federaalka mucaaradka hubeysan ee Alshabaab. Lama caddayn kaalin rasmiya oo xukuumadaha Itoobiya iyo Asmara ay ku yeelanayaan nabadgalyo kaga gaaro colaadaha aafeeyay sanadaha badan Soomaaliya, marka laga soo tago in Itoobiya ciidankeedu ay qeyb ka yihiin howlgalka nabad ilaalinta AMISOM. “Heshiiskan ayaa waxa uu dhigayaa in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada Soomaaliya baahisay. Bartamihii sanadkani ayay ahayd markii booqasho magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu ku yimid Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaddib kulan ay wasa qaateen afar saac madaxweynaha qaranka Maxamed Farmaajo inay wada gaareen heshiis qodobo kamid ah qeexayaan in Addisababa lagu wareejiyo afar dekadood oo Soomaaliya ku yaalla si ay maalgashi ugu sameysato. Heshiiska seddexda dowladood ay wada gaareen ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eratariya oo suntan iskaashiga dhaqaalaha ayaa la ogayn ujeedka rasmiga ah oo laga leeyahay iyo dowladaha gadaal ka riixayaan. Seddexdani hoggaamiye FarmaajoFarmaajo, Asaias iyo Abiy ayaa maanta Asmara waxaa uga furmi doono shir qaadanaya laba cisho oo iskaashiga dhaqaale lagaga hadlayo sida saacado ka hor lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Su’aalaha la isweydiin karayo waxaa sidoo kale kamid ah sababta keentay in dowladaha gobolka oo horumarka dhaqaale ku tallaabsaday ay uga maqan yihiin sida Jabuuti oo xurgufi kala dhaxeeyso Eretariya. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muxuu Farmaajo ula kulmi waayey Donald Trump iyo Theresa May!? Waxa uu ahaa dhigaalkii ugu dambeeyey ee uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur soo dhigo boggiisa Facebook. Arritan ayaa imaneysa xilli uu shalay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed ku tagey magaalada Asmara, xarunta dalka Eritrea oo uu kulan saddex geesood ah uga furmayo madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya. Wali lama shaacin ajendaha kulanka saddex geesoodka ah, walow uu u muuqdo mid xasaasi ah, maadama ay hoggaamiyeyaasha toos u abbaareen Eritrea kaddib markii ay soo dhammeysteen shirkii China iyo wadamada Africa uga socday maalmahan magaalada Beijing. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aan waxba kala socon ujeedka iyo ahmiyadda shirkaas saddex geesoodka ah ayaa bilaabay xanuunkii is barbar dhigga “Comparison Syndrome” ahaa ee mucaaradnimadiisa lagu bartay. Muxuu yiri? “Madaxweynaha dawlada aan deriska nahay ee Kenya wuxuu usbuucii la soo dhaafay gudihiisa la kulmay sedexda hogaamiye ee dunida ugu saamaynta badan leh, Madxweynaha, Maraykanka, Madaxweynaha China iyo Raysalwasaaraha Britain. Halka siyaasadeena Arrimaha dibada ay Doha iyo Asmara dhaafi la’dahay. “ Walow uu qoraalkan u ekeysinayo in uu ka hadlayo siyaasadda arrimaha dibedda ee Soomaaliya ee isaga ula muuqata in ay dowladda hadda jirta ka gaabisay – gaar ahaan xawaaraha hummaagiisa u sawirayo, haddana waxa uu qof walba ka dhadhansan karaa in ay ujeedadiisu tahay u bahdilidda madaxweynaha Soomaaliya dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta. Sidee? Madaxweynaha Kenya waxa uu la kulmay, Trump, May iyo Xi Jinping! – Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma aha waaqici ama wuu is yeel yeelayaa! Kenya waa dal tan iyo markii ay xoriyadda guumeystihii Ingiriiska ka qaadatay 1963 ahayd dowladda siyaasadeedu salka dhulka ku haysay halka ay dimuqraadiyadda ka hana qaaday 1992-kii oo ay sameysteen nidaamka xisbiyada badan. Soomaaliya oo 30 sano kaddib xorriyadeedii ay dowladdii dhexe ka bur burtay, ilaa haddana ku jirta soo kabasho, ma tahay arrin uu siyaasi weyn la soo golo fariisto is barbar dhigga labadaas dal ama hoggaamiyeyaashooda? Donald Trump, May iyo Xi maxaa uga xiran Soomaaliya oo ay ula kulamayaan Farmaajo? 2 – Madaxweyne Farmaajo lama kulmin miyaa Xi Jinping, oo miyaan si meeqaam sare leh loogu soo dhaweyn dalka China? Laga yaabe, in Cabdiraxmaan Cabdishakuur kulankii madaxweyne Farmaajo iyo Xi Jinping ka war qabin! Hase ahaatee, Cabdiraxmaan Cabdishakuur kali kuma ah xanuunka is barbar dhigga ee ‘Comparison Syndrome!” waa arrin hadda caadi ka noqotay baraha bulshada iyo goobaha xanta “Gossip Corners” ee siyaasadda lagu gorfeeyo! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Daanta-Galbeed (Caasimada Online) – Dalka Urdun ama Jordan ayaa si xooggan u diiday una cambaareeyey qorshe Mareykanka uu soo bandhigay oo la doonayo in Falastiin iyo Jordan looga dhigo hal dal, waxaana ay sheegeen in tani ay tahay arrin aan wada-xaajood laga geli karin. Afhayaeenka dowladda Jordan, Jumana Ghneimat ayaa sheegtay in mowqifka Jordan uu mar wlaba yahay in la helo dal Falastiin oo ku salaysan xuduudihii 1967-kii. Qorshaha Falastiin loogu darayo dalka Jordan ayaa waxaa soo bandhigay Jason Greenblatt iyo Jared Kushner, oo ah la-taliyayaasha madaxweyne Donald Trump ee Bariga Dhexe, kuwaas oo kala hadlay madaxweynaha Falastiin maxmuud Cabaas iyo boqorka Jordan, Cabdallah. Cabaas ayaa u sheegay Greenblatt iyo Kushner inuu doonayo saddex dal oo kala ah Falastiin, Israel iyo Jordan, balse aanu aqbalayn in Falastiin meesha laga saaro, sida uu ku warramay wargeyska Times of Israel. Greenblatt oo arrintan wax laga weydiiyey ayaa sheegay in Mareykanka uu ka fakarayo qorshooyin badan oo xal u noqon kara dhibataada Bariga Dhexe, balse uusan diyaar u ahayn inuu bixiyo faahfaahin intaas dheer. Arrinta ku saabsan in Falastiin iyo Jordan laga dhigo hal dal, ayaa dhowr mar oo hore sidan oo kale la isugu dayay, waxaana inta badan ay tahay fikrad ay qabaan dadka kasoo horjeeda in Falastiin ay hesho dal. Kuwa fikraddan qaba ayaa ku dooda tirada dadka Falastiiniyiinta ee degan Jordan, oo gaareysa laba milyan oo qof, oo badankood haysta dhalashada dalkaas. Si kastaba, hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in inkasta ay tani jirto haddana kuwa badan oo dadkaas ka mid ah dhowaanahan lagala noqday muwaadannimada dalkaas, welina aan loo arkin inay yihiin dad dalkaas u dhashay. Jordan ayaa horey u maamuli jirta Daanta Galbeed iyo Bariga Jerusalem, ka hor inta aanay labaduba Israel ku qabsan dagaalkii lixda maalmood ee sanaddii 1967-kii. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
Amiir reer Sucuudi ah ayaa u sheegay dad ku banaan baxayey caasimadda Britain in qoyska boqortooyada oo dhan aysan mudneyn eed balse lagu koobo ‘Boqorka iyo dhaxal sugihiisa’, marka ay noqoto xasuuq ka socda Yemen. Hadaladaas waxaa laga maqli karay muuqaal laga qabtay dhacdadaas ka dhacday goob London ka tirsan oo aan la sheegin, arintan waxa ay u dhexeeysay Amiir Axmed Abdulaziz oo ka mid ah dhawr wiil oo ka haray aas aasihii Sacuudi Careebiya iyo koox u doodadda xuquuqul insaanka oo ku dhawaaqayey hal ku dhigyo sida ‘Ha dhacaan, ha dhacaan, Al Sucuud iyo “Qoyska dhagar qabayaasha ah ee Al Sacuud”. Muuqalka, oo lagu arkay baraha bulshada bilowgii toddobaadkan, amiirka waxa uu u soo dhawaanayaa u doodeyaasha xuquul insaanka waxa uuna ka jawaabayaa weydiimahooda ku saabsanaa xaaladda Yama iyo Baxreen. الأمير احمد بن عبدالعزيز شقيق الملك سلمان سمع اصوات المعارضة تهتف بالقول: “يسقط آل سعود” فرد عليهم: “وآل سعود كلهم وش دخلهم”؟! هناك مسؤولين عن الوضع والحرب في اليمن وهما: “الملك وولي عهده”، وتمنى الأمير أحمد أن تنتهي الحرب في اليمن، وطلب من المعارضين ان يدعوا لهم أن تتوقف الحرب؟! pic.twitter.com/4gMbfZzfdO — برق نيوز (@barqnewskw) September 3, 2018 Turjumaadda: Amiir Axmed Bin Cabdulcasiis, walaalka Boqor Salmaan, waxa uu maqlay xubno ka tirsan mucaaradka oo ku dhawaaqaya “Ha dhacaan Aala Sacuud” waxa uu ku jawaabay “Dhammaan Aala Sucuud lama wada eedeen karo! Waxaa jira dad mas’uul ka ah xaaladda dagaal ee Yaman.” “Waxaa jira dad gaar ah oo mas’uuliyadda leh. Ha eedeyn dhammaan qoyska,” ayuu yiri Amiirka. “Yaman iyo meelaha kale, rejedeenu waa in dagaalku dhammaado maanta iyo berri kahor.” Mar la weydiiyey kuwa ay yihiin shaqsiyaadkaas, amiirka waxa uu yiri: “Waa boqorka iyo dhaxal sugihiisa,” isaga oo ula jeeda Boqor Salmaan iyo Cabdulcasiis Al Sacuud iyo dhaxal sugaha, amiir Maxamed Bin Salmaan, oo sidoo kale loo garan ogyahay MBS. Dagaal Yaman waxa uu si weyn u socday ilaa iyo Maarso 2015 markaas oo gaanshaan buur Sucuudigu hoggaaminayo ay ka bilaabeen hawlgallo ka dhan ah dagaalyahanada Xuutiyiinta. Tan iyo markii uu dagaalka curtay, in ka badan 10,000 ayaa ku dhintay waxaana guryohooda laga qixiyey malaayiin. Dadka xuquuqul insaanka u dooda waxa ay ku eedeeyen MBS, kaas oo hadda ah wasiirka difaaca in uu yahay qofkii lahaa abuubulka dagaalka Yaman, kaas oo horseed u noqday sida ay Qaramada Midoobe ku tilmaantay ‘Xaaladdii bili’aadannimo tii ugu xumeyd.” XARIG BADAN In bulshado aragtidooda cabbirto waa mid naadir ka ah boqortoyaa, halkaas oo ay dowladda iyo boqortooyada ay dadka wax dhalleeceeya kala kulmaan xarig muddo dheer ah, jir dil iyo ganaax lacageed oo qaali ah. Dad badan oo ka tirsan qoyska boqortooyada, wasiirro iyo ganacsato sar sare ayaa la xiray bishii Nofeembar 2017 xilli uu socday “Cirib tirka musuqa” oo uu ku dhawaaqay MBS. Eedeemaha ka dhankaah kuwa la xiray waxaa ka mid ahaa lacago la lunsaday, laaluush iyo qasbdda mas’uuliyiinta. Qab qabashadaas waxa ay ka dhalatay amar ka soo baay boqortooyada oo lagu sheegau in looga jawaabayey “Kuwa daciifka ah ee danahooda gaarka ah ka horumarinaya danta guud, si ay lacag sharci darro ah u helaan.” In badan oo ka mid ah waa la soo daayey kaddib markii ay heshiis la galeen dowladda waxaana ka mid ahaa bilyanneerka ahna ganacsadaha reer Sucuudi, amiir Alwaleed bin Talal. Khuburo ayaa ku doodaya in xir xiritaankaas ay ahayd qaab uu ku doonayey dhaxal sugaha in uu ku mideeyo awoodda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Sucuudi Careebiya. Amiir Axmed hore waxa uu u ahaa wasiirka arrimaha gudaha intii u dhexeeysay Juunyo iyo Noveembar 2012 xilligaas oo uu talada hayey boqorkii geeriyooday ee Boqor Cabdalla kahor inta aan lagu bedelin amiir Maxamed Bin Nayf. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, ayaa sheegay in ciidamada maamulkiisa ay qaadi doonaan dagaal ay si buuxda ula wareegi doonaan Gobolka Sool. Camey, ayaa sheegay inay muhiim tahay in ciidamada Puntland ay kuwa Somaliland ka saran Gobolka si halkaa ay u gaarto awoodaha maamulka. Waxa uu tilmaamay Camey in qorshaha socda uu iminka yahay in Somaliland laga saaro Gobolka Sool ka hor inta aan la gaarin doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo caasimada maamulka. Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa u sheegay in xili hore uu ciidamadiisa kala baxo Gobolka Sool, ka hor inta aanu dhicin dagaal dhammaan ciidamada maamulkiisa looga sifeynaayo Gobolka. “Somaliland wan kasoo afjareynaa Gobolka Sool ka hor inta aanu galin doorashada, waayo waxaa muhiim ah in shacabka ku nool Gobolka ay u dabaal dagaan natiijada kasoo bixi doonta doorashada” Camey, waxa uu tilmaamay in ka maamul ahaan aysan dooneynin in shacabka Puntland ay dabaal dagaan iyadoo aan ciidamada Somaliland laga saarin Sool. Sidoo kale, Biixi ayuu ugu baaqay inuusan niyeysan wax nabad ah, inta ay ciidamada maamulkiisa ay ku sugan yihiin Gobolka Sool, gaar ahaan jiida dagaalka Tukaraq. Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili maamulka Puntland uu sii kordhinaayo ciidamada ku sugan Gobolka Sool, gaar ahaan kuwa dhufeysyada Tukaraq jooga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Akhristayaasha qiimaha iyo qaddarinta leh waxaan jeclahay inaan marka hore is baro. Waxaa sharaf ii ah inaan ka mid ahaa saraakiishii dhallinyada ahay ee sida balaaran isbeddelka ugu sameysay hay’adda sirdoonka Soomaalia ee loo yiqiinay Nabad Sugidda Soomaaliyeed (National Security Service), kaddib markii ay ku soo biireen iyagoo run ahaantii ku dhaqaaqay inay hay’adda ugu faa’iideeyaan iyagoo kaashanaya waxbarashadooda sare iyo niyaddooda saafiga ahayd, kaddib markii ay soo guteen shaqadii qaranka (National Service) iyo tababarro kala duwan oo gaar u ah shaqooyinka loo igmaday. Waxaa mahadnaq aan la koobi karin halka ugu gudbinayaa saraakiishii xilligaa qayb weyn ka qaadatay tababarkeenna iyagoo aan waxba naga hagran intii awooddooda ahayd. Anigu waxaan ku biiray ciidanka kor ku xusan sannadkii 1973, kaddib markii aan soo dhamaystay waxbarashadii dugsiga sare, tabarak ciidan, shaqada qaranka iyo tababarro kala duwan oo la xiriiray xirfadaha kala duwan ee sirdoonka ee xilligaa aan ka mid ahaa dhallinyaradii laga so xushay dusgsiyada sare. Xulashadeenna ma ahayn mid ka dambaysay rabitaanka ama codsiga oday dhaqameed ama nin jeclaysi ee waxay ku salaysneyd mid aan loo eegin qabiil ama waxyaaho kala duwan oo laga xishoodo. Waxaan ciidanka sirdoonka ka mid ahaa ilaa burburkii 1991, waxaan dabayaaqadii 1988 ka gaaray darajada G/Sare. Waxaan ka soo shaqeeyey tababarro kala duwanna ku qaatay dalka gudihiisa iyo dibeddiisa. Waxaan qayb ka ahaa shirar xasaasi ahaa, sida soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Somalia iyo Liibiya oo burburay kaddib makii Liibiya ay taageero hiil iyo hooba u fidisay Jabhadihii mucaaradka ku ahaa dawladdii Allaha u naxariistee Maxamed Siyad Barre. Waxaan ka mid ahaa saraakiishi ka qaybgashay dagaalkii 1977 anigoo u xilsaarnaa xuuraanka iyo sahminta aagga koonfureed ee xuduudda la lahaa gobollada Gedo, Bakool iyo Hiiraan. Waxaan shaki ku jirin in maanta dad fara badan ay la tahay riyo warbixintayda iyo waxyaalaha aan ka hadlayo, gaar ahaan intii aan markaa dhalan ama da’ yareyd Run ahaantii, waxa maanta igu kallifay inaan isa soo bandhigo kana hadlo 28 sano kaddib, ma aha kuwo aan haalkan ku soo koobi karo, waxaase ugu daran midda la xiriirta ihaanada loo gaystay hay’addii aan ka soo shaqeeyay muddo 18 sanno ah iyo heerka ay maanta taagan tahay. Sida aad ka war qabtaan, hay’adaha Sirdoonka waxaa lagu sifeeyaa inay yihiin wadnaha dalka, waayo haddii qofka ka waxyeelloobo qaybaha kala geddisan ee jirkiisa waxaan suuragal ah in laga dhabiibi karo, laakin marka uu wadnuhu ka istaago waxaa hubaal ah inuu dhimanayo, hay’adduna waa lamid. Sidaa awgeed, waxaa damiirkeygu ii saamixi waayey inaan indhaha iska tiro, kaddib markii aan hoos ugu baaray sababta ay Soomaaliya u istaagi la’ dahay oo ay maalinba maalinta ka dambaysa god ugu sii dhacayso ilaa ay maanta marayso in qaranku ku dhaco qod aad u fog. Haddaba, hordhacayga kaddib, waxaan jeclahay inaan idiin soo bandhigo taariikhda hay’adda ihaanada loo gaystay iyo meesha ka qurunsan tahay iyo cidda mas’uuliyaddeeda leh, haddii aan fursad u helo. Waxaan kaloo jeclahay inaan inaan isu barbar dhigo dhacdo kasta iyo sida ugu habboon ee garaadku raali ka yahay. Ugu dambayn, waxaan soo dhaweynyaa cid kasta oo fikrad igu kordhin karta, iyadoo iigu soo gudbin karta e-mailka ama Facebook. Mahadsanidiin Ahmed Karate e-mail: amm.karate@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qatar, Soltan bin Saad Al-Muraikhi, ayaa sheegay in dowladiisu ay aad u daneyneyso Somalia. Al-Muraikhi, ayaa tilmaamay in Qatar ay u nugushahay is garabtaaga Somalia, waxa uuna sheegay inay kasoo dhaweystaan dowladaha kale ee carbeed. Waxa uu Al-Muraikhi, carab ***** in Somalia aysan khalad yar u geysan Qatar, sidaa aawgeed ay u aqoonsaden dal iyo dad lala dhaqmi karo, maadaama ay diin wadaagan, sida uu hadalka u dhigay. Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in dowlada Qatar ay diyaar u tahay in Somalia ay dhigto halka ay munaasibka ku tahay, maadaama uu aad u wanaagsan yahay xiriirka labada dal. Al-Muraikhi, oo la hadlaayay danjiraha cusub ee Somalia u fadhiisan doona dalka Qatar ayaa tilmaamay in goordhow ay Somalia ka garab istaagi doonaan dhinacyo badan oo ay ugu horeyso dhanka amaanka. “Qatar sid ay kasoo dhaweysan doonto Somali ma jirto waxaanu diyaar u nahay inaanu ka caawino dhan waliba haba ugu horeysee amniga” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha. Sidoo kale, Amiirka Qatar ayuu sheegay in mar waliba uu ka dardaarmo la dhaqanka Somalia, isagoo xooga saara wanaajinta dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed, ayuu yiri Al-Muraikhi. Si kastaba ha ahaatee, Qatar ayaa dhawaan qaadi doonta talaabo ay kula wareegi doonto Hay’adda Sirdoonka Somalia, oo dhawaan xil looga magacabay Agaasimihii hore ee Villa Somalia Fahad Yaasiiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Lo’ laga keenay dalka Holland ayaa waxaa lagu xanaaneeyaa duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana dalka keentay Shirkad lagu magacaabo Som Milk. Lo’dan maalintii labo jeer ayaa la lisaa waxaana lisiddeeda loo adeegsadaa Mashiin waxaana Maalintii laga lisaa 500 Liitar oo caano ah. C/laahi Cabdiraxiim oo ka mid ah maamulka Shirkaddan ayaa ka warramay waxaa ay kaga duwantahay Lo’dan midda joogta dalka gudahiisa . “Kadib markii aan ogaanay baahida loo qabo Caanaha Lo’da ee ka jirta dalka, hadana dadkaasi waxaa ay kaga baqayaan Caanaha Lo’da in ay qabto cudurro, Lo’daan waxaa ay kaga duwantahay Lo’da dalka joogta Lo’daan waa mid caafimaadkeeda laga shaqeeyay waxaa ay leedahay dhaqaatiir xaaladaheeda si gooni ahna ula socda”. Lo’dan markii laga liso caanaha waxaa lagu shubaa baco waxaana markaasi kadib loo iib geeyaa Suuqyada Magaalada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Gaalkacyo ee Galmudug waxaa lagu soo gunaanaday koobka degmooyinka Galmudug, kaasoo ay soo agaasintay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka Galmudug. Madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay soo xiritaanka Koobkaasi ay ku wada dheelayeen degmooyinka gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug. Guddoomiye xigeenka koowaad ee aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa galabta magaalada Gaalkacyo kaga qeyb galay soo xiritaanka koobka. Senator Abshir Axmed ayaa bogaadiyay ciyaaraha oo qeyb libaax leh ka qaadan kara isdhexgalka bulshada Galmudug. Wuxuu dhallinyarada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan isdhexgalka bulshada hormuudna u noqdaan horumarka degaanka, islamarkaana wax badan oo arrimaha dhallinta quseeya kaalin uu ka qaadanayo. Guddoomiye xigeenka koowaad ee aqalka sare senator Abshir Maxamed Axmed ayaa sheegay in tani ay tahay wax faraxgelinaya dhallinyarada, isagoo ku dhiiragaliyay in wasaaradda ciyaaraha Galmudug in koobabkani oo kale dhallinta loo qabto. Ciyaartii u dambeeysay waxaa galabta wada ciyaaray kulalka ka kala dhisan degmooyinka Gaalkacyo iyo Balanbal iyadoo guusha ay raacday Gaalkacyo. Dhanka kale, waxaa madasha ku sugnaa madaxweyne xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdirashiid Cartan, duqa Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre, wasiirro, xildhibaanno ka tirsan Galmudug. Wasiir xigeenka ciyaaraha Galmudug ahna ku simaha wasiirka ee wasaaraddaasi Abshir Cabdi Sheekhoow oo Goobjoog News ujeedka koobkaani loo qabtay ay ka wareysatay ayaa dhanka kale sheegay in dhowaan ay qaban doonaan horyaalka Galmudug. HALKA HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WAREYSI-WASIIR-XIGEENKA-CIYAARAHA-GALMUDUG-05-09-2018.mp3 HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRADA: GOOBJOOG NEWS Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaw heshiis saddex geesood ah ku kala saxiixday magaalada Asmara. Heshiiskan ayaa waxa uu dhigayaa in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar. Dhinacyada ayaa la filayaa inay wada-hadallo kale oo dheeri ah yeeshaan, islamarkaana ay soo saaraan qodobada faah-faahsan ee heshiiska ay gaareen. Waxaa sidoo kale qabsoomaya shir saddex-geesood ah oo kulminaya Madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea, iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia. Shirkaasoo ka dhacaya magaalada Asmara ee Caasimadda Eritrea 6- 7 bishan September. Shirkan waxa uu gogol xaar u yahay sidii la isugu xiri lahaa xaaladda amni iyo kobaca dhaqaale ee wadamada gobolka, maadaama dunidu hadda u soo jeesatay fursadaha maalgashiga ee Geeska Afrika.
-
Inta la xasuusto waa Markabkii ugu horeeyay oo markab ganacsi oo ay leedahay xukuumadda Itoobiya, ay ku soo xirtay Dekedda Massawa, oo ku taalla dalka Eritrea, markii ugu horeysay mudo 20 sano ah. Markabka ganacsiga ee dalka Itoobiya ayaa waxaa markii uu ku soo xiranayay dekaddaasi goobta ku sugnaa Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretariya Isaisa Afwerki waxaana wehlinayay masuuliyiin labada dal ka kala tirsan. Sawirro la baahiyay ayaa muujinaya Markabka xamuulka qaada ee “Mekelle”, oo ay ka dul-babanayaan calamada dalalka Itoobiya iyo Eritrea. Qorshaha ayaa lagu sheegay inuu shixnado ganacsi oo qayiriin ah ka soo Tab number 1 Tab number 2 Tab number 3 Tab number 4 Tab 1 content goes here. Tab 2 content goes here. Tab 3 content goes here. Tab 4 content goes here. Tab number 1 Tab number 2 Tab number 3 Tab number 4 Tab 1 content goes here. Tab 2 content goes here. Tab 3 content goes here. Tab 4 content goes here. qaadayo dekadda Massawa ee wadanka Eretariya oo uu geynayo dalka Shiinaha. Mareegta Goobjoog News ayaa ilo wareedyo muhiim ah oo u dhuun duleela arrimaha gobolka ay u xaqiijiyeen in Markabkani uu qaadayo Sisinta loogu yeero “White SESEMA”. Warar aynu ka helnay Diblumaasiyiin ayaa sidoo kale mareegta Goobjoog News ugu xog warramay in sababtani ay tahay qorshe dowladda Shiinaha ay ku doonayo lacagtii amaahda ahayd oo ay ku leedahay Itoobiya ay sidaan kaga magato. “Sisin iyo Kafeey ayuu Shiinaha kaga beddalanayaa lacag 3.3 Bilyan oo uu deynahaan horay ugu siiyay Itoobiya” ayay u sheegeen Goobjoog News diblumaasiyiinta la hadlay. Warbaahinta Eratariya ayaa faafisay in markabka oo ka yimid boqortooyada Sacuudiga uu kasoo qaadi doono dalka Eritrea 11,000 tan oo ZINC ah, oo uu u geyn doono dalka Shiinaha. Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu bogaadinayo dadaallada ay waddo xukuumadda Asmara kuwaasoo lagu ku doonayso inay ku hormariso adeegyada dekadaha iyo waddooyinka, kuwaasoo uu ku sheegay tallaabooyin loo qaadayo dhanka horumarka iyo kobaca dhaqaalaha. “Itoobiya iyo Eretariya waxay ka wada shaqeyn doonaan hirgalintya heshiis ka kooban 5 qodob oo bishii July ee sanadkani aan magaalada Asmara ku wada saxiixannay madaxweynaha Eretariya Asaisa Afwerki” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Wadanka Itoobiya oo dadkiisu lagu qaddaro in ay ka badan yihiin 100 milyan ayaa la hayn wax dekad ah, waxaana tan iyo markii uu Raysal wasaare Abiy Axmed Cali xafiiska yimid uu billaabay dadaallo uu hormuud yahay oo dalkiisu uu kaga saarayo dekad la’aanta. Dadka odrosa siyaasadda ayaa sheegaya in arrintani Itoobiya ay kaga maarmi karto dekadda Jabuuti oo horay u isticmaali jirtay, inkastoo Itoobiya ay muddo ku qaadanayso. Xukuumadda Addisababa ayaa leh 12 markab oo kuwa xamuulka qaada, waxaana ay dhowaan shaacisay inay sameysanayso ciidamada kuwa badda ah, taasoo dad badan oo caalamka ku nool ku noqotay amakaag. Ugu dambeyn, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa heshiis ay wada galeen bartamihii sanadkani waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay maalgashi ku sameysanayso afar dekadood oo ku yaalla dalkani. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
ASMARA (Caasimada Online)- The President of the Federal Republic of Somalia, Mohammed Abdullahi Mohammed has arrived on Wednesday evening in Asmara. Upon arrival at the Asmara International Airport, the delegation led by President Mohammed was welcomed by President Isaias Afwerki and Prime Minister Dr. Abiy Ahmed. The three leaders from Somalia, Ethiopia and Eritrea will conduct tripartite discussion on the development of relations and cooperation in the region. It is to be recalled that during the official visit President Mohammed Abdullahi Mohammed conducted to Eritrea the two countries signed four pillars joint declaration on brotherly relations and comprehensive cooperation.
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Waxaa caawa dalka Eriterea gaaray wafdi uu hoggaaminayey Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Asmara kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Eriterea Afwerki iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo halkaasi kaga sii horeeyay. Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa ayaa ka baxay dalka Shiinaha waxa ayna seddexda Hogaamiye Asmara ku yeelan doonaan shir Seddex geesood ah oo ay uga wadahadli doonaan xiriirka Seddexda dal iyo xal u helida cabashooyinka kasoo yeeraya dowlada Jabuuti. Dowlada Somalia ayaa iyadu dhex dhexaadineysa Eriterea iyo Jabuuti oo uu ka dhexeeyo Khilaaf ka dhashay dhul iyo maxaabiis. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale caawa waxa uu kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaa Madaxda Eritaria iyo Madaxda kale ee ku sugan dalkaas.
-
Maalintii Labaad waxaa magaalada Kismaayo ka socda shirka golaha Iskaashiga dowlad-goboleedyada dalka, Shirkan waxaa shir gudoominaya guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Ajandaha Shirka ayaa looga doodayaa Arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada, waxa ka dhaqan-galay heshiisyadii ay horay u wada galeen Villa Somalia, sidii looga wada shaqeyn lahaa Arrimaha guud ee Ammaanka dalka, doorashooyinka dowlad goboleedyada kale ah Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland ka dhacaya. Muhiimada Khubadaha Madaxda Dowlad Goboleedyada, marka si guud loo eego sidii aan horay idiin kugu soo baahinnayba waxa ay suntanaayeen eedo culus oo ay u soo jeedinayaan madaxtooyada Soomaaliya. Goobjoog News oo koobtay khudbadaha madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo kan Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa idiin soo gudbinaysa Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Dalka oo isla bidhaamiyey boogaha u baahan in la daweeyo. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Muhiimada-Khubadaha-Madaxda-Dowlad-Goboleedyada.-Golaha-Iskaashiga-Dowlad-Gob.mp3 Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda sare ee England & Wales ayaa soo saartay amar ay kaga joojinayso hay’adda marsooyinka ee Jabuuti inay ka baxdo heshiiskii kala dhexeeyey shirkadda DP World. Waxaa kale oo ay maxkamaddu ka hor istaagtay hay’adda marsooyinka ee Jabuuti in aysan eryin agaasimeyaasha terminalka kontaynarrada ee Dooraale. Maxkamaddu waxay ku amartay hay’adda marsooyinka Jabuuti ee marka la soo gaabiyo loo yaqaanno PDSA in aysan wax faragelin ah ku samayn maamulka terminalka kontaynarrada ee Dooraale ilaa iyo amar dheeraad ah uu maxkamadda ka soo baxo maxkamadda, ama maxkamadda dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay London ay xal ka gaaro khilaafka. Hay’adda marsooyinka Jabuuti waxaa inteeda badan leh xukuumadda Jabuuti, qofka madaxda ka ahna waa guddoomiyaha maamulka dekedaha iyo aagagga ganacsiga xorta ah ee Jabuuti. Saamiyada laga tirada badan yahay ee PDSA waxaa leh China Merchants oo fadhigoodu yahay Hong Kong. Amarka maxkamadda sare ayaa daba socda ka dib markii PDSA ay joojisay heshiiskii ay shuraakada kula ahayd DP World, iyo qabashada shirka aan caadiga ahayn ee ay isugu yeertay hay’adda marsooyinka Jabuuti (PDSA) 9ka bishan Siteembar, si loo beddelo agaasimeyaashii ay u soo magacawday shirkadda DP World Terminalka Kontaynarrada Dooraale oo ay labada dhinac shuraako ku ahaayeen. Guddoomiyaha dekedaha iyo goobaha canshuuraha ka caaggan ee Jabuuti, Abuubakar Cumar Xaddi, wuxuu goor sii horraysay ku gacan sayray go’aankaas maxkamadda ka soo baxay, isagoo sheegay inuusan wax saamayn ah ku yeelan doonin shaqada Terminalka Kontaynarrada ee Dooraale. Inkastoo uu Abuubakar Cumar Xaddi ku gacan sayray go’aanka Maxkamadda, misna maxkamaddu waxay hay’adda marsooyinka Jabuuti u qabatay ilaa iyo 14ka Siteembar in ay difaaceeda maxkamadda la hortagto, markaas oo dhegeysi kale loo fariisan doono. Waa markii seddexaad ee ay maxkamad amar ka soo saarto khilaafka u dhaxeeya Jabuuti iyo DP World. Marsada Dooraale waa isha dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo Jabuuti, waana halka ay shaqaalaha ugu badan ka helaan fursadaha shaqo. ISHA BBC Somali
-
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin laga bixiyay shir seddex geesood ah oo magaalada Asmara ka furmaya maalinka berri oo khamiis ah. Shirkan oo ay ku kulmayaan Madaxweynayaasha Soomaaliya, Eretariya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ku saabsan sida la soo sheegayo dhaqaalaha. Farmaajo iyo dhigiisa Eritrea Isaisa Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ah ka furmo Asmara, waxaana shirkoodu uu qaadan doona illaa laba cisho isagoo qorshuhu yahay inuu soo idlaado 7-da bishan September. HOOS KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA: Source: goobjoog.com
-
Duqa Muqdisho ayaa shaqa ka joojin ku sameeyay gudoomiyihii degmada Xamarweyne, Cumar Shariif Maye kadib markii uu eedeyn kulul u jeediyay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Khayre. Cumar Shariif ayaa ku eedeeyay Xukuumadda hadda jirta inay tahay midii ugu musuq-maasuqa badnayd ee soo marta dalka, isagoo intaasii ku daray in dalka aysan wax dowlad ah ka jirin. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay ciidamada Booliska Soomaaliya in aan lagu aamni karin amniga dalka, islamarkaana ay yihiin kuwa qaraxyada soo geliya magaalada Muqdisho. Eedeymahan ayaa soo dedejiyay shaqa-joojinta gudoomiye Cumar Shariif, waxaana si KMG ah shaqada maamulka degmada loo dhiibay xigeenkiisii dhanka amniga iyo siyaasadda, Axmed Maxamed Iidow. Tan iyo markii uu Farmaajo u magacaabey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha horaantii 2017, Xasan Cali Khayre ayaa fagaarooyinka ka sheegayay inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa ragaadiyay dalka 20 sano ee lasoo dhaafay. Masuuliyiin dhowr ah iyo Taliye-yaal ciidan ayaa xabsi ugu jira musuq-maasuq, iyadoo uu Khayre bishii lasoo dhaafay shaqada ka joojiyay Wasiir ku xigeenkii arrimaha dibadda, Mukhtaar Mahad Daa”uud, oo musuq-maasuqa lagu soo eedeeyay. HOOS KA AKHRISO: Source: goobjoog.com
-
Ciidamo is-abaabulay oo maanta isku dayay inay qabsadaan xarumo Boolis oo ku yaalla magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Taliska booliska iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa ka warbixiyay dhacdo maanta ciidamo is-baabulay ay ku doonayeen in ay kula wareegaan xarunta taliska booliska ee gobolka Nugaal. Raggaan oo ka koobnaa ilaa 5 nin ayaa waxaa la sheegay inay horay uga mid ahaayeen ciidanka ammaanka Puntland ka hor inta aan shaqada looga cayrin gudanwaa shaqo awgeed sida laamaha ammaanku sheegeen. Ciidanka ammaanka ayey iska caabin kala kulmeen raggaasi waxaana muddo kooban kadib ay ka baxsadeen goobtaasi sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Faarax Galangooli. Taliye Galangooli ayaa tilmaamay in xaaladdu ay degan tahay isla markaana dhaawac fudud uu soo gaarey hal askari oo katirsanaa ciidamada ammaanka ee ku sugnaa xarunta xilliga weerarku dhacay. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/BOOLISKA-IYO-MAAMULKA-NUGAAL.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maalinta beri ah lagu wadaa in lasoo xiro shirka Golaha iskaashiga ee ka socda Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland. Shirka oo shalay furmay ayaa waxa uu qorshihiisu ahaa inuu socdo muddo Seddex ah, waxa uuna maanta galay maalintii labaad. Shirkan ayaa waxaa cadaadis lagu saarayaa dowlada Somali oo iyadu lagu eedeeyay inay ka gudubtay xeendaabka siyaasadeed, kadib markii caburin ay ku smaeysay maamulada, sida ay rumeysan yihiin. Hoggaamiyayaasha maamulada oo ku kala aragti duwan qodobada la filaayo in laga soo saari doono shirka ayaa waxa ay qaarkood is hortaag ku sameeyen qaar kamid ah qodobada. Hogaamiyayaasha Hir-Shabeelle iyo Galmudug oo aan wali u dhamaan xiligooda ayaa diiday ilaa 3 qodob oo la xaqiijiyay in lagu soo biirin lahaa War-murtiyeedka. Qodobada leysku khilaafsan yahay ayaa waxaa kamid ah in dowlada Somalia aysan qeyb ka noqon karin korjoogtada doorashada iyo in calaaqaadka wada shaqeyneed loo jarayo, waxa ayna labada Hogaamiye ka biya diideen in la isticmaalo qodobada ceynkaasi iyo kuwo u dhowba. War-murtiyeedka oo lagu balansan yahay in lasoo saaro maalinta beri oo Khamiis ku aadan ayaa waxaa ka taagan isfahan’waa ka dhashay qaabka loo wajahaayo khaladaadka laga tabanaayo dowlada Somalia oo iyadu mas’uul ka ah dalka oo dhan. Sidoo kale, Hoggaamiyayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland oo gali doona doorasho ayaa ad adeega ula gol leh iska dhicinta dowlada Somalia oo la tuhunsan yahay inay faragalin ku sameyneyso doorashooyinka. Si kastaba ha ahaatee, doorashooyinka ka dhacaaya maamulada ayaa waxaa ka taagan walaac ku aadan in dowlada Somalia ay la imaado Musharaxiin cusub oo bedeli doona kuwa hadda haya xilalka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com