Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,458
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimadda Online) – Iyadoo ay muran badan ka taagneyd sababta keentay in Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya ee waqtigiisa sii dhamaanayo Michael Keating uu ka qeybgalo kulanka madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya oo ka dhan ah dowladda Federaalka ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Michael Keating oo sharaxay sababtii keentay inuu kulankaas ka qeybgalo. Ugu horreyn Michael Keating ayaa ku sheegay sababtii uu kulankaas uga qeybgalay inay aheyd inuu macsalaameeyo Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Dhexe isla markaasna uu ka shaqeeyo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa. Michael Keating oo ka jawaabayey su’aal aheyd inuu dowladda Soomaaliya ogeysiiyey ka qeybgalka kulankaas ayaa ku jawaabay “Haa waxaan casuumaad ka helnay Golaha Iskashiga Dowlad Goboleedayda caadiyan kulamadaan oo kale kama qeyb geli jirin balse waxaan ugu talo galay inaan ku macsalaameeyo dhamaan hoggaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya maadaama aan Shaqada” Michael Keating ayaa shirka Kismaayo ka hor sheegay inuu Madaxda Maamul Goboleedyada kala hadlay sidii loo xallin lahaa khilaafka kala dhaxeeyo dowladda dhexe isla markaasna looga heshiin lahaa sidii loo wada qeybsan lahaa kheyraadka dalka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa amniga. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu Kismaayo u joogo in uu dhageysto hadalada Madaxda Soomaalida inta uusan ka qeyb gelin Shirka Amniga ee Qaramada Midoobey oo 10 Maalin kadib ka dhacaya Magalada Newyork ee dalka Mareykanka,isla markaana uu la kulmi doona Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay si aan ugu gudbiyo hadalada hoggaamiyeyaasha Siyaasada Soomaalida. Dhanka kale Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada ay kulamo gaar gaar ah ku yeesheen magaalada Kismaayo. Ilo ku dhow dhow madaxda ayaa sheegay in kulamada xalay ay gaareen ilaa waqti dambe, maadaama madaxda ay aad u gorfeynayeen waxyaabaha diirada lagu saarayo Warmurtiyeedka laga soo saarayo Shirka. Madaxda qaar ayaa qabay in Ahmiyadda la siiyo sidii dowladda Soomaaliya ay ka madax banaanaan laheyd doorashooyinka ka dhacaya maamulada qaar, halka madaxda kalana ay qabeen in ahmiyadda la siiyo xaaladaha amaanka iyo xalinta tabashooyinka ay qabaan. Maanta ayaa la filayaa in shirka lasoo gabogabeeyo, laakiin jadwalka shirka ayaa ku asteysan inuu dhamaanayo maalinta beri ah oo 7 bisha September ku beegan tahay. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  2. Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in muhiim ay tahay dhammeystirka heshiiskii Nabadeed ee magaalada Gaalkacyo. Waxa ay sheegeen waxgaradkan in nabadda ay tahay furaha nolosha, Gaalkacyo dadka degganna u baahan yihiin nabad sal adag leh. Suldaan C/Casiis Beyle oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dhameystiro heshiiska nabadeenta ee Magaalada Gaalkacyo, waxaa uu tilmaanay in dhameystirka heshiiskaas ay ku jirto danta dadka ku dhaqan gobolka Mududg. “Waxaa aad iyo aad ugu baahan nabadeynta dadka Gaalkacyo oo dagaal soo noqnoqday uu ka jiro nabadeytsaa oo cid walba ay gashay kuna guuleysan weyday, in la dhameystiro heshiiskaas waa uu muhiim u yahay dadka degan halkaasi waxaana ku jira horumarkooda”. Dhanka kale waxaa jira gobollo badan oo ay ka jiraan khilaafaad u dhaxeeya dad deegaannadaasi wada dega, wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay dhameystirka heshiiska nabadeynta ee magaalada Gaalkacyo. “Go’aamn fiican oo wax tar leh ayaa ka socda dhameystirka heshiiska dib u heshiisiinta Gaalkacyo, waxaa rabaa In aan intaas ku daro Gaalkacyo dadkeeda deegaanka oo labada dhinac ah iyo labada maamul ee magaalada labada dhinac ka kala taliyo labadaba dadaal xoog leh ayay galiyeen in la helo nabad iyo dib u heshiisiin “. Dhinaca kale Caaqil Gariig ayaa qaba in dowladda Soomaaliya dhammaan gobollada dalkaAy ka hirgaliso dib u heshiisiin si xal loogu helo khilaafaadka jira. Gaalkacyo waxaa horay looga hirgaliyey heshiis nabadeed kaasi oo sababay in la sameeyo ciidamo isku dhaf kana wada tirsan Maamullada Galmudug iyo Puntaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Minister of State for Foreign Affairs Sultan bin Saad Al Muraikhi yesterday received copies of the credentials of Abdul Razak Farah Ali, Ambassador of the Federal Republic of Somalia; Nathapol Khantahiran, Ambassador of the Kingdom of Thailand; Edgar Dorig, Source: Hiiraan Online
  4. Wasiirka Arrimaha debadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa duhurnimadii maanta ka dhoofay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea,isagoo ku sii jeeda waddanka Djibouti,sida ay daabacday Wakaaladda Soomaaliya ee SONNA. Wasiirka ayaa waxa socdaalka ku weheliya,wasiirada Arrimaha debadda dalalka Ethiopia iyo Eritrea,waxaana mas’uuliyiintan ay magaalada Jibouti u tegayan,wada-hadal lagu soo af-meerayo xurgufta u dhexaysa Djibout iyo Eritrea,sida ay sheegtay Wakaaladdu. Dowladaha Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa ku hawlan xallinta khilaafka u dhexeeya Eritrea iyo Djibout oo ku salaysan soohdinta ay wadaagan labada dal,halkaasoo dagaal ku dhexmaray sannadkii 1998. PUNTLAND POST The post Wasiirka Arrimaha debadda Soomaaliya oo u dhoofay Djibouti appeared first on Puntland Post.
  5. Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada dalka ee halkaasi ku shirsan ay weli sii wadaan kulamo kala gaara oo uga socda magaalada Kismaayo. Madaxda maamul Goboleedyada ayaa labadii habeen ee ugu danbeysay waqti dheer ku qaatay falanqeynta arrimaha kala dhaxeeya dowladda Federaalka oo ay eedo badan ka tirsanayaan, waxaana dooda ugu weyn ka taagan tahay War-murtiyeedka laga soo saarayo shirka Kismaayo. Ilo ku dhow shirka ayaa sheegay in qaar ka mida madaxda maamul goboleedyada ay wadaan dadaal ay ku doonayaan in lagu xaliyo khilaafka ka dhex taagan madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka, waxaana markii hore arrintan ku dhex jiray madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo qorshihiisa socon waayey. Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la xaqiijiyey inuu isga dab qaadayo labada dhinac, ujeedkuna yahay inuusan shirka ka soo bixin war-murtiyeed sii xumeyn kara xiriirka aan fiicneyn ee dowladda Federaalka iyo madaxdaasi. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ayaa ugu xag jira khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka iyadoo mowqif adag ka taagan arrinta, laakiin waxaa mowqif debacsan la yimid madaxweynayaasha Puntland iyo K/Galbeed. Maanta ayaa la filayey in shirka lasoo gabogabeeyo, waxaase jadwalka shirka ku qoran inuu dhamaanayo maalinta beri ah oo 7 bisha September. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  6. Degmada Gaalkacyo ee Galmudug waxaa lagu soo gunaanaday koobkii degmooyinka Galmudug, kaasoo ay soo agaasintay wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada iyo xiriirka kubbadda cagta ee dowlad goboleedka Galmudug. Ciyaartii ugu dambeeysay waxaa wada ciyaaray degmooyinka Gaalkacyo iyo Balanbale waxayna ciyaarta ku dhammaatay barbaro, balse gool ku laadyo waxaa koobka ku qaatay wiilasha marti geliyay ee Gaalkacyo. Waxaa kulankii fiinaalka ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed, madaxweyne ku Xigeynka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Macalinka xulka qaranka 20-jirada Maxamed Cabdulle Farayare,taliyihii hore Ciidanka xooga Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) iyo sidoo kale boqaal shacab ah oo kala taageerayay labada degmo ee kama dambeysta wada dheelay. Senator Abshir Axmed oo goobta ka hadley ayaa bogaadiyay cayaaraha kusoo idlaaday Galmudug, wuxuuna dhiiri-geliyey ciyaartooydii ka qeyb gashay iyo dadkii sida wanaagsan usoo qaban-qaabiyay. Guddoomiye Abshir Axmed, waxaa uu ka hadlay in loo baahanyahay in sanadka kasta tartamo kala duwan loo qabto xirfadlyaasha ku dhaqan goobta isaga laga soo doortay si ay ula falgaan magaalooyinka kale ee dalka kuwaas oo iminka ay ka socdaan dhismayaal garoomo iyo ciyaaro badan. “Tani waa ifafaalo wanaagsan oo ku aadan hafanka bulshada iyo maamulka ciyaaraha Galmudug si ay ula tartamaan maamulada kale ee dalka ka jira kuwaas oo inta badan qaban qaabiya tartamo kala duwan halkan wixii lagu arkay maalihii lasoo dhaafay waxa ay astaan u yihiin guulaha xiga ee degaanka” waxaa sidaas Goobjoog News u sheegay Dr. Mahad Caabi Ciise oo ka mid ah dhalinyarada Gaalkacyo. Dhinaca kale guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug Cabdi Fitaax Cabdullahi Warsame – Koolis oo goobta ka hadley wuxuu yiri “Sida ay waxa noogu soo dhammaadeyn waa 100%, waxaan u mahad celinaynaa shaqsi kasta oo ka qeyb qaatay tartankii degmooyinka Galmudug 2018, waana taariikh lama iloobaan ah oo aan xasuusandoono sanadaha soo aadan u jeedkan waa in sanadkan is badal kusoo bandhigno tartanka Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Ethiopia reopened its embassy in the Eritrean capital Asmara on Thursday, the state-affiliated Ethiopian Fana Broadcasting said, a further sign of improving ties after the Horn of Africa neighbours signed a peace accord on July 9. Source: Hiiraan Online
  8. Jabuuti (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibedda iyo Is-kaashiga caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane, Axmed Ciise Cawad, ayaa goor dhow ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Casmara, isagoo kusii jeeda Dalka Jabuuti. Wasiirka ayaa qeyb ka ah wafdi ka kooban Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, iyagoo ka wada hadli doona sidii loosoo afjari lahaa xurgufta ka dhex taagan Dowladaha Jabuuti iyo Eritrea. Hoggaamiyeyaasha waddamada geeska Afrika ayaa indhawaalaba waday dedaallo lagu soo Af-jarayo mad-madoowga siyaasadeed iyo muranadii xudduudaha ee Gobolka,iyagoo taasi beedelkeedana wada qorshayaal horumarineed. Saddexda hoggaamiye ee dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya xalay heshiisyo iskaashi, amni iyo dhaqaale ku saxiixay magaalada Asmar ee dalka Eritrea, waxaana arrimaha laga wadahadlay ka mida ahaa xiisadda ka dhex taagan dalalka Jabuuti iyo Eritrea. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Dalalka Ethiopia, Somalia iyo Eritrea oo la sheegayo inay wadaagaan darsinnimo, taariikh, dhaqan iyo diin ayaa waxyaabaha ay madaxdooda ku heshiiyeen waxaa ka mid ah: in la ixtiraamo madaxbannaanida, qarannimada iyo bad-qabka dhlueed ee dal weliba. Si, haddaba xiriirka taariikhiga ah loo xoojiyo, dalalkaasi waxaa ay ku heshiiyeen inay ujeedooyinka 4ta ah ee soo socda: 1. Sadexda dal waxaa ay ku heshiiyeen iskaashi u adeegaya shucuubta dalalkaasi ku nool. 2. Sadexda dal waxaa ay dhisayaan xiriir soke oo dhaqan, dhaqaale, bulsho iyo xataa mid amni. 3. Saddexda dal waxaa ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan arrimaha nabadda iyo amniga. 4. Saddexda dal, iyada oo laga ambaqaadayo heshiiskan waxaa ay saarayaan guddi heer sare ah oo la socda hirgelinta. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa xalay heshiis saddex geesood ah ku wada kala saxiixday magaalada Asmara ee caasimadda waddanka Eratariya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Bosaso-Puntland Post]-Golaha deegaanka Degmada Boosaaso ayaa ku xigeenka Duqa Boosaaso u doortay Siciid C/raxmaan Maxamed oo helay 26cod waxaana uu ka guuleystay Mubaarak Salaad Cali oo helay 5 cod doorashada ayaa la soo af meeraya waxa isla goobta lagu dhaariyay Duqa degmada Bosaso iyo ku xigeenkiisa. The post Siciid Garoon oo loo Doortay Ku-Xigeenka Duqa Bosaso appeared first on Puntland Post.
  11. ASMARA (Caasimada Online) – Somalia’s President Mohamed Abdullahi Farmajo his Eritrean counterpart, Afeworki and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed met in Asmara, Eritrea’s capital, to seal a tripartite agreement in the direction of fostering partnership. PM Abiy and President arrived in Eritrea on their way back from China after attending China-Africa Cooperation Forum. The leaders from the three counties signed an greement o enhance economic, political, social, security and cultural cooperations. At the core of the trilateral initiative is to attain mutual development, according to Eritrea’s Minister of Information. However, Somali president President Farmajo tweeted that development can be achieved through cooperation, after the agreement. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  12. Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa ku guuleystay doorashadii duqa degmada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, kadib markii uu helay cod aqlabiyad ah. Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa helay 28 cod, waxaana la tartamayay musharax Maxamed Faarax Mire oo helay 3 cod, waxayna doorashadu ku dhacday cod qaarsoodi. Sidoo kale ku xigeenka duqa degmada Boosaaso waxaa ku guuleystay Siciid Cabdiraxaam Garoon oo helay 26 cod, halka masharaxii la tartamayay oo ahaa Mubaarak Salaad Cali uu helay 5 cod. Goobta ay doorashadu ka dhacday waxaa goob-joog ka ahaa ,Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladdaha hooseee Puntland Cabdulaahi Timacade, ku xigeenkiisa ,Wasiirka dekadaha iyo maamulka Gobalka Bari,. Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Boosaaso ayaa ka kooban 31 xubnood. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo loo doortay Duqa Bosaso appeared first on Puntland Post.
  13. Xildhibaannada cusub ee Golaha degaanka degmada Boosaaso oo shalay la dhaariyay ayaa saaka dooranaya guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen. Xildhibaannada oo ka kooban 31 xubnood oo ay ku jiraan lix haween ah ayaa haatan ku sugan xarunta dowladda hoose ee degmada Boosaaso,halkaas oo ay ka dhacayso doorashada duqa Boosaaso iyo ku xigeenkiisa. Mudane. Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo shalay iska-casilay xilka wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland iyo Maxamed Faarax Mire ayaa ku tartamaya doorashada duqa degmada Boosaaso. Dhinaca kale doorashada ku xigeenka duqa degmada ayaa waxa u taagan hal musharrax oo lagu magacaabo Siciid Garoon. Saadaal kooban Dadka xog-ogaalka ee la socda doorashadan,waxay sheegayaan in loo badinayo duqa cusub ee Boosaaso in uu ku soo baxo,Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo awal xilkan si ku meel-gaar ah u hayay,maadaama si fiican loo tijaabiyay mudada kooban ee uu xilkan hayay. Mudane. Cabdisalaan ayaa la sheegaya in uu shaqo fiican qabtay,kadib markii 1March ee sannadkan uu madaxweyne Gaas si ku meel-gaar ah ugu magacaabay,duqa degmada Boosaaso,xilligaas oo madaxweynuhu kala diray Golihi degaanka oo lagu eedeeyay is-qab-qabsi iyo xil gudasho la’aan joogto ah. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Sadaasha doorashada duqa Boosaaso? appeared first on Puntland Post.
  14. Wasiirrada arrimaha dibedda ee Dowladaha Soomaaliya , Itoobiya iyo Eretrea ayaa la filayaa in ay dhawaan kulan Saddex Geesood ah ku yeeshaan Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalka Jabuuti. sida ay qortay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, masuuliyiintan ayaa ku wajahan Jabuuti, iyagoo ka wada hadli doono sidii xal waara looga gaari lahaa xurgufta dhex taalla Jabuuti iyo Eretrea. Kulankan ay Jabuuti ku yeelanayaan Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretrea ayaa waxa uu qayb ka yahay shir ay Magaalada Casmara ku yeesheen hoggaamiyeyaasha Waddamada Saddexdan Dal, kaasoo ku qotoma in la dhammeeyo mad-madoowga siyaasadeed ee ka dhex jira Waddamada Bariga Afrika, laguna beddelo nabad , horumar iyo wada noolaasho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa maalintii Saddexaad ka soconaya shirka madaxda dowlad goboleedyada kaasi oo arrimo badan looga hadlayo. Shirkan oo maraya heer gebogebo ah ayaa xalay waxaa dhacay kulamo gaar gaar ah oo ay yeesheen madaxda dowlad goboleedyada. Waxay isla garteen inta badan qodobada lagu soo saarayo War-murtiyeedka, waxaana waxyaabaha la isku fahmay ka mid ah arrimaha ammaanka, doorashooyinka maamullada iyo sidii DFS uga madaxbanaanaan lahayd iyo arrimo kale oo muhiim ah. Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in madaxda K/galbeed iyo Puntland oo dhowaan doorashooyin galaya ay dalbadeen in dowladda dhexe aanay wax lug ah ku yeelan arrimaha doorashooyinka. Warbaahinta ayaa maanta looga yeeray guriga martida Kismaayo ee shirkan uu ka soconayo, waxaana qorshaha uu yahay in shirka lasoo gabagabeeyo, wallow jadwalka shirka uu berri ku aaddan yahay in lasoo xiro shirkaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley), ayaa lasoo sheegayaa in iminka uu ku xanuunsanayo xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Cabdi Iley, ayaa la soo sheegayaa in xabsiga uu ku xanuunsan yahay maalmo, sida ay sheegtay hooyada dhashay. Hooyada dhashay Cabdi Maxamuud Cumar oo magaceeda ku sheegtay Deed Mahad Colow oo kasoo muuqatay muuqaal kooban oo laga soo duubay, ayaa dowlada Ethiopia ka dalbatay inay usii deyso wiilkeeda. Hooyadan ayaa dadka shacabka ah ee kasoo jeeda DDSI sidoo kale ka dalbatay inay cafis u fidiyaan wiilkeeda, maadaama ay dhibaatooyin ka tirsanayaan. Nuqul kamid ah haddalka Hooyadan ayaa ahaa “Magaceygu waa Deed Mahad Colow, waxaan ahay Hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar, waxaan idinka codsanayaa dhammaan Soomaali Maxamed meel walba oo ay joogto inaad cafisaan Cabdi Maxamuud oo gacanta ugu jira cadow” “Waxan Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ka codsanayaa inuu wiilkeyga ii saamaxo maadaama uu xanuunsan yahay si uu u helo caafimaad”. Si kastaba ha ahaatee, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa 27-kii August ee sanadkan lagu xiray xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa, kadib markii gurigiisa ay ka soo kaxeeyeen ciidanka federaalka Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  17. Nairobi (Caasimada Online)-Dowlada Paraguay ayaa ku dhawaaqday in Safaaradeeda ku taala magaalada Jerusalem ee dhulka barakeysan ee Qudus dib loogu soo raraayo magaalada Tel Aviv. Wasiirka arimaha dibeda Paraguay Luis Alberto Castiglioni, ayaa soo saaray amarkaan kadib shir Jaraa,id oo uu warfidiyeenada u qabtay. Wasiirka ayaa sheegay in safaarada ay ku leeyihiin Isreal ay dib ugu soo celin doonaan magaalada Tel Aviv, iyadoo dib looga laabtay go,aan uu horay u gaaray madaxweynihii hore Mr Horacio Cartes. Waxa Wasiirku sheegay in xafiiska Safaaradooda bilo un ka hor loo raray magaalada Jerusalem ee dhulka barakeysan ee Qudus, hase yeeshee ay dib ugu soo laabanayaan Tel Aviv. Wasiirkan ayaa waxa uu sababta ku sheegay in dowladiisa oo ku taal koonfur America ay dooneyso inay dhexdhaxaad ka ahaadan siyaasada Arimaha dibeda iyo dalalka muranada uu ka dhaxeeyo. Sidoo kale, Mr Luis Alberto Castiglioni ayaa ugu danbeyn sheegay in ay ka shaqeyn doonto xukuumada Paraguay sidii xal nabadeed loogu soo dabaali lahaa xasarada ka taagan bariga dhexe. Talaabadan ayaa imaaneysa kadib markii uu khilaaf ka dhashay go’aanka dhulka barakeysan ee Qudus loogu gacan galiyay Israel. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  18. A Somali family who arrived in the country on fake passports and embarked on an asylum fraud have won a battle against deportation. Source: Hiiraan Online
  19. Eight Somali herders have accused Operation Linda Boni soldiers of attacking them on Monday and torturing them. Source: Hiiraan Online
  20. Kooxaha u dooda xuquuqda qaxootiga ayaa dowladda Norway ku cambaareeyey go’aankeeda ah in 1,600 Soomaali ah oo magan-galyo ahaan u joogay dalkeeda ay u soo tarxiileyso Muqdisho kadib markii ay sida ay sheegtay dalku uu nabad noqday. Norway waxaa ay leedahay Soomaaliya hadda waa nabad oo ma jirto baahi ay qaxootiga u sii joogaan dalkeeda, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin soo baxday. Kooxo badan oo u dooda xuquuqda qaxootiga oo ay ku jirto hey’adda Norwegian Organization for Asylum Seekers (NOAS) ayaa waxaa leeyihiin Soomaaliya weli nabad ma aha, macquulna ma aha in dowladda ay u mar-marsiyooto celinta qaxootigaasi, taasi oo ka hor imaaneysa xeerarka caalamiga ah ee qaxootiga. “Dowladda Soomaaliya ma sugi karto ammaanka dadkan, sidaasi waxaa yiri mid ka ah la-taliyeyaasha NOAS André Møkkelgjerd. Torkil Åmland oo ah wasiir ka tirsan Norway ayaa cambaareeyay kooxaha dowladda ku diiday inay soo rogto xeerar xaqagga qaxootiga ah, hadalkoodana uu u dhigmo mid sharciga lagu jabinayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. The Somali National Army (SNA) have arrested 32 al-Shabab militants after conducting military operations in Marka town in Lower Shabelle region southern Somalia. Source: Hiiraan Online
  22. Asmara (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kan Eritrea, Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa goor-dhaw heshiis saddex geesood ah ku kala saxiixday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea. Heshiiskan lagu qeexay in Somalia, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar. Sidoo kale, dhinacyada hesiiskan galay ayaa la filayaa inay wadahadallo kale yeeshaan, kaaso ay kusoo saarayaan Qodobada faah-faahsan ee heshiiskan ay gaareen. Dhaka kale, Heshiiskan ayaa yimid kaddib markii ay Asmara xalay kulan ku qaateen Madaxweynayaasha Somalia, Eritrea, iyo RW Itoobiya. Iyadoo sidoo kale maanta uu furmayo shir socon doona illaa berri oo Jimco ah. Qodobbada heshiiskan ayaa waxay gogol-xaar u yihiin sidii la isugu xiri lahaa xaaladda amni iyo kobaca dhaqaale ee dalalka gobolka, Maadaama ay hadda dunidu u soo jeesatay fursadaha maalgashiga ee Geeska Afrika. Kulankan saddex-geesoodka ah, ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo weli uu jiro muran u dhexeeya Dowladaha Somalia iyo Jabuuti, kaasoo salka ku haya hadal uu Madaxweyne Farmaajo ka sheegay magaalada Askara bishii July ee sannadkan. Ugu dambeyn, Markab ay leedahay Dowladda Itoobiya ayaa shalay kusoo xirtay Dekedda Musawac ee dalka Eritrea, taasoo muujinaysa sida uu u sii xoogeysanayo heshiiska u billowday waddan oo muddo labaatan sano ah ku dagaalamay lanaashana magaalo ku taalla xuduudda labada waddan. PUNTLAND POST The post Hogaamiyeyaasha Somalia, Itoobiya & Eritrea oo Heshiis Hordhac ah ku saxiixday Asmara appeared first on Puntland Post.
  23. Ankara (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabadirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Dhiggiisa Magaalada Ankara ee dalka Turkiga Mudane Dr. Mustafa Tuna ayaa kala saxiixday heshiis dib loogu cusboonaysiinayo mataaneynta Caasimadaha Soomaaliya iyo Turkiga. Heshiiskan ayaa dhigaya in labada Maamul ee Muqdisha iyo Ankara ay is-dhaafsadaan khibradda dhanka maareynta shaqooyinka Dowladda Hoose, tayeynta shaqaalaha, qorsheynta iyo fulinta mashaariicda horumarineed, ilaalinta bilicda iyo deegaanka. Labada Duq ee Muqdisho iyo Ankara ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay mataaneynta labada magaalo iyo sooyaalka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya, kaas oo ku suntan tan iyo sannadkii 1988-dii. “Si loo xoojiyo wada shaqeynta iyo iskaashiga ka dhexeeya labada caasimadood, loona horumariyo xiriirka saaxiibtinimo ee dawladaha hoose ee Muqdisho iyo Ankara ayaa labada dhinac waxa ay dib u cusbooneysiiyeen heshiiska mataaneynta labada magaalo, kaas oo ku dhisan iskaashi, is-taakuleyn iyo wax wada-qabsi.” Heshiiska mataaneynta Muqdisho iyo Ankara ayaa dhigaya in la xaqiijiyo qodobbada soo socda: In la is-waydaarsado khibradda dhanka maareynta iyo hannaanka fulinta isbedellada qorshaynta magaalooyinka, guryaha iyo gaadiidka dadweynaha, ilaalinta deegaanka, dhaqaalaha, sayniska iyo dalxiiska. In la xoojiyo iskaashiga labada magaalo, iyadoo loo marayo martigalinta dhacdooyinka iyo bandhigyada ku saabsan arrimaha dhallinyarada, dhaqanka iyo hiddaha, tababarrada xirfadaha iyo ciyaaraha. Dhiiri gelinta iyo hirgelinta dhammaan qorsheyaasha iyo mashaariicda ku qotama kor u qaadidda horumarinta guud ee labada magaalo. Waaxda Maamulka Dawladda Hoose ee Muqdisho iyo Waaxda Xiriirka Dibadda ee Dawladda Hoose ee Ankara ayaa u xil saaran joogteynta xiriirika iyo isku-dubaridka shaqooyinka labada magaalo, iyagoo wakiil uga ah dawladahooda. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay sidoo kale kusoo beegmaysaa iyadoo horay ay Muqdisho ula mataanoowday Magaalada Istanbuul oo ah midda ugu weyn dalka Turkiga, iyadoo labadood dowlad hoose uu xilligan ka dhexeeyo xiriir wada-shaqeyneed. PUNTLAND POST The post Caasimadaha Turkiga iyo Somalia oo Ankara ku kala saxiixay heshiis ay ku Mataanoobeen appeared first on Puntland Post.
  24. Maanta waxaa magaalada Asmara ee caasimadda wadanka Eratariya uga billaabanaya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, Dhiggiisa Eratariya Asaias Afawerki iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed shir qaadanaya laba cisho. Saacado ka hor qoraal uu soo saaray wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Cawad oo qeyb ka ah safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in shirkaasi looga arrinsanayo arrimaha dhaqaalaha, islamarkaana Soomaaliya ay muhiim tahay in ay ka qaadato doorkeeda. Haddaba, Danjire hore Maxamed Maxamuud Caalim ayaa Goobjoog News ay ka wareysatay shirkani u gaarka ah dowladaha Itoobiya Eratariya iyo Soomaaliya waxa xilligani ku soo beegay, isagoo su’aal galiyay wax aan midowga Afrika iyo IGAD ka warqabin natiijada ka soo bixi karta. Dowladda Jabuuti oo xurgufi kala dhaxeeyso Eratariya ayaa sidoo kale shirkani maanta ka furmaya Asmara qeyb ka ahayn, taasoo sii kicin karta xiisadda labadaas dowladood ka dhaxeeysay. Horraantii bishii aynu ka soo gudubnay ayaa qoraal laga soo saaray safaaradda Jabuuti ee Muqdisho lagu sheegay in dowladda Jabuuti iyo shacabkeedu ay aad uga naxeen baaqii madaxweynaha Soomaaliya uu u diray Qaramada Madoobe kaasoo ahaa in cunaqabataynta laga qaado Eratariya dabayaaqadii bishii July ee isla sanadkaan oo uu socdaal seddex cisho ah ku joogay magaalada Asmara. Halka Hoose Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/caalim-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Shirkani oo lagaga hadlayo iskaashi dhaqaale oo dhexmara dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eratariya ayaa maanta ka furmaya magaalada caasimadda ah ee Asmara. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi, kan Eratariya Asaias Afawerki iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shirkani si wadajir ah u qaadan doono. Wasaaradda arrimaha dibadda qoraal laga soo saaray ayaa lagu sheegay in shirku uu ku saabsan yahay iskaashi dowladahani ay ka sameynayaan xagga ganacsiga, si koboc dhaqaale ay u hiigsadaan. Xalay saqdii dhexe ayaa magaalada Asmara waxaa ka dhacay heshiis seddex geesood ah oo lagu sheegay in Soomaaliya, Eratariya iyo Itoobiya ay wada saxiixeen. Shirka maanta magaalo madaxda Eratariya ee Asmara ka billaabanaya ayaa qaadan doono 6 illaa 7 September 2018-ka, waana mid si weyn isha loogu hayo, waxa ka soo bixi kara iyo jawaab celinnada ka imaan kara dowladaha gobolka oo aan qeybta ka ahayn gaashaanbuursigani cusub. Waxaa jirta hadal-heyn ah waxyaabaha keenay in dowladihii kale ee gobolkani ay shirkani ka maqnaadaan sida dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee Jabuuti oo iyadu khilaafyo dhuleed uu kala dhaxeeyo xukuumadda madaxweyne Akawerki. Goobjoog News Source: goobjoog.com