Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,458
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jabuuti (Caasimada Online) – Kadib booqashada wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ee dalka Djibouti iyo dhex-dhexaadinta ay wadeen, waxaa la sheegayaa in Djibouti ay arrinkaasi si fiican u soo dhoweysay. Colaadda Labada dhinac oo salka ku haysa duullaankii ay Eritrea ku qabsatay Buuralayda Dumeera iyo jaziirad ayaa la filayaa in is-afgarad arrinkaasi laga gaaro. Wasiirrada arrimaha dibedda ee halkaasi tagay waxaa ay sheegeen in madaxweyne Geelle uu soo dhoweeyey dadaalka la wado, isaga oo dhankiisa balan-qaadey inuu wada hadal iyo gor-gortan diyaar u yahay. Cusmaan Saalix, wasiirka arrimaha dibadda Eretrea waxaa uu sheegay in madaxweynaha u Djibouti gaarsiiyey salaanta madaxweynaha Eritrea iyo dhambaalka ah in dabeysha nabadeed ee ka socoto geeska Afrika in lagu soo daro Djibouti. Madaxweyne Geelle ayaa ka maqnaa heshiiskii hogaamiyayaasha Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea ay ku saxiixdeen magaalada Asmara arbacadii, hase yeeshee Soomaaliya ayaa la sheegay inay dooneyso in Jabuuti aan meel cidlo ah looga dhaqaaqin, oo laga qeyb-galiyo dadaallada socda, ayada oo marka hore la xalinayo xiisadda kala dhaxeysa Eritrea. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  2. MOGADISHU (Caasimada Online) —The Federal Government of Somalia (FGS) and the World Bank launched the flagship infrastructure project in Somalia. The Somali Urban Resilience Project (SURP), worth US$ 9 million, will be the country’s first national test case for municipal infrastructure delivery. “The World Bank’s role in Somalia is about working with and through government and building the capacity of the authorities to spearhead reform and development,” said Hugh Riddell, World Bank Country Representative for Somalia. “The SURP will allow us to build on the initial work in urban resilience and to expand this agenda across the country.” SURP is a national urban resilience project that aims to pilot the use of country systems at the sub-national level and strengthen municipal governments’ capacity. Initial interventions will begin in Mogadishu and Garowe, and will expand to Kismayo and Baidoa. These cities were chosen as they experience rapid and large influxes of returnees and Internally Displaced Persons. The Somali Urban Investment Planning Project prepared the ground for this larger-scale, World Bank supported infrastructure project. “SURP signals the importance of supporting urban resilience, and places regional and municipal authorities in the forefront of the urban agenda,” said Eng. Abdirahman Omar Osman (Yariisow), Mayor of Mogadishu. “SURP would also create jobs by financing basic rehabilitation of infrastructure.” Somalia faced its worst drought in decades in 2017, and its worst flooding in over sixty years in 2018. The recurring risk of overwhelming loss of lives and livelihoods signals a need to link humanitarian assistance to medium- to longer-term development planning through strong government systems, the private sector, and civil society. The project follows the commitment by the German Government to allocate EUR 23.4 million via KfW Development Bank to support the rehabilitation of urban infrastructure in Somalia in January 2018. “Germany recognizes the result of World Bank collaboration with Somali authorities through the Multi Partner Fund, and sees its intervention in urban infrastructure crucial for the development of Somalia,” said Andreas Holtkotte, Regional Director of KfW. “The contribution will strengthen municipal planning and implementation capacity to improve access to basic infrastructure.” The Multi Partner Fund works predominantly through Somali authorities and includes institution-building, economic growth and urban development activities. MPF is supported by the European Union (EU), United Kingdom’s Department for International Development (DfID), the German Federal Ministry for Economic Cooperation and Development (BMZ), the Swedish International Development Cooperation (SIDA), the Royal Norwegian Embassy, Danish International Development Agency (DANIDA), the Swiss Agency for Development Co-operation (SDC), the Ministry of Foreign Affairs of Finland, United States Agency for International Development (USAID), Italy’s Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, and the World Bank’s State- and Peacebuilding Fund (SPF). PRESS RELEASE
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulanka Wasiirada Arrimaha dibadda Dibadda ee Somalia, Eriterea iyo Ethiopia oo ka socda magaalada Jabouti ee dalka Jabuuti. Kulanka wadamadani oo bilowday maalinimadii shalay ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban oo si taxadar leh loo dhigay hadallada ku qoran. Kulamada socda ayaa waxaa xal loogu raadinayaa xasarada ka dhex oogan dowladaha Eriterea iyo Jabuuti oo kala heysta dhulal iyo maxaabiis. Colaadda labada dhinac oo salka ku haysa duullaankii ay Eretrea ku qabsatay Buuralayda Dumeera, taasoo keentay in ay xukuumadda Asmara kula wareegto cudud Ciidan, kuna Af-duubato Askar Reer Jabuuti ah. Qoraal lagu daabacay Bogga uu Facebook ku leeyahya Wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia oo looga hadlaayay xalinta muranka labada dal, ayaa waxaa lagu sheegay inay aad ula dhacsan yihiin sida ay wax ku socdan iyo isu soo dhawaashaha labada dowladood. Nuqul kamid ah qoraalka lagu daabacay Bogga Wasiirka ayaa u qornaa “Muddo dheer ayay kala maqnaayeen dowladaha Eritrea iyo Jibouti waxay ku heshiiyeen in ay dib u soo celiyaan xiriirkooda mudada fog ay ugu danbeysay” “Talaabo fiican ayey labada dal horay u qaaden waxan ku rajo weynahay inay kasoo baxaan qodobo rajo abuuri kara”. Yemane Gebremeskal oo isna ah Wasiirka Warfaafinta wadanka Eritrea, ayaa qoraal uu kusoo daabacay Boggiisa Twitter-ka ayaa sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle uu u muujiyay inay diyaar u yihiin in la gaaro dib u heshiisiin iyo in la wanaajiyo xiriirkii Jabuuti iyo Eretrea. Cusmaan Saalax, oo ah Wasiirka arrimaha dibedda Eretrea, ayaa isna sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in ay heshiis taariikhi ah la gaarto dowlada Jabuuti. Wasiir Cusmaan waxa uu intaa raaciyay in maslaxada labada dal ay tahay in xal loo helo muranka ka dhex oogan isla markaana loo gudbo wada shaqeyn iyo abuurida xiriir wanaagsan. Sidoo kale, Maxamuud Cali Yuusuf oo isna ah Wasiirka arrimaha dibedda dalka Jabuuti, ayaa sheegay inay ka run sheegayaan in ay muujinta heshiis dhab ah oo ay gaaraan Dalkiisa iyo Eretrea. Wasiirrada ayaa markii uu dhamaaday kulankii ay ku lahaayeen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda, waxay booqasho sharafeed mar labaad ugu tagayaan madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Si kastaba ha ahaatee, kulanka u dhexeeyay Wasiirada ayaa muujinaaya isku soo dhawaanshi iyo in labada dalba ay diyaar u yihiin inay wada qaatan Heshiis dhaxal gal ah. Natiijada wadahadalka ayaa lagu wadaa in ugu danbeyntii ay kusoo idlaato Isfahan, waxaana lagu wadaa la filayaa in labada dalba ay dib isugu celiyaan dhulalka iyo maxaabiista ay kala heystaan. Geesta kale, kulanka ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Eritrea, Itoobiya, iyo Soomaaliya, iyo dalka martida loo ahaa Jabuuti, ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban oo si taxadar leh loo dhigay hadallada ku qoran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Bosaso[Puntland Post]-Xaaji Maxamad Salaad oo ku magac dheer Qoryooley, kana mid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deegaanada Puntland ayaa ka hadley dagaalada ka dhacay deegaanka Dhumey oo ka tirsan gobolka Sool. Xaaji Maxamad Salaad Qoryooley ayaa baaq nabadeed u direy beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartey, waxaana uu xusuusiyey foolxumada ay leedahay dhiig la daadiyo, dhibaatada ka dhalata mid adduun iyo mid aakhiro. Baaqa uu soo saarey Musharax Madaxweyne ee PuntlandMudane Qoryooley ayaa u qaybsanaa saddex waxaana uu baaqa u horeeya u direy beelaha dagaalku dhexmaray ee dadka iska laayey, waxaana uu ugu baaqey in si shuruud la’aan ah dagaalka loo joojiyo, wixii dhacay waa dhaceen ee la badbaadiyo nafta kale ee aan dagaaladaas ku dhimanaya , heshiis waarana laga gaaro. Xaaji Maxamad Salaad Qoryooley ayaa sidoo kale baaq u direy maamulka Puntland, Isimada, Culimada iyo dhamaan qofkasta oo wax ka geysan kara deminta colaadaas soo noqnoqotay in caqli, xoog iyo maalba la isugu geeyo sidii loo dhameyn lahaa colaadaas, waxaana uu tusaale u soo qaatey in fidnada halkaas ka dhacaysa hadii aan la qaban oo loo gurman ay meelo badan saameyn karto. Xaaji Maxamad Salaad Qoryooley ayaa baaqiisa saddexaad u direy dadka qurba joogta ah ee ka soo kala jeeda beelaha dirirtu dhexmartey, wuxuu xasuusiyey in qurba-joogto ay door muhim ah ka ciyaaraan horumarka dalka, hatana laga doonayo sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen sidii colaada loojojin lahaa, inaysan lacag ay leeyihiin ku bixin hurinta colaada dadka walaalaha ah isku dilayaan, laakiin ay ka qayb-qaataan maslaxadda iyo Nabadaynta. Xaaji Maxamad Salaad ayaa ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka ugu sareeya ee madaxtinimada Puntland 2019. The post Musharax Xaaji Maxamed Salaad Qoryooley oo Baaq u Diray beelaha ku dagaalamay Gobalka Sool. appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (PP) ─ Taliyaha ciidanka xoogga Somalia, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay Dowladda Mareykanka, waxayna kawada-hadleen dib u dhiska ciidanka iyo arrimo kale. Si gaar ah ayaa labada dhinac waxay uga hadleen sidii Mareykanka ay ciidanka Xoogga dalka uga taageeri lahaayeen xoreynta dalka, tababarka ciidanka , is-dhaafsiga qibadaha dhanka ciidamada iyo Qodobbo kale. Jen. Aadan Cilmi ayaa Dowladda Mareykanka ka dalbaday inay kordhiyaan taageerida, tababarada ay siinayaan ciidanka xoogga dalka iyo weerarada ay Al-shabaab la beegsanayaan. “Madaxweyne Farmaajo wuxuu dalbaday in Al-shabaab si deg-deg ah looga saaro dalka oo dhan, taas beddelkeedana waxay keentay in Dowladda ay shaaciso inay qaadi doonto dagaal xooggan, kasoo dalka looga saarayo Al-shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan,” ayuu yiri Jen. Indha-qarshe. Sidoo kale, taliyaha ayaa hadalkiisa ku dara in dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab uu u baahan iskaashi joogto ah, isagoo xusay inuu hub in looga adkaan doono Al-shabaab dagaal wadajir ah oo lagu qaado. Xukuumadda Washington ayaa ka mid ah dalalka sida gaarka ah Soomaaliya uga caawiya dhanka tababarada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa weli ka talisa deegaanno fara badan oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Somalia, inkastoo Mareykanka uu xilliyadii u dambeeyay la daba-joogay duqeymo cirka ah oo lagu curyaaminayo kooxda si loo wiiqo awooddooda. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo laga codsaday in Millateriga Somalia uu ka Caawiyo Dagaalka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  6. Nairobi (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa si rasmi ah u mamnuucday in deegaanadeeda lagu iibiyo Sokorta laga qaado Somalia ee loo iibgeeyo dalkaas. Dowlada oo soo saartay amar lagu mamnuucayo iibgeynta Sokorta laga soo dajiyo dekadaha maamulka Jubbaland ayaa sheegtay in sharci lala tiigsan doono Ganacsatada ama cidii lagu arkaa iibgeynta Sokorta Dadka Soomaalida ee ku nool degaanada u dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ee ka soo jeeda gobolka waqooyi bari Kenya ayaa waxaa saameyn ku yeelatay howlgalada ka dhanka ah sokorta sharci darada. Shacabkan ayaa intooda badan ku tiirsanaa sokorta raqiista ah oo ay gataan Gobolada Jubooyinka taasi oo ganacsi iyo in ay guryaha u isticmaalaan ay ka dhigan Jireen, hase yeeshee waxaa iminka meesha ka baxeysa ka faa’iideysiga Sokortaasi laga digay. Saraakiisha ciidamada xuduuda Kenya ayaa kordhiyay baaritaanada iyadoo sheegay in aysan aqbali doonin in sokor uga timid dhanka Soomaaliya la keeno gudaha Kenya. Dhanka kale mid ka mid ah gaawaarileyda ka shaqeyn jirtay soo gudbinta sokorta oo magaciisa ka gaabsaday ayaa tilmaamay in ganacsato qaar ay la heshiiyeen saraakiisha ciidamada si buu yiri xooga loo saaro in aysan sokor ka soo gudbin soomaaliya maadama ay dhibaato ku tahay ganacsigooda. Dowlada kenya ayaa mas,uuliyiin ka tirsan horay waxay isugu qabsadeen hanaanka ay u socoto howlgalka ka dhanka ah sokorta sharci darada,waxaana horay loogu eedeyay in ay qeyb ka yihiin ka ganacsiga sokorta xisbiga haya talada dalka kenya ee Jubule. Arintaan ayaa saameyn ku yeelatay dadka danyarta ah ee ku nool degaanada u dhow xuduuda kuwaasi oo markii hore ku tiirsanaa sokorta kaga timaada soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  7. Tehran (PP) ─ Shir saddex geesood ah oo diiradda lagu saarayo colaada dabada dheeraaday ee Waddanka Suuriya ayaa maanta galinka dambe ka dhacaya dalka Iraan. Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalaya Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, Ruushka Vladimir Putin iyo Iiraan Hassan Rauhani, waxaana lagu saari doonaa diiradda colaadda ka taagan Suuriya iyo sidii dhaqso ah loogu heli lahaa. Ciidamada Suuriya oo ay dhanka hawada ka taageerayaan Ruushka ayaa isku diyaarinaya dagaal culus oo ay ku qaadaan gobolka Idlib oo ah gobolkii ugu dambeeyay ee ay xoogagga mucaaradka ka talioyaan. Waddanka Turkiga ayaa walaac xooggan ka mujinaya in dagaalkaan uu u xaaro dhabbaha qaxooti cusub oo badan, sababtoo ah gobolka idlib wuxuu la leeyahay soohdin Turkiga, Wuxuuna Turkiga ka cabsi qabaa in ay saameyn ku yeeshaan waddanikiisa qaxootigaas. Dhanka kale, Maamulka Mareykanka yaa sheegay inay hayaan cadeeymo ah in Dowladda Suuriya ay isu diyaarinayso in hubka kiimikada ay u isticmaasho dagaalka doonayso in ay ku qaaddo gobolka Idlib. Suuriya ayaa waxaa ka jiray colaado ka billowday mucaaradka iyo Dowladda Suuriya ayaa socda muddo toddoba sannado ah, iyadoo inta badan shacabka dalka Suuriya ay ka barakaceen deegaannadoodii, halka malaayiin kalena ay ku naf-waayeen, kuwa kale ay ku curyaameen. Ugu dambeyn, Shirka saddexdan madaxweyne ayaa gogol xaar u noqonaya sidii looga shaqeyn lahaa xasilloonida suuriya iyo sidoo kooxaha argagaxisada ah looga saari lahaa dalkaas. PUNTLAND POST The post Kulan Gaar ah oo looga Hadlayo Xaaladda Guud ee Suuriya oo Maanta ka dhacaya Iiraan appeared first on Puntland Post.
  8. Rio de Janeiro (PP) ─ Weeraryahanka Kooxda Kubadda Cagta ee Paris Saint-Germain, Neymar Da Silva JR, ayaa loo magacaabay kabtanka xulka Qaranka Brazil, isagoo wixii hadda ka dambeeya hoggaamin doona xulka dalksiisa. Neymar JR ayaa aaminsan in hor-kicista xulka Jaalleyaasha ay tahay mid isaga u fiican, isla markaana u kordhin doona magic iyo maamuus dheeri ah oo aanu horay u haysan. Tababare Tite, ayaa Neymar magacaabay kantan-kiisa rasmiga ah, iyadoo Koobkii Adduunka xulka Brazil uusan lahayn kabtan rasmi ah. Xiddigo badan oo ay ka mid yihiin Thiago Silva, Joao Miranda, Casemiro iyo Marcelo ayaa xirtay marada xushmadda ee xulka Selecao, dhacdadii Koobka Adduunka oo ay ugaga hareen wareegga Siddeed Dhammaadka. Kullanka maaliyadda cusub ay isticmaalayaan isla markaasna ay caawa la ciyaarayaan USA ayuu Neymar hooggaamin doonaa xulka Brazil. 26-jirkan iyo macallinkiisa Tite ayaa saxaafadda horteeda kasoo muuqday, waxaana Neymar uu werriyeyaasha u sheegay inuu aqbalay inuu noqdo Captain-ka rasmiga ah ee Brazil. “Waan aqbalay markale, waayo, wax badan ayaan soo bartay, haddane waa baran doonaa, masuuliyaddaan waa mid aniga ii wanaagsan” ayuu yiri Neymar. Ugu dambeyn, Xulka dalka Brazil ayaa wuxuu ka mid yahay xululka ugu awodda badan caalmaka, marka loo eego dhanka kubadda cagta, iyadoo ay u cayaarana laacibiin magic ah oo ka mid ah kuwa ugu qaalisan Dunida oo dhan. PUNTLAND POST The post Laacib ka cayaara Qaaradda Yurub oo Kabtan looga dhigay Xulka Kubadda Cagta ee Brazil appeared first on Puntland Post.
  9. Kadib booqashada wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretrea ee dalka Djibouti iyo dhex-dhexaadinta ay wadeen, waxaa la sheegayaa in Djibouti ay arrinkaasi si fiican u soo dhoweysay. Colaadda Labada dhinac oo salka ku haysa duullaankii ay Eretrea ku qabsatay Buuralayda Dumeera iyo jaziirad ayaa la filayaa in is-afgarad arrinkaasi laga gaaro. Wasiirrada arrimaha dibedda ee halkaasi tagay waxaa ay sheegeen in madaxweyne Geelle uu soo dhoweeyey dadaalka la wado, isaga oo dhankiisa balan-qaadey inuu wada hadal iyo gor-gortan diyaar u yahay. Cusmaan Saalix, wasiirka arrimaha dibadda Eretrea waxaa uu sheegay in madaxweynaha u Djibouti gaarsiiyey salaanta madaxweynaha Eretrea iyo dhambaalka ah in dabeysha nabadeed ee ka socoto geeska Afrika in lagu soo daro Djibouti. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM) MABAADII’DA QARAMADA MIDOOBAY: DAACADNIMO, XILKASNIMO, IXTIRAAMKA KALA DUWANANSHAHA DADKA BOOSKAN WAXAA UU U FURAN YAHAY OO KELIYA DADKA U DHASHAY SOOMAALIYA MANA LAHAN FAA’IIDOOYINKA LA MID AH KUWA CAALAMIGA AH HAWEENKA SI GAAR AH AYAA LOOGU BOORRINAYAA IN AY CODSADAAN TAARIIKHDA KAMA DAMBEYSTA AH: 4 OKTOOBAR 2018 TAARIIKHDA SOO SAARISTA: 5 SEBTEEMBAR 2018 MAGACA jEGADA: MAS’UULKA XUQUUQDA AADANAHA HEERKA: NO-D QAYBTA: QAYBTA XUQUUQDA AADANAHA IYO ILAALINTA GOOBTA: MUQDISHO MUDDADA HESHIISKA: HAL (01) SANO OO GO’AN LAMBARKA OGEYSIISKA BOOSKA BANNAAN: UNSOM/HRPG / 036/2018/SM Ogeysiis Khaas ah Booskan waxaa la maalgelinayaa muddo hal sano oo hordhac ah kaliya, muddo kordhintana waxaa ay ku xirnaan doontaa sida loo ansixiyo miisaaniyadda. Booskan waa mid maxalli ah. Codsadaha ayaa mas’uul ka ah dhammaan kharashka ka bixi doono si uu ula wareego booskan. Dhammaan codsadayaasha waxaa si weyn loogu boorrinayaa in ay codsiyadooda ku soo gudbiyaan hab online ah (internet) sida ugu dhaqsiyaha badan kaddib markii la xayeysiiyo shaqadan iyo ka hor inta aan la gaarin taariikhda kama dambeysta ah ee ku cad xayeysiinta. Dadka daneynaya in ay codsadaan shaqadan kuwaas oo haatan la shaqeeyo qandaraasleyda UN waa in ay fuliyaan waajibaadyada heshiiska ay la galeen qandaraasleyda UN si ay u noqdaan dad u qalma in ay codsadaan booskan bannaan. Qaabeynta hay’adda iyo Kala-sarreynta: Booskan waxaa uu ka bannaan yahay Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Muqdisho. Xil-hayaha waxaa saldhig u noqon doonaa Muqdisho waxaana uu hoos imaan doonaa Mas’uulka Sare ee Xuquuqda Aadanaha ama Madaxa Qaybta Xuquuqda Aadanaha. Mas’uuliyadaha: Mas’uulka Xuquuqda Aadanaha waxaa uu mas’uul ka noqon doonaa waajibaadyada soo socda: In uu qaabeeyo uuna hoggaamiyo barnaamijyada karti-dhiska uuna taageero farsamo ah oo ku aaddan hirgelinta ballan-qaadyada xuquuqda aadanaha siiyo guddiga ka kooban wasaaradaha kala duwan oo ay ku jiraan Wasaaradda Difaaca iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Wsaaradda Amniga Gudaha, Wasaaradda Caddaaladda, Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha, iyo sidoo kale guddiyada baarlamanka ee ay khuseyso (Xuquuqda Aadanaha iyo Amniga); In uu dejiyo xeeladaha uuna kala kaashado hay’adaha dowladda si loo horumariyo u hoggaansanaanta Siyaasadda ku Dhaqanka Xuquuqda Aadanaha (HRDDP) iyada oo loo marayo taageero ku wajahan qiimeynta halista, la socodka, falanqeyn iyo warbixin ku saabsan hirgelinta, oo ay ka mid tahay iyada oo loo eegayo xadgudubyada galmada ee la xiriira colaadda iyo carruurta ku sugan goobaha ay ka socdaan colaadaha hubeysan. In uu ku taageerro hay’adaha qaranka isku dubaridka iyo qiimeynta hawlaha la xiriira hirgelinta iyo dabagalka talooyinka ay soo bandhigeen Guddiyada Heshiisyada ee QM, Habraacyada Gaarka ah iyo nidaamyada kale ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM. In uu qaabeeyo, isku dubarido isla markana hirgeliyo dadaallada karti-dhiska lala sameynayo la-hawlgalayaasha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, oo ay ka mid yihiin kuwa taakuleynayo dhismaha hay’adaha dowladda iyo dib-u-habeynta hay’adaha, si loo waafajiyo xeerarka xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah isla markana ay u oofiyaan ballan-qaadyada shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha. In uu qaabeeyo, bixiyo, isku dubarido isla markaana qiimeyn ku sameeyo barnaamijyada tababarka xuquuqda aadanaha ee loogu talogalay mas’uuliyiinta qaran, wakiilladda bulshada rayidka, hay’adaha aan dowliga ahayn ee u qaabilsan xuquuqda aadanaha, Hay’adaha Dowliga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo la-hawlgalayaasha kale ee qaranka. In uu gacan ka geysto dejinta xeeladaha ol’olaha, in uu ol’oleeyo uuna kala taliyo hay’adaha munaasabka ah oo ay ka mid yihiin mas’uuliyiinta dowladda, Kooxda QM ee Dalka (UNCT) iyo Kooxda Gargaarka Bani’aaddamnimada ee Dalka (HCT), iyo madaxda sare ee Xafiiska Guddoomiyaha u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha (OHCHR) istaratiijiyadaha sida ugu wanaagsan lagu ilaalin karo laguna horumarin karo xuquuqdaha aadanaha iyo nidaamyada lagu joojiyo ciqaab la’aanta iyo xalka xadgudubyada xuquuqda aadanaha. In uu sameeyo uuna joogteeyo xiriir lala yeesho hay’adaha qaranka, bulshada rayidka, hay’adaha QM, Sanduuqyada, iyo Barnaamijyada u xilsaaran taakulayn, iyo bah-wadaagta kale ee habboon si loogu wargeliyo xaaladda xuquuqda aadanaha ee goobta hawlgalka, isla markaana uu bixiyo talo ku saabsan arrimaha la xiriira xeeladaha iyo siyaasadaha si loogu dhowro laguna horumariyo xuquuqda aadanaha. In uu gacan ka geysto dadaallada Ilaalinta Dadka Rayidka (PoC) ee dhinaca qiimeynta, calaamadeynta iyo ka warbixinta halista, digniinta hore si looga hortago waxna laga qabto xadgudubyada ay geystaan ciidamada ammaanka, iyo in uu sare u qaado awoodda ay dowlad goboleedyada u leeyihiin horumarinta isla xisaabtankooda iyo ilaalinta. In uu guddoomiyo iyo/ama uu ka qayb qaato kooxaha maxalliga ah ee munaasabka ah, uuna ka qaybgalo wadahadalka lala yeelanayo kooxaha kale si loo xaqiijiyo ka mid yeelidda xuquuqda aadanaha. In uu qabto waajibaadyada kale ee loo xilsaaro. Kartida: Xilkasnimo: In uu ku faano shaqadiisa iyo guulaha; in uu muujiyo xilkasnimo iyo in uu aqoon buuxda u leeyahay shaqada; In uu yahay qof feejigan oo ku wanaagsan ka soo bixidda ballanqaadyada, in uu dhowro muddada kama dambeysta ah uuna ku guuleysto natiijooyinka; halkii uu dhiiriggelin ka heli lahaa arrimo shaksiyeed oo asaga u khaas ah in uu dhiiriggelin ka helo arrimo ku saabsan shaqo; in uu dhabar-adeyg muujiyo markii uu la kulmo dhibaatooyin ama caqabado; In uu noqdo qof deggan markii ay asiibto xaalado walaac ku abuura; in uu isa saaro mas’uuliyad in uu tixgeliyo arrimaha jinsiga uuna xaqiijiyo sinnaanta dhinaca ka qayb-galinta dumarka iyo ragga ee dhammaan shaqooyinka. Wada-Shaqayn: In uu si wadajir ah ula shaqeeyo shaqaalaha kale si loo gaaro yoolka hay’adda; In uu afkaarta uruuriyo asaga oo si dhab ah u qiimeynayo fikradaha iyo khibradaha dadka kale; in uu yahay qof diyaar u ah in uu dadka kale wax ka barto; In uu danaha kooxda uu ka horumariyo danaha shakhsi; In uu taageero uuna ku dhaqmo si waafaqsan go’aanka kama dambeyska ah ee kooxda, xata haddii go’aannadaas aysan is waafaqsaneyn go’aankiisa; in uu amaanta guulaha la gaaray uu la qaybsado kooxda uuna aqbalo in uu qayb mas’uul ka yahay dhammaan gaabiisyada kooxda. Qorsheynta iyo Qaabeynta: In uu diyaariyo yoolal cad kuwaas oo waafaqsan xeeladaha la isku afgartay; in uu garto howlaha iyo shaqooyinka mudnaanta la siinayo; in uu wax ka beddelo howlaha mudnaanta la siiyay sida loo baahdo; in uu wakhti iyo agab ku habboon ku bixiyo dhammeystirka shaqada; in uu saadaalin karo halista uuna u diyaargaroobo xaaladaha degdegga ah markii uu sameynayo qorshaha; In uu la socdo uuna wax ka beddelo qorshaha iyo tallaabooyinka sida loo baahan yahay; in uu wakhtiga u adeegsado si hufan. Xukmid/Go’aan gaarid: In uu garto arrimaha ugu muhiimsan markii lagu jiro xaalado adag, iyo in uu si degdeg ah u galo arrinta ugu muhiimsan; In uu uruuriyo xogta muhiimka ah ka hor inta uu go’aan gaarin; In uu tixgeliyo saameynta togan iyo kuwa xun ee go’aanka ka hor inta uu gaarin; In uu go’aannada gaaro isaga oo tixgelinayo saameynta ay ku yeelanayaan dadka kale iyo Hay’adda; In uu soo jeediyo tallaabooyinka la qaadi lahaa ama uu bixiyo talooyin ku saleysan dhammaan macluumaadka la haayo; In uu isku barbardhigo malaha iyo dhabta; In uu xaqiijiyo in tallaabooyinka la soo jeediyay ay dabooli doonaan baahiyada loo qabo go’aanka; In uu go’aamo adag la yimaado haddii loo baahdo. Aqoonta: Waxbarasho: Shahaado sare ee jaamacadda (Master-ka ama wax u dhigma) oo dhinaca Sayniska Siyaasadda, Maareynta ama Horumarinta, ama wax la mid ah. Shahaado heerka koowaad oo ay wehliso labo sano oo khibrad wax ku ool ah waa loo aqbali karaa booska shahaaddada sare. Tababar xirfadeed ee dhinaca qorshaynta, la-socodka iyo qiimeynta, fududeynta iyo/ama isku duwidda waa muhiim. Khibrad: Ugu yaraan afar sano oo khibrad wax ku ool ah oo dhinaca xuquuqda aadanaha ama wax la xiriira, kuwaas oo ugu yaraan hal sano oo ka mid ah lagu bixiyay dhinaca xuquuqda aadanaha ayaa loo baahan yahay. Ugu yaraan hal sano oo khibrad ah ee dhinaca nidaamyada caadiga ee hawlgalka goobta ee QM (oo ay ku jiraan nabad-ilaalin, hawlgallada siyaasadeed iyo hay’adaha QM, sanduuqyada iyo barnaamijyada) ama hay’ad calami ah ama hay’ad aan dowli ahayn oo la mid ah oo ka hawlgala meelaha ay ka socdaan colaado ama ka soo kabsanaya colaad ayaa loo baahan karaa. Khibrad la xiriira la socodka iyo ka soo warbixinta arrimaha xuquuqda aadanaha ayaa loo baahan yahay. Khibrad ku aaddan u ol’oleynta xuquuqda aadanaha iyo/ama ku aaddan qaabeynta iyo maareynta barnaamijyada karti-dhiska iyo/ama qabashada baaritaannadda xuquuqda aadanaha ayaa loo baahan yahay. Luuqad: Luuqadaha Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa ah luuqadaha shaqada ee Qaramada Midoobay. Aqoon wanaagsan ee dhinaca luuqadaha Ingiriiska ama Faraansiiska (hadal iyo qoraalba) ayaa loo baahan yahay. Aqoonta luuqadaha kale ee Qaramada Midoobay waa mid habboon. Habka Qiimeynta: Qiimaynta dadka u qalma booskan ayaa waxaa ka mid noqon karaa layli qiimeyn ah kaas oo ay daba socon doonto warreysi la xiriira kartida. Macluumaad Dheeraad ah: Dadka codsiga soo gudbiyay oo aan la soo qaadan balse xilliga uu socday imtixaanka ku soo baxay in ay u qalmaan shaqo la mid ah waxaa lagu hayn karaa diiwaanka muddo toddoba sano. Dadka diiwaanka la geliyay tixgelin ayaa la siin doonaa markii ay mustaqbalka soo baxaan isla shaqadan iyo heerkan shaqo. Sida loo gudbiyo codsiga: Dadka u qalma shaqadan waxaa ay ku soo gudbin karaan codsiyadooda oo ay qayb ka tahay foomka Taariikhda Shakhsiyeed ee Qaramada Midoobay (P.11) cinwaanka hoose markii la joogo ama ka hor taariikhda kama dambeysta ah. P11 waxaa aad ka heli kartaa https://unsos.unmissions.org/jobs. Codsiyada la soo gudbiyo kaddib wakhtiga kama dambeysta ah ee ah 04 Oktoobar 2018-ka lama aqbali doono. Warqadaha taarikh nololeedka dadka (CVs) lama aqbali doono. Email: recruitment-unsoa@un.org Fadlan Lambarka Ogeysiiska Shaqada Bannaan iyo Jegada Shaqada ka dhig mowduuca email-ka. Fadlan ku lifaaq nuqulka foomka P.11, Shahaaddada Jaamacadda/ama Shahaado, Baasaboor iyo/ama Teesaraha Aqoonsiga. Fadlan ogow in Shahaadooyinka Waaxda Dembi Baarista (CID-da) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda (NISA) loo baahan doono qaybaha dambe ee hannaanka shaqaaleynta. Qaramada Midoobay marnaba ma xaddideyso xaq u yeelashada dhinaca ka qaybgalka ee ragga iyo dumarka maadaama ay mabaaddii’deedu iyo tan hay’adaha la xiriira xusayaan sinnaan jinsi. QARAMADA MIDOOBAY MARNABA MA QAADATO WAX LACAG AH INTA LAGU GUDO JIRO HANNAANKA SHAQAALEYNTA (CODSIGA, KULAN WAREYSIGA, DIYAARINTA AMA TABABARKA)
  11. An airliner from Mogadishu has been stopped from landing at Jomo Kenyatta International Airport. Source: Hiiraan Online
  12. Al Shabaab has increasingly been persecuting Kenyan fighters over spying allegations, attempted desertions and pledging allegiance to the Islamic State. Source: Hiiraan Online
  13. Ten South Sudanese soldiers have been convicted of rape and murder committed during a raid on a hotel in Juba two years ago. Source: Hiiraan Online
  14. British Airways has launched an “urgent” investigation and notified police after hundreds of thousands of customers’ personal and financial details were stolen. Source: Hiiraan Online
  15. A senior European Union official has stressed the importance of a tripartite agreement by Somalia, Ethiopia and Eritrea. Source: Hiiraan Online
  16. A Calgary United Conservative Party nomination candidate has apologized for almost three-year-old social media comments in which she compared Muslims in Fort McMurray to bank robbers. Source: Hiiraan Online
  17. From US Vice President Mike Pence down, top officials denied writing the article that claimed the author and fellow members of Trump’s administration were deliberately undermining him to protect the country Source: Hiiraan Online
  18. Djibouti on Thursday hailed a new era in its relations with rival Eritrea, whose foreign minister paid a surprise visit to the country as part of a regional bid to soothe tensions between the neighbours. Source: Hiiraan Online
  19. CHINESE Technology firm, Huawei, aims to fulfil the potential of information and communications technologies (ICTs) to drive Somalia’s socio-economic development. Source: Hiiraan Online
  20. Vocal city Pastor Godfrey Migwi has warned President Uhuru Kenyatta from taking more loans from China, saying that it could be a trap to colonise Kenya. Source: Hiiraan Online
  21. Qeerroo waa Al shabaab, Al shabaab-na waa Qeerroo; waa isku hal – Dameer iyo labadiisa daan. Magaca Qeerroo (Al Qeerroo) ee loo yaqaan maliishiyada Oromada ah ee xasuuqa waxashnimada ah ku haysa Somaalida Itoobiya gaar ahaan deegaanada Tuli-Guuleed, Dirir-Dhabo, Baabille, Mooyaale, Walgo, Balbayti iyo kuwo kale oo badan. Waxaan maqaalkan kaga faalloon doonaa waxa ka dhaxeeya Qeerroo iyo Alshabaab iyo sida ay isku mid u yihiin. Ereyga ‘Al Qeerroo’ ayaa afka Oromada macnihiisu ku yahay ‘ barbaarta ’: dhalinyarada ragga ah oo aan wali guursan oo reer yeelan. Sidaa oo kale ayaa ereyga ‘Alshabaab’ isna wuxuu afka Carabiga macnihiisu ku yahay ‘barbaarta’: dhalinyarada ragga ah oo aan wali guursan. Haddaba in magacyada labadaan urur ay isku macne ku salaysan yihiin, shaqadooduna isku mid tahay, ma wax iska dhacay baa, mise waa ku talo gal? Marka la eego falalka ay geysanayaan iyo sida ay u samaynayaan, waxaa laga garan karaa in ay isku mid yihiin, Qeerroo iyo Alshabaab, shaqadoodu waxay ku soo ururraysaa ama tahay: 1 ) In ay Soomaalida dhulkeeda ka dabar gooyaan; dhulkaas oo ku kula fidsan Soomaaliya, Itoobiya , iyo Keenya. 2 ) Waxay adeegsadaan qaab dagaaleed isku mid ah, waxashnimo ah, oo ay ka muuqato cadaawad fog, oo qofka nool iyo maydka kan dhintey la googaynayo. Qaabkaas oo aan aheyn qaab-dagaaleed ay Soomaalidu dhaqan u leedahay. Dowladda Dhexe ee Itoobiya iyo ciidamadeeda nabadgalyada ayaan iyagu marna isku deyin in ay ka hortagaan qorshaha Qeerroo, oo ay wax ka qabtaan, ama ay badbaadiyaan shacabka sinji-Soomaali Itoobiyaanka ah ee xasuuqa lagula kaco Itoobiya gudaheeda. Waxaa jira eedaymo isa soo taraya oo sheegaya in ciidamada itoobiya ay iyagu gacan iyo hub ku siiyaan Qeerroo, sidii ay u dabargoyn lahayd shacbiga Soomaaliyeed ee reer Itoobiya. Sidoo kale Alshabaab ayaa iyaguna xasuuqaas waxashnimada ah ka wadey gudaha Soomaaliya illaa sanadkii 2007dii, iyagoo ku marmarsiyoonaya in ay la dagaalamayaan codow shisheeye ah oo Soomaaliya ku soo duulley. Kadib markii sanadkii 2007-dii ciidamada Itoobiya soo galeen magaalo madaxda Soomaaliya ee Mogadisho, waxaa soo ifbaxay ururka argagisada ah ee la magac baxay Alshabaab. Ururkaas oo ay magaciisa ka muuqato in loo ekaysiinayo macagyada ‘Al’ ka bilaamaya ee Mareykanka uga jira liiska argagaxisada, sida Alqaida, Alitihad, iwm ayaa ku andacoonayey inuu yahay urur dhalinyaro wadaniyiin Soomaali ah oo ka xoreynaya ciidamada Itoobiya ee dalkooda ku soo duuley. Waxa is waydiin muddan maxaa mar qura badaley magacbixintii ururrada Soomaalida, oo horey u ahaa jirey Soomaali ama ingiriis (USC, SNM, SSDF, USB, SNA, etc.) oo markaan ka dhigey carabi ‘al’, markii Mareykanka iyo xulafadiisu[itoobiya] ay magacyada ‘Al’ ka bilaama il gaar ah ku fiirinayeen? Madaxa in laga shaqaysiiyo ayey u baahan tahay! Waxaa xaqiiqo ah in ciidamadii Itoobiya ee Mogadishu soo galey ay lug ku la haayeen samaynta ururka argagaxisada ah ee Alshabaab, balse su’aalaha muddan in laga jawaabo waxay yihiin: ciidamada itoobiya ma iyagaa Alshabaab samaystey mise Alshabaab waxa loo sameeyey inay ciidamada itoobiya la dagaallamaan? Haddii loo sameeyey inay ciidamada Itoobiya la dagaallamaan yaa samaystey? Maxay ciidamada itoobiya ula dagaalami waayeen? Haddii aysan ciidamada itoobiya ku aadin oo la dagaallami karin maxay u xasuuqayaan shacabka Soomaalida ah, ee aan hubaysnayn oo ay ku andacoonayeen in ay cadow ka difaacayaan? Xitaa haddii ay diiddan yihiin dowladda Soomaaliya ka jirta am aka jira, ma u noqon kartaa qiil in ay xasuuqaan shacab, dumar iyo caruur, aan waxba galabsan? Maxay doonayaan? Haddii la isu dhiibo maxay samayn lahaayeen? Jawaabaha su’aalahaan qofkasta way u furan yihiin. Alshabaab ayaa u jeedadeeda dhabta ahi waxay tahay in qofkasta oo Soomaali ah dhulka Soomaalida uga baxo dhimasho ama nolol ‘dead or alive’. Waxaan qabaa in Alshabaab ay tahay oo kaliya yeydii la sheegey ee idaha u soo xidhatey maqaarkooda si aysan uga didin – the wolf in the sheep’s skin. Alshabaab waa dad Soomaali u eg, Afka Soomaalida bartey, sheeganaya inay Soomaali yihiin, laakiin aan Soomaali ahayn. Waa jiraan, lamana inkiri karo, dad yar oo Soomaali ah oo faro-ku-tiris ah oo ‘ha la roorrada run moodey’. Waxaa jira shaki baahsan oo ay Soomalidu ka qabto ciidamada itoobiya oo markii ay rabaan soo gala markii ay rabaanna ka baxa Soomaaliya in ay Alshabaab soo gaarsiiyaan saad ciidan: hub iyo raashin. In badan ayaa la sheegay in ciidamada itoobiya iyo Alshabaab isu baneeyeen fariisimada oo meeshii mid ka baxo kan kale soo galo, taas oo looga shakisan yahay in ciidamada itoobiya ay saadka (hubka, rasaasta, cuntada iyo daawada) u sii dhigaan Alshabaab fariisimada ay ka guurayaan kuwaas oo markiiba Alshabaab la wareegto. Lama hayo wax war xaqiiqo dhab ah oo ku saabsan dagaallo dhexmarey Alshabaab iyo ciidamada cadowga ay sheegeen in uu Soomaaliya ku soo duuley oo ay ka difaacayaan, siiba kuwa ka socda waddamada Itoobiya iyo Keenya ee cadaawadda taariikhiga ah kala dhexayso Soomaaliya. Marmar badan ayaa idaacadaha laga sheegaa in diyaaradaha Mareykanku ay duqaymo dhimasho iyo dhaawac keenay u gaysteen Alshabaab balse Soomaalida ma soo gaaraan xaqiiqada rasmiga ah ee ku saabsan khasaaraha loo gaystey Alshabaab iyo kan iyagu ugaystaan ciidamada shisheeye ee Soomaaliya ku habsadey, halka xasuuqa waxashnimada ah ee Alshabaab ku hayaan soomaalida uusan cidna ka qarsoomi karin. Qof kasta oo caqli leh waa garan karaa in Alshabaab aysan dan Soomaaliyeed ka shaqaynayn. Balse waxaa cad in ay macag iyo muuq ahaanba soomaalida u baabi’inayaan. IILKA KII DHIGEY U ERGOOTOOY (Looking to the culprits for help): Waxaa la yaab leh in maanta Soomaalida, dowlad iyo shacabba, loogu warramo ayna run u qaateen in ujeedada ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya jooga ay tahay in ay shacabka Soomaaliya ka badbaadiyaan gumaadka Alshabaab ku hayo, halka ay shacabka Itoobiyaanka ah ee asal ahaan Soomaalida ka soo jeeda, ay Qeerroo hortooda ku xasuuqayso oo ay waliba gacan ku siinayaan. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa oraneysay: “Nin hooyadii ka guurey aayo-dii uma negaado”. Ciidamada Itoobiya ee shacabka Soomaali-Itoobiyaan-ka ah (Itoobiyaan asal ahaan Soomaali ka soo jeeda) ka badbaadin waydey Qeerroo “Alshabaab”, ayaa shacabka Soomaaliya ka badbaadinaysa Alshabaab “Qeerroo” waa arrin runta aad uga fog. Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya jooga waxay caawiyaan Alshabaab in ka badan inta ay Qeerroo caawiyaan. XEEL DAGAAL OO DA’A WAYN: “Ciidanka cadowga oo la jabiyo iyadoo aan lala dagaalamin waa xeeladda dagaal ee ugu sareysa.” Waxaa sidaas yiri, in ka badan 2500 oo sano ka hor, jeneraalkii ku xeesha dheeraa dagaalka ee China, Sun Tzu. Argagixisada Alshabaab iyaga oo ka duulaya xeeladaas dagaal ee da’da wayn, ayey waxay is ka dhigaan inay isa soo dhiibeen, dabadeedna waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dhaadhiciyaan in iyaga loo dhiibo hay’adaha muhiimka u ah nabadgalyada iyo la dagaallanka argagixisada: sida nabadsugidda, ciidamada, booliiska “CID” iwm. Tusaale ahaan, hay’adda sirdoonka ee loo yaqaan Nabadsugidda Qaranka “National Intelligence Service” oo ah indhihii, dhegihii, caqligii dowladda markasta waa in taliyaha ama taliye-kuxigeenku noqdaa shaqsi Alshabaab ah [aan jirey], oo u ka mid yahay Sakariye Ismaciil, iyo Taliye-ku-Xigeenka dhowaan loo magacaabey Fahad Yassin oo lagu eedeeyeo in uu gacan saar la leeyahay kooxaha xagjirka ah. Mar haddii (Alshabaab) ay taladii ciidanka Soomaaliya, khaastan ha’adda sirdoonka, kula wareegi karaan dagaal la’aan haddii ay isa soo dhiibaan – sidii uu Su Tzu sheegey – maxay u la dagaalamayaan? Sidee se dowlad indhiha, dhegaha, iyo cagnaha laga haysto cadow isaga celin kartaa? Sidaas oo ay tahay Alshabaab ma joojin doonto xasuuqa shacabka Soomaalida xitaa haddii ay is dhiibaan; ujeedadoodu ma aha xukun oo kaliya, balsd waxay doonayaan in ay Soomaalida ka dhigaan in dhimatey iyo in carartey oo dalal shisheeye qaxooti ku ah. Waayo Alshabaab dad ma doonayaan ee dal/dhul bay doonayaan. NIN AAN HADLIN HOOYADIINA WAX UMA DHIIBTO: Marka la eego xaalladda siyaasadeed ee aduunka maanta iyo gaar ahaan tan Geeska Afrika waxaad muuqata in Soomaalidu aysan dhumin maqaamkii dowladnimo ee Soomaaliya ay duunka ku lahayd oo kaliya balse ay sidoo kale dhumisey maqaamkii qowmiyadeed ee ay ku lahayd Geeska Afrika. Dowlad la’aanta iyo kala qaybsanaanta – mid loo haystey iyo mid ay iyagu isu gaysteenba – ayaa waxay keentey in maanta nafta qofka Soomaaliga ah ay ka qiimo liidato nafta Eyga. Waxaa hubaal ah in haddii Eyda loo layn lahaa sida Soomaalida maanta loo laayo, ay ugu yaraan qolooyinka xuquuqda xayawaanka u doodda (humane society) u hadli lahaayeen. Nasiibdarro, Soomaalida cidna ma oga. Mar haddii dowladdahii ay ku hoos noolaayeen (Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya) ay gabeen inay ka difaacaan, xitaa inay ka hadlaan, Qeerroo/Alshabaab; mar haddii aduunwaynihii ( Qaramadda Midoobey oo ay Soomaalidu ka aaminsaneyd inay ugu dambeynta badbaadin doonto) ka aamustey in ay dhaleeceyso xasuuqa lagu hayo shacabka aan hubeysnayn ee Soomaalida ah, waxaa shacabka Soomaaliyeed la gudboon in aysan gacmaha laaban ee ay is difaacaan, iyo in aysan iska aamusin ee ay aduunka codkooda si dheer u gaarsiiyaan, meelkasta oo ay joogaan dal iyo dibadba. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: “Nin asaaggii (qeyrkii) loo xiirayoow adiguna soo qooyso”. Dhibta maanta ku dhacdey qof-ka Soomaaliga ah meelkasta ha joogee, waxay berri ku dhici kartaa qofkasta oo Soomaali ah meelkastoo uu joogo. Soomaali waxay ku badbaadi kartaa oo kaliya in ay isu tagaan, isku tashtaan, Allah talo saartaan oo iska difaacaan Al Qeerroo iyo Al shabaab ee aaney cidkale badbaado ka sugun: God helps those who help themselves. Ogow Al Qeerroo iyo Al shabaab dad ma doonayaan ee dal bay doonayaan. Guul, insha’ Allah. W/Q: Axmed Khailif Email:ahmedkhalif@yahoo.com
  22. Riyadh (Caasimada Online) – Khilaaf xooggan oo ka dhex-qarxay qoyska boqortooyada Sacuudiga ayaa halis ku noqday qorshihii la doonayey in lagu casriyeeyo dalkaas, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Al-Khaleej. Wargeyska ayaa sheegay in khilaafka uu ka dhex-taagan yahay boqor Salmaan, wiilkiisa Maxamed, iyo xubnaha kale ee ku dhow boqorka, taasi oo waddadii ka leexisay barnaamijka Aragtida 2030 ee horumarinta dhaqaalaha dalkaas. Wargeysku waxa uu sheegay in khilaafka uu keenay in boqor Salman uu dib u tirtiray go’aanno badan oo uu qaatay wiilkiisa Maxamed, oo ah ninka sida dadban dalka u xukumayey; go’aannadaas oo loo arkay kuwa waxyeeleeyey dalka. Al-Khaleej ayaa shaaca ka qaaday in ka laabashada qorshihii la doonayey in shirkaadda Aramco ee shidaalka Sacuudiga lagu geeyo suuqa saamiyada ay caddeyn u tahay heerka uu gaaray khilaafka. Qorshahan ayaa waxaa waday Maxamed Bin Salman. “Waxay ahayd dharbaaxo uu boqor Salman ku dhuftauy wiilkiisa” ayuu qoray wargeyska. Iska horimaanshaha siyaasadda Sacuudiga ee gudaha iyo dibedda ee tan iyo markii uu xukunka ku awood batay Maxamed Bin Salman ayaa albaabada u furtay khilaafka boqortooyada, sida ay warbaaxinta. Khilaafka ayaa waxaa sidoo kale sii shaac bixiyey hadal dhowaan si qasoodi looga duubay Ahmed Bin Cabdulcaziiz oo la dhashay boqor Salman, kaasi oo sheegay in xasuuqa ka socda Yemen aysan shaqo ku lahayn xubnaha boqortooyada marka laga reebo boqorka iyo wiilkiisa. Warbixinta waxay sidoo kale sheegtay in boqor Salman uu diiday go’aanka uu Maxamed Bin Salman ku taageeray heshiiska loogu magac daray “Heshiiska qarniga” ee Donald Trumo uu ugu talo galay Falastiiniyiinta iyo Israel. Heshiiskaas ayaa magaalada Qudus siinaya Yahuuda. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  23. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha waddanka Ereteriya Isaias Afwerki, ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa maanta ku kulmaya magaalada Asmara ee xarunta Ereteriya. Hoggaamiyeyaasha ayaa ka soo laabtay kulanka iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo ku soo dhammaaday magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ajandaha kulanka saddex geesoodka ah ee hoggaamiyeyaasha Ereteriya, Itoobiya iyo Soomaaliya laakiin, waxa ay warbaahinta Itoobiya iyo Ereteriya ku macneeyeen mid kor loogu qaadayo xidhiidhka dhaqaalaha iyo ammaanka dalalkan. Arrinta ka dhex muuqata kulankan ayaa ah in dalalka Ereteriya iyo Itoobiya qaadayaan tallaabooyin waaweyn oo ay ku horumarinayaan xidhiidhkooda dhawaan hagaagay ee dhanka diblamaasiyadda iyo iskaashiga laakiin, lama oga waxa Soomaaliya uga dan ah kulanka maanta oo ubucdiisu tahay sidii Itoobiya u isticmaali lahayd dekedaha Ereteriya, islamarkaana u furan lahayd safaaraddeeda Asmara kadib 20 sanno oo labada dal kala qoqobnaayeen. Ra’isal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Ereteriya waxay shalay kormeereen dekeddaha Ereteriya iyo jidka isku xidha dekedda Asmara iyo xuduudka Itoobiya oo ilaa 71Km ah. Waxa uu kulankoodu yimid kadib markii uu markii u horaysay dekedda ku soo xidhay markabka Mekelle ee Itoobiya oo alaab u sida Ereteriya. Ra’isal wasaare Abiy waxa uu sheegay in dekedda Casa bee Ereteriya todobaadada soo socda bilaabayso hawlgal kadib dib u hayb yar oo lagu samaynayo. Waxa uu tilmaamay in bilawga shaqada ee dekeddu muujinayo sida uu u hirgalay heshiiska labada dal gaadheen bilihii la soo dhaafay ee dhanka nabadda iyo iskaashiga ah. Madaxa xafiiska ra’isal wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in dekedda Ereteriya degdeg shaqada u bilaabayso, islamarkaana Itoobiya isticmaali doonto dekedda. Saamaynta Dekeddu ku leedahay Jabuuti iyo Somaliland Dawladda Itoobiya ayaa tan iyo markii ay isku dhaceen Ereteriya waxay si buuxda u isticmaalaysay dekedaha Jamhuuriyadda Jabuuti. Markii sanadkii hore dawladda Itoobiya saami 19% ah laga siiyay dekedda Berbera waxa muuqatay in dekedda Jabuuti wajahayso tartan waxaana taas xigtay Itoobiya oo dekedaha Suudaan iyo Kenya heshiisyo la gaadhay hase ahaatee waxa arrimahaasi u kala raray heshiiska lama filaanka ahaa ee Ereteriya iyo Itoobiya taas oo loo arko in dekedaha Ereteriya oo ay hore ugu xidhnayd Itoobiya mar kale maroorsan doonanto isticmaalkeeda dekedaha, taasna ay saamayn doonto dekedaha Jabuuti iyo Somaliland ee ku xisaabtamayay suuqa Itoobiya oo aan bad lahayn. Tifaftiraha Africa ee BBC-da Mary Harper waxay sheegtay in aanay Itoobiya ku sii tiirsanaan doonin dekedaha Jabuuti “Markabka ganacsi ee Mekelle oo Itoobiya leedahay ayaa ku xidhay dekedda Masawa ee Ereteriya 20 sanno kadib. Waddanka aan badda lahayn ee Itoobiya intaas ka badan kuma sii tiirsanaan doono dekedaha Jabuuti,” sidaas ayay ku sheegtay boggeeda Twitter-ka oo ay ku faafisay sawirro muujinaya Masawa oo ah meel qadiim ah. Dadka siyaasadda odorosa ayaa u arka in aanay Somaliland iyo Jabuuti la jaanqaadin isbedellada ka socda Geeska Afrika, siiba isku xidhnaanta dalalka Itoobiya, Ereteriya iyo Somalia. Cabdiraxmaan Cadami oo ka faallooda arrimaha Geeska ayaa aamminsan in aanay Itoobiya marnaba lumin doonin xidhiidkeeda Somaliland oo Istiraatijiyad ku qotoma laakiin, ilaa hadda ma muuqato qawl ama ficil ka soo baxay nidaamka cusub ee Itoobiya oo ku aaddan xidhiidhka Addis iyo Hargeysa. Arrinta xusidda mudan ayaa ah in dawladda Jabuuti hore uga qarracantay Soomaaliya oo xidhiidh fiican la yeelatay Ereteriya oo Jabuuti ay dhul ku muransan yihiin. Inkasta oo Farmaajo bookhday Jabuuti haddana ma muuqdo wax isbedel ah oo ku yimid arrimaha Jabuuti diidanayd ee ah in aanay Soomaaliya la safan Ereteriya ee ay Jabuuti barbar istaagto. Waxa kale oo jira aragtiyo ku saabsan in Imaaraadku wado isku xidhka Ereteriya iyo Itoobiya, halka labadan dal laftoodu duufsadeen Soomaaliya iyada oo ujeedka Imaaraadku yahay gadoominta Jabuuti oo ay isku fahmi waayeen saamiga DP World. Isbedellada kolba jirjir dhigaya ee Geeska ayaan la saadaalin Karin saamaynta ay ku yeelan karaan Jabuuti oo sidoo kale loolanka Shiinaha iyo reer Galbeedku hadheeyay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  24. Qaybta 2-aad, halkan ka aqri qeybtii 1-aad Waxaan ka cudur daaranayaa in layga raali noqdo haddii ay dhacdo inaan hilmaam darteed soo qaadin qodobbo dhici karto inay muhiim yihiin, maaddaama aan ka hadlayno taariikh 44 sano soo jiitamaysay, hase yeeshee waxaan isku taxluujinayaa inaan intii karaankeyga ah ka wada hadlo. Dabcan, akhristayaasha boggan waxaan si xushmad leh uga codsanayaa inay ii soo sheegaan, haddii ay qabaan su’aalo ama iftiimin la xiriirta qodobbada aan ka hadlayo. Waa garaadxumo inaad dadka wax u sheegto oo keliya ee waa inaad adiguna dhegaysataa, waayo fikradaha oo lays dhaafsado waa saliim. Haddaba, waxaan jeclahay waajibna tahay inaan marka hore ku bilaabo aasaaska Ciidankii Nabad Sugidda Soomaaliyeed (NSS). Ma rabo inaan ku dheeraado, waxaanse ku dadaalayaa inaan si kooban uga warbixiyo. Ciidanku waxaa la aasaasay 8dii Jannayo 1970, kaddib markii la mideeyey laba hay’ad xuuraameed oo kala haa Sirdoonkii Mileteriga (Military Intelligence) iyo Sirdoonkii Ciidanka Boliiska (Special Branch). Muhimadda ay leedahay hay’addan waxaa daliil u ah in dhowr bilood kaddib curashadii Kacaankii 21kii Oktoobar 1969 ay madaxdu garwaaqsatay inay dhidibbada u taagaan Ciidanka Nabad Sugidda. Waxaa Taliye looga dhigay Col. Axmed Suleymaan Cabdulle (Dafle) oo ka mid ahaa Golihii Sare ee Kacaanka, ku xigeenna waxaa looga dhigay Allaha u naariistee Majoraxamed Jibriil Muuse oo xilligaa madax u ahaa Sirdoonka Boliiska. Waxaa xarun looga dhigay xaruntii hore ee Special Branch oo ku tiillay Baar Fiat agagaarkiisa iyo Collegio Nuova Somalia. Waxaa xusid mudan in xilligaa xarunta ay ka dhisnaayeen dhowr xafiisyo oo hore bakhaarro ahaa iyo xafiisyo kale oo baraakooyin ah. Xarunta dhexdeeda waxaa kaloo xafiisyo ku lahaa Hoggaanka Dembi Baarista ee Boliiska (CID) iyo guryahooda, Hoggaanka Socdaalka, Rugta Caafimaadka iyo hoyga Taliyaha Nabad Sugidda iyo Taliye xigeenka. Dhowr sano kaddib, waxaa xarunta laga raray xafiisyadii CID iyo guryahooda, Hoggaanka Socdaalka iyo hoygii Taliyaha iyo Ku-xigeenkiisa, waxaana ku soo haray oo keliya xafiisyada Taliska Nabad Sugidda Soomaaliyeed. Muddo kooban gudahooda, ciidanku wuxuu ku dhaqaaqay horumar xawli lagu hirgeliyey oo ay ka mid ahaayeen dhismaha Taliska (Midka hadda jira), Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Deegaanley, Xarunta Hoggaanka Socdaalka, Hoolka Shirarka iyo kuwo fara badan oo aan halkan lagu soo koobi karin. Dhanka xirfadaha, w9axaa la dhisay hoggaammo kooban oo tayo leh, waxaa la hirgeliyey ilooyin (sources) fara badan oo la xiriira hawlaha loo igmaday sida tagaasi, gaadiidka dadweynaha, baarar, maqaayado, guryo gaar ah (Safe Houses), xarumaha ciidanka ee gobollada iyo degmooyinka dalku ka kooban yahay, wakiillo ka hawlgala xafiisyada kala duwan ee dawladda, xoojinta tababarrada kala duwan (gudaha dalka iyo dibeddiisaba) ee xubnaha ciidanka, ha ahaadeen kuwo cusub iyo kuwo hore uga tirsanaa ciidanka, xiriirka ha’adaha sirdoonka ee dawladaha shisheeye sida Talyaaniga, Maraykanka, Ruushka, Fransiisaka, Masar, Sacuudiga, Qatar, Cumaan, Kuwayt, Jarmalka iyo kuwo kaloo farabadan oo halkan lagu xusi karin. Waxaa xusid mudan ii xiriirka hay’adahan ku dhisnaa is-qaddarin ay ka maran tahay faragelin toos ama mid dadban. Haddaba, waxaa is weydiin leh: Muxuu dhaxlay ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliyeed? Hoggaammadii ku dhisnaa hawlaha kala duwan ee ciidanku u xilsaarnaa, sida Hoggaanka Gobollaha, Arrimaha Dibedda, Baarista, Tababarrada, Ciidammada, Hawlgallada, Lid-Xuuraanka (Counter Intelligence) waxay maanta isu beddeleen, hoggaamo ay kala maamulaan dawlado shisheeye oo inta badan qaarkood aan xiriir naga dhexayn iyo kuwo kale oo aan iska ilaalineynay, maantana fursad u haystaan inay si toos ah ugu adeegtaan uguna fushadaan danahooda gaarka ah. Wakiillada sirdoonka shisheeye ee aan xiriirka lahayn, marka ay doonayaan inay la kulmaan madaxda ama ay soo booqdaan, waxay soo gudbin jireen codsi, haddana iyagii baa loo kala dhuumanayaa gacantana loo hoorsanayaa. Waa ayaandarro in ciidanku sidaa ku dambeeyo, iyadoo meel looga dhacay juhdigii loo soo galay laguna tirin jiray xilligaa inay ka mid ahaayeen sirdoonnada Afrika ugu firfircoon uguna horumarsan. La soco qaybaha xiga W/Q: Ahmed Karate e-mail: amm.karate@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  25. Shir u dhexeeyo dalalka Soomaaliya, Eritareeya iyo Itoobiya ayaa ka furmay magaalada Casmara ee Eritareeya. Shirkaan waxaa ku kulmaya seddexda qof ee ugu sarreeyso dalalka ay matalayaan. Dhinaca Soomaalida waxaa durbadiiba bilowday dhaliil iyo cabsi laga qabo in dalkeennu ku dhaco halis qarsoon oo meelo fog laga soo maleegay. Haddaba aniga oo ka duulayo dareenka shacabka ila midka ah ayaan jeclaystay inaan qormo gaaban ku cabbiro sida aan u arko kulankaas iyo waxa laga filan karo. Marka hore aan qiro inaan ku jiro dadka aaminsan in Itoobiya ay tahay guumayste. Dal ku caan baxay guumaystenimo wuxuu la mid yahay ruux tuugnimo ku caanbaxay. Si walba oo uu wanaag muujiyo oogta waarina safka hore masaajidka aad ugu aragtid, mar walba oo aad aragto ruuxa aad qaadqaad ku taqaannay waxaad qabtaa tuhun ah inuu xatooyo maaggan yahay ishana waxaad la raaci dhinaca uu safka ka galo. Si la mid ah, wanaag walba oo uu guumayste muujiyo, marnaba tuhun ah inuu khiyaano iyo shirqool maleegayo meesha lagama saaro. Sidaas awgeed, maadaama aan Itoobiya guumayste u arko, way adagtahay inuu wanaag iiga muuqdo meel ay ku jirto. Adigoo taas cindiga ku hayo akhri qormadaan. Geeska Afrika waxaa ka socdo loollan xawaare dheereeyo ku socdo oo uu dhexeeyo quwadaha dunida ugu tunka weyn. Awal Shiine iyo Maraykan ayaan ogayn. Hadda waxaa kusoo biiray Ruushka. Seddexdaan dal dhexdooda waxaa ku jiro kuwo quwad dhexe ah oo kala taabacsan dalalkaas iskuna dayayo inay dillaalaan waddamada Geeska ee duullaanka lagu yahay. Duullaan lagu doonayo in lagu hanto maamulka iyo taageerada waddamada Bariga Afrika maahan mid cusub. Dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay ree Galbeedka iyo Soofiyeedki Bariga Afrika ayaa dhextaal u ahaa oo si adag loogu loollamay. Quwadaha is garbinayo way yaqaannaan meesha ay u socdaan iyo cidda ay u marayaan danahooda. Sidoo kale, waxay yaqannaan sida loola macaamilo dal walba oo Geeska ka mid ah iyo waxa laga fili karo. Soomaaliya waxaa haysato labo daran mid dooro. Kan hore waa inay iska indho tirto loollanka socdo kuna mashuquusho dhibaatooyinka gudaha ka haysto xal u heliddooda. Haddii taasi ay doorato waxay heli inay u madaxbannanaato siyaasaddeeda dibada go’aammada ay qaadanaysana ay noqdaan kuwa madaxdeeda kalia ka yimid. Hasa ahaatee, waxaa ka dhalan in dalkeeda la qaybsado iyadoo loo marayo maamul goboleeyda iyo siyaasiyiin aan cidna matalin laakiin aqoonsi been ah la siiyo. Sidoo kale, waxaa wiiqmi awoodda dowladda dhexe waxayna waayi qaddarinti ay ku lahayd caalamka iyo dowladaha danaynayo inay ku lug yeeshaan loollanka mandhiqadda. Horay ayaa loo yiri haddii aadan ku jirin kuwa miiska qadada fadhiyo waxad ku jirtaa cuntada la dalbanayo. Dhinaca kale, haddii ay ku biirto dadka miiska fadhiyo iskuna daydo, sida ay haddaba yeelayso inay ka mid noqoto dalalka xisaabta ku jiro ee qoondo doonka, waxaa imaan in faragalin badan lagu sameeyo jihada siyaasadda arrimaha dibadda u socoto; inay dhinac u badato mararka dalal is qabtanna aysan dhexdhexaad noqon; inay gasho heshiisyo huumaal badan ku jiro lagana yaabo inay noqdaan kuwa god ku rido mustaqbalka dalka. Hadii ay noqoto in labadaan mid la doorto kee habboon dhibse yar? Aniga aragtidayda, waxay masxaladdu ku jirtaa kan hore oo ah in aanan laga maqnaan miiska wadahallada iyo meelaha wax lagu qaybsanayo. Kow, qaybtu waa lama huraan waxaa duullaanka lagu yahay ee la qaybsanayana waa dalkaada. Joog ama ka maqnow, sidii horay u dhacdayda, dalalka shihseeye inay Soomaliya kala goostaan waa ka go’antahay. Haddii goobta dad ku matalaya joogaan gorgortanka ayaad kow ka tahay waxaadna yarayn waaxdi dillaalku qaadan lahaa iyo inay Carab ku iibiso sidii Saciid Barqash hadda ka horba noo iibsaday. Labo, haddii aad joogta meesha wax lagu qaybsanayo waxay u badan tahay wax markaad maqantahay lagu fakeri lahaa in aan lagu dhiirran sidaa darteed khatarta ayaa yaraan. Saddex, dowladda dhexe ayaa noqon albaabka dalka loo maro waxaana booska ka bixi baahidi loo qabi laha in lala macaamilo maamul goboleedyada. Afar, lagaba yaabo inuu kheyr yahay oo maalgashiga iyo arrimaha la sheegayo run noqdaan halkaas dalkeennu ku baahi baxo. Shirka seddex geesoodka iyo loollanka caalamiga maxaa ka dhaxeeyo? Ilaa hadda lama hayo faahfaahinta shirka iyo qodobadda ugu muhiimsan ee looga arrinsan doono, hasa ahaatee ajandaha shirka ayaa lagu sheegay inuu yahay iskaashi xagga dhaqaalaha iyo amniga ah. Seddexda dal waxay u arkaan inuu isku xiran yahay horumarkooda iyo aminigooda waana sida dhabta ah ee ay tahay laakiin horay loo waayay cid fuliso haddana aysan muuqan wax muujinayo in daacad laga yahay. Haddii taasi dhab tahay, waxa loo gogol xaarayo ee la rabo in lasoo dhaweeyo waa quwado shisheeye oo hadda xagga dabe ku dhuumanayo kuwaas oo laga rabo taageero dhaqaale iyo maalgahsi xooggan. Eritareeya ayaa hadda ah madasha ugu muhiimsan ee dihin. Jabuuti waxaa horay u qaatay Shiine Soomaaliyana waa meel aan hadda laga dhisan karin saldhig ciidan iyo rugo ganacsi oo waaweyn. Si hadda Eritareeya u hesho waxa ay rabto waxay u baahantahay taageero ay ka hesho dalalka dariska ah iyo in la xaliyo arriamaha kala dhaxeeyo Jabuuti. Itoobiya ayaa iyadu dhinaceeda rabto inay noqoto malkada loo maro maalgashiga Eritareeya iyo kan Soomaaliya sidi horayba Shiine ugu maray midka Jabuuti. Soomaaliya iyadu waxay doonaysaa inay isu muujiso dal soo hagaagay oo hadda diyaar u ah maalgashi wixii la galiyana aysan lumin doonin taasoo ay adagtahay in lagu qanciyo maalgashadaayasha caalamiga ah. Si wax looga baddalo maalgashadayaasha guulowsan, Soomaaliya waxay u baahantahay taageerada waddamada dariska ah oo muujiyo inay ku faraxsan yihiin inay qayb ka noqdaan maalgashiga Soomaaliya. Sidoo kale, amniga Soomaaliya waxaa qayb weyn ka ah labada dal ee kale kuwaas taageero kala duwan siinayay kooxaha qaska ka wada dalka. Haddaba baahiyaha kale duwan ee dal walba gooni u hayso iyo rabitaanka ah gaaridda horumar ballaaran ayaa keenay inay isu yimaadaan dalal ay adag tahay in la fahmo ganacsiga iyo maalagshiga ay is waydaarsan karaan. Waxaa la tuhmayaa in waddamo ay ka mid yihiin Maryakanka iyo Imaaraatku ay sheedda kala socdaan shirka dibna ay ooga soo biiri doonaan wadahadalka.Haddii lagu guulayso sida wax loo dhigay waxaa la gaari amni waaro iyo horumar fiican. Waayo waddamada oo is waydaarsado hanti muuqato waxay keeni inaysan faragalin siyaasadeed isku samayn, mid walbana waxay qasaaro oogu Jiri dumidda midka kale. Hasa yeeshee, arriamahaan ma khatar yaro. Haddii ay dhacdo in heshiishyo waaweyn lala galo mid ka mid ah dalalka is hayo waxaa imaan in mid kale ka caroodo ka dibna uu qaado tallaabooyin wax u dhimi karo dowladda tabarta daran ee Soomaaliya. Hadda waxaa suuqa ku jirta in Ruushu doonayo inuu aqoonsado Soomaalilaan si uu booska ooga helo Bariga Afrika. Maraynka oo u guulaysto Casamara iyo Xamar waxaa laga yaabaa inay keento aqoonsi dag dag ah oo uu Ruushku siiyo Soomaalilaan halkaas u ka dhisto saldhig ciidan. Saddex dal oo Soomaaliyeed (Jabuuti, Soomaalilaan iyo Soomaaliya) oo isu muuqdo inay kala marti galiyaan saddexda dal ee ugu awoodda badan caalamka hardan adagna uu ka dhexeeyo maahan mid la dhayalsan karo. Si kastaba ha ahaatee, horumar aan khatar loo qaadan lama helo. Jarribka iyo tijaabooyinku waa illinka laga galo horumarka. Laakiin masiirka dalku ma noqon karo mid tijaabo galo. Tallaabo walba oo la qaadayo waxaa lagama maarmaan ah in la mariyo baaritaanno kala duwan hayadaha dowladduna eegaan oo si dhab ah u fiiriyaan. Sidoo kale waxaa lama huraan ah in la mariyo golaha shacabka ka hor inta uusan dhaqan galin. Indho soo jeeda iyo qalbi ogsoon khiyaada iyo hagardaamooyinka Itoobiya waa in lagu galaa heshiis walba oo Itoobiya qayb ka tahay. Ugu danbayn maadaama aan si dhab ah loo ogayn qodobada lagu heshiin doono, aragti sugan lagama qaadan karo shirkaan gaarka ah. Sidaa awgeed, waxa ay qormadu cabbirayso waa ka qayb noqoshada loollanka jiro iyo inaan bannaan cidla ah lagus oo dhicin. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/ Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid