Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,458
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Inta u dhexaysa Jalam iyo Xarfo Dowladda Jarmalka ayaa shaacisay in ay joojisay maal-gelinta mashruucii dayac-tirka wadada u dhexaysa magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo,kadib markii ay xisaab-celin ka waday hay’adihii dowladda Puntland ee qaabilsanaa fulinta iyo hir-gelinta mashruuca. Warbixin ay soo saartay safaaradda Jarmalka ee magaalada Nairobi,ayaa lagu sheegay in mashruuca dayac-tirka laamiga xiriiriya Garoowe iyo Gaalkacyo, oo ay dowladda Jarmalku maal-gelinaysay uu ka socon waayay,daahfurnaan la’aan ka timid dhinaca hay’adda waddooyinka Puntland ee(PHA). Maal-gelinta mashruucan ayaa waxaa Jarmalka wakiil uga ahaa hay’adda u qaabilsan dhanka horumarinta ee(GIZ),halka hir-gelinta iyo fulinteeda loo xilsaaray hay’adda waddooyinka Puntland ee(PHA),waxaana loogu tala-gelay,dayac-tirka masaafo dhan 80km oo ka tirsan laamiga,gaar ahaanna inta u dhexaysa Jalam iyo Xarfo. Sida lagu xusay warbixinta ay soo saartay safaaradda Jarmalku,mashruucan ayaa la qorsheeyay in uu bilowdo bishii April ee 2017,islamarkaana la soo geba-gabeeyo bishii May ee sannadkaan 2018,hase yeeshe qorshahaasi ma hir-gelin,kadib markii dhinaca PHA laga waayay daahfurnaan iyo xisaab-celin lagu wada-shaqeyn karo. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Jarmalka oo joojiyay mashruucii dhismaha Wadada Garowe iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Djibouti ayaa shaaca ka qaaday in kaalinta wadahadalka kala dhexeeya dowlada Eriterea ay uga mahad celineyso dowlada Sacuudi Arabia. Qoraal lagu soo daabacay bogga Twitter-ka uu ku leeyahay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa lagu sheegay In dowladda Sucuudiga ay dhex dhexaadineyso labada dal. Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu sheegay in dowlada Sacuudiga ay kaalin mug leh ka qaadatay dhex dhexaadinta Jabouti iyo Eriterea oo wali socda. Wasiirka waxa uu soo hadal qaaday oo uu ka hambalyeeyay doorka dowladda Ethiopia ee ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa muranka u dhaxeeya dalalka Jabuuti iyo Eritrea. Wasiirku kama uusan hadal kaalinta ay dowlada Somalia ka qaadaneyso wadahadalka oo la rumeysan yahay inay sabab u tahay Somalia. Wadahadalka dowladaha Jabouti iyo Eriterea ayaa waxaa garwadeen ka ah dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea ayaa Khamiistii tagay dalka Jabuuti, waxaana ay la kulmeen Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Maxamuud Cali Yuusuf. Si kastaba ha ahaatee dowlada Jabouti ayaan la ogeyn sababta ay Somalia uga saartay liiska dowladaha kaalinta ka qaadanaaya xalinta khilaaf Siyaasadeedka Eriteria iyo Jabouti. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Nairobi (Caasimada Online)-Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa khaarijisay horjoogayaal ajaaniib ahaa oo ka tirsanaa Kooxda kuwaa oo la sheegay in markii danbe ay ku biireen Daacishta Somalia. Maleeshiyada ayaa Horjoogayaasha ku khaarijisay degaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan,kuwaas oo lagu eedeeyay in ay u basaasayeen AMISOM iyo DFS. Wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya ayaa daabacay in maleeshiyada Al-Shabaab ay dishay laba Horjooge oo markii dambase ku biiray Daacish, hase yeeshee dusha laga saaray inay ahaayen basaasiin. Horjoogayaasha la khaarijiyay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Axmed Yuusuf Xasan iyo Axmed Nuur Cosoble oo asal ahaan ka soo jeeda Gobolka Soomaalida ee Kenya. Dadka kale ee Kenyaanka ah ee la dilay waxaa ka mid ah Ardey ka tirsanaa Jaamacadda Moi ee Dalka Kenya,kaas oo ku biiray Al-shabaab,waxaana lagu magacaabi jiray Jared Mukaya Omambia. Waxaa xubnaha ay Khaarijiyeen Al-Shabaab ee iyaga ka tirsanaa kamid ahaa Cabdalla Talal Musa iyo Faraj Abdulmajid oo iyaguna ka soo jeeda Mombasa, waxaana dilkooda xaqiijisay dowlada Kenya. Sidoo kale, Wargeysyada Kenya ayaa qoray in dilalka Horjoogayaasha iyo muwaadiniintaasi ay ka danbeysay kadib markii taliye sare oo Kenyaan ah kana tirsan Al-shabaab oo lagu magacaabo Axmed Iman Cali ay isku dhaceen Hoggaanka sare ee Al-Shabaab. Axmed Iman Cali, ayaa iminka doonaya in uu ku dhawaaqo ku biirista Kooxda Daacish ee uu Hogaamiyo Cabdulkhaadir Muumin. Si kastaba ha ahaatee, Al-Shabaab ayaa inta badan disha Horjoogayaasha kasoo jeeda dalka Kenya oo dilkooda marmarsiyo looga dhigo inay basaasiin yihiin. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha dowlada islaamiga ah ee Iran Ayatollah Seyyed Ali Khamenei, ayaa sheegay inay u muuqaneyso daciifnimo heysata Hogaamiyayaasha dalalka Muslimka ah. Khamenei, waxa uu sheegay in inta badan Hogaamiyayaashu ay yihiin kuwo u go’ay reer galbeedka waxa uuna shaki galiyay aasaaska waxa ay ka aaminsan yihiin diintooda. Dowladaha Mareykanka, Israel iyo dowlado kale ayuu sheegay inay ku feeshan yihiin Hogaamiyayaasha oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo dayacay amaanada. Waxa uu Khamenei, carab ***** inay muhiim tahay in Hogaamiyayaashu ay dib ugu laabtan waxa uu farayo islaamka, hase yeeshe waxa uu meesha ka saaray in xiligan uu jiro Hogaamiye ay dhab ka tahay waxa uu rumeysan yahay. Khamenei, waxa uu intaa raciyay in xiriirka iyo wadajir ka muslimiinta ay tahay mid muhiim u ah guud ahaan muslimiinta ku nool caalamka, isla markaana la doonayo in la sameeyo isku xir iyo difaaca diinta. Mr Khamenei ayaa tilmaamay in midnimada iyo wada shaqeynta muslimiinta ay horseedi karto in nabad waarta lagu soo dabaalo bariga dhexe iyo guud ahaan dalalka carbeed. “Waxaa jira dowlado carbeed hadana muslim ah lana shaqeeya reer galbeedka, waxaa shaki ku jira waxa ay ka aaminsan yihiin diintooda, waa inaanu iska qabanaa kuwa noocaasi ah ee macluumaadkeena la wadaagi kara reer galbeedka” Sidoo kale, Mr Khamenei ayaa maalinimadii shalay kulan la qaatay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan kaa oo ka dhacay magaalada caasimda ah ee Tehran. Madasha ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa madaxweynaha ruushka Vladimir Putin, iyadoo goobta looga hadlay xaalada dalalka muslimka ah oo ay la degtay colaada sokeeye. Docda kale, Mr Khamenei, ayaa sheegay in midow iyo midnimo dhex martaa muslimiinta ay walaac galineyso dowlado ay ugu horeyso Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Dowladd federaalka ah ee Soomaaliya iyo bangiga adduunka ayaa bilaabay mashruuc lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee Soomaliya. Mashruucan oo la magac-baxay “SURP” oo ah dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee magaalooyinka waxaa ku kacaya ilaa $ 9 million. Hindisahan ayaa noqonaya markii ugu horeysay ee dalku marayo imtixaan rasmiga oo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ah. “Kaalinta Bangiga adduuka, waa la shaqeynta dowladda Soomaaliya sidii loo tababari lahaa iyo in dowladda awood u hesho inay islaax iyo horumar gaarto”. Sidaasi waxaa yiri Hugh Riddell, oo u qeybsanaha Bangiga adduuka ee Soomaaliya. Mashruucan waa ka faa’ideysanaya magaalooyinka Mogadishu, Garowe, Kismayo iyo Baidoa. Magaalooyinkaas waxaa loo doortay waa kuwa ay ku badan yihiin dadka ku soo noqonaya ama ku soo barakacaya. Mashruucan waxaa uu imaanayaa kadib markii dowladda Jarmalka ay sheegtay inay horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Soomaaliya ku bixin-doonto EUR 23.4 million Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. The African Union Commission (AUC) has welcomed the normalisation of relations between Djibouti and Eritrea that was announced on Thursday, after marathon negotiations moderated by Ethiopia and Somalia Source: Hiiraan Online
  7. Qoraal lagu baahiyey barta Twitterka ku leedahay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ciidamada ammaanka sameeyeen ku qabteen xubno ka mid ah Al-shabaab. Waxaa qoraalkan lagu sheegay in howlgalkan ahaa mid qorsheysan, mana sheegin degmada howlgalkan laga fuliyey iyo sidoo kale tirada raggan la qabtay. “7da Sabtembar, howlgal ayaa ciidanka amnigu kusoo qabteen koox Al-Shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada muqdisho ka fuliyaan, Ciidanka amnigu waxay naftooda u huraan soo qabashada argagixisada ah ayagoo khatar ku ah shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. NISA ayaa horey sidan oo kale u shaacisey iney qabteen xubno ka mid ah Al-shabaab oo ka shaqeynayey amni darri ka dhacda magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. A Chinese man has been deported after a video emerged of him making racist comments, Kenya's immigration department says. Source: Hiiraan Online
  9. Wasiirkii hore ee warfaafinta Khaatuma Axmed Maxamed Xasan(Gacma Yare) oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa ka tacsiyadeeyay geerida dadkii ku dhintay dagaal beeleed ka soo cusboonaaday degaanka Dhumay ee gobolka Sool. Siyaasi Axmed Gacma Yare wuxuu sheegay in nasiib darro ay tahay in iyadoo weli maanka lagu hayo dagaalladii horay u dhacay ee khasaaraha badan dhaliyay in haddana dagaal kale uu yimid. Wuxuu sheegay in beelaha walaalaha ah eek u dagaallamaya duleedka magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood uu jeedinayo in dirirta ay joojiyaan. Dhanka kale, siyaasiga ayaa ugu baaqay dhinacyada Puntland iyo Somaliland in arrimaha siyaasadda iyo gacmaha ay ka daayaan degaanka iyo beelaha dirirsan dhexdooda, oo nabadda uun loogu yeero lagana qeyb qaato. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/SIYAASI-GACMA-YARE-07-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Deganaansho ayaa saakay laga soo sheegayaa iney ka taagan tahay deegaanka Dhumay oo ay ku dagaallameen Beello wada deggan halkaasi. Wariyaha Goobjoog ee gobolkaasi Faarax Dubad ayaa soo sheegaya in saakay xaaladdu tahay mid caadi ah, balse ay jirto xiisad u dhaxeeysa beelihii dagaallamay. Ku dhowaad 20 qof ayaa ku dhintey dagaalladii ugu dambeeyey ee shalay ka dhacay deegaanka Dhumay, waxaana dhanka kale socda dedaallo lagu doonayo in xiisaddan lagu qaboojiyo. Dagaalladan ayaa salka ku haya aanooyin qabiil oo beelahan horey uga dhaxeysay, iyadoo ay jireen dedaallo horey dhinacyadan heshiis loogu dhex dhigay. Somaliland ayaa qorsheyneysa in ciidan badan ay kala dhex dhigto maleeshiyaadka dagaallamaya, si aanu khasaaraha usii badan. Dhanka kale, dagaalkan ayaa waxaa jira guryo badan oo ku gubtay, iyadoo dhanka kale dadweyne badan ay barakaceen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Canab Axmed Ciise oo ah guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa ku baaqday in la helo amni waara oo ka dhasha wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar oo ay ku bateen weerarada Al-shabaab ka fuliyaan. Waxa ay sheegtay in Labo Sano u dhammaatay maamulkooda, waxaana ay si gaar ah ugu baaqday shacabka Hirshabelle iyo maamulka in si wadajir ah u furaan wadadaasi. “Labo saac ayaan u socon jirnay magaalada Muqdisho, waxaana hadda sugnaa diyaarad oo cirka ayaan marnaa, waxaan ku dhiirogelinayaa, xildhibaannada, ciidamada, golaha wasiirada, ganacsatada iyo shacabka inaan furno jidka Balcad” ayeey tiri Canab. Sidoo kale, Canab ayaa sheegtay in wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ay amni ka dhigi karaan ciidamada Hirshabelle oo taageero ka helaya shacabkooda. Marar badan ayaa dagaalyahannada Al-shabaab waxa ay weeraro ka fuliyeen wadadan, waxaana jirta mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo wadadaasi lagu diley. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Journalists in Somalia continue to face difficulties including death despite progress in defense of human rights, the UN has said. Source: Hiiraan Online
  13. Diyaarado dagaal oo aan weli la sheegin dalka laga leeyahay ayaa xalay waxa ay duqeyn xooggan ka fuliyeen deegaan ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in diyaaradahan ay bartilmaameedsadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab. Lama oga weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntan, waxaana la sheegayaa in ay jirto waxyeello soo gaartay xubno ka mid ah Al-shabaab. Duqeynta sidan oo kale ah ayaa inta badan waxaa gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ka fuliya diyaaradaha Maraykanka iyo kuwa Kenya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. A man was shot to death Friday evening behind a restaurant in the Cedar-Riverside neighborhood. Source: Hiiraan Online
  15. North Eastern regional commissioner Mohamed Birik has cautioned businessmen and transporters against engaging in illicit trade. Source: Hiiraan Online
  16. The police in Ethiopia said on Friday that the engineer who had been in charge of an enormous dam being built in the northwest of the country had taken his own life. The body of the engineer, Semegnew Bekele, was found slumped behind the wheel of his car in the capital, Addis Ababa, in July. Source: Hiiraan Online
  17. Lawmakers in Ethiopia’s eastern Somali regional state have voted to restore a flag that was changed by the erstwhile president Abdi Mohamoud Omar a.k.a. Abdi Illey. Source: Hiiraan Online
  18. Media outlets and politicians in Belgium expressed shock and dismay Friday after two high-profile reports of racism rocked the kingdom this week, raising troubling questions about white attitudes a few weeks before local elections. Source: Hiiraan Online
  19. That's the question former President Barack Obama asked in a speech at the University of Illinois on Friday, taking direct aim at not only the presidency of Donald Trump but also at the broader Republican Party's capitulation to him. Source: Hiiraan Online
  20. Jilib (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan warar xog-ogaal ah, oo ay heshay Caasimada Online, duqeyn xooggan oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in duqeynta si gaar ah loola beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan amniyaatka ama sirdoonka kooxda Al-Shabaab, oo ku lug lahaa qaraxyo badan oo ka dhacay Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya. Xogta ay heleyso Caasimada Online ayaa sheegeysa in sarkaalkaasi la aaminsan yahay inuu si gaar ah kaalin xooggan ugu lahaa weerarkii ugu cuslaa tariikhda Soomaaliya ee 14-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Qaraxaasi oo loo adeegsaday baabuur xamuul ah ayaa waxaa ku dhintay 587 qof, waxaana ku dhaawacmay 316 qof oo kale. Wuxuu ahaa qaraxii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya iyo midkii shanaad ee taariikhda dunida. Sarkaalka weerarka xalay beegsaday ayaa waxaa sidoo kale la socday saddex sarkaal oo kale oo ka tirsan amniyaatka Al-Shabaab. Inkasta oo weerarka lala beegsaday xubnahan, haddana weli ma cadda geeridooda. Sidoo kale, ma cadda cidda fulisay weerarka, hase yeeshee waxaa loo badinayaa diyaaradaha dagaalka Mareykanka. Ma jirto cid illaa iyo hadda war rasmi ah kasoo saartay weerarkan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  21. Aqoonyahan Professor Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay mas’uul ka tahay khilaafka xooggan ee u dhaxeeya ayada iyo madaxda maamul goboleedyada dalka, oo shir ka dhan ah dowladda ku leh Kismaayo. Samatar ayaa sheegay in dowladda ay faro-gelin ba’an ku hayso maamul goboleedyada, ayaguna ay ku jiraan iska caabin, taasina ay sabab u tahay khilaafka u dhaxeeya labada dhinac, ee meesha xun gaaray. “Dowladduu waxay isku dayaysaa in dhammaan gobollada ay madax uga dhigto xubno ayada ku xiran oo hoos taga, oo waxay doonaysaa inay beddesho madaxda hadda xilalka haya” ayuu yiri. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inuu isaga uu si gaar ah u ogyahay qorshe ka dhan ah qaar ka mid ah madaxda maamullada, oo dowladda federaalka ay waddo. “Waxaan si gaar ah u ogahay in dowladda ay ka shaqeyneyso qorshe ka dhan ah Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan, oo ay doorashooyin kusoo socdaan, waxaana dowladda ay damacsan tahay inay ku beddesho xubno ayada hoos-taga” ayuu yiri Samatar. Dhinaca kale, Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inay habooneyd in madaxweyne Farmaajo nuu tago Kismaayo, intii uu ka tagi lahaa Asmara, uuna la hadlo madaxda maamul goboleedyada, oo uu isku keeno shacabka iyo dadka kala careysan.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qorsho lagu doonayo in lagu mideeyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee ka jira Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho kuwooda ugu miisaanka culus. Qorshahaani ayaa waxaa horboodaya Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud waxaana qeyb ka ah Xildhibaano iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo. Talaabada lagu doonaayo in lagu mideeyo Xisbiyada ayaa waxa lasoo sheegayaa in wali uu ka taagan yahay Isfahan la’aan aan ka jirta dhanka Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ah guddoomiyaha xisbiga Wadajir. C/raxmaan Cabdi Shakuur, oo laga sugayo Jawaab ogolaansho ama mid diidmo ayaan wali qaadan wax go’aan ah, xili Xisbiyada kale ay yihiin kuwo u go’ay talo soo jeedinta Xasan Sheekh. C/raxmaan Cabdi Shakuur, ayaa ka meermeeraya diidmada iyo ogolaanshiyaha mideynta Xisbiyada, hase yeeshee waxaa soo baxaya in Isfahan la’aanta jirta ay tahay mid salka ku heysa shaqsiga noqon lahaa Guddoomiyaha Xisbiga lagu dhawaaqi lahaa. Siyaasiyiin ka tirsan garabyada mucaaradka ayaa inoo xaqiijiyay in sababta ugu weyn ay tahay in C/raxmaan Cabdi Shakuur uu doonayo in laga dhigo Guddoomiyaha, halka Xasan Sheekh uu isna ka doonaayo inuu noqdo madaxa ugu sareeya ee Xisbiga lagu midoobi doono. Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay in arrintani dhameystirkeeda ay ku guda jiraan Xildhibaano ka tirsan mucaaradka oo qudhooda kasoo dhexmuuqan doona xisbiga. Geesta kale, waxaa jira Isfahan yari ka taagan sida loo kala qaadan lahaa kuraasta ugu waaweyn ee xisbiga la filaayo in lagu dhawaaqo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Onkien) – Ciidamada Nabadsugidda Somalia ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen xaafad ka tirsan Muqdisho waxa ay ku soo qabteen rag ka tirsan Al-Shabaab, oo qorsheynayey weerar culus oo ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho. War kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen koox Shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorsheysan oo ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho, sida ay hadalka u dhigeen. “7-da Sabtembar, howlgal ayaa ciidanka amnigu kusoo qabteen koox Al-Shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada Muqdisho ka fuliyaan, Ciidanka amnigu waxay naftooda u huraan soo qabashada argagixisada ah ayagoo khatar ku ah shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka. Nabadsugidda Somalia ma aysan shaacin degmada iyo xaafadda uu si gaar ah uga dhacay howlgalka lagu qabtay xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee qorsheynayay dilalka iyo weerarada. Hay’adda Nabadsugidda ayaa muddooyinkaan dambe Muqdisho ka waday howlgallo qorsheysan,iyaga oo shaacinayey in ay ku soo qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii degmada Xamarweyne ayaa eedo uu u jeediyay ku muteystay shaqo joojin iyo xabsi. Mudane Cumar Shariif Jeeg, ayaa ku eedeeyay Xukuumadda hadda jirta inay tahay midii ugu musuq-maasuqa badnayd ee soo marta dalka, isagoo intaasii ku daray in dalka aysan wax dowlad ah ka jirin. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay ciidamada Booliska Soomaaliya in aan lagu aamni karin amniga dalka, islamarkaana ay yihiin kuwa qaraxyada soo geliya magaalada Muqdisho. Eedeymahan ayaa soo dedejiyay shaqa-joojin todobaadkani lagu sameeyay guddoomiye Cumar Shariif, waxaana si KMG ah shaqada maamulka degmada loogu dhiibay xigeenkiisii dhanka amniga iyo siyaasadda, Axmed Maxamed Iidow, iyadoo sidoo kale xabsiga la dhigay guddoomiyaha. “Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa ahay, waxaa lagu leeyahay Corruption iyo musuqmaasuq ayaa laga hortagayaa, dowladdii ayaa u horseedeysa corruption iyo musuqmaasuq” ayuu yiri guddoomiyihii shaqo joojinta lagu sameeyay. Guddoomiyihii degmada Xamarweyne ayaa intaas ku daray: “Meeshaan la burburinayo waa degmada Xamarweyne, guddoomiyaheeda ayaan ahay waxaan ka warqabo malahan wax la i ogaysiiyay malahan waa boob, tuugnimo iyo dhac waxa loo socdo, waxaan u sheegayaa guddoomiyihii degmada ayaan ahay Kama a warqabo, aaway dowladdii iyo nadaamkii la sheegayay wax ka jira malahan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mudane Shariif Jeeg. Masuuliyiin dhowr ah iyo Taliye-yaal ciidan ayaa xabsi ugu jira musuq-maasuq, iyadoo uu Raysal wasaare Khayre bishii lasoo dhaafay shaqada ka joojiyay Wasiir ku xigeenkii arrimaha dibadda, Mukhtaar Mahad Daa’uud, oo arrimo la xiriira musuq-maasuqa lagu soo eedeeyay. Tan iyo markii uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo u magacaabey xafiiska Ra’iisul Wasaaraha horraantii 2017, Xasan Cali ayaa fagaarooyinka ka sheegayay inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa ragaadiyay dalka 20 sano ee lasoo dhaafay. Haddaba, mareegta Goobjoog News ayaa idiin la wadaagaysa hadalka guddoomiyihii Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg kaasoo shaqo joojin lagu sameeyay. HOOS KA DHAGEYSO https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/CODKA-GUD-XAMARWEYNE-07-09-2018.mp3
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in gudaha bishani isbedel lagu sameyn doono Gudoomiyayasha Degmooyinka Gobolka Banaadir. Isbedelka ayaa waxaa si wada jira iminka uga arinsanaaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Gudoomiyaha Gobolka Banadir Cabdiraxman Yariisow. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la xaqiijiyay in Wasiirka Arrimaha Gudaha uu u gudbiyay liiska Gudoomiyayaasha iyo kuwa cusub ee imaan doona, iyadoo qorshaha uu yahay mid uu kasoo talo bixin doono Wasiir Sabriye. Degmooyinka ugu horeeya ee isbedelka uu saameyn doono ayaa waxaa kamid ah Waabari, Kaaran, Dharkeenley,Wardhiigley, Xamar weyne iyo Howlwadaag, waxaana suuragal ah in ku-xigeeno hadda shaqeeya loo bedelo Gudoomiyayaal buuxa. Gudoomiyayaasha ku bixi doona isku shandheynta ayaa waxaa qaarkood loo heystaa kiisas la xiriira musuq-maasuq dhanka ku tagrifalka canshuuraha ah. Sidoo kale, isbedelka kusoo fool leh Gudoomiyayaasha ayaa dhici doona kadib jawaab celin laga sugaayo Wasiirka arrimaha Gudaha Sabriye oo isagu kaalin weyn ku leh isbedelada Gobolka. Si kastaba ha ahaatee, Gudoomiyayaashan ayaa waxaa magacaabay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Taabit Cabdi, oo si kadis ah ku waayay xilkiisa. Caasaimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com