-
Content Count
206,468 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dr Laurie Marker oo ah haweenay ka shaqaysa daryeelka xayawaanka Haramcad ayaa waxay ku guulaysatay in ay badbaadiso 49 Haramcad kuwaaasi oo ay wateen dadka tahriibiya Duurjoogta, gudaha Somaliland. Wargeyska The National ee dalka Imaaraadka Carabta oo qoray sheeko ku saabsan haweenaydan ayaa sheegay in laba nin oo ka mid ah dadka Haramcadka ugaarsada lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah, waxaana hawshaasi ka shaqeeyay urur ay leedahay Dr. Marker iyo Wasaaradda deegaanka Somaliland. Waxaa ay intaas ku dartay in tiro badan oo ka mid ah Haramcadka bariga kuwaasi oo ku nool wadamada Itoobiya, Soomaaliya iyo Waqooyiga Kenya in ay si dhab ah ay u baaba’een kwa hadda joogana ay halis ugu jiraan in ay dhabar go’aan. Sida uu Wargeyska qoray labo weerar oo la qaaday bishii Agoosto waxaa lagu soo badbaadiyay ku dhowaad 8 Haramcad oo la doonayay in la tahriibiyo. Haramcadkii ugu dambeeyay oo la badbaadiyay bishii lasoo dhaafay ayaa dhawaan dhintay. Dr Laurie ayaa waxaa ay sheegtay in ay xanaaneyso caafimaadka Lix Haramcad kadib markii laga badbaadiyay 5 Agoosto halka mid ka mid ah uu ku geeriyooday meel u dhow dekadda Berbera Haweenaydan ayaa Somaliland ka hawl-galaysay tan iyo 2011kii. Ku dhowaad 1000 kun oo Haramcad ah ayaa laga helayaa guryaha, meelaha bulshada ee wadamada Sacuudiga,Imaaraadka, Kuwit iyo Qatar waxaana la tilmaamaa in ay wax yar sii noolaadaan markii ay weynaadaan. Caddeymo ayaa waxaa ay tilmaamayaan in Haramcadyadan ay si shari darro ah ay uga helaan wadamadan geeska Afrika. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee ku kacsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Go’aannada iyo Baaqa ka soo baxay shirkii Madaxda Maamul Goboleedyada uu caddeyn u yahay in madaxda dowladda ay ku fashilmeen hoggaanka dalka iyo isku heyntiisa. Qoraal uu soo saaray xildhibaanka oo ay lagu lifaaqay War-murtiyeedkii Shirka Kismaayo ayuu ku sheegay in Baaqa dawlad goboleedyada dalku muujinayo in hogaaminta dalka iyo isku heyntiisa ay ku fashilmeen madaxda Dawladda federaalka ah. Halkaan hoose ka akhriso hadalka uu Fiqi soo dhigay Bartiisa Facebook: Baaqa dawlad goboleedyada dalku wuxuu muujinayaa in hogaaminta dalka iyo isku heyntiisa ay ku fashilmeen madaxda Dawladda federaalka ah. Arrimihii amniga, siyaasadda arrimaha dibadda, federaalaynta, arrimaha doorashooyinka, faragalinta dawlad goboleedyada, xasrad abuurid joogto ah, awood marooqsi iyo fulin la’aanta heshiisyadii horey loo galay ayaa ka mid ah qodobada lagu eedeeyey in ay ku fashilmeen madaxda dawladda dhexe, welibana aysan diyaar u ahayn sixidda fashilkaas. Barlamaanka labadiisa aqal, xisbiyada siyaasadda I yo waxgaradka Soomaaliyeed waxaa u yaalla in aysan indhaha ka fiirsan xaaladaan marka marba ka danbeysa hoos u sii socota, lana badbaadiyo dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) -Germany ranks among the most prominent development partners of Somalia. A significant share of German support takes place in Puntland. The German Development Cooperation supports the strengthening of the health sector, of drought resilience and also prepares the upgrade of Technical and Vocational Training (TVET). German support to Puntland’s health sector alone, for example, totals more than 30 million USD. As part of this comprehensive support to Somalia, the German Federal Government partly funds the GIZ „Sustainable Road Maintenance Project” in Somalia. Under this project, GIZ, a German government-owned development agency, provided technical and financial support for the rehabilitation of the JALAM – HARFO section of the GAROWE – GALKAYO corridor to Puntland Highway Authority (PHA). A key part of the mandate of GIZ in the project was to improve the legislative, administrative and technical capacity of national stakeholders in the road transportation sector. The implementation of the rehabilitation activities was planned for the timeframe April 2017 until May 2018. Despite significant and promising results in the beginning of the project in 2016, the contributors of the project subsequently realized that the cooperation between the implementing partners in Puntland was gradually deteriorating. This process led to fundamental principles of transparency and accountability being no longer sufficiently in place during the actual construction works. Repeated attempts by the German Embassy and GIZ to restore an enabling environment for external support did not result in the required changes. Consequently, the cooperation between GIZ and PHA had to be terminated. The federal Government as well as the Government of Puntland State of Somalia have been informed accordingly. We deeply regret the consequences of this decision for the economic development of Puntland. We are aware of the importance of the GAROWE – GALKAYO corridor as a lifeline for the economy of the country and the wider region. However, we as international partners cannot compromise on quality in implementation and accountability and transparency in using donor funds. The German Embassy is aware of public statements made by stakeholders involved in the activities, which hold GIZ responsible for the unfortunate development. We reject all claims that earmarked funds have not been made available or have not been released according to the existing contractual framework. All payments were subject to performance during the works and have been released accordingly. Unfortunately, within the contract duration only 14% of the contracted works have been delivered according to the agreed quality standards. We call all stakeholders to refrain from accusations that could potentially harm the cooperation between Puntland and external partners in general. We express our continuous commitment to support the economic development of Somalia in general and Puntland State of Somalia in particular. The funds that could not be released due to the decision to end the cooperation between GIZ and PHA remain partly available and can be re-allocated for other activities. More generally, the German Embassy stresses that the decision will not have an impact on any other programs implemented by the German Development Cooperation in Puntland. Germany looks forward to continuing the good cooperation with its partners on the ground towards sustainable results benefitting the people of Puntland and beyond. PRESS RELEASE
-
Waxgarad iyo culimo ayaa wada dedaallo ay ku doonayaan in lagu xalliyo dagaal beeleed ka dhacay deegaan ka mid ah gobolka Sool. Dagaalladan oo ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool ayaa waxaa ku dhintey ku dhowaad 20 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan. Dagaalkan ayaa bilowday shalay waxaa uuna u dhaxeeyaa beelo wada dega deegaanka Dhumay ee ka tirsan gobolka Sool, waxaana socda waan waan lagu joojinayo dagaalkan. Waxgaradka iyo Culimada ku dhaqan bobolka Sool ayaa waxaa ay sheegeen in ay wadaan wadahadallo lagu qaboojinayo dagaalka u dhaxeeya Maleeshiyaadka. Dagaal beeleedkani oo u dhaxeysa malleeshiyaad kasoo kala jeeda laba beelood oo dirirtoodu soo laablaabtay ayaa waxaa la sheegay inay salka ku hayso aanooyin iyo dilal hore, oo heshiisyo horey looga gaarey fuli waayay. Labada dhinac ma ahan markii ugu horeysay oo dagaal uu dhexmaro, midka hadda socda ayaa qeyb ka ah dagaallo mudo soo jiitamayay, oo sababay khasaarooyin dhimasha, dhaawac iyo barakac xooggan. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Faarax-Dubad.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxda dowlad gobleedyada Soomaaliya ayaa maanta war-murtiyeed ka soo saaray shirkoodkii Kismaayo oo socday muddo shan berrI ah. Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay in shirka looga hadlay arrimaha amniga iyo siyaasada dalka Soomaaliya, sidoo kale ayaa lagu sheegay in la hakiyay wada shaqeyntii kala dhexeysay dowladda federaalka. Dhanka kale golaha ayaa sheegay in shir kale oo aan caadi ahayn lagu qaban doono10-ka bisha soo socota ee October magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Hooska akhriso War-murtiyeedka oo dhameystiran PUNTLAND POST The post Akhriso:- War ka soo baxay shirkii dowlad goboleedyada Soomaaliya ee Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
War-murtiyeed laga soo saaray shirkii golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in lagu hakiyey xiriirkii ka dhaxeeyey dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Waxa ay dowlad goboleedyada sidoo kale ku eedeeyeen dowladda dhexe farogelin gudaha maamullada ah. Halkaan hoose ka akhriro war-murtiyeedaka: Source: goobjoog.com
-
War Deg Deg ah oo hadda naga soo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ku soo dhamaaday shirkii madaxda maamul Goboleedyada. Shirka ayaa waxaa ka soo baxay in guud ahaan la hakiyay xiriirkii kala dhaxeeyay Dowlada Dhexe ee Soomaaliya. Madaxda maamul Goboleedyada ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku fashilantay in xiriir wanaagsan ay la yeelato Maamul Goboleedyada. Warkaan oo faah faahsan dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Maamul Goboleedyada dalka oo Hakiyay Xiriirkii kala dhaxeeyay DFS appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Shirkii Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo afartii cisho ee la soo dhaafay ka socday magaalada Kismaayo ayaa goor dhow la soo gabagabeeyay. War murtiyeed Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ka soo saareen ayay ug hadleen dhinacyada amniga, siyaasadda, arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka. Maamul goboleedyada ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso maamul goboleedyada, isla markaana shaqaalaha u adeegsanayo burburinta maamulada. Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay inay hakad geliyeen wada shaqeynta kala dhaheysay dowladda Federaalka inta ay ka gelineyso heshiisyadii ay horay u wada gaareen. Waxaa ay dowladda ka dalbadeen in ay joojiso Faragelinta iyo ciisad abuurka,in ay garoshiyo ka bixiso faragelinta iyo in la helo nidaam lagu wada shaqeyn karo iyo qodobo kale.
-
Wasaaradda maaliyadda qoraal ay 5-tii bishan u dirtay dowlad goboleedyada iyo Banaadir waxaa ay ku sheegtay in loo baahanyahay xisaabcelin la xiriirta isticmaalka u gudbiso dowlad goboleedyada gaar ahaan inta u dhaxeysay 01/01/2018-30/06/208, iyaga oo loo soo diri-doono wasaaradda maaliyadda, waxaa kale oo ay dowladd codsatay lacagaha ay dowladda ku bixisay maamul goboleedyada 2017-kii. Dowlad Goboleedyada..Imisa Ayey Ka Heleen Miisaaniyadda? 2018: Qoonadada sanadkan waa sidan: Banaadir: $10.65 million; Puntland: $ 2.0 Million; Jubbaland : $ 1.08 Million; Southwest: $ 2.8 Million; Galmudug: $ 2.8 Million; HirShabelle: $ 2.8 Million 2017: Qoonadada sanadkan waa sidan: Banaadir: Puntland: $4.7 Milyan Jubbaland : $2.7 Milyan Southwest: $14 Milyan Galmudug: $1.4 Miylan iyo HirShabelle: $750,000. Xilli ay dowladda federaalka ah dalbaneyso xisaabcelinta dowlad goboleedyada ayaa waxaa ay jirto in war-murtiyeed ay bishii May ee sanadkan ka soo saareen kalankoodii ay Baydhabo ay ku sheegeen arrin aad u xiiso badan. War-murtiyeedka waxaa ku jirtay “ Waxaa dhaqaale badan oo ku aadan kabidda miisaaniyadda dalka oo dowladda dhexe ka hesho dalal iyo hey’ado kale oo deeq bixiyeyaal ah, mid marta xisaabta dhexe ee dowladda dhexe ma ha noqoto mid aan soo marin, waxaase dhacda in dhaqaalahaasi aysan waxba ka soo gaarin dowlad goboleedyada. Sidaasi darteed goluhu wuxuu ku dhiiri-gelinayaa dalalkaas iyo hey’adahaas inay sameeyaan qoondeyn ku saabsan labada heer dowladeed si loo xaqiinjiyo midnimada iyo isku heynta dalka”. Haddaba, haddii ay dowlad goboleedyada leeyihiin shillin kama helno miisaaniyad kabadidda deeq-bixiyeyaasha halka ay dowladda leedahay waan idiin quudinnaa….Been run sheegaya? Shirka ka socda Kismaayo oo maanta la soo gabagabeyn-doono waxaa lagu wadaa sidoo kale in golaha dowlad goboleedyada ay ka hadlaan Fulin la’aanta dowladda federaalka ah ee qodobka 53aad ee dastuurka iyo sida ay u arkaan xiriirka ay la leeyihiin dowladda dhexe. Waxaa kale oo ay ka hadli-doonaan Fulin la’aanta qorshaha amniga, in aaney caawin hub ama saanad ama xataa tababar ciidmada booliiska ee dowlad goboleedyada Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hooyada dhashay Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne,ayaa ka hadashay xarigga wiilkeeda,waxaana ay sheegtay in wiilkeeda uu ku xiranyahay dabin loo dhigay. Waxaa ay sheegtay in Xisaabiyaha Dowladda hoose ee Muqdisho uu dabinkaas u dhigay wiileeda islamarkaana lacago loogu talagalay dad masaakiin ah uu xisaabiyaha dalbaday in saami laga siiyo. “Waxa weeye Cumar Shariif Mishinaa loo dhigay, mishinkaasina waxaa u dhigay ninka xisaabiyaha ka ah dowladda Hoose, waxaan codsanayaa in wiilkeyga lasii daayo, Farmaajo balaayo kaa daba adeeganaysa allaha hakaa qabto”ayay tiri hooyadasha dhashay Guddoomiyaha Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg. Cumar Shariif Hooyadii ayaa Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ka dalbatay in wiilkeeda laga siidaayo xabsiga si shuruud la’aan ah. Cumar ayaa la xiray todobaadkii la soo dhaafay kaddib amrkii lagu eedeeyay in uu af lagaaddo u geystay Booliska Qaranka,Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya. Muuqaal laga duubay Cumar ayaa muujinayay isaga oo taagan guri la bur buriyay oo ku yaalla Xamarweyne,kaas oo warqadda lagu bur buriyay uusan isaga ogeyn,isaga oo warqadda haya ayuu sheegay in Gurigaas la dumiyay isaga oo aan la ogeysiin musuq maasuqna tahay waxa ka socda Gobolka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Inta u dhexaysa Jalam iyo Xarfo Dowladda Jarmalka ayaa shaacisay in ay joojisay maal-gelinta mashruucii dayac-tirka wadada u dhexaysa magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo,kadib markii ay xisaab-celin ka waday hay’adihii dowladda Puntland ee qaabilsanaa fulinta iyo hir-gelinta mashruuca. Warbixin ay soo saartay safaaradda Jarmalka ee magaalada Nairobi,ayaa lagu sheegay in mashruuca dayac-tirka laamiga xiriiriya Garoowe iyo Gaalkacyo, oo ay dowladda Jarmalku maal-gelinaysay uu ka socon waayay,daahfurnaan la’aan ka timid dhinaca hay’adda waddooyinka Puntland ee(PHA). Maal-gelinta mashruucan ayaa waxaa Jarmalka wakiil uga ahaa hay’adda u qaabilsan dhanka horumarinta ee(GIZ),halka hir-gelinta iyo fulinteeda loo xilsaaray hay’adda waddooyinka Puntland ee(PHA),waxaana loogu tala-gelay,dayac-tirka masaafo dhan 80km oo ka tirsan laamiga,gaar ahaanna inta u dhexaysa Jalam iyo Xarfo. Sida lagu xusay warbixinta ay soo saartay safaaradda Jarmalku,mashruucan ayaa la qorsheeyay in uu bilowdo bishii April ee 2017,islamarkaana la soo geba-gabeeyo bishii May ee sannadkaan 2018,hase yeeshe qorshahaasi ma hir-gelin,kadib markii dhinaca PHA laga waayay daahfurnaan iyo xisaab-celin lagu wada-shaqeyn karo. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Jarmalka oo joojiyay mashruucii dhismaha Wadada Garowe iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Djibouti ayaa shaaca ka qaaday in kaalinta wadahadalka kala dhexeeya dowlada Eriterea ay uga mahad celineyso dowlada Sacuudi Arabia. Qoraal lagu soo daabacay bogga Twitter-ka uu ku leeyahay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa lagu sheegay In dowladda Sucuudiga ay dhex dhexaadineyso labada dal. Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu sheegay in dowlada Sacuudiga ay kaalin mug leh ka qaadatay dhex dhexaadinta Jabouti iyo Eriterea oo wali socda. Wasiirka waxa uu soo hadal qaaday oo uu ka hambalyeeyay doorka dowladda Ethiopia ee ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa muranka u dhaxeeya dalalka Jabuuti iyo Eritrea. Wasiirku kama uusan hadal kaalinta ay dowlada Somalia ka qaadaneyso wadahadalka oo la rumeysan yahay inay sabab u tahay Somalia. Wadahadalka dowladaha Jabouti iyo Eriterea ayaa waxaa garwadeen ka ah dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea ayaa Khamiistii tagay dalka Jabuuti, waxaana ay la kulmeen Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Maxamuud Cali Yuusuf. Si kastaba ha ahaatee dowlada Jabouti ayaan la ogeyn sababta ay Somalia uga saartay liiska dowladaha kaalinta ka qaadanaaya xalinta khilaaf Siyaasadeedka Eriteria iyo Jabouti. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa khaarijisay horjoogayaal ajaaniib ahaa oo ka tirsanaa Kooxda kuwaa oo la sheegay in markii danbe ay ku biireen Daacishta Somalia. Maleeshiyada ayaa Horjoogayaasha ku khaarijisay degaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan,kuwaas oo lagu eedeeyay in ay u basaasayeen AMISOM iyo DFS. Wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya ayaa daabacay in maleeshiyada Al-Shabaab ay dishay laba Horjooge oo markii dambase ku biiray Daacish, hase yeeshee dusha laga saaray inay ahaayen basaasiin. Horjoogayaasha la khaarijiyay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Axmed Yuusuf Xasan iyo Axmed Nuur Cosoble oo asal ahaan ka soo jeeda Gobolka Soomaalida ee Kenya. Dadka kale ee Kenyaanka ah ee la dilay waxaa ka mid ah Ardey ka tirsanaa Jaamacadda Moi ee Dalka Kenya,kaas oo ku biiray Al-shabaab,waxaana lagu magacaabi jiray Jared Mukaya Omambia. Waxaa xubnaha ay Khaarijiyeen Al-Shabaab ee iyaga ka tirsanaa kamid ahaa Cabdalla Talal Musa iyo Faraj Abdulmajid oo iyaguna ka soo jeeda Mombasa, waxaana dilkooda xaqiijisay dowlada Kenya. Sidoo kale, Wargeysyada Kenya ayaa qoray in dilalka Horjoogayaasha iyo muwaadiniintaasi ay ka danbeysay kadib markii taliye sare oo Kenyaan ah kana tirsan Al-shabaab oo lagu magacaabo Axmed Iman Cali ay isku dhaceen Hoggaanka sare ee Al-Shabaab. Axmed Iman Cali, ayaa iminka doonaya in uu ku dhawaaqo ku biirista Kooxda Daacish ee uu Hogaamiyo Cabdulkhaadir Muumin. Si kastaba ha ahaatee, Al-Shabaab ayaa inta badan disha Horjoogayaasha kasoo jeeda dalka Kenya oo dilkooda marmarsiyo looga dhigo inay basaasiin yihiin. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha dowlada islaamiga ah ee Iran Ayatollah Seyyed Ali Khamenei, ayaa sheegay inay u muuqaneyso daciifnimo heysata Hogaamiyayaasha dalalka Muslimka ah. Khamenei, waxa uu sheegay in inta badan Hogaamiyayaashu ay yihiin kuwo u go’ay reer galbeedka waxa uuna shaki galiyay aasaaska waxa ay ka aaminsan yihiin diintooda. Dowladaha Mareykanka, Israel iyo dowlado kale ayuu sheegay inay ku feeshan yihiin Hogaamiyayaasha oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo dayacay amaanada. Waxa uu Khamenei, carab ***** inay muhiim tahay in Hogaamiyayaashu ay dib ugu laabtan waxa uu farayo islaamka, hase yeeshe waxa uu meesha ka saaray in xiligan uu jiro Hogaamiye ay dhab ka tahay waxa uu rumeysan yahay. Khamenei, waxa uu intaa raciyay in xiriirka iyo wadajir ka muslimiinta ay tahay mid muhiim u ah guud ahaan muslimiinta ku nool caalamka, isla markaana la doonayo in la sameeyo isku xir iyo difaaca diinta. Mr Khamenei ayaa tilmaamay in midnimada iyo wada shaqeynta muslimiinta ay horseedi karto in nabad waarta lagu soo dabaalo bariga dhexe iyo guud ahaan dalalka carbeed. “Waxaa jira dowlado carbeed hadana muslim ah lana shaqeeya reer galbeedka, waxaa shaki ku jira waxa ay ka aaminsan yihiin diintooda, waa inaanu iska qabanaa kuwa noocaasi ah ee macluumaadkeena la wadaagi kara reer galbeedka” Sidoo kale, Mr Khamenei ayaa maalinimadii shalay kulan la qaatay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan kaa oo ka dhacay magaalada caasimda ah ee Tehran. Madasha ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa madaxweynaha ruushka Vladimir Putin, iyadoo goobta looga hadlay xaalada dalalka muslimka ah oo ay la degtay colaada sokeeye. Docda kale, Mr Khamenei, ayaa sheegay in midow iyo midnimo dhex martaa muslimiinta ay walaac galineyso dowlado ay ugu horeyso Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dowladd federaalka ah ee Soomaaliya iyo bangiga adduunka ayaa bilaabay mashruuc lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale ee Soomaliya. Mashruucan oo la magac-baxay “SURP” oo ah dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee magaalooyinka waxaa ku kacaya ilaa $ 9 million. Hindisahan ayaa noqonaya markii ugu horeysay ee dalku marayo imtixaan rasmiga oo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ah. “Kaalinta Bangiga adduuka, waa la shaqeynta dowladda Soomaaliya sidii loo tababari lahaa iyo in dowladda awood u hesho inay islaax iyo horumar gaarto”. Sidaasi waxaa yiri Hugh Riddell, oo u qeybsanaha Bangiga adduuka ee Soomaaliya. Mashruucan waa ka faa’ideysanaya magaalooyinka Mogadishu, Garowe, Kismayo iyo Baidoa. Magaalooyinkaas waxaa loo doortay waa kuwa ay ku badan yihiin dadka ku soo noqonaya ama ku soo barakacaya. Mashruucan waxaa uu imaanayaa kadib markii dowladda Jarmalka ay sheegtay inay horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Soomaaliya ku bixin-doonto EUR 23.4 million Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qoraal lagu baahiyey barta Twitterka ku leedahay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ciidamada ammaanka sameeyeen ku qabteen xubno ka mid ah Al-shabaab. Waxaa qoraalkan lagu sheegay in howlgalkan ahaa mid qorsheysan, mana sheegin degmada howlgalkan laga fuliyey iyo sidoo kale tirada raggan la qabtay. “7da Sabtembar, howlgal ayaa ciidanka amnigu kusoo qabteen koox Al-Shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada muqdisho ka fuliyaan, Ciidanka amnigu waxay naftooda u huraan soo qabashada argagixisada ah ayagoo khatar ku ah shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. NISA ayaa horey sidan oo kale u shaacisey iney qabteen xubno ka mid ah Al-shabaab oo ka shaqeynayey amni darri ka dhacda magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
A Chinese man has been deported after a video emerged of him making racist comments, Kenya's immigration department says. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirkii hore ee warfaafinta Khaatuma Axmed Maxamed Xasan(Gacma Yare) oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa ka tacsiyadeeyay geerida dadkii ku dhintay dagaal beeleed ka soo cusboonaaday degaanka Dhumay ee gobolka Sool. Siyaasi Axmed Gacma Yare wuxuu sheegay in nasiib darro ay tahay in iyadoo weli maanka lagu hayo dagaalladii horay u dhacay ee khasaaraha badan dhaliyay in haddana dagaal kale uu yimid. Wuxuu sheegay in beelaha walaalaha ah eek u dagaallamaya duleedka magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood uu jeedinayo in dirirta ay joojiyaan. Dhanka kale, siyaasiga ayaa ugu baaqay dhinacyada Puntland iyo Somaliland in arrimaha siyaasadda iyo gacmaha ay ka daayaan degaanka iyo beelaha dirirsan dhexdooda, oo nabadda uun loogu yeero lagana qeyb qaato. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/SIYAASI-GACMA-YARE-07-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Deganaansho ayaa saakay laga soo sheegayaa iney ka taagan tahay deegaanka Dhumay oo ay ku dagaallameen Beello wada deggan halkaasi. Wariyaha Goobjoog ee gobolkaasi Faarax Dubad ayaa soo sheegaya in saakay xaaladdu tahay mid caadi ah, balse ay jirto xiisad u dhaxeeysa beelihii dagaallamay. Ku dhowaad 20 qof ayaa ku dhintey dagaalladii ugu dambeeyey ee shalay ka dhacay deegaanka Dhumay, waxaana dhanka kale socda dedaallo lagu doonayo in xiisaddan lagu qaboojiyo. Dagaalladan ayaa salka ku haya aanooyin qabiil oo beelahan horey uga dhaxeysay, iyadoo ay jireen dedaallo horey dhinacyadan heshiis loogu dhex dhigay. Somaliland ayaa qorsheyneysa in ciidan badan ay kala dhex dhigto maleeshiyaadka dagaallamaya, si aanu khasaaraha usii badan. Dhanka kale, dagaalkan ayaa waxaa jira guryo badan oo ku gubtay, iyadoo dhanka kale dadweyne badan ay barakaceen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Canab Axmed Ciise oo ah guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa ku baaqday in la helo amni waara oo ka dhasha wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar oo ay ku bateen weerarada Al-shabaab ka fuliyaan. Waxa ay sheegtay in Labo Sano u dhammaatay maamulkooda, waxaana ay si gaar ah ugu baaqday shacabka Hirshabelle iyo maamulka in si wadajir ah u furaan wadadaasi. “Labo saac ayaan u socon jirnay magaalada Muqdisho, waxaana hadda sugnaa diyaarad oo cirka ayaan marnaa, waxaan ku dhiirogelinayaa, xildhibaannada, ciidamada, golaha wasiirada, ganacsatada iyo shacabka inaan furno jidka Balcad” ayeey tiri Canab. Sidoo kale, Canab ayaa sheegtay in wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ay amni ka dhigi karaan ciidamada Hirshabelle oo taageero ka helaya shacabkooda. Marar badan ayaa dagaalyahannada Al-shabaab waxa ay weeraro ka fuliyeen wadadan, waxaana jirta mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo wadadaasi lagu diley. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Diyaarado dagaal oo aan weli la sheegin dalka laga leeyahay ayaa xalay waxa ay duqeyn xooggan ka fuliyeen deegaan ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in diyaaradahan ay bartilmaameedsadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab. Lama oga weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntan, waxaana la sheegayaa in ay jirto waxyeello soo gaartay xubno ka mid ah Al-shabaab. Duqeynta sidan oo kale ah ayaa inta badan waxaa gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ka fuliya diyaaradaha Maraykanka iyo kuwa Kenya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com