Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,488
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shacabka Garowe oo Aragti ka dhiibtay Shirkii Kismaayo Ugu Soo dhamaaday Madaxda Maamul-Goboleedyada shanta ah ee dalka. Sidoo kale waxay ka hadleen Baaqii Madaxwayne Farmaajo uu u diray madaxweynayaasha maamullada shanta ah oo ku saabsan ka soo qeyb galka shir wadatashi ah oo ka dhacaya Magaalada Muqdisho. Dadkii aan la hadalnay ayaa ku kala aragti duwanaaday dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXINTA: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Warbixinta-Aragtida-Shacabka-Garowe-Shirkii-Kismaayo-9-9-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Baydhabo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa hadal uu maanta Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ka jeediyay magaalda Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed. Shariif Xasan oo dib ugu laabashadiisa magaalada Baydhabo kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowlada Somalia ay ku fashilantay qorshooyinkii ay la damacsaneyd maamulada. Shariif Xasan ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka sugayeen laba arrin oo kala ah inay Al-Shabaab la dagaalanto iyo in ciidamo wadooyinka muhiimka ah furaya ay keento, hadii intaas ay sameyn weydana ay aheyd inay taageerto ciidanka dowlad goboleedyada, balse labadaas arrimoodba ay ka waayen, sida uu hadalka u dhigay. “Dowladda waxaan ka sugeynay inay Shabaab la dagaalanto, jidadkana furto, weli arrimahaas waxba kama qaban”. Ayuu yiri Shariif Xasan. Shariif Xasan oo dhiiranaa ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan dhab ka aheyn federaalka, sidaasi darteedna ay ka badbaadsan doonaan maamuladooda. Waxa uu Shariif Xasan sheegay in shirkii Kismaayo qof walba uu ka hadlay dareenkiisa, isla markaana laga badin waayay markii la is wareystay in lasoo saaro war-murtiyeedkii shalay, sida uu yiri. Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa ku baaqay in dowlada Somalia ay dib ugu laabato ficiladii ay sameysay waxa uuna carab ***** inay ka tashan doonaan haddii uu arrinku sidaa sii ahaado. Haddalka Shariif Xasan ayaa kusoo beegmaya xili Madaxweynaha Somalia uu shir degdeg ah isugu yeeray Madaxda maamul Goboleedyada ka jira dalka. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  3. Camey oo Gaas garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland,kadib markii uu shalay Kismaayo ku soo xidhay, shirkii madasha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ee halkaasi lagu qabtay. Madaxweynaha ayaa kolkii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe,waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay,madaxweyne ku xigeenka Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Camey),mas’uuliyiin kale oo ka tirsan golayaasha dowladda Puntland,maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe. Mudane. Cabdiweli Maxamed Cali oo saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka caalamiga ah ee Gen. Maxamed Abshir, ayaa faahfaahin ka bixiyay,shirkii madaxda dowlad goboleedyada ee magaalada Kismaayo,waxaana uu shirkaasi ku tilmaamay”mid si guul ah” ku soo dhammaaday,islamarkaana qodobada ka soo baxay yihiin”guul Soomaaliyeed”. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa sheegay,in haddii mas’uuliyad iyo shaqo la wadaago uu mararka qaar imaanayo,khilaaf iyo is-faham la’aan,balse loo baahanyahay in wixii jira laga wada-xaajoodo,dabadeedna si midaysan loogu adeego danaha dalka iyo dadka. Halkaan ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweynaha Puntland oo Garowe dib ugu soo laabtay appeared first on Puntland Post.
  4. Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay hadalkaan xilli uu Maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhaboe e Xarunta Gobolka Baay. Waxa uu sheegay in shirkii ay Madaxda Dowlad Goboleedyada isugu tageen Magalada Kismaayo uu ku yimid dhibaatooyin ay ka tirsanayaan dowladda haba ugu badnaatee inaysan si daacad ah uag qeyb qaadaneyn dagalka lagula jiro shabaab. Waxaa Saxaafada wax ka weeydiisay waxyaabihii keenay inay xiriirka u jaraan dowladda,waxana uu sheegay in ay hakiyeen xiriirkii Wadashaqeyn ay la lahaayeen dowaldda ilaa ay uga soo jawaabeysana uu hakadka ku jiri doono. “Anaga dhibaatooyin badan oo aan tirsaneyno ayaa sabab u ah inaan hakino xiriirkii Wadashaqeyn ee DFS,waxana u aragnay in dowladda ay ka soo horjeedo federaalka,waxan ugu baaqayaa Shacbaka konfur Galbeed inay difaacdaan Federaalka,waxana ku cel celinayaa federaalka difaca ayuu yiri Shariifka. Isaga oo ka jawaabayay Qoraakii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ka soo baxay ee looga dalbaday maamul goboleedyada a ayuu sheegay in Warkaas ay ka arkeen Baraha Bulshada,iyana sidoo kale ay Baraha Bulshada ugu jawaabi doonaan. Si kastaba mid la mid ah hadalka ka soo baxay Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa horay u sheegay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Shariif-Xasan-Sheekh.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa bartiisa Facebook soo dhigay laba qoraal oo iska hor imaanayo oo ku saabsan xubinimadii iyo darajooyinkii ciidamada ee laga xayuubiyey General Cabdalla Cabdalla oo ahaa Taliye ku xigeenkii hore ee NISA. Hey’adda NISA ayaa dhawaan barteeda Twitter-ka soo dhigtay in xubinimadii NISA laga saaray General Cabdalla Cabdalla kadib wareysi uu bixiyay agaasime ku xigeenkii NISA Cabdalla Cabdalla, oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay. Hay’adda ayaa sheegtay in guddi loo xil saaray wareysiga uu bixiyay Cabdalla oo uu kaga hadlay dhibaatooyinka Hay’adda dhexdeeda ka jira. Waxaa qoraalka lagu sheegay in Guddiga ay isla garteen in Cabdalla uusan u qalmin kasii mid ahaanshaha Hay’adda. Xilligaas Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa Facebook kaga hadlay arrintaan, wuxuuna sharci darro ku tilmaamay in Hey’adda NISA ay go’aankaas qaadato, isagoo ku dooday in kaliya xubinimada NISA looga saari karo xukun maxkamadeed iyo go’aan madaxweyne. Haddaba Madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaan darajooyinkii ciidamada ka xayuubiyey General Cabdalla Cabdalla kadib go’aan kasoo baxay Madaxweynaha “Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed waxaa laga dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, isla markaana waxaa laga ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed sababo la xiriira xadgudub sharciga ciidamada qalabka sida iyo xeer hoosaadka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.” Ayaa lagu sheegay wareegtada. Mar kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintaan Facebook kaga soo hadlay isagoo haddana keensaday qodobo cusub oo uu ku sheegay in xubinada NISA iyo Darajada looga xayuubin karo Cabdalla Cabdalla Haddaba su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah waxax ka qaldan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo gacantiisa kusoo qoray laba qoraal oo iska hor imaanayo?!! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Berbera (Caasimadda Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta la wareegtay Haamaha Keydka Shidaalka ee Magaalada Berbera,halkaas oo bilihii la soo dhaafay uu ka taagnaa muran u dhaxeeyay dowladda iyo Ganacsatada. Sida uu sheegay Guddoomiyaha Magaalada Berbera Cabdishakuur Ciddin.,waxaa ay xukuumaddu la wareegtay Haamaha Keydka shidaalka iyada oo goobta ay kula wareegeysayna loo diiday warbaahinta. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xukuumadda ay xoog kula wareegtay Haamaha Keydka Shidaalka oo bilihii la soo dhaafay ismaandhaaf ka taagnaa. Guddoomiyaha Sharikadda BOG ee maamusha Haamaha shidaalka Berbera Cali kooshin ayaa beeniyay in ay wareejiyeen Haamaha,taas oo caddeyn u ah in uu wali jiro khilaaf u dhaxeeya labada dhinac. Ganacsatada ayaa dalbanaya in loo celiyo lagacihii kaga baxay dayactirka Haamaha Keydka SHidaalka haddiiba ay ku wareejiyanayaan dowladda. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu dhawaan soo saaray wareegto ay dowladda kula wareegeyso Haamaha keydka shidaalka. Muranka u dhaxeeya Ganacsatada iyo Xukuumadda ayaa sababay sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka,kaas oo hadda halkii LIiter marayo $1 Doollar,waxaana cidda dhibeysaana tahay dadka Rayidka ah. Caasimada Online Xafiiska Berbera Caasimada@live.com
  7. Waxgaradka gobolka Mudug ayaa ka horyimid go’aankii ay maamul goboleedyada ku hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda Dhexe. Waxa ay sheegeen in ka waxgarad ahaan aanay aqbali doonin arrintaasi, iyaga oo si gaar ah u eedeeyey madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Shir ay maanta iskugu yimaadeen Odoyaashan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegeen in si cad ay uga soo horjeedaan go’aanka ay qaateen Madaxda maamul goboleedyada dalka gaar ahaan waxaa ay dhaliil kulul u soo jeediyeen Madaxweyne Xaaf oo sheegay in maamulkiisa uu xariirka u jaray dowladda dhexe. Waxgaradka iyo Odoyaasha waxaa ay hoosta ka xariiqeen in marnaba aysan raali ka aheyn in xiriirka loo jaro dowladda dhexe ee Soomaaliya waxaa ay intaas ku dareen in uusan Matalin Madaxweyne Xaaf iyaga oo farriin u diray Madaxda sare ee dowladda Federaalka. War-murtiyeed laga soo saaray shalay shirkii golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in lagu hakiyey xiriirkii ka dhaxeeyey dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Waxa ay dowlad goboleedyada sidoo kale ku eedeeyeen dowladda dhexe farogelin gudaha maamullada ah. 120319_001 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. MOGADISHU (Caasimada Online) – Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed, known as ‘Farmajo’ has dismissed former Deputy Director, Gen. Abdalla Abdalla Mohamed from the National Intelligence and Security Agency (NISA). President Farmajo struck off Abdalla Abdalla Mohamed’s ranks as a National Intelligence and Security Agency general, according to statement obtained by Caasimada Online. Mr. Farmajo says he took the decision after recommendation from country’s Intellegence chief. Mohamed, who has been in the office for last six years was accused of violating of the spy agency’s internal regulations. Mohamed has reportedly filed a court complaint containing serious accusations against the Director and Deputy Director of Somali intelligence agency (NISA). The court case was filed before he was sacked and stripped of his ranks by Mohamed Farmajo, the president of Somalia.
  9. Sool (Caasimada Online) – Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimadda Online ayaa xaqiijinaysa in dagaalka ka soo cusboonaaday deegaanada Dhumay iyo Dharkeyn Geeyo ee Koonfurta Sool uu lugaha la galay hoggaamiyeyaasha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey. Dagaal beeleedkan u dhexeeya Bahararsame iyo Qaad ayaa galaaftay nolosha 20 qofood (Labada dhinac), sida la xaqiijiyey halka dhaawaca uu gaarayo afartan (Labada dhinac. Mid ka mid ah waxgaradka ku sugan Dhumay oo qeyb ka ah dadaalada lagu qaboojinayo dhiilada dhalisay cawaaqib xumada ayaa lagu soo warramayaa in uu aad ugu dhaliilay hoggaamiyeyaasha Puntland in ay dagaalkii Tukaraq u soo waarideen Koonfurta Sool iyo isku dhufashada labada beelood ee ood wadaagta ah. Sidoo kale xogta la helayo waxa ay sheegayaan In Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa ay dhaqaale xoog leh ku bixiyeen dagaalka u dhexeeya labada beelood. Ujeedka ay Gaas iyo Camey ka leeyihiin dagaalka labada beelood ayaa ah sida ay xogta ku soo gaareyso Caasimada Online in mas’uuliyadda dagaalkaas ay ku eedeeyaan maamulka Hargeysa, kaddibna ay ku dhuftaan labada beelood oo horeba cuqaashooda iyo waxgaradkooda ka shakisanaayeen in Somaliland lug ku leedahay. Sidoo kale Gaas iyo Camey oo dagaalka Tukaraq markii hore uga dan lahaa muddo kororsi iyo in ay deegaanka xaalad amni darro galiyaan si ay u baaqato doorashada Puntland ayaa raadinaya qaab ay Laascaanood uga abuuraan jawi dagaal oo u dhexeya beelaha, si ay Somaliland ugu mashquuliyaan kaddibna dagaal uga ridaan Tukaraq. Maxaa keenay in Baharasame iyo Qaad la’isku dhufto? Gaas iyo Camey waxa ay u arkeen in labadan beelood ay si fudud uga mira dhalin karaan yoolkooda gurracan, maadama ay jirtay collaad hore oo u dhexesay. Sidoo kale labada beelood waxa uu si fudud dagaalkooda ugu soo fidi karaa magaalada Laascaanood oo ah halka bartilmaameedka u ah Gaas iyo Camey oo raadinaya fursad ay dagaal ku galiyaan shacabka magaladaas kaddib markii ay ku adkaatay in ay ka riixaan Somaliland tuulada Tukaraq. Xogta iyo xilliga uu ku soo beegmay dagaalka? Xogta ay Caasimada Online heshay ee ah in Gaas iyo Camey sabab u yihiin ama huriyeen dagaalka ka socda Dhumay iyo Dharkeyn Geeyo waxa ay ku soo beegmeysaa xilli wasiirka amniga ee Puntland uu toddobaad kahor dhaar ku maray in dagaal ka dhici doono deegaamada maamulka Somaliland ka haysto. Sidoo kale, Camey ayaa muddo ku sugnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo uu kulamo kula lahaa bulshada ka soo jeeda SSC, kuwaas oo sida la sheegay ugu baaqay in la qaboojiyo dagaalka maadama ay u arkayeen in Gaas iyo isagaba daacad ka ahayn xorreynta Sool balse ay doorashada ku galayaan. Sidoo kale dagaalkan ayaa ku soo aadaya maalmo kaddib markii uu Gaas aaday Kismaayo oo uu kaga qeybgalayey shirkiikii hoggaamiyeyaasha maamul gobolleedyada halkaas uga furmay. Inta badan dagaaladdii ka dhacayey Tukaraq waxa ay bilaaban jireen marka uu Gaas ka safro Puntland, taas waxa ay xoojisay wararka sheegaya in Gaas lug ku leeyahay dagaalka ay labada beelood ee walaalaha ah isaga dileen 20-ka qof halka ay isaga dhaaweceen 40-ka kale. Ma aha markii ugu horreeysay ee Cabdiweli Gaas lagu eedeeyo dagaal beeleed, waxaa xusid mudan in lagu dhalleeceeyey dhaqaalihii uu ku bixiyey dagaal beeleedyadii u dhexeeyey beelaha Bahararsame iyo Cumar Maxamuud. Caasimada Online Xafiiska Laascaanood Caasimada@live.com
  10. Muqdisho-[Puntland Post]-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Maanta dhagax dhigay Xaruntii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya oo dib u dayactir ballaaran dhawaan lagu samayn doono. Dayactirka lagu sameynayo Xaruntan ayaa waxaa iska kaashanaya dawladda Soomaaliya iyo dawladda Qatar. Waxayna qayb wayne ka tahay dadaalka ay Xukuumadda Soomaaliyeed ugu jirto sidii dib loogu soo celin lahaa bilicdii ay lahaan jireen Xarumihii dalka. Ra’iisul Wasaare kheyre oo ka hadlay Goobta ayaa sheegay in Sadex Arrimood ay uga muuqdeen gudaha Xarunta iyo qaabka loo dhisay,isaga oo sheegay in dhismaheeda uu yahay mid aan la mid aheyn dhismooyinka kale ee Xarumaha ku yaalla dalka. Sidoo kale Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye oo goobjoog ka ahaa dhagax-dhiga Maanta ee Xaruntii hore ee Wasaaradda ayaa waxa uu ka sheekeeyey Taariikhda ay leedahay iyo sidii loogu Shaqeyn jiray. Cabdiqani Boos Puntland Post The post RW Kheyre Oo Dhagax-Dhigay Xarun Muhiim Ah Oo kutaala Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  11. Axsaabta Siyaasadda ee dalka ayaa War saxaafadeed ka soo saaray warmurtiyeedkii shalay ka soo baxay Madaxda Maamul goboleedyada dalka kaasi oo ahaa in ay hakiyeen xiriirkii wadashaqeyneyd ee ay lalahaayeen dowladda dhexe. Axsaabta siyaasadda ayaa taageeray go’aankii Maamul goboleedyada ay ku hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe,waxaa ayna dhaliil u soo jeediyeen Xisbiyada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay sheegeen in ay hareer martay shaqadii loo idmaday. War-murtiyeed laga soo saaray shalay shirkii golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in lagu hakiyey xiriirkii ka dhaxeeyey dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Waxa ay dowlad goboleedyada sidoo kale ku eedeeyeen dowladda dhexe farogelin gudaha maamullada ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in aysan jirin Lacag ay dowladda Federaalka ah siiyay dowlad Goboleedyada oo ay xisaab celin kaga rabi karto, isaga oo amray wasiirkiisa maaliyadda inuu jawaab arrintaas la xiriirta dowladda u mariyo baraha bulshada. Waxaa uu Axmed Madoobe sheegay in warqadda ay dowladda u dirtay dowlad Goboleedyada ee xisaab celinta uu ka arkay baraha bulshada,iyagana ay dowladda ugu diri doonaan baraha bulshada sida uu yiri. Waxaa uu Axmed Madoobe xusay in Dowladda Federaalka ah ay $50Milyan oo doollar ka soo qaadday Sucuudiga, min Hal Malyanna ka siisay Dowlad Goboleedyada, mar kalena min $500,000 (Shan boqoloo kun) oo doollar bixisay. Wasiirkiisa Maaliyadda ayuu amar ku siiyay in uu soo diyaariyo xisaab celinta laga rabo islaamrkaana jawaabta ku diro Baraha bulshada maaddaama Dowladda dhexe ay iyaduba baraha bulshada u soo marsiisay. Isagoo oo khudbad ka jeedinayey xiritaanka Shirkii Golaha iskaashiga dowlad Goboleedyada ee lagu soo gabe gabeeyay Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah Jubbaland ayuu hadalkan sheegay. “Waxaan inagu rabnaa si rasmi ah in ay baraha bulshada inoogu soo gudbiso wixii ay nasiisay dowlada, inana xisaabcelin waxaan ka sameyn doonnaa baraha bulshada,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  13. MOGADISHU (Caasimada Online) – The President of Federal Republic of Somalia has invited all regional State leaders to attend an urgent meeting of National Security Council in Somali capital Mogadishu. President Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmajo) proposed the meeting to take place 17th-18th September after the five regional chiefs took an unprecedented step to suspend working relationship with the central government. Mohamed says the meeting will be discussed political, security issues and fighting against Al Qaeda linked Al Shabaab and Islamic State groups in Somalia. The call made by country’s President Mohamed comes after leaders of five Somali regional states on Saturday resolved to suspend relations with the central government, citing a lack of political and security progress. The leaders from Jubaland, Puntland, Southwest, Galmudug and Hirshabelle regions also accused the central government of interfering with regional issues, failure to implement security architecture and not fulfilling political agreements, said in a memo obtained by Caasimada Online. The central government was also blamed for failing in the fight against al-Shabab, the memo said. The leaders’ statement said there was no proper coordination between the African Union Mission in Somalia (AMISOM) troops and Somali national security forces. The unprecedented step took by the regional leaders is said to be the latest political setback by the central government which is trying to partner with the international community to stabilize the Horn of Africa nation. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Axsaabta Siyaasadda ee dalka ayaa War saxaafadeed ka soo saaray warmurtiyeedkii shalay ka soo baxay Madaxda Maamul goboleedyada dalka kaasi oo ahaa in ay hakiyeen xiriirkii wadashaqeyneyd ee ay lalahaayeen dowladda dhexe. Axsaabta siyaasadda ayaa taageeray go’aankii Maamul goboleedyada ay ku hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe,waxaa ayna dhaliil u soo jeediyeen Xisbiyada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay sheegeen in ay hareer martay shaqadii loo idmaday. War-murtiyeed laga soo saaray shalay shirkii golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in lagu hakiyey xiriirkii ka dhaxeeyey dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Waxa ay dowlad goboleedyada sidoo kale ku eedeeyeen dowladda dhexe farogelin gudaha maamullada ah.
  15. MOGADISHU (Caasimada Online) – UN Secretary-General António Guterres has welcomed Thursday’s meeting to resolve border conflicts between Djibouti and Eritrea. The talks were aimed at mediating both countries after foreign ministers of Eritrea, Ethiopia and Somalia arrived in Djibouti capital. The meeting held on 6 September in Djibouti, resulted in the signing of a cooperation agreement between Eritrea, Ethiopia and Somalia. UN chief Guterres says the latest efforts to restore peace and stability in the region was a positive example for the Horn and beyond. “We welcome all agreements reached among the four Ministers to work together to restore peace and stability in the region”, he said. Guterres urged all Horn of African leaders to work hard in restoration of peace and othe overall security of the region. UN has, however, reiterated its readiness to support all countries in the Horn of Africa region in consolidating the recent remarkable gains. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  16. Kaalinta Soomaaliya ee Bariga Afrika aya u muuqata mid xiiso leh. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo wuxuu muujiyay ugu yaraan in Soomaaliya ay tahay dal aan looga maarmin go’aamada masiiriga ah ee dalalka ku yaala bariga Africa. Inkastoo Farmaajo lagu dhaliili karo inuusan mudnaan siinin cabashada iyo is faham darada isaga iyo maamul goboleedyada, hadana taasi kama dhigna iney wanaagsan tahay inuu dayaco doorka shariifka ah ee Soomaaliya ku leedahay gobalka Geeska Afrika. Farmaajo oo mar walba ku cel celiya inuu raadinayo soo celinta sharafkii iyo milgihii ay Soomaaliya ku laheyd aduunka ayaa casbashadii Jabuuti u sarifay xal raadin. Dhowaan Jabuuti waxey muujisay iney ka xuntahay isu soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Eritrea balse taa badalkeeda waxey Villa Soomaaliya sheegtay iney gacata midig ku xalineyso khilaafka Jabuuti iyo Eritrea oo muran dhuleed uu ka dhaxeeyo. Safarkii uu wasiirka Arimaha dibbada ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ku tagay Jabuuti si looga wada hadlo xal u helida mandiqada gaar ahaan xurgufta Jabuuti iyo Eritrea wuxuu bilay heybadii Soomaaliya. Jabuuti waxey hada arki kartaa in Soomaaliya aaney cadaw ka raacin. Gobalka Geeska Afrika wuxuu wajahaya is badalo xoogan waana muhiim in taas ay si dhab ah ula jaan qaado Soomaaliya. Safarkii deg degta ahaa ee uu madaxwene Farmaajo ku tagay Asmara wuxuu fasirayay in aaney macquul aheyn in talaabo la qaado Soomaaliya la’aanteed. Muddo yar ka hor, dalalka gobalku waxaa ay gaari jireen go’aamo waa weyn iyadoo aan wax tix galin ah laga siinin Soomaaliya oo aduunka kaga taala meel muhiim ah. Bulshada Soomaalidu waxey arrintaan u aragtaa in la aqbalay miisaanka uu dalkeennu lee yahay. Inkastoo Farmaajo iyo dowladiisu ay qaladaad badan ku kaceen intii ay xafiiska joogeen, hadana waxaa lama huraan ah in lagu bogaadiyo sida ay xil isaga saareen ineysan lumin fursadaha siyaasadeed ee ku xeeran isbdalada ka socda bariga Afrika. Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  17. MOGADISHU (Caasimada Online) – Two Djiboutian soldiers with African Union peacekeeping force have been killed in roadside bomb explosion in central Somalia. The blast targeted African Union soldiers on patrol late on Saturday in Buloburde town, some 465km away from Somali capital Mogadishu. Two soldiers from Djibouti contingent were killed and several others injured in the bomb attack, Radio Kulmiye reported. In statement aired by Radio Andulus, an Al Shabaab mouthpeice, said the blast killed 2 African Union soldiers and two other government troops lef injured. Neither African Union mission nor government officials commented on the latest bomb attack claimes by Al Shabaabn The attacks by Al-Qaeda linked Al-Shabaab against members of the Djibouti army soldiers in Somalia have been growing for the past months. Last month, a soldier was killed and two others injured in roadside bomb explosion targeting an armored personnel carrier with Djibouti-an soldiers in Jalalaqsi town, some 369 km away from Somali capital Mogadishu. The group has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government in fighting against the al-Qaeda-linked militants. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  18. Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle ayaa xil ka qaadis ku sameysay duqii degmada Buulo-burde iyadoo xilkaasi loo magacaabay mas’uul cusub. Wasaaradda ayaa dalbatay in lala shaqeeyo duqa cusub ee loo soo magacaabay degmada Buulo-burde. Wareegto ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle ayaa xilkii looga qaaday duqii degmada Buulo Burde kaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Rooble waxaana xilkaasi loo magacaabay Maxamed Fiidow Caale oo noqnaya duqa cusub ee Buulo-burde. Hay’adaha amniga ayaa dhammaan waxaa la faray iyo Madaxda degmada in ay la shaqeeyaan mas’uulka cusub ee loo magacaabay duqa degmada Buulo-burde. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. The US has imposed sanctions against a Kenyan accused of running a worldwide financial network in support of Islamic State in Iraq and Syria (Isis) a terrorist organisation. Source: Hiiraan Online
  20. At least 17 people died in South Sudan on Sunday when a small aircraft carrying passengers from Juba International Airport to the city of Yirol crashed, State information Minister Taban Abel told Reuters. Source: Hiiraan Online
  21. MOGADISHU (Caaasimada Online) – At least three people, including a local government soldier have been sustained injuries in bomb explosion in Somali capital Mogadishu. The blast left 3 people injured on Sunday at Sinai market in the capital, after bomb explosives fitted under handcart exploded, a witness said. The victims were at the market at the time the bomb blast, he said. He says the victims had been taken into hospital for medical treatment. There was no immediate claim of responsibility for the Friday’s explosion, but such attacks are often carried out by Al Shabaab. The group has been waging insurgency more than 10 years in Somalia. However, Al-Shabaab, which once controlled Mogadishu capital in 2011, wants to tople the weak-western backed government of Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  22. MOGADISHU (Caasimada Online) -The recent amnesty has seen leaders of many terrorist groups defect to the government and help in nation building A few days ago, Eritrea and Djibouti agreed to normalise their ties, opening a new chapter in their previously frosty relations. This followed yet another milestone: a summit in Asmara that brought together the leaders of Somalia, Ethiopia and Eritrea in an effort to broker peace. The meeting shows the resolve of Somalia to put regional peace and stability as the cornerstone of our diplomacy. Leaders have agreed to break from a conflict-riddled past. Since President Mohamed Abdullahi Farmajo and I took office, the government has made tremendous progress at home and abroad. Our government, through Foreign Minister Ahmed Isse Awad, is spearheading talks to end a border row between Eritrea and Djibouti. The Asmara talks were meant to solidify the gains made in separate talks between the leaders of the three countries. PEACE DEAL Djibouti Foreign Minister Mahamoud Ali Youssouf and his Eritrean counterpart Osman Saleh have saluted Somalia’s efforts. For decades, the two nations have had a dispute over the region of Doumeira. Several initiatives to end the hostilities have been futile. In 2010, Qatar made laudable efforts to broker a peace deal. The latest development is just among the diplomatic engagements Somalia has undertaken. Two months ago, President Farmajo reached out to Ethiopian PM Abiy Ahmed. They confounded political allies and naysayers, but have solidified the cordial relations between our nations. The Asmara talks herald a new diplomacy dawn. Somalia is increasingly aiming to reclaim its place in the community of prosperous nations. We endeavour to play a crucial role in global peace and security. SECURITY Next year, Somalia will assume the chairmanship of the Arab Foreign Ministers Council, allowing us to host the council session in 2019 in Mogadishu and informing the world that we are ready for business. Our government aims to seize the wind of change blowing across the Horn of Africa to advance its security interests and help find solutions to African problems. In Asmara, we signalled the direction we are steering our diplomacy as a peaceful nation in a stable region. Our quest for success abroad is informed by gains at home, especially on the security front. Terrorists that turned our country into a haven are on the back foot. Somalia owes a huge debt to our neighbours, including Kenya, for helping fight terrorism. TERRORISM Our government has declared amnesty, which has seen leaders of terrorist organisations join us to rebuild the nation. The diaspora has moved in with significant investments. Ours is a functioning government. We have paid civil servants and our security forces are motivated to work hard. We have also restored good relations with the global community. The International Monetary Fund has hailed reforms in our revenue generation. In the first quarter of 2018, the government raised $42.5 million domestically, the highest ever in a single quarter. We are firmly on the path to debt relief. The government’s watchword is accountability, with unrelenting fight against corruption. Somalia is in a position to tap into its resources for the benefit of its people. Mr Khaire is Prime Minister, Federal Republic of Somalia
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhaqdhaqaaqa Magaalada Muqdisho ayaa saacado badan u xayirnaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kadib markii la sheegay inuu booqasho ku tagay ْXarunta Wasaaradda Qorsheynta ee dowladda Soomaaliya. Ciidamo aad u badan ayaa lagu soo daadiyey jidka Makka Al-Mukarama, waxaana gabi ahaanba la xiray jidkaas oo loo diiday inay isticmaalaan Gawaarida. Dadweynaha Muqdisho qeybahooda kala duwan ayaa ku xayirmay xaafadaha iyo meelaha Ganacsiga kadib markii loo diiday inay jidka Makka AL-Mukarama isticmaalaan. Gawaarida dadweynaha iyo kuwa sida gaarka loo leeyahay ayaa gebi ahaanba loo diiday jidkaas waxaana la arkayey dadweyne badan oo ku lugeenayo jidakaas. Jidka ayaa waxaa loo xiray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, wuxuuna mid kamid ah dadkii jidka loo diiday inay isticmaalaan Caasimadda Online u sheegay sidaan: ” Jidka Makka Al-Mukarama wuxuu saacado badan u xayirnaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana la yaab leh inuu watay 20 gawaari oo isugu jiray kuwa dagaalka iyo kuwa aan xabadda karin sidaas oo ay tahayna waxaa loo xiray jidka” ayuu yiri ” Habeenkii lix saac marka uu jidka firaaqo noqday dadkana ay wada jiiftaan ayuu Kheyre dhuulatus ku sameeyaa Jidadka Muqdisho, haddana waa kaas jidadka naga xiray, aaway amnigii uu ku faanayey inay dowladiisa Muqdisho u keentay” ayuu sii raaciyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasaimada@live.com