-
Content Count
206,488 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in uu furmo Kalfadhiga Afaraad ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib Labo bil fasax ah oo ay xildhibaannadu ku maqnaayeen. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa la filayaa in uu khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka ka horjeediyo xildhibaannada baarlamaanka. Baarlamaanka ayaa fasax galay 10-kii bishii July ee sanadkan 2018, waxaana hadda horyaalla shaqooyin aad u badan. Kalfadhigan Afaraad ee maanta u furmaya baarlamaanka dalka ayaa noqon doona mid xildhibaannada ay wajahaan shaqooyin badan oo u baahan in wax laga qabto. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddiga nabadeynta deegaanka Dhumay ee gobolka Sool ayaa sheegay in ay ku guuleysteen xabad joojin ay kala dhexdhigeen beelihii dhowaan ku dagaallamay deegaankaasi. Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil, guddoomiyaha guddigaas ayaa sheegay in Labada dhinac ay ka aqbaleen xabad joojintii islamarkaana ay wadaan sidii loo sii guda geli lahaa arrimaha kale ee dib u heshiisiinta. Guddigooda ayuu sheegay inuu ku howlan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu heshiis nabadeed ku kala dhexdhigo beelahan dagaallamay. “Labada dhinac waxay ku mahadsan yihiin iney innaga aqbalaan xabad joojin la kala dhex dhigey, waxaan wadnaa dedaallo dheeraad ah, waxaana jecalnahay in heshiis aan kala dhexdhigno beelahan” ayuu yiri Dr. Axmed Jaamac. In ka badan 20 qof ayaa ku geeriyootey dagaal Todobaadkii tegay dhexmaray beello wada deggan deegaanka Dhumay ee gobolka Sool, iyadoo waxgaradka gobolkaasina wadaan dedaallo dib u heshiisiin ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qatar's Minister of Transport and Communications Jassim Seif Ahmed al-Sulaiti met yesterday with Somalia’s Minister of Commerce and Industry Mohamed Abdi Hayir. Source: Hiiraan Online
-
Zinedine Zidane has fuelled speculation that he could be being lined up to replace Jose Mourinho at Manchester United by revealing that he plans to return to management “soon”. Source: Hiiraan Online
-
Most look back to the period between the 1940s and 1970s as the epoch of battles for statehood, self-determination and decolonization. Yet in 2018, the African island nation of Mauritius and Britain are embroiled in a modern day struggle for sovereignty over the Chagos Islands—the last remaining African colony of the old British Empire. Source: Hiiraan Online
-
Iman was born in Somalia but has lived in Sweden for much of her life. Source: Hiiraan Online
-
President Omar al-Bashir has fired all 31 government ministers as he seeks a new, smaller cabinet amidst economic crisis. Inflation has reached an astronomical 65 percent. Source: Hiiraan Online
-
Al Shabaab militants are carrying out massive recruitment in northern counties, Mandera governor Ali Roba has said. Source: Hiiraan Online
-
New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa warbixin uu kaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo uu 30kii bishii siddeedaad u gudbiyey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, waxa uu si warbixinihiisii hore ka duwan, aad ugu soo hadalqaaday arrimo khuseeya Somaliland gudaheeda iyo Somaliland iyo Soomaaliya dhexdooda. Warbixintan ayaa uu xoghayaha guud ee QM ku sheegay in ay ka hadlayo waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee Soomaaliya ka dhacay intii u dhexeysay 25kii Abriil illaa 22kii Ogos 2018 ka. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey marka uu warbixintiisan kaga hadlayey arrimaha Siyaasadda, waxa uu qodobka siddeedaad ku sheegay in horumar aad u yar laga sameeyey dadaala la doonayo in dib loogu bilaabo wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya. Isaga oo xusaya sababaha ay Somaliland iyo Soomaaliya ku sii kala fogaadeenna, waxa uu sheegay; – Wareejintii ay hay’adda caalamiga ah ee dulimaadyada rayidka ah, ICAO maamulidda hawada Soomaaliya ku wareejisay dawladda Federaalka Soomaaiya, 30-kii Juun, kaddibna xarunta maamulka laga soo raray Nairobi ee la keenay Muqdisho. – Warqaddii ay dawladda Federaalka Soomaaliya u qortay deeqbixiyeyaasha ee ay ku diidaysay barnaamijka hab-macaamilka gaarka ah ‘Specail Arrangement’ ee ay Somaliland deeqda qaybteeda ku heli jirtay. Warbixinta waxaa lagu sheegay in qorshaha hab-macaamika gaarka ah la bilaabay sannadkii 2013 ka, si loo xaqiijiyo in xaddi cayiman oo ka mid ah caawimada dunidu siinayso Soomaaliya si gaar ah loogu qoondeeyo Somaliland. Laakiin waxa uu xoghayuhu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo khudbaddiisii munaasabadda 1-da Julaay, uu mar kale ku celiyey baaqiisii ahaa in wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya la bilaabo. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe, Antonio Guterres warbixintiisa qayb uu cinwaan uga dhigay, taageeridda dadaallada nabadaynta iyo dawlad dhiska, marka uu ka hadlayo dhinaca nabadgelyada waxa uu qodobka 11 ku sheegay xiisadda aadka u sarraysa ee gobalka Sool ugu dhexeysa Somaliland iyo maamulgobaleedka Puntland. “Isku dhacyo ciidan ayaa sababay khasaare kala duwan iyo barakaca 15 kun oo rayid ah” ayaa uu Guterres ku yidhi warbixinta. Isaga oo intaas ku sii daray in xaaladdu ay aad khatar u tahay, maadaama oo ay labada dhinacba sida uu sheegay ciidamo aad u badan deegaanka keenaan, isla markaana warbaahinta isu marinayaan hadallo xaaladda sii hurinaya. Isla qaybtan waxa uu xoghayaha guud ku sheegay in dibadbaxyo Somaliland ka dhan ahi ay ka dhaceen deegaankaas, “Dibadbaxyo kala duwan oo lagaga soo horjeedo dawladda Somaliland ayaa ka dhacay goballada Sool iyo Sanaag” ayaa uu ku yidhi warbixintan oo uu Geeska Afrika nuqul ka mid ah helay. Isla mawduucan qodobkiisa 18 waa uu xoghayaha guud ku sheegay in colaadaha qabiilku ay weli ka sii socdaan guud ahaan dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, isaga oo dhinaca Somaliland si gaar ah uga warramayana waxa uu yidhi, “9-kii bishii shanaad, degmada Ceel-Afweyn ee gobalka Sanaag, ugu yaraan 12 qof ayaa lagu dilay isku dhac u dhexeeyey beesha Biciido ee East Burco Clan iyo beesha Sacad [Yoonis] ee Habar Yoonis” Isaga oo intaas ku daray in madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu ka soo saarray baaq nabadeed iyo soo jeedinta in colaaddan wadahadal lagu dembiyo. Laakiin xoghayaha guud warbixintiisa kuma uu sheegin guushii ergadii nabadaynta iyo xukuumadda Somaliland ka gaadheen nabadaynta ee soo afjartay colaaddii labada beelood. Xoghayaha guud ee QM waxa uu sheegay in gobalka Sool ay ku soo kordhayaan weerarro, gaar ahaan kuwo ah khaarajin cid lagu beegsanayo oo loo malaynayo in ururka Alshabaab ka dambeeyo. Waxa uu sheegay in ay u muuqato in Alshabaab ay ka faa’iidaysanayso xaaladda colaadeed ee deegaanka, “Waxa ay u eegtahay in Alshabaab ay colaadda Tukaraq uga faa’iidaysanayso in ay isku ballaadhiso Somaliland iyo Puntland” ayaa lagu yidhi warbixinta. Warbixinta xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey waxa kale oo ay ka hadashay kaalinta uu xoghayuhu ka qaatay xallinta iyo ka hortagga colaadaha. Isaga oo sheegay in si loo dembiyo xiisadda Tukaraq ee u dhexeysa Somaliland iyo maamulgobaleedka Puntland uu dadaal u galay wakiilkiisa Soomaaliya ee Michael Keating. “Wakiilkayga gaarka ah ayaa dhowr jeer oo bilihii Meey iyo Juun ah booqashooyin isaga dabqaaday Garoowe iyo Hargeysa. Dadaal lagu soo afjarayo colaadda ayaanu kulamo kala yeeshay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’ iyo ku-xigeenkiisa Cabdikaxiim Cabdullaahi Xaaji Cumar. Halka uu Hargeysana uu arrintan kala xaajooday, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirradiisa” ayaa ay tidhi warbixinta xoghayaha guud. Iyada oo isla qodobka xiga ku sheegtay in wakiilka xoghayaha guud ee QM Michael Keating uu isku xidhay (Mideeyey) farriinta beesha caalamka ee Somaliland iyo Puntland ku waajahan oo ahayd afar qodob; Xabbadjoojin ay ku jirto in colaadda la soo afjaro, in xidhiidh laga dhex abuuro taliyeyaasha ciidamada ee aagga jooga, in la furo jid bani’aadamnimo oo lagu gaadhi karo barakacayaasha iyo in la bilaabo wadahadallada ay labada dhinac kaga xaajoonayaan kala durkinta ciidamadooda iyo is weydaarsashada ciidamada ay kala hayaan. Xoghayaha guud waxa uu sheegay in madaxweyne Biixi uu aqbalaad qoraal ah ku ogolaaday soo jeedintan, halka madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, uu ogolaanshiyo afka ah gaadhsiiyey wakiilka xoghayaha guud ee QM, laakiin haddana uu ka dhego adaygay in uu intaas ka badan ballanqaado illaa loo ballanqaado in Somaliland ay ciidamadeeda kala baxayso Tukaraq. Mudane Guterres waxa uu sheegay in xafiiskiisa Soomaaliya ee UNSOM iyo urur gobaleedka IGAD ay dabayaaqadii bishii Julaay sameeyeen hindise wadajir ah oo ay dadaal dhexdhexaadineed ku abuurayeen. Wafti ka socda UNSOM iyo IGAD ayaa 7-dii illaa 8-dii Ogos, booqashooyin ay ku tegeen Somaliland iyo Puntland waxa ay madaxda labada dhinac ugu gudbiyeen mabaadii’ aasaas u noqon kara wadahadalka labada dhinac, “Inkasta oo ay labada dhinacba aqbaleen, inta badan ee mabaadii’daas, haddana qodobbada qaar ayaa weli hadhsan, waxa aanay u baahanaysaa wadaxaajood intaas ka badan iyo in la sii faahfaahiyo” Waxa kale oo uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey warbixintiisan kaga hadlay arrimaha bulshada iyo bani’aadamnimad, oo ay ka mid tahay, in xafiiska qaramada Midoobey ee UNSOM uu keenay hindiseyaal lagu horumarinayo sidi iay dumarku uga qaybgeli lahaayeen doorashooyinka baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka ee ay tahay in ay Somaliland ka dhacaan bisha saddexaad ee 2019 ka. Waxa aana lagu xusay go’aankii golaha wasiirrada ka soo baxay horraantii bishii Juun ee soo jeedinayey in boqolkiiba 20 kuraasta goleyaashan loo xidho murashaxiinta dumarka. Gacanta ay qaramada Midoobey ka siisay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Somaliland, martigelinta kulan-aqooneed ku saabsanaa siyaasadda qaranka ee dhalinyarada. Gacanta ay UNSOM iyo UNDP oo iskaashanayaa ka geysteen, tababarro la xidhiidha xuquuqda aadamaha iyo xadgudubyada jinsiga ku salaysan oo la siinayo bulshada iyo in kor loo qaado wacyiga saraakiisha booliiska ee la xidhiidha xeerka booliiska Somaliland. Waxa kale oo ay warbixintu ka hadashay khasaarihii ka hashay duufaantii Sagar. Ugu dambayntii qodobka 66 ee warbixinta uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u gudbiyey golaha ammaanka, waxa uu kaga hadlay xaaladda xuquuqda aadanah. Waxa aanu sheegay in Somaliland lagu xidhay mid ka mid ah madax dhaqameedka dalka. Isaga oo arrimaha xuquuqda sii wadana waxa uu mudane Guterres ku yidhi warbixintiisa, “Saddex talefishan iyo hal wargeys ayaa la mamnuucay, halka mid ka mid ah taleefishannadana shaqada laga joojiyey” Laakiin isaga oo ka hadlaya in aanu wada xumayn warka dhowrista xuquuqda aadanaha iyo xoriyadda hadalka ee Somaliland waxa uu Guterres ku yidhi warbixintiisa uu Geeska Afrika qaybta Somaliland khusaysay soo koobay, “Arrinta togan ee xusidda mudani waa in laba wargeys oo hore loo mamnuucay dib loogu soo celiyey rukhsaddii, iyo in cafis madaxweyne lagu sii daayey gabayaa dumar ah oo saddex sano oo xabsi ah hore loogu xumay” Caasimada Online Xafiiska Minneaoplis Caasimada@live.com
-
London (Caasimada Online) – Amiir sare oo reer Aala Sacuud Ah ayaa qorsheenaya in uu dibad joog noqdo, oo uu dalkiisa ka goosto kaddib markii uu ku eedeeyey Boqor Salmaan iyo dhaxal suge Mohamed Salmaan dagaalka Yaman, sidaas waxaa laga soo xiganayaa mareegaha Middle East Eye (MEE). Mareegaha fadhigiisu yahay UK, oo soo xiganaya il aan la magacaabi oo ku dhaw amiir Axmed Cabdulcasiis ayaa jimcihii sheegay in Boqor-ka Sacuudiga walaalkii laga yaabo in uusan ku laaban Sacuudi Careebiya kaddib hadallo laga maqlay muuqaal oo la soo dhigay internet-ka toddobaadkii tegay. Muqaalka, amiir Axmed oo ka mid ah dhawrka wiil ee ka haray aas aasihii boqortooyada ayaa la maqlayey isaga oo u jeedinaya dibad baxayaal ka soo horjeeda dagaalka Yemen oo isugu yimi deegaan ka tirsan London in aan dagaalka Yamen lagu dhalleeceyn dhammaan qoyska. “Waxaa jira dad gaar ah oo mas’uuliyadda leh. Ha eedeyn dhammaan qoyska,” ayuu yiri Amiirka. Mar la weydiiyey kuwa ay yihiin shaqsiyaadkaas, amiirka waxa uu yiri: “Waa boqorka iyo dhaxal sugihiisa” “Yaman iyo meelaha kale, rejedeenu waa in dagaalku dhammaado maanta iyo berri kahor.” Muuqaalka waxa uu si weyn ugu baahay Internet-ka ayaa dhaliyey warar la’isla dhexmaray oo sheegayey in xasillooni darro ka dhex bilaabatay qoyska boqortooyada ee Sacuudiga. Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Sacuudiga ayaa soo saaray warbixin ku saabsaneyd amiir Axmed waxyar kaddib markii la daabacay muuqaalka, taas oo ay ku sheegeen in fasiraddii laga bixiyey hadalkiisa aysan sax ahayn. “Waan caddeeyey in boqorka iyo dhaxal sugaha ay mas’uul ka yihiin dowladda iyo go’aamadeeda,” ayuu amiirka ku sheegay warbixinta. “Tani waxa ay ka run sheegeysaa ammaanka iyo xasilloonida dalka iyo dadka. Sidaas daraadeed, ma aha suurtagal in wixii aan sheegay sida kale loo fasiro.” Hase yeeshee, MEE waxa ay sheegtay in isha ay soo xigatay in ay bayaanisay in amiir Axmed uu ku adkeystay hadaladdiisii hore. “Waxa uu sheegay in warbixinta wakaaladda wararka ee ay dowladda maamusho iyo ereyada ay soo xigatay wakaaladda aysan aniga ahayn,” sidaas waxaa warisay MEE. XARIG BADAN In bulshado aragtidooda cabbirto waa mid naadir ka ah boqortoyaa, halkaas oo ay dowladda iyo boqortooyada ay dadka wax dhalleeceeya kala kulmaan xarig muddo dheer ah, jir dil iyo ganaax lacageed oo qaali ah. Dad badan oo ka tirsan qoyska boqortooyada, wasiirro iyo ganacsato sar sare ayaa la xiray bishii Nofeembar 2017 xilli uu socday “Cirib tirka musuqa” oo uu ku dhawaaqay Maxamed Bin Salman. Eedeemaha ka dhankaah kuwa la xiray waxaa ka mid ahaa lacago la lunsaday, laaluush iyo qasbdda mas’uuliyiinta. Qab qabashadaas waxa ay ka dhalatay amar ka soo baay boqortooyada oo lagu sheegau in looga jawaabayey “Kuwa daciifka ah ee danahooda gaarka ah ka horumarinaya danta guud, si ay lacag sharci darro ah u helaan.” In badan oo ka mid ah waa la soo daayey kaddib markii ay heshiis la galeen dowladda waxaana ka mid ahaa bilyanneerka ahna ganacsadaha reer Sucuudi, amiir Alwaleed bin Talal. Khuburo ayaa ku doodaya in xir xiritaankaas ay ahayd qaab uu ku doonayey dhaxal sugaha in uu ku mideeyo awoodda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Sucuudi Careebiya. Amiir Axmed hore waxa uu u ahaa wasiirka arrimaha gudaha intii u dhexeeysay Juunyo iyo Noveembar 2012 xilligaas oo uu talada hayey boqorkii geeriyooday ee Boqor Cabdalla kahor inta aan lagu bedelin amiir Maxamed Bin Nayf. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa socota qaban qaabada lagu dhisayo xisbi isbahaysi weyn oo ay ku midoobayaan Daljir iyo Damujadiid. Arintan ayaa xoogeysatay markii uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shiekh dhawaan dalka ugu soo laabtay. Isbahaysiga ayaa markii hore la filayey in uu qeyb ka noqdo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah dadka sida weyn uga soo horjeeda dowladda hadda jirta. Hase aaatee, waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay Daljir iyo Damujadiid dib u gurasho ka sameeyeen wax ku darsiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Ilo la socda dhaq dhaqaaqyada lagu dhisayo Isbahaysiga uu hormuudka u noqon doono Xassan Shikeh ayaa laba arrimood u anaaneeyey in Isbahaysiga laga fogeeyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur 1 – Daljir Iyo Damujadiid oo Shaarkooda Ilaashanaya Labada kooxood, Daljir iyo Dhamujadiid ayaa fallanqeyn dheer kaddib la warinayaa in ay isla garteen sumadda ku dhaggan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ah arrinta “Badda” in ay dhaawici karto sumcadda xisbiga ay sameynayaan 2 – Siyaasiyiinta labada kooxood ee Damujadiid iyo Daljir oo u badan Habargidir, Qodobkan ayaa isna ku noqday laf dhuun gashay rabitaankii Cadiraxmaan Cabdishakuur ee ka mid noqoshada xisbiga weyn ee ay soo wadaan Daljir iyo Dhamujadiid. Siyaasiyiin labada garab ku jira oo ay isku han yihiin Cabdiraxmaan ayaa u arkay in uu culeys ku noqon doono haddii ay kula midoobaan hal isbahaysi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Su’aasha qof walba oo reer Galmudug ah is weydiinayey muddooyinkan dambe ayaa ah, Axmed Ducaale Geele (Xaaf) ma hoggaamiyaa mise hayi raac? Hoggaamiyaha maamulka Galmudug waxa uu la wareegay talada kaddib markii uu is casilay Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee loo doorto Galmudug. Cabdikariin Xuseen Guuleed waxaa lagu eedeyn jiray in uu ahaa maqaar saar oo ay ku shaqeystaan ururkii uu ka tirsanaa ee Damujadiid hase ahaatee waxa ay sheekadu reer Galmudug ku noqotay “Ka daroo Dibi dhal!” Tan iyo markii uu Xaaf noqday madaxweynaha maamulka curdunka ah, waxa uu shaqadiisii kaga mashquulay u safridda Baydhabo iyo Kismaayo oo uu uga qeybgalayey shirar lagu sheegay in ay isugu yimaadaan iskaatashatada maamul gobolleedyada! Yaa la isu kaashanayaa? Uurukaas sameyntiisa waxa uu ku yimi aragti uu lahaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaas oo dhawaan galaya doorasho waxaana duradiiba ku wada raacay iyaga oo aan iska baandheyn ujeedka uu ka leeyahay Xaaf, Waare, Madoobe iyo Shariif Xassan. Ujeedka ugu weyn ee uu Gaas ka lahaa sameyta ururka looga dhigay gudoomiyaha waa in uu kula loolamo dowladda dhexe iyo in uu diiraddeeda kaga weeciyo in ay farogaliso doorashada dhawaan ka dheceysa Puntland. Yeelkeede, waxa uu ka faa’iideystay cabsidii ay wada qabeen hoggaamiyeyaasha goboladdakale ee ahayd in dowladda dhexe xukunka ka riddo – Wa hadaf u suurtagalay Gaas! Xaaf waa Hayi Raac Hoggaamiyaha Galmudug waxaa habbooneyn oo ahayd wixii loo igmaday in uu mudada u dhiman ka shaqeeyo in uu dhiso haykalka dowladnimo ee Galmudug, heshiis waara la galo Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo in uu ka faa’ideysto dowladda dhexe si uu uga helo garab istaag ah in lagala shaqeeyo hawlaha maamulkiisa. Hase ahaatee, waxa uu ku bedeshay in uu Gaas diyaarad Baydhabo ama Kismaayo tegeysa la sii raaco isaga oo dayacay ujeedkii loo doortay. Maxaa isku dan ka dhigay Puntland iyo Galmudug? Xaaf ma oga miyaa in Puntland jirtay muddo 20 sano ah? Lama socdo miyaa in nidaamkeeda dowladnimo si adag loo dhisay oo ay hadda galayaan deegaan doorasho, sidoo kale in ay nidaamka qof iyo cod u gudbaan ay isha baarkeeda tahay? Waa yaabe, miyuusan ogeyn iska daa wax kale, inaysan Galmudug lahayn xafiisyo ay wasaaradeheeda ku shaqeeyaan, ciidan dhisan lahayn, dhulkeedii inta badan Shabaab haysto? Xaaf, isaga oo deggan su’aalahaas haka jaawabo kaddibna bulshada Galmudug ee anfariisan ha’uga jawaabo su’aasha ah “Odayga ma hoggamiyaa mise waa hayi raac?” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay warar sheegaya in dowlada Norway ay shidaal ka baareyso Gudaha Somalia. Dowladu waxa ay sheegtay inaanu jirin qorsho ku aadan in xiligani shidaal baaris ay dowlada Norway ka sameyso Somalia, warkaasina uu yahay mid aan xaqiiqda ku saleysneen. Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka Xukuumadda Somalia C/rashiid Maxamed Axmed oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay inay tahay mid been abuur ah. Wasiirka oo la hadlayay Jaaliyadda Soomaalida ee Oslo Norway,ayaa sheegay in Norway iyo Somalia ay leeyihiin xiriir wanaagsan, hase yeeshee aysan jirin baahi Somalia ku khasbeysa in Norway ay shidaal u baarto. Wasiirka waxaa uu meesha ka saaray in dowlada Somalia ay qandaraaska heshiiska barista shidaalka siisay Norway, waxa uuna tilmaamay inay jiraan howlo kale oo muhiim ah. “Waxaan qirayaa inaanu jirin wararka sheegaya in dowlada Somalia ay Norway ka caawineyso barista shidaalka ku jira Somalia” Sidoo kale, Wasiirka waxa uu beeniyay in dowlada Somalia ay heshiis gaara iyo mid guudba ay la gashay shirkad laga leeyahay dal shisheeye, balse uusan garankarin cida dhoo dhoobtay warka noocaasi ah. Haddalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya in xili uu jiro guux la xiriira in dowlada Somalia ay go’aan kama danbeys ah ku gaartay in Norway lagu wareejiyo barista shidaalka Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dood iyo dalxiis kadib 6 maalmood waxaa kasoo baxay 5 tii Madaxweyne Gobal War-murtiyeed ka kooban; Eedo, Cabasho, Hanjabaad, Qeyla-dhaan iyo Codsi!!! Iyada oo beryahaan Geeska Africa lagu hawlanaa; xallinta khilaafaadka, Xorriyada dadka, Dhisida Maamul hufan, Dhaqaale xor ah, isku furka xuduudaha iyo dadka iwm, ayey Madaxda Gobaldu weli u xiisa qabaan; Gobalaysi, Qabiilaysi, Xulafaysi, Waqti kororsi, Habar wacasho, Gaw & gash maleh, ku qabso ama ku qayli ku qadi mayside, Cadd-yuhuu ku cunay ama ku ciideeyey iwm!! Madaxda Gobaladu ma ogyihiin in uu dhamaatay waqtigii; 1. Dadka lagu kicin jiray beel hebel ayaa haysata dawlada oo kasoo horjeeda Gobalka-yaga iyo Beeshayada. 2. Federaalkii ayaa la diidanyahay, Dawlada dhexe kaliya ayaana laga rabaa Federaalka? 3. Addis Ababa ayaa nalaga wacay, Abu dhabai ayaan Qaraab ka helaynaa. 4. Beesha Caalamka ayaa nasoo fara gelinee? Noona soo gurmanee, nana dhex-dhexaadinee anaga iyo dawladda. 5. Dawlada dhexe nalama xisaabtami karto, namana fara-gelin karto, Barlamaanka-yagu nalama xisaabtami karo, anaguna waa in aan la xisaabtanno dawladda dhexe. 6. Waqtiga waa kordhisanaynaa nalamana ridi karo, wiilasha-yada ayaana kursiga naga dhaxlaa. Taariikhda Siyaasada Somaaliya weli laguma hayo qof Madaxweyne sheegtay oo doorasho kusoo laabta, haddii ay rabaan in ay soo laabtaan waa in ay Magaca Madaxweyne iska bedelaan, Dhaqanka Siyaasadana wax ka bedelaan. Dawlada Federaalka haddii ay rabto in ay la heshiiso Madaxda Gobalada waa in ay u Caburiso ama ay u iibiso codka dadka si ay u joogaan, doorashada 2020 kana ay Xildhibaanada usoo qortaan, haddii kale Nabad lagama helayo, dhibna laguma hurayo. W/Q: Maxamed Gacal (Dr. Gacal) Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Qaybta 4-aad. Halkan ka aqri qeybihii hore Waxaa halkan si xushmad ku dheehan tahay u qirayaa in, kaddib markii aan bilaabay taxanaha qoraaalladaydii la xiriiray taariikhda Ciidankii Nabad Sugidda Soomaaliyeed, ay i soo gaareen e-maillo aad u fara badano oo iga soo gaaray dadwayne fara badano oo ku xiran boggaan oo sida sharafta leh igu martigeliyey iyo xubno aad u tiro badan oo hore uga tirsanaa NSS-ta haddana ah qurbajoog qaranku dayacay. Nuxurka qoraalladooda waxay isugu jireen kuwo boogaadin ah iyo su’aalo badan oo ay iga codsadeen inaan intii karaakayga ah u iftiimiyo. Sidaa awgeed, waxaan garowsaday inaan waajibna igu ah inaan ka yara baxo xayndaabka qoraalkayga taxanaha ah, anigoo ku dadaalayo inaan aad u soo koobo. Burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, intii qurbajoogta ahayd aniguna ka mid ahaa horena uga tirsanaa ciidankaas ihaanada loo gaystay, waxaan dhowr jeer isku daynay inaan la xiriirno mas’uuliyiinta cusub ee ciidankaas oo qaarkood aan qurbaha kula kulannay, una caddaynay inaan diyaar u nahay, shuruud la’aan, inaan kaalin ka gaysanno sidii ciidankaas oo aan garanayno qiimaha uu ugu fadhiyo qaran. Madaxdaas waxay isugu jireen kuwo hore uga tirsanaa ciidanka iyo kuwo aan weligood arag meel ciidan ku shirsan yahay iyo sida loo hoggaamiyo. Waxaa nasiibdarro ah in midkoodna uusan dheg jalaq noo siin, waxaan halkan ka qirayaa inaynaan arrinkaas meesha uga harin kuluna xiriirnay telefoon si aan jawaab waafi ah uga helno. Ayaandarro, waxaan dhacday in xitaa markii dambe la dhibsatay wicitaankeenna. Sidaas ugama harin ee waxaan farriimo kala geddisan ugu farnay madax kala duwan oo ka mid ahaa wufuud ka qaybgalaysa shirar iyo martiqaad rasmi ah, in mowqifkeennu wax iska beddelin markii ay diyaar soo noqdaanna nala soo xiriiraan . Halkaas uguma harinee, waxaan isku daynay inaan la xiriirno hawlwadeennii hore uga tirsanaa ciidanka, hase yeeshee waxaa dawaanka ama jalka nagu yeeray markii na loo sheegay in hawlwadeennadaas ay ka soo hareen kuwo lagu tirin karo hal gacan farahooda, iyagiina buul yihiin. Waad garan kartaan jabka iyo moraal xumida nagu wada dhacay. Waxaa marag ma doonto ah in NSS-tu ku tiirsanayd qabiil la yiraahdo “Waddaniyad”, waxayna lahayd hal cadow oo ah qof kasta oo wax u dhimaya qarannimada iyo jiritaanka midnimmada Soomaalieed, kuwaasoo ah kuwii soo gaarsiiyey inay kalsooni ka kasbadaan shacabka. Waxaan Tusaale ahaan, waxaa nagu filan inaan halkan ku xusuusanno in shacabka ay ka codsanayeen Madaxweynaha JDS in baarista dacwadahooda loogu wareejiyo Hoggaanka Baarista Dembiyada ee NSS, iyagoo saluugsan hay’adaha baarista qaarkood. Waxaan jeclahay inaan idinla wadaago dhacdo ka mid ah kuwii igu xanuunka badanayd. Abbare 5 sano ka hor ayaan waxaan qurbaha kula kulmay sarkaal aan wadashaqayn naga dhexaysay muddo ku siman 1976 ilaa burburkii. Muddo laba saac ku siman ayaa waxaan iska waraysannay xaaladda waddanka iyo nolosha qurbajoogta. Intii aan is waraysanaynay ayaa waxaan dareemay inay la ciirciirayo inuu su’aal i weydiiyo. Markii aan u adkaysan waayay kurbada iigaga muuqatay ayaan waxaan ku iri: Maxaad la gabbanaysaa oo aad doonaysaa inaad i weydiiso illayn waan is fahmaynaa? Wuxuu igu yiri: Waxaan soo qaban la’ahay qabiilkaaga. Waxaan ku iri: Ma waxaanad ilaa hadda ogayn inaan isku qabiil nahay? Wuxuu iigu jawaabay ma. Markaasaan ku iri: Qabiilkaygu waa Soomaali. Intuu dhoolla caddeeyay ayuu yiri: Sheekadaas waa laga soo tagay ee runta ii sheeg. Waxaan ugu jawaabay: Been kuuma sheegin, waana kala tagnay. Run ahaantii, anigu lama fajacin su’aashu uu i weydiiyey, laakin waxaan aad uga xumaaday isagoo ka baxsan in waxa uu ila hor yimid ay tahay waxa maanta Qaranka meesha dhigay. Tusaalahaasi waxaan uga dan leeyahay inaan markhaati ka ahay in NSS-tu ay isu ahayd qoys aan qabiil lahayn. Anigu ma dhihi karo NSS-tu waxay ahayd ceeb ka-saliim, waayo waxay ka koobnayd aadanno (Human Beings), aadanuhuna wuxuu isugu jiraa mid daacad ah iyo mid mujrim ah. Waxaa intaas u dheer inay adeegsan karto shuruuc iyo xeelado si ay habsami ugu fuliso hawlaha xasaasiga ah ay u xilsaaran tahay, sida hay’adaha kale ee dunida. Mabaa’dida ay ku qotontay NSS-tu waxaan ka mid ahaa inaanu ka mid noqon karin qof ajnabi ah oo jinsiyad shisheeyey haysta kuna dhaartay Das’tuurkeeda. Waxaa kaloo xaaraan ahayd in xubinta NSS-tu xiriir la yeelato ajaanib, marka laga reebo xubno cayiman oo xiriir wada-shaqayn ka dhaxayso hay’adduna u xilsaartay kana warqabto. Maantana waxaad markhaati iiga tihiin in Hoggaanka Qaranka uu gacanta ugu jiro shisheeye. . Haddaba, su’aashu waxay tahay: “Sidee ku dhici kartaa in ajaanib ku dhaartay Dastuur Shisheeyey aan ka dhowrno inay noo horseedaan ilaalinta qarannimada iyo midnimmada Soomaaliyeed? Diinteenna muqaddaska ee Islaamka ah waxay si cad u qeexaysaa in qofka muslimka ah ee doonayo inuu guursado haweenay aan muslim ahayn , waxaa shardi ah in marka hore ay ka tanaasusho diinteeda kuna soo biirto Diinta Islaamka. Haddaba, shardigan wuxuu caddaynayaa in qof laba caqiidadood aaminsan uusan noqon karin haba yaraatee qof aan lagu tashan karin, waayo meel loo raaco ma leh, lagamana rumaysan karo inuu daacad noqonayo. Sidaa awgeed, ilaa laga saxayo qodobkan, waa habeenkii xalay tegay inaan khayr ka sugno. Anigu ulama jeedo in qofkaas inaan xil lagu aamini karin, hase yeeshee waxaa shardi ah in haddii uu doonayo inuu xil qaran qabto, siiba heerka sare ama siyaasadeed, inuu ka tanaasulo jinsiyadda shisheeye. La soco qaybaha xiga W/Q: Ahmed Karate e-mail: amm.karate@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
QARAN-JABKII SOOMALIDA IYO DHICISTII DAWLADDII DARGIGA. Masiibadii ka dhalatay dagaalkii guuldarada reebay, waxay u saamaysay labadii dhinacba siyaabo isku mida, waxayna sabab u noqotay natiijo isku mida oo ahayd in labadii rajiimba ay xili isku mida qaab ama sifo isku mida ay u dhacaan. Labadaba waxaa xukunkii kala wareegay jamhado ku xoogaystay dagaalkii amaba dagaalka laftigiisa ka dhashay. Sida ay horayba ugu sii saadaaliyeen wargaysyadii reer galbeedku dabayaaqadii dagaalka, iyaga oo xiganaya dublamaasiyiin carbeed , waxaa markii dagaalka laga soo noqdayba ka dhacay Soomaaliya cinqilaab aan lagu guulaysan. Fal-celintii ka dhalatay cinqilaab kaas iyo cadaadiskii iyo caburintii ay xukuumaddii kacaanku ku soo rogtay shacbigii Soomaaliyeed ayaa waxaa ka dhashay halgankii hubaysnaa ee dhalay jamhadihii qabiilka ku salaysnaa ee aakhirkii tuuray dawladdii kacaanka. Nasiib daro jamhadihii xukunka la wareegay way ku guulaysan waayeen inay dawladnimadii hantaan. Haddii uu xaalkii Soomaalidu sidaas ku intahooday, arinta Xabashudu way ka gadisnayd sidaas. Kolkii ay Dargigu xukunka la wareegeen bartamihii todobaatanaadkiiba waxaa jiray jamhado markaas aasaasmay iyo kuwo kele oo dagaal hubaysan kula jirey dawladdii dergiga. Ururadii xoraynta Ereteriya iyo Tigray labaduba waxa ay dagaal kula jireen dawladdii Dergiga illaa ay sanadkii 1991 taladii ka tuureen taliskii Mingistu. Nasiib wanaag si ka gadisan sidii jamhadihii dawladda Soomaalida riday ayay TPLF u maaraysay taladii Xabashida. Waxay na dhidibada u aaseen dawladnimadii. SIYAASADDII TPLF/EPRDF EE KU AADANAYD QOOMIYADAHA Kolkii xukunkii dargigu uu dhacay waxaa taladii dawladda Itoobiya la wareegatay jamhaddii TPLF oo ahayd jamhad hubaysan oo ay la haayeen qowmiyadda Tigreegu. Sida aynu horayba u soo sheegnay Tigreegu waxa ay kamid ahaayeen shucuubtii Saamiyiinta ee hijrada ku yimid dhulka xabashiada waxayna raas wadaag ahaayeen qowmiyadda Amxaarada. Labadan qowmiyadood waligoodba waxaa ka dhexeeyey xurguf iyo xiniinya taabad. Inta badan dhulka waxaa xukumi jirey qowmiyadda amxaarada oo nasab kooda ku arooriyey faracii Nabi Sulaymaan. Laakiin Tigreegu waxay mar walba ahaayeen cidda difaacda dhulka xabashida iyo geesiyaal sooma-jeestayaala. Haddii aad akhrido kitaabka Futuux Al-Xabasha waxaad arkaysaa kaalintii ay ku lahaayeen dagaaladii Iimaan Axmed Gurey lala galay. Dhamaan dagaaladii Itoobiya lagu soo qaaday qarnigii 19aad, marka laga reebo kii Ingiriisa waxaa hor-jooge ka ahaa tigreega. Dagaaladii Turkida, Masaarida, Mahdiyiinta iyo Talyaaniga intaba ayagaa laf-dhabar u ahaa. Qowmiyadani oo dad ahaan aad u tira yar, markii ay qabsadeen dalka waxay la yimaadeen siyaasad ay muddo wax ku xukumaan. Waxay markiiba madax banaanidooda siiyeen Erteria. Waxay sameeyeen dastuur cusub oo Fadaraala oo ay ku qoreen qodobkiisa 39aad in cid waliba ay xaq u leedahay inay aayaheeda ka tashato marka ay damacdo. Maadaama ay yihiin qoomiyad tira yar waxay u muujiyeen qoomiyadihii laga badnaa saaxiibtinimo iyo wax wada qabsi. Waxay dalkii u kala qaybiyeen dhawr waaxood oo isir ku dhisan, isir walbana waxaa la siiyey ismaamul hoosaad iyaga u gooniya. Gobollada la sameeyey waxa ay ahaayeen Tigray, Amhara, Oromo, Somali, Anfar, Harari, Benishangul-Gumuz, Gambela iyo reer koonfureed (reer koonfureedku waa koton iyo lix qoomiyadood oo aan carrab iyo cirqi ama dhiig iyo dhalasho midna aan isku raacin ee uu mideeyey deegaan, waxaana ugu wayn qowmiyadaha Siddamo, Welayta, Hadiya, Gurage, Silte iyo Gedoe.) Waxaa isir walba loo ogolaaday inay afkooda qortaan kuna hadlaan. Qowmiyadaha soo dhawaynta loo muujiyey waxaa ka mid ahaa qowmiyadda Soomaalida walow aanay Soomaalidu fursadaas ka faa’iidaysan. SIYAASADDII DAWLADDII EPRDF IYO SOOMAALIYA Siyaasaddii EPRDF ee ku aadanayd Soomaaliya waxa aynu u kala qaybin karnaa afar mar-xaladood. Marxaladda koobaad waxay ka bilaabanaysay markii ay xukunka la wareegeen illaa sannadkii 1996. Xiliggaan Tigreegu waxay ku dhaqmayeen siyaasad soo dhawayn iyo abaal gudida. Waxay dalkoodo u fureen dhamaan dadkii ka soo qaxayey dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka qarxay. Waxay si cad oo aan mugdi lahayn qof walba oo Soomaaliya u siinayeen dhalshada dalkooda si ay ugu fududaato safarada ay aduunka ugu kala gooshayaan. Waxay qaban qaabiyeen dhawr shir oo la doonayey in dawlad loogu dhiso Soomaalida. Waxay dhex-dhexaad ka ahaayeen khilaafkii Soomaalida ka dhex alooosnaa. Marka laga reebo abaal ay Soomaalidu horay ugu gashay TPLF xilligii ay dagaalka kula jireen dawladdii dergiga, ujeedada labaad ee siyaasaddan laga lahaa ayaa ahayd in dawlad Soomaaliya ka dhalataayi ay iyaga dan ugu jirto maadaama ay jamhad cusub oo aan wali xoogaysan ay ahaayeen. Marxaladda labaad ayaa ahayd sanadkii 1996 illaa sanadkii 2002. Marxaladdaan ayaa ahayd marxaladdii faragalinta, isku dirista, kala qaybinta iyo ku duulitaanka. Siyaasaddii la qaatay marxaladdaan waxay ka dhalatay soo if bixitaankii Islaamiyiinta Soomaaliya gaar ahaan koonfurta. Waxayna si gooniya uga sii dhalatay dagaaladii Itixaadku ay ka wadeen gobolka Ogaden iyo maamulkoodii ay gobalka Gado ka sameeyeen ee ay talo iyo tabar-wadaaga ahaayeen. Waxay kale oo siyaasadaani xiriir la lahayd cilaaqaadkii ka dhaxeeyey beeshii Xuseen Caydiid iyo Islaamiyiinta. Dhanka kalana waxaa jirey warar sheegayey jiritaanka dhaqdhaqaaq Oromaa oo ku sugan gudaha koonfurta Soomaaliya. Amuurahan oo dhan ayaa ka dhigayey in dawladdii Itoobiya soo faragaliso Soomaaliya mararka qaarna ay si toosa ugu soo duusho, sida dagaaalkii ka dhacay gobalka Gado oo kale. Dawladda Itoobiya ma aanay doonayn xilligaan in wax dawladihi ay Soomaaliya ka dhalato.taas badalkeedna waxay door bidaysay kala qaybsanaanta Soomaalida, maxaa yeelay shaki ayay ka qabtay wada jirkooda. Marxaladda saddexaad waxay ahayd laga bilaabo sanadkii 2002 illaa 2010 kii. Marxaladdaan Itoobiya waxay qaadatay siyaasad ka gadisan tii hore, meeshii ay u arkaysay inaan loo baahnayn dawlad Soomaaliyeed, iminka waxaa u muuqda inay lagama maarmaan tahay in la helo dawlad Soomaaliya ka arimisa laakiin iyada xabiibba u ah. Siyaasaddaan ayaa iyaduna ka dhalatay shirkii Carta iyo wixii ka soo baxay. Dhacdadii September 11 iyo dawladdii ka dhalatay shirkii Carta oo lagu tilmaamay in ay ahayd mid Islaamiyiintu ku lug leeyihiin iyo la wareegitaankii ay Carabtu gaar ahaan Masaaridu la wareegtay dadaalkii dawlad-dhisidda Soomaalida iyaga oo isticmaalya Jabuuti, ayaa ugu waynaa baraaruggii Xabashida ee xiligaan. Itoobiya iyada oo kaashanaysa saaxiibadeeda reer galbeedka iyo dawladaha dariskaa ayaa sanadkii 2002 Soomaalida shir loogu qabtay magaalada Nairobi, kaas oo ay ka dhalatay dawladda fadaraalkaa ee maanta jirta. Marxaladda afraad ayaa ahayd laga bilaabo shirkii london sanadkii 2012 illaa iminka oo ay Itoobiya u muuqatay mid laga fogeeyey amaba daruufi ka fogaysay miiska lagu gorfeeyo masiirka ummadda Soomaaliyaeed. Marxaladdaan ayaa waxaa sabab u ahaa labo arimood oo tan koobaadi tahay isbadalka ku yimid geopolitical-ka geeska Afrika wixii ka dambeeyey soo galitaankii Turkidu ay soo gashay masrax-siyaasadeedka Soomaaliya. Taas oo sababtay in reer galbeedku ay iyagu masraxa toos usoo fuulaan, meeshii horay wakiilka looga ahaan jirey. Tan labaad ayaa iyana ahayd xasilooni daro siyaasadeed oo ku habsatey Itoobiya taas oo ka dhigaysay Xabashida kuwo ku mashquulsan gudahooda. Haddaba waxaynu oran karnaa, wixii ka dambeeyey shirkii Londen 2012, Itoobiyaanku maanay ahayn cidda keliya ee talada Soomaaliya wax laga waydiiyo ee waxaa marba marka ka dambaysa soo yaraanaysay awoodihii xoogga badnaa ee ay Itoobiya mar Soomaaliya ku lahaan jirtey. Waxaana si xawliya isu soo tarayey awoodaha ay leeyihiin daneeyayaasha kale ee Somaaliya, sida Ingiriiska, Maraykanka, Turkida ,Qadar, Imaaraadka, Sucuudiga, iyo Norway. Lasoco qaybta 9aad Mohamed Ahmed Elmi The post Taariikhdooda baro inta aadan la midoobin, taxanaha Itoobiya seddex kun oo sano – Qaybtii 8aad appeared first on Puntland Post.
-
Wafdi uu hoggaminayo Axmed Ducaalle Xaaf oo kaqeyb galay shirkii ku soo idlaaday magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle(Xaaf) waxaa Dhuusamareen ku soo dhoweeyay Ra’iisul wasaaraha Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir, xubno ka tirsan baarlamaanka iyo masuuliyiin kale oo xukuumaddiisa ah. Wuxuu ka hadlay madaxweynuhu shirkii Kismaayo, wuxuuna sheegay in shirkaasi uusan ahayn mid wax loogu dhibayo qaranimada Soomaaliyeed hayeeshee uu ahaa mid marxaladaha dalka looga arrinsanayo iyo wixii qaldan lagu hagaajinayo. HAKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/CODKA-XAAF.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo dib ugu guryo noqday caasimadda magaalada Garoowe ayaa ka hadlay ujeedka shirkii Kismaayo ugu soo dhammaaday gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo uu mudanaha guddoomiye ka yahay. Cabdiwali Cali Gaas ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid dan u ah umadda Soomaaliyeed. “Si guul ah ayuu shirku inoogu soo dhammaaday, kaasoo ay ka soo baxeen qodobo muhiim u ah horumarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweynaha. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay sababta keentay in ay xiriirka u jaraan dowladda dhexe ee dalka. HALKA HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/GAAS-PUNTLAND.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sii daynta guddoomiyaha degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir Cumar Shariif Jeeg, oo shalay dib u helay xoriyaddiisa kadib markii uu xirnaa dhowr maalmood. Cumar Shariif Jeeg ayaa loo xiray kadib markii uu sheegay in musuq-maasuq xooggan uu ka dhex jiro xukuumadda, ciidamada iyo maamulka gobolka Banaadir, isaga oo ka caraysnaa in waxyaabo uusan ogeyn laga sameynayey degmadiisa. Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweyne Farmaajo uu bixiyey amarka lagu sii daayey Cumar Shariif Jeeg, isaga oo sheegay in haddii ay jiraan qaladaadka uu sheegay Cumar la baaro, oo durba aan xarig lagula deg degin. Wararka qaar ayaa sheegaya in fanaanka caanka ah ee Banaadiriga, Shariif Jeeg oo dhalay Cumar uu la kulmay madaxweyne Farmaajo, kalana hadlay sii daynta wiilkiisa. Dhinaca kale, gudoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa maanta dhagax dhigay dhulka muranka uu ka taagan yahay oo ku yaalla degmada Xamarweyne, kasoo dhowaan Guddoomoyaha degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg in musuqmaasuq lagu qaadanayo. Dhulkan ayuu sheegay Gudoomiyihii degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg oo xabsiga in maamulka gobolka Banaadir uu dhulkaasi Musuqmaasuq ka wado ayna leeyihiin dad shacab ah, arrintaas oo keentay in shaqadii laga joojiyo, lana xiro balse ay arrintiisa farageliyeen madaxda sare, lana sii daayey. Yariisow ayaa sheegay in dhulkaasi laga furi doono Xafiisyo ay ku shaqeeyaan dhalinyaradda gobolka Banaadir iyo dadka Barakacayaasha ah, sida uu yiri, waxaan weli taagan muranka dhulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulkiisa ayaa hadal uu siiyay warbaahinta kaga hadlay ayaa qeexay sababaha keentay in qodobadii ka soo baxay shirkoodii ku soo idlaaday magaalada Kismaayo. Waxaa uu ka hadlay sababta ka dambeeysa in ay xiriirka u jaraan xukuumadda Muqdisho. Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in shirka madaxda maamullada dalka ay ku qabsadeen magaalada Kismaayo uu daba socdo dhibaatooyin iyo culeysyo uga imaanaya dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Farmaajo. Halkan Hoose Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/CODKA-SHARIIF.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar horudhac ah ayaa ka soo baxaya dil ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dhanka galbeed ee Kismaayo ayaa dilkani loogu geystay nin shacab ah oo kamid ah dadka ka ganacsada dhuxusha. Koox hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay dilka geysteen kuwaasoo dilka kaddib goobta isaga cararay. Laamaha amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland oo aan si rasmiya ula hadlin warbaahinta ayaa laga soo xigsatay in dilkaasi ay ka dambeeyso Xarakada Alshabaab. Halka dilka marxuumkani uu ka dhacay ayaa ku dhow degaanno dhowaan ay ka dhaceen dagaallo ku salleysan aanooyin qabiil kuwaasoo markii dambe ciidamada ammaanka Jubbaland ay ku guuleysteen in ay nabdeeyaan. Illaa hadda maamulka Jubbaland ayaan wax war ah ka soo saarin dilka ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose sidoo kalena ah caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com