-
Content Count
206,488 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo tagay xarunta degmada Hodan ayaa faahfaahin ka bixiyay Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, kaasoo maanta ka dhacay xarunta degmada Hodan. Gudoomiye Yariisow waxaa uu sheegay gaariga qarxay in uu xoog kusoo jiiray Barkontarool ka mid ah Meelaha laga ilaaliyo degmada ka dibna uu gudaha u galay xarunta degmada. Waxaa uu sheegay in ay hadda ku jiraan gurmad loo sameynaayo dadkii ay waxyeelado gaartay,islamarkaana Qaraxa uu sababay dhimasho, Burbur iyo dhaawacyo, inkasoo gudoomiye yariisow uu shaacin tiradda waxyeelado soo gaartay. Ilo Madax banaan ayaa xaqiijiyay ku dhawaad 7 qof in ay dhinteen, kuwaasoo isugu jira Askar iyo Shacab. Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari Nooca raaxadda ah oo uu waday qof Naftii halige ah. Gudoomiyaha degmada Hodan ayaa badqaba, waxaana hadda uu ku jiraa dadka gurmadka u sameynaya dadka ay waxyeelado gaartay , inkastoo ay jiraan xubno maamulka ka tirsan oo dhaawacyo ay soo gaareen. Mudo toban Maalmood gudahood ah waa Xaruntii labaad oo weerar ismiidaamin ah lagu qaado,iyada oo todobaadkii hore la weeraray Xarunta Maamulka degmada Howl-wadag ee Gobolkan Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dhallinyaro badan oo ku nool Caasimadda ayaa sheegaya in nolashooda uu saameyn ku yeeshay qiima korarka ku yimid kalluunka waqtiga bad xiranka. Kalluunka laga soo jalaabto xeebaha Muqdisho waxaa nolashooda ku maareyn jiray dad badan,hadii ay ahaan lahaayeen,kuwa soo jilaabta, iyo kuwa kasii ganacsada ,maadama waqtiga bad xiranka ay yartahay in kalluun si sahal ah lagu helo. Mowliid C/laahi Aweys waxaa uu iibiyaa Kalluunka waxaa uu Goobjoog News u sheegay in Kalluunka la keeno Suuqa uu yahay mid aad u yar waxaa uuna ku sheegay sababta in lagu jiro xilliga bad xiranka. Maxamed Nuur Muxidiin isna waxaa uu ka mid yahay Kalluumeysatada waxaa uu sheegay in ku dhowaad labo bil uusan helin wax jilaabasho ah Maadaama lagu jiray xilliga bad xiranka oo hadda uu Waqtigiisa uu sii dhamaanayo. Markii uu yaraado Jillaabashada Kalluunka waxaa ciriiriga ugu badan la kulma Macaamiisha iibsata Mallayga iyaga oo sidoo kale lagu kordhiyo qiimaha. Maxamed Xeydar iyo Daadir waxaa ka mid yihiin Ganacstada Kalluunka iibiya waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in ay aaminsanyihiin in badda uu ka jiro Mallaay yari jirto taasina ay keeneyso qiimo koror ku yimaada qiimaha Kalluunka . Marka lagu jiro bad xiranka waxaa aad u badan Khasaaraha ka dhasha kaasi oo is kugu jira naf iyo Maalba waxaana Kalluumeysatada soo gaaro dhibaato badan oo ay kala kulmaan badda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Afgooye (Caasimadda Online) – Hawlgal qorshaysan oo ay ciidanka Xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaano hoos-taga degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka kala tirsan Shabeellaha hoose iyo dhexe ayay kula wareegeen deegaanada Basra iyo Baqdaadi. Hawlgalkaas ayaa lagu soo furtay dad shacab ah oo u xirnaa Maleeshiyada Al-shabaab, kuwaas oo hadda dib ula midoobaya ehelkooda. Ciidanka ayaa deegaanadaas ka wada hawlgallo nabadgalyada lagu xoojinayo, islamarkaana miinooyinka looga saarayo jidadka ay maleeshiyadu gooysay, sida uu SONNA u xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan xoogga dalka. Maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa lagu dilay hawlgalka, waxaana looga furtay saanad ciidan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qarax aad u xooganaa oo maanta barqadii ka dhacay Bartamaha Muqdisho. Qaraxa oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa dhaliyay burbur xooggan oo gaaray dhismaha xarunta maamulka degmada Hodon. Al Shabaab waxay sheegtay in dagaalyahan Naftiis hure ah oo kaxeynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay uu gaarigiisa ku qarxiyay bartamaha xarunta degmada Hodon ee bartilmaameedka ku aheyd. “Al-Shabaab istish-haadi ah ayaa gaari ku beegsaday xarunta Kooxda degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, camaliyadda ayaa dhalisay dhimasho iyo dhaawac iyo burbur xooggan oo gaaray dhismaha”ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay. Dhimashada ka dhalatay qaraxan ayaa tobaneeyo gaaraya balse illaa iyo hadda tirakoob rasmi ah lagama hayo. Goobta weerarku ka dhacay ayaa ah xasaasi waxaana ammaankeeda si aad ah u ilaaliya ciidamada Nabad sugidda Dowladda Federaalka iyo kuwa Booliska. 2-dii Bishaan September ayay aheyd markii weerar midkan lamid ah lagu burburiyay xarunta degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir waxaana isla weerarkaas mas’uuliyaddiisa sheegatay Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – A loud blast followed by gunfire was heard in Somalia’s capital Mogadishu. Huge clouds of smoke could be seen above the Hodan district headquarters in the capital. The blast went off after car laden with explosives rammed into the headquarters, killing at least 7 people. There was no immediate claim of responsibility for the explosion. But, such attacks are often carried out by Al Qaeda linked Al Shabaab group in Somalia. The group has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government in fighting against the al-Qaeda-linked militants. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdiaho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ay diideen in ay ka qeyb galaan Furitaanka kala Fadhiga Afraad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kal fadhiga ka qeybgalkiisa ay diideen Xildhibaanada ayaa hadda Munaasabadiisa ay ka socota xarunta Booliska ee Generaal Kaahiye. Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in dib loo dhigay furitaanka kalafadhiga Aqalka Sare, islamarkaana maalinta Berri ah furi doonaan. Sidoo kale, Xildhibaanada waxa ay sheegeen in aysan qeyb ka aheyn furitaanka maanta ee Baarlamaanka ee Soomaaliya ee dugsiga Generaal Kaahiye. Docda kale, Sanoterada weli masheegin sababta rasmiga ah oo ay u qaadaceen furitaanka Kulanka Baarlamaanka labada aqal oo Maanta lagu waday in si wadajir ah u furmaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan lix ruux ayaa ku geeriyooday, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen Qarax culus oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay oo maanta lala beegsaday xarunta degmada Hodan ee Xamar. Qaraxan oo ahaa mid laga maqlay inta badan Muqdisho ayaa la sheegay in uu ka dhacay gudaha xarunta degmada, isla mrakaana loo adeegsaday gaari miineysan, waxaana mas’uuliyadda weerarkan sheegatay Al-shabaab. Goobjoogayaal ayaa u sheegay Puntland Post in Qarax uu geystay khasaare aad u xooggan ayna burburtay inta badan xaruntii degmada Hodan, iyagoo ku dray intaas inay jiraan khasaarooyin aad u fara badan. “Waxaan arkay maydadka lix qof oo goobta ku naf-waayay, dhaawacyo ayaa sidoo kale waxaa goobta ka qaaday gaadiidka gurmadka deg-degga ah,” ayuu yiri Goobjooge ku sugan agagaarka halka uu qarxu ka dhacay. Sidoo kale, Sarkaal ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa isagana u sheegay warbaahinta in gaariga uu ku qarxay gudaha xarunta degmada oo ay shaqo maalmeedkii caadiga ahaa ka socotay, khasaare badan ayaana ka dhashay. “Baaritaanno ayaa weli socda, waxaase hordhac ahaa u sheegi karinaa inay dhinteen lix qof, toab ruux in ka badanna ay ku dhaawacmeen,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan booliiska oo diiday inuu magaciisa sheego. Dhanka kale, Al-shabaab ayaa sheegtay inay Qarax ku weerartay xarunta Degmada Hodan ee Muqdisho, ayna tani qayb ka tahay dagaalka ay kula jiraan Dowladda Federaalka Somalia, inkastoo aysan sheegin khasaaraha ka dhashay inta uu le’eg yahay. Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Axaddii aynu kasoo gudubna ay sidan oo kale Al-shabaab qarax ula beegsatay xaruntii degmada Howl-wadaag, kaasoo dhaliyay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo aad u fara badan. PUNTLAND POST The post Faahfaahin: Khasaarihii ka dhashay qaraxii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Qaraxaan oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lagu dhuftay Albaabka laga galo Xarunta Maamulka degmada Hodan ee Gobolkaan Banaadir. Inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa laga maqlay jugta qaraxa,iyada oo ay xigtay rasaas farabadan oo aan weli la shaacin cida rideysa. Inta badan waxaa bur buray Xarunta Maamulka degmada Hodan ee qaraxa lagu weeraray,waxana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaas. Wariyeyaal ku sugan Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in ay arkayeen khasaaraha dhimasho ee qaraxasi ka dhacay,sial amrkaana ay jiraan dhaawacyo ay qaadayaan Gawaarida gurmadka deg dega ah ee loo yaqaano ambalaasta.
-
Weerar ismiidaamina oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa lagu weeraray Xarunta Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Xiliga uu Qaraxa ka dhacaayay xarunta ayaa waxaa halkaa ku sugnaa mas’uuliyiin iyo dad shacab ah oo halkaa howl uga soctay. Burbur xooggan ayaa soo gaaray xarunta degmada Hodan Waxaana goobta laga qaaday Meydad iyo dhaawacyo sidda dadkii goobta tagay sheegeen. Dad ku sugnaa albaabka dhismaha xarunta ayaa kamid ahaa dadkii ku dhintay Qaraxa waxaana sidoo kale kamid ahaa ciidamo ka tirsan kuwa degmada. Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta ay wax ka dhaceen, halkaasi oo dad dhaawacyo ah laga daadgureeyay.
-
At least four people are dead after a suicide bomber detonated an explosives-laden vehicle at the gate of a district headquarters in Mogadishu, a Somali police officer said Monday. Source: Hiiraan Online
-
Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helayo Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari, kaasi oo lagu weeraray xarunta degmada Hodon ee magaalada Muqdisho. Wararka ay heleyso Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in burbur xooggan uu soo gaaray guud ahaan xarunta degmadaasi, waxaana sidoo kale burbur xooggan uu soo gaaray dhammaan guryihii ku dhowaa halkaasi. In ka badan 10 qof ayaa dhaawac uu soo gaaray, iyadoo weli aan la hayn tiro sax ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxan. Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray gaadiidka gurmadka ah, waxaana la daabulayaa dadka waxyeelladu soo gaartay. Xilliga qaraxan uu dhacayey waxaa degmada Hodon ka socday shaqooyinkii caadiga ahaa, iyadoo gaarigan lama filaan halkaasi ugu qarxay. Ma jirto cid ka mid ah dowladda federaalka Soomaaliya oo ka hadashay qaraxan, iyadoo weli gurmadka uu socdo. 2-adii bishan ayeey ahayd markii qarax Ismiidaamin ah oo xooggan sidan oo kale loogu weeraray xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Aqalka Sare ee baarlamaanka 10aad ayaa qaadhacay ka qeyb-galka kulanka lagu furayey kalfadhiga 4aad ee baarlamaanka federaalka ah. Senatarro la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in aan aqalka sare aan la furi-doonin maanta, oo furitaanka uu dib ugu dhacay maalinta berri ah. Senatarrada ayaa ka gaabsaday inay nala wadaagaan faah-faahin intaasi dhaafsan. Faah-faahinta kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qarax loo adeegsaday gaari ayaa goordhaw waxaa uu ka dhacay degmada Hodan, ee magaalada Muqdisho. Gawaariga gurmadka ayaa halkaasi ka qaadey dhaawac, waxaa lagu waramayaa inay jiraa dhimasho iyo khasaare hanti. September 2, 2018 ayaa waxaa uu qaran midkan oo kale ka dhacay xarunta degmada Howl-wadaag oo daris la ah degmada Hodan. Wararka oo Faah-faahsan, Kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - A huge explosion, followed by sounds of gunfire are shaking the city of Mogadishu, Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kaa oo inta badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaraxa oo jugtiisa uu ahaa mid aad u xoogan ayaa waxa uu u muuqda mid loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa. Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay degmada Hodan gaar ahaan meel u dhow Xarunta degmada, waxaan weli la ogeyn goobta sida gaarka ah loo bartilmaameedsaday. Qaraxa kadib ayaa waxaa mar qura is qabsaday rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowlada ee ku sugnaa meel ku dhow dhow goobta uu Qaraxa kadhacay. Waxaa la maqlayaa guuxa gaadiidka gurmadka oo ku qulqulaaya halka uu Qaraxa kadhacay, waxaana xusid mudan in gaadiidka dagaalka ciidamada dowlada ay gaarayaan goobta Qaraxa. Ma cadda heerka uu la egyahay khasaaraha ka dhashay Qaraxa waxaana inta badan xiran waddooyinka magaalada oo lasoo dhigay ciidamo badan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qarax aad xoogan maqalkiisana si weyn looga maqlay ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qaraxaan ayaa warar hor-dhac ah oo aan heleyno ay sheegaya in uu ka dhacay xarunta degmada Hodan ee Muqdisho. Wararkaan hor-dhaca ah oo ku soo dhacay goordhow warqabadka Puntland Post ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in gaari qarax ah lagu dhuftay xarunta degmada Hodan ee Muqdisho. Dhowaan ayey aheyd markii qarax ismiidaamin ah oo noocaan oo kale ah kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta Degmada Howlwadaag ee Muqdisho. Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi oo ah mid aad u cuslaa. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa cadeysay Mowqifkeeda ku aadan shir degdeg ah uu isugu yeeray Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo kadib qodobada kasoo baxay shirka Kismaayo. Qoraal lagu soo daabacay Barta Twitter-ka ayaa waxaa lagu sheegay in maamulka uusan ka qeybgali doonin shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo. Qoraalka oo si gaara loogu soo daabacay Bogga Twitter-ka Wasiirka Wasaarada Qorsheynta ee Maamulka Jubbaland Aadan Aw Xirse ayaa waxaa lagu sheegay in maamulka uusan qeyb ka noqon doonin shirka. Wasiirka waxaa uu sheegay in aysan Jubbaland ka qeyb gali doonin shirka golaha amniga,ee bishan dhexdeeda ka furmaya Magaalada muqdisho, isla markaana lagu casuumay dhamaan madaxda Maamul gobaleedyada. Waxaa lagu sheegay qoraalka in shirkaasi haba yaraatee uusan khuseyn Jubbaland, isla markaana aysan ka qeybgali doonin xubno ka tirsan maamulka. Jubbaland ayaa horay u sheegtay in gabi ahaan ay xiriirka u jartay dowlada Somalia, iyadoo warbixin saaka soo baxdayna lagu sheegay inaysan wada shaqeyn Karin Hay’adaha maamulka iyo kuwa dowlada. While #CIC yearns for a meaningful constructive deliberations with our Federal Govt seeking an amicable solution to the prevailing acrimony in the country, we can’t be expected to attend the upcoming National Security Council as advertised via #Twitter by the President’s Office. https://t.co/6GzLqEb67W — Aw Hirsi (@JustAwHirsi) September 9, 2018
-
Cadaado (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), ayaa si adag uga hadlay dhibaatooyin farabadan oo uu sheegay in maamulkiisa ay ku hayan mucaaradka. Xaaf ayaa sheegay in mucaaradka ay tiitiimo u beerayan maamulkiisa isla markaana ka shaqeynayan sida ay ku burburi laheyd Galmudug. Xaaf ayaa hadalkan sheegay kadib markii shalay lagu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna cod dheer ku sheegay inuu aad ula socdo dhaqdhaqaaqa mucaaradka. Wuxuu sheegay in la isku qaban karo arrimo siyaasadeed, balse wuxuu ka dalbaday xubnaha dhaliilsan siyaasadiisa in aysan marnaba qaadan qorshe ku aadan duminta maamulka Galmudug. “Waxaa jira mas’uuliyiin badan oo aad iiga soo horjeeda hadii aan kala siyaasad duwanaanay maaha inay ka shaqeeyan duminta maamulka, waxaan doonayaa inad iga qafiifisan culeyska” “Wan qabaa in wax la mucaarado balse mucaaradnimadiina waa inay ahaataa mid wax dhiseysa, ma fiicno mucaaradnimo wax dumineysa, ummadda hala wacyi geliyo dadka haloo sheego waxa wanaagsan”. Sidoo kale, Mucaaradka ayuu sheegay inay isugu jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia oo kasoo jeeda Galmudug iyo kuwo xilal ka haya maamulkiisa oo iyaguna diidan siyaasada Xaaf”. Haddalka Xaaf, ayaa imaanaya xili mas’uuliyiin ka kala tirsan dowlada iyo maamulka ay ka shaqeynayaan sida lagu tuuri lahaa Xaaf iyo xubno kale oo ka tirsan Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Maamul goboleedka Jubbaland ayaa mar kale ku dhawaqay in si gaara ay u hakiyeen xiriirka kala dhexeeyay dhowr Hay’adood oo ka tirsan dowlada dhexe ee Somalia ilaa iyo amar danbe. War kasoo baxay Madaxtooyada maamulka ayaa lagu sheegay inuu soo xirmay xiriirka Hay’ado muhiima oo ka tirsan dowlada kuwaa oo haya shaqooyinka ugu badan ee maamulada. Qoraalka oo si gaara uga soo baxay Xafiiska Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Axmed Xasan ayaa waxaa lagu sheegay in hakinta wada shaqeynta Hay’adahaasi oo aan la xusin ay timid kadib markii dowlada Dhexe ay ka weecatay xeendaabka. “Waxaanu qireynaa in Jubbaland ay si rasmi ah maanta u hakisay xiriirkii wada shaqeeneyd ee kala dhexeeya hay’ado gaara oo ka tirsan dowlada Dhexe” “Jubbaland kama raali noqon doonto dulmi kaga imaada dowlada dhexe, waxa ay ka doorbideysaa inay hakiso xiriirka dhamaan Hay’adaha sida gaarka ah ay u wada shaqeyn jireen ee dowlada” “Hay’adaha maamulka Jubbaland waxaanu fareynaa inaysan shaqo la wadaagi Karin Hay’adaha dhigooda ah ee dowlada dhexe” Madaxtooyada Jubbaland ayaa fartay dhammaan hay’adaheeda dowligga ah in la hakiyo wadashaqayntii ay la lahaayeen hay’adaha iyo Wasaaradaha Dawladda Federaalka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo ka duulaya degdega maamulada ayaa 17 ilaa 18 bishan shir deg deg ah isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada. Arrintan ayaa waxa ay timid kadib shirkii Sabtidii ina dhaaftay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbalada Hoose, kaasi oo ay yeesheen madaxda dowlad goboleedyada oo sheegay inay hakiyeen xiriirkii dowladda. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Police in Lamu County have arrested a man who is suspected to have links with Somalia-based militant group Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Isniin ah 10-09-2018 lagu wadaa in uu furo kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kulankaan furitaanka ah ayaa lagu wadaa in madaxweyne Farmaajo uu qudbad ka jeediyo islamarkaasina uu ka hadlo wax qabadka Dowladiisa. Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa fariimo war galin ah in kulanka Furitaanka Maanta Baarlamaanka uu jiri doono u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Warar ay heshay Puntland Post islamarkaasina ay ka heshay qaar kamid ah Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud islamarkaasina ah Xildhibaan Sharafeed oo ka soo qeyb gali doono Shirka Maanta. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Fasax galay 10-kii bishii July ee Sanadkaan 2018-ka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo Furaya Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in guud ahaan uu hakiyay xiriirkii kala dhaxeeyay dowlada Dhexe ee Soomaaliya. Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Maamulka Jubbaland Axmed Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in guud ahaan ay hakiyeen xiriirkii wada shaqeeyneyd oo ay la lahaayeen dowlada Dhexe ee Soomaaliya. “Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa fartay dhammaan hay’adaheeda dawligga ah in la hakiyo wada shaqayntii ay la lahaayeen hay’adaha iyo Wasaaradaha dowladda federaalka. Arintaan Ayaa daba socota Kulan Sabtidii la soo dhaafay lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Kismaayo oo Madaxda maamul Goboleedyadu ay ku sheegeen in ay xiriirkii wada shaqeeyneyd ay u jareen Dowlada Federaalka Soomaaliya uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Dowlada Dhexe iyo kuwa maamul Goboleedyada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Jubbaland oo hakisay Wada shaqeeyntii kala dhaxeeysay Dowlada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta oo isniin ah lagu wadaa in uu furmo kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal. Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi ayaa la filayaa inuu furo kal-fadhiga, isla markaana khudbad ka horjeediyo Xildhibaanada labada Aqal. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta badan waxa uu khudbadiisa kaga hadli doonaa xaalada Somalia iyo mudada ay jirto dowlada Federaalka uu hogaamiyo iyo waxyaabaha u qabsoomay. Xildhibaanada labada Aqal ayaa ku jiray fasax laba bilood ah,balse Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa horay warqad uu soo saaray waxa uu ku shaaciyay in 10 Bishan September uu furmayo kal-fadhiga afaraad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kulankan waxaa ka qeyb galaya dhammaan xubnaha Baarlamaanka iyo xubno ka socda Beesha Caalamka, sidoo kale kulanka waxaa la filayaa inuu ka qeyb galo Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Kheyre. Waxaa sidoo kale kulanka ka qeyb noqon doona Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah xildhibaan sharafeed, kadib markii bishii hore dhammaadkeeda uu dib ugu soo laabtay dalka. Baarlamaanka labada Aqal ayaa fasax ku jiray labadii bilood ee la soo dhaafay,waxaana la sheegayaa in kal-fadhigii Saddexaad aysan wax Shaqo ah qaban,balse ay haatan horyaallaan ajandooyin dhowr ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com