-
Content Count
206,488 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jubbaland ayaa shuruud ku xirtay ka qeyb galka shirka uu iclaamiyay madaxweyne Maxamed Farmaajo ee gollaha amniga qaranka. Aadan Ibraahim Aw-Xirsi oo ah wasiirka wasaaradda Qorshaynta ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka dhawaajiyay in Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) uusan imaan doonin magaaladani Muqdisho islamarkaana uu ka qeyb gali doonin shirka Gollaha Amniga Qaranka oo uu Madaxwayne Maxamed Farmaajo ku baaqay fiidnimadii sabtida ahayd ee la soo dhaafay. Sida qorshaha uu yahay shirka oo la doonayo in uu ka dhaco maagaalada Muqdisho ayaa la shaaciyay in uu ka qabsoomayo magaaladani 17-ka illaa iyo 18-ka bishani aynu ku guda jirno ee September 2018, sidaas waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo laga soo saaray aqalka dalka looga arrimiyo ee Villa Somalia. Baaqaasi Madaxwaynaha dowladda federaalka Farmaajo ayaa yimid saacado yar kaddib markii warsaxaafadeed laga soo saaray baxay Shirkii Magaaladda Kismaayo ugu gabagaboobay Madasha Iskaashiga dowlad goboleedyadda, kaasoo ay ku sheegeen inay hakiyeen wadashaqayntii dowladda kala dhaxaysay. Wasiirka qorsheynta Jubbaland Aadan Aw-Xirsi oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ayuu ku shaaciyay in marnaba maamulkiisa uusan shirkaan kasoo qaybgeli doono, maadaama ay joojiyeen xiriirkii wadashaqayneed ee kala dhaxaysay dowladda Federaalka. “Inkasta oo Gollaha Iskaashiga maamuladda uu ku dadaalayo in la helo wada-hadal wax ku ool ah oo lala yeeshaan Xukuumaddayada Federaalka oo raadineysa xal xeeldheer oo la xidhiidha hannaanka ku-meel-gaadhka ah ee waddanka, lama filayo inaan ka soo qaybgalno shirka Golaha Ammaanka Qaranka ee soo socota, sida lagu xayeysiiyay barta Twitter-ka ee xafiiska Madaxwaynaha,” ayuu uqornaa qoraalka Wasiirka. Mudane Aw Xirsi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyay inuu si cad daboolka uu uga qaadayo in maamulkiisa uu ka sugayo Madaxtooyadda Soomaaliya inay jawaab cad ay kasoo bixiso gabi ahaanba War-muriyeedka Shirkii saddexaad ee Gollaha Iskaashiga maamuladda iyo dhaliilaha loogu jeediyey. “Waxaan haatan ka sugeynaa Villa Soomaaliya inay si qoto dheer uga hadlasho, ayna meelayso digniinta khatarta ah ee lagu sheegay War-murtiyeedka Shirka Saddexaad ee Madasha Iskaashiga dowlad goboleedyadda,” ayuu raaciyay. Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa wuxuu noqonayaa maamul goboleedkii ugu horeeeyay ee ka tirsan Gollaha Iskaashiga dowladaha xubinta ka ah xukuumadda federaalka, kaasoo ka horyimid shirka uu ku baaqay Madaxwaynaha, lamana ogga mowqifka kuwa kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay qaraxyada maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir ay ku shaqeeyaan. Subaxnimadii Isniinta 10-09-2018 ayay ahayd weerarkii ugu dambeeyay markii lagu qaaday xarunta maamulka degmada Hodan. “Runtii aad beey ii dhibeysaa inay caado noqotay kalmad kasta oo ayaantay la billaabayo in tacsi lagu billaabo, waxay nuxurka ka qaadaysaa tacsidii, waxay baabi’inaysaa dareenkii uu qabay beni’aadamku uu qabay waxay ka dhigaysaa wax caadiya musiibo maalin kasta dhacaysa, haddamna in laga tacsiyeeyo waa ku qasbanahay dhibaato kasta oo shacabkeenna ku dhacda, aad baa uga tiiraanyeeysanahay dhacdadii labaad oo degmada Hodan maanta ka dhacday” ayuu yiri Madaxweyne Waare. Madaxweyne Maxamed Waare ayaa daboolka ka qaaday in ay muhiim tahay in la helo cid lagu la xisaabtami karayo masuuliyadda qaraxyada dhacaya. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/waare-iyo-Qaraxii-Maanta.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland ayaa heshiis is faham ah magaalada Nairobi kula saxiixatay Xarunta Caalamiga ah ee Qiimaynta iyo Horumarint ee lagu magcaabo ICED taas oo waddamo badan caalamka ah ka hawl-gasha. Heshiiska oo ah mid looga gollahaa iskaashi dhex mara labada dhinaca oo la xiriira tayay iyo khibrad is weydaarsi ayaa dhanka Puntland waxa laysla qaatay in wax laga qabto tayaynta shaqaalaha Waaxda Qiimaynta iyo Kormeerka ee Wasaaradda Qorshaynta Puntland iyo sidookale sidii loo dejin lahaa hannaan daah furan oo ku salaysan xog is weydaarsi. Sidoo kale waxaa laysla qaatay in lawada diyaariyo Manhajka barashada Daraasaadka Kormeerka iyo Qiimaynta si loo waafajiyo baahida rasmiga ah ee Waddanka ka jirta iyo sidoo kale in Wasaaradda iyo Xaruntu ay yeeshaan kulamo is dabo joog ah oo la xiriira xoojinta iskaashiga labada dhinac. The post Wasaaradda Qorshaynta Puntland oo heshiis la gashay Hay’ado Caalami ah appeared first on Puntland Post.
-
Washington DC (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa xiray xafiiskii [safaaraddii] Falastiin ee Washington iyada oo uga gol leh in ay cadaadis hoggaanka Falastiiniyiinta ku saafta ka tanaasulidda ololaha Israel ka dhanka ah ee ay geysay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, International Criminal Court (ICC). Mas’uul sare oo ka tirsan Falastiiniyiinta ayaa sheegay in xafiiskiisa go’aankaas lagu soo wargaliyey iyada oo loogu daray in Mareykanku uu tallaabadan u qaaday in uu ku Israel dambiyadeeda ku badbaadiyo. Si kastaba qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa lagu sheegay in safaaradda loo ogolaaday inuu ahaa in looga shaqeeyo nabad dhex marta Israel iyo Falastiin, taasi oo Falastiiniyiinta ay ku guul-darreysteen. Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in Falastiiniyiinta ay diideen qorshihii nabadda baraga dhexe ee madaxweyne Trump, ayaga oo aan xitaa arkin. Qorshahaas ayaa waxaa qeyb ka ah in magaalada Qudus ay tahay magaalo Yahuudeed oo anaay Falastiiniyiinta sheegan karin, sida la tuhunsan yahay. Maamulka Trump ayaa horey Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel. “Waxaan ku celinayaa in xuquuda dadka Falastiin aysan iib ahayn, iyo in aynaan isu dhiibi doonin hanjabaada iyo guul guulka Mareykanka,” waxaa sidaas yiri Saeb Erekat, oo ah diblomaasi sare oo Falastiini ah. “Sida ay tahay, waxaan sii wadi doonnaa in aan maxkamadda dambiyadda caalamiga ah in ay si deg deg ah baaritaan ugu sameyso dabiyada Israel,” ayuu hadalkiisa ku daray. Caasimada Online Xafiiska Washington DC Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray sababihii uu dib uga dhacay furitaankii Kal-fadhiga afaraad oo maanta oo Isniin ah loo balansanaa in si wadajir ah loogu furo Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Guddiga sare ee Aqalka sare ayaa ka baaqsaday furitaankii Kal-fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka, iyadoo la filayay in Labada Aqal oo wadajir ah in Kalfadhigooda 4aad la furi doono, balse Madaxweynuhu uu furay kaliya kalfadhigii 4aad ee Golaha Shacabka. Guddiga joogtada Aqalka Sare ayaa sheegay inuu go’aamiyay in sababo amni iyo kuwa farsamo awgeed dib loogu dhigay furitaankii kalfadhiga afaraad, isla markaana dib laga soo sheegi doono waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 4aad ee Aqalka Sare. Ugu dambeyn, Guddiga Joogtada ayaa walaac ka muujiyay xaaladaha murugsan ee siyaasadeedamni iyo mida nidaamka Federaalka oo sii xumaanaya ee uu dalku marayo, waxaana Guddigu sheegay inuu qaadi doono tallaabooyin iyo dadaalo xaldoon ah oo uu Aqalka Sare u marayo matalaadiisa dastuuriga. AKHRISO: Bayaanka kasoo baxay Aqalka sare ee Baarlamaanka FS. PUNTLAND POST The post Aqalka sare ee Baarlamaanka oo bayaan kasoo saaray sababtii ay uga baaqdeen… appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa isku dayaysa inay bad-baadiso ku xigeenka agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo waaxda socdaalka Kenya ay baaritaan ku hayso, sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska Africa Intelligence. Fahad ayaa lagu tuhmayaa inuu haysto laba baasaboor oo Kenyan ah oo qaab sharci-darro ah uu ku helay, islamarkaana ay ku qoran yihiin taariikho dhalasho oo is-khilaafsan, islamarkaana khilaafsan kuwiisa Soomaaliya. 21-kii August, wargeyska caanka ah ee Daily Nation ee Nairobi ayaa qoray in Fahad Yaasiin, oo adeegsanaya magaca Ahmed Fahad Daahir uu haysto basaboorka Kenya ee lambarkiisu yahay C024542 iyo kaarka aqoonsiga ama kibaandhaha ee lambarkiisu yahay 22847167, kuwaas oo hadda la baarayo sida uu ku helay. Fahad Yaasin, ayaa Daily Nation uu sheegay, inuu sheegtay inuu Mandera ku dhashay 19-kii July 1978-kii, halka kaarkiisa aqoonsiga Soomaaliga uu caddeynayo inuu Soomaaliya ku dhashay. Sidaas oo ay tahay ayaa haddana kaarkiisa kibaandhaha waxaa ku qoran inuu dhashay Apri, 5, 1978-kii, waxaana lasoo saaray 2001. Wargeyska Africa Intelligence ayaa qoraya in wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu ka dhaadhicinayo dhiggiisa Kenya in xukuumadda Soomaaliya loo ogolaado inay arrintan ayada la macaamisho, hase yeeshee wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiangi uu diidan yahay inuu joojiyo baaritaanka. Wargeyska ayaa sheegay in Fred Matiangi uu amray in Fahad la xiro haddii uu soo caga dhigo dalka Kenya. Dowladda Soomaaliya weli si shaacsan ugama hadlin arrntan. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Waayahan dambe, waxay warbaahinta iyo baraha bulshada aad u hadal hayeen xurguf uu ku lug leeyahay taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya (NISA), Cabdalla Cabdalla, oo maalin ka hor laga xayuubiyay dhamaan darajooyinkii ciidan. Haddaba waxaan qormadan ku eegeynaa waxa uu yahay khilaafla u dhexeeya Cabdalla Cabdalla iyo hoggaanka hay’adda NISA. Maxay isku haayaan Cabdalla Cabdalla iyo hoggaanka NISA? Wareysi uu Cabdalla Cabdalla siiyay VOA markii xilka laga qaaday ka dib ayuu ku sheegay in uusan ogeyn sababta xilka looga qaaday. Mas’uulkan muddo dhowr sano ah ayuu u shaqeynayay NISA. Inkasta oo dowladdu aysan sheegin sababta xilka looga qaaday, ayaa haddana Cabdalla Cabdalla iyo Taliye kuxigeenkii kale ee hay’adda (NISA) Cabdiqadir Maxamad Nuur, oo Jaamac ku magac-dheer, waxaa labadaba la casilay ka dib laba toddobaad oo qaraxyo is xig-xigay lala beegsaday agagaarka madaxtooyada, kuwaas oo ay dad ku dhinteen, kuna dhaawacmeen. Waxaa lagu beddelay Fahad Yaasiin oo ahaa agaasimihii madaxtooyada Soomaaliya. Jaamac waxaa loo magacaabay inuu la taliye u noqdo guddoomiyaha Baarlamaanka, laba maalmood markii xilka laga qaaday. Sidaa darteed, warbaahinta lama hadlin, wax eed ahna ma jeedin. Cabdalla Cabdalla iyo warbaahinta Xil ka qaadista ka dib, Cabdalla Cabdalla waxaa uu ka hadlay warbaahinta, waxaana uu si qota dheer uga hadlay xaaladda hay’adda NISA, isagoo xitaa sheegay in xafiiskiisa la jabsaday. Cabdalla ma ahayn nin warbaahinta la hadla, laakinse wareysi uu siiyay VOA ayuu ku sheegay in 18-kii ee la soo dhaafay uu ku dadaalay in “madaxweynaha aan la dhumin oo aan la go’doomin,oo xaq u yeesho waxa waddanka ka jira”. Sirta Dowladda Dunida inteeda kale, sirdoonka waa hay’adda ugu muhiimsan dalka, taasoo ka shaqeysa amniga waddanka. Jen Maxamad Ibraahim Guubir, oo ka tirsanaan jiray ciidanka Soomaaliya, ayaa sheegay inay “dembi qaran tahay” in mas’uul sare oo ka tirsan hay’adaha nabadsugidda uu warbaahinta kala hadlo waxyaabo aan loo igman. Waxaa uu intaasi ku daray Jen Guubar in madaxda amniga ay maraan dhaar ah inay xafidi doonaan sirta qaranka, hadii ay ka baxaana, ay micnaheedu tahay inay ka baxeen “ballantii ay qaadeen”. Darajo ka qaadista Ka dib muranka dheer ee u dhexeeyay Cabdalla Cabdalla iyo hoggaanka hay’adda NISA, ayaa ugu dambeyntii madaxweynaha Soomaaliya wuxuu darajadii ciidan ka xayuubiyay Cabdalla Cabdalla. Jen Guubir oo aan arrintaasi wax ka weydiinay ayaa sheegay in madaxweynaha uusan darajada ciidan iskii u xayuubin Karin. Guubir wuxuu kaloo sheegay inay ahayd in guddi qaran loo saaro howshan. Waxaa uu leeyahay “in kasta oo ay khalad tahay in taliye hore oo amni uu sirta dowladda kala hadlo warbaahinta, aysan haddana sax ahayn in si fudud darajo ciidan lagu xayuubiyo. Waxay in guddi qaran uu go’aankaasi gaaro, baaritaan qoto dheer ka dib”. Khilaafkan meeshiisii ugu sarraysay gaaray ee keenay in darajo xayuubinta mooyee xataa laga saaro sarkaalkaas xubinnimadii NISA ayaa loo aanaynayaa laba sababood. Mid waxay salka ku haysaa xil ka qaadidda, lamana shaacin. Inkastoo sababo iyo magacyo shakhsiyaad kale oo xilal haya la isla dhex marayo, haddana xaqiiqda waxaa og inta uu khilaafku u dhaxeeyo. Tan labaad ee loo jeedo ayaa ah hadalkii uu warbaahinta siiyey Cabdalla Cabdalla. Marka laga yimaado doodda ah in aan laga hadli karin sirta amni ee dalka, haddana waxaa jira xuquuqo u ogolaanaya qofka inuu hadli karo, waxaase jira xuduudo celinaya. Xuduudahaas miyuu ka gudbay Cabdalla Cabdalla oo ma isagaa khaldan, mise dawladdu way ku fududaatay oo ayadaa ka khaldan? Waa laba su’aal oo aan jawaabtood au daynayno wakhtiga iyo dadka xog-ogaalka ah. Isha: BBC
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaday in dowladiisu ay Barnaamijka lagu magacaabo Isxilqaan ku dhiseyso ku dhawaad 6 Xarumood oo muhiim ah. Madaxweyne Farmaajo oo maanta Khudbad ka jeedinaayay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in dowladiisa ay ku guuleysatay qorshaha lagu dhisaayo 6-da Xarumood. Farmaajo waxa uu ujeedka barnaamijkaasi ku sheegay mid muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dhismaha wadanka uga qeyb qaadanayan si loo soo celsho bilicda. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowlada Somalia ay xooga saareyso sida lagu soo nooleyn lahaa dhismayaasha goobaha muhiimka u ah dowlada, waxa uuna cod dheer ku sheegay goobaha la dhisayo, cidda ka qeybgaleysa iyo xilliga ay shaqooyinkaas qabsoomayaan. Waxa uu shaaciyay 6-da xarumood ee muhiimka ah isla markaana lagu dhisaayo Barnaamijkan is xilqaam kuwaa oo kala ah:- 1-Xarunta Madxafka qaranka 2-Xarunta Golaha Murtida iyo wacyigelinta dadweynaha 3-Xarunta Maktabadda qaranka 4-Xaruntii dhexe ee Xisbiga 5-Muqdisho Istaadiyoom 6-Cisbitaalka Banaadir Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Barnaamijka isxilqaan waa olole dadweyne oo ku dhisan iskaashi si loo dhiso dugsiyadda, waddooyinka, goleyaasha murtida iyo wacyigalinta, jardiinooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee guud ahaan dalka”. Si loo fuliyo Barnaamijka Isxilqaan ayuu sheegay Madaxweynuhu in loo mari doono guddi heer qaran oo ka kooban wasaaradaha ku shaqada leh ee xukumadda, bulshada rayidka ah, culumada iyo ciidamada. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay Ololaha Isxilqaan 26 bishii Juun ee sanadkan kaasi oo iminka laga soo xareeyay dhaqaale xoogan oo kaafinkara dhismaha xarumahaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Bosaso[Puntland Post]-Magaalada Bosaso ayaa maanta lagu soo dhaweyey musharax Madaxweyne Faarax Cali Shire oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimda Puntland 2019. Waxaana soo dhaweyntiisa ka qeyb galay Maamulka Gobalka Bari,qaar ka mid aha Saraakiisha ciidamadda dawlada iyo bulshada qeybaheeda kale duwan. Dadweynihii soo dhaweeyey musharaxa ayaa waxa ay uga hortageen Garoonka diyaaraaha Bosaso ,waxaana halkaasi uu musharaxa ugu gacan qaaday dhammaan dadkii ku soo dhaweeyay magaalada. Musharax Faarax Cali Shire ayaa waxa uu la hadlay dad weynihii ka qeyb galay soo dhaweyntiisa, waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta uu kala kulmay magaalada Bosaso islamarkan uu kulamo la yeelan doono bulshada inta uu joogo Bosaso. Soo dhaweynta loo sameeyey Musharax Madaxweyne Puntland Faarax Cali ayaa si weyn looga dareemay magaalada Bosaso waxaana la filayaa in uu shir gaar ah la yeesho waxgaradka,nabadoonada, haweenka iyo qeybaha bulshda ku dhaqan magaalada Bosaso. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Musharax Faarax Cali Shire oo Bosaso lagu soo dhaweeyey appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay dadkii rayidka ahaa iyo askartii ku shahiiday falkii argagixisanimo ee saaka ka dhacay Xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Madaxwaynaha ayaa khudbad uu u jeediyey Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa uu ku bogaadiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay qabteen intii ay socdeen kalfadhiyadii hore, isagoona ugu baaqay in ay sii dardargeliyaan dadaalladaas, ansixiyaanna sharciyada, xeerarka iyo siyaasadaha qaran ee wali horyaalla. “Dalkeennu wuxuu ku jiraa geeddi-socod siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo bulsho. Qof kasta oo inaga mid ahna mas’uuliyad ayaa ka saaran arrimahaas oo ay tahay in dhammaan laga soo wada dhalaalo.” Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey dadaallada ay ku bixisay Dowladda Federaalka dib u habaynta garsoorka, kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka musuq-maasuqa, dib u eegista dastuurka, kor u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo hagaajinta nidaamka hufnaanta maaliyadda oo fursad u siinaya Soomaaliya inay dib ugu xirmato hay’adaha dhaqaalaha adduunka. “Dhammaan shuruudihii muddadooda la gaaray ee ku xirnaa cafiska daynta waan ku guuleysannay, taas ayaana sababtay in Midowga Yurub uu inoo ballan-qaaday taageero miisaaniyadeed oo gaareysa $120 milyan.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shirkii Madasha iskhaashiga Soomaaliya ee Brussels ay ka soo baxeen natiijooyin kaabaya shirkii Golaha amniga ee horraantii Juun ee sanadkan ka dhacay magaaladda Baydhabo, halkaas oo lagu saxiixay hannaanka doorasho iyo kheyraad wadaag ee dalka. Mdaxweynaha ayaa la wadaagay Mudaneyaasha Golaha Shacabka dowrka Soomaaliya iyo dadaalada ay ku bixinayso dhiiri galinta isdhexgal dhaqaale iyo mid bulsho oo ka hana qaada Geeska Afrika. “Waxaa guul inoo ah in aanu bilihii na soo dhaafay dadaal ku bixinnay sidii loo dhammeyn lahaa isfaham darradii ka dhex jirtay waddamada Gobolka, taas oo mira-dhalkeedu noqday in dalalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Eritereeya ay isfaham ka garaan xurguftii ka dhaxeysay. Waxaan soo xirnay albaabkii u dambeeyay ee isfaham darrada dalalka gobolka, waxaan u gudbeynaa marxalad iskaashi iyo wax wada qabsi.” Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan dib-u-dhiska dalka, dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta kaabeyasaasha dhaqaalaha, iyadoo loo marayo barnaamijka is-xilqaan oo aas-aas u noqonaya in Soomaaliya ay cagaheeda dib ugu istaagto, waqti kooban gudihiis. “Ummad walba waxay horumar iyo barwaaqo ku gaartaa markay isku tashato, wax wada qabsato oo gacmaheedana ku hagar baxdo, sidii ay Soomaali hore u tiri biyo sacabadaada ayaa looga dhargaa.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay qaar ka mid ah mashaariicda horumarineed ee lagu hirgelinayo Barnaamijka isxilqaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhisidda dugsiyadda, waddooyinka, goleyaasha murtida iyo wacyigalinta, jardiinooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee guud ahaan dalka. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka hor jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo furay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay dadkii rayidka ahaa iyo askartii ku shahiiday falkii argagixisanimo ee saaka ka dhacay Xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Madaxwaynaha ayaa khudbad uu u jeediyey Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa uu ku bogaadiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee ay qabteen intii ay socdeen kalfadhiyadii hore, isagoona ugu baaqay in ay sii dardargeliyaan dadaalladaas, ansixiyaanna sharciyada, xeerarka iyo siyaasadaha qaran ee wali horyaalla. “Dalkeennu wuxuu ku jiraa geeddi-socod siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo bulsho. Qof kasta oo inaga mid ahna mas’uuliyad ayaa ka saaran arrimahaas oo ay tahay in dhammaan laga soo wada dhalaalo.” Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey dadaallada ay ku bixisay Dowladda Federaalka dib u habaynta garsoorka, kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka musuq-maasuqa, dib u eegista dastuurka, kor u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo hagaajinta nidaamka hufnaanta maaliyadda oo fursad u siinaya Soomaaliya inay dib ugu xirmato hay’adaha dhaqaalaha adduunka. “Dhammaan shuruudihii muddadooda la gaaray ee ku xirnaa cafiska daynta waan ku guuleysannay, taas ayaana sababtay in Midowga Yurub uu inoo ballan-qaaday taageero miisaaniyadeed oo gaareysa $120 milyan.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shirkii Madasha iskhaashiga Soomaaliya ee Brussels ay ka soo baxeen natiijooyin kaabaya shirkii Golaha amniga ee horraantii Juun ee sanadkan ka dhacay magaaladda Baydhabo, halkaas oo lagu saxiixay hannaanka doorasho iyo kheyraad wadaag ee dalka. Mdaxweynaha ayaa la wadaagay Mudaneyaasha Golaha Shacabka dowrka Soomaaliya iyo dadaalada ay ku bixinayso dhiiri galinta isdhexgal dhaqaale iyo mid bulsho oo ka hana qaada Geeska Afrika. “Waxaa guul inoo ah in aanu bilihii na soo dhaafay dadaal ku bixinnay sidii loo dhammeyn lahaa isfaham darradii ka dhex jirtay waddamada Gobolka, taas oo mira-dhalkeedu noqday in dalalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Eritereeya ay isfaham ka garaan xurguftii ka dhaxeysay. Waxaan soo xirnay albaabkii u dambeeyay ee isfaham darrada dalalka gobolka, waxaan u gudbeynaa marxalad iskaashi iyo wax wada qabsi.” Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan dib-u-dhiska dalka, dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta kaabeyasaasha dhaqaalaha, iyadoo loo marayo barnaamijka is-xilqaan oo aas-aas u noqonaya in Soomaaliya ay cagaheeda dib ugu istaagto, waqti kooban gudihiis. “Ummad walba waxay horumar iyo barwaaqo ku gaartaa markay isku tashato, wax wada qabsato oo gacmaheedana ku hagar baxdo, sidii ay Soomaali hore u tiri biyo sacabadaada ayaa looga dhargaa.” Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa tilmaamay qaar ka mid ah mashaariicda horumarineed ee lagu hirgelinayo Barnaamijka isxilqaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhisidda dugsiyadda, waddooyinka, goleyaasha murtida iyo wacyigalinta, jardiinooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee guud ahaan dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo furay kal-fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Federaalka Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Aqalka Sare Oo Mugdi Geliyay Furitaanka Kalfadhigiisa 4-aad
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guddiga Joogatada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa kulan Maanta ku yeeshay xarunta aqalka sare Kulanka oo uu shir guddomiyay Guddomiyaha Golahan Aqalka Sare Muddane Cabdi Xaashi Cabdulahi ayaa laga soo saaray War murtiyeed. Qodobada ku jiray War-murtiyeedka waxaa ka mid ahaa in uu u furmi waayay kalfadhiga 4-aad sababo amni iyo kuwo farsamo awgeed. Dhinaca kale guddiga ayaa intaas raaciyay in ay dib ka soo sheegi doonaan waqtiga uu furmayo kalfadhiga 4-aad ee golaha aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Jowhar (Caasimadda Online) – Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo maanta ka hadlayay furitaanka kalfahiga 4aad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Kismaayo uu yahay mid aan wax wadatashi ah laga sameyn. Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in shirkii Madaxda Maamul gobaleedyada uu yahay mid lagu kordhinayo dhibaatooyinka ka jira deegaanada galmudug,waxaa uuna shirkaasi ku tilmaamay mid ay ku riyoodeen. Dhawaan ayay aheyd markii War murtiyeed ka soo baxay Madasha dawlad gobaleedyada Soomaaliya ay sheegeen in ay hakiyeen dhamaan wada shaqeyntii ay la lahayeen dawladda Faderaalka Soomaaliya. ”Warka ka soo baxay Shirkii Kismaayo waa mid lagu kordhinayo dhibaatooyinka ka jira Galmudug,waana mid aan waxba ka jirin oo riyo ah, Wixii ka soo baxay shirkaas leyskalama tashan mana na meteli karaan,waxana codsaneynaa in ilgaar ah lagu haayo Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed aya isna waxa uu sheegay in dowladda iyo dowlad Goboleedyadu aysan aheyn kuwo kala maarma. “Dowladdu waa jir, dowlad gobolleedyaduna waa xubin. Xubin iyo jirna kalama maarmaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo soo sirasia ah u furay kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia oo maanta ka hadlay furitaankii kal-fadhigii afaraad ee Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa sheegay in looga baahan yahay muwaadin walba oo Soomaaliyeedd inuu muddo 2-saac iyo bar ah u shaqeeyo qarankiisa maalin walba oo jimco ah. Farmaajo ayaa sheegay in tani ay qayb weyn ka qaadanayso sidii dalka dib loogu dhisi lahaa, wuxuuna xusay in tallaabooyinkan oo kale lagu dhisayo waddamo badan oo caalamka ku yaalla, gaar ahaan Afrika. “Qof walba oo Somali ah, Waxaa looga baahan yahay malain walba oo Jimco ah inuu muddo 2-saac iyo bar ah uu u shaqeeyo Qarankiisa, si dalka dib loogu dhisho,” ayuu yiri Farmaajo oo intaas ku daray in dalal oo colaado soo maray in tallaabadan oo kale lagu dhisay. Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in haddii la isku kaashado dib u dhiska dalka in muddo kooban dalka oo dhan lagu dhisi doono, isagoo xusay in la doonayo in 32-xarumood lagu dhiso hannaanka is-xil-qaan. “Waxaan doonaynaa inaan 32-goobood oo ay ku jiraan jardiinooyinka iyo golaha kale sida Garoonka Kubadda Cagta lagu dhiso hab is-xil-qaan ah oo qof walba uu ka qayb-qaato,” ayuu hadalkisa ku daray. Hadalka Madaxweynaha Somalia ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Ciidamada AMISOM ay isaga baxeen Garoonka Stadium Muqdisho, halkaasoo muddo 7-sano ah u ahayd fariisin ciidan, Dowladduna ay ballanqaaday inay dib u dhis ku sameyn doonto. Ugu dambeyn, Madaxweynuhu ma sheegin xilliga uu qorshahan dalka loogu shaqeynayo uu billaaban doono, iyadoo Farmaajo uu noqonayo mas’uulkii ugu horreeyay oo ku dhawaaqa tallaabadan oo kale. PUNTLAND POST The post FARMAAJO: Qof kasta oo Soomaali ah waa in uu Jimco walba Saacado u shaqeeyo Dalkiisa appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – At least 10 people have been killed in a suicide car bomb rammed into a local government office in Somalia’s capital Mogadishu. The blast claimed by al Qaeda-linked al Shabaab destroyed Mogadishu’s Hodan district headquarters, according to a tea-seller, Faisa Mohamed. Mohamed says huge clouds of smoke could be seen in the skyline, shortly after the explosion. Amin Ambulance service said its rescue workers had taken at least 16 people, who were injured in Monday’s suicide explosion. The Al Qaeda linked Al Shabaab claimed the responsibility for the blast through its website. Al Shabaab – which is fighting to topple the government and establish its own rule based on its interpretation of Islamic law – said it was behind the attack. Last week, six people were killed and 18 others, including six children injured in an Al-Shabaab suicide bomb attack at local government office in Somali capital Mogadishu. The group has been waging insurgency for more than 10 years in Somalia. The Islamist militant group has frequently carry out attacks in the capital and other areas since the army, backed by African peacekeepers, pushed it out of the capital in 2011.. Somalia has been gripped by violence and lawlessness since dictator Mohamed Siad Barre was toppled in 1991. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — Somali army forces launched an offensive against Al Qaeda linked Al Shabaab group in south of Somalia. The military offensive was conducted in small areas between Afgoye and Bal’ad towns, some 30km south of Somali capital Mogadishu. Somali military claimed to have rescued unarmed civilians from detention center runs by Al Shabaab, according to SONNA News Agency. Agency reported that the military forces had taken weapons from the group’s fighters. There was no comment from Al Shabaab over the claims. The al Shabaab militia, linked to al Qaeda, is fighting to topple the U.N.-backed Somali government and establish its own rule based on a strict interpretation of Islam’s sharia law. Somalia has been plagued by conflict since the early 1990s, when clan-based warlords overthrew authoritarian ruler Mohamed Siad Barre then turned on each other. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha hoose oo ay maamulayeen Al-shabaab. Ciidamadan oo ka ruqaansaday degmada Afgooye ayaa si nabad ah kula wareegay deegaankaasi kadib markii halkaasi isaga baxeen Al-shabaab. Deegaannada ay Ciidamada dowladda ay la wareegeen waxaa ka mid ah Beerta Aadan Seeraar Tuulada Baqdaad iyo Koontaroolka kala beyr oo markii ay hore ay Maamuli jireen dagaalyahanno ka tirsanaa Alshabaab. Ciidamada la wareegay deegannadan ayaa waxaa ay ka mid yihiin ciidamada Milatariga ee dowladda Soomaaliya waxaa ayna ka ambabaxeen saakay degmada Afgooye oo ay ku sugnaayee. Alshabaab ayaa la sheegay in ay iskaga baxeen deegaannadan ka tirsan Shabellaha hoose kadib markii ay maqleen in ay ku soo wajahanyihiin ciidamada dowladda. Todobaadyadii dambe ayaa ciidamada dowladda waxaa ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka wadeen Shabellaha hoose kuwaasi oo ay ku doonayaan in gacanta ku soo dhigaan deegaannada ka maqan gacantooda oo ay maamulaan dagaalyahanadda Alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa shaaca ka qaaday in furitaanka kalfhigga baarlamanka Soomaaliya ee maanta uusan noqon sidii la filayey, ayada oo xubnaha Aqalka Sare ay diideen, kuwa Aqalka Hoose-na ay waxyar ka yimaadeen. Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in ay xarunta ka dhacday dhacdo ugu ah, oo ah in dad laga soo ururiyey degmooyinka gobolka Banaadir oo u badan haween lagu soo buuxiyey xarunta. Hoos ka aqriso qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook. Halkaan waa Akadeemiyada Booliska Jeneraal Kaahiye (Scuola Polizia). Saakay waxaa lagu balansanaa in uu ka furmo kalfadhiga Goleyaasha Barlamaanka Federaalka labadiisa Aqal (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare). Xildhibaanada Aqalka Sare ma imaanin xarunta saakay. Waana diideen in ay ka qayb noqdaan furitaanka Kalfadhiga. Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee madasha xoo xaadiray aad ayay u yaraayeen marka la barbardhigo furitaanadii midkaan ka horeeyay! Sidoo kale waxaa hoolka soo buuxdhaafiyay dhowr boqol oo haween ah oo laga keenay degmooyinka Gobolka Banaadir oo wata sawirada Madaxweynaha iyo calamada Gobolka Banaadir. Taasoo ah dhacdo ugub ku ah furitaanada kalfadhiyada Goleyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya! Waxay arimahaani kusoo aadayaan iyada oo maanta magaalada Mogadishu uu ka dhacay qarax aad u xoog badan dhimasho iyo dhaawacna geystay. Sidoo kalena uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo gaaray heerkii ugu sareeyay. Hon. Mahad Salad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maamulka Magaalada B/weyne ayaa sheegay in ay wadaan qorshe lagu hormarinayo garoomada kubadda cagta ee Magaaladaasi. Duqa Magaalada Cali Cabdulqaadir Faarax ayaa sheegay in garoomada B/weyne ay dib u habeyn ku sameynayaan dhawaan,si dhallinyarada ciyaara kubbada cagta ay u helaan garoomo wanaagsan oo lamid ah kuwa caalamka. Cali C/qaadir waxaa uu sheegay in garoomada kubadda cagta ee Beledweyne ay hareeyeen dayac iyaga oo aan heysan cid dayactir ku sameysa garoomada, waxaa uu tilmaamay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin hagaajinta garoomada si dhallinyarada ay ugu soo bandhigaan xirafadahooda la xiriira kubadda cagta. “Garoonka weyne ee magaalada waa uu xiranyahay waan tagay waxaan arkay isaga oo ay geedo ka baxeen, waxaan rajeynayaa in todobaadkan aan hagaajin doonno,waxaan diyaar u nahay in aan dib u soo celinno goroomadii kubadda cagta ee B/weyne”. Garoomada kubadda cagta ee B/weyne ayaa ah kuwo ay ka muuqdan dayac badan mana aysan helin dhallinyarada xiiseysa meel ay ku soo bandhigaan xirfadahooda ciyaareed balse hadda waxaa jira dhaqdhaqaaq uu sameynayo Maamulka B/weyne oo lagu doonayo in dib u dayactir logu sameeyo garoomada kubadda cagta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Jeneral Cabdalla Cabdalla ayaa maanta dhowr saacad ku xanibnaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo loo diiday inuu ka dhoofo, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay. Cabdalla Cabdalla ayaa wararku sheegayaan in loo diiday inuu ku safro baasaboorka diblomaasiga Soomaaliya ee uu haystay, loomana sheegin wax sabab ah. Dood dheer kadib ayaa la sheegay in Cabdalla Cabdalla loo ogolaaday inuu garoonka ka baxo, isaga oo ku safray baasbaoorka dalka Jabuuti oo uu haystya. Weli dowladda arrintan wax war kama soo saarin. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xayiraaddiisa anaay la xiririin amar ka dhan ah inuu ka baxo dalka, balse ay ahayd in loo diidanaa kaliya baasaboorka diblomaasiga. Waxaan caddeyn sababta dowladda aysan baasaboorka uga nasakhin haddii aysan dooneyn inuu adeegsado, oo ay ula sugtay illaa uu garoonka ka yimaado. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhowaan ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Warqadda soojeedinta ah oo Madaxweynaha kasoo gaartay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen ee loo cuskaday go’aankan ayaa lagu caddeeyay in sarkaalkan uusan kasii mid ahaan karin hay’adda iyada oo la tix raacayo go’aankii ay gaareen guddiga anshaxa. “Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed waxaa laga dhigay dhammaan darajooyinkii ciidaan, isla markaana waxaa laga ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed sababo la xiriira xadgudub sharciga ciidamada qalabka sida iyo xeer hoosaadka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.” Ayaa lagu sheegay wareegtada.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa war saxaafadeed ka soo saaray sababihii uu dib uga dhacay furitaankii Kalfadhiga 4aad oo maanta oo Isniin ah loo balansanaa in si wadajir ah loogu furo Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare Guddiga joogtada Aqalka Sare ayaa sheegay inuu go’aamiyay in sababo amni iyo kuwa farsamo awgeed dib loogu dhigay furitaankii kalfadhiga afaraad, isla markaana dib laga soo sheegi doono waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 4aad ee Aqalka Sare. Madaxwaynaha dowladda Federaalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ka qaybgalay furitaanka Kalfadhiga Aqalka Hoose , kaasoo ay horyaalaan Ajandayaal kala duwan. Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka oo ka kooban 54 xubin, ayaa wuxuu matalaa dowladaha xubinta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, balse dhanka saameynta siyaasadda waxaa uga xoog badan gollaha shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug iyo Puntland ayaa dhawaan wuxuu shir ugu soo xirmay magaalada Kismaayo. Shirkaas qodobadii kasoo baxay waxaa ugu muhiimsanaa inay maamulada joojeyn wadashaqeyntii ay la lahaayeen dowladda Dhexe kadib markii ay dowladda ku eedeeyeen inay fulin weysay heshiisyadii horey loo galay. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Shan qodob oo laga bartay Shirkii Maamul Goboleedyada ugu soo dhamaaday Kismaayo iyo war murtiyeedkii laga soo saaray: 1) Heerka uu gaarsiisan yahay Khilaafka DF iyo Maamulada War murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Kismaayo kusoo dhamaaday wuxuu caddeyn buuxda u yahay inuu meel sare gaaray khilaafkii uu dhaxeeya maamulada iyo dowladda Dhexe. Khilaafka ayaa gaaray heer ay maamulada yeeshaan Seddex kulan iyadoo la xasuusto in kulankii koowaad ee ka dhacay Kismaayo kadib ay wada fadhiisteen dowladda dhexe iyo Maamulada isla markaasna aan wax natiijo ah laga gaarin khilaafkaas iyadoo ugu dambeyn xiriirka la isku jaray. 2) Dowladda ma xakameyn karto Maamul Goboleedyada: Shirka Kismaayo waxaa laga fahmay inaysan dowladda xakameyn karin maamul Goboleedyada, xataa aysan awood u laheyn inay soo xiro gashato ugu yaraan laba maamul Goboleed. Dowladda ayaa suuqa lasoo gashay Istaraatiijiyad dardar ah oo ku saleysan in si deg deg ah meesha looga saaro Madaxda Maamul Goboleedyada maadaama aysan diyaar u aheyn inay ku shaqeeyaan siyaasadda dowladda Dhexe. 4) Kursiga Maamul Goboleedyada oo culeys soo fuulay Maadaama ay 3 kamid ah Maamul Goboleedyada oo kala ah: Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland ay wajahayaan doorashoyiiin waxaa muuqato in dowladda dhexe uu culeys badan kaga imaanayo isla markaasna ay dowladda wadato musharixiin ay dooneyso inay boosaskaas geysato taasoo kentay inay maamul Goboleedyada difaac xirtaa isla markaasna ay qaab kasta uga hor imaadaan hamiga ku jiro dowladda dhexe. Federalism-ka suurtagel uma ahan Somalia Shirka Maamul Goboleedyada iyo midowga ay sameysteen wuxuu caddeyn buuxda u yahay in lagu qaldoomay nimdaamka Federtalism-ka ah ee laga hirgeliyey Soomaaliya. Soomaaliya oo dhibaato weyn kasoo kabaneyso xilligaan macquul uma ahan inay u dulqaato xukunka 6 Madaxweyne oo mid kasta wato qorsho iyo ujeedo gaar ah. Soomaaliya waxay u baahan tahay hal madax weyne oo dalka kusoo celiyo dowladnimada iyo kala dambeynta balse waxaa moodaa inuu Federalism-ka kasoo hormaray waqtigiisa. 5) Isku xirnaanta Madaxda Maamul Goboleedyada Seddexdii shir oo ay Maamul Goboleedyada ku yeesheen Kismaayo iyo Baydhabo waxay si cad u muujiyeen in Maamul Goboleedyada ay isku xiran yihiin isla markaasna ay ka go’an tahay inay si wadajir ah uga hortagaan dowladda Federaalka Soomaaliya oo aan ku qanacsaneyn siyaasadda ay wadaan Madaxda Maamul Goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka hadlay talaabadii ay maamul goboleedyada ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda dhexe ay la lahaayeen. Xildhibaanka oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay yihiin kuwa aan dooneyn jirintaanka dowladnimada Soomaaliya dano gaar ahna ka leh dowladda sida uu sheegay. Waxa uu ugu baaqay iney ilaaliyaan sharciga kana shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa dalka sidoo kalena aan hada loo baahneyn khilaaf, wuxuu kaloo tilmaamay in dowladda dhexe ay leedahay awood ay dalka oo dhan ku maamusho, dowlad goboleedyadana looga baahan yahay iney shaqooyinka ugu dambeeyaan dowlad dhexe. “Sida aan aniga hada u jeedo waxay ku heshiiyeen maamul goboleedyada inay dumiyaan qaranka, nimankan sidoodaba waxaa ka go’an in dowladda dhexe ay lugta qabtaan, si ay u gaaraan dano gaar ah oo ay leeyihiin, maxay wax uga qaban waayeen amniga goobaha ay joogaan, waxaan ugu baaqayaa inay ilaaliyaan sharciga”. Ayuu yiri xildhibaan C/laahi. Madaxda maamul goboleedyada oo Sabtidii uu shir ugu soo gaba gaboobay magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegeen inay hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda dhexe, ilaa laga xaliyo tabashada ay qabaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Six people were killed and another 16 injured when a car bomb exploded outside a local government office in Mogadishu on Monday, Somali police and rescue workers said. Source: Hiiraan Online