Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,488
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabdirashiid xidig oo kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku turxan bixiyay heerka uu wali gaarsiisan yahay musuqa ka jira dalka. Xildhibaan Xidig ayaa sheegay in musuqa uu wali yahay mid ka dhex jira xarumaha dowlada, isla markaana dowlada Somalia gaar ahaan Hanti dhowrka Qaranka, Xeer ilaalinta Qaranka laga doonaayo inay dhexda u xirtaan xaqiiqda isla markaana baaritaankooda ku beegsadan dadka waaweyn, sida uu ku cadeeyay qoraalka. Xildhibaan Xidig waxa uu qoraalkiisa Facebook ku sheegay in dowlada Somalia ay baaritaanka ku heyso dadka masaakiinta ah ee xaday waxa yar balse aysan arag kuwa boorsada isugu dhiiba goobaha mugdiga ah. Waxa uu tilmaamay in Hanti dhowrka Qaranka, Xeer ilaalinta Qaranka laga doonaayo in baaritaankooda la dagaalanka musuqa ay ku bartilmaansadan mas’uuliyiinta waaweyn. HOOS KA AKHRISO QORAALKA OO DHAMEYSTIRAN Hanti dhowrka Qaranka, Xeer ilaalinta Qaranka iyo Kuwa heer Dowlad Goboled iyagoo gudanaya waajibaadka ay u xilsaaran yihin waxaa looga baahan yahay inay sameyan baadhitaan degdeg ah, Xidhaana dhamaan xisaabaha socda ee qeyb ka noqda tuhunka abuuran: Sidoo kale waa inay Shaqo joojina ku sameyan shakhsi kasta oo ay lugta la gasho Masuuliyad kasta oo uu hayo her federaal iyo. Mid Dowlad Goboleed taasi waxay fududeyneysaa in la sameyo baadhitaan la,aamini karo: Hanti dhowrka iyo xeer ilaalinta waxaa looga baahan yahay inay Qabtaan Atoorayasha xisaabaha waaweyn ay ku Maqan yihin, maaha masakinta Digaaga xaday kaliya in sharciga lagu fuliyo: Waxaa cad inay jirto dhaqaale Qaran oo la lunsaday waxaana cadeyn u ah in laysku injury waxa la kala qaatay waana in laga daba tagaa meelaha la dhigtay xisabaha maqan iyadoo lala kaashanaayo Booliska Adunka ee (Interpol): Kiiskan ma noqon doono mid si fudud looga gudbo, Bulshada soomaaliyeed siiba dhalinyarada waxan ugu baaqayaa inay doorka kaga Aadan ka qaataan, Dhaqaalaha boorsada leysugu dhiibay xili mugdi ah ee aan la marinin Account iyo bank transfer toona waxay shaqo u abuuri kartay boqolaal dhalinyaro ah , Waxay dhisi kartay Isbitaalo, iskuulo sidoo kale waxaa Mushar loo sin lahaa Ciidamada Amniga ee Gobolada oo madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyadu sheegeen inaysan mudo dheer mushaar qaadanin: Xaqii ayaa feedhaha ka dilaacay:
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa ka hadashay toogasho lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay in la baadi-goobayay in muddo ah. Sarkaalkan ayey dowlada Somalia sheegtay in maleeshiyada Al-Shabaab uu u qaabilsanaa degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Sarkaalkan ayaa la tilmaamay inuu ka danbeeyay weeraro dhowr ah oo horay uga dhacay magaalada Muqdisho kuwaa oo ay ku nafwaayen shacab badan. Afhayeenka Taliska ciidamada Booliska Somalia Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in Sarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray Abuukar Xasan Cadde. Sarkaalkan lagu magacaabo Abuukar Xasan Cadde, ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamada dowlada ka fuliyeen xaafada Suuqa Xoolaha ee Gobolka Banaadir. Waxaa uu sheegay in Abuukar uu ka tirsanaa Al-Shabaab isla markaana uu la shaqeynayay rag horay qaar loo dilay kuwana loo xiray. Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in Abuukar Xasan Cadde, Ciise Tarabuun oo xiran iyo Jacfar Kuukay oo horay loo dilay ay wada shaqeynayeen kana tirsanaayeen amniyaadka Al-Shabaab. Geesta kale, Al-Shabaab ayaan ka hadal dilka loo geystay Sarkaalkan la sheegay in miisaan weyn uu ku dhex lahaa Kooxda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. By resolution 289 (IV) of 21 November 1949 of the General Assembly of the United Nations it was provided that Somalia should become independent sovereign State after a ten-year trusteeship under Italian administration. The Trusteeship Agreement provided no clear indications as to whether the Administering Authority was expected to prepare .... Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa aad loo adkeeyay guud ahaan amniga Xarumaha degmooyinka Gobolka Banadir kadib weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday degmooyinka qaar. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa todobaadkan iyo midkii ka horeeyay weeraro ismiidaamin ah ku qaday xarumaha degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag. Qaar kamid ah xarumaha Degmooyinka ayaa saacadihii ugu danbeeyay la sheegay in la dhigay dhagaxaan iyo biro waa weyn, halka qaarna la jaray wadooyinka gala. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xarumaha geeyay ciidamo dheeri ah kuwaa oo ku jira feejignaan dhanka ammaanka ah. Sidoo kale, waxaa yaraaday dadka shacabka ahaa ee adeegga u doonan jiray xarumaha degmooyinka iyaga oo ka cabsi qaba weeraro ka dhaca xarumaha. Weerarkii labaad oo ismiidaamin ah ayaa waxa uu todobaad gudihiisa shalay ka dhacay xarunta degmada Hodan, halka weerarkii hore uu ka dhacay degmada Howlwadaag. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weeraradooda ugu badan ka geysta goobaha ay ku kulmaan dadka shacabka ah, waxa ayna taasi mugdi galisay ujeedada dagaal ee Kooxda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. The United States is "gravely concerned" by reports of excessive force used by Uganda's security forces against lawmakers and journalists in the northwestern town of Arua, a State Department official said on Monday after the country's opposition called on Washington to suspend military support to Kampala. Source: Hiiraan Online
  6. The large number of young people in the Northeast need opportunities to be self-reliant instead of looking for scarce white collar jobs, the Aga Khan Foundation has said. Source: Hiiraan Online
  7. Ciidamada Booliiska Jubbaland ayaa wada raadinta rag hubeysan oo la sheegay in deegaanka Buulo-gaduud ee gobolka Jubbada Hoose ku dileen ku dhowaan Shan nin oo ka shaqeynayey shidista dhuxusha. C/fitaax Axmed Aadan, taliyaha saldhigga Booliiska ee Buula-gaduud ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo ballaaran. Wuxuu sheegay in ragga falkaasi ka dambeeyey ay uga shakisan yihiin iney ka tirsan yihiin Al-shabaab balse ay dib ka baari doonaan. Lama oga cidda ka dambeysay raggan ka shaqeynayey dhuxusha iyo sidoo kale sababta loo diley. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Taliyaha-Booliska-ee-degaanka-bula-gaduud-ee-mamulka-jubaland-Cabdifataax-Axmed-Aadan-Oo-Ka-Warramaya-Niman-dhuxulay-ah-oo-la-dilay-qaarkoodna-la-afduubaty-goobjoog-fm.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, Cali Gacal Casir ayaa sheegay in qodobadii kasoo baxay shirka Kismaayo yihiin kuwo aanay shaqo ku lahayn shacabka ku dhaqan deegaannada ay maamulaan madaxdii go’aanka soo saartay. Waxa uu sheegay in ay arrintan ay u arkaan iney tahay mid lagu doonayo in dalka lagu hagardaamiyo, islamarkaana dano kale laga leeyahay. Guddoomiye Casir ayaa sidoo kale sheegay in xilligan aan loo baahneyn Khilaaf loona baahan yahay midnimo. “Madaxda Soomaaliyeed ee qaranka waxaan u cadeneynaa go’aamada shirkii Kismaayo aanay matali karin mabaadii’da iyo masiirka shacabka Soomaaliyeed, waxa kasoo baxay shirkaasi waa aragti daciif ah” ayuu yiri guddoomiye Casir. Waxaa soo ifbaxay khilaaf u muuqda inuu ka dhashay go’aankii ay madaxda dowlad goboleedyada ku gaareen magaalada Kismaayo kaasi oo ahaa in ay hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda dhexe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. As the African Union Mission in Somalia (AMISOM) prepares to implement the planned phased withdrawal of more than 21,000 troops fighting militant groups, including al-Shabab and the Islamic State in Somalia, some experts are concerned that the country may not be prepared to take on the task in the face of growing political divisions and lack of military equipment and training. Source: Hiiraan Online
  10. Washington will sanction and prosecute ICC judges who open an investigation into US war crimes in Afghanistan, said a top official. In November, the ICC chief prosecutor requested a probe into criminal action by the US. Source: Hiiraan Online
  11. WASHINGTON — The Trump administration is considering sanctions against Chinese senior officials and companies to punish Beijing’s detention of hundreds of thousands of ethnic Uighurs Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) –Jariirada Caanka ah ee Al-Sharqi ayaa wareysi la yeelatay Falanqeeyaha Soomaaliyeed Cali Jabril Al- Kuti kaasoo ku takhasusay arrimaha Africa iyo Badaha. Cali ayaa banaanka soo dhigay sababta ay Imaaraadka Carabta u joogto dalka Soomaaliya isagoo caddeeyey inay ujeedka ugu weyn oo ay ka leedahay Geeska Africa uu yahay sidii ay u qalqal gelin laheyd danaha ay Qatar iyo Turkiga ka leeyihiin Somalia. Wuxuu Cali sheegay in Imaaraadka ay arrintaas u adeegsanayaan calooshood u shaqeystayaal ka tirsan Blackwater si ay u ilaaliyaan danaha Imaaraadka ee Soomaaliya. Cali ayaa wareysiga uu siiyey Al-Sharqi ku sheegay inay Imaaraadka Carabta hubeysay qaar ka tirsan qabaa’ilada Soomaaliya si ay u dumiyaan dowladda Dhexe. Cali ayaa sidoo kale tilmaamay in xiritaankii Isbitaalka Zayid ee Magaalada Muqdisho uu muujiyey xaqiiqda kaalinta ay Imaaraadka Carabta ka cayaareyso Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu caddeeyey in Soomaaliya ay aad ugu dhowdahay inay la safato Qatar marka loo fiiriyo dhibaatada ka taagan Khaliijka. Wuxuu intaas ku daray in Maalgashiga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ka wado yahay mid been ah oo aan waxba ka jirin loogana gol leeyahay sidoo loo xayiri lahaa Mashaariicda ay Turkiga ka wado Soomaaliya. Wuxuu si gaar ah u sheegay inay Imaaraadka Taabatay horumarka ay Ingineerada Turkiga ka wadaan Dekadaha Soomaaliya gaar ahaan midda Muqdisho maadaama ay Imaaraadka aaminsan tahay in dakadaheeda ay hoos u dhac sameyn doonaan haddii kuwa Soomaaliya la hormariyo. Falanqeeye Cali ayaa tilmaamay inay Imaaraadka dooneyso kala qeybinta Soomaaliya iyadoo loo marayo maamul Goboleedyada sidoo kalana ay wado daciifinta dowladda Dhexe. Wuxuu ku dooday Imaaraadka inaysan dooneyn inay dhisto kaabayaasha dhaqaale ee Dowladda dhexe taas badalkeedana ay ka shaqeeneyso sidii la isaga horkeeni lahaa dowladda Shacabka Soomaaliyeed. Mar wax laga waydiiyey ujeedka ay Imaaraadka Carabta ka leedahay hubeynta Qabiilada Soomaaliya ayuu ku sheegay inay arrintaas kaga dayineyso gumeystayaashii hore oo fahansanaa in Soomaaliya meesha kaliya ee la isaga hor keeni karo ay tahay in Qabiilada la hubeeyo isla markaasna loo adeegsado duminta dowladda. Wuxuu Imaaraadka ku eedeeyey inay marmarsiiyo ka dhiganeyso inay ciidamadaas u tababareyso dowladda Soomaaliya taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid lagu qaldayo Ra’yul Caamka. Ugu dambeyntii wuxuu xusay inay Imaarad Carabta ay ka shaqeeneyso sidii ay Soomaaliya uga go’i laheyd Maamulka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Sabtidii ayaa madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya waxay kulankii uga socday Kismaayo ka soo saareen war-murtiyeed ay xiriirka ugu jareen dawladda Soomaaliya. Isla markiiba waxaa arrintaas ganafka ku dhuftay madaxweyne ku xigeennada laba ka mid ah maamul-goboleedyadaas – Puntland iyo Galmudug. Maantana furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Soomaaliya waxaa hadallo ka jeediyey guddoomiyeyaasha baarlamaannada Galmudug iyo Hirshabeelle, waxayna sheegeen inay la shaqaynayaan dawladda federaalka. Haddaba, qormadan waxaan ku eegeynaa cawaaqibka ka dhashay go’aanka ay madaxda maamul goboleedyadu kaga dhawaaqeen Kismaayo, iyo waxyaabaha uu dibadda soo dhigay. Dhaqanka maamul goboleedyada ee xiriir u jaridda dawladda Dhowr goor oo hore ayey siyaabo kala duwan isugu dheceen maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka ee Soomaaliya. Mar walba oo ay si gooni gooni ah isugu dhacaanna waxaa soo yeeraysay in “maamul goboleed hebel uu xiriirka u jaray dawladda”. Go’aankan ugu dambeeyey ee ay Kismaayo kaga dhawaaqeen waa in ay cududdooda mideeyeen. Khilaaf ka dhex jira maamul goboleedyada gudahooda oo dibadda u soo baxay Xiisaddan waxay dibadda u soo bixisay khilaafaad bulshada ka qarsoonaa iyo kuwo la mooday in la xalliyey. Ma ahayn arrin aan la biciidsan karin inuu hadlo madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo isaga iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkiisa ay weli ku kacsan yihiin madaxweynahooda. Laakin waxaa arrintooda sii cusleeyey, oo mug iyo miisaan u sii yeelay, madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Xaaji Cumar Camey, oo isna ka hor yimid markii ugu horraysay go’aan uu garwadeen ka yahay madaxweynihiisa. Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faallooda arrimaha gobolka iyo Soomaaliya wuxuu qabaa in go’aanka Kismaayo ka soo baxay uu dibadda soo dhigay “khilaaf naga qarsoonaa oo beesha caalamku ay isku haysay. Dhinaca kale, wuxuu dibadda soo dhigay khilaaf maamul goboleedyada qudhooda – iyagana dhex yaalla, qaarkoodna madaxweyneyaashooda iyo ku xigeennadooda dhex yaalla”. Dawladda ma laba wajiileynaysaa? Qoraal uu galinkii dambe ee isla Sabtidii soo saaray madaxweynaha Soomaliya ayuu madaxda maamullada ugu yeeray “shir wadatashi” oo ka dhacaya Muqdisho 17-18 Siteembar. Baaqaas waxaa loo arkay dhiig joojin iyo in uu u taagan yahay maslaxad raadin, si ay labada dhinac isugu soo dhowaadaan. Laba maalmood ka dib, Isniintii 10 Siteembar, waxaa kalfadhiga baarlamaanka wadashaqayn ay dawladda federaalka la yeelanayaan ka hor jeediyey labada guddoomiye baarlamaan ee Hirshabeelle iyo Galmudug. Waxaa kale oo wararku ay sheegayaan in saacadahaas garoonka dayaaradaha ee Muqdisho laga celiyey weriyeyaal doonayey in ay soo tabiyaan imaatinka madaxweynaha maamul-goboleedka Hirshabeelle oo ka soo laabtay Kismaayo. “Go’aanka madaxweynaha ee ah in shir la isugu yimaado 17-18 Siteembar waa go’aan dhiig joojin ah sidii ku haboonaydna ah. Dhanka kale marka la fiiriyana waxa soo baxaya laba arrimood oo ah in dawladdu ay laba gacmaynayso – marna ay shir ugu yeertay madaxda, marna ay guddoomiyeyaasha baarlamannada casumayaan, ku xigeennadii qaarkoodna ay ka hadalsiiyeen” ayuu yiri Dr Bursaliid. Laakinse maamul goboleedyada qudhooda ayuu u arkaa in ay “ka badbadiyeen. Mar hadday shan maalmood fadhiyeen, oo war-murtriyeed ay soo saareen, inay intaas uga haraan ayey ahayd ee ma ahayn in nin walba uu si jeesjees ah u hadlo, ama shaqsiyaad la magacaabo” ayuu sii raaciyey. Nidaamka federaalka ah miyaa wax-saarka leh? Tan iyo intii ay Soomaaliya ka baxday ku-meel-gaarka, ee la qaatay nidaamka federaalka muddo 6 sano laga joogo, dad badan oo wax indha-indheeya waxay aad uga dardaar werinayeen in nidaamkaas uusan la jaan qaadi karin hanaanka dawliga ah ee Soomaaliya lagu dhaqi karo. Sababta waxaa lagu sheegay in nidaamkan loogu tala galay in uu isku hayo dad kala isir, diin, af iyo dhaqan ah. Laakinse dad kale ayaa qaba in marba haddii wax qaybsiga siyaasadda ee Soomaaliya lagu saleeyey 4.5, in la federaaleyn karo nidaamka dawliga ah, si uu federaalku damaanad ugu noqdo wax wada qaybsiga. Taasi waxay keentay in meelna loo socon waayo, shuruuc badan iyo qorsheyaal badan oo la meel marin lahaa ay hirgali waayaan ama gaabis noqdaan, awoodihii isku ekaadaan, xagal daac uu ku yimaado qabyo-qoraalka dastuurka. Dr Ibraahim farax Bursaliid wuxuuqabaa in “dawladdu waxay rabto ay iska samayso oo aan la tashi badan la gelinin maamullada”. Doorashooyinka Maamul-goboleedyada Dhan kale ayuu arrinta ka eegay Dr Bursaliid, wuxuuna leeyahay “waxay ku soo aadday xilli doorasho oo seddex maamul oo ka mid ah shanta maamul ee meesha ku shiray ay doorashooyin ku soo fool leeyihiin, sidaa darteedna ay muhiim la noqotay in ay rux-ruxdaan xukuumadda iyo ciddii kale ee ay dhega-nuglaan kaga heli karaan”. Isla arrimaha doorashooyinka maamul goboleedyada ayuu ku sii dheeraaday Dr Bursaliid, wuxuuna iftiimiyey arrin ku saabsan kalsoonida ay madaxda maamulladu ku qabaan inay doorashooyinka ku guulaystaan. “Qodob kale ayaa ah in la is raad-raadsanayo, oo madaxda qaarkood rajadii ay ka lahaayeen dadka soo dooran lahaa ay yaraatay, sidaa darteedna ay doonayaan in inta uu jiro khilaafka ayaga iyo xukuumadda dhex yaalla ay si fowdo ah oo gacmo taag ah ay dib ugu soo noqdaan” ayuu sii raaciyey. Sidee looga gudbi karaa? Dr Bursaliid waxaa u muuqda in “maamullada intooda badan ama uu ka dhex jiro khilaaf gudahooda ah, ama uu ka yimid khilaaf ama baarlamaannadooda ama ku xigeennadooda ah”. Wuxuu saadaalinayaa in “madaxda maamullada ay suurtogal tahay in lagu khasbo, khilaafkaas gudahooda ka jira dartiis, inay xukuumadda la fariistaan, shirka 17-18 dhici doona ka horna la qaban doono shirar hoose oo arrinta lagu sii xallinayo”. Wuxuu kaloo saadaashiisa xalka uu ku imaan karo uu ku daray in “ergayga gaarka ah ee QM, ama kan wakhtigiisu dhamaaday, ama kan imaanaya, ay kaalin mug leh ka qaadan doonaan isu soo dhoweynta, oo aan markan Soomaali kaligeed la isu deyn doonin”. Wuxuuse hoosta ka xarriiqay qodobka ugu habboon, uguna fudud ee ah “in madaxweynuhu uu u tafa-xayto inuu wakiil dirsado, ama uu isagu qof ahaan tuulo-tuulo u tago, si dadka la isugu soo celiyo”. Isha: BBC
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in maamulkiisa uusan xiriirka u jarin DFS. Shariif Xasan waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in la kala saaro “xiriir u jaris iyo hakin wada shaqeen”. Waxa uu sheegay inay ku dhawaaqen kaliya hakat ku imaaday wada shaqeynta uu maamulkiisa la lahaa dowlada Dhexe ee Somalia, balse aanu jarin xiriirka. “Dadku waxaa isaga khaldan xiriir la jaro iyo wada shaqeyn hakat gasha, anagu waxaan hakinay wada shaqeynta aan la laheyn dowlada ee ma aanan u jarin xiriirka” Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hoosta ka xariiqay keliya in dowladda dhexe ay la shaqeyn waayeen, taasina ay keentay in ay joojiyaan keliya wadashaqeyntii ay la lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay. Nuqulo coda oo ay baahisay Idaacada shabeelle ee magaalada Muqdisho ayaa lagu muujiyay in Shariif Xasan uu wax kama jiraan ka dhigay inay xiriirka u jareen Dowlada Somalia. Nuqulada ayaa waxaa kamid ahaa “Waxaan hakinay xiriirkii wada shaqeynta balse ma aanu sheegin in xiriirka aan u jarnay dowlada Dhexe” Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa tabanaaya faragalin waxa uuna muujinayaa in kalsooni daro ay ka heysato dhanka doorashada, maadaama uu walaac ka qabo in dowlada Somalia ay ku sameyn doonto faragalin. Dowlada Somalia ayaa lagu wadaa in dadaal xoogan ay ku bixiso sida ay kusoo celin laheyd maamul Goboleedyada oo iyagu is biday inay ka maarman dowlada Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Maamulka ka arrimaha Kismaayo ee uu hoggaamiye madaxweyne Axmed Madoobe, balse aan anigu ugu yeero horjooge, sheekadiisu wey soo dhaaftay ‘Alam Tara”, oo hadda waxa uu marayaa meel aan talo iyo toosan midnaba wax loogu tari karin. Sida wasiirka qorsheynta maamulkaas ku eg dekedda iyo madaarka Kismaayo uu soo dhigay Twitter-kiisa, waxa uu Axmed Madoobe qaadacay ka soo qeybgalka shirka suluxa ah ee uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Baaqa madaxweynaha ayaa yimi kaddib markii madaxweyneyaasha maamullada ee aan u aqaan horjoogeyaasha shir maalmo ugu socdaya oo ay ku sheegeen in ay wada shaqeyntii kala dhexeysay dowladda dhexe joojiyeen. Su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah, yey la shaqeynayaan markaa? Axmed Madoobe oo la ogyahay sida uu Kismaayo ku yimi iyo sooyaalkiisa ayaa fursad loo siiyey in uu dhiso maamulka Jubbaland oo ka kooban Gedo, Jubadda Dhexe iyo Jubbada Hoose, hase ahaatee, waxa uu muddo shan sano ku dhaw dhaafi la’yahay dekedda Kismaayo iyo madaarkeeda! Baaqayga dowladda Waxaan rabaa in aan ku booriyo dowladda dhexe ee Soomaaliya in ficiladda gurracan ee Madoobe soo dhaafay heerkii loogu dulqaadan lahaa, oo haddii madaxda iyo shacabkaba ilaalinayen dadnta guud balse kooxdiisu ka doorbiday fowdo iyo kala dambeyn la’aan, in aan halkaas loo dhaafin! Dowladda sidoo kale waa in ay qaado tallaabooyin adag oo ay maamulka Jubbaland ee uu curyaamiyey ninka isula baxay madaxweynaha balse leh hab dhaqankii Barre Hiirale iyo Moorgan ka hor leexiyo bulshada jecel dowladnimada iyo in qarankii Soomaaliya dib cagahiisa isugu taago. Xaqiiqda ayaa ah in Axmed Madoobe, iskaba daa beelaha kale ee dega Jubaland, uusan haysna taageerada beesha uu ka dhashay, uuna mooday inuu Soomaaliya oo dhan maamulo, isaga ooh al xaafad ku siman. Haddii dowladda sharaftay oo ay gaarsiisay maqam uusan gaarin, isna uu ugu abaal-dhacay jees-jees, ma furna xal aan ahayn in meesha laga saaro. W/Q: Xuseen Yusuf (Xuseen Seylici) Minneapolis, Minnesota, USA Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Garowe (Caasimada Online) – Kooxda Puntland Focus Group, oo ah isbaheysi ay leeyihiin musharaxiinta madaxweyne ee maamulka Puntland ayaa soo saaray qoraal jawaab u ah mashruuc uu Jarmalka ka fulinayey Puntland, kaasi oo lagu dhisayey waddo isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo, balse la joojiyey, musuq-maasuq dartiis. HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA: Puntland Focus Group [PFG] waxay si dhow ula socotaa warbixintii ay soo saartay Safaaradda Jarmalka ee Nairobi, Kenya, taariikhdu markay ahayd 06-09-18. Warbixintaas ayaa ku saabsan in ay si buuxda uga baxday heshiiskii dhismaha wadada XARFO-JALAM ee ay GIZ kula jirtay Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA), sababo mugdi iyo musuq shaqada la xiriira darteed. Sidaa awgeed, 1. PFG waxaa ay aad iyo aad uga xuntahay in mashruucii dhismaha wadada XARFO-JALAM ee halbowlaha u ahaa dhaqaalaha iyo isu socodka Puntland iyo Soomaaliba uu musuq-maasuq dartiis u joogsadey. Mashruucaas oo laga soo shaqaynayey in ka badan toban sano ayaa gacanta Madaxweyne Cabdiweli GAAS ku burburay musuq-maasuq darteed. 2. PFG waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah loola xisaabtamo, sharcigana loo horkeeno ciddii ka damaysay fadeexaddan qaawan ee lagu weeraray tiirarka dhaqaalaha Puntland. 3. Waxaan Dawladda Jarmalka iyo Hay’adda GIZ ka codsanaynaa inay wixii kaharay lacagtii dhismaha wadada XARFO-JALAM hakiyaan oo aan meel kale loo duwin inta ay dhacayso doorashada Puntland ee January 8, 2019 ee loo helayo hogaan cusub oo saxa khaladka dhacay. Majiro mashruuc uga muhiimsan reer Puntland dhismaha wadada XARFO-JALAM oo lacagtani geli karto. 4. Waxaan si weyn ugu mahad-celinaynaa Dawladda Jarmalka oo taageero balaaran oo dhinacyo badan taabanaysa siisa Puntland, waxaanna rajaynaynaa inaysan dhacdadaan xumi marna saamayn ku yeelan mashaariicda kale ee socota ama qorshaysan. 5. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Cabdiweli GAAS iyo xukuumadiisa sii socota “inaysan marna dhaleecayn caalwaa ah” u soo jeedin Dawladda Jarmalka iyo GIZ si looga fogaado waxyeello u timaadda xiriirka iskaashi ee mustaqbalka. Xubnaha Puntland Focus Group: Cabdi Faarax Saciid (Juxaa) Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale) Cali Xaaji Warsame Faarax Cali Shire Jamiila Saciid Muuse Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa) Khalif Ciise Mudan Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne) Saciid Cabdullahi Deni Dr Maxamed Salaad Qoryooley Warar dheeraad ah la xiriir; Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa) Af-Hayeenka Puntland Focus Group, Email: dhollowaa2013@gmail.com: Telka Gacanta: (Australia) +61416547736 – DHAMAAD –
  17. San Francisco (Caasimada Online) – Facebook iyo Twitter waxa ay tirtireen kumanaan dhigaal, bogag iyo akoonno iyaga oo ka jawaabaya dalabyo uga yimi wasaaradda cadaaladda ee Israel, sidaas waxaa warisay aracaddii Qudus Press. “Waan ku guuleysannay yoolkeennii maadama 70 boqolkiiba dalabyadeenii ahaa [Tirtiridda waxyaabihii ku qornaa Facebook iyo Twitter] la fuliyey,” waxaa sidaas tiri wasiirka cadaaladda ee Israel Ayelet Shaked, sida laga soo xiganayo jaraa’idka Yuhuudda ee Yedioth Ahronoth. Sidoo kale waxa ay ku dartay: “Waxaan ku guuleysannay in aan tirtirno waxyaabihii ku baaqayey kicinta ee baraha bulshada iyo xasaradaha dhammaan guud ahaan Internet-ka”. “La dagaalanka kicinta iyo waxyaabaha ceebka ah ee ay xambaarsan yihiin waxyaabaha la soo dhigo baraha bulshada waan ka hortageynaa” ayey tiri Shaked, oo intaas ku dartay “Wada shaqeyntii ay la lahayd Facebook, Twitter iyo Google Israel ee ku saabsanaa waxyaabaha kicinta iyo xasaradaha ee ay Falastiiniyiinta soo dhigto Internet-ka waa taagan tahay” Shaked waxa ay sheegtay in marka kicinta Internet-ka hoos u dhacdo ay weerarada Israel hoos u dhacaan. “Taas waxa ay caddeyn u tahay in uu xiriir toos ah ka dhexeeyo kicinta Internet-ka iyo xasaradaha Israel,” ayey tiri. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  18. Qaybta 5-aad, Halkan ka aqri qeybtii hore Haddii lala kulmo musiibo, waxaa habbon in ka hortaggeeda lagu saleeyo dhowr marxaladood (phases) oo kala horreeya. Tallabada ugu horreysa waa in la xakameeyaa kaddibna lagu dhaqaaqaa baaris nooca musiibada, sida wax u dhaceen, khasaaraha laga dhaxlay iyo in laga xaajoodo sidaanay dib dambe u dhicin. Tusaale, musiibo daad ama fatahaad iyo, waxaa habboon in marka hore lagu dhaqaaqo in la xakameeyo si looga hortago in khasaaruhu sii ballaarto. Kaddib, waxaa lama huraan ah in la tirakoobo khasaaraha ay gaysteen ugu dambeenna xal loogu helo sidii looga gaashaaman lahaa inaany dib dambe u dhicin. Haddab, waxaa laysku raacay in hay’adda sirdoonka ay shaqadeeda si hufan ugu gudan kartaa iyadoo xoogga saarto uruurinta macaluumaad isugu jira mid xuuraan (Intelligence) iyo mid Lid-Xuuraan (Counter Intelligence), iyadoo kaashanaysa ilaha tirada badan (sources) ee ay hay’adaha wardoonku ka helaan wararka. Taasi waxay ku suurtoobi kartaa in culeys la saaro inay adeegayaal ku yeelato qaybaha kala duwan ee hay’adaha dawladda, ganaacsatada, dadweynaha, hay’adaha bulshada rayidka ah, ciidammada, siyaasiyiinta, odeyaasha dhaqammada, culimaada, hay’adaha waxbarashada iyo kuwo kaloo tiro badano oo aan halkan ku soo koobi karin. Waxaan ogsoonahay in 80%, hay’adaha sirdoonku ay wararka muhiimka ah ka helaan ilaha aan kor ku soo sheegay. Tusaale ahaan, NSS-tu waxaa adeegayaal u ahaa xubno ka tirsan dhammaan ilaha aan kor ku soo sheegnay oo run ahaantii door weyn ka soo qaatay horumarka Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliyeed. Waxaan hubaa in dad badan ayan i rumaysanayn haddii aan iraahdo xubnahaas adeegayaalka ah ay ku jireen wasiirro, wasiir ku-xigeenno, saraakiil iyo sarakkil xigeenno,odayaal dhaqameedyo, siyaasiyiin kala duwan, bareyaal wax ka dhigayey heerarka kala duwan ee waxbarashada. Xubnahaas oo dhan waxay NSS-ta ku lahaayeen galal si gaar ah loo xafidayay si loo asturo shaqsiyadooda (Privacy) oo ka mid ah tiirarka asaasiga u ah hay’ad sirdoon, waayo mar haddii mas’uuliyadeeda tahay inay ilaaliso wax kasta oo wax u dhimaya nabadgelyada, waa inay marka hore teeda ku dadaashaa. Qofkii tiisa daryelaa tu kale ku dara. Hay’adda Sirdoonku marna kuma milmi karto siyaasadda, waayo waa hay’ad farsamo (technocratic), sida ciidammada kale oo hawshoodu la jaaanqaadi karaan dawlad kasta oo dalka hoggaanka u qabato. Marnaba waa khalad in loola macaamilo sidii hay’ad siyaasadeed, mana ma aha mid u baahan in loo tilmaamo hannaanka siyasadeed ee dawladda, waayo mas’uuliyaddeeda waa mid qayaxan oo aan marnaba is beddelayn mana u baahno inay ku dhex milmaan shakhsiyaad habeenkii ku seexdo faleebbo qabyaaladeed. Cidna ma inkiri karto in Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliyeed tan iyo burburkii Dawladdii Dhexe ay weli ku jirto ay ku dhacday god halaq galeen ah ilaa haddana ku sii socoto. Anigu waxaa talo iga ah in musiibada ku habsatay Nabad Sugidda Soomaaliyeed looga hortegi karo iyadoo la adeegsado tusaalooyinka aan kor ku soo xusay. Waa maxay musiibada ku dhacday iyo khasaaraha ay gaysatay? Musiibooyinka waa badan yihiin, hase yeeshee waxaa ugu daran burburka guud ee dalka ka dhacay sababayna in ciidankii xirfadda u laha sirdoonka kala firdhay oo intooda badan qurbaha u haajiray, lana garan waayay in laysku uruuriyo kaddibna la hawlgeliyo. Faa’iidooyin badan ayaa laga dhaxli lahaa hawlgelintooda, waayo uma baahna tababar iyo in loo tilmaamo hawsha ay qabanayaan intii la hawlgelin lahaa dad aan iyaga laftooda la hubin daacadnimadooda iyo waddaniyaddooda laguna xulay habab gurracan oo ah kuwa maanta Soomaaliya heerkaas gaarsiiyey. Guri, asaas la’aan lama taagi karo, saqaf aan la hubinin tayadiisa lama dugsan karo. Sidaa awgeed, xalku wuxuu ku jiraa in marka hore la fahmaa hawsha hay’ad sirdoon, ilayn waxaan u soo taagnayn in ay lahayd ciidan leh lebbis watayna hubka noocyadiida kala duwan. Tan labaad, waa in loo xulaa shakhsiyaad khibrad u leh hawsha ay qabanayaan. Anigu, marna igama sugaysaan inaan dhaleeceeyo hannaanka siyadeed ee dawladda, hase yeeshee waxaa waajib igu ah isla markaana damiirkaygu ii saamaxayn inaan indhaha ka qarsado haddii ay soo if baxaan tallaabooyin gurracan oo wax u dhimayo magaca Nabad Sugidda Soomaaliyeed…La soco qaybaha xiga W/Q: Ahmed Karate e-mail: amm.karate@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa wadahadal ay dowlada Somalia ka dhexwado dowladaha Eriterea iyo Jabuuti oo isku haya dhul iyo Maxaabiis. Wadahadalka ay dowlada Somalia ka dhexwado labada dal ayaa iminka gaaray heerkii ugu danbeeyay waxaana socda kala qorashada qodobada Heshiisyada. Wasiirka arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo arrintan ka hadlaayay ayaa sheegay in inta badan leysku fahmay wadahadalka kala dhexeeya Eriterea. Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu sheegay in wadahadalka uu iminka maraayo meeshii ugu danbeysay isla markaana ay harsan yihiin keliya qodobo kooban. Waxa uu tilmaamay in dhawaan la kala saxiixan doono Heshiiska isla markaana ay wada kulmi doonaan labada Madaxweyne si ay isu gacan qaadan. Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa isna sheegay in dowlada Somalia ay kaalin weyn ka qaadaneyso heshiisiinta Eriterea iyo Jabuuti, waxa uuna tilmaamay in heer gabagabo uu marayo wadahadalka. Waxa uu Farmaajo tilmaamay in heshiis rasmi ah dhawaan laga gaari doono khilaafka labada dal, Soomaaliyana ay qaadan doonto kaalinteeda rasmiga ah. Heshiisyada ay isku afgarteen labada dal ayaa waxaa kamid ah in Jabuuti dib loogu celsho dhul baaxad weyn oo ay ka heysato Eriterea iyo in leysku celsho Maxaabiis ay kala heystaan labada wadan. Dowlada Somalia ayaa laheyd wadahadalka miro dhalay waxaana garab ku siiyay dowlada Ethiopia oo Siyaasad ahaan ay isku dhow yihiin Eriterea. Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in kulan wada jira leysugu geeyo Madaxweynayaasha Eriterea iyo Jabuuti si ay heshiis u wada gaaran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Siyaasi Ciise Maxamuud Faarax oo xilal kale duwan ka soo qabtay Puntland ayaa Goobjoog News wareysi uu siiyay kaga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca siyaasadda, isagoo ku dheeraaday khilaafyada iminka ka dhex aloosan dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ee shanta ah. Wuxuu sheegay in madaxda hadda joogta Madaxtooyada Soomaaliya aynaan daacad ka ahayn in wadanka horay looga dhaqaajiyo halka uu iminka joogo, oo laga saaro marxaladaha qalafsan oo ay horreeyaan caqabadaha amniga iyo siyaasadaha iska soo horjeeda. “Wallaahay waxaa isleeyahay horta Ilaaheey waxaan ka baryayaa in umadda Soomaaliyeed wixii kheyr ah inuu tuso, in madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal wasaaraha waxaa la rabaa inay iska dhaadhiciyaan laba waxyaabood oo muhiim ah inay sameeyaan war waqtiga aad joogtaan waa wax iska yar midda labaadna waxaa weeye waxaa loo baahan yahay Soomaaliya wax walba kama qaban karaan arrin oo muhiim ah, wali waa cakiran tahay wali Shabaab baa heysta qeybo kamid ah ciidamadii AMISOM baa jooga marka waa inay qodobo sheegaan oo ay dhahaan intaan iyo intaan baa qabanaynaa oo dowlad goboleedyadana ay kala shaqeeyaan, waxaase muuqata in qolo kasta ay dhinac wax u wadato” ayuu yiri siyaasi Ciise Maxamuud Faarax. Madaxda ugu sarreeya dalka ayuu ugu baaqay inay xaaladda cagaha dhulka u dhigaan. Xukuumadda Muqdisho ayuu ku dhaliilay in ay tahay mid Villa Somalia uun ku eg oo aysan jirin tabar iyo taag gobollada kale ah isagoo sheegay in dalka intiisa badan ay dowlad goboleedyada gacanta ku hayaan. Sidoo kale,waxaan wax ka weydiinnay caqabadaha ay ku sababi karaan isla gudaha maamullada Puntland iyo Galmudug oo maadxweynayaasha maamulladaasi ku xigeennadooda ay ku gacan-seyreen qodobadii shirkii Kismaayo laga soo saaray sabtidii la soo dhaafay. HALKAN KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/SIYAASI-CIISE-MAXAMUUD-FAARAX-10-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Jigjiga (Caasimada Onlien) – Hooyada dhashay madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamed Cumar “Cabdi Iley” iyo xaaskiisa ayaa shaaca ka qaaday in maanta si xun loo jir-dilay, uuna ku sugan yahay xaalad illaa hadda aan la ogeyn nolol iyo geeri. Hooyo Deeb Mahad Colow ayaa sheegtay in ayada iyo afar qof, oo xaaskiisa ay ka mid tahay, oo cunno u qaaday Cabdi Iley ay ugu tageen gurigii lagu hayey, islamarkaana ay arkeen isaga oo la jir-dilayo, oo si xooggan loo garaacayo. Waxa ay sheegtay in laga soo tuuray 30 jaran-jaro, islamarkaana aad looga garaacay madaxa, uuna ku qeylinayey “Tol la’aayeey, tol la’aayeey” kadibna lagu tuuray meel god ah, isaga oo meyd u muuqda. Waxa ay sidoo kale sheegtay in illaa sideed nin ay si xun dhulka ugu jiidayeen, kuwaas oo sidoo kale eryaday ayada iyo qofkii la socday. Waxa ay intaas ku dartay in ayada xitaa ay dhulka ku tureen. Hooyo Deeb Mahad Colow waxa ay shaaca ka qaaday in Cabdi Iley uu muuqda meyd, islamarkaana aysan hubin inuu dhintay iyo inuu nool yahay. “Xitaa waa naga diideen inay meydka na siiyaan” Hoos ka dhageyso wareysiga Hooyo Deeb.
  22. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa si cad u muujisay cidda leh mudnaanta xallinta khilaafka xuduudeed ee Jabuuti iyo Eritrea, oo dhowaan horumar laga sameeyey sidii xal looga gaari lahaa. Qoraal la soo dhigay Twitter-ka rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ay leeyihiin mudnaanta so afjaraddii xasaraddaas mudadda taagneyd ee u dhexeysay labada dal ee jaarka ah. “Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cadbullahi ayaa dejiyey xal u helidda murankii xuduudeed ee mudadda dheer u dhexeeyey Eritrea iyo Jibuuti.” Warkan ayaa soo baxaya xilli dhawaan shir saddex geesood oo ah oo magaalada Asmara uga furmay lagu go’aamiyey in qorshaha nabadeynta ee gobolka laga soo qeybgaliyo Jabuuti. Dhinaca kale, Xildhiaan Sakariye Maxamuud Xaaji oo la socday wafdigii Soomaaliya uga qeybgalay shirkaas saddex geesood ah ayaa VOA u sheegay in madaxweynaha Soomaaliya lahaa soo jeedinta in Jabuuti aan laga reebin himilada ah in gobolka Geeska Africa nabad lagu soo dabaalo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Xukumadda Jabuuti ayaa sheegtay ineysan suuragaleyn iney shirkadda DP World ay mar kale ku soo noqoto maamulka Dekedda Dooraale. Shirkadda DP World War saxafadeed ay 5-ti bisha Siteembarr soo saartay ayaa waxay ku sheegtay iney maxkamad ku taalla dalka Ingiriiska u xukuntay maamulka iyo maareynta Dekedda Dooraale ee Jabuuti iney ku soo noqoto. Dowladda Jabuuti oo ka jawaabeysa warmurtiyeedka ka soo baxay shirkadda DP World ayaa waxay soo saartay war qoraal ah ka soo saartay Warqadda qoraalka oo ka soo baxday xafiiska madaxtooyada Jabuuti ayaa waxaa lagu xusay, “iyada oo laga duulayo go’aanka ay horay madaxtooyada Jabuuti uga soo saartay iney gabi ahaanba maamulka iyo maareynta Dekedda Dooraale kala wareegtay maamulka Shirkadda PDSR ee maareynta dekedda gacanta ku haysay”. Dowladda Jabuuti ayaa waxay si cad u xaqiijisay iney DP World ay dib ugu soo laaban karin Maamulka Dekadda. Waxay xukumadda Jabuuti qoraalkeeda ku sheegtay in maamulka marsada si buuxda looga wareejiyey shirkad maxalli ah oo la yiraahdo SJTD. Waxayna Jabuuti sheegtay doonitaanka shirkadda DP World ay ku dooneyso iney maamulka dekadda ay ku soo noqotao “inay tahay doonitaan aan marnaba suuragaleyn”. Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay Shirkadda DP World oo mar kale Jabuuti ku soo laabata iney ka dhigan tahay in mar kale fursad loo siiyo inay mucaaraddo dowlad madax bannaan. 22-ka bisha Febraayo ee sanadkii hore 2018-ka ayaa shirkadda DP World si rasmi ah shaqada dekadda looga joojiyey, iyada oo maamulka dekadda Dooraale gacanta ku haysay tan iyo 2006-dii. Qoraalka xukumadda Jabuuti waxaa lagu soo gabagabeeyey iney shirkadda ilaa iyo xilligaa caqabad ku ahayd horumarka dalka Jabuuti. Waa markii seddexaad ee ay maxkamad amar ka soo saarto khilaafka u dhaxeeya Jabuuti iyo DP World. Dekadda Dooraale waa isha dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo Jabuuti, waana halka ay shaqaalaha ugu badan ka helaan fursadaha shaqo. ISHA BBC Somali
  24. Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo galabta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlay eedeymo culus ugu soo jeediyay xukuumadda Muqdisho. Madaxweyne Waare ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in amniga caasimadda iyo kuwa dowlad goboleedyadaba uu faraha ka baxay, islmarkaana dowladda ay kuw argaliyeen balse ay dhag jalaq u siinin. Wuxuu kaloo Villa Somalia ku dhaliilay in burburin iyo dhibaato ku heyso sida labada dowlad goboleed ee dariska ah oo kala ah midka uu isagu hoggaamiyo ee Hirshabeelle iyo Galmudug, isaga oo is weydiiyay su’aal aheyd wax kaliya labadaas dowladood loo bartilmaameedsanayo. ‘’Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa ay ka mid yihiin shanta maamul gobolleed ee dalka ka jira, waxaa moodaa in dowladdu si gaar ah u bartilmaameedsaneyso labadan maamul ee Hirshabeelle iyo Galmudug, dowladda waxaa leeyahay waa la arki doonaa Hirshabeelle iyo Galmudug haddii ay Ari yihiin’’ ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. Hoggaamiyaha Hirshabeelle Waare oo soo hadal qaaday maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in guddoomiye kasta uu fiirsanayo mushaarkiisa iyo sidii uu shaqada u sii joogi lahaa. Wuxuu meesha ka saaray in xoriyatul qowlka dowladda dastuurkeeda ku qoran uusan wax miisaan ah lahayn, isagoo tusaale u soo qaadanaya guddoomiyihii degmada Xamarweyne oo eedeymo uu jeediyay xukuumadda federaalka xabsiga loo dhigay. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/codka-waare-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in wax dhibaato ah ay dhex yaallaan dowladda dhexe iyo Hirshabeelle. Guddoomiyaha gollaha wakiillada dowlad goboleedka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in xukuumadda dhexe iyo iyaga wax dhibaato ah aysan ka dhex jirin. Hadalkani ayaa imaanaya iyadoo madaxweyne Waare iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle eedeymo culus ay u dhiteeyeen xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Gud.-Baarlamaanka-Hirshabeelle-Wax-dhibaata-ah-oo-Hirshabeelle-iyo-DF-oo-dhaxyaala-ma-jiraan.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com