Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,488
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha Wasiirada Maamulka Puntland ayaa si buuxda u taageeray go,aankii ay madaxda Maamul Goboleedyada xiriirka ugu jaraan dowladda Federaalka Soomaaliya Kadib war murtiyeed kasoo baxay shirkii Kismaayo. Golaha wasiirada Puntland oo dood badan arrintaan ka yeeshay ayaa ugu dambeyn isku raacay in la taageero go,aankii Maamul Goboleedyada. Qaar ka tirsan golaha wasiirada iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa diidan wixii Kismaayo kasoo baxay. Go,aankaas ayaa Golaha wasiirada Puntland ku tilmaameyn inuu ahaa mid dan ugu jirto dadka Soomaaliyeed. Haddaba halkaan hoose ka akhriso
  2. Sida qorshuhu yahay Puntland 8-da Janaayo 2019 waxaa ka dhacaysa doorasho madaxtinimo oo Wakiilo ay soo xuleen odayaasha dhaqanku ku dooranayaan Madaxweyne iyo ku xigeen, ballantu waxay ahayd shan sano kahor in doorashada 2019 ku dhacdo nidaamka xisbiyada ee qof iyo cod, balse ballantii oo aan la fulin ayaa sababtay in ay qaabkaas ku dhici weydo. Musharixiinta u tartamaya doorashada Puntland 2019 ayaa u muuqda kuwo diyaargarow xoogan u soo galay musharaxnimdooda, isla markaana wata maalgalin xoogan, mid walba wuuxu la yimi qorshe uu ku maarayn karo ololahiisa doorashada, waxaana dalka iyo dibadaba wali ka socda munaasabadaha ay musharixiinta ku shaacinayaan damacooda siyaasdeed ee 2019, sidii caadada ahayd in ka badan saddex meelood labo meelood waa qurba-joog ka timi dalka dibadiisa. Musharixiinta waxaa weheliya siyaasiyiin badan oo uu damac kaga jiro haddii musharaxa ay taageerayaan ku guuleysto Puntland 2019 ka heli doonaan mansab siyaasdeed, halka qaarka ay doonayaan in ay saladooda u soo qaataan hantida Puntland ee iska baylahan. Mid kamid ah walaacyada ugu weyn ee laga qabo doorashada Puntland 2019 ayaa ah musuqmaasuqa, wax isdaba marin ayaa ka dhici karta xulista Baarlamaanka, musharaxiinta qaar ayaa faragalin ku haya beelaha, waxayna wadaan qorshe ay ku xulanayaan xubnaha Baarlamaanka, halka qaarna ay rabaan in ay lacago farabadan ku badashaan cododka, sidoo kale waxaa jira shaki ah in doorashadu dib uga dhaci karto xiligii la qorsheeyay ee 8-da Janaayo , waayo waxaa jirta arrin saameyn ku leh oo ah mushkilada Tukaraq oo aan wali xal loo helin. Doorashada 2019 waa mid ka duwan doorashooyinkii hore ee Puntland, saansaanta jirta marka dhinac kasta laga eego waxaa si cad u muuqata in aysan fursanayn faragin ka madax banaan Puntland. Yaa ku loolamaya doorashada Puntland 2019? Siyaaasada Puntland oo halka khadka ka xariiqo ay ahaan jirtay arrimaha qabiilka ayaa doorakan taas ka duwan, waxaana doorashada 2019 daaha dabadiisa kaga loolami doona xisbiyo siyaasadeed, dowladda federaalka, dalal shisheeye, ururo diimeedyo, ganacsato iyo kooxa kale oo dano gaara leh. Federaalka iyo faragalinta Puntlansd Mashruuca musuqmaasuqa ee lagu maal-gaalinayo Puntland 2019 waxaa ka qayb qaadanaysa dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, iyada oo ay sii kordhayaan dadka ay u xirto eedeymaha musuqmaasuqa, doorashooyin dhowr ah ayaa ka dhici doono maamul goboleedyada Soomaaliya 2018 iyo 2019, dowladda federaalka waxay u baahan tahay in ay sii waddo taageeridda iyo lacag siinta dadka ay is leedahay taageero ayay kuu yihiin, taariikhda haddii dib la eego xubnaha ay dawladdu taageerto haddii ay guuleystaan uma badna in ay raacaan siyaasadeeda, iyadoo saas tahay waxay hadana taageero siinaysaa dhowr musharax oo maamul walba ah, si ay u ciqaabto madaxda maamul goboleedyada ee diiday in ay ka dambeeyaan. Ilaa labo musharax oo Puntland ah ayaa federaalka taageero ka heli kara, kuwaas oo kala ah Asad Cismaan Diyaano iyo Faarax Cali Shire, Asad waa Agaasimaha ciidamada PSF Puntland waa nin dhalinyaro ah, sidoo kale Farax Cali Shire waa Wasiirkii maaliyadda xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole, wuxuu saaxiib dhow la yahay Xildhibaano federaalka ah oo galaangalka hoose ku leh Villa Somalia oo uu kamid yahay Cali Yusuf Cali Xoosh, labada musharax waa labo shakhsi oo fuhan taas ayaana moodaa inay ku saleysan tahay xulashada federaalka. Madaxweyne ku xigeen Puntland Cabdixakiim Camey ayaa ah ninka kaliya oo faderaalka baariga u ah oo Puntland xil ka haya taagero ayuu ka heli karaa hadii ay ku jirto damac dambe oo ah Madaxweyne ku xigeen, sidoo kale federaalka ayaa Puntland ka sameystay kooxo dhalinyaro ah oo Internet-ka wax ku qora kuwaas oo taageera siyaasadeeda, waxay dhaleeceeyaan madaxda Puntland marka uu yimaado khilaafyada dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada, ciidamada Internet-ku maalinba maalinta ka dambeysa waa sii kordhayaan, Puntland ayaa mararka qaar u geysata xarig iyo shaqo ka ceyrin. Xisbiyadda mucaaradka Soomaaliya Iyadoo doorashada Soomaaliya 2020 ay ku saleysnaan doonto gobalo, waxay xisbiyada siyaasaddu rabaan in ay saameyn ku yeeshaan is bedelada ka dhacaya dowlad goboleedyada, sidaas darteed waxay doorashooyinka daahadabadiis u gali doonaan musharaxiinta ay taageerada ka heli karaan. Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho looga dhawaaqi doonaa xisbi siyaasadeed aad u baabulan oo uu hogaanka u qaban doono Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, xisbigaas waxaa ku midoobi doona dhowr xisbi oo uu kamid yahay Damu-jadiid, doorashada Puntland 2019 waxaa hubaal ah in uu ku yeesho saameyn, waxaana jira isku xirnaasho ka dhaxeysa qaar kamid ah musharaxiinta iyo Xasan Shiikh Maxamuud. Siciid Cabdulaahi Deni oo kamid ah musharaxiinta ugu cadcad Puntland ayaa taageero ka heli kara xisbigaas sida ay u badan tahay, Deni iyo Xasan waa saaxiibo soo wada shaqeeyay, sidoo kale waxay xulufo wada ahaayeen doorashadii uu ku guuleystay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Xisbiga RAJO: Faragalinta doorashada Puntland 2019 waxaa si bareer ah oo aan gabasho la hayn u cadeystay xisbiga RAJO, Dr. Cabdicasiis Takar oo kamid ah xubnaha xisbigaas oo maalmo ka hor la hadlayay qaar ka mid ah taageeyaasha xisbigaas ee Puntland waxa uu qeexay cida ku loolami doonta doorashada Puntland 2019, waxa uu sheegay in qabiil iyo afraad aysan midna ku tartamayn, balse ay u dhaxeyso labo koox oo kala ah koox ay ku jiraan kuwa horey kartidooda loo tijaabiyay oo xumaan iyo musuqmaasuq lagu yaqaan oo ah kooxdii sharka iyo koox ay hormuud u tahay RAJO oo badbaadin doonta Puntland. Dr. Cabdicasiis Takar waxa uu sheegay in kooxda sharku ay faafiyeen been ah in lacag ay bixin doonaan, ilaa iyo hadana ay kaga adkaadeen magacyada yar ee Xildhibaanada la soo xulay, wuxuu si laab lakac ah u xusay in RAJO hadii ay guuleysato ay xabsiga Garowe dhigi doonto musharaxiinta ay ku cadaato in ay ka qeyb qaateen musuqmaasuq. Ganacsatada: Doorashada Puntland 2019 waxaa ka mid ah dhinacyada saameynta ku yeelan kara ganacsatada Puntland, gaar ahaan kuwa wax kala soo dega dekadda Boosaaso oo sanadihii ugu dambeeyay aan xiriir fiican iyo wada shaqeyn ka dhaxeyn dowladda. Ganacsatadu iyagoo dhowraya danta ganacsigooda waxay taageero siin karaan qaar kamid ah musharaxiin, ninka kaliya ee ay luuqadiisa akhriyi karaan ayaa ah Deni oo xiriir fiican ay leeyihiin. Dalalka Shisheeye: Doorashooyinkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya waxaa saameynayay hardanka Shisheeye, kuwii 2012 iyo 2017 waxaa faragalintoodii ku guuleystay dal yaraha Qadar, Imaaraadka ayaa kamid ahaa dalalkii looga awood roonaaday, taas waa tan keentay in dowladda federaalku dhexdhexaadkii ay sheegtay in ay ka qaadatay khilaafkii Khaliijka uu run noqon waayo oo ay u janjeersatay dhanka Qadar, taasi waxay sii sababtay in Imaaraadku yareeyo taageeradii uu siin jiray dowladda ee dhanka Koonfurta. Imaaraadka iyo Puntland waxay leeyihiin xirii soo jireen ah, sidaas darteed Dubai iyada oo difaacanaysa danaheeda gacanka waxay faragalin ku sameyn doontaa doorashada 2019, bishii June ee sanadkan ayay ahayd markii wafdi Imaaraadka ah ay Qardho iyo Badhan kula kulmeen qaar kamid ah Issimada Puntland, xogo hoose waxay sheegayaan in ay mid ahaayeen arrimihii ay kawada hadleen doorashada 2019, ma cada cidda uu garab siin karo, Qadar faragalinta Puntland 2019 waxay uga dambeyn doontaa dowladda federaalka Soomaaliya oo ay dhanka dhaqaalaha ka taageeri doonto is loogu guuleysto in uu soo baxo qof la siyaasad ah Nabad iyo Nolal. Qorshada Cabdiwali Gaas 2019 Deegaanada Puntland waxaa ka socda hadal hayntii ugu badnayd oo ah Madaxweynaha Puntland Cadiwali Gaas ma tartami doonaa doorashada soo socota ee 2019 mase maya?, Madaxweyne Gaas oo xil-hayntiisa ay uga dhiman tahay wax aan ka badnayn boqol maalmood ayaa wali cadeyn in uu tartami doono doorka dambe iyo in kale, balse xog hoose oo ay heshay PUNTLAND POST ayaa sheegaysa in uusan Dr. Gaas qabin damac dambe oo ah hogaaminta Puntland. Cabdiwali Gaas, Madaxweynaha Puntland Dr. Gaas waxa uu xasuusan yahay waayo aragnimadii uu u soo joogay khasaarooyinka laga dhaxlo Madaxweyne mar labaad isu soo taaga xilkii ka dhamaaday isagoo aan shaqadiisii lagu qanacsanayn, wuxuu goobjoog ka ahaa doorshooyinkii ay ku guuldareysteen Shariif Xasan 2012, Cadbiraxamaan Faroole 2014 iyo Xasan sheikh Maxmuud 2017, labo kamid doorashooyinkaas tartanka ayuu ku jiray, sidaas darted wuxuu fahan san yahay in aan Puntland mar dambe Madaxweyne loogu dooranayn wax walba oo dhaca. Sida muuqada arrinta ahmiyada kowaad u leh Dr. Gaas ayaa ah doorashada Soomaaliya 2020, oo sida la rumeysan yahay uu u hanqal taagayo kursiga Villa Somalia, si taasi ugu suurto gasho Cabdiwali Gaas wuxuu maagan yahay labo shorshe. Midda kowaad ayaa ah inta xilka uga hartay in uu gacanta ku dhigo gobolka Sool oo muddo dheer ay ka talinaysay Somaliland, taas oo hadii ay u suurto gasho uu teegeero badan kaga heli karo gobolada SSC ,uuna fuliyay ballantiisii ahayd “Laascaano Faataxo laguma qabsan”, taasi waxay iman kartaa iyadoo dagaal ka dhex qarxo ciidmada isku hor-fadhiya Tukaraq. Midda labaad ayaa ah in uusan u taratmin doorashada Puntland 2019, balse uu dhabarka ka soo riixo musharaxa uu ka dhex arko dantiisa, uuna fuliyo ballantiisii ahayd “Shan sano waa igu filan tahay” taas waxa uu ku heli karaa sumcad weyn wuxuu noqon karaa Madaxweynihii ugu horeeyay Puntland oo doorasho qabta isaga oo aan tartamayn. Musharaxa uu ku taageeri karo doorashada Puntland 2019 ayaa xog hoose sheegaysaa in uu yahay Eng. Maxamuud Khaliif Xasan (Jabiye) oo ay si isu xiran yihiin, Eng. Jabiye waa nin saaxadda siyaasadda ku cusub oo ah ganacsade qurba-jooga ma ahan nin wax badan laga yaqaano gaar ahaan Warbaahinta. Xasuustii Dr. Gaas 2014-2018 Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaa hogaanka Puntland loo dhiibay 8-dii Jaanyo 2014 mudadii uu xilka hayay wuxuu hogaamiye ka ahaa musuqmaasuq ballaaran oo dhacay, isla xisaabtan la’aan iyo hogaamin xumo. iyadoo uusan fulin wax badan oo kamid ah ballamihiisii dhanka siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, waxaana la orankaraa waxa uu ahaa “Hillaacii lagu hungoobay”. Dr. Cabdiwali Gaas mudadii u xilka hayay waxaa Puntland soo wajahay duruufo adag oo aan inta badan waxba laga qaban, iyadoo siyaasada Dr. Gaas lagu bartay ay ahayd in uu dhegaha ka fureysto arrimaha qalafsan ee ka hor-yimaada maamulkiisa, isagoo aaminsan oraahda dhaheysa “Wax walba iyagaa isa saxa“. Dr. Cabdiwali Gaas waxaa arrimaha uu ku fashilmay ugu waaweyn in uu fulin waayay ballantiisii ahayd in uu 2019 Puntland gaar siin doono doorasho qof iyo cod ah, sidoo kale fashilkiisa waxaa laga xusi karaa mashruucii dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo oo ay ku ka ceysay lacag dhan 30 milyan oo doolar, oo fashilmay kadib markii la musuqmaasuqay, sida ay sheegtay dowladii maal-galinaysay. Madaxweyne Cabdiwali Gaas intii uu joogay Puntland wuxuu ka sameeyay xaalufin ba’an oo dhaqaale uruursi ah, waxaa la aamin san yahahy in dhaqaalle farabadan oo uu doorshada Soomaaliya 2020 ku gali karo ka meelaysatay mudadii uu xilka hayay. Cumar Cabdirishiid hankiisu ma yahay Puntland? Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waa siyaasi caan ah, hadana waa dhal madaxeed oo waxaa dhalay AUN Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ahaa Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya ahaana Ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee dalka. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waa ninkii labaad oo labo jeer nodo Ra’iisul wasaare Soomaaliya, doorashadii 2017 waxa uu u tartamay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana u ahaa musharaxii saddexaad oo ugu codadka badnaa, hadana waa Senator ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Sida aan xog ku helnay Cumar Cabdirashiid qorshada uguma jirto in uu isu soo taago doorashada Puntland 2019, balse waxaa dhici karta in uu uga qeyb galo si dadban oo ah in uu garab siiyo mid kamid ah musharaxiinta, sidoo kale waxaa dhici karta in uu banaanka ka is taago oo uusan wax faragalin ah ku sameyn Puntland. CC Sharmake,Faroole,Gaas iyo Juurile oo shir xasaasiya ku yeeshay Garowe,12 December 2016. CCC Sharmarke ayaa ah siyaasiyiinta ka quuldareynaysa doorshada Soomaaliya 2020, wuxuuna hankiisu yahay Madaxweyne ama Ra’iisul wasaare, sidoo kale waxaa jirta kala fogaansho siyaasadeed oo u dhaxeysa isaga, Cabdadiwali Gaas iyo Cabdiraxamaan Faroole, taas oo soo bilaamatay doorashada Soomaaliya 2017 oo ay ku kala aragti duwanaayeen. Doorka dadweynaha iyo doorashada Dadweynaha Puntland waxaa labaatan sano kadib wali ku albaaban odayaal dhaqameedyo ku matala masiirkooda siyaasadeed iyo siyaasi ratigiisa ku kacsada, taas waxay kala mid yihiin gobolada kale ee Soomaaliya marka laga reebo Somaliland. Xulista Xildhibaanada Puntland wax go’aana kuma laha dadweynuhu, waxaa u madax banaan odayaasha dhaqanka oo mararka qaar xeeriya danahooda gaarka ah ama dano siyaasi ama kooxi leedahay, dadweynuhu mar kale ayay daawadayaal ka noqdaan go’aanka uu ku yimaado Madaxweynuhu oo mararka qaar iib ah, waxayna ugu dambeyn dhibane u noqdaan go’aanka iibka. Xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole ayaa 2013-kii markii ugu horeysaty isku dayday in ay Puntland ka hirgaliso nidaamka xisbiyada badan, balse qeyb kamid ah dadweynaha oo ay adeegsadeen siyaasiyiin dano lahaa ayaa ka hor-yimi arintaas, intii ka dambeysay ma jirin cid isku day-day nidaamka xisbiyada. Si kastaba ha ahaatee dadka reer Puntland waxay iminka rajo ka qabaan in doorashada 2019 ay keeni doonto is bedel dhaama midka hadda , balse waxay moogyihiin in marka hore in la helo Xildhibaano, Madaxweyne iyo xukuumad shaqeeya. PUNTLAND POST GAROWE The post Faallo:- Doorashada Puntland 2019 waa daaha dabadiisa! appeared first on Puntland Post.
  3. Cadaado (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug, Cali Gacal Casir ayaa Maanta laga gudiyay mooshin, kaasoo gacanta loo geliyay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug. Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Galmudug, Xareed Cali Xareed ayay wararku sheegayaan inuu aqbalay mooshinka laga keenay guddoomiye, Cali Gacal Casir, inkastoo aanay horay u jirin khliaaf u dhexeeya labada mas’uul. Xildhibaannada Mooshinka ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ku sababeeyay inuu gabay shaqadii loo igmaday, ayna lagama maarmaan tahay in lala xisaabtamo. Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Galmudug, Xareed ayaa sheegay in xildhibaano tiradoodu ku dhawdahay 90-xubnood ay ka keeneen mooshinka guddoomiyaha ayna tahay sharci in laga doodo maalmaha soo socda. Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal ayaa ka hor-yimid mooshinka laga gudbiyay wuxuuna ku tilmaamay mid been abuur ah aysanna sax ahayn xildhibaanada la sheegay inay ka gudbiyeen mooshinka. Dhanak kale, Mooshinka laga gudbiyay Guddoomiye Casir, ayaa la sheegay inuu salka ku hayo khilaafka ka dhex-jira madaxda ugu sarreysa maamulka Galmudug, iyadoo guddoomiyuhu uu diiday go’aankii dhawaan ay madaxda maamul-goboleedyadu kasoo saareen Kismaayo. Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreeyay oo mooshin noocan oo kale ah laga gudbiyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, iyadoo la xusuusto in bishii Jannaayo ee sannadkii 2017-ka mooshin laga gudiyay Casir, inkastoo xilli dambe si hoose loo xalliyay. PUNTLAND POST The post Mooshin laga Gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug appeared first on Puntland Post.
  4. Xildhibaano ka tirsan Hirshabelle ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan go,aankii maamul gobaleedyada ay ku qaateen magaalada Kismaayo ee jubbballand. Waxa ay sheegeen in Madaxweynaha maamulka Hirshabelle go,aankaas uu kaligiis qaatay oo aysan jirin cid uu kala tashtay,sidaasi darteedna iyagu ay qaadacsan yihiin war murtiyadeedkii ka soo baxay shirkii Kismaayo. Xildhibaannadan waxaa ay sheegeen in go’aanka uu qaatay Madaxweyne Waare islamarkaasna uusan kala tashan baarlamaanka iyo guddoonka Hirshabelle labadaba sidaas daraateedna waxaa ay ka dalbadeen madaxweynaha in uu arrinkaasi raali gelin ka bixiyo. War-murtiyeed laga soo saaray shirkii golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada sideedii bishan ayaa lagu sheegay in lagu hakiyey xiriirkii ka dhaxeeyey dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Waxa ay dowlad goboleedyada sidoo kale ku eedeeyeen dowladda dhexe farogelin gudaha maamullada ah. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Xildhibaannada-Hirshabelle.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (PP) ─ Guddi hoosaadka Golaha Wasiirada ee Arimaha bulshada (Tubta Arimaha Bulshada) oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka hadlay qorshaha yaraynta faqriga iyo horumarinta waxbarashada dalka. Wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, Cabdiraxmaan Maxamuud C/lle (Jaabir) ayaa sheegay in kulanka lagu ansixiyay qorshaha wax ka qabashada faqriga oo uu soo bandhigay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Qorshaha yaraynta faqriga ayaa waxaa kamid ah hir-gelinta hannaan isku xir loogu samaynayo hay’adaha gargaarka iyo in la sameeyo cilmi baaris lagu ogaanayo heerka nolosha dadka danyarta ah iyo sida deeqaha ay bixiyaan hay’adaha gargaarku ay wax uga bedelaan nolosha bulshada. Kulankan oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sidoo kale looga hadlay qorshaha horumarinta hannaanka waxbarashada, gaar ahaan in iskuulaadkii dawladdu maamuli jirtay lagu soo celiyo gacanta dawladda, in macallimiin iyo maamulayaal ay dawladdu mushaarkooda bixiso loo shaqaalaysiiyo iskuulaadka dawladdu maamusho, in la helo guddi qiimayn iyo kormeer ku sameeya tayada waxbarashada iyo in manhajka cusub ee waxbarashada la gaarsiiyo iskuulaadka. Ugu dambeyn, Tubta Arrimaha Bulshada ayaa oggolaatay in wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka ay qorshayaashaan u fulis0 sida ay usoo diraarisay si hannaanka loo teyeeyo waxbarashada dalka. PUNTLAND POST The post Guddi Hoosaad ka hadlay Yareynta Faqriga iyo Horumarinta Waxbarashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  6. Shir deg deg ah oo Golaha xukuumadda Puntland ay maanta ku yeesheen magaalada Garoowe ayaa lagu taageeray qodobadii ka soo baxay shirkii magaalada Kismaayo. Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr.Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo guddoomiyay shirkan deg deg ah ayaa xukuumadda faahfaahin ka siiyay qodobadii lagu go’aamiyay shirkii madasha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ee lagu qabtay magaalada Kismaayo. Golaha xukuumadda ayaa warbixinta kadib si buuxda u taageeray dhammaan qodobadii ka soo baxay shirkaasi,sida lagu sheegay war-murtiyeed ay soo saartay madaxtooyada Puntland. Dhinaca kale shirka ayaa looga hadlay dhismaha wadada laamiga ah ee xiriirisa tuulada Jalam iyo magaalada Gaalkacyo,Waxaana war-murtiyeedka lagu sheegay in dhismaha wadadaasi u socdo sidii loogu tala-galay,islamarkaana ku dhammanayo wakhtiga loo qorsheeyay. PUNTLAND POST The post Golaha xukuumadda Puntland oo taageeray shirkii Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  7. Impoverished internally displaced families from southern and central Somalia, living in camps east of the city of Hargeisa, are being denied access to basic services because they are not recognised as IDPs by the Somaliland authorities. Source: Hiiraan Online
  8. MOGADISHU (HOL) - A wave of resistance to the resolutions of regional leaders arrived at during the recent Kismayo conference is quietly sweeping across the regions. Source: Hiiraan Online
  9. Thousands of people from both countries watched one ceremony in Zalambessa, an Ethiopian border town that was reduced to rubble soon after hostilities between the neighbors broke out in 1998. Source: Hiiraan Online
  10. Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka ayaa Qiimeyn Ku Sameeyay Khasaarahii Ka Dhashay Weerarkii Xarunta Degmada Hodan. Waxa ay sheegeen in guddoonka golaha shacabka usoo direy iney soo qiimeeyaan khasaarihii ka dhashay qaraxii shalay lagu weeraray xarunta degmada Hodan. Xildhibaannada waxaa ay sheegeen in dowladda Federaalka looga baahanyahay in amniga shacabka ay wax badan ka qabato si loo yareeyo dhibatooyinka soo gaara. Shalay ayey aheyd Markii baabuur walxaha qaraxa laga soo buuxiyay lagu weerar xarunta degmada Hodan waxaana ka dhashay burbur xooggan oo soo gaaray dhismaha xarunta iyo guryo ka ag dhowaa. Qaraxa waxaa sidoo kale ku dhintay dad gaaraya 6 qof halka dhaawacuna uu ahaa ku dhowaad 16 qof waxaana sheegtay mas’uuliyadda weerarka Alshabaab. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/khasre.mp3 Source: goobjoog.com
  11. A senior jihadist operative has been killed in Mogadishu, official said. Source: Hiiraan Online
  12. MOGADISHU (Caasimada Online) – Somalia’s security forces launched an operation to tighten the overall security of the capital city of Mogadishu, amid deadly attacks by Al Shabaab. The move comes after suicide car bomb hit Mogadishu’s Hodan district headquarters on Monday, leaving 10 people dead. Big stones and sand bags were reportedly placed to all roads leading to local government offices in Somali capital Mogadishu, in a bid to avert orchestrated attacks. Fears are high that the al-Qaeda-linked Al Shabaab group will seek to disrupt security by carrying out an attack on the capital, according to a source, who asked to be anonymous. He says heavily armed security personnel patrolled the streets of the capital, while several main roads leading to the local government offices were blocked off with sand berms. The troubled Horn of Africa nation, which has not had an effective central government in three decades, had been promised a one-person, one-vote election in 2020. However, political infighting and insecurity, mainly due to al-Shabaab militants who control swathes of countryside and strike at key areas in Mogadishu. The group claimed Monday’s suicide car bomb that destroyed Hodan district headquarters in the capital. The killed 10 people, mostly civilians and injured 18 others, according to medical officials. Last week, six people were killed and 18 others, including six children injured in an Al-Shabaab suicide bomb attack at local government office in Somali capital Mogadishu. The group has been waging insurgency for more than 10 years in Somalia. Al-Shabaab has been in decline since 2011 but still launches regular, deadly attacks against government, military and civilian targets in the capital and elsewhere. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  13. Hoggaamiyeyaasha Itoobiya Abiy Axmed iyo Eritrea Isaias Afwerki ayaa maanta oo Talaado ah waxaa ay dib u fureen xadka labada dal u dhaxeeya taaso oo ah waddo ay isticmaalaan isku socdka dadka iyo gaadiidka ee labada dal. Waa markii ugu horreysay oo dib loo furo xadka labada deris kadib dagaal socday Muddo 20 sano ah Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Meskel ayaa sidaasi ku sheegay Twitter-ka. Labada hoggaamiye ayaa furay goobo muhiim ahaa, oo isku xira labada dal. Sidoo kale waxaa dhacaya xaflado arrintaas lagu maamuusayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Xukuumadda Djibouti ayaa sheegtay in ay qarameyneyso Saamiga Shirkadda Dekadda Djibouti, taasi oo gaareyso saddex meelood labo meel ee dekadda “Doraleh” ee Konteenarada, arrintani ayaa sii kordhineysa khilaafkii ka dhaxeeyay Djibouti iyo Shirkadda DP World. Madaxtooyada Djibouti ayaa sheegtay in si toos ah loo qarameeyay Saammigan, dowladdana ay la wareegi doonto dekadda iyada oo laga fogaanayo farogelinta shirkado Shisheeye. Ujeedada go’aanka qarameynta ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu ilaalinayo danaha asaasiga ah ee dalka iyo danaha dalalka ay isbaheysiga yihiin. Shirkadda DP World ayaa waxaa ay la wareegtay Saamiga saddex Meelood dekadda Doraleh,taasi oo keentay in muddo Lix Sano ah uu muran ka dhex taagnaa xukuumadda Djibouti kuna saabsanaa cidda xaga u leh in ay Maamusho dekadda. Go’aanka qarameynta ayaa imaanaya shan Maalin kadib markii ay DP World ay sheegtay in ay u dacwooneyso Maxkamadda Caalamiga ah ee London, iyada oo tilmaantay in Djibouti ay u diideyso Maamulidda dekadda Doraleh ee Konteenarada . Khilaafka labada dhinac waxaa ugu muhiisanaa markii uu caddeeyay Baaraha guud ee Djibouti Xasan Ciise bishii bishii Febraayo in la soo afjaray waxyaabihii gaarka ahaa ee la siiyay Shirkadda DP World taasi oo aheyd in dekadda Doraleh ay maamusho muddo dhan 50 sano. Sida ay sheegayaan tiro koobyo rasmi ah ee Djibouti in dekadaha dalka ay Maalintii isticmaalaan 70 Markab kuwaaso oo ka yimaada 59% qaaradda Aasia, halka Maraakiibta ka timaada Yurub ay gaarayaan 21%, Maraakiibta ka timaada qaaradaha kale oo ay ka mid tahay Afrika ayaa iyagana gaarayaan 16% . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururuka Al-Shabaab ayaa ka hadlay khasaarihii ka dhashay weerarkii ismiidaaminta ahaa oo ay ku qaadeyn Shalay xarunta Degmada Hodan. Mas’uuliyiin iyo howlwadeenno katirsan maamulka degmada Hodon ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarka sida ay sheegatay Al-Shabaab War kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in 20 qof ay ku dhinteen qaraxii islamarkaana dhammaantood ay yihiin saraakiil iyo askar katirsan maamulka degmada Hodon. Al-Shabaab ayaa sheegtay in saraakiisha halkaas lagu dilay ay kamid yihiin Sarkaal magaciisa lagu soo koobay Sandheere oo ahaa taliyaha ciidanka ee degmada iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Saciid Booloow oo ahaa sarkaal ka tirsan waaxda canshuuraha ee gobolka Banaadir kaas oo sidoo kale qaabilsanaa kormeerka illaa shan degmo oo ay ku jirtay degmada Hodan. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaas ku dhaawacmay Nin magaciisa lagu soo koobay Saciid oo ahaa madaxa Shatiyada ee maamulka degmada Hodan, sidoo kale waxay sheegtay inay dhaawacday nin lagu magacaabo Mahad Absuge oo isna ka mid ahaa saraakiisha maamulka degmada Hodon ayna isku dhowaayeen guddoomiyaha degmada iyo ku xigeenkiisa. Websiteyada ku hadla Afka Al-Shabaab ayaa sidoo kale qoray in qaraxii Hodan ay ku dhimatay haweyn magaceeda aan la sheegin oo aheyd Agaaismaha Ururka Haweenka qaranka Degmada Hodon. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Garoowe (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Garoowe ka soconaya shir deg deg ah oo ay leeyihiin Madaxweynaha Maamulka puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas iyo xubnaha ka tirsan Golaha wasiirada ee Maamulkaasi. Warar qaar ayaa sheegaya in kulan looga hadlayo shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Kismaayo iyo khilaafka u dhexeeya Madaxda Maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe Waxa jira warar sheegaya in Golaha Wasiirrada Puntland ay ku kala aragti duwanyihiin War-Murtiyeedka shirkii Kismaayo. Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas,ayaa isugu yeeray Golihiisa Wasiirrada,waxaana uu ka dhaadhicinayaa mowqifka Puntland ka qaadatay dowladda Federaalka ah. Waxaa sidoo kale jira in Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Cumar Camey ka biya diiday natiijada Shirkii Kismaayo,waxaana uu sheegay in Puntland aysan raalli ka ahayn waxa ka soo baxay Kismaayo. Kulanka Golaha Wasiirrada oo ay ka qeybgelayaan Madaxwenaha iyo ku xigeenkiisa kala aragtida ah ayaa isha lagu hayaa war-murtiyeedka ay ka soo saarayaan shirka marka uu dhamaado kaddib. Sidoo kale Waxaa kulan lagu falanqeynayaa xaaladda gobolka Sool iyo qodobo kale. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  17. MOGADISHU (Caasimada Online) – The top United Nations official for Somalia has encouraged the country’s authorities to proceed quickly with the ratification of a treaty safe-guarding and promoting the rights of people with disabilities. Currently, Somalia has no national or legal policy framework regarding people with disabilities, however, the federal government recently announced that it would sign the International Convention on the Rights of Persons with Disabilities. “Somalia has agreed to sign the Convention, so the next step is to get the legislation passed and part of my purpose is to recognize that step and to encourage the government of Somalia to pass the law,” said the Secretary-General’s Special Representative to Somalia, Michael Keating. The UN official made the comments in the capital, Mogadishu, on Sunday, while visiting the Al Noor School for the Blind, one of the few education institutions established for persons with disabilities in Somalia. The Convention is an international treaty that articulates the rights of persons with disabilities. Specifically, countries that become parties to it agree to promote, protect and ensure the full and equal enjoyment of all human rights and fundamental freedoms by all persons with disabilities, and to promote respect for their inherent dignity. Despite a lack of precise information on the number of people with disabilities in Somalia, experts estimate that the number is higher than the global average estimate of 15 per cent as a result of the country’s long period of conflict, poverty and lack of access to health care. Started 13 years ago, the Al Noor School for the Blind currently offers intermediate and secondary education to more than 140 students from the capital and around the country. Subjects taught at the institution include mathematics, languages (English, Arabic and Somali), Islamic studies, computer and social studies. Provisions for schools needed Mr. Keating, who also heads the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM), mingled with the students during his visit, and noted the importance of the government making provision for funding such schools, as well as the need to create job opportunities for them. He highlighted that Somalis with disabilities form a crucial part of society, and that there is need for their inclusion in the political, social and economic affairs of the country. “I was talking to another colleague who was working here and they said the priority should be to make sure that political parties include in their rules support for people living with disabilities,” Mr. Keating said. “Similarly, it would be great if we had MPs, both at the federal level and around the country, so that they can represent those, whether they’re blind or have other forms of disability, who have basic needs and deserve support and want to be full members of Somali society, so that they [the MPs] can act on their behalf.” The school’s deputy director, Ibrahim Abdullahi Mohamed, who showed the UN envoy around the campus, expressed appreciation for the support shown for the school’s efforts, noting that it faced numerous challenges and needed aid. “The school lacks equipment like the braille, which is expensive and not available in the local market,” he said, adding that staff also required training to stay up-to-date with the latest technological developments for aiding blind people. The UN Special Representative shared the school administrator’s view. “I am full of admiration for the work that the teachers and the school are doing, but clearly much more support is needed, and these very enterprising students need help and the school needs help,” the UN Special Representative said. “It’s great that this is happening but we need to do much, much more.” “[It’s] tough,” he added, “because there isn’t a lot of money around, but I hope that if the government makes this a priority then the international community will also be supportive.”
  18. MOGADISHU (Caasimada Online) -Turkey has strongly condemned deadly suicide attack at local government office in Somali capital Mogadishu, leaving 10 people dead. The blast targeted Mogadishu’s Hodan district headquarters in the capital, according to police officer, Mohamed Hussein. “We have learnt with great sorrow the terrorist attack perpatrated in Mogadishu, resulting in numerous deaths and the injury of many others”, said in a statement by Turkey’s Foreign Ministry. “We strongly condemn this treacherous attack that aims to undermine the stability of Somalia”. The statement added that Turkey wished God’s mercy upon those who lost their lives, and a speedy recovery to the wounded and convey its condolences to the government and the people of Somalia. The Al Qaeda linked Al Shabaab claimed the responsibility for the blast through its website. Al Shabaab – which is fighting to topple the government and establish its own rule based on its interpretation of Islamic law – said it was behind the attack. Last week, six people were killed and 18 others, including six children injured in an Al-Shabaab suicide bomb attack at local government office in Somali capital Mogadishu. The group has been waging insurgency for more than 10 years in Somalia. The Islamist militant group has frequently carry out attacks in the capital and other areas since the army, backed by African peacekeepers, pushed it out of the capital in 2011. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  19. Dabley hubeysan ayaa goordhow shaqaale dowladeed ku dishay xaafadda KPP ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Marxuum Cumar Xasan Ganey waxaa uu ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda qorsheynta ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in raggii dilayna ay baxsadeen. Faah-faahinta kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad ku akhristateen warbixinadeenii hore, Taliyaha Nabadusgidda Xuseen Cismaan Xuseen ayaa lagu eedeeyey inuu musuq maasuq xooggan ku sameenayo tartanka loogu jiro booska Xildhibaano ee uu isaga baneeyey. Taliyaha ayaa lagu eedeeyey inuu booskaas la rabo nin la dhashay oo lagu magacaabo Sayid Cali Cismaan isagoo arrintaas u marayo guddiga doorashooyinka iyo Suldaanka Beesha Galadi gaar ahaan lafta Habadhaale. Cabdullaahi Cumar Xalwo oo ahaa musharax booskaas dartiisa uga imaaday dalka Debadiisa ayaa laga hor istaagay inuu isku soo sharaxo booskaas. Muuqaal lagu faafiyey baraha Bulshada ayuu Cabdullaahi ku sheegay inuu debadda uga imaaday si uu ugu tartamo booskaas xilli uu aad u yaraa waqtiga loo qabtay dadka isi soo sharaxi karo. Cabdullaahi ayaa sheegay inuu si deg deg ah u maray Waraaqda dambi baarista oo aheyd mid kamid ah shuruudaha looga baahan yahay musharixiinta kadibna wuxuu tilmaamay inuu si toos ah u tagay xarunta guddigga doorashooyinka madax banaan oo lagu diiwaangelinayey musharixiinta u tartameyso booska uu baneeyey taliyaha nabadsugidda Xuseen. Wuxuu sheegay inuu lacagta diiwaangelinta oo aheyd 5000 oo Dollar uu ku waday gacanta balse loo sheegay inay tahay inuu kusoo shubo Bankiga haddii uu irridda ka baxana aan laga qaban doonin waraaqaha. Cabdullaahi ayaa tilmaamay inuu ugu dambeyn qaatay go’aan ah inuu lacagta kusoo shubo Bankiga balse nasiib darri loo sheegay markuu xafiiska tagay in waqtiga daawangelinta ay ku ekeyd Hal saac ka hor waqtigaasna ay aheyd Tuban Saac oo galabnimo m Cabdullaahi ayaa kiiskaas ku eedeeyey inuu ka dambeeyo Taliyaha Nabadsugidda Qaranka oo garab ka helayo ku xigeenkiisa Fahad Yaasiin. Sidoo kale wuxuu sheegay in Suldaanka Beeshiisa uu soo qortay dad aan aheyn odayaashii loogu talagalay inay coddeeyaan arrintaasna ay tahay musuq maasuq xooggan. Arrinta yaabka leh ee uu sheegay ayaa aheyd in Saldaanka Beesha iyo Taliyaha Nabadsugidda inay wada dhasheyn isla markaasna uu isaga markii horaba ka shaqeeyey inuu booskaas qabto. Ugu dambeyntii Cabdullaahi ayaa sheegay inuu hadda dib ugu laabtay halkii uu ka imaaday isla markaasna uu Taliyaha Nabadsugidda ka hor istaagay inuu booskaas isku soo sharaxo. Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka sheekadadan yaabka leh: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. 11/9/2001-dii: Maalintaas 19 Dhalinyaro ah ayaa afduubay diyaardo rakaab rayid ah siday, American Airline dulimaad-ka 11-aad ayaa dhex gashay dhismaha Waqooyiga xiga ee daarihii mataanaha ahaa (twin towers), halka United Airline duulimaadkii 175 uu ku dhuftay dhanka Koofur ee dhismahaas. Dhinaca kale, American Airline duulimaad-ka 77 ayaa ku dhacay Pentagon-ka, halka United Airline duulimaad 93 ku dul burburtay hawada Washington. Halkaas waxaa ku dhintay 3000 oo ay ka mid ahaayeen, 227 oo rayid ah iyo 19-kii falka fuliyay. Dhacdooyin muhiim ah ka hor 11/09/2001: Inta aanay dhicin dhacdadan 11/9/2011, waxaa jira dhowr taariikh oo xiriir toos ah la leh arrinkan. Dagaalkii Qaboobaa: Waxaa uu bilawday 1945-tii markii Hitler la dilay, Maraykanka iyo Ruushka ayaa awoodda dunida isku qabsaday, Mudadada dagaal-kii qaboobaa waxaa dhacay: Kala qeybinsan-kii Jarmal-ka 1949-1949-kii, dagaalkii Labada Kuuriya 1950-1553-dii, dagaalkii Vetnam 1956 iyo duulaan-kii Sovet-ka ee Afgaanistaan December 1979 ilaa February 1989, Xilliga dagaal-kan qabow uu socaday, dowladda Maraykanka waxay saaxiib la ahyed Islaamiyiinta, waxay siin jirtay taageero militari, Dhaqaale iyo mid siyaasadeed. 1991-kii: Waxaa burburay midowgii Soviet, Waxaa dunida ku soo haray hal awood oo Maraykanka ah, Waxaa isku dhacay Maraykanka iyo Islaamiyiinta oo shalay Saxiibo ahaa. 1996-dii: Waa markii Binu Ladin tagay Afgaanistaan halkaasna uga dhawaaqay Al-qaacida, fikirk-ka Al-qaacida waxaa uu bilowday 1988-dii. 26- September 1996- Markii Taalibaan qabsadeen Kabul, Kuna dhawaaqeen dowlado Islaami ah, Waxaa aqoonsaday dalal badan oo Sacuudiga iyo Pakistan ku jiraan. Waxaa kaloo jiray dad Soomaali iyo ajaanib halkaas ku soo tababartay oo ku soo noqday geeska Afrika. 7 August 1998: weerar loo geystay Safaarada Mareykanka ee Nairobi iyo Daru-Salaam. Nairobi waxaa ku dhintay 213 qof iyada oo 11 qof ay ku dhinteen Daar El-salaam Dunida Maxaa Ka Dhacay Kadib September 11, 2001-dii? 20 September 2001: Waa maalintii G. W. Bush Madaxweynihii xiligaas ee dalka Mareykanka uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah waxa uu ugu yeeray “argixisada”. 7 October 2001: Mareykanka ayaa weeraray Afgaanistaan kadib markii Taaliban diideen in ay soo dhiibaan Osama Binu Ladin oo Bush sheegay inuu ku lug-lahaa weeraradii 11/September. Dhankan iyo Soomaaliya: Waxaa dhismay Maxaakiim Islaamiga ahaa, Waxaa xoogaystay fikirkoodii, qaar ka tisran Islaamiyiinta Soomaaliya ee xiligaas waxaa ay tababar ku soo qaateen Afgaanistaan taas oo keentay in hogaamiye kooxeedkii sameeyaan dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Islaamiyiinta Soomaaliya, iyaga oo qaar islaamiyiinta ka tirsan loo gacan galiyay dowladda Mareykanaka. 18/02/2006: Sagaal Hogaamiye oo kala ah: Muuse Suudi, Cumar Finish, Bashiir Raage, Cabdi Qeybdiid, Cabdi waal, C/rashiid Shire Ilqeyte, Cabdi shukri, Maxamed Qanyare, Bootaan Ciise Caalin iyo Maxamed dheere oo dib uga soo biiray, ayaa ku dhawaaqay isbaheysiga la dagaalanka argixisada, Sida ay sheegtay International Crisis Group ragan ayaa bil walba dowladda Mareykanka siin jirtay 100,000 ilaa 150,000 Dollar si ay ula dagaalamaan aragigixisada. February 28, 2006: Muqdisho waxaa looga dhawaaqay golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka, kaas oo ay ku dhawaaqeen Midowga Maxaakiimta Islaamigu si ay uga hor tagaan Isbahaysiga la baxay la dagaalanka “Argagixisada. Maxaakiimta ayaa ku guuleystay dagaal ay labada dhinac galeen. February 26, 2008, Waxaa uu Mareykanka ku daray Al-shabaab liis-ka kooxaha argagixsada. 1-da May 2008-dii Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah Dhuuso-Mareeb ku dilay Hogaamiyihii Al-shabaab Aaden Xaashi Ceyrow. 10 Febraayo 2012: Al-shaab oo ku biiray Al-qaacida sida uu sheegay Ayman El-dawaahiri oo ah hogaamiyaha Al-qaacida. 6-dii June 2012, Mareykanka oo lacag dul dhigay ciddii soo sheega xogta Hogaamiya Al-shabaab Axmed Godane, Mareykanka ayaa madaxiisa dul digay ilaa $7-million (5.35-million-euro). 1 April 2013: Obama oo saxiixay in Taageero militari siiyo Soomaaliya si dowladda ula dagaalanto waxa uu ugu yeeray argigixisada. 28 March 2014: Obama Wuxuu ku dhawaaqay abuuritaanka santuuq ilaa shan billion oo doolar lagu caawiyo dalalka dunida oo dhan oo soomaaliya ay ka mid tahay si argagixisada loola dagaalmmo. Jul 10, 2014: Xukuumadda Soomaaliya ayaa meel marisay anti terror law oo ah sharci lagula dagaalamayo Argagixsada. 1 September 2014: Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay hogaamiyhii Al-shabaab Sheekh Muqtaar Cabdulraxmaan (abuu subeeyr/ Godane.) Dagaalka Mareykanka ee la magac baxay la dagaalanka argigixisada uma muuqdo mid dhamaad leh, iyada oo maalin walba sii xoogeysanayo dagaalka Mareykanka uu kula jiro Islaamiyiinta. Dagaalka loogu yeero ladagaalanka argigixisada waxaa uu ka socdaa Soomaaliya, Mareykanka waxaa ay saldhig ku leeyihiin Balli-doogle, Shabeellada hoose, waxaa ay sanadkii geysteen ilaa 35 duqeyn halka sanad ay 20 gaarayaan.
  22. Qaahira (Caasimadda Online) – Wasiirada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta ayaa maanta oo Talaado ah Qaahira ku yeelanaya kulankooda 150-aad ayaa lagu wadaa in ay kaga hadlaan Xaaladda Soomaaliya. Waxa ay sigaar ah Diiradda ugu saarayaan kulankooda sidii Kaalmo iyo Garab loo siin lahaa Soomaaliya, gaar ahaan Dhinacyada Dib udhista Dalka, Ciidamada, Qabyo tirka Dastuurka iyo Dhaqaalaha. Qodobadda ugu muhiimsan ee diiradda lagu saari doono Shirka waxaa ka mid ah Siyaasadda,Ammaanka ,Sal dhigidda Dastuurka, Nidaamka Xisbiyada Siyaasadda, Kobaca Dhaqaalaha iyo dib u qaabeynta Ciidamada Soomaalida. Waxaa sidoo kale lagu waddaa in qaar ka mid ah dalalka Jaamacadda Carabta ay ku dhawaaqaan in ay Cafiyaan deymaha ay ku leeyihiin Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu waddaa in uu Shirkaasi ka qeyb galo, islamarkaana uu ka jeedo Khudbadiisa. kulankaan oo ah mid aan horay loosii shaacin ayay isugu tagi doonaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Dowladaha Xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta. Xubnaha Shirka lagu marti qaaday waxaa kamid ah Bankiga iyo Sanduuqa Lacagta ee Jaamacadda Carabta si deg deg loogu fuliyo Ballanqaadyada kasoo baxa Fadhiga. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiga Kulan oo ka mida xisbiyada dalka ka jira ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in si khaldan magaciisa loogu adeegsado war-saxaafadeedyada ay soo saaraan xisbiyo iyo kutlad mucaarad ah. Qoraalka Xisbiga Kulan oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Xisbiga Cismaan Xasan Cilmi ayaa lagu sheegay in xisbiga uu mowqif dhexdhexaad aamisan yahay, isla markaana aanu la qabin kooxaha iyo xisbiyada soo saaray war-saxaafadeedka ay ku taageereen shirkii Kismaay. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Xisbiga Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. 11/9/2001-dii: Maalintaas 19 Dhalinyaro ah ayaa afduubay diyaardo rakaab rayid ah siday, American Airline dulimaad-ka 11-aad ayaa dhex gashay dhismaha Waqooyiga xiga ee daarihii mataanaha ahaa (twin towers), halka United Airline duulimaadkii 175 uu ku dhuftay dhanka Koofur ee dhismahaas. Dhinaca kale, American Airline duulimaad-ka 77 ayaa ku dhacay Pentagon-ka, halka United Airline duulimaad 93 ku dul burburtay hawada Washington. Halkaas waxaa ku dhintay 3000 oo ay ka mid ahaayeen, 227 oo rayid ah iyo 19-kii falka fuliyay. Dhacdooyin muhiim ah ka hor 11/09/2001: Inta aanay dhicin dhacdadan 11/9/2011, waxaa jira dhowr taariikh oo xiriir toos ah la leh arrinkan. Dagaalkii Qaboobaa: Waxaa uu bilawday 1945-tii markii Hitler la dilay, Maraykanka iyo Ruushka ayaa awoodda dunida isku qabsaday, Mudadada dagaal-kii qaboobaa waxaa dhacay: Kala qeybinsan-kii Jarmal-ka 1949-1949-kii, dagaalkii Labada Kuuriya 1950-1553-dii, dagaalkii Vetnam 1956 iyo duulaan-kii Sovet-ka ee Afgaanistaan December 1979 ilaa February 1989, Xilliga dagaal-kan qabow uu socaday, dowladda Maraykanka waxay saaxiib la ahyed Islaamiyiinta, waxay siin jirtay taageero militari, Dhaqaale iyo mid siyaasadeed. 1991-kii: Waxaa burburay midowgii Soviet, Waxaa dunida ku soo haray hal awood oo Maraykanka ah, Waxaa isku dhacay Maraykanka iyo Islaamiyiinta oo shalay Saxiibo ahaa. 1996-dii: Waa markii Binu Ladin tagay Afgaanistaan halkaasna uga dhawaaqay Al-qaacida, fikirk-ka Al-qaacida waxaa uu bilowday 1988-dii. 26- September 1996- Markii Taalibaan qabsadeen Kabul, Kuna dhawaaqeen dowlado Islaami ah, Waxaa aqoonsaday dalal badan oo Sacuudiga iyo Pakistan ku jiraan. Waxaa kaloo jiray dad Soomaali iyo ajaanib halkaas ku soo tababartay oo ku soo noqday geeska Afrika. 7 August 1998: weerar loo geystay Safaarada Mareykanka ee Nairobi iyo Daru-Salaam. Nairobi waxaa ku dhintay 213 qof iyada oo 11 qof ay ku dhinteen Daar El-salaam Dunida Maxaa Ka Dhacay Kadib September 11, 2001-dii? 20 September 2001: Waa maalintii G. W. Bush Madaxweynihii xiligaas ee dalka Mareykanka uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah waxa uu ugu yeeray “argixisada”. 7 October 2001: Mareykanka ayaa weeraray Afgaanistaan kadib markii Taaliban diideen in ay soo dhiibaan Osama Binu Ladin oo Bush sheegay inuu ku lug-lahaa weeraradii 11/September. Dhankan iyo Soomaaliya: Waxaa dhismay Maxaakiim Islaamiga ahaa, Waxaa xoogaystay fikirkoodii, qaar ka tisran Islaamiyiinta Soomaaliya ee xiligaas waxaa ay tababar ku soo qaateen Afgaanistaan taas oo keentay in hogaamiye kooxeedkii sameeyaan dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Islaamiyiinta Soomaaliya, iyaga oo qaar islaamiyiinta ka tirsan loo gacan galiyay dowladda Mareykanaka. 18/02/2006: Sagaal Hogaamiye oo kala ah: Muuse Suudi, Cumar Finish, Bashiir Raage, Cabdi Qeybdiid, Cabdi waal, C/rashiid Shire Ilqeyte, Cabdi shukri, Maxamed Qanyare, Bootaan Ciise Caalin iyo Maxamed dheere oo dib uga soo biiray, ayaa ku dhawaaqay isbaheysiga la dagaalanka argixisada, Sida ay sheegtay International Crisis Group ragan ayaa bil walba dowladda Mareykanka siin jirtay 100,000 ilaa 150,000 Dollar si ay ula dagaalamaan aragigixisada. February 28, 2006: Muqdisho waxaa looga dhawaaqay golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka, kaas oo ay ku dhawaaqeen Midowga Maxaakiimta Islaamigu si ay uga hor tagaan Isbahaysiga la baxay la dagaalanka “Argagixisada. Maxaakiimta ayaa ku guuleystay dagaal ay labada dhinac galeen. February 26, 2008, Waxaa uu Mareykanka ku daray Al-shabaab liis-ka kooxaha argagixsada. 1-da May 2008-dii Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah Dhuuso-Mareeb ku dilay Hogaamiyihii Al-shabaab Aaden Xaashi Ceyrow. 10 Febraayo 2012: Al-shaab oo ku biiray Al-qaacida sida uu sheegay Ayman El-dawaahiri oo ah hogaamiyaha Al-qaacida. 6-dii June 2012, Mareykanka oo lacag dul dhigay ciddii soo sheega xogta Hogaamiya Al-shabaab Axmed Godane, Mareykanka ayaa madaxiisa dul digay ilaa $7-million (5.35-million-euro). 1 April 2013: Obama oo saxiixay in Taageero militari siiyo Soomaaliya si dowladda ula dagaalanto waxa uu ugu yeeray argigixisada. 28 March 2014: Obama Wuxuu ku dhawaaqay abuuritaanka santuuq ilaa shan billion oo doolar lagu caawiyo dalalka dunida oo dhan oo soomaaliya ay ka mid tahay si argagixisada loola dagaalmmo. Jul 10, 2014: Xukuumadda Soomaaliya ayaa meel marisay anti terror law oo ah sharci lagula dagaalamayo Argagixsada. 1 September 2014: Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay hogaamiyhii Al-shabaab Sheekh Muqtaar Cabdulraxmaan (abuu subeeyr/ Godane.) Dagaalka Mareykanka ee la magac baxay la dagaalanka argigixisada uma muuqdo mid dhamaad leh, iyada oo maalin walba sii xoogeysanayo dagaalka Mareykanka uu kula jiro Islaamiyiinta. Dagaalka loogu yeero ladagaalanka argigixisada waxaa uu ka socdaa Soomaaliya, Mareykanka waxaa ay saldhig ku leeyihiin Balli-doogle, Shabeellada hoose, waxaa ay sanadkii geysteen ilaa 35 duqeyn halka sanad ay 20 gaarayaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Kismaayo (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo madaxtooyada maamulka kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxay shirka Golaha Iskaashiga uu yahay mid ka duwan kuwii hore. Axmed Madoobe, waxa uu sheegay in dhowr jeer ay ka laabteen go’aano ay horay u gaareen, balse iminka ay adkaan doonto dib uga laabashada go’aanka. Waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay si ku tallo gal ah uga meermeereyso xaqiiqda, hase yeeshee waxa uu cadeeyay in iyaguna ay ka meermeeri doonaan wixii jira. Wuxuu sheegay Hogaamiyaha inay dhici karto isku soo dhawaanshi, balse ay ku imaankarto waddo xalaal ah oo aan laga weecan doonin. Waxa uu carab ***** in isku soo dhawaanshaha ay ku imaankarto keliya dowlada Somalia oo qirato khaladaadka ay ku heyso maamulada, sida uu hadalka u dhigay mar uu la kulmay qaar kamid ah mas’uuliyiinta maamulka. “Maamuladu waxa ay gaaren go’aan aan dib loogu noqon doonin, isku soo dhawaanshaha dowlada iyo maamulada waxa uu imaan karaa keliya marka ay dowlada dhexe qirato dhibta ay nagu heyso hadii aynu nahay maamulada” Waxa uu sheegay inuusan garankarin si ay kula shaqeeyan dowlad aan la dhaqmeynin maamulada hoosta, sida uu yiri waxa uuna untaa ku daray in madaxda dalka laga doonaayo inay wanaajiyaan siyaasada ay ku dhaqmayaan. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa arin adag ku sheegay in maamulada ay muujiyaan tanaasul, waxa uuna carab ***** in dhibta ugu horeysa oo ay kala kulmayaan dowlada ay tahay faragalin dhanka doorashada ah. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaan wali ka hadal go’aanada adag ee kasoo baxay shirka Golaha Iskaashiga maamul Goboleedyada ee kusoo dhamaaday magaalada Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com