-
Content Count
206,488 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee QM António Guterres ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay magacaabista Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, kaasi oo noqonaya wakiilka gaarka ah ee xoghayha guud u qaabilsan Soomaaliya. Danjire Michael Keating oo maamulayay xafiiska QM ee Somalia – UNSOM ayaa loo magacaabay xilka uu isaga dagayo 22-kii Bishii November, 2015, Isagoo bedelay ergaygii ka horreeyay ee QM ee arrimaha Somalia, Nicholas Kay oo u dhashay dalka Britain Haysom ayaa beddelaya Michael Keating oo British ah, laga billaabi kowda bisha October. Mr. Haysom ayaa ah garyaqaan muddo ka shaqeynayey diblomaasiyadda caalamiga ah, isaga oo diiradda saaraya maamulka dimoqraadiyadda, dastuurka, isbeddelada doorashooyinka iyo hanaanka dib u heshiisiinta. Waxa uu hadda yahay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Sudan iyo Koonfur Sudan, xilkaas oo uu hayey tan iyo sanaddii 2016. Ka hor xilkan, waxa uu ahaa wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Afghanistan iyo madaxda howlgalka QM ee caawinta Afghanistan (UNAMA), xilkaasi oo uu hayey 2014 illaa 2016, isaga oo xilkaasna si ku xigeen ah u hayey 2012 illaa 2014. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyihii hore ee maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa shaaca ka qaaday in shirka Kismaayo ay kaalin weyn ku lahaayen wadamo shisheeye. Cosoble, waxa uu sheegay in qabashada shirka Kismaayo ay ka danbeeyen mas’uuliyiin shisheeye oo ku sugan Somalia, waxa uuna ayaan daro ku sheegay in dal dhismaaya laga daba shaqeeyo. Waxa uu Cosoble tilmaamay in shirkaasi lagu soo beegay xili inta badan maamulada ay ku howlan yihiin doorashooyin, hase yeeshee ay muhiim tahay in dowlada Somalia lagu garab istaago sida ay uga gudbi laheyd xiisada jirta. Waxa uu Cosoble, sheegay in waxa ay ka cabanayaan maamul Goboleedyada aysan aheyn wax jira ,isla markaana ay ahaayen keliya kuwo fulinaayay dano shisheeye. Waxa uu tilmaamay in qodobadii ka soo baxay shirkii magalada Kismaayo ay dhamaantoodu yihiin kuwo ay ka danbeyso ujeedooyin gaar ah,balse waxa uu ku sifeeyay in madaxda maamulada ay yihiin qaran dumisnimo sida uu hadalka u dhigay. Dowladaha ku lugta leh ayuu sheegay inay yihiin kuwo waligooda faragalin ku hayay Siyaasada Somalia, hase ahaatee ay mar un ku fashilmi doonaan, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, madaxda maamulada ayuu ugu baaqay inaysan ka dheeren xadka loogu tallo galay isagoo carab ***** in taariikhda ay ka qori doonto wax waliba oo ay geystaan. Haddalka Cosoble, ayaa kusoo beegmaya xili uu sii xoogeysanaayo khilaafka dowlada Dhexe kala dhexeeya maamulada, iyadoo laga muujinaayo walaac ku aadan in leysku fiirsado khilaafka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The Islamic Development Bank has suspended a multimillion dollar project in Somalia due to accusations of corruption and mismanagement. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdixakiin Cabdullahi Xaaji Cumar Camey ay isugu gacan qaadeen gudaha madaxtooyada maamulkaas. Arrintan oo mananta ah midda ugu hadal haynta badan Garowe iyo guud ahaan deegaanada Puntland, ayaa ku soo aadeysa xilli labada mas’uul ay aad ugu kala fogaadeen shikii Kismaayo oo ay dowlad gobolleedyadu wadashaqeyntii dowladda dhexe ugu hakiyen. Ilo ka ag dhaw xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la soo xiriiray Caasimada Online ayaa sheegay in labada mas’uul ay isku maan dhaafeen xafiiska madaxweynaha, xilli Gaas uu su’aalo ka weydiiyey ku xigeenkiisa lacago uu kala baxay Bankiga markii uu bishii hore aaday magaalada Muqdisho. Hase ahaatee, Camey oo ka jawaabaya lacagta lagu eedeeyey ee uu kala baxay Bankiga dhexe ee Puntland ayuu ugu jawaabay “Yaa ku xisaabiya adiga?”, Isla markiiba waxaa ka xumaaday hadalkii labadooda waxa ayna is dhaafsadeen hadallo kul kul oo keetay in Camey istaago gacanna la aado Gaas. Waxaa labada mas’uul soo kala dhex-galay dadkii goobta ku sugnaa, oo u badnaa shaqaalahooda. Lacagta badan ee uu Gaas ku eedeeyey in Camey kala baxay Bangiga dhexe ee Puntland waxa ay imaaneysaa xilli uu Camey muddo ku sugnaa Muqdisho, isaga oo markii uu ka soo laabtay shir jaaa’id oo uu Garowe ku qabtay ku sheegay in uu Caasimadda Soomaaliya u aaday arrimo caafimaad iyo dhul uu ku lahaa magaalada. Dhinaca kale, Camey waxa uu ka soo horjeestay mawqifka Gaas ee dowladda dhexe xiriirka loogu jaray, waxaana aad baraha bulshada ugu baahay sawir ay isku salaamayaan garoonka diyaaradaha ee Garowe, balse muujinaya heerka uu khilaafkoodu gaarsiisan yahay. Camey ayaa la rumeysan yahay inuu aad ugu dhow yahay dowladda federaalka, hase yeeshee Gaas Ayaan wax ka qabin karin, xilkana ka qaadi karin maadaama Camey si gooni ah loo soo doorto. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah siyaasi si weyn u mucaaradsan Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku maamusho dalka ayaa tilmaamay inuu firkiisa la mid yahay midka uu Michael Keating oo ka sii dhamaanayo mudo xileedka Xafiiska Qaramada Midoobe ka aaminsan yahay siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaaaldihii ugu dnabeeyay ee dalka iyo waxyaabihii ka soo baxay Kulan Keating uu Kismaayo kula soo qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada intii ay sooctay SHirkii golaha iskaahsiga ee la soo xiray Todobadii bishan. Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu sidoo kale ku sheegay in Wakiilkii Qaramada Midoobe ee Somaliya Michael Keating ay isla soo qaadeen shaqada laga filan karo Ninka cusub ee loo soo magacaabay Somaliya Nicholas Haysom oo ah Koofur Afrikaan cadaan ah. Hadda halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ka daah-furtay barnaanij lagu magacaabo”waxbar carruurta Soomaaliyeed” oo lagu caawinayo carruurta ka soo jeeda qoysaska saboolka ah ee aan awoodin in ay waxbarashada ka bixiyaan ubadkooda,gaar ahaanna dadka ay saamaysay abaartii dalka soo martay. Mashruucan oo ay ka faa’idaysanayaan in ka badan 11 kun oo arday danyar ah,ayaa waxaa maal-gelinaysa dowladda Qatar,waxaana fulintiisa leh hay’adda Mercy Corps,iyadoo mashruucu ka shaqeyn doono saddexda gobol ee kala ah;Mudug,Nugaal iyo Karkaar ee Puntland,sida ay sheegtay wasaaraddu. Maxamed Cabdi Xaaji oo ka tirsan hay’adda Mercy Corps ee mashruucan fulinaysa oo ugu horrayn faahfaahin ka bixiyay barnaamijka,ayaa sheegay in mashruuca ay hoggaanka u hayso wasaaradda waxbarashada Puntland,halka hay’addiisuna ay si buuxda uga fulin doonto degaannada loo qorsheeyay,si looga faa’ideeyo ardayda ka soo jeeda qoysaska aan awoodin in ay lacagta iskuulka ka bixiyaan carruurtooda. Dhinaca kale agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland,Maxamed Cali Faarax(Farmayeeri) oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay,ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku guulaysatay soo celinta hay’adda Mercy Corps oo in mudda ah ka maqneyd arrimaha taageeridda waxbarashada Puntland,isagopo hay’adda ku ammaanay kaalinta ay kaga jirto horumarinta waxbarashada dalka. Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in mashruucan ballaaran uu qeyb ka yahay qorshe ay wasaaraddu ku doonayso in ay dib iskuulada ugu celiso in ka badan 30 kun oo arday ka soo jeeda qoysaskii abaartu samaysay ee awoodi waayey in ay carruurtooda waxbarashada ka bixiyaan. Ugu dambeyntii, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Pro. Abshir Yuusuf Ciise oo si rasmi ah mashruuca u daahfuray ayaa sheegay in mashruucan uu daboolayo baahida waxbarasho ee ardayda ka soo jeeda qoysaskii ay saamaysay abaartii”SIMA” iyo kuwa kale ee duruufaha dhaqaale u saamixi-waayeen in ay waxbarashadooda sii wataa. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in mushruucan uu door weyn ka qaadanayo baahinta waxbarashada as’aasiga ah ee degaannada Puntland,islamarkaana xilligii loo baahnaa ku soo aaday. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Mashruuca”waxbar carruurta Soomaaliyeed” oo Garoowe laga daah-furay appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha Puntladn Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta furay Shirweynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda, Maamul Wanaagga iyo Horumarinta ka qayb galka Bulshada ee go’aamada dowladda Puntland. Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiro iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha aan dowliga ahayn, 6 degmo iyo 54 degaan oo kamida degmooyinka iyo degaanada Puntland, aqoon yahano, hay’addaha Wasaaradda Dastuurka kala shaqaynayey mashruuca, masuuliyiin ka socda ururada siyaasadda iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bogaadiyey cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta barnaaminka Shirweynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda iyo Maamul wanaagga, isagoona uu xusay Madaxweynuhu in barnaamij kani waxbadan ay kaga baranayaan bulshada reer Puntland arrimaha Dimuquraadiyadda. “Dimuquraadiyaddu sideedaba sahal kuma timaado, wadammada hadda sheegta dimuquraadiyadda waad garan kartaan wakhtiga ay ku qaadatay in ay dimuquraadiyadda dhab ah dalkooda ka sameeyaan, wadammada ugu horeeya waa Maraykanka isna wuxuu dumarka inay codeeyaan u ogolaaday 1920, iyagoo weligood ay ka jirtey dowladdnimo, doorasho, iyo dimuquraadiyadda, hadaba dimuquraadiyadda laba siyaabood waa u muhiim midda koowaad waxa weeye, kow qofku xorma aha illaa inta uu isagu cidkiisa cid ku dooranayo, labo dimuquraadiyaddu Maxay tahay? waa inta tirada badan ra’yigooda in la raaco, halkaa kuma’eka dadka iyagu tirade yar ee codkooda wax ku waayey waa qayb in xuquuqdooda la difaaco oo aanay ku tuman inta tira badnida codka ku heshay” ayuu yiri Madaxweyna Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa si faahfaahsan u gorfeeyey qaybaha kala duwan ee adduunka loogu dhaqmo dimuquraaddiyadda, isagoona is barbar dhigay dimuquraadiyadda keliteliska iyo dimuquraadiyadda tala wadaagga ku dhisan, madaxweyanaha yaa hoosta ka xariiqay inaanay dimuquraadiyaddu keenin horumar deg deg ah. Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaaliya ay ka jirtey dimuquraadiyadd dhabba 1960 -1969 , Madaxweyanaha ayaa sheegay in haddii xiligaa Soomaaliya sidaa ku socon lahayd ay gaadhi lahayd horumar dhan walba ah, waxaana uu Madaxweynuhu shacabka Soomaaliyeed ku booriyey inay ka shaqeeyaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dimuquraadiyadda. Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Soomaaliya meesha keliya ay ee doorasho hal qof iyo hal cod ahi ay ka dhici karto ay tahay Puntland, Waxaana uu u sababeeyey Madaxweynuhu in Puntland ay nabad tahay, isla markaana ugu baaqay cid walba oo danaynaysa in Soomaaliya ka dhacdo doorashadaasi ay yimaadaan Puntland si ay tusaale fiican iyo bilaw wanaagsan u qaataan. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Aqalka sare ee baarlamaanka Somalia oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay go’aan kasoo saareen khilaafyada sare u sii kacaya ee ka taagan maamul-gobleedyada Somalia, kuwaasoo intooda badan lagu eedeeyay inay ka dambeyso dowladda dhexe ee Soomaaliya. Xubnaha Aqalka sare ayaa sheegay inay guddiyo xaqiiqo-raadin ah u diri doonaan dhammaan maamul-goboleedyada dalka, si ay u soo xaqiijinyaan cabashooyinka maamul-goboleedyada oo salka ku haysa mooshinno is-bar-bar socda ee laga keenay mas’uuliyiinta maamulladaas. Sidoo kale, Qoraalka kasoo baxay guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, ayaa lagu sheegay in guddiga loo diri doono maamul-gobleedyada looga baahan yahay inay gutaan waajibkooda dastuuriga ah, ayna ka miro-dhaliyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka iyo is-maandhaafka taagan. Bayaankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo mooshinno is-daba socda ay ka jiraan maamul-goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug, kuwaasoo laga keenay mas’uuiyiinta sare ee maamulladaas, iyaguna ay dowladda dhexe ku eedeeyeen inay dabada-ka-riixayso, inkastoo dowladda FS aysan is-difaacin. AKHRISO: Qoraalka kasoo baxay Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare; PUNTLAND POST The post Aqalka Sare oo Maanta go’aan kasoo saaray Khilaafyo ka Taagan Maamul-goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
The International Criminal Court on Tuesday said its work would continue "undeterred" after Washington threatened to prosecute its judges if Americans are charged with war crimes committed in Afghanistan. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah maanta u sameeyey qaar ka mid ah xildhibaanada, wasiirada iyo waxgaradka beesha Muddulood ee uu kasoo jeedo. Qaar ka mid ah xubnaha kulanka ka qeyb-galay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda dalka, gar ahaan deegaanada beesha Muddulood iyo maqaamka siyaasadeed ee beesha ay ku leedahay dalka. Dadka kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale, Wasiir Ku-xigeenka Dekadaha Cusmaan Daallo. Waxaa sidoo kale joogay xildhibaanada labada aqal ee beesha Muddulood. Waxyaabaha sida garaka ah beesha uga hadashay ayaa waxaa ka mid ah sidii deegaanada beesha looga xoreyn lahaa kooxda Al-Shabaab oo inta badan gacanta ku haysa iyo sidii gobolka Banaadir uu maqam siyaasadeed oo buuxa ugu yeelan lahaa dowladda federaalka. Kulanka ayaa imanaya ayada oo maalmahan magaalada Muqdisho iyo magaalooyin ay ka mid tahay Nairobi ay ka socdaan waxa dadka qaar ay ugu yeereen “kacdoon siyaasadeed” oo beesha Muddulood ay waddo, xilli aad loogu dhaliilay siyaasiyiinta beesha inay ka seexdeen deegaanadooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar). Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray Wada-shaqeynta Dhex-mari karta Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamulka Soomaalida-Itoobiya, waxaana labada mas’uul ay isla garteen in la xoojiyo xiriirka dhexeeya labada dhinac. Sidoo kale, Waxaa kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa is-beddellada siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika, kuwaasoo sabab u noqday in heshiis ay gaaraan Itoobiya iyo Eritrea oo ay colaadi u dhexeysay muddo 20-sano ah. Madaxweynaha DDSI, Mustafe Cag-jar ayaa dhawaan xilka loo magacabay kaddib markii bishii lasoo dhaafay ay rabshado uu dhiig ku daatay ka dhaceen deegaannada maamulkaas uu ka kooban yahay, sida Jigjiga oo lagu dilay tiro dad ah oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyan. Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qayb-galaya kulanka ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ku bahoobay ururka IGAD, kaasoo looga hadli doono Xubinnimada Eritrea oo mar kale ka mid noqonaysa Urur IGAD oo ay horay uga baxday. Ugu dambeyn, Gobolka Geeska Afrika ayaa wuxuu u muuqdaa mid isbedello waaweyn ay ka dhacayaan, waxaana lagu wadaa in dhawaan kala saxiixdaan heshiis nabadeed dalalka Jabuuti iyo Eritrea oo ku Dagaallamay lahaansaha dhul ku yaalla xadka u dhexeeya labada dal ee Dumeyra. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo iyo Mustafe Cag-jar oo yeeshay kulan looga hadlay arimo badan appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntladn Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta furay Shir weynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda, Maamul Wanaagga iyo Horumarinta ka qayb galka Bulshada ee go’aamada dowladda Puntland. Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiro iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Masuuliyiin ka socotay hay’adaha aan dowliga ahayn, 6 degmo iyo 54 degaan oo kamida degmooyinka iyo degaanada Puntland, aqoon yahano, hay’addaha Wasaaradda Dastuurka kala shaqaynayey mashruuca, masuuliyiin ka socda ururada siyaasadda iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bogaadiyey cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta barnaaminka Shirweynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda iyo Maamul wanaagga, isagoona uu xusay Madaxweynuhu in barnaamij kani waxbadan ay kaga baranayaan bulshada reer Puntland arrimaha Dimuquraadiyadda. “Dimuquraadiyaddu laba siyaaboodba waa u muhiim midda koowaad waxa weeye, kow qofku xorma aha illaa inta uu isagu codkiisa cid ku dooranayo, labo dimuquraadiyaddu Maxay tahay?waa inta tirada badan ra’yigooda in la raaco, halkaa kuma’eka dadka iyagu tirada yar ee codkooda wax ku waayey waa qayb in xuquuqdooda la difaaco oo aanay ku tuman inta tira badnida codka ku heshay” ayuu yiri Madaxweyna Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa si faahfahsan u gorfeeyey qaybaha kala duwan ee adduunka loogu dhaqmo dimuquraaddiyadda, isagoona is barbar dhigay dimuquraadiyadda keliteliska iyo dimuquraadiyadda tala wadaagga ku dhisan, madaxweyanaha yaa hoosta ka xariiqay inaanay dimuquraadiyaddu keenin horumar deg deg ah. Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaaliya ay ka jirtey dimuquraadiyadd dhabba 1960 -1969 , Madaxweyanaha ayaa sheegay in haddii xiligaa Soomaaliya sidaa ku socon lahayd ay gaadhi lahayd horumar dhan walba ah, waxaana uu Madaxweynuhu shacabka Soomaaliyeed ku booriyey inay ka shaqeeyaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dimuquraadiyadda. Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in Soomaaliya meesha keliya ay ee doorasho hal qof iyo hal cod ahi ay ka dhici karto tahay Puntland, Waxaana uu u sababeeyey Madaxweynuhu in Puntland ay nabad tahay, isla markaana ugu baaqay cid walba oo danaynaysa in Soomaaliya ka dhacdo doorashadaasi ay yimaadaan Puntland si ay tusaale fiican iyo bilaw wanaagsan u qaataan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo Furay Shirweynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda Puntland appeared first on Puntland Post.
-
The European Commission President Jean-Claude Juncker has proposed a new alliance with Africa to deepen economic relations and boost investment and jobs. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Madaxweynaha ayaa waxaa Magaalada Addis Ababa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar iyo Wasiirka Warfaafinta dowlada Ethiopia. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa halkaas uga qeyb galaya shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD. Madaxda dalalka ku mideysan Ururka IGAD ayaa muddo hal maalin ah oo shirku socanayo waxa ay kaga arrinsanayaan dhammeystirka dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka ku mideysan IGAD. Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa iska xog-wareysanaya qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aadan dhameystirka heshiiska lagu soo afjarayo colaada iyo dib-u-soo celinta nabadda dalka Koonfurta Suudaan. Iyadoona Guddi Madaxeedka loo xil saaray arrinkan laga dhageysan doono warbixin ku saabsan qodobbadii laga fuliyey heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa la wadaagi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan xoojinta iskaashiga, wax wada-qabsiga iyo nabadeynta dalalka Gobolka, si looga gudbo caqabadaha dib-u-dhigay horumarka Qaaradda Afrika guud ahaan gaar ahaan midda Geeska Afrika. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa dadaallada ku qotama nabadaynta, kor u qaadidda iskaashiga dhaqaale iyo is-dhex galka bulsho ee dalalka Geeska Afrika. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar, waxa ayna kawada hadleen xaalada dhulka Soomaalida, iyadoo Farmaajo uu ku taliyay in la xasiliyo jawiga. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay iskaashiga amaanka,horumarka iyo horumarinta dadaallada nabadda ee ka socda Geeska Afrika.
-
Dubai (Caasimada Online) – Shirkadada dekedaha Imaaraadka Carabta ee DP World ayaa shaaca ka qaaday inay qaadi doonto dhammaan tallaaboyinka sharciga ah, si ay u difaacdo saamiga ay ku leedahay dekedda Doraleh ee dalka Jabuuti, kadib markii saamigaas ay dowladda Jabuuti qarameysay. “Jabuuti waxa ay si indho la’aan ah u jebisay sharciga caalamiga iyo qandraasyada ganacsi ee dunida” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay DP World oo loo soo diray Caasimada Online. DP World ayaa sheegtay in go’aanka loo qaatay si loo diido amar kasoo baxay maxkamadda sare ee Britain, kaasi oo Jabuuti ka mamnuucaya inay ka baxdo heshiiska ay la gashay dowladda Jabuuti. “Maal-gashtayaasha dunida waa inay laba mar ka fakaraan maal-gaashiga Jabuuti, oo ay dib u qiimeeyaan heshiis kasta oo ay la galaan Jabuuti, sababtoo ah dowladda dalkaas ma xushmeyso heshiisyada, waxayna wax ka bedeshaa ayada oo aan cidna ogeysiin” ayay tiri DP World. Sagaalkii bishan, dikreeto madaxweyne oo uu soo saaray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayuu ku sheegay in dowladda Jabuuti ay si buuxda ula wareegtay dhammaan saamiyadii DP World ee dekedda Jabuuti. Qoraalka ayaa lagu yiri “iyada oo laga duulayo go’aanka ay horay madaxtooyada Jabuuti uga soo saartay iney gabi ahaanba maamulka iyo maareynta Dekedda Dooraale kala wareegtay maamulka Shirkadda PDSR ee maareynta dekedda gacanta ku haysay”. Dowladda Jabuuti ayaa waxay si cad u xaqiijisay iney DP World ay dib ugu soo laaban karin Maamulka Dekadda. 22-ka bisha Febraayo ee 2018-ka ayaa shirkadda DP World si rasmi ah shaqada dekadda looga joojiyey, iyada oo maamulka dekadda Dooraale gacanta ku haysay tan iyo 2006-dii. Qoraalka xukumadda Jabuuti waxaa lagu soo gabagabeeyey iney shirkadda ilaa iyo xilligaa caqabad ku ahayd horumarka dalka Jabuuti. Dekadda Dooraale waa isha dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo Jabuuti, waana halka ay shaqaalaha ugu badan ka helaan fursadaha shaqo. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — Somalia’s Upper House of Federal Parliament has debated latest political rifts between central government and regional leaders after a meeting in the capital of Mogadishu. The Upper House lawmakers agreed to form a new committee, who will be sent to the capitals of regional states in Somalia. The new team will review the latest political crises between central government and regional administration, in a bid to heal the tension, said in a memo obtained by Caasimada Online. The Upper house called on the regional leaders to stop the political tension, after the meeting in Mogadishu. “We are committed to work hard to resolve the current crisis”, the memo said. The political disagreement emerged after the five regional chiefs took an unprecedented step to suspend working relationship with the central government. Earlier this week, Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has invited all regional State leaders to attend an urgent meeting of National Security Council in Somali capital Mogadishu. The President proposed the meeting to take place 17th-18th September to discuss on political, security issues and fighting against Al Qaeda linked Al Shabaab and Islamic State groups in Somalia. The unprecedented step took by the regional leaders is said to be the latest political setback by the central government which is trying to partner with the international community to stabilize the Horn of Africa nation. The move by the regional leaders seems a potentially political setback in Somalia, amid on-going efforts to make peace in the war-revenged country. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Duqii hore degmada Buulo-burde ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay in si sharci aan loo soo marin xil ka qaadistii lagu sameeyay. Maxamed Axmed Rooble duqii Buule-burde ayaa sheegay in marna uusan ogaalan doonin in xilka uu wareejiyo,isagoo tilmamay in hab sax ah aan loo soo marin xil ka qaadista lagu sameeyay Waxaa uu sheegay in Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle aysan inta badan sharci u marin xil ka qaadista lagu sameeynayo masuuliyiinta . Wareegto ka soo baxday Sagaalkii bishan Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle ayaa xilkii looga qaaday Maxamed Axmed Rooble oo ahaa duqii Buulo-burde waxaana xilkaasi loo magacaabay Maxamed Fiidow. Wareegtada waxaa lagu xusay in hay’adaha amniga iyo Madaxda degmada la shaqeeyaan duqa cusube ee degmada. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Wareysi-Duqii-Buula-Burde-Maxamed-Axmed-Roobe-ee-xilka-laga-qaaday-oo-diiday-hananaka-xilka-looga-qaaday-By-Ziyaad-12092018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Joogtada ee Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho, waxa ay ku sheegeen in ay guddi u diri doonaan xarumaha maamul goboleedyadda.All Posts Guddigaan ayaa loogu tala galay in ay kasoo talabixiyaan Cabashadda dowladda dhexe ay ka muujiyeen maamul goboleedyadda iyo wada shaqeyn xumada ka jirta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda. Kulanka ka dib war kasoo baxay Golaha Aqalka Sare ayaa loogu baaqay Madaxda maamulada in ay joojiyaan abaabulka Siyaasadeed ee ay ka waddaan degaanada ay jooggaan oo ay ka qeyb ka yihiin Mooshinada. Golaha Aqalka Sare waxa ay sheegeen in ay gudan doonaan waajibka dastuurkiga ah ee ka saaran maamul goboleedyadda, islamarkaana ay dadaal badan ay ku bixin doonaan sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka xilliggaan taagan. Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda maamulada iyo dowladda dhexe ayaa sii xoogeystay ka dib markii dhawaan Madaxda maamulada ay ku dhawaaqeen in ay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya. Wafti ka socda Muqdisho oo mmaul goboleedyada tegaya iyo qorshe cusub oo lagu dhawaaqay
-
MOGADISHU (Caasimada Online)–High level delegation led by Somali president Mohamed Abdullahi Farmaajo has arrived in Ethiopia’s capital, Addis Ababa. President Farmajo and his delegation were warmly welcomed by senior Ethiopian government officials and others, including Somali State President Moustaf Omer. Mr. Farmajo held talks with Somali State President Moustaf Omer in the sidelines of the IGAD Extraordinary Summit in Addis Ababa. Two leaders discussed on wide range of issues, including latest developements in the region, according to sources at Villa Somalia. Mustafa Muhumed Omer, 45, has been nominated as acting president of the Somali State Region until the next party congress in 2020, it was announced. Mustafa had served as a humanitarian liaison officer for the United Nations in Mogadishu, Zimbabwe, the United Arab Emirates and Kenya. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Hordhac/Gogol-Dhig Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi aqristoow, waa su’aal da’weeynoo madaxa daalineeysee, sababta markii horaba loodhisay Aqala Saree Baarlamaanka (The Senate), soow ma aheyn inuu matalo maamul-goboleedyada? Hadii hogaamiyeyaasha maamul-goboleedyadu rabaan, ineey iyaga is matalaan, maxaa looga baahan yahay Aqalka Sare marka? Dhanka kalase, soow taa micnaheeda manoqoneyso, in baahidii iyo hadafkii loodhisay Aqalka Sare-ba meesha laga saaray? Marka aad ufiirsato wadamada nidaamka Federaalka ah qaatay, sida Mareeykanka-oo dadka Federaalka/Farado-Aalka udooda, eey tusaalooyinka usooqaataan, bal waligaa ma aragtey, mase maqashay meel lagu leeyahay, gudoomiye-goboleedyo midoobay (Council of Governors), ayaa sidii ineey yihiin golayaasha sharci-dajineed (House of representatives and the Senate), sharciyo iyo go’aanno masiiri ah, dalkoo dhan uwada dajinaya ama uwada gaaraya? Tusaale ahaan: Sida kheeyraadka dalkoo dhan loo qeeybsanayo, ogoow waa heer qaran ama Federaal’e, iyo waliba sida eey noqonayaan nooca doorashooyinka ee dalkoo dhan ….iwm? Waxaa; nidaam dowladeedoo federaal ah, oo caalamka laga yaqaano maaha. Soow dhaqan siyaasadeedoo fool xun maaha, iyo waxaan la aragoon la maqal? Soow maaha foowdo iyo maamul xumi meeshii ugu darneyd? Soow ceeb iyo fadeexo dalkoo dhan kuma ah, hadaan wax laga badalin? Tusaale ahaan dalkan Mareeykanka, oo ka mid ah dalalka qaatay nidaamka federaalka, waxeey maamulladiisa (States) udirsadaan dowlada dhexee federaalka, min labo Senator, kuwaasoo gobolkooda lagasoo doortay, si eey ugu matalaan go’aannada heerka qaran ah, ama federaal ah, iyadoon loo eegin sida eey maamullada ukala dad badanyihiin. Golahaa Aqallka Sare (The Senate), iyo kan kale Baarlamaanka, ee lagu magacaabo (House of representatives) ayaa mas’uul ka ah, wixii sharci-dajin ah, ee dalkoo dhan wada saameeynaya, iyagaa si gaar ah uleh, iyagaana looga dambeeyaa. Marka laga hadlayo go’aannada maxalliga ah, ee heer gobol ah (State level), ama heer magaalo ah (City level) ame heer dagmo ah (County level), mid walba wuxuu leeyahay golihiisa sharci-dajineed ee ugaarka ah, ee sharciyada udajiya, balse shuruucdaa waa hadba heerkooda oo kaliya. Shaqsiyaad gudoomiye gobollo ah iskadaaye, goloyaashaa sharci-dajineed, ee heerarkaa aan soo xusnay ah, marnaba shuqul kuma laha, manasoo faragalin karaan, kaallina ugama banaana, arinta ah dajinta sharciyada dalkoo dhan wada saameeynaya, ama heer federal ah. Waxaad moodaa in hogaamiyeyaasha maamullada rabaan, ineey isku qasaan waxbadan, si eey uhelaan awoodo dheeri ah, oo sharci ama dastuuri aheyn, si eey waxkasta faraha ulagalaan, una noqdaan “La-Madaxweeynayaasha” amuuraha dalkoo dhan, iyagoo kawada cararaya, in awoodahooda siyaasadeed, iyo ka dhexmuuqashadooda siyaasada dalka, ku ekaato heer maamul-goboleed oo kaliya. Nasiibdarase! Waxaa usii fududeeynaya arintaa iyada ah, aqbalaada iyo unugulsanaanta dowlada dhexe, oo aqbaleeysa wax aan sharci iyo nidaam doowli ah toona aheyn, oo marnaba eeysan aheyn ineey ogolaato. Doowlada maanta jirtana, waxaad moodaa ineey isaga aqbashay oo kaliya, doowladii inaga horeeyseybaa hore u aqbashay! Saxse maaha, waana arin sixid degdeg ah ubaahan. Waxaa sidoo kale isweey mudnan, golahan lamagacbaxay “Golaha Amniga Qaranka”, ee ka kooban madaxda dowlada dhexe, iyo hogaamiyeyaasha maamul-goboleedyada, soow ma aha sidii kii ladhihi jiray “Madasha Wadatashiga”, ee sidoo kale ka koobnaa madaxda dowladii dhexee hore, iyo madaxdii markaa joogtaye maamul goboleedyada, kuwaasoo markii dambe howlihii baarlamanka si cad ulawada wareegay, oo hada magaca uun laga badalay? Mase yahay gole dastuuri ah, oo sharci iyo go’aano kasoo saari kara, doorashooyinka soosocda, iyo qeybsashada kheeyraadka dalka, sidii ineey yihiin hey’adaha sharci-dajinta ee dalka? Mise dalku wuxuu leeyahay Gole Sharci-Dajineedoo ka kooban labada aqale baarlamaanka Soomaaliyeed? Waa yaabe sidee lagu ogolaaday, ama wax caadi ah loogu qaatay, ineey boobaan howlihii iyo waajibaadkii labada aqale dastuuriga ah, ee sharci-dajineed, oo iyaga oo kaliya xaqa ulahaa, ineey wixii shuruuc-dajin ah ee dalkoo dhan ah, looga dambeeyo, marka laga hadlayo heer qaran, ama heer Federaal? Talo soojeedin 1-Doowlada dhexee Soomaaliyeed, ee loowada dhanyahay, waxaa ku haboon ineeysan kusirmin, sidii dowladii ka horeeysey ugu sirmatay ookale, oo eeysan kasoo dhexmuuqan, ogolaanna goleyaal aan aheyn labada aqal, ineey sharci iyo go’aano masiiri ah, oo dalkoo dhan saameeynaya gaaraan. Howlaha sharci-dajineed, iyo in si sharci ah, dastuuri ah, go’aan masiiri ah oo dalkoo dhan saameeya loo wadagaarana, waxaa iska leh oo kaliya, labada aqale baarlamaanka. Waa in loodaayaa, laguna ixtiraamaa. Waana sida eey kujirto dowlad wanaaga (Good governance). 2-Labada golee shacabka, oo eey ugu horeeyaan hogaankooda, waa ineeysan ogolaan, in hoowlahooda, mas’uuliyadahooda iyo waajibaadkoodaba laga boobo iyagoo sootaagan, ama laga fara-baroojiyo. Liidanaan iyo daciifnimo ka xumi majirto, in xaqaagii laqaato, adigoo waliba awooda inaad ka dhiidhiso, waana ineeysan kayeelin cidna arintaa, waloow aan ogahay, waxa arintan eey uga aamuseen, taasoo ah, ucabsashada kursigooda, iyagoo kudhiiranwaayey hogaamiyeyaasha maamulladii lagasoo doortay, oo eeysan hubin ineey siijoogi doonaan iyo in kale. Mahadsanidiin. Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor). Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University. abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA. Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Waxgarad dhowaan nabadeyn u tagay deegaanka Dhumay ee Sool ayaa rajo ka muujiyey xallinta dagaallo halkaasi ka dhacay. Garaad C/laahi Maxamed Guuleed oo ka soo noqday deegaanka Dhumay ayaa Goobjoog News u sheegay in la kala qaaday maleeshiyaadkii dagaallamay, ayna socoto dhaqangelinta heshiiskii la gaaray. Garaad C/laahi waxaa uu sheegay in dadkii ka qaxay deegaanka uu dagaalka ka dhacay dib loogu soo celin doono guryahoodii isaga oo dhanka kale tilmaamay in rajo weyn ka qabaan soo afjaridda Colaadaan oo Muddo ka jirtay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool. Dagaalkan ayaa waxaa uu bilowday Jimcadii la soo dhafay isag oo ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool waxaana ku dhintey ku dhowaad 20 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan. Waxgaradka iyo Culimada ku dhaqan gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegeen in ay wadaan wadahadallo lagu qaboojinayo dagaalka u dhaxeeya Maleeshiyaadka. Dagaal beeleedkani oo u dhaxeeya malleeshiyaad kasoo kala jeeda laba beelood oo dirirtoodu soo laablaabtay ayaa waxaa la sheegay inay salka ku hayso aanooyin iyo dilal hore, oo heshiisyo horey looga gaarey fuli waayay. Labada dhinac ma ahan markii ugu horeysay oo dagaal uu dhexmaro, midka hadda socda ayaa qeyb ka ah dagaallo mudo soo jiitamayay, oo sababay khasaarooyin dhimasha, dhaawac iyo barakac xooggan. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Waraysi-Garaad-Cabdilaahi-Maxamed-Guuleed-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU ( Caasimada Online) — Somali army backed by African Union [AU] and U.S. forces have unleashed a joint offensive against a hideout belonging to Al Shabaab. The joint raid took place in Mubarak town about 65 kilometer Southwest of Mogadishu, killing at least 3 militants, after the coalition forces raided an Al-Shabaab camp. “Somali troops, along with U.S. soldiers attacked an Al Shabaab camp, achieving notable gains, while killing ” 3 terrorists”,” Somalia’s Intelligence said. The allied troops reportedly liberated Mubarak from the Islamists following a heavy gunfight. It’s yet unclear the exact number of casualties on foreign forces. Mubarak is close to Dar-assalam area, where a US Navy SEAL member was killed by Al Shabaab last year during joint military operation. Somalia’s Al Shabaab claimed to have foiled US and Somali special forces raid on Mubarak town last night. Two bullet-riddled bodies of soldiers were reportedly seen in the town, according to Radio Andulus, an Al Shabaab mouthpiece. Al-Shabab is battling the Western-backed Somali government to establish Islamic rule in the country. The Somali forces fighting the group have been backed by an African Union mission made up of forces from several African nations. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com