-
Content Count
206,488 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Bangiga Adduunka oo todobaadkan soo saaray warbixintiisa 3aad ee dhaqaalaha Soomaaliya ayaa ka digay in loolanka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada uu dib u dhigo karo ama carqaladeyn karo hannaanka cafinta deymaha Soomaaliya. “Dib u dhaca ku yimaada hagaajinta dhaqaalaha ee u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamuulada xubnaha ka ah waxaa uu dib u dhigi kartaa inuu caadi noqdo xiriirka Soomaaliya iyo hey’adaha ku shaqada leh hannaanka ceymaha lagu cafiyo, waxaa kale oo kale dhalan kara in ay Soomaaliya seegto barnaamijka uu deymaha ku bixiyo bangiga adduuka ee (IDA), waxaa kale oo meesha ka bixi-doonta inay dunida maal-geshato Soomaaliya” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal uu Ganacsiga Dunida Ugu Hooseeya: Qoraalka waxaa lagu sheegay in dalka uu warashado la’aan yahay, oo ay wehliyaan dhibaatooyin ammaan iyo duruufo meesha ka saaray maal-geshiga shisheeye. Soomaaliya waxay kaalinta ugu danbaysa ka gashay dunida heerka ganacsiga marka loo eego dunida inteeda kale sanadkii 2017. Dhibaatada ugu weyn waxaa qayb ka ah arrimaha la xiriira korantada, taasoo qiimaheedu aad u sareyo iyadoo 1 kw uu yahay qiimahiisu 0.50 ilaa 1 dollar, iyadoona ay ku xiran tahay saacadda iyo magaalada aad joogo oo qiimo ahaan ay u kala duwan yihiin, arrintaani si weyn ayey ganacsigii inuu hormaro u xanibtay, Kororka dhaqaalaha ee dhowanahan jiray ma ahan mid ku filan inuu yareeyo saboolnimada. Intii u dhaxaysay 2013 ilaa 2017, kororka dhaqaalaha wax soo saar ee wadanka cel celis ahaan wuxuu ahaa 2.5%, halka kororka tirada dadku sanadkii ahayd 2.9%. Tani waxay tilmaamaysa in qofkiiba kororka dhaqaalaha ee ku aadayaa uu yahay 0.3 sanadkii. soo bandhigistaan waxay aad uga hoosaysa cel celiska wadamada ka hooseeya saxaaraha afrika ee iyagu aadka u nugul iyo wadamada kale ee dakhliga dadkooda soo gala hooseeyo. Dhinaca Soomaaliland, oo xogta laga helay la is barbardhigi karo, heerka saboolnimadu waa weli waa mid aad u koraysa marka la eego xogta laga helayo intii u dhaxaysay 2013 ilaa 2016, iyadoo hoos u dhaceedu aad u yaryahay, waxayna ahayd 69% halka ay hoos ugu soo degtay 64% meelaha miyiga iyo 57% oo ay ahayd meelaha magaalooyinka hoosna ay ugu soo degtay 52% Qiimaha shidaalka ee aadka u sareeya 2018 iyo ka horba wuxuu si xun u dhaawacay rajadii koror ee dhaqaalaha Soomaaliya. Qiimaha shidaalku waa la filayaa inuu kor uga sii kaco wax ka badan $60 foosatadii inta u dhaxaysa 2018 ilaa 2019, wuxuuna kor u kacay 20% sanadkii 2017. Abaartii 2017 waxay uga sii dartay isu miisaanka ganacsiga ee dhinaca dakhliga wax soo saarka guud ee wadanka 9%.Waxaykeentayinganacsiguuusan kordhina, iyadoo dhoofka xoolaha la joojiyey iyo iyadoo xadiga cunada la soo dejinayaa ay korortay. Waxaa yaraaday wax dhoofintii iyadoo ahayd 15.1 wax soo saarka guud ee wadanka sanadkii 2016, halka ay ka noqotay 14.5% sanadkii 2017, alaabooyinka wadanku dibadda ka soo dhoofsanayo ayaa kordhay, iyadoo horay uga ahayd wax soo saarka guud ee wadanka 61.9%, waxayna gartay 69.6% isla wakhtigaan aan kor ku soo sheegnay. Abaartu sidoo kale waxay baabi’isay dhoofkii xoolaha. Waxayna yaraysay tayadii xoolaha la dhoofin kari lahaa 75%, xoolaha ayaana ahaa udub dhexeedka iyo sheyga ugu balaaran ee Soomaaliya ay dibadda u dhoofiso, iyagoo ahaa 70% waxa soomaaliya dibadda u dhoofiso, waxayna hoos u dhaceen 75%, sanadkii 2015 Soomaaliya waxay dhoofin jirtay 5.3 milyan oo neef oo xoolo ah sanadkii, waxayna sanadkii 2017 hoos ugu soo dhaceen xoolaha wadanku dhoofiyo 1.3 milyan oo neef. Waxaa kordhay waxa la soo dejinayo, waxay kor u qaaday qayb ahaan cunooyinka la soo dejinayo si jawaab loogu helo abaarta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa adkeysay ammaanka guud ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddooyinka waaweyn ee magaalada. Saakay waxaa la arkayaa ciidamo badan oo Booliis ah kuwaasi oo baaritaanno ku sameynaya gaadiidka isticmaalaya waddooyinka Muqdisho. Waxay ciidamada kala joogaan baro aan kala fogeyn, waxaana ay baarayaan gaadiidka nooca loo yaqaan kuwa raaxada ah. Waxaan la baareyn gaadiidka Hoomeyda iyo sidoo kale Mooto bajaajta, balse waxaa durba bilowday ciriiri aad u badan oo dhanka waddooyinka ah. Wadada Makka Al-mukarrama ayaa maanta waxaa ka jira ciriir aad u badan, iyadoo weli saraakiisha ammaanka aanay ka hadlin howlgalladan. Tani ayaa imaaneysa xilli maalmihii ugu dambeeyey ay magaalada Muqdisho ka dhaceen falal amni darro ah. Sidoo kale arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan uu madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare sheegay in ammaanka Muqdisho uu yahay mid faraha ka baxay oo ay dowlada federalkana maamulin dhamaan magaalada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Cadaado (Caasimadda Online)– Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya iney halkaasi ka socoto qaban qaabada soo dhaweyn loo sameynayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Cali Gacal Casir iyo Xildhibaano la socda, ayaa ka duulaya garoonka Muqdisho, iyadoo ujeedka socdaalkooda ay la xiriirto sidii Beesha degta Cadaado looga tashan lahaa Mooshinka ka yaalo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug. Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir iyo xunaha Xildhibaanada ah ee la socda ayaa Cadaado u tagaya sidii Waxgaradka Galmudug ay ugala hadli lahaayeen Mooshinka ka dhanka Guddoomiye Cali Gacal Casir oo ay wadaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud. Magaalada Cadaado ayaa laga dareemayaa qaban qaabada lagu soo dhaweeynayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir,waxaana ka qeyb qaadanaya soo dhaweyntiisa maamulka Galmudug ,Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Cadaado. Warar kale waxey sheegeen in Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug, dhankiisa isagana uu ku dhawaaqi doono mooshin ka dhan ah Madaxweyne Axmed Ducaale Geele (Xaaf). Xildhibaanada mooshinka gudbiyayna shalayba waxey dood galiyeen mooshinka, waxaana kulankii shalay Gudoomiyay Xareed Cali Xareed oo gudoomiye kuixgeen u ah Cali Gacal Casir. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa weli magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kulamo kala duwan kawada Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynihii hore ayaa ku howlan qorshooyin lagu kasbanaayo Xildhibaanada baarlamaanka Somalia iyo dhinacyada mucaaradka oo ay kamid yihiin Xisbiyada Siyaasada. Xildhibaanada uu sida weyn u kaashto Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdulkhaadir Cosoble oo kamid ah mudanayaasha miisaanka ku dhex leh baarlamaanka. Cosoble oo kulamo kala duwan ay wada qaaten Xasan Sheekh ayaa tilmaamay inuu aad usoo dhaweynayo talaabooyinka lagu doonayo isbedelada Siyaasadeed. Cosoble ayaa inta uu kulamada la qaadanayay Xasan Sheekh u sheegay inuu kala mideysan yahay Seddex qodob oo kala ah: 1-In dalka uu yeesho Xisbi mucaarad oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada Siyaasada ee isbedel doonka sida Mucaaradka. 2-In la mideeyo aragtida dhinacyada isbedel doonka iyadoo laga duulaayo baahiyaha uu dalka u qabo isbedel dhab ah iyo in la helo Hogaamiye samata bixinkara dalka iyo dadka. 3-In laga gaashaanto xili hore in wakhti kororsi ay ku dhaqaaqan madaxda dalka oo iminka ay u harsan tahay labo sano iyo bilo. Cosoble waxaa la xaqiijiyay in Xasan Sheekh Maxamuud uu ku taageeray Seddexda qodob oo koobeysa dhamaan isbedelka iyo Siyaasadaha hadafka leh. Xildhibaan Abdulkhadir Cosoble, oo kamid ah mudanayaasha mucaaradka ayaa qeyb ka ah dhinacyada ololaha ugu jira sameynta ururo Siyaasadeed oo suuragalin kara in looga gudbo diyaar garowga doorashooyinka soo socda. Sidoo kale, Cosoble, ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ku dhiiragaliyay inuu mideeyo Siyaasada dhinacyada kasoo horjeeda dowlada, si buu yiri loo helo jawi degan oo lagu gaari karo hadafka. Si kastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in maalmaha nagu soo aadan uu booqasho ku gaaro caasimadaha seddex maamul Goboleed, isagoo ka faa’iideysanaaya xiisada maamulada kala dhexeysa Dowlada Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in hanjabaado loo diray qaar kamid ah Xildhibaanada maamulkaasi. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka ayaa sheegay in loogu hanjabay dil, isla markaana loo soo diray fariimo qoraal ah oo lagu wargalinaayo inay ka baxaan garabka mucaaradk Shariif Xasan. Xildhibaanada oo u waramaayay Idaacada Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Hanjabaadasi ay uga imaaday Wasiirka Garsoorka ee Maamulka Koofur Galbeed, sida ay hadalka u dhigeen. Xildhibaanada loo hanjabay oo qeyb ka ah garabka la magacbaxay isbeddel doonka ayaa sheegay in lagu wargaliyay inay ka baxaan Mooshinka ay kawadan Hogaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Xildhibaanada oo shir gaara ku qabsaday magaalada Baydhaba ayaa cod dheer ku sheegay in Wasiirka Garsoorka Maamulka uu dil ugu hanjabay haddii aysan joojin mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan. Xildhibaanada hanjabaada loo jeediyay oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhaba ayaa sheegay in tiradooda ay gaareyso ilaa 91 Xildhibaan, waxa ayna cadeeyen in hanjabaadooda ay timid kadib markii ay saxiixeen Mooshinka. Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa Wasiirka Garsoorka Koofur Galbeed ugu baaqay in uusan ku faragelin arrimaha shaqadooda quseeya. Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xili uu soo ifbaxaayo warar sheegaya in Xildhibaanada ay wadaan Mooshin xilka looga qaadayo Shariif Xasan ka hor inta uusan galin doorashada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa adkeysay ammaanka guud ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddooyinka waaweyn ee magaalada. Saakay waxaa la arkayaa ciidamo badan oo Booliis ah kuwaasi oo baaritaanno ku sameynaya gaadiidka isticmaalaya waddooyinka Muqdisho. Waxay ciidamada kala joogaan baro aan kala fogeyn, waxaana ay baarayaan gaadiidka nooca loo yaqaan kuwa raaxada ah. Waxaan la baareyn gaadiidka Hoomeyda iyo sidoo kale Mooto bajaajta, balse waxaa durba bilowday ciriiri aad u badan oo dhanka waddooyinka ah. Wadada Makka Al-mukarrama ayaa maanta waxaa ka jira ciriir aad u badan, iyadoo weli saraakiisha ammaanka aanay ka hadlin howlgalladan. Tani ayaa imaaneysa xilli maalmihii ugu dambeeyey ay magaalada Muqdisho ka dhaceen falal amni darro ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Golaha baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh Cabduraxmaan ayaa kulan khaasa la yeeshay musharixiinta u tartameysa xilka Madaxweyninimo ee Maamulka Koonfur Galbeed. Kulanka Guddoomiyaha Golaha iyo Musharaxiinta ayaa waxa uu xalay ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaasi oo dhawaan la filaayo inay gaaran magaalada Baydhabo si ay ugu diyaar garooban doorashada oo waxyar ay ka harsan tahay. Musharaxiinta uu la kulmay Guddoomiyaha ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed Aadan Farkeeti iyo Sheekh Muqtaar Roobow oo kamid ahaa Horjoogayaasha Al-Shabaab ee markii danbe isku soo dhiibay dowlada. Gudoomiyaha iyo Musharaxiinta ayaa waxa ay kulankooda uga hadlayeen arrimaha doorashooyinka iyo sida ugu macquulsan oo ay ku dhici karto Koonfur Galbeed. Gudoomiyaha Golaha ayaa musharaxiinta u sheegay inay muhiim tahay in isbedel maamul uu ka dhaco Koonfur Galbeed si maamulka imaan doona uu u kaamilo waxyaabaha uu qabyeeyay maamulka hadda jira. Waxaa jira musharixiin ugu cadcad doorashada kuwoo oo uu kamid yahay Mukhtaar Roobow oo la tartami kara Shariif Xasan oo dhowaan ku dhawaaqay inuu yahay musharax buuxa. Waxa ay qaarkood musharixiinta sheegen in ay tahay qasab in laga dhabeeyo isbedelka la doonaayo in laga sameeyo Koobfur Galbeed loona baahan yahay in juhdi iyo waqti farabadan la geliyo. Sidoo kale,Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhankiisa waxa uu wadaa olole ku aadan sidii uu markale ugu guuleysan lahaa inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed. Dowlada Somalia ayaa dhankeeda dadaal weyn ka galineysa sida ay ku soo saari laheyd musharax kala shaqeyn kara howlaha loo baahan yahay in laga hirgaliyo maamulka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka DDSI ayaa sheegaya in maanta oo Khamiis ah maxkamad la soo taagayo madaxweynihii hore ee maamulka Cabdi Maxamuud Cumar. Cabdi Cumar ayaa maanta kasoo hormuuqan doona Maxkamada oo ay uga furan tahay dacwad. Cabdi Cumar ayaa waxaa dacwada kusoo oogay Xafiiska Xeer ilaalinta qaranka dalka Ethiopia dacwadahaasi oo ay ka mid yihiin gabood fal iyo arrimo kale oo la xiriira barakicinta dad shacab ah. Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa qareenada difaacaya waxa ay sheegayaan inay diyaar u yihiin in kiiska xeer ilaalinta ay ku soo oogeyso ay ka difaacaan. Sidoo kale, qaar kamid ah qoyska Cabdi Maxamuud ayaa sheegay inay wax wanaagsan ka rajeynayaan maxkamadeynta maanta la filayo inay ku dhacdo Cabdi Cumar. Lama oga natiijada kasoo bixi doonta Maxkamadeynta Cabdi Cumar, waxaana xusid mudan in maxbuuska caafimaad ahaan uu iminka wanaagsan yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin oo kamid ah baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in eedeymihii uu madaxweyne Waare u jeediyay dowladda dhexe ay dhammaantoodba yihiin kuwa xaqiiqadooda la hayo. Wuxuu sheegay xildhibaanku in ay tabasho ka qabeen xukuumadda Muqdisho, islamarkaana halkii ay ka doonayeen in tabashada ay ka xalliyaan loogu beddalay culeysyo siyaasadeed in ay la saaro. Xildhibaanka oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa qiray in ay jirto eedda uu Madaxweyne Waare u jeediyay xukuumadda gaar ahaan NISA oo ku aadan in ay lacago geeyaan magaalooyin ay kamid yihiin Baladweyne iyo Jowhar kuwaasoo lagu dhibaateeyo. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/XILDHIBAAN-CABDIRASHIID-CABDIXAKIIN-WARSAME-12-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland DR Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo daah furay Shirweynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda, Maamul Wanaagga iyo Horumarinta ka qayb galka Bulshada ee go’aamada Puntland kaddib kulan ballaaran oo la isugu yimid magaalada Garoowe. Madaxweyne Gaas ayaa ka sheekeeyay taariikhda dimuqraadiyadda ee Soomaaliya, isagoo sheegay in dimuqraadiyad dhab ah ay ka jirtay Soomaaliya sanadihii u dhaxeeyay 1960-kii illaa 1969-kii. Wuxuu soo hadal qaaday dadaallo xukuumaddiisa ay u gashay in Puntland adeegyo horumarineed laga hirgaliyo balse ay tabarta u diiday isagoo xusay in hay’adihii adduunka arrintaa dhaqaale looga waayay. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa sheegay in doorasho cod iyo qof ah haddii aysan Puntland ka qabsoomin 2019-ka ay ka qabsoomi doonto 2024-ka. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo markii madaxweyne Gaas uu ku jiray ololaha doorashada xilka uu maanta hayo dabayaaqadii sanadkii 2013-kii uu sheegay in haddii Puntland 2019-ka aynaan doorasho cod iyo qof ah ka dhicin ay la macno tahay in Cabdiwali Gaas fashilmay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The former UN secretary-general Kofi Annan died at the age of 80. Source: Hiiraan Online
-
The European Parliament is set to vote on Thursday on a resolution that condemns Israel for the pending evaluation of the illegally built West Bank Bedouin herding village of Khan al-Ahmar, and warning that it set a dangerous precedent for another 46 such communities in Area C. Source: Hiiraan Online
-
The family of Fatuma Diriye from Somalia has been split apart following the recent shift in U.S. refugee policy introduced ... Source: Hiiraan Online
-
UN Secretary-General Antonio Guterres has appointed Nicholas Haysom of South Africa as his special representative for Somalia and head of the UN peacekeeping mission in the country, Guterres' press office said Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Yaab! Mise amakaag!, baraha bulshada illaa iyo hadda waa laga yaaban yahay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo dagaal aan kala joogsi lahayn ku haya madaxweyne Farmaajo, ayaa xalay facebook soo dhigay qoraalkii ugu macno daradda badnaa oo ilaa iyo hadda lala yaaban yahay waxa uu ula jeeday. Qoraalkan ayaa daba socday safarkii uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo shalay ku tagay Addis Ababa oo ay shir ku lahaayeen madaxda urur gobolleedka IGAD. Markii uu Madaxweyne Farmaajo gaaray madaarka Addis Ababa waxaa qaabilay oo soo dhaweeyey madaxweynaha Somali State Mustafe Cagjar iyo wasiirka warfaafiinta Itoobiya Axmed Shide, taas oo ahayd tallaabo muujiyey sida loo qadarinayo madaxweynaha Soomaaliya, maadaama ay soo dhaweeyeen Soomaali,. Hase yeeshee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa taas ka raadiyey dhaliil, haba ka raadiyee ma xumee, Meesha uu la galay ayaa aad u yaab badneyn, oo wuxuu yiri:- Ma jirtaa qof fasirraad ka bixin kara macnaha uu yeelan karo qoraalkaas kore? Hase yeeshee jawaabihii ay dadka ka bixiyeen ayaa muujiyey heerka xun ee ay la gaartay ina Cabdishakuur, xitaa dad isaga taageersanaan jiray ayaa yiri “Intaas ayay nooga dhan tahay” Qof lagu magacaabo Cumar Guuleed, ayaa ku yiri “Tilaabo kasta oo Farmaajo iyo Khayre qaadaan hadaad si xun umada ugu fasirto, ogoow dadku kaama caqli liitaan, adigana xikmada hadalkaada ayaa ka lumaysa …Waxaan murugo iyo qalbijab aheena kuuma kordhineeyso? Cabdi Weli ayaa isna yiri “Saad isu laheyd dowladda Farmaajo wax ka sheeg ayaad ku dabaaalowdey, warna iskuma heysid ee isdaba qabo waad waalataye acuudu billah” Qof isna la baxay Wiilka Darbijiifta ayaa yiri “Odaygii waa wareeray, wallaahi cudur Farmaajo la dhaho aya ku dhacy oo an daawo lahayn” Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa dhowaanahan mid tallaabo walba oo uu qaado madaxweyne Farmaajo wax ka soo qora! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa cirka isku sii shariiray khilaafka ka dhaxeeyo Maamul Goboleedyada iyo dowladda Dhexe kaasoo ku saabsan Awoodaha Dastuuriga iyo sida loo fasirayo. Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa dhawaan Magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay inay joojiyeen wadashaqeyntii kala dhaxeysay dowladda Dhexe maadaama ay ku eedeeyeen inay fulin weysay dhawr heshiis oo la wada galay. Sidoo kalana waxay ku eedeeyeen inay faragelin ku heyso maamul Goboleedyada isla markaasna ay dowladda dhexe wado mooshino iyo olole ka dhan ah madaxda hadda talada u heyso Maamul Goboleedyada. Waxaa jirto hal arrin oo khasab ka dhageyso inay Dowladda Dhexe si deg deg ah ula heshiiso Madaxda Maamul Goboleedyada taasoo ah Shir ka dhacayo Magaalada New York ee dalka Mareykanka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan u duulayo dalka Mareykanka si uu uga qeybgalo Shirka Qaramada Midoobay uga furmayo halkaas. Madaxweynaha ayaa halkaas ka jeedin doono khudbad ku saabsan xaaladda Soomaaliya guud ahaan waxaan qasab ah inuu halkaas tago isagoo heshiis la ah Maamul Goboleedyada. Dowladda Dhexe ayaa ku dadaaleyso sidii loo xalin lahaa Khilaafkaas ka hor inta la gaarin waqtiga shirkaas oo furmayo 18 Bishaan September, wuxuuna shirka socon doonaa 1-da Bisha October. Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku xisaabtamayo muhiimadda uu shirkaas u leeyahay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadiyey go’aankooda ah inay xiriirka u jareyn maadaama ay dowladda kala kulmeyn culeys badan oo dhanka kuraastooda ku aadan. Khudbadda Madaxweynaha ayaa noqon doonto mid aan sidaas usii xiiso badneyn haddii uu tago isagoo aan heshiis la aheyn Maamul Goboleedyada oo gacanta ku hayo inta badan Dalka marka laga soo tago meelaha ay Al-Shabaab gacanta ku heyso. Aqalka Sare ayaa Maanta ku dhawaaqay guddi dhex dhexaadin ah oo ka shaqeyn doono sidii khilaafkaas loo xalin lahaa waxayna safaro ku tagi doonaan dhammaan Maamul Goboleedyada Soomaaliya. W/Q: Maxamuud Cabdi Calasow Balcad, Shabellaha Dhexe Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muranka siyasadeedka iyo kala qaybsanaanta dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada waa khatar hakad galin karta dadaalka Soomaaliya ku doonayso in daynta laga cafiyo, sidaas waxa ka digay Bankiga Adduunka. Bankiga aduunka ayaa sheegay in aan loo baahneyn in la tabco wax u nugul inay dumaan, islamarkaana halista ku gadaaman dib udhiska dalka ay tahay mid aad u saraysa, iyadoo dhaqaaluhu ahaa mid aad u liitay sanaddii 2017 Qoraalka ayaa lagu yiri “Gaabis ku yimaada dib udhiska dalka wuxuu sababi karaa xiriirka Soomaaliya iyo hay’addaha maaliyadda bixiya oo wiiqma ama sidiisii hore kulaabta, waxaana ka dhalan karta in ay dawladdu waydo maalgalin qaran iyo caawinaad balaaran” Warbixintaan waxay kusoo beegmaysa xilli dhexda looga jiro khilaaf siyaasadeed joogta ah oo u dhexeeya dawlaada iyo maamul goboleedyada oo iyagu ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen Dawladda dhexe, iyagoo so bandhigay liis cabashooyin ah oo ay ka mid tahay faragalin iyo awood ka xayuubin Dhanka kale waxay mugdi galinaysa in madaxda goboladu ka qaybgalayaan shirka amniga qaranaka ee Muqdisha ka furmaya 17-ka September, shirkaas oo madaxwaynuhu iclaamiyay isla maalintii madaxda goboladu xiriirka ka lanoqdeen dawladda dhexe Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ergeygii gaarka ahaa ee Qaramida Midoobe u qaabilsanaa Soomaaliya Michael Keating ayaa dhawaan wareysi uu siiyey BBC News, gaar ahaan tifaftireheeda Africa Mary Harper uga warramay halka mar ee uu suuqa Soomaalida dhexgalay waxna ka soo iibsaday. Harper oo la yeelatay wareysi xiiso lahaa ayaa weydiisay su’aalo muhiim ahaa sida is bedelka siyaasadda dalka, amniga, dhaqaalaha iyo kuwa kale, oo dhammaantood tabanaya Soomaaliya Hase ahaatee, su’aasha ka wada qoslisay wariyeyaashii waday barnaamjika BBC Focus On Africa ayaa ahayd – “Maxaa iibsatay? Su’aashan waxa ay ku timi mar uu Keating u sheegay Mary Harper in uu suuqa Gaalkacyo ku lugeeyey oo uu markii ugu horreeysay ganacsata caadiga ah ee Soomaalida wax ka iibsado Keating ayaa ku jawaabay “Caano Ari!” Wixii intaa ka dambeeyey waxaa halmar Istuudiyaha BBC Focus On Africa laga maqli karay qosolka warihii barnaamijka oo leh “Maxaad caano Geel anna iigu soo iibin weyday ama adiga u soo iibsaday weysay!” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Saraakiil ka tirsan maamulka Somaliland ayaa sheegaya in lagu guuleystay kala dhantaalida madaxda Jabhada Dib u xoreynta Somaliland ee dhawaan ka goostay maamulka. Jabhadan oo ay ku mideysan yihiin Saraakiil ka tirsanaa ciidamada maamulka ayaa iminka kala jabay, waxaana lasoo sheegayaa in qaarkood ay dib ugu soo goosten maamulka. Abaanduulihii Sldhiga Seddexaad ee ciidanka G/Dhexe Gamaal Maxamed Baaxad iyo ciidamo uu wato ayaa kasoo goostay Jabhada kuwaa oo isku soo dhiiwaya maamulka. G/Dhexe Gamaal Maxamed Baaxad iyo ciidan uu watay ayaa horay ugu biiray Jabhada uu Hogaaminayo Korneel Caare waxaana uu hadda ku sugan yahay deegaan dhanka Bari kaga began Ceergaabo una jirta ku dhawaad 40KM. Sarkaalkan lagu magacaabo Gamaal Maxamed Baaxad, ayaa Jabhada kala soo goostay ku dhawaad Seddex gaari nooca dagaalka iyo ciidamo ku dhow Sodon. Sarkaalkan oo shuruudo kusoo goostay ayaa lagu wadaa in isaga iyo ciidamadiisa la geeyo magaalada Hargeysa oo xarun u ah maamulka Somaliland. Jabhadani lagu bilaabay kala dhantaalida ayaa la sheegay in halis weyn ay ku aheyd xasiloonida deegaanada maamulka Somaliland. Sidoo kale, Korneel Caare oo aasaase ka ah Jabhada ayaa wali heysta gaadiid dagaal iyo ciidamo farabadan kuwaa oo qudhooda laga cabsi qabo in dib ay ugu soo goostan maamulka. Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa xooga saareysa sidii lagu burburin lahaa Jabhada oo u muuqaneysa mid saameyn weyn leh. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Islamabad (Caasimada Online) – Iran iyo Sucuudiga waxa ay u xusul duubayaan sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen dowladda cusub ee Pakistaan taas oo uu hoggaaminayo Imran Khan. Labadaba dano ayey ka leeyihiin, yeelkeede, Sucuudiga waxaa wiiqay dagaalka Yaman oo aan la jecleyn Pakistan. Pakistan waxa ay ku taal meel muhiim u wada ah Riyaad iyo Tehraan. Pakistaan waa wadanka labaad ee ugu Muslinka badan aduunka wana wadanka qura ee Muslinka ah ee haysta hubka Nukliyeerka. In ka badan 1.5m oo Pakistaniyiin ah ayaa ku nool Boqortooyada. Dhinaca kale, Pakistan iyo Iran waxa ay wadagaan xuduud 900km ah gaar ahaan dhinaca Balchuistan. Dadka Pakistan waxaa ku jira qowmiyadda Shiite ee laga tirada badan yahay, 30% ayey ka yihiin dadka dalkaas. Loolanka Sucuudiga iyo Iran ugu jiraan dunida Muslinka, Pakistan aad ayey muhiim ugu tahay. Raisul Wasaaraha Pakistan waxa uu sheegay in Pakistan dooneyso “Door wanaagsan” in ay ka ciyaarto siyaasadda u dhexeysa Sacuudi Careebiya iyo Iran. Waxa uu telefoonka kula hadlay hoggaamiyeyaasha labada dal tan iyo markii la doortay waxa uuna rejeynayaa in uu labadoodaba booqdo bilowga waqtigiisa xilka. Saaxiibo dhaw ayey ahaayeen Pakistan iyo Sucuudiga, balse waxa uu xiriirkooda xumaaday wixii ka dambeeyey dagalka Yaman. Boqor Salmaan bin Cabdicasiis iyo wiilkiisa dhaxal sugaha ah Maxamed bin Salmaan waxa ay doonayeen in Pakistan ku soo biirto dadaalada lagula dagalamayo Xuutiyiinta. Boqortooyadu waxa ay dooneysay in ciidanka Pakistan ku soo biiraan dagaalka. Shaqsiga qura ee sida muuqata uga soo horjeeda xiriirka boqortooyada ee ku jira xisbiga cadaaladda waa Shireen Mazari, waxa ay ka soo qallin jabiyey dugsiga dhaqaalaha ee London iyo Jaamacadda Columbia, hadda waa wasiirka arrimaha bini’aadannimada ee xukumadda Khan. Mazari waxa ay hormuud u ahayd dhalleeceynta Sacuudiga loogu jeedinayo dagaalka Yaman waxa ayna sheegtay in dowladdii hore aysan daacad ahayn maadama ay tababareyaal u dirtay dagaalka. Sidoo kale waxa ay u ol’oleeysaa sidii loo furi lahaa dhuumaha shidaalka Pakistan iyo Iran iyo sidii Iran looga kaashan lahaa joojinta dagaalka Yaman. Wasiirka arrimaha dibada ee Iran Mohammad Javid Zarif ku soo wajahan dhawaan Islamabad sida xoghayaha arrimaha dibadda ee USA, Mike Pompeo. Wasiirka cusub ee arrimaha dibedda Pakistan, Shah Mahmood Qureshi oo ah khabiir ayaa ku tilmaamay callaamad wanaagsan imaanshaha wasiirka arrimaha dibedda ee Iran. Sucuudiga iyo Iran waxa ay xiriiro qotodheer la leeyihiin maleeshiyaadka Sunniga iyo Shiicadda, ku was oo xaaladda gudaha Pakistan qarxin kara. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in inta badan amniga maamulka ay si buuxda ula wareegi doonaan ciidamada Ethiopia. Wararku waxa ay sheegayaan in Ethiopian-kii horay u joogay Baydhabo la kordhiyay isla markaana si hordhac ah loogu wareejiyay amniga qaar kamid ah xarumaha maamulka. Ciidamadan oo lagu dhex fasaxay magaalada ayaa si hordhac ah ula wareegay amniga Garoonka, Madaxtooyad, Xarumaha ay ka socdaan Ololaha Doorashada iyo Koontaroolada muhiimka ah ee maamulka. Ciidamadan ayaa sugida amniga ka qeybqaadan doona inta lagu guda jiro doorashada maamulka oo ay ka harsan tahay maalmo qura. Ujeedka ugu weyn ee ciidamadan loo geeyay xarumaha qaar ayaa ah cabsi laga qabo in qalalaaso ay ka dhacdo xarunta lagu qabanaayo doorashada iyo in weeraro ay magaalada ka geystaan Al-Shabaab inta lagu guda jiro doorashada. Ciidamadan shisheeye oo aad u taageersan Hogaamiyaha uu wakhtiga ka dhamaaday ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa waxaa ka garab shaqeyn doona ciidamo kale oo ka tirsan Booliska. Shariif Xasan ayaa laga cabsi qabaa in ciidamadaasi uu u adeegsado Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta kasoo horjeeda dib usoo laabashadiisa. Sidoo kale, ciidamada ayaa laga cabsi qabaa in tacadiyo ay u geestan musharaxiinta saacado ka hor inta aysan dhicin doorashada maamulka. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaan wali ka hadal ciidamada shisheeye ee is garabtaagaya Hogaamiyaha doonaya in mar kale uu soo laabto Shariif Xasan Sheekh Aadan. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
-
Qeybtii 6-aad Halkan ka aqriso qeybihii hore Inta aan u gudbin taxanaha qaraalladayda la xiriira cinwaanka kor ku xusan, waxaan garowasaday inaad ka jawaabo su’aal uu e-mail iigu soo weydiiyey qof, kaddib markii uu boggaan Caasimada ka akhristay qoraalladayda. Su’aashu waxay ku saabsanayd sababta qoraalladayda ay ku cabbiran yihiin ciidanka sirdoodka Soomaaliyeed oo keliya?. Sidaan hore ugu sheegay qoraalladii ugu horreeyey, anigu waxaan ka mid ahaa shakhsiyaadkii nasiibka u helay inuu dhidibbada u aasaan korna u soo qaadaan waxtarka iyo tayada ciidankaas sharafta mutaystay kana mid ahaa ilaa burburkii dawladdii dhexe 1991kii. Waxaan aaminsanahay inaan xaq u leeyahay isla markaana waajib igu tahay inaan hay’addaas ka warramo, intii aan afka la geli lahaa hay’ad ama arrimo kale. Sidaad la socotaan, soomaalidu waxay ku soo koobnaatay wariye siyaasiah, heesaa, siyaasi aan sal lahayn, xirfadahaasoo runtii xushmad iga wada mudan yihiin. Qof haddii uu faraha la galo inuu ka faalloodo arrimo uusan wax ka ogayn wuxuu ku dhacayaa siriq wax u dhimaayso dadka xirfadahaas aqoonta u leh si hufanna u guta hawlahooda. Sidaa awgeed, waxaan door biday inaan faraha la gelin arrimo aan awood iyo aqoon u lahayn inaan ka hadlo, haddii kale kuwaas warxumo tashiilka ah ee aan kor ku soo sheegay ayaa la jaal noqonayaa. NSS-tu, kuma mutaysan kalsoonida shacabka iyo inay yeelato saddex taliye oo weliba kan saddexaad loo magcaabay, Allaha u naxariistee Gen. Aadan Jaamac Cirday, dhowr bilood burburkii ka hor, ee waxay ahayd hay’ad hoy siisay ciidan isku duuban, qabiil ka caagan, meel sare ka gaaray heerka xirfadaha ay u baahnayd, kana baxsan in shacabku ka dhowrayo caddaalad, sinaan iyo inay gaashaan u noqdaan falalka cadowga qaranka. Sanooyinkii u dambeeyay, waxaan marqaati ka ahaa, intii maanta noolna oo ciidanka ka tirsanaa dafiri karin, in dhowr saraakiil iyo saraakiil ciidan oo fara ku tiris ah ay mutaysteen ciqaabooyin kala duwan oo ay ka mid ahaayaan ruqso, beddel iyo hal darajo oo gadaal loorgu celiyey, kaddib makii ay ku caddaadeen dembiyo la xiriira anshax-xumo, ku takrifal awoodeed, amardiiddo, baraxayn kiisas dembiyeed, qiyaano qaran (la-xiriir shisheeye) iwm. Waxaad marqaati iga tihiin in maanta dembiyada qaranka laga tirtiray falalkaas noocaas oo dhan, dhacdayna in qaar badan oo aan halkan ku cayimi karin, lagu abaalmariyey darajooyin sare oo xasaasi ah. Falsafadda saliimka ah waxay qeexaysaa in markaad rabto inaad qiimayso marxaladda aad joogto waxaa habboon inaad dib u eegto marxaladdii aad soo dhaaftay, sidoo kale markaad doonayso inaad deristo mustaqbalka waxaa lama huraan ah inaad qiimeyso marxaladda aad markaa ku sugan tahay si aad ugu cabbirato mustaqbalka. Haddaba, haddaad dib ugu lafa gurtaan sooyaalka, ma ii sheegi kartiin siyaasi wax-qabadkiisa ku saleeyey habraaca aan kor ku xusay?. Waxaan soo aragnay haddana u jeednaa in qofkii xukun qabta, isagoon isku taxluujin maxaa la soo qabtay maxaase hadda la haystaa, wuxuu la imaanayaa fikrad isaga u gaar ah danooyin kala geddisanna dabada ku wata, waxaana laga dhaxlayaa “Jugjug meshaada joog”. Culimaada caafimaadka ee dunida waxay isku waafaqeen in madax-xanuunka (headache) iyo xumadda ama febbraha (fever) ayan ahayn cudur, hase yeeshee lagu tilmaamay digniinno ah (alarm) kana tarjumaya in wax qaldan yihiin. Tusaale ahaan, haddii ay soo wajahaan digniinahaas midkood, looma baahna inaad abbaarto dawo aad ku baabi’iso xanuunka ama ku dejiso xumadda, waayo waa dawayn astaameed (Symptomatic Treatment) waxna ka tarayn cudurka asalka ah ee ku hayo. Haddaba, waa laysku raacsan yahay in qaranku xanuun la tacaalayo oo sabab u noqday burburka uu ku jiro waxna toosi la’ yihiin, hase yeeshee waxaa ayaandarro ah in dawayntiisa loo kaashado oo keliya ka hortagga digniinahaoo keliya. Tusaale, labada cudur ee ugu daran ee qaranka la dagay waa amni-xumida (Insecurity) iyo qabyaaladda (Tribalism). Xalku ma wuxuu noqonayaa in markii qarax meel ka dhaco goobtaas la go’doomiya ama la xiraa mise waa in laysku taxluujiyo sidii looga hortagi lahaa cidda qaraxaa loo abaabushay? Sidoo kale, xal u-helidda qabyaaladdu ma waxaan ku xallinaa in qabiil kasta la raaligeliyaa iyadoo laga baxsan yahay in meel looga dhacayo caddaaladda iyo sinnaanta? Horumarka waxaa sal u ah Caddaaladda, ilaa inta aan iska indho tiraynana qarannimadu waa naga sii fogaanaysaa. La soco qaybaha xiga W/Q: Ahmed Karate e-mail: amm.karate@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid