Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,498
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in shir ay yeesheen garsoorka dalka iyo Hay’adaha Cadaaladda ku lugta leh, sida maxkamadaha dalka, Xeer-ilaalinta guud, Booliiska, Wasaaradda Amniga Qaranka iyo Ra’iisul Wasaaraha loo hadlay arrimo ku saabsan amniga iyo cadaaladda dalka. Baashe Yuusuf, ayaa sheegay in kulamadaas la isugu raacay sidii looga hor-tegi lahaa caqabadaha hor-taagan in shacabka Soomaaliyeed ay helaan Garsoor iyo sidii ay ku fuli lahaayeen go’aanada kasoo baxa maxkamadaha dalka. Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ayaa sheegay in la billaabi doono qorsho lagula dagaallami doono dadka isticmaalaya dukumiintiyada Dowladda FS ee la been-abuuray. “Waxaan socda qorshe aan doonayno inaan uga hortagno dukumiintiyada kala duwan ee la been abuuro,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, kuwaasoo uu sheegay in lagu lunsado hanti kala duwan. Ugu dambeyn, Hadalka guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka, ayaa ku soo beegmaya xiili ay jirto cabasho qaar ka mid ah shacbaka Soomaaliyeed ay ka keenaan Garsoorka dalka, laakiin Guddoomiyaha Maxkamada Sare uu sheegay in wax badan laga qaban doono. Haddaba, DHAGEYSO: Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/09/DHAGEYSO_Guddoomiye_Baashe_Yuusuf.mp3 PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo sheegay inay si adag ula dagaallamayaan… appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) oo ka qeyb-galay munaasabad ay bulshada Gobolka Banaadir ku taageerayeen dadaallada Nabadoonnimo ee bariga Afrika ka sameeyey Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi (Farmaajo), ayaa ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto horumarka iyo dib-u-dhiska dalka. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadaallada Madaxweynaha ee lagu adkeynayo nabadda iyo walaaltinimada bulshada ku wada nool bariga Afrika ay markhaati u tahay in Soomaaliya ay markale qaadatay doorkeedii dib-u-heshiisiineed, isla markaana ay tani marag u tahay fulinta balanqaadkii Dawladda. “Waa inaan u midownaa Horumarka dalkeenna, si looga gudbo caqabadaha nagu gudban, waxaan boggaadinaynaa dadaalka nabaddoonnimo ee Madaxweynaheennu ku bixiyey xalinta khilaafaadkii bulshada ku nool Geeska Afrika, taas oo muhiim u ahayd nabadda ummadda ku nool Qaaradda” Mudane Yarisow ayaa tilmaamay iyadoo lag afaa’iideysanayo khaladaadkii hore u dhacay, dadka loo abuuro mustaqbal wanaagsan oo horumar iyo midnimo ku dhisan, gaar ahaan waqtigan oo ay Soomaaliya ka jirto rajo wanaagsan iyo isku duubni bulsho. Ugu dambeyn, Waxaa xafladda hadallo ka jeediyey Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Diiriye iyo qaar kamid ah bulshada Caasimadda oo muujiyey taageerada iyo is-garab-taagga dadaalladii Madaxweynaha ee nabadda looga gaaray khilaafkii u dhexeeyey qaar kamid ah dalalka walaalaha ah ee Bariga Afrika. PUNTLAND POST The post YARIISOW: Waa inaan u midownaa Horumarka dalkeenna, si looga gudbo caqabadaha jira appeared first on Puntland Post.
  3. MOGADISHU (Caasimada Online) – Briefing the Security Council for the last time in his capacity as UN Special Representative for Somalia, Michael Keating called on all Somalis to draw strength from the positive transformations going on inside the country and work collectively for the common good. “The future of Somalia is in the hands of the Somalis,” he declared. In particular, Mr. Keating – who also heads the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) – urged unity among political leaders. “The more [they] show unity, the greater the opportunity, and the responsibility, of international partners to invest in all parts of the country and its leadership,” he said. In his remarks, Mr. Keating highlighted four key concerns the country’s leaders need to address, and issues that the international community should keep focusing on. These include the threat posed by the Al Shabaab and other extremist groups; the risk of political differences overshadowing progress in legislative, reform and security areas; fragmentation within the international community; and the danger of a humanitarian “catastrophe”, especially with most of the population already living in precarious circumstances due to climate change and other vulnerabilities. “Future crises will result from the combination of climate related shocks; armed conflict provoked by Al Shabaab and unresolved grievances; competition over natural resources; and systemic marginalization of certain groups,” warned Mr. Keating. He underscored the need to reduce the vulnerability faced by ordinary Somalis, through job creation and smart investments that safeguard natural resources and help unlock the enormous economic potential of the country. Besides political will, Mr. Keating underscored, success will depend on leaders from the political, business and traditional spheres “working together for the common good, leveraging the country’s potential wealth to transform prospects for people – especially the young.” On 1 October, Nicholas Haysom will replace Mr. Keating as the Special Representative of the Secretary-General for Somalia and the head of UNSOM. Mr. Keating was appointed the top UN official in the Horn of Africa nation in November 2015. Women have brought ‘important voices’ to Somali politics Alongside Mr. Keating, Phumzile Mlambo-Ngcuka, the Executive Director of the UN gender equality and empowerment agency for women and girls (UN Women) highlighted the “once-in-a-generation opportunity” that Somalia currently has to establish lasting peace, and gender equality. She commended the nation for improving representation of women in public office, illustrated by the “jump” in women’s representation in parliamentary elections from 14 to nearly 25 per cent of seats in the most recent elections. This progress, she underscored, has brought many “important voices” to Somali politics. She said it had brought to the centre “the fight to end child marriage, end female genital mutilation (FGM), and change laws that discriminate against women,” noting that the participation of women will be further boosted if more leaders, especially clan leaders, embrace gender equality and support women. She also called on the international community and the Security Council to support Somalia’s federal and provincial authorities, advance gender equality, act strongly against sexual and gender-based violence, advocate for meaningful participation and recognition of women in all sectors, and support women’s groups in the country. “Women’s organizations in Somalia are organized. They are dedicated to their country: they are activists, advocates, entrepreneurs, professionals, and patriots,” said Ms. Mlambo-Ngcuka, noting that as the country prepares to confront the challenges in the days ahead, “women will make the difference.” PRESS RELEASE
  4. Democratic socialist Julia Salazar overcame intense scrutiny of her personal life Thursday to win the Democratic primary for a state Senate seat in Brooklyn while voters throughout the state punished a group of incumbent Democratic legislators they perceived as too friendly to Republicans. Source: Hiiraan Online
  5. Hoggaanka Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ay la kulmeen weerar intii ay kugada jireen howlgal ka dhan ah Alshaab kaasi oo dhacay bartamaha Soomaaliya. Africom waxaa ay sheegtay Khamiistii in hal askari oo Soomaali ah lagu dilay weerarka labo kalena lagu dhaawacay, kaasi oo Arbacadii ka dhacay Tuulada Mubaarak oo 37 KM dhanka galbeed Muqdisho kaga beegan. Ciidamada Mareykanka ayaa qaaday weerar cirka ah kaasi oo keenay in labo askari oo ka tirsan Alshaab la dilo halka mid kalena ay waxyeello soo gaartay Africom waxaa ay sheegtay in uusan soo gaarin ciidamada Mareykanka khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Caalim Mareykan ah ayaa si lama filaan ah uga bidhaan saday su’aal ay hooyadii weydiisay daahrog cusub oo dunida kacdoon ka sameyn doona, waxa uu hadda hal-tallaabo un u jiraa inuu sameeyo ishii ugu horreysay dunida ee electronic ah “bionic eye”. Sida ay qortay jariidada “The Telegraph“, Michael McAlpine oo ah caalim ka tirsan jaamacadda Minnesota, ayaa hoggaaminayay koox cilmi-baarayaal ah oo tijaabo layaab badan sameeyay, kadib markii ay horumariyeen il electronic ah oo qaar ka mid ah indho la’aan daawo u noqon kara. Michael iyo kooxda waxey soo saareen qaabkii Koowaad ee Isha oo iftiinka 3D lagu arki karo, waxa uu yiri: “Inta badan indhaha electronic ah waxaa loo arkaa iney yihiin khiyaali, laakiin maanta aad baan ugu dhow nahay anagoo adeegsadanaeyna multi-material daabacaadda 3D ah si aan uga dhigno waaqac dhab ah.” Professor McAlpine cilmi-baaristiisan waxa uu ka bidhaan saday hooyadii oo 68 jir ah oo mid kamid ah indheheeda ku weyday qalliin fashilmay oo lagu sameeyay 7 sano ka hor. McAlpine oo lagu yaqaanno inuu teknoolojiyada u isticmaalo caafimaadka horeyna u horumariyay dhag electronic ah sanadkii 2013, ayaa mashruuciisa dhiirrigelin fiican u helay si uu u soo saaro ishii ugu horreysay ee elctronic ah, kadib markii ay hooyadii su’aal kaliya weydiisay “Goormaad ii daabici doontaa il electronic ah.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Northeastern residents live in constant fear because of insecurity, eight human rights groups have said. Source: Hiiraan Online
  8. A celebrated retired admiral who berated President Donald Trump as "embarrassing" to the country has stepped down from his position on an influential Defense Department advisory body, the Pentagon said Thursday. Source: Hiiraan Online
  9. It has been a fateful week in Somali politics, one that could shape the Presidency of Mohamed Abdullahi Farmaajo. Last weekend, the leaders of Somalia’s Federal Member States (FMS) suspended ties with the Federal Government of Somalia (FGS) in what is seen by many as a significant blow to the already weak relationships between the two. Source: Hiiraan Online
  10. Kenya, Ethiopia, and Somalia Health ministers are expected to launch a point polio vaccination campaign for the Horn of Africa in Garissa town on Friday. Source: Hiiraan Online
  11. By all accounts, 2017 was a period of intense electioneering, amid rising ethnic and political tensions. Source: Hiiraan Online
  12. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said Thursday it has ended a two-day course to equip military medical officers with life-saving skills in the battlefield. Source: Hiiraan Online
  13. A family in Elwak, Mandera South, is crying for justice a day after three of its members, said to have been picked by security officers, were found dead. Source: Hiiraan Online
  14. Mamoudou Gassama dubbed the French "Spider-Man", has been granted French citizenship according to the communications portal of the French government. Source: Hiiraan Online
  15. Two sisters have died in Somalia from complications that arose after undergoing female genital mutilation, according to Hawa Aden Mohamed, who campaigns against the procedure. Source: Hiiraan Online
  16. The outgoing UN envoy for Somalia, Michael Keating, on Thursday warned that terrorism and political differences will derail progress in Somalia. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Raisul Wasaaraha Soomaalia Xassan Cali Kheyre ayaa raali-galin siiyey qoyska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Adan Cabdulle Cismaan, kaas oo ay hoygiisii weerareen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka. Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ayaa weeraray guriga qoyska Aadan Cadde ee ku yaal degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, 4-tii bishan September, waxa ayna xireen saddex dhallinyaro ah. “Bartilmaameedka weerarka ma ahayn gurigii madaxweynihii hore ee Soomaaliya” ayaa laga soo xigtay xafiiska Kheyre. “Waxa uu ahaa hawlgal ay fuliyeen ciidamada gaarka ah ee Soomaliya oo ay la socdaan la taliyeyaal Mareykan ah. Ciidamada waxa ay ku raad joogeen mid ka mid ah argagixisada oo ku cararay guriga dhiniciisa oo ah halka ay qoyska ku nool yihiin,” ayaa laga soo xigtay xafiiska Kheyre. Saddex dhallinyaro rag ah oo ay da’doodu u dhexeyso 15 ilaa iyo 20, kana tirsan qoyska Aadan Cadde, ayaa weerarka lagu xiray, waxaa sidaas yiri mid ka mid ah qaraabaada. Lama garanayo halka lagu hayo dadka la xiray. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxa ay qoyska ka raali galiyeen weerarka iyaga oo sheegay in la baari doono dhacda kaddina la soo ogaan doono halka lagu hayo dhallinyarada xiran. Sirdoonka Soomaaliya ayaa dhinaca kale sheegay in weerarka la qaaday kadib markii la siiyey warbixin been ahayd. Halkan ka aqri warkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Laba gabdho oo walaal ah ayaa ku geeriyooday deegaan ka mid ah Puntland, kadib markii lagu sameeyey gudniinka fircooniga, sida ay sheegtay Xaawa Aadan Maxamed oo u dhaqaaqda ka hortagga gudniinka. Aasiya Cabdi Warsame oo toban jir ahayd iyo walaasheed Khadiija oo 11 jir ahayd ayaa geeriyooday maaalin un kadib markii lagu guday xaafadda Arawda oo ka tirsan Puntland, 11-kii September, sida ay sheegtay Xaawa oo mamusha xarunta waxbarashada ee abadda iyo horumarka ee Gaalkcyo. Sida ay sheegtay Xaawa, labada gabdhood ayaa dhiig-baxayey 24 saac kadib markii la guday, waxaana ay dhinteen markii ay hooyadood u qaaday isbital. “Nasiibdarro ma aysan gaarin isbitaalka, waxaana ay dhinteen intii ay waddada ku jireen” ayey tiri Xaawa oo ku baaqday in dowladda ay soo saarto sharci mamnuucaya gudniinka. Dhacdadan ayaa timid laba bilood kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay sharciga la tiigsan doonto dadkii ka dambeeyey dilka gabar 10 jir ahayd oo sidoo kale gudniinka fircooniga ugu geeriyootay deegaan ka mid ah Puntland. Gabadhaas oo lagu magacaabay Deeq Daahir Nuur ayaa geeriyootay laba maalmood kadib markii la guday 17-kii July, waxaana ay geeriyootay ayada oo dhaqaatiir ay isku dayayeen inay bad-baadiyaan. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
  19. Ankara (Caasimadda Online) – Boqorka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa hadiyad ahaan u siiyey Madaxweynaha hadda hayo talada Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan diyaarad qaali ah oo nooceedu yahay Boeing 747-8 sida lagu daabacay Maanta Warbaahinada Dowladda Turkiga. Haddiyadaan la siiyey madaxweynaha dalka Turkiga ayaa loogu magac daray “ Thani’s Love for Erdoğan” oo ujeedadeedu tahay haddiyadii uu Boqorka Qatar Al-Thani lasoo jeclaaday Erdoğan. Wararka ayaa intaas ku darayo in diyaaradaan loo hibeeyey Erdoğan laga sameeyey qalab dhameystiran oo VIP ah. Diyaaradaan Boeing 747-8 ayaa waxaa ku baxday Adduun lacageed oo gaarayo ilaa 400 Malyan oo Dollarka Mareykanka ah. Sida caadiga ah waxaa loogu talagalay inay qaado 400 oo qof balse diyaaradaan sida gaarka ah loogu hibeeyey Erdoğan ayaa waxaa loo sameeyey nashqad ay kaliya ku qaadi karto 70 qof. Diyaaradaan ayaa waxay soo caga dhigatay garoonka Diyaaradaha Sabiha Gökçen International Airport waxaana lagu xareeyey qeybta la dhigo diyaaradaha uu leeyahay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Hadiyadaan ayaa waxay kusoo aadeysaa xilli Boqorka dalka Qatar uu Bishii hore booqday Magaalada Ankara halkaas oo uu kaga dhawaaqay in dalkiisa uu Turkiga ku maalgelin doono 15 Bilyan oo lacagta Mareykanka ah.
  20. Garoowe (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Maleeshiyaad hor leh oo ka tirsan Al-Shabaab lagu arkay tuulooyin hoos taga Buuraleyda Galgala ee Puntland. Al-Shabaabka galay tuulooyinkasi oo aan horay loogu arag ayaa wata gaadiid dagaal waxa ayna arrintani qalqal galisay dadka deegaanka. Dadka deegaanka ayaa soo sheegay in ay soo wajahday cabsi badan oo ku aadan In Al-shabaab ay dil u geystaan ama halkaasi uu dagaal ku dhexmaro iyaga iyo ciidamada maamulka. Maleeshiyaadkan ayaa ku hubeysan Hubka noocyadiisa kala duwan waxaana aad looga cabsi qabaa inay weeraro ku qaadan xarumaha maamulka ee halkaa ku dhow dhow. Ciidamada maamulka ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan kawada qeybo kamid ah Gobolka Bari. Amaanka magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona laga cabsi qabo weeraro ay Shabaab iyo Daacish halkaasi ka geystaan. Sidoo kale, saraakiisha ciidamada Puntland ayaa sheegaya in ay howlgalo ka sameeyen deegaanada xeebta dhaca, una dhaw degmada Garacad ee Gobolka Mudug kadib markii ay heleen xogo ku aadan weeraro ay qorsheynayaan Shabaab iyo Daacish. Docda kale, Cabsida ugu badan ayaa ah in maleeshiyaadka ay maamulka kala wareegan deegaano iyo xarumo hor leh oo uu ku shaqeeyo maamulka. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ka hor inta aanu dhamaystirin xilkiisa oo ah madaxa ugu sareeya Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating ayaa xoogaa waqti ku bixiyay inuu dib u eego sannadihii u adeegayay iyo aragtida mustaqbalka uu ka qabo dalka ku yaalla Geeska Afrika. Mudane Keating ayaa loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) laguna dhawaaqay biishii Nofeembar 2015. Keating oo wax laga weydiiyey waxa uu ka aaminsan yahay dadka Soomaalida iyo dhaqankooda ayaa bixiyey jawaabta hoose: “Dhab ahaantii waan ka helaa la shaqeynta Soomaalida. Wax badan baan ka bartay. Waa dad aad siyaasiyiin u ah waxayna dareen weyn u leeyihiin kaftanka. Waxay leeyihiin wax inta waayo aragnimadayda ah aan ka dhicin meelo kale: waana in muran kulul idin dhexmari karo Soomaalida haddana aad saaxiibo ahaataan. Qof baad dood weyn ka yeelanaysaan arrin ama mid kale oo ka jirta qaar ka mid ah dalalkii aan ka soo shaqeeyay taasina waxaa dhici karta inay dhaliso 10 sanno oo aadan la hadlin qofkii. Taasi oo kale Soomaaliya kama dhacdo! Qof baad muran weyn la yeelanaysaa [Soomaaliya] ka dibna waxaa dhacda inaad wada qadeysaan maalinta xigta. Waxaan sidoo kale ogaaday sida ay Soomaalidu dadka uga duwan tahay. Soomaaliya waxay ka mid tahay Jaamacadda Carabta, laakiin Soomaalidu dhab ahaantii Carab ma aha. Soomaaliya waa xubin ka tirsan Midowga Afrika, laakiin aad bay dhaqan ahaan uga duwan tahay Afrikada inteeda kale. Waa dhaqan aad iyo aad uga duwan kuwa kale – waa dhaqan oraah ah oo aan la qorin. Waxay ila tahay mararka qaar aad baan uga fikirnaa in wax kasta qorno, laakiin runtii Soomaaliya waxaa ayaa muhim ka ah waxa ay dadku isu sheegaan iyo sida ay isula xiriiraan, iyo xiriirka ka dhexdooda. Waxaana u maleynayaa in taasi ay tahay waxa aan ka helay, oo ah asaasan inaan barto in badan oo Soomaali ah. Isha: UNSOM
  22. Warbixin uu bangiga caalamiga uu ka soo saaray Soomaaliya ayaa waxay ku sheegtay inuu dhaqaalaha dalka uu kor u kaca uu sameeyey. Wuxuuna dhaqaalaha dalku xoogaha sare u kacay inta u dhaxeysay sannadihii 2013-kii ilaa iyo 2017-kii, iyadoo kororka dhaqaale ee sannadlaha ah laga dareemay kobac dhan 2.5% , sida ay muujisay warbixin cusub oo laga soo saaray dhaqaalaha Soomaaliya. Sare u kacaan dhaqaale ayaa loo sababeynayaa inuu kaalin weyn ka qaatay adeega lacagaha la isugu diro taleefannada oo aad loo isticmaalo. War bixintaan oo ah tii saddexaad ee laga soo saaro kobaca dhaqaalaha Soomaaliya ayaa hoosta looga xariiqay iney jireen horumarro la taaban karo oo jiray sannadkii 2017-kii, kuwaasoo ay ku jirto dhaqan galintii canshuuraha khaaska ah ee ay soo rogtay dowladda federaalka. Sida loogu taliyay war bixintii horeba, waxaa la kordhiyay canshuurta adeegyada taleefannada ee ay shacabka isticmaalaan, miisaaniyadda ayaa si wanaagsan loo jaan gooyay waxaana yaraaday lacagihii miisaaniyadda ee la khasaarin jiray. “Horumarradaan waxay Soomaaliya u sahlayaan iney dhisto nidaamyo kale oo canshuuro ah, taasoo dowladda u suurta galineysa iney billowdo sidii ay adeegyo wax ku ool ah ugu fulin lahayd shacabka,” ayuu yiri John Randa, oo ah dhaqaale yahan sare oo ka tirsan bangiga adduunta isla markaana hogaaminayay warbixinta daraasadda ee laga sameeyay dhaqaalaha Soomaaliya. In kastoo uu jiro kobac dhaqaale, hadana war bixintaan ayaa sidoo kale lagu sheegay inuusan kobacaas ku filneyn yareynta saboolnimada, waxaana dhaqaalaha Soomaaliya uu wali yahay mid aan waxba looga qaban karin dhibaatooyinka isugu jira abaaraha, fatahaadaha iyo bara kaca. Warbixintan laga soo saaray dhaqaalaha Soomaaliya ayaa lagu xusay in horumarro laga sameeyo dhinaca beeraha ay saameyn ballaaran ku yeelan karto kobaca dhaqaalaha Soomaaliya ayna horseedi karto in loo adeegsado yareynta faqriga. Dowladda Soomaaliya oo taageero ka heleysay shaqaalaha hay’adda caalamiga ah ee daba galka lacagaha, waxay sii wadday dadaalkeeda ku aadan soo rogitaanka canshuurta, sidii loo dhaqan galin lahaa iyo sidii looga hor tagi lahaa khasaarinta qarash gareynta lacagaha. Arrintaas ayaa sababtay, sida lagu sheegay war bixinta, in canshuurihii dowladda u soo xarooday ay sare u kaceen, kuwaasoo sannadkii 2016-ki ahaa $113 million balse sannadkii 2017-kii noqday $143 million, halka bilihii ugu horreeyay ee sannadkan 2018-kana ay noqdeen $42 million. Waxay war bixintani ku talisay in halkaas laga sii amba qaado horumarka ku aaddan canshuur uruurinta iyo maareynta kharash gareynta labadaba, taasoo sahleysa in sare loo qaado adeegyada ay helaan shacabka iyo sare u kaca kobaca dhaqaalahaba. Waxaa si gaar ah loogu xusay war bixintaan adeegga lacagaha taleefannada la isugu diro, oo ka mid ah ganacsiyada ugu waaweyn Soomaaliya, waxaana si khaas ah ay ugu talisay war bixintu in la sii shaac bixiyo shuruucda ku aadan adeeggaas iyo fulintiisaba. Talooyinka kale waxaa ka mid ah: •In shacabka isticmaala loo abuuro waxyaabo lagu sugayo ammaanka adeegaas isla markaana la xaqiijiyo sida la isugu halleyn karo. •In la hir galiyo hannaan horumar u sii horseedi kara adeeggaas, sii ballaarintiisa, maareynta halista iyo in la yareeyo fursadaha ay heli karaan dadka sida been abuurka ah wakiillada uga noqda ama waxyeello kasta oo ka dhalan kartaba. •In la ilaaliyo macluumaadka shacabka isticmaala adeegga iyo iney si sahlan u adeegsan karaan. •In la xoojiyo ka war qabidda hab sami u socdkiisa iyo cabashada dadweynaha, si looga hor tago hakad ku yimaada adeegga taleefanka, wax kasta oo sabab u noqdaba “Caqabadda heysata dadka hannaanka u dajinaya ama sharciga u sameynaya adeegga taleefannada waa sidii ay ku dhaqan galin lahaayeen shuruucda loo sameeyay maadaama adeeggaan horay loo isticmaali jiray isagoo aan wax sharci ah loo raaci jirin,” ayuu yiri Randa. War bixintan la soo saaray ayaa ku talineysa in si toos ah loo wajaho sharciyeynta adeegga lacagaha la isugu gudbiyo taleefannada, iyadoo la ilaalinayo amaanka lacagta ay leeyihiin dadka isticmaalaya iyo in la xaqiijiyo sidii uusan adeeggaas u istaagi lahayn.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu furitaanka kalfadhiga 4aad ee golaha shacabka ku daah-furay barnaamijka ” Is-xilqaan”, kaas oo ah mid uu dadka ugu baaqayo in si iskaa wax ku qabso ah lagu dhiso 11 hey’adood. Farmaajo waxaa uu sheegay in Barnaamijka “Is-xilqaan” uu halbeeg u yahay waddaniga dhabta ah ee ka dhiidhiya dayacsanaanta dhulkiisa hooyo. waxa uu ku qotomaa mabaadii’da aasaasigaah ee Dastuurku ku dhisan yahay oo si cad u kala qeexay xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta. Waxa uu ku qotomaa mas’uuliyadda Islaamnimo ee muwaaddin-nimo. Waa maxay Is-xilqaan? Waa barnaamij wax-qabad oo Soomaaliyeed oo sal iyo cidhibba ku leh dhaqanka Soomaaliyeed ee isku-tashiga, isku-tiirsanaanta iyo is- gargaaridda heer walba ah. Waa Barnaamij gogol-xaadh u ah soo bandhigidda wax-qabad taabbo gal ah oo ay horseed ka tahay Xukuumadda Nabad iyo Nolol, laguna xusayo sannad guurada 60aad ee Xorriyadda Soomaaliyeed. Waa barnaamij ama mashruuc heerar badan gaadhaya ama saamayntiisa ku yeelan doona. Heerarka uu gaadhi karo waxaa ka mid ah: mid qofeed, mid qoys (family), mid deegaan iyo mid Qaranba. Haddaba, waxaa muhiim ah in Olole xooggan oo ballaadhan lagu qaado, loona sameeyo barnaamijka ”Is-xilqaan” ee u diyaargarawga 60 guurada maalmaha xorriyadda. Ololahaas oo ah wac-yigelinta bulshawaynta Soomaaliyeed si ay dalkooda iyagu u dhistaan isuguna xisaabtamaan. Sidee loo fulinayaa? Waxaa la abuurayaa Guddi heer Qaran ah oo ka kooban wasaaradaha ku shaqada leh ee xukuumadda, bulashada rayidka ah, culimaa’uddiinka iyo ciidamada. Waxaa la abuurayaa farsamo yaqaanno iyo Injineerro hawlaha dib-u-dhiska haga iyadoo jumca kasta la shaqaynaayo laba saacadood iyo badh (2:30 hrs). Sidoo kale Khamiis kasta oo ugu dambaysa bil walba waxaa loo asteeyay maalinta ololaha “Is-xilqaan” ee nadaafadda iyo dib-u-dhiska dalka. Waxa dib-u-dhis ballaaran lagu sameeynayaa qaar ka mid ah xarumihii iyo hantidii dawladda ee ku burburtay dagaallada sokeeye, iyadoo:- La abaabulayo, lagana shaqaysiiyo cududda dadweynaha (Dhalliyaaro, Shaqaale, Haween, Iskaashatooyin, ciidamada, dadweynaha xaafadaha iyo degmooyinka), laguna tartamo, la iskuna abaalmariyo In barnaamijka Is-xilqaan ee dib loogu dhisayo dalka si ballaaran looga wada qayb-galo xoog, fikar iyo dhaqaaleba. Maxay Guddidu Qabanayaan: Waxa ay abaabuleysaa bulshada Soomaaliyeed, caruur iyo cirroole, dhalinyaro, waayeel, haween, shaqaalaha dowladda iyo ciidamada. Xubnaha Guddida: Guddida Ololaha is-xilqaan waxa ay ka kooban tahay Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Hawlaha Guud, Warfaafinta, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Caafimaadka, Haweenka, Gaashaandhigga,Amniga, Cadaaladdaiyo Gobolka Banaadir. Sidee Loo Maal-gelinayaa: Waa is-xilqaan ku dhisan oo uu qofku xooggiisa, xoolihiisa iyo xirafadiisa ku tabarrucaayo dalkiisana ugu deeqaayo. Hase-yeeshee. Waxaa la furi doonaa sanduuq loogu yabooho Qurbejooqta, ganacsatada, bulsho waynta Soomaaliyeed iyo qof kasta oo danaynaaya in uu wax ku darsado, iyada oo la dejinayo nidaam maamul, qaab sahlaya uruurinta iyo macluumaadka tabarucaadka dadweynuhu uga qayb-qaadanayo barnaamijka isxilqaan ee dib u dhiska dalka. In laqu guulaysto Barnaamijka Is-xilqaan waxaa asaas u ah: Sida taariikhdu na barayso horumarka ay bulsho kasta gaarto, waxa aasaas u ah qaabka ay u fekeraan iyo sida ay ugu heelan yihiin in ay qadarkooda iyo is-xilqaankooda ku gaaraan horu-kac baaxad leh oo ay uga baxaan dib-u-dhaca ay dariska la yihiin, una hiigsadaan horumarka dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee asaagood gaaray. Haddaba, waxaa muhiim ah in ay is-abaabusho Ummadda Soomaaliyeed iyaga oo ku tashanaya maalkooda, maskaxdooda iyo muruqooda, si dib loogu soo nooleeyo hay’adihii Dowladda ee qaybta weyn ku lahaa horumarka iyo xadaaradda dalka. Sidaa awgeed, iyada oo la muunaynayo sanad-guurada 60aad ee xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya ee ku aadan 2020-ga, lagana amba-qaadayo talooyinka iyo tilmaaha ay bixiyeen Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxa lagama-maarman ah in dib loo dayactiro, loona haw-galiyo; wajiga koowaad ee Barnaamijka ls-xilqaanna lagu bilaabo hay’adaha iyo Dhismayaasha kala ah:- Matxafka Qarahka. Golaha Murtida iyo wacyi-gelinta Dadweynaha. Maktabadda Qaranka. Xaruntii Dhexe ee Xisbiga. Tuulada Ciyaaraha (Mogadishu Stadium). Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka (Isbitaal Benaadir). Taalooyinka Taariikhiga. Hir-gelinta Barnaamijka Bar ama Baro. Isku filnaansha xagga quudka. Abuuritaanka Tuulooyin Kalluumaysi. Dayactirka Buundooyinka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Ka dib is baddelada gobolka ka dhacay, ayaa Eritrea si lama filaan ah waxay u noqotay waddan u furmay waddamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD, marka laga reebo Jabuuti, oo aysan weli gaarin heshiis rasmi ah. Inkasta oo dib u dhac uu ku yimid, ku soo laabashada Eritrea ee xubinnimadeedii urur goboleedka IGAD ee la filayey in uu todobaadkan dhaco, sida uu qorshuhu ahaa, haddana waxaa hubaal ah inay wax weyn iska baddeleen sida gobolka looga arki jiray Eritrea. Haddaba qormadan waxaan ku eegeynaa, taariikhda is qab-qabsiga ee Eritrea iyo urur goboleedka IGAD, oo ay u muuqato in danaha waddamada gobolka ay ka lahaayeen Soomaaliya ay ahayd sababta markeedi horeba keentay isku dhaca Eritrea iyo IGAD. Taariikhda markay ahayd 22 April 2007, ayay Eritrea ku dhawaaqday inay ka baxday urur Goboleedka IGAD, ka dib shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayay oo si weyn ay isugu maandhaafeen Ethiopia iyo Eritrea. Shirkaasi oo ay isugu yimaadeen wasiirada arimaha dibeda ee waddamada ku bohoobay IGAD waxaa uu ka dhacay Magaalada Nairobi ee Dalka kenya, waxayna wasiirrada u bateen, marka laga reebo Eritrea, inay Itoobiya ku taageereen ciidamada ay gelisay soomaaliya. Wasiirkii Warfaafinta ee Eritrea ee xilligaasi Cali Cabdu ayaa sheegay markaasi “in ka bixitaanku uu yahay mid ku meel-gaar ah. Waxaan dareemeynaa in ay mas’uuliyad darro tahay in aan qeyb ka sii ahaanno urur goboleed qaadanayo go’aanno aan la aqbali karin marka laga eego dhanka sharciga” ayuu yiri. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ururka uu noqday “mid ay ku adeegtaan xoogag shisheeye”, isagoo si aan toos ahayn farta ugu muuqay dowladda Maraykanka. Dadaalladii xigey ee dib-u-soo laabashada Eritrea Sanad ka dib markii ay Eritrea ka baxday urur Goboleedka , ayaa bishii Agoosto 2008-da, wafdi ay hor kacayeen wasiirada arrimaha dibadda ee Kenya iyo Sudan waxay ka codsadeen Eritrea inay dib ugu soo laabato bahda IGAD. Wafuudda iyo xoghaynta IGAD oo la socotay ayaa waxay la kulmeen Madaxwaynaha Eritrea Isaias Afwerki, waxayna kala hadleen in Eritrea ay dib uga laabato go’aankii ay qaadatay Eritrea waxay ku eedeysay xubnaha kale ee IGAD inay ku tunteen xeerka u dejisan ururka oo ay taageereen in waddan uu ku duulo waddan kale oo madaxbanaan kana tirsan ururka. Eritrea ayaa gelitaankii Itoobiya ee Soomaaliya ku tilmaantay mid sharci darro ah. Eritrea xilligaasi waxay dalbatay in la baddelo xeerka u yaallay IGAD, oo wafdigii wasiirrada ay ballanqaadeen inay eegi doonaan. Danaha waddamada IGAD ee Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea waxay xilligaasi kala taageerayeen dowladdi Madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo mucaaradkii xaruntoodu ahayd magaalada Asmara. Arrintaasi ayaana sii kala fogeysay waddamada IGAD, waxaana xilligaasi labada dal lagu eedeynayay inay si dadban ay ugu dagaallamayeen Soomaaliya. Eedeymo culus Sanadkii 2009-ka, ayay Qaramada Midoobey soo saartay go’aan ay cunaqabateyn xagga hubka ah ku saarayso Eritrea, iyadoo lagu eedeeyay inay taageerto ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya, iyo inay diidday inay ka baxdo dhul ay Jabuuti ka qabsatay sannad ka hor xilligaasi. Eritrea ayaa xilligaasi sheegtay in eedeymahaasi ay ahaayeen “beenabuur” ay “dhoodhoobeen” Maraykanka iyo Itoobiya. Codsiga Eritrea ee IGAD Sannadkii 2011-ka ayay Eritrea markii ugu horreysay codsatay inay dib ugu soo laabato urur goboleedka IGAD. Xoghayaha Guud ee IGAD ayaa wareysi uu BBC-da siiyay codsigaas ka dib sheegay inay ka fiirsanayaan arrintaasi, oo Eritrea ay wajaheyso eedeymo culus oo ay ka mid yihiin inay taageerto argagixiso. Dhowr sano oo cunaqabateyn iyo go’doon ah ka dib, Eritrea waxay u muuqatay inay liidatay, oo ay dooneysay inay xubinnimada urur goboleedka u adeegsato inay khafiifiso go’doonka haystay, balse way ku guuldareysatay arrintaasi. Caqabadda hartay Maanta xaalka waa uu ka duwan yahay sida uu ahaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay, balse waxaa Eritrea hor taagan hal caqabad oo ah tan Jabuuti. In kastoo wafdi wasiirro ah ay dhawaan gaareen Jabuuti, oo ay muuqato yididiillo ah in la heshiinayo, ayaa haddana waxaan weli si rasmi ah heshiis u gaarin jabuuti iyo Eritrea, oo murakooda uu ku qotomo jasiiradda Dumeria ee ay laba dhinac ku muransan yihiin, imminkana ku jirta gacanta Eritrea.
  25. Somaliland ma ku sii Jiri doontaa musuq-maasuq iyo maal-urursiga xadhkaha goostay, balan qaad been ah iyo khiyaamo joogto ah . Waa in dawladnimadu shaqeysaa oo la helaa cid loo maxkamadeeyo cidii lunsatay lacagtan tirada badan ee hoos ku taxan. Lacagtani may marin nidaam xisaabadeed dawladeed oo hufan, lagumana bixin shuruuc maaliyadeed iyo xeerarka qandaraasyada qaranka ee dhawaan la ansixiyey. 1- Dawlada Khaliijka (UAE) ayaa ku deeqaday JSL lacag gaadhaysa $30 Million oo dollar si biyaha loo fidiyo 2- Midowga Yurub ( EU ) ayaa 2011-kii JSL ugu deeqay $27.5 Million si loogu balaadhiyo biyo gelinta 4-ta magaalo ee waaweyn oo Caasimada Hargeysi ugu horeyso. 3-Midowga Yurub ( EU ) ayaa 2012 kii inoogu deeqay $64 Million doolar si loogu horemariyo 9 mashruuc oo mashruuca ugu balaadhnaa uu ahaa $8.5 Million dollar loona qoondeeyey biyo balaadhinta iyo horumarinta biyaha Caasimada Hargeisa 4- Waxaa iyana isla Sanadkaa qorshe howleedkii higsiga qaranka ( Somaliland Development plan 1) ee 2012-2016 biyo balaadhinta biyaha dalka loo qoondeeyey lacag dhan $28 Million oo dollar oo biyo fidinta caasimadu ugu horeyso. 5- Dawlada Jarmalku waxay biyo fidinta Caasimada Hargiesa ku deeqday $ 23 Million oo dollar 6- Shirkada Coca Cola waxay ku deeqday biyo fidinta Caasimada Hargeisa $5 Million oo dollar 7- Baanka Aduunku wuxuu ku bixiyey biyo gelinta caasimada Hargeisa lacag dhan $ 6 Million dollar 8- Sanduuqa Somaliland ee SDF waxaa Biyo fidinta Caasimada hargeisa loogu soo riday $ 10.5 Million dollar 9- Markii sedexaad dhawaan midowga yurub ( EU ) markuu ka yaabay mashruucan aan dhamaaneyn wuxuu ku yaboohay lacag dhan $15 Million in ay ku baxayso dhameystirka biyo fidinta mashruuca xunbo weyne si Caasimadu ay mar uun biyo ku filan uhesho. 10- Hayada African Water Facility oo loo soo gaabiyo (AWF) ayaa iyna ku deeqday 3 Million Euro 11- Baanka Horumarinta Africa oo loo soo gaabiyo ( AFDB) ayaa isna biyo gelinta JSL ku bixiyey lacag dhan $ 8.5 Million dollar. Total ka lacagtaas kor ku taxan ayaa noqonaysa $165 Million oo Dollar taas oo loo qoondeeyey in ay soo af jarto lacagtaasi Qorshe hawleedyadii horumarinta biyaha Somaliland ee 5-ta sanadood (2012-2016 ) Waxaana Mashaariicdan mar kasta laga fuudhyeelaayey dib u habeynta iyo fidinta biyaha Caasimada Hargeisa iyo nawaaxigeeda oo ilaa iyo maanta biyo la’aan badani ka jirto taa soo ay shacabka reer Hargeisa is weydiinayaa meesha ay martay lacagtaa Malaayinka Dollar ka ahi iyo cidii lunsatay? Maxay ka tidhi Mashruucan Fashilmay Xukuumada Cusubi ? 1- Kut’e mashruuca 1aad ee magaciisa la yidhaa (HUWSUP ) waxay EU ku maalgelisay lacag dhan $15 million Euro ah. Waxaa sanduuqa horumarinta ee SDF isna mashruucan ku maalgelisay lacag dhan $11 million dollar waxaana mashruucaa fulintiisa loo xil saartay markii la kala shakiyey hayada UN Habitat waxaana shaqada mashruucaa si aan loo musuqmaasuqin dusha ka ilaalinaaya Shirkad Jarmal ah oo la yidhaa (FITCHNER ) hadaba shacabka reer Somaliland waxay is weydiinayaa meesha uu mashruucani ku danbeeyey ? Mise wuxuu isna noqday aan ka fuudee alow fiihaa … !! 2- Lay’e mashuuca 2aad oo isna Hargeisa Gudaheeda ka socda waxaa lacag gaadhaysa 23,500,000 Million oo Euro ku bixiyey Banka Horumarinta Dawlada Jarmalka waxaana shaqada mashuruucan gancanta ku haya shirkad Jarmal oo la yidhaahdo CES? Hadaba su’aashu waxay tahay xaguu marayaa mashruucaasi? oo isna mudadiisii dhaafay ? Goorma ayaa Hargeysi biyo ka helaysaa ? 3- Kuy’e Shirkada Coca Cola international waxay iyana ku deeqday biyo balaadhinta lacag dhan $5 Million oo dollar waxaana ay gacanta u gelisay shirkad Talyaani ah oo la yidhaa TS shirkadaa oo magaalada dhexdeeda kawada taangiyo dhaadheer? ilaa iyo maanta ummadda uma cada meesha ay howshaasi marayso iyo goobta iyo goorta ay biyo ka heli doonaan reer Hargeysa. 4- Mashruuca Xunbo-weyne waxaa maalgelisay hayada UAE u qaabilsan Horumarinta ee loo yaqaan Khalifa Foundation waxaana howshaa u qabilsanaa nin la yidhaahdo Mr Falaax Al-Axbaabi, waxaana mashruucaasi loo qaybiyey laba weji oo kala ah: A) in Ceelasha la qodo. B) In baraagaha la qodo oo beebabka la dhigo. Waxaa markiiba fashilmay wejigii kowaad ee ahaa in Ceelasha la qodo. Hadaba su’aashu waxay tahay yaa loo raacayaa oo loo soo qabtay mashuuracan baaxada leh ee fashilmay? ma Khawaajigii Al-Axbaabi ayaa laga dabo tegayaa oo loo maxkamadeynayaa? Mise xaalku wuxuu ahaa qaado aan qaatee !! 5- Mashruuca 2-aad ee Biyo balaadhinta Caasimada Hargiesa wuxuu ahaa Mashruuca ka socda Geed-deebleh iyo Hori-haatley. Waxaa mashruucan ku midoobay World Bank, German Bank, SDF, EU iyo Shirkada Coca-Colla. waxaana mashruucan lagu maalgeliyey lacag dhan $79 Million dollar. mashruucan waxaa hawshiisa wada hayada UN-habitat waxaana ay aheyd in uu mashruucani uu isna dhamaado Bisha Janaayo ee sanadkan 2018 ilaa iyo hadana muu dhamaan xukuumaduna kama ay jawaabin mashaariicdan hantida badani ku baxday halkii ay ku danbeeyeen iyo cida lunsatay lacagihii loo qoondeeyey ee lagu dhameystiri lahaa. Guntii iyo Gebo gebadii qormadan : Anigu daaha kama rogin ee dadkuba wuu arkaayaa ! Shacaboow tiraa kaa gedmane wax isu geygeyso -Mashruucan baaxada leh ee musuqa badan dugsanayaa hawshiisu waxay u taalaa xukuumada talada haysa ,gaar ahaan Hanti dhowrka guud ee qaranku in uu baadhis dhameystiran geliyo oo uu hawshiisa dastuuriga ah ka guto. Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Qaran News