Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,488
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa war-murtiyeed ka soo saaray shirkii uu ku baaqay dhawaan Madaxweyne Farmaajo. Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war-murtiyeedkood ku sheegay in loo baahan yahay daraf sadexaad oo dhexdhexaadiya labada dhinac oo damaanad qaada heshiiyada lala galayo dowladda federaalka, maadaama ayay dheheen ay ka baxdey ballamihii iyo heshiisyadii horey loola galey. Sidoo kale Golaha ayaa sheegay in sababo amni awgeed la isla meel dhigo goobta uu shirku ka dhacayo iyo sugida amniga. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan shaaciyay shir Muqdisho la dhacaya oo socon doona 17-18ka bishan, oo ay yeelanayaan Golaha amniga qaranka, si dhameystiran looma sheegin in looga hadlayo khilaafka dhowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo in kale. Khilaafka labada dhinac ayaa saameeyay qaar kamid madaxda dowlad goboleedyada oo la saftay dowlada dhexe. Hoos ka akhriso war-murtiyeedka oo dhamestiran PUNTLAND POST The post Dowlad goboleedyada oo dalbaday damaanad dhexdhexaadin appeared first on Puntland Post.
  2. Gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa shuruudo adag ku xiray ka qeyb galka shirweynaha Muqdisho oo uu kal hore iclaamiyay madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madasha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ayaa maanta oo Jimco ahayd warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen ku caddeeyay inay qaadaceen shirka gollaha amniga ee ka furmaya 17-ka bishani magaalada Muqdisho. Warmurtiyadeedka uu gollaha soo saaray oo ka kooban shan qodob ayaa waxay madaxweynayaasha maamullada dalka shuruudo ku xireen wadahadalka dowladda ee lagu dhammeystirayo khilaafyada siyaasadeed ee ka dhex aloosan labada dhinac. Sharuudaha oo badan ayaa waxaa kamid ah in Madaxtooyada Soomaaliya ay joojiso faragallin ay tilmaameen in ay ku heyso arrimaha dowlad goboleedyada iyo in la helo cid seddexaad oo dhexdhexaad ah islamarkaana damaanad qaada arrimaha xukuumadda Muqdisho iyo dowladaha xubnaha ka ah ay ku heshiiyaan. Maadxweynayaasha shanta ah ee Cabdiwali Cali Gaas, Axmed Ducaalle Xaaf, Maxamed Cabdi Waare, Shariif Xasan iyo Axmed Islaam Madoobe ayaa dhanka kale dalbaday in la isla meeldhigo meesha uu wadahadalka dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Farmaajo kula galayaan sababo amni awgood, iyo in la damaanad qaado amnigooda, haddii Muqdisho la isku raaco. Hoos Ka Akhriso Warmurtiyadeedka Gollaha Iskaashiga: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa soo saaray qoraal kasii daraya xiisadda ka dhex oogneyd iyaga iyo madax dowladda federaalka Soomaaliya ee ka dhashay go’aanadii shirka Kismaayo. War-murtiyeedka ayaa si gaar ah jawaab ugu ah baaqii madaxweyne Farmaajo uu soo saaray kadib shirkii Kismaayo ee uu madaxda dowlad goboleedyada ku casuumay kulan ka dhacaya Villa Somalia, kaasi oo qaarkood ay durba diideen. Qoraalka ayay maamul goboleedyada ayay shuruudo adag ku xireen inay la heshiiyaan ama ay wada-xaajood la galaan dowladda federaalka, ayaga oo dalbaday, in la helo dhinac saddexaad oo door dhexdhexaadin cayaara, islamarkaana damaanad qaada wax kasta oo ay ku heshiiyaan labada dhinac. Sidoo kale maamul goboleedyada ayaa diiday inay yimaadaan magaalada Muqdisho, ayaga oo sheegay in sababo amni darteed ay qasab tahay in la isku raaco halka lagu kulmayo. Halkan hoose ka akhriso war murtiyeedka:-
  4. Madaxweyne xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado, xilli uu jiro khilaaf xooggan oo ka dhex aloosan madaxda Galmudug oo uu isagu ka mid yahay kaasoo sababay in xilka laga qaado Guddoomiyihii Baarlamaanka Cali Gacal Casir. Mudane Maxamed Xaashi oo maalmihii la soo dhaafay safar ku joogay waqooyiga gobolka Galgaduud gaar ahaan magaalada Cabuudwaaq ayaa waxaa markii uu gaaray Cadaado ku soo dhoweeyay Masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka oo ay ku jiraan xildhibaanno. Hadal uu saxaafadda siiyay ayuu ku sheegay madaxweyne xigeenku in khilaafkii soo kala dhex galay Galmudug waagii uu joogay madaxweynihii hore ee maamulka mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed illaa iminka uusan dhammaan. Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna ay ku gaareen dalka Jabuuti. Hoos Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Codka-MW-K-Galmudug-mohamed-Haashi-Carabeery.mp3 Dhanka kale, waxaa isla maanta magaalada Cadaado gaaray guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Galmudug xildhibaan Cali Gacal Casir oo qeyb kamid ah baarlamaanka Galmudug ay xilkii ka qaadeen maalintii shalay ahayd kaddib kulan ay ku qabsadeen caasimadda maamulkaasi ee Dhuusamareeb. Mudane Cali Gacal Casir ayaa saxaafadda isna kala hadlay arrinta khilaafka ee taagan. Hoos Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/codka-cali-gacal-casir.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Bangiga adduunka ayaa saadaaliyay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkaan kordhi doono 3-4%, bangiga ayaa daabacay qiimeyntiisii saddexaad ee ay ku sameeyeen dhaqaalaha Soomaaliya taasi oo muujineysa qodobada ugu waaweyn ee tilmaamaya hormar dhaqaale inuu dhacay iyo in kale iyo talooyin ku saabsan xoojinta ama kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha. Warbixintaan ayaa timid iyadoo sanadkii hore ay Soomaaliya ku habsatay abaar si weyn waxyeello ugu geysatay xoolaha nool, gaar ahaan dhulka reer Miyiga, waxaana bangiga adduunka uu sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkii hore kordhay 2.3% halka sanadkii ka horreeyay ee 2016 uu kobocu ahaa 4.4%, waxaana bangiga adduunka uu sheegay iney taasi muujineyso sida ay abaartu u keentay dib u dhac dhinaca dhaqaalaha ah, waxaana dhaqaalaha Soomaaliya uu taariikh ahaan ku tiirsanaa oo tiirka ugu weyn ee dhaqaalaha ahaa dhoofka xoolaha oo 70% uu dakhliga kasoo xaroodo, waxaana bangiga adduunka uu sheegay in abaartii dhacday sanadkii hore 2017 darteed ay hoos u dhacday dhoofka xoolahu 75%, waxeyna ahaayeen xoolaha sanadkaasi la dhoofiyay 1,300,000 oo neef halka sanadkii ka horreeyay 2016 ay xoolaha la dhoofiyay ahaayeen 5,300,000 oo neef. Hugh Riddle waa wakiilka bangiga adduunka ee Soomaaliya, waxa uu yiri: “Waa warbixintii saddexaad ee xog bixinta dhaqaale ee aynu ka sameyno Soomaaliya, waa warbixin aynu dooneyno iney soo baxdo lixdii bilood ee kasta, warbixinta kastana waxey guudmar ka bixisaa xaaladda dhaqaalaha iyo meelaaha kobocaya, warbixin kasta waxey leedahay mowduuc hoos loogu eego, inagoo iskaashi la sameyneyna qeybaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, warbixintani waxey si gaar ah u eegeysaa lacagaha la isku weydaarsado taleefoonada, fariinta ugu weyn ee ay warbixintaan direyso waxey tahay in abaartii dhacday sanadkii 2016 ee socotay sanadkii 2017 ay dib u dhac weyn ku keentay dhaqaalaha Soomaaliya, inuu dhaqaalaha Soomaaliya kordhana waa muhiim, markaad eegtid iney dadka Soomaalida tiro ahaan kordhayaan, hadii ay taasi dhici weyso waxaa imaneysa inuu faqriga kordho sanad walba, Soomaaliya waxey aad ugu tiirsan tahay xoolaha nool oo ayaguna ku tiirsan isbadalka cimilada, waana isbadalkaasi cimilada kan hoos u dhaca weyn ku keenay dhoofka xoolaha” Bangiga Adduunka waxaa kaloo uu sheegay in kororka dhaqaalaha Soomaaliya uu gaabis ahaa, gaar ahaan in sanadahii u dhaxeeyay 2013 ilaa 2017 uu kobcay dhaqaalaha Soomaaliya 2.5, hase yeeshee waxaa warbixinta sheegtay in koboc dhaqaale uusan ka dhigneyn inuu yaraaday heerkii faqriga. Bangiga Adduunka wuxuu daqliga kasoo xarooda gudaha ee sanadkii 2016 ku qiyaasay 6.8 Bilyan oo Doolar halka sanadkii aynu soo dhaafnay uu ka ahaa 7 Bilyan oo Doolar. Warbixinta Bangiga Adduunka waxey si weyn u amaantay koboca iyo doorka dhaqaalaha ee hanaanka lacagaha la isku weydaarsado taleefoonada, hadii ay ahaan laheyd xawilaadaha iyo wax kala iibsiga kalaba. Waxaa Bangiga uu sheegay in bishii la sameeyo 155 Malyan oo is weydaarsi ama wax kala iibsasho lacageed la isugu gudbiyo taleefoonada, taasi oo ku fadhida aduun dhan 2.7 Bilyan oo Doolar bishii. Waxaa bangiga uu sheegay in isticmaalka lacagaha taleefoonada ay ka xoog bateen lacaha cadaanka ah ama waraaqda ah ee ka jira Soomaaliya. Mar Kale Hugh Riddle, waxa uu yiri: “Caqabado badan ayaa ka jira Soomaaliya, hadii ay noqon laheyd dhinaca siyaasadda iyo amniga, waxa kaliya ee si wanaagsan u shaqeeya waa dhaqaalaha ku saleysan shirkadaha gaarka ah, waxaana warbixintaan aynu ku sheegnay wax layaab leh oo la taaban karo oo ah in dhaqaalaha ganacsiga gaarka loo leeyahay uu wax weyn u qabtay dhaqaalaha Soomaaliya ” kala wareejinta lacagaha ee dhinaca taleefoonada ee Soomaaliya waa mid ka mid ah tallaabooyinka ugu hormarsan dunida, tobankii qof ee Soomaaliya joogaba, todoba ka mid ah ayaa isticmaala hanaankaan, 155 Malyan oo kala wareejin ah ayaa dhacda bishii, waxeyna taasi fursad yididiilo leh u tahay koboca dhaqaalaha iyadoo dad tiro yar ay heystaan akoono bangiga ah”. Bangiga adduunka ayaa amaanay hormarka Soomaaliya ay ka sameysay lacagaha la isugu gudbiyo Taleefoonada, waxaana bangiga uu sheegay in si tartiib tartiib ah sharci dajin loogu sameeyo hanaanka oo ay intiisa badan wadaan shirkadaha gaarka loo leeyahay. Caasimada Online afiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Tan iyo markii uu billowday nidaamka federaalka ee Soomaaliya ay qaadatay waxaa soo baxayey ismaandhaaf u dhaxeeya maamul goboleedyada (dawlad goboleedyo) iyo dawladda dhexe. Dhowr sababood ayaa loo aanaynayaa. Qormadan waxaan ku eegaynaa asbaabahaas qaarkood. Dastuurka Soomaaliya weli waxay ku dhaqmaysaa dastuur qabyo ah. Weli afti looma qaadin, fasiraadiisana qolaba si ayey u dhigtaa. Xataa waxaa isu eg magacyada hogaamiyeyaasha, iyo xilalka dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe, si waadix ahna uma kala qeexna awoodaha dawladda dhexe iyo tan dawlad goboleedyada. Taasi waxay keentay in dawlad goboleedyada iyo madaxdoodu isu arkaan waddamo yaryar oo wax walba oo dal looga baahan yahay leh, sidaa darteedna aan u baahnayn dawladda dhexe. Dawladda dhexena waxay u aragtaa dawlad goboleedyada gobollo ay xukumaan madax gobol oo aan sinnaba uga bixi karin qaranka Soomaaliya. Isku dhacyada joogtada noqday Dawladda hadda jirta ee Farmaajo, iyo tii Xasan Sheekh Maxamuud, xiriir aad u wanaagsan ma uusan dhex marin ayaga iyo dawlad goboleedyada. Sababtu waxay tahay arrimaha aan kor ku soo sheegnay iyo kuwo kale oo aan soo sheegi doonno, iyo ayagoo aan marka horeba isku aragti ahayn. Dhowr goor ayaa iyaga iyo maamul goboleedyada waxaa dhex maray isku dhacyo. Maamulladu waxay ku eedeeyaan fara gelin inay ku hayso dawladda dhexe, dawladduna inkastoo ay aad uga gaabsato wax ka sheegga maamullada, misna mararka qaar kama waabato. Arrimahaas waxay keeneen in mar kasta oo arrin laga heshiin karo ay timaado in la kala boodo, ayna qaadato wakhti in dib la iskugu soo noqdo. Tusaale ahaan, khilaafka hadda taagan, dadka wax indha indheeya oo uu ka mid yahay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid wuxuu qabaa “in xal loo heli doono, ama ha ka yimaado maamullada gudahooda, ama beesha caalamka oo soo faragelisa”. Laakinse xalkaas muddo ayuu sida muuqata qaadan doonaa. Loollan Quwado Shisheeye Waxaa aad u soo noqnoqday in madaxda maamullada ay taageero u doontaan dibadaha, qaarkoodna ay “qaraab tagaan”, ayagoo u arka in aysan xukuumadduba ku taagnayn waddo sax ah oo ay musuqmaasuq faraha kula jirto. Taasi waxay keentay in Soomaaliya ay dhexda ka fariisato khilaaf aysan shaqo ku lahayn oo ah kan khaliijka. Maamullada dalka ka jira dhamaantood waxay xiriir fiican la leeyihiin Iimaaraadka Carabta oo dawladda Soomaaliya ay kala boodsan yihiin, halka dawladduna ay xiriir aad u fiican la leedahay Qatar oo uu gadaal ka taagan yahay Turkiga oo ah saaxibka ugu weyn ee ay Soomaaliya leedahay. Labada dhinacba waxaad mooddaa “in midba uu doonayo inuu saaxibka kan kale ka guulaysto”. Doorashooyinka maamullada Maamullada gobollada waxaa ku soo socda doorashooyin muddooyin isu dhowdhow dhacaya, ayadoo maamulka ugu horreeya ee doorashadiisu soo dhow dahay uu yahay kan koofur Galbeed oo la filayo inay qabsoonto Nofembar 2018. Madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaar ka mid ah ayaa wadnaha farta ku haya. Waxay ka cabsi qabaan in ay kursiga ku soo laaban waayaan, ama in uu soo baxo musharrax ” u janjeera dhanka dawladda dhexe”. Taasi waxay keentay in ayadoo la is garbinayo ay maamulladu iminkaba sii kala qaybqaybsamaan, kana sii cararaan dawladda, shaki ay ka qabaan dartiis. Dano is diiddan, kuwo shakhsi ahaaneed iyo is xulafaysi Dhamaan arrimahaas aan soo sheegnay waxay keeneen in uu sii xoogaysto loollanka ka dhaxeeya dawladda dhexe iyo maamullada. Kala fogaanshahaas ayaa keenay nin tooxsi ku dhisan musuqmaasuq, iyo in xafiisyada hay’adaha maamulka lagu arko dad ku hayb ah madaxda dhinacyada is haya, maadaama uusan isla xisaabtan jirin. Waxaa kale oo iyadana jirta in maamullada iyo dawladda dhexe ay qaadaan canshuuro ay su’aal ka taagan tahay waxa lagu qabto iyo halka ay aadaan. Arrimahaas waxay keeneen in faraha la isku taagtaago, duniduna u aragto Soomaaliya mid ka mid ah dalalka ugu musuq maasuqa badan caalamka. Waxaa dhanka kale marka la eego soo baxaya is xulafaysi soo xoogaysanaya oo u dhaxeeya xisbiyada dalka ka jira, bulshada rayidka iyo madaxda maamullada, kuwaasoo is gaashaan buuraysanaya, durbana ka wada hadlaya waxa laga yeelayo cidda musharrax noqon doonta doorashooyinka 2021.
  7. NAIROBI (Caasimada Online) — Heavily armed suspected Al Shabaab militants carried out an ambush attack on bus heading to Garissa town, northeast of Kenya. Friday’s attack happened in Hulugho, after gunmen thought to be Al Shabaab launched an ambush attack on bus, killing at least two people. In Twitter feed, Daily Nation reported that the attackers immediately escaped from the crime scene before arrival of military officers. Death toll could likely rise, according to sources. The group carried our similar attacks targeting buses, quary workers and military and police forces’ vehicles in the region. in 2011, Kenya has sent its forces into Somalia, to prevent orschestrated attacks and kidnappings against foreing aid workers and tourists allegedly carried out by Islamist group based in Somalia. The group vowed to rump up its attacks in Kenyan soul untill Nairobi withdraws its military forces serving under African Union peacekeeping force from Somalia. Caasimada Online Nairobi News Desk Caasimada@live.com
  8. Cali Gacal iyo Maxamed Xaashi Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo shalay la sheegay in xilka laga qaaday iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Maxamed Xaashi Cabdi ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ka yimi degmada Cabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud oo uu maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa. Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo shalay la sheegay in xilka laga qaaday ayaa soo gaaray Cadaado isagoo ka yimi magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha magaaalada ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Maxamed Xaashi Cabdi, xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Galmudug. Cali Gacal Casir oo hadlay ayaa sheegay in xildhibaanada Galmudug qabsan doonaan shaqadooda dastuuriga ah, wuxuuna ugu baaqay xildhibaanada maqan in ay deg deg u yimaadaan magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka Galmudug. Xildhibaano Galmudug ah oo tiradooda ku sheegay 147 ayaa shalay sheegay in ay xilkii Guddoomiye ka qaadeen Cali Gacal Casir, balse Cali Gacal ayaa sharci daro ku tilmaamay. Khilaafka madaxda Galmudug oo soo noqnoqday labadii sano ee ugu dambeeyay ayaa salka ku yaha khilaafyada dowlad goboleedyada iyo dowlada dhexe oo ay masuuliyiinta ugu sareeya maamulkaas la kala safteen. PUNTLAND POST The post Cali Gacal Casir iyo Maxamed Xaashi Cabdi oo gaaray Cadaado appeared first on Puntland Post.
  9. MOGADISHU (Caasimada Online) — Somali security forces have arrested a suspected Al-Shabaab operative, following joint operation in north of Mogadishu capital. Somali Intelligence Agency’s Twitter feed said, the suspected operative was captured in the city’s Hiliwaa district. The Agency did not mention the name and position in which he was in charge of Al Qaeda linked Al-Shabaab group. Ciidamada Amniga ayaa xubin Amniyaat-ka Alshabab ah kusoo qabtay howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degmada Heliwaa habeynimadii 13-ka Sabtember, 2018. Howlgalka cidi wax kuma noqon. Hadii aad hesho xog ku saabsan AS, lasoo xariir ciidanka Amniga. — NISA (@HSNQ_NISA) September 14, 2018 There was no immediate comment from the group over the claims. The Agency’s remarks comes after the group claimed to have overrun army bases manned by government soldiers in Hiliwaa. Al-Shabaab has been in decline since 2011 but still launches regular, deadly attacks against government, military and civilian targets in the capital and elsewhere. The group is battling the Western-backed Somali government to establish Islamic rule in the country. The Somali forces fighting the group have been backed by an African Union mission made up of forces from several African nations. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay gudbisay Jawaabihii laga sugaayay ee ku aadan dacwadda Badda ee kala dhaxeysa dowladda Kenya. Dowladu waxa ay sheegtay in dhamaan jawaabihii laga sugaayay ay u gudbisay qaabkii loogu tallo galay, isla markaana waxa ay sugeyso ay tahay keliya inay guul uga soo hoyato dacwada. Axmed Cali Daahir, Xeerilaaliyaha Qaranka oo gudbinta Jawaabta ka hadlaayay ayaa sheegay in Maxkamada caalamiga ay u gacan galiyeen Jawaabta oo dhan waliba ka dhameysan. Xeerilaaliyaha Qaranka, waxa uu sheegay in hadda uu bilowday waji cusub oo ah in dowladaha Somalia iyo Kenya cid walba ay la imaado wixii dukumiinta ah oo ay ku doodeysay, waxa uuna tilmaamay in Somalia keliya ay u doodeyso xaqeeda qura. Xeerilaaliyaha Qaranka, waxa uu cadeeyay in labada dalba iminka uu u bilaabanayo wareeg cusub oo dal weliba ku soo bandhigi-doono dacwadiisa iyo xujo waxa uu haayo. Waxa uu sheegay in gudbinta jabaabaha ay tahay mid ku xiran go’aan kama dambeys ah oo laga gaaro xariiqda xadka biyaha ee labada dal. Dowlada Somalia waxay ku eedeysay Kenya in marar badan ay ka baaqsatay inay ka qeyb gasho wadahadallo labo geesood ah oo looga xaajoon lahaa xallinta muranka labada dal. Si kastaba ha ahatee, labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. MOGADISHU (Caasimada Online)–Two little sisters have died after undergoing female genital mutilation in Somalia’s Puntland, an activist said, a rare confirmed death in the country with the world’s highest rate of the practice. Hawa Aden Mohamed, a FMG who campaigner, said the girls, whose names identified as Aasiyo Abdi Warsame, 10, and her sister, Khadijo, 11, died a day after being taken to a traditional circumciser in a remote village of Arawda in Puntland State The girls’ deaths come as Somalia pursues its first FGM-related prosecution. The case was prompted by the death of 10-year-old girl two months ago. In Somalia, 98% of women and girls between the ages of 15 and 49 have been cut, the highest rate anywhere in the world, according to the UN Children’s Fund. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga sii baxaya ee QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa shaaca ka qaaday in sababta ay isku khilaafaan hogaamiyayaasha Soomaalida ay tahay is-aaminaad la’aan ka dhex jirta, taasi oo caqabad ku noqotay horumarkii dalka. Keating oo xafiiska ka tageyga kowda bisha October – Waxaa beddelay Nicholas Haysom oo u dhashay South Afrika – ayaa sheegay in horumar laga sameeyey in dhinacyada ay isku raacaan hanaanka amniga qaranka, balse dhibaatooyin siyaasadeed ay diidan yihiin in Soomaaliya ay hore u dhaqaaqdo. “Halka aan isleeyahay dhibaato ayaa ka jirta weli waa is-aaminaad la’aan siyaasadeed oo ka dhex jirta madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada, xilli doorashooyin ay soo siqayaan” ayuu Keating ku yiri wareysi uu siiyey VOA. Keating ayaa ugu baaqay labada dhinac inay isku tanaasulaan, waxaana uu ka digay in haddii aan sidas la sameyn ay taasi walaac ku abuuri doonto beesha caalamka iyo saaxiibada Soomaaliya. “Haddii waxyaabaha qaar ay ka sameyn karaan tanaasul, taasi waxay u faa’iideyn doontaa dhammaan dadka Soomaalida iyo maal-gelinta ay beesha caalamka dooneyso inay ku sameyso Soomaaliya” ayuu yiri Keating. Waxa uu sheegay in hadidii heshiis iyo isku tanaasul aysan sameyn karin madaxda Soomaaalida ay beesha caalamka walaacin doonto taas, ayna adkaan doonto inay waqti iyo dadaal geliyaan xalka Soomaaliya. Keating ayaa nasiib darro ku tilmaamay go’aankii ay qaateen madaxda maamul goboleedyada ee ay toddobaadkii tagey ku hakiyeen wada-shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda federaalka. “Waa arrin nasiibdarro ah, waxaana rajaynayaa in deg deg loo saxo qaladkaas, oo ay madaxda maaamullada ogolaadaan inay la kulmaan madaxweynaha, ayaga oo aqbalaya casuumaddiisa, oo ay dhinacyada fariistaan kana hadlaan danta Soomaaliya” ayuu yiri Michael Keating. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ka taagan xiisado siyaasadeed oo sababtay in xildhibaano ku shirey Dhuusamareeb ay xilkii ka qaadaan Guddooomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Hayeeshee Xildhiban Cabdi Xasan Cilmi oo ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Siyaasiyiin ka tegay Magalada Muqdisho ay qalalaaso siyaasadeed ka wadaan deegaanada Galmudug. Xildhibaanka ayaa sheegay in markii hore Siyaayiin soo gaaray deegaanada Galmudug ay u sheegeen inay yihiin xal raadis, balse markii dambe ay bilaabeen inay sii ballaariyaan khilaafkii jiray. Waxa uu sheegay inay iyaga u arkayaan in siyaasiyiintaas qorshihii ay wadeen ee ay ka keeneen magalada Muqdisho laga fashiliyey, isla markaana ay dib ugu soo laabteen. Tan iyo markii Hoggaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada ay sheegeen inay xiriirkii u jareen Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku bilaawday cadaadis siyaasadeed Maamulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle. Hoos Ka Dhageyso Xildhiban Cabdi Xasan Cilmi https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Cod-Galmudug-.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@llive.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa markii ugu horeysay Wasiirada maamulkiisa uga digay galista Heshiisyo uusan kawarqabin. Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa sheegay in Wasiirada gala Heshiisyada uusan la socon ay keeni karto dhibaato, sidaa aawgeedna ay ka qaadi doonaan talaabo sharci ah. Waxa uu tilmaamay inay jiraan Wasiiro dhowr ah oo saxiixa heshiisyo caalami ah, iyadoo aan lala socodsiin xafiiskiisa, garyaqaanka guud iyo golaha wasiirada Soomaaliya. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa shirkii golaha wasiirada ee shalay kusoo bandhigay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore. Dood dheer kadib golohu waxa ay isku raaceen in qorshaha lagu saxiixayo heshiisyada caalamiga ah ay muhiim tahay in uu jiro iska warqab. Wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/laahi Xaamud ayaa sheegay ujeedada inay tahay si looga fogaado dhibaatooyin kale oo laga dhaxlo heshiisyo dawladdu gasho. Arrintan ayaa timid kadib markii Wasiirada Xukuumada qaarkood ay galeen heshiisyo caalami ah oo aysan ogeyn madaxda dowladda federaalka, taasi oo marka dambe keeneysa dhibaato laga dhexlo heshiisyada la galay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi ay ku kala qeybsamen talaabada uu maamulka ku hakiyay wada shaqeyntii dowladda dhexe. Xildhibaanada ayaa lasoo sheegayaa in go’aankaasi kadib ay kulamo gaar gaara ku yeeshen magaalada Baydhabo waxa ayna siyaabooyin kala duwan ugu hadleen qodobadii ka soo baxay shiirkii Kismaayo. Xildhibaanada ayaa kulamadooda ku muujiyay in maamulka uu ku khaldan yahay go’aanka uu xiriirka ugu hakiyay dowlada Dhexe. Xildhibaanada qaar ayaa difaacay wax qabadka dowladda dhexe halka kuwa kalena ay sheegeen in dowladda dhexe aysan waxbo u qaban shacabka iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Xildhibaan Ibraahim Cali Aadan oo kamid ah mudanayaasha maamulka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ka baxay balan qaad uu sameeyey. Xildhibaanku waxa uu tilmaamay in maamulka uusan lasii shaqeyn Karin dowlad aanu dhaqan galineynin balanqaadyada. Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay in dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay ku taageerayaan go’aanka ay ku hakiyeen wada shaqeynta dowladda dhexe kala dhaxeysay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in shir ay yeesheen garsoorka dalka iyo Hay’adaha Cadaaladda ku lugta leh, sida maxkamadaha dalka, Xeer-ilaalinta guud, Booliiska, Wasaaradda Amniga Qaranka iyo Ra’iisul Wasaaraha loo hadlay arrimo ku saabsan amniga iyo cadaaladda dalka. Baashe Yuusuf, ayaa sheegay in kulamadaas la isugu raacay sidii looga hor-tegi lahaa caqabadaha hor-taagan in shacabka Soomaaliyeed ay helaan Garsoor iyo sidii ay ku fuli lahaayeen go’aanada kasoo baxa maxkamadaha dalka. Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ayaa sheegay in la billaabi doono qorsho lagula dagaallami doono dadka isticmaalaya dukumiintiyada Dowladda FS ee la been-abuuray. “Waxaan socda qorshe aan doonayno inaan uga hortagno dukumiintiyada kala duwan ee la been abuuro,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, kuwaasoo uu sheegay in lagu lunsado hanti kala duwan. Ugu dambeyn, Hadalka guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka, ayaa ku soo beegmaya xiili ay jirto cabasho qaar ka mid ah shacbaka Soomaaliyeed ay ka keenaan Garsoorka dalka, laakiin Guddoomiyaha Maxkamada Sare uu sheegay in wax badan laga qaban doono. Haddaba, DHAGEYSO: Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/09/DHAGEYSO_Guddoomiye_Baashe_Yuusuf.mp3 PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo sheegay inay si adag ula dagaallamayaan… appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) oo ka qeyb-galay munaasabad ay bulshada Gobolka Banaadir ku taageerayeen dadaallada Nabadoonnimo ee bariga Afrika ka sameeyey Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi (Farmaajo), ayaa ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto horumarka iyo dib-u-dhiska dalka. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadaallada Madaxweynaha ee lagu adkeynayo nabadda iyo walaaltinimada bulshada ku wada nool bariga Afrika ay markhaati u tahay in Soomaaliya ay markale qaadatay doorkeedii dib-u-heshiisiineed, isla markaana ay tani marag u tahay fulinta balanqaadkii Dawladda. “Waa inaan u midownaa Horumarka dalkeenna, si looga gudbo caqabadaha nagu gudban, waxaan boggaadinaynaa dadaalka nabaddoonnimo ee Madaxweynaheennu ku bixiyey xalinta khilaafaadkii bulshada ku nool Geeska Afrika, taas oo muhiim u ahayd nabadda ummadda ku nool Qaaradda” Mudane Yarisow ayaa tilmaamay iyadoo lag afaa’iideysanayo khaladaadkii hore u dhacay, dadka loo abuuro mustaqbal wanaagsan oo horumar iyo midnimo ku dhisan, gaar ahaan waqtigan oo ay Soomaaliya ka jirto rajo wanaagsan iyo isku duubni bulsho. Ugu dambeyn, Waxaa xafladda hadallo ka jeediyey Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Diiriye iyo qaar kamid ah bulshada Caasimadda oo muujiyey taageerada iyo is-garab-taagga dadaalladii Madaxweynaha ee nabadda looga gaaray khilaafkii u dhexeeyey qaar kamid ah dalalka walaalaha ah ee Bariga Afrika. PUNTLAND POST The post YARIISOW: Waa inaan u midownaa Horumarka dalkeenna, si looga gudbo caqabadaha jira appeared first on Puntland Post.
  18. MOGADISHU (Caasimada Online) – Briefing the Security Council for the last time in his capacity as UN Special Representative for Somalia, Michael Keating called on all Somalis to draw strength from the positive transformations going on inside the country and work collectively for the common good. “The future of Somalia is in the hands of the Somalis,” he declared. In particular, Mr. Keating – who also heads the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) – urged unity among political leaders. “The more [they] show unity, the greater the opportunity, and the responsibility, of international partners to invest in all parts of the country and its leadership,” he said. In his remarks, Mr. Keating highlighted four key concerns the country’s leaders need to address, and issues that the international community should keep focusing on. These include the threat posed by the Al Shabaab and other extremist groups; the risk of political differences overshadowing progress in legislative, reform and security areas; fragmentation within the international community; and the danger of a humanitarian “catastrophe”, especially with most of the population already living in precarious circumstances due to climate change and other vulnerabilities. “Future crises will result from the combination of climate related shocks; armed conflict provoked by Al Shabaab and unresolved grievances; competition over natural resources; and systemic marginalization of certain groups,” warned Mr. Keating. He underscored the need to reduce the vulnerability faced by ordinary Somalis, through job creation and smart investments that safeguard natural resources and help unlock the enormous economic potential of the country. Besides political will, Mr. Keating underscored, success will depend on leaders from the political, business and traditional spheres “working together for the common good, leveraging the country’s potential wealth to transform prospects for people – especially the young.” On 1 October, Nicholas Haysom will replace Mr. Keating as the Special Representative of the Secretary-General for Somalia and the head of UNSOM. Mr. Keating was appointed the top UN official in the Horn of Africa nation in November 2015. Women have brought ‘important voices’ to Somali politics Alongside Mr. Keating, Phumzile Mlambo-Ngcuka, the Executive Director of the UN gender equality and empowerment agency for women and girls (UN Women) highlighted the “once-in-a-generation opportunity” that Somalia currently has to establish lasting peace, and gender equality. She commended the nation for improving representation of women in public office, illustrated by the “jump” in women’s representation in parliamentary elections from 14 to nearly 25 per cent of seats in the most recent elections. This progress, she underscored, has brought many “important voices” to Somali politics. She said it had brought to the centre “the fight to end child marriage, end female genital mutilation (FGM), and change laws that discriminate against women,” noting that the participation of women will be further boosted if more leaders, especially clan leaders, embrace gender equality and support women. She also called on the international community and the Security Council to support Somalia’s federal and provincial authorities, advance gender equality, act strongly against sexual and gender-based violence, advocate for meaningful participation and recognition of women in all sectors, and support women’s groups in the country. “Women’s organizations in Somalia are organized. They are dedicated to their country: they are activists, advocates, entrepreneurs, professionals, and patriots,” said Ms. Mlambo-Ngcuka, noting that as the country prepares to confront the challenges in the days ahead, “women will make the difference.” PRESS RELEASE
  19. Democratic socialist Julia Salazar overcame intense scrutiny of her personal life Thursday to win the Democratic primary for a state Senate seat in Brooklyn while voters throughout the state punished a group of incumbent Democratic legislators they perceived as too friendly to Republicans. Source: Hiiraan Online
  20. Hoggaanka Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ay la kulmeen weerar intii ay kugada jireen howlgal ka dhan ah Alshaab kaasi oo dhacay bartamaha Soomaaliya. Africom waxaa ay sheegtay Khamiistii in hal askari oo Soomaali ah lagu dilay weerarka labo kalena lagu dhaawacay, kaasi oo Arbacadii ka dhacay Tuulada Mubaarak oo 37 KM dhanka galbeed Muqdisho kaga beegan. Ciidamada Mareykanka ayaa qaaday weerar cirka ah kaasi oo keenay in labo askari oo ka tirsan Alshaab la dilo halka mid kalena ay waxyeello soo gaartay Africom waxaa ay sheegtay in uusan soo gaarin ciidamada Mareykanka khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Caalim Mareykan ah ayaa si lama filaan ah uga bidhaan saday su’aal ay hooyadii weydiisay daahrog cusub oo dunida kacdoon ka sameyn doona, waxa uu hadda hal-tallaabo un u jiraa inuu sameeyo ishii ugu horreysay dunida ee electronic ah “bionic eye”. Sida ay qortay jariidada “The Telegraph“, Michael McAlpine oo ah caalim ka tirsan jaamacadda Minnesota, ayaa hoggaaminayay koox cilmi-baarayaal ah oo tijaabo layaab badan sameeyay, kadib markii ay horumariyeen il electronic ah oo qaar ka mid ah indho la’aan daawo u noqon kara. Michael iyo kooxda waxey soo saareen qaabkii Koowaad ee Isha oo iftiinka 3D lagu arki karo, waxa uu yiri: “Inta badan indhaha electronic ah waxaa loo arkaa iney yihiin khiyaali, laakiin maanta aad baan ugu dhow nahay anagoo adeegsadanaeyna multi-material daabacaadda 3D ah si aan uga dhigno waaqac dhab ah.” Professor McAlpine cilmi-baaristiisan waxa uu ka bidhaan saday hooyadii oo 68 jir ah oo mid kamid ah indheheeda ku weyday qalliin fashilmay oo lagu sameeyay 7 sano ka hor. McAlpine oo lagu yaqaanno inuu teknoolojiyada u isticmaalo caafimaadka horeyna u horumariyay dhag electronic ah sanadkii 2013, ayaa mashruuciisa dhiirrigelin fiican u helay si uu u soo saaro ishii ugu horreysay ee elctronic ah, kadib markii ay hooyadii su’aal kaliya weydiisay “Goormaad ii daabici doontaa il electronic ah.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Northeastern residents live in constant fear because of insecurity, eight human rights groups have said. Source: Hiiraan Online
  23. A celebrated retired admiral who berated President Donald Trump as "embarrassing" to the country has stepped down from his position on an influential Defense Department advisory body, the Pentagon said Thursday. Source: Hiiraan Online
  24. It has been a fateful week in Somali politics, one that could shape the Presidency of Mohamed Abdullahi Farmaajo. Last weekend, the leaders of Somalia’s Federal Member States (FMS) suspended ties with the Federal Government of Somalia (FGS) in what is seen by many as a significant blow to the already weak relationships between the two. Source: Hiiraan Online
  25. Kenya, Ethiopia, and Somalia Health ministers are expected to launch a point polio vaccination campaign for the Horn of Africa in Garissa town on Friday. Source: Hiiraan Online