-
Content Count
206,498 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cadaado (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan Masagaway, ayaa mar kale sheegay in dowlada Somalia ay dhibaatooyin ku heyso maamulka. Masagaway, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay faragalin adag ku heyso maamulka, waxa uuna tilmaamay in Mooshinada iyo xil ka qaadista ay iyada ka danbeyso. Masagaway, oo warbaahinta kula hadlaayay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in faragalinta dowlada ay gaartay heer wafdi aan lagala tashan ay usoo dirto Galmudug. Waxa uu Wasiirku tilmaamay in dowlada Somalia ay dhaqaale xoogan ku bixineyso burburinta maamulka Galmudug, islamarkaana Galmudug ay qaadi doonto tilaabo waafaqsan Sharciga, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, Wasiir Masagaway ayaa shacabka magaalada Cadaado ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada, maadaama uu yiri ay faragalin kala kulmayaan dowlada. Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xili khilaaf Siyaasadeed uu maamulka kala dhexeeyo dowlada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmo qura ayaa ka harsan xiligii lagu balamay in magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu ka furmayo shirka degdega ee Madaxweynaha Somalia uu isugu yeeray madaxda maamulada dalka. Shirka oo ahmiyad gaara u leh dowlada dhexe iyo maamulada ayaa u muuqda inuu dib u dhac ku imaan doono maadaama Jawaabaha kasoo baxaaya madaxda maamulada ay muujinayaan qabsoomid la’aanta shirka la filaayo. Seddex kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada oo u diyaar garoobaya doorasho ayey dani ugu jirtaa in ay muujiyan go’aan ad adeeg leh, maadaama ay cabsi ka qabaan in lagu faragaliyo doorashada ay doonayaan in mar kale ay ku hantan xilka. Shakiga dib u dhac ku imaada doorashada ayaa ah in khilaafka u dhexeeya dowlada dhexe iyo maamul gobaleedyada uu yahay mid marba marka xigta cirka isku sii shareeraya. Qorshaha shirka ayaa ah inuu qabsoomo 17-ilaa 18 bishan, iyadoo dhinacyada ka faalooda arrimaha Siyaasada ay qabaan in uusan jirin isku soo dhawaasho u dhaxeeysa dowlada iyo maamul goboleedyada. Khilaafka oo labadii bil ee ugu danbeysay taagnaa ayaa cirka isku shareeray wixii ka danbeeyay qodobada laga soo saaray shirkii maamul goboleedyada ee ku soo idlaaday Magaalada kismaayo. Madaxda dowladda weli kama hadlin khilaafka, marka laga soo tago in warqad uu Madaxweynaha Soomaaliya uu u diray Hogaamiyaasha maamul goboledyada,si ay ugu qeyb galaan shirka Golaha Amniga qaranka. Sidoo kale, walaac ayaa laga qabaa in shirka uu dib uga dhaco xiliga lagu balamo, waxaana xusid mudan in Madaxda maamul Goboleedyada la casuumay ay soo saaren digniino ku aadan in mas’uul ka tirsan uusan ka qeybgali Karin shirka. Si kastaba ha ahaatee, Hogaamiyayaasha maamulada ayaa laga yaaba inay kasoo dabcaan go’aankooda ku aadan diidmada ka qeybgalka shirka uu ku casuumay Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Surpassing countries with a longstanding civil strife such as Syria, Yemen and, the Democratic Republic of the Congo; Ethiopia’s latest figures on internally displaced people for the first half of 2018 has reached new heights. Source: Hiiraan Online
-
Doctors from the African Union Mission in Somalia (AMISOM) are conducting the operations in partnership with the international cleft lip charity, Smile Train, and Washington-based Company, Bancroft Global Development. Source: Hiiraan Online
-
Dowlada Sucuudiga ayaa wada Qorshe lagu nabadeeynayo Wadamada Dariska Ah ee Itoobiya iyo Ereteria oo Muddo Colaad baahsan ay ka dhaxeeysay. Boqorka Sucuudiga ayaa madal lagu dhameeystirayo heshiis dhowaan ay gaaraan ka fidiyay dalkiisa Sucuudiga. Waxaa durba halkaasi Goordhow oo caawa ah ah tagay Ra’isilwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Cumar Afarwaaqi Madaxweynaha Dalka Erateria. Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in ay madaxdaasi kala saxiixdaan in ku dhow 30-Sano oo colaad ay dhaxtaalay Itoobiya iyo Eretirea. Madashaasi lagu dhameeystirayo heshiiska Itoobiya iyo Eretirea ayaa waxaa lagu casuumay Qaar kamid ah wadamada Afrika. Warar ay heshay Puntland Post ayaa waxa ay sheegayaan in Soomaaliya aan shirkaasi lagu casuumin. Dowlada Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay in ay wado Dadaal dib u heshiisiin ah oo ay ka dhexsameeyneeyso Qaar kamid ah waddamada Geeska Afrika oo muddo colaad dhaxtaalay. Dhowaan Madaxweynaha Itoobiya ayaa markii ugu horeeysay ka qeeybgalay shirkii madaxda urur Goboleedka IGAD ee ka dhacay Adis Ababa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Soomaaliya oo laga reebay ka qeeybgalka Shirka Nabadeeynta Itoobiyo&Ereteria appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qarax gaarigiisa loogu xiray Goordhow oo caawa ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay Agagaarka tiyaatarka qaranka oo ku dhow madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho. Warar ay heshay Puntland Post ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga la qarxiyay oo loo yaqaano Hi-lux uu leeyahay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Maxamed Mursal Maxamuud Booroow oo gaariga la qarxiyay watay ayaa ku dhaawacmay waxaana sidoo kale halkaasi ku dhintay wadihii gaariga xildhibaanka. Ha’aydaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa bilaabay baaritaano ku aadan qaabka qaraxa gaariga xildhibaanka loogu soo xeray. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan Qarax Gaarigiisa loogu xiray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Galabta ay sheegeen in Xildhibaano ku shiray Cadaado in ay xilka ka qaadeen ayaa ka hadlay sida uu u arko arintaasi. Xaaf ayaa qaadacay islamarkaasina ka soo horjeeystay in xilka ay ka qaadeen Xildhibaanada Gal-Mudug. Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in arintaasi ay tahay mid waxba kama jiraan ah islamarkaasina uu isaga yahay madaxweynaha Sharciga ah ee Gal-Mudug. Xaaf ayaa sheegay in Cali Gacal Caseyr dhowaan xilka ay ka qaadeen Xildhibaanada Gal-Mudug islamarkaasina aanu sharci aheyn xil heeyntiisa. Xaaf ayaa sheegay in 9 Xildhibaan oo kale ah ay ku suganyihiin Magaalada Cadaado ee Xarunta Baarlamaanka Gal-Mudug. “Xildhibaano meesha ma joogaan waa 9 xildhibaan iyo mid uu isagu yiri nin tagay buu badalayaa oo uu maanta dhaariyay marka waxaasi waa wax iska fowda ah,” ayuu yiri Xaaf. Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyo madaxda sare ee Gal-Mudug oo iyaga midba midka kale uu sheegay in xilka laga qaaday. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xaaf Maxuu ka yiri xil ka qaadis la sheegay in lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Weerarkan cirka ah ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo fashilin lahaa qorshe ay kooxda maleeshiyada Al-Shabaab weerar kula maaganayd ciidamada itoobiya ee ka tirsan hawlgalada Midowga Africa ee AMISOM. Ku dhawaad 70 ka tirsan maleeshiyada Al -Shabaab ayaa weerarka lagu dilay waxaana la bur buriyey laba gaari oo hub laga soo buuxiyey. General Yilma Merdassa, oo ah taliyaha ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa sheegay in weerarka la qaaday kaddib markii qiimeyn iyo qorsheyn badan la sameeyey. Waxa uu yiri: “Waxaan ku guuleysannay 100% yoolkeennii.” Itoobiya waxa ay ka mid tahay wadamada ciidamada ugu deeqay hawlgalka midowga Africa ee AMISOM. Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al-Shabaab ayaa dhawr jeer ku dagaalamay Soomaaliya waxaana soo dhex maray dagaalo taariikhi ah oo laga xusi karo Midkii Deynoonay iyo midkii gudaha Muqdisho ka dhacay. Wadamada kale ee ciidamada ugu deeqay AMISOM waxaa ka mid ah Djibouti, Burundi, Kenya iyo Uganda. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
-
Goobjoog News Waxaa ay dood ka sameysay khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Khilaafka ka dhex taagan Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya ee shanta ah ayaa horraantii bishani sababay in shirkii Kismaayo ay ku shaaciyaan in ay hakiyeen wada shaqeyntii ay lahaayeen dowladda federaalka. Haddaba, saameynta arrintani ay ku yeelan karto geeddi u socodka dowladnimo ee dalka iyo masuuliyadda cidda qaadanaysa ayaa doodda ku lafaguri doonnaa. Dooddani waxaa naga la qeyb galaya Garyaqaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame oo ka soo shaqeeyay xeer ilaalintii iyo wasaaraddii beeraha ee dowladdii dhexe haddana ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka iyo Danjire Maxamed Maxamuud Nuur(Caalim) oo ka faallooda siyaasadda geeska Afrika waxna ka qora. HOOS KA DHAGEYSO DOODDA: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/dood-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax gaari ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka xili halkaa ay aheyd mid aad u mashquul badan. Qaraxa oo ayaa lasoo sheegayaa inuu ahaa mid lagu xiray gaari lagu sheegay inuu yahay Hilux oo maraayay Koontaroolka Ciidanka madaxtooyada ee Koofi casta loo yaqaan ee ku yaalla dhismaha Tiyaatarta Qaranka. Inta la xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay Hal qof oo la sheegay inuu la socday gaariga, halka darawalka gaariga uu isna u dhintay dhaawac soo gaaray. Gaariga qarxay ayaa lasoo sheegayaa inuu lahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu Magacaabo Maxamed Mursal Maxamuud Booroow, islamarkaana uu dhaawac soo gaaray, halka uu dhintay darawalkii gaariga waday. Si kastaba ha ahaatee, Qaraxa Gaariga ayaa waxaa ka badbaaday ciidamadii la socday, waxaana kiiska Qaraxa iyo ilaalada Xildhibaanka la wareegay ciidamada amaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wararka ay Goobjoog News ka heleyso meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa qarax lagu la eegtay caawa xildhibaan ka tirsan gollaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Faahfaahinta aynu ka heleyno ayaa intaa ku daraysa in xildhibaanka oo lagu magacaabo Maxamed Mursal Maxamuud(Booroow) uu dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi oo loogu xiray gaarigiisa. Ilo wareedyo ammaanka ah ayaa xaqiijinaya in sidoo kale hal qof uu ku dhintay qaraxani. Wali hay’adaha amniga kama aynaan hadlin, waxaana qaraxani uu imaanayaa iyadoo dhowaan hadal uu ka jeediyay magaaladani Muqdisho madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu ku sheegay in amniga uu faraha ka baxay islamarkaana xildhibaannada uu faray in ay si fiican u taxadaraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tax agency's targeting of my mosque just doesn't make sense
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
On Aug. 22, Muslims around the globe observed Eid Al-Adha, one of two major festivals celebrated each year by people of the Islamic faith. As has been the tradition, Source: Hiiraan Online -
Cadaado (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xil ka qaadis la sheegay in Xildhibaanada maamulka ay maanta ku sameeyen. Xaaf oo goordhow la hadlay Idaacada Knn ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo xil ka qaadista lagu sameeyay. Xaaf waxa uu wax kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadista, isagoona sheegay in xildhibaano yar oo ku shiray Cadaado aysan xilka ka qaadi karin. “Adeer xildhibaano aan dhameystirneyn anigu xil igama qaadi karto, waxa shirayna waa Xildhibaano tiro kooban oo aan gaarin lambarkii xilka aan ku weyn lahaa” Hogaamiye Xaaf ayaa waxaa uu sheegay in Dowlada dhexe ay fara galin ku hayso maamulka Galmudug, Sida uu hadalka u dhigay. Si kastaba ha ahaatee, khilaafka u dhexeeya Madaxda ugu sareysa ee Maamulka Galmudug ayaa xiligan waxaa uu marayaa meeshii ugu adkeyd. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
ADDIS ABABA, Ethiopia (Caasimada Online) — Ethiopian military says it carried out deadly airstrike targeting Al Qaeda linked Al Shabaab group in Somalia. Ethiopian air force official, Brig. Gen. Yilma Merdassa said the strike killed 70 Al Shabaab militants in neighboring Somalia. Merdassa says the airstrike was aimed to thwart an Al-Shabab attack on an Ethiopian troops with multinational African Union force. He said two vehicles laden with bomb explosives were also destroyed in the strike. Yilma Merdassa did not mention where or when the airstrike occurred. “We achieved 100 percent of our plans against Al Shabaab group”, he said. The Al Qaeda linked Al Shabab group has not commented on the latest strike in Somalia. There was no immediate comment from Somali authorities over the claims made by Ethiopian military. Last week, U.S. military claimed to have killed two Al Shabaab militants in drone strike in Mubarak town, some 37 miles west of Somali capital Mogadishu. Caasimada Online Addis Ababa News Desk Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Faarax Macallin Dawaar ayaa u digay hoggaamiyeyaasha maamulm goboleedyada, isaga oo sheegay in ay ku dambeyn doonaan sidii madaxweynihii hore ee dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Iley, oo hadda xabsi ku jira isaga oo maxkamad sugaya Faarax Macallin ayaa ku tilmaamay madaxda maamul obolleedyada AGOOMIHII TPLF (TPLF waa kooxdii Tigrayga ee muddada xukumeysay Ethiopia, ee dhowaan xukunka weysay”, waxaana uu hadalkiisa u dhacayey inay ayagana meel cidlo ah kusoo dhaceen. Faarax Macallin waxa uu sidoo kale sheegay uu dhammaaday waqtigii kooxda al-Shabaab, maadaama la xirxiray saraakiil Tiugray ahaa, oo sida uu sheegay gacan saar a lahaa. Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ayuu ku caddeeyey in loo xuubsiibay taliyeyaashii Itoobiyaanka ahaa ee gacan saarka la lahaa Al Shabaab oo uu hadda waqtigoodu tirsan yahay, maadaama aysan gacan badan heli doonin. “Dr Abiy waxa uu wada bedelay dhammaan taliyeyaashii TPLF ee gacan saarka la lahaa Al-Shabaab ee ka tirsanaa ciidamada Amisom. Maalmaha Al-Shabaab wey tirsan yihiin. Waxaa ku xiga agoontii TPLF, ama waxa loogu yeero madaxweyneyaasha maamul gobolleedyada. Madoobe, Gaas, Sakiin iwm. Billaabaa in aad calaladiina gurataan hadda kuna dambeysaan sidii Cabdi Ileey” ayuun yiri Faarax Macallin. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Qeybo ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida ayaa laga dareemayaa in gaabis uu ku yimid hawlihii Dowladda Deegaanka kaddib isbadalkii dhawaan halkaasi ka dhacay. Laga billaabo 26-kii bishii hore, waxaa meesha ka baxay inta badan maamulkii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ka dib markii ciidammada federaalka ay maamulka soo farageliyeen. Balse waxaa soo baxaya warar ah in shaqaalihii dowladda xitaa aysan helin mushaaraadkooga, iyadoo meelaha qaar bangiyadu xitaa aysan shaqeynayn. Dhanka kale waxaa soo baxaya shuruudo cusub oo lagu xirayo cidda qabanaysa xilalka degmooyinka iyo gobollada dowlad deegaanka Soomaalida. Shuruudaha cusub ee la soo rogay Xasan Maxamed Xuseen oo ah madax xafiiseedka madaxtooyada Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in xisbiga haya talada Deegaanka ay shuruudo ku soo rogeen cidda qabanaysa xilalka degmooyinka iyo gobollada dowlad deegaanka Soomaalida. Shuruudahani ayaa waxaa ka mid ah in qofka uu haysto shahaadada koowaad ee jaamacadda. 2:in uu qofka leeyahay waayo aragnimo iyo khibrad shaqo. 3:in uu yahay qof bulshada sumcad ku dhex leh. 4:in uu yahay qof aan lagu soo eedeeyn musuqmaasuq. Waxyaabaha kale ee la isku xirayo waxaa ka mid “in uusan ka soo qayb qaadaanin hagardaamooyiinkii bulshada lagu soo hayay,” sida uu BBC u sheegay madax xafiiseedka madaxtooyada Dowlad Deegaanka Soomaalida. Buuxinta xilalka maamulada gobolada iyo degmooyiinka Markii ay meesha ka baxday dowladdii Cabdi Maxamuud Cumar waxaa gabi ahaanba meesha ka baxay maamuladii dagmooyiinka iyo goboladda. Tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay maamulka cusub ma soo dhisin masuuliyintii hogaamin lahaa degmooyiinka iyo gobolada. Balse xukuumadda cusub ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay dib u dhiska maamulka gobolada deegaanka uu ka kooban yahay. ” Iyada oo ay dowladda jirto toddobaad oo kali ah ayaa la dhisay guddiyadan,waxa ay guddiyadan diyaargarowgii iyo isku habaynta howsha iyo xulashada shaqsiyaadkii boosaska buuxin lahaa ayay wadaan ,”ayuu yiri Mr Xasan. Waxa uu intaa ku daray in dadka deegaanka looga baahn yahay in ay dulqaad muujiyaan maadama sida uu sheegay aysan suuragal ahayn in dowlad lagu dhiso labo toddobaad. ” Waqti dheer ma ahan In labo toddobaad gudahood lagu dhiso dowlad heer deegaan ilaa heer tuulo , bulshado waa in ay sugto oo in loo soo socdo ay fahmaan ayaa lagama maarmaan ah howshaasi howl sahlan ma ah ,”. Ayuu intaa ku daray Goorma ayuu adeega dowladda uu gaarayaa guud ahaan deegaanka? Qaybo badan oo ka mid ah deegaanka Soomaalida ayaa waxaa hakad uu ku yimid adeegyadii ay bulshada u baahnaayeen. Madax xafiiseedka madaxtooyada dowlad deegaanka Soomaalida Xasan Maxamed Xuseen oo ay BBC wax ka waydiisay ayaa waxa uu sheegay in ay qorshaynayaan in muddo bil ah ay dowladda cusub adeegyada ku gaarsiiso guud ahaan gobolada,degmooyiinka iyo tuulooyiinka. ” Muddo bil gudahee ah wax waliba in ay sidoodii ku soo noqdaan oo ay dowladda ilaa heer qabalo wada shaqo gaso ayaan rajaynaynaa ,” ISHA BBC Somali
-
Maalmihii dambe waxaa kulamo ay ka socdeen magaalada Muqdisho kuwaasoo ay lahaayeen madaxda ugu sarreeysa Hirshabeelle sida madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, ku xigeenkiisa Cali Xuseen Guudlaawe iyo afhayeenka baarlamaanka Cismaan Barre Maxamed. Kulamadani ayaa waxaa qabanqaabiyay xildhibaanno isxilqaamay oo ka tirsan golaha sharci dejinta ee Hirshabeelle, sida uu Masraxa Goobjoog FM u xaqiijiyay Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin. Wuxuu tilmaamay in sidoo kale madaxda ay si wadajir ah ula kulmeen wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka Xasan Cali, islamarkaana laga wada hadlay khilaafyada ka dhex aloosan Hirshabeelle iyo Dowladda dhexe. Warar saacadihii hore ee maanta oo Sabti ahayd soo baxayay ayaa sheegayay in xukuumadda Soomaaliya ay lahayd isu imaatinka madaxda Hirshabeelle. Haddaba, arrintaas ma waxay ka dhigan tahay in Madaxweyne Waare oo kamid ah saxiixayaasha warmurtiyadeedkii shirkii Kismaayo uu dibadda ka joogo haddii ay dowladda isla meel dhigeen tabashada ay ka maamul ahaan qabaan? Su’aashaas iyo kuwa ayaa Goobjoog News weydiisay Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin. Hoos Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WAREYSI-XILDHIBAAN-HIRSHABEELLE-15-09-2018-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
A new report says Ethiopia’s air force has killed about 70 al-Shabab extremists in an airstrike in neighboring Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Xubnaha baarlamaanka Galmudug ee fadhiya Cadaado ayaa xilkii madaxweyne ee maamulka Galmudug ka xayuubiyy Axmed Ducaale Geele Xaaf. Dhacdan oo noqoneysa markii labaad ayey ku soo aadeysaa xilli si muran ku jiro isna xilkii looga tuuray gudoomiyaha barlamaanka Galmudug Cali Gacan Casir. Hase ahaatee, dhaq dhaqaaqan iyo xasaradahan siyaasadeed ee Galmudug maxaa ka dhalan kara? Hoos waxaan ku soo koobeynaa laba arrimood oo laga fili karo dhacdooyinkaas. 1 – Xaaf oo sidaas kugu daayey Axmed Ducaale Geele Xaaf tan iyo markii uu bedelay Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxa uu ka dhammaan waayey muran iyo is jiid jiid siyaasadeed oo kala dhexeysa ku xigeenkiisa iyo gudoonka baarlamaanka. Mar waxaa sidan oo kale looga qaaday xilka balse ismarin waa siyaasadeed ayuu xilkiisii ku sii adkeystay. Hase ahaatee, maanta reer Galmudug waxaa u caddaatay in Xaaf xal u ahayn Gamudug mana filayaan in uu ka soo kaban doono xilka qaadista hadda lagu sameeyey, maadaama arrinta Galmudug gaartay meel aad u liidata, loona baahan yahay xal waara. 2 – Xubnaha baarlamaanka ugu jira DF oo ka raja dhigay hoggaamintiisa Xubnaha barlamaanka dowladda Federalka ugu jira Galmudug ayaa xoogooda isugu geeyey in ay Xaaf bad baadiyan khilaaf siyaasadeedkii kan ka horreeyey balse sida maanta ka muuqatay qoraallo ay soo dhigeen Facebook, xataa iyaga quus ayey ka joogaan hoggaan xumada Xaaf. Xaaf ayaa intii uu xilka hayey kusoo ururay oo kaliya khilaaf, safari joogto ah iyo loolan uu la galo dowladda dhexe, isaga oo raacsan Gaas iyo Axmed Madoobe, oo haysta maamullo aysan cidna uga daba-hadli karin ama kiisa ka horumursan, waxaana Xaaf garan waayey danta dadkiis iyo deegaankiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar ayaa isna la xaqiijiyey in lagu casuumay oo uu ka qeyb-gali doono shir madaxeedka magaalada Jeddah ee heshiiska taariikhiga ah ay ku saxiixan doonaan dalalka Ethiopia iyo Eritrea kadib labaatan sano oo colaad ah. Boqorka Sacuudi Careebiya Boqor Salman Bin Abdulaziz oo goobjoog ka ah munaasadda islamarkaana Axadda soo socota lagu qaban doono magaalada Jeddah ayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali iyo Madaxweynaha Eretariya Isaisa Afwerki ku saxiixi doonaan heshiiska iyagoo matalaya labadooda dowladood. Ka sokow heshiiska Ethiopia iyo Eritrea, Jabuuti iyo Eritrea ayaa sidoo kale la filayaa in madaxda Sacuudiga ay ka dhex-shaqeeyaaan inay gaaraan heshiis buuxa, hase yeeshee taas wax faahfaahin ah lagama hayo weli. Ilo-wareedyo ka tirsan madaxtooyada Jabuuti ayaa Caasimada Online u sheegay in wafti horudhac ah oo ka socda Jabuuti ay xalay aadeen magaalada Jeddah, islamarkaana madaxweyne Geelle uu isna kusii jeedo halkaas saacadaha soo socda. Marka la eego dalalka Geeska Afrika, ee dadaallada nabadeed waday dhowaan, waxaa shirka ka maqan oo kaliya Soomaaliya, lamana shaacin sababta keentay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya laga reebo ka qeyb galka xafladda ballaaran ee saxiixa Heshiiska Ethiopia iyo Eritrea. Hayeeshee, waxaa loo maleynayaa inay sabab u tahay xiriirka xun uu u dhaxeeya Sacuudiga iyo Villa Somalia, ee ka dhashay markii dowladda ay diiday inay xulufada Sacuudiga ku taageerto khilaafka kala dhaxeeya Qatar. Xukuumadda Riyadh ayaa la fahamsan yahay in aynaan ku faraxsaneyn mowqifka dowladda Federaalka ee xiisadda wadamada Khaliijka, waxayna u aragtaa in Madaxtooyada Soomaaliya ay u weecatay dhanka dowladda Qadar, oo ay ku riixayaan shaqsiyaad saameyn weyn ku leh maamulka Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday 5 qof oo lagu eedeeyay ka mid ahaanshaha Alshabaab. Abuukar Cabdi Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ayaa lagu eedeeyay in ay kawada tirsanyihiin Alshabaab iyada oo Maxkamadda ay ku kala riday xukunno kala duwan. Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Sideed (8)-sano oo xabsi Ciidan ah Seddaxda eedeysane ee kala ah Abuukar Cabdi Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, halka labada eedeysane ee kale ah Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ay ku xukuntay min Shan (5)-sano oo xabsi Ciidan ah, Sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
47 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Galmudug ayaa maanta kulan ay Cadaado ku yeesheen ka sheegay in ay xilkii ka qaadeen madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle(Xaaf). Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay,Cali Gacal Casir oo isagana xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug ay maalin ka hor sheegeen in ay ka xayuubiyeen xilka guddoomiyaha Baarlamanka maamulkaas. Dhinaca kale in ka badan 97 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Galmudug ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Dhuusa-mareeb,waxay mooshin kaga gudbiyeen madaxweyne ku xigeenka,Maxamed Xaashi Cabdi(Carrabeey). Xildhibaannada ayaa mooshinka u gudbiyay,guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlaamanka Galmudug,Xareed Cali Xareed. Khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee Galmudug ayaa sii xoogaystay tan iyo markii madaxweyne Xaaf uu wax ka saxiixay qodobadii ka soo baxay shirkii madasha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka Kismaayo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xaaf oo xilka laga qaaday appeared first on Puntland Post.
-
KISMAYO (Caasimada Online)– Somalia’s Jubaland security forces have arrested man dressed as women in Kismayo town, some 500km south the capital of Mogadishu. The security operation was carried out in the coastal tonw, following a tip-off, according to Jubaland Intelligence Agency. The Agency says its security forces had detained a man, wearing female clothing, who named himself as Farhio in the town. “We arrested man dressed like a women after an operation in the coastal town of Kismayo”, the agency said. The suspected man was reportedly taken into police station for further investigation. Caasimada Online Kismayo News Desk Caasimada@live.com