-
Content Count
206,498 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa magaalada Hargeysa ku martiqaaday diblomaasiyiin iyo aqoonyahano ajaanib ah oo ka mid ah ajaaniibta taageersan ee u doodda qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. Warar xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi uu doonayo inuu magaalada Hargeysa shir kula yeesho diblomaasiyiintan iyo khabiiradan shisheeye. Ujeedada shirkan ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynuhu doonayo inuu dib u soo ururiyo saaxiibadii Somaliland ee shisheeye ee taageersan una doodi jiray qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland balse ay sanadihii u dambeeyay kala xidhiidh furmeen Somaliland. Waxaana diblomaasiyiintan iyo khubaradaas loo diray martiqaad, iyadoo la filayo in shirkaasi Hargeysa ku qabsoomo bisha Oktoobar ee soo socota. Diblomaasiyiintan iyo khubaradan, ayaa la sheegay inay aqbaleen martiqaadka Madaxweyne Biixi islamarkaana waxay xaqiijiyeen inay imanayaan Hargeysa. Khabiirada la martiqaaday waxa ka mid ah Dr. Greg Mills oo ah khabiir u dhashay dalka Koonfur Afrika in badana baahiyay qormooyin ku saabsan horumarka Somaliland ee kala duwan. Diblomaasiyiin wadamadooda u fadhiya wakhtigan dalal shisheeye ayaa iyaguna ka mid ah ragga la martiqaaday. Waxa suurtogal ah in diblomaasiyiintaas iyo khubaradan oo badankoodu Somaliland ku soo xidhmay markii ay talada hayeen Marxuum Cigaal iyo Madaxweyne Rayaale, ay tallo iyo aaraah ka dhiibtaan sida ay Somaliland ula jaanqaadi karto isbedelada ka socda gobalka Geeska Afrika. Waxaanu martiqaadkoodu imanayaa wakhtigan oo ay isbedelo waaweyn oo siyaasadeed iyo dhaqaale ka bilaabmeen gobalka Geeska Afrika. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Xiisada siyaasadda waxaa kor u qaaday 2009kii, kadib markuu Afhayeenka Golaha Wakiiladu uu noqday siyaasi kasoo jeeda Gobolka Mudug, waxana ,taasi ay keentay in Gobolka Sanaag uu loolan adag ugalo Madaxtooyada siduu ugu guuleysan lahaa waxase difaac adag u dhigay siyaasiin kasoo jeeda Nugaal, Karkaar iyo Mudug ugu Dambeyntiina Nugaal ayaa ku guulestay kana guulestay Sanaag, loolanku wuxuu dhex maray Faroole iyo Ilka jiir. Dib u milici Taariikheed 2009, Doorashadii Puntland ka qabsoontay wax isu soo sharraxay in ka badan sagaal musharax waxana ka xusi kara inta aan xasuusto, Allaha u naxariistee Sarreeye guuto Maxamuud Muuse Xirsi.oo markas xilku ka dhammaday, 1,Cabdiraxmaan Shiikh Maxamuud (Faroole), 2,Nuuradiin 3,Aadan,4,Cumar Cali Farjac,5,Aadan Maxamad Ciise Gaadaale,6,Cali cabdi Awaare, 7,Eng Nuur Xasan Faarax, 8,Siciid Maxamad Raage, 9,Cabdulaahi Jamac Ilkajiir. Musharaxiinta Toddobo kamida siyaasaddoodu waxay isku xirayd si hoose. Waqtigas xamaasada doorashadu waxay gaartay meel sare in kastoo dhanka Caasimadda Soomaaliya aysan samayn weyn ku yeelan madaama Dawladda dhexe ee Xamar fadhigeedu yahay ay ahayd mid tabar yar. (Hannaka xil doorasho ee Dawlad Gobolleedka Puntland Soomaaliya)- Siyaasadda Puntland ee hoggaanka sarre sida Madaxweynaha kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Barlamaanka waxay u qebaysan tahay hannan Qabaa’iil laakiin waa mid la qurxiyey kumana qora Dastuurka) Puntland hasayeeshe waa mid muujinaysa in Nin! kasta yaqan kursiga uu, u Tartamayo meesha uu yaal. (Taariikh kooban xamaasadii 2009). 2009 Loolanka doorashadii 2009,ayaa waxaa xamaasad iyo xiiso u yeelay ka dib markii ay kusoo biireen doonista jagooyinka ugu sarreeya Dawlad Gobolleedka Puntland Soomaaliya (DGPS) Beelo an horey ugu tartami jirin Jagooyinka Madaxweynaha, iyo Guddoomiyaha Barlamaanka’ waxay taasi keentey inay soo baxaan Beelo aan horay isku luri jirin qabashada Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Madaxweynaha waxana cirka isku shareeray xiisada doorashada. Taariikh kooban 2014) Puntland waxaa isu soo sharaxay musharaxiin aad u badan intooda badan waxay ahayeen Murshaxiin kasoo kala jeeda Mudug Nugal iyo Karkar, waxase kursiga Madaxtooyadu uu dhexe yimid kadib markii ay Sanaag iyo Sool laga wayey musharaxiin cadcad oo u tartamaya Kursiga Madaxweynaha, waxana loolanku Fagaarah isku keenay Ra’ iisul wasaarihii hore ee Dawladdii Federalka ee kumeel gaarka ahayd Mudane Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, iyo Madaxweynihii Xilka Puntland ka dhamaaday xiligas mudane Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad Faroole, oo kasoo kala jeeda Mudug iyo Nugaal sidookale Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa halkiisii hore ee uu kasoo guuray 2009 dib ugu noqday taaso ah Gobolka Sanag. doorashada innagu soo fooleh ee 2019 ayaa noqon doona mid ka xiiso badan tii (2009), loolanka koowaad wuxuu ka bilaban doona Beelaha soo xulaya xldhibaannada, oo siyaasiintu culeys ku saari donaan inay soo xulan siiyaasi kasta xildhibaan tageersan. Beelaha laftooda oo xildhbaannada ku kala loolami doona qaab Jifooyin hoosaad ah. Dawladda dhexe ee federalka oo galangal ku yeelan doonta lagana yaabo inay faragalin hoose ku samayso soona saarto siyaasi taageersan siyaasadda Nabad iyo Nolol. Dawladda Isutaga Imaraadka Carabta oo (Bari gantaal) u samayn doonta Madaxda hada talada Puntland haysa maadaama Dawladda Soomaaliya iyo Imaraadku xurguf siyaasaddeed ka dhexayso. Gebgebadiina siyaasiintu waxay adeegsanayan Ninba xeeladii qeyb waxay leeyihiin waxanu soo Afjari doona waxay ku sheegeen musuqmaasuq, qeyb kale waxay leeyihiin Dimuqraadiyad ayanu hirgalin doona qeybna waxay leeyihiin Gobolka maqan ayaanu so celin doona dhammaan Qodobbadan waxay noqonayan kuwo horay loo isticmaalay. Xaalku waa Nin iyo nasiibku looge loba joge W/Q: Cabdinuur Faarax Maxamuud abdinuur02@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in dhawaan ay doorasho ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia. Doorashada ayaa waxaa ku loolamaya mas’uuliyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii hore ee dalka iyo Ganacsato dhowr ah. Musharaxiinta aadka loo hadal hayo ayaa waxaa kamid ah wadaadka Mukhtaar Roobow oo horay u ahaan jiray Hogaamiye Ku-xigeenkii Al-Shabaab. Mukhtaar Roobow oo dib uga toobad keenay dhibta uu ku heyn jiray shacabka Soomaaliyeed inta uu ku jiray Al-Shabaab ayaa ololo xoogan ugu jira sida uu ku noqon lahaa Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed. Waxa uu xilka kula tartami doona mas’uuliyiin dhowr ah oo uu kamid yahay Hogaamiyaha iminka xilka haya Shariif Xasan Sheekh Aadan. Ololaha Mukhtaar Roobow ayaa aad looga dareemayaa magaalada Baydhabo ee xarunta maamulk Koonfur Galbeed, waxaana waddooyinka magaalada Baydhabo ku hardhan sawirada Roobow. Tabeelayaasha qaar ee magaalada Baydhabo waxaa lagu suray boorar kala ceyn ah oo lagu dalbanaayo cod siinta Roobow oo kamid ah musharaxiinta. Musharaxiinta qaar ayaan wali dhajin boorarka ololaha, halka Roobow uu maalmo ka hor ku hardhay qeybo kamid ah magaalada Baydhabo. Sidoo kale, doorashada ka dhici doonta Koonfur Galbeed ayaa aad uga duwan kuwii hore, waxaana lasoo sheegayaa in musharaxiinta qaar ay wadato dowlada Somalia. Dhinaca kale, Musharraxiinta tagay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti iyo Musharrixiin kale. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – In ka badan 2000 oo Neef oo lo’ah ayaa maanta laga dhoofiyey marsada wey nee magaalada Kismaayo, xoolahan oo in mudo ah lagu xannaanaynayay maxjarka xoolaha Jubba ayaa loo dhoofiyey dalka Cummaan. Tiro afar jeer oo laga dhoofiyey lo’da dekadda magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa inay tahay tiradii ugu badnayd. Cabdilaahi fanax waa Maareeyaha Maxjarka kismaayo waxa uu sheegayaa inay ku dadaaleen suuq u helida xoolaha dalka, isagoona sheegay in dalalka carbata intooda badan ay u dhoofin doonaan. Xoolaha Soomaaliya oo la sheego inaysan caafimaad ahaan u wanaagsanayn taasoo mararka qaar keenta in dalalalkii loo dhoofiyery ay dib isaga soo celiyaan, laakin maareeyuhu wuxuu sheegayaa inay hubiyeen isla markaana ay muddo daryeelayeen. Maxjarka xoolaha Juba oo sanadkii hore uu xadhiga ka jaray madaxwaynaha Jubbaland kadib markii la dayactiray maadaama uu kamid ahaa meelihii ay saameeyeen dagaaladii sokeeye ayaa La aaminsanayahay inuu meesha ka saari karo walaaca xoolalaydu ay ka qabaan Meel ay ugu helaan xoolahooda suuq wanaagsan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Waxaa wali muran ka taagan yahay magacaabida Guddiga khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka cusub ee Puntland. Labadii doorasho ee dambeeyay Puntland 2009, 2014 waxaa jiray muran u dhexeeyay Madaxweynaha xilku ka sii dhamaanayo iyo musharaxiinta u tartamaysa doorashada, kaas oo ahaa cidda awood u leh in ay magacowdo Guddiga khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka cusub, balse is jiid-jiid kadib waxaa digreetooyin ku magacaabay Madaxweynayaashii Cadde Muuse iyo Cabdiraxmaan Faroole. Masharaxiinta ayaa ku doodi jiray in ay qaar kamid ah guddigaas ay soo magacowdaan ama wax laga weydiiyo, halka Madaxweynaha xilku ka sii dhamaanayana uu ku adkaysan jiran in ay awoodihiisa kamid tahay magacaabida Guddiga khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka cusub ee Puntland. Muraankaasi waa mid wali taagan oo aan xal loo helin, kadib markii shalay 16, 09, 2018 markii ugu horeysay Musharax Faarax Cali Shire oo ka tirsan Musharaxiinta u taagan doorashada Puntland 2019 uu sheegay in guddigaas ay noqdaan mid musharaxiinta, Issimada iyo Madaxweynuhu isla ogyihiin. Faarax Cali Shire, Musharax Puntland 2019 “Guddiga khilaafaadku waa in uu noqdo mid musharaxiinta, Issimada iyo dowladdu isla qaataan, isla ogyihiin is kulana qanacsan yihiin cidda la keenayo, waa in la keenaa dad bushadu ku qanacsan tahay, waa in la keenaa dad bushadu bidayso cadaalad, yaan dhib aan jirin la abuurin” ayuu yiri Musharax Faarax Cali Shire. Musharaxiinta utartamaysa doorashada Puntland 2019, ayaa ah kuwa inta badan aan isku mowqif ahayn, waxaana jira danno is diidan oo uu mid walba leeyahay, waana tay doorashadani kaga duwan tahay kuwii hore oo musharaxiintu hal dhinac ahaayeen , marka laga reebo Madaxweynaha xilku ka dhamaaday oo isaguna musharax ahaan jiray. Dhanka kale warar hoose ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland ee hadda jira ay qorsheynayaan sidii ay iyagu usoo magacaabi lahaayeen qaar kamida guddigaas, si ay ugu fududaato in ay soo laabtaan. Guddiga khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka Puntland ayaa ka kooban 7 xubnood waxayna shaqadoodu tahay wixii hubin iyo khilaafaad ah oo ka jira xubnaha ay soo xusheen beeluhu, iyagoo hubinaya qofka saxa ah ee wata saxiixa isinka beesha ama kan deegaanka. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas ayaa ilaa iyo hadda shaacin in uu mar kale tartami doono iyo in kale, balse warar hoose ayaa sheegaya in uu san tartamayn doorashad 2019. Doorashada Puntland 2019 ayaa ah mid ka xamaasad badan kuwii hore, sidoo kale aan fursanayn faragalin ka madax banaan Puntland. PUNTLAND POST The post Muran wali ka taagan Guddiga khilaafaadka Baarlamaanka cusub ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Soomaali ayaa hore u tiri “Baahida Ragbaa Kula Daydayi daalna kaa badane, aan doonahayn in aad heshaa daa’in abidkaaye! “ – Waa murti ay adeegsadaan Soomaalida marka ay rabaan in ay banaanka keenaan LABA WAJIILEYNTA! Aniguna waxaan u adeegsadan doonaa qormadan kooban ee aan ku eegayo laba wajiileynta golaha Aqalka Sare ee dowladda Federal-ka Soomaaliya oo sida ay sheegeen wada dhaq dhaqaaq ay ku heshiisiinayaan dowladda dhexe iyo dowlad obolleedyada xubnaha ka ah. Tallaabadan xubnaha Aqalka Sare ku sheegeen in ay ku dhexdhexaadiyan Dowladda Federal-ka iyo maamul goboleedyada ayaa ku soo aadaysa xilli ay maamul gobolleedyadu xumeeyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda dhexe. Hadaba, waxa ay weydiin ka taagan tahay dhexdhexaadnimada Aqalka Sare! Saddexdan Qodob ee hoose ayaan ku soo koobi doonaa sida aysan daacad uga ahayn Aqalka Sare u gar qaadidda dowladda dhexe iyo kuwa sheegay in ay xiriirkii u jareen. 1 – Tallaabaddii Foosha xumeyd ee ay qaadeen maalintii la furayey kalfadhigii afraad ee baarlamaanka Aqalka Sare waxa uu ku dhaqaaqay tallaabo aad niyad jab u ahayd maalmo kaddib markii maamul obolleedyada ay hakiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen dowladda dhexe. Hore waxaa caado u ahayd in marka la furayo Golaha Shacabka ay Iyana soo xaadiraan kuwa Aqalka sare waxaana halkaas khudbad uga jeediya madaxweynaha Soomaaliya oo si rasmi ah u fura kalfadhiyada baarlamaanka. Hase ahaatee, markan wey ka duwanayd, oo Aqalkii Sare kama soo qeybgalin kalfadhigii sida wadajirka ah loogu furi lahaa baarlamaanka. Taas waxa ay muujiyey in ay taageereen go’aankii maamul gobolleedyada ee ay ku hayeen wadashaqeyntii kala dhexeysay dowladda dhexe. Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay uga baaqsadeen ka soo qeybgalka kalfadhigii baarlamaaka sababo amni awgeed, taas oo ceeb ku ahayd dowladda – ogow, waxaa ka soo qeybgalay kalfadhiga madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha! Iyaga maxaa ku gaar ahaa? 2 – Go’aanka u garqaadidda dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada ciddna kalama tashan Arritan waa mid kale oo muujineysa in uu Aqalka Sare ku doonayo uga sii daridda xaaladda maadama aysan dowladda kala tashan go’aankaas. Ma jirto meel ay kula kulmeen madaxweynaha ama Raisul Wasaaraha oo ku saabsan dhexdhexaadinta. 3 – Kooxaha mucaaradka ah oo gadaal ka riixaya Walow uu shaqsi wadani ah yahay wadaxaajoodkana daacad ka noqon karo, waa gudoomiyaha Aqalka Sare ee, Cabdi Xaashi Cadullaahi, hadana rag badan sida Abshir Bukhaari oo ah ku xigeenkiisa ayaa ku hoos jira arrintan waana sababta keeni karta in xaaladda ay uga sii daraan Aqalka Sare. Abshir Bukhaari waxa uu ka tirsan yahay kooxda Daljir, waana mid ka mid ah mucaaradka ugu weyn ee dowladda. Waxaa la rumeysan yahay in xitaa uu ka awood badan yahya guddoomye aqalka sare, taasi oo tallaabo kasta oo uu qaado ka dhigeysa mid aan daacad ahayn. W/Q: Cabdullaahi Muxamad Calasow Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Nairobi (Caasimada Online) – Kulan muhiim ah oo looga hadlayey xaaladda siyaasadeedv ee maamulka HirShabaelle, islamarkaana ay ka qeyb-galeen qaar ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda madashaas ayaa galabta lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Kulanka ayaa waxaa soo agaasimay (Madasha Kulmiye) waxaana ka qeyb galay waxgaradka iyo ganacsatada kasoo jeeda HirShabelle, ayada oo laga soo saaray baaq iyo diginin la xiriirta caqabado horseeda burburka maamulka HirShabelle. Xubnaha ka qeyb-galay kulanka ayaa waxay uga digeen maamulka HirShabelle inaysan ku milmin duufanta siyaasdeed ee dalka ka socota, oo aysan lugaha la gelin xaalad u eg marxaladda adag ee ka taagan Galmudug. Guddoomiyaha Madasha Kulmiye Cabdullaahi Mahdi ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay bad-baadiyaan, kana hortagaan dhibaato kasta oo carqalad u horseedi karta HirShabelle. Kulanka ayaa waxaa qadka telefonka uga qeb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Cali Gudlaawe, oo xubnaha kulanka ka dhageystay dareenka dadka HirShabelle.
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – The African Union Mission in Somalia (AMISOM) will enhance its use of modern technology during the transition period to ensure gains made in securing the country are not eroded. The Deputy Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (DSRCC) for Somalia, Simon Mulongo, said Somalia’s stabilization process had reached a critical stage that needed more investment in modern technology, mainly force multipliers and enablers, to ensure no security gaps occur during the draw down phase. Last year, the United Nations Security Council authorized conditions-based withdrawal of AMISOM troops and handover of security responsibility to Somali national security forces. The AU Mission has already withdrawn 1000 troops and more withdrawals are expected next year. “AMISOM is in a setting that’s very complex. It’s operating in an environment that’s very sophisticated. It requires improved and new ways of thinking and acting. It requires improved capacity to secure the forces when they’re moving and when in their bases,” said the DSRCC during a recent workshop on the use of technology as a force multiplier, held in Mogadishu. The two-day workshop discussed how technology can be applied to address logistical challenges faced in the battlefield and was attended by senior officials from UNSOS and AMISOM together with police and military focal point officers from the six Sectors. Mr. Mulongo noted that the technology employed as force enablers and multipliers should be sustainable if they are to make a difference in the war against Al-Shabaab, especially during the transition period. The director of United Nations Support Office in Somalia (UNSOS), Amadu Kamara, called for a coherent approach in the war against Al-Shabaab and pledged the UN agency’s continued support to AMISOM in its efforts to secure Somalia. “The value of technology has to be within the context of a well-planned, thought-out and coherent approach to how we want to wage this battle and I think this is just a small beginning and I pledge the support of UNSOS within budgetary constraints and the realities of the fiscal to make sure that we give full support to help our noble and valiant AMISOM colleagues wage a winning battle,” the UNSOS director added. His sentiments were echoed by the director of Information Communications and Technology Division (ICTD) at the UN headquarters, Anthony O’Mullane, who said he was in Mogadishu to understand the challenges AMISOM faces and the best technology to recommend. The workshop also discussed the gaps associated with force protection and force projection capabilities and how they can be prevented.
-
Wasiirka beeraha dowlad goboleedka Hirshabeelle Xasan Axmed Muudeey ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News kaga hadlay casbida laga qabo fatahaad uu iminka sameeyo wabiga Shabeelle ee mara gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Dadka beeraleeyda ah ee ku nool labadaasi gobol ayaa maalmihii dambe qabay cabsi la xiriirta inuu fatahaad sameeyo wabiga Shabeelle. Wasiirka beeraha Hirshabeelle Xasan Muudeey ayaa sheegay in cabsida sidii loo malaynayay aynaan ahayn islamarkaana dadaallo lagaga hortago ay socdaan haddiiba ay dhacdo inuu fatahaad sameeyo wabiga. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WASIIRKA-BEERAHA-HIRSHABEELLE-16-09-2018-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha degmada Afmadoow Maxamed Dhaqane Cabdi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in qoysas ka soo laabtay xeryaha qaxootiga wadanka Kenya sida Xagardheer, Dhadhaab iyo IFO ay gaareen dhowaan degmadaasi. Sidoo kale waxaa iyana jirta qoysas colaado awgood kaga barakay degmooyin ka tirsan Jubbada Dhexe oo gaaray isla degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose. Wuxuu sheegay guddoomiyaha in xaalado dhanka nolosha ah ay heystaan dadkaasi islamarkaana ay ka cabsi ka qabaan in xanuunno ka dillaacaan meelaha ay deegaansadeen. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/GUDDOOMIYAHA-AFMADOOW-16-09-2018-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Leaders from Ethiopia and Eritrea signed a “peace agreement” on Sunday during a summit in Saudi Arabia, yet another sign of warming ties between two nations that have face decades of war and unease. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa wada qorsho lagu doonayo in looga hortago Hubka sharci darada ah ee lagu kala iibsado magaalada Muqdisho. Dowlada ayaa sheegtay in Hubkaasi sharci darada ah uu kaalin weyn ka qaatan qalqalka amni ee ka jira magaalada Muqdisho. Wasaarada Amniga Qaranka ayaa tilmaantay inay muhiim tahay in laga hortago Hubka sharci darada ah ee lagu iibiyo qeybo kamid ah magaalada Muqdisho. Wasaaradu waxa ay sheegtay in goobaha Hubka lagu iibiyo ay kusii kordhayan magaalada Muqdisho sidaa aawgeed ay qaadi doonto talaabo looga hortagayo hubka sharci darada ah. Suuqyada lagu kala iibsado Hubka ayaa waxaa si wada jira Hub uga iibsada ciidamada dowlada iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee sida dhuumaaleysiga ku jooga magaalada Muqdisho. Dhalinyarada ka baxay ciidanimada dowlada ayaa sidoo kale Hubkooda u iibgeeya Suuqyada, waxaana xusid mudan in hubka ugu badan ee laga helo Suuqyada ay kala yihiin AK47, PKM, BAM, SABANO iyo Rasaas kuwaa oo badankooda si qarsoodi ah looga soo dajiyo Dekadda Muqdisho. Sidoo kale, Wasaarada Amniga ayaa rumeysan in suuqyo badan oo qarsoodi ah ay ku yaalan goobo aan cayineen hase yeeshee ay muhiim tahay in laga gaashaanto dhibaatooyinka ka dhalankara Hubka sharci darada ah ee lagu kala iibsado suuqyada Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee, Suuqa cirtoogte ayaa kamid ah Suuqyada wali sida sharci darada ah hubka looga kala iibsado waana qeyb kamid ah amni darada ka jirta magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Baarlamaanka Maamulka Glamudug ayaa u qyabsamay aba garab, iyadoo garab ka mid ah ay ku shirsan yihiin magaalada Cadaado, halka garabka kale uu ku shirsan yahay magaalada Dhuuso-mareeb oo ah xarunta maamulka Galmudug. Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug, Xareed Cali Xareed oo horkacaya garabka ku shirsan Dhuuso-mareeb ayaa magacaabay guddi ka kooban 11-xubnood oo la sheegay inay soo diyaarin doonaan doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug. Xildihbaannada Dhuuso-mareeb ku shirsan ayaa waxay maalin ka hor xilkii ka qaadeen guddoomiyihii baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir oo ku sugnaa xilligaas magaalada, kaddib markii ay ku eedeeyeen inuu dhibaato ku yahay maamulka Galmudug iyo hab-sami u socodka hawlaha kala duwan ee baarlamaanka maamulkaas. Sidoo kale, Guddoomiye Casir ayaa shalay gaaray magaalada Cadaado oo ahayd xaruntii maamulkaas uu ku shaqeyn jiray, iyagoo sheegay inay xilkii ka qaadeen madaxweynihii maamulkaas Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf]. Mudanayaasha ku shirsan Dhuuso-mareeb ayaa waxay sheegeen in berri oo Isniin ah ay qaban doonaan kulan ay uga doodayaan mooshin ay sheegeen in laga keenay madaxweyne ku xigeenka maamukaas, ayna codka u qaadi doonaan mooshinka. Dhanka kale, Xildhibaannada ku shirsan magaalada Cadaado ayaa lagu soo warramayaa inay iyaguna magacaabeen guddi doorasho oo ay sheegeen in ay kasoo shaqeyn doonaan doorashada madaxweynaha cusub ee Galmudug oo aysan sheegin xilliga la qaban doono. Waxaa kaloo Guddoomiye Casir oo la sheegay in xilka laga qaaday uu isla maanta u sheegay saxaafada inuu qabtay mooshin laga keenay guddoomiye ku xigeenka maamulkaas, Xareed Cali Xareed oo Dhuuso-mareeb ku sugan. Tallaabooyinkan ayaa waxay muujinayaan sida uu u sii kala fogaanayo maamulka Galmudug oo la sheegayo inay la kala safan yihiin madaxda ugu sarreysa dalka, waxaana socda dadaallo la doonayo in lagu dhex-galo oo lagu qaboojiyo muranka u dhexeeya, inkastoo xiisadda jirta ay haatan gaartay meel aad u sarreysa oo wax ka qabashadeeda la sheegay inay aad u adag tahay. Wararka kale ee hoose ee ay helayso shabakadda Puntland Post ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ka dalbaday Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre inuu dhexda u xirto xallinta khilaafka ka taagan maamulka Galmudug. Ugu damben, Ma ahan markii ugu horreysay oo baarlamaanka iyo madaxda Galmudug uu soo dhex-galay khilaaf dhanka awoodda ah, waxaase tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo khilaaf heerkan gaaray uu soo dhex-galay mas’uuliyiinta Dowlad-goboleedka Galmudug, lamana oga halka uu sal-dhigan doono khilaafkan. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo kala Jabay iyo Guddiyo lagu kala magacaabay… appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online madaxweynaha Maamulka Jubblanad Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay Xildhibaanada maamulkaas ayaa usoo bandhigay codsi iyo damac ay la yaabeen in badan oo ka tirsan xildhibaanada. Axmed Madoobe oo isugu yeeray Xildhibaanada siyaasadiisa taageersanaa ayaa ka codsaday in loo sameeyo muddoo kordhin. Markii uu Axmed Madoobe soo bandhigay codsigiisa, Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa arrintaas ka dooday waxaana kasoo baxay go’aan diidmo ah. Baarlamaanka ayaa Axmed Madoobe si cad ugu sheegay inaysan socon karin waqti kororsi isla markasna ay doorashada ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay. Doodada Xildhibaanada oo aheyd mid aad u kulul ayaa waxaa codsigiisa taageeray Xildhibaano gaarayo ilaa 10 Xildhibaan oo u badnaa kuwa aad ugu dhow Axmed Madoobe beel ahaan iyo siyaasad ahaan. Axmed Madoobe ayaa codsigiisa ku adkeystay wuxuuna dhawr jeer ka codsaday Xildhibaanada inay arrintaan u ansixiyaan isla markaasna kulan arrintaas loogu codeenayo la isugu imaado. Ugu dambeyntii kulanka ayaa kusoo dhamaaday fashil iyo in la diiday codsigii Axmed Madoobe. Axmed Madoobe ayaa ugu hanjabay Xildhibaanada qaar inuu tallaabo ka qaadi doono wuxuuna kulanka ku sigtay in gacanta la isku qaado. Axmed Madoobe ayaa horey Magaalada Kismaayo uga mamnuucay Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug oo saxaafadda usoo bandhigay xaaladda dhabta ah ee halkaas ka jirto iyo musuq maasuq uu Axmed Madoobe wado. Axmed Madoobe oo asalkiisii hore ahaa nin ka tirsanaa A-Shabaab ayaa si awood ah ku qabsaday Jubbaland waxayna ficiladiisa u egyihiin sida kuwa AL-Shabaab oo kale. Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan waa idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Cadaado (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan ay maanta magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug, oo xiisad xooggan ay ka dhex taagneyd maalmihii dhowaa. Kulanka oo wakhti qatay ayaa waxaa looga dooday Mooshinka laga keenay Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug. Xildhibaanada ayaa isla kulanka ku go’aamiyay in maalinta Berri ah codka kalsoonida loo qaado Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug. Xildhibaanada ayaa sidoo kale isla kulanka Mooshin uga gudbiyay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Baarlamaanka maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed. Xareed Cali Xareed, ayaa waxaa Mooshinka ka gudbiyay Xildhibaano gaaraya ilaa 55 kuwaa oo doonaya in mooshinka Madaxweyne ku xigeenka kadib la qaado kan Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Baarlamaanka Xareed. Xildhibaanada ayaa gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka waxa ay ku eedeeyeen jabinta dastuurka Galmudug, dhawris la’aanta xeer hoosaadka iyo burburinta sharafta golaha baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale, waxaa la dhisay Guddiga doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, Maadaama xilkii horay looga qaaday Gudoomiyihii Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir. Guddiggaan ayaa ka kooban 11 xubnood, waxaana ay ka shaqeyn doonaan doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug. Si kastaba ha ahaatee, xaalada Galmudug ayaa u muuqaneysa mid kasii dareysa waxaana gudaha asbuucan laga cabsi qabaa in Galmudug ay noqoto madax la’aan. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
Wafdi ka socda aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland, kaasoo halkaasi loogu diray xal u helidda khilaafyada ka dhex jira dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah oo Puntland ay kamid tahay. Waxaa wafdiga oo garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyay guddoomiyaha guddigaasi Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo ka kale tirsan labada gole ee Puntland. Guddoomiyaha gollaha wakiillada dowlad goboleedka Puntland mudane Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan wafdiga aqalka sare uga socda. Wuxuu sidoo kale u rajeeyay in ay howshooda ku guuleysan doonaan oo ah dhexdhexaadinta Puntland iyo xukuumadda Muqdisho. Guddoomiyaha guddigani Senator Cabdiraxmaan Faroole, oo aqalka sare uu u magaacay Puntland oo ahkamdi ah qorshe guddiyo gollaha Senate-ka uu ugu kale diray dowlad goboleedyada shanta ah ee dlaka. Senator Faroole wuxuu sheegay in guddigu uu u socdo qorshe gaar ah oo dastuuriya islamarkaana howshooda ay qabsan doonaan. Xubnaha guddiga Senaate-ka ee Puntland ka degay ayaa kale ah: Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) – Guddoomiyaha Maxamuud Axmed Maxamuud (mashruuc) Siciido Xasan Cusmaan Xuseen Sheekh Maxamuud Cismaan Axmed Macow Mustaf Maxamed Qodax Bootaan Barre Samatar Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere Farxaan Cali Xuseen Hodan Maxamuud Cusmaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf Shukri Adam Maxamed Sida qorshaha uu yahay waxay kulamo kula qaadan doonaan magaalada Garoowe intii ay ku sugan yihiin madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali(Gaas), wasiirradiisa, baarlamaanka iyo sidoo kale qeybaha kale duwan ee Bulshada gaar ahaan inta ay quseyso arrinta ay u socdaan. Guddigaan ayaa markii ay howshooda kulamada ah u soo dhammaato warbixin buuxda u gudbin doonaan Aqalka sare si go’aan looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee Villa Somalia iyo maamullada, oo hadda meel xun gaaray. Dhanka kale, guddiyo kale ayaa la filayaa inay ka degaan caasimadaha dowlad goboleedyada kale sida Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa horay u magacaabay guddiyo uu u kala dirayo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah xukuumadda federaalka si xal loogu helo khilaafyada siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda iyo maamullada. Halkaan Ka Dhageyso Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/GUD-BAARLAMAANKA-PUNTLAND-.mp3 Halkaan Ka Dhageyso Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/FAROOLE-.mp3 Hoos Ka Daawo Sawirrada: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jeddah (Caasimada Online) – Dalalka Eritrea iyo Ethiopia ayaa maanta heshiis taariikhi ah ku kala saxiixday magaalada Jeddah, halkaasi oo loogu qabtay munaasabad uu goobjoog ka ahaayeen boqor Salman Bin Cabdulcaziiz iyo wiilkiisa ahna dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salman. Waxa sidoo kale munaasabadda joogay xoghayaha guud ee QM Antonio Gutteres iyo wasiirka arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Abdullah bin Zayed Al-Nahyan, kuwaasi oo dhammaantood daawanayey ayada ay heshiiska qalinka ku duugeen ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isiais Afwerki. Wasiirka arrimaha gudaha Sacuudiga Abdulaziz bin Saud bin Nayef, wasiirka arrimaha dibedda Adel Al-Jubair iyo wakiilka boqortooyada Sacuudiga ee QM Abdullah Al-Maalami, ayaa sidoo kale ka qeyb-galay xafladda Heshiiskan ayaa si rasmi ah loogu soo geba gebeeyey colaaddii 20-ka sano u dhaxeysay Ethiopia iyo Eritrea, ayada oo Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay lahaayeen fikraddii ka dambeysay in labadan dal la isku soo dhoweeyo. Kadib saxiixa heshiiska, ayaa waxaa labada hogaamiye la guddoonsiiyey biladda boqortooyada Sacuudiga ee lagu magacaabo Order of King Abdulaziz.
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — Somali PM Hassan Ali Khaire has paid a visit on Sunday to wounded lawmaker, who was hospitalized at Erdogan hospital runs by Turkey in the capital of Mogadishu. Khaire accompanied by and some his ministers and other lawmakers met with MP Mohamed Mursal Borow, after he was injured in bom explosives fitted into his car that exploded near National Theater in the capital. Mr. Khaire has strongly condemned the attack claimed by Al Shabaab, which seriously injured Hon. Borow and killed his driver on Saturday night, while driving near Presidental Palace in Mogadishu. He expressed his condolences to the families and colleagues Borow’s driver. Somali PM wished the injured lawmaker Mohamed Mursal Borow a full and speedy recovery. The bomb attack was claimed by Al-Qaeda linked Al Shabaab group. Al-Shabab, which is fighting to overthrow Somalia’s government, routinely stages attacks. The group was pushed out of Mogadishu in 2011 by Somali troops backed by African Union soldiers. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Farole oo Garowe ku soo dhoweeyay xubnaha guddigiisa Madaxweynihii hore dowladda Puntland,ahna xubinka ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud(Faroole) oo shalay loo magacaabay,guddoomiyaha guddi uu aqalka sare u saaray,in ay xog-uruurin ka sameeyaan khilaafka madaxda Puntland iyo Federaalka,ayaa maanta Garoowe ku soo dhoweeyay xubnaha guddigaasi oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho. Mudane. Faroole ayaa madax u ah,guddi ka kooban 10 xubnood oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya,kana soo jeeda degaannada Puntland,kuwaasoo loo xilsaaray in ay baaritaan xog uruurin ah ka sameeyaan,tabashooyinka ay madaxda Puntland ka qabaan dowladda Federaalka Soomaaliya,si loo xalliyo khilaafka iyo is-faham la’aanta u dhexaysa labada dhinac. Sidoo kale waxaa guddiga weheliya laba xubnood oo lagu sheegay(hawl wadeenno). Guddoomiyaha guddiga aqalka sare u magaacaabay,xog-uruurinta khilaafka Puntland iyo Federaalka, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud(faroole) oo garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhoweeyay,senator-ada ka yimid magaalada Muqdisho,ayaa sheegay in wefdigan u yimaadeen in ay baaritaan ku sameeyan waxyaabaha uu salka ku hayo khilaafka Puntland iyo Federaalka. Faroole wuxuu sheegay in ay jiraan khilaafaad kale oo aan ahayn,muranka dhexeeya golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka iyo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka dhashay go’aannadii ka soo baxay shirka Kismaayo ee xiriirka loogu jaray Federaalka. “War la qabaa xiiso ma leh,xoogaa waad ogtihiin khilaaf in uu jiro,dowladaha xubinta ka ah dowladda Federaalka ah;golaha iskaashiga,shirkii Kismaayo 4-tii ilaa 8-dii,weesooyin baa qubtay,khilaafyo kalena waa jiraan oo maamulada qaar gudahooda ah oo maanta halkaan intaan joognay aan isla-sheeg-sheegaynnay. Mar haddii doorashooyinku soo dhowaadana hadde kuwa kale waa iska jiraan oo dab la iska shid-shido”ayuu yiri Faroole. Ugu dambeyntii, Guddiga xubnaha aqalka sare ee Puntland loo soo diray,ayaa sida Faroole sheegay inta ay Puntland joogan u kuur-geli doona arrimaha;siyaasadda,amniga,Federaalismka iyo arrimaha bulshada,si lamid ah guddiyada kale ee loo diray dowlad goboleedyada dalka. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Faroole oo sheegay in meelaha qaar dab laga shidayo appeared first on Puntland Post.
-
People working in the trucking industry say a shortage of drivers is looming larger than ever and freight and logistics companies say they can't fill positions as fast as baby boomers are leaving them. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macaliin Fiqi ayaa ammaanay qoraalka Jimcaha kasoo baxay golaha iskaashiga maamul goboleedyada ee ay ku dalbadeen in dhinac saddexaad uu dhex-dhexaadiyo ayaga iyo dowladda federaalka, oo uu khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyo. Qoraal uu soo dhigay Facebook, ayuu Fiqi ku sheegay in War-muriyeedka Golaha Iskaashiga ay ka muuqato mas’uuliyad, uuna baaqoodu muujinayo in ay diyaar u yihiin xal u helidda khilaafka kala dhexeeya madaxda dawladda dhexe ee Soomaaliya. Fiqi ayaa u muuqda inuu qaatay fikir ka duwan kan saaxiibkiisa Mahad Salaad, oo ka mid ah mucaaradka dowladda, kaasi oo sheegay in qoraalkaas uu ahaa mid loogu gafay dowladnimada Soomaaliya. Hoos ka aqri qoraalka Fiqi:- War-muriyeedka Golaha Iskaashiga waxaa ka muuqda mas’uuliyad, wuxuuna baaqoodu muujinayaa in ay diyaar u yihiin xal u helidda khilaafka kala dhexeeya madaxda dawladda dhexe, si arrintaasi wax loogo qabto waxey dalbadeen jawi iyo goob suurtagalin kara in la wada hadlo ayagoo horey cabasho uga muujiyey in qodobadii wadahadaladii hore lagu wada heshiiyey aysan waxba ka fulin. Haddii madaxdii dalku ay ka garaabi waayeen xaaladda cakiran ee dawlad goboleedyada kala dhexeysa, muddo 10 casho ahna ay ka soo wareegtey markt ay soo saareen warmuriyeedkoodii, waa Arrin dabiici ah in laba qolo haddii ay isqabato ay qolo saddexaad ku soo baxdo, kuwa ceebta arrintaas nooga dhigayana waxey u muuqaal eg yihiin kuwo qaska iyo xasrada in lagu sii jiro macaash ugu jiro Iyo nacamlayaashooda durbaanka ka daba tuma. Aqalka sare dadaalka ay wadaan ayaa noqon kara darafka saddexaad ama cid kasta oo kale oo labada dhinac ay ku kalsoonaan karaan oo u istaagta xallinta khilaafkaan. Madaxda dawladda Federaalka waxaa la gudboon in ay jawaab aan aheyn aflagaadeyn iyo caayid ay ka bixiyaan khilaafka cirka isku sii shareeraya ee kala dhexeeya dawlad goboleedyada, lana soo afmeero inta uu cusub yahay oo uusan gaarin meel uusan hadda joogin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The road leading to Hagadera in the Dadaab Refugee Complex is wide, straight and dusty. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa bogaadiyay hawl-galka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ku soo qabteen qaar ka mid ah dadkii dukumiintiyada been abuurka ah ka sameyn jiray magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka hirgeliyeen degmooyinka Gobolka, xafiisyada qaabilsan bixinta dukumiintiyada sharciga ah ee ay u baahan yihiin shacabku, lagana soo gudbay xilligii isla xisaabtan la’aanta. “Waxaan kula dardaarmayaa bulshada gobolka Banaadir inay hubiyaan dukumiintiyada sharciga ah ee ay heystaan, sababtoo ah maanta Hay’adaheenna Dawladeed waxa ay u diyaarsan yihiin hubinta iyo xaqiijinta dukumiintiyo shaqsiyadeed sida baasaboorrada, shatiyada ganacsiga, dhalashada iyo sugnaanta IWM ah.” Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Benaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Xeer Ilaalinta Qaranku ay si deg deg ah u hor-keento eedaysanyaasha la soo qabtay Maxkamadda Gobolka, arrinkaas oo horseedaya in guul laga gaaro olalaha ka dhanka ah musuq maasuqa iyo dukumiintiyada been abuurka ah. Ugu dabmeyn, Duqa Muqdisho ayaa faray Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar iyo Waaxaha Gobolka oo kaashanaya Ciidanka Booliska in ay soo xiraan xarumaha sameeya dukumiintiyada aan sharciga ahayn iyo goobaha ganacsi ee lagu hawl-geliyey shatiyada been abuurka ah. PUNTLAND POST The post Maamulka G/Banaadir oo billaabay ololaha ka hortaga dukumiintiyada been-abuurka ah appeared first on Puntland Post.
-
In ka badan 2000 oo Neef oo lo’ah ayaa maanta laga dhoofiyey marsada wey nee magaalada kismaayo, xoolahan oo in mudo ah lagu xannaanaynayay maxjarka xoolaha Jubba ayaa loo dhoofiyey dalka Cummaan. Tiro afar jeer oo laga dhoofiyey lo’da dekadda magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa inay tahay tiradii ugu badnayd. Cabdilaahi fanax waa Maareeyaha Maxjarka kismaayo waxa uu sheegayaa inay ku dadaaleen suuq u helida xoolaha dalka, isagoona sheegay in dalalka carbata intooda badan ay u dhoofin doonaan. Xoolaha Soomaaliya oo la sheego inaysan caafimaad ahaan u wanaagsanayn taasoo mararka qaar keenta in dalalalkii loo dhoofiyery ay dib isaga soo celiyaan, laakin maareeyuhu wuxuu sheegayaa inay hubiyeen isla markaana ay muddo daryeelayeen. Maxjarka xoolaha Juba oo sanadkii hore uu xadhiga ka jaray madaxwaynaha Jubbaland kadib markii la dayactiray maadaama uu kamid ahaa meelihii ay saameeyeen dagaaladii sokeeye ayaa La aaminsanayahay inuu meesha ka saari karo walaaca xoolalaydu ay ka qabaan Meel ay ugu helaan xoolahooda suuq wanaagsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com