-
Content Count
206,521 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka 2aad, kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka ayaa maanta ka dhacay xarunta golaha waxaa soo xaadiray 168 xildhibaan, waxaa looga hadlayaa amniga. Doodda oo aad u kululeyd, waxaan halkan idiinku soo gudbin-doonnaa qaar ka tirsan khudbadihii ay Xildhibaannada goobta ka jeediyeen. Xildhibaan Warsame Joodax: Waxaa muhiim ah in la xisaabtan dhamaystiran aan la samayno dhinacyada amaanka ku howlan. Xildhibaan Maxamed Isaaq Afaraalle: Dowladu halkii ay weerar ku ahaan lahayd Al-shabaab iyagaa weerar nagu ah, saxna ma ahan Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi xasan nuux waxaa uu sheegay in xoojinta amniga golaha shacabka dartiis lagu soo kordhiyay amniga eeyaha waxbaara Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla: Arrin la aqbali karo maahan in eeyo gaawaarideena baaran, eyna la maciin bido, sax ma ahan. Xildhibaan Cismaan Xaaji: Dowladu jidkay ku carartaa markay Afgooye aadeyso waydana kusoo carartaa, Magaalada amnigeeda waa sii xumaaday waxaana cadayn u ah iydoo la si dilaayo ayaa flim la iska duubayaa, Wadooyinka Muqdisho jid Cadde furan ma jiro xaaladaasna waqti badan ayaan ku jirnay inaan ku sii jirnaana sax maahan. Xildhibaan Maxamed Ganey oo ka hadlayey kulanka amniga ee golaha shacabka waxaa uu yiri “fadlan ra’isul wasaare is casil waad fashilantay” Xildhibaanka waxaa uu intaasi raaciyey “Shaqada dowladu waxa uu ku soo aruuray facebook iyo Twiter”. Xildhibaan Maxamed Ganey waxaa uu intaasi ku daray “Dalka Al-shabaab ayaa maamusha, waxaana sabab u ah iyagaa dadka canshuur ka qaada, xitaa dhinaca garsoorka iyagaa loogu adaa Tooratoorow”. Xildhibaan Caasho Koos oo hadashay waxaa erayadeeda ka mid ahaa “Kalsooni kuma qabno ciidamada dowlada ee wadooyinka jooga, Qaarkood iyagaan ka baqnaa.” Xildhibaan Cismaan Xaaji: in qof 2012kii ciidanka soo galay maanta Genaraal lagu dhigo ayaan maraynaa Xildhibaan Faadumo Odowaa: Waa inaan shacabkeena ku wacyi gelinaa wax ka qabashada amniga ilaa aan ka gaarsiinayno in ilmaha yari wax kastaa soo sheegaan xitaa cida geriskooda ku soo biirtay. Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi: Amnigu faraha ayuu ka baxay waxa uu marayaa heer shabaabku dadka baadaan, Ra’isul wasaaraha amnigu uu sheegayo ma ahan amnigii saxda ahaa ee dalku u baahnaa, isagu geesaha ayuu iska marinayaa wiilal looo geliyay dhar isu eg. Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in laba sano gudohood uu ku soo afjari doono shabaab hadana waxaa ka dhiman 4 bilood ama wax ku dhow hadana halkaas ayaan maraynaaa Mudane Fiqi waxaa uu intaas ku daray “Alshabaab magaalada ayay soo buux dhaafiyeen magaalada, sababtaasna waxaa waaye hal sano Al-lshabaab dagaal laguma qaadin. Waxaa dhacday labo kun oo askari in laga qaaday dalkaa aanan laba ogeyn waxa laga dhigayo, danta laga leeyahay ma Alqaa’idaa laga dhigaa ma Daacish garan mayno. Waxaa layaab leh in nin taliye ah hal maalin shaqadii laga eryay darajadiina laga baabi’ iyay, dalkana kama bixi kartid la yiraahdo, mudana dalkaan ka soo shaqeeyay, Kuwo yaryarna garaado aysan mudnayn la siiyay Xildhibaan Shiikh Aadan Madoobe: Shacabku markay ku hun-goobeen rajadii dawlada ay ka qabeen, Al-shabaabkiina sii xoogeystay ayey bilaabeen shacbku inay Shabaab iska laaluushaan. Xildhibaan Maryan Macalin: Xildhibaano dhamaanteen aan dagaalka galno, yaanaan iska fafadhininin oo qoryaha qaadano, Xaalada ammaankana cidna laguma eedeyn kato, Waa masuuliyan ina wada saaran. Xildhibaan Baqdaadi: Goluhu wuxuu ku haboonaa in irdaha loo xiro, waayo hada hadallada iyo dhaliilaha la sheegayo, Cidkastaa ayaa ka faa iideysan karta, waana laga fiicnaa. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise: Amniga gudaha iyo kan dibadda khatarbaa ka jirta, isaga oo intaas ku daray Dalkaan waxaa ka jira cadaalad darro wayn iyo musuqmaasuq ballaaran, anigan oo xildhibaanka ah ayaa dhulkaygii la iigu haystaa oo sharciyo been la iisoo samaystay, Dadkuna iney shabaab u garsoor tagaan waa cadaalad darrada jirta iyo musuqa.
-
Kulanka 2aad, kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka ayaa maanta ka dhacay xarunta golaha waxaa soo xaadiray 168 xildhibaan, waxaa looga hadlayaa amniga. Doodda oo aad u kululeyd, waxaan halkan idiinku soo gudbin-doonnaa qaar ka tirsan khudbadihii ay Xildhibaannada goobta ka jeediyeen. Xildhibaan Maxamed Ganey oo ka hadlayey kulanka amniga ee golaha shacabka waxaa uu yiri “fadlan ra’isul wasaare is casil waad fashilantay” Xildhibaanka waxaa uu intaasi raaciyey “Shaqada dowladu waxa uu ku soo aruuray facebook iyo Twiter”. Xildhibaan Maxamed Ganey waxaa uu intaasi ku daray “Dalka Al-shabaab ayaa maamusha, waxaana sabab u ah iyagaa dadka canshuur ka qaada, xitaa dhinaca garsoorka iyagaa loogu adaa Tooratoorow”. Xildhibaan Caasho Koos oo hadashay waxaa erayadeeda ka mid ahaa “Kalsooni kuma qabno ciidamada dowlada ee wadooyinka jooga, Qaarkood iyagaan ka baqnaa.” Xildhibaan Warsame Joodax: Waxaa muhiim ah in la xisaabtan dhamaystiran aan la samayno dhinacyada amaanka ku howlan. Xildhibaan Maxamed Isaaq Afaraalle: Dowladu halkii ay weerar ku ahaan lahayd Al-shabaab iyagaa weerar nagu ah, saxna ma ahan Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi xasan nuux waxaa uu sheegay in xoojinta amniga golaha shacabka dartiis lagu soo kordhiyay amniga eeyaha waxbaara Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla: Arrin la aqbali karo maahan in eeyo gaawaarideena baaran, eyna la maciin bido, sax ma ahan. Xildhibaan Cismaan Xaaji: Dowladu jidkay ku carartaa markay Afgooye aadeyso waydana kusoo carartaa, Magaalada amnigeeda waa sii xumaaday waxaana cadayn u ah iydoo la si dilaayo ayaa flim la iska duubayaa, Wadooyinka Muqdisho jid Cadde furan ma jiro xaaladaasna waqti badan ayaan ku jirnay inaan ku sii jirnaana sax maahan. Xildhibaan Cismaan Xaaji: in qof 2012kii ciidanka soo galay maanta Genaraal lagu dhigo ayaan maraynaa Xildhibaan Faadumo Odowaa: Waa inaan shacabkeena ku wacyi gelinaa wax ka qabashada amniga ilaa aan ka gaarsiinayno in ilmaha yari wax kastaa soo sheegaan xitaa cida geriskooda ku soo biirtay. Xildhibaan Axmed Macalim Fiqi: Amnigu faraha ayuu ka baxay waxa uu marayaa heer shabaabku dadka baadaan, Ra’isul wasaaraha amnigu uu sheegayo ma ahan amnigii saxda ahaa ee dalku u baahnaa, isagu geesaha ayuu iska marinayaa wiilal looo geliyay dhar isu eg. Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in laba sano gudohood uu ku soo afjari doono shabaab hadana waxaa ka dhiman 4 bilood ama wax ku dhow hadana halkaas ayaan maraynaaa Mudane Fiqi waxaa uu intaas ku daray “Alshabaab magaalada ayay soo buux dhaafiyeen magaalada, sababtaasna waxaa waaye hal sano Al-lshabaab dagaal laguma qaadin. Waxaa dhacday labo kun oo askari in laga qaaday dalkaa aanan laba ogeyn waxa laga dhigayo, danta laga leeyahay ma Alqaa’idaa laga dhigaa ma Daacish garan mayno. Waxaa layaab leh in nin taliye ah hal maalin shaqadii laga eryay darajadiina laga baabi’ iyay, dalkana kama bixi kartid la yiraahdo, mudana dalkaan ka soo shaqeeyay, Kuwo yaryarna garaado aysan mudnayn la siiyay Xildhibaan Shiikh Aadan Madoobe: Shacabku markay ku hun-goobeen rajadii dawlada ay ka qabeen, Al-shabaabkiina sii xoogeystay ayey bilaabeen shacbku inay Shabaab iska laaluushaan. Xildhibaan Maryan Macalin: Xildhibaano dhamaanteen aan dagaalka galno, yaanaan iska fafadhininin oo qoryaha qaadano, Xaalada ammaankana cidna laguma eedeyn kato, Waa masuuliyan ina wada saaran. Xildhibaan Baqdaadi: Goluhu wuxuu ku haboonaa in irdaha loo xiro, waayo hada hadallada iyo dhaliilaha la sheegayo, Cidkastaa ayaa ka faa iideysan karta, waana laga fiicnaa. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise: Amniga gudaha iyo kan dibadda khatarbaa ka jirta, isaga oo intaas ku daray Dalkaan waxaa ka jira cadaalad darro wayn iyo musuqmaasuq ballaaran, anigan oo xildhibaanka ah ayaa dhulkaygii la iigu haystaa oo sharciyo been la iisoo samaystay, Dadkuna iney shabaab u garsoor tagaan waa cadaalad darrada jirta iyo musuqa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dedaallo lagu qaboojinayo xiisado ka dhashay dilal iyo afduub ka dhacay degmada Ceel-waaq ayaa ka soconaya degmadaasi. Nabadoon Maxamed Xuseen oo ka mid ah waxgaradka Ceel-waaq ayaa Goobjoog u sheegay in shacab Soomaali ah oo carreysan ay dileen Shan qof Kenyan ah, meeshaasina ay xiisadda ka bilaabatay. Xiisaddan ayaa timid kadib markii ciidamada Kenya ay dileen dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka Ceel-waaq halkaasna ay ka bilaabatay xiisadda iyada oo shacabka Soomaalida ay dileen shan qof oo Kenyaati ah . Ciidamada Kenya ayaa marayay deegaanka waxaana lala beegsaday qarax kadibna waxaa ay qabsadeen shan qof oo ka mid ah dadka degan Ceel-waaq iyaga oo dilay. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Dadaalo-Nabadeed-oo-lagu-qaboojinayo-Dilal-dad-shacab-ah-oo-Soomaali-ah-ay-u-geysteen-Ciidamada-Kenya-oo-ka-soconaya-degmada-Ceelwaaq-kenyaOK.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay doorashooyinka dowladaha xubnaha ka ah iyo khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug. War-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalaynta iyo dib u heshiisiinta ayaa lagu sheegay in si dhow loola socdo geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka, sidoo kalana ay wasaaraddu gacan ku siin doonto dhammaan dowlad goboleedyada si loo hirgeliyo doorashooyinka kusoo fool leh oo ay u dhacaan si daah furan, xor ah oo waafaqsanna dastuurka dalka. Sidoo kale war-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu adkaynayso in la ixtiraamka ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta, iyadoo xaqiijin doono in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi. Dhanka kale Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug ugu baaqay in ay soo afjaraan is afgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda, waxayna kaloo ugu baaqday in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas. Doorashooyinka madaxtinimada dowlad goboleedyada ayaa inta badan dhacaya bilaha soo socda ee 2018-2019, waxayna madaxweynayaashoodu wadaan qorshe ay rabaan in ay wakhtiga ku koror sadaan, halka dowladda federaalku rabto in ay ka takhalusto. Hadalka Federaalka ayaa ku soo aaday iyadoo dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah uu u dhexeeyo khilaaf xoogan, sidoo kalana uu cirka ku shareeran yahay khilaafka madaxda Galmudug. Hoos ka akhriso war-murtiyeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socataa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka. Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan Dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka.Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doota in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi. Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug in ay soo afjaraan is afgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqaysaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Soomaaliya taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka oo war ka soo saartay doorashooyinka dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
TEHRAN (Caasimada Online) – At least 18 Iraninan nationals have been kidnapped by different pirate groups and Al Qaeda linked Al Shabaab in Somalia. Up to 14 Iranian fishermen were reportedly detained by Al-Shabab group, according to Iran’s lawmaker, Abdolqafur Iranejad. Iranejad says the other 4 men were captured by different pirate groups in Somalia. “Of the 18 fishermen detained by the Somalis, 4 are detained by different pirate groups and 14 are detained by Al-Shabab terrorist group,” Iranejad said. He says there have been ongoing efforts which was aimed to free all hostages from Chabahar, who were detained by pirates and terrorists in Somalia. He added that 4 fishermen had been freed so far, thanking the intelligence and foreign ministries for their efforts in freeing the fishermen. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa markii ugu horreysay laga hirgeliyey saldhig Booliis iyo sidoo kale xarun caafimaad. Waxaa kaloo hadda la bilaabay dhismaha xarunta degmada Baxdo iyo suuq weyn oo deegaankaasi laga hirgeliyo. Fulinta Mashaaricdan ayaa waxaa iska kaashanaya dadka deegaanka oo iskugu jira dhallinyaro,waxgarad iyo odoyaal iyaga oo gacan ka helaya Jaaliyadda deegaanka. Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanka Baxdo ayaa waxaa ay kulamo ka yeesheen sidii deegaanka loo horumarin lahaa iyada oo la dhisayo ugu horreyn adeegyada asaasiga ah sida Isbitaal, Suuq iyo xarun boolis. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/warbixinta-baxdo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Somali journalist has been shot and killed by gunmen in Cape town in the latest xenophobic violence against foreigners in South Africa. The victim, whose name identified as Yusuf Hussein Hassan has worked for Somaliweyn radio in Mogadishu in the past before he turned businessman. Unknown attackers stormed a Somali-owned shop in the town, leading to the death of Hassan, according to local Media. In the recent months, dozens of Somalis have been attacked in what seems to be orchestrated gang violence. The renewed attacks are reminiscent of January xenophobic attacks carried out by armed men from the hosting community in the country. Last year, Amnesty International accused the South African government of lacking the political will to avert xenophobic attacks. “There is a lack of political will on the part of the government to deal with issues of violence and xenophobia in a sustainable way,” said Shenilla Mohamed, Executive Director of Amnesty International South Africa. “The consequence of this inertia has resulted in continuing sporadic bursts of violence which often end in deaths, injuries and damage to property.” Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Maamulka Hirshabelle ayaa cabsi ka muujiyey in Webiga Shabelle ku fataho deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Dhexe. Wasaaradda Beeraha maamulkaasi ayaa sheegtay in Wabiga oo biyo badan keenay ay keeni karto fatahaad ka dhacdo deegaannada. Deegaannada laga cabsida qabo inuu wabiga ku fataho waxaa ka mid ah Jowhar, Mahadaay iyo deegaanno kale oo ka mid ah isla gobolka Shabellaha dhexe. Beeraleyda ku dhaqan gobolka Sh/dhexe ayaa xilliyadan oo kale waxaa ay walwal ka muujiyaan in tacabkii ay beereen wabiga uu ku fataho islamarkaasna ay dhashaan dhibaatooyin badan. Wasiirka Wasaaradda Beeraha Hirshabelle Xasan Muudey oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay ka warqabaan cabsida xilligan laga Muujinayo in wabiga uu fatahaad sameeyo waxaa uu tilmaamay in wadaan dadaallo looga hortagayo in wabiga uu Fataho. “Cabsida ugu xooggan waxaa ay ka jirtaa Mahadaay waxaan u sheegayaa beeraleyda in aan wadno dadaallo lagu xakameynayo in uu Fatahaad Sameeyo Wabiga sidoo kale waxaa la sameyn doonaan Carro tuuryo badan”. Inta badan deegaannada uu Maro wabiga ayaa waxaa ka dhaco Fatahaado kuwaasi oo saameyn adag ku yeesha dalagyada kala duwan ee ka soo go’a beeraha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed maanta ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa looga digay in madaxda maamul goboleedyada dalka ay isku dayaan muddo kororsi, ayada oo wasaaradda ay sheegty inay xaqiijin doonto sidii aysan taasi ku dhici lahayn. “Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socataa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka ayaa intaas sii raaciyey “Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan Dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka” “Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in la ixtiraamo ku dhaqanka dastuurka lana ilaaliyo muddada xil haynta iyadoo xaqiijin doota in ay doorashooyinku qabsoomaan waqtigii loo asteeyay si looga fogaado tallaabo kasta oo keeni karta muddo kororsi” ayay tiri wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Wasaaraddu waxay sidoo kale ugu baaqaysaa madaxda dowlad gobaleedka Galmudug, ayaa lagu yiri, in ay soo afjaraan isafgaranwaaga kasoo cusboonaaday dhexdooda looguna baaqaysaa in ay dib ugu soo laabtaan dhaqangelinta heshiiskii lagu saxiixay Villa Somalia taariikhdu markay ahayd, 06/12/2017 lana meel mariyo dhammaan qodobadii ku caddaa heshiiskaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa xoogaa ka hor furmay kalafdhigii 4-aad ee Xildhibanada Golaha Shacabka oo dhawaan uu furay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay ilaa 168 Xildhibaan iyadoo aysan soo xaadirin xildhibaano badan oo qaarkood ay dalka joogaan halka kuwa kalana ay maqan yihiin. Anjadaha kulanka Maanta ayaa ahaa Amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaana halkaas khudbado ka jeediyey qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Mid kamid ah Xildhibaanadii halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay Xukuumadda Soomaaliya ku fashilmatay qabashadi shaqadii loo xil saaray, wuxuuna si deg deg ah Ra’isulwasaaraha uga codsaday inuu is casilo. Xildhibaan Maxamed Gabey oo ah Xildhibaanka Ra’isulwasaaraha ka codsaday inuu is casilo ayaa ku eedeeyey dowladda inay kusoo aruurtay kaliya Baraha Bulshada sida Facebook iyo Twitter. “Fadlan Ra’isul wasaare is casil waad fashilantay” ayuu yiri Gabey. Sidoo kale wuxuu raaciyey “Shaqada Dowladda waxay kusoo aruurtay Facebook iyo Twitter”. Todobaadkii hore ayay aheyd markii Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu u sheegay in amniga Muqdisho aanan la isku haleyn karin, isla markaana Xildhibaanada is ilaaliyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The government of Djibouti today denied accusations of its alleged involvement in the funding and facilitation of arms trafficking in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
The government of Djibouti today denied accusations of its alleged involvement in the funding and facilitation of arms trafficking in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxa uu Maamul Cusub ugu sameeyey degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud. Guddoomiyaha degmada Balanbale ayaa waxaa loogu Magacaabey Jaamac Xeyle Maxamed oo mar soo noqday Guddoomiyaha degmadaas,halka ku xigeen loo Magacaabay Cabdirisaaq Axmed Xalane. Wareegtadan oo ku taariikheysan 15/9/2018 ayaa waxaa lagu sheegay in Maamulkaan ay xilka siiheyn doonaan inta laga soo dhisayo Golle deegaan iyo Guddoon ku dhisan doorasho xor ah. Marka laga soo tago Magacaabistaan ayaa waxaa xildhibaano maalin ka hor ku shiray Cadaado waxa ay shegeen inay xilkii ka qaadeen Axmed ducaale Geelle Xaaf. Sidoo kale xildhibaano ku shiray Magaalada Dhuusamareeb ayaa mooshin xilkii kaga qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Casir ee dhankiisa isna Xaaf xilka ka qaaday. Xaaladda Galmudug ayaa ah mid xaalkeedu yahay Allow sahal waxaana muuqato inuu maamulkaas ku socdo jidka burburka iyadoo ay weli arrintaas ka jiifaan odayaashii iyo dhibaanadii horey usoo dhisay maamulkaas. Haddii ay xaaladda sidaan kusii socoto Galmudug ayaa maalmaha soo socdo yeelan doonto laba madaxweyne, laba madaxweyne ku xigeyn iyo laba guddoomiye Baarlamaanka oo ay kala duwanaan doonaan ku xigeenadooda!!. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maalmo tirsan ayaa ka haray 14ka October, oo ah maalin uu xasuusan yahay qof walba oo Soomaali ah. Waa maalintii uu dhacay qaraxii ugu dhimashada badnaa Soomaaliya waxaana laga joogaa sanad maalmo dhiman. Dadbadan ayaan wali ka samrin dadkii ay ku waayeen isgoyska Zoobe, kuwaas oo badi aan la arag, waxaana bulshada Soomaaliyeed isu soo bax balaaran iyo xasuus weyn ugu baaqay duqii hore ee Muqdisho, Thabit Cabdi Maxamed. Qoraal uu ku faafiyay bartiisa Facebook ayuu ku xasuusiyay Dowlada iyo shacabkaba in aan loo kala harin xasuusta loo sameynaayo dadkii 14kii October lagu laayay Soomaaliya. Thabit ayaa ku tilmaamay maalin ay dhacday Musiibo Qaran, oo looga jawaabay Gurmad Qaran ayna ka dhalatay Midnimo Qaran. Sidaan ayuu u qornaa hadalkii uu Thabit Cabdi ku qoray bartiisa Facebook.. #14kaOctober, Maalintii mugdiga aheyd ee Musiibada Qaran inagu dhacday, dhowr usbuuc kadib waa ay sanad jirsandoontaa. 14 October 2017 waxay aheyd maalintii ugu murugada badneyd abid ee umaddeena soo martay, waxaa mar qura isbedelay waxwalba; hooyooyin ayaa caruurtoodii aasay, aafoobay ama gabi ahaanba waayay. Caruur baa iyagana waalidkoodii aasay amaba waayay. Riyadii dhalinyarada Soomaaliyeed, rajadii dalka iyo raasulmaalkii shacabka ayaa qaddar gudihiis si arxan la’aan ah loo dhaawacay. Hanti hadalkeedaba daa! Naxariistii janno Allaha siiyo dhamaan. Waa maalin mudan in aan si weyn u xusuusanaa inaga oo mid ah una mideysan xurmeynta dadkeenii musiibadaasi aafeysay. Waxay aheyd #MusiiboQaran, waxaa xigay #GurmadQaran, waxaanu uga gudubnay #MidnimoQaran. Waxaan ugu baaqayaa dhamaan Umadda Soomaaliyeed meelwaliba oo ay dunida ka joogaan; saqiir iyo kabiir, shacab iyo dowlad in si mid ah, niyadsan isla markaana damqasho bini’aadannimo leh ugu diyaar garownaa xusuusta maalintan xanuunka badan ee #14kaOctober. #Xusuusta14kaOctober Mahad-badan.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Ing,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Madaxda dowlad Goboleedyada ugu baaqay inay aqbalaan shirkii Golaha Amniga Qaranka ee uu ugu yeeray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Eng. Yariisow oo xalay ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo sida nabadoonnimo uu doonayo in xal waara looga gaaro arrimaha tabashada jirta. “Waxaan aad ugu mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka baaqiisa ahaa shirka Golaha Amniga Qaran ee uu ugu baaqay dhammaan inay ka soo qeyb galaan Madaxda Gobolada, taasoo ku tuseysa sida Madaxweynaha u yahay Nabadoon doonaya in xal waara uga gaaro dhammaan wax kasta ee tabashi jira wada hadal lagu dhameeyo”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow. Waxa uu sheegay in aan wanaagsaneyn in lagu ol ololeeyo Colaada balse ay muhiim tahay in Nabada loo ol ololeeyo,taasina ay ka go’aan tahay Maamulka gobolka Banaadir. “Waxaan rajeynayaa saaxibadey aan ka wada tirsanahay Golaha Amniga Qaranka inay u dhega nuglaadaan oo ay qaadan doonaan baaqa Madaxweynaha si hoose oo Soomaali ah lagu xaliyo wixii tabasho jirta oo aan loo baahneyn dad shisheeye oo na dhex gasho”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Hadalkaan ka soo baxay duqa Muqdisho ayaa ku soo aadaya xilli Maanta qorsuhu ahaa in uu qabsoomo shirkii Golaha Amniga Qaranka ee uu iclaamiyey Madaxweynaha balse ay diideen ka qeyb galkiisa Madaxda Dowlad Goboleedyada. Khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayaa heerkii ugu xumaa gaaray, iyadoo maamul goboleedyada ay shuruud ku xireen shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo dalbaday in garab saddexaad ay dhex dhexaadin ka noqoto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka jawaabay go’aankii ay maadaxda dowlad goboleedyadu ku dalbadeen daraf sadexaad oo dhexdhexaadiya iyo in isla meel dhigo goobta uu shirku ka dhacayo iyo sugida amniga. Ra’iisul wasaare Kheyre oo xalay munaasabad ka dhacday Muqdisho ka qeyb galay ayaa sheegay in uusan soo dhaweynayn in la yiraado magaalo madaxda laguma shiri karo oo amni maahan, uusana garanayn cidda loogu danaynayo, wuxuuna xusay in Muqdisho tahay astaanta qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in uu san soo dhaweynayn garab saddexaad oo ajnabi ah oo dhexdhexaadiya dowladda dhexe iyo dowladaha xubanaha ka ah, isagoo ku tilmaamay dhaqan hore. Hoos ka dhageyso codka Ra’iisul wasaare Kheyre https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/09/Khayre-11.mp3 Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war-murtiyeed ay soo saareen 14-kii bishan ku xiray wada hadalka shuruudo ay kamid ahayd in la helo daraf sadexaad oo dhexdhexaadiya labada dhinac oo damaanad qaada heshiiyada lala galayo dowladda federaalka, maadaama ayay dheheen ay ka baxdey ballamihii iyo heshiisyadii horey loola galey. Sidoo kale Golaha shuruudaha waxaa kamid ahaa in sababo amni awgeed la isla meel dhigo goobta uu shirku ka dhacayo iyo sugida amniga. Hadalka ka soo yeeray Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa laga yaabaa in uu sii huriyo khilaafka dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Kheyre oo jawaab kulul siiyay dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka ambabaxay wafdi ka socda golaha aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaas oo loo diray koonfur galbeed si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Wafigan oo uu hoggaaminayo senator Cabdullahi Cali Garuun, ayaa waxaa ka mid ah Senator Xuseen Xaaji Cali, Senator Sam Sam Ibraahim Cali, Senator Axmed Macallim Cumar “ Axmed Nadiir”, Senator Faadumo Xasan Aadan Gariyow, Aadan Cabdi Aadan, C/fitaax Macallim Xasan, Maxamed Cali Maxamed Rooble iyo Ismahaan Fu’aad Xasan. Wafdigii kan ka horeeyay ee Aqalka sare u diro Dowlad Gobolleedyada ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland. Waxaa maanta baaqday shirkii amniga uu horay ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Shirkan ayaa waxaa uu qorshuhu ahaa inuu Muqdisho ka dhaco September 17- 18-ka, si looga arrinsado amniga iyo xaaladaha uu dalku ku jiro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
An Adelaide nursing student has been found guilty of being a member of the terror group ISIS. Source: Hiiraan Online
-
Federal DHS grants on extremism concern Muslims in Michigan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The week before Donald Trump was inaugurated last year, the Department of Homeland Security (DHS) awarded a Lebanese-American group in Dearborn $500,000 as part of a government effort to counter violent extremism known as CVE. The department also gave Dearborn Police $51,000 as part of the program. Source: Hiiraan Online -
A member of Somalia’s federal parliament is fighting for his life in hospital after surviving a car bomb attack. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Iraan ayaa markii ugu horeysay baahisay macluumaadka 18 qof oo u dhashay dalkeeda kuwaa oo lagu heysto gudaha Somalia. Dowlada Iran ayaa tilmaantay in muwaadiniintaasi ay gacanta ugu jiran Xagjiriinta Somalia ee Al-Shabaab. Mudane ka tirsan Baarlamaanka IIraan oo arrintan ka bixinaayay macluumaad dheeri ah ayaa sheeagay in 14 ka mid ah muwaadiniintooda ay heystaan Al-Shabab, halka tirada kale ay gacanta ugu jiraan burcad-badeeda Somalia. Waxa uu tilmaamay in qaarkood loo geystay dhibaatooyin uu ugu horeeyo Jirdil, balse waxa uu cadeeyay in Iran ay aad uga xun tahay in muwaadiniinteeda lagu waxyeeleeyo gudaha Somalia. Xildhibaanka oo lagu magacaabo Abdulqafur Iranejad, ayaa xaqiijiyey afduubkaas,waxaana uu sheegay in xiligaan ay socdaan dadaallo ku aadan sidii lagu sii deyn lahaa. Raggan ayuu Xildhibaanka sheegay in ay kalluumeysato yihiin,kuwaas oo laga qafaashay xeebaha Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay. Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in Wasaaradda arrimaha dibadda Iraan iyo hay’adda Sirdoonka dalkaas ay ku guuleysteen siideynta 4 Qof oo horay loo sii daayay 18 kalena ay wali ku jiraan Gacamaha Al-shabaab iyo Burcad Badeedda Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Iran ayaa ku goodisay inay awood kusoo furan doonto muwaadiniintooda ku jira gacanta Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya isugu yimaadaan kulankooda Labaad ee Kalfadhigga Afaraad. Kulanka maanta ayaa ah mid si gaar ah looga hadli doono ammaanka guud ee magaalada Muqdisho. Guddiga amniga ee golaha shacabka ayaa laga dhageysan doonaa arrimaha ku aaddan xaaladda amni ee Muqdisho, waxaana ay hordhigi doonaan xildhibaannada. Waxaa la filayaa in xildhibaannadu ay dood dheer yeeshaan, iyadoo muhiimad gaar ah siin doona amniga caasimadda. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeysay faraha kasii baxayey. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com