Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,502
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Soomaaliyeed ayaa war murtiyeed ka soo saarey Xaaladda Qasan ee Galmudug iyo Kaalinta Dawladda Federaalka ah. Qoraalka dowlad goboleedyada waxaa uu u qornaa sidan: Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Soomaaliyeed wuxuu si dhow ula socdaa xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Dawlad Goboleedka Galmudug ka soo cusboonaatay. Goluhu isagoo aad uga walaacsan xaaladda sii murgeysa ee Dawlad Goboleedka Galmuug, ayuu u-kuur gal iyo wada-tashi ballaaran ka dib: 1. Cambaaraynayaa afduubka ay aragaggixisada Alshabaab u geysteen odayaasha deegaanka Galmudug, wuxuuna ku baaqayaa in mudnaanta koowaad la siiyo samatabixnta odayadaa, meelna looga soo wada jeesto la dagallanka Alshabaab. 2. Mar kale bogaadinayaa meel-marinta heshiiskii ay gaareen Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, kaas oo ay goobjoog ka ahaayeen Dawlada Federaalka, Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleeyada iyo Xubno Beesha Caalamka ka mid ah. Goluhu wuxuu ku baaqayaa in Dawlad Goboleedka Galmudug loo madaxbanneeyo hirgelinta heshiiskaas, lagana daayo wax alla wixii caqabad ku ah fulinta heshiiskaas. 3. Goluhu wuxuu baqdin ka qabaa in xiisadda siyaasadeed ee Galmudug ka socota ay ku qotonto, daliil cadna u tahay cabashooyinkii farahgelinta qaawan ku saabsanaa ee uu Goluhu horay ugu soo jeediyey Dawlada Federaalka ah. Waxaana muuqanaysa in dhaqdhaqaaqyada aan wax dhisayn ee socda ay ka jaan-qaadayaan baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ee uu Munaasabadddi Furitaanka Golaha Shacabka si cad ah ugu ballan-qaaday Guddoomiyeyaasha Golayaasha Baarlamaanka Galmudug iyo HirShabelle “in uu kala shaqeyn doono” wax uu Madaxweynuhu ku sheegay “Danta Guud”. 4. Goluhu wuxuu Dawladda Federaalka ah xusuusinayaa in danta Galmudug iyo tan Soomaaliyeedba ay ku jirto midnimada shacabka Galmudug, iyo wadajirka hay’adahooda Dastuuriga ah, wuxuuna ku baaqayaa in si daahfuran loogu dul-shaqeeyo sharciyada iyo Dastuurka Dawlad Goboleedka Galmudug ay ku midoobeen 5. Goluhu, isagoo cuskan Qodobbada 48aad & 50aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliyeed, dibna u milicsanaya Qod. 4.2 (1) ee Warmurtiyeedkii Shirweynaha 3aad ee Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Soomaaliyeed, wuxuu si adag ugu baaqayaa in degdeg loo joojiyo faraggelinta qaawan ee ay laamaha Dawladda Federaalka ahi ku hayaan Dawlad Goboleedka Galmudug, wixii khilaafaad ah ee jirana loo xalliyo qaab dastuur iyo xaajaysi ku dhisan. Goluhu wuxuu si gaar ah uga digayaa in ciidamada Federalka ah sida Xoogga Dalka iyo NSSQ (NISA) ee ku sugan Dawlad Goboleedka Galmudug, iyo ciidamada Dawlad Goboleedka Galmudug midnaba loo adeegsado hab ka baxsan himilooyinka iyo xayn-daabka dastuuriga ah ee waajibaadkooda, lagana feejignaado in ay ku milmaan xiisadaha siyaasadeed ee taagan. 6. Goluhu wuxuu diyaar u yahay in sidii horayba u dhici jirtey, uu gacan ka geysto xallinta iyo soo af- aridda khilaafka taagan, isagoo la kaashanaaya cid alle ciddii arrintaa wanaag ku biirinaysa. 7- Ugu dambayn, Goluhu wuxuu culimada diinta, aqoonyahaniinta, waayeelka dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ku boorrinayaa in ay u indhofurraadaan jihada uu dalkani ku socdo iyo khataraha ku xeeran masiirka umaddiisa Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka dalka ayaa si kulul uga hadlay awoodaha Al-Shabaab ee dib usoo laabanaya tan iyo markii isbedel uu ka dhacay dalka. Xildhibaan Fiqi oo kamid ah guddiga difaaca ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kusoo xoogeysanayaan dalka isla markaana ay dib ula wareegen deegaano badan oo ay faarujiyeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM. Axmed Fiqi, waxa uu tilmaamay in degaanada ay Shabaab dib ula wareegeen ay ka mid yihiin degaano muhiim ah oo bulshada ku nool diyaar ay u yihiin iney helaan nidaam dowli oo sax ah balse ay dib u helaan nidaamka Shabaab. “Anigu ma garan karo danta ku hoos qarsoon in Al-Shabaab lagu fiirsado dhibta ay ku heyso dalka, suuragal maaha inay dib u qabsadaan deegaano sanado badan ka hor laga saaray” “Dowladu waa inay bulshada u sheegtaa sababta ku khasbeysa inay gacmaha ka laabato dagaalka Al-Shabaab, waxan u qaadan doonaa in qorsho laga leeyahay haddii aan laga jawaabin arinkan” Xildhibaan Axmed Fiqi waxa uu sidoo kale Saraakiisha dowlada iyo kuwa AMISOM ku eedeeyay ineysan qorshe u sameyn degaanada ay Al-Shabaab kala wareegan taasi oo keenta sida uu sheegay in Shabaab ay dib u qabsadaan. Xildhibaan Fiqi waxa uu intaa raaciyay in ka guddi ahaan ay hayan xogo ku saabsan in degaanada ay Shabaab dib ula wareegaan in ay ku dhinteen askar badan, balse dowlada Somalia ay ka dhigto kuwo nool oo howlo ku maqan. “Askar ku dhintay dagaal ayey dowladu qarineysaa waxaan fahmi la’ nahay sababta loo qarinayo askari u dhintay dalkiisa oo aan qaris u baahneyn” Sidoo kale, Axmed Fiqi oo kaalmaha koowaad uga jira Xildhibaanada mucaaradka ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay la imaado qorshe lagu badbaadinayo dhulka laga saaro Al-Shabaab iyo kan ay heystaan. Hadalka Axmed Fiqi ayaa kusoo beegmaya xil uu shalay sheegay in dowlada Somalia ay safrisay 2000 oo askari xili wadanka uu u baahan yahay ciidamo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. MOGADISHU (HOL) - A combined joint task force of the Somali National Army (SNA) and Jubbaland forces killed 11 members of Al-Shabaab terror group near Beled-Hawo town of Gedo region. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa waxaa kusii kordhaya dhaliilaha ay u jeedinayan Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta rajada ka qaba in isbedel laga dhaqan galiyo dalka. Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka ayaa kamid ah Xildhibaanada dhaliilaha u jiidinaya dowlada Somalia waxa uuna tilmaamay in dowlada Madaxweyne Farmaajo ay aad uga gaabisay wadahadalka Somaliland. Xildhibaan Xuseen Carab waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay qaab khaldan u wajaheyso wadahadalka Somaliland oo uu sheegay inuu yahay mid gaabis ku imaaday. Xildhibaan Xuseen ayaa sheegay in madaxda hadda jirta ay ku ololeeyeen in ay wax ka qabanayaan damaca Somaliland iyo gooni isu taagga islamarkaana wadahadal lagu dhameynayo wixii tabasho ah ee ay qabto Somaliland. Xildhibaan Xuseen waxa uu tilmaamay in dowladd Federaalka aysan ilaa hadda qaadin hal tallaabo oo la isku dayayo in xal looga gaaro ama dib loogu billaabo wadahadalka dowladda dhexe iyo Somaliland. Xil. Xuseen Carab ayaa yiri “Anigu halka arrin aan ku dhaliilayo DF Somalia waa mid cad oo u baahan wax ka qabasho waana in dib loo furaa wadahadalka Somaliland” “Waa nasiib daro in dowlada Somalia aysan qaadin hal talaabo oo lagu raadinayo wadahadalka Somaliland, ballanka waxa uu ahaa in laga dhabeynaayo la hadalka Somaliland balse waxaa ii muuqata inaanu wali dhicin” “Waxaan hubaa in la hadalka Somaliland ay dowladu u abuuri karto jawi degan oo lagu soo xiro galinkaro Somaliland, waa inaanu marka hore helnaa madax ay ka go’an tahay wadahadalka” Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in dowlada Somalia aysan jadwalka ku darsan in xal waara laga gaaro khilaafka, waxa uuna su’aal ka keenay sida uu arinku noqon karo marba haddii aan wadahadal lala galin Somaliland oo diyaar ah. Haddalka Xildhibaan Xuseen Carab ayaa kusoo beegmaya xili dhawan ay Somaliland soo dhaweysay wadahadal ay la gasho Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan Tuulada Baarey ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in aanay haysan dalag ay beertaan, islamarkaana Labadii sano ee lasoo dhaafay aanay waxbo tabcan, kadib markii dalagii a beerteen la tageen fatahaadda Wabiga Shabelle. Macalin Suleymaan waxa uu ka mid yahay dadka ku dhaqan Tuulada Baarey, wuxuu u sheegay Goobjoog News, in aanay waxbo beeran, beerihii oo dhanna uu kasoo baxay coos. Waxa uu sheegay in ay u baahan yihiin gurmad in loo fidyo si loo caawiyo dadka beeraleyda ah ee Tuuladan ku dhaqan maadaama aanay aqoon meel ay u barakacaan. Suleymaan ayaa ka dalbaday dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle in ay lasoo gaaraan qalabka wax lagu beerto iyo makiinadii ay beeraha ku falan lahaayeen. Sanadkan ayeey dadka Shabellaha Dhexe waxay aad u beerayeen Bariiska, iyadoo Tuuladanna ay ka mid ahayd kuwa ugu wax soo saarka badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Si Soomaaliya looga xaqiijiyo dhanka xasiloonnida waa in la maal-geliyo helitaanka Teknoolojiyad casri ah, si aanu u dhicin marnaan xagga amniga ah, sidaasi waxaa sheegay Simon Mulongo oo ah ku-xigeenka u qeybsanaha guddoomiyaha midowga Afrika. Arrintan waxaa uu ka sheegay xilli uu ka hadlay siminaar labo maalin ahaa oo looga hadlayey sida Teknoolojiyadda ay qeyb uga qaadan karto sugidda amniga. “AMISOM waxaa ay shaqeysaa xilliyo dhib badan, waxaa ayna ku shaqeysaa bey’ad aad u horumarsan” sidaasi waxaa yiri Mulongo, isaga oo intaasi raaciyey in loo baahanyahay waddooyin lagu helo afkaar cusub, oo horumarsan. Simon Mulongo waxaa uu carabta ku adkeeyey inay muhiim tahay in la helo qaab lagu sugi karo ammaanka ciidamada AMISOM xilliyada ay ka baxayaan xeryada iyo goobaha ay deggan yihiin. Simon waxaa uu sidoo kale qabaa in Teknoolojiyadda ay muhiim u tahay ladagaalanka argigixiso, gaar ahaan xilliga kala-guurka. Ciidamada AMISOM ayaa la doonayaa inay amniga si tartiib ah ugu wareejiyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ay horay u saareen 1,000 askari. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulankooda Saddexaad ee Kalfadhiga Afaraad waxay maanta kaga hadli doonaan arrimaha ammaanka magaalada Muqdisho. Kulankoodii shalay ayeey xildhibaannada waxay si aad ah uga hadleen amniga caasimadda oo faraha kasii baxaya. Maanta waxaa sii socon doona doodda amniga ee xildhibaannada golaha shacabka, waxaana la filayaa in xildhibaanno dhowr ah ay hadlaan. Inta badan xildhibaanadii shalay hadlay waxay sheegeen in xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre ku fashilantay wax ka qabashada amniga Muqdisho. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo garaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in deegaano hoostaga Gobolka lagu laayay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Maleeshiyaadka ayaa la soo sheegayaa in lagu laayay inta u dhexeysa Degmooyinka Beledxaawo iyo Garbahaarey ee Gobalka Gedo. Leysmada maleeshiyaadkan ayaa ka danbeysay Kadib markii ciidamo ka tirsan Daraawiishta maamulka Jubbaland ay weerar ku qaaaden fariisin ay ku leeyihiin Degmooyinkaasi. Taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland Jamaal Xasan Farey oo la hadlaayay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in weerar ay ku dileen maleeshiyaadka ay ku qaaden fariisin ay ku sugnaayeen. Taliyaha ciidamada ayaa sheegay in 5 askari ay ku geeryooden dagaalka ,halka ay ku dhaawacmeen 7 askari oo uu ku jiro Cabdi Cabdullaahi oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka. Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dagaalka uga dileen 11 dagaalamayaal oo ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana ay ka gubeen gaadiid. Dagaalka maleeshiyada lagu laayay ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan Hogaamiyaha maamulka uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  9. Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe waxaa ka dhacay shir ballaaran oo looga hadlayey amniga guud ee gobolkaasi. Canab Axmed Ciise oo ah guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka Hirshabelle ayaa hadal ay halkaasi ka jeedisay waxay u sheegtay in loo baahan yahay furista wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho. Waxa ay sheegtay in shacabka ay gabeen kaalintii ugu weyneyd ee ahayd iney soo sheegaan dadka ka midka ah Al-shabaab. ‘Shacabka ayaa xiray wadadan, sababtoo ah waxa ay qariyeen dhagar qabayaashii, haddii walaalkaa yahay, wiilkaaga yahay, ama isku qabiil tihiin ha qarin oo adiga kuma deynayee” ayeey tiri Canab. Dhanka kale, saraakiisha kale ee ka qeybgalay shirkan ayaa sheegay iney ka gio’an tahay dib u furista wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar. Al-shabaab ayaa marar badan jidka u galay kolonyo ay la socdeen mas’uuliyiin Hirshabelle ah, waxaana taasi ay keentay iney xiranto isku socodkoo wadadan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Urur goboleedka IGAD ayaa Soomaaliya u ogolaaday inay qeyb ka noqoto dalalka ciidamada nabad ilaalinta ah u diraya dalka Koonfurta Suudaan, arrintan ayaa ka dambeysay shir aan caadi aheyn oo ay yeesheen September 12. Si loo ilaaliyo dhaqangalka heshiiska ay kala saxiixdeen xukuumadda iyo mucaaradka Koonfurta Suudaan ayey ogolaatay IGAD inay geytso halkaas ciidamo ka socda dalalka Sudan, Uganda, Djibouti iyo Soomaaliya. Qoraal ka isniintii ka soo baxay xafiiska IGAD ayaa lagu sheegay in Soomaaliya iyo Djibouti loo ogolaaday inay qeyb ka noqdaan ciidamada nabad ilaalinta ee loo dirayo koonfurta Suudaan. Waxaa kale oo qoraalka ku jirtay “IGAD waxaa ay ka codsan-doontaa gola ammaanka in dib loo eego heshiiska nabad ilaalinta IGAD ee RPF iyo in loo ogolaado dalalka Sudan, Uganda, Djibouti iyo Somalia inay ciidamo u diraan Koonfurta Suudaan”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. New Zealand is a vision of beauty and home to 4.7 million Kiwis with 7,000 Somali Kiwis making up that total. The Somali Kiwis have found it difficult to integrate themselves into the New Zealand culture and society, especially recent Somali immigrants. Source: Hiiraan Online
  12. Khilaaf xoogan ayaa ka dhex qarxay Wasaaradda degaanka iyo isbadelka cimiladda iyo Hay’adda biyaha, Tamarta iyo khayraadka dabiiciga Dawlada Puntland ee PASSWEYN markii ay isku qabsadeen mashruuc biyo xireeno ah oo uu midowga Yurub ka fulinaayo degaanada Puntland. Qoraal ay soo saartay Hay’adda PSSAWEYN ayaa lagaga codsaday hay’adda fulinaysa mashruucan ee GIZ inay joojiso mashruucaas maadama ay wasaaradda degaanku doonayso inay si sharci daro ah ku fuliso mashruucaas, waxayna hay’adani sheegtay inay iyadu xaq u leedahay fulinta mashaariicda noocana. Mashruucan uu degaanadda Puntland ka hirgelinaayo midowga Yurub ayaa ku lammaansanaa mashruucii fashilmay ee dhismaha wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacayo. Xildhibaan Cabdikariim Shaacuur oo ka hadlay khilaafka Wasaadda Degaanka iyo Hay’adda PSSAWEYN ayaa Madaxweynaha Puntland Cabdwal Gaas ku eedeeyey inuu isagu ka dambeeyo khilaafkan uuna hay’adda PSSAWEYN ka gacan siiyey inay qorto qoraalkan lagu codsanaayo joojinta mashruuca, xildhibaanka ayaa ku eedeyey Madaxweyne Gaas inuu doonaayo in la masuq-maasuqo mashruucan sida ka dhacday wadada Garowe iyo Galkacayo waa sida uu yiriye. Siday doontaba ha ahaate mashruucan oo ku kici lahaa ku dhawaad labba milyan oo doolar ayaa u muuqda mid fashil qarka u saaran maadama ay hirgelintiisa ku muransan yihiin labba hay’adood oo Dowli ah, mana muuqato dadaal ay xukuumadda Madaxweyne Gaas ku xalinayso khilaafka taagan. PUNTLAND POST The post Mashruuc kale oo uu Midowga Yurub ka hirgelin lahaa Puntland oo qaar u saaran inuu fashilmo appeared first on Puntland Post.
  13. Somali top-flight side Elman FC have appointed Alhaji Mumuni Sokpari as the new coach of the side. Source: Hiiraan Online
  14. Warar dheeraad ah baa saaka waxa ay ka soo baxayaan dagaal ka dhacay gobolka Gedo, Koonfurta Soomaaliya. Dagaalka oo qaatay dhowr saacadood oo shalay ah ayaa ka dhacay meel Ku dhow degaanka Geedweyne oo u dhaxeeya degmooyinka Dooloow iyo Luuq ee isla gobolka Gedo. Ilo wareedyo ku sugan gobolka Gedo ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in dagaalka uu yimid markii ciidamada dowladda Jubbaland ee xubinta ka ah dowladda dhexe ay weerar ku ekeeyeen goob ay ku sugnaayeen Xarakada Alshabaab. “Weerarka wuxuu ka dhacay meel ku dhow Geedweyne oo u dhaxeysa Dooloow iyo Luuq waxaana halkaas Xarakada ay ku qaadaysay “Zakada” xoolaha marka ciidankii Dooloow ee weeraray goobtaas baa ay ka war heleen iyagii ayaa weerar kala hor yimid” ilo wareedyo ayaa u sheegay Goobjoog News. Khasaare dhimasho iyo dbaawac ayaa ka dhashay dagaalkani waxaana dhintay ku dhowaad 20 qof oo labada dhinac ah iyo dhaawaca oo lagu soo warramayo in intaas uu ka badan yahay. Mareegta Goobjoog News waxaa loo xaqiijiyay in mid kamid ah saraakiishii u sarreeysay ciidanka Jubbaland ee Dooloow ka baxay uu dagaalkaasi ku geeriyooday. Dhanka kale, saraakiisha Jubbaland iyo maamulka gobolka Gedo oo aan la xiriirnay si dagaalka aan wax kaga weydiinno ayaa inooga cudur-daartay inay warbixin naga siiyaan, iyagoo ballanqaaday inay dib naga la hadli doonaan. Xaaladda halka lagu dagaallamay ayaa saaka oo Talaado ah mid deggan oo aan wax dagaal ah ka jirin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Mamman Nur, a senior figure in the Nigerian militant group Boko Haram, reportedly has been killed by some of his own colleagues. Source: Hiiraan Online
  16. Police in Mandera have arrested four people in connection with last week’s killing of two residents by demonstrators in Elwak town. Source: Hiiraan Online
  17. Rwanda's opposition leader, Victoire Ingabire, has urged authorities to release political prisoners and open up political space for competitive politics. Source: Hiiraan Online
  18. Videos showing children standing in unity and a clown in a storm drain won the City of Garden City two national “Savvy” awards for local government communication projects this month. Source: Hiiraan Online
  19. By The Trump administration slashed its annual cap on refugee acceptances Monday for the second year in a row, saying it would take a maximum of just 30,000 in the fiscal year to come. That was down from a 45,000 limit in the year that ends on September 30 -- but higher than the actual number of refugees resettled in the past year, around 21,000. Source: Hiiraan Online
  20. EXCLUSIVE - Saudi crown prince 'not well advised', former Qatari PM tells FRANCE 24 Source: Hiiraan Online
  21. The historic meeting between the leaders of Eritrea and Djibouti on Monday ‘opens a new page to promote peace and stability in the region’, the Saudi Arabia foreign minister, Adel bin Ahmed Al-Jubeir said. Source: Hiiraan Online
  22. This weekend, tens of thousands of people gathered to welcome back leaders of the Oromo Liberation Front, one of the groups removed from a list of terror organizations earlier this year by Ethiopian prime minister Abiy Ahmed. The return of exiled opposition groups has been part of wider political reforms he introduced since coming to power in April. Source: Hiiraan Online
  23. Doxa (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qadar ayaa xaqiijiyey in baartinaanno madax bannaan caddeeyeen in Sacuudi Careeiya iyo Imaaraadka ay ku lug lahaayeen jabsi loo geystay wakaaladda wararka ee Qadar sanadkii hore. Ali bin Fetais Al-Marri waxa uu wacad ku maray in maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee Hague ku taal uu la tiigsan doono. Al-Marri waxa uu arrintaas ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Jimcihii New York iyada oo ay horjoogeen koox sharci yaqaano reer Mareykan ah sida ay warisay Aljazeera. Xeer ilaaliyaha waxa uu sharraxy in ay sharci yaqaanno caalami ah uruuriyeen caddeymo muujinaya ku lug luhahaanshaha Sucuudiga iyo Imaaraadka. Aragtidan waxaa taageeray xeer ilaalihii hore ee Mareykanka Michael Mukasey, kaas oo hadda xubin ka ah kooxda sharci yaqaanada Mareykanka – waxa uu xaqiijiyey in ay jiraan caddeymo muujinaya ku lug lahaanshaha Riyaad iyo Abu Dubai “Burcadnimada”. Kooxda waxa ay bishii Maajo ee sanadkii hore hadalkan ka sheegeen xarunta QNA. Sidoo kale kooxda waxa ay intaas ku dartay, in uu yiri: “Dib ayaan uga xaajoon doonnaa sida laga yeelayo.” Muddada sanadka ah, mas’uuliyiinta Qadar waxa ay arintan burcadnimada ah wadashaqeyn kala lahaayeen hay’adda baaritaanka ee Federal-ka America iyo hay’adda dambiyada qaranka ee Britain. Khilaafka wadamada Khaliifka ayaa galay sanadkii labaad kaddib markii ay Qadar xiriirka u jareen Saudi Arabia, UAE, Bahrain iyo Egypt sababo la xiriiriira in ay taageerto kooxaha argagaxisada ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Jabuuti (Caasimada Online) – Warbixin uu baahiyay Radio France International ayaa lagu sheegay in dalka Jabuuti oo Soomaaliya daris la ah uu soo maro hub lagu tilmaamay inuu sharci darro yahay oo la keeno dalka Soomaaliya. Warbixintaan oo la sheegay in laga soo xigtay shirad sirdoon oo ka faaloota arrimaha amniga siyaasadda iyo dhaqaalaha Africa oo magaceeda la yiraahdo EXX Africa, ayaa waxaa si gaar ah loogu gorfeeyay xogo la ururiyay oo la xariira in maraakiib iyo doonyo sida hub aan sharci aheyn ay ku xirteen dekadaha dalka Jabuuti kadibna si suuq madow ah loogu soo gudbiyay Soomaaliya. Shirkaddaan EXX Africa waxay sheegtay inay hayso cadaymo xaqiijinaya dalka Jabuuti uu yahay halka uu Soomaaliyaba ka soo galo hubka sharci darrada ee lagu hubeeyo kooxaha hubeysan ee gudaha Soomaaliya ka dagaalama. Agaasimaha hay’addaha warbixintaan diyaarisay Robert Besseling ayaa ku doodaya in cadaynta ay hayaan ay qeyb ka tahay doon uu sheegay inay ka tagtay dalka Yemen oo ay hub kusoo rareen Xuutiyinta Yemen kana soo furatay dekeda magaaladda Xudayda inay hub ku rogtay dalka Jabuuti kadibna hubkaas loosoo gudbiyay Soomaaliya loonaga gacan galiyay koox uu ku sheegay inay waqooyiga Soomaaliya ka dagaalamaan. Robert Besseling ma uu sheegin kooxdaas magaceeda, hase ahaatee waxaa uu sheegay inay taageero ka helaan dalka Jabuuti. Sargaalkaan waxaa uu sidoo kale sheegay in dalka Jabuuti uu yahay halka ay hubka ka helaan kooxo hubeysan oo uu sheegay inay ka dagaalamaan dalalka Soomaaliya, Labada Sudan iyo Ethiopia, hase ahaatee waxaa uu aad uga fogaaday inuu carabka ku adkeeyo in Jabuuti taageerto ururka Al-Shabab oo Soomaaliya ka aas aasan, waxaase uu ku doodayaa in koox shirkaddiisa ka tirsan ay dekadaha Jabuuti ku arkeen hub aan sharci aheyn oo Soomaaliya loo soo wado. Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midawga Africa ee AMISOM ayuu sidoo kale ku eedeeyay inay Soomaaliya lasoo galeen hub aad u u culus oo ay mamnuuc tahay in dalka la keeno maadaamada cunaqabatayni saaran tahay. Hubkaas ayuu sidoo kale sheegay inuu u gacan galay kooxo hubeysan oo aan ciidanka dawlada ahayn. Agaasimaha hay’adda sirdoon ee xogtaan bixisay ee u waramay Radio France International Robert Besseling waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in saraakiil sar sare oo militryga Jabuuti ka tirsan iyo mas’uuliyiin heer gobol ay ku leeyihiin ka ganacsiga iyo kala gudbinta hubka sharci darrada ee Soomaaliya la keeno inkastoo uu shaacin magacyada shaqsiyaadka la eedeeyay. “Cadaynta aan hayno waxay xaqiijinaysaa in dawlada Jabuuti si cad uga war hayso hubka dalkeeda lasoo marsiiyo ee sharci darrada waxaana dhihi karnaa qaarkood ayaaba ku lug leh” ayuu yiri Robert Besseling agaasimaha shirkadda arrimaha sirdoonka ka shaqaysa ee EXX Africa. Ciidamada AMISOM ayay sidoo kale warbixintu ku eedeysay inay hub siiyaan koox hubaysan oo aan magaceeda la sheegin oo ka aas aasan meel lagu tilmaamay waqooyiga Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  25. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ahna gudoomiyaha golaha iskaashatada maamul gobolleedyada ayaa hormuud u ahaa shirkii dhawaan Kismaayo ka dhacay ee dowladda dhexe loogu jaray wadashaqeynta. Cabdiweli Gaas oo ay ka dhammaatay mudaddii xilka madaxweynha Puntland, hadana wajahaya doorasho ayaa ku eedeeyey madaxweyne Farmaajo dowladdiisa mid sameysay ku tagrifal awoodeed, goonina taladii u maroorsatay, sababna u ah dib u dhac uu sheegay in ay dowladnimada Soomaaliya ku timid. Sidoo kale eedo tiro badan oo u gogol xaadhay in ay dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xiriirka u jaraan ayaa lagu qoray war-murtiyeed ka soo baxay shirkii Kismaayo ee uu Gaas gudoonka ka ahaa. Hadaba muuqaalka hoose marka aad daawato waxaa ku soo baxaysa weydiin ah Gaas miyuusan lahayn dhago iyo af is maqla!? Muuqaalkan Gaas waxa uu ku caddeynayaa in ay saaxiibbo yihiin madaxweyne Farmaajo oo ay aad isu garanayaan, sidoo kale uu aaminsannahay niyad wanaagga madaxweynaha in ay fure u noqon doonto samata bixinta Soomaaliya. Gaas sidoo kale waxa uu leeyhay in dhaqanka Soomaalida muddooyinka dambe ahaa in dowladda oo aan muddo joogin lagu buuqo oo la’isku tayo in laga horistago hawleheeda si loo majaxaabiyo!