-
Content Count
206,526 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah mudanayaasha BFS ayaa daboolka ka qaaday in Xildhibaanada baarlamaanka ay yihiin kuwo aan kala aqoon fiicnaanta iyo xumaanta. Xildhibaan Xiddig oo ka hadlaayay kulanka baarlamaanka ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho uu xiligan yahay mid ka wanaagsan xiliyadii hore, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in horay ay usoo arkeen Wasiiro iyo Xildhibaano la dilaayo. Xildhibaan Xiddig, waxa uu tilmaamay in magaalada Muqdisho ay soo martay xili Wasiir iyo Xildhibaan aysan socon Karin wadooyinka, balse iminka ay heystaan amni ku filan markii loo eego dowladihii hore. Nuqul kamid ah hadalkiisa aya ahaa “Amniga maanta waa ka fiican yahay kii hore ee dadka yaan la qalqal galin waxaa jirtay xilli xildhibaanada ay si joogta ah u dhimanayeen, wasiiradana la dilayay” Waxa uu intaa raaciyay “Amniga magaalada Muqdisho hadda waa mid la isku halayn karo, oo meesha aan rabno ayaan ku shiri karnaa, Xildhibaanada maaha inay qalqal u abuuran shacabka waxaanu orankaraa inaad kasii daran tihiin kuwa aad dhaliileysan”. Xildhibaan Xiddig, waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada qaar ay yihiin kuwo u hadlaaya “Iska hadal” waxa uuna ku tilmaamay inay kasii liitan kuwa qalqalka amni ka dhexwada dalka. Xiddig isaga oo sii hadlayey ayuu sheegay in hadii ay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha yihiin kuwo xun ay ka sii xun yihiin Xildhibaanadii doortay. “Haddii aad ku faataxeysateen inay xun yihiin Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha waxaa ogaatan inaad kasii xun tihiin waayo adinkaa xumaanta ku doortay” Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaan Xiddig ayaa Xildhibaanada baarlamaanka ku sifeeyay inay yihiin kuwo qalqal iyo dhibaato ku haya dalka, waxa uuna ka digay in hadal lagu niyad jabiyo dowlada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Soomaaliya ayaa soo saartay camal ku saabsan garoomada DIyaaradaha Soomaaliya xilli ay cirka kusii shareereyso khilaafka u dhaxeeyo Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe. Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo ah Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duuliska Hawada ayaa amar kusoo saaray inaysan diyaarad kasoo dagi karin Garoomada Soomaaliya iyadoo aan dowladda Dhexe laga heysan fasax. Wasiirka ayaa sheegay in garoomada kala duwan ee Soomaaliya ay kaliya kasoo dagi karto diyaaradda fasax ka heysato Dowladda Dhexe haddi kale la celin doono. “Diyaaradii ogolaansho ka heysata Dowladda Soomaaliya kaliya ayaa garoomada Soomaaliya ku degi karta diyaaradii aan ka heysan oo aan shuruudihii loo baahnaa soo buxun kama degi karto. Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadayo xilli uu go’ay xiriirkii u dhaxeeyey Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada isla markaasna amara dowladda uusan ka shaqeyn meelaha ay ka taliyeen Maamul Goboleedyada iyo Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan lasoo wareegtay maamulka Hawada Soomaaliya waxaana xafiiskaas laga furay Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Doha (Caasimada Online) – Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo ah Amiirka Dalka Qatar ayaa saxiixay labo Heshiis oo hore ay u wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar. Sida ay qortay SONNA, Heshiiska Koowaad uu saxiixay Amiirka Qatar ayaa ku saabsan Adeega Duulimaadka waxaana Wafuud kala mataleysa Soomaaliya iyo Qatar ay Magaalada Doha ku galeen 18/3/2015. Halka Heshiiska Labaad uu yahay Iskaashi dhinaca Caafimaadka oo Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay isku afgarteen 14/5/2018. Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa hore u ballan qaaday inay Dowladdiisu Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada dhaqaalaha, dib u dhiska iyo howlaha horumarinta. Dowlada Qatar ayaa sheegtay inay qorsheyneyso fulinta Mashruucyo ay ku kaceyso lacag dhan 2 boqol oo milyan oo dollar oo Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya halka dowladda Qadarna uu u saxiixay madaxa sanduuqa horumarinta ee dalkaasi. Mashruucani horumarinta ayaa waxaa qeyb ka ah dhismaha Waddooyinka ka baxa Muqdisho ee taga magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar ee Gobolada Shabeellada hoose iyo Shabeellada dhexe, dhismaha Aqalka Madaxtooyada, Dhismaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Xarunta dowlad hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan wadatashi ah oo looga hadlayay mudeynta tartanta Finalka ee Cayaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir kula yeeshay xarunta Dawladda Hoose bahda Cayaaraha heer Gobol iyo heer Qaran. Kulanka ayaa waxaa lagu go’aamiyey in habeenka Isniinta ah ee 24-ka bishan la qabto dhammaadka tartanka dhexmari doona degmooyinka Shibis iyo Waaberi oo iyagu isugu soo haray dhammaadka cayaarta. Duqa Muqdisho ayaa sheegay qabsoomidda xili habeen ah tartanka cayaaraha Gobolka Banaadir ay muujinayso nabadda iyo dib u soo kabashada Caasimadda. Sidoo kale, Eng. Yarisow ayaa sheegtay in tartankan si wanaagsan uu ku bilowday ayna rajeynayaan inuu ku soo dhammaado si xamaasad leh, maadaama ay labada degmo ee isugu soo haray ay kamid tahay degmada Waaberi oo horey koobka u qaaday sanadkii hore. Ugu dambeyn, Kulanka ayaa waxaa sidoo kale, hadallo ka jeediyey Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Xoghayaha Gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Xiliga ay dhacayso Cayaarta kama dambeysta ee Degmooyinka G/Banaadir oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Shacabka ayaa kulankoodii Maanta mar kale uga hadlay arrimaha ِِِِِِِِAmniga kadib markii Shalay doodo oo dheereed awgeed la isku mari waayey. Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal isaga oo sheegay in Loo Baahan yahay in aan La Buunbuunin dhibaatooyinka sida: in shacabku ay u Calaad doontaan Al-shabaab iyo sidoo Kale dhibaatooyinka Jira. Xildhibaanada ayaa ahaa kuwa uu warkooda aad u kala kulul yahay waxaana la arkayey kuwa taageersan siyaasadda dowladda balse Amniga u arkayo inuu yahay mid guud oo qof kasta laga rabo inuu kaalintiisa ka qaato. Xildhibaanada hadalada kulul meesha ka jeediyey waxaa kamid aheyd Xildhibaanad Sareedo oo madaxweynaha usoo jeedisay inuu Amniga wax ka qabto iyo inay isaga tagto Xildhibaanimada. Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla ayaa waxa ay sheegtay in ay muhiim tahay in qof walba meesha uu doono uu maro, hadii ay dhici weysana ay Xubinimadii xildhibaanimo ay isaga tageyso. “Mudane Madaxweyne waxaa waajib ah in halka aan doono xurnimo ku mari karo, xabsiga aan ku jirnana aan ka baxno, hadii la waayana taasi bedelkeeda aan isaga tago xildhibaannimada Baarlamaan. Inta badan Xildhibaanada khudbadaha jeediyey ayaa u badnaa kuwa dowladda usoo jeedinayo eedeyn iyo in laga jiiftay Amniga Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Golaha Shacabka ayaa kulankoodii maanta mar kale uga hadlay arrimaha amniga, ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal isaga oo sheegay in Loo Baahan yahay in aan La Buunbuunin dhibaatooyinka sida: in shacabku ay u Calaad doontaan Al-shabaab iyo sidoo Kale dhibaatooyinka Jira. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ahaa xildhibaannada hadlay waxaa uu yiri “860 KM oo horay looga Qabsaday Al-shabaab hadda 60 KM oo ka Mid ah ayey dowladda gacanka ku heysaa, 800-na Al-shabaab ayaa Maamula, Waxaana Lagu waayay Markii Lala Wareegayay Goobahaas Dad boqollaal Ka Badan. Xildhibaan C/rashiid Maxamed (Xidig) dhankiisa waxaa uu sheegay “Waxaa jirtay xilli xildhibaannada ay si joogta ah u dhimanayeen, wasiiradana ay dhimanayeen”, isaga oo intaa raaciyey “Amniga magaalada hadda waa mid la isku halayn karo, oo meesha aan rabno ayaan ku shiri karnaa”, isaga oo ku soo gabagabeeyey “waxaan ku baaqaa in shaqooyinka ay qaban karaan dhallinyarada Soomaaliyeed loo ogolaado, lana joojiyo shaqaalaha ajnabiga ah”. Daahir Amiin Jeesow oo isana hadlayey waxaa uu yiri “Amniga dalku wuu fiicanyahay mana jirto xaalad qatar ah. Amniga qalalaad badan ayaa ka jira laakin si gaar ah ayaan uga hadleynaa, Qof walba oo xildhibaan ah waxa uu doonayaa in uu helo dantiisa gaarka ah, nin walba oo mucaarad ah waxa uu rabaa xil. Xildhibaan Zakariye Xasan Maxamed isna waxaa uu sheegay “Shakhsiga hadii uu sharciga ka awood bato, waxaa ka dhashay burbur sida dhacday dowladdii kacaanka. Sarkaal ciidan darajada lagama qaadi karo ilaa xukun maxkamdeed oo ugu yar 5 sano. Xildhibaan Zakariye oo sii-hadlaya “waa in aan u yeernaa ra’isul wasaaraha, oo aan wax ka weydiinnaa xaaladda amniga ee dalka iyo ballanqaadkiisii amniga. Xildhibaan Cali Xoosh: Xaqiiq marka laga hadlo amniga waxa uu u baahan yahay in talo wanaagsan laga bixiyo, inta warbaahinta la marsiin lahaa dhiiri-gelinta Al-shabaab Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle “Col. Ruush: Waxaan ka hadlayaa marxaladda hadda taaganahay iyo habka xukuumaddan u maareeysay amniga waa mid fashilmay, qarash badana wey ku bixisay, dhaliil weyn ayaa ka muuqda dhanka amniga, qarashka maanta baxay waxa uu ka badan yahay qarashkii ku baxay dagaalkii 77. Ruush wuxuu intaas ku daray “ Waan qabaa in golaha looga yeeray wasiirka koowaad si amniga wax looga weydiiyo, isaga ha soo wato wasiirrada iyo taliyeyaasha la shaqeeya. Talo waxaan ku soo jeedinaa in istaraatiijiyadda amniga wax laga badalo, AMISOM dalka uma rabto horumar iyo amni, waayo halka askari ee AMISOM bishii waxa uu qaataa 1.200 Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle “Col. Ruush waxuu hadlakiisa ku soo gabgabeeyey “ Hadda ciidan baa la qoraayaa tiradooda iyo badnaanshaha waxba laguma jeedo ee haloo qoro qaab sharci ah iyo cadaalad ku jirto Xildhibaan Axmed Xaaji Maxamud Taaw oo isna hadley” Haddaan galo barnaamijkan waa jiraan dhaliilo badan iyo wax la qabtay, laakiin mudane guddoomiye marka lagu dhawaaqayo xaaladaha howlgallo waa in ay hirgalaan laakiin haddaan la hirgalin cadowga isagaa tiisa hirgglinaaya Xildhibaan Axmed waxaa uu khilaafka maamul goboleedyada ka yiri “Khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe waxa uu horseedayaa amni darro iyo in uu ka faa’ideysto cadowga isjiid jiidkaas inta lagu mashquulsanyahay. Waxaa uu su’aal ka keenay Istaafka ciidaka “ Mudane Guddoomiye waxaa jira dhibaato aan qabno oo ah, in Xildhibaanada golaha shacabka aan Loo ogoleyn Istaaf gaaraya 4 , hadana dadka noo diidaya waxaa ay wataan gaadiid aan xabadda karin iyo ciidamo fara badan” Xildhibaan Sareedo Cabdalla Maxamed waxaa ay soo jeedisay in dadkii amniga ku shaqada lahaa goobta la keenno “Waxaa muhiim ah in Loo yeero dadka ehelka u ah howlaha amniga dalka, Isla markaana ay ka shaqeeyaan waxyaabaha dib noo dhigaya, madaxdana ay Kala taliyaan istiraatiijiyada, Waa In La joojiyaa bixinta garaadaha La siinayo Dadka Aan u qalmin. Xildhibaan Sareedo Cabdalla Maxamed: Mudane Guddoomiye xilka waan isaga tagayaa ama meeshii aan rabo aan ka soo cunteeyo, afar mitir kuma jireyno, aan ka baxno xeryaha ciidamada, oo aan aadno gobolada dalka Xildhibaan Cali Axmed Jangali : Qof dhagarta maleegaya Lama ogaan karo, Sababtoo ah waxaan Tusaale u soo qaadan karaa Qaraxii Hotelka Central, Haddii nala weydiin lahaa waxay tahayna ma qaadan karin go’aanka ah waa argagaxiso gabadhaas, waana la ogaa dhibka ay gaystay. Maalintii Ansixinta Xukuumada Hadda Jirta, Waxaan Soo Jeediyay in Xildhibaan Kasta uu akhristo qorshaha Xukuumada Cusub, Laakiin waxaa iga diiday Xildhibaanada qaar, hadana waad aragtaan Waxayaabaha Jira oo Aad dooda Ka qabtaan. Xildhibaan Siciid Xuseen Ciid, oo ah wasiirka beeraha xukuumadda Kheyre : Dalkeena waa barwaaqo Khayraad ayaa Ka buuxa ee waxaa La rabaa in 2030 aan Ka baxno baahida Jira oo dhan walba Leh. Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed ayaa ku dheeraaday amniga isaga oo yiri“Hadii aad tahay mas’uul ku jira ciidan dhexdiis iyo gaari aan Xabad Karin, Ogaada waxa La dhibaataynaayo waa shacabka aad metashaan oo bixiya canshuurta, dowladana aan ka helin adeegyadii ay u baahnaayeen. Dhanka xuriyadda hadalka wuxuu yiri “ Xuriyadda Hadalka iyo ra’yi cabiridda, Soomaaliya waxaa La isku Adeegsadaa Ciidanka amniga qaranka, oo Loogu talagalay difaaca qaranka. Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed oo Al-shabaab ka hadlay “Degmooyinka Muqdisho, Garoommadii kubadda cagta ee lagu ciyaari jiray, waxaa ay u xiran yihiin amarka Al-shabaab, ee uma xirna amar ka soo baxay wasaaradda amniga ama arrimaha gudaha. Fadlan Yaana Shacabka Been loo sheegin, ee Dalka Halaga Fikiro. Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed waxaa uu ugu dambeyntii soo-jeediyey “waxaan Codsanayaa inay xilka Banneeyaan Xukuumada Ra’isul wasaare Khayre. Ugu dambeyntii, waxaa hadlay Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene isaga oo sheegay“ Dooddii Xildhibaanada ay ka yeesheen amniga dalka Waxaa si weyn u soo dhoweeyay Shacabka Soomaaliyeed, oo muddo aamusnaa, Waxeyna umuuqataa in Xildhibaannadu ay hurdada Ka tooseen Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene waxaa uu matalaadda ka dhahay “ Xildhibaanku Shacabku ayuu Metalaa, waxaana idiin sheegayaa in Xildhibaannadu Shaqsi ay doorteen aaney dalkooda Ka doorbidin Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene waxaa uu fashil ku tilmaamay xukuumadda Kheyre isaga oo yiri “Waxaan idiin sheegayaa xukuumada Khayre waa guul daraysatay ee hadallada uu u sheegayo shacabka degmooyinka Ka yimid Baarlamaanka ha u sheego halkan ayaa Looga baahan Yahay Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene waxaa uu madaxweyne Farmaajo ku yiri “Mudane madaxweyne hadalladii aad baarlamaanka ka hor sheegtay waa duuban yihiin ee madaxweyne la imaaw isbedel dhab ah.
-
Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo ah Amiirka Dalka Qatar ayaa saxiixay labo Heshiis oo hore ay u wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar. Sida ay qortay SONNA, Heshiiska Koowaad uu saxiixay Amiirka Qatar ayaa ku saabsan Adeega Duulimaadka waxaana Wafuud kala mataleysa Soomaaliya iyo Qatar ay Magaalada Doha ku galeen 18/3/2015. Halka Heshiiska Labaad uu yahay Iskaashi dhinaca Caafimaadka oo Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay isku afgarteen 14/5/2018. Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa hore u ballan qaaday inay Dowladdiisu Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada dhaqaalaha, dib u dhiska iyo howlaha horumarinta. Dowlada Qatar ayaa sheegtay inay qorsheyneyso fulinta Mashruucyo ay ku kaceyso lacag dhan 2 boqol oo milyan oo dollar oo Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya halka dowladda Qadarna uu u saxiixay madaxa sanduuqa horumarinta ee dalkaasi. Mashruucani horumarinta ayaa waxaa qeyb ka ah dhismaha Waddooyinka ka baxa Muqdisho ee taga magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar ee Gobolada Shabeellada hoose iyo Shabeellada dhexe, dhismaha Aqalka Madaxtooyada, Dhismaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Xarunta dowlad hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — Heavy fighting broke out between Somali army forces from Jubaland and Al Shabaab near Baladhawo town in south of Somalia’s Gedo region. Somalia’s Jubaland military says the army forces launched an attack on Al-Shabaab fighters in Gedweyne area near the town. Jamal Hassan Farei, a senior commander of Jubaland forces confirmed at least 16 people — 11 Al Shabaab and 5 soldiers had been killed in the fighting. “We have lost five soldiers and seven others sustained injuries during the fighting. We killed 11 Al-Shabab fighters and seized weapons,” Farei said. He says the operation was carried out following tip-off as the group’s fighters were on their way to carry out an attack on Jubaland army camp in the region. There was no immediate comment from Al-Shabaab over the military claims. The group frequently launches deadly attacks in the towns bordering Kenya, targeting Jubaland forces and Kenyan troops. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Golaha Shacabka ayaa kulankoodii maanta mar kale uga hadlay arrimaha amniga, ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal isaga oo sheegay in Loo Baahan yahay in aan La Buunbuunin dhibaatooyinka sida: in shacabku ay u Calaad doontaan Al-shabaab iyo sidoo Kale dhibaatooyinka Jira. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ahaa xildhibaannada hadlay waxaa uu yiri “860 KM oo horay looga Qabsaday Al-shabaab hadda 60 KM oo ka Mid ah ayey dowladda gacanka ku heysaa, 800-na Al-shabaab ayaa Maamula, Waxaana Lagu waayay Markii Lala Wareegayay Goobahaas Dad boqollaal Ka Badan. Xildhibaan C/rashiid Maxamed (Xidig) dhankiisa waxaa uu sheegay “Waxaa jirtay xilli xildhibaannada ay si joogta ah u dhimanayeen, wasiiradana ay dhimanayeen”, isaga oo intaa raaciyey “Amniga magaalada hadda waa mid la isku halayn karo, oo meesha aan rabno ayaan ku shiri karnaa”, isaga oo ku soo gabagabeeyey “waxaan ku baaqaa in shaqooyinka ay qaban karaan dhallinyarada Soomaaliyeed loo ogolaado, lana joojiyo shaqaalaha ajnabiga ah”. Daahir Amiin Jeesow oo isana hadlayey waxaa uu yiri “Amniga dalku wuu fiicanyahay mana jirto xaalad qatar ah. Amniga qalalaad badan ayaa ka jira laakin si gaar ah ayaan uga hadleynaa, Qof walba oo xildhibaan ah waxa uu doonayaa in uu helo dantiisa gaarka ah, nin walba oo mucaarad ah waxa uu rabaa xil. Xildhibaan Zakariye Xasan isna waxaa uu sheegay “Shakhsiga hadii uu sharciga ka awood bato, waxaa ka dhashay burbur sida dhacday dowladdii kacaanka. Sarkaal ciidan darajada lagama qaadi karo ilaa xukun maxkamdeed oo ugu yar 5 sano. Xildhibaan Zakariye oo sii-hadlaya “waa in aan u yeernaa ra’isul wasaaraha, oo aan wax ka weydiinnaa xaaladda amniga ee dalka iyo ballanqaadkiisii amniga. Xildhibaan Cali Xoosh: Xaqiiq marka laga hadlo amniga waxa uu u baahan yahay in talo wanaagsan laga bixiyo, inta warbaahinta la marsiin lahaa dhiiri-gelinta Al-shabaab Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle “Col. Ruush: Waxaan ka hadlayaa marxaladda hadda taaganahay iyo habka xukuumaddan u maareeysay amniga waa mid fashilmay, qarash badana wey ku bixisay, dhaliil weyn ayaa ka muuqda dhanka amniga, qarashka maanta baxay waxa uu ka badan yahay qarashkii ku baxay dagaalkii 77. Ruush wuxuu intaas ku daray “ Waan qabaa in golaha looga yeeray wasiirka koowaad si amniga wax looga weydiiyo, isaga ha soo wato wasiirrada iyo taliyeyaasha la shaqeeya. Talo waxaan ku soo jeedinaa in istaraatiijiyadda amniga wax laga badalo, AMISOM dalka uma rabto horumar iyo amni, waayo halka askari ee AMISOM bishii waxa uu qaataa 1.200 Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle “Col. Ruush waxuu hadlakiisa ku soo gabgabeeyey “ Hadda ciidan baa la qoraayaa tiradooda iyo badnaanshaha waxba laguma jeedo ee haloo qoro qaab sharci ah iyo cadaalad ku jirto Xildhibaan Axmed Xaaji Maxamud Taaw oo isna hadley” Haddaan galo barnaamijkan waa jiraan dhaliilo badan iyo wax la qabtay, laakiin mudane guddoomiye marka lagu dhawaaqayo xaaladaha howlgallo waa in ay hirgalaan laakiin haddaan la hirgalin cadowga isagaa tiisa hirgglinaaya Xildhibaan Axmed waxaa uu khilaafka maamul goboleedyada ka yiri “Khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe waxa uu horseedayaa amni darro iyo in uu ka faa’ideysto cadowga isjiid jiidkaas inta lagu mashquulsanyahay. Waxaa uu su’aal ka keenay Istaafka ciidaka “ Mudane Guddoomiye waxaa jira dhibaato aan qabno oo ah, in Xildhibaanada golaha shacabka aan Loo ogoleyn Istaaf gaaraya 4 , hadana dadka noo diidaya waxaa ay wataan gaadiid aan xabadda karin iyo ciidamo fara badan” Xildhibaan Sareedo Cabdalla Maxamed waxaa ay soo jeedisay in dadkii amniga ku shaqada lahaa goobta la keenno “Waxaa muhiim ah in Loo yeero dadka ehelka u ah howlaha amniga dalka, Isla markaana ay ka shaqeeyaan waxyaabaha dib noo dhigaya, madaxdana ay Kala taliyaan istiraatiijiyada, Waa In La joojiyaa bixinta garaadaha La siinayo Dadka Aan u qalmin. Xildhibaan Sareedo Cabdalla Maxamed: Mudane Guddoomiye xilka waan isaga tagayaa ama meeshii aan rabo aan ka soo cunteeyo, afar mitir kuma jireyno, aan ka baxno xeryaha ciidamada, oo aan aadno gobolada dalka Xildhibaan Cali Axmed Jangali : Qof dhagarta maleegaya Lama ogaan karo, Sababtoo ah waxaan Tusaale u soo qaadan karaa Qaraxii Hotelka Central, Haddii nala weydiin lahaa waxay tahayna ma qaadan karin go’aanka ah waa argagaxiso gabadhaas, waana la ogaa dhibka ay gaystay. Maalintii Ansixinta Xukuumada Hadda Jirta, Waxaan Soo Jeediyay in Xildhibaan Kasta uu akhristo qorshaha Xukuumada Cusub, Laakiin waxaa iga diiday Xildhibaanada qaar, hadana waad aragtaan Waxayaabaha Jira oo Aad dooda Ka qabtaan. Xildhibaan Siciid Xuseen Ciid, oo ah wasiirka beeraha xukuumadda Kheyre : Dalkeena waa barwaaqo Khayraad ayaa Ka buuxa ee waxaa La rabaa in 2030 aan Ka baxno baahida Jira oo dhan walba Leh. Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed ayaa ku dheeraaday amniga isaga oo yiri“Hadii aad tahay mas’uul ku jira ciidan dhexdiis iyo gaari aan Xabad Karin, Ogaada waxa La dhibaataynaayo waa shacabka aad metashaan oo bixiya canshuurta, dowladana aan ka helin adeegyadii ay u baahnaayeen. Dhanka xuriyadda hadalka wuxuu yiri “ Xuriyadda Hadalka iyo ra’yi cabiridda, Soomaaliya waxaa La isku Adeegsadaa Ciidanka amniga qaranka, oo Loogu talagalay difaaca qaranka. Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed oo Al-shabaab ka hadlay “Degmooyinka Muqdisho, Garoommadii kubadda cagta ee lagu ciyaari jiray, waxaa ay u xiran yihiin amarka Al-shabaab, ee uma xirna amar ka soo baxay wasaaradda amniga ama arrimaha gudaha. Fadlan Yaana Shacabka Been loo sheegin, ee Dalka Halaga Fikiro. Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed waxaa uu ugu dambeyntii soo-jeediyey “waxaan Codsanayaa inay xilka Banneeyaan Xukuumada Ra’isul wasaare Khayre. Ugu dambeyntii, waxaa hadlay Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene isaga oo sheegay“ Dooddii Xildhibaanada ay ka yeesheen amniga dalka Waxaa si weyn u soo dhoweeyay Shacabka Soomaaliyeed, oo muddo aamusnaa, Waxeyna umuuqataa in Xildhibaannadu ay hurdada Ka tooseen Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene waxaa uu matalaadda ka dhahay “ Xildhibaanku Shacabku ayuu Metalaa, waxaana idiin sheegayaa in Xildhibaannadu Shaqsi ay doorteen aaney dalkooda Ka doorbidin Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene waxaa uu fashil ku tilmaamay xukuumadda Kheyre isaga oo yiri “Waxaan idiin sheegayaa xukuumada Khayre waa guul daraysatay ee hadallada uu u sheegayo shacabka degmooyinka Ka yimid Baarlamaanka ha u sheego halkan ayaa Looga baahan Yahay Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene waxaa uu madaxweyne Farmaajo ku yiri “Mudane madaxweyne hadalladii aad baarlamaanka ka hor sheegtay waa duuban yihiin ee madaxweyne la imaaw isbedel dhab ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia leaders urged to stop regional affairs interference
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU (Caasimada Online) — Somalia’s five regional leaders accused central government of interfering regional issues, amid on-going political rifts. The central government was urged to stop to use Somali army forces and regional soldiers from Galmudug state over the latest political tension, said in a statement obtained by Caasimada Online. The allegation comes after Somalia’s member states broke ties with the federal government on Sept. 8, plunging the country into a political crisis. The country has struggled with civil war for decades, and AMISOM has been active there since 2007. The country’s regional leaders chose to boycott a National Security Council meeting scheduled for Sept. 17 and 18. In an apparent response to regional leaders, Somali PM Hassan Ali Khaire has rejected suggestions that Mogadishu isn’t safe for Somali leaders to meet. However, Somali PM has also refused calls for “third-party” mediation as requested by the regional leaders. UN says the decision by the five regional presidents could embolden Al Shabaab and negate the gains made by the African Union Mission in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com -
Ciidamada Booliiska ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in maanta barqadii uu xaaskiisa ku gowracay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho. Ninkaan ayaa la sheegay in markii uu mindida ku gowracay xaaskiisa oo u haysay 8 canug uu jar jaray jirkeeda. Ibraahim Shaleyste oo ah guddoomiyaha Garasbaaley ayaa u sheegay Goobjoog, in ninkan markii lasoo qabanayey ay la dagaallamayeen dadka deegaanka. Waxa uu sheegay guddoomiyaha in hadda ninkaasi lagu hayo saldhiggan Galbeed, islamarkaana la baarayo. Lama oga waxa kallifay in sidan uu u dilo xaaskiisa, iyadoo xaaladda caafimaad ee ninkan warar kala duwan laga sheegayo, iyadoo dadka qaarna ay sheegayaan in mar madaxa looga jiray. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Wareysi-Guddoomiyaha-Garasbaaley.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Rag hubeysan ayaa waxa ay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dileen qof shacab ah. Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in ragga wax diley ayka baxsadeen goobta falkaasi uu ka dhacay. Dilka kadib ayaa waxaa halkaasi gaaray ciidamada ammaanka ee magaalada B/weyne kuwaasi oo howlgallo ballaaran wada. Lama oga sababta ka dambeysa dilkan qofkan, balse saraakiisha ammaanka ee howlgallada wada ayaa sheegay in dib faah faahin ka bixin doonaan. Ammaanka magaalada B/weyne ayaa maalmahan dambe ahaa mid aad usoo hagaagayey. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Wariye-Maxamed-Ibraahim.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay gobolada Karkaar iyo Sanaag ee Puntland. Madaxweyne Gaas ayaa maanta gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, waxaana ku soo dhaweeyey maamulka gobolka, kan degmada , masuuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland, isimo, waxgarad, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah dadweynaha magaalada. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu Qardho gaaray kormeeray Cisbitaalka weyn ee magaalada oo uu ku socdo dhisme la dhagax dhigay sanadkii lasoo dhaafay ee 2017, wuxuuna u balan qaaday qalabeyn. Madaxweyne Gaas ayaa inta uuna gaarin Qardho waxa uu ku ha kaday gaari xamuul ah oo ku dhacay wadada u dhexaysa deegaanka Dalsan iyo degmada Dangorayo, oo la xaqiijiyey in aanay wax khasaaro nafeed ah ka dhalan. Madaxweyne Gaas iyo wafdiga uu hogaamniya ayaa berri safar ku tegi doona degmada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaas oo uu xariga kaga jari doono Jaamacada Maakhir oo sanadihii ugu dambeeyay uu dhismaheedu socday, waxaana shalay magaaladaas gaaray wadfi hor-dhac u ahaa safarka Madaxweyne Gaas Magaalada Badhan ayaa Madaxweyne Gaas waxaa ugu dambeysay 2013, markii uu ahaa masharaxa Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Madaxweyne Gaas ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay Puntland oo taga magaalada Badhan ee gobolka Sanaag. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo safar ugu ambabaxay Badhan appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — Doha Centre for Media Freedom (DCMF) held a training workshop on “Safety of Journalists in Conflict Zones” in cooperation with National Union of Somali Journalists (NUSOJ) from September 16th to 19th in Mogadishu. The training targets journalists from mainstream, community and vernacular media outlets. The workshop focused on educating journalists on best ways to safeguard journalism in the country, raising their awareness on the importance of following safety measures during their work in conflict zones, as well as providing them with necessary skills to help them deal with risks they may face during their work in Somalia, which remains one of the most dangerous countries for journalists. Speaking at the opening of the workshop, Director General of the Ministry of Information, Culture and Tourism Mr Abdirahman Yusuf Adaala urged participating journalists to make use of the opportunity the training presents to enhance their work. Mr Abdirahman Yusuf Adaala thanked DCMF and NUSOJ for their efforts to provide Somali journalists with much needed professional training. The training targets journalists from mainstream, community and vernacular media outlets. “Attacks and other violations against journalists and media workers have indeed gradually decreased in the past several years, but that is not enough. We want to see an end to all violations against journalists. The Federal Government of Somalia is committed to safeguard and guarantee the freedom of media and expression, that is why we are now working with UNESCO on the formation of an Independent National Safety Mechanism Committee ” Abdirahman Yusuf Adaala said. For his part, Mohamed Ibrahim Moalimuu, Secretary General of NUSOJ said the training is one of many exceptional training workshops to come. And it serves as a great support and practical solidarity with Somali journalists who are facing many threats. “The workshop has provided practical mechanisms to help protect the lives of journalists, and provide them with required safety training packages that suits their own environment and enable them to protect themselves while doing their job” said Moalimuu during his speech at the opening ceremony of the four-days training workshop. “Our collaboration with DCMF has enabled journalists from Mogadishu to gain the knowledge and skills to deal with conflict situations, emergencies, and traumatic events. Participants were also taught essential first aid and how to assess potential dangers, including environmental hazards. In addition, participants gained a better understanding of safety equipment, personal security, digital security and how to survive kidnaping. And I would also like to thank Somali Red Crescent Society who sent us experienced paramedic volunteer during training,” Moalimuu added. This workshop is part of DCMF’s annual training program, and its efforts to promote the safety and protection of journalists in conflict zones and to provide media workers with needed capacity building training, especially in areas with volatile security situation like Somalia where journalists are targeted on regular basis and their rights are violated. The main objective of the training is to build a culture of professional safety for Somali journalists, empower them with protection mechanisms and enhance their knowledge on issues such as accountability, rule of law and combating impunity. Participants expressed their gratitude to have gained such safety training in the early stage of their career as they have witnessed many of their colleagues killed in the line of duty without such safety knowledge. Some of the training participants attending the training course were actual victims of suicide and small arms attacks in recent years and they were inflicted by various numbers of injuries. Among them was Habiba Jimale Biibto, the editor of Mogadishu Times, a daily newspaper in Mogadishu, who survived and narrowly escaped a suicide blast at Hooyooyinka building in Mogadishu in 2012. “This training reflects the most acute needs of local journalists in Somalia who are the first respondents to the bombings and their lives endangered.” She said The journalists explained that they are now better prepared to face the ongoing risks that are associated with daily newsgathering in an extreme conflict environment such as Somalia. The workshop has embedded a positive train of thoughts to pass on this safety information to their colleagues and start creating a safety culture within their own media organizations. PRESS RELEASE
-
Guddiga aqalka sare u saaray xog ururinta tabashada uu qabo maamulka Jubbaland ayaa maanta waxa ay la kulmeen madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Axmed Madoobe oo hadal kooban jeediyey ayaa ka hadlay waxyaabaha keenay khilaafka jira, isaga oo tilmaamay in dowladda ay ka baxday ballamo badan. Arrimaha amniga mar uu soo hadal qaaday ayuu sheegay in dowladda ay ka gaabisay taageero siinta ciidamada dowlad goboleedyada, ayna waayeen hubkii ciidankooda ku dagaallami lahaa. Sidoo kale, waxa uu sheegay Axmed Madoobe in lagama maarmaan ay tahay in la helo dhan Saddexaad oo la socda heshiisyada ay gaari doonaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Axmed-Madoobe.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — The Islamist group Al Shabaab has denied to have lost 70 of its militants in latest airstrike carried out by Ethiopian warplanes in Somalia. In a statement aired by Radio Andulus, an Al-Shabaab mouthpiece, said the none of the group’s fighters were killed or injured in the Somalia strike, calling the claims as ‘absurd one’. “This a baseless claims made by Ethiopian military. We lost no fighter in Somalia airstrike”, the group said. Last week, Ethiopian air force official, Brig. Gen. Yilma Merdassa said an airstrike killed 70 Al Shabaab militants in neighboring Somalia. Merdassa says the airstrike was aimed to thwart an Al-Shabab attack on an Ethiopian troops with multinational African Union force. He said two vehicles laden with bomb explosives were also destroyed in the strike. “We achieved 100 percent of our plans against Al Shabaab group”, he said. U.S. military claimed to have killed two Al Shabaab militants in drone strike in Mubarak town, some 37 miles west of Somali capital Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Moscow (Caasimadda Online) – Dowladda Ruushka ayaa ku eedeysay ciidamada Israa’iil inay ka danbeeyeen oo sabab u noqdeen diayarad milateri oo laga soo riday Ruushka, taasoo ku sugneyd Badda Dhexe ee dhow magaalada Ladiqiya ee dalka Syria. Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa shaacisay in diyaaradda oo ahayd nooca sahanka ee IL-20 ay ku jirtay duulimaad caadi ah, isla markaana ay isku qariyeen diyaarado dagaal oo Israa’iil leedahay, kuwasoo gadaasheeda gantaalo ka riday iyadoo weerarraya magaalada Ladiqiya ee dalka Suuriya. Ciidamada difaaca Cirka ee Suuriya Gantaallo ugu jawaabay diyaradaha dagaalka Israel oo ahaa nooca F-16, taasoo keentay in gantaallaha SAM-200 ay haleelaan diyaaradda Ruushka oo ay saarnaayeen 15 askari oo Milateriga Ruushka ka mida, kuwaasoo ku dhintay diyaaradda dhacday. Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa caddeysay inay Israel mas’uul ka tahay geerida ciidamada Ruushka, ayna ku kacday fal caddownimo ah, iyadoo aan weerarka ay qaaday ku wargelin taliska Ruushka ee ay iskaashiga leeyihiin, waxayna ku hanjabtay inay jawaab munaasib ah ka bixin doonto falka gardarrada ah ee Israel. Dowladda Ruushka ayaa u yeertay safiirka Israel u fadhiya magaalada Moskow, iyadoo la gaarsiiyey go’aanka Ruushka lagana dalbaday caddeyn degdeg ah. Caasimada Online Xafiiska Moscow Caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee kala fadhiya Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa xilalkii ka qaaday dhamaan Madaxdii Galmudug ka hor Ahlu Sunna. Kulan maanta magaalada Dhuusamareeb ay ku yeesheen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa waxa ay kaga doodeen mooshinka ka yaalla Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug. Xildhibaannada fadhiya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay xilka ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir. Baarlamaanka qeybta fadhida Cadaado ayaa xilka ka qaaday Madaxweynaha Galmudug Amxed Ducaale Geelle iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Xareed Cali Xareed. Kulan Xildhibaannada Galmudug ee Fadhiya Dhuusamareeb ay maanta ku yeesheen Magaaladaasi waxaa ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen qofkii ugu dambeeyay afarta qof ee ugu sarreysa Galmudug kaas oo ah Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Carrabeey. Xildhibaano gaaraya 97 ayaa maalin kahor waxa ay mooshin ka dhan ah u gudbiyeen ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug oo xildhibaano ku shiray maalmo kahor Cadaado ay sheegeen inay isagaba xilka ka qaadeen. Xildhibaanada Galmudug ayaa Maxamed Xaashi Cabdi Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxa ay ku eedeeyeen inuu meel kaga dhacay dastuurka Galmudug, ku tumashada xeer hoosaadka iyo inuu gabay waajibaadkiisa shaqo. Xareed Cali Xareed oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in kulanka ay soo xaadireen ilaa 140 mudane ayna u codeeyeen xilka qaadista Madaxweyne ku xigeenka Galmudug islamarkaana aanay jirin cid ka aamustay. Khilaafka Galmudug waxaa ka hadlay Maamul Goboleedyada iyo Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Dowladda Federaalka ah. Maamul Goboleedyada War-saxaafadeed ay soo saareen maanta waxaa ay dowladda dhexe ugu baaqeen in ay faragelinta ka joojiso Galmudug,islamarkaana Ciidamada qaranka aan loo adeegsan arrimaha ka jira Galmudug. Marka laga aragti qaato Khilaafka Galmudug,qofka kaliya ee hadda xilka haya waa Madaxa Xukuumadda Galmudug Sh.Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo khilaafkan sheedda kala socda maaddaama uu u dhaxeeyo Galmudugtii hore. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa markale soo saaray war-murteed ka kooban todoba qodob oo ay kaga hadleen inta badan arrimaha ka taagan maamulka Galmudug. War-murteeed ayaa lagu sheegay in ay muuqato dhaqdhaqaaqyada aan waxba dhisayn ee la jaan-qaadaya baaqii Madaxweyne farmaajo ee ahaa waxaan kala shaqeynaynaa Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Galmudug iyo Hirshabelle “Danta Guud”. Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada federaalka ee ku sugan Galmudug aan loo adeegsan hab ka baxsan himilooyinka iyo xayn-daabka dastuurka, lagana feejignaado in ay ku milmaan xiisadaha siyaasadeed ee taagan. Hoos ka akhrido war-murtiyeedka Cambaaraynayaa afduubka ay aragaggixisada Alshabaab u geysteen odayaasha deegaanka Galmudug, wuxuuna ku baaqayaa in mudnaanta koowaad la siiyo samatabixnta odayadaa, meelna looga soo wada jeesto la dagallanka Alshabaab. Mar kale bogaadinayaa meel-marinta heshiiskii ay gaareen Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, kaas oo ay goobjoog ka ahaayeen Dawlada Federaalka, Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleeyada iyo Xubno Beesha Caalamka ka mid ah. Goluhu wuxuu ku baaqayaa in Dawlad Goboleedka Galmudug loo madaxbanneeyo hirgelinta heshiiskaas, lagana daayo wax alla wixii caqabad ku ah fulinta heshiiskaas. Goluhu wuxuu baqdin ka qabaa in xiisadda siyaasadeed ee Galmudug ka socota ay ku qotonto, daliil cadna u tahay cabashooyinkii farahgelinta qaawan ku saabsanaa ee uu Goluhu horay ugu soo jeediyey Dawlada Federaalka ah. Waxaana muuqanaysa in dhaqdhaqaaqyada aan wax dhisayn ee socda ay ka jaan-qaadayaan baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ee uu Munaasabadddi Furitaanka Golaha Shacabka si cad ah ugu ballan-qaaday Guddoomiyeyaasha Golayaasha Baarlamaanka Galmudug iyo HirShabelle “in uu kala shaqeyn doono” wax uu Madaxweynuhu ku sheegay “Danta Guud”. Goluhu wuxuu Dawladda Federaalka ah xusuusinayaa in danta Galmudug iyo tan Soomaaliyeedba ay ku jirto midnimada shacabka Galmudug, iyo wadajirka hay’adahooda Dastuuriga ah, wuxuuna ku baaqayaa in si daahfuran loogu dul-shaqeeyo sharciyada iyo Dastuurka Dawlad Goboleedka Galmudug ay ku midoobeen Goluhu, isagoo cuskan Qodobbada 48aad & 50aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliyeed, dibna u milicsanaya Qod. 4.2 (1) ee Warmurtiyeedkii Shirweynaha 3aad ee Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Soomaaliyeed, wuxuu si adag ugu baaqayaa in degdeg loo joojiyo faraggelinta qaawan ee ay laamaha Dawladda Federaalka ahi ku hayaan Dawlad Goboleedka Galmudug, wixii khilaafaad ah ee jirana loo xalliyo qaab dastuur iyo xaajaysi ku dhisan. Goluhu wuxuu si gaar ah uga digayaa in ciidamada Federalka ah sida Xoogga Dalka iyo NSSQ (NISA) ee ku sugan Dawlad Goboleedka Galmudug, iyo ciidamada Dawlad Goboleedka Galmudug midnaba loo adeegsado hab ka baxsan himilooyinka iyo xayn-daabka dastuuriga ah ee waajibaadkooda, lagana feejignaado in ay ku milmaan xiisadaha siyaasadeed ee taagan. Goluhu wuxuu diyaar u yahay in sidii horayba u dhici jirtey, uu gacan ka geysto xallinta iyo soo af- aridda khilaafka taagan, isagoo la kaashanaaya cid alle ciddii arrintaa wanaag ku biirinaysa. 7- Ugu dambayn, Goluhu wuxuu culimada diinta, aqoonyahaniinta, waayeelka dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ku boorrinayaa in ay u indhofurraadaan jihada uu dalkani ku socdo iyo khataraha ku xeeran masiirka umaddiisa. DHAMMAAD. PUNTLAND POST The post Akhriso: Dowlad goboleedyada oo federaalka ku eedeeyay faragalin appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay guddiga dhexdhexaadin dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda ee Aqalka Sare ee shalay gaaray Magaaladaasi. Madaxweynaha oo Khudbad ka jeediyay kulan ka dhacay Magaalada Kismaayo oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanada Aqalka Sare waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka baxday ballamo badan oo ay horay ula galeen dowlad goboleedyadda. Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay heyso 173 Kuntineero oo rasaas ah oo lagu soo iibiyay lacag ay bixisay Dowladda Sucuudiga isla markaasna aan ilaa hadda lagala tashan maamulada waxna aan laga siin. Waxaa uu xusay in Jubbaland ay ka jiraan dhibaatooyinka ugu badan ee dagaalka Al-Shabaab. Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuldareystay hoggaaminta Howlgallada ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay u diiday maamulada Saanadii loogu tala galay in Shabaab lagu dagaallamo . Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale tilmaamay in saanad dhan 173 Conteernar in ay taallo Magaalada Muqdisho, waxaana u sheegay in hubkaasi uu gacanta u galay Shabaab. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka kasoo baxay Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Soomaaliya.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shirkadda cabitaannada sameysa ee Coca-Cola ayaa waxaa si weyn loogu yaqaannaa sameynta cabitaanno ay ku jiraan maaddada Caffeine-ta, hasayeeshee shirkadda ayaa haatan waxa ay u muuqanaysaa inay doonayso inay tijaabiso maadada kale ee xashiishadda. Sida ay sheegayso warbaahinta BNN Bloomberg ee saldhigeedu uu yahay dalka Canada, shirkaddan wayn ee cabitaannada sameysa ee Coca-Cola ayaa waxa ay wadahadal ku jirtaa shirkadda maxalliga ah ee soo saarta xashiishadda ee Aurora Cannabis, si ay u sameeyaan cabitaan xashiishad lagu daray. Cabitaankaasi ayaa la sheegay inaanan loogu talagelin in macaamiisha ay ku sarkhaamaan hasayeeshee waxaa looga gol-leeyahay in xannuunka uu ka baabi’iyo. Shirkadda ayaa waxa ay diidday inay arrintaasi ka hadasho balse waxa ay sheegtay in ay si dhaw ula socoto suuqa cabitaannada xashiishadda. “Sida shirkadaha kale ee ka shaqeeya cabitaannada, waxaannu si dhaw ula soconnaa kobaca cabitaannada lagu daro xashiishadda gaar ahaan maadada Cannabidiol-ka, kuwaas oo qeyb ka ah cabitaannada caafimaadka loo cabo ee dunida laga isticmaalo,” waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan ay soo saartay shirkadda Coca-Cola. Maadada Cannabidiol-ka asal ahaan waa xashiishad, waxa ay gacan ka gaysataa jebinta xanuunka iyo caabuqyada ku dhaca bini’aadamka, hasayeeshee malahan wax saameyn ah oo ay qofka ku reebayso. Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa xilli dalka Canada uu isu diyaarinayo inuu raaco dhabbihii ay mareen qaar ka mid ah gobollada Mareykanka kuwaas oo sharciyeeyay in xashiishadda madadaalo ahaan loo isticmaali karo, kaddib sanado dawo ahaan loo isticmaalayay. Tallaabadaasna waxa ay horseedday in ay aad u bataan shirkadaha arrimahaas ka shaqeeya iyagoo weliba soo jiitay shirkado waa weyn oo maalgeliya.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku beenisay sheegasho maalmo ka hor kasoo yeertay dowladda Itoobiya oo aheyd in duqeyn ay ku dishay tobanaan dagaalyahanno oo ciidameeda ka tirsan. Mas’uul katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in aysan jirin wax duqeymo ah oo ay lakulmeen ciidamadooda isagoo warka kasoo yeeray Itoobiya ku tilmaamay been aan sal iyo raad laheyn. Idaacadda Al-Andalus oo wareysatay Mas’uul ka tirsan Al-Shabaab oo aysan magaciisa sheegin ayey waydiisay waxa ka jira warka kasoo yeeray Dowladda Itoobiya ee ah in duqeyn xagga cirka ah ku dishay 70 askari oo katirsan Shabaab? “Warkaas Xabashidu sheegtay waxba kama jiraan sida muuqata dhaqankii Kenyaatiga ayay bilaabeen ee lagu yaqaanay in aysan wax aanan jirin ama dhacdo aananba dhicin iska sheegtaan, marka warkaas wax jira ma ahan, Meel ay diyaaradahoodu nagu beegsadeen iyo ciidan ay naga dileen midna ma jirto” ayuu yiri Mas’uul katirsan Al Shabaab. Gen. Yilma Merdassa oo kamid ah saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaa 15-kii September 2018 u sheegay warbaahinta Afka dowladda ku hadasha ee Fanabc in duqeyn diyaaradeed ay ku dileen 70 katirsan dagaalyahannada Al Shabaab . Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa looga hadlay Khilaafka hadda ka taagan Maamulka Galmudug. War-saxaafadeedka waxaa loogu baaqay dowladda dhexe in ay joojiso faragelinta sidoo kalena Ciidamada Xoogga iyo kuwa Galmudug aan loo adeegsan khilaafka ka taagan Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay dowlada Jabuuti ayaa lagu eedeeyay in Hubka sharci darada ah ay soo galiso gudaha Somalia kuwaa oo si sahlan ugu gacangala maleeshiyaadka Al-Shabaab. Hubkan oo noocyo kala duwan leh ayaa la sheegay in si fudud ay ku helan Al-Shabaabka, iyagoo u adeegsada gumaadka ay ku hayaan shacbiga iyo dagaalka ay kula jiran dowlada Somalia. Warbixin ay soo saartay sharkadda laga leeyahay Dalka Ingiriiska ee EXX Africa, ayey ku sheegtay in saraakiil ka mid ah dowladda,Ganacsato iyo xubno kale ay si dadban hub sharci darro ah ku geliyaan Soomaaliya. Dowladda Jabuuti oo ka duuleysa eedeymaha Hub galinta Somalia ayaa iska fogeysay warbixinta EXX Africa, waxa ayna tilmaantay inaanu jirin Hub sharci daro ah oo ay galiso Somalia. Qoraal ka soo baxay Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayuu ku difaacay dalkiisa waxa uuna waxkama jiraan ku sheegay eeda loo jeedinayo ee ku aadan Hubka sharci darada. Wasiir Maxamuud ayaa sheegay inaanu raad laheyn warbixinta laga diyaariyay Jabuuti islamarkaana dalkiisa uu ka go’anyahay nabadda iyo deganaanshaha Gobolka. Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in baahinta warkaasi loo helo cadeymo, waxa uuna ka gaabsaday inay suuragal tahay in Ganacsatada dalkiisa ay si qarsoodi ah Hubka ugu soo raraan Somalia. Haddalka, Wasiir Maxamuud ayaa kusoo beegmaya xili EXX Africa ay muujisay in cadeymo hubaal ah ay u heyso in dowlada Jabuuti ay Hubka si sharci daro ah ku galiso Somalia.
-
Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Soomaaliyeed ayaa war murtiyeed ka soo saarey Xaaladda Qasan ee Galmudug iyo Kaalinta Dawladda Federaalka ah. Qoraalka dowlad goboleedyada waxaa uu u qornaa sidan: Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Soomaaliyeed wuxuu si dhow ula socdaa xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Dawlad Goboleedka Galmudug ka soo cusboonaatay. Goluhu isagoo aad uga walaacsan xaaladda sii murgeysa ee Dawlad Goboleedka Galmuug, ayuu u-kuur gal iyo wada-tashi ballaaran ka dib: 1. Cambaaraynayaa afduubka ay aragaggixisada Alshabaab u geysteen odayaasha deegaanka Galmudug, wuxuuna ku baaqayaa in mudnaanta koowaad la siiyo samatabixnta odayadaa, meelna looga soo wada jeesto la dagallanka Alshabaab. 2. Mar kale bogaadinayaa meel-marinta heshiiskii ay gaareen Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, kaas oo ay goobjoog ka ahaayeen Dawlada Federaalka, Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleeyada iyo Xubno Beesha Caalamka ka mid ah. Goluhu wuxuu ku baaqayaa in Dawlad Goboleedka Galmudug loo madaxbanneeyo hirgelinta heshiiskaas, lagana daayo wax alla wixii caqabad ku ah fulinta heshiiskaas. 3. Goluhu wuxuu baqdin ka qabaa in xiisadda siyaasadeed ee Galmudug ka socota ay ku qotonto, daliil cadna u tahay cabashooyinkii farahgelinta qaawan ku saabsanaa ee uu Goluhu horay ugu soo jeediyey Dawlada Federaalka ah. Waxaana muuqanaysa in dhaqdhaqaaqyada aan wax dhisayn ee socda ay ka jaan-qaadayaan baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ee uu Munaasabadddi Furitaanka Golaha Shacabka si cad ah ugu ballan-qaaday Guddoomiyeyaasha Golayaasha Baarlamaanka Galmudug iyo HirShabelle “in uu kala shaqeyn doono” wax uu Madaxweynuhu ku sheegay “Danta Guud”. 4. Goluhu wuxuu Dawladda Federaalka ah xusuusinayaa in danta Galmudug iyo tan Soomaaliyeedba ay ku jirto midnimada shacabka Galmudug, iyo wadajirka hay’adahooda Dastuuriga ah, wuxuuna ku baaqayaa in si daahfuran loogu dul-shaqeeyo sharciyada iyo Dastuurka Dawlad Goboleedka Galmudug ay ku midoobeen 5. Goluhu, isagoo cuskan Qodobbada 48aad & 50aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliyeed, dibna u milicsanaya Qod. 4.2 (1) ee Warmurtiyeedkii Shirweynaha 3aad ee Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Soomaaliyeed, wuxuu si adag ugu baaqayaa in degdeg loo joojiyo faraggelinta qaawan ee ay laamaha Dawladda Federaalka ahi ku hayaan Dawlad Goboleedka Galmudug, wixii khilaafaad ah ee jirana loo xalliyo qaab dastuur iyo xaajaysi ku dhisan. Goluhu wuxuu si gaar ah uga digayaa in ciidamada Federalka ah sida Xoogga Dalka iyo NSSQ (NISA) ee ku sugan Dawlad Goboleedka Galmudug, iyo ciidamada Dawlad Goboleedka Galmudug midnaba loo adeegsado hab ka baxsan himilooyinka iyo xayn-daabka dastuuriga ah ee waajibaadkooda, lagana feejignaado in ay ku milmaan xiisadaha siyaasadeed ee taagan. 6. Goluhu wuxuu diyaar u yahay in sidii horayba u dhici jirtey, uu gacan ka geysto xallinta iyo soo af- aridda khilaafka taagan, isagoo la kaashanaaya cid alle ciddii arrintaa wanaag ku biirinaysa. 7- Ugu dambayn, Goluhu wuxuu culimada diinta, aqoonyahaniinta, waayeelka dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ku boorrinayaa in ay u indhofurraadaan jihada uu dalkani ku socdo iyo khataraha ku xeeran masiirka umaddiisa Goobjoog News Source: goobjoog.com