Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,526
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Italian Prime Minister Giuseppe Conte and Austrian Chancellor Sebastian Kurz called for a European response to the flow of migrants from Africa and the Middle East after bilateral talks in Rome on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  2. The United States' commitment to global development does not look good compared with that of other wealthy countries — and it's likely to get worse. Source: Hiiraan Online
  3. The dead babies were discovered when Nairobi Governor Mike Sonko made a surprise visit to a maternity hospital. Health officials say the babies were stored in boxes because the hospital does not have a mortuary. Source: Hiiraan Online
  4. It's just five months since Abiy Ahmed took over as Ethiopian prime minister yet the pace of change in the Horn of Africa has been simply staggering. Insuperable obstacles have been swept away. So many hurdles have been vaulted that it's difficult to keep track. Source: Hiiraan Online
  5. Hundreds of Garissa University students yesterday took to the streets over their missing second-year colleague. Source: Hiiraan Online
  6. From the sky, the Dadaab Refugee Camp in Garissa County looks like a tuft of green hair in the balding savannah that is the northern part of Kenya. Source: Hiiraan Online
  7. Somali health officials say hospitals and health centres in Mogadishu have seen a dramatic rise in the number of people suffering from Tuberculosis (TB) over the past few months. Source: Hiiraan Online
  8. The International Criminal Court has opened a preliminary examination into Myanmar's alleged crimes against its Rohingya Muslim minority. Source: Hiiraan Online
  9. Ethiopia’s goverment held peace talks with members of the Ogaden National Liberation Front (ONLF) in Asmara, Eritrea’s information minister, Yemane G. Meskel said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  10. Save the Children warns of ‘starvation on an unprecedented scale’ as conflict disrupts food supplies Source: Hiiraan Online
  11. Washington (Caasimada Online) – Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar waxa ay qorsheenayeen in ay weerar ku qabsadaan dalka Qadar, waxaa sidaas xaqiijiyey madaxii istaraatijiyadda Aqalka Cad ee Mareykanka Steve Bannon. Hadalkan oo uu sheegay 10 bilood kahor, xilli lagu jiray shir lagu qabtay xarunta machadka daraasaadka ee dhanka midig ee Hudson Institute, Bannon waxa uu ku sheegay shirkii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hoggaamiyeyaasha Carabta ee Riyaad lagu qabtay bishii Maajo 2017 looga xaajooday qabsashada Qadar. Hadaladdiisa waxa ay soo bexeen toddobaadkan. “Waxaan aadnay shirkii UAE, Sacuudiga iyo kuwo kale; qodobka kowaad waxa uu ahaa waa in aan wax ka qabanno maalgaliyeyaashan xagjirada Islaamka, wax intaas ka bandanna ma jiri doonaan – madaxweyne Trump waxa uu yiri –“Ciyaar dambe ma jiri doonto,” sidaas waxaa sheegay Bannon. “Labada dhinacba ma joogi kartid. Dhinacna ma dhihi kartid waxaad tahay saaxiib iyo xulufo, dhinaca kalena waxaad maalgalisaa Ikhwaanul Muslimiin ama Xamaas,” ayuu hadalkiisa raaciyey isaga oo ula jeeda Qadar. “Ma qabo in ay ahayd shil in laba toddobaad shirkaas kaddib aad aragto cunaqabateynta ay Qadar ku soo rogeen Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Egypt iyo Sucuudiga,” ayuu yiri Bannon. Waqtigii uu socday shirka, Bannon waxa uu sheegay in uu warbixinno la wadaagay Sacuudiga, UAE iyo Egypt. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
  12. Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa wali ku adkeysanaya in maamulka Jubbaland uusan ka qeybgali Karin shirka uu marti galiyay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Axmed Madoobe oo kulan khaasa saacadihii ugu danbeeyay la qaatay guddiga dhexdhexaadin dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda ee Aqalka Sare ayaa sheegay inay adkaan doonto inuu horfadhiisto madaxda Villa Somalia. Axmed Madoobe, waxa uu guddiga u xaqiijiyay in dowlada Dhexe ay go’aan cad ku gaartay inay wiiqdo awooda maamulada, balse waxa uu cadeeyay inaanu taa dhici doonin. Madoobe, waxa uu sheegay in wadhadalka iyo ka qeybgalka ay uu imaankaro keliya marka ay dowlada Dhexe qirato dhibta ay ku heyso maamulada, isagoo inta ka horeysa sheegay inay ku adkeysan doonaan go’aankooda. Mid kamid ah xubnaha Guddiga ee ku sugan magaalada Kismaayo, ayaa xaqiijiyay in Hogaamiye Axmed Madoobe oo wali u adkeysanaayo mowqifkiisa, balse waxa uu tilmaamay inay xooga saarayaan sida meel dhexe leysugu imaan lahaa. Waxa uu intaa ku daray in shakiga ugu weyn ee uu qabo Axmed Madoobe uu yahay in lagu faragaliyo doorashada maamulkiisa, hase yeeshee xalka uu yahay mid dhaw. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa dowlada Dhexe ku eedeeyay inay ka shidaal qaadaneyso xubno kasoo jeeda maamulkiisa oo kasoo horjeeda nidaamka dhismo ee Jubbaland, taasina ay ugu wacan tahay go’anka uu qaatay, marka laga soo tago dhaliilaha kale. Haddalkan ayaa u muuqda mid lagu sii ololinaayo xiisada maamulada kala dhexeysa dowlada Dhexe, inkastoo ay suuragal tahay in xalka khilaafka uu soo degdego. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  13. Tel-Aviv (Caasimada Online) – Mas’uul sare oo Imaaradka Carabta ka tirsan ayaa bishii Agoosto Israel u aaday sidii uu ugala xaajoon lahaa xiriirka ganacsi ee labadooda dal ka dhexeeya, sidaas waxaa werinaya qaar ka mid ah warbaahinta Bariga Dhexe. Ilo diiday in la xuso ayaa u sheegay werbka Arabii21 in Sultan Axmed bin Suleyem, maareeyaha shirkadda Dekeddaha ee ay dowladdu leedahay ee DP World, in uu booqday magaalada Tel-Aviv, si uu sare ugu qaado xiriirka ka dhaxeeya shirkadda iyo Israel. Sida laga soo xiganayo turjumadda ay sameysay shabakada Middle East Eye, kulanka waxaa qaban qaabiyey Michael Vaknin, madaxa dhaqaalaha shirkadda JP Morgan Investment Bank, dadka ka qeygalay kulanka waxaa ka mid ahaa sidoo kale madaxa canshuuraha Israel. Sida la wariyey, DP World waxa ay xiriir xooggan la leedahay shirkadda maraakiibta Israel, Zim Integrated Shipping Services Ltd iyo shirkado kale oo ay Israel leedahay. Israel waxa ay si rasmi ah xafiisyo ganacsi uga furatay Cumaan iyo Qadar kuwaas oo markii dambe la xiray laakiin dowladda Yahuudda waligeed xiriir rasmi ah lama lahayn Imaaraadka Carabta sanadkan ka hor inta la ogyahay. Dhowaan ayay ahayd markii Jeneral sare oo haysta ciidamada Imaaraadka uu sidoo kale booqday Israel, ayada Imaaraadka ay tababar ku saabsan sida loo duuliyo diyaaradaha dagaalka ee F-35 ka baranayaan Yahuudda. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  14. Jig-Jiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaali Galbeed Muftafe Cumar Cagjar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka uga hadlay waxa uu ka aaminsan yahay halgankii dhulkaas Soomaaliyeed loo galay. Soomaali Galbeed oo ah dhul uu guumeystihii Ingiriiska u gacan galiyey Itoobiya ayey Soomaalida u gashay dagaal badan oo ay isaga rideysay heeriyada guumeystaha madaw. Dhinaca kale dowladihii Soomaaliya ka hanaqaaday guumeysigii kaddib ayaa iyana dadaal ku bixiyey sidii ay ku xorreyn lahaayeen dhulka Soomaaliyeed ee ku jira gacanta guumeystaha Waxaa xusid mudan dagaalkii 1977 ee ay Soomaaliya ku qabsatay gebi’ahaanba dhulka Soomaali Galbeed kahor inta aan xoog looga soo saarin kaddib markii wadmo badan oo uu Ruushka hoggaaminayo dagaalka soo galeen. Markii ay dowladdii Soomaaliya bur burtay, waxaa halkiisii ka sii socday dadaalka ay Soomaalida ugu jirtay xorreyta dhulkaas, waxaana waday xoogag hubeysan sida ONLF oo halganka ilaa iyo hadda wadda. Hadaba, isaga oo ka hadlaya halganaddii la soo galay iyo wali gaar ahaan dagaalkii 1977, madaxweyne Musrafe waxa uu yiri- “Dhamaan halgamadii Soomaali galbeed waxay ahaayeen guumaysi-diid xalaal ah. Dagaalkii 1977kii wuxuu ahaa uun marxalad ka tirsan halgamadaa lagu diidanaa guumaysiga. Waa inaan ka run sheegnaa taariikhdeena oo aan diidnaa in cid kale inoo macneeyso taariikhdeena.” Muftafe Cumar, madaxweynaha Soomaali Galbeed waxa uu u bedelay Cabdi Maxamuud Cumar oo 10-kii sano ee u dambeeysay hoggaaminayey deegaankaas. Madaxweyne Mustafe waxa uu wax ka badal ku sameeyey dastuurka isaga oo soo celiyey calankii hore ee deegaanka kaas oo ay ka muuqato astaanta shanta Soomaaliyeed ee ah XIDDIGTA soo koobeysa. 1. Dhamaan halgamadii soomaali galbeed waxay ahaayeen guumaysi-diid xalaal ah. Dagaalkii 1977kii wuxuu ahaa uun marxalad ka tirsan halgamadaa lagu diidanaa guumaysiga. Waa inaan ka run sheegnaa taariikhdeena oo aan diidnaa in cid kale inoo macneeyso taariikhdeena. — Mustafa Omer (@Cagjaromer) September 16, 2018 2. Shuhadadii ku dhimatay halganka & difaaca dalkooda & dadkoodu waxay inaga mudan yihiin xus iyo maamuus joogta ah. Iyagu way ka soo baxeen waajibaadkii ku aadanaa xilliyadii ay noolaayeen. Ilaahay ha u naxariisto dhamaantood. — Mustafa Omer (@Cagjaromer) September 16, 2018
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Si Soomaaliya looga xaqiijiyo dhanka xasiloonnida waa in la maal-geliyo helitaanka Teknoolojiyad casri ah, si aanu u dhicin marnaan xagga amniga ah, sidaasi waxaa sheegay Simon Mulongo oo ah ku-xigeenka u qeybsanaha guddoomiyaha midowga Afrika. Arrintan waxaa uu ka sheegay xilli uu ka hadlay siminaar labo maalin ahaa oo looga hadlayey sida Teknoolojiyadda ay qeyb uga qaadan karto sugidda amniga. “AMISOM waxaa ay shaqeysaa xilliyo dhib badan, waxaa ayna ku shaqeysaa bey’ad aad u horumarsan” sidaasi waxaa yiri Mulongo, isaga oo intaasi raaciyey in loo baahanyahay waddooyin lagu helo afkaar cusub, oo horumarsan. Simon Mulongo waxaa uu carabta ku adkeeyey inay muhiim tahay in la helo qaab lagu sugi karo ammaanka ciidamada AMISOM xilliyada ay ka baxayaan xeryada iyo goobaha ay deggan yihiin. Simon waxaa uu sidoo kale qabaa in Teknoolojiyadda ay muhiim u tahay ladagaalanka argigixiso, gaar ahaan xilliga kala-guurka. Ciidamada AMISOM ayaa la doonayaa inay amniga si tartiib ah ugu wareejiyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ay horay u saareen 1,000 askari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhulka buuraaleyda Galgala ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in qeybo kamid ah buuraha ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan maleeshiyaadka Al-Shabaab. Maleeshiyaadka ayaa lasoo sheegayaa in dhaqdhaqaaqooda uu yahay mid ay ku sal balaarsanayaan, waxaana soo baxaaya warar sheegaya inay kasoo siqeeb dhufeysyadii ay horay ugu sugnaayen. Dhufeysyo hor leh ayaa la xaqiijiyay inay ka sameysteen buuraha, iyadoo xiliyada habbeenkii rasaas ku fura ciidamada maamulka ee ku sugan jiida dagaalka. Dhufeysyada qaar ayaa la sheegay inay ka dhisteen qeybaha sare ee buuraha, halka qaarna ay ka dhisteen goobo aan sidaa uga sii fogeyn halka ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka Puntland. Dhaqdhaqaaqyada Daacishta Somalia ayaa kusoo beegmaya xili maamulka Puntland uu isku diyaarinayo doorasho Madaxweyne waxaana aad looga cabsi qabaa in qalqal amni ay geystaan maleeshiyaadka. Geesta kale, maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Daacishta Somalia oo ay ku qaadan fariisimaha ay ku leeyihiin buuraha, kahor inta aanu dhicin doorashada. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  17. Afgooye (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa markii ugu horeysay digniin adag u kala diray Musharaxiinta u tartameysa xilka Hogaamiyenimo ee maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia. Ku-simaha Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka beeraha maamulka KG Maxamed Xasan Fiqi, ayaa sheegay in maamulka uu ka digayo in musharaxiinta ay awood iyo qalqal siyaasadeed ka dhex geystan gudaha magaalad. Ku-simaha waxa uu tilmaamay inay qaadi doonaan talaabo waliba oo ay ku xakameyn doonaan musharaxiinta waa haddii ay isku dayaan in qalqal amni ay ka dhexsameeyan gudaha magaalada. Wax uu sheegay in musharaxiinta ay xor u yihiin inay kasoo dagan Garoonka Shaati Gaduud, isla markaana ay ka dhoofi karan, balse aan laga aqbali doonin inay qalqal amni ka sameeyan deegaanada maamulka. Waxa uu intaa ku daray in musharaxiinta ay siinayan xoriyad ilaa iyo xad ku filan, isagoo sheegay inay awood u yeelan doonaan in gudaha magaalada ay ku qabsadaan shir iyo ololo balse aysan ka aqbali doonin in amniga la qalqal galiyo, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, ku-simaha ayaa musharaxiinta uga digay in ciidamadooda ay dhibaateeyan dadka shacabka, isla markaana laga doonayo inay qeybtooda ka ilaaliyan amniga maadaama lagu guda jiro xili doorasho. Si kastaba ha ahaatee, waxaa magaalada Baydhabo gaaray tiro musharaxiin ah kuwaa oo durba bilaabay ololahooda. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  18. Around 50 girls, including some as young as four, are being treated in hospital in Burkina Faso after they underwent female genital mutilation (FGM). Source: Hiiraan Online
  19. If The Weeknd's huge hit, "Starboy," had a familiar sound, it's not because Daft Punk produced it ... it's because the song is a rip-off ... or so another artist claims in a lawsuit. Source: Hiiraan Online
  20. Asmara (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia iyo Jabahadda xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF ayaa kulan ku yeeshay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaasi oo ay ku yeesheen wada-hadallo qodob muhiim ah ay isku afgarteen, sida ay sheegeen mas’uuliyiin sare. Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar, oo waftiga dowladda Ethiopia matalayey ayaa sheegay inuu kulan magaalada Asmara kula qaatay hoggaamiyeyaasha ururka ONLF. Dhinaca ONLF waxaa hoggaaminayey Guddoomiyaha ururka Admiral Maxamed Cumar Cusmaan iyo mas’uuliyiinta kale ee ururkaasi, iyadoo heshiiska labada dhinac ay gaareen xuu yahay qaabka wada-hadalka rasmiga ah uu u dhacayo, iyo in madaxda ONLF ay dib ug noqdaan dalkooda. Mustafa Cumar ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in madaxada ONLF ay ka wada haldeen taarikhda halgankii dheera iyo ku guriyo noqoshada. Maanta waxaan booqasho rasmi ah ku tagney Magaalada Asmara ee Dalka Eriteria, Waxaanu kula kulanay Madaxda ugu sare ee Ururkana JWXO ONLF, waxaan ka Wada hadalney Taariikhda Halgankii dheeraa & ku guriyo noqoshada Dalka gaar ahaan Deegaanka Soomaali Galbeed. Alle ayaa Mahad leh pic.twitter.com/c5laQXYAez — Mustafa Omer (@Cagjaromer) September 18, 2018 Hadalkan madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan dowladda Itoobiya ay cafis u fidisay uraradii mucaaradka ee dowladda kasoo horjeeday isla markaasna waxay ka saartay liiska argagixisada. Dowladda Itoobiya waxay wafddi isku dhaf ah u dirtay magaalada Asmara si ay ururada wadahadalo nabadeed ula yeeshaan, waxaana kamid ah ururka ONLF oo muddo dagaal kula jiray dowladda Itoobiya.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa dhaliilo kala duwan ka muujinaya amni darada ka jirta magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Xildhibaanada ayaa dowlada Somalia ku eedeeyay inay ka gaabineyso amni kusoo dabaalida magaalada Muqdisho, sida ay hadalka u dhigeen. Wasiiru dowlihii hore ee Maaliyadda Somalia ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa kamid ahaa mudanayaasha dhaliilaha amni usoo jeediyay dowlada Somalia, waxa uuna tilmaamay in lagu fashilmay amniga. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in amnidarada dalka ka jirta ay sabab u tahay hubka ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka helan dowladda. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Waanu la socnaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa saanad Millateri u gudbiya Al-Shabaab,amnigana mahagaagaayo,dowladdan markii ay timid waxaa naga geeriyooday in ka badan 400,000” Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxa uu tilmaamay inay garanayaan shaqsiyaadka sida gaarka ah Hubka dowlada ula wadaaga Al-Shabaab, hase yeeshee waxa uu ku celcelshay in amniga Somalia, gaar ahaan kan Muqdisho uu kasii liidan doono inta uu hadda yahay, sida uu hadalka u dhigay. Dowlada Somalia ayuu sheegay inay ka doonayaan in banaanka ay soo dhigaan shaqsiyaadka Hubka Qaranka la wadaaga Al-Shabaab, isagoo cod dheer ku sheegay inaysan ka ganban doonin xaqiiqda. Sidoo kale, Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa sheegay in dowlada ay kula xisaabtami doonaan askari waliba oo sababsada daryeel la’aan iyo saanad xumi kasoo foodsaarta dhanka dowlada, isagoo ka digay in la dhaliilsado qeyla dhaanta Xildhibaanada. Haddalka Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa u muuqanaya mid ay xildhibaanada uga faa’iideysanayaan makaroofanka maadaama kuwa hadlay ay u badan yihiin mucaradka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. On Monday, six foreign pilots were arrested at Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) for operating without work permits. Source: Hiiraan Online
  23. Moscow (CNN)Syria antiaircraft fire downed a Russian military plane after an Israeli attack on Syrian positions, killing 15 people on board, Moscow said. Source: Hiiraan Online
  24. Qoraal ka soo baxay koox musharrixiin ah oo u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland ee sannadka 2019 ayaa looga hadlay,magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka ka yimaada,xulista xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Puntland. Kooxdan musharrixiinta ah oo ku bahoobay magaca Puntland Focus Group,ayaa qoraalkooda ku xusay talooyin ku saabsan,magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka,waxaana ay soo jeediyeen in wada-tashi ballaaran laga yeesho xubnaha noqonaya guddigaasi. Musharrixiinta la baxay Puntland Focus Group,waxay ku wargeliyeen dhammaan qeybaha ay khusayso,in xubnaha loo magacaabayo guddiga xallinta khilaafaadka ay ku yimaadaan,hab ku salaysan caddaalad iyo sinnaan ah,islamarkaana ka madax-bannaan yihiin siyaasad iyo daneysi-kooxeed,si loo helo kalsooni ku wajahan xulista xildhibaannada cusub ee Puntland. Sidoo kale kooxda aya soo jeedisay, in xubnaha guddigaasi ay noqdaan dad bulshada magac iyo sharaf ku dhex leh,oo lagu qanci karo go’aannadooda ku aaddan,kala saarista shakhsiyaadka ku loollamaya,helista kuraasta xildhibaannimo ee Baarlamanka cusub. Hadalka kooxdan ayaa ku soo beegmay,xilli aan weli la magacaabin guddiga xallinta khilaafaadka ee xulista xildhibaannada cusub ee Puntland. Guddigaas oo shaqadoodu tahay,soo saarista shakhsiga saxda ah ee mudan kuraasta lagu murmo. Musharrixiinta qoraalkan soo saaray oo gaaraya ilaa 11 musharrax ayaa kala ah;Cabdi Faarax Saciid(Juxaa), Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale),Cali Xaaji Warsame,Faarax Cali Shire,Jamiila Saciid Muuse,Xaaji Maxamed Yaasin Ismaaciil,Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa),Khalif Ciise Mudan,Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne), Saciid Cabdullahi Deni iyo Maxamed Salaad Cali (Qoryooley). PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland: Musharrixiin ka digay in wax la maroorsado appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Xildhibaanada golaha Shacabka ee baarlamaanka Somalia, ayaa maanta sii waday dooda Amniga Muqdihso iyo wax ka qabashadeeda, waxa uuna kulanka maanta ahaa kulanka 3-aad ee Kalfadhiga 4-aad. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay doodooda xili ay khudbado ka jeedinayeen xarunta, waxa ayna intooda badan dhaliil u jeediyeen dowlada Somalia. Xarunta ayaa waxaa khudbadaha ka jeediyay 13 Mudane, waxaana baaqi ah 14 mudane oo aan wali jeedin khudbadaha kuwaa oo jeedin doona maalinta berito ah. Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo kamid ahaa Xildhibaanada meesha ka hadlay ayaa sheegay in amarada Shabaab si caadi ah maalin iyo habeenba uga dhaqan galaan Muqdisho. Xildhibaan Cabdixakiin, waxa uu tusaale usoo qaatay amarradii lagu xiray Garoomada qaar ee Salaxa loo yaqiinay, kuwaasoo amarro ka soo baxay Shabaab lagu xiray, iyadoo dowladda Somaliya aaney waxba iska weydiin arintaas. Nuqul kamid ahaa hadalkiisa ayaa ahaa “Garoommadii kubbadda cagta lagu ciyaari jirey waa la xirey Shabaab ayaa sidaas amray, xildhibaannada haddaanay masuuliyaddooda qaadan karin ha isaga tagaan xilka oo dadka yaan la sirin, wax qorshe badbaado ah haddii aanan loo haynin shacabkan daaley yaan la dibin daabyeenin”. Xildhibaan Cabdi Xakiin Macalin oo sii hadlay, ayaa Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Somaliya Xasan Cali Khayre u soo jeediyay in isaga iyo Xukuumadiisaba ay dalka isaga tagaan, Sababta ayuu ku sheegay in sugida amniga lagu fashilmay. Nuqul kamid ahaa hadalkiisa ayaa ahaa “Aniga waxaan codsanayaa si cad oo gambad lahayn Raysul-wasaaraha iyo xukuumaddiisa waddankan ha isaga tagaan wax waa qaban waayeene” . Xildhibaan Cabdixakiin, waxa uu cadeeyay in Xukuumada Somalia ay ku hingowday amniga sidaa aawgeed ayuu soo jeediyay inay isaga tagan dalka Kheyre iyo Wasiiradiisa. Sidoo kale, Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa ku eedeeyay dowladda Somaliya iney caburin ku heyso xoriyada ra’yiga, Waxa uu sheegay inaan jirin cid ka hadli karta dal daloolada dowladda oo aan ka eheyn Baarlamaanka oo xasaanadooda looga baqanayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com