-
Content Count
206,526 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Asmara (Caasimada Online) – The Federal Democratic Republic of Ethiopia and the Ogaden National Liberation Front (ONLF) discussed modalities of peace talks in Asmara. The Ethiopian delegation was led by The Minister of Government Communication Affairs Office and Chairman of the Ethiopian Somali Peoples Democratic Party, Mr. Ahmed Shide, while ONLF side was led by its Chairman, Admiral Mohamed Omar. Here is the joint statement issued by the Ethiopian government and ONLF: A meeting between the Ethiopia government and the Ogaden National Liberation Front (ONLF) took place in Asmara, Eritrea to discuss ways of resolving the longstanding conflict in somali region. The two parties have discussed the modalities of peace talks between the Ethiopia government and ONLF. The parties have reached a common understanding on the issues discussed and way forward. The two parties have agreed to work together peacefully to promote and protect the interest of the people of the Somali region and collaborate on national issues including the future of the horn of Africa integration. The substantive talks will be finalized soon. Both parties thanked the Eritrea government and its people for hosting the meeting.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhawaaqay inuu heshiis la galay dowladda Federaalka, kaddib wada hadalo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho. Maxamed Cabdi Waare oo hadal jeediyey waxaa uu yiri “Waxaan rajeynayaa dowladda inay ka miro dhaliso wada hadalladaas, dhibaatooyinka aan sheegnana wax nagala qabtaan” waxaa uu intaasi raaciyey inuu ballanta uga baxay dowlad goboleedyada kale, muujiyana niyad wanaag. Haddaba, Halkan Ka Akhris, Qoraalka Ka soo baxay Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Deadly airstrike has targeted a hospital in rebel-held town of Sakow in south of Somalia, killing at least 3 children. Fighter jets, thought to be from Kenya fired 3 missels at the hospital in the town last night, according to Al-Shabaab mouthpiece. The raid destroyed general hospital in Sakow town, some 515Km southwest of Somali capital Mogadishu It remains unclear the target of the bombing. Last week, Ethiopian air force official, Brig. Gen. Yilma Merdassa said an airstrike killed 70 Al Shabaab militants in neighboring Somalia. Merdassa says the airstrike was aimed to thwart an Al-Shabab attack on an Ethiopian troops with multinational African Union force. U.S. military claimed to have killed two Al Shabaab militants in drone strike in Mubarak town, some 37 miles west of Somali capital Mogadishu Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa wado qorsho uu ku doonayo inuu ku sameysto waqti kororsi xilli ay arrintaas ka digtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiinta Dowladda Soomaaliya. Shariif Xasan ayaa doonayo inuu si xoog ah waqti ugu korosi isla markaasna uu u hanjabo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Muddo kororsiga uu rabo Shariif Xasan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeedo Dalladda Musharaxiinta Maamulka Koonfur Galbeed oo ka kooban 7 Musharax oo uu ugu cadcad yahay Fargeeti. Dalladda musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ah dalad ay ku mideysanyihiin dhammaan musharaxiinta isbedeldoonka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweeyey go’aankii xasaasiga ahaa ee kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka. Go’aanka ay soo dhaweeyeen musharaxiinta Koonfur Galbeed ayaa ahaa Doorashooyinka ka dhici doona Dowlad Goboleedyada Soomaaliya in aan muddo kororsi la sameyn karin Doorashadana ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay. Doorashada xilka madaxtinimo ee koonfur gelbeed soomaaliya ayaa ah doorashada ugu horeysa ee kadhici doonta Dowlad Goboleedyada Dalka, ilaa iyo haatan ma muuqato saan saan muujineysa sida ay ku qabsoomi laheyd doorashada. musharaxiinta isbedeldoonka ayaa arrintan ka walaacsan maadaama aysan muuqan ifafaalo muujineysa waqtiga yar ee haray taas oo loo arko in maamulka waqtigiisa dhamaaday uu isku dayayo in uu muddo kororsi sameysto. Wasaaradda arrimaha gudaha dowlada federaalka soomaaliya ayaa war saxaafadeedkeda ku sheegtay in aysan marnaba aqbaleynin muddo kororsi dhanka doorashada ah. Dhammaan musharaxiinta Koonfur Galbeed ayaa ku sugan magaaalada Baydhabo iyagoo u diyaar garoobay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen doorashada waxayna ugu baaqeyn Dowladda Dhexe in ay hubiso in doorashada waqtigeeda si xalaal ah ay u dhacdo. Odayaasha iyo Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Shariif Xasan Shiikh Aadan ka dalbaday inay doorashada waqtigeeda ku dhacdo isla markaasna loo baahan yahay inay deegaanadaas ka dhacaan isbadal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Muqdisho kaga dhawaaqay inay heshiis buuxa dowladda dhexe ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna ka wada shaqeyn doontaa danta dadka, gaar ahaa HirShabelle. Shirka jaraa’id ee Muqdisho ku qabtay ayuu Waare shaaca ka qaaday inuu jiray heshiis ay madaxda maamul goboleedyada ku gaareen inaan lala heshiin dowladda dhexe, balse isaga uu saaxiibadiisa heshiiska uga baxay. “Anaga saaxiibadeenna waxaan uga baxnay ballan. Ballanta waxay ahayd inaan gacmaha is-haysano, oo aan dowladda la heshiin, waana ka baxnay ballantaas, marka waxaan ka rajaynaa in dowladda ay kasoo abxdo heshiiska aan gaarnay” ayuu yiri Waare. Waxa uu intaas ku daray in haddii dowladda ay fulin weyso waxyaabaha ay ku heshiiyeen ay taas la macno tahay laba geeri, oo uu ula jeeday in maamul goboleedyadiina uu kasoo goostay, dowladda dhexe-na uusan ka helin wixii uu rabay. Madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhinaca kale sheegay in dowladda oo fulisa waxyaabaha uu kula heshiiyey ay mamaul goboleedyada kale ku dhiiri gelin karto inay iyagana heshiis qaataan, maadaama ay arki doonaan in dowladda la aamini karo, oo la isku haleyn karo. Hoos ka dhageyso hadlaka Waare https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Madaxweyne-Waare-1.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Baarlmaaanka Soomaaliya ayaa seddexdii berri ee ugu dambeysay waday dood ku saabsan Amniga Muqdisho kadib markii Muqdishi lagu weeraray Xildhibaan iyaga ka tirsan Xildhibaanada doodaas ka hadlay ayaa tilmaamay in Amniga Muqdisho halis ku jiro isla markaasna ay dowladda Dhexe ka jiiftay. Xildhibaanada qaar ayaa sheegay inaysan guryahooda kasoo bixi karin Amni darro uuna Baarlamaanka Soomaliya ku jiro xaalad halis ah. Sidaas darteed waxaana dabagal ku sameynay xildhibaanada la dilay intii ay jirtay dowladda Farmajao iyo intii la dilay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud. Dowladda Farmaajo intii ay jirtay waxaa la dilay wasiir Cabaas Siraaj, oo sidoo kale ahaa xildhibaan, wuxuuna ku dhintay qalad iyo kala shaki ciidamada dhexdooda ah oo ma dilin Al-Shabaab. Halkaan hoose ka akhriso: 1- Xildhibaan Xuseen C/salaam Maxamed, September 2013, Muqdisho 2- Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed (Faysal), December 2013, Gudaha Villa Somalia, Muqdisho Sanadka 2014 3- Xildhibaan Isaaq Maxa’ed Riino 21 April, 2014, Muqdisho 4- Xildhibaan C/casiis Isaaq Mursal 22, April, 2014, Muqdisho 5- Xildhibaan Maxa’ed Maxa’uud Xayd 3 July, 2014, Muqdisho 6- Xildhibaan Saado Cali Warsame 23 July, 2014, Muqdisho 7- Xildhibaan Sheekh Aaden Madeer 1 August, 2014, Muqdisho Sanadka 2015 8- Xildhibaan C/llaahi Qayad Barre 9 Febuary, 2015, Muqdisho 9- Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Furdug) 20 February, 2015, Muqdisho 10- Xildhibaan Maxa’ed Ducale Muse (Xaji-kafe) 20 Febuary, 2015, Muqdisho 11- Xildhibaan Yuusuf Dirir 23 May, 2015, Muqdisho 12- Xildhibaan C/llaahi Maxa’uud Xuseen (Bantu) 25 July, 2015, Muqdisho 13- Xildhibaan Cabdi Maxa’ed Abdidoon 1 November, 2015, Muqdisho 14- Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan 7 November, 2015, Iyadoo intaas oo Xildhibaan la dilay waqtigii dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud ilaa hadda waxaa la fahmi la’yahay sababta keentay inay Xildhibaanada sameeyaan kacdoonkaan ku aadan Hal Xildhibaan oo la dhaawacay sanadkaan 2018. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Hirshabeelle ayaa heshiis la gaaray dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana uu ku baaqay in dowladda sidoo kale la heshiiso dowlad Goboleedyada kale. Warqad ka soo baxday Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle,Ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay dowladda Federaalka ah kala heshiiyeen tabashooyinkii maamulka. Waxaa uu Maamulka Hirshabeelle ballan qaaday in uu dowladda Federaalka ah kala shaqeeyo in dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada heshiiyaan. Haddaba Caasimadda Online ayaa baaritaan xoog leh ku sameysay sababta keentay inuu Waare isku dhiibo dowladda dhexe isla markaasna uu kasoo goysto isbaheysiga ay sameysteen dowlad Goboleedyada. Arrintaan xoogeeda ayaa waxaa sabab u ah Khilaaf soo kala dhexgalayh Maamul Goboleedyada taasoo ku aadaneyd in lala heshiiyo dowladda iyo in aan lala heshiin. Madaxweynayaasha Hishabelle iyo Galmudug oo cadaadis xoog leh kala kulmayey Xildhibaanadooda ayaa madaxda kale ee Maamul Goboleedyada u sheegay inay muhiim tahay in lala heshiiyo dowladda Dhexe isla markaasna aysan macquul aheyn in dowladda laga maarmo. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa isaga ku adkeysanayey inaan dowladda lala heshiin inta ay dowladda ka ogolaaneyso waxyaabaha ay rabaan oo ay ugu horeyso inaysan dowladda gacan siin musharixiinta u taagan qaar ka mid ah Maamulada. Axmed Madoobe ayaa isna dhankiisa la safnaa Cabdiweli Gaas oo ay waligoodba Saaxiibo ahaayeen uuna aaminsan yahay inuu Gaas yahay ninka ka shaqeeyry dhismaha Jubbaland. Shariif Xasan oo isna ah maskaxdii ka dambeysay kulanka madaxda Maamul Goboleedyada iyo dhismaha Golahaan ayaa aaminsan fikir mugdi ku jiro waxayna khudbadihiisa Kismaayo u muuqdeen kuwa aan kala caddeyn halka rasmiga ah oo uu jiro waxaana jiro shaki ku aadan inuu Maamul Goboleedyada ku fikir aheyn balse uu kaliya rabo inuu dowladda garab uga helo doorashada dhici rabto hal bil kadib. Waxaa soo xoogeystay shaki weyn oo soo kala dhex galay Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada waxaana laga yaabaa inuu burburo gebi ahaantiisba. Deegaanada Maamul Goboleedyada waxaa ku sugan guddiyo uu aqalka sare u diray Maamul Goboleedyada waxayna u badan tahay inay heshiis la galaan Dowladda Dhexe, maadaama aysan jirin tallaabo kale oo u furan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle,Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu sheegay in madaxda Hirshabeelle iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka heshiiyeen tabashooyinkii jiray,islamarkaana maamulku uu si buuxda ula shaqeynayo Villa Soomaaliya. Sidoo kale madaxweyne waare ayaa madaxda Federaalka ugu baaqay in ay wada-hadal la furan dowlad goboleedyada kale ee dalka ka jira,wuxuuna ballan qaaday in uu arrintaasi gacan ka geysan doono. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa guddoomiye ku xigeen ka ah;golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka oo xilligaan khilaaf ba’an kala dhexeeyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya,kadib markii madaxda dowlad goboleedyadu ay xiriirka u jareen dowladda dhexe oo ay ku eedeeyeen in ay fara-gelin qaawan ku hayso qaar kamid ah maamulladooda. Laakiin lama oga sababta madaxweyne Waare ku doortay in uu buriyo qodobadii ka soo baxay shirkii madasha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ee magaalada Kismaayo,kaas oo xiriirka loogu jaray xukuumadda dhexe. Hirshabeelle ayaa ah maamulka keliyah ee aan wakhtigaan wax doorasho ah ku soo dhoweyn,halka madaxda kale ee dowlad goboleedyada qaar ay wajahayan doorashooyinka madaxtinimada oo xilligeeda waxyar ka haray. PUNTLAND POST The post Hirshabeelle oo shaacisay in ay la heshiisay Federaalka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa haatan gaaray magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag. Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa Badhan si diirran ugu soo dhoweeyay,xubno ka tirsan golayaasha Puntland oo halkaasi maalmo ka hor gaaray,maamulka gobolka Sanaag,kan degmada Badhan,isimo,culimaa’udiin,ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmadaasi. Tebinta tooska ah ee warbaahinta goobta ku sugan ayaa lag arkayaa madaxweynaha oo bartanka ugu jira boqollaal dadweynaha oo ruxaya calanka Puntland iyo kan jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dadweynaha ayaa ku dhawaaqaya ereyo ay ku muujinayan soo dhoweynta wefdiga madaxweynaha. Wefdiga ayaa daqiiqado kadib loo galbinaya gudaha magaalada,waxaana la filayaa in madaxweynuhu halkaasi saxaafadda kula hadlo,kana warbixiyo socdaalkiisa degmada Badhan. Faahfaahinta kala soco:Puntland post The post Madaxweyne Gaas oo haatan gaaray degmada Badhan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha mamaulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qaaday tallaabo u muuqata inuu kasoo goostay garabkii mamaul goboleedyada, isaga oo heshiis buuxa oo iskiis ah la gaaray dowladda federaalka ee Soomaaliya. Waare oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inay heshiis buuxa dowladda dhexe ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna ka wada shaqeyn doontaa danta dadka, gaar ahaa HirShabelle Waxa uu sheegay in wixii tabasho ee jiray la dhameeyay, islamarkaana ay si buuxda ula shaqeyn doonaan dowladda Federalka, isla markaana ay yeelan doonaan wada shaqeyn. Madaxweyne Waare ayaa uu ugu baaqay dowladda federaalka in wada hadal la furto maamul goboleedyada kale ee weli khilaafka uu kala dhaxeeyo. In kasta oo Waare uusan sheegin inuu ka baxay isbaheysiga madax goboleedyada, haddana tallaabada uu kula heshiiyey dowladda dhexe ayaa dhabarjab weyn ku ah, waxaana ilo-wareedyo ku dhow isbaheysiga ay sheegeen inay aad uga carrodeen go’aankiisa. Go’aanka Waare, ayaa imanaya kadib toddobaad wada-hadallo hoose ay u socdeen isaga iyo dowladda dhexe, wada-hadalladan oo la rumeysan yahay inuu gadaal ka riixayey ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Heshiiska dowladda ay la gaartay Waare ayaa qeyb ka ah dadaal ay ku dooneyso inay ku kala furfurto isbaheysiga dowla goboleedyada, taaasi oo ka saacidi karta sidii madaxdooda loogu beddeli lahaa kuwa raacsan dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaan dhowaanahan arkaynaa in qalalaaso horleh oo cusub la rabo in la geliyo dalka Soomaaliya kaas oo shacabku islahaa wuxuu ka soo kabanayaa burburkii iyo dagaaladii sokeeye ee mudada ragaadiyey dibna u dhigay guud ahaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed muddo ka badan 20 sano. Waxaa hubaal ah in dadka Soomaaliyeed meel kasta ha joogeene ay soo dhoweeyeen dawladii ka dhalatay doorashooyinkii dhacay bishii Febraayo 2017 taas oo lagu doortay madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Muda ka dib madaxweynuhu wuxuu xushay Raysul wasaare Xasan Cali Khayre, kaas oo soo dhisay dawlad ka kooban wasiiro kor u dhaafay 25 xubnood kana kalayimi qaybaha siyaasada Soomaaliya ka kooban tahay. Waxaa shacabka Soomaaliyeed sida aan kor ku sheegay ay rajo weyn u muujiyeen dawladda cusub taas oo markhaatigeeda qof walba oo caalamka jooga uu arkay sida dadka Soomaaliyeed isugu soo baxeen magaalooyinka dalka oo dhan, kuna soo dhoweeyeen dawladda dabaal degyo iyo farxad caalamka kale u muujisay in dawladdan dhalatay ay tahay mid shacabku raali ka yahay lana dhihi karo waxay ku timi rabitaankooda walow tiro xildhibaano ah ay doorashada codbixinta ka qayb qaateen. Waxaa markhaati ma doonto ah mudadii ay jirtay dawladan in rajada dadka Soomaaliyeed waxbadan iska bedeleen ayna muujisay dawladdu talaabooyin aan hore loo arag kuwaas oo ku dheehan hab dawladnimo iyo soo celinta sharafta Soomaaliya guud ahaan taas oo shacabka Soomaaliyeed muddo laga cuna qabateeyey kadib dagaalkii sokeeye iyo wixii ka dhashay. Sida lawada ogyahay dalka Soomaaliya wuxuu qaatay (iyada oo la eegayo axdi qarameedka ku meel gaar ka ah) habka federaalka kaas oo ku salaysan in ay dhismaan maamul goboleedyo qayb ka ah dib u dhiska iyo soo celinta Soomaaliya cusub kadib 1991 iyo dagaalkii sokeeye ee dalka oo dhan galaaftay waxna aan reebin haba yaraatee. Hadaba maamul goboleedyada oo in badan oo shacabka Soomaaliyeed u arkaan inay yihin bedelkii qabqablayaashii dagaalka sokeeye ee dalka dib u dhigay, halka dadka qaarna ay qabaan inay muhiim yihiin maamul goboleedyadu ayna qayb wanaagsan ka qaadanayaan soo celinta Soomaaliyada cusub. Waxaa dhacday in maamul goboleedyadu ay muddo badan isu arkeen inay iyagu mas’uul ka yihiin shacabka Soomaaliyeed intooda badanna metelaan, ayna marwalba ku hadaaqaan hadalo ay ku durayaan dawladda Federaalka iyaga oo dhaha dawladda Xamar, xagee ka talisaa oo aan ahayn caasimada Muqdisho? iwm. Hadalada noocaan ah ee ay sheegaan madaxda maamul goboleedyada ayaa waxay u bahaantahay in la miisaamo lana ogaado meesha ay maamul goboleedyadu ku metelaan inta badan shacabka Soomaaliyeed iyo cida iyaga ku dooratay codka shacabka kana duwan kan lagu doortay dawladda federaalka ee maanta jirta. Xagee akhristow ay ka dhacday doorasho hal qof iyo hal cod dalka Soomaaliya marka laga reebo Somaliland oo iyadu sheegta inay Soomaaliya ka go’day. Maamulka Puntland tusaale ahaan oo ah maamulka ugu weyn ee dalka Soomaaliya marka la eego xiliga la asaasay, weli lama hayo meel ay ku dhacday hal qof iyo hal cod iwm, iska daa kuwa kale ee tabarta daran. Bal aan eegno maamul gobeleedyada sheegta inay dalka badankiis maamulaan,kana taliyaan iyo tabartooda, aan ku bilowno maamulkii ugu danbeeyey ee samaysmay: Hirshabeele oo ah maamulkii ugu danbeeyey ee la asaaso kana mid ah shanta maamul gobleed ee wakhtigaan dalka ka jira.Aan isweydiinee, xagee buu ka taliyaa, maxaase muuqda oo maamul ah oo u dhisan?, Ciidan intee leeg buu haystaa?. Waxaa la ogyahay in madaxweynaha maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ay ku socoto mooshin xilka qaadis, inuusan ku nasan magaalo madaxda ku meelgaarka ah ee maamulkisa uuna inta badan degan yahay hoteelo ku yaal magaalada Xamar, awoodda ciidan ee Hirshabeelena ay tahay tan Xooga dalka Soomaaliya. Xagee Maxamed Cabdi Waare ku kasbaday codka shacabka reer Hirshabeele mise wuu ku riyooday? Wasiiradiisu badankood Xamar ayey hoteelo degan yihiin mana leh xafiisyo ay ku shaqeeyaan ama ay isku halayn karaan. Maagalada Beledweyne ee ugu weyn Hirshabeele waxaa gacanta ku haya ciidamo shisheeye oo kamid ah kuwa nabad ilaalinta AMISOM. Khilaaf baa ka dhexjira Jowhar iyo Beledweyn sida aan ognahay ku salaysan awood qaybsi iyo siyaasad ubadan hab qabiil. Hadaba sidee Maxamed Cabdi Waare awooda uu wax ku diidayo ku yeeshay asagoo xaalkiisu sidaas yahay? Koonfur Galbeed: Maamulka Koonfur Galbeed waxaynu wada ognahay in uusan ka talin meel ka baxsan magaalada Baydhabo, Shariif Xasanna uusan habeen ku nasteen Baydhabo hadeysan ahayn Ciidanka Nabad ilaalinta ee magaaladaas gacanta ku haya.Sidoo kale wasiirada maamulka Koonfur Galbeed waxay badanaa degan yihiin magaalada Xamar, markii shir jiro khaasatan kuwa ay hay’adaha caalamiga wax kaga raadsanayaan diyaarad ayaa Xamar ka soo qaada kadibna marka shirku dhamaado ayey dib ugu noqdaan Xamar waayo Baydhabo iskuma halayn karaan amnigeeda inay habeen seexdaan. Waxaad moodaa inay wasiira ku sheego sida shisheeyaha u noolyihiin!. Xagee marka Shariif Xasan oo hada ay ku socoto loolan siyaasadeed uu ku metalaa shacabka sharafta leh ee Koonfur Galbeed, goorma ayey codkooda ku doorteen iyo rabitaankooda maamulka sidaas u tabarta daran aana awoodin inay magaalooyinkooda habeen nabad ku seexdaan ? Jubba Land. Iyadana waxaan ognahay akhristow in maamulka Jubbaland uu ku egyahay meel 30km u jirta magaalada Kismaayo uusanna ka talin meel kale, Axmed Madoobena magaalada lagu keenay Taangi (Kaare) Ciidanka Kenya leeyihiin ilaa hadana ay gacanta ku hayaan amaanka magaalada iyo aaga ay ka taliyaan Axmed Madoobe iyo wasiiradiisa. Yaa cod shacab ku doortay Axmed Madoobe?, Goormuuse awood ka badan tan dawladda Federaalka asagu yeeshay ama helay? Is qab qabsi siyaasadeed oo baahsan ayaan ognahay inay ka jiraan Jubbaland una dhexeeya madaxda kala duwan ee deegaan kaas inta badanna ku salaysan hab qabiil iyo boos kala riixasho iyo waana aniga markaygii iwm. Bal aan isweydiinee hadii ciidanka Kenya ee nabad ilaalinta meesha ka baxo yaa Kismaayo Axmed Madoobe ku haynaya?, awoodiisu meeday? Galmudug. Galmudug oo aan ognahay bilowgeedii in ay moddo badan ku koobnayd koonfurta magaalada Gaalkacayo lana ogyahay in inta badan ay dabada ka riixeysay xiligaas maamulka Puntland oo danaynayey in miiska maamul goboleedyada la balaariyo laguna soo kordhiyo maamulo kale si markaas durbaanka federaalka u saxmo. Muddo kadib markii maamulkii koonfurta Gaalkacayo iyo Xibin iyo Xeeb midoobeen ayey Galmudug ku fiday deegaanka Cadaado kaas oo iyana in moddo ah u ahayd caasimad ku meel gaar ah khilaafna kala dhexeeyey maamulkii kale ee gacanta ku hayey Dhuusamareeb ee Ahlu-suna wal-jamaaca kooxdii la baxday. Hadaba xiligan la joogo maamulka Galmudug waxaan ognahay inuu ku jiro fadqalalo siyaasadeed oo baahsan taas oo aad moodo in ay caado u tahay maamulkan tan iyo markii la asaasayna uu ku jiray is qabqabsi siyaasadeed iyo kala qaysanaan baahsan. Hadaba Galmudug oo sidaan u muuqata, xagee ku meteshaa shacabka ku abtirsada deegaanada ay sheegato inay ka taliso , goor maase la doortay madaxda maamulkaas oo ay heleen codka dadka deegaanka Galmudug ama lagu doortay hal qof iyo hal cod? Puntland. Puntland oo lawada ogyahay inay tahay bud-dhigaha maamul goboleedyada dalka Soomaaliya, ayna tahay maamulkii ugu horeeyey ee samaysma kadib dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay marka laga reebo maamulka Somaliland oo isagu sidaan sheegnay ku dhawaaqay inuu Soomaaliya ka go’ay. Hadaba maamulka Puntland oo awood ahaan dhinacyo badan sida xagga ciidanka, dhaqaalaha iyo xagga baaxad maamulba ku dhaama maamul goboleedyada kale ee aan kor ku sheegnay, lana dareemayo in madaxda Puntland ee hada joogta ay dabada ka riixayaan ismari waaga u dhexeeya dawladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ee hada jira. Akhristow sidoo kale goorma ayaa Puntland in kastoo ay 20 sano jirsatay ay ka dhacday afti hal qof iyo hal cod taas oo ah miisaanka lagu cabiro rabitaanka shacabka reer Puntland iyo kuwa kale ee Soomaaliya?. Gabagabadii waxaan akhristow ka fahmaynaa xaalada Soomaaliya maanta ay ku jirto marka aan eegno tabarta iyo awoodda maamul goboleedyada aan kor ku sheegnay in maamul goboleedyadu iyo madaxdooda tabarta daran lana ciir ciiraysa cadaadiska bulsho iyo siyaasadeed ee deeganadooda wakhtigaan ka jira ay cabsi ka qabaan soo noqoshada dawlad Soomaaliyeed oo hanata dalka Soomaaliya lana timaada isla xisaabtan dhab ah. Aan isweydiinee xagee dakhliga haba yaraadee ay maamul goboleedyadu helaan ku baxaa? xaguu aadaa?, yaa kula xisaabtama lacagta ay iyagu dadka shacabka ee hoos jooga ka urursadaan, kuwa ay ka helaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa kale ee ay marar badan ku soo qaataan dhibaateynta iyo kala qaybinta dadka Soomaaliyeed?. Waa su’aalo isweydiin mudan ee akhristow ka jawaab, hadaad jawaab u hayso. Waxaan aragnaa in dawladda Federaalka oo sida aan hore u sheegayba ku timi rabitaanka shacabka Soomaaliyeed taas oo markhaati ay u tahay sida shacabku u soo dhoweeyeen markii la doortay madaxweyne Farmaajo ayna la timi intii ay hada jirtay isbedelo muhiim ah oo ay ka mid tahay isla xisaabtan iyo la dagaalanka musuq maasuqa taas oo saldhig u ah dib u hanashada hab dhaqaaleedka dalka Soomaaliya. Hadaba waxaan u arkaa aniga rayigeyga markaan soo koobo in dawladda Soomaaliya ee maanta jirta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raysul wasaare Xasan Cali Khayre ay haysato taageerada shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan dal iyo dibad ayna Madaxda maamul goboleedyadu yihiin kuwa laftacad toobinka ku haya wakhtigoodiina sii dhamaanayo. Waxaan rumaysnahay in shacabka Soomaaliyeed maanta hadii afti laga qaado ay codkooda si aqlabiyd leh siin lahaayeen dawladda hada jirta waxaana sidoo kale qabaa hadii la gaaro doorashooyinka 2020 lana helo hal qof iyo hal cod ay dawladda hada jirta markale dib loo soo doorto waase hadii nimankaan maamul goboleedyada cunaqabateynta ku haya shacabka Soomaaliyeed ay taas o ogolaadaan. Waxaan hubaa inay ka dagaalamayaan madaxdani inaan horumar la gaarin, lana helin cod shacab oo mira dhala meeshana ka saara mugdiga siyaasadeed ee dalkan lagu curyaaminayo. Waxaan isleeyahay shacabka Soomaaliyeed waxaa la gaaray xiligii ay dalban lahayeen xuquuqdooda ayna aqbalin wax ka yar hal qof iyo hal cod si meesha looga saaro sheeka baraleyda ku salaysan jaah wareerka iyo xagee dawladda Federaalka ka talisaa iyo ismoodsiinta madaxda maamul goboleedyada ee ah inay iyagu dalka badankiis xakumaan taas oo aan wax daliil ah aan lahayn. Shacabka oo muddo ku jiray jaahwareer colaadeed, gaajo, barakac ayaa u muuqda kuwa soo baraarugaya kuna diirsanaya iftiinka dawladda federaalka ee maanta jirta ay hormuudka ka tahay, in kastoo weli ay shacabka badankiis aysan awoodin inay gacanta iska qabtaan qolyaha horumarka hortaagan balse aan filayo inay dhawdahay xiligi la dhihii lahaa qabqablow warkaa dhamaa (enough is enough) Ugu danbayn dawladnimadu waa rabitaan iyo ogolaansho shacab ee maaha khasab iyo jajuub sidaa awgeed dawladda Federaalku waxay haysataa rabitaan iyo ogolaansho shacab kaas oo loo yaqaan afka qalaad Democratic Legitimacy, mana jirto wax maamul goboleedyada iyo madaxdoodu taas ku beenin karaan anaga oo aragna hab tabareed kooda iyo hab maamulkooda. Qore: Siyaad Cali Yuusuf siyaadyusuf@gmail.com Garowe, Puntland, Somaaliya Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan The post Shacabka Soomaaliyeed yaa metala, ma maamul goboleedyada mise Dawladda Federaalka? appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaannada gollaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku guda jira kalfadhigooda 4aad waxaana xildhibaannadu ay ka doodayaan Ajandaha nabadgalayada. Xildhibaannada qaar kamid ah ayaa soo jeediyay in loo yeero wasiirka koowaad ee xukuumadda FS Xasan Cali. Haddaba, Goobjoog News waxay idiin soo gudbinaysaa dood ku saabsan ammaanka magaalada Muqdisho iyo khulaafyada siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya. Doodda waxaa naga la qeyb galaya Siyaasi Axmed Shire Falagle iyo Fallanqeeye Maxamed Maxamuud. HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/dood-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Siyaasiga mucaaradka ah C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in dowlada Somalia ay wali wado khaldan u mareyso la dhaqanka iyo casuumaada ay u sameyneso Madaxda maamul Goboleedyada ka jira dalka. Waxa uu C/raxmaan C/shakuur Warsame sheegay in dowlada ay khalad muuqda ku gashay in meel ka dhac uu tilmaamay in lagu sameeyay maamulada waxa uuna carab ***** in xaalada u dhexeysa dowlada Dhexe iyo maamul Goboleedyada ay tahay mid hoos u dhigtay rajada, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu sheegay in cid waliba ay dareemi karto in xaalada uu ku jiro dalka ay tahay mid maalinba maalinka ka dambeysa cirka isku sii shareereysa, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in dowladaa Dhexe ay isku diyaarineyso faragalin doorasho. “Hogaamiye la doonaayo in lagu faragaliyo doorashadiisa kama dageyso inuu la heshiiyo dowlada waana arrin iska cad in maamulada loo dhigay shirqool” “Dowladu iyaduba yeeli meyso in la faragaliyo marka garan mayo sida ay maamulada ku yeeli karan faragalin” Wuxuu tilmaamay in madaxda maamul goboleedyada ay diyaar u yihiin inay ka qeyb galaan doorashooyinka, islamarkaana aysan ka soo horjeedin, kadib markii maalmihii dambe uu soo baxay war la xiriira in madaxda ay qaar doonayaan inay sameystaan mudo kororsi. “Dowladu waa inay cadeyn u keenta in madaxda maamulada ay doonayaan waqti kororsi maadaama iyaguba ay horay u sheegen inay qabanayan doorashada” Sidoo kale, C/raxmaan C/shakuur Warsame, waxa uu mudgi galiyay in maamulada dalka ay ku tagrifalayaan Dastuurka dalka, waxa uuna taa bedelkeeda carab ***** in mar waliba laga khaldan yahay maamulada maadaama ay dowladuba ku dhisan tahay. Haddalka C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa daba socda mid maalmahani uu ku taageerayay maamulada oo iyagu ka gadoodsan khaladaad ay ka tabanayaan madaxda Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxa ay soo geba gabeynayaan doodii ku saabsaneyd dhinaca Amniga oo Isniintii soo bilaabatay. Xildhibaanada oo labadii maalmood la soo dhaafay siweyn uga hadlay amniga,isla markaana ay walaac ka muujiyeen waqtigaan. Dooda amniga dalka ayaa aheyd mid xasaasi ah oo Xildhibaanada Golaha Shacabka si aad ah uga hadlayeen, iyadoo inta badan Xildhibaanada hadlay eedeymo xooggan u jeedinayay Xukuumadda. Howlwadeenada baarlamaanka ayaa sheegaya in tobaneeyo Xildhibaan ay ka hartay tiradii Xildhibaanada ee maalintii koowaad is qortay. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa si aad ah ugu dhaliilay Xukuumadda inay gabtay mas’uuliyaddii Amniga, isla markaana loo baahan yahay in Xukuumadda lagula xisaabtamo. Inta badan Xildhibaanada ayaa dalbanayay in Ra’iisul Wasaaraha uu hor-yimaado Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiyo, waxaana arrintan aheyd mid aad xasaasi u aheyd. Kulanka Baarlamaanka oo Maanta galaya Maalintii Saddexaad ayaa waxa uu yahay kulankii ugu xasaasinaa tan iyo markii la doortay baarlamaanka 10-aad,waxaana intooda badan ay sheegeen in amniga Muqdisho uu yahay xilligaan sidii ugu xumeyd. Waxaa la filayaa in Baarlamaanka Soomaaliya looga yeero taliyaal ciidan iyo xataa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre si waxl looga waydiiyo arrintaan. Sidoo kale waxa la filayaa inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu arrintaan u xil saaro guddi taasoo ah dabeecad lagu yaqaan Golaha Shacabka. Xukuumadda Soomaaliya oo culeys weyn kala kulmeysay madaxda Maamul Goboleedyada ayaa waxaa haddana usii raacay culeys kale oo kaga imaanayo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Xarunta Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in maanta lasoo afmeeri doono dooda amniga oo ay yeelanayan Xildhibaanada baarlamaanka. Wararka aan ka dhex heleyno xarunta ayaa sheegaya in qaar kamid ah Xildhibaanada mucaaradka ay safaf is xigxiga ka fadhiisanayan gudaha xarunta. Xildhibaanada ugu badan ee isku dhex uruursanaya gudaha xarunta ayaa waxaa ka dhex muuqda tiro ka tirsan garabka mucaaradka oo aan la ogeyn sababta ay dhinac isaga soo cayan Xildhibaanada kale. Xildhibaanada mucaaradka ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa inaysan ogoleyn inay dhex fadhiistan kuwa mucaradka, iyadoo warar hoose ay sheegayan in qorshahooda cad uu yahay in kulanka maanta ay ku doonayaan in cod mideysan ay ku dalbadan in Ra’isul wasaare Kheyre iyo Taliyayaasha Hay’adaha amaanka lagu horkeeno. Sidoo kale, Xildhibaanada muxaafidka oo tiro ahaan ka badan kuwa mucaaradka ayaa iyaguna si gaar gara ugu sheekeysanaya banaanka Hoolka xarunta. Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanada ayaa u muuqda kuwo ka faa’iideysanaya kulamada baarlamaanka maadaama muddo uusan qabsoomin kulan baarlamaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Maamulka Galmudug oo ah curdan jira 3 sano iyo bar ayaa mar kale eebsaday shirkii Kismaayo, kadib markii uu kasoo kabsaday dhaawacii sanad ka hor kasoo gaaray Qaraabkii Madaxweyne Xaaf ee Abu dhabai. Maamulka waxa uu dib ugu laabtay halkii uu joogay sanad ka hor garabkii Cadaado iyo garabkii Dhusamareeb, mana muuqdo qorshe lagu badbaadinayo oo ka socda gudaha iyo dibadda Galmudug. Waxaa la gudboon Madaxda Galmudug in ay cashar ka bartaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Koofurta Sudan Selva Kiir iyo Riek Machar oo 2011 iyaga oo ka ahaa Madaxweyne ku-xigeen iyo Waziir dawlada Sudan dalbaday in ay Sudan ka goo’aan. Dawlado iyo xulafo badan ayaana ku dhiiri-geliyey kuna taageeray, nasiib darro 8 sano kadib markii ay 4 Million oo qof ka dhigeen wax ay dileen ama ay dhaawaceen ama ay qaxiyeen, saaxiibadii ku dhiiri geliyey na ay garabkooda ka baxeen ayey Khartoum kusoo laabteen kana dalbadeen Madaxweyne Al-Bashiir in uu heshiisiiyo, Shidaalkana u furo. Markaas ayey ku noqdeen halkii ay joogeen 8 sano ka hor oo ah; Madaxweyne iyo ku xigeen iyo baaba’ nafeed, mid hantiyeed iyo mid dawladnimo?. Galmudug waxa ay u muuqaneysaa inay kusii socto dhabaha Koonfurta Sudan, waxaana la gudboon inay ka tashato aayaheeda, ka hor inta aanu arrinku xumaan. Khilaafkii fogaaday ee madaxda maamulka waxa uu madaxa la galay xil ka qaadis isdabajoog ah, waxaana ka badbaaday Madaxa Xukuumada Sheekh Shaakir oo qudhiisa ay dabeeshu saameyn doonto. Wadatashi iyo wax wada qabsi waxaa aasaas u ah Isfahan iyo in qofba qofka kale uu ku ixtaraamo mansabkiisa iyo xilka uu ka hayo maamulka. Hadaba Madaxda Galmudug waxaa u haray 7 bil kaliya, waxaana la gudboon in ay is daba-qabtaan “Cimri tegay ceeb laguma sagootiyo”. Fursad yar ayey weli haystaan haddii kale waxa ay ka tegi doonaan taariikh bar madaw oo aan ka harin Magacooda. W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal) Caasimda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxa ay howlgal ballaaran ka wadaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wariyaheenna Maxamed Ibraahim ayaa soo sheegaya in howlgalladan ay daba socdaa dilal 24 saac gudahood ka dhacay magaaladaasi. Xalay ayaa rag hubeysan waxay magaaladaasi ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kaasi oo magaciisa loo soo gaabiyey Afweyne. Sidoo kale, shalay duhuradii waxaa magaalada B/weyne lagu diley qof shacab ah, iyadoo dilalkan dhacay dadkii ka dambeeyey ay goobta isaga baxsadeen. Saraakiisha ciidamada ammaanka ee howlgalkaan wada ayaa sheegay iney dib u faah faahin doonaan howlgallada ay ciidanka wadaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa la marayaa Bilihii ugu dambeeyey ee waqtiga xukunka Maamulka Koonfur Galbeed Ee Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaana lagu isku diyaarinayaa doorasho xasaasi ah. Dhawr sano ka hor waxaa Baydhabo lagu doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan, dadka la socda siyaasadda dalka guud ahaan gaar ahaan Koofur Galbeed waxaa ay is lahaayeen Aden waxaa uu xoogga saari doonaa Amniga, dhaqaalaha, dib u dhiska, dib u heshiisiinta iyo in Koofur galbeed noqoto Maamul la tartami kara Puntland iyo Somaliland, lakiin afar sano Sharif Xasan waxqabadkiisa waxaa saaran Calaamatu Su’aal?!! November 17, 2014 ayey aheyd markii magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay uu ka dhacay doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo xilka madaxweyne loo doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan, goobta ay ka dhaceysay doorashada waxaa ku sugnaa 396 ergo, waxaana xilkaasi u musharaxnaa 5 xubnood. Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hogaaminayay tobaneeyo Xildhibaano ayaa waxyar ka hor doorashada ka degay Baydhabo isagoo khudbad gaaban oo murashaxnimo ka hor-jeediyay ilaa afar boqol oo ergo oo lagu waday in ay doortaan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed. Sharif Xasan waxaa uu khudbadiisa ku yiri“Waxaa halkan ka cadeynayaa inaan ahay musharax u taagan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, waxaa idinka codsanayaa inaad codkiina isiisaan, waxaa ku dadaali doonaa Cadaalad” Shariif ayaa sheegay in shirka uu waqti badan soo socday, isla markaana dadaal badan la geliyay, isagoo ku dhawaaqay in hadii uu ku guuleysto uu wax ka qaban doono arrimaha ammaanka, horumarinta deegaanada maamulka iyo sidii dadka deegaanadaas uu cadaalad ugu fali lahaa. “Hadii aad ii doorataan waxaa ka shaqeyn doonaan amniga, horumarka, ammaan haduu jirin dowlad ma jirto, ammaan haduu jirin cibaado ma jirto, horumar ma jiro, iskuul lama aadayo, waxaa rabaa inaa ila shaqeysaan hadaa ku guuleysto, taladiina ayaa ku shaqeyn doonaa, sida odayaasha dhaqanka, culumaa’udiinka, dhalinyarada iyo aqoonyahanada”ayuu yiri Shariif Xasan. Shariif-ka oo sii hadlayay ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii dowladda Federaalka uu xiriir dhow ula yeelan lahaa, isla markaana aan la shaqeyn karin hadii aan xiriir la laheyn dowladda dhexe. Sidoo kale Shariif Xasan waxaa uu ballan qaaday in uu xiriir fiican la yeelan doono maamullada dariska la ah Koofur Galbeed. Doorashada oo si degdeg ah u dhacday waxaa kasoo horjeestay Jawaari oo waqtigaas ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka isagoo ku tilmaamay in aanu aqoonsan doonin natiijada ka soo baxda doorashada shirka Baydhabo. Waxaa kaloo isla maalintaas Shir ka dhacay magaalada Baydhabo loogu doortay Cali Maxamed Yusuf (Cali Shukur) inuu noqdo Madaxweyne saddexda gobol. Hadabada Maxaa Ka Fulay Ballamihii uu Sameeyay Sharif Xasan Sheekh Aden: Shariif Xasan Shiikh ayaa sameeyey ballan qaadyo aad u badan mana jiraan illaa hadda hal ballan oo uu fuliyey Shariif Xasan tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Inta badan Waqtiga Shariif Xasan wuxuu uga dhammaaday xil magacaabis, Xil kaa qaaadis, Safar debadda iyo gudaha ah iyo sida uu u difaacan lahaa danihiisa Siyasadeed halka uu u shaqeyn lahaa dadweynaha Koonfur Galbeed oo wax badan uga fadhiyey. Dhibaatooyinka qabsaday Shariifka waxaa ka mid ah 4 bil ayey u qaadatay uu dhameystiro Wasiiro ay maamulka Koofur Galbeed yeeshaan, March 4, 2015 ayuu Sharif Wasiiradiisa dhameystiray. Laga bilaabo maalintaas lama maqlo waxqabadka wasiirada maamulka Koofur Galbeed, lamana oga caqabadaha hortaagan in ay shaqeeyaan. Sharif Xasan muddada maamulkiisa uu jiray waxqabadkiisa waxaa ka mid magacaabista wasiirada koofur galbeed, Magacaabista qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka 3-da gobol, dhismaha Madaxtooyada maamulka ee bishii April 10, 2015 iyo booqasho uu ku tagay Marka, Baraawe iyo Afgooye iyo meelo kale. August 11, 2015: Shariif Xasan ayaa tagay magaalada Baraawe isagoo sheegay in ay tahay Baraawe xarunta maamulka, waxaa kaloo uu halkaas u tagay in uu ka furo mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin dhismaha Garoon diyaaradeed iyo Deked cusub, ilaa haddana ma jirto wax ka hirgalay Magaaladaas wuxuuna maamulkiisa weli ku shaqeeyaa Magaalada Baydhabo. Waxaa kaloo Sharif Xasan lagu xasuustaa ka qeybgalka shirar dhexmaray dowladda iyo maamul goboleedyada, kuwaas oo ka kala dhacay Garoowe, Muqdisho iyo Kismaayo, sidoo kalana wuxuu qeyb weyn ka qaatay iska hor keenidda Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada. Dhibaatooyinka Maamulka Koofur Galbeed: Gobollada Maamulka Koofur Galbeed waxaa ka jiro dhibaatooyin xagga amniga ah, waxaa xiran waddooyin ku yaalla gobolka Bakool, arrintaas oo hor istaagtay in gargaar iyo waxyaabo kale la gaarsiiyo dadka deegaanka. Baydhabo oo ah Fadhiga Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo Xukuumadiisa, Waxaa la weeraray Madaxtooyada maamulkaas, xiligaas waxaa joogay Sharifka. March 12, 2015: Dagaal ka dhacay xarunta Madaxtooyada Baydhabo waxaa ku dhintay 6 qof uu ku jiro Mid ka mid ah raggii weerarka qaaday iyadoo goobta ay ku geeriyoodeen ragii kale ee dagaalka la galay ciidanka AMISOM. Waxaa kaloo la weeraray gurayaha mas’uuliyiinta qaar sida Guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Baydhabo Maxamed Isaaq Ibraahim Aflow iyo Wasiir ku xigeenka wasaarada Xannaanada Xoolaha ee maamulka KMG ee Koonfur-galbeed Soomaaliya. Dhibaato Banii’aadamnimo: 3-da gobol ee maamulka Koofur Galbeed waxaa ka jirta dhibaato banii’aadamnimo oo xoogan, dadka ma helaan adeegyadii ay u baahnaayeen sida waxbarsho, Caafimaad, Biyo iyo xitaa shaqo. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegey in gobolka Bakool ay ka jirto xaalad bini’aadanimo oo halis ah, iyada oo uu gobolka guud ahaan yahay mid go’doonsan. Waxa uu sheegey in ay nasiib darro tahay in raashiin gargaar oo loogu talogalay dadka gobolka Bakool la leexsaday. Isbaarooyinka: Koofur Galbeed waxaa dhibaato ku haya isbaarooyin, kuwaas oo horseeday cabsi joogta ah, Taliyaha guutada Shanaad ee ciidamada xoogga dalka Cabdullaahi Xuseen ayaa sheegay inay ku guuleysteen in ay qaadaan Isbaarooyin badan oo yaallay deegaanno ka mid ah Shabellaha Hoose, Lakin howlgal kasta waxaa dib loo soo celiyaa isbaarada. Kufsi: Maamulka deegaanka Mareerey ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in wadada isku xirta deegaankaasi iyo degmada Afgooye lagu kufsaday 5 Haween ah, dhibkaas waa inta la maqlay, laakiin dadka deegaanka waxaa ay sheegayaan in ay soo laalaabato. Haween badan ayaa lagu kufsaday Jidadka deegaanada uu maamulkaas ka taliyo tan iyo markii uu Shariif Xasan noqday Madaxweynaha Koonfuir Galbeed, taas badalkeeda Shariifka wuxuu isaga mashquulsan yahay safar iyo dagaalo siyaasadeed oo danta guud aan ku jirin. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiwali Gaas ayaa maanta kusii jeeda Gobalka Sanaag, waxaana siweyn soo dhawayntiisa looga dareemayaa degaanada uu booqanaayo ee gobalkaas, iyadoo lagu wado inuu Madaxweynuhu tago magaalada Badhan wuxuuna sii mari doono degaano kale oo ay kamid yihiin Ceel-daahir, Cawsane iyo Midigale. Mid kamida sawirada lagu soo dhaweynaayo Madaxweyne Gaas Magaalada Badhan Degaanadu uu sii marii doono Madaxweynuhu ayaa siweyn looga dareemayaa qaban-qaabada loogu jiro soo dhawayntiisa, wuxuuna saakadii horeba ka ambabaxay magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar. Sawirada Dr Gaas ayaa la dhigay faras magaalaha magaalada Badhan, waxaana halkaas uga sii horeeyey wafti katirsan Dawladiisa oo kasoo jeeda gobalkaas si ay usii diyaariyaan soo dhawaynta Madaxweynaha. Cabdiwali Gaas ayaa Magaalada Badhan booqday xiligii uu ku jirey ololaha doorashada dabayaaqadii 2013, waxayna booqashadiisana kusoo aadaysa xili siweyn Puntland looga dareemaayo diyaargarowga doorashada bilowga sanadka soosocda ka dhici doonta Puntland, waxaana la rajeynayaa in Madaxweyne Gaas mudada uu joogo magaalada Badhan inuu xariga ka jari doono mashaariic ay Dawlada Puntland ka fulisey degaankaas oo ay kamid tahay Jaamacada Maakhir. PUNTLAND POST The post Qaban-qaabadii ugu danbaysay ee soo dhawaynta Madaxweynaha Puntland oo ka socota Gobalka Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo 2badii maalin ee ugu dambeysay dood ka lahaa arrimaha amniga ayaa waxaa jiray xildhibaanno soo-jeediyey in loo yeero ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, si wax looga weydiiyo amni-darrida ka jira Muqdisho iyo guud ahaan dalka halka qaar kale ay kaba dalbadeen Kheyre inuu is-casilo. Xildhibaannada dalbaday in loo yeero waxaa ka mid ah: Sareedo Cabdalla Maxamed, Axmed Mayow Cabdulle, Zakariye Xasan iyo Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene. Xildhibaan Sareedo Cabdalla Maxamed, oo golaha ka hadashay waxaa ay codsatay in loo yeero dhammaan laamaha iyo hey’adaha amiga “Waxaa muhiim ah in Loo yeero dadka ehelka u ah howlaha amniga dalka, isla markaana ay ka shaqeeyaan waxyaabaha dib noo dhigaya, madaxdana ay kala taliyaan istiraatiijiyada, waa In La joojiyaa bixinta garaadaha La siinayo Dadka Aan u qalmin” Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle “Col. Ruush oo isna golaha ka hadley waxaa uu yiri “Waan qabaa in golaha looga yeeray wasiirka koowaad si amniga wax looga weydiiyo, isaga ha soo wato wasiirrada iyo taliyeyaasha la shaqeeya” Xildhibaan Zakariye Xasan ayaa isna waxaa uu qabaa fikrad middaas la mid ah isaga oo yiri “Waa in aan u yeernaa ra’isul wasaaraha, oo aan wax ka weydiinnaa xaaladda amniga ee dalka iyo ballanqaadkiisii amniga” Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beene-beene, oo waxaa uu wasiirka 1aad u soo jeediyey inuu la hadlo cidda mudan in lala hadlo “Waxaan idiin sheegayaa xukuumada Khayre waa guul daraysatay ee hadallada uu u sheegayo shacabka degmooyinka Ka yimid Baarlamaanka ha u sheego halkan ayaa Looga baahan Yahay”. Dhinaca kale, waxaa jiro Xildhibaanno arrinta gaarsiiyey in uu ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre iska tago, waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Ganey iyo Xildhibaan Cabdixakim Macalin Axmed, kuwaas oo ka dalbaday Kheyre inuu jagada banneeyo. Golaha shacabka ayaa dooddan soo wadey, labadii maalin ee ugu dambeysay, iyaga oo badankood ay aad uga niyad-jabeen sida ay xukuumadda ula dhaqanto amniga dalka. Xildhibaanno la hadlay Goobjoog News waxaa ay rajo ka qabaan in guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal uu u yeeri-doonno ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre marka ay maanta dhammaato doodda amniga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa maanta xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeynayaa doodda ay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ka yeesheen arrimaha amniga. Kulankan oo ah kii 4aad, ee kalfadhiga 4-aad ayaa lagu wadaa in si fiican looga hadlo xaaladda amniga dalka iyo sida ay tahay in wax looga qabto. Xildhibaannada oo aad u badnaa ayey doodda qaadatay maalmo, waxaana ugu dambeyntii ka soo bixin-doona go’aan. Golaha shacabka ayaa dooddan soo wadey, labadii maalin ee ugu dambeysay, iyaga oo badankood ay aad uga niyad-jabeen sida ay xukuumadda ula dhaqanto amniga dalka. Wararka, iyo doodda amniga kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The United Nations chief Antonio Guterres on Monday hailed a summit between Djibouti and Eritrea in Saudi Arabia, voicing hope in a statement that it would help create "greater peace" in the region. Source: Hiiraan Online
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in koox ku hubeysan tooreey ay weerareen mid kamid ah wariyaasha Gobolka Mudug. Kooxdaasi ayaa tooreeyay Cabdirisaaq Siciid Cismaan oo kamid ahaa wariyaasha ka howlgala magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug gaar ahaan Idaacada Codka Nabada. Wariyaha ayaa dhaawac culus ka soo gaaray falkaasi isaga oo ugu dambeeyntiina u geeriyooday. Wariyaasha Gobolka Mudug ayaa falkaasi aad u cambaareeyay iyaga oo codsaday in gacanta lagu soo dhigo kooxihii falkaasi ka dambeeyay. Wali Taliska Puntland kama hadlin arintaasi lagu dilay Wariyaha. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Wariye lagu dilay Magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.