-
Content Count
206,526 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si rasmi ah warbaahinta uga shaaciyey in dowlad gobolleedkiisa iyo dowlada Federal-ka ah ay soo afjareen mad madowgii u dhexeeyey, oo ay hadda heshiis buuxa iyo wada shaqeyn isku afgarteen. Arrintan ayaa imaaneysaa xilli dhawaan golaha iskaashiga maamul gobolleedyada ay Kismaayo uga dhawaaqeen in ay hakiyeen wada shaqeyntii kala dhexeysay dowladda Federal-ka Soomaaliya, iyaga oo u cuskaday qodobo badan oo ay ku sheegeen in ay ahaayeen ballamo ay dowladda uga baxday. Hase ahaatee, heshiiska Waare uu la galay dowladda maxuu muujinayaa? Kaddib markii ay bulshadu aqrisay nuxurkii iyo qodobadii ay maamul gobolleedyadu ugu mar marsiiyoodeen dowladda waxaa isa soo taray carada shacabka iyo sida ay uga dhiidhinayaan shirkii Kismaayo. Waxaa taas barbar socday baaqyo dowladda uga imaanayey shacabka oo ahaa in aan waqti la’ isugu lumin madax gobolleedyada intooda badan uu dhammaaday muddo xileekoodii. Taas, oo ay jirto, markii uu Waare mawqifkiisa bedelay kana soo baxay xeyn-daabkii golaha iskhaashatada dowlad gobolleedyada waxaa caddaatay in shirkii Kismaayo ahaa mid ay koox gaar ah wadatay oo aysan awalba isku dan ahayn dowlad gobolleedyada. Tusaale, waxaa jirtay xogo sheegayey in hoggaamiyaha maamulka Kismaayo ee Jubbaland, Axmed Madoobe iyo Cabdiweli Gaas ay lahaayeen hindisaha shirkaas iyaga oo dareemayey cadaadis ol’ole oo si xoog leh uga socda deegaanadooda maadama ay doorashooyin ku soo fool leeyihiin. Sidoo kale, Waare wuxuu sheegay inuu ka baxay heshiis ahaa inaan lala heshiin dowladda dhexe, haddii maamul goboleedyada daacad ka ahayd tabashadooda, maxay tahay sababta ay u yiraahdeen yaan lala heshiin dowladda? Maxayse u oran maamulkii cabashadiisa ay dowladda wax ka qabato hala heshiiyo. Waxaa meesha ka cad in isbaheysigan ay wataan dad gaar ah, oo ujeedkoodu yahay carqaladeyn kaliya, oo aysan jirin wax kale. Waxa hadda la sugo waa sida ay yeelaan madaxweyneyaasha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Axmed, oo iyagana u muuqda sidii Waare in lagu daneysanayo. W/Q: Jabriil Xuseen Wehliye Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Warar soo baxayay maanta xilliga hore markii uu madaxweyne Waare shaaciyay in maamulkiisa uu la heshiiyay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay sheegayeen in lacag cadadkeedu dhan yahay laba malyan la siinayo Hirshabeelle. Arrintaan caawa waxaa Goobjoog News u xaqiijiyay xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin Warsame. Xildhibaan Cabdirashiid Cabdixakiin ayaa sheegay in ay jirto lacag dhan laba malyan oo dollarka Maraykanka ah oo la siinayo Hirshabeelle kaddib heshiiskii ay la gaareen Villa Somalia. Wuxuu sheegay in lacagtaasi ay dowladda siinayso, isagoo hoosta ka xariiqay in dowlado ajnabi ah ay bixinayaan. Xildhibaanka ayaa carrabka ku dhuftay in heshiiska Hirshabeelle iyo Dowladda dhexe aysan garwadeen ka ahayn dowladda Qatar oo kamid ah dalalka saameeynta ku leh siyaasadda Soomaaliya. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/XILDHIBAAN-HIRSHABEELLE-19-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda federaalka Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa daboolka ka qaaday in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen eedeysanayaal kamid ah kuwii geystay dilka gabadh ardayad ahayd oo shalay rasaas ciidamo ka tirsan dowladda ugu geeriyootay magaalada Muqdisho. Deeqo Daahir Cali oo aheyd Ardayad 9 sano jir ah, islamarkaana dhiganeysay fasalka 9aad ee dugsiga Hoyga Xamar ee magaaladda Muqdisho ayaa shalay u geeriyootay rasaas ay rideen askar ka tirsan dowladda xilli wadada ay ahayd mid aad u mashquul badan. Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi ayaa sheegay in eedeysanayaal gaaraya afar oo kamid ah askartii rasaasta furay ay gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka ee dowladda. Halkan Hoose Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Taliyaha-Ciidanka-Booliska-Soomaaliyeed-Bashiir-Cabdi-Maxamed-AMERICO-ayaa.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Saakow (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta sheegtay inay duqeyn ku dishay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab isla markaasna ay ku dhaawacday Xasan Yacquub oo mar soo noqday afhayeenka Kooxdaan Argagixisada ah. Dowladda ayaa sheegtay inay duqeynta la beegsatay 37 Sarkaal oo Shabaab ah meel ay ku shirayeen balse Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay caddeymo muujinayo in duqeyntaas lala beegsaday Isbitaal iyo Kuleej ay ardayda wax ku bartaan. Xalay saqdii dhexe ayay diyaarado dagaal waxay duqeymo ba’an ugeysteen xarumo rayid ah oo kuyaal magaalada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe Koonfurta dalka Soomaaliya. Duqeymaha ayaa lagu kala beegsaday isbitaalka guud ee degmada iyo Kolleej carruurta lagu xanaaneeyo waxna lagu baro. Wariye ku sugan Saakoow ayaa soo sheegay in burbur xooggan uu gaaray dhismayaasha ay diyaaradaha dagaal beegsadeen, duqeynta ka dhacday isbitaalka guud ee magaalada wax khasaara nafeed ah kama dhalan balse duqeynta ku dhacday Kolleejka carruurta lagu xanaaneeyoa waxna lagu baro waxaa ku dhintay sedax carruur ah. Saaka markii uu waagu Baryay ayay boqolaal qof waxay gaareen goobaha la duqeeyay iyagoona Kolleejka kasoo daabulay Meydadka sedaxda carruurta ah ee dhimatay, isbitaalka guud ee degmada Saakoow ayaa maalin walba adeegyo caafimaad u fidin jiray boqolaal qof waana isbitaal Maxalli ah oo dabooli jiray baahida caafimaad ee dadka ku dhaqan gudaha magaalada iyo deegaannada hoos yimaada. Goob joogayaal ayaa sheegay in xalay ay maqlayeen jugta qaraxyo waaweyn oo ka dhashay gantaallada ay diyaaradaha shisheeye ku garaacayeen xarumaha shacabka magaalada Saakoow, inta badan duqeymaha ka dhaca gobollada Jubbooyinka iyo Gedo waxaa geysta dowladaha Mareykanka iyo Kenya. Madaxda DFS oo aan badanaa lala socodsiinin duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo Kenya ka geystaan wadanka ayaa dhowr jeer ku hor fadeexoobay dadka Soomaaliyeed kadib markii ay dusha u riteen mas’uuliyadda duqeymo ay dowladaha AMISOM iyo kuwa kale ku laayeen dad shacab ah sida weerarkii Bariire ee lagu xasuuqay dadkii Beeraleyda ahaa taas oo ay DFS ku sheegtay in lagu beegsaday dad ka tirsan Al-Shabaab. Si la mid ah dowladda ayaan Maanta sheegtay inay duqeyntaas lala beegsaday Al-Shabaab waxayna noqoneysaa arrin ceeb iyo fadeexad ah ku dowladda. Halkaan hoose ka daawo Sawirada waxaana ku jiro kuwa naxdin leh looma ogolo inay fiiriyaan Ilmaha ka yar 15 Jir.
-
Warar iminka ka soo gaaraya Goobjoog News magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in koox hubeysan ay dil halkaas ka geysatay. Dilka ayaa ka dhacay degaan duleedka kaga yaalla magaalada oo magaciisa lagu sheegay Baardheere, waxaana lagu dilay nin oday ah oo halkaas laga yaqaanay. Wararka ayaa intaas ku daraya in ninkani odayga ah uu ku sii jeeday degaan kale oo isla gobolka Hiiraan ah. Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Baladweyne wali wax faahfaahin ah kama aynaan bixin. Xalay ayay ahayd markii gudaha magaalada Baladweyne ay dableey hubeeysan ay ku toogatay askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalkla Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa maanta soo xiray doodii ku saabsaneyd amniga kadib dhaliilo amni daro oo isbiirsaday. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo katirsan golaha Shacabka BFS, ayaa kamid ahaa Xildhibaanada sida adag maanta uga hadlay amni darada la sheegay inay ka jirto magaalada Muqdisho. Xildhibaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab si nabadgelyo leh ay maleeshiyaadkooda iyo saraakiishooda isaga joogaan magaalada Muqdisho. “Waanu la socnaa in Al-Shabaab badan ay ku dhex noolyihiin magaalada Muqdisho, tani waxa ay diirada ka lumineysaa rajadii laga lahaa hagaajinta amniga Muqdisho” Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil, waxa uu sheegay in Dowladda Somalia aysan u diyarsaneyn wax ka qabahsada arintaasi, maadaama ay dano iyada u gaar ah uga mashquulsantahay, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil, oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaan meelna lagu sheegin hub farabadan oo Sucuudiga ugu yaboohday Somaliya. Nuqul kamida hadalkiisa ayaa ahaa “Aawa Kunteenarradii hubka ahaa ee dowladda Sacuudiga soomaaliya siisay,maamul goboleedyada waa loo diiday,waxan ka cabsi qabaa in si hoose loo iibiyey” Waxa uu intaa kusii daray hadalkiisa “Al-Shabaab waxay usoo dalxiis Tagaan magaalada Muqdisho, markii ay waayeen caburin kaga timaada dhanka dowladda”. Waxa uu Xildhibaanku shaki galiyay in dowlada Somalia ay daacad ka tahay wax ka qabashada amni daro uu sheegay inay ka jirto magaalada Muqdisho. Si kastaba ha ahaatee, waxaan haddalka Xildhibaanka iyo Xildhibaanada kale wali ka hadal Xukuumada Somalia oo dhaliisha ugu badan ay ku fooraarto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa heshiiska ay wada-gaareen madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaasi oo soo afjaray khilaafkii labada dhinac ka dhex taagnaa. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan Hamza Asad Hashem uu ka shaqeeyay heshiiska labada dhinac, islamarkaana Waare uu heshiiska dowladda dhexe ku beddeshay saddex waxyaabo oo kale. Sida aan xogta ku helnay maamulka HirShabelle, ayaa loo ballan-qaaday in bil walba uu saami aan la shaacin inta uu la eg yahay ku yeelan doono dakhliga kasoo xarooda dekedda Muqdisho. Arrintan ayaa ka mid ahayd waxyaabaha Waare uu kula dagaashanaa dowladda, isaga oo sheegay in dowladda dhexe hor-istaagtay inuu furto dekadda Ceel-Macaan ee duleedka Muqdisho, sidaas darteedna uusaan maamulkiisa haysan dekad dhaqaale uu kasoo galo, sida maamullada Puntland iyo Jubaland. Waxaa sidoo kale heshiiska qeyb ka ah in HirShabelle ay wax ka hesho dhammaan deeqaha dowladda Qatar ay siiso dowladda federaalka, ayada oo dowladda dhexe loo soo marsiinayo balse uu damaanadaas qaaday safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan Hamza Asad Hashem. Dhinaca kale dowladda ayaa ogolaatay inay dib u furto mushaharka ciidamada HirShabelle, kuwaasi oo waayey lacagtooda kadib markii ciidamada dowladda ee gobolka Shabeellada Dhexe ay horey dowladda u kala dirtay. Saddexdan taageere dhaqaale, ayaa dhammaantood waxaa damaanad qaaday safiir Hassan Hamza Asad Hashem, waxaana ay qeyb ka tahay dadaal ay Qatar dooneyso inay maamul goboleedyada uga soo furto dowladda Imaaraadka Carabta, oo ay dhammaantood ku wada xiran yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
War qoraal ah oo ka soo baxay gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa lagaga hadlay warkii maanta saxaafadda uu Muqdisho ugu sheegay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare. Madaxda dowladaha kale ah Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa qoraalkani soo saaray. Mawqifka GIDG ee Warmurtiyeedka ku taariikhaysan 19/09/2018 ee ka soo baxay Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle. Goluhu wuxuu si buuxda u garawsan yahay in ay Dawlad Goboleedka Hirshabeelle u madax-bannaan tahay ka tashiga tashiga iyo go’aan ka gaaridda masiirka dawladdeeda iyo kan umaddeeda. Goluhu wuxuu mar kale halkan ku caddaynayaa in is-afgaran-waaga ka dhexeeya GIDG iyo Dawladda Federaalka ahi uu yahay mid guud oo ku saabsan qaddiyado waaweyn oo ku tacalluqa Amniga Guud ee Qaranka, Federaalaynta Dalka, Dhawridda, Dib-‐u-Eegidda iyo Hirgelinta Dastuurka Soomaaliyeed, Khayraad/Awood Qaybsiga, Hannaanka Caddaaladda iyo kuwo kale oo la xiriira. Heshiiska” ay Hirshabeelle la gashay Dawladda Federaalka ahi aanu khusayn Golaha maadaama ay qaddiyadaha kor ku xusan ee uu muranku ka taagan yahay dhammaantood ay yihiin kuwo heer qaran ah oo ay lagama maarmaan tahay in xal wadareed wadahadal ku yimid lagu dhameeyo. Heshiiska Hirshabelle ay la gashey Dowlada dhexe waxba kama badali doonto Mowqifkii iyo go’aamadii Golaha ee ku qeexnaa Warmurtiyeedyadii Golaha ee soo baxay 8 iyo 14 bishan Sabtember 2018 waxaana badali kara oo kali ah heshiis labada dhiac ka gaaraan arrimaha la isku hayo. Goluhu wuxuu Madaxda Sare ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya mar kale ku boorrinayaa in ay si dhab ah oo waayeelnimo leh ugu soo jeestaan xallinta qaddiyadaha taagan. Ugu dambayn, Goluhu wuxuu u arkaa in wadaxaajood dhab ahi uu yahay dariiqa kaliya ee furan ee lagu gaari karo jawi siyaasadeed deggan oo suuraggeliya in lagu guuleysto sugidda amniga iyosoo celinta karaamada umadda Soomaaliyeed. ——————– Dhammaad ————————– Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa markii ay soo gaadheen magaala madaxda gobolka Sanaa gee degmada Badhan, waxaa kusoo dhoweeyey maamuulka gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, masuuliyiin ka tirsan geleyaasha dawladda Puntland, ururada bulshada rayid ka ah, isimo, waxgarad, nabadoono, siyaasiyiin aqoonyahano, bahda wax barashada degmada iyo dhammaan shacabka magaalada Badhan. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Qasrigiisa kuyaalla degmada Badhan ku booqday Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire, halkaasi oo uu Madaxweynaha ugu soodhoweeyey si habmaamuuskeedu sareeyo. Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire ayaa kusoo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa degmada Badhan iyo guud ahaaba gobolka, waxaana uu xusay suldaanku in maanta ay tahay maalin tariikhi ah gashay baal dahab ah. ‘’Maanta waxay inoo tahay maalin tariikhi ah oo aannu kusoo dhoweynayno Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa, waxay soo booqdeen dalkiisa iyo dadkiisa isaga oo balan qaaday mashaariic badan berigu musharaxa ahaa, waxaan marag ka nahay inay fuleen uuna maanta u yimid midha dhalkooda, soomaaliya ninkii ugu horeeyey oo wax la taaban karo qabta waa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas” Ayuu yiri Suldaanku. Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si guud ugu mahadnaqay shacabka reer Sanaag soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo weftiga uu hogaaminayey, sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntlnad ayaa shacabka degmada Badhan uga mahadceliyey soodhoweyntooda qiyaas la’aanta ah ee wanaaggu ku dheehan yahay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan appeared first on Puntland Post.
-
Nabaddoonada,cuqaasha iyo isimada gobolka Nugaal ayaa maanta qalin midaysan ku saxiixay heshiis hay’adaha amniga dowladda Puntland u saamaxaya in halkiisa lagu dilo qofkii lagu qabto fal-danbiyeed ka dhan ah amniga caasimadda Garoowe iyo guud ahaan degaannada kale ee gobolka Nugaal. Heshiis ka kooban 20 qodob oo cuqaasha,nabaddoonada iyo isimada gobolka Nugaal ay maanta ku saxiixeen magaalada Garoowe,kuna saabsanaa sugidda amniga iyo la-dagaallanka **********ta dhaca hantida shacabka,ayaa lagu go’aamiyay in hay’adaha amnigu tallaabooyin adag ka qaadan,dadka caadaystay dhaca hantida iyo boobka dhulka. Sidoo kale qodobka ugu muhiimsan heshiiskan ayaa dhigaya”in aan cidna loo raacan Karin” qofkii dhaawac ama dhimasho ay ciidamada dowladdu u geystaan isagoo faraha kula jira fal-danbiyeed ka dhan ah amniga Garoowe iyo guud ahaan gobolka Nugaal,sidaasi darteedna”aan wax magdhow ah lagu lahayn”. Heshiiskan oo ay saxiixeen dhammaan nabaddoonada iyo isimada beelaha gobolka Nugaal ayaa lagu xoojinaya xasiloonida iyo amniga caasimadda dowladda Puntland ee Garoowe iyo degaannada kale ee gobolka,sida madasha laga sheegay. Munaasabadda lagu saxiixay heshiiska ayaa waxaa goob-joog ahaa saraakiil ka socotay hay’adaha amniga,guddoomiyaha gobolka Nugaal,duqa degmada Garoowe,mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda iyo isimo uu hormuud u yahay Islaan Ciise Islaan Maxamed. PUNTLAND POST The post Isimada Nugaal oo go’aamiyay in aan cidna loo raacan karin ******** la dilay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaal-ka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta xarunta madaxtooyada kula kulmay qoyskii ay ka dhimatay Deeqa Daahir. Deeqa Daahir oo ahayd gabadh 9 sano jir ah ayaa askari ka tirsan ciidamada dowladda ku dilay magaalada Muqdisho, askarigaas oo la sheegay in maanta ay ciidamada amniga gacanta kusoo dhigeen. Dhacdadan oo ahayd mid aad uga nixisay bulshada Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu baahday baraha bulshada iyo warbaahinta oo dhan. Madaxweynaha waxa uu qoyska uga tacsiyeeyey geerida gabadhooda isaga oo u muujiyey in uu dareenka xanuunka badan la qeybsanayo. Sidoo kale madaxweynaha waxa uu qoyska u ballan qaaday in cadaaladda la horkeedi doono askarigii dilay gabadha oo markaas ka soo laabatay Iskuulkii ay dhigan jirtay. Deeqa Daahir, eebe ha’unaxariistee, waxaa lagu aasay maanta magaalada Muqdisho iyada oo ay duugteeda ka qeybgaleen boqolaal qof oo u badnaa ardaydii Iskuulka ay dhigan jirtay saaxiibka ku lahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Golaha Islaashiga Dowlad-goboleedyada Somalia ayaa ka soo saaray jawaab deg-deg ah mowqifkii maamul-goboleedka Hirshabeelle uu uga laabtay go’aankii maamul-goboleedyada ee Kismaayo lagu saxiixay, kaasoo xiriirka loogu jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya. War-murtiyeedka kasoo baxay Golaha ayaa lagu sheegay in heshiiska dhex-maray maamulka Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya uusan ahayn mid quseeya Golaha, isla markaana uusan waxba ka beddeli doonin go’aankii maamul-goboleedyadu ay kasoo saareen shirkoodii Kismaayo. Sidoo kale, Waxaa lagu sheegay Qoraalka Golaha Maamul-gobleedyada in Hirshabeelle u madax-bannaan tahay go’aan ka gaarista masiirka dowladeed iyo midda ummadeed. Dhanka kale, Golaha Iskaashiga Dowlad-goboleedyada dalka ayaa xusay in is-af-garan-waaga ka dhaxeeya Dowlad-goboleedyada iyo Dowladda dhexe ee Somalia uu yahay mid ku saabsan amniga guud ee Qaranka, Arrimaha Federaaleynta, dib-u-eegista Dastuurka, kheyraadka iyo awood qaybsiga dalka iyo arrimo kale. Ugu dambeyn, Madaxweyaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shirkii jaraa’id ee uu Muqdisho ku qabtay ku sheegay inaysan aqbalayn in Hirshabelle ay u burburto dano siyaasadeed oo iska soo horjeed ah. AKHRISO: War-murtiyeed kasoo baxay Golaha Dowlad-goboleedyada; PUNTLAND POST The post Golaha Iskaashiga Dowlad-goboleedyada oo ka Jawaabay Heshiiskii Hir-shabeelle iyo DF appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyey go’aankii uu Maanta qaatay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare kaasoo la heshiiyey dowladda Dhexe. Maamul Goboleedyada ayaa sheegay inaysan waxba ka khuseyn go’ankii uu qaatay Waare isla markaasna aysan waxba u dhimi karin jiritaanka Iskaashigaan. Waxay sheegeyn inuu Waare u madax banaan yahay go’aan ka gaaridda mustaqbalka Maamulkiisa iyo dowladnimada Soomaaliya. Waxaa sidoo kale sheegeen in dhibaatada taagan iyo khilaafka ka dhex jira dowladda Federaalka iyo dowlad Goboledyada uu yahay mid ku qotoma Arrimaha Amniga,Kheyraadka dalka , Dastuurka iyo awood qeybiga. Hoos ka Akhriso War-saxaafadeed ay soo saareen. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qodobada kasoo baxay Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada.
-
At least three children were killed in Somalia today when their school was hit by an air strike in the south of the country. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerar duqeyn ah oo xalay ka dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe dhaawac culus uu kasoo gaaray Sheekh Xasan Yacquub oo ka mid ah madaxda sar ee kooxdaas, horayna usoo noqday Afhayeenka Kooxdaasi. In ka badan 12 ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeynta Saakow, oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, sida uu Wakaaladda SONNA u sheegay ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ahna wasiir ku-xiggeenka wasaaradda Aadan Isaaq Cali Mudane Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in Duqeynta dhinaca cirka ah lala beegsaday Xalay goob ay ku shirsanaayeen horjoogeyaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo gaarayay 37. Waxa uu intaas ku daray in dadka duqeynta lagu dilay ay ku jiraan Labo ka tirsan horjoogeyaasha sar sare ee maleeshiyada Al-Shabaab, halka dhaawac culus uu kasoo gaaray Xasan Yacquub. Dowladda Soomaaliya oo garab ka heleysa saaxiibbadeeda caalamka ayaa dar dar gelisay duqeymaha iyo weerarrada ay Al-Shabaab kula beegsaneyso goobaha ay dalka kaga sugan yihiin. Dhinaca kale, warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay xalay duqeyn ba’an ugeysteen wax ay ku sheegeen xarumo rayid ah oo ku yaal magaalada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe, islamarkaana lala beegsaday isbitaalka guud ee degmada iyo Kolleej carruurta lagu xanaaneeyo waxna lagu baro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Saraakiil katirsan laamaha amaanka ee dowladda, ayaa soo sheegay in gacanta lagu soo dhigay askari la tuhmayo inuu ka dnabeeyay dil shalay duhurnimadii Muqdisho loogu geystay gabar Sagaal sano jir eheyd. Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Deeqo Daahir Faarax, ayaa haleeshay rasaas uu ridaya skari kamid ah Ciidamada dowladda Somaliya, wuxuna xiligaasi isku dayayay inuu furto wadada oo mashquul abdan uu ka jiray. Howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen degmada Hodan, ayey ku soo qabteen askariga la tuhmayo inuu gabadha dilay, waxaa lala soo qabtay laba askari oo kale oo xiligaasi ay wada socdeen, kuwaasoo haatan lagu hayo xarunta danbi baarista ee C.I.D. Ehelada Deeqa, ayaa sheegay in gabadhooda xligaasi ka soo rawaxday Iskuulka ay dhiganeysay, ayna saarneyd gaariga lagu qaado aradada Hoyga Xamar. Warar kale oo aan heleyno, waxey sheegayaan in Saaka dhismaha xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Degmada deyniile lagu xiray sarkaal la sheegay inuu ahaa midkii ay ilaalinayeen askarta lagu eedeeyay Toogashada, kaasoo markii danbe gacanta Hay’adaha amniga soo geliyay ilaaladiisa xiligaasi gaariga la saarneyd. Maanta, ayaan wax shaqo ah ka jirin dugisga Hoyga Xamar, waxaana Maamulka iyo ardada dugsiga ka qeybgaleen aaska Marxuumad Deeqa Daahir Faarax. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hirshabelle President okeys to work with Federal government
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU (Caasimada Online) – The regional President of Hirshabelle Mohamed Abdi Ware announced his administration accepted to work with the central government, amid ongoing political crisis. The President Waare said he had talks with the central government in what he said was solved all his administration’s concerns. On Sept 8, Hirshabelle and other four regional leaderd suspended all working relationships with central government, citing “interference”. But, he apparently broken ranks with other regional leaders, says his region will now have full cooperation with the central government, said in a memo obtained by Caasimada Online. “The central government accepted to address my region’s concerns (essentially) in return for the cooperation to resume”, he said. The major problem in Hirshabelle region is said to be security and other issues as the region hosted deadly attacks by Al Qaeda linked Al Shabaab. He urged the central government to ensure the implementation of the latest agreement to resume the cooperation. In a statement by all regional leaders on Tuesday urged the central government to stop interfering regional issues. The all Somalia’s member states broke ties with the central government on Sept. 8, plunging the country into a political crisis. The country has struggled with civil war for decades, and AMISOM has been active there since 2007. The country’s regional leaders also chose to boycott a National Security Council meeting scheduled for Sept. 17 and 18. However, UN says the decision by the regional leaders could embolden Al Shabaab and negate the gains made by the African Union Mission in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com -
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maalintii 3aad, ahna maalinkii ugu dambeeyey waxaa ay dood ka yeesheen arrimaha amniga. Xildhibaannada maanta hadlayey waxaa ay ku dheeraadeen xaaladda amniga iyo sida ay tahay dowladd inay wax uga qabato. Xildhibaan Jaabir Maxamed Cabdulle waxaa uu diiday xildhibaannada maalmihii tagay sheegay in ciidamada aan wax mushaar la siin, isaga oo yiri “Xildhibaannadii Golaha shacabka ka hor sheegay in ciidamadu aysan mushaar qaadan, cadeymo ayaa looga baahan yahay.”. Xuseen Iidow oo goobta ka hadlay waxaa sheegay in amniga loo fiiriyo si guud isaga oo yiri “Dowladdii Xasan Shiikh waxaa lagu sameeyay iyadoo dhisan 18 bil ayaa la weeraray madaxtooyada qaranka, maxkamada gobalka iyo xaruma kale oo muhiim ah, waa muhiim isla xisaabtan, Laakiin Waa in uu ku saleesan yahay Waaqici jira” Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil: Xildhibaanadu waa in ay kala gartaan waxyaabaha ay u dhaarteen iyo sida ay shaqadooda ay ku wajahi karaan Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil waxaa uu xukuumadda Farmaajo ku canaantay baab’inta ciidanka “Dowlada Madaxweyne farmaajo waxay sheegtay in ay Shabaab ku soo afjareyso 2 sano, in la soo afjara iskaba daaye , ciidankii dhisnaa ayaa La baa’biyey, tusaale ahaan Ciidanka NISA”. Xildhibaanka waxaa uu intaas ku daray “ Qaraxyadii ka dhacay Ceel- gaabta waxaa geystay rag ku libisan dharka ciidanka melateriga ah oo ahaa dareyskii ugu dambeeyay ee la qeybiyay, ammaanka ayaa la siyaasadeeyay, waxaana lagu weeraraa Saxaafadda, Siyaasiyiinta iyo Shaqsiyaad Xasaanad Leh Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil waxaa uu sheegay in dowladda hub la siiyey “Dowlada Sacuudiga waxay bixisay Kunteenaro hub ah oo dowlada Soomaaliya loogu talagalay, waana Loo diiday maamul gobaleedyada, waxaana Suuragal ah in si hoose Loo iibiyo. Xildhibaan Xasan oo ka hadlaya Al-shabaab “ Al-shabaab waxay usoo dalxiis tagaan Magaalada Muqdisho, Ka dib markii ay waayeen caburin kaga imaaddo Dowlada Dhankeeda, hay’ada NISA ma qeexna waxa ay tahay, taliyihii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla ayaa tilmaamay in uu jiro Xiriir ka dhaxeeya Alshabaab iyo Hay’ada NISA, Waxaana dhacday in dhammaan garaadooyinkii Laga qaaday. hay’ada NISA ma qeexna waxa ay tahay, taliyihii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla ayaa tilmaamay in uu jiro Xiriir ka dhaxeeya Alshabaab iyo Hay’ada NISA, Waxaana dhacday in dhammaan garaadooyinkii Laga qaaday. Waxaa nagu maqaalo ah in La demiyay dhammaan Camiroyinkii CCTV ee wadada Makka Almukarrama Xildhibaan Sahra Cumar Maalin ayaa ku dooday in mooshinkii jawaari uu waqti cunay “ Mooshin-ka ayaa waqti naga cunay dalka waxa uu galay qalqal siyaasadeed, amniga markaas ayuu xumaaday. Amniga waa labo, Mid adduunka ayuu nagala dhaxeeyaa midna waa mid dhaxdeenna yaala, amniga dhaxdeenna ah aan si hoose aan uga shaqeeyno., waxaa ay sii hadashay oo waxaa ay tiri “Aniga waxba kama qabo isla xisaabtan laakiin qof raba danahiisa kaliya inuu ka fiirsado, ma ahan isla xisaabtanka la rabo, iyada oo hadalkeeda ku soo gabagabeysay “Tuutaha qof walb ayaa xirto, in farmaajo iyo kheyre xertaan ceeb miyaa”. Xildhibaanad Canab Xasan Cilmi oo goobta ka hadashay waxaa ay tiri “Waxaan daawaday urur la baxay macaawiisleey, aabe leh wiilkeeygii ayaa la yiri keen isagiina wuxuu i dhahay aabe ha igeeynin , waan iska ooyey markii aan daawaday muuqaalkaas, aaway dowladdii uu codsiga ka dalbay, miyaa loo diray ciidan iyo gaadiid? Xildhibaanad Canab mar ay ka hadashay Federalism-ka waxaa ay tiri “ Faderaaliisimka sax iyo qalad waxa uu yahay waan qaadanay, Ee aan isku ixtiraamno, maanta isqabqabsi kama bixi karno ee aan isku tanaasulno iyada oo soo jeedisay in “Miisaaniyada soo socota waa in askariga Soomaaliyeed la siiiyaa bil walba 200 boqol”. Xildhibaan Sahro Cabdiqadir waxaa ay ciidanka ka tiri “ Ciidanka waa isku dhex qasan yihiin hala kala saaro, militiriga bannaanka ha looga saaro magaalada, kuwa kale ha loo maareeyo xaalada amniga gudaha magaalada” Xildhibaan Sahro oo ka hadashay amniga “ Amniga maanta maalin uu ka xumaa ayaa jirtay laakiin waxaan rabnaa inuu ka sii wanaagsanaado. Waxaan rabaa inaan ku dayano dowladdihii burburka naga dambeeyey hadana maanta hormariyey dadkooda” Xildhibaan Macalin Cali oo isna amniga ka hadlay wuxuu yiri “Amnigii waa sii xumaaday, Shacabkii guriyahoodii ayaa loogu galayaa in loo dhaco, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay baab’inta ciidanka Soomaaliyeed “Ciidankii Soomaaliyeed waa la baabi’yey, Waxaa lagu baabi’yey in maalin walba la badalo taliye” Xildhibaan Macalin Cali, waxaa uu dowladda ku yiri “Dowladdii ku guuleysan weysay shan maamul oo dhisan in ay la shaqeyso ma taasaan garab siin karnaa, wey ku fashilantay wada shaqeeyntooda, wax yaabaha ay soo jeediyeen wey ku saxan yihiin. Xildhibaan Macalin Cali ugu dambeyntii, waxaa uu soo jeediyey “Waa in loo yeeraa madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha si labadooda aan ula xisaabtano, xildhibaannada ay soo qaataan waraaqadiihii ay labada mas’uul ku qornaayeen balanqaad yadoodii si aan u tusno farqiga u dhaxeeya. Xildhibaan Cabdicasis Cilmi ayaa isna sheegay “Amni ma jiro Xukuumaddana meel walba wey ku fashilantay, isaga oo intaas raaciyey “Waxaa wax laga xishoodo ah qaraxii weynaa ee 14 Octobar cid loo soo qabtay iyo cid isku casishay jirin. Xildhibaan Cabdicasis Cilmi, mar uu ka hadlayey xukuumadda Kheyre waxaa uu yiri “Mudane guddoomiye xukuumadda hadda joogtaa ma ahan xukuumaddii aan ansixinay, middan waa mid inta malaamileey soo wadato dhaheyso hala sacabtumo, sax weeye, sax weeye in loo dhaho rabto.” Isaga oo hadalkiisa ku soo afjaray “Waxaan soo-jeedinayaa xukuumaddu wey gudan weyday wixii loo soo doortay ee ha iska casileen xilalkooda. Xildhibaan Cabdicasis Cilmi: Madaxweyne maalintii aan na hortaagneyd waxaad sheegtay iyo waxa aad hadda ku dhaqmeyao wax isku dhaw ma ahan, Safar badan aad baxdo waxba soo ma kordhinaayo, Ka hadal xaaladda maamul goboleedyada iyo tan dowladda dhexe. Xildhibaan Jamaal Xasan Ismaaciil: Amniga Qaranka marka laga hadlaayo ma ahan Caasimada ee waa dalka oo dhan, Ciidanka waxaan leeyahay waad amaanantihiin sida geesinimada leh ee aad dalkiina ugu shaqeeysaan idinka oo qaata 100 dollar. Sharciga argagaxisada idinka ayuu idin horyaalaa ee ma rabtaan inaad ansixisaan Maxamed Jaamac Mursal: Xerada janaraal Gordan waxaa ku jiray Ciidan leh saanad iyo awood waxaa kala dirtay oo weerartay Dowladda Faderaalka, wixii halkaa ku jiray meel ay ka baxeen maanta cid sheegi kartaa ma jirto laakiin isla xisaabtan ayaan uga baahanahay Xukuumadda. In darajada askari laga xayuubiyo, cid kale loo dhiibo waxay dileeysaa niyadda Ciidanka Waxaa na soo gaaray Ooyin hooyooyin Soomaaliyeed oo caruurtooda la Aakareeyo, mudane Gudoomiye waxaan u baahanahay in baaritaan lagu sameeyo arrinkaas Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha waxaan u sheegayaa , shacabka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin dib u heshiisiin ee uma baahna awood sheegasho iyo xoog Xildhibaan Abuukar C/laahi Xaaji: Amniga aan ha hadleeno waa amni caalamka dhan ka Jira, marka ani ma qabo in qolo gaar ah si gooni ah dusha looga saaro. Amniga dalka Labo wasaarad uma yaalo ee xukuumada oo idil ayaa Laga rabaa, ciidanka in mushaar loo kordhiyo iyo in qaadka dalka laga joojiyo, amni darrada ayuu qeyb ka yahay Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji: Kulanka doodda amniga ka hor guddiga joogtada ah ayaa Ka shiray amniga dalka iyadoona La kulmay saraakiisha amniga, Laakiin waxaan idiin sheegayaa in kulmadaas saxaafada Laga qariyay Xildhibaanada intooda badan waa wasiirro, mana jiro wasiir halkaan soo istaagay oo ka hadlay xaaladda dalka, ma aqaan, ma caburin ayaa Jirta oo gadaal ka imaanaysa Mise arrimo kale ayaa jira. Farmaajo ayaan dooranay, mana ka helin dalka waxyaabihii uu balan qaaday, dhibaatada dalka ka Jira Farmaajo ayaa Masuul ka ah. Xildhibaan Cabdi Fataax Daahir Ismaaciil: Amni darrada waxaa qeyb ka noqoneysa in dalku ka baxayo Wadatashi una gudbayo kaligiitalasnimo, waxaa kaloo qeyb ka ah xuquuq la’aan iyo Karama darro. Waxaana ognahay in Kumanaan kun oo dollar lagu bixiyo Dad ku shaqeeya baraha bulshada oo dalka Ka maqan Dowlada Farmaajo waxaa ay siyaasiinta ku caburisaa in dhaqaalo dowlada lagu duminayo ee dalka Keenaa, Waxaana ognahay in dowladdan aysan Ku imaan Quraan laakin ay lacag Ku timid. “Waxaan rajeynayaa dowladda inay ka miro dhaliso wada hadalladaas, dhibaatooyinka aan sheegnana wax nagala qabtaan, haddii ay wax nagala qabtaan, oo ay xaliyaan, maamullada inay yiraahdaan wada hadalka faa’ido ayaa ku jirta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maalintii 3aad waxaa ay dood ka yeesheen arrimaha amniga. Xildhibaannada maanta hadlayey waxaa ay ku dheeraadeen xaaladda amniga iyo sida ay tahay dowladd inay wax uga qabato. Xildhibaan Jaabir Maxamed Cabdulle waxaa uu diiday xildhibaannada maalmihii tagay sheegay in ciidamada aan wax mushaar la siin, isaga oo yiri “Xildhibaannadii Golaha shacabka ka hor sheegay in ciidamadu aysan mushaar qaadan, cadeymo ayaa looga baahan yahay.”. Xuseen Iidow oo goobta ka hadlay waxaa sheegay in amniga loo fiiriyo si guud isaga oo yiri “Dowladdii Xasan Shiikh waxaa lagu sameeyay iyadoo dhisan 18 bil ayaa la weeraray madaxtooyada qaranka, maxkamada gobalka iyo xaruma kale oo muhiim ah, waa muhiim isla xisaabtan, Laakiin Waa in uu ku saleesan yahay Waaqici jira” Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil: Xildhibaanadu waa in ay kala gartaan waxyaabaha ay u dhaarteen iyo sida ay shaqadooda ay ku wajahi karaan Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil waxaa uu xukuumadda Farmaajo ku canaantay baab’inta ciidanka “Dowlada Madaxweyne farmaajo waxay sheegtay in ay Shabaab ku soo afjareyso 2 sano, in la soo afjara iskaba daaye , ciidankii dhisnaa ayaa La baa’biyey, tusaale ahaan Ciidanka NISA”. Xildhibaanka waxaa uu intaas ku daray “ Qaraxyadii ka dhacay Ceel- gaabta waxaa geystay rag ku libisan dharka ciidanka melateriga ah oo ahaa dareyskii ugu dambeeyay ee la qeybiyay, ammaanka ayaa la siyaasadeeyay, waxaana lagu weeraraa Saxaafadda, Siyaasiyiinta iyo Shaqsiyaad Xasaanad Leh Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil waxaa uu sheegay in dowladda hub la siiyey “Dowlada Sacuudiga waxay bixisay Kunteenaro hub ah oo dowlada Soomaaliya loogu talagalay, waana Loo diiday maamul gobaleedyada, waxaana Suuragal ah in si hoose Loo iibiyo. Xildhibaan Xasan oo ka hadlaya Al-shabaab “ Al-shabaab waxay usoo dalxiis tagaan Magaalada Muqdisho, Ka dib markii ay waayeen caburin kaga imaaddo Dowlada Dhankeeda, hay’ada NISA ma qeexna waxa ay tahay, taliyihii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla ayaa tilmaamay in uu jiro Xiriir ka dhaxeeya Alshabaab iyo Hay’ada NISA, Waxaana dhacday in dhammaan garaadooyinkii Laga qaaday. hay’ada NISA ma qeexna waxa ay tahay, taliyihii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla ayaa tilmaamay in uu jiro Xiriir ka dhaxeeya Alshabaab iyo Hay’ada NISA, Waxaana dhacday in dhammaan garaadooyinkii Laga qaaday. Waxaa nagu maqaalo ah in La demiyay dhammaan Camiroyinkii CCTV ee wadada Makka Almukarrama Xildhibaan Sahra Cumar Maalin ayaa ku dooday in mooshinkii jawaari uu waqti cunay “ Mooshin-ka ayaa waqti naga cunay dalka waxa uu galay qalqal siyaasadeed, amniga markaas ayuu xumaaday. Amniga waa labo, Mid adduunka ayuu nagala dhaxeeyaa midna waa mid dhaxdeenna yaala, amniga dhaxdeenna ah aan si hoose aan uga shaqeeyno., waxaa ay sii hadashay oo waxaa ay tiri “Aniga waxba kama qabo isla xisaabtan laakiin qof raba danahiisa kaliya inuu ka fiirsado, ma ahan isla xisaabtanka la rabo, iyada oo hadalkeeda ku soo gabagabeysay “Tuutaha qof walb ayaa xirto, in farmaajo iyo kheyre xertaan ceeb miyaa”. Xildhibaanad Canab Xasan Cilmi oo goobta ka hadashay waxaa ay tiri “Waxaan daawaday urur la baxay macaawiisleey, aabe leh wiilkeeygii ayaa la yiri keen isagiina wuxuu i dhahay aabe ha igeeynin , waan iska ooyey markii aan daawaday muuqaalkaas, aaway dowladdii uu codsiga ka dalbay, miyaa loo diray ciidan iyo gaadiid? Xildhibaanad Canab mar ay ka hadashay Federalism-ka waxaa ay tiri “ Faderaaliisimka sax iyo qalad waxa uu yahay waan qaadanay, Ee aan isku ixtiraamno, maanta isqabqabsi kama bixi karno ee aan isku tanaasulno iyada oo soo jeedisay in “Miisaaniyada soo socota waa in askariga Soomaaliyeed la siiiyaa bil walba 200 boqol”. Xildhibaan Sahro Cabdiqadir waxaa ay ciidanka ka tiri “ Ciidanka waa isku dhex qasan yihiin hala kala saaro, militiriga bannaanka ha looga saaro magaalada, kuwa kale ha loo maareeyo xaalada amniga gudaha magaalada” Xildhibaan Sahro oo ka hadashay amniga “ Amniga maanta maalin uu ka xumaa ayaa jirtay laakiin waxaan rabnaa inuu ka sii wanaagsanaado. Waxaan rabaa inaan ku dayano dowladdihii burburka naga dambeeyey hadana maanta hormariyey dadkooda” Xildhibaan Macalin Cali oo isna amniga ka hadlay wuxuu yiri “Amnigii waa sii xumaaday, Shacabkii guriyahoodii ayaa loogu galayaa in loo dhaco, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay baab’inta ciidanka Soomaaliyeed “Ciidankii Soomaaliyeed waa la baabi’yey, Waxaa lagu baabi’yey in maalin walba la badalo taliye” Xildhibaan Macalin Cali, waxaa uu dowladda ku yiri “Dowladdii ku guuleysan weysay shan maamul oo dhisan in ay la shaqeyso ma taasaan garab siin karnaa, wey ku fashilantay wada shaqeeyntooda, wax yaabaha ay soo jeediyeen wey ku saxan yihiin. Xildhibaan Macalin Cali ugu dambeyntii, waxaa uu soo jeediyey “Waa in loo yeeraa madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha si labadooda aan ula xisaabtano, xildhibaannada ay soo qaataan waraaqadiihii ay labada mas’uul ku qornaayeen balanqaad yadoodii si aan u tusno farqiga u dhaxeeya. Xildhibaan Cabdicasis Cilmi ayaa isna sheegay “Amni ma jiro Xukuumaddana meel walba wey ku fashilantay, isaga oo intaas raaciyey “Waxaa wax laga xishoodo ah qaraxii weynaa ee 14 Octobar cid loo soo qabtay iyo cid isku casishay jirin. Xildhibaan Cabdicasis Cilmi, mar uu ka hadlayey xukuumadda Kheyre waxaa uu yiri “Mudane guddoomiye xukuumadda hadda joogtaa ma ahan xukuumaddii aan ansixinay, middan waa mid inta malaamileey soo wadato dhaheyso hala sacabtumo, sax weeye, sax weeye in loo dhaho rabto.” Isaga oo hadalkiisa ku soo afjaray “Waxaan soo-jeedinayaa xukuumaddu wey gudan weyday wixii loo soo doortay ee ha iska casileen xilalkooda. Xildhibaan Cabdicasis Cilmi: Madaxweyne maalintii aan na hortaagneyd waxaad sheegtay iyo waxa aad hadda ku dhaqmeyao wax isku dhaw ma ahan, Safar badan aad baxdo waxba soo ma kordhinaayo, Ka hadal xaaladda maamul goboleedyada iyo tan dowladda dhexe. Xildhibaan Jamaal Xasan Ismaaciil: Amniga Qaranka marka laga hadlaayo ma ahan Caasimada ee waa dalka oo dhan, Ciidanka waxaan leeyahay waad amaanantihiin sida geesinimada leh ee aad dalkiina ugu shaqeeysaan idinka oo qaata 100 dollar. Sharciga argagaxisada idinka ayuu idin horyaalaa ee ma rabtaan inaad ansixisaan Maxamed Jaamac Mursal: Xerada janaraal Gordan waxaa ku jiray Ciidan leh saanad iyo awood waxaa kala dirtay oo weerartay Dowladda Faderaalka, wixii halkaa ku jiray meel ay ka baxeen maanta cid sheegi kartaa ma jirto laakiin isla xisaabtan ayaan uga baahanahay Xukuumadda. In darajada askari laga xayuubiyo, cid kale loo dhiibo waxay dileeysaa niyadda Ciidanka Waxaa na soo gaaray Ooyin hooyooyin Soomaaliyeed oo caruurtooda la Aakareeyo, mudane Gudoomiye waxaan u baahanahay in baaritaan lagu sameeyo arrinkaas Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha waxaan u sheegayaa , shacabka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin dib u heshiisiin ee uma baahna awood sheegasho iyo xoog Xildhibaan Abuukar C/laahi Xaaji: Amniga aan ha hadleeno waa amni caalamka dhan ka Jira, marka ani ma qabo in qolo gaar ah si gooni ah dusha looga saaro. Amniga dalka Labo wasaarad uma yaalo ee xukuumada oo idil ayaa Laga rabaa, ciidanka in mushaar loo kordhiyo iyo in qaadka dalka laga joojiyo, amni darrada ayuu qeyb ka yahay Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji: Kulanka doodda amniga ka hor guddiga joogtada ah ayaa Ka shiray amniga dalka iyadoona La kulmay saraakiisha amniga, Laakiin waxaan idiin sheegayaa in kulmadaas saxaafada Laga qariyay Xildhibaanada intooda badan waa wasiirro, mana jiro wasiir halkaan soo istaagay oo ka hadlay xaaladda dalka, ma aqaan, ma caburin ayaa Jirta oo gadaal ka imaanaysa Mise arrimo kale ayaa jira. Farmaajo ayaan dooranay, mana ka helin dalka waxyaabihii uu balan qaaday, dhibaatada dalka ka Jira Farmaajo ayaa Masuul ka ah. Xildhibaan Cabdi Fataax Daahir Ismaaciil: Amni darrada waxaa qeyb ka noqoneysa in dalku ka baxayo Wadatashi una gudbayo kaligiitalasnimo, waxaa kaloo qeyb ka ah xuquuq la’aan iyo Karama darro. Waxaana ognahay in Kumanaan kun oo dollar lagu bixiyo Dad ku shaqeeya baraha bulshada oo dalka Ka maqan Dowlada Farmaajo waxaa ay siyaasiinta ku caburisaa in dhaqaalo dowlada lagu duminayo ee dalka Keenaa, Waxaana ognahay in dowladdan aysan Ku imaan Quraan laakin ay lacag Ku timid. “Waxaan rajeynayaa dowladda inay ka miro dhaliso wada hadalladaas, dhibaatooyinka aan sheegnana wax nagala qabtaan, haddii ay wax nagala qabtaan, oo ay xaliyaan, maamullada inay yiraahdaan wada hadalka faa’ido ayaa ku jirta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaamianyo ayaa maanta safar shaqo oo taariikhi ah ku gaadhay gobolka Sanaag, weftiga Madaxweynaha ayaa ku horeeyey magaalooyinka Cawsane, Middigale, Gumar, iyo Rad. Madaxweynaha ayaa waxaa safarka ku wehelinayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, masuuliyiin ka tirsan geleyaasha dawladda Puntland, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka DFS, saraakiil ka tirsan Madxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisa ayaa waxaa ay ugu horayn kormeereen barta ay yaaliin qalabka daamurka lagu saarayo wadada Ceeldaahir -Ceerigaabo oo yaal duleedka magaalada Ceeldaahir, Madaxweynaha ayaa kula kulmay halkaasi qaar kamid ah guddiga wadada iyo farsamayaqaanada wadada dhisaya, Madaxweynaha Puntland oo lagalay masuuliyiinta wadada dhismeheeda gacanta ku haya ayaa ku amaanay shaqo wanaag iyo hawlkarnimo. “Runtii guddiga dhismaha wadad Ceeldaahir – Ceerigaabo waan hablayaynayaa iyaga iyo shaqaalaha dhisaya wadada waxay qabteen shaqo wanaagsan, waxa badan oo aan qabsan karno ayaan kaga mashquulaa wax aan qabsan karno inaga oo isku tashanayna, dhismaha wadadani waxay inna tusinaysaa faa’iidada uu leeyahay isku tashigu, waxaaan maray wadadan December 2013 waan garanayaa dhibtii iyo shidadii ay lahayd runtii xasuus badan bay nagu reebtay’ ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Madaxwenaha Puntland iyo weftigiisa ayaa intaasi kadib ayaa usoo kicitimay magaalda Badhan oo safarkiisu ku wajahnaa, iyaga oo kusoo hakaday magaalada Cowsane,halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen guddoomiyaha gobolka Sanaag, masuuliyiinta magaalada, Isimo, nabadoono, waxgarad iyo shacabka magaalada Cawsane oo dhammantood banaanka magaala u taagnaa soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa. Madaxweynaha oo lahadlay shacabka magaalada Cawsane ayaa uga mahad celiyey soo dhoweynta heerkeedu sareeyo ee ay ku qaabileen Madaxweynaha iyo weftigiisa, ‘“aad iyo aad ayaan idiinka mahadnaqayaa soo dhoweyntiina shacabka reer Cawsane, waxaan ku faraxsanahay inaan idiin nimaadno, waan jeclaa hadda kahor inaan gobolka imaado oo aan soo booqdo balse nasiib wanaag maanta ayay noqotay inaan imaado, socdaal kaygani ma aha socdaal musharaxnimo, waa socdaal shaqo oo aan ugu kuur gelayno furidda mashaariicda waaweyn ee gobolka aan ka hirgelinay’ ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntlnad” Weftiga Madaxweynaha oo sii wata safarkooda shaqo ayaa gaadhay magaaladda Middigale oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee gobolka Sanaag, Madaxweynaha iyo weftigisa aya Middigale kala kulmay soodhoweyn iyo shucuur wanaagsan oo ay ka muuqado rabitaan dawladdnimo, Madaxweynuhu wuxuu shacabka Middigale u aqbalay codsi ay usoo gudbiyeen oo ah in magaalada laga dhigo degmo, isla markaana waxa uu u xaqiijiyey in Middigale tahay magaalo istaraatiijig ah oo ku haboon degmo. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Gumar ka dhagax dhigay ceel biyood ay yeelan doonto magaaladaasi, waxaana uu amray Madaxweynuhu in ceel biyood kaasi loo hirgeliyo sida ugu dhakhsaha badan ee ugu macquulsan, isla markaana waxa uu Madaxweynaha iyo weftigiisa usoo gudbeen magaalada Rad, halkaasi oo ay kala kulmeen shacab aad u tira badan oo u heelanaa soo dhooweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa. PUNTLAND POST The post Degmada Badhan oo u dhaqaaqday madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – A 9-year-old school girl has died after being shot in the head Tuesday in heart of Somali capital Mogadishu. Deko left her life to gun fire opened by a government soldier while on board heading to home in the capital, relatives said. The bullets also injured 14 other students on their way to home after returning from Hamar Boarding School in Mogadishu. “It is with terribly broken hearts that we learn of the tragic news after 9-years -old school girl was killed by a soldier”, relatives said. The victims were taken into hospital for medical treatment, a witness, Hussein Mohamed, a school student said. Mohamed says he also survived from the terribly incident. It is unclear if the soldier was arrested or escaped from the crime scene. Deko’s dead body was laid to rest, as her families called on government to bring the killer into justice. Earlier this month, six people, inclding two school children were killed and six other school students injured in an Al-Shabaab suicide bomb attack at local government building in Somali capital Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Nicholas "Fink" Haysom will move from Sudan to Somalia as the United Nations secretary-general Antonio Guterres's special representative and head of the United Nations Assistance Mission in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Wafdiga ka socday aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah oo aaday maamulka Galmudug ayaa maanta xarunta dowlad goboleedka ee Dhuusamareeb kula kulmay madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf , madaxa xukuumadda Sheekh Shaakir iyo guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad ee baarlamaanka Galmudug. Kulanka ay yeesheen Guddiga Golaha Aqalka sare iyo Madaxda Galmudug ayaa kusoo dhamaaday Guul iyo Isfaham, iyadoo Masuuliyiinta Dowlad Gobaleedka Galmudug ay soo dhaweeyeen Doorka dhex dhexaadinta uu Aqalka sare u istaagay, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay qaataan Doorka dhex dhexaadinta khilaafka jira. Wafdiga Aqalka sare uu hoggaaminayo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxaa ay u kuur-geli-doonaan xaaladda guud ee dhinacyada Galmudug. Weriyaha Goobjoog News ee wafdiga la socday ayaa soo sheegaya in kulankan uu ka horeeyey mid hordhac ah, isla markaana farxad iyo marxabeyn ay ma muuqato dhinacyada. Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Somali radio journalist stabbed to death in the central town of Galkayo last night, per journalists union said. Journalist Abdirisak Sa’id Osman, reporter for privately owned Radio Voice of Peace in Galkayo, was slashed in the back and heart on Tuesday night as he was walking from the premises of the radio station, his colleuges said. Osman, seen bypasser while unconsciously laying on the ground, was rushed to Mudug Regional Hospital (MRH) where he was operated but pronounced dead, according to National Union of Somali Journalists (NUSOJ). The Union strongly condemned the horrific murder of a local radio journalist following brutal knife attack in the town. Osman, 30, was buried on Wednesday in Galkayo. He is the second journalist to be murdered in Somalia in this year, NUSOJ said. The motive for the attack remains unclear. No group says it carried out the murder. But, some Galkayo journalist believe the attack on the journalist, is retaliation for recent revelation of insecurity situation of the Galkayo which was created by Al-Shabaab elements. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com