-
Content Count
210,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka, kadib markii uu dhawaan tagay magaalada Kismaayo. Cali Geeddi, ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay xaliso tabashooyinka ay qabaan madaxda maamul goboleedyada, si loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka. Cali Maxamed Geeddi, ayaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Kismaayo kula kulmayay madaxda Jubbaland, isaga oo kala hadlayay sidii loo heshiisiin lahaa dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka. “Madaxda dowladda Federaalka, iyagaa laga rabaa wixii dhib inay xaliyaan, dowlad goboleedyada waa muhiim waa madax shacab deegaan soo doortay, dastuur u gaar ay ku doortaan oo qoraya qodobo cad cad, dalka waxaa ugu sareeya dastuurka Federaalka oo ah sharciga dalka lagu maamulayo” “Dowlad Goboleedyada Waajibaad cad ayuu dastuurka siinayaa dowladda Federaalkana Waajibaad ayaa saaran, Dowladda waxay lamid tahay Waalid, haddii caruur iyo waalid is qabtana, Waalidkaa xalka laga rabaa, waxaan rajeynayaa inay gartaan xalinta waxii khilaafaad oo dalka ka jiro”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi. Wuxuu ugu dambeyn sheegay in dowladda Soomaaliya ay xaliso khilaafka kala dhaxeeya maamulada dalka, si loo gaaro horumar wanaagsan oo isku meel u wada socdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu rasaaseeyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Koox hubeysan ayaa la sheegay in weerar jidgal ah ay ku qaadeen Gaarigaasi, kadibna ay ku fureen rasaas xoogan. Ugu yaraan illaa 2 Qof ayaa ku dhaawacantay weerarkaas, sida uu Shabelle u xaqiijiyay, Dr Amiin Samakaal oo ka howlgala isbitaal ku yaalla gudaha deegaankaasi. Lama oga illaa iyo hadda waxa ay ahaayeen dableyda rasaaseeyay Gaarigaasi, kuwaas oo goobta isaga baxsaday. Muddooyinkii dambe waxaa sii xumaanayay amniga Waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo ay ka dhacayeen falal liddi ku ah ammaanka Waddadaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Soofa-1.mp3 The post Gaari Rakaab ah Oo lagu rasaaseeyay Ceelasha Biyaha appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo ka mid mudanayaash golaha wakiillada Somaliland ayaa Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inuu safarkiisa gobolada bari uu ku gaadho Degmada Badhan ee gobolka Badhan, waxaanu Madaxweynaha Illaahay ugu baryey inuu safarkiisa ku soo guuleeyo. Xildhibaan Nacnac ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya iyo beesha caalamku ay ogaatay in degmada Badhan ay tahay dhulweynaha Somaliland, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay inuu baabiyo dhismaha uu Cabdiweli Gaas u dhagax dhigay baarlamaanka Puntland ee ugu talo galay in ay shirarkooda ku qabsadaan, waxana uu yidhi “Madaxweyne adiga oo nabad ah iyo annaga oo nabad ah, Insha alla waad nagu soo noqon doontaa, Madaxweyne Badhan gaadh oo halkii Cabdiweli (Madaxweynaha Puntland” dhagax dhigay ee barlamaanka tag oo dhagaxiisi baabii oo ha ogaada in Badhani ay Somaliland tahay, adduun weynuhu ogaada.” Hadalka Xildhibaan Nacnac ayaa ku soo beegmaya xilli uu Madaxweynaha Somaliland Md, Muuse Biixi Cabdi uu safar shaqo ku marayo gobolada bari ee jamhuuriyadda Somaliland. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Talyaaniga, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Talyaaniga. Sida ay qortaya wakaalada SONNA madaxweynaha ayaa madaxda dalka Talyaaniga kala hadli doona dib u xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Sidoo kale, labada dhinac waxay isla lafo-guri doonaan danaha kala geddisan ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii looga miradhalin lahaa. “Dalka Talyaaniga waxa aynu wadaagnaa xiriir taariikhi ah, dowladdayduna waxay dadaal gelinaysaa sidii aan dib ugu xoojin lahayn, maadaama ay dowladda Talyaanigu kaalin weyn ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya, saaxiibbo dhawna ay yihiin labada shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Dhankooda, Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafidiga Madaxweynaha ayaa kulamo ku qotoma dib u habaynta xiriirka labada dal iyo iskaashiga waxa ay la yeelan doonaan masuuliyiinta dhiggooda ah ee dalkaas. Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, taas ayaana saldhig u ah dadaallada joogtada ah ee madaxda labada dal ay ugu jiraan ka miradhalinta qorsheyaasha iskaashi iyo xaqiijinta danaha ay wadaagaan labada shacab ee saaxiibbada ah. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Talyaaniga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgallo Ciidamada amniga maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo haatan gacanta ugu jira Ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya. Waxaana uu tilmaamay in haatan dadkaasi ay ku socdaan baartitaano dheeraad ah, inkastoo uusan shaacin tiradooda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Afayeen-1.mp3 The post Taliska Booliska Soomaaliyeed Oo ka warbixiyay howlgallo laga sameeyay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Shirkaan oo muddo labo beri ah ka soconayey xarunta Wasaaradda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa waxaa looga hadlayey sidii loo horumarin lahaa tayada shaqaalaha dawladda Puntland si ay bulshada ugu gudbiyaan adeeg hufan oo tayo leh. Sidoo kale waxyaabihii shirka diiradda lagu lagu saaray waxaa kamid ahaa sidii did u eegid loogu samayn lahaa hannaanka Payroll ka Shaqaalaha si loo soxo isla markaana meesha looga saaro shaqaalaha saxda ah ee shaqeeya oo kuwo kale ee aan xafiisyada banneeyey. Munaasabadda shirka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Shaqada, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda, Agaasimeyaal ka tirsan labadaasi wasaaradood iyo khuburo caalami ah oo dawladda ka caaniysey diyaarinta hannaankaan cusub. Barnaamijkan oo ah mid ay Wasaaradda shaqadu muddo soo waddey ayaa hadda soo gaarey heer geba gebo ah isla markaana waxaa loo gudbin doona Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Xisaabaadka guud iyo Hanti dhowrka guud ee dawladda Puntland. The post Shir lagu soo bandhigayey hannaan lagu saxayo Payroll ka dawladda oo lagu qabtay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ku wajahan dalka Talyaaniga. Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa qaadan doono muddo 2 Cisho, waxaana safarkani ku wehlinaya xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda Soomaaliya. Ilo ku dhow Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay safarka Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, waxaana ay sheegeen in uu la kulmi doono madaxda sare ee dalkaasi. Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, waxaana uu ka teegeeraa dhinacyo ay ka mid tahay dib u dhiska Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. The post Madaxweyne Farmaajo Oo saaka ku wajahan Talyaaniga appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Paris)-Mudaaharaad lagaga soo horjeedo qiimaha shidaalka ee Faransiiska oo qaaliyoobay ayaa horseeday in ay dhaawac maan 400 oo qof, sida ay masuuliyiintu sheegeen, mudaaharaadka ayaana galay maalintii labaad. Wasaaradda amniga gudaha ee Faransiiska ayaa sheegtay in ku dhawaad 300 oo mudaaharaadeyaal ah su’aalo la waydiiyay, 157 ka mid ahna saldhigyo booliis loo sii qaaday. Dad lagu qiyaasay 288,000 oo ruux ayaa ka qayb qaatay mudaaharaadkii Sabtidii dhacay, sida ay wasaaraddaasi sheegay, tiro dad ah ayaana sii waday mudaaharaadka Axaddii. Mudaaharaadayaasha oo loo yaqaanno “yellow vests” oo astaan jaale ah wata ayaa jidgooyooyin dhigtay dalka Faransiiska oo dhan. Dad badan oo mudaaharaadayaasha ka mid ah ayaa caradii kula dhacay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyaga oo ku eedeeyay in uusan wax xiriir ah la soo samaynin, mudaaharaadkanna wali waxba kama uusan dhihin, waxaana loo arkaa in shacbiyaddiisu ay hoos u dhacday marka la eego ra’yi aruurinnada la sameeyay. Lahaanshaha sawirkaAFP Madaxweynaha ayaa talada dalka qabtay sannadkii hore wuxuuna wacad ku maray in uu wax ka qaban doono dhaqaalaha Faransiiska, wuxuuna ku baaqay in qiimaha shidaalka kor loo qaado si dadka Faransiiska looga weeciyo adeegsiga noocyo ka mid ah shidaalka. Dawladda ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin dhawr ah oo ay gacan ku siinayso qoysaska saboolka ah si ay isaga bixiyaan kharashaadka shidaalka daruuriga ah ee ay u baahan yihiin iyo lacagaha kaga baxa gaadiidka. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-191118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wali lama xalin Khilaafka u dhaxeeya madaxda Galmudug, waxaana guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug uu shaaciyay arin kale oo xiisadda sii kordhineysa. Xareed Cali Xareed guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug ayaa shaaciyay inay dhawaan dooran doonaan madaxweyne ku xigeenka Galmudug, maadaama xildhibaanada Galmudug ee Dhuusomareeb ay horey xilka kaga qaadeen. Wuxuu sheegay in madaxda ku sugan magaalada Cadaado ay taageeri ka heli jireen, balse hadda laga joojiyay taageeradii sida uu hadalka u dhigay, isaga oo sheegay in masuuliyiin ay aqoonsan yihiin aysan ku sugneyn Cadaado. Dhawaan ayuu sheegay inay magacaabi doonaan guddiga doorashada madaxweyne ku xigeenka Galmudug, dhawaanna booskaasi ay buuxin doonaan. “Waxa kaliya oo noo harsan ayaa ah inaan buuxino booskii madaxweyne ku xigeenkii oo aan xilka ka qaadnay, dhawaan ayaana rabnaa inaan doorano madaxweyne ku xigeenka Galmudug, waxaana dhawaan sameyn doonaa guddiga doorashada madaxweyne ku xigeenka”ayuu yiri Xareed Cali Xareed. Xildhibaanada Galmudug ayaa la kala saftay madaxweyne Xaaf iyo ku xigeenkii Carabeey, iyaga oo fariisin ka kala dhigtay magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Cadaado, waxay doorteen guddoon baarlamaan iyo madaxweyne kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Ohio)-Magaalada Columbus Ohio oo ah magalada labaad ee Somaalida ugu baddan Mareykanka ku nooshahay ayaa markii ugu horeysay laga hirgaliyay Isbitaal ay leeyihiin dhaqaatiir Soomaali ah oo wax ku bartay Dalka Mareykanka waxa uuna qaabilsanyahay cudurada Guud. Medcar Clinic ayaa noqonaya mid ay ka howlgalaan dhakhaatiir Soomaali iyo ajanabiba isugu jiraan kaas oo dabooli doona baahida dadka ku nool Ohio gaar ahaan dadka waayeelka ee ay ku adagtahay ku hadalka Luuqada Englishka. Inkasta oo ay jireen isbitaalo yar yar oo ay dhakhaatiir Soomaali ah leeyihiin hadana kani waa uu ka duwanyahay waana isbitaal weyn oo ay bukaan socodku ka heli doonaan dhaqaatiir Taqasusu leh. Furitaanka isbitaalkan waxaa maanta ka soo qeybgalay, Masuuliyiin ka socday Maamulka gobolka, Ganacsato, Culumo, Waxgarad, Arday, Dhaqaatiir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Mudadii ay xafladu socotay waxay dadku isku raaceen in isbitaalkan uu ku soo aaday xili loobahanaa isla markaana uu ka tarjumayo muuqaalka guud ee Soomaalida Ohio iyo sida ay wax baddan ugu soo kordhiyeen gobolkan. Dr: Farhiya Mohamud Shirwa & Dr Amina Abdule Godane waa labo gabdhood oo in ka yar 15 sano ku nool wadankan isla markaana ka gun gaaray waxbarashada caafimaadka iminkana u gudbay in ay dadkooda kuu caawiyaan aqoontii ay soo barteen iyaguna ay mustaqbalkooda ku sii hiigsadaan. Waxa ay arintani dhiiragalin u noqonaysaa dhalinyarada wax ka barata dalka Mareykanka oo ah dal ardada ay maraan marxalado aad u adag iyaga oo wajaha waqtiyo ay la xariira shaqooyinka ay ka shaqeeyaan iyo waxbarashada waana wado uu maro qof walba oo hiigsi leh. Deeqa SONNA Source
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in lala wadaagay macluumaad ku saabsan cod laga duubay dilka Jamal Khashoqji oo ahaa saxafi Sacuudiga u dhashay, balse wuxuu sheegay in isagu uusan si shaqsi ah u dhagaysan doonin. “Waa duubid laga sameeyay sakaraad, waana arrin fool xun,” ayuu Axaddii ku yidhi warbaahinta Fox News. Hay’dda Sirdoonka Maraykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo CIA ayaa la sheegay in baaritaankii ay dilkan ku haysay ay ku soo gabogabaysay in awaamiirta khaarajinta uu bixiyay Amiirka dhaxalka Sacuudiga leh ee awoodda badan, balse Aqalka Cad ayaan wali arrintaas ayidin. Dawladda Sacuudiga ayaa sheegashadaas ku tilmaantay been waxayna diiday in Amiin Maxamed uu wax ka ogaa dilka. Khashoqji oo caan ku ahaa dhaliilidda dawladda Sacuudiga ayaa la dilay ka dib markii uu galay qunsuliyadda Istanbul labadii bishii Oktoobar isaga oo rabay in uu ka soo qaato waraaqo arooskiisa la xiriiray. Dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay in dad aan anshax lahayn ay ka dambeeyeen dilka Khashoqji. Xubno Aqalka Senetka Maraykanka ka tirsan oo taageersan madaxweyne Trump ayaa ku cadaadinaya in uu jawaab adag ka bixiyo, laakiin maadaama oo Sacuudigu uu yahay xulafo muhiim ah oo uu Bariga Dhexe ku leeyahay waxaa laga yaabaa in taasi ay keenayso in uu ka dhago-adaygo baaqyada loo soo jeedinayo. Muxuusan madaxweynuhu u dhagaysanay cajalka? Madaxweynaha ayaa sheegay in uusan dhagaysan doonin cajalka, maadaama oo lala wadaagay dhammaan macluumaadka ku duuban. “Wax kaste oo cajalka ku duubaan waan ogahay anoon dhagaysanin,” ayuu ku yiri warbaahinta Fox. Dawladda Turkiga ayaa la sheegay in ay Maraykanka iyo xulafada kale ee reer galbeedka la wadaagtay cajalkan layaabka leh. Intii uu waraysiga bixinayayna madaxweyne Trump wuxuu sheegay in Maxamed Bin Salman uu u sheegay in uusan waxba ka ogayn dilka. Trump wuxuu sheegay in laga yaabo in cidina aysan ogaanin cidda dilkaas ka dambaysay, wuxuuna farta ku fiiqay cunaqabataynnada uu Maraykanku saaray dadka lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen dilka. “Iyadoo taasi jirtana iskaashi ayaan leenahay, waxaana doonayaa in aan garab istaago dal aan iskaashi leenahay siyaabo badanna u wanaagsanaa,” ayuu intaas ku sii daray. Xagguu Maraykanku dilka ka taagan yahay? Inkastoo Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA aysan si toos ah u sheegin in ay hayso caddaymo muujinaya in Amiir Maxamed Bin Salmaan uu si toos ah ugu lug lahaa dilka, haddana waxay rumaysan tahay in dilkaasi uusan dhaceen haddii aan ogolaansho laga haysanin. Balse wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka ayaa Sabtidii sheegtay in dawladdu aysan wali gabogabaynin baadhitaataannadii dilka lagu hayo, iyadoo ay wali jiraan “warar la isla dhexmarayo iyo kuwo aan laga jawaabin.” Madaxweyne Trump ayaa ka hadlay waxyaabaha ay CIA ogaatay. Inkastoo waraysigan laga duubay ka hor inta uusan soo bixin warka sheegaya in la ogaaday natiijada baaritaankii ay CIA waday. Madaxweynaha ayaase sheegay in qarka loo saaran yahay soo afjaridda baaritaanka. “Labada maalmood ee foodda inagu soo haya waxaan heli doonnaa warbixinta oo dhamaystiran, waxayna u badan tahay Isniinta ama Talaadada” ayuu u ku yiri saxafiyiinta. Lindsey Graham oo ah Senator xisbiga Jamhuuriga ka tirsan isla markaasna ay xulafo yihiin Trump ayaa sheegay in uusan rumaysnayn diidmada amiirka dhaxalka leh. “Haddii uu doonayo in uu noqdo wajiga Sacuudi Carabiya hoggaaminaya, waxay ila tahay wakhti adag ayaa sugaya boqortooyada marka ay timaaddo masraxa caalamka,” ayuu yiri isaga oo la hadlaya warbaahinta NBC. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa saaka lagu wadaa inay u ambabaxaan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga. Sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Madaxweyne Farmaajo ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dowladda Talyaaniga, waxaana la filayaa in marka uu gaadho Rome uu la kulmo madaxda dalkaas. Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda Talyaaniga kala hadli doona xidhiidhka labada dal, iskaashiga iyo arrimo kale, waxaana Talyaaniga uu ka mid tahay dalalka ka taageera dowladda Soomaaliya qalabeynta ciidanka iyo tababarka Ciidammada Booliska. Talyaaniga ayaa horay u gumeystay Soomaaliya, hase ahaatee 10-kii sano ee u dambeeyay doorka uu ku lahaa Soomaaliya ayaa muuqan, kaddib markii dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Turkiga iyo Ingiriiska ay kaga saameyn bateen. Source
-
(SLT-Johannesburg)-Madaxweynaha dalka Koofur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa dib u bixinaya lacag gaareysa ku dhowaad 35 kun oo doollarka Mareykanka ah taas oo shirkad musuqmaasuqa lagu eedeynayo lalana xidhiidhinayo wiilkiisa ay ugu deeqday ololihiisii madaxtinnimada. Shirkadda dhaqaalaha bixisay oo lagu magacaabo Bosasa, ayaa ku guuleysatay qandaraasyo ay dowladda bixisay, balse waxaa ku socda baaritaan. Ramaphosa ayaa hore baarlamaanka ugu sheegay in lacagta ka timid shirkadda Bosasa, la siiyay wiilkiisa, Andile, oo sida uu sheegay shaqo u qabtay shirkadda. Balse wuxuu markii dambe qirtay inay ahayd deeq loogu talo galay ololaha madaxtinnimada xisbigiisa ANC. Inkastoo uu Ramaphosa sheegay in deeqdaasi la bixiyay isagoo aan ogeyn, haddana waxaa tani loo arkaa inay ceeb ku tahay madaxweyne ballan qaaday inuu tirtirayo musqmaasuqa. Ramaphosa ayaa amray in qiimeyn lagu sameeyo dhammaan dhaqaalaha ku baxay ololihiisa hoggaanka xisbiga African National Congress (ANC). Sidee ayay tan ceeb ugu tahay Ramaphosa? Mmusi Maimane, oo ah madaxa xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Alliance, ayaa sheegay in dhaqaalaha ay Bosasa bixisay uu u muuqdo mid laga shakiyo, si la mid ah dhammaan heshiisyada kale ee dowladda ANC. Tan iyo intii uu xukunka kala wareegay bishii February sababo la xiriira eedeymo musuqmaasuq, Ramaphosa ayaa u ololeeyay caddaalad u sameynta bulshada. Bishan dhexdeexa ayay ahayd markii uu ku sheegay musuqmaasuqa hareeyay Koofur Afrika mid faafaya. Isagoo garwaaqsan in dadka Koofur Afrika ay careysan yihiin ayna doonayaan inay arkaan saraakiil sare oo dowladda ka tirsan oo xabsiga loo diray, ayuu Ramaphosa xaaladda haatan la barbar-dhigay dhibbane kufsi oo lagu qasbay inuu daawado qofkii kufsaday oo xornimo ku naaloonaya. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la filayaa in isaga iyo wafdi uu hogaaminayo inay tagaan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga. Wafdiga madaxweynaha waxaa qeyb ka ah wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda waxaana xogaha aan heleyno ay sheegayaan in safar maalmo ah madaxweynaha ay ku tagi doonaan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga. Ujeedada socdaalka ayaa ah inay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta dowladda Talyaaniga, waxaana ay kala hadli doonaan arimo badan oo ay kamid yihiin tahriibka dhalinyarada Soomaaliya iyo xiriirka ganacsiga, Dhaqaalaha iyo amaanka. Dowladda Talyaaniga ayaa ka mid aheyd dowladdihii taageeri jiray Soomaaliya, waxaana dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixinaysa in dib loo soo celiyo taageeradii Talyaaniga ee xooganeyd. Madaxweyne Farmaajo ayaa xiriir wanaagsan la sameynaya dalalka taageeri jiray Soomaaliya waxaana hadda wanaagsan xiriirka u dhaxeeya wadamada bariga Africa iyo Soomaaliya. Soomaali badan ayaa tahriib ahaan dalka Talyaaniga kaga sii gudba qaarada Yurub, halka qaarkood ay ku dhibaateysan yihiin xeryo ku yaala xuduudaha dalka Talyaaniga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ay ka tagaan magaalada Muqdisho halkaasi ay gaareen. Ujeedada Saraakiishaan u tageen degmada Caabudwaaq ayaa lagu sheegay inay tahay baaritaan waxyaabo looga shakiyay inay qaraxyo yihiin oo magaalada lagu arkay iyo kuwo gaadiid ku xirnaa. Qaraxyada Gaadiidka ayaa dhawaan lagu qabtay koontaroolka magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, iyadoo kadibna la doonay saraakiil ku taqasustay qaraxyada si aysan waxyeelo kaga dhalan. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in saraakiishaan ay saacadiii ugu dambeeyay wadeen baaritaanka waxyaabaha looga shakiyay qaraxyada, waxaana la filayaa in maanta ay shaaciyaan natiijada baaritaanka ay sameeyeen. Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa sheegay inay saraakiishaan u baahdeen maadaama aysan jirin dad khibrad badan u leh waxyaabaha qarxa oo ku sugan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa laga yaabaa in lagu arki karo haraadigaha waxyaabihii lagu dagaalamay iyo qaraxyo waddooyinka lagu aasay xiliyadii dagaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
-
Qaran News
-
Dubai (Caasimada Online) – Taleefishinka Al-Arabiya ayaa bogiisa ku qoray warbixin lagu sheegay in dowladda Qatar ay taageereyso Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Warbixintan ayaa lagu sheegay in Roobow uu yahay qeyb ka mid ah qorshaha ay Qatar ku ballaarineyso saameynteeda siyaasadda Soomaaliya. Qatar ayaa la sheegay in markii hore ay qeyb ka ahayd in Roobow kasoo baxo Al-Shabaab, islamarkaana noqdo siyaasi caadi ah, oo dadkiisa dhinaca ka raaca, sida warbixinta ay leedahay. “Dad xog-ogaal ah ayaa sheegay in Roobow uu xiiriir la leeyahay Qatar, ayada oo warbaahinta Qatar [Al-Jazeera] ay gacan ka siiyeen isku day uu sumcadiisa dib ugu dhisayo kadib muddo uu Al-Shabaab ahaa” Warbixinta Al-Arabiya ayaa u muuqata mid dowladda Qatar ku eedeyneysaa inay hogaamiye argagixiso u gacan gelineyso awoodda mid ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya. Al-Arabiya waxaa leh dowladda Sacuudiga, oo xurguf ay kala dhaxeyso dowladda Qatar. Ujeedada horey ee loo aas-aasay Al-Arabiya waxay ahayd in lagula loolamo taleefishinka Al-Jazeera oo Qatar ay leedahay. Sacuudiga iyo xulufadiisa ayaa horey ugu eedeeyey Qatar inay taageerto kooxaha ay reer galbeedka argagixisada ugu yeeraan, sida kooxda Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Masar, iyo kooxda Xamas ee Falastiin. Warbixintan Al-Arabiya ay Roobow kula xiriirisay Qatar ayaa waxaa suurtagal inay qeyb ka tahay ololaha dowladda dalkaas loogu eedeynayo inay gacan siiso kooxaha argagixisada. Caasimada Online Xafiiska Dubai Caasimada@live.com
-
Xildhibaanada dhalinyarada ee ku jira Golaha Shacabka ayaa xalay la kulmay qaar ka mid ah dhalinyarada kul nool Magaalada Muqdisho. Kulanka oo ahaa mid casho ah ayaa xildhibaabada iyo dhalinyarada waxa ay ka wada hadleen doorka dhalinyarada ee xoojinta dowladnimada Soomaaliya. Xilldhibaanada ayaa warbixin ka dhageystay dhalinyarada, sidoo kale waxay iska xog wareysteen sida loogu faa’iideysan karo fursadaha u banaan dhalinyarada Soonaaliyeed. “In xildhibaanada dhalinyarada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya soo hor fariistaan dhalinyarada ay metelaan waa farxad iyo guul lagu faano, waana soo dhaweyneynaa”. ayay tiri Muna Axlaa oo ka mid ahayd dhalinyaradii kulanka ka qeyb gashay. Xildhibaanada dhalinyarada ee Golaha Shacabka ayaa balan qaaday iney ka warheynaya xaalada dhalinyarada Soomaaliyeed, kana shaqeynayaan sidii dhalinyarada loo siin lahaa fursado hogaamin iyo kuwa shaqo abuur. PUNTLAND POST The post Xubnaha Golaha shacabka oo la kulmay qaar kamid ah dhalinyarada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Madaxtooyada Oo Amar Ku Siisay Weriyaasha dawladda Inay Curiyaan Wax-Qabad Gacan Ku Rimis Ah Sanadkan Sii Galbanaya Muddo Sanad Ah Ayay Haatan Madaxa La Gashay Waqtigii Uu Hoggaanka Dalka Qabtay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Sicir Bararkii Iyo Taagdaradii Dhaqaale Ee Bulshada Danyarta Ah Codkooda Ku Qaatay Inuu Wax Ka Qabanayo, Ayaa Weli Halkii Taagan Kana Sii Daray, Kadib Kolkii Ay Xal Lagu Maareeyo U Weyday Xukuumaddu. Shacbiga Oo Naawilayay Inay Xukuumadda Cusubi La Timaado Tab Iyo Xeelad Cilmiyaysan Oo Ay Halkii Wax Taagnaayeen Kaga Sii Amba Qaado,Ayaan Ilaa Maanta Haba Yaraatee Ka haynin Hagardaamo Mooyee Waxqabad La Taaban Karo Oo Ay Ku Talaabsatay Mudadaasi Sannadka Ah. Balanqaadkiisii Ahaa Inuu Muuse Biixi Soo Dhisi Doono Xukuumad Kooban Oo Tayo Leh Ayaa Ku Danbaysay “Xeradayadu Waa Wada Ul Oo Ul La Qaato Ma Leh”. Shacbiga Ayaa Weli Waxay Ku Dawakhsan Yihiin Goobaha La Isugu Yimaadana Isku Weydiiyaan, Danta Uu Ka Lahaa Iyo Dookha Uu Ku Xushay Masuuliyiin Aan Midkodna Xataa Waayo Aragnimo Loogu Xisho Iyo,Magac Ku Lahayn Bulshada, Danta Uu Ka Lahaa La Garan Karin,Isla Markaana Ku Jirin Mid Qudha Oo Xataa Beeshooda Runta U Sheegi Kara,Qancin Kara Ama Xiisad Ka Dhex Dhalatay Reerkiisa Xal U Raadin Kara. Goboladii Iyo Shacbigii Shabakadda Ahaa Ee Isku Duubnaa Ayaa U Muuqda Mid Sii Kala Durkaya Xilliba Xilliga Uu Ka Danbeeyo. Dhinacyada Intii Xukuumadda Muuse Joogtay Xaydaabka Ka Baxay Waxa Ugu Xamaasad Badan Shacbiga Gobolka Sool Oo Xiisadoodu Marnaba Aanay Hoos U Degin. Asbaabaha Saamaynta Ku Yeeshay Inay Kasii Fogaadaan Xayndaabka Somaliland-Ta, Ayaa Lagu Tiriyaa Kadib Markii Xukuumada Muuse Albaabada Ka Xidhatay Tabashooyinkii Jiray Iyo Wada Hadaladii Khaatumo State Iyo Somaliland U Dhexeeyay Ee Cali Khaliif Galaydh Odayga Ka Ahaa Oo Uu Meel Fiican Soo Gaadhsiiyay Madaxweynihii Hore Axmed Maxamed Siilaanyo. Sababta Kale Ee Taasi Hore Soo Raacda Ayaa Ahayd, Kadib Markii Shacbiga Gobolkaas Ay Si Weyn Saamayn Ugu Yeelatay Khudbad Si Aan Ka Fiirsasho Lahayn Madaxweynuhu Weedho Takoor Iyo Qabyaalad Xambaarsan Kaga Jeediyay Xafladii Xuska 18ka May,Isir Ahaana Uu Ugu Duray. Xanaftii Ka Dhalatay Loolankii Axsaabta Oo Shacbiga Aad U Kala Fogaysay Ayaa Xiisadeedii Iyana Weli Taagan Tahay,Wax Laga Qabtayna Aany Ilaa Haatan Jirin. Is Ka Dhaaf Wax Kaleba Waxaan Maanta Cidnaba Caad Ka Saarayn Sida Xisbigii Kursiga Saaray Muuse Biixi Uu Degel Degel Ugu Fadhiyo Ee Toban Degel Ugu Kala Fadhiyo,Kadib Markii Tiirarkii Xisbigu Ku Jaah Wareereen Dhinaca Uu Wax Ku Wado Hoggaankii Ay Halganka U Galeen Kursi Saaristiisa, Shacbigana Ugu Sheegeen Habeen Dhaladka. Dhinicii Siyaasada Arimaha Dibadda Iyo Dublumaasiyada,Ayaa Qof Kastaaba Maanka Ku Hayaa Sida Ay Inoogu Soo Oodantay Mudadaa Sannadka Ah . Arimaha Gudaha Dalka Ayaa Dhibaatooyin Badan Oo Maarayntoodu Adag Tahay Iyo Colaado Baahsani Ka Taagan Yihiin Weli, colaadii u danbaysay ee DHUMAY,waxa uu si qayaxan wasiirka arimaha guduhu warbaahinta ugu sheegay inaanay xukuumad ahaan waxba ka qaban karin hadii ay dhex galaana colaadu intaasi kasii badanayso taasi oo ay ka dhalatay inay hadh cad kaalintii ay gabtay ka dul qaado dawlada ethiopia oo talo bixin iyo taageero daaha dabadiisa ah ka helaysa beesha caalamka una soo gurmatay beelihii dirirtu ku dhex martay gobolka sool. Iyadoo Shaqo La’aan Baahsan Oo Naafaysay Shacbiga Ay Ka Jirto Dalka, Ayaa Kaaga Sii Darane Xukuumadda Uu Hoggaamiyo Muuse Biixi Mudadii Ay Xilka Haysay In Ka Badan 300 Oo Ka Mid Ah Hawlwadeenadii Hay’adaha Dawladda Waxay Banaanka Ka Dhigtay Shaqooyinkii Ay Ka Hayeen Hay’adahaasi,Taasina Waxay Sii Biirisay Nacaybkii, Qaybo Kamid Ah Shacbigu U Qabeen Xukuumadda Fudaydka Aqoon Darrada Iyo Eexda Uu Ku Anqariyay Gadhwadeenku. Waxa Hadaba Wax Lala Yaabo Ah In Xukuumadda Xaalkeedu Sidaa Yahay Iyo Boqol Waxyeello Oo Aan Lagu Koobi Karin Halkan,Ay Hadana 7aadkii U Danbeeyay Abaabul Ugu Jirtay Sidii Loo Curin Lahaa Barnaamijyo Gacan Ku Rimis Ah Oo Ay Ku Sheegayso Wax-Qabadyadii Sannadka Damacdayna In Looga Sii Daayo Bulshada Televisionada. Sida Laga Soo Xigtay Xubno Ka Mid Ah Hawl-Wadeenada Wasaarada Warfaafinta Waxa Agaasinka Hawshaasi Iyo Hanti Lacageed Oo Dhan Boqol Oo Kun Oo Dollar Oo Ah Kharashkii Programada Ay Madaxtooyada Somaliland U Xil Saartay Weriyihii Bbc-Da U Joogay Burco Ee Xasan Xagar,agaasimaha tvga dawlada jaambiir iyo xubno kale Oo Hawlahaasi Ku Guda Jira. Qaar ka mid ah weriyaasha oo ka cudur daartay magacooda ayaa ku cabanaya inay dawakh qaadeen amarka la dul dhigay,xilli aanay u muuqan wax ay dadka u sheegaan oo ay qabatay xukuumaddu. safarkiisa waqtigan uu ugu socdaalay gobolada ayaa dadka wax garadka ahi ku tilmaamayaan showgii ka dhinaa waxqabadkiisa gacan ku rimiska ah, kuna buuxsanyo in kastoo cabsi badani ku gadaaman tahay. Si Kastaba Ha Ahaatee Waxaynu Ka Dhur Sugnaaba Waa Bal Waxa Ay La Gole Timaado Xukuumadda Muuse Ee Ay ku Bixinayso Hantidii Ummadda iyo Cashuurtii Hooyada Danyarta Ah. Qaran News