Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,527
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa isa soo taraya cabsi laga qabo in 200 oo qof ay ku dhinteen markab ku quusay badda yar ee “Lake Victoria”. Wararka qaar ayaa sheegaya in markabka ay saarnaayeen ilaa 400 oo qof, tiradaas oo ka badan inta loogu talo-galay. In ka badan 100 qof ayaa sidoo kale lagu warramayaa in la bad-baadiyey, oo 32 ka mid ah ayey xaaladooda khatar ku jirto. Dadka dhintay waxaa ku jira naaquudihii iyo shaqaalaha Markabka, waxaa kale oo la waayey qabalkii lagula socon lahaa khasaaraha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Wafiga Aqalka sare ee magaalada Baydhabo u jooga xal u helista is afgaranwaaga soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada iyo Maamul Goboleedyada dhexdooda ayaa shalay ka qeyb galay shirkii Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed, waxayna ka wada hadleen arrimaha taagan, sida lagu xalin karo,waxayna Golaha Wasiirada KGS u soo gudbiyeen wafdiga Golaha Aqalka Sare xogtii ay ka rabeen Dowlad Goboleedka oo qoraaal ah si wafdiga aqalka sare uu dib ugala soo laabto Golaha aqalka sare . Sidoo kale,Wafdiga Aqalka sare ka socda ayaa waxay la kulmeen Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna “ Maya”,waxay ka wada hadleen arrimaha khilaafka ee jira waxayna dhageysteen Wafdiga aragtida Guddonka Baarlamaanka KGS iyo sida ay u arkaan in lagu xalin karo khilaafka jira. Kulamadan waxay qeyb ka yihiin kulamo xogwareysi uu wafdigu la yeelanayey maamulka iyo bulshada Dowlad Goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya. Dhanka kale, Senator Samsam Ibraahim Cali oo ka tirsan wafdiga Aqalka Sare ee ku sugan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ahna Guddoomiye ku- xigeenka ururka haweenka Golaha Aqalka Sare waxay la kulantay haweenka ku jira Baarlamaanka Koonfur Galbeed,iyadoona ka dhageysatay aragtidoona ku aadan khilaafka jira iyo sida ay u arkaan xalka. Senator Samsam Ibraahim cali ayaa ku boorisay haweenka ku jira Baarlamaanka Koonfur Galbeed in ay sameystaan Urur si ay u mideeyaan cududooda. Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlada Goboleedyada,iyadoo wafuud kaladuwan oo goluhu dirayna ay kulamo kaladuwan la yeesheen madaxda maamulada iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Wafdiga Golaha Aqalka sare ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka iyo ururka haweenka Jubbaland,waxayna kala hadleen sida ugu haboon ay uga qeyb qaadan karaan xal u helista khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Dowlada Goboleedyada. Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo ururka Haweenka oo madasha kullanka ka hadlay ayaa waxay sheegeen iney muhiim tahay in xal loo helo khilaafka jira,islamarkaana dhankooda kaalin muhiim ah ka qaadanayaan. Sidoo kale,Wafdiga Aqalka sare ayaa dhageystay aragtida Odayaasha dhaqanka iyo ururka Haweenka Jubbaland iyo siday la tahay in isfaham lagu gaari karo si horay loogu sii amba qaado horumarada lagu tallaabsaday. Kulamadan waxay qeyb ka yihiin kulamo xogwareysi uu wafdigu la yeelanayey maamulka iyo bulshada Dowlad Gobolleedka Jubbaland. Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlada Goboleedyada,iyadoo wafuud kaladuwan oo goluhu dirayna ay kulamo kaladuwan la yeesheen madaxda maamulada iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Rightwing government wants to make handshake mandatory in naturalisation ceremonies Source: Hiiraan Online
  5. The Somalia-based Al-Shabaab militant group remains a potent threat to security in the region, although its capacity to stage regular attacks in urban areas has been degraded. Source: Hiiraan Online
  6. In Ethiopia, prime minister Ahmed Abiy’s political party, the Oromo People Development Organisation (OPDO) has rebranded, changing its name and logo as it seeks to position itself in the changing political space in Oromia region and at the national level. Source: Hiiraan Online
  7. UKIP have admitted there are "similarities" between the party's new stance towards Muslim migrants and the policies of US President Donald Trump. Source: Hiiraan Online
  8. After making the rounds of the film festival circuit, Minneapolis filmmaker Norah Shapiro will bring her documentary, "Time for Ilhan," to Walker Art Center for five screenings Sept. 21-29. Source: Hiiraan Online
  9. Every night for more than 35 years, Yussuf Mume Saleh has ventured outside the walls of the ancient city of Harar, Ethiopia, to feed his beloved spotted hyenas. For Jessica Beshir, a filmmaker who grew up in Harar, visions of Saleh and the delicately-cultivated bond he shares with these wild—and often dangerous—animals are embedded in her childhood nostalgia. Source: Hiiraan Online
  10. Lower house of parliament endorses UN findings of crimes against humanity by military and calls for prosecution. Source: Hiiraan Online
  11. Walter Michael Kagwa took the first step towards becoming a refugee in 1987. Source: Hiiraan Online
  12. Four soldiers have been arrested in Somalia after a nine-year-old schoolgirl was shot dead in the capital, Mogadishu, police say. Source: Hiiraan Online
  13. Intelligence officers in Somalia have resolved to strengthen collaboration on information gathering and sharing to counter threats posed by terrorist group, Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya, Faarax Macalin Dawaar ayaa sheegay war ka yaabiyey dad badan oo Soomaali ah, gaar ahaan dadka Soomaali Galbeed, oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Ethiopia. Faarax Macallin oo dhawaantan aad ugu dhuun duleelay is bedelada siyaasadeed ee Itoobiya ka socda, ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in doorashada guud ee Itoobiya ka dhici doonta ay Soomaalida heli doonaan jagada madaxweynaha ama ra’iisul wasaare ku xigeenka. Tallaabadaas oo u muuqata mid si weyn wax uga bedeli doonta awood qeybsigii Itoobiya ayuu Faarax Macalin ku tilmaamay mid sinnaan iyo cadaalad u horseedi doonta Itoobiya. After the next general election the President or the Deputy Prime Minister of Ethiopia will be an ethnic Somali. Ethiopia has turned a powerful historical page. Equality & equity among all Ethiopians will reign supreme.Thank GOD the massive potential of the HOA has been unlocked. — Farah Maalim (@FarahMaalimM) September 18, 2018 Faaraax Macallin waxa uu yiri: “Kaddib doorashada guud ee soo socota, madaxweynaha ama ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya waxa uu ahaan doonaa qof ka soo jeeda qowmiyadda Soomaalida. Itoobiya waxa ay furtay bog taariikheed oo aad u xoog badan. Sinnaan iyo cadaalad u dhexeysa Itoobiyaanka ayaa si awood badan uga hirgali doonta. Ilaahay ayaa ku mahadsan awooddii ay lahayd Geeska Africa banaanka ayaa la keenay.” Itoobiya waxaa ka socday is beddello siyaasadeed oo ruxay Geeska Africa tan iyo markii uu xilka raisul wasaare qabtay Dr Abiy Ahmed. Hase ahaatee, xogta Faarax Macallin ayaa ku soo aadeysa xilli ay heshiisyo kala saxiixdeen Soomaalida iyo Oromada, halka ay Asmara ku kulmeen jabhadda ONLF iyo dowladda Federal-ka Itoobiya, halkaas oo uu uga furmay shir ay ku soo afjarayaan dagaaladdii u dhexeeyey. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  15. Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa arbacaduu shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ku shaaciyey in maamulkiisa iyo dowladda dhexe ay ka heshiiyeen khilaafkii u dhexeeyey. Waare oo ka mid ahaa golaha iskhaashiga maamul gobolleedyada ayaa si lama filaan uga soo goostay ugu dambeynna wadahallo la furay dowladda dhexe halka uu ugu baaqay kuwa kalena in ay ku daydaan. Hase ahaatee, go’aankii uu isaga qeybta ka ahaa ee ay maamul gobolleedyada shirkii Ksmaayo xiriirka ugu jareen dowladda dhexe, ayaa noqday mid ay shacabka Soomaaliyeed aad uga horyimaadaan iyaga oo ku tilmaamay mid si ula kac ah loogu talagalay in lagu wiiqo dowladnimada Soomaaliya ee soo kabashada ku jirta. Dhinaca kale, waxaa Iyana jirtay dood ahayd in go’aankii Kismaayo uu u adeegayey xubno gaar ah oo ka tirsan maamul gobolleedyada sida hoggaamiyeyaasha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Jubbaland Axmed Madoobe. Casharka Siyaasadeed ee uu Waare u dhigay Xaaf? Hore ayey Soomaali u tiri “Kor waayeel waa wada indho!” Iyada oo la wada ogyahay in maamul gobolleedyadu aysan isku dano ahayn, mid walbana tabasho gaar ah leeyahay, taas waxa ay caddeysay in madaxweyne Waare shirkii Kismaayo wax weyn uga bexeen oo uusan halkaas ku soo bandhigi kareen. Yeelkeede, Waare waxa uu dheelay ciyaar siyaasadeed isaga oo u daneeyey maamulkiisa ugu da’da yar dowlad gobolleedyada Soomaaliya iyo waliba kursigiisa, maxaa yeelay “Siyaasaddu ma leh saaxiib joogta ah balse dan joogta ah!” Heshiiska dowladda dhexe iyo Hirshabeelle waa mid u muuqday mid ku dhammaaday ‘Win Win solution’, oo labada dhinacba ku qanceen taas oo muujineysa in Waare cashar siyaasadeed u dhigay saaxiibbkiisa ay dariska yihiin ee Axmed Ducaale Geele Xaaf. Shirkiisii jaraa’id, Waare waxa uu ku soo qaatay khilaafka halakeeyey Galmudug isaga oo sheegay in uusan sidaas oo kale la rabin Hirshabeelle! Ogow, ciyaarta uu dheelay Waare waa mid uu ku miisaamay waaqica ka jira dalka, maxaa wacay? Maamulada kale sida Puntland waxaa awoodda gacanta ku haya hal qabiil halka Hirshabeelle iyo Galmudug ay qabiilo badan ku mideysan yihiin –waa u nugul yihiin kala qeybin! Waare waxa uu ka badbaaday dabinkii uu Xaaf isaga oo arka mar labaad halow yiri! W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Qaahira (Caasimada Online) – Professor culuumta siyaasadda ka dhiga Jamaacadda Qaahira, Hassan Naafa ayaa ka digay in Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu Mareykanka u horseedi doono dagaal ay la gasho Iran, waxaa sidaas warisay shabakadda Almesryoon. Nafaa waxa uu Twitter-kiisa ku soo qoray: “Ha dhayalsanina kibirka iyo doqonnimadiisa. Waxa uu ku adkeystaa goosashada Golan Heghts iyo in uu Iran ka saaro Suuriya.” لا تستهينوا بحمق نتانياهو وغروره فهو يصر على ضم الجولان وإخراج إيران من سوريا وتصفية حزب الله حتى لو اضطر إلى جر الولايات المتحدة لحرب مع إيران لإسقاط نظامها ودفع العلاقة بين الولايات المتحدة وروسيا إلى حافة الهاوية. لذا يزداد إحساسي يوما بعد يوم بأن المنطقة مقبلة على أيام صعبة — Hassan Nafaa (@hassanafaa) September 19, 2018 “Israel waxa ay dooneysaa in ay meesha ka saarto Xisbullah xataa haddii ay ku qasbeyso in ay Mareykanka ku riixdo dagaal ay la gasho Iran, si ay meesha uga saarto hoggaanka xunkeeda haya kuna riixdo in xiriirka Russia iyo Mareykanka qarka burbur u fuulo. Sidaas daraadeed, maalinba maalinta xigta cabsideyda ah in gobolka waqti adag soo wajaho wey sii xoogeysaneysaa,” ayuu ku daray. Nafaa hore waxa uu u sheegay in midnimo la’aanta dowladaha Carabta ay dhabbaha u xaartay dhaq dhaqaaqa Mareykanka ee u ol’oleeya Israel iyo wiiqidda gobolka. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah baarlamanka Soomaaliya, ayaa dareenkiisa ku biiriyey dilkii magaalada Muqdisho loogu gaystay Deeqa Daahir oo ahayd gabar 9 jir ahayd, oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay dileen markii ay rasaas ku fureen baabuur ay saarnaayee arday. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi. Waxaan daawaday muuqaal aragagx leh oo hooyo Safiyo Maxamed Axmed ay uga warramayso fal naxdin leh oo maalintii 18/09/2018 lagu diley gabadheedii Deeqo Daahir Cali oo 9 sano jir ahayd magaalada MUQDISHO, taasoo dhiganaysay dugsiga hoyga Xamar, falkaasoo hooyadu ay u sheegayso si faahfaahsan askariga diley gabadheeda, dhaawacana u geystay arday kale oo gaari la saarnaa Deeqo, ayadoo sheegtay in uu askarigaas ka tirsanaa ciidamada nin lagu magacaabo Gen. Sheegow. Maamada, qoyska, bahda dugsiga hoyga Xamar iyo saaxibadii Deeqo waxaan uga tacsiyeynayaa geerida gabadhooda sida xaqdarrada loo diley, sabir iyo Iimaan. waxaa taliyaha ciidamada xoogga iyo maxakamadda ciidamada qalabkasida iyo xukuumaddaba looga fadhiyaa in askarigaas dilaaga ah loo soo qabto sida ugu dhaqsiyaha badan sharcigana la horkeeno. انا لله وانا اليه راجعون.
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in musuq-maasuq heerkii ugu sareeyay uu ka dhex jiro Xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho. Musuqa xoogiisa ayaa ka jira qeybta laga bixiyo warqadaha “Cadeynta danbiyada” waxaana halkaasi lagu kala qaataa dhaqaale xoogan oo ka badan tan maalintii u dhacda dowlada Somalia. Dadka u cadeymaha doonta xarunta ka hor inta aysan sameysan baasaboorka ayaa waxaa warqada loogu sameeya lacag $10 dollar ah, halka $20 ilaa 25 dollar lagu bixiyo qaab musuq ah. Dadka danyarta ee warqadaha cadeynta danbi la’aanta u doonta xarunta ayaa lagu xujeeya inay bixiyaan lacago dheeri ah, iyadoo haddii ay bixin waayan lacagtaasi warqahada lasiiyi afar cisho kadib. Dadka bixiya lacagaha musuqa ayaa warqadaha cadeynta lasiiyaa wax ka yar saacad gudaheeda, halka dhibta ugu weyn ay tahay mid lagu hayo dadka aan heysan dhaqaalaha iyo kuwa aan garabka heysan. Dadka qaarkood ayaa is weydiinaya sababta ka danbeysay in musuq-maasuq looga dhex shaqeeyo Xarunta CID-da oo aheyd halkii lagu baarayay dadka loo xiro baaritaanada musuqa. Inta badan xarumaha dowlada ayaa waxaa lagu bixiyaa lacago sharci daro ah oo laga qaato dadka shacabka ah. Ma jirto cid si gaara isku xil saartay baabi’inta musuqa ka dhex jira xarunta CID-da oo lagu kala qaato lacago ku dhaca jeebka shaqsiyaad gaara. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa si caro leh uga jawaabay haddal kasoo yeeray qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Somalia oo maalmahaani DFS ku eedeeynayay inaysan waxba ka qaban cadaalada. Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi, ayaa sheegay in Xildhibaanada qaar ay kala garan waayen iska dhicinta dowlada iyo xaqiiq sheegida, waxa uuna arrin aad looga xumaado ku sheegay haddalka ah in dadka shacabka ay u cadaalad doontan Maxkamadaha Al-Shabaab. Waxa uu Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi sheegay in ilaa iyo hadda wararkaas aan waxba ka jirin, isla markaana aan loo heyn cadeyn buuxda in loo cadaalad doonto Maxkamadaha Al-Shabaab. Waxa uu sheegay Garyaqaanka in xukunada Al-Shabaab ay yihiin kuwo ku eg keliya goobaha ay ka arimiyaan isla markaana aysan soo gaarin magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu tilmaamay in deegaanada ay Al-Shabaab maamulan ay taasi macquul tahay inay ka dhacdo balse Magaalada Muqdisho dad isku-heystay dhulal iyo waxyaabo kale inaysan Al-Shabaab u kala xukumi Karin, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaanada ayuu sheegay inay yihiin kuwo ka beensheegaya xaqiiqda ka jirta dalka waxa uuna cod dheer ku sheegay in eedeymaha noocaasi ah ay qaadan doonaan waa haddii loo helo cadeymo rasmi ah. Haddalka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi, ayaa kusoo beegmaya xili qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka ay DFS ku eedeeyen inay ku fashilantay cadaalada isla markaana dadka shacabka ah ay cadaalad u doontaan Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Sanadkii 1983-kii shirkadda Saarberg-Interplan ayaa mashruuc biyo-ballaarrin ka hirgelisay Muqdisho. Tuubbooyin waaweyn bay Jidka Soddonka soo dhigtay, si waddada qayb ka mid ah loo qodo. Marnaba hawshaasi may saamaynin socodka babuurta. Faa’iidadii laga helay mashruuca waxay ahayd: Muqdisho ayaa xal u heshay biyo-yaraantii; wuxuu kale oo mashruucu fududeeyay in dadku biyo gashado. Waqtigaas Soomaaliya waxay lahayd hal hay’ad oo u xilsaarnayd biyaha ( Wakaaladda Biyaha). Lacagta mashruuca waxaa bixiyay dalkii la oran jiray Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka Galbeed. Dadka dhulka hadda loo yaqaanno Buntland ( Puntland) ku nool may helin fursadahaas horumarineed waagaas; dowladdii jirtay horumarinta Galguduud iyo gobollada waqooyiga ka xiga waxay u aragtay waqti-lumis. Sababta aan u dulmaray taarikhdan waa inaan isdultaago go’aanka GIZ (GTZ) ay ku joojisay taageerada ay siin jirtay mashruucyada lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha Buntland, gaar ahaan waddooyinka. Puntland Focus Group, oo ku bahoobay tartanka Madaxtinimada Buntland, ayaa warqad ay soo saareen xubnaha kooxdu, waxay muujiyeen inay ka xun yihiin maamulxumada keentay GIZ inay joojiso taageeradii ay siin jirtay Buntland daahfurnaan la’aan ( lack of transparency ) awgeed. Dadkii loo xilsaaray hawsha dhisidda waddooyinka Buntland way ku guuldarraysteen inay xisaab-celin sameeyaan. Taas macnaheedu waa: lacagtii loogu talagalay mashruuca, waxaa lunsaday dad aysan weli dowladda Buntland la xisaabtamin. Waxaan ku raacsanahay Puntland Focus Group in GIZ aysan mudnayn dhaleecayn ama in laga abaal-dhaco taageerada ay siisay Soomaalida waqtigan adag. Waxaa muuqata in musuqmaasuqa Buntland uu xargo-goostay. Markii hore nin madax ah ama dadka ku dhowdhow uun baa boobi jiray hantida dadweynaha; hadda lunsadeyaashu waxay u soo dhigteen taageerada hay’adaha horumarintu siiyaan Buntland. Ma baaqyo siyaasiyiin soo saaraan baa joojin kara musuqmaasuqa burburin kara Buntland? Sidee wax looga qaban karaa maamul musuqmaasuq ku caanbaxay haddii dabaqadda siyaasadeed ee Buntland aysan lahayn dhaqan isla-xisaabtan iyo musuqmaasuq-diid? In maanta hay’adda horumarinta Jarmalku si toos ah u taageerto Buntland waa guul dadka Soomaaliyeed oo u soo hoyatay; in musuqmaasuq-ka-naaxeyaal ay lunsadaan taageerada Soomaalidu hesho waa ayaan-darro ka xun dayacii dowladdii militarigu ku haysay gobollada dad badani u yaqaanneen Gaari-waa. Buntland dhexdeeda dadku wuu ka sheekaystaa siyaasiyiinta ka naaxay boobka hantida dadweynaha; ganacsatada laga naasnuujiyay qasnadda dowladda Buntland. Gaas: Miyuu muddan yahay in dib loo soo doorto? Jaamacad ka mid ah jaamacadaha Buntland ayaa soo saartay cilmi-baaris ku saabsan musuqmaasuqa Buntland. Talooyinkii ku jiray warbixinta jaamacadda may noqonin kuwo dowladda Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ay ku dhaqantay. Sidee bay dowlad tirakoobi wayday ciidammada, ula dagaallami kartaa musuqmaasuq? Buntland waa maamul beeleed hadba madaxweynaha jooga uu maamulo lacagta Buntland ugu soo xeroota canshuur ahaan, ama lacagta taageerada horumarineed ay ku hesho. Madaxtooyadu waa meesha kaliya oo uu madaxweyne si sharci-darro ah uga hodmin karo qoyskiisa iyo dadka ay wax isu yihiin ama siyaasad ahaan ku dhowdhow. Dhaqankan siyaasadeed waa macnaha Buntland federaalisamku la leeyahay Nuur Salaad, oo geeriyooday dhowr sano ka hor marna ahaa taliyihii ciidanka booliska Buntland, wuxuu Daljir Raadiyo uga warramay dibindaabyadii dad badani la rabeen mashruucii lagu dhisayay waddada Boosaaso iyo dekedda maanta Buntland ay ku tiirsan tahay. Wuxuu sheegay in dowladdii militarigu u xilsaartay isaga nabadgelyada mashruuca. Wuxuu Nuur u istaagay ilaalinta hantida shirkaddii dhisaysay waddada waayo burcad siyaasad baa isu bahaysatay curyaaminta mashruuca. Lunsiga hantida dadweynaha Buntland waxaa dheer lunsiga kheyraadka badda: waxaa jira maraakiib ay maamulladii hore shatiyo kalluumaysi. ka gadeen si ka baxsan sharciga. Siyaasiyiinta Buntland way isku raacsan yihiin in aan laga hadlin danaha siyaasi kasta ku leeyahay maraakiibta haysta shatiyada Garoowe laga bixiyay. Waxaa xusid mudan in bixinta shatiga kalluumaysi uu la kowsaday maamulkii kowaad ee Buntlad. Waa ayaan-darro siyaasiyiin aan isku raacsanayn la dagaallanka musuqmaasuqa inay maanta ka hadlayaan musuqmaasuq. Dadka Buntland waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sida dowladdu u maamusho hantida dadweynaha. Markii uu xilka la wareegayay Md. Faarax Cali Shire, oo ahaa wasiir-kii hore ee Maaliyadda xilgii Madaxweyne Faroole, oo hadda isu sharraxay xilka madaxweynenimada ee Buntland, wuxuu sheegay inuusan la wareegaynin dayn lagu leeyahay dowladdii hore ( dhegyso codka la socda maqaalka Horseedmedia) . Miyay dowladdii uu Faarax ka tirsanaa deyn ku wareejisay maamulka Gaas? Miyay weligood siyaasiyiintu la wadaageen dadweynaha Buntland xog ku saabsan sida loo maamulo lacagaha ka soo xerooda shatiyada kalluumaysiga iyo shirkadaha shatiyada kalluumaysi la siiyay? Habka siyaasadeed ee Buntland waa mid fududeeya musuqmaasuqa. Awoodda oo dhan waxay gacanta u gashaa madaxweynaha oo maamusha barlamaanka. Haddii aysan dabaqadda siyaasadeed ee Buntland meel uga soo wada jeesan la dagaallanka musuqmaasuqa, baaqyada kooxuhu soo saaran kama duwana maaweelo aan xiise loo hayn. W/Q: Liibaan Axmad Email: Libahm@icloud.com Wardheernews.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Ujeedo: Bayaan Culimo (Gefafka iyo khaladaadka diineed ee ku jira xeerka kufsiga ee Lr78 / 2018). Inaga oo ah ummad Islam oo jecel sharciga ilaahay kana soo horjeedna wax kasta oo lidi ku ah caqiidada iyo axkaamta shareecadeena suuban, waxaan inaga qarsoonayn in uu ku socdo dagaal maskaxeed oo baaxad weyn oo ku wajahan bulshada muslimka ah ee aynu ka midnahay, dagaalkaas oo midabbo badan leh, ujeedadiisuna tahay in ummada iyo diinteeda islaamka ah lakala fogeeyo lana burburiyo dhaqankii wanaagsanaa ee ku salaysnaa islaamnimada. Hadaba dagaalkaas waxa loo marayaa wadooyin kala duwan waxaana lagu bixinayaa dhaqaale iyo dadaal laxaad leh, dagaalkaa muuqaaladiisa waxa ka mid ah in ummada laga dilo xishoodka iyo anshaxa suuban iyada oo dhegahooda laga badinayo maqalka arimo la xadhiidha dhaqan xumada, oo aan ka jirin gayigooda, waxa kale oo ka mid ah in la baddalo oo la laalo axkaamtii shareecada iyo ciqaabihii ilaahay u jideeyay fal danbiyada waaweyn, sida Sinada, cabitaanka khamriga, isticmaalka daroogada, qadafka iyo wixii lamida, iyadoo lagu bedalaayo xeerar lagasoo dheegtay xeerarka ummadaha aan muslimka ahayn, kuwaas oo xanbaarsan mabaadi iyo dhaqamo xun xun oo ka horimanaya dhaqankii ummadan ee ku dhisnaa islaamnimada, iyada oo la ogsoonyahay in ummad walba xeerarkeeda iyo dhaqamadeedu ku salaysanyihiin wax ay rumaysantahay. Hadaba waxa inagu cusub xeer si degdeg ah loo marsiiyay golayaasha qaranka, xeerkaas oo lagu Magacaabay Xeerka kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga ( xeer LR 78 / 2018) xeerkaas oo ay ka biyo diideen in badan oo ka mid ah labada gole ee Baar- lamaanka iyo guurtida hase ahaatee aan loo joojin , shacabkuna ay ka muujiyeen inuu yahay xeer khilaafsan diintooda, dhaqankooda suuban, meel ka dhacna ku ah islaamnimadooda iyo sharaftooda. Hadaba markaanu xeerkan u eegnay si cilmiyaysan oo ku miisaaman shareecada islaamka oo ka fog caadifad iyo laablakac waxa noo soo baxday inuu yahay xeer xanbaarsan gefef iyo qaladaad diineed iyo dhaqanba , ujeedada looga gol leeyahayna tahay in umadda lagu furo albaabka dhaqan xumada, iyada oo loogu gabanayo daryeelka nugulka ummada iyo ladagaalanka xadgudubyada jinsiga. Sidaa awgeed waxaanu halkan kusoo bandhigaynaa qodobada ugu muuqashada badan ee muujinaya khaladaadka xeerkan waajibinaya in la buriyo lagana toobadkeeno : 1 – Xeerkani wuxuu masabiday kuna been abuurtay shareecada islaamka waayo iyada oo ay cadahay sida uu lidiga ugu yahay shareecada islaamka axkaamteedana uga fogyahay, ayuu ku daray ujeedooyin ka xeerkan loo dajiyay inuu yahay xeer waafaqsan shareecada islaamka , dastuurka qaranka jsl , mabaadida guud ee cadaalada, qiyamka, iyo dhaqanka suuban ee ummadu leedahay ( eeg qodobka 3aad faqrada koowaad). Waxaynu ogsoonahay ku been abuurashada ilaahay lagu been abuurto iyo shareecada in loogu abtiriyo waxaan kamid ahayn inuu yahay danbiyada ugu waaweyn ee ilaahay laga galo , siduu ilaahay yidhi: 2 – Xeerkani wuxuu afka ka dhawray inuu adeegsado areyga shareecadu u isticmaasho, muslimiintuna fahmi karaan oo ah ( Sino ) wuxuuna badalkeeda adeegsaday areyo kale sida : galmo iyo kufsi oo ah (sino loo isticmaalay awood iyo jujuub), waxuuna hoos geeyay wax aanay shareecadu Sino u aqoon, sida xubinta taranka oo lagu isticmaalo meel ka baxsan xubinta taranka iyo dabada , taas oo ula jeedadeedu tahay in ummada laga dhaadhiciyo in sinada foolxumada ahi ay tahay ta ku timaada si khasab iyo jujuub ku dhisan sida kufsiga , isla markaana sinada lagu kala raali yahay aanay ahayn denbi ciqaab lagu mutaysan karo. ( eeg cutubka koowaad , qodobada guud , qodobkiisa koowaad ee ku saabsan erey bixinta). 3 – Xeerkani wuxuu ku koobay Sinada fal danbiyeedka ah ta ku dhacda ogolaansho la’ aan ama lagula kaco qof aan ogolaansho bixin Karin ama lagu khiyaameeyay nooca sinada ama cida uu la sinaysanayo iyada oo sinada laysla ogolyahay aanu ku sheegin fal danbiyeed wax ciqaabana aanu u jaan goyn , waana sida ay dhigayaan xeerarka gaalada ee xeerkan lagasoo dheegtay ( eeg qodobka 4 aad faqradiisa koowaad xarafka b) 4 – Xeerkani wuxuu laalay ciqaabtii shareecadu u dejisay qofka Sinaysta , si khasab ah ama qofka kale la ogol yahay ciqaabtaas oo ah: A – hadii qofka sinaystay guur sharci ah soo maray in la arjumo ( dhagax lagu dilo). B – hadii qofka sinaystay aanu soo marin guur sharci ah in lagu dhufto boqol jeedal sanadna laga mastaafuriyo deegaanka uu ku sinaystay. J – Hadii uu ku sinaystay weerar hubaysan wuxuu mutaysanayaa in la mariyo ciqaabta shareecadu u dejisay budhcadnimada ee ku xusan aayada 33 ee suurada maaida. Xeerkani xadkii sinada wuxuu ku bedalay xeer ciqaabeed kale oo laga soo dheegtay xeerarka ay samaysteen gaaladu sida Faransiiska iyo Ingiriiska oo u badan xadhig . ( eeg qodobada 4 aad ilaa qodobka 15 aad ) . 5 – Xeerkani wuxuu fasaxayaa galmada dhex marta laba qof oo kasta oo isku jinsi ah ama kala jinsi ah, marhadii ay raali iskaga yihiin oo ogolaanshana bixin karaan , waayo wuxuu faldanbiyeed ciqaab lagu mutaysan karo ka dhigayaa galmada ku dhacda ogolaansho la’ aan , ama lagula kaco cid aan ogolaansho bixin Karin , isagoo marnaba fal danbiyeed ku sheegin ta raali lays kaga yahay oo aan wax ciqaab ahna aan u sheegin ( eeg qodobka afraad faqradiisa koowaad xarafkiisa b , qodobka 7 aad faqradiisa koowaad xarafka b iyo t , qodobka 8 aad faqradiis koowaad , qodobka 9 aad faqradiisa koowaad . Tani waxa markhaati cad u ah xeerarka xeerkan laga soo dheegtay oo iyagu arin kan si cad u sheegaya oo aan u maldahin sida xeerkani u maldahay . 6 – Xeerkani wuxuu faldanbiyeed ka dhigayaa galmada iyo fara kaciyaarka dhex mara labada lamaane ee is qaba hadii ay u dhacdo si aan midkood raali ku ahayn , waayo wuxuu fal danbiyeed ka dhigay galmo iyo fara kaciyaar kasta oo ku dhacda ogolaansho la ‘aan, isaga oo aan kala qaadin ta dhexmarta lamaanayaasha is qaba iyo ta dhex marta dadka aan xalaasha isu ahayn , iyada oo aynu ogsoonahay in shareecadu fal danbiyeed ka dhigtay hadii labada lamaane midkood kasoo bixi waayo galmada ka kele xaq ugu leeyahay iyada oo aanu haysan wax cudur daar ah oo shareecadu tix galisay ( eeg qodobka 8 aad faqrada koowaad ) 7 – Xeerkani wuxuu si duuduuban oo aan kala qaadis lahayn faldanbiyeed uga dhigay in qof loo guuriyo iyada oo aan ogolaansho laga hayn taas oo macnaheedu yahay hadii waligu uu guuriyo gabadh aan qaan gaadhin inuu ku kacay faldanbiyeed uu ciqaab ku mutaysanayo, waana sida ay dhigayaan xeerarka gaalada ee xeerkan lagasoo dheegtay , iyada oo aynu ognahay in shareecadu ogoshahay in loo guurin karo qof yar ama waalan hadii dantiisu ku jirto . ( eeg qodobka 9 aad ). 8 – xeerkani wuxuu yidhi waxa caruur looga jeedaa qof da’diisu ka yartahay 18 jir sida ku cad boga erey bixinta , taas oo macnaheedu yahay in qofka ka yar 18 jir aanu qaan gaadh ahayn , iyada oo la ogyahay in shereecadu qaan gaadhka iyo ka gudubka axkaamta caruurnimo ku xadaysay in uu dhamaysto 15 sano oo dayax tirsi ah, sida ku cad xadiiska ibnu cumar, mad-habka shaaficiyaduna dhigayso , sidoo kale xeerkani wuxuu meesha ka saaray calaamadaha kale ee qaan gaadhka ee ay ka mid tahay: Inuu qofku arko biyaha taranka ama dhiigga caadada ku waas oo la heli karo inta aanay u dhamaan 15 sanadood . Arintana waxa ka dhalanaya waxyaabo badan oo ay ka mid tahay in laga rido waajibaadkii qofka qaan gaadhka ah shareecadu saartay , lana marin ciqaabta ka dhalata fal danbiyeedyada uu galo iyo in la lumiyo xuquuq uu yeelan lahaa marka uu qaan gaadho sida masuuliyada ka saaran naftiisa maalkiisa iyo cida kale ee uu masuul ka noqon lahaa. 9 – Xeerkani wuxuu ka dhigay qofka sharci daro ku xidhan ee khiyaarkiisa kula sinaystay qof kale mid khasban oo ka mid ah dadka aan ogolaanshaha bixin Karin , sidoo kale wuxuu ka dhigay qof khasban oo aan ogolaansho bixin karin qofka khiyaarkiisa kula sinaystay qof ka meeqaan iyo awood sareeya . iyada oo aynu ogsoonahay in qofka qaan gaadhka ah ee miyirkiis iyo maankiisa qaaba uu ogolaansho bixin karo mar hadii aanu khasbanayn , inuu xidhanyahay ama laga meeqaan sareeyaana ka dhigi mayso mid khasban .( eeg qodobka 1aad ee erey bixinta ). 10 – Xeerkani wuxuu ku soo koobay is qaawinta anshax darada ah ee ciqaab lagu mutaysanayo inuu dadka dhexdiisa si ula kaca isugu qaawiyo ( mudug iska dhigo ) ama uu ka faydo marada xubnihiisa taranka . ( eeg qodobka 14 aad ). Taasi oo macnaheedu noqonaya in hadii qofku muujiyo qaar ka mid ah xubnaha ay shareecadu cawro u taqaan marka laga reebo xubnaha taranka oo kali ah , in aanay ahayn anshax daro ciqaab lagu mutaysan karo , waana sida ku cad xeerarka gaalada ee xeerkan lagasoo dheegatay dhaqana u ah gaalada manta joogta ee aynu aragno . 11 – Xeerkani wuxuu kala duwayaa ciqaabta kufsiyada iyo xadgudubyada jinsi ee ka dhaca qaybaha bulshada ee kala duwan sida madaxda dadka da’ada ah iyo kuwa meeqaamka bulshada dhexdeeda ku leh iyo kuwa kale ee bulshada ka mid ah ,si khilaafsan shareecada islaamka , iyada oo aynu ogsoonahay in shareecada islaamku aanay ku dhisin xadka sinada dabaqadaha bulshada ee qofku ka tirsanyahay marka laga reebo xornimada iyo adoon nimada . ( eeg qodobka 7 aad faqradiisa 1 aad ) ( qodobka 10 aad faqradihiis 1 aad 2 aad 3 aad). 12 – Xeerkani wuxuu meesha ka saaray oo aanu soo hadal qaadinba dhamaan cadaymihii shareecadu u dhigtay sugida qofku inuu sinaysatay ama wax kufsaday sida qiraal iyo markhaatiyaal looga qaateen ah . ( eeg qodobada khuseeya cadaymaha ee ku hoos jira qodobka 32 aad ). 13 – xeerkani wuxuu dhigayaa si loo go’aansado xukun lagu rido danbiilaha in ay tix galiso, ama ku xisaabtanto xogta uu dhibanuhu afka ka sheego ama laga qoro ee tilmaamaysa dhaawaca ama dhibta kasoo gaadhay fal danbiyeedka loo gaystay . eeg (qodobka 37 aad faqradiisa 1 aad). Taas oo macnaheedu noqonayo in muduciga sheegashadiisa maxkamadu ku go’aan qaadan karto iyada oo aan qiraal iyo cadayn toona lahayn taasina waxay khilaafsantay xadiiskii nabiga 14 – Xeerkani wuxuu sheegayaa in la ciqaabayo caruurta iyo dadka waalan haday gaystaan fal kufsi ama xadgudub jinsi hase ahaatee ciqaabka loo khafiifinayo eeg (qodobka 35 aad xarfihiisa b iyo j ). Taasina waxay khilaafsantay shareecada islaamka oo sheegtay in qalinka laga qaaday qofka waalan iyo ka aan qaangaadhin wax ciqaab ahna aanay lahayn , wixii wax yeelo ah ee ay gaystaana waa la mag*****aa . 15 – Xeerkani wuxuu laalay oo uu buriyay xeerkasta oo kale ama qodobkasta oo sharci oo kasoo horjeeda am aan waafaqsanayn xeerkan wuxuuna ku andacooday in lagu badalay qodobada xeerkan . eeg (qodobka 45 aad faqradiisa 2 aad), Taas oo macnaheedu yahay in xeerkani buriyay laalayna axkaamtii shareecda ee ku saabsanayd xadka sinada,kufsiga, xadgudubyada jinsi cadaymahooda iyo dustuurka jsl ee dhigaya in xeerkasta oo shareecada ka hor imanayaa yahay waxba kama jiraan . 16 – Xeerkan waxa ku soo noqnoqday erayo aan lagu qeexin qaybta erey bixinta sida ( sharci )( ogolaansho ) sharcigu ma ka islaamkaa? mise waa ka gaalada?, ogolaanshaha maxaa astaan u ah oo uu ku sugmi karaa? . 17 – foolxumooyinka xeerkan : 1- Xeerkani wuxuu ka qayb qaadanayaa faafitaanka sinada marhadii aanu fal danbi u arag wax ciqaabana u sheegin marka laysla ogolyhay. 2- Wuxuu meesha ka saarayaa ciqaabyadii shareecadu u dajisay sinada iyo kufsiga . 3- Wuxuu ka qayb qaadanayaa duminta qoyska iyo iska horkeenkiisa . 4- Wuxuu sababayaa iska hor imaadka iyo isku dhaca bulshada. 5- Wuxuu meel kadhac ku yahay sharafta dadka . 6- Wuxuu fasaxayaa anshax xumada is qaawintu ka mid tahay . 7- Wuxuu luminayaa xuquuqda dadka qaaarkood sida waalidka iyo dad qaangaadh ah oo uu ula dhaqmayo sida caruurta . 8- Wuxuu dhigayaa ciqaabyo aan isu miisaanayn caqli iyo sharci midna aan ku salaysnayn . 9- Waxa ka muuqda is burin sida marka uu ka hadlayo qofka caruur loo aqoonsanayo . 10- Xeerkani wuxuu sheegay ciqaabyo kali ah mana sheegin fal danbiyeedyadaa wixii lagaga hor tagi lahaa gebi ahaan ba. 11- Xeerkani wuxuu meesha ka saaray wixii islaax ah ( heshiis ) ee dhex mara dhibgaystaha iyo qof ka dhibanha ah, iyadoo la ogsoon yahay in shariicadu ogoshahay in qofka dhibana ahi cafis iyo saamaxaad bixin karo. Geba gebo iyo gunaanad : Waxaanu ku talinaynaa oo soo jeedinaynaa in xeerkaa shariicada islaamka iyo dhaqankeena kasoo horjeeda meesha laga oo la laalo shariicadana lagu soo dabaalo.. Waad mahadsantihiin. Waxa soo saaray bayaan kan culimada hoos ku xusan: 1. Sh:c/laahi Cabdi Cali “Makkaawi”. 2. Sh:c/laahi xasan xaashi “Barbaraawi”. 3. Sh:c/razaaq xuseen cali “Albaani”. 4. Sh: Muuse maxamed C/raxamaan “Tarax” . 5. Sh.yaasiin Ibraahim C/raxmaan. 6. Dr.c/rasaaq Axmed Maxamuud. 7. Sh:Axmad Iid c/salaam Aadan “ Axmed Iid”. 8. Sh.Axmed C/qaadir Axmed. 9. Sh: faysal yuusuf cilmi. 10. Sh: Rashiid Maxamuud Cige. Allah Mahad leh.
  22. Jigjiga (Caasimada Online) – Soomaalida ku nool deegaanka Balbaleyti oo ka tirsan gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ay sheegeen in ay kala kulmayaan qowmiyaddii kale ay la deggaan deegaankaasi. Dadkani ayaa sheegaya in qoysas badan oo Soomaali ah ay ku xayiran yihiin deegaankaasi isla markaana loo diiday in ay halkaasi ka baxaan, iyadoo sida ay sheegayaan ay jiraan dhibaatooyin kale oo loo geysanayo, ayna xaaladda ku adag tahay. Mid ka mid ah soomaalida halkaasi ku xayiran ayaa sheegay in xilligaan ay dareemayaan culeys farabadan,sida inaysan heysan xurid,xoolahooda la dhacay iyo in laga hos-istaagay inay Ganacsadaan. Waxa uu sheegay in hadda ay sigaar ah u joogaan Goobo ay ku sugan yihiin Ciidamada federaalka Itoobiya,isla markaana meelna ay uga bixi karin. Xiisadaha iyo dagaalka u dhaxeeya Qowmiyada Oromada ayaa ha mid mudo farabadan soo jiitameyey,isla markaana bilihii u dambeysay uu ahaa mid sii xoogeysatay. Bulshada Soomaalida ee ku dhibaateysan deegaanka Balbalayti oo maamul ahan hoos tago Oromada waxay codsanayaan: In si kasta oo naloogu soo gurman karo gurmad bani aadaminimo oo degdeg ah na loo fidiyo. Iney xukumadda cusub gaar ahaanna Madaxweyne Mustafe Cumar uu maamulka Oromada nagala hadlo maadaamaa inaan si nabad ah ku dagganaano Balbalayti noo diideen sidi wadda aan marno ay noogu banneyn lahaayeen inuu nagala hadlo. Umadda Soomaaliyeedna waxaan ka codsaneynaa iney noo soo duceeyaan sidi uu ilaahey inaga oo nabad qabno meeshan aan ku dhibaateysannahay nooga saari lahaa iyo wixi kale ee karaankooda oo ay noo qaban karaan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Mid-ka-mid-ah-dadka.mp3
  23. This is part of an upcoming book I am working on. I thought it may be useful to present it today in view of the ongoing discussion on National Assets and the signing of contracts with foreign parties and the maneuverings of politicians as they come and Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qadar ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in dowladda Somalia ay ka taageereyso hiisgiga sanada 2040-ka. Dowlada Qadar ayaa tilmaantay in Somalia ayaa kasii gudbeyso marxaladii adkeyd iyo burburka sidaa aawgeed ay muhiim tahay in lagasii gaashanto hiigsiga Somalia ee 2040-ka. Wasiirka Qorsheynta Qadar Dr Saleh bin Mohammad Al Nabit oo qaabilay wafdi uu hogaaminaayay dhigiisa Somalia Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in Qadar ay ku khasban tahay in Somalia ay ka garabsiiso hiigsiga fog. Dr Saleh bin Mohammad Al Nabit, waxa uu sheegay in Somalia ay u gudubtay heerka fog oo ay ku sameysan laheyd qorshooyinka mustaqbalka, waxa uuna cadeeyay in Somalia ay muhiim u tahay inay hesho dal kala shaqeeya hiigsiga 2040-ka. Dr Saleh bin Mohammad Al Nabit iyo Jamaal Maxamed Xasan ay kulankooda iskaashiga labada dal ee yoolka Soomaaliya ee 2040-ka ku qeexay in Qadar aan looga maarmi doonin in Somalia ay ku jiheyso hiigsiga fog. Wasiirka Qorsheynta Dalka Qadar ayaa dhiggiisa Soomaaliya ku wareejiyay hanaanka hiigsiga Qadar ee 2030-ka iyo waxyaabaha ka qabsoomay ilaa hadda si Somalia ay ugu dayato. Dowladda Qadar ayaa sidoo kale ballan qaaday in Somalia ay ka taageereyso dhamaan dhinacyada dowladda,Arrimaha Bulshada iyo horumarinta Ganacsiga gaarka loo leeyahay. Sidoo kale, Wasiir Jamaal ayaa dowladda Qadar uga mahad celiyay xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya iyo kaalinta ay ku leedahay ka qeybqaadashada horumarinta Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Qadar ayaa muujineysa sida ay ugu heelan tahay Somalia oo goor sii horeysay ku garab istaagtay khilaafka iyo duulaan Siyaasadeedka xulafada Sacuudiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo ka hadlayey magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, oo uu booqasho ku joog, ayaa u gafay oo aad u liiday dadka kasoo jeeda gobollada Baay iyo Bakool, sida ku cad muuqaal laga duubay baraha bulshada lagu baahiyey. “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo qaba kaba dacas ah inuu dalkayga iigu yimaado, iguna xukumo ma aqbali karo mana dhici doont” ayuu yiri Cabdi Weli Gaas, oo sida muuqata liidaya dadka dega gobollada Baay iyo Bakool. Inkasta oo uusan Gaas sharxin waxa uu ula jeedo hadlakiisa, haddana waxaa loo qaatay inuu ula jeedo xubnaha Shabaab ee deegaanada Puntland ku sugan. Hadalka Gaas, ayaa waxaa aad u dhaliilay qaar ka mid ah dadka kasoo jeeda gobollada Baay iyo Bakool, oo qoraallo jawaab ah soo dhigay facebook, waxaana ka mid ah xubno ku jira dowladda Soomaaliya Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Aadam Isaaq ayaa yiri “Wax la aqbali karo ma aha cunsuriyada iyo kala saarida uu ku kacay Cabdi weli gaas. Ogoow wiilka ka yimid xudur iyo buur-hakaba ma aha ajinabi, mana uusan aadin wadan kale. Hubaal shacabka sharfoon ee Puntland lama qabaan erayada gafka ah. Ninkii kala saar lahaaw, Ninkii kala sooc wadoow, Ninkii si xun u fekeroow. Gaas ku baranay. Hoos ka daawo Gaas.