Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muuse Biixi wuxuu madaxweyne yahay sannad, muddadaa uu dalka hoggaaminaayay horumar iyo waxqabad la xisaabsho oo kordhay ma jiraan. Waxa weli taagan xanaftii kala fogaanshihii doorashada laga dhaxlay oo aan laga soo noqon. Sannadkaasi wuxuu innagaga lumay macno la’aan waxaanu ka go’anyahay dalkeenna. Waxa weli taagan car iyo wir loo baahnaa in laga gudbo oo ay ahayd in laga kabto kol hore. Hoggaaminta Muuse mid cusub maaha, muuse waa muusaha aynu naqaannay oo soo dhalan maayo, adkaanta, talo qaadasho la’aanta iyo hoggaaminta liidataa waatiisi dabiciga ahayd. Ma aha nin ku habboon in uu hoggaamiyo dalkan yar ee faqiirka ah ee u baahan horumarka iyo kabashada dawladnimo. Sida uu wax u wadanaa waa dabciga jabhadnimada. Mucaaridka xanuujinkara waxana hagaajin kara ee Muuse la xisaabtami karaa waa mid Xisbi oo xooggan, mid qabiil ama qolo maaha. Markasta oo ay xooganaato diidmada reereed ee Muuse Biixi wuxuu helayaa fursad uu wax kusii walaaqo is kagana hor keeno ummadda. Markase mucaaridadda xisbiyada la awoodeeyo ee la abaabulaa waa marka uu runta xaqiiqsan doono Muuse Biixi. Dalka deegaankasta xilbaa ka saaran, waxa jira wax ka weyn doorashada oo dadkan mideeya ahna dal iyo deegaan aan guurahayn. Waxa lama huraan ah in loo guntado walaalaynta ummadda oo lasoo cesho Somaliland-nimadii dhuuxa lahayd ee jirtay sannado ka hor. Isnacaa jira sababtiisu waa hoggaamin xumada Kulmiye talada ku hagaayay sannadada. Muuse Biixi waa qabiili reernimada ku macaashayay sannado badan, madaxweyne ilbaxa oo duni iyo dumqraadiyad ku indho furtayna maaha waa nin weli aaminsan dhaqankii miyiga. Fursadda keliya ee uu haystaa waa taa reernimada ee maanta taagan, markasta oo reernimo lagaga horyimaadana waa marka ay ugu wacantahay Xisaabtu, marka ayse ku jiq tahay waa marka Xisbiyo mucaarid ka hor yimaadan! Source
  2. (SLT-Hargaysa) Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayay ficiladiisu la yaab bulshadu ka mujiyeen, wixii uu shalay ceebta u arkaayay ayuu maanta xalaal u arkaa. Bal Nala daawo hadaladiisi shalay iyo siduu maanta u dhaqmaayo. Source
  3. (SLT-Laascaanood)-Boqorka Beelaha Daarood Oo Gaadhay Deeganka Dhumay Ee Koonfurta Sool, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Kismaayo (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Soomaaliyeed Faarax Macallin ayaa barta Twitter-ka si adag isaga difaacay eed in muddo ah loo haystay oo ahayd “Kismaayo Xamar laga xukumi maayo!” Hadalkaas Faarax Macallin suuqa u galay ayaa yimi xilligii ay dowladdii Xassan Shikeh Maxamuud dagaalka siyaasadeed kula jirtay hoggaamiyaha maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe oo isagu ugu dambeystii guuleystay. Lix sano kaddib, Faarax Macallin oo dowladdiisa ku eedeynaya qaladaad diblomaasiyadeed oo ay gobolka Geeska Africa ka gashay ayaa waxaa inta qoraalkiisa Twitter-ka ee arrintaas bulshada la wadaay si carro leh dhacdii “Kismaayo lagama Xukumi doono Xamar” ku karbaashay adeegsade Twitter oo uu akoonkiisa yahay Fouwzi A. Osman. Muxuu ahaa qoraalkii Twitter-ka ee uu eeday Faarax Macallin kahor inta uusan is difaacin? “Tobankii sano ee tegay waxaan ka baryayey dowladeyda in ay dhex dhexaad ka ahaato arrimaha u dhexeeya Itoobiya, Eritrea iyo Somalia. Waxaan in badan adkeeyey in niyad wanaagga Eritrea laga abaal naqo. Muruge se, Kenya iyo Somalia waxaa loo adeegsaday in lagu cambaareeyo Eritrea iyo cunaqabateyno la saaro! Hadda ciyaar ka daba tag ah ayaan dheeleynaa! Adeegsade Twitter Fouwzi A. Osman oo Share gareyey qoraalka siyaasi Faarax Macallin muxuu ku sii dul qoray? Baro waxa aad ku wacdiso. Miyaadan la maqsuudsaneyn Farah Macalinow waxa aad sida ceebta ah u tiri “Kismaayo Xamar laga xukumi mayo” markii ay soo weerareen Raaskambooni oo taageerada ka heleysay dowladda aad jeceshay ee Kenya oo aad kor iyo hoosba faraxad ula bood boodeysay? Faarax Macallin Oo Jawaabay eeddaas ayaa yiri? “Taas dhabtii waa been cad. Soo qaado codkii saxda ahaa haddii aad runta dooneyso. Kuwiina aad runta xiiseeneyn orda oo abuura muuqaaladeena la jar jaray ee codadka la saaray ee qashinka ah. Ugu dambeyn Mar walba runta ayaa ka guuleysata beenta.” Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda shaqo gelinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland ayaa shaacisay in maalinta berri ay shaqaalaha rayidka ahi shaqada fasax ka noqon doonaan xuska maalinta dhalashadda nebiga awgeed. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda shaqo-galinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), waxaanu u qornaa sidan:- “Dhammaan shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha rayidka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa lagu wargalinayaa in ay berri oo taariikhdu tahay 20-11-2018 oo ku beegan 12.Rabiicul awal 1440 ay tahay fasax qaran, taas oo ah dhalashada Nabiga Awgeed(NNKA) sida uu dhigayo xeerka shaqaalaha rayidka ah xeer NO31/2004 ee Somaliland. Sidaas awgeed, waxaaNnu shaqaalaha rayidka ah Ilaahay uga baryeynaa in sannadka sannadkiisa bash-bash, barwaaqo, caafimaad iyo horumar Ilaahay ku gaadhsiiy Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Guddigii culimada ahaa ee nabadaynta Ceel-afweyn ayaa waxa ay goor dhawayd gaadheen magaalada Ceel-afweyn, sidoo kale ergooyinka beelaha ayaa iyaga la filayaan inay soo gaadhaan deegaanka. Guddiga nabadaynta Ceel-afweyn ayaa in muddo ah u xanibnaa dhaqaale la’aan sida uu sheegay Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland. Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo dhawaan ka qayb-qaatay Dood Mudanayaasha Golaha Guurtidu ka yeesheen Xaaladda Somaliland ku sugan tahay ayaa waxa uu yidhi “illaa maanta guddigii culimada waxa ay la bixi laadahay dhaqaale la’aan, balaayo afka laga dhawro, in ummad dhan nabad-galyadooda dadkii ka shaqaynayay ay dhaqaale la’aan u bixi waayaan waa ayaan-darro meesha taalla” ayuu yidhi Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan. Guddigan ayaa galabta gaadhay degmada Ceel-afweyn ayaa la filayaa inay toos u bilaabaan hawlihii qabyada ahaa iyo inay dadkii u kala xaqaan Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco halkan Source
  7. Mudug (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqaymo culus ka fuliyeen tuulada Cadaley oo udhaxeysa degmooyinka Camaara iyo Ceel-huur. Dadka degaanka ayaa kusoo waramaya in weerarka cirka ah lala beegsaday Gawaari ay la socdeen xubno ka tirsan xakarada Al-Shabaab, inkasta oo aanan la xaqiijin karin nooca ay ahaayeen Gaadiidka oo la tilmaamay inay gubteen. Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa inuu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ay geysatay duqaynta, wallow aanan la hubin tiradda saxda ah ee ku waxyeelowday duqaynta oo jugteeda meelo fog-fog laga maqlay. Shalay oo Axad ah ayay ahayd markii saraakiisha ciidanka xooga dalka Soomaaliya ay sheegeen in duqayn laga fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe lagu beegsaday idaacada AlShabaab ee Andulus, xubna kalena lagu dilay. The post Duqayn xoogan oo ka dhacday gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
  8. (SLT-Hargeysa)-Wasiir Ka Tirsan Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Si Qaawan U Aflagaadeeyay Barlamaanka Somaliland, Jaahiliina Ku Tilmaamay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee dhawaan lagu doortay Degmadda Cadaado, Axmed Maxamed Xasan [Axmed Baasto] iyo wafuud balaaran oo uu hogaamianayo ayaa galabta kasoo dagey garoonka caalamiga ah ee Magaladda Muqdisho Aadan Cadde. Axmed Baasto ayaa xubnaha ku wehlinaya safarkiisan uu Muqdisho kusoo gaarey waxa kamid ah xildhibaano iyo wasiiro uu kamid yahay Xassan Keynaan, wasiirka biyaha iyo koronta ee xukuumadii uu soo dhisay madaxweyne Axmed Baasto. Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade waxaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdigiisa shacab, waxgarad iyo masuuliyiin kale Intaasi kadib, wasiirka Madaxtooyadda Galmudug, Cumar maxamed Guureeye la hadlay saxaafada ayaa soo dhaweeyay madaxweyanaha. Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee dhawaan Lagu Doortay Degmadda Cadaado Axmed Maxamed Xasan [Axmed Baasto] ayaa sheegay in safarkan uu yahay mid shaqo oo uu ku matalayo bulshada reer Galmudug. Dhanka kale, wuxuu shaaciyay in uu kulamo la qaadan doono Madaxda Qaranka iyo Bulshada kasoo jeeda deegaanada Galmudug, arimaha uu kala hadli doono ayuu xusay ay tahay sidii looga wada shaqayn lahaa xasiloonida iyo Hormarka Galmudug islamarkaana meesha looga saari lahaa madmadowga Siyaasadeed ee Jira. Axmed Maxamed Xassan [Axmed Baasto] oo dhawaan loogu doortay Degmadda Cadaado Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in uu la fariisan doono dhinac-yadda kasoo horjeeda ee garabka Dhuusamareeb, si meesha looga saaro qilaafyadda jira. The post MD Galmudug garabka Cadaado oo booqasho ku yimid Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Galgaduud (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxay dagaal khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay degaanka Dhagax-yaale oo udhaxeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur, ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid xoogan, kaasi oo udhaxeeyay dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa yimid markii ciidanka ay gudaha u galeen tuulada Dhagax-yaale oo 50 KM ujirta Guriceel. Gudoomiye ku xigeenka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, Maxamed Sheekh Maxmuud oo la hadlay idaacadda Shabelle wuxuu sheegay in dagaalka ay Al-Shabaab kaga dileen afar, xili dhinacooda uu qiray geerida labo Askari. Ma jiro illaa iyo haatan war kasoo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan dagaalka maanta oo Isniin ah ka dhacay degaankaasi, kaasi oo dadku deegaanu tilmaameen in laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Xaalada meesha ay wax ka dhaceen ayaa haatan ah mid degan, inkasta oo dadka degaanka ay soo warinayaan in laga cabsi qabo inuu mar kale qarxo, maadaama ciidamada iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab aysan kala fogeen. The post Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen oo Muqdisho soo gaaray. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dawladood, fududaynta isu socodka, kor-u-qaadidda taageerada Finland ay siiso Soomaaliya, horumarinta ganacsiga iyo dar-dar gelinta mashaariicda dawladda Finland ay ka fuliso Soomaaliya. Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland ayaa Ra’iisul wasaare Khayre u sheegay dawladda Finland in ay aqoonsanayso baasaboorka Soomaaliya iyo in si toos ah ay dawladda dhaqaale ugu taageerayso ayna joojinayso dhaqaalihii ay usoo marsiin jirtay hay’adaha kale. Wasiir dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Khayr oo kulanka kadib ka war bixiyay ayaa tibaaxay in Dowladda Finland ay maalgashi ku samaynayso Soomaaliya, isagoo xusay in ay wafdi ganac-sato ah oo ka socda shirkadaha dalka Finland qaarkood ay imaanayaan Muqdisho horraanta sannadka 2019. Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen ayaa inta uu joogo Muqdisho waxa uu kulamo la qaadanayaa qaar kamid ah wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay ka wada hadlayaan arrimo muhiim u ah horumarka dalka. The post RW Khayre oo la kulmay wafdi ka socda Finland appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug ee lagu doortay magaalada Cadaado Axmed Maxamuud Baasto oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay ujeedada ay u yimaadeen magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlayay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay in ujeedadooda safarka Muqdisho ay tahay danaha deegaanada Galmudug, sida uu sheegay. Wuxuu sheegay inay la kulmayaan madaxda ugu sareyso dalka iyo dadka kasoo jeeda deegaanada Galmudug, waxaana ay ka wada hadli doonaan arrimaha Galmudug. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xafiiska ra’iisul wasaaraha looga yeeray Axmed Baasto oo dhawaan lagu doortay magaalada Cadaado, waxaana uyeeritaankiisa uu qeyb ka yahay dhameynta xiisadda Galmudug. “Waxaan Safar shaqo ku nimid magaalada Madaxda dalka, waxaan kulan la sameyneynaa masuuliyiinta dalka dhamaan iyo dadka kasoo jeeda Galmudug, waxaana kala hadli doonaa baahiyahooda anagoo iyaga matalayna”ayuu yiri Axmed Baasto Axmed Baasto ayaa lagu doortay magaalada Cadaado, kadib khilaaf soo kala dhex galay madaxweyne Xaaf iyo ku xigeenkiisa oo taageero ka helayay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. (SLT-Hargaysa) Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Xadhiga Ka Jaray Dhsime Cusub Oo Lagu Kordhiyay Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Somaliland. Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan masuuliyiinta hay’adaasi ayaa xadhiga Ka Jaray dhismahaas. Somalilandtoday/Hargaysa/Office Source
  14. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha Idaacadda Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan hoose aan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos ka dhageyso http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-191118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  15. (SLT-Muqdisho) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Dalkaasi Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen oo Muqdisho soo gaaray. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen, ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dawladood, fududaynta isu socodka, kor-u-qaadidda taageerada Finland ay siiso Soomaaliya, horumarinta ganacsiga iyo dar-dar gelinta mashaariicda dawladda Finland ay ka fuliso Soomaaliya. Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland ayaa Ra’iisul wasaare Khayre u sheegay dawladda Finland in ay aqoonsanayso baasaboorka Soomaaliya iyo in si toos ah ay dawladda dhaqaale ugu taageerayso ayna joojinayso dhaqaalihii ay usoo marsiin jirtay hay’adaha kale. Wasiir dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Khayr oo kulanka kadib ka war bixiyay ayaa sheegay in Dowladda Finland ay maalgashi ku samaynayso Soomaaliya, isagoo xusay in ay wafdi gancsato ah oo ka socda shirkadaha dalka Finland qaarkood ay imaanayaan Muqdisho horraanta sannadka 2019. Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finlan Samuli Virtanen ayaa inta uu joogo Muqdisho waxa uu kulamo la qaadanayaa qaar kamid ah wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay ka wada hadlayaan arrimo muhiim u ah horumarka dalka. Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Miisaaniyada, Maaliyada Qorsheynta iyo La xisaabtanka dowladda ee Golaha Shacabka ayaa maanta soo saaray warbixin xasaasi ah oo musuq-maasuq xooggan ku eedeysay xukuumadda Kheyre iyo maamulka Gobolka Banaadir. Warbixinta guddiga soo saaray ayaa looga hadlay wax is daba marin iyo in si qaldan loo maamulay miisaaniyadda dalka laga soo bilaabo Janaayo illaa Agosto sanadkan. Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay in la la’yahay meel ay aaday 20 milyan oo ka mid ah 50 milyan oo dowladda Sacuudiga ay ugu deeqday Soomaaliya oo uu Kheyre soo qaaday, ayadoo xukuumadda ay soo gudbisay kaliya qarashaadka 30 milyan. Guddiga wuxuu si gaar ah u soo jeediyay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Gobolka Banaadir laga hakiyo miisaaniyadda maaliyadeed, maadaama ay xatooyo ku kaceen. Guddiga ayaa sidoo kale faray Hanti dhowrka Guud iyo Xisaabiyaha Guud inay baaritaan ku sameeyaan hey’adaha dowladda ee sameeyay wax is daba marinta iyo in si qaldan loo maamulay habkii miisaaniyadda dalka. Halkan hoose ka akhriso qeyb ka mid ah warbixinta Guddiga
  17. (SLT-Berbera)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo safar ku jooga gobolka Saaxil ayaa waxa uu la dardaarmay maamulka dekedda Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. (SLT-Jigjiga)-Ururuka ONLF ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan jabhadda oo saldhiggoodu ahaa dalka Eritrea inay bilaabayaan inay toddobaadkan dib ugu soo laabtaan Itoobiya. Ciidamadan ayaa soo gaadhi doonaa gobolka ismaamulka Soomaalida gaar ahaan magaalada Jigjiga. Dhinaca kale ONLF waxay sheegtay in colaaddii dhowaan ka dhacday magaalada Mooyaale ay kala hadleen dawladda federaalka Itoobiya iyo maamulka Oromada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Carmo[Puntland Post]-Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee sannadka 2019 Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa si diirran maanta loogu soo dhoweeyey degmada Carmo ee gobolka Bari. Boqollaal dadwayne ah oo soo dhoweyntiisa uusoo baxay ayuu Musharrax Jebiye kula hadlay goob fagaare ah, wuxuuna ugu horrayn ka mahad celiyey sida qiimaha badan ee isaga iyo wafdigiisa loo soo dhoweeyey. Injineer Maxamuud Khaliif wuxuu ballan qaaday haddii loo doorto xilka Madaxwaynaha Puntland in uu dib u howlgelin doono kulliyadda tababarka ciidamada booliska ee degmada Carmo. Musharraxu wuxuu sidoo kale ballan qaaday in uu degmada Carmo ka dhisi doono aamacad, si ardayda ka baxda dugisiyada sare ee degmada Carmo loo siiyo fursad waxbarasho sare. Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’. Socdaalkan ayaa ah mid musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada Cabdiqani Boos Puntland Post The post Musharrax Jebiye oo degmada Carmo si diirran loogu soo dhoweeyey appeared first on Puntland Post.
  20. Istanbul (Caasimada Online) – Ilo lagu kalsoonaan karo, oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa u sheegay Wargeyska Al Khaleef Online in baaritaanka Turkey soo gabo gabeeyay lagu ogaaday in madaxa Wariye Jamal Khaashuqji loo qaaday Caasimadda Sacuudiga, halka jirka intiisa kale looga tagay magaalada Istanbul. Ilaha xog ogaalka ayaa intaasi ku daray “Kooxda Baarayaasha Turkey waxay heleen cadeyno xaqiijinayo jirka Jamaal oo la tuuray, laakiin masuuliyiinta Turkey waxay doonayaan jawaab sax ah oo kasoo baxda masuuliyiinta Sacuudiga, si loo kala cadeeyo halka iyo sida loo tuuray” “Habka loo wareejiyay madaxa Jamaal, kadib markii la dilay lana burburiyay jirkiisa, ma cadda ilaa iyo hadda, ma diyaarad baa lagu qaaday, ma badda la marsiiyay mase gaari dhulka maraya”ayaa laga soo xigtay ilaha xog ogaalka ah. Waxaa la sheegay in Maher Al-Mutrab, oo waardiye u ah dhaxal sugaha uu ahaa ruuxa ugu muhiimsan ee ka dambeeyay shirqoolka Jamaal Khaashuqji, wuxuu heystaa Baasaboor Diblumaasi ah, waxaana looga shakisan yahay in boorsadiisa lagu qaaday madaxa markii uu ka tagayay garoonka Ataturk ee dalka Turkey, ama diyaaradiisa gaarka ah inay qaaday maxaa sabab la xiriira xasaanadiisa Diblumaasi. “Warbixinada Turkey helay, ee lala wadaagay hogaamiyaasha caalamka iyo Hay’adaha amaanka qaarkood, waxay ku noqdeen wax ay la yaabaan,laakiin waxaa jiro cadeymo kale oo aan wali lasii deyn”ayaa lagu warbixin laga soo xibtay dad xog ogaal ah. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  21. Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah oo maanta kulan yeeshay ayaa warbixin ka dhageystay maamulka sare ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed (JUS). Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa faray guddiga arrimaha bulshada iyo guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka iney ka shaqeeyaan sidii miisaaniyadda loogu kordhin lahaa Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale waxaa mar kale la horgeeyay xildhibaanada Golaha Shacabka mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda liil-tirka (dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya oo maray aqrintiisa 2-aad. Ugu dambeyn xildhibaanada ayaa loo qeybiyay hindise sharciyeedka wax ka bedelka hanti dhowrka guud ee Qaranka oo aqrintiisa 3-aad mari doono, hindisaha wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Shacabka iyo warbixin maaliyeedka miisaaniyadda 2018. Source: goobjoog.com
  22. Soomaaliya, ma lahan awood iyo shuruucdii ay shirkadaha caalamiga ahi shidaal uga qodan lahaayeen dhulkeeda, heshiis baratan ama laysan bixin ah oo Febraayo sanadka dambe la galaa, waxaa uu keenni karaa dhaawac masaalixda dalka, isla markaana ay cararaan maal-geshedayaasha, sidaas waxa lagu sheegay qoraal la soo gaarsiiyey Goobjoog News. Qoraalkan uu soo saaray xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda Batroolka ee xukuumadda federaalka ah Jamaal Mursal, waxaa uu leeyahay in iib-geynta Bloogyo iyo bixinta laysanka shirkadaha aan loo marin shuruucda dalka iyo xataa awooddiisa. Jamaal waxaa uu sheegay in shaqaalaha wasaaradda Batroolka ee xukuumadda federaalka aaney heysan tababar iyo aqoon ku filan oo ay gorgortan ku galaan, heshiisyo shirkado shidaal kula saxiixdaan, kuna ilaaliyaan maslaxadda dalka. Mr. Mursal waxaa uu carabaabay inay haboontahay in si fiican looga wada hadlo sharciga Batroolka iyo Macdanta, la turxaan bixiyo, oo aanan lagu degdegin ansixintiisa. Wuxuu soo jeediyey in aan la qaban “bid rounds” ama shirkadaha aan la siin laysanka inta aan la meel-marin sharciga canshuuraha, siiba qeybta shidaalka iyo macdanta. “Iyada oo aaney jirin sharciga Canshuuraha, waa adagtahay inay shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka (IOCs), ay heshiis dheer la galaan Soomaaliya” waxaa yiri Mursal. Waxyaabaha uu jeediyey Jamaal Mursal waxaa ka mid ah “ In dhammaan sharciyadii hore dib loogu noqdo, loona qabto khubaro aqoon leh oo Soomaali iyo Ajaanib ah, in la sameeyo hey’adda Somali Petroleum Authority(SPA), oo welina hey’addan (SPA) la waafajiyo sharciga canshuurka iyo midka Batroolka iyo Macdanta. Xogheyaha joogtada ah ee Wasaaradda Batroolka Jamaal waxaa uu soo-jeediyey in la dhiso maamulka kheyraadka(Council of Natural Resurces). In la sameeyo hab maamul kheyraadka ka soo xarooda Batroolka sida kan hadda xarooda ee Datada ama xogta wadanka ee la iibiyo, sida kan ay heyso Spectrum ama CGG taas oo hadda wasaaradda uun iska maamusho. In lacagaha Surface Sharge ee Shell dib loo xisaabiyo, lana ogaado halka ay ku dhacayaan, oo aysan gelin gacan shakhsi. In dhamaan heshiisyada la xiriira shidaalka iyo macdanta la hor geeyo baarlamaanka federaalka ah iyo hanta-dhowrka guud ee qaranka. Todobaadkii tagay, Karar Doomey, agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka ayaa sheegay in Soomaaliya ay bixin-doono laysanka shidaal baarista ee shirkadaha caalamiga. “7bada Febraayo, waxaan London ku qaban-doonnaa xaflad laysanka lagu siinayo shirkadaha caalamiga ah, waxaana la bixin-doonaa 206 Baloog”, isaga oo intaasi raaciyey in inta xilligaas wixii ka horeeya ay diyaarin-doonaan wixii sharci ah. Source: goobjoog.com
  23. Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal ayaa sheegaya in heegan sare la geliyay ciidamada amaanka ee maamulka Puntland. Sababta ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii looga hortagi lahaa falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Garoowe, maadaama doorasho la filayo in ay ka dhacdo Magaaladaasi. Saraakiisha amaanka Puntland ayaa sheegay in heegan buuxa la geliyay ciidamada. Maalmihii ugu dambeeyey Kooxaha AL-Shabaab iyo Daacish ayaa dilal ka geysanayey deegaano ka tirsan kuwa Puntland, waxayna taas dhalisay shaku ku aadan weeraro ay kooxahaan qorsheenayaan. Waxaa la arkayey ciidamo hor leh oo lagu soo daadiyey jidadka Magaalada Garoowe iyo deegaano kale oo ka tirsan kuwa Puntland Warar kale ayaa sheegaya in ciidamo badan oo ka tirsan puntland la geeyay deegaanka Tukeraq ee obalka Sool. Deegaanada Puntland ayaa lagu tirin jiray deegaanada ugu halista yar dhanka kooxaha Argagixisada balse maalmihii dambe waxaa muuqato inuu Amniga faraha ka baxay. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com