Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,806
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Galgaduud (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxay dagaal khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay degaanka Dhagax-yaale oo udhaxeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur, ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid xoogan, kaasi oo udhaxeeyay dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa yimid markii ciidanka ay gudaha u galeen tuulada Dhagax-yaale oo 50 KM ujirta Guriceel. Gudoomiye ku xigeenka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, Maxamed Sheekh Maxmuud oo la hadlay idaacadda Shabelle wuxuu sheegay in dagaalka ay Al-Shabaab kaga dileen afar, xili dhinacooda uu qiray geerida labo Askari. Ma jiro illaa iyo haatan war kasoo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan dagaalka maanta oo Isniin ah ka dhacay degaankaasi, kaasi oo dadku deegaanu tilmaameen in laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Xaalada meesha ay wax ka dhaceen ayaa haatan ah mid degan, inkasta oo dadka degaanka ay soo warinayaan in laga cabsi qabo inuu mar kale qarxo, maadaama ciidamada iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab aysan kala fogeen. The post Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen oo Muqdisho soo gaaray. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dawladood, fududaynta isu socodka, kor-u-qaadidda taageerada Finland ay siiso Soomaaliya, horumarinta ganacsiga iyo dar-dar gelinta mashaariicda dawladda Finland ay ka fuliso Soomaaliya. Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland ayaa Ra’iisul wasaare Khayre u sheegay dawladda Finland in ay aqoonsanayso baasaboorka Soomaaliya iyo in si toos ah ay dawladda dhaqaale ugu taageerayso ayna joojinayso dhaqaalihii ay usoo marsiin jirtay hay’adaha kale. Wasiir dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Khayr oo kulanka kadib ka war bixiyay ayaa tibaaxay in Dowladda Finland ay maalgashi ku samaynayso Soomaaliya, isagoo xusay in ay wafdi ganac-sato ah oo ka socda shirkadaha dalka Finland qaarkood ay imaanayaan Muqdisho horraanta sannadka 2019. Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen ayaa inta uu joogo Muqdisho waxa uu kulamo la qaadanayaa qaar kamid ah wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay ka wada hadlayaan arrimo muhiim u ah horumarka dalka. The post RW Khayre oo la kulmay wafdi ka socda Finland appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug ee lagu doortay magaalada Cadaado Axmed Maxamuud Baasto oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay ujeedada ay u yimaadeen magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlayay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa sheegay in ujeedadooda safarka Muqdisho ay tahay danaha deegaanada Galmudug, sida uu sheegay. Wuxuu sheegay inay la kulmayaan madaxda ugu sareyso dalka iyo dadka kasoo jeeda deegaanada Galmudug, waxaana ay ka wada hadli doonaan arrimaha Galmudug. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xafiiska ra’iisul wasaaraha looga yeeray Axmed Baasto oo dhawaan lagu doortay magaalada Cadaado, waxaana uyeeritaankiisa uu qeyb ka yahay dhameynta xiisadda Galmudug. “Waxaan Safar shaqo ku nimid magaalada Madaxda dalka, waxaan kulan la sameyneynaa masuuliyiinta dalka dhamaan iyo dadka kasoo jeeda Galmudug, waxaana kala hadli doonaa baahiyahooda anagoo iyaga matalayna”ayuu yiri Axmed Baasto Axmed Baasto ayaa lagu doortay magaalada Cadaado, kadib khilaaf soo kala dhex galay madaxweyne Xaaf iyo ku xigeenkiisa oo taageero ka helayay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. (SLT-Hargaysa) Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Xadhiga Ka Jaray Dhsime Cusub Oo Lagu Kordhiyay Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Somaliland. Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan masuuliyiinta hay’adaasi ayaa xadhiga Ka Jaray dhismahaas. Somalilandtoday/Hargaysa/Office Source
  5. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha Idaacadda Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan hoose aan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos ka dhageyso http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-191118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  6. (SLT-Muqdisho) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Dalkaasi Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen oo Muqdisho soo gaaray. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland, Samuli Virtanen, ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada dawladood, fududaynta isu socodka, kor-u-qaadidda taageerada Finland ay siiso Soomaaliya, horumarinta ganacsiga iyo dar-dar gelinta mashaariicda dawladda Finland ay ka fuliso Soomaaliya. Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finland ayaa Ra’iisul wasaare Khayre u sheegay dawladda Finland in ay aqoonsanayso baasaboorka Soomaaliya iyo in si toos ah ay dawladda dhaqaale ugu taageerayso ayna joojinayso dhaqaalihii ay usoo marsiin jirtay hay’adaha kale. Wasiir dawlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Khayr oo kulanka kadib ka war bixiyay ayaa sheegay in Dowladda Finland ay maalgashi ku samaynayso Soomaaliya, isagoo xusay in ay wafdi gancsato ah oo ka socda shirkadaha dalka Finland qaarkood ay imaanayaan Muqdisho horraanta sannadka 2019. Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Finlan Samuli Virtanen ayaa inta uu joogo Muqdisho waxa uu kulamo la qaadanayaa qaar kamid ah wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay ka wada hadlayaan arrimo muhiim u ah horumarka dalka. Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Miisaaniyada, Maaliyada Qorsheynta iyo La xisaabtanka dowladda ee Golaha Shacabka ayaa maanta soo saaray warbixin xasaasi ah oo musuq-maasuq xooggan ku eedeysay xukuumadda Kheyre iyo maamulka Gobolka Banaadir. Warbixinta guddiga soo saaray ayaa looga hadlay wax is daba marin iyo in si qaldan loo maamulay miisaaniyadda dalka laga soo bilaabo Janaayo illaa Agosto sanadkan. Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay in la la’yahay meel ay aaday 20 milyan oo ka mid ah 50 milyan oo dowladda Sacuudiga ay ugu deeqday Soomaaliya oo uu Kheyre soo qaaday, ayadoo xukuumadda ay soo gudbisay kaliya qarashaadka 30 milyan. Guddiga wuxuu si gaar ah u soo jeediyay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Gobolka Banaadir laga hakiyo miisaaniyadda maaliyadeed, maadaama ay xatooyo ku kaceen. Guddiga ayaa sidoo kale faray Hanti dhowrka Guud iyo Xisaabiyaha Guud inay baaritaan ku sameeyaan hey’adaha dowladda ee sameeyay wax is daba marinta iyo in si qaldan loo maamulay habkii miisaaniyadda dalka. Halkan hoose ka akhriso qeyb ka mid ah warbixinta Guddiga
  8. (SLT-Berbera)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo safar ku jooga gobolka Saaxil ayaa waxa uu la dardaarmay maamulka dekedda Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. (SLT-Jigjiga)-Ururuka ONLF ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan jabhadda oo saldhiggoodu ahaa dalka Eritrea inay bilaabayaan inay toddobaadkan dib ugu soo laabtaan Itoobiya. Ciidamadan ayaa soo gaadhi doonaa gobolka ismaamulka Soomaalida gaar ahaan magaalada Jigjiga. Dhinaca kale ONLF waxay sheegtay in colaaddii dhowaan ka dhacday magaalada Mooyaale ay kala hadleen dawladda federaalka Itoobiya iyo maamulka Oromada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Carmo[Puntland Post]-Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee sannadka 2019 Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa si diirran maanta loogu soo dhoweeyey degmada Carmo ee gobolka Bari. Boqollaal dadwayne ah oo soo dhoweyntiisa uusoo baxay ayuu Musharrax Jebiye kula hadlay goob fagaare ah, wuxuuna ugu horrayn ka mahad celiyey sida qiimaha badan ee isaga iyo wafdigiisa loo soo dhoweeyey. Injineer Maxamuud Khaliif wuxuu ballan qaaday haddii loo doorto xilka Madaxwaynaha Puntland in uu dib u howlgelin doono kulliyadda tababarka ciidamada booliska ee degmada Carmo. Musharraxu wuxuu sidoo kale ballan qaaday in uu degmada Carmo ka dhisi doono aamacad, si ardayda ka baxda dugisiyada sare ee degmada Carmo loo siiyo fursad waxbarasho sare. Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’. Socdaalkan ayaa ah mid musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada Cabdiqani Boos Puntland Post The post Musharrax Jebiye oo degmada Carmo si diirran loogu soo dhoweeyey appeared first on Puntland Post.
  11. Istanbul (Caasimada Online) – Ilo lagu kalsoonaan karo, oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa u sheegay Wargeyska Al Khaleef Online in baaritaanka Turkey soo gabo gabeeyay lagu ogaaday in madaxa Wariye Jamal Khaashuqji loo qaaday Caasimadda Sacuudiga, halka jirka intiisa kale looga tagay magaalada Istanbul. Ilaha xog ogaalka ayaa intaasi ku daray “Kooxda Baarayaasha Turkey waxay heleen cadeyno xaqiijinayo jirka Jamaal oo la tuuray, laakiin masuuliyiinta Turkey waxay doonayaan jawaab sax ah oo kasoo baxda masuuliyiinta Sacuudiga, si loo kala cadeeyo halka iyo sida loo tuuray” “Habka loo wareejiyay madaxa Jamaal, kadib markii la dilay lana burburiyay jirkiisa, ma cadda ilaa iyo hadda, ma diyaarad baa lagu qaaday, ma badda la marsiiyay mase gaari dhulka maraya”ayaa laga soo xigtay ilaha xog ogaalka ah. Waxaa la sheegay in Maher Al-Mutrab, oo waardiye u ah dhaxal sugaha uu ahaa ruuxa ugu muhiimsan ee ka dambeeyay shirqoolka Jamaal Khaashuqji, wuxuu heystaa Baasaboor Diblumaasi ah, waxaana looga shakisan yahay in boorsadiisa lagu qaaday madaxa markii uu ka tagayay garoonka Ataturk ee dalka Turkey, ama diyaaradiisa gaarka ah inay qaaday maxaa sabab la xiriira xasaanadiisa Diblumaasi. “Warbixinada Turkey helay, ee lala wadaagay hogaamiyaasha caalamka iyo Hay’adaha amaanka qaarkood, waxay ku noqdeen wax ay la yaabaan,laakiin waxaa jiro cadeymo kale oo aan wali lasii deyn”ayaa lagu warbixin laga soo xibtay dad xog ogaal ah. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  12. Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah oo maanta kulan yeeshay ayaa warbixin ka dhageystay maamulka sare ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed (JUS). Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa faray guddiga arrimaha bulshada iyo guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka iney ka shaqeeyaan sidii miisaaniyadda loogu kordhin lahaa Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale waxaa mar kale la horgeeyay xildhibaanada Golaha Shacabka mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda liil-tirka (dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya oo maray aqrintiisa 2-aad. Ugu dambeyn xildhibaanada ayaa loo qeybiyay hindise sharciyeedka wax ka bedelka hanti dhowrka guud ee Qaranka oo aqrintiisa 3-aad mari doono, hindisaha wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Shacabka iyo warbixin maaliyeedka miisaaniyadda 2018. Source: goobjoog.com
  13. Soomaaliya, ma lahan awood iyo shuruucdii ay shirkadaha caalamiga ahi shidaal uga qodan lahaayeen dhulkeeda, heshiis baratan ama laysan bixin ah oo Febraayo sanadka dambe la galaa, waxaa uu keenni karaa dhaawac masaalixda dalka, isla markaana ay cararaan maal-geshedayaasha, sidaas waxa lagu sheegay qoraal la soo gaarsiiyey Goobjoog News. Qoraalkan uu soo saaray xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda Batroolka ee xukuumadda federaalka ah Jamaal Mursal, waxaa uu leeyahay in iib-geynta Bloogyo iyo bixinta laysanka shirkadaha aan loo marin shuruucda dalka iyo xataa awooddiisa. Jamaal waxaa uu sheegay in shaqaalaha wasaaradda Batroolka ee xukuumadda federaalka aaney heysan tababar iyo aqoon ku filan oo ay gorgortan ku galaan, heshiisyo shirkado shidaal kula saxiixdaan, kuna ilaaliyaan maslaxadda dalka. Mr. Mursal waxaa uu carabaabay inay haboontahay in si fiican looga wada hadlo sharciga Batroolka iyo Macdanta, la turxaan bixiyo, oo aanan lagu degdegin ansixintiisa. Wuxuu soo jeediyey in aan la qaban “bid rounds” ama shirkadaha aan la siin laysanka inta aan la meel-marin sharciga canshuuraha, siiba qeybta shidaalka iyo macdanta. “Iyada oo aaney jirin sharciga Canshuuraha, waa adagtahay inay shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka (IOCs), ay heshiis dheer la galaan Soomaaliya” waxaa yiri Mursal. Waxyaabaha uu jeediyey Jamaal Mursal waxaa ka mid ah “ In dhammaan sharciyadii hore dib loogu noqdo, loona qabto khubaro aqoon leh oo Soomaali iyo Ajaanib ah, in la sameeyo hey’adda Somali Petroleum Authority(SPA), oo welina hey’addan (SPA) la waafajiyo sharciga canshuurka iyo midka Batroolka iyo Macdanta. Xogheyaha joogtada ah ee Wasaaradda Batroolka Jamaal waxaa uu soo-jeediyey in la dhiso maamulka kheyraadka(Council of Natural Resurces). In la sameeyo hab maamul kheyraadka ka soo xarooda Batroolka sida kan hadda xarooda ee Datada ama xogta wadanka ee la iibiyo, sida kan ay heyso Spectrum ama CGG taas oo hadda wasaaradda uun iska maamusho. In lacagaha Surface Sharge ee Shell dib loo xisaabiyo, lana ogaado halka ay ku dhacayaan, oo aysan gelin gacan shakhsi. In dhamaan heshiisyada la xiriira shidaalka iyo macdanta la hor geeyo baarlamaanka federaalka ah iyo hanta-dhowrka guud ee qaranka. Todobaadkii tagay, Karar Doomey, agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka ayaa sheegay in Soomaaliya ay bixin-doono laysanka shidaal baarista ee shirkadaha caalamiga. “7bada Febraayo, waxaan London ku qaban-doonnaa xaflad laysanka lagu siinayo shirkadaha caalamiga ah, waxaana la bixin-doonaa 206 Baloog”, isaga oo intaasi raaciyey in inta xilligaas wixii ka horeeya ay diyaarin-doonaan wixii sharci ah. Source: goobjoog.com
  14. Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal ayaa sheegaya in heegan sare la geliyay ciidamada amaanka ee maamulka Puntland. Sababta ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii looga hortagi lahaa falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Garoowe, maadaama doorasho la filayo in ay ka dhacdo Magaaladaasi. Saraakiisha amaanka Puntland ayaa sheegay in heegan buuxa la geliyay ciidamada. Maalmihii ugu dambeeyey Kooxaha AL-Shabaab iyo Daacish ayaa dilal ka geysanayey deegaano ka tirsan kuwa Puntland, waxayna taas dhalisay shaku ku aadan weeraro ay kooxahaan qorsheenayaan. Waxaa la arkayey ciidamo hor leh oo lagu soo daadiyey jidadka Magaalada Garoowe iyo deegaano kale oo ka tirsan kuwa Puntland Warar kale ayaa sheegaya in ciidamo badan oo ka tirsan puntland la geeyay deegaanka Tukeraq ee obalka Sool. Deegaanada Puntland ayaa lagu tirin jiray deegaanada ugu halista yar dhanka kooxaha Argagixisada balse maalmihii dambe waxaa muuqato inuu Amniga faraha ka baxay. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  15. Wasiirka Warfaafintu Alle Doori Afkana Waa Yaqaan Waana Ka Agnaan. Wasiirka Warfaafintu Alle Doori Afkana Waa Yaqaan Waana Ka Agnaan.Run ahaantii waa nasiib darro in dawladdu ay warbaahinta xorta ah ee Somaliland kula soo galgalato Murankii khilaaf ee qayb Ciidanka Qaranka kamid ahayd ay debadda ugu baxeen. Ma’ aha shaqada warbaahinta xorta ah in ay noqoto qalab ay dawladdu u adeegsato waxay iyadu rabto iyo masuuliyada ay ka soo bixiwayday inay awdaan oo daaha saaran taasi suurto gal maha mana aha Shaqada Warbaahinta. Arrinta Caarre, Xukuumadda ayay u taalay wax ka qabashadeedo xaq uguma laha Warbaahinta inay ku qabsato warbaad ka soo tabiseen. Masuuliyada Warbaahintu waa in ay shacabka u soo gudbiyaan dhacdooyinka iyo xaqiiqada dalka ka jirta mar walba iyo meel walba. Waxaa la yaab leh in Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guribarwaaqo oo aan waayo’aragnimo badan u lahayn dhinaca dhaqanka iyo sida loo nool yahay Somaliland uu adeegsado hanjabaada hay’adaha Sirdoonka iyo wixii xilka laha ee shacabka Somaliland hore u soo diideen, halkii uu ka gudan laha waajibaadkiisa, halka hay’adaha ammaanka ee shaqadoodu ahayd sidii shacabku nabad ugu seexan lahaayeen nabadna ugu soo toosi lahaayeen ay u dardar galin la hayeen hawlaha ay Qaranka u hayaan, halkay ahayd in Madaxweynuhu xilka saaran guto oo wixii Dalka ka jira carqalado aanu dafirin ee uu damiyo kuwo adag oo horeba waynu ka soo gudubnee. Waa nasiib darro in ayku meeraystaan baroobagaandhe raqiis ah oo aan wax saamayn ah ku yeelan karin xalka iyo midnimada aynu u baahanahay. Labada Telefeeshin ee STAR-TV iyo SAAB-TV waxaan soo jeedinaya inuu Wasiirku la noqdo Dacwada iyo yeedhmada looga yeedhay hay’adda Danbi baadhista oo aan sharci u soo marin, Mr. Guribarwaaqana gartiisa dib haw akhristo.. Tusan Muniir Axmed Cigaal Sweden Qaran News
  16. Safar ka Madaxweynaha iyo Saluuga Bulshada ee Badhasaabka Gobolka Daadmadheedh laba isku beegmay Safarka Madaxweynaha ee Gobolada Bari waa mid loo baahna in kastooy tahay inuu bariga fog gaadho Badhana shirka khamiista ee Golaha wasiirada ku qabto. W axay se bulshada ku dhaqan gobolka Daadmadheedh degmadiisa Oodweyne oo a an saaka ku suganahay suaalaha u badan ee ay is weydiinayaan ayaa ah 1.Mashaariic badan oo najaxday oo madaxweynuhu maqaska la dhax Qaado Kamay fulin xukuumadu gobolka hadii la ga tagi waayo waxa ugu tun weynaa mashruucii garaw beerista ee xukuumadu ka hirgelisay XAAXI, nasiib daro raxmadii Eebe ayaa see jisay mashruucaas waana Sagan cas wali, 2. Waxa kale oo doodu u badan tahay ma mashaariic cusub ayuu u dhagax dhigi gobolka. 3. I yadoo mudooyinka Danbe bulshada gobolka ku dhaqani saluug ka muujinayeen hogaaminta badhasaabka gobolka ee wakhti xaadirkan isla markaana uu madaxweynuhu hore ugala bakhaylay gobolka inuu badhasaab dhiig cusub geliya bulshada u soo magacaabo, sidoo kalane Khilaafka haayadaha maamul ee gobolku mudooyinkii danbe ahaa mid soo noq noqda, madaxweynaha safarkiisani ma noqon doona mid wax ka badala 4.waxa iyaduna hoosta ka xariiqeen bulshadu door ka qaabilada madaxweynaha ee reer Oodweyne ma noqon doontaa mid meeqaamkii la rabay noqota oo ay soo xaadiraan dadka bulshada wax u gunta waxna u gooya kuwaas oo u gudbin kara bulshada fariimaha u sido madaxweynuhu isla markaana wixii xaq bulshadani uu leedahay uga doona madaxweynaha sida adeega arimaha bulshada balse aanu xaalku noqon waxooga kharash macanaasa jeebka ii geli. WAXAYNU FILAABA WAA ARBACADA IYO NATIIJADA UU KU SOO DHAMAADO SAFARKA MADAXWEYNAHA EE OODWEYNE? mahadsanidin BY Cartan Maxamed Jaamac cartangolongol@gmail.com Qaran News
  17. Wasiiro Tiro Badan Oo Burco Isugu Tagay Si Ay Ugu Qaban Qaabiyaan Muuse Biixi Soo Dhawayn Gacan Ku Rimisa+Maxamed kaahin oo Laascaanood uga soo Baqoolay Soo dhaweynta Muuse Biixi. Waxay ahayd maalintii shalay markii uu Madaxwaynaha Somaliland usoo kicitimay gobolada bariga Somaliland iyadoo dad koobani ku soo dhaweeyeen Gobolka Saaxil Caasimadiisa Berbera Oo Ku Suganyahay maalintii labaad. Madaxwaynaha Ayaa Kusoo Wajahan Gobolka Togdheer Maalinta Beri Ah, ma muuqato udiyaar garaw balaadhan oo laga dareemayo gobolka Togdheer. Qaban qaabada iyo soo dhawaynta madaxwaynaha oo looga bartay badhasaabadii hore ayaa waxa uu Xamse Maxamed Cabdi u muuqdaa mid ku haftay, waxaana magaalada burco ka muuqata kala daadsanaan iyo inaanay shacabku dhaadsanayn imaanshaha madaxwaynaha. Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta soo gaadhay gobolka Togdheer isagoo xafiiska badhasaabka kulano kula qaatay madaxda dawlada, odayaasha ,iyo dhalinyarada si loo dardar galiyo soo dhawaynta Madaxwaynaha oo ah safarkiisii ugu horeeyey ee uu Muuse Biixi Ku Yimaado Gobolka Togdheer tan iyo intii la doortay. Arrintan ayaa laga saadalin kara niyad jabka ay shacabku ka mujiyeen gaar ahaan Rer Burco Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi. Geesta kale Badhasaabka Togdheer Xamse Cadaw Yuurura ayaa u muuqda isna mid ku haftay mawjadaha gobolka ka aloosan. SomalilandToday/Office/Burc Qaran News
  18. Burco (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaal ku maraya gobalada Bari ee Somaliland, waxaana xalay uu ku hoyday magaalada Berbara, iyada oo lagu wado in uu tago magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Si kastaba, shacabka magaalada Burco waxa ay sheegeen inaysan u diyaar garoobin soo dhaweynta madaxweyne Muuse Biixi, islamarkaana aysan dooneyn inuu yimaado magaaladooda. Qaar ka mid ah dadka Burco oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in madaxweyne Muuse Biixi ay ku dhaliilayaan in uu howlo kale kaga mashquulay, isla markaana howlo badan ay u baahnaayeen shacabka gobolka Togdheer uu diiday. Waxa ay sheegeen in Muuse Biixi uu sidoo kale ka horyimid mashruucyo muhiim u ah bulshada magaalada Burco, si gaar ah dhismaha Jaamacad laga hirgelin lahaa magalaada Burco. Dadka qaar ayaa lagu soo xigtay inay dhigi doonan dibadbaxyo ka dhan ah Muuse Biixi, marka uu magaalada yimaado, si ay dareenkooda u muujiyaan. Hoos ka dhageyso codadka qaar ka mid ah shacbaka Burco https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Codadka-Shacbaka-Magalada-Burco.mp3Caasimada Online Xafiiska Burco caasimada@live.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Aqoonyahan Axmed Maxamuud Cali (Aqoonyahan Shiine), oo ka mid ah wax-garadka iyo aqoonayahanka Somaliland ayaa madaxweynaha Somaliland farriimo kala duwan hawada mariyey. Siyaasi Aqoonyahan Axmed Maxamuud Cali (Aqoonyahan Shiine), oo ku sugan magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera ayaa si diiran u soo dhaweeyey sida madaxwyenaha Somaliland iyo wefdigiisa loogu qaabiley magalaada Berbera, Isla markaana ammaaney sida uu madaxweynuhu u qaabiley guud ahaan haldoorka iyo odoyaasha gobolka saaxil.”Waxaan madaxweynaha ku ammaanayaa sidii loogu soo dhaweeyey gobolka Saaxil, waxaanan ku ammaanayaa madaxweyne Muuse Biixi sida uu u qaabiley guud ahaan odoyaasha gobolka Saaxil”Ayuu yidhi Siyaasi Aqoonyahan Axmed Maxamuud Cali (Aqoonyahan Shiine). Sidoo kale Aqoonyahan Shiine ayaa madaxweynaha ku Ammaaney socodaalka uu ku tegey gobolada qaar, halka qaar kalena ugu socod:-.”Waxaan madaxweynaha ku bogaadinayaa safarrada uu ku tegey gobolada Somliland qaarkood, halka qaar kalena uu u sii jeedo” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Aqoonyahan Shiine. Geesta kale Aqoonyahan Shiine waxaa uu madaxweynaha ka codsadey in uu dhegeysto tabashada beelaha Somaliland:-“Waxaan madaxweynaha kula talinayaa in uu dhegeysto tabashada beelaha Somaliland” Aqoonyahan Shiine ayaa sii raaciyey hadalkiisa:-“Madaxweynaha waxaan ka codsanayaa in uu dhegeysto tabashada beelaha Somaliland, gaar ahaan kuwa West Burco Clan, Si gaar ahaaneed guddidii baaqyada ka soo saarey buurta gacan-libaax” Geesta kale Aqoonyahan Shiine ayaa madaxweynaha uga digey in aanu la shirin shakhsiyaad gaar ah oo ka mid ah beelaha West Burco Clan, marka laga reebo guddidii shirka beelaha Garxajig ee Gacan-libaax:”Madaxweynaha Waxaan kula talinayaa in aanu la shirin askhaahs gaar ah, balse uu la shiro uu tabashadooda dhegeysto guddiidii shirkii beelaha garxjis Ee buurta Gacan-libaax”Waa sida uu hadalka u dhigee. Si kastaba ha ahaatee farriimahan uu Siyaasi Aqoonyahan Axmed Maxamuud Cali (Aqoonyahan Shiine), uu hawada u mariyey ayaa noqon doono qaar wax ku ool ah oo mudan uu madaxweynuhu is-dul-taago. Source
  20. Madaxseynihii hore ee Dowlada FedetAlka Soomaaliya Xasan Shiek Ma amiud ayaa booqasho wuxuu ku joogaa Jubbaland. Xasan wuxuu Xarunta Madaxtooyada Jubbaland uu ku booqdey Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe. Lama oga ujeedka safarka Madaxwenaha Hore uu ku joogo Jubbaland inkastoo loo badinayo Arimo Siyaasadeed oo la xiriira Xisbiga uu Hogaamiyah u yahay. Source
  21. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ka dhageystay maamulka sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS). Warbixinta ayaa la xiriirtay dib u yagleelida Jaamacadda, horumarada ay ku talaabsatay, hanaanka maamulka iyo waxbarashada Jaamacadda, caqabadaha heysta iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin ardayda Jaamacadda dhigata. Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed mudane Maxamed Axmed Jimcaale ayaa sheegay in horumar weyn ay ku talaabsadeen mudada kooban oo ay shaqeynayaan. Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada ka codsaday in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed loo kordhiyo Miisaaniyadda loogu tala galay sanadkan oo hadda gaareysa 3-Milyan. “Golaha Shacabka waxaa ka codsaneynaa iney ka shaqeeyaan sidii naloogu kordhin lahaa miisaaniyadda oo naloo gaarsiiyo 5-Milyan maadaama howlo muhiim ah ay na horyaallaan, Golaha Shacabka waxaa u cadeynayaa in dhismayaashii ay lahayd Jaamacadda qaarkood aan gacanta ku heyn oo shaqsiyaad gaar ah ay heystaan”. ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda. Sidoo kale waxa uu sheegay in ardayda Jaamacadda aysan lahayn Isbitaalo ay ku baraatikeeyaan maadooyinka caafimaadka, waxa uu tilmaamay muhiimada ay leedahay in la helo goobo baraatiko ay ardayda ku sameeyaan. Xildhibaanada qaar ee kulanka ka hadlay ayaa soo dhoweeyay horumarada Jaamacadda iyo warbixinta la soo bandhigay, sidoo kale waxa ay guul weyn ku tilmaameen dib u yagleelida Jaamacadda. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka shir guddoominaayay ayaa faray guddiga arrimaha bulshada iyo guddiga maaliyadda iney ka shaqeeyaan sidii miisaaniyadda loogu kordhin lahaa Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Guddoomiyaha ayaa xusay in Golaha Shacabka uu diyaar u yahay taageerada Jaamacadda, kana shaqeyn doonaan helida waxyaabaha ay u baahan yihiin ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta mar kale la horgeeyay mashruuca sharci ku saabsan xuquuqda liil-tirka (dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya oo maray aqrintiisa 2-aad, waxaa sidoo kale loo qeybiyay hindise sharciyeedka wax ka bedelka hanti dhowrka guud ee Qaranka oo aqrintiisa 3-aad mari doono. Ugu dambeyn Xildhibaanada ayaa loo qeybiyay hindisaha wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Shacabka iyo qeybinta warbixin maaliyeedka miisaaniyadda 2018. The post BFS Oo warbixin ka dhageystay maamulka Jaamacadda Ummadda appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Gurciceel ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in haatan dagaal uu ka socdo duleedka degmada Guriceel ee gobolkaasi. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa u dhexeeyaa Ciidamada Galmudug, kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo Dagaalayahannada Xarakada Al Shabaab. Sida ay wararku sheegayaan dagaalka ayaa ka qarxay deegaanka Dhagaxyaale oo qiyaastii 50 KM u jira degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa in ay si weydaarsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan, lamana oga khasaaraha illaa iyo hadda ka dhashay dagaalkaasi. Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona haatan dagaalka xoogiisu uu ka socda gudaha deegaanka Dhagaxyaale ee gobolka Galgaduud. The post Dagaal xoogan Oo ka socday duleedka degmada Guriceel appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Marka aynu eegno hab dhaqanka Farmaajo iyo kooxdiisa oo mudantooda kowaad ee siyaasadda dibedda ka dhigtay go’doominta Jamhuuriyadda Somaliland waxay dib iigu celisay xusuuso doora oo aan badankooda u soo joogay, mararka qaarna aan ka talo bixiyey balse aan si la iila arag. Aqoonsi raadiskii Somaliland sidaan qabo waxa ciidda lagu rogey Febrauary 2012 markii aynu aqblay inaynu wadahadal la gallo Somalia shirkii lagu qabtay UK. Maalintaas ayeynu dabin qarsoon ku dhacnay. Waxa joogsaday dedaalkii albaabbo garaaca, waxa rejo oo dhan laysugu geeyey Somalia oo ina fasaxda, balse waxa magacii laga beddelay guddidii Baarlamanka UK ee taageeri jirtay Somaliland iyadoo loo bixiyey “Somalia and Somaliland Parliamantary Group”. Dabeed waxa ku darmay qaar Somalia taageera oo kula midoobay magaca cusub. Waxa xigay in shirkii kowaad ee wada-hadallada oo ka dhacay London bishii June 20 – 22keedii 2012, kaas oo ay qoladii Somalia ka socotay diideen xataa inaynu ahayn laba dal oo 1960 midoobay. Waxase markii dambe ka soo baxay qodobbo fashil ka cara ahaa (Face saving) oo ay dabada ka riixeen qolyihii kulanka qabanqaabiyey oo ahaa UK, EU iyo Norway. Wixii intaa ka dambeeyey UAE iyo Turkey-na waaba la diiday in agendaha lagu daro qodobka ugu mudan ee ka noqoshada midawgii 60kii oo laga hadlo. Taariikhdaa kor ku xusan laga soo bilaabo Aqoonsi raadiskii Somaliland god madaw buu ku dhacay oo marka aad UK ama kuwa kale la soo qaaddo aqoonsiga Somaliland jawaab degdeg ah bay soo qaddimayeen, taas oo ah in laga dhursugo Wada-hadallada u dhexeeya Somalia iyo Somaliland. Anigu dhawr goor ayaan kala hadalay dawladda Somaliland ee markaa jirtay oon ku taliyey inaynaan waqti ku lumin wadahadallo madhalays ah balse taydii lama qaadan. Haantan iyo dan Waynu aragnaa oo Somaliyada Farmaajo waxay mudnaanta kowaad siisay sidaan kor ku xusay go’doominta Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo taas wax kasta ka horreysiiyey. Tusaale waxaynu u soo qaadan karraa UAE oo ay kula colloobeen maalgalinta Somaliland ee Dekedda. Ethiopia oo ay wax kasta u oggolaadeen si aanay Somaliland ula macaamilin iyo Saudi Arabia oo ay hadda maslaxanayaan si aanay Somaliland xidhiidh dhow ula yeelan. Xataa waxay ku khamaareen Somaliland ku xumayn darteed xidhiidhkoodii Turkey oo taageerada ugu badan siiya. Taasi waxay muujinaysaa inay Farmaajo iyo kooxdiisa waxa kasta uga mudantahay go’doominta Somaliland, wuxuse illawsan yihiin inay ciidammo shisheeyo ugu magan yihiin dalkoodii oo dano qalaad uun laga fushanayo, Somaliland-na marxalado tan ka adag ka soo gudubtay, tanna ka gudbi doonto insha ALLA. Marka xaal sidaa yahay waxan kula talinayaa Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibedda iyo Madaxweynaha inay qaataan go’aan caddaynaya inay Somaliland ka baxday wada-hadalkii u dhexeeyey Somalia, xaqeedana iskeed u raadsanayso. Halkaa marka aynu istaagno qolyaha sheegta beesha caalamka ee isu qaba inay iyagu gacanta inagu hayaan ee maanta indhaha ka qarsanaya tallaabooyinka curyaaminta ah ee Farmaajo wado ayaa iyagoo yaacaya inoo iman, iyagoo maxaa dhacay leh. Haddaynu Moscow wefdi u dirrana way innogu badin. Haddii reer galbeed innaga eexday waxa inoo furan albaabbo kale oo ay tahay inaynu garaacno, waa inaynaan aqbalin garbaduub in Farmaajo iyo kooxdiisa laynoogu xidho. Dalkeenu bogcad qiimo badan oo halbawle ah buu ku yaal, waana buux dalal aynu danwadaag noqon karraa balse dedaal, wadajir iyo go’aamo adag bay rabtaa. Guul Somaliland Ali Adam Awale aliaawale1@gmail.com Source