Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. At least two people were reported to have been wounded in a car bomb explosion in Mogadishu, the Somali capital on Tuesday noon. The blast occurred near Dabka junction, along the busy Makka Al-Mukarama road in the capital after a bomb concealed under the seat of a car belonging to Somali lawmaker. The MP, Dahir Amin Jesow has not been traveling in the vehicle at the time of the explosion. He was a nearby shopping mall. There was no immediate claim of responsibility for the attack. The post Somali Lawmaker Survives Bomb Attack in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  2. The European Union [EU] said it has extended the mandate of EU military training mission EUTM Somalia until 31 December 2020. In a statement issued on Monday, EU Council agreed on a budget of €22.9 million for the period 1 January 2019 until 31 December 2020. The Council also slightly adapted the mission’s existing mandate of providing political and strategic level military advice to Somali authorities and contributing to the development of the Somali National Army (SNA)’s own training capacity with a view to handing over training activities for tactical units once conditions are met. The mission continues to support Somali-owned and Somali-provided training. It also supports other actors in carrying out their respective mandates in the security and defense area in Somalia. EUTM Somalia was launched in December 2010 to provide political and strategic level military advice and mentoring to Somali defence institutions. The mission focuses on specific mentoring, advice, tailored training and capacity-building in order to contribute to the development of the Somali National Army, with the focus of delivering effective and sustainable security in the country. EUTM Somalia has been based in Mogadishu since 2014. It has a team of more than 200 staff and is led on the ground by Brigadier General Matteo Spreafico (Italy). EUTM Somalia is part of the EU’s comprehensive approach to Somalia, which comprises diplomatic efforts, development support, humanitarian aid as well as security engagement. It includes two complementary missions under the EU’s Common Security and Defence Policy: EUNAVFOR Operation ATALANTA contributing to fighting piracy off the Somali coast and EUCAP Somalia for maritime security capacity development in the Horn of Africa and the Western Indian Ocean. The post EU training mission in Somalia extended with new budget appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Faah Faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Qarax daqiiqado ka hor ka dhacay meel u dhaw Hotelka Maka-Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in gaarigiisa loogu xiray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Laba qof ayaa la sheegay iney ku dhaawacmeen oo mid ka mid ah uu yahay Darawalka Xildhibaanka, Daahir Amiin Jeesow ayaa la sheegay inuu Carwo meesha ku taala uu ku jiray xiliga qaraxa dhacayay. Xildhibaanka ayaa ilaa hada ka cadlin qaraxaasi, magaalada Muqdisho ayaa waxaa aad ugu badan Qaraxyada dadka loogu xiro Gawaariada ay wataan mana jirto ilaa hada wax loo soo qabtay qaraxyada nuucaas ah oo ay dad badan ku dhinteen kuwa kalana ay xubnahooda ay ku waayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Gaari oo goor dhow ka dhacay Waddada Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari la sheegay in lagu soo xiray, kaas oo ku qarxay agagraaka Hoteelka Makka Al Mukarrama oo ku yaalla Waddadaasi. Darawalkii waday Gaariga qarxay ayaa lagu soo warramayaa in uu ku dhaawacmay qaraxaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo Waddada xiray. Welina ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha amnigu ka bixiyeen qaraxaasi. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. The post Qarax Gaari Oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Kenya has beefed up security along its porous border with Somalia after the police foiled an attack by suspected al-Shabab militants in northeast region on Monday. Joseph Boinnet, inspector-general of police said security had been enhanced in the area with more personnel being deployed along the border to tame the terrorists. “We have enhanced security at large as part of efforts to stop their activities near there,” he said, confirming four suspected terrorists were killed and several others injured during botched attack on a police camp in Ijara in Boni enclave. Boinnet said unknown number of terrorists was targeting a camp occupied by the Administration Police’s Border Patrol Unit when they were repulsed in the dawn incident. Boinnet said the terrorists were also targeting a communication mast for destruction. The team of border patrol repulsed them fatally injuring four while several ran with serious wounds. Boinnet said security had been enhanced in the area with more personnel being deployed along the border area to tame the terror activities. “We have enhanced security at large as part of efforts to stop their activities near there,” he said. Witnesses said the officers were still patrolling the expansive forest in search for more bodies. According to police officer based in the area, the militants wanted to carry out a simultaneous attack on the police camp and the near by Safaricom mast. The militants usually destroy telecommunication mast to disrupt police response and communication in the area before they could inflict harm on the locals. The incident comes barely two weeks after local government officials held a security meeting with the locals in the area which is near the Somali border to enhance security. Ijara region has bore the brunt of al-Shabab militants due to its proximity to Boni forest and Somalia where the militants carry out attacks before escaping back. A number of security personnel have died as a result of the attacks some that include improvised explosive devices placed on roadsides by al-Shabab militants. The post Kenya beefs up security along border with Somali after foiled attack appeared first on Shabelle. View the full article
  6. (SLT-Jigjiga)-Ha’yadda NRC waxay sheegtay in kabadan 200,000 qof ay ka barakaceen dagaallada qowmiyadaha u dhexeeya ee ka dhacay dalka Itoobiya, dadkan ayaa u qaxay Dowlad Degaanka Soomaalida tan iyo bishii July. NRC waxay sidoo kale sheegtay in guud ahaan dadka ka qaxay sannadihii ugu dambeeyay dagaallada u dhexeeyay qowmiyadaha qaar ay ka badan yihiin 700,000 qof. Inta badan dadkan waxay kasoo barakceen gobolka Oromada, guud ahaan deegannada soomaalida ee Itoobiya waxaa ku barakacay ku dhawaad 1.1 milyan oo qof. Dadkan ayay ha’yadda sheegtay inay ka qaxeen abaaraha iyo dadaad ku dhuftay deegannadooda. “Dagallaada qowmiyadaha ee ka taagan xadka u dhexeeya gobollada Oromada iyo Soomaalida ayaa ku khasbay qoysaska inay buux dhaafiyaan xeryaha barkacayaasha, xeryaha qaxootiga waxaa ka howlgalaa shaqaale gargaar oo ay tiradoodu yartahay, qoysas badan ayaa maalin kasta soo barakacaa” ayuu yiri la taliyaha ha’yadda NRC ee xaaladaha gobolka,Evelyn Aero. Wuxuu intaasi ku daray in odeyaasha deegaanka ay u sheegeen in wax gargaar ah aysan haysanin isla markaasna dadka ay u geeriyoonayaan caawimaad la’aan. Evelyn Aero ayaa qabaa in rabshadaha sannadkan ka dhacay Itoobiya ay noqdeen kuwo aysan ka war haynin beesha caalamka, dowladdana ay u raadinayso xal kama dambays ah xaaladaha baan’iiaadanimo. Wuxuu ka codsaday ha’ayadaha gargaarka inay isha ku hayaan xaaladda isla markaasna gargaar ay gaarsiiyaan dadkan soo barakacay sii loo badbaadiyo nolosha. Source
  7. Hargeysa (Caasimadda Online) – Qaar ka mid ah Warbaahinta Geeska Afrika ayaa Saacaddihii lasoo dhaafay qoraayay in Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya Qunsulkii u joogay Somaliland dib ugu yeertay. Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in sababta loogu yeeray Qunsulka in ay tahay Isbadelka ka socda Geeska Afrika,islamarkaana Itoobiya ay guud ahaan joojisay xiriirkii kala dhaxeeyay Somaliland,taas badalkeena Arrimaha Somaliland ay kala tacaamuli doonto Soomaaliya. Qunsulka oo lagu Magacaabo Bereha Tesfay ayaa shalay gelinkii dambey gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka dib markii uu diyaarad ka raacay Magaalada Hargeysa. Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa Warbaahinta u sheegay in Bereha Tesfay, uu saraakiisha Somaliland shalay ku wargeliyay in ay u yeertay dowladdiisa isaga oo aan sheegin wax intaas dhaafsiisan. Sababta ugu weyn ayaa lagu sheegay in tahay in dowladda Itoobiya ay kala noqotay Somaliland xiriirkii dublomaasiyadeed ka dib markii Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ,Eritrea iyo Itoobiya ay isku raaceen ilaalinta Midnimadda iyo Madaxbaanida Saddexda dal. Somaliland ayaa 20 kii sano ee lasoo dhaafay xiriir wanaagsan kala dhaxeeyay dowladda Ityoobiya, waxaana soo maray dhowr Qunsul oo Somaliland si gaar ah ula tacaamuli jiray. Xiriirka Jabuuti iyo maamulka Somaliland ayaan isaguna fiicneyn kaddib markii ay Somaliland heshiis la gashay Sharikadda DPWorld ee lagu wareejiyay Berbera taas oo ay Jabuuti u aragtay tartan dhinaca dekadaha ah,waxaana ay ruqsaddii kala noqotay DPWorl oo maamuleysay Dekadda Dooraale ee Jabuuti. Somaliland ayaa dhawaan xafiis ka shaqeeya horumarinta Xiriirka Ganacsiga ka furatay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa isna dhawaan sheegay in Dowlado badan ay weydiisteen dowladda dhexe in ay qunsuliyado ka furtaan Magaalada Hargeysa kana oggolaadeen. Isbadellada ka socda Geeska Afrika ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u muuqda in uu meesha ka saaray Qulqulkii siyaasadeed ee dowladda Itoobiya ay ku heysay Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka waxaa uu wasaaradda maaliyadda ku eedeeyey wax is-daba marin, canshuur qaadista oo gaabis ah, inay wasaaraddu ku guul-dareysatay soo xareynta ku talagalka dakhligan 2018-ka iyo inay bixin waayeen howlaha adeega wasaaradaha. Qoraalka Guddiga waxaa ku jirtay in wasaaradda maaliyadda ay si aan sharci ahayn ku aruuriyay lacago loona bixiyay, lacagahaas Waxaa laga soo aruuriyay Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka, oo weliba aaney ka qaadin wax canshuur ah goobahaas, waxaa kale oo wasaaradda maaliyadda lagu la’yahay lacag 20 Milyan ah oo Sacuudigu bixiyey. Sidoo kale wasaaradda maaliyadu waxaa ay isticmaashay si aan waafaqsanayn xeerka qoondada Miisaaniyadda boqolaal kun oo doolar oo ka dheeri ah Miisaaniyadeeda, Waxaa kale oo guddiga usoo ifbaxday in amarka kharash bixineed ee khasanada dhexe oo si gaar ah awooda u siinaya xafiiska xisaabiyaha Guud in uu Bangiga dhexe ula wareegay si aan waafaqsanayn hab-raaca shuruucda maamluka maaliyadda ee dalka. Qeybta 1aad: Halkan Hoose Ka Akhriso, Ilaa 10 Qodob uu Guddiga Ku Faah-faahiyey Musuqa Wasaaradda Maaliyadda: Ugu horeyn, Guddiga maaliyadda golaha shacabka waxaa uu sheegay inuu jiro koror kooban meelaha qaar sida canshuurta qaansheegadka Hotelada iyo canshuurta shaqqalaha gaarka ah. Sidoo kale waxaa jira gaabis ama hoos u dhac meelaha qaar sida canshuurta Qaadka, canshuurta mushaarka shaqaalaha dowlada oo aanan fadhin, sidoo kale waxaa jira ilo dakhli laga filayay sida ka muuqata saadaasha qoondada Miisaaniyadda balse aan wax dakhli ah kasoo xeroon muddadii u dhaxaysey Janaayo ilaa Agoosto 2018, sida xawaaladaha, bangiyada, warshadaha korontada iyo biyaha iwm. Kabidda Miinsaaniyadda: Sida Guddiga maaliyadda golaha shacabka uu qoray, waxaan lahelin dhammaan kabki/kaalmadii Miisaniyadeed laga filayay wadamada Sacuudiga, Imaaraadka halka Dowladda Qatar ay bixisay $3Malyan una dhiganta 30%, balse Dowladda Turkiga ayaa bixisay dhammaan kabki miisaaniyadeed ee ay ballan qaaday oo ahaa $20 Malyan. Hoos-u-dhac Dhaqaale: Sida ka muuqata jaantus-ka guddiga waxaa soo xerooday 8dii bilood ee sannadkan ugu horreysay dakhli dhan $ 156,717,203.52 una dhiganta 57%, halka laga sugayay muddada 8da bilood ah in uu soo xeroodo dakhli dhan $183,086,794 taasi oo muujineysa inuu jiro hoos u dhac dakhli mudada 8da bilood ee lasoo dhaafey oo dhan $26,369,590.48 una dhiganta 14% . Sidaa darteed muddada 4ta bilooda ah ee sannadka ka hartay waxaa la filaayaa in uu soo xeroodo dakhli dhan 117,912,987.48 una dhigma 43%, taas oo muujinaysa in uu gaabis xoogle kajiro in la xaqiijiyo ku talagalka sanadkaan ee ahaa dakhli dhan $274,630,191.00. Haddaba in kastoo uu ka muuqdo xaaladda miisaaniyadda isdhin xoog leh haddana xukuumaddu waxay marar badan sheegtay inuu koror dhaqaale jiro oo dakhliga soo xerooday ka batay intii uu ku talogalku ahaa. Kharashka baxay Sannad Miisaaniyadeedka 2018 bilaha Janaayo ilaa Agoosto Guddiga oo tixraacaya warbixinada iyo baaritaanada uu ka helay xafiiyada Xisaabiyaha guud iyo Hantidowraha aadna ugu kuur galay dib u eegisna ku sameeyay hab-maalmulka kharash bixinta qoondada miisaaniyadda waxaa usoo ifbaxay arimaha hoos ku xusan: 1. In Wasaaradda Maaliyaddu ku dhaqmin asalkii Qoonda Miisaaniyadda 2018 ee Golaha shacabku ansixiyay sida ka muuqata warxin maaliyadeedka soo gaartay guddiga horane u dhacday sanadki 2017 taas oo kaliftay in uu xirmi waayo xisaab-xirki 2017 ee golaha loo soo gudbiyay kaliftane in guddigu dib ugu soo celiyo guddonka Golaha si dib loogu celiyo Wsaaaradda Maaliyadda. 2. Qarashaadka socodsiinta howlaha adeega (Running Cost) inta badan mahelaan hay’adaha dowlada marka laga reebo madaxtooyada, golaha shacabka, Xafiiska Ra’iisulwsaaraha iyo Wasaaradda Maaliyadda taas oo ay ka dhalan karto gaabis ku yimaada howlaha ay u xilsaaranyihiin hay’adahaasi sida Safaaradaha aan ku leenahay dalka dibadiisa, waxaa kale oo ka dhalan kara in la khilaafo hab raaca dakhli ururinta ee hay’adaha dowlada ee faraya in si joogta ah loogu xereeyo khasnada dhexe (Single Treasury Account) sida hore u dhacday hay’ada qaar kana muuqatay Warbixinta hantidhowraha. 3. Waxaa guddiga usoo baxday in si aan sharci ahayn lagu soo aruuriyay lacago loona bixiyay, lacagahaas Waxaa laga soo aruuriyay Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay. Waxaa ku amray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda in ay bixiyaan waxaana uu ku tilmaamay qaaraan lasiinayo Xarunta Warbixinta Maaliyadeed ama Financial Reporting Centre (FRC) oo ah hay’ad dowladeed oo leh qoondo miisaaniyadeed. Hadaba arintaan waxaa ka muuqata iska hor imaad maslaxadeed (conflict of interest) maadaama xaruntaan sababaha loo abuuray ama waajibaadkeedu yahay in ay korjoogtayso xawaaladaha iyo bangiyada gaarka loo leeyahay si looga hortago lacagaha fal dinbiyeedyada ku xusan sharciga ka hor tagida lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada (AML/CTF). Waxaa kale oo xusuusin mudan in lacaghaas lagu shubay xisaabta gaarka ah ee wasaaradda Maaliyada ku leedahay bangiga dhexe sida uu amray Wasiirka Wasaaradda taas oo khliaafsan dhammaan shuruucda maaliyadeed ee dalka, halka ay ahayd in lagu shubo khasnada dhexe ee dowladda 4. Waxaa kale uu guddiga u cadaatay in ilaa iyo hadda aan laga qaadin shirkadaha xawaaladaha iyo bangiyada gaarka loo leeyahay aan laga qaadin canshuurti Sharciga ahayd halka lagu amray in ay bixiyaan lacago aan sharciga waafaqsanayn, iyadoo habka loo maray qabashada/ aruurinta lacagahaas amma lagu bixiyay ay baal marsanyihiin nidaamka maaliyadda iyo xeerarka loo jideeyey. 5. Qasanadda Dhexe ee dowladda waxaa soo gaartay lacag dhan $50 Malyan sannadki 2017 kana timid Dowladda Sacuudi Carabiya, waxaana la iscticmaalay isla sanadandkaas lacag dhan $30 malyan halka ay Wasaaraddu guddiga kusoo wargelisay $20ka Malyan oo ka haray loo wareejinayo sanadka 2018 balse kama muuqato lacagtaas dakhliga dowladda mudada u dhaxaysa Janaayo ilaa Agoosto 2018 sidoo kale kama muuqato in ay kasoo wareegtay lacagtaasi sannadki 2017 kuna soo wareegtay Miisaaniyadda 2018 dakhli ahaan. 6. Madax xigaha Adeega Dowlada gaar ahaan cuuraarta oo loo qoondeeyay xuquuq gaar ah waxaa laga wareejiyay lacag dhan $3 Malyan si aan waafaqsanayn sharciga kala wareejinada waxaana loo isticmaalay si aan waafaqsanayn Qaraarkii Miisaaniyadda 2018 uu golahu ku ansixiyey. 7. Raasumaalka: Waxaa jira Madax xigayaal kala duwan oo ay kujiraan lacago loogu tala galay raasumaal/ama mashaariic hurumarineed oo ka mid ah qoondada Miisaaniyadda 2018 oo loo istimcaalay si aan waafaqsanayn Qaraarkii golahu ku ansixiyay qoondada Miisaaniyada sida ku cad qaybta 8aad qodobka 4aad farqadiisa T ee Xeerka qoondada Miisaaniyadda 2018 oo farayay in loo isticmaalo habaraaco uu farayo sharciga iibka qaranku. 8. Dowlad gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir: Sida ku cad qaybta 8aad qodobka 4aad farqadiisa J golahu waxaa uu faray Wasaaradda maaliyadda in ay guddiga horkeento ka hore bisha April 2018 faahinta Miisaaniyadaa Dowlada gobaleedyada iyo Maamulka Gobalka Banaadir ilaa iyo hadda oo sanadki sii dhamaanayo wax faahfaahin ah Wasaaradu lama soo wadaagin guddiga, 9. Wasaaradda Maaliyada: Sida ka muuqata warbixin xisaabeedka mudada u dhaxaysa Janaayo ilaa iyo Agoosto 2018 Wasaaradda Maaliyadu waxaa ay isticmaashay si aan waafaqsanayn xeerka qoondada Miisaaniyadda boqolaal kun oo doolar oo ka dheeri ah Miisaaniyadeeda mudada sare ku xusan. Sidoo kale waxaa guddiga usoo ifbaxday in ay jiraan shaqaale ka qaatada mushaaro in kabadan hal meel/hay’ad taas oo aan waafaqanayn nidaamka maaliyadeed ee dalka. 10. Guddiga waxaa usoo ifbaxday in amarka kharash bixineed ee khasanada dhexe oo si gaar ah awooda u siinaya xafiiska xisaabiyaha Guud in uu Bangiga dhexe ula wareegay si aan waafaqsanayn hab-raaca shuruucda maamluka maaliyadda ee dalka taas oo abuurtey; dibu dhaca kharash bixnta ayada oo dakhli ku filani ku jiro khasmnadda dhexe sida ku cad warbixinta Hantidhowraha Guud ee Qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxeynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose kula kulmay golaha wasiirada maamulkaasi iyo xildhibaano ka mid ah baarlamaanka. Kulanka oo ay qeyb ka yihiin xildhibaano ka tirsan Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayay xaaladda guud ee Siyaasadda Soomaaliya iyo horumarada uu gaaray maamulka Jubbaland. Kulanka ayaa sidoo kale ah mid lagu soo dhaweynayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqashadii ugu horeysay ku tegay Kismaayo tan iyo markii looga adkaaday doorashadii dalka ka dhacday 8 Bishii Febaraayo Sanadkii tegay ee 2019. Wafdiga Xasan Sheikh Maxamuud waxaa shalay magaalada Kismaayo usoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo masuuliyiin kale, waxaana la socday xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka.
  10. Magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka bilaabatay olole nadaafadeed, waxaana howlahan ay ka socdaan dhammaan 4-ta xaafadood ee magaaladaasi. C/risaaq Cali, xoghaya dowladda hoose ee B/weyne ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu faah faahin kaga bixiyey ololahan iyo sida ay wax u wadaan. Waxa uu tilmaamay in dadka hadda nadaafadda wada ay yihiin kuwo maamulka uu qorey, lagana soo xulay xaafadaha B/weyne. Isbedal badan oo dhanka nadaafadda ah ayuu sheegay in haatan laga dareemayo magaaladaasi. Goobjoog ayaa weydiisay qarashka la siinayo dadka nadaafadda ka wada magaalada B/weyne, maalintii. Wuxuu sheegay in xaafad walbo ay ka shaqeeyaan 30 qof, marka wadarta Afarta xaafadood la isku geeyana tahay 12, qofkii ayuu sheegay in maalin walbo la siiyo Labo doolar ($2), taa oo ka dhigan in qof walbo bishii la siiyo Lixdan Doolar ($60), isku guud ee nadaafadda B/weyne maalintii lagu bixiyana waa Labo Boqol iyo Afartan Doolar ($240). Dadka hadda nadaafadda ka shaqeeya ayaa u badan dad dan yar ah, waxaana ay ka rajeynayaan maamulka in qarash intaan ka badan ka helaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ee Hirshabelle ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi iney kala shaqeeyaan horumarinta iyo ammaanka. Axmed Meyre Makaraan, guddoomiyaha gobolkaasi ayaa sheegay in isku duubnida shacabka iyo maamulka ay keeni karto horumar dhan walbo ah. “Bulshada haddii ay mid tahay maamulkoodana la jiro waxaa hubaal ah in la gaarayo horumar” ayuu yiri guddoomiyaha. Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Shabellaha Dhexe ayaa mar uu ka hadlay arrimaha ammaanka wuxuu ka dalbaday shacabka gobolkaasi, iney u istaagaan sidii gacan loogu dhigi lahaa cid walbo oo amni darri wadda. Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa maalmahan dambe aad ugu dedaalayey sidii wax looga qaban lahaa xaaladda amni iyo tan bulsho ee gobolkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Xaalad deganaansho ah ayaa laga dareemayaa deegaanka Maamiye ee gobolka Mudug, halkaasi oo diyaarado dagaal ay duqeyn ka fuliyeen. Diyaaradahan ayaa bartilmaameedsaday gaari ay la socdeen dagaalyahanno ka mid ah Al-shabaab, waxayna dadka deegaanka sheegeen in mar qura la maqlay jug xooggan. Gaarigii bartilmaameedka ahaa ayaa gabi ahaanba burburay, balse lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay inta uu la egyahay. Xaaladda deegaanka Maamiye waa mid deggan, hase ahaatee nawaaxiga halka ay wax ka dhaceen dadkii deganaa ayaa isaga tagay si aanay dhibaato usoo gaarin. Duqeynta sidan oo kale ah ayaa inta badan waxaa dalka ka fulisa dowladda Maraykanka oo taageerta dowladda federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Deegaanka Dhumay ee gobolka Sool waxaa gaaray wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxaana ay la kulmeen waxgaradka deegaankaasi. Waxyaabaha ay ka wadhadleen ayaa ah sida loo helo karo xal waara oo ka dhasha deegaannadii lagu dagaallamay ee gobolka Sool iyo iney nabadda qaataan beelihii dagaallamay. Sidoo kale, waxgaradkan ayaa soo dhoweeyey kulanka magaalada Jigjiga uga socda waxgaradka Labadii beel ee ku dagaalantay gobolka Sool. “Waxaan qaadannay taladii iyo nabadda ay soo jeediyeen waxgaradka Soomaaliyeed, waxaana diyaar u nahay in wax walbo lagu dhammeeyo is faham iyo walaalnimo” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka Dhumay. Dagaal dhiig badan uu ku daatay ayaa ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool, waxaana socda dedaallada lagu xallinayo dagaalladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabelle ayaa sameysay xil ka qaadis iyo sidoo kale xil magacaabis. Wareegto kasoo baxday wasaaraddan ayaa waxaa xilkii looga qaaday Xuseen Cismaan Cali oo ahaa guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan. Sidoo kale waxaa xilka laga qaaday C/xakiin Maxamuud Xasan oo ahaa xoghayihii dowladda hoose ee B/weyne. Halkaan hoose ka akhriso: Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka degmada Beledxaawo ayaa shacabka degmadaasi iyo deegaanada ku dhow dhow kusoo rogay amar ka dhan ah Al Shabaab oo ku xoogan Gedo deegaano ka tirsan. Taliyaha Nabad sugidda Jubbaland iyo maamulka Degmada Beledxaawo ayaa si wadajir ah u shaaciyay digniin ka dhan ah dadka shacabka ah ee u xukun doonta deegaanada Al Shabaab ay ka maamulaan Gedo. Masuulyiinta ayaa sheegay in seddex kun oo doolar “$3000” lagu ganaaxi doono ciddii la ogaado inay u xukun doonatay Al Shabaab ama la macaamiishay xubno ka tirsan Al Shabaab. Guddoomiyaha degmada Beledxaawo oo amarkaasi kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wanaagsan ah uusan dhex oolin Al Shabaab iyo maamulka degmada, islamaraakana aan la aqbali doonin inay macaamiil tamaan Al Shabaab iyo shacabka. Maalmihii la soo dhaafay ayaa dadka degmada Baladxaawo waxaa soo wajahay cabsi, kadib markii ay Al-Shabaab kusoo dhawaadeen, waxaana jirta in Maamulka degmada uu ku amray Xaasaska Al-Shabaab inay degmadaasi isaga baxaan. Waxaanan ogeyn sida amarkaasi uu u dhaqan geli doono, maadaama Al Shabaab ay canshuur ka qaadaan dadka deegaanka sidoo kalana aysan cabsi amni darteed diidi karin amarka iyo u yeeritaanka al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. (SLT-Rome)-Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Talyaaniga. Waftiga madaxwaynaha oo ay qayb ka yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dawladda ayaa mudada sadexda maalmood ah ee ay dalkaasi joogaan waxa ay la kulmi doonaan Ra’iisal wasaaraha dalka Talyaaniga Giuseppe Conte iyo Madaxwaynaha dalkaas Sergio Mattarella. Source
  17. Dadka degan xaafad ku taal London ayaa sheegay in ay lama filaan ku noqotay in xaafadooda laga taago qoraal xusuus ah oo lagu xusayo madaxweynihii hore ee Ciraaq, Sadaam Xuseen. Qoraalkaas xuska ah oo ku xardhan bir naxaas ah ayaa laga taagay mid ka mid ah wadooyinka ugu mashquulka badan ee xaafadda Winstead ee duleedka London. Waana “qoraal lagu muujinayo kalgacal loo qabo Sadaam Xuseen” kaas oo lagu muujiyey taariikhdii uu dhashay ee 1937 iyo taariikhdii la dilay ee 2006. Qoraalkaa xuska ah ee halkaa laga taagay ee lagu muunaynayo keligii taliyihii hore ee Ciraaq waxa uu ka cadhaysiiyey dad badan oo ka mid ah kuwa xaafadaa degan. Wargeyska The Independent ayaa soo xigtay haweenay 38 jir ah oo halkaa ku nool in ay tidhi “run ahaantii aad baan u argagaxay. Hooyaday oo na soo booqatay baan la socday markaas uun baan isha ku dhuftay qoraalkaas, run ahaantii aad baan u dhibsaday, waxaanan isku dayey bal inaan hubsado in waxaan arkayaa dhab yahay iyo in kale”. Waxaanay hadalka ku dartay “waxaan is idhi malaha maaha waxaad mooday laakiin waxa aan aad uga cadhooday waa markaan hubsaday inuu yahay xaqiiq. Waxaan aaminsanahay in noloshii qof waxaas oo dhibaato ah baday dadka kalgacal loo muujiyaa in ay tahay arin fool xun. Hadii se ay maadaysi tahay xataa maaha wax lagu qosli karo”. Wargeyska The Sun ayaa isaguna af-hayeen u hadlay degmada Redbridge ka soo xigatay in uu yidhi “cidna ruqsad umaanu siinin in ay qoraalkaa taagaan, imikana waaba la fujiyey”. Sadaam Xuseen oo Ciraaq xukumayey in ka badan 30 sanadood waxa xukunka laga tuuray markii Maraykanku ku duulay dalkaas sanadkii 2003. Waxaana la dilay 2006 ka dib markii maamulka Ciraaq ku helay in uu geystay “dambiyo aadamaha laga galay”. Ilaa haatan lama oga in qoraalkaa goobta laga taagay ahaa mid loogu talo galay in dadka lagaga qosliyo iyo in ay ahayd mid uu si badheedha u taagay qof ka mid ah dadkii jeclaa madaxweynihii hore ee Ciraaq. Source
  18. (SLT-Israa’iil)-Xukuumadda Israa’iil ayaa u muuqata iney ka badbaadday burbur ku imaan lahaa, ka dib markii dhinac ka mid ah xulafada dowladda uu ka noqday hanjabaad ku saabsaneyd inuu ka baxayo isbahaysiga, taasoo kallifi lahayd in la qabto doorasho wakhtigeeda laga soo hormariyay. Naftali Bennett oo ka socda xisbiga Yuhuudda ee Jewish Home party ayaa horay u bidhaamiyay inuu ka bixi doono isbahaysiga, balse maanta oo isniin ah ayuu ku dhawaaqay inuu sii joogi doono. Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa maalmihii ugu dambeeyay wada hadallo la yeeshay wasiirrada xukuuumaddiisa, isagoo isku dayayay in isbahaysigiisu uu sii mideysnaado. Xasaradda siyaasadeed ayaa billaabatay ka dib markii uu xilka iska casilay wasiirkii gaashaan dhigga ee Israa’iil, isagoo ka careysan xabbad joojin ay Israa’iil la gaartay mintidiinta ku sugan magaalada Qasa, go’aankaasoo isaga iyo siyaasiyiin kale ay ku tilmaameen “isdhiibitaan”. Mr Bennett ayaa sheegay in uu xisbigiisa kala bixi lahaa isbahaysiga haddii aan loo magacaabi lahayn wasiirka gaashaan dhigga. Mr Netanyahu ayaa xilkaas si ku meel gaar ah usii hayay tan iyo markii uu wasiirkii hore iscasilay. Tallaabada uu wasiirkii difaaca uga baxay dowladda xisbigiisana uga saaray isbahaysiga ayaa sababtay in xukuumadda Netanyahu ay hal kursi oo qura aqlabiyadda uga heysato baarlamaanka ka kooban 120-ka xubnood. Muxuu xisbiga muhiimka u ah isbahaysiga u baddalay ra’yigiisi hore? Wasiirka waxbarashada Naftali Bennett, oo hoggaamiya xisbiga saddexaad ee ugu weyn isbahaysiga ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in isaga iyo wasiirka caddaaladda Ayelet Shaked ay sii joogi doonaan haddii uu ra’iisul wasaaraha wax ka qabanayo xaaladda “amaan darrada ee heerka xun gaartay”. “Haddii uu Ra’iisul wasaaruhu si dhab ah u wajaho waxyaabaha uu qorsheynayo, anigoo raba inaan rumeysto hadalladiisii xalay, waxaan halkan ka caddeynayaa inaan la noqon doonno dalabaadkeennii siyaasadeed isla markaana aan ku garab istaagi doonno howlgalka ku aaddan in Israa’iil ay mar kale guuleysato” ayuu yiri mar uu la hadlayay war fidiyeenka. Xiisadaha siyaasadeed ee soo food saaray Benjamin Netanyahu ayaa yimid xilli ay muddooyinkii lasoo dhaafay socdeen rabshado soo cusboonaaday oo u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo Israa’iil. Maalintii Talaadada ahayd ayey heshiis xabbad joojin ah isku waafaqeen Israa’iil iyo ururka xamaas, kadib markii ay dadaal dhexdhexaadin ah sameysay dowladda Masar. Source
  19. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Golaha Midowga Yurub ayaa waqtiga u kordhiyay howlgalkooda dhanka tababarada ee Ciidamada dowladda Soomaliya, kaas oo la gaarsiiyay 31 December ee sanadka 2020-ka. Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa meel mariyay Miisaaniyada howlgalkaasi oo oo gaareysa 22.9 Million oo Euro, taas oo loogu talagalay howlgalka laga bilaabo 1 bisha January ee sanadka 2019-ka illaa 31 December ee 2020-ka oo uu ku egyahay waqtiga howlgalkooda. Howlgalka dhanka tababarada ee Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa tababaro iyo latalin joogta ah siiya saraakiisha iyo Ciidamada dowladda, gaar ahaan Ciidanka Milatariga oo dagaal kula jira Xarakada Al Shabaab. Midowga Yurub ayaa ka mid ah Ururada caalamiga ah ee sida weyn u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. The post Midowga Yurub Oo Waqtiga u kordhiyay Howlgalkiisa Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay isbadalada lagu sameeyo golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee deg dega ah. Xildhibaan Daahir Jeesow, ayaa soo jeediyay inay muhiim tahay in xubnaha golaha wasiirada ay la shaqeeyaan xukuumadda inta taladda madaxweynaha uu hayo, si ay u fahmaan hanaanka shaqo wax badanna ay u qabtaan. Xildhibaanka ayaa sheegay inay dhacday marar badan in wasiiro xafiiska Fadhiyay muddo seddex bil ah xilka laga qaaday, taasi oo dhalin karto niyad jabka wasiirada kale ee shaqada haya, islamarkaana aysan halkaasi shaqo wanaagsan ka qabsoomi karin. “Waxaan soo jeedinayaa in golaha wasiirrada ay afarta sano la dhameystaan madaxweynaha, si shaqo wanaagsan ay u qabtaan, waxaad arkeysaa wasiir seddex bil xafiiska joogay oo xilka laga qaaday, taasi niyad jab wasiirada kale ah ayay keeneysaa”ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Daahir Amiin Jeesow, oo mucaarad ahaa ayaa hadda saaxiib dhow la ah xafiisyada seddexda masuul ee ugu sareyso dalka, waxaana hadalkaan uu jeediyay xilli uu ka hadlayay shirka golaha baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. (SLT-Cadaley)-Wararka laga helayo deegaanka Cadaley oo u dhaw degmada Xaradheere ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqaymo ka gaystayn halkaasi. Waxaa lasoo warinayaa in duqeynmahaas lagu bartilmaansaday maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Dadka deegaanka ayaa VOA u xaqiijiyey in duqeyntan ay dhacday. Wararka ayaa intaa sku daraya in duqayntan ay bartilmaameedsatay laba baabuur oo ay leeyihiin maleeshiyada Al-Shabaab. Malayshiyada Al-Shabaab ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka waday deegano hoostaga Xaradheere, waxaana muddooyinkii dambe jiray iska hor imaadyo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Al-Shabaab kadib markii dadka deegaanka ay ka biyo diideen ammaro ay kooxda kusoo rogtay Ilaa ahadda lama xaqiijin dadka la bartilmaameedsaday iyo khasaaraha ka dhashay duqayntan. Duqayntan waxaa kale oo tebiyey warbaahinta dawladda Soomaaliya oo sheegtay in la bartilmaameedsaday baabuur ay leedahay Al-Shabaab. Source
  22. (SLT-Yemen)-Maleeshiyaadka shiicada ah ee dalka Yemen ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin xabad joojin isla markaana balanqaaday inay joojiyeen gantaaladii iyo duqeyntii kale oo ay la beegsan jireen Sacuudiga iyo Xulafadiisa. Go’aanka xabad joojinta ah ee Xuuthiyiinta ayaa lagu dhawaaqay xili uu dagaal culus ka socdo magaalada Xudeydah oo maalmihii lasoo dhaafay ku dhinteen boqolaal dad ah. Xuuthiyiinta ayaa sheegay in tilaabadan ay doonayaan inay Beesha Caalamka ugu muujiyaan inay dhankooda kasoo horjeedin waan waanta nabada, waxayna sheegeen in Sacuudiga uu yahay kan weli sii wada dagaalka iyo duqeynta. “…Maadaama Sacuudiga uu mudooyinkii danbe mar-marsiinyo ka dhigtay in duqeynta iyo gantaalada Xuuthiyiinta ay sabab u tahay duulaanka uu ku hayo wadanka Yemen ayaan waxaan go’aansanay inaan dhankeena joojino duqeynta aan ku wadnay Sacuudiga si ay u cadaato cida duulaanka wada….” ayuu yiri Maxamed Al Xuuthi oo kamid ah hogaamiyayaasha xuuthiyiinta oo xiligan cadaadis militari kala kulmaya xulafada Sacuudiga oo la wareegay qeybo kamid ah nawaaxiga magaalada Xudeydah. Boqortooyada Sacuudiga ayaa todobaadkii hore sheegtay inay aqbashay mid kamid ah sharuuda Xuuthiyiinta horey ugu xireen wadahadalka nabadeed oo ay Qaramada Midoobay wado, sharuudaasi oo ahayd in maleeshiyaadka dhaawaca ah ee Xuuthiyiinta dibada loogu qaado, gaar ahaan dalka Cumaan. Waxaanse weli cadeyn in Sacuudiga uu xiligan Aqbali doono xabad joojintan iyagoo dadaal ugu jira inay la wareegaan magaalada Xudeydah iyo dekkada weyn ee ku taal kahor intaan la gaarin shirka ay Qaramada Midoobay qaban-qaabineyso dhamaadka sanadkan. Source
  23. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta dhamaan la fasaxay shaqaalaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Munaasabadda dhalashada Nabigeena Muxumed (SCW) ayaa maanta ku beegan, taas oo la xuso sanad weliba 12-ka bishani Mowliid ee aynu ku guda jirno. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-Shaqaalaha Dowladda Oo maanta la fasaxay appeared first on Shabelle. View the full article
  24. (SLT-Nairobi)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu yeeshay ciidammo cusub gaar ah oo ilaalin doono badda isla markaasna la socon doono dhaqdhaqaaqyada howlaha ammaanka badda. Waxaa la filaya in ciidammadan cusub uu sannadka kasta ku baxo qarash gaarayo 10Milyan doolaar. Ciidammadan ilaalada badda ee Kenya yeelatay ayaa ka hortaggi doonaa badeecadaha sharci darrada ah,daroogada iyo kalluumaysiga sharci darrada ah. Madaxweynaha Kenya oo ku sugnaa munaasabad ka dhacday agagaarka badda Mombasa wuxuu ku amray ciidammada inay soo qabtaan doomaha shisheeye ee sida sharci darrada uga kalluumaysanayo badda Kenya. Kalluumaysatada Kenya ayaa in muddo ah ka cabanayay tacaddiyo ay kala kulmaan ciidammada Uganda ee ku sugan harada Victoria gaar ahaan dhul lagu muransan yahay. Ammaanka xeebaha Kenya waxaa inta badan ilaaliya ciidammada militariga ee loo tabbabaray ilaalinta halkaasi balse hadda waxay diiradda saari doonaan arrimaha ammaanka iyo militariga maadama dalkaasi uu yeeshay ciidammo u gaar ah ilaalinta biyaha. Source
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Xogo aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in shirkii golaha wasiirada Hirshabeelle ee shalay uu ka dhashay Buuq iyo isfaham waa dhexmaray qaar ka mid ah golaha wasiirada HirShabeelle. Lataliyaha madaxweynaha Hirshabeelle ee dhanka Warfaafinta Xasan C/qaadir Muudeey, ayaa isku dayay in golaha wasiirada uu horgeeyo Barnaamijka Socdaalka Hirshabeelle oo ah barnaamij uu dhaqaalo badan ku baxayo isagana uu diyaariyay. Barnaamijkaasi ayaa sida qorshaha uu yahay waxaa la doonayaa in Fanaaniin iyo Wariyaal aan deegaanka kasoo jeedin la geeyo deegaanada Hirshabeelle si ay dhaqaalo badan ugu cunaan mashruuca Nabadeynta oo Muudeey soo abaabulay. Arintaasi ayaa buuq ka dhex dhalisay shirka golaha wasiirada, waxaana wasiirada qaar ay sheegeen in xeer hoosaadkooda uu dhigayo in shaqsi aan wasiirada kamid aheyn uusan barnaamij horgeyn karin golaha wasiirada si loo ansixiyo.. Kadib wasiirada ayaa diiday in mashruucaasi uu golaha horgeeyo shaqsi aan wasiir, wasiir kuxigeen ama wasiiru dowle aheyn, taasi oo keentay in wasiirada qaar ay ku doodaan in xeer hoosaadka ay jibayaan oo mashruucaasi la ansixiyo. Lataliyaha madaxweynaha ee dhanka saxaafadda oo markiisii hore mucaarad ku ahaa Hirshabeelle ayaa xilkaasi loo dhiibay iyadoo lagu aamusinayo, waxaana kadib uu bilaabay inuu cadaadis saaro warbaahinta deegaanada Hirshabeelle. Qaar kamid ah xildhibaanada kamid ah guddiga warfaafinta baarlamaanka ayaa ka dhiidhiyay in wariyaasha deegaanada Hirshabeelle iyo fanaaniinta deegaanka aysan ka mid ah qorshaha socdaalka ee uu diyaariyay Lataliyaha madaxweynaha ee dhanka warfaafinta oo doonayo in shaqsiyaad uu yaqaano kamid noqdaan qorshahaan, kuwaasi oo Muqdisho ku sugan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com