-
Content Count
210,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Rome (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo magaaladda Rome kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte ayaa sheegay in dib u xoojinta xiriirka labada dal uu yahay qorshe mudnaan gaar ah u leh Dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Raiisul Wasaaraha dalka Talyaaniga kaalinta uu dalkaasi kasoo qaatay dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada maamulka iyo ciidanka, isagoona tilmaamay in kaalintaas oo kale ay haatan ka filanayaan madaxda dalka Talyaaniga. Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa si wada jir ah u bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ku salaysan saaxiibtinimada iyo dan-wadaagga ee ka dhaxeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Dowladda Talyaaniga in ay ku dhiirrigeliso ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Talyaaniga in ay maalgashadaan Soomaaliya iyagoo ka faa’iideysanaya fursadaha kala duwan ee haatan ka jira Soomaaliya. “Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay wadaagaan xiriir taariikhi ah oo ku qotoma iskaashi dhaqaale, mid dhaqan iyo saxiibtinimo soo martay heerar kala duwan, waana tan udub dhexdaadka u ah in la xoojiyo xiriirkeena soo jireenka ah si aynu horumar iyo barwaaqo u gaarsiinno labadeenna shacab.” Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Conte ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda, wuxuuna adkeeyay in ay dowladdiisu ka go’an tahay wadashaqeynta iyo taageerada ay u hayaan Soomaaliya, isagoona bogaadiyey horukaca ay sameysay Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay hindisaha Dowladda Soomaaliya ee maalgashadayaasha Talyaaniga si ay ganacsatada Talyaaniga u maalagashadaan Soomaaliya. Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaare Conte horumarka iyo soo kabashada ay hadda ku jirto Soomaaliya iyo sidii labada dowladood u yeelan lahayeen iskaashi iyo wax-wada-qabsi. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Conte ayaa isku raacay ina y sii wadaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dawladood, iyada oo loo marayo istiraatiijiyad faa’iido wadaag ah oo dan u ah labada dal iyo shacab sii loo xoojiyo xiriirka dhaqaale iyo dhaqan ee ay wadaagayaan labada dal.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeri ah ayaa waxay kasoo baxayaan dagaal culus oo ciidanka xooga dalka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka degaanka Jilib-Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose. Gudoomiyaha gobolka Maxamed Ibraahim Barre oo wareysi gaar ah siiyay idaacada Shabelle ayaa xaqiijiyey in dagaalka uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo uu ka gaabsaday inuu shaaciyo tiradda. Barre ayaa daboolka ka qaaday in dagaaka uu yimid kadib markii ciidanka dowladda ay ku qaadeen meesha ay wax ka dhaceen howlgal ka dambeeyay markii ay heleen xog ku saabsan inay isku uruursanayaan xoogaga Shabaab. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu cod dheer ku qeexay inay dagaalka ku qabsadeen tuulo duleedka uga taala degaanka Jilib Marka oo jihada Bari kaga toosan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose. Hoos ka dhageyso wareysiga Gudoomiyaha http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Gudoomiyaha-G-Sh-Hoose-Maxamed-Ibraahim-Barre-.mp3 The post Ciidanka DFS oo la wareegay degaan muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineeynaa barnaamijka Qubanaha. Halkaan hoose ka dhageyso http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar___-Qubanaha-Shabelle-20112018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shaballe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dhowrkii maalmood ina soo dhaafay waxa magaalada Gabiilay ka taagnaa kulano xaasaasi ah oo ay xukumadda Muuse Biixi dabada ka riixaysay, kulamadaasi ayaa ay xukumadda Muuse Biixi soo qaban qaabisay waxana ay salka ku haysaa hadalkii todobaadkani ka soo yeedhay suldaanka guud ee Jibriil Abokor suldaan Ismaciil isla markaasina ka mid ah salaadiinta waaweyn ee beelaha Awal. Todobaadkani ayaa uu Suldaan Ismaciil uu xaalada uu dalku marayo ee halista ah ka warbixiyay waxana uu sheegay in intii xukumadda Muuse Biixi timid uu dalkii iyo dadkiiba qaybsamay oo qaybo ka mid ah dalka ay ka abuurmeen Jabahado, waxna uu suldaanku ka dayriyay xaalada uu dalku maraayo ee uu u gaystay maamulka cusub ee Muuse Biixi. Hadaba isga oo madaxweyne Muuse Biixi arintaasi aad uga gubtay ayaa waxa uu dhaq dhaqaajiyay Taliyaha ciidanka qaranka oo uu u diray gobolka Gabiilay waxana uu isugu yeedhay cuqaasha beesha Suldaan Ismaciil waxana uu ka codsaday in ay u jawaabaan suldaanka, arintaasi oo ay gabi ahaanba cuqaashu ku gacan saydhay una sheegeen in ayna u jawaabi doonin suldaankooda isla markaasina ayna arkin waxa ay ku taageeraan xukumadda Muuse Biixi oo ay siiyeen codkii ugu badnaa taasi oo Nuux Taani loo sheegay in uu candhuuftiisa dib u liqo, laguna khasaaray codkii la siiyay xisbiga Kulmiye iyo madaxweyne Muuse Biixi, halkaasi oo uu Nuux taani dib ugu laabtay Hargeysa, isla markaasina uu wargaliyay madaxweynaha waxii ay kala muteen isga iyo cuqaashu. Hadaba waxa uu Muuse Biixi soo dirar oo ilaa hada Gabilay ku sugan Suldaan Xasan oo ka soo jeeda beesha madaxweynaha iyo cuqaal uu hogaaminaayo, waxna uu suldaanku xalay ku guuldaraysatay in uu helo cod midaysan oo lagu canbaareeyo suldaan Ismaciil walow ay jiraanxubno aqblay in la canbaareeyo suldaan Ismaciil hadana sidii ay xukumaddu doonaysay looma hayo dad culus oo suldaan Ismaciil u jawaaba. Halkani ka daawo hadaladii suldaan Ismaciil oo ah kuwo xaqiiq biyo kama dhibcaan ah. Qaran News
-
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo kamid ah gollaha wakiillada baarlamaanka Somaliland ayaa hadalkaasi xamaasadda leh ee maanta Biixi uu jeediyay ku taageeray. Wuxuu sheegayaa in dowladda federaalka ay ka nabad heli la’yihiin. Wuxuu dowladda federaalka ku eedeeyay in ay hakad galisay wada hadalladii u socday labada dhinac, kuwaasoo muddooyinkii dambe hakad galay. “Kun sano haddii aan weyno ictiraafna kuma noqonayno Soomaaliya iyo midowgii dhacay 1960” ayuu yiri. Sidoo kale, wuxuu difaacay dalab ka yimid Somaliland oo ahaa in laba dowladood oo siman ay u wada hadlaan taas oo la sheegayo in wada hadalka arrimaha hakadka galiyay ay kamid tahay. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/XIL-NACNAC-SOMALILAND-20-11-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka federaalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed. Xildhibaan Maxamed Jawaari oo deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed ayaa waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhaba, iyadoona soo dhaweyntiisu ay ka qeyb galeen qaar kamid ah Musharixiinta u taagan Hogaanka Koonfur Galbeed, Waxgarad iyo Shacab farabadan. Xildhibaan Maxamed Jawaari ayaa Baydhabo u tegay la socodka doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi oo dhowaan la filayo inay ka dhacdo Baydhabo. Prof. Jawaari ayaa ujeedkiisu yahay sidii uu ula socon lahaa Arimaha Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee la filayo inay dhawaan ka dhacdo Magalada Baydhaba. Waxaa la filayaa in kulamo uu magaalada kula qaato masuuliyiin kale duwan iyo bulshada qeybaheeda kale duwan. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)Ururka u dooda xuquuqda dadka muslimiinta ah ee ugu weyn dalka Mareykanka iyo gabadha uu dhalay madaxweyne Donald Trump ayaa taageeray isku day ay gabar muslim ah oo ka soo jeedda Soomaaliya ku dooneyso in wax looga baddalo sharci muddo aad u dheer ka jiray aqalka wakiillada Mareykanka, oo ah inaan madaxa lagu daboolan Karin gudaha aqalkaas. Ilhaan Cumar oo ah gabar qaxooti ah oo Soomaaliya ka timid, isla markaana dhawaan loo doortay xubinnimada aqalka wakiillada ee Koongareeska Mareykanka, ayaa ku biirtay olole ay hoggaamiyeyaasha xisbiga dimuqraaddiga ku doonayaan in wax looga beddelo xeer uu aqalkaas ku dhaqmayay muddo 181 sano ah. Arrintan ayey siyaasiyiinta xisbigaasi ku damacsan yihiin in golaha wakiillada loogu fasaxo qodobbada la xiriira diimaha ee daboolidda madaxa, sida xijaabka muslimiinta, koofida Yuhuudda iyo duubka. Isbaddalladan ayaa qeyb ka ah qodobbo ay soo bandhigeen mas’uuliyiinta sare ee xisbiga Dimuqraaddiga, oo ay ka mid tahay hoggaamiyaha laga tirada badan yahay ee aqalka wakiillada, Nancy Pelosi. Bisha Janaayo ee sannadka foodda nagu soo haya ayaa la filayaa in la ansixiyo qodobbadaas marka ay Dimuqraaddigu si rasmi ah ula wareegaan aqlbiyadda aqalka Koongareeska. “Ma jirto cid igu khasbeysa inaan madaxeyga xijaab ku daboolo laakiin aniga ayaa doortay. Waa dookheyga – waana arrinta ugu horreysa ee isbaddalka lagu sameynayo” ayey Ilhaan Cumar ku tiri qoraal ay baraha bulshada soo dhigtay. Qoraalkeeda ayey sii raacisay “Tanina ma aha wixii ugu dambeeyay ee aan doonayo inaan xayiraadda ka qaado”. Isku daygan ayaa hantay taageerada ururka xiriirka Mareykanka muslimiinta ah. “Waxaan taageereynaa dadaalka lagu doonayo isbaddalka xeerarka aqalka, waxaana soo dhaweyneynaa in golaha wakiillada uu noqdo meel si xornimo ah looga dhaqmo diimaha” ayuu yiri Nihad Awad oo ah agaasimaha guud ee ururkaas. Waxaa sidoo kale u riyaaqday gabadha uu dhalay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee lagu magacaabo Ivanka Trump. Qoraal ay Ivanka soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku tiri “Isbaddal sharci oo muhiim ah ayaa lagu sameyn doonaa aqalka Koongareeska”. Marka 3-da bisha Janaayo uu furmo kalfadhiga aqalka Koongareeska ee 116-aad ayaa waxaa kuraastiisa kasoo muuqan doona tiradii ugu badneyd abid oo haween ah iyo dadka laga tirada badan yahay oo ay ku jiraan dadka ku hadla luuqadda Isbaanishka, Mareykanka madow, dadka Mareykanka ee asalka ah iyo xubno ka tirsan dadka isku jinsiga ah ee isguursada iyo kuwa labeebka ah. Jim McGovern oo ka tirsan xisbiga dimuqraaddiga ayaa la filayaa inuu shir guddoomiyo golaha. Sharciyada ku saabsan daboolista madaxa ayaan waxtar u lahaan doonin xildhibaannada qaar, sida haweeneyda lagu magacaabo Frederica Wilson oo caan ku ah iney xirato koofiyado midabbo kala duwan leh, horayna dadaal dheer ugu jirtay in aqalka laga qaado mamnuucista in madaxa la daboolo. Maadaama koofiyadda aysan diin la xiriirin, Wilson ayey wali mamnuuc ka ahaan doontaa iney koofiyad ku xirato golaha koongareeska dhexdiisa. Source
-
(SLT-Washington)War ka soo baxay ciidamada Maraykanka gaar ahaan qeybta Afrika ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya ciidamada dowlada Soomaaliya ay duqeymo ka fuliyeen deegaanka Dabad Shiil oo ku dhow degmada Xaradheere ee gobolka Mudug. Qoraal ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in labo duqeyn ay ka fuliyeen deegaanka Dabad Shiil lagu dilay illaa 37 dagaalame. “Duqeynta hore waxaa lagu diley 27 ka mid ah maleeshiyaadka ALshabaab,halka duqeyn labaadna lagu diley toban ka mid ah Al-Shabaab”ayaa lagu yidhi qoraalkan ka soo baxay Africom. “Waxaan qiimeyneynaa in tiro intaa ka badan ay wax ku noqdeen iyo weliba in aan qiimeyno in dad rayid ah aysan wax ku noqon.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ciidamada Maraykanka. Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in qorshaha weerarkan uu ahaa mid ay iska kaashadeen ciidamada dowlada federalka ayna sii wadi doonaan duqeymaha ay ciidamada Maraykanka ka wadaan deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab. Duqeynta ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Maraykanka ayaa sanadkan sare u kacay iyadoo duqeyntana ay tahay mid gobolo kala duwan ay ka dhaceen. Source
-
Madaxweynaha Somaliland ayaa magaalada Burco uga soo hanjabay dowladda federaalka, isagoo ka hadlayay xaaladda geeska Afrika. Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan safar ugu baxay goballada dhaca Bariga Somaliland ayaa waxa uu maanta gaaray magaalada Burco ee Xarunta gobalka Togdheer. Isagoo dadweyne kula hadlayay magaaladaasi Burco waxa uu soo hadal qaaday xaaladda wadamada gobolka iyo isbahaysiga dowladda federaalka, xukuumadda Itoobiya iyo maamulka Eratariya. Wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka aynaan waxba yeeli karaynin, isagoo tilmaamay in gollaha ammaanka ee Qaramada Madoobe ay geeysay bayaan sheegaya in lala maquuniyo Somaliland sida uu Biixi Cabdi hadalka u dhigay. Waxaa uu sidoo kale Biixi kaga hadlay arrimaha doorashooyinka golayaasha Somaliland oo dhowaan buuq badani uu hareeyay. Madaxweynaha Somaliland Biixi ayaa sheegay in doorashooyinkii Somaliland ka dhici lahaa horaanta sanadkan uu dib u dhac ku yimid balse xisbiyada mucaaridka uu ku rajo weyn yahay inay xal ka gaadhan marka la gaadho sanadka 2019. Sidoo kale colaad beeleedyo ka taagan Somaliland ayuu soo hadal qaaday, isagoo ku baaqay in laga shaqeeyo nabadgalyada. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/CODKA-MW-BIIXI-20-11-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Baydhabo waxaa si xowli ah uga soconaya diyaargaroowga doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed. Doorashada oo lagu waday in ay dhacdo 17-kii bishaan ayaa dib u dhac uu ku yimid waxaana la muddeeyay dabayaaqada isla bishani in ay qabsoomayso. Fowzi Cabdinuur oo kamid ah ururrada bulshada Baydhabo oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inuu jiro gaabis ka muuqda shaqada guddiga doorashada madaxtinimada islamarkaana ay sabab u tahay dib u dhaca doorashada. Aqoonyahanka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in howsha si dardar leh loo wado si looga baaqsado dib u dhac kale oo laga cabsi qabo. Waxaa sidoo kale uu xusay jiritaanka faragalin arrinaas oo waxaa weeye wararkeedu uu in muddo ahba ka soo yeerayay Baydhabo. Waxaa sidoo kale wax ka weydiinnay xaaladda magaalada, diyaargaroowga doorashada iyo aragtida bulshada sida ay tahay. HOOS KA DHAGEYSO: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Baydhabo ee gobolka Baay gaaray guddoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari. Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyadoo ay kaga hortageen garoonka diyaaradaha ee magaalada. Guddoomiyihii baarlamaanka ayaa ka sheegay magaalada Baydhabo in masiirka shacabka Koonfur Galbeed uu ku jiro gacanta xildhibaanada baarlamaanka, ayna xor u yihiin inay doortaan cidda ay doonaan. 7 Maalin kadib waxaa magaalada Baydhabo ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo guddiga doorashada aysan wali bilaabin qabashada araajida musharixiinta Koonfur Galbeed. Socdaalka Jawaari ayaa la rumeysan yahay inuu la xiriiro doorashada, waxaana waxana soo baxaya inuu kulamo la qaadan doono xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed. ma cadda musharaxa uu taageersan yahay. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mareykanka oo war kasoo saarey duqayn uu ka filiyay Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ayaa wuxuu sheegtay in duqayn diyaaradeed oo ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan xoogaga Al-Shabaab. Weerarka cirka ah oo uu talisku tibaaxay inay ka dhacday nawaaxiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo ahayd labo duqayn ayuu shaaciyay Mareykanka inuu ku khaarijyeen ku dhawaad 30 xubnood. Ma jiro war rasmi ah oo ay kooxda Al-Shabaab kasoo saartay duqayntaan, oo shalay oo Isniin ahayd dhacday. Mareykanka ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay sarre u qaaday weerarada dhinaca cirka ah ee uu ka fulinayo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isaga oo beegsanaya Saldhigyada Al-Shabaab iyo goobaha kale oo ay ku sugan yihiin. The post Mareykanka oo war kasoo saarey duqayn uu ka filiyay Somalia appeared first on Shabelle. View the full article -
Roma (Caasimadda Online) – Isniintii shalay aheyd, dalka Talyaaniga waxaa booqasho rasmi ah ay uga wada bilaabatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Amiirka Qatar Tamiim Bin Xamad. Booqashadan oo ah markii ugu horeysay oo mid weliba uu Talyaaniga tago ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan in qorsha iyo barnaamijka labada mas’uul uu ku jiro inay is arkaan. Villa Somalia ayaa isniintii sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu Talyaaniga ku tagayo booqasho 3 maalin ah halka isla isniintii ay Amiir Tamiim Roma uga bilaabatay booqasho 2 maalin ah. Amiir Tamiim oo ka yimid Croatia ayaa ilo halkaasi ku sugan waxaa ay sheegayaan in lagu wado inay is arkaan madaxweyne Farmaajo, taasi oo ah is-arag dadban, oo ka duwan midkii indhaha Soomaalida, gobolka iyo Caalamka arki jireen ee ka dhici jiray caasimadda Doxa. Madaxweyne Farmaajo waxaa uu Qatar u booqday 2 jeer, May 2017 iyo May 2018, isaga oo xiriir fiican la leh Doxa, go’aan dhex-dhexaadnimo ahna ka qaatay xiisaddii Khaliijka. Wixii wararkan, ka soo baxa, Kala soco, Caasimadda Online Caasimada Online Xafiiska Roma Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-20112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jabuuti (PP) ─ Xulalka kubbadda cagta 23-jirada Somalia ayaa guul ka gaaray xulka Itoobiya oo kulankii labaad ee is-reeb-reebka ciyaaraha Olombikada Adduunka ay ku yeeshay garoonka AL-Haji Guled ee magaalada Jabuuti. Cayaartoyda Xulka Somalia ayaa ku badiyay cayaartii galabta 1-0, waxaana guusha xulka 23-jirada Somalia looga dabaal-degay Garoonka oo Soomaali badan ay ku sugnaayeen. Kulankii ka horreeyay midkan ayaa xulka Somalia waxaa looga adkaaday 4-0, iyadoo xulka Smalia ay guul-darro weyn kala kulmeen cabaartaas oo ka dhacday magalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya. Goolka xulka Soomaaliya oo ahaa laad toos ah ayaa waxaa u dhaliyay Feysal Xasan Axmed oo ka mida lacibiinta qurbe-joogta ee xulka ka mid noqday, iyadoo guushan ay noaqonayso mid soo celinaysa rajadii Soomaaliya. Dhanka kale, Ma ahan markii ugu horreysay oo xulka Somalia ay sidan oo kale uga adkaadaan xulka Itoobiya, balse dhawr jeer oo hore ayay dhacday, inkastoo xulka Somalia aysan u soo bixin tartankii cayaarihii loo loolamayay. Ugu dambeyn, Cayaartoyda xulka Somalia ayaa waxaa ku socda isbedel aad u weyn, iyadoo la doonayo inuu isbedel ku yimaado heerka cayaaraha dalka, iyadoo xulka Somalia uu guul-darrooyin badan la kulmay tan iyo markii dib boorka looga jafay, sannado ka hor. PUNTLAND POST The post Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo Maanta afka ciidda u daray Xulka Waddanka Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Washington (PP) ─ Gabadha uu dhalay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ee lagu magacaabo Ivanka Trump ayaa taageertay Ilhan Omar oo ka soo jeedda Somalia, dhawaannaha ku biirtay Congaress-ka Mareykanka. Tallaabadan ayaa salka ku haysa isbedel ay doonayso in lagu sameeyo sharci muddo dheer u yallay Aqalka Wakiillada Mareykanka oo ah inaan madaxa lagu daboolan karin gudaha aqalkaas. Ilhan Omar oo dhawaan noqotay Gabadhii u horeysay ee Muslim ah oo ka xijaaban madaxa oo loo doortay xubinnimada Koongareeska Mareyaknka ayaa wadda olole uu wado xisbigeeda Dimuqraaddiga oo ay ku doonayaan in wax looga beddelo xeerkan oo lagu soo dhaqmayay 181 sanadood. Sidoo kale, Arrintaan ayay siyaasiyiinta xisbigaas ku damacsan yihiin in golaha wakiillada loogu fasaxo Qodobbada la xiriira diimaha ee daboolidda madaxa, sida xijaabka muslimiinta, koofida Yuhuudda iyo duubabka kale. Dhanka kale, Sannadka soo socda ayaa la filayaa in la ansixiyo qodobbadaas marka ay Dimuqraaddigu si rasmi ah ula wareegaan Aqlbiyadda Congress-ka Mareykanka, inkastoo aan la ogeyn tallaabada uu qaadi doono Trump marka la ansixiyo qodobbadan. “Ma jirto cid igu qasbaysa inaan madaxeyga xijaab ku daboolo, balse aniga ayaa doortay. Waa dookheyga, waana arrinta u horreysa ee isbedelka lagu sameynayo. Arrintan ma aha wixii ugu dambeeyay ee aan doonayo inaan xayiraadda ka qaado,” ayay tiri Ilhan Omar. Ivanka Trump ayaa taageertay arrinta isbedelka ay dooneyso Ilhan Omar in lagu sameeyo Congress-ka, waxayna qoraal ay soo dhigtay Twitter-keeda ku tiri “Isbadel sharci oo muhiim ah ayaa lagu sameyn doonaa aqalka Koongareska.” Ugu dambeyn, Madaxweynaha Mareykanka ee dhalay Ivanka ayaa waxaa lagu yaqaanaa hadallo muslim nacayb ah, iyadoo aan la ogeyn sida ay iskula jaan-qaadi karaan go’aannadiisa iyo taageerada gabadhiisa ay siinayso Ilhan Omar. PUNTLAND POST The post Gabadh uu dhalay Madaxweyne D. Trump oo Tageertay Ololaha ay Waddo Ilhaan Cumar appeared first on Puntland Post.
-
script async src=”//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js”> Qaab noocee ah ayaa loo sameeyey Gudigii Khilaafaadka Doorashadii tan ka horaysay ee 2014. Madaxweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa wuxuu 3 Decembar 2013 uu magacaabey Gudiga khilaafaadka Doorashadii 2014 kaasoo koobnaa 8 xubnood, Waxaa Gudigaas durba ka horyimid Musharixiintii u tartami lahaa Madaxweynanimada, Xubnahaas waxaa kamid ahaa oo hogaaminayay Madaxweynaha Xilka hada haya oo markaas Musharax ahaa Iyo Cali Xaaji Warsame oo isna Musharax ahaa isla markaasna ahaa Afhayeenka Musharixiinta. Muran xoogan ayaa wuxuu xiligaas ka dhashay Gudigii uu Madaxweyne Faroole uu Magacaabay, Madaxweyne Faroole wuxuu ku adkeysanayay inuu isagu sharci u leeyahay inuu Magacaabo Gudiga Khilaafaadka Doorashada halka ay Musharixiintii oo uu hogaaminayay Prof. Cabdiwali Maxamed Caligaas ay iyana ku adkeysteen in iyaga laga talo galiyo magacaabista Gudigaan , Khilaafku wuxuu gaaray in Isimada Puntland iyo Ergaygii gaarka ahaa ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya ay Garowe yimaadaan si ay uga qaybqaataan xalinta khilaafka Madaxweynaha iyo Musharixiintii. Aakhirkii is jiijiid,Muran Siyaasadeed iyo Shirar wada tashi kadib waxay Musharixiintii soo jeediyeen in ay aqbalaan gudiga iyagoo hal sharuud ku xiray Madaxweyne Faroole Sharuudaasoo ahayd in Gudiga Khilaafku ay hoos yimadaan Marjacna ay u noqdaan Isimada Soo jireenka ah ee Puntland, Sidaas ayay ku howl galeen Gudigii uu Magacaabay Madaxweyne Faroole. Gudigaas waxay ku guuleysteen in si muran la’aan ah ay ku xaliyaan ddacwadaha la xiriira Beelaha Xildhibaanada isku haystay. Madaxweyne Gaas oo xiligaas kamid ahaa Musharixiintii 2014, Ma wuxuu mari doonaa wadadii Faroole oo wuxuu iskii usoo magacaabayaa Gudi Khilaafaad mise wuxuu kala tashanayaa Musharixiinta Puntlandi.com Source
-
Iyadoo wali wakhti ka harsan yahay xiliga kama dambeysta ah lagu diyaarinayo 66 Xildhabaana cusub ee Puntland ayaa waxaa hada si dardar ah uga socda Gobolada soo xulista Xildhibaanada. Beelaha qaarkood waxay durba soo diyaariyeen Shaqsiyaadka ay usoo dirsanayaan Garowe, Beelaha qaar ayA iyana waxay ku mashquulsan yihii beesha xiligaan kursiga qaadaneysa halka qaarna uu muran ka jiro. Mana ahan markii u horaysay oo muran noocaan ah uu ka dhaco soo xulida kuraasta xildhibaanada, Doorashadii hore ee 2014 muran noocaan ah ayaa jiray kasoo gaaray in kuraasta qaar ay kala saaraan Gudigii Xalinta Khilaafaadka ee Madaxweynihii xiligaas Mudane Sanatar Cabdiraxmaan Faroole uu xiligaas Magacaabay. Inta u dhaxaysa 25 ilaa 30 December waxaa lagu wadaa sidii caadada ahayd in 66-da kursi ay diyaar yihiin, Sanadka cusubna intaan la gaarin 4 janasyo waxaa dhacaysa Doorashada Gudoomiye iyo ku xigeenadiisa, Kadibna waxaa laguda galayaa Doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa. Gufiggii Doorashada ayaa la filayaa in uu Madaxweynuhu ku dhawaaqo ugu dambeyn bilowga Diseembar. Puntlandi.com Garowe Source
-
Xarardheere (Caasimada Online) – Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM, ayaa sheegay in 37 ka mid ah dagaalyahannada Al-Shabaab lagu dilay duqeymo ka dhacay gobolka Mudug. Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymahan ay dhaceen 19-kii bishan oo ahayd maalintii isniinta. Mid ka mid ah duqeymaha ayaa waxaa lagu dilay 27 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana sida AFRICOM uu sheegay uu ahaa weerar qorsheysan oo sidii la rabay u dhacay. Weerarka labaad ayaa isna lagu dilay 10 ka mid ah Shabaab. Labada weerarba waxay ka dhaceen deegaanno u dhow magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug. Ciidamada Mareykanka waxay sheegeen in weeraradan la fuliyey ayada oo gacan la siinayo dowladda federaalka Soomaaliya, oo wadda dagaal lagu wiiqayo Al-Shabaab. “Duqeymaha waxay yareeyaan awoodda Al-Shabaab ay u lahaan karto mustaqbalka inay qorsheyso weeraro, islamarkaana la burburiyo hoggaanka shabakadan iyo xoriyadda dhaqdhaqaaqooda” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka. AFRICOM ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in Al-Shabaab laga hor-istaago inay hesho gabaad ay ku dhisto cudud islamarkaana ku qorsheyso weeraro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Gaashandhiga Somalia, Xasan Cali Maxamed ayaa maanta sheegay in Wasaaradda Gaashaandhiga ay xooga saareyso sidii ay uga hor-tegi lahayd in carruurta la askareeyo. Wasiirka ayaa sheegay in askareynta carruurta ay tahay dambi heer caalami ah, wasaaradiisana aysan aqbali doonin oo ay sharciga la tiigsan doonaan ciddii lagu helo inay askareyso carruur. “Maanta waa maalin muhiim ah, maadama ay tahay maalinta xuska caruurta adduunka waxaan rabaa inaan kaga faa’iideysto inaan sii xoojiyo sharciga Dowladda Somalia iyo sharcig caalamiga ah ee QM uga yaalla in carruur aan la askareyn karin, innaguna waxaan ku baaqaynaa inaan carruurta aan qaan-gaarin loo adkeegsan karin askar ahaan,” ayuu yiri wasiirka Xasan oo la hadlay warbaahinta. Dhanka kale, Dowladda Somalia ayaa lagu eedeeyaa in wax sidaa u sii weyn aysan ka qaban askareynta carruurta, laakiinse hadda waxay u muuqataa in ay xooga saarayaan sidii ay wax kaga qaban lahaayeen arrintan. Kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Somalia ayaa iyaduna dhankeeda lagu eedeeyaa inay askar ka dhigayo carruur aan qaan-gaarin, iyadoo kooxda aysan weli ka hadlin eedeyaha ku aaddan inay carruur aad u da’ yar ay ka dhigtaan askar ay ku dagaalamaan. Ugu dambeyn, Hadalka wasiirka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo gaadiidka ay isticmaalaan Ciidanka Dowladda Federaalka, gaar ahaan Millateriga lagu arko mararka qaarkood carruur yar-yar oo ku labisan dharka ciidamada, isla mar ahaantaana haysta qoryaha daran-doorriga u dhaca. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo ka digay in Carruurta laga dhigto Askar appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha xisbiga midowga nabadda iyo horumarka(UPD) Xasan Sheekh Maxamuud oo isniintii gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa maanta kulan la qaatay wasiirrada iyo xildhibaannada dowlad goboleedka Jubbaland. Qodobada ay ka hadleen waxaa ka mid ahaa xaaladda dalka, daadejinta maamulka ilaa heer degmo, howlaha dowlad goboleedka Jubbaland, wasiirrada dhankooda ayaa sheegay in sharciga deegaanka uu diyaar yahay, isla markaana, marka la ansixiyo la bilaabi-doono in la hirgeliyo iyada oo laga bilaabi-doono Gedo. Xasan Sheekh waxuu booqasho ku tagay dekedda magaalada Kismaayo oo ay ka socotay shaqo aad u badan, isaga oo sidoo kale soo kormeernay dhismooyin cusub oo loo diyaarinayo qaar ka mid ah wasaaradaha dowlad goboleedla Jubbaland. Guddoomiyaha UPD waxaa uu galabta la fadhiyaa odoyaasha dhaqanka ee Jubbland isaga oo caawa si toos ay dadweynaha reer Jubbaland su’aalo u weydiin-doonaan, lana yeelan-doono kulan xog isweydaarsi ah. Mudane Xasan Sheekh waxaa socdaalkiisa ku wehliya Xildhibaanno golaha shacabka ah sida Axmed Macalin Fiqi iyo Xasan Yare iyo Senatorro ay ka mid yihiin: Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftin Xasan Baasto. Ujeedka safarka ayaa lagu sheegay sidii uu guddoomiyaha isbaheysiga UPD ula kulmi lahaa mas’uuliyiinta iyo bulshada ku dhaqan Jubbaland, waxaana laga yaabaa inay qaadato wax ka badan 4 maalin. Xisbiga UDP, waxaa lagu dhawaaqay October 4, 2018, Xisbiga midowga nabadda iyo horumarka, waa xisbi qaran oo ay ku bahoobeen in ka badan 80 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xulalka kubbadda cagta 23-jirada Soomaaliya iyo Ethopia ayaa Kulankii labaad ee is reeb reebka ciyaaraha olomikada kuwada dheelay garoonka AL-Haji Guulleed ee magaalada Jabuuti Taageeryaasha xulkeena kuma faraxsaneen ka hor kulanka maadaam ciyaartii kowaad ay wiilasheena guul daro 4-0 kala soo kulmey dhigooda Ethopia ciyaar ka dhacday caasimadooda Addis Abba Kulanka oo ku bilaawday dar daro xoogan ayna soo daawasho tageyn taageerayaal badan oo dhiiri gelinayay xirfadlayaasha qarankeena ayaa gool ku laad toos ama (Free Kick) waxaa u dhaliyay Feysal Xasan Axmed oo ka mid kooxdii kubbadda cagta qurbajoogta ee magaalada Muqdisho soo gaartay 17-October kuna sugneyd ilaa 30-October “Waxa ay inoo tahay sharaf iyo guul in xidiga aan anaga keenay dalka uu maanta qaranka gool u dhaliyo safaradeena kale ee sanadaha soo aadan waxaan rajaynaynaa guul iyo horomar” waxaa sidaas Goobjoog Sports uga waramay Nuur Xaaji Cabdi Wali oo ahaa macalinkii kooxda qurbajoogta Markii laysku soo laabtay qeybta labaad kulanka labada dal waxa ay soo bandhigey ciyaar ku dheehan xirfad,balse natiijada ayaa noqotay 1-0 oo ay guusha ku qaateyn xidigaha dalkeena Soomaaliya “Ma aanan filanaynin in gaarayo heerkan waxaa ku mahadsan cid walbo oo kaalin ka qaadatay in aan qaranka dalkayga gool u dhaliyo anigoo aan ugu imaaday in aan matalo wadanka Norway ma iloobidoono kolkii aan xertay maaliyada xulkayga waana ka sheekeendoonaan waligayga”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Feysal Xasan Axmed oo ahaa dhaliyihii guul ay ku badiyeen xidigaha 23-jirada kana mid ahaa kooxda qurbaha Dhawaan filo warbixino dheeri ah iyo sawiradda ciyaarta Source: goobjoog.com