Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,547
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (Caasimada Online) — Somalia’s Regional leader from Galmudug State has rebuffed an invitation from country’s President Mohamed Abdullahi Farmaajo. Somali President Mohamed invited Galmudug leader Ahmed Du’alle Gelle to join in an argent meeting in Mogadishu. The meeting was scheduled to take place 24th September in the capital, in what the president said will be discussed on the political crisis in Galmudug State. In a statement, Galmudug leader Gelle denied that there have been political disputes. He accused Villa Somalia, country’s Presidential Palace of creating political tension in his territories. Last week, the National Security Council meeting which was scheduled to hold on September 16-17th in Mogadishu capital has been cancelled amid an ongoing political stalemate in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  2. Dowlad goboleedka Galmudug ayaa war saxaafadeed ay maanta soo saareen ku qaadacay shir berri Muqdisho ka dhici lahaa, kaas uu maalin ka hor ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyaga oo ku bilaabaya “Waxaa ay sheegeen in aaney jirin madax Galmudug oo is khilaafsan wixii ka dambeeyey 18-kii bishan”. Galmudug, waxaa ay Villa Somalia ku eedeeyeen fitno iyaga oo yiri “Mushkiladaha ka jiray Galmudug ee siyaasadeed ama amni ma aha kuwo iska yimid ee waa kuwo la abuuray, oo la soo maleegey madaxtooyada Soomaaliya”, iyaga oo dowladda federaalka ah dusha ka saaray mas’uuliyadda wax kasta oo ka dhashay dagaalkaas. Qoraalka waxaa kale oo ku jirtay in Galmudug aaney u baahneen xaalladeeda inu Muqdisho la isugu yimaado balse ay u baahantahay in faragelinta laga daayo, lagana saaro dadka dheeriga ku ah, qalalaasaha iyo abaabulkana ka wada dagaannada qaar ee Galmudug. Qoraalka Galmudug waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka ah ay iska indho tireyso go’aanka shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada 08/09/2018 iyo wafdiga aqalka sare ee ujeedkoodu yahay sidii xog dhab ah uga heli lahaayeen khilaafka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, ayna habooneyd inay dowladda sugto natiijada ka soo baxda wafdiga aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa ay sheegeen “annaga oo tixgelineyna go’aanka ahaa in dowladda goboleedyadu hakiyeen wada shaqeynta kala dhaxeysa dowladda federaalka ah ayeyna suuragal noo aheyn in aan hadda nimaado Muqdisho. Ugu dambeyntii, waxaa ay golaha dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ugu baaqeen inay si dhow ula socdaan, kana hadlaan faragelinta ay dowladda Soomaaliya ku heyso dowlad goboleedyada gaar ahaan Galmudug, iyaga oo dowladda federaalka ah ugu baaqay inay ka waantoobaan qaabka ay u adeegsadaan dowlad goboleedyada oo ah qeybi oo xukun. Madaxweyne Farmaajo ayaa maalin ka hor waxaa uu maamulka Galmudug ugu yeeray shir ka dhaco Madaxtooyada Qaranka laga bilaabo 24ka Sebteembar, 2018, waxaana looga wada xaajoon lahaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug. Qoraal lagu daabacay Twitter-ka waxaa lagu sheegay “Waxaan ku rajo weynahay in dhammaan dhinacayda ay taabanayso arrintan ay muujiyaan tanaasul, biseyl siyaasadeed iyo in danta guud laga hormariyo midda gaarka ah si hore loogu sii wado dadaalladii ay horumuudka ka ahayd Dowladda Federaalka ee lagu dhammeystirayay heshiisyadii ay hore u kala saxiixdeen madaxda Galmuudg.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Galmudug ayaa war saxaafadeed ay maanta soo saareen ku qaadacay shir berri Muqdisho ka dhici lahaa, kaas uu maalin ka hor ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyaga oo ku bilaabaya “Waxaa ay sheegeen in aaney jirin madax Galmudug oo is khilaafsan wixii ka dambeeyey 18-kii bishan”. Galmudug, waxaa ay Villa Somalia ku eedeeyeen fitno iyaga oo yiri “Mushkiladaha ka jiray Galmudug ee siyaasadeed ama amni ma aha kuwo iska yimid ee waa kuwo la abuuray, oo la soo maleegey madaxtooyada Soomaaliya”, iyaga oo dowladda federaalka ah dusha ka saaray mas’uuliyadda wax kasta oo ka dhashay dagaalkaas. Qoraalka waxaa kale oo ku jirtay in Galmudug aaney u baahneen xaalladeeda inu Muqdisho la isugu yimaado balse ay u baahantahay in faragelinta laga daayo, lagana saaro dadka dheeriga ku ah, qalalaasaha iyo abaabulkana ka wada dagaannada qaar ee Galmudug. Qoraalka Galmudug waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka ah ay iska indho tireyso go’aanka shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada 08/09/2018 iyo wafdiga aqalka sare ee ujeedkoodu yahay sidii xog dhab ah uga heli lahaayeen khilaafka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, ayna habooneyd inay dowladda sugto natiijada ka soo baxda wafdiga aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa ay sheegeen “annaga oo tixgelineyna go’aanka ahaa in dowladda goboleedyadu hakiyeen wada shaqeynta kala dhaxeysa dowladda federaalka ah ayeyna suuragal noo aheyn in aan hadda nimaado Muqdisho. Ugu dambeyntii, waxaa ay golaha dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ugu baaqeen inay si dhow ula socdaan, kana hadlaan faragelinta ay dowladda Soomaaliya ku heyso dowlad goboleedyada gaar ahaan Galmudug, iyaga oo dowladda federaalka ah ugu baaqay inay ka waantoobaan qaabka ay u adeegsadaan dowlad goboleedyada oo ah qeybi oo xukun. Madaxweyne Farmaajo ayaa maalin ka hor waxaa uu maamulka Galmudug ugu yeeray shir ka dhaco Madaxtooyada Qaranka laga bilaabo 24ka Sebteembar, 2018, waxaana looga wada xaajoon lahaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug. Qoraal lagu daabacay Twitter-ka waxaa lagu sheegay “Waxaan ku rajo weynahay in dhammaan dhinacayda ay taabanayso arrintan ay muujiyaan tanaasul, biseyl siyaasadeed iyo in danta guud laga hormariyo midda gaarka ah si hore loogu sii wado dadaalladii ay horumuudka ka ahayd Dowladda Federaalka ee lagu dhammeystirayay heshiisyadii ay hore u kala saxiixdeen madaxda Galmuudg.”
  4. MOGADISHU (Caasimada Online)–Somalia’s semi-autonomous state of Puntland police allegedly injured deputy director of Radio Galkayo in central town of Galkacyo in north of Somalia. Mohamed Ali Siyad sustained head injuries after he was hit a stone thrown by a police soldier in Galkacyo town, according to Somali Union Journalists. The Secretary General of Somali Union Journalists, Hassan Sheikh Aboukar said that Puntland police had beaten deputy director of Radio Galkayo over unknown reason. “Puntland police in Galkayo beat deputy director of Radio Galkayo. The journalist Mohamed Ali Siyad was tortured and injured his head”, said in a memo by Somali Union Journalists. Last week, Somali Journalist Abdirisak Sa’id Osman, reporter for privately owned Radio Voice of Peace in Galkayo, was slashed in the back and heart as he was walking from the premises of the radio station, his colleagues said. Osman, seen by-passer while unconsciously laying on the ground, was rushed to Mudug Regional Hospital (MRH) where he was operated but pronounced dead, according to Somali Union Journalists. Somalia is one of the world’s most dangerous countries for media workers. Rights groups say both Islamic extremists and the government have reason to target journalists in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  5. MOGADISHU (Caasimada Online)–Somali National Intelligence and Security Agency (NISA) soldiers have arrested its head of health department in Mogadishu. Hassan Mohamed Ga’al was put into behind bars for undisclosed reason. The move comes after bomb fitted into car exploded outside his home. He was unharmed in the bomb attack. There was no immediate comment from NISA over the Ga’al’s detention. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  6. Russia’s Defense Ministry has accused Israel of criminal negligence and misleading Moscow on downing of the Russian Ilyushin Il-20 military plane off Syria last week by providing false information about the area of the airstrike. Source: Hiiraan Online
  7. Isgoyska Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa goordhow ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari gacan, iyada oo la dhigay goob ay dadka ku badan yihiin, lagana raro BL-ka, hal qof ayaa ku dhintay, labo kale waa ay ku dhaawacantay. Saacad ka hor, isla goobtaasi, rag hubeysan ayaa waxaa ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa oo watay dhar shacab ah. Wiilka la dilay waxaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa dhalinyarada rarta gaadiidka BL-ka, madaxa ayey ka toogteen labo dhalinyaro ah oo hubeysan, kadibna waa baxsadeen. Ciidamo ka tirsan dowladda oo goobta u tagay dabagalka dilkaasi ayaa bambo gacmeed lagu weeraray, Saddex askari iyo qof shacab oo ganacsi yar halkaasi ku lahaa ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen. Dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa kordhay, waxaana dilalka loo geydsanayaa masuuliyiinta dowladda, askarta iyo shacabka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Rag hubeysan ayaa goordhow waxaa ay isgoyska suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dileen wiil dhalinyaro ahaa oo watay dhar shacab ah. Wiilka la dilay waxaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa dhalinyarada rarta gaadiidka BL-ka, madaxa ayey ka toogteen labo dhalinyaro ah oo hubeysan, kadibna waa baxsadeen. Ciidamo ka tirsan dowladda oo goobta u tagay dabagalka dilkaasi ayaa bambo gacmeed lagu weeraray, Saddex askari iyo qof shacab oo ganacsi yar halkaasi ku lahaa ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen. Dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa kordhay, waxaana dilalka loo geydsanayaa masuuliyiinta dowladda, askarta iyo shacabka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqduisho (Caasimadda Online) – Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal Kooxo hubeysan ayaa Maanta Isgoyska Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ku dilay ruux ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Suuqa. Waxaa uu dilku ka dhacay Bartamaha Wadada Isgoyska Suuqa Bakaaraha, waxaana la dilay nin dhalinyaro ah. Koox Bastoolado wadatay ayaa toogtay Ruux dhalinyaro ah ka dibna waxaa la sheegay in ay baxsadeen. Sidda ay inoo xaqiijiyeen dadkii goobta ku sugnaa ruuxa la dilay ayaa ka mid ahaa dadka ka shaqeysta Basteejadda Isgoyska Bakaaraha ee baabuurta rara. Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo. Ciidamada dowladda ee goobta gaaray dilka kaddib ayaa la kulmay labo qarax oo lagu sheegay Bambo gacmeed,mana jirin wax khasaare ah oo ka dhashay. Dhanka kale, Ciidamada Booliska ayaa toogtay nin burcad ah,kaasoo lacag ka qaadaayay dadka Shacabka ah ee kunool degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa sheegay ninkaasi uu diiday in uu isdhiibo, islamarkaana Ciidamada ay toogteen. Dhinaca kale, Inta la xaqiijiyay Laba ruux ayaa ku geeriyootay shil goor dhaw ka dhacay Agagaarka Hotelka Madiina oo ku yaallo Isgoyska Martiini ee kala qaybiya Degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamar weyne. Dadka dhintay ayaa saarnaa Mootada nooca loo yaqaano Bajaajta. Mootadda ayaa ku socotay si xowli ah, waxaana la sheegay in ay gudaha u gashay gaari weyn oo wadada maraayay. Dadka dhintay ayaa kala ahaa Waddihii mootadda iyo qof kale oo saarnaa sidda ay sheegeen Goobjoogayaal. Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaa kusoo batay dilalka Qorsheysan waxaana arrin taa dood kulul dhawaan ka yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Ra’isulwaaasre Kheyre ayaa la filayaa inuu hor taggo Baarlamaanka Soomaaliya maalmaha soo socdo isla markaasna wax laga waydiiyo Xaaladda Muqdisho. Inta badan Xildhibaanada ayaa Xukuumadda ku eedeeyey inay ku fashilmatay Amniga isla markaasna loo baahan yahay tallaabooyin deg deg ah oo dhanka Amniga ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay shil gaari oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, shilka ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka hotelka Madiina ee degmada Xamar Jajab. Shilkan ayaa yimid kaddib markii gaari xamuul ah oo nooca ciidamada Saadka iyo sahayda u qaada ayaa ku dhacay mooto bajaaj. Labada ruux ee shilka ku geeriyootay ayaa kala ahaa darawalka mooto bajaaj iyo qof saarnaa, halka haweeney kale oo wadada mareysay ay dhaawacantay. Ka sokow shilka maanta waxaa jiray shil naxdin leh oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Waaberi, kaasoo labo qof oo mooto wadatay ay shil galeen, kuna geeriyoodeen. Shilalka ka dhasha dhimashada iyo dhaawaca ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana keena ciriiriga waddooyinka, iyo xowliga loo wado baabuurta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Kismaayo (Caasimadda Online) – Ciidamo Huwan ah oo isugu jiray Mareykan iyo Kenyaan ah ayaa weerar xooggan ka kala kulmay xoogaga Al Shabaab xilli ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen duleedka magaalada Kismaayo. Weerarka oo dhacay laba maalmood ka hor ayaa sababay khasaara soo gaaray ciidamada wada jirka ah oo ay hoggaaminayeen saraakiil Mareykan ah iyo dhanka Al-Shabaab oo dhibaato xoog leh ay soo gaartay. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah uu weerar ku qabsaday halka loo yaqaan Janaay Cabdalle. War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu lakulmeen khatar kadib markii la weeraray markii dambana ay dalbadeen diyaaradaha wax duqeeya ee Drone-ka loo yaqaan. Dad ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Meydadka iyo dhaawacyada Ciidamada Bangaraafta lageeyay xarumo magaalada kuyaal kuwaas oo lagusoo dilay dagaalkii Janaay Cabdalle, waa markii labaad oo Mareykanku sheego in ciidamadiisa duullaanka jooga Soomaaliya ay khatar daran lakulmeen. Mareykanka ayaa sheegay in weerar duqeyn is difaacid ah uu ku qaaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab dudeedka magaalada Kismaayo. Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Janaay Cabdalla oo qiyaastii magaalada Kismaayo 50KM waqooyi Galbeed kaga beegan, waxaana lagu dilay 18 dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab. Weerarka cirka ayaa ka dambeeyay markii weerar ay la kulmeen Ciidamo Mareykan ah iyo Ciidamada Danab ee ka tirsan Xoogga dalka. Marwalba oo ay saraakiisha Mareykanka dhaq dhaqaaqyo ka sameynayaan duleedyada Kismaayo waxay horay usii kaxaystaan ciidamada Kenya iyo Ciidamo Bangaraafta loo yaqaan ee uu isagu tababartay. Weerarkii fashilmay ee deegaanka Mubaarak ayay sidaan oo kale saraakiil Mareykan ah halis ugu galeen kadib markii Al Shabaab ay dabin udhigtay ciidamada Bangaraafta ee Mareykanku habeennadii diyaarado ku dajisay. Wasaaradda G/dhigga Mareykanka ayaa qiratay in 2 askari looga dilay dagaalka ka socda dalka Soomaaliya mid kamida askartaas ayaa sanadkan gudihiisa lagu dilay duleedka magaalada Kismaayo. Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay inay halis weyn geliyeen Ciidamada Mareykanka isla markaasna ay dileyn ciidamo badan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  12. Xaaladda Maamulka Galmudug ayaa ah mid aad u khasan waxaana maamulkaas soo wajahay Caqabado intiisa badan ka imaanayo madaxda ugu sareyso. Khilaafkaan ayaa wuxuu soo bilowday tan iyo markii uu Axmed Ducaale Geelle Xaaf noqday Madaxweynaha Galmudug markii uu jiraday Madaxweynihii ka horeeyey Cabdikariin Xuseen Guuleed. Inta badan Khilaafka ayaa salka ku hayo muran u dhaxeeyo madaxda ugu sareyso maamulkaas oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne Xaaf, ku xigeynkiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen. Ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Xareed ayaa isaga la safan madaxweyne Xaaf halka ku xigeenka labaad uu la safan yahay Casir iyo Carabey. Xildhibaannada fadhiya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay xilka ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir. Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee kala fadhiya Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa xilalkii ka qaaday dhamaan Madaxdii Galmudug ka hor Ahlu Sunna. Baarlamaanka qeybta fadhida Cadaado ayaa xilka ka qaaday Madaxweynaha Galmudug Amxed Ducaale Geelle iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Xareed Cali Xareed. Kulan Xildhibaannada Galmudug ee Fadhiya Dhuusamareeb ay ku yeesheen Magaaladaasi waxaa ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen qofkii ugu dambeeyay afarta qof ee ugu sarreysa Galmudug kaas oo ah Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Carrabeey. Xildhibaannada ayaa sheegay in dood socotay saddex maalmood oo ay xaadireen 140 Xildhibaan xilkii looga qaaday Maxamed Xaashi Cabdi Carrabeey. Maxaa Qaldan Arrinta meesha ay ka qaldan tahay ayaa ah in Madaxda ugu sareyso Galmudug aysan dhammaantood ka shaqeeneyn danaha dadka dagan deegaanadaas oo ay ku magacabaan yihiin inay wax u qabtaan. Waxaa muuqato waxa la isku hayo inay tahay dano siyaasadeed oo uu mid kasta doonayo inuu helo lacag iyo sidii uu halkaas kusii joogi lahaa. Halkee xalka Jiraa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii labaad isugu yeertay Madaxda Galmudug si Muqdisho loogu qabto dib u heshiisiin. Dhawaan ayey aheyd markii Madaxweynaha uu sidaan oo kale kulan ugu qabtay Madaxda Galmudug oo qaab la mid ah qaabkaan sheegay inay xilalka isaga qaadeyn. Xalka Galmudug ayaa ku jiro in Meesha laga saaro dhammaan madaxda isku dhagan isla markaasna uu Baarlamaanka Galmudug qaban qaabiyo doorasho cusub iyo musharixiin cusub. Weliba waxaa haboon in Sharuudaha lagu daro inaysan isisoo sharixi karin Madaxda Hadda talada heyso sida: Madaxweynaha, ku xigeenkiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen. Waxaa looga fadhiyaa Madaxweyne Farmaajo inuu qaato go’aankaas isla markaasna uu si cad u sheego inaysan dowladiisa la shaqeyn doonin madaxda Galmudug ee hadda talada hayo isla markaasna la isugu waco baarlamaanka loona sheego inay hadda iyo doorasho u diyaar garoobaan. Inkastoo Dowladda Dhexe lagu eedeeyo inay iyada qeyb ka tahay Khilaafka Galmudug ka taagan haddana maadaama la arkay inaysan sheekada xal laheyn waa in Meesha laga saaro dhammaan kuwa hadda hayo Talada Galmudug oo meeshaas ku qabsado shaqo aan aheyn middii loo dirsaday. Waxaa Qoray Cabaas Cali Xasan Email: filimside@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  13. Korneel Buulle Maxamed Ibraahim oo ka mid ah saraakiisha xoogga dalka ee gobollada Jubbooyinka ayaa ka hadlay howlgal Al-shabaab looga diley 18 ka mid ah Al-shabaab kaasi oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose. Korneel Buulle ayaa sheegay in howlgalkaan ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, islamarkaana ay sidoo kale soo qabsadeen hub badan. Waxa uu tilmaamay Korneelka in Maraykanka ciidankiisu aanay howlgalkaasi ka qeybgelin, balse ay si kore ula socdeen waa sida uu hadalka u dhigaye. “Howlgalkii Jubbada Hoose kaligeen ayaan fulinney, ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee Soomaaliyeed, Maraykana kaalin weyn kuma lahayn weerarkaan balse kor ayeey kala socdeen, waana ku guuleysannay” ayuu yiri Korneelka. AFRICOM ayaa sheegtay in weerar ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ku dileen 18 ka mid ah Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in lagu kala cararay Iskuul ku yaal halkaas. Iskuulka lagu kala cararay ayaa lagu magacaabaa Jaabir Bin Xayaat qeybtiisa uu ku leeyahay Xaafadda Nasteexo. Iskuulka ayaa looga shakiyey in lagu aasay Miino kadib markii ay arrintaas soo gudbiyeen Haweeney dhinaca Nadaafada qaalbisaneyd iyo Macalin dugsi Quraan ku dhegan Iskuulka. Banaanka hore ee Iskuulka ayaa lagu arkay Godweyn oo ay ka soo jeedeen fiiloyiin,taas oo shaki ku abauurtay macalimiinta Iskuulka iyo dadka Xaafadda dagan. Maamulaha Iskuulka Jaabir Bin xayaat faraciisa Xaafada Nasteexo Cabduqaadir Maxamed Cali oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in markii ay arkeen Godka,isla markaana aysan garaneyn waxa ku jiray ay fasaxeen ardaydii. Intaasi kadib ayuu sheegay inay yimaadeen ciidamo ka tirsan kuwa booliska oo uu hoggaaminayey taliyaha booliska degmada Wadajir iyo kuwa miino baarka,kuwaas oo Godkii ka soo saaray birooyin iyo fiilooyin la isku xir xiray. Baaritaan dheer kadib ayaa la ogaaday inaysan waxyaabahaas aheyn kuwa Qarxa balse ay yihiin Fiilooyin iyo Biro halkaas ku jiro oo banaanka usoo baxay. Xaaladda Amni ee Magaalada Muqdisho ayaa noqotay mid halis ah waxayna taas keentay in laga cabsado wax kasta oo u ek waxyaabaha Qarxa. Jimcihii ayey aheyd markii jaamacadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho lagu dhex toogtay mid kamid ah ardaydii halkaas wax ka baraneysay oo la sheegay inay ka tirsaneyd Hey’adda NISA. Baarlamaanka Soomaaliya aya maalmihii dambe waday dood ku saabsan Amniga waxaana eedeyn kulul dusha loo saaray Xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo la sheegay inay ku fashilmatay amniga. Halkaas hoose ka dhageyso Wareysiga Maamulaha Iskuulka: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Wareysi-Mamulaha-Iskuulka-Jaabir-Cabduqadir-Maxmed-Cali-.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Wasiirka iscasilay Cali Cabdullaahi Warsame Wasiirkii Degaanka iyo Is-beddelka Cimilada Puntland,Cali Cabdullaahi warsame ayaa saaka xilkii uu u hayey Puntland iska casilay,kadib markii khilaaf ba’an uu ka dhex qarxay wasaaraddiisa iyo hay’adda Tamarta iyo Biyaha Puntland ee PSAWEN. Khilaafka ayaa sida la sheegay ka bilowday mashruuc biya-xidheen ah oo xukuumadda Puntland ay ku wareejisay hay’adda PSAWEN, hase yeeshee uu wasiirku aad uga carooday,islamarkaana ku dooday in mashruucaas dib loogu soo celiyo gacantiisa, maadaama sida uu sheegay ay wasaaradda Degaanku xaq u leedahay maamulidda mashruucyada noocaas ah. Mudane. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa dacwad u gudbiyay xafiiska madaxweynaha sida ay ogaatay Puntland Post, waxaana uu ka dalbaday in dib loogu soo celiyo mashruuca biya-xidheenka ee madaxtooyadu ku wareejisay hay’adda PSAWEN, laakiin madaxweyne Gaas ayaa dalabkaas diiday sida ay xaqiijiyeen dad xog-ogaal ah oo la socda khilaafka labada dhinac. Waraaqda is-casilaadda ee wasiirku soo saaray subaxnimadii hore ee saaka ayaa lagu xusay eedaymo siyaasadeysan oo inta badan si adag loogu dhaliilay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdiweli Gaas. Sidoo kale warqadda ayaa lagu caddeeyay in shaqadii wasaaradda Deegaanka lagu wareejiyay hay’ad ay madaxtooyadu naas-nuujiso, islamarkaana la musuq maasuqay mashaariic badan oo muhiim u ahaa dalka,sida qoraalka loo dhigay. Xog hoose oo Puntland Post heshay ayaa sheegaysa mashruuca biya-xidheenka oo lacag fara badan lagu bixiyay uu wasiir Cali Cabdullaahi si gaar ah ugu xisaabtamayay,balse uu candhuuftiisa dib u liqay kadib markii madaxtooyada Puntland ku wargelisay in aan laga soo celin doonin hay’adda lagu wareejiyay ee PSAWEN. Wasiirka is-casilay oo in mudda ah ka tirsanaa xukuumadda Gaas ayaa sida dadkii la soo shaqeeyay sheegeen,wuxuu kamid ahaa wasiirada ugu musuq maasuqa badan ee xukuumadda haatan jirta,hase yeeshee tan iyo bilowgii sanadkan ayaa waxaa cuna-qabateyn ku soo rogtay madaxtooyada Puntland oo caqisay wasaaraddiisa, islamarkaana isaga laftiisa musuq maasuq saddex-jibbaran ku samaysay. Halkaan ka akhriso qoraalka is-casilaadda PUNTLAND POST The post Puntland: Wasiir ka carooday mashruuc laga wareejiyay oo is-casilay appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Yaxye Sheekh Caamir, oo ka mid ah aqoonyahanada magaalada Muqdisho, sidoo kalena ah fallanqeeye siyaasadeed ayaa shalay gaarigiisa lagu qarxiyey magaalada Muqdisho, waxaana gaariga ku dhintay walaalkiis oo xilliggaasi gaariga watay. Prof. Yaxye ayaa shaaca ka qaaday in qofka loola dan lahaa qaraxa uu ahaa isaga, ee aanu ahayn walaalkiisa, balse qadarta ay qorneyd inuu walaalkiisa qaraxaas ku dhinto. Yaxye Sheekh Caamir, waxa uu sidoo kale sheegay in magaalada Muqdisho aysan kooxda Al-Shabaab kaliya wax ku dilin. “Magaalada Muqdisho, waxaa wax ku dila toddoba kooxood oo kala duwan, oo Shabaab kaliya ma fuliyaan dilalka. Sidaas darteedna ma garan karo cidda dishay walaalkey” ayuu yiri Yaxye Sheekh Caamir. Saacado ka hor inta aan la qarxin, ayuu Yaxye Sheekh Caamir facebook soo dhigay qoraal uu arrin xasaasi ah shaaca uga qaaday, kaasi oo dadka qaar rumeysan yahay in naftiisa ay halis u gashay. Hoos ka aqriso qoraalka. Airport-ka dahabka ah ee Barawe. Hala yaabin in Airport Dahab ah laga dhisayo Somalia. Waxaan wax badan is-weydiiyay maxey Sh/Hoose Nabad u noqon la’dahay?. 1-Waxaan soo xasuustay: Waqtigii Kacaanka shirkad Romaniyaan ah oo Xamar xafiisyo ka furatay oo tiri: waxaan Dahab ka soo saareynaa inta u dhexeyso Mogadishu iyo Marka oo aan hore u sahminay. 2- Waxaan soo xasuustay: in shirkado iyo shakhsiyaad hantiilayaal ihi ey aad u iibsanayaan dhulka xeebta ah laga Bilaabo Xalane illa Gandarshe. 3- waxaan soo xasuustay: Qoraalkii aan hore uga qaray shirkada Kilomenjaro oo si hoose loo siiyay 4ta Ceel ee Qoryooley Basin 1-4, lana rabay in AMISOM ey nabad ka dhigto oo kaliya inta u dhexeeyso Qoryooleey illa Xamar, laakin tartan jira dartii loo carqaladeeyay. 4-waxaan soo xasuustay: maqaalkii sahankii shidaal ee caliyoow Geele ee aan hore idiinla wadaagay. 5-waxaan soo Xasuustay: Ceelka Gaaska ee Afgoi. 6- waxaan soo xasuustay: Danta laga lahaa, loolankii adkaa ee shabeelaha Hoose in ey Raacdo Ex-Banadir ama Baay & Bakool. 7-wxaan soo xasuustay: markii la dhisayay waddada isku xirta Baydhabo iyo Afgoi ee enjinyeerkii Ajnabiga ahaa uu yiri: waddada aad dhiseeysiin waxaa ka qaal badan dhagaxa aad ku dhiseeysiin. 8-Waxaan soo Xasuustay: Khayraadka kale ee dabeeciga ah ee Allaah ku maneystay Gobalka Sh/Hoose. 9-Waxaan soo Xasuustay: Sida loogu Tartamayo Hogaanka K/Galbeed, tartamayaasha qaar Cidda gadaal ka riixeysa iyo xiriirka khayraadka kala dhexeya. 10-Waxaan soo xasuustay: khabiirkii Ajnabiga ahaa ee igu yiri: Yahya you a victim of your resources.( Yaxye, khayraadkiina ayaa qabri u galeeysaan). 11-Waxaan soo xasuustay……. Tan ka hadalkeedu waa khatar. Gunaanad. Airport Dahab lagu Dhisayo oo Somalia ku yaal, maanta September 2018, waxaan ogaaday in Airport laga dhisayo Barawe, Hayadii qandaraaska Bixineysay ey ku amartay shirkadaha wax dhisayo in ey keenaan Sheybaar si loo hubiyo in Carrado tahay mid ku haboon in Airport lagu dhiso iyo in kale, sheybaarkii waa la keenay, sheybaariista yaashii Ajnabiga ahaa, waxa ey baareen caraddii si ey u hubiyaan in (Run way-ga) waddada Dayaaradahu ku degaan lagu dhisi karo carradan si ey u celiso culeeyska dayaaradaha. Laakin Su’aal kale ayey keeneen, waxa ey yiraahdeen: Caradaan xageed ka keenteen? Waxaa lagu yiri: Kaawada magaalada u dhaw , waxa ey yiraahdeen: Baaritaankeena waxaa nooga soo baxay in Carradan 0.9 ey Dahab tahay. Waxa aad dhiseysiina waa Airport Dahab ah. Haddan fahmay waxa Sh/Hoose ey nabad u noqon la’dahay. Waxaan fahmay in Gobalka ey ku dagaalamayaan dad deegaan iyo Dhulka dushiisa wax ka muuqda isku heysta iyo kuwa isku heysta wax aan muuqan oo dhulka Hoostisa ku jira. Barawe Area Code(s) keedu waa +35261. Time Zone –keedu waa UTC +3( EAT). Elevation-keedu waa 0 m( 0 ft). Coordinates- keeduna waa 1degree 06’48N .44degree 01’49E. Latitude- keedu waa 1.1132. Longitude- keeduna waa 44.0297. FG: Allow Dalka Dahabkiisa noo dhowr kan “Arabsiyaba” Somali land ba ha u badnaadee. Wixii aan khalday iga sax, wixii aad ka shakisana sida aan anniguba u baaray u baar iskana hubi, xogtaadu waa noo muhim. Xogta qaarna waa khatar ogaanshaheedu, sida aan kaaga dhaafay No.11 ee isla qoraalkan. Qore: Yahya Amir
  17. Haweeneey kamid aheyd dadka dagan degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho ayaa u geeriyootay sun ay cabtay. Falkaan ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Juungal degmada Yaaqshid ee Magaalada Muqdisho. Shukri Cabdullaahi Raageoo aheyd hooyo dhashay hal gabar ah ayaa cabtay sun kadibna ay u geeriyootay. Ehelada Shukri oo aan la xariirnay ayaa sheegay in Shukri ay baryihii ugu dambeeysay ay ka careysneyd gabadha ay dhashay oo si xoog ah ay uga qaateen qooyska gabadha. Shukri ayaa ka hor inta aanay is dilin weeyso qaadatay Tukatay kadibna cabtay Sunta sidaasina ay ugu geeriyootay sida ay ehelada qooyska marxuumad Shukri inoo sheegeen. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa baryihii ugu dambeeysay waxaa ka dhacayay falal aad looga argagaxo. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Haweeneey Muqdisho ugu geeriyootay Sun ay cabtay appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho-[Puntland Post]-Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa NISA ayaa xalay xabsiga dhigay Taliyaha Hoggaanka caafimaadka ee hay’addaasi oo lagu magaacbi jiraya Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal . Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta loo xiray Taliyaha, waxaana qaar ka mid ah dadka ku dhow ay sheegeen in gaarigiisa uu ku qarxay bannaanka hore guri uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho, isaga oo ka badbaaday qaraxaasi. Lama xaqiijinkaro in sababta loo xiray in ay tahay Qaraxa iyo in ay jiraan Sababo kale oo lagu eedeeyay. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Sarkaal ka tirsan Ciidamadda NISA oo la xiray appeared first on Puntland Post.
  19. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow),isagoo u magacaabay Guddoomiye cusub. Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa loo magacaabay in uu noqdo Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed),kaas oo bedelaya guddoomiyihii xilka qaadista lagu sameeyay ee Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow). Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) ayaa waxa uu xilka Gobolka Hiiraan haayay muddo Shan bilood ah. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxweyne Waare Oo Guddoomiye Cusub U Magacaabay Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
  20. Style-conscious Muslim women were long ignored by the mainstream fashion industry. An exhibition at San Francisco's de Young Museum confronts stereotypes on Islam and style, showing that Muslim fashion is far from drab. Source: Hiiraan Online
  21. Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha Ismaamulka DDSI Mustafe Maxamed Cumar, ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu dib u eegis ku sameyn doono saamiga shidaalka ee dhulka Soomaalida. Mustafe Maxamed Cumar, oo u waramaayay warbaahinta ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in shacabka DDSI ay helaan saamigooda shidaalka si loo helo wadashaqeyn wanaagsan oo dhexmarta maamulka iyo dowlada Ethiopia. Mustafe Maxamed Cumar, waxaa uu sheegay in isaga kaligii uusan sixiixi karin saamiga laga siinayo Soomaalida iyo dadka deggan agagaarka Magaalada Shillaabe, balse uu la kaashan doono dowlada Ethiopia oo talada qeyb ka leh. Madaxweyne Mustafe waxa uu cadeeyay in xitaa talada ay qeyb ka leeyihiin dadka Soomaalida ah ee Gobolka leh, waxa uuna carab ***** inay xaq u leeyihiin inay ka doodan saamigooda. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa raaciyay in dowladda dhexe ay kala hadlayaan saamiga dhabta ah ee Soomaalida ay ka yeelaneyso shidaalka si looga gudbo tuhunka ku jira Soomaalida deegaanka. Haddalka Mustafe Maxamed Cumar ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu weli muran weyn ka taagan yahay saamiga ay dowlada Ethiopia Soomaalida ka siisay shidaalka laga qoday dhulka maamulka. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahiyeen Idaacadaha maxaliga ah waxaa habbeenimadii xalay xabsi la dhigay Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal oo la sheegay inuu ahaa Madaxa Hoggaanka caafimaadka ee hay’adda Nabadsugida Somalia. Madaxa Hoggaanka caafimaadka ayaa waxaa xiray Ciidamada hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka oo hooygiisa kala baxay. Idaacada goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa baahisay in Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal la xiray kadib markii shalay uu gaarigiisa ku qarxay bannaanka hore guri uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho. Mas’uulkan ayaa xarigiisa yimid kadib markii uu ka badbaaday qaraxaasi oo dhacay waxyar kadib qaraxii gaariga Dr. Yaxye Caamir oo ka dhacay Isgooska debka ee magaalada Muqdisho. Qoyska mas’uulkan xabsiga muteystay oo u waramaayay Idaacada ayaa sheegay in qaabka loo xiray aan ahayn mid uu mudnaa, islamarkaana loo diidey ehelkiisa iney ogaadaan halka la geeyey. DFS ayaan wali ka hadal xarigga mas’uulkaasi waxaana loo badinayaa inuu mari doono baaritaano ku aadan Qaraxa lagu xiray gaarigiisa iyo sababta ku khasabtay in isagoo mas’uul ah uu dayaco naftiisa. Dhainaca kale, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmahan ka dhacayay dilal qorsheysan iyo qaraxyo, waxaana xusid mudan in DFS ay mar waliba xirto shaqsiyaadka leh gaadiidka lagu xiro Qaraxyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa haweeney la sheegay inay isku dishay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Haweeneydan oo qaabab kala duwan loo fasiray is dilkeeda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Shukri Cabdullaahi Raage oo hal cunug Ifkaga tagtay, waxa ayna dhacdadaani ka dhacday Xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid. Xaqiiqda geerida Haweeneydan ayaa la sheegay inay tahay buuq maalmahani ku furnaa kaa oo ka dhashay awoood looga qaatay gabar ay u dhashay ninkii ay kala tageen. Qoyska marxuumada ayaa sheegay in warbaahinta qaar ay ka been sheegen qaabka ay ku timid geerida gabadhooda, waxa ayna tilmaameen in la baahiyay inay isku dishay nin ay jecleyd oo loo diiday. Balse waxa ay xaqiiqda ku sheegen in geerida gabadhooda ay aheyd mid ku imaaday buuqa ka dhashay gabar ay dhashay oo laga qaatay, iyadoo wixii intaa ka danbeysay ay sun cabtay. Is dilka Haweeneydan ayaa inta badan waxaa aad looga hadal hayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, wallow qaabka uu u dhacay dilka laga bixiyay fasiraad khaldan oo ku aadan inay isku dishay nin loo diiday balse ay xaqiiqdu tahay in laga qaatay canugteeda oo lagu furay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa maalmahaani magaalada Muqdisho ka dhaca dilal qaab fool-xun oo intooda badan ay isku geystaan dad uu ka dhaxeeyo ubad ama guur. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, islamarkaana soo sheegaan cid walbo oo xiriir la leh dagaalyahannada Al-shabaab iyo Daacish. Waxa uu sheegay Gaas in Al-shabaab iyo Daacish looga guuleysan karo shacabka oo la shaqeeya hay’adaha ammaanka, soona sheega cid walbo oo ay tuhmaan. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay Gaas in haddii la helo wada shaqeyn dhanka shacabka ah ay sahlanaaneyso in laga adkaado cid walbo oo amni xumu ka wadda Puntland. “Daacish iyo Shabaab wey geysanayaan dhib, laakiin waxaa muhiim ah inaan loo dibcin cadowgaas xunka ah oo aan isaga filannahay, waxaan aaminsanahay dadkeenna haddii aan isku xirnaano shacab ahaan iyo xukuumad ahaan aan ka guuleysan karno, waxaa nalaga rabaa inaan iska celinno oo aan meel iska saarno, shacabka oo dowladda usoo waramaya ayaa lagu guuleysan karaan oo ay soo sheegaan wixii ay arkaan” ayuu yiri Gaas. Al-shabaab iyo Daacisha ayaa weeraro ka dhex fuliya deegaannada Puntland, waxaana ay ku sugan yihiin dhulalka buuraleyda ah ee maamulkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Weerar cirka ah, oo Ciidamada Mareykanka ay u qaadeen Al-shabaab waxaa ay ku dileen 18 ka tirsan Al-shabaab, sidaasi waxaa sabtidii sheegay AFRICOM. Afhayeen-ka AFRICOM Nate Herring, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid is difaacid ah kadib markii waxa uu ugu yeeray “kooxaha macan-gegga” ay arkeen dhoollatus si wadajir ah u sameynayeen Mareykanka iyo Somaalida. Nate Herring ayaa intaasi raaciyey in aaney wax khasaare ah soo gaarin ciidamada Soomaalida iyo kuwa Mareykanka. Weerarka waxaa uu ka dhacay meel 31 mile dhanka waqooyi galbeed uga beegan magaalada Kismaayo, wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in ciidamada Soomaalida ay iyaguna dagaal iska kor imaad ah ku dileen dhowr Al-shabaab ah. Mareykanka waxaa uu sanadkan gudahiisa qaaday ilaa 20 weerar oo xagga cirka ah, waxuuna sheegay in ku bar tilmaameedsanayo kooxda ugu khatarsan Afrika ee Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com