-
Content Count
210,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Cabul)-Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday goob ay ku shirayeen culumaa’udiin dalka Afqaanistaan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 43 qof. Qaraxa ayaa ka dhacay magaalada, Kabul ee xarunta dalka Afqaanistaan. Qarxani ayaa waxaa ugu yaraan ku dhaawacmay 83 qof. Kulanka culumadan ayaa ka dhacayay goob aroosyada lagu qabto oo lagu magacaabo Uranus wedding hall. Culumada qaraxa lala beegsaday ayaa ku guda jiray xuska dhalashada Nabi Maxamed Nabadgalyo iyo naxariis dushiis ha ahaatee. Waa qaraxii ugu dhimashada badnaa ee Kabul ka dhaca bilooyiinkii ugu dambeeyay. Ma jirto ilaa iyo imika cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi. Sidee wax u dhaceen? Waxaa la sheegay in goobta ay xafladda ka socotay ay ku jiraan 1,000 qof markii uu qaraxa dhacayay. Lahaanshaha sawirkaEPAImage captionCiidamada ammaanka Afhayeen u hadlay booliiska Kabul Basir Mujahid,ayaa sheegay”In culumada Islamka ay aqrinayeen quraanka iyaga oo u dabaaldagayay dhalashada Nabiga nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee”. Qofka ismiidaamiyay ayaa ka soo galay albaabka hore ee xarunta halkaasi oo walxaha qarxa uu la beegsaday. Sheekh Mohammad Hanif ayaa sheegay uu qarax dhawaq xooggan uu dhacay “qof walibana uu qaaylinayay isaga oo caawin dalbanaya”. Sawiro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxay muujinayaan dhar dhiig badan uu ka muuqdo iyo quraarado jajabay oo goobta daadsan. Telefishinka 1TV News ayaa ka soo xigtay wasaaradda caafimaadka in 24 ka mid ah dadka dhaawacmay uu dhaawacooda halis yahay. Maxay tahay jawaabaha laga bixiyay? Madaxwaynaha Afqanistan Ashraf Ghani ayaa cambaareeyay waxa uuna ku tilmaamay “weerar argagixiso “. Waxa uu ku dhawaaqay in maanta oo Arbaco ah ay tahay maalin baroordiiq islamarkana calanka dalka hoos loo dhigi dono. Howlgalka Qaramada Midoobay ee Afqanistaan ayaa dhankooda waxay sheegeen in ay aad uga xun yihiin weerarkan ismiidaaminta. Rai’sul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa cambaareeyay waxa uuna ku tilmaamay “fal argagixiso oo fulaynimo ah”. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudoonka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Wafdi uu hogminayay Wasiir ku xigeeenka Arimaha Dibada Dowladda Finland ee Xarunta Golahasi Wafdigaan heeraka sarre ee ka socday Dowlda Finland uu Hogminayay Wasiirka Kuxigeenka Finland, Samuli Virtanen iyo Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sarre Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan Albabada xubnaha ku wada qaatay Golaha Aqalka Sare. Kulanka labada mas’uul marka uu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta uga warbiyay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mowliid Xuseen Guhaad ayaa sharaxay muhiimada kulankaasi iyo waxyaabaha ugu mihiimsanaa ee lagu lafa guray. Mowliid Xuseen ayaa carabka ku dhuftay in ay mas’uuliyiintu ay isla soo qaadeen Dadaalada uu Golaha Aqalka Sare uu isgu soo dhaweenayaan Maamul Gobalaydyada Xubnaha ka ah Dowlad Dhexe Fedraalka Soomaaliya oo haatan wada shaqeyntooda uu mad-madow uu soo kala dhexgalay iyo haatan halka ay dadaaldaasi ay mrayaan. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan sidii uu u dardargalin lahaa Howlha Horyaala Golahaasi iyo Dadaalda la isugu soo dhaweenayo Maamul Gobalydyda Dalka iyo Dowlada Dhexe Soomaaliya. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Finland, Samuli Virtanen oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa maanta Aqalka sare kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Ku xigeenadiisa. Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mowliid Xuseen Guhaad ayaa kulanka dib ka warbixiyay Waxyaabihii ay ka wada hadleen Madaxda Aqalka sare iyo Samuli Virtanen. “Waxaan bogaadineynaa inuu soo booqday Aqalka Sare, Kulan ayaan la yeelanay wuxuu waday Fariin iyo Salaan uu ka sido Madaxda iyo Shacabka Finland, Waxyaabaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah Xoojinta Xiriirka Labada dal, Doorka uu leeyahay Aqalka sare iyo sidii loo hormarin lahaa Federaalka. Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare ayaa sheegay inay isla garteen in Dowlada Finland ay ka qeyb ka qaadato Hormarinta Federaalka Soomaaliya iyo xalinta tabashooyinka ay Dowlad Gobaleedyada ka qabaan Dowlada dhexe. “Waxaan isla garanay in Dowlada Finland ay door wanaagsan ka qaadato xalinta wada shaqeyn xumada dhex martay Dowlada Dhexe iyo Dowlad Gobaleedyada iyo sidii Midowga Yurub iyo Dowlada Finland u taageeri lahaayeen Nidaamka Federaalka oo ku cusub Soomaaliya, aad ayaan ugu faraxsanahay imaanshaha Wasiirka, inuu fariin fiican la noqon doono ayaan rajeyneynaa”. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Finland, Samuli Virtanen, ayaa shalay la kulmay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dawladood, fududaynta isu socodka, kor-u-qaadidda taageerada Finland ay siiso Soomaaliya, horumarinta ganacsiga iyo dar-dar gelinta mashaariicda dawladda Finland ay ka fuliso Soomaaliya. The post Gudoonka Aqalka sare oo qaabilay wafdi ka socday Finland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo magaaladda Rome kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte ayaa sheegay in dib u xoojinta xiriirka labada dal uu yahay qorshe mudnaan gaar ah u leh Dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Raiisul Wasaaraha dalka Talyaaniga kaalinta uu dalkaasi kasoo qaatay dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada maamulka iyo ciidanka, isagoona tilmaamay in kaalintaas oo kale ay haatan ka filanayaan madaxda dalka Talyaaniga. Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa si wada jir ah u bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ku salaysan saaxiibtinimada iyo dan-wadaagga ee ka dhaxeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Dowladda Talyaaniga in ay ku dhiirrigeliso ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Talyaaniga in ay maalgashadaan Soomaaliya iyagoo ka faa’iideysanaya fursadaha kala duwan ee haatan ka jira Soomaaliya. “Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay wadaagaan xiriir taariikhi ah oo ku qotoma iskaashi dhaqaale, mid dhaqan iyo saxiibtinimo soo martay heerar kala duwan, waana tan udub dhexdaadka u ah in la xoojiyo xiriirkeena soo jireenka ah si aynu horumar iyo barwaaqo u gaarsiinno labadeenna shacab.” Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Conte ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda, wuxuuna adkeeyay in ay dowladdiisu ka go’an tahay wadashaqeynta iyo taageerada ay u hayaan Soomaaliya, isagoona bogaadiyey horukaca ay sameysay Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay hindisaha Dowladda Soomaaliya ee maalgashadayaasha Talyaaniga si ay ganacsatada Talyaaniga u maalagashadaan Soomaaliya. Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaare Conte horumarka iyo soo kabashada ay hadda ku jirto Soomaaliya iyo sidii labada dowladood u yeelan lahayeen iskaashi iyo wax-wada-qabsi. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Conte ayaa isku raacay ina y sii wadaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dawladood, iyada oo loo marayo istiraatiijiyad faa’iido wadaag ah oo dan u ah labada dal iyo shacab sii loo xoojiyo xiriirka dhaqaale iyo dhaqan ee ay wadaagayaan labada dal. The post MD Farmaajo oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh. M. Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-211118.mp3 The post Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Hirshabeelle ayaa xil ka qaadistii ugu badneyd ku sameeyay masuuliyiin kala duwan oo xilal ka qabtay gobolka Hiiraan, haba ugu badnaadeene guddoomiyaal kala duwan oo xilka laga qaaday. Arrinta ugu weyn ee sababta u ah xil ka qaadista ayaa ah hab maamulka dhaqaalaha badan ee canshuur ahaan kaga soo xaroodo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan iyo deeganaada kale ee gobolka. Wasiirka maaliyadda Hirshabeelle oo saaxiib ay yihiin masuuliyiinta ugu sareyso Hirshabeelle ayay is qabteen masuuliyiintii ugu badneyd ee xil ka qaadista lagu sameeyay ee gobolka Hiiraan. Arrinta ay isku qabtaan masuuliyiinta ugu badan ee xilka laga qaaday ayaa ah dhaqaalaha kasoo xaroodo gobolka Hiiraan oo si toos ah loogu shubo Account ay maamulaan madaxda Hirshabeelle. Masuuliyiintii maamulka degmada iyo kan Gobolka ayaa ku dooda in dhaqaalaha ka yimaada kastamada magaalada Beledweyne lagu shubo qasnadda gobolka Hiiraan si loogu adeego dadweynaha gobolka islamarkaana mushaarkooda laga siiyo shaqaalaha gobolka Hiiraan. Taasi badalkeeda waxaa dhaqaalaha toos loogu xawilaa Koontooyin gaar ah, waxaana Hiiraan a yimaada dhaqaalaha ugu badan oo dadka deegaanka aan loogu qaban. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaga oo ku sugan magaalada Kismaayo, waxa uu sheegay in xilligan aanay suurtagal ahayn in Soomaaliya iyo Itoobiya ku midoobaan arrimaha siyaasadda. Wuxuu sheegay in kaliya laga wadahadli karo arrimaha dhaqaalaha iyo maslaxadda Labada dal, balse aanay habooneen in la isugu yimaado arrimo siyaasadeed waqtigan. Madaxweyne hore Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in markii la helo dowlad sal adag leh suurtagal tahay in laga wadahadlo arrimaha siyaasadda waa sida uu hadalka u dhigaye. “Annaga iyo Itoobiya siyaasad ayaan ka midoobeynaa in la yiraahdaa lama billaabi karo, waqtigeedana ma ahan, dalkaan markii uu dego oo dowlad uu yeesho oo dowladdiisu dowlad deggan oo adag ay noqoto markaasi waa dooddeeda iyo ra’yigeeda waa la furi karaa…maanta waxaan qabaa wada xaajoodkeeda lama bilaabi karo iska daa waan midoobeynaa iyo Hal madaxweynaan yeelaneynaa, xaggaan ka dhaceynaa..mana furno albaabkaasi maanta, laakiin midda dhaqaalaha ah iyo masaaliixda in laga wadahadlo wadahadalkeeda waa la bilaabi karaa” ayuu yiri Xasan Sheekh. Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretria ayaa gaaray heshiis Saddex geesood ah, kaasi oo u badan iskaashi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Puntland Post-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo magaaladda Roma kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte ayaa sheegay in dib u xoojinta xiriirka labada dal uu yahay qorshe mudnaan gaar ah u leh Dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Raiisul Wasaaraha dalka Talyaaniga kaalinta uu dalkaasi kasoo qaatay dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada maamulka iyo ciidanka, isagoona tilmaamay in kaalintaas oo kale ay haatan ka filanayaan madaxda dalka Talyaaniga. Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa si wada jir ah u bogaadiyey xiriirka soo jireenka ah ee ku salaysan saaxiibtinimada iyo dan-wadaagga ee ka dhaxeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Dowladda Talyaaniga in ay ku dhiirrigeliso ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Talyaaniga in ay maalgashadaan Soomaaliya iyagoo ka faa’iideysanaya fursadaha kala duwan ee haatan ka jira Soomaaliya. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisul Wasaare Talyaaniga Oo Kulan Yeeshay appeared first on Puntland Post.
-
War weyn:Xiisad Culus oo ka dhex aloosan Tigrayga Itoobiya iyo Maamulka Ra’iisal-wasaare Abiy Ahmed Xisbiga awoodda badan ee Tigrayga dalka Ethiopia ayaa ku eedeeyey dowladda dalkaas inay xireyso oo ay beegsaneyo xubno kasoo jeeda qowmiyaddaas, taasi oo ay sheegeen inay qeyb ka tahay dagaal siyaasadeed oo lagu hayo. Hadalka aan caadiga ahayn ee kasoo baxay Tigrayga, ayaa shaaca ka qaadaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka xooggan ee ka dhex-oogan maamulka sare ee Ethiopia. Eedeyntan ayaa qeyb ka ah xiisad sii kordheysa oo u dhaxeysa xisbiga Tigrayga ee TPLF – oo muddo hayey awoodda dalka Ethiopia – iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada. Ugu yaraan 79 isugu jira saraakiil amni, ganacsato iyo haween badankood kasoo jeeda Tigrayga ayaa la xiray tan iyo toddobaadkii tagey, taasi oo qeyb ka ahayd wax ay dowladda ugu yeertay olole ka dhan ah musuq-maasuqa iyo si xun ula dhaqanka maxaabiista. Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo ururo kale ayaa soo dhoweeyey xariga. Hase yeeshee guddoomiyaha xisbiga TPLF, Debretsion Gebremichael ayaa yiri isniintii “Musuq-maasuq iyo xuquuqda aadanaha, ayaa qiil looga dhigay in la beegsado dadka Tigrayga”. Xafiiska ra’iisul wasaaraha Ethiopia, weli kama jawaabin eedeynta culus ee kasoo baxday Tigrayga. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ka hadlay xiriirka siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia. Xasan Sheikh ayaa sheegay in hal arin aysan ku heshiin karin Soomaaliya iyo Ethiopia, arintaasi oo uu ku tilmaamay inay tahay siyaasadda, maadaama dalka ay dhibaatooyin siyaasadeed ka jiraan. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kasoo horjeestay Ololaha dowladda Soomaaliya ay waddo ee ku aadan Hanaan goboleedka dalalka geeska Afrika ee ku aadan horumarinta dhaqaallaha. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan dhici karin in ay Soomaaliya iyo waliba dalka Itoobiya ay ku midoobaan Siyaasad xilli Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin badan sidda Siyaasad aan degeyn iyo waliba dalka oo aan la heyn Ciidan xooggan. Waxaa uu sheegay in aan la bilaabin karin xilliggaan Midnimadda Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana uu sheegay in hadda loo baahan yahay in dalka dib loo dhiso oo aan umadda Soomaaliyeed dhibaato hor leh loo horseedin. Madaxweyne Farmaajo ayaa xiriir wanaagsan la sameeyay dowladda Ethiopia, kaasi oo sababay in maamuladii dalka ay dareemaan culees dhanka dibadda ah, maadaama lasoo xirxiray dhaqdhaqaaqyadii ay sameyn jireen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xukunka dunida islaamka” Sacuudiga oo arrin yaab leh ku tuhmaya TURKIGA Wargeys kasoo baxa dalka Sacuudiga ayaa bilaabay olole loogu digayo qorshaha Turkey uu ka damacsan yahay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Nin Salaam, iyada oo lala xiriirinayo dilkii Wariye Jamaal. Arrinta yaabka leh ee Sacuudiga ay faafinayaan ayaa ah in Turkiga doonayaan in ay wiiqaan Sacuudiga, si ay ayaga u xukumaan dunida Islaamka. Wariye Maxamed Catiif ayaa ku qoray Wargeyska SABQ in dowladda Sacuudiga ay ku micneysay “Weerar aan waxba laga qaban karin” dilkii Jamaal, halka uu ku eedeeyay dowladda Turkey inay kor u qaadeyso arin aan waxba ku jirin, ayna iska indha tireyso Dalabka Sacuudiga ee la xiriira codka ama cadeymaha kale ee dilka Jamaal. Wariyaha ayaa ku eedeynaya xukuumadda Ankara in dilka Jamaal ay siyaasadeyneyso, iyada oo dooneysa inay isku daydo xukunka dunida islaamka iyada oo la hoos dhigayo doorka Sacuudiga ku leeyahay la dagaalanka kooxaha islaamiyiinta. Wuxuu intaasi ku daray in Turkey uu isku dayayo ” Inuu helo faa’idada dhaqaale isaga oo u hanjabaya Sacuudiga” waxaana uu sidoo kale sheegay in Turkey uu jibiyay xiriirka diblumaasiyadeed isaga oo jaajuusay qunsuliyadda Sacuudiga. Isla waqtigaasi, Wariye Sacuudiyaan ah Xaamud Abu Taleb ayaa warbixin uu qoray cinwaan uga dhigay “Maxay dadka dambiyada waaweyn galay u aamisan yihiin” waxaana uu ku eedeeyay in xukuumada Turkey ay ogolaadeen dilka Wariye Jamaal Khashoqji. “Sirdoonka Turkey wuu la socday xaalka Jamaal ilaa uu yimid Istanbul, waxay dhageysanayeen wada sheekeysigooda iyo qorshaha dilka Wariyaha, laakiin ma aysan joojin in dambiga uu dhaco”ayuu hadalkiisa kusii daray wariyaha reer Sacuudi. Sidoo kale Khalid Suleymaan ayaa qoray “Haddii “Turkey” ay ogaayeen xaalka iyo qorshaha dilka inta uusan dhicin, maxay ugu digu waayeen Kashoqji” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay dib u fureyso Muddo kadib xuduuda ay wadaagaan degmooyinka Beledxaawo iyo Mandheera oo u xirmay weerarada Al Shabaab. Xadka Mandheera ee dhanka Soomaaliya ayaa xirmay kadib markii Al Shabaab weeraro badan ay ka geysteen deegaankaasi, waxaase hadda Kenya ay sheegeysaa in xaaladda oo soo wanaagsanaatay ay sahleyso in xadka ay furaan. Tan iyo Bilowgii 2015 Kenya waxay ku guuleysatay dhismaha xuduudka oo darbi ay ka dhiseysa oo gaaraya ku dhawaad 20 KM, waxaana taasi ay qeyb ka tahay qorshaha dib loogu furayo xuduuda Mandheere ee dhanka Beledxaawo. Beledxaawo iyo Mandheera shacabka ku nool ayaa leh xiriir wanaagsan oo dhanka ganacsiga ah, laakiin ciriiri ayaa ku yimid dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ee labada dhinac waxii ka dambeeyay markii xuduuda la xiray. Dhawaan Guddiga Difaaca dalka Kenya oo deegaanada xuduuda tagay ayaa sheegay inay ogaadeen in shacabka Kenya ay doonayaan in ciidamadooda ka baxaan Soomaaliya si weerarada Al Shabaab ay u yaraadaan. Guddiga ayaa sidoo kale qiimeynayay dhismaha darbiga weyn ee xuduuda labada dal, iyaga oo warbixin u gudbiyay baarlamaanka dalka Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Xisbiga awoodda badan ee Tigrayga dalka Ethiopia ayaa ku eedeeyey dowladda dalkaas inay xireyso oo ay beegsaneyo xubno kasoo jeeda qowmiyaddaas, taasi oo ay sheegeen inay qeyb ka tahay dagaal siyaasadeed oo lagu hayo. Hadalka aan caadiga ahayn ee kasoo baxay Tigrayga, ayaa shaaca ka qaadaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka xooggan ee ka dhex-oogan maamulka sare ee Ethiopia. Eedeyntan ayaa qeyb ka ah xiisad sii kordheysa oo u dhaxeysa xisbiga Tigrayga ee TPLF – oo muddo hayey awoodda dalka Ethiopia – iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada. Ugu yaraan 79 isugu jira saraakiil amni, ganacsato iyo haween badankood kasoo jeeda Tigrayga ayaa la xiray tan iyo toddobaadkii tagey, taasi oo qeyb ka ahayd wax ay dowladda ugu yeertay olole ka dhan ah musuq-maasuqa iyo si xun ula dhaqanka maxaabiista. Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo ururo kale ayaa soo dhoweeyey xariga. Hase yeeshee guddoomiyaha xisbiga TPLF, Debretsion Gebremichael ayaa yiri isniintii “Musuq-maasuq iyo xuquuqda aadanaha, ayaa qiil looga dhigay in la beegsado dadka Tigrayga”. Xafiiska ra’iisul wasaaraha Ethiopia, weli kama jawaabin eedeynta culus ee kasoo baxday Tigrayga. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
-
Waaciye[Puntland Post]-Degmada Waaciye ee gobolka Karkaar waxaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee sannadka 2019, Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye. Boqollaal dadwayne ah oo isugu jirey qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa isugu soo baxay fagaaraha degmada Waaciye, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Musharrax Jebiye iyo ololihiisa Karti iyo Hufnaan. Injineerku wuxuu bulshada Waaciye uga mahadceliyey sida xurmada leh ee isaga iyo wafdigiisa loo soo dhoweeyey, wuxuuna ballan qaaday in marnaba aanu hilmaami doonin taageerada ay bulshada Waaciye u muujiyeen Ololaha Karti iyo Hufnaan. Musharrax Jebiye ayaa kahor imaatinkiisa degmada Waaciye wuxuu soo maray si weynna loogu soo dhoweeyey deegaannada Carta, Laas Barwaaqo, Juurile, Dalweyn iyo Alxamdulillaah. Bulshooyinka deegaannadaas ku dhaqan ayaa Musharraxa uga mahad celiyey sida uu mudnaanta u siiyey codsigooda ah inuu deegaannadooda soo booqdo, iyagoo sheegay inay tahay markii ugu horraysey ee ay arkaan musharrax soo u yimaada oo dhegaysta tabashooyinka ay qabaan. Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’. Socdaalkan ayaa ah mid musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada Cabdiqani Boos Puntland Post The post Musharrax Jebiye oo degmada Waaciye si weyn loogu soo dhoweeyey appeared first on Puntland Post.
-
Ilhaan Cumar oo taageero ka heshay Ivanka Trump Ivanka oo taageertay Ilhaan Cumar Ururka u dooda xuquuqda dadka muslimiinta ah ee ugu weyn dalka Mareykanka iyo gabadha uu dhalay madaxweyne Donald Trump ayaa taageeray isku day ay gabar muslim ah oo ka soo jeedda Soomaaliya ku dooneyso in wax looga baddalo sharci muddo aad u dheer ka jiray aqalka wakiillada Mareykanka, oo ah inaan madaxa lagu daboolan Karin gudaha aqalkaas. Ilhaan Cumar, oo ah gabar qaxooti ah oo Soomaaliya ka timid, isla markaana dhawaan loo doortay xubinnimada aqalka wakiillada ee Koongareeska Mareykanka, ayaa ku biirtay olole ay hoggaamiyeyaasha xisbiga dimuqraaddiga ku doonayaan in wax looga beddelo xeer uu aqalkaas ku dhaqmayay muddo 181 sano ah. Arrintan ayey siyaasiyiinta xisbigaasi ku damacsan yihiin in golaha wakiillada loogu fasaxo qodobbada la xiriira diimaha ee daboolidda madaxa, sida xijaabka muslimiinta, koofida Yuhuudda iyo duubka. Sharciyada Isbaddalladan ayaa qeyb ka ah qodobbo ay soo bandhigeen mas’uuliyiinta sare ee xisbiga Dimuqraaddiga, oo ay ka mid tahay hoggaamiyaha laga tirada badan yahay ee aqalka wakiillada, Nancy Pelosi. Bisha Janaayo ee sannadka foodda nagu soo haya ayaa la filayaa in la ansixiyo qodobbadaas marka ay Dimuqraaddigu si rasmi ah ula wareegaan aqlbiyadda aqalka Koongareeska. “Ma jirto cid igu khasbeysa inaan madaxeyga xijaab ku daboolo laakiin aniga ayaa doortay. Waa dookheyga – waana arrinta ugu horreysa ee isbaddalka lagu sameynayo” ayey Ilhaan Cumar ku tiri qoraal ay baraha bulshada soo dhigtay. Qoraalkeeda ayey sii raacisay “Tanina ma aha wixii ugu dambeeyay ee aan doonayo inaan xayiraadda ka qaado”. Isku daygan ayaa hantay taageerada ururka xiriirka Mareykanka muslimiinta ah. “Waxaan taageereynaa dadaalka lagu doonayo isbaddalka xeerarka aqalka, waxaana soo dhaweyneynaa in golaha wakiillada uu noqdo meel si xornimo ah looga dhaqmo diimaha” ayuu yiri Nihad Awad oo ah agaasimaha guud ee ururkaas. Waxaa sidoo kale u riyaaqday gabadha uu dhalay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee lagu magacaabo Ivanka Trump. Qoraal ay Ivanka soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku tiri “Isbaddal sharci oo muhiim ah ayaa lagu sameyn doonaa aqalka Koongareeska”. Marka 3-da bisha Janaayo uu furmo kalfadhiga aqalka Koongareeska ee 116-aad ayaa waxaa kuraastiisa kasoo muuqan doona tiradii ugu badneyd abid oo haween ah iyo dadka laga tirada badan yahay oo ay ku jiraan dadka ku hadla luuqadda Isbaanishka, Mareykanka madow, dadka Mareykanka ee asalka ah iyo xubno ka tirsan dadka isku jinsiga ah ee isguursada iyo kuwa labeebka ah. Jim McGovern oo ka tirsan xisbiga dimuqraaddiga ayaa la filayaa inuu shir guddoomiyo golaha. Sharciyada ku saabsan daboolista madaxa ayaan waxtar u lahaan doonin xildhibaannada qaar, sida haweeneyda lagu magacaabo Frederica Wilson oo caan ku ah iney xirato koofiyado midabbo kala duwan leh, horayna dadaal dheer ugu jirtay in aqalka laga qaado mamnuucista in madaxa la daboolo. Maadaama koofiyadda aysan diin la xiriirin, Wilson ayey wali mamnuuc ka ahaan doontaa iney koofiyad ku xirato golaha koongareeska dhexdiisa. Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u aqbalay xabad joojin iyo inaanu dagaal dambe ka dhicin jiidda Tukaraq ee gobalka Sool. Sidaas waxa Caasimada Online u xaqiijiyay ilo xogogaala. Madaxweyne Gaas, ayaa soo jeedintan ka aqbalay ergayga Qaramada Midoobay danjire Nicholas Haysom oo dhawaan isaga dab qaaday magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe. Mr. Gaas ayuu warku sheegay inuu ergayga u cadeeyay inuu si rasmi ah u aqbalay soo jeedin dhawr goor oo hore uu ka diiday ergaygii hore ee Qaramada Midoobay danjire Micheal Keating iyo IGAD oo ahayd in Somaliland iyo Puntland aqbalaan soo jeedin ah in la sameeyo xabad joojin. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu dhawr goor oo hore cadeeyay inuu aqbalay soo jeedinta Qaramada Midoobay, IGAD iyo Maraykanka oo ka koobnayd saddex qodob oo uu ugu muhiimsanaa xabad joojin rasmi ah. Laakiin Madaxweyne Gaas ayaa wakhtigaas soo jeedintaas xabad joojinta ku xidhay shuruud ah in ciidamada Somaliland ka baxaan Tukoraq. Sida ay wararkani sheegeen Madaxweyne Gaas, ayaa hadda si rasmi ah u aqbalay soo jeedintaas uu hore u diiday. Lama hubo laakiin in telefoon lagu wada hadashiiyay Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Gaas. Dagaalo kala duwan oo deegaanka Tukoraq ku dhex maray Somaliland iyo Puntland, ayaa waxa ku dhintay ciidamo labada dhinac ah, waxaana ku baro-kacay qaar ka mid ah dadweynaha deegaankaas ku nool. Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in aqbalaadda xabad joojinta ee Cabdiweli Gaas ay sabab u tahay xaaladda siyaasadeed ee maamulkiisa haysata, waxaana la ogyahay in ciidamo ka tirsan kuwa uu ugu tallo galay Tuko-raq ay iyagoo ka gadoodsan mushahar la’aan dhawr goor sameeyeen gadood ciidan oo ay mar kula wareegeen madaarka Garowe. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeys kasoo baxa dalka Sacuudiga ayaa bilaabay olole loogu digayo qorshaha Turkey uu ka damacsan yahay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Nin Salaam, iyada oo lala xiriirinayo dilkii Wariye Jamaal. Arrinta yaabka leh ee Sacuudiga ay faafinayaan ayaa ah in Turkiga doonayaan in ay wiiqaan Sacuudiga, si ay ayaga u xukumaan dunida Islaamka. Wariye Maxamed Catiif ayaa ku qoray Wargeyska SABQ in dowladda Sacuudiga ay ku micneysay “Weerar aan waxba laga qaban karin” dilkii Jamaal, halka uu ku eedeeyay dowladda Turkey inay kor u qaadeyso arin aan waxba ku jirin, ayna iska indha tireyso Dalabka Sacuudiga ee la xiriira codka ama cadeymaha kale ee dilka Jamaal. Wariyaha ayaa ku eedeynaya xukuumadda Ankara in dilka Jamaal ay siyaasadeyneyso, iyada oo dooneysa inay isku daydo xukunka dunida islaamka iyada oo la hoos dhigayo doorka Sacuudiga ku leeyahay la dagaalanka kooxaha islaamiyiinta. Wuxuu intaasi ku daray in Turkey uu isku dayayo ” Inuu helo faa’idada dhaqaale isaga oo u hanjabaya Sacuudiga” waxaana uu sidoo kale sheegay in Turkey uu jibiyay xiriirka diblumaasiyadeed isaga oo jaajuusay qunsuliyadda Sacuudiga. Isla waqtigaasi, Wariye Sacuudiyaan ah Xaamud Abu Taleb ayaa warbixin uu qoray cinwaan uga dhigay “Maxay dadka dambiyada waaweyn galay u aamisan yihiin” waxaana uu ku eedeeyay in xukuumada Turkey ay ogolaadeen dilka Wariye Jamaal Khashoqji. “Sirdoonka Turkey wuu la socday xaalka Jamaal ilaa uu yimid Istanbul, waxay dhageysanayeen wada sheekeysigooda iyo qorshaha dilka Wariyaha, laakiin ma aysan joojin in dambiga uu dhaco”ayuu hadalkiisa kusii daray wariyaha reer Sacuudi. Sidoo kale Khalid Suleymaan ayaa qoray “Haddii “Turkey” ay ogaayeen xaalka iyo qorshaha dilka inta uusan dhicin, maxay ugu digu waayeen Kashoqji” Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dad badan ayaa ku wareersan su’aalana iska weydiinaya go’aamada kasoo baxay dowladda Somaliya ee lagu teegeerayay dowladda Sacuudiga kaasoo la xiriiray dilki weriye Jamaal Khashaqji oo lagu khaarijiyay 2-Oct. qunsuliyadda uu sucuudiga ku leeyahay waddanka Turkiga. Dowladda Turkiga ayaa si weyn u dhaleeceysay dilka, iyagoo ku tilmaamay in dilka Jamal Khashoqji ahaa mid lasoo qorsheeyay, wallow Sacuudiga hadalo isburinaya kasoo baxay ay ku difireen dilka weriyaha. Inta badan dowladaha caalamaka ayaa si weyn u dhaliiyay dilka weriyaha kuna tilmaamay fal wuxuushnimo kana baxsan sharciga ilaalinta xuquuqda bini-aadamka. Waddamo tiro yar oo ay Somaliya ka mid tahay ayaa la saftay Sacuudiga. Inta badan shacabka Soomaaliyeed ayaa la yaabay go’aanka dowladda Soomaaliya ee la safashada Sacuudiga, iyadoo la filayay taas bedlkeed in dowladdu garab istaagto Turkiga oo ah waqtigan la joogo walaal saameyn weyn ku leh umadda Soomaaliyeed xilliga ay ugu baahi badneydna usoo gurmaday illaa iyo imikana garab taagan. Haddaba maxay ka dhigantahay teegeerada dowladda Somaaliya ee Sacuudiga? Inkastoo siyaasadda caalamka waqtigan la joogo ay ku dhisantahay hadba meesha ay danta ku jirto, hadana waan baahanahay baqtiga looma cuno. Waxaa la filayay dowladda Somaliya ugu yaraan inay ka aamusto xasarradaha noocaan oo kale ah marka ay jiraan, oo aysan dhinacna la safan maadaama ay labada dowladood ay saameyn togan ku leeyihiin dalka, si looga fogaado khilaaf iyo sumcad darro. Laakin, dowladda somaliya ayaa si aan ganabasho laheyn u qaadatay go’aanka lagu taageerayay Sacuudiga, wallow uusan jirin mas’uul ku saxiixnaa warqadihii lasoo saaray, waxayse kasoo baxday wasaardda arrimaha dibadda ee dalka. Dad badan ayaa aaminsan in dowladda Somaliya teegeerada Sacuudiga ku bedelatay dhaqaallo. Ma xuma haddii halka warqad ay u dhiganto hal jawaano lacag ah! Laakin, illaa goormee Soomaaliya sharafkeeda iyo masiirkeeda lagu bedelanayaa dhaqaallo?! Waxaa sidoo kale lagu mala weynyahay, in ay tahay qorsho siyaasadeed ay dowladda Soomaliya xiriirka Sacuudiga ku wanaajinayso oo balanqaadyo aan weli fulintoodu la ogeyn u sameeyay, maadaama uu horay madmadow usoo kala dhex galay kaasoo la xiriiray go’doomintii Qadar ee Somaliya dhexdhexaadka ka noqotay. Waxeyse runta lagama reystaanka ahi tahay, in arrinti Qadar ay tani ka muhiimsaneyd in dhexdhexaad laga noqdo ama Turkiga lala safto. Si kastaba ha ahaatee, si muran iyo sumcad darro looga aamin noqdo, maxaa u diidaya dowladda inay ka fogaato teegeerada aa micnaha laheyn?! Turkiga Sidee u saameeyay go’aamada dowladda Soomaaliya? Kadib go’aankii dowladda ee la safashada Sacuudiga, waxaa soo baxayay oo ay warbaahinta qaar qoreysay in xiriiriki Soomaaliya iyo Turkiga madmadow soo kala dhexgalay, iyadoo xaalka cirka kusii shareeray kadib markii Soomaliya laga waayay xafladdi 29.Oct. ee furitaanki Gegeda diyaaradaha magaalada Istanbuul oo lagu cusuumay 18 dal oo saaxiibo la ah Turkiga. Ka dib maxaa dhacay? Hulusi Akar oo ah wasiirka gashaandhiga Turkiga, Taliyaha Ciidamada Turkiga, Saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Turkiga iyo Madaxa Hay’adda TIKA ayaa7-November yimid Muqdisho, waxeyna kulama la qaateen madaxda dowladda federaalka. Dadka ay la kulmeen waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda, iyada oo loo sameeyey casho sharaf soo dhoweyn ah. Ujeedka safarka wafdigan ayaa ahaa sidii dowladda Turkigu u sii dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka sida ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta. Haddaba imaatinka wafdigan balaaran ee Turkiga ayaa meesha ka saaray wararki leysla dhexmarayay ee ku saabsanaa xumaanshiyaha xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga. Waa su’aale Turkiga miyuusan ka warheyn go’aamada dowladda? Mise u jeedada Turkiga ee Soomaaliya waa mid ka fog go’aamada madaxda dowladda? Marka aad eegto siyaasadda Turkiga waa mid jiho leh oo aan ku xirneyn shaqsiyaad, taasna waxaa kaaga filan cadeyn xilliga ay soo bilaabatay garab-istaaga Turkiga ee soomaliya iyo inta madax ee soomaaliya isku bedeshay, welina halkeedii kasii socota. Waxaana hubaal ah in madaxda hadda joogta ay tagayaan halka garab-istaaga Turkigana uu baaqi sii ahaan doonno. Arrinkan ayaa loo arki karaa in Turkiga uusan saameyn ku yeelan go’aamada madaxda dowladda, ayna ujeedadiisa tahay keliya inuu garab-taagnaado umadda Soomaaliyeeda kana caawiyo howlaha horumarineed ee dalka sida dhisidda ciidanka xoogga iyo sidii ay dib ugu soo noqon laheyd Soomaliya oo awood leh. Aan soo gunaanadee, dowladda waxa ay meteshaa shacabka Soomaaliyeed. Inta badan shacabka Soomaaliyeed ayaa u arka dowladda Turkiga inay tahay walaal dhab oo xilli kasta garab taagan. Waxaana habbooneyd in dowladda tixgeliso dareenka shacabka iyo midka Turkiga, waxaase muuqata in taas aan wax dan iyo heello laga laheyn. Maxaase xigi doona, bal dhowr. W/Q: Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Burco (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland ayaa magaalada Burco uga soo hanjabay dowladda federaalka, isagoo ka hadlayay xaaladda geeska Afrika. Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan safar ugu baxay goballada dhaca Bariga Somaliland ayaa waxa uu shalay gaaray magaalada Burco ee Xarunta gobalka Togdheer. Isagoo dadweyne kula hadlayay magaaladaasi Burco waxa uu soo hadal qaaday xaaladda wadamada gobolka iyo isbahaysiga dowladda federaalka, xukuumadda Itoobiya iyo maamulka Eratariya. Wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka aynaan waxba yeeli karaynin, isagoo tilmaamay in gollaha ammaanka ee Qaramada Madoobe ay geeysay bayaan sheegaya in lala maquuniyo Somaliland sida uu Biixi Cabdi hadalka u dhigay. Waxaa uu sidoo kale Biixi kaga hadlay arrimaha doorashooyinka golayaasha Somaliland oo dhowaan buuq badani uu hareeyay. Madaxweynaha Somaliland Biixi ayaa sheegay in doorashooyinkii Somaliland ka dhici lahaa horaanta sanadkan uu dib u dhac ku yimid balse xisbiyada mucaaridka uu ku rajo weyn yahay inay xal ka gaadhan marka la gaadho sanadka 2019. Sidoo kale colaad beeleedyo ka taagan Somaliland ayuu soo hadal qaaday, isagoo ku baaqay in laga shaqeeyo nabadgalyada. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/CODKA-MW-BIIXI-20-11-2018.mp3 Caasimada Online Xafiiska Burco Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka ay ku baahisay barteeda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in 19-ka November 2018 ciidamada amniga magaalada Muqdisho ay ka soo qabteen xubno ka tirsan kooxda ISIS. Xubnahan ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee Daacish ayaa lagu soo qabtay hawlgal gaar ah oo ciidanka Hay’adda NISA ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah Muqdisho. Hawlgalkan qorsheysan ayaa si taxadar leh oo cidna aysan wax ku noqon u fulay sida lagu sheegay qoraalka Hay’adda NISA ay soo saartay. “Abaare 11-ka fiidnimo ee 19-ka November 2018, ciidamada amniga ayaa magaalada Muqdisho ka soo qabtay xubno ISIS ah, hawlgalkan ayaa si taxadar leh oo cidi wax ku noqon u fulay, soo qabashada xubnahan ayaa dhantaalaysa dhagarta ay ISIS u maleegayeen shacabkeena”. sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda NISA ay ku baahisay Twitter-ka. Ciidanka ammaanka ayaa kordhiyay hawlgalada ka dhanka ah Shabaab iyo Daacish, kadib markii dhawr mar sidan oo kale hawlgal ka dhacay Muqdisho lagu soo qabtay xubno ka tirsan kooxahan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dhulka Somaliyeed waxaa awoowayaasha Somalida oo tiro yar ku difaacijireen warmo iyo amley sababta oo ah waxay ahaayeen dad wadaniyiin ah oo dhulkooda iyo sharaftooda jecel kalana yaqaan nacabkooda iyo nasteexooda. Ummad waxaa loo yaabaa in la qabsado marka ay dhacaan arrimahan soo socda: 1. Marka wadaninimada loo loogu ama loo shidheeyo difaac xukun-qabiil oo la garanwaayo in haddii dhulku galo gacanta cadowga aan cidina ka badbaadeyn. 2. Marka dad kula diir ah oo Somaliyeed ay ummadda u macaaneeyaan heshiisyo ah khatar ku soo socota iyaga oo u adeegaya danaha cadowga san-dareerto awgeed. 3. Marka madaxdu u xilato danahooda gaarka ah iyo dhisid xukun qabiil. Xukun dal oo qabiil isa siiyo iyo ciidan qabiil oo lagu difaaco waxaa laga dhaxlaa dagaal sokeeye iyo burbur, horena Somalidu waa u soo aragtay oo waa ku burburtay. 4. Marka ummadda Somaliyeeed ee ka soo horjeeda heshiisyada dhagarta huwan ee loo maleegayo ay madaxda Somalia iyo taageerayaashoodu ku eedeeyaan dad ka soo horjeeda dawladnimada iyo horumarka si aan looga hadlin, looga doodin, loogana hortegin halis qaran oo soo fool leh. Taasu waxay keentaa sii kala fogaansho iyo iska-horimaad aan la mahadin. Waxaa kuwaas ka mid ah dadka maanta u ololaynaya midnimo dhexmarta Somalia iyo Itoobiya oo aan ahayn suurtogal. 5. Marka Somalinimo-xumada, wadaninimo-xumada iyo damiir la’aantu ay gayaysiiso in cadowga jiritaanka Somaliyeed lagu soo hoggaamiyo gobollo gaar ah oo dadka degan loo arko qabiil cadow ah si loo muquuuniyo, looga aargoosto loona xukumo sidaas awgeedna dalka iyo dadku u wada galaan gacanta cadowga oo wada qabsado. MIDNIMO HUWAN DHAGAR QABSASHO Iyada oo awelba Itoobiya si xun u gumaysata dhul iyo dad Somaliyeed ayaa haddana ay maanta rabtaa inay midnimo been ah oo dhagar gumaysi huwan ku qabsato inta xorta ah Somalida oo aan weli si habboon looga gilgilan. Sida taariikhda Itoobiya ku cad, Boqoradii la kala odhan jiray Mililik iyo Xayla Salaase waxay dafirijireen dal la yidhaahdo Somalia waxayna ku andacoonjireen in dhulka iyo badda Somalia ay tahay qayb ka tirsan Itoobiya dadka Somaliduna yihiin dad xoolo dhaqato ah oo ka tirsan dadka Itoobiya. Midnimada laab-la-kaca ku salaysan Abiye Axmed waxaa ka weyn cadaawadda guunka ah ee Itoobiya u hayso Somalida si loo abuuro waxa lagu magacaabo “Itoobiyada Weyn ee Geeska Afrika.” Cadaawad guun ah oo jirta 500 oo sannadood oo aan weli laga wada hadlin lagana heshiin laguma xallinkaro dhawr saacadood. Itoobiya waxay sheeganaysay dhulka Somalida muddo 500 oo sannadood ah waxayna mudadaas ku riyoonjirtay inay xoog ku qabsato dhulka Somaliyeed waase suurtoobiweyday, maantase waxay rabtaa inay siyaasad ku qabsato (iyada oo shacabka Somaliyeed laga dhaadhicinayo in Somalia iyo Itoobiya ay yihiin laba ummadood oo wada dhashay, walaalo ah oo is-jecel si dhagarta loo qariyo) oo si tartiib-tartiib ah ku soo geliso malaayiin Oromo ah, ku hubayso dabadeedna si fudud u liqdo Somalida oo dhan kuna muquuniso xoog ay kula wareegto; Somalidana laga dhigo wax la laayo iyo wax la qaxiyo sida Falastiin si dalka loo hantiyo. Ujeedadu Midnimo Maaha ee Waa Qabsasho. Sanadahan ugu dambeeya waxay Ooramadu si weyn ugu soo qulqulaysaa dhulka Somalida xorta ah waxaynu si cad u sheegtaan in iyagu leeyihiin dhulka Somaliyeed oo dhan bed iyo berriba. Waxaa hadda dagaal ba’an lagu hayaa Somall Galbeed si dhulkooda looga barakiciyo dabadeedna loogu soo duulo dhulka Somaliyeed ee xorta. Somalidu waa inay si wadajir ah fadhiga uga kacdaa kuna khasabtaa Ooramada inay ku ekaadaan degaankooda. Waxaa kale oo muhiim in Ooramada laga saaro si dhakhso Somalia iyo Somalilandba. Qawaaniintii caalamka maanta way burburtay oo dad iyo dalna laguma ixtiraamo xaqa madaxbanaanida haddii aan ummadda lahi heegan joogto ah ugelin difaaciisa iyo badbaadintiisa. Maanta adduunyadu waxa weeye kii xoog lahoo, reerka u hadh (qabso cidda aad ka xoog-roontahay). Eebbe (S.W.T) waxa uu siiyo ummad waxaa ugu qiimo badan dhul hooyo ee ay leedahay oo ku faanto kuna noolaato si xor ah. Maanta Falastiin ayaa og qiimaha uu dhulku leeyahay oo muddo 70 sano ah maalinkasta dhiig u daadinaysa si ay u xoroowdo. Markii uu Abiye Ahmed oggolaaday inuu Eratariya uga hadho dhulkii ay isku baaba’sheen muddo 30 sano ah, waxaa muuqata inuu rabo inuu awoodda Itoobiya isugu geeyo ku qabsashada Somalia siyaasad marka hore dabadeedna xoog loo adeegsado taas oo Itoobiya ku taamaysay ama ku riyoonaysay muddo 500 sano ah si ay u dhaxasho dhulka iyo badaha Somaliyeed. Abiye Axmed waxaa uu yidhi seddexdan arrimood: “Waxaa Itoobiya dhisanaysaa ciidan bad oo xoog leh (iyada oo aan lahayn wax bad ah), waxaanu la wareegaynaa afar dekadood oo Somalidu leedahay (si ay saldhig ugu noqdaan ciidamada badda ee Itoobiya), waxaanu Somalia iyo Itoobiya isku noqonayaan hal dal. Waxaa kale oo uu yidhi: “Somalia, Itoobiya iyo Eratariya waxay yeelandoonaan hal madaxweyne.” Waxaa markaas cad in dad la yidhaahdo Somali iyo dal la yidhaahdo Somalia ay meesha ka baxayaan. Somalidu (mid xor ah iyo mid lahaystaba) waa inay badbaadisaa oo difaacdaa sharafta jinsigeeda, diinteeda, dhulkeeda, badaheeda iyo cirkeeda Eebbe ku manaystay Kownkan ilaa Maalinta Qiyaamaha. Somalidu waa inay ogtahay cadowga jiritaankeeda isla markaana iska saartaa ciidamada, qaxootiyada iyo basaasiinta ka yimid dalalka deriska la ah Somalia siiba Itoobiya iyo Kenya. Gabyaa hore oo Somaliyeed ayaa yidhi: “Ninkaad dili, ninkaad dagi, ninkaad dabin uqoolaasid, waa la isku kala daadiyaa yuusan ka didine.” Gabyaagii Faarax Nuur (Eebbe ha u naxariiste) waxaa uu isna yidhi: “Doqonbaa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane, Manaa mindiyo lay qarshaa, laygu qalidoono.” Waxaa muhiim ah in baarlamaanku baaba’sho dhammaan sheshiisyadii lala galay Itoobiya laga bilaabo dawladii Cabdullaahi Yusuf Ahmed si loo burburiyo dhammaan shirqooladii soo taxnaa muddo ee Itoobiya. Haddii Somalidu rabto inay ka adkaato cadawgeeda oo burburiso shirqoolada loo maleegayo waa in Diinta Islaamku iyo wadaninimadu ka sarraysaa qabyaalada maanta halista ku haysa jiritaankeeda. Siyaasiyiinta, culimada, madaxda dhaqanka, indheergaradka, saxaafadda madaxbanaan, baraha bulshada iyo ururada bulshadu waa inay ka doodaan kana hadlaan halistan ku cusub geyiga Somaliyeed si looga hortago loogana badbaadsho dalka, dadka iyo badda dhaxal-wareeg loona fashiliyo riyada guunka ah ee jirta 500 ee sano. Damaca cadaaweed ee Itoobiya ka sokow, waxaa samanadan ku dhiirigelinayay Itoobiya inay qabsato Somalia dalal aynu isku Diin nahay iyo kuwo aan kala diin nahay si gacanta loogu dhigo shidaalka weyn ee ku jira dhulka Somalida. Waxay Sirdoonka Sacuudigu hore u sheegeen una soo jeediyeen in Itoobiya la wareegto Somalia mustaqbalka sida uu madaxii hore ee sirdoonka Sacuudiga, Anwar Al-Cishqi, ka sheegay goob fagaare ah. Markaas, Ujeedadu Midnimo Maaha ee Waa Qabsasho. Waa in si weyn looga hortagaa oo loo fashiliyaa shirqoolka halista ah ee huwan midnimo been ah. Marnaba maaha waxaa dhicikara midnimo dhexmarta Somalia iyo Itoobiya waayo taariikhda dheer ee cadaawadda ku dhisan ayaa diidaysa. Wadaninimo iyo wadajir ayaa looga adkaankaraa cadowkasta oo xoog leh. Dhul la’aan waa jiritaan la’aan. Ibrahim Hassan Gagale November 2018 Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani ma aha qaar ay shabakadu leedahay ee waa aragtida iyo mid ka mid ah fikradaha akhristayaasha Qaran News
-
CLICK HERE TO READ MORE Qaran News
-
CLICK HERE TO READ MORE Qaran News
-
Buuraha dhaadheer anigoo kolba mid dusha uga baxaaya, ayaa markii danbe . cagtii ila siibatay oo aan buurtii dhinaca kale uga dhacay. Waxaan dusha kaga dhacay Cariish, oo dhaawac badani ima soo gaadhin . Waxaan arkay dad badan oo isdaba lugaynaaya oo aad moo did in ay INDHO LA,YIHIIN , sida ay isu daba socdan. Waan la hadlay, laakiin iimay jawabin , ismanay taagin. Kadibna waxaan weydiiyey in ay i arkayaan iyo in kale iyo in ay indho la’ yihiin ? Waxay i waydiiyeen : waxay indhuhu yihiin ? iyo waxa ay tahay indho la@aantu ? iyo waa maxay aragu ? iyo waa maxay waxyaabahan uu ka hadlayaa ee aanay weligood maqlin ? Waxa uu su.aalay : miyaanay Buurahaa dhaadheer iyo Cirkan iyo Dhirtan iyo Dhulkan aanay arkayn Waxay su:aal dib ugu celiyeen isagii iyo waxa uu sheegayaa ee uu ka hadlayaa . waxa ay yihiin ? Waxa uu ka ogaaday in ay weligood sidan ahaayeen oo sidan ku dhasheen iyaga iyo Waalidkoodba iyo Awoowooyinkoodba . oo Cudurkan uu sheegaayo aanay weligood maqlin. ( Dadkanu muddoo 11 oday laga joogo , sidan ayey ahaayeen oo isku dhaleen , markii uu cudur indhaha ka dhacay , ee ay indho beeleen , oo ay muddo Boqolaal sano ah ay sidan ahaayeen ). Kadib waxay u sheegeen , haddii uu doonaayo in uu la noolaado , in uu CUDURKAN indhaha la yidhiihdo iyo ARAGA in uu iska daweeyo ,oo la mid noqdo . Haddii kale uu aanu la noolaan karayn , oo aanu ka mid noqon doonin oo ay weliba diyaar u yihiin in ay ka daweeyaan Cuduradan uu qabo ee uu sheegaayo ee isaga ku kooban . Haddii kale , uu ka dhex baxo oo meeshii uu ka yimi ku noqdo. Talo ayaa la soo gudbanaatay iyo in uu kala doorto In indhaha laga tuuro oo laga soo saaro , oo cudurkan aragtida la yidhaahdo laga daweeyo oo uu sidooda oo kale noqdo. iyo in uu iskaga tago , oo uu meeshii uu ka yimi ku noqdo. Hadaba dhawaan waxaan soo booqday , Tuulo dadkeedu ay wada INDH LA’ YIIN , oo igu yidhi Haddii aad doonayso in aad nala noolaato , oo ad naga mid noqoto ( waa inaanu kaa daweynaa cudurkan aad qabto ee la yidhaahdo ARAGA iyo INDHAHA oo aanu kaa soo saarnaa oo aad sidayada noqotaa . Haddii kal aad naga tagtaa. Waxaan markaa doortay in aanan la noolaan oo aana ka mid noqon , oo aan indhaheyga iyo aragayna aan heystaa. Hadaba bal , maxaad fahantay Cali Maxamed Biixi caliwwelli@hotmail.co.uk Qaran News
-
President Mohamed Abdullahi Farmajo and Prime Minister Giuseppe Conte’s discussions largely focused on advancing strong bilateral relations built on historical ties, mutual respect, common economic aspirations and deep bonds of friendship between Somalia and Italy. President Farmajo touched on Somalia’s progress on security, economic reform and Somalia’s role in advancing integration of the Horn of Africa as part of his administration’s foreign policy. The President acknowledged the Italian Prime Minister on his government’s continued bilateral and multilateral support of Somalia’s development. President Farmajo encouraged the Italian government to embolden its private sector and businesses to invest in the diverse opportunities in Somalia. “Somalia and Italy share historical ties dating back to many years of economic cooperation and partnerships at different levels, and it is this shared history that binds both our countries together in the pursuit of strengthening our already existing relations for the progress and prosperity of our two friendly nations.” Prime Minister Conte assured H.E President Farmajo Italy’s commitment and support, and to stand by Somalia on its journey towards recovery and development. The leaders agreed to work towards cooperation in strengthening the relations between Somalia and Italy, and pursue win-win partnership strategies in all areas of mutual interests.
-
The government of Ethiopia had recalled its more than 90 long serving diplomats. The diplomats, who are expected to report to the Ministry of Foreign Affairs within two months, served from 4-25 years in Ethiopian embassies and consulates. Moreover, 130 diplomats were assigned in Ethiopian embassies after receiving the necessary training, said Spokesperson Office of the Ministry of Foreign Affairs. The Office further said reassignment of diplomats will be carried out in all embassies and consulates so as to strengthen professionalism. Source Fanabc Qaran News