-
Content Count
206,547 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The government plans to increase security in Ijara constituency due to its proximity to Boni Forest where al Shabaab militants have been hiding. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa xariga taliyaha Taliyaha Hoggaanka caafimaadka NISA, oo ay ciidamada hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ay habeenkii sabtida kala baxeen gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal ayaa la xiray kadib markii sabtidii uu gaarigiisa ku qarxay bannaanka hore guri uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho, isaga oo ka badbaaday qaraxaasi. Ilo-wareedyo lagu kaslsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xariga Gacal uu qeyb ka yahay khilaafka xooggan ee ka dhex jira hay’adda iyo tuhunka ku saabsan in xubno badan oo Shabaab ah ay ku dhex jiraan hay’adda, sida uu horey u sheegay taliye ku xigeenkii NISA Jeneral Cabdalla Cabdalla.. Gacal ayaa dhowr toddobaad un ka hor lasii daayey markii sidan oo kale loo xiray, isaga oo aan wax eedeyn ah loo jeedin, waxaana wararka qaar sheegayaan inuu hayey xog badan oo ku saabsan xubnaha Shabaab ee NISA ay xirto iyo sida fudud ee durba lagu sii daayo, iyo sidoo kale xubnaha ku dhex jira hay’adda. Xarigiisa ayaa dad ku dhow rumeysan yahay inuu ku lug leeyahay xogta badan ee uu hayo. “Gacal waxaa la isku dayey in la aamusiyo, kadib markii la qarxiyey baabuurkiisa, markii uu ka bad-baadayna waa la xiray si uusan cidna ula hadal” ayuu yiri qof ku dhow oo codsaday inaan la magacaabin Dad isaga ku dhow ayaa sidoo kale sheegay in qaraxiisa laga yaabo inay Shabaabka fuliyeen ayaga oo xog ka helaya xubno ku dhex jira hay’adda. Ehlada Gacal ayaa sheegay in qaabka loo xiray aan ahayn mid uu mudnaa, islamarkaana loo diidey ehelkiisa iney ogaadaan halka la geeyey. Laamaha ammaanka weli kama aanay hadal xarigga Dr. Gacal iyo sababaha ka dambeeya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dawladda boqortooyada Sucuudiga ayaa la sheegay inay doonayso inay xidhiidh dhow oo cusub la yeelato Somaliland. Wargeyska Geeska Afrika ee Hargeysa ayaa qoray in dawladda Sucuudigu go’aansatay inay Somaliland ka taageerto laba dhinac oo kala ah arrimaha horumarka iyo arrimaha ammaanka. Waxaa xidhiidhka uu Sucuudigu doonayo inuu la bilaabo dawladda Somaliland uu qayb ka yahay loolanka u dhexeeya dawladaha Khaliijka, waxaanu Sucuudigu doonayaa inuu saamayn ku yeesho gobalka Geeska Afrika. Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa hore xidhiidh ula bilowday Somaliland, waxaana lagu wareejiyay dekedda Berbera, iyadoo ay UAE saldhig milatarina ka samaysatay magaalada istaraatajiga ah ee Berbera. Indhaha cusub ee Sucuudigu ku soo eegayo Somaliland, ayaa soo baxay markii ay dhawaan dawladda boqortooyada Sucuudigu ku soo dartay liiska Xujaajta uu Boqorka dalkaasi martiqaado Madaxweyne-xigeenka Somaliland oo halkaas kula kulmay madax ka tirsan dawladda Sucuudiga oo u badnaa kuwa ammaanka iyo kuwa arrimaha horumarka iyo mucaawinooyinka. Martiqaadka ayaa la soo mariyay safaaradda Sucuudigu ku leeyahay dalka Djibouti. Wararka waxay sheegayaan in saraakiil amni oo dawladda Sucuudiga ka tirsan iyo kuwa dhinaca mucaawinooyinka ahi ay madaxweyne-xigeenka iyo siyaasiyiin kale oo reer Somaliland ah kulamo xog urursi ah la yeesheen, waxaanay u sheegeen weftiga Somaliland inay doonayaan inay xidhiidh aan siyaasad ku salaysnayn oo ku saabsan arrimaha horumarka iyo ammaanka la yeeshaan Somaliland. Laakiin lama hubo in weftiga madaxweyne-xigeenku madaxda Sucuudiga u bandhigeen qorsheyaal ay sii diyaarsadeen oo ay Somaliland doonayso in Sucuudigu wax kala qabto. Sucuudiga ayaa la sheegay inuu doonayo inuu wefti u soo diro magaalada Hargeysa, waxaana soo baxaya warar aan la xaqiijin oo sheegaya inay Hargeysa soo gaadheen wefti hor dhac ah oo ay la socdaan xubno asal ahaan reer Somaliland ah oo haysta dhalashada dalka Sucuudiga. Dawladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa doonaya inay dalka Qatar ka xidhaan inuu saamayn ku yeesho gobalka Geeska Afrika, waxaanay dhawaan heshiisyo taariikhi ah dhex dhigeen dalalka Itoobiya iyo Ereteriya, sidoo kalena dalalka Ereteriya iyo Djibouti ayaa iyaguna bilaabay inay ka heshiiyaan dagaal iyo colaad toban sanno taagnayd. Laakiin dalka Qatar ayaa ilaa hadda wuxuu xidhiidh la leeyahay dawladda Soomaaliya oo iyadu diiday inay xidhiidhka u jarto Qatar. Sucuudiga ayaa markaas Soomaaliya ka joojiyay mashaariic horumarineed oo uu hore u balan qaaday inuu ka fulinayo dalka Soomaaliya. Si kastaba ha ahaate, dadka diblomaasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah aqoonta u leh ayaa isha ku haya bal sida ay Somaliland uga faa’iidaysan doonto indhaha ay dawladda boqortooyada Sucuudigu ku soo jeedisay oo noqonaysa dawladii labaad ee dalalka Khaliijka ah ee xiisaynaysa xidhiidh ay la yeelato Jamhuuriyada Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa sheegay sababta keentay in ay ilaa iyo hadda u kulmi la’yihiin madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, xilli ay warar kala duwan kasoo baxayaan. Abiy Ahmed ayaa talada Itoobiya haya muddo ka badan shan bilood, hase ahaatee, wali lama kulmin madaxweynaha Somaliland, ayada oo la sheegay in maamulka Haregsya uu dadaal xooggan ku bixinayo sidii kulanka uu u qabsoomi lahaa. Dhaqankii hore ee Itoobiya ayaa ahaa mid sababa haddii Somaliland is bedel ka dhaco ama Itoobiya in ay kulmaan hoggaanka labada maamul oo waliba si meeqaam buuxa leh loo soo dhaweeyo madaxda Somaliland. Hase ahaatee, Sacad Cali Shire oo warbaahinta uga jawaabayey su’aashaas ayaa sheegay in aysan qasab ahayn kulanka labada hoggaamiye balse Aibiy Ahmed mar uun la kulmi doono Musse Biixi. Abiy Ahmed ma jirto dal bariga Africa ka tirsan oo uusan booqan, isaga oo wada tagay, Djibouri, Somalia, Kenya, Sudan iyo waliba Eritrea oo uu dib u soo celiyey xiriirkoodii diblomaasiyadeed oo hakad ku jiray 20 sano, wuxuuna la kulmay dhammaan hogaamiyayaasha. “Abiy Ahmed lama kulmin dhammaan hogaamiyayaasha gobolka hal maalin, midba wuxuu la kulmay maalin, marka waa ay iman doonta maalin uu la kulmo madaxweyne Biixi” ayuu yiri Sacad Cali Shire. Xiriirka soo wanaagsanaaday ee dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa la rumeysan yahay inuu sababay in xukuumadda Addis-Ababa ay yareyso la macaamilkeeda hogaamiyayaasha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Korneel Buulle Maxamed Ibraahim oo ka mid ah saraakiisha xoogga dalka ee gobollada Jubbooyinka ayaa ka hadlay howlgal Al-shabaab looga diley 18 ka mid ah Al-shabaab kaasi oo laba maalin ka hor ka dhacay gobolka Jubbada Hoose. Korneel Buulle ayaa meesha ka saaray sheegashada Mareykanka ee ah inay howlgalkaas fuliyeen, waxaana uu sheegay in howlgalkaan ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, islamarkaana ay sidoo kale soo qabsadeen hub badan. Waxa uu tilmaamay Korneelka in Maraykanka ciidankiisu aanay howlgalkaasi ka qeybgelin, balse ay si kore ula socdeen waa sida uu hadalka u dhigaye. Si kastaba, Mareykanka ayaa sheegtay in howlgalkaas ay ciidankooda wax ka fuliyeen. “Howlgalkii Jubbada Hoose kaligeen ayaan fulinney, ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee Soomaaliyeed, Maraykana kaalin weyn kuma lahayn weerarkaan balse kor ayeey kala socdeen, waana ku guuleysannay” ayuu yiri Korneelka. AFRICOM ayaa sheegtay in weerar ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ku dileen 18 ka mid ah Al-shabaab. Caasimada Online Xafiiska New York Caasimada@live.com
-
New York (Caasimada Online) – Qareenka gaarka ah ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Rudy Giuliani ayaa sheegay sabtidii in cunaqabateynta uu Mareykanka saaray Iran ay sababi doonto xanuun dhaqaale oo horseedi doona ‘Kacdoon guuleysta”, oo lagu afgambin doono dowladd Iran “Ma aqaan goorta aan afgambin doonno iyaga,” waxaa sidaas yiri Giuliani, isaga oo ka hadlaya shir ay lahaayeen ururo kacdoon oo ka mid ah jaaliyadda Iran ee Mareykanka, kuwaas oo ka soo horjeeda dowladda Tehran. “Waxa ay noqon kartaa dhawr maalmood, bilo, dhawr sano. Laakiin wey dhici doontaa,”ayuu Giuliani u sheegay dad isugu soo baxay Hotel-ka ku yaal Times Square ee magaalada New York. Hadallada Giuliani waxa ay cagsi ku ahaayeen siyaasadda maamulka Trump ee aan dooneyn is bedel ku yimaada dowladda walow ay cunaqabateyn curyaamiyey dhaqaalaha Iran ku soo rogeen. La taliyaha Trump ee ammaanka qaranka John Bolton waxa uu horey ugu sheegay Reuters bishii Agoosto in is bedel ku yimaadda dowladda Iran aysan ahayn siyaasadda Mareykanka. Waxa uu sheegay in maamulku doonayo isbedello waa weyn oo laga sameeyo hab-dhaqanka maamulka xukunka haya. Sidoo kale, wasaaradda arrimaha dibedda dowladda Mareynkan waxa ay sheegtay in Giuliani uusan u hadlin maamulka Iran. Giuliani waxa uu sidoo kale hadda kahor sheegay in cunaqabateynta dib loogu soo rogay Iran lagu doonayo in naqaska lagu celiyo Ayotullah, mar uu la hadlayey bishii Juunyo gudigga qaran ee iska caabinta Iran kuwaas oo fadhigoodu yahay Paris. Trump waxa uu dib uga gurtay heshiiskii Iran ee barnaamijka Nukliyeerka, halka maamulkiisa uu dib ugu soo rogay cunaqabateynta Jamhuuriyadda Islaamiga ah oo ay ka mid tahay shidaalka ay u dhoofiyaan dibedda. Cunaqabateynta maamulka Trump ujeedada laga leeyahay kaliya ma ah in la is hortaago barnaamijka Nukliyeerka Iran balse waxaa ka mid ah in ay joojiso maaleeshiyaadka Bariga Dhexe ee ay gacanta siiso. Caasimada Online Xafiiska New York Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Boqorka Saudi Arabia Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud, dadaal dheer u galay sida cunaqabateynta looga dul qaadi lahaa dowlada Eriterea oo iminka mar kale kasoo muuqatay loolanka Siyaasada Africa. Boqor Salman bin Abdulaziz oo siyaasad ahaan ay xiligaani aad isugu dhow yihiin Madaxweynaha Eriterea Isaias Afeworki ayaa durba Madaxweynaha Mareykanka Trump kala hadlay sida cadaadiska looga qafiifin lahaa Eriterea. Boqor Salman bin Abdulaziz, ayaa Trump u sheegay in Eriterea aysan ku lug laheyn waxyaabaha tuhunka dhaliyay sidaa aawgeedna Mareykanka laga doonaayo in dib u eegis uu ku sameeyo arrinta Eriterea. Qaar kamid ah Wargeysyada sida aadka ah uga faalooda arrimaha Africa ee kasoo baxa dalka Saudi Arabia ayaa qoray in Boqorka uu Mareykanka ka dhaadhicinato in Eriterea laga qaado cunaqabateynta naafeysay, iyadoo tusaale loo soo qaadanayo kaalinta ay iminka ka qaadaneyso isbedelada Africa. Waxa ay qoreen in Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud uu sidoo kale ka shaqeynayo sida lagu kulansiin lahaa Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Eriterea oo waxaana xusid mudan in kaalin aan muuqan ay isu geynta labada Madaxweyne ka qaadaneyso Israel oo beesaska ugu weyn Africa ku leh Eriterea. Dowlada Sacuudiga ayaa dhawaan bilad dahaba gudoonsiisay Madaxweynaha Eriterea Isaias Afeworki, taa oo banaanka soo dhigeysa sida ay u wada shaqeynayaan labada dal. Sidoo kale, Boqorka Saudi Arabia ayaa kulankii ugu danbeeyay ee uu la qaatay Afwerki ka sheegay in Sacuudiga uu ka shaqeynaayo sida cunaqabateynta iyo cadaadiska looga dulqaadi lahaa Eriterea. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Sacuudiga ayaa Siyaasada qaarada Madow ee Africa u adeegsaneysa dowladaha Eriterea iyo Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda International Crisis Group (ICG ) ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadleyso dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee Wadamada Kenya iyo Uganda. Warbixintaan ayaa waxaa lagu soo aadiyey Shan sano kadib markii uu dhacay weerarkii Khasaaraha badan geystay ee Westgate ee magaalada Nairobi. Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay ilaa 67 qof iyadoo ay Al-Shabaab heyteen xarunta ilaa Afar maalmood. Weerarkaas ayaa muujiyey awoodda ay Al-Shabaab u leedahay inay weeraro ka geysato meelo ka baxsan Soomaaliya isla markaasna ay la wareegto xarun weyn oo ganacsi. ICG ayaa warbixinteeda xoogga ku saartay sida ay tahay khatarta Al-Shabaab ee Gobolka Afrikada Bari iyo waxyaabaha iska badalay dhanka Amniga . ” Waxaa cirka isku shareertay carada Muslimiinta kadib weerarkii lagu xasuuqay dad badan ee aan loo aabo yeelin waxayna taas keentay inay Muslimiinta qortaan dad cusub” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday ICG. Hey’adda ayaa sheegtay in wixii ka dambeeyey 2015 ay isbadal weyn sameeyeen maamulayaasha wadamadaas is wax looga qabto Khatar Al-Shabaab. Cabdullaahi Cabdulle Shaahow oo ka tirsan Hey’adda ICG lana hadlay Idaacadda BBC qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in hoos u dhaca saameynta ay Al-Shabaab ku leedahay Wadamada Kenya iyo Ugandha ay sabab u tahay dadweynaha oo laga qeybgeliyey howgalada looga hortagayo Al-Shabaab. Hey’adda ayaa xustay inay Al-Shabaab u wareegsadeyn Wadanka Tanzania halkaas oo ay ku sugan tahay koox kale oo Argagixiso kadib qorshahaan cusub oo ka hirgalay Wadamada Kenya iyo Uganda. Hey’adda ayaa intaas kusii dartay in taas aysan ka dhigneyn inay dhamaatay khatarta Al-Shabaab ee Kenya loona baahan yahay in lasii dardargeliyo qorshahaan cusub oo ay adeegsanayaan Sidaasoo ay tahay Al Shabaab waxay weli sii wadeen weerarradii ay ka gaysanayeen Gudaha Kenya. Warbixintu waxay hoosta ka xarriiqday tallaabooyin ay maamulayaasha Kenya iyo Uganda adeegsadeen oo aan mirodhal noqon, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen xarig aan kala sooc lahayn iyo tacaddiyo ay boolisku u gaysteen dadka muslimiinta ah. Ugu dambeyn Hey’adda ayaa xustay in Soomaalida laga qayb galiyey amniga, sidoo kalena dadka dega gobolka xeebta lagu warejiyey sugidda amnigooda” ayuu yiri C/laahi Shaahow.
-
NAIROBI - Leaders from Northeastern have been urged to educate residents on the need to form groups to be eligible for government grants. Youth Chief Administrative Secretary Rachel Shebesh said grants..... Source: Hiiraan Online
-
Tehran (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibada ee Iran Mohammad Javad Zarif ayaa sheegay in Iran ay jawaab deg deg ah, oo cawaaqib leh ka bixin doonto, iyada oo difaaceysa dadkeeda kaddib markii weerar argagixiso ay shalay ku dhinteen ugu yaraan 29 qof, Koonfurta Iran. “Argagixiso ay qorten, tababareen oo ay lacag siiyaan dowlado shisheeye ayaa weerary Ahvaz. Carruur ayaa ka mid ah dadka ay waxyeeladu soo gaadhay,” ayuu yiri Zarif oo Tweeter-ka qoraal soo dhigay. Terrorists recruited, trained, armed & paid by a foreign regime have attacked Ahvaz. Children and journos among casualties. Iran holds regional terror sponsors and their US masters accountable for such attacks. Iran will respond swiftly and decisively in defense of Iranian lives. pic.twitter.com/WG1J1wgVD9 — Javad Zarif (@JZarif) September 22, 2018 Iran waxa ay u haysataa mas’uuliyadda weerarkaas dalalka maalgaliya argagixsada iyo Mareykanka, waxaa sidaas yiri Zarif. Afhayeenka ciidamada kacaanka Islaamiga ah ee Iran, Ramezan Sharif ayaa sheegay in dadka weerarka fuliyey ay ku xiran yihiin koox argagixiso ah, oo Sacuudiga u taageero. Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhintay, ilaa 60 kalena waa ay ku dhaawacmeen rasaas ay dabley gadaal uga soo fureen waddada Qods Boulevard ee magaalada Ahvaz, xilli ay joogeen goob lagu xusayey xiliggii uu Sadam Xuseen soo weeraray Iran, sanadkii 1980. “Shaqsiyaad lagu soo qariyey ciidamada gaarka ah ee kacaanka Islamka iyo dharka Bajis ayaa mas’uuliyiinta iyo dadka ka soo rasaaseeyey goobtii ay taagnaayeen gadaasheeda iyaga oo dilay tiro dad dambi la’aan ah ama dhaawacay,” waxaa sidaas yiri Gholamreza Shariati oo ah Khuzestan. “Ilaa iyo hadda, shahiidiinta waxaa laga aqoonsaday saddex halka, 20 kale oo dhaawac ahna la geeyey cisbitaal, “ waxa uu sidaas u sheegay wakaaladda wararka Iran ee IRNA. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Wasiirkii Deegaanka iyo is bedelada Cimilada dowlad goboleedka Puntland Cali C/llaahi Warsame ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa, isagoo warqad istiqaalad ah u gudbiyay Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, wuxuuna shaaca ka qaaday xaaladda hoose ee maamulka Puntland ee dad badan aysan ka war-hayn. Is casilaada Wasiirka ayaa timid kaddib khilaaf in howlihii Wasaaraddiisa ay Madaxtooyada Puntland u weecisay hey’ad gaar ah. Cali Cabdulahi Warsame ayaa ku sheegey qoraalkiisa in maamulka Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Gaas lasoo gudboonaadeen Jahawareer siyasadeed, dhaqaale, amni daro iyo in haykalkii difaaca degaanada hoos yimaado uu bur burey. Wasiir Cabdulahi ayaa sheegey in wajibaadkii iyo shaqadii Wasarada degaanka lagu wareejiyey hay’ad Madaxweynaha si gaar ah u naas-nuujisa. Go’aanka is-casilaada Wasiirka ayaa yimid kadib markii maalmihii lasoo dhaafey hay’ada Tamarta iyo biyaha “PSAWEN” golaha wasiirada Puntland ku wareejiyeen in la hoos keeno barnaamijka biyo xireenada taasoo dhalisay muran iyo jahawareer ku yimaado mashruuc Dowlada Jarmalka ka hirgalineysay degaano laga dayactirayey wadadda isku xirta Tuuladda Jalam iyo Xarfo. Sidoo kale waxaa uu sheegay in burbur baaxad leh uu saameeyay hey’adihii dastuuriga ahaa, isagoo hey’ado gaar ah la hoos geeyay Xafiiska Madaxweynaha, isla markaana musuq maasuq baahsan uu hareeyay. “Kadib markii waajibaadkii iyo shaqadii ay Wasaaradda Deegaanka ” Isbedelka Cimiladu u haysay dalka iyo dadka lagu wareejiyey Hay’ad si gaar ah Madaxtooyada Puntland u naas-nuujiso, sidaasna loo sameeyey si mashaariicda dano shaqsiyeed iyo musuqmaasuq loogu dabaqo”ayuu yiri Cali C/llaahi Warsame oo iska casilay xilka Wasiirka Deegaanka. Halkaan hoose ka akhriso waraaqaha kasoo baxya Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay dhacdooyinka maalmahani ka dhacaayay magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhacdadii ka dhacday xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir. Waxa uu sheegay in dilalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magalada Muqdisho gaar ahaan dilkii Axmed dowlo oo la dilay kadibna la gubay uu ahaa mid aad u naxdin leh. Sheekh Shariif ayaa sheegay in dhaqanka noocaasi ee lagu dilay marxuum Axmed Dawlo islamarkaana lagu gubay uu ahaa mid ku cusub dalka oo niyad jabiyay Umadda Soomaaliyeed. Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dhacdadaasi ay aheyd mid xitaa dunida ay kala yaabtay Soomaalida waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan falalka nuucaas oo kale ah. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Dhacdooyin fara badan oo dalka ka dhacayay gaar ahaan dhimashooyin fara badan inaan uga tacsiyadeedyo ummadda Soomaliyeed iyo eheladooda dadka dhintay, Alle waxaan ka baryeynan nabad, waxaan rabaa inaan si gaar ah u dul istaago dhacdadii Towfiiq, dhaqankaas waa mid aad u xun, waan cambaareyneynaa waa fal aad u fool xun, ma jiro qof qof ka fiican ilaa cabsida Alle ma ahanee” “Guur in dad loo dilo waa arrin fool xun, ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waa in ay meel uga soo wada jeestaan arrintaas”. Ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Haddalka Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmaya xili maalmahaani magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen falal aad u fool-xun oo ay isu geysanayeen dadka reer Muqdisho sida falkii lagu gubay Axmed Dawlo iyo ninkii xaskiisa ku gawracay duleedka Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Two people have been killed and six others, including three police officers injured in multiple attacks in Somali capital Mogadishu. The attacks happened at the same area in the city’s biggest Bakara market after bomb explosives fitted into wheelbarrow exploded. The blast killed a person and injured two other people, a witness, who aske to be anonymous said. He says the wheelbarrow had been left unattended at Bakara crossroad, where is a parking lot for public transport vehicles. Bakara junction where is also busy with traders and breadwiners, who sell their daily wares. He said an hour before the bomb attack, unknown gunmen shot and killed a bus conductor at busy junction in the capital. The killers reportedly fled from the crime scene before the arrival of Somali security forces. Meanwhile, four other people, including three soldiers injured after grenade bomb was hurled into police checkpoint in the same area, a witness, tea-seller, Faisa Mohamed said. Mohamed says police soldiers opened gunfire to response to the bomb attack, causing untold number of casualties. “We all got scared over the bang of explosion and gun attacks, but we later knew police soldiers are attacked with grenade bomb”, she said. The Islamic State (IS) has claimed to have been responsible for the latest attacks in Somali capital Mogadishu. Somali capital has been hit by wave of killings and bombings which are often carried out by Al Qaeda linked Al Shabaab. The group also claimed the responsibility for Friday’s double bomb explosions, killing two people in Somali capital Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax culus oo maanta lala eegtay ciidamo ka tirsan Militeriga dowlada kaa oo ka dhacay wadada xeebta ee u dhexeysa magaalooyinka Marka iyo Muqdisho. Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa waxa uu qabsaday Gaari dagaal oo ay la socdeen ciidamo ka tirsanaa Militeriga xili uu si gaara u maraayay inta u dhexeysa degaanada Dhanaane iyo Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa waxaa ciidamada dowlada uga dhintay ilaa afar askari oo midi uu gadaal ka dhintay, halka Seddex kale ay ku dhaawacmeen Qaraxa. Ciidamada Qaraxa ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa xiliga Qaraxa dusha ka saarnaa gaariga dagaal oo xooli ku socday, waxaana sidaa ku dhacay Qaraxa. Gaariga ayaa gabi ahaan ku burburay Qaraxa waxaana lasoo sheegayaa in isla goobta looga dhaqaajiyay burburka gaariga. Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa kordhisay weerarada qaraxyada loo adeegsado ee ciidanka dowladda ay kula eegtaan degaanada ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii maalmihii la soo dhaafay sidan oo kale qaraxyo ula eegteen ciidanka dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) –Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay howlgal ka fuliyeen Duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,iyagoona gacanta ku dhigay deegaano ay Dagaalamayaasha Al-shabaab ku sugnaayeen. Howlgalkan ayaa waxa ay Ciidamada dowlada kula wareegeen deegaano hor leh oo Al-shabaab ay gacanta ku hayeen,waxaana kamid ah deegaanka Ceelka Bari ee ku yaalla Duleedka Magaalada Baladweyne gaar ahaan dhanka galbeed. Taliyaha Ciidanka Xasilinta Baladweyne ayaa sheegay in maanta Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ay howlgal ka fuliyeen Duleedka Baladweyne,isla markaana Ciidamada dagaalamayaasha Al- shabaab ay kala wareegeen ilaa iyo lix tuulo oo ay fariisin ku lahaayeen. Sidoo kale wuxuu sheegay Taliyaha in howlgalkan ay sameeyeen Ciidamada dowlada federaalka oo kaliya,aysan kala qeyb gaadan Ciidamada AMISOM. Dhanka kale Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku dagaalameen duleedka Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay. Dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoona khasaaro uu ka dhashay dagaalkaasi. Maxamed Ibraahim Nuur Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba oo la hadlay warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in dagaalkii ay la galeen Al-Shabaab ay gaarsiiyeen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ayy dagaalka ugu dileen 6 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab. Guddoomiyaha degmada Buurhakaba ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in hub ay ka furteen Al-Shabaab. Caasimada Onlin Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf], ayaa kasoo horjeestay shir uu dhawaan madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi ku baaqay inuu Muqisho ka dhacayo 24-ka bishaan lagu jiro ee September. Shirkan ayaa ahaa mid la doonayay in lagu dhex-dhexaadiyo madaxda Gal-mudug uu muran xooggan oo keenay inay xilalka iska qaadaan soo dhex-galay, balse Madaxweyne Xaaf oo la sheegay in xilka laga qaaday ayaa ku adkeysanaya inuusan jirin muran u dhexeeya madaxda Galmudug. “Ma jiro tan iyo wixii ka dambeeyay 18-kii bishaa khilaaf u dhexeeyay madaxda sare ee dowlad-goboleedka Galmudug,” ayuu yiri Xaaf oo intaas ku daray inaanay Galmudug u baahnayn in fara-gelin lagu sameeyo hawlaheeda. War-saxaafadeed kasoo baxay xarunta madaxtooyada Galmudug ayaa lagu xusay in shirka uu ku baaqay Farmaajo uu yahay mid lagu faragelinyo arrimaha u gaarka ah maamulka Galmudug, iyaguna aysan u dul-qaadan doonin. Ugu dambeyn, Magaalooyinka Dhuuso-mareeb iyo Cadaado oo ay Galmudug ku hawl-gasho ayaa waxaa toddobaadyadii lasoo dhaafay ka socday kulamo kala duwan oo xilalka looga qaaday qaar ka mid ah hoggaanka Galmudug. Haddaba, DHAGEYSO: War-saxaafadeedka laga soo saaray Madaxtooyada Galmudug; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/09/DHAGEYSO_Xaaf_Shirka_Farmaajo.mp3 PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Galmudug oo ka hor-jeestay Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka billaha ah ee isku xirka bahda caddaalada dalka oo looga hadlay dardar gelinta qorshaha horumarinta hannaanka caddaaladda dalka, fulinta go’aannada maxkamadaha, la dagaallanka Dekumintiyada been-abuurka ah iyo qorshaha dib-u-habeynta arrimaha dhulka. Kulanka oo ahaa shirkii labaad ayaa ugu horayn waxaa looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomay go’aannadii lagu gaaray shirkii ugu horreeyay ee bishii hore lagu qabtay Muqdisho. Shirka oo ay ka soo qeyb galeen madaxda hay’adaha garsoorka, taliska booliiska, wasiirrada amniga gudaha iyo caddaaladda, maamulka gobalka Banaadir iyo hanti-dhowraha qaranka ayaa looga dooday muhiimmadda ay caddaaladu u leedahay xasilinta dalka iyo soo celinta kalsoonida shacabka. Ra’iisul Wasaraaha ayaa bahda garsoorka iyo hay’adaha fulinta kula dardaarmay in ay si dhow uga wada shaqeeyaan hubinta iyo fulinta go’aannada maxkamadaha si bulshadu u hesho caddaalad dheelli tiran oo laga ilaaliyay laalaab iyo musuq-maasuq. “Looma dul-qaadan karo in mawaadin Soomaaliyeed uu garsoorka dulmane u noqdo, waa in aan bedelno dhaqankii hore. Waa in si dhab ah loo wada shaqeeyo dhinac walibana sida ugu habboon uga soo dhalaalo mas’uuliyadda iyo waajibaadka ka saaran taabba gelinta nidaam-caddaaladeed Soomaalida oo dhan dan u ah”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay ayaa isla gartay in dhinacyada dhan ay iska kaashadaan si adeegga garsoorka loo gaarsiiyo heer muwaadin kasta ee Soomaaliyeed uu isku halayn karo loona helo hannaan caddaaladeed hufan oo daah furan Ugu dambeyn, Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay wax ka qabashada dekumintiyada been-abuurka ah ee bulshada dhibaatada xooggan ku haya iyo dardargelinta qorshaha xallinta khilaafaadka dhulalka. PUNTLAND POST The post Shir la Xiriira Garsoorka Fulinta Go’aannada Maxkamadaha oo lagu Qabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Kadib markii uu saaka is casilay Wasiirkii deegaanka iyo isbadalka cimilada Puntland Cali Cabdullaahi Warsame ayaa saacado kadib xilkaas loo magacaabay Wasiir cusub. Digreeto maanta ka soo baxday madaxtooyada Puntland ayaa Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye loogu magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimilada Puntland. Wasiirka cusub ee deegaanka iyo isbadalka cimilada Puntland Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye ayaa mar kamid noqday golaha deegaanka Gaalkacyo, sidoo kalana soo noqday maareeyaha shirkadda Golis ee Gaalkacyo. Hoos ka akhriso digreetada Xeer Madaxweyne Lr.131 Sep 22, 2018, kuna saabsan magacaabid Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadlka Cimilada. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo Markuu la Tashaday: Madxaweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Wuxuu Xeeriyey: 1.Waxaa Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada 2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu. -DHAMMAAD- PUNTLAND POST The post Puntland: Wasiir cusub oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa dhawr asbuuc kala maqan oo xiriirka isku jaray Madaxda Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya iyo Dowladda Dhexe kadib go’aan xasaasi ahaa oo kasoo baxay shir muddo 4 Maalin ah ka socday Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Maamulka Jubbalanad. Maamul Goboleedyada ayaa ku heshiiyey in la joojiyo wadashaqeyntii kala dhaxeysay Dowladda Dhexe kadib markii lagu eedeeyey inay faragelin ku heyso arrimaha Doorashooyinka iyo inay Dowladda Dhexe fulin weysay heshiisyo horey loo galay. Go’aankaas kadib, Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda Maamul Goboleedyada isugu yeeray kulan la rabay inuu dhaco Asbuucii hore balse nasiib xummo waxaa shirkaas qaadacay madaxda Maamul Goboleedyada oo miiska soo saaray shuruudo adag oo aysan Dowladda Dhexe diyaar u aheyn inay hadda fuliso. Markaas kadib dowladda Soomaaliya ayaa bilawday olole ay ku kala fureyso Madaxda Maamulada oo isbaheysi sameystay waxayna ku guuleysatay inay lasoo wareegto Maxamed Cabdi Waare oo ah madaxweynaha Hirshabelle kaasoo si cad u sheegay inuu la heshiiyey Dowladda Dhexe isla markaasna uu ballanta uga baxay Saaxiibadiisa. Go’aankaas kadib waxaa waraaq soo saaray Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada kuwaas oo si cad u sheegay inuusan go’aanka Waare waxba ka badali karin mowqifka Maamulada isla markaasna uu Waare u madax banaan yahay go’aan ka gaarista Hirshabelle. Dowladda Soomaaliya ayaa wixii markaas ka dambeeyey dadaal dheer ku bixineyso sidii ay usoo gacan gelin laheyd Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf kaasoo loo arko inuu yahay ninka xiga ee lagala soo wareegi karo Maamul Goboleedyada. Sida ay wararka hordhaca ah sheegayaan Madaxweyne Xaaf ayaa ilaa hadda ka biyo diidan wadahadalka Dowladda maadaama uu culeys weyn kala kulmayo Saaxiibadiisa Gaas, Shariif iyo Axmed Madoobe oo u sheegay inay yihiin kuwii ku gacan siiyey inuu ku guuleysto dagaalkii hore ee siyaasadeed oo ay kusoo qaaday Dowladdii Dhexe. Villa Somalia ayaa laga soo diray waraaq uu Farmaajo casuumaad ugu sameeyey Madaxda Galmudug ee is khilaafsan waxaana muuqdo in casuumaadaan ay qeyb weyn ka tahay sidii Xaaf loosoo gacan gelin lahaa. Madaxweyne Xaaf ayaana waraaqdaas uga soo jawaabay si adag isagoo sheegay inaysan xalka Galmudug ku jirin shir lagu qabto Muqdisho balse ay u baahan tahay in faragelinta laga dhaafo. Dowladda Soomaaliya weli ma aysan isku dayin inay wadahadal la furtmo Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland kuwaas oo loo arko in badalkooda ka heli doonto marka ay dhacdo Doorashooyinka is xig xiga ee Maamuladaas ka dhici doono. Madaxweynayaasha Gaas, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ayaa Dowladda ka sugayo go’aan iyo damaanad qaad ah inay Dowladda Dhexe garab ku siin doonto Doorashooyinka soo socdo iyo sidii ay iyaga ugu soo bixi lahaayeen, balse qorshaha dowladda ayaa ah mid kaas ka duwan waxayna seddexdaan u aragtaa inay yihiin Caqabadda ay dowladda ka shaqeyn la’dahay. Wixii warar ah ee kusoo kordha waa idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah. Caasimada Onlin Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com